-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada booliska Soomaaliya ayaa u yeeray taliyaha qeybta booliska gobalka Hiiraan ee maamulka HirShabelle Korneyl Cali Dhuux Cabdi Mahadalle kadib markii ay is hortaageen banaanbax lagu taageeri lahaa madaxweynaha Soomaaliya. Saraakiishaan ayaa qeyb ka ah ciidamada hoos yimaada HirShabelle waxayna muddo saddex maalmood ah ay baajiyeen banaanbax lagu taageerayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Booliska HirShabelle ayaa sheegay in banaanbaxaas ay u joojiyeen sababo amni iyo in aan lagu soo wargelin, waxaana ka dhashay dooda badan iyadoo taasi sababtay in la keeno Muqdisho lana xiro, sida aan xogta ku helnay. Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in xarunta CID ee magaalada Muqdisho lagu xiray saraakiishaan halka warar kalane ay sheegayaan in lagu reesteeyay ama lagu xanibay xarunta taliska booliska Soomaaliya. Saraakiil ka tirsan HirShabelle ayaa noo xaqiijiyay in saraakiishaan shalay diyaarad gaar ah looga soo qaaday magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, lana keenay Muqdisho. Wasiir kuxigeenka Amniga Dowlad Goboleedka Hir-Shabelele Xildhiban Geelle Isaaq Warsame ayaa 12-kii bishan ku dhawaaqay in inuu iska casilay xilkii Wasiir ku-xigeenka Amniga maamulkaas. Shir jaraa’id uu Warbaahinta ugu qabtay Beledweyne ayuu ku sheegay inay timid kadib markii Taliyaha Booliiska Gobolka uu joojiyey banaabax lagu taageerayey Farmaajo oo uu Wasiir ku-xigeenka qeyb ka ahaa.
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa qoraal ay soosaartay ku sheegtay in madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe u aqoonsatay mid KMG ah. Halkan Ka Aqriso Qoraalkii Ay Dowladdu Ku Aqbashay Doorashadii Jubaland Dowladda Federaalka oo Aqoonsatay Madaxweynaha Jubbaland Halkan Ka Daawo Sharaxaad Dheeri Oo Ku Saabsan Arimaha Doorashadii Ka Dhacday https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/Whats.mp4 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in 27 bukaan ay ka bodsadeen cudurka covid-19 markii lala tacaalay ,taasi oo tirada guud ee dadka ka bogsooday cudurkaan ka dhigeysa 649 ruux. Sidoo kale wasaaraddu waxa ay sheegtay inay diwaan galisay la diwaan galiyay 16 kiis ee cusub oo cudurka Karoona waxaana deegaanada Soomaaliland laga helay 5 ruux halka 1 qof laga helay deegaanada koofur galbeed, buukaanada 16 bukaan ayaa la sheegay in 15 ay rag halka kan kalene uu yahay haween. Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in hoos udhac uu ku yimid faafitaanka cudurkaan hase ahaatee wali bulshada looga baahanyahay inay muujitaan taxadir dheeraad ah. Guud ahaan tirada dadka uu soo ritay covid-19 dalka waxaa ay gaartay 2,658 waxaana u geeriyooday 88 halka sidoo kale ay ka bogsadeen 649 qof. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka hadlay dil maanta askari la sheegay inuu ka tirsanaa dowladda qof shacab ah ugu geystay degmada Xamar-jajab ee gobolka Banaadir. Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax oo ka hadlay dilkaas ayaa waxaa uu sheegay in xiliga uu falku dhacay uu kusoo aaday goobta, isagoona xusay in Ciidankiisa ay qabteen Askariga. “Waxaan anigoo marayay wadada ceelgaabta ee aada Madaxtooyada dhanka degmada Xamarjajab ku soo aadnay xili fal dil ah uu geystay askari katirsan booliiska kaas oo qof shacab ah ku dilay agagaarka ceelgaabta” ayuu yiqi Tuulax. Marxuumka maanta la dilay ayaa miis yar waxaa uu ku lahaa aaggaas isaga oo iibin jiray bagaash uu ku jiro sigaarka, kaas muran ka dhashay uu askariga xabadda ugu dhuftay sida ay sheegeen dadkii goobjooga ahaa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
China’s growing presence in Djibouti has thrust unprecedented attention upon the little-known African port nation and made it a touchstone in the debate over Beijing’s expanding global aims. In 2017, the People’s Liberation Army (PLA) opened its first-ever overseas military base there, at the mouth of the Red Sea, breaking a long-established policy against basing Chinese troops abroad. The new PLA Navy facility overlooks not only a major strategic chokepoint and one of the world’s most heavily-trafficked shipping lanes, but also a major U.S. military base — just six miles away. Source: Hiiraan Online
-
(Nairobi) – Two United States airstrikes in Somalia in early 2020 killed seven civilians in apparent violation of the laws of war. US forces have not adequately investigated a February 2 strike killing one woman at her home, and a March 10 attack that killed five men and a child in a minibus. Source: Hiiraan Online
-
Ibraahim Geedoow Cawaale oo ah qoraa iyo falanqeeye ciyaaraha gudaha ayaa sheegay Wadanka Kenya laga helayo ciyaartooy iyo macallimiin tayo wanaagsan kuwaas oo door wacan ka qaadan kara Xulka Qaranka wuxuuuna madaxda Xiriirka u sheegay in halkaas loo diro wakiilo soo fiiriyo xidigahaas anfacaya Xulka. Halkan Ka Daawo Qeyb Ka Mid Waraysi Dhinac Skyp-ka Uu Falanqeeye Geedow Siiyay Goobjoog https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-keyna.mp4 Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowlada gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo Cabdi Casiis Xasan Maxamed ( Laftagareen) ayaa kulan looga hadlayay howlgallo ka dhan ah Al-shabaab ee gobalka Bakool, waxuu la qaatey Taliska guutada sagaalad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed. Genraal Muqtaar Maxmed Cabdulahi geesey taliyaha guutada sagaalad ee ciidanka xoogga dalka oo la hadlay radiomuqdisho ayaa sheegey in kulanka ay madaxweynaha la qaateen uu ahaa mid is xog wareysi ah. waxaana intaasi uu ku sii daray in madaxweynuhu uu aad u daneynayay,howlaha ciidamada isagoo si weyn noogu guubaabiyay sidiiloo qaadi lahaa howlgallo ka djhan ah Al-shabab ,waxaanu sidoo kale uu innoo ballan qaaday wax badan oo lagu horumarinayo guutada. Genaral Muqtaar Geesey ayaa sidoo kale Sheegey in madaxweynaha KG. Cabdicasiis xasan maxamed lafta-gareen ay isla soo qaadeen sidii loo soo dhameystirilahaa qorshayaasha horumarineed ee loogu talogalay dadka ku dhaqan deegaannada laga xoreeynayo. Ugu dambeyntii waxaa uu umahad celiyay taliyuhu qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobolka bakool,isagoo xusay iney yihiin shacab dulqaad badan’ misana ciidamada kala shaqeeya sidii guud ahaan degaannada KG loo gaarsiin lahaa dowladnimada . Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Midowga Yurub ayaa soo dhaweeyey wadahaladii Soomaaliya iyo Somaliland ee Djibouti ku dhexmaray 14-kii bishan June, waxa ayna ku tilmaameen in uu ahaa talaabo muhiim ah oo rajo gelinaysa shacbiga Soomaaliyeed iyo tan gobalka Geeska Africa-ba. Halkan Ka Daawo Muuqaal Soo Koobay Taageerada Midowga Yurub Ee Soomaaliya Iyo Somaliland https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-13.mp4 Source: goobjoog.com
-
Jabuuti (Caasimadda Online) – Wada-hadalladii u dhexeeyey ergooyinka Soomaaliya iyo Somaliland ayaa maanta mar kale la isugu yimid maalintii saddexaad, ayaga oo ka socda magaalada Jabuuti. Wada-hadallada ayaa waxa ay u socdaan guddiyo farsamo oo ka kooban 14 xubnood oo labada dhinac ah, waxaana goobjoog ka ah madaxda sare ee labada dhibac iyo dowladda Jabuuti. Sida ay xogta ku heshay Shabakadda Caasimadda Online, Wada-hadallada guddiyada u socdo ayaa waxay yihiin kuwa albaabada u xiran isla markaasna ay qeyb ka yihiin diblomaasiyiin kasoo jeedo dalka Mareykanka. Qodobada ugu muhiimsada oo ay labadaan guddi ka wada hadlayaan waxaa ka mid ah: 1) – Iskaashiga dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland 2) – Fududeynta is dhaafsiga Ganacsiga 3) – Sidii ay labada dhinac isaga kaashan lahaayeen amniga, gaar ahaan la-dagaalanka argagixisada. 4) – in la joojiyo dacaayadaha ay labada dhinac isku mariyaan saxaafadda, islamarkaana laga shaqeeyo xasilooni. 5) – in dib loogu noqdo heshiisyadii hore oo ay kala saxiixdeen dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, lana fuliyo kuwooda ugu muhiimsan. Qodobadan ayaa ah kuwa maanta laga hadlay, waxaana jira qodobo kale oo u baahan in laga wada-hadlo, kuwaas oo la rumeysan yahay inay yihiin kuwa adag, hase yeeshee dhinacyada ayaa doortay inay soo hormariyaan qodobada ay fududahay in laga heshiiyo, si waqti dheer ah loo siiyo shirka.
-
London (Caasimada Online) – Guud ahaan khuburada caafimaad ee dunida ayaa maskaxdooda mashquul ku aheyd sidii daawo loogu heli lahaa cudurka COVID-19, hase ahaatee qubaro ka tirsan jaamacadda Oxford ee London iyo dhaqaatiir kale ayaa shaaca ka qaaday war aad loogu farxo. Kaniiniga Dexamethasone ayaa noqday daawada kaliya ee dili karta cudurka Coronavirus, dhimashadana ka badbaadin karta dadka qaba cudurka ee xaaladaha halista ah ku jira. Madaxa kooxda baaritaankaan iyo tijaabada sameeyay, Prof. Peter Horby, ayaa sheegay in tani ay tahay tallaabo muhiim oo horay loo qaaday. “Tani waa daawada kaliya ilaa iyo hadda la xaqiijiyay inay yareyn karto heerka dhimashada qofka xaaladiisa aadka ugu il daran tahay COVID-19, si sareysa ayeyna u yareyneysaa awooda cudurkaani, waana guul weyn oo la gaaray” ayuu yiri Prof. Peter Horby. Isbitaalada NHS ee UK hadda waxay bilaabeen isticmaalkeeda, kadib markii lagu guuleystay tijaabo lagu sameeyay bukaano qabay COVID19 kuwaasi oo isugu jiray kuwo xaaladahooda halis ahaa iyo kuwo aan u baahneyn qalabka neefta in lagu xero. 2,000 qof oo lagu tijaabiyay daawadaan ayaa dadkii ku xernaa qalabka ventilators ee koomaha ku jiray ay ka caawisay in ay badbaadaan oo caafimaadaan. Qiimaha kaniinigaan oo loo isticmaalo neefta ayaa aad u hooseeyo, wadanka UK 5 Pound ayaa lagu iibiyaa xermadii oo ka kooban 20 inax ama xabo. Ali Muhiaddin Ali Caasimada Online London, UK
-
Jabuuti (Caasimadda Online) – Beesha Caalamka ee saaxiibada la ah Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweeyey wadahadalka u dhaxeeyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo uu martigeliyey madaxweynaha Jabuuti Ismacil Cumar Geelleh oo uu sidoo kalana goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali. War saxaafadeedka kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu sheegay in kulankaan uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka iyo kobcinta isfahamka. Sidoo kale Beesha Caalamka ayaa dhiiragelisay guddiyada farsamada oo ay magacaabeen labada dhinac, iyadoo ugu baaqday inay kulamadooda kasoo saaraan miro waxtar u leh dadkooda. Ugu dambeyntii Beesha Caalamka ayaa sheegtay inay si weyn usoo dhaweeneyso ballan qaadka ay sameeyeen labada hoggaamiye ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Muuse Biixi ee ah in lasii wadi doono wadahalada. Midowga Yurub ayaa sidoo kale qoraal uu soo saaray kusoo dhaweeyey wada-haladii 14 Bishaan June ka furmay Jabuuti, waxayna ku tilmaameen inuu yahay tallaabo muhiim ah oo rajo gelineyso Shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa ku nool Qaaradda Africa oo dhan. Xubnaha Beesha Caalamka ee war murtiyeedkaan soo saaray ayaa kala ah: African Union Mission in Somalia (AMISOM), Belgium, Canada, China, Denmark, Ethiopia, European Union, Finland, France, Germany, Intergovernmental Authority on Development (IGAD), Ireland, Italy, Japan, Kenya, Netherlands, Norway, Sweden, Switzerland, Turkey, Uganda, United Kingdom, United States iyo United Nations.
-
Askari lagu sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada deegaanka ayaa waxaa uu goordhow nin odey ah ku dilay isgoyska Ceel Gaab, sababtuna waa sigaar. Marxuumka maanta la dilay ayaa miis yar waxaa uu ku lahaa aaggaas isaga oo iibin jiray bagaash uu ku jiro sigaarka. Dadka deegaanka oo isu soo baxay ayaa sheegay in askariga iyo odeyga isku afdhaafeen sigaar iyo lacag shilimaad ah oo jeexan taas oo keentay in xabado lagu dhufto odeyga uuna halkaasi ku dhinto. Wararkan kala soco, Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dalalka iyo Ururada ku bahoobay Beesha Caalamka, ayaa soo dhoweeyey wada-hadalada u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ee ka socda waddanka Jabuuti. Waxaa sidaasi lagu shaaciyay, War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Belgium, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Canada, Denmark, Dowladda Mareykanka, Faransiiska, Finland, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Ireland, Japan, Midowga Yurub, Netherlands, Norway, Shiinaha, Sweden, Switzerland, Talyaaniga, Turkiga, Uganda, Urur-Goboleedka (IGAD) iyo Qaramada Midoobay. “Saaxiibada Soomaaliya ee Caalamka waxay soo dhoweynayaan wadahadalka u dhexeeya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, wadahadalkaas oo uu martigeliyey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Jabuuti, uuna ka soo qaybgalay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed Cali. Waxaan bogaadinaynaa taageerada iyo wada-shaqaynta gobolka ee horseedday wadahadallada” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka Beesha Caalamku, waxay sidoo kale Kulanka labada dhinac ku tilmaaneen tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo wada-xiriirka laguna kobcinayo is-fahamka, waxaana ay guddiga farsamada ee labada dhinac ku dhiirr-geliyeen, in ay faa’iidooyin la taaban karo u soo hooyaan dadkooda. PUNTLAND POST The post Beesha Caalamka oo bogaadisay Wada-hadalka Dowladda Federaalka iyo Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa safar gaaban ku yimid degmada Ceelguula ee Gobolka Mudug. Madaxweynaha iyo waftigiisa oo si weyn loogu soo dhaweeyay Ceelguula ayaa soo kormeeray dugsiga waxbarashada, hospitalka ceelguula iyo xarunta degmada. Dhinaca kale Madaxweynaha oo u kuurgalayay xaaladaha amni,caafimaad iyo waxbarasho ee gobolka Mudug ayaa waxa uu horay u soo dhagax dhigay mashruuc lagu dhisayo Hospital iyo Dugsi Waxbarasho ee uu yeelanayo deegaanka Gal-barwaaqo. Ugu danbeyn Madaxweynaha ayaa shirar kooban la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada reer Ceelguula, madaxweynaha ayaa maalmihii dambe waday safar uu ku marayey gobolka Mudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Abaaleey (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Abaaleey ee saaran xadka labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa sheegaya in ciidan ka tirsan Militariga Dowladda Soomaaliya ay halkaas ku laayeen dad Shacab oo Baaraleey ahaa. Ciidamada dadkaan Shacab ah ku laayeey Abaaleey ayaa lasoo sheegayaa inay wateen gawaarida dagaalka ee ciidanka Xoogga Dalka, waxayna dileen illaa 5 qof halka ay dhaawaceen tiro intaas ka badan oo dhammaantood ahaa dad Shacab ah. Tallaabada ay ciidamada Dowladda ka tirsan ee u abaabulnaa qaabka qabiil ku laayeen dadkaan shacabka ah ayaa timaaday kadib markii ay deegaanka ka dhacay dagaal qabiileed. Lama oga tallaabada ay qaadayaan taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo ay ciidankoodu ku lug leeyihiin colaadaha soo noqnoday ee deegaannada xuduudaha ee Gobolka Hiiraan uu la wadaago Itoobiya. Dadka deegaanka oo aan la hadalnay ayaa ku eedeeyay Ciidanka Liyuu Booliiska in ay hub ka dhigis ku sameeyeen sanad ka hor taasna ay sahashay weerarkaan maanta u dhaxeeya ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka balse qaab qabiileysan ugu duulay. Dowladda Soomaaliya weli kama aysan hadlin dadkaan Shacabka ah ee lagu laayey Deegaanka Abaaleey, waxaana soo noq noqday in qaab qabiil loo adeegsaday Ciidamada Dowladda.
-
Ururka Midowga Yurub ayaa soo dhaweeyay Shirka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland uga socda waddanka Djibouti waxaan ay ku tilmaameen in uu ahaa talaabo muhiim ah oo rajo gelinaysa shacbiga Soomaaliyeed. “Waa qayb muhiim ah talbaada kalsooni dhisida ee dib u heshiisiinta laguna yareynayo kala aragti duwanaanshaha, laguna horumarinayo dhismaha nabadda, barwaaqada iyo hurumarka gobalka. Djibouti iyo Itoobiya waxa ay ciyaareen door fir-fircoon oo uu ku qabsoomay wadahalka” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Midowga Yurub. Sidoo kale Midowga Yurub wuxuu bogaadiyay in madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxweynaha maamulka Somaliland ay ka go’antahay sii wadida in ay ka shaqeeyaan hurumarinta hanaankan Nabbada. Bayaanka Midowga Yurub ayaa intaas ku daray in sii wadida wada-hadalladaas oo aan ku jirin wax car-qaladeeya ay tahay habka kaliya ee lagu gaari karo nabad iyo hormar waara PUNTLAND POST The post Midowga Yurub oo soo dhoweeyay Wada-hadalka dowladda Federaalka iyo Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Midowga Yurub oo war ka soo saaray wada-hallada Somalia & Somaliland Midowga Yurub ayaa qoraal rasmi ah kasoo saaray wadahalada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland uga furmay Magaalada Jubuuti ee dalka Jabuuti. Midowga Yurub ayaa qoraalka uu soo saaray kusoo dhaweeyey wada-haladii 14 Bishaan June ka furmay Jabuuti, waxayna ku tilmaameen inuu yahay tallaabo muhiim ah oo rajo gelineyso Shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa ku nool Qaaradda Africa oo dhan. “Waa qayb muhiim ah talbaada kalsooni dhisida ee dib u heshiisiinta laguna yareynayo kala aragti duwanaanshaha, laguna horumarinayo dhismaha nabadda, barwaaqada iyo hurumarka gobalka. Djibouti iyo Itoobiya waxa ay ciyaareen door fir-fircoon oo uu ku qabsoomay wada-halka,” ayaa lagu yiri bayaan uu soo saaray Midowga Europe. Midowga Yurub ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi ay labaduba ka go’an tahay sidoo ay uga wada shaqeyn lahaayeen hannaanka Nabadda iyo horumarinta. Resumption #Somalia and #Somaliland dialogue important step for normalising relations, bringing new hope for people of Somalia and whole Horn of Africa. Continuation of talks is essential for peace, prosperity and development.#AUEU @EU_in_Somaliahttps://t.co/rhPKSORHH7 — Josep Borrell Fontelles (@JosepBorrellF) June 16, 2020 Sidoo kale Midowga Yurub ayaa sheegay in habka kaliya ee lagu gaari karo barwaaqo iyo nabad waarto ay tahay sidoo wadida wadahalada labada dhinac iyadoo laga fogaanayo wax kasta oo dhibaato u keeni karo wadahadalka. The resumption of talks between Somalia and Somaliland is an important step. The EU will spare no efforts to support the process. https://t.co/eOsm3eBaY2 — Nicolas Berlanga (@NBerlangaEU) June 16, 2020 Ugu dambeyntii, Midowga Yurub ayaa sheegay inay goobjoog ka ahaan doonaan wadahaladaas isla markaasna ay diyaar la yihiin bixinta taageerada iyo dadaalka lagu gaari karo Nabadda iyo barwaaqada. Qaran News
-
Madasha xisbiyada qaran ayaa qoraal ka soo saaray nabadeynta iyaga oo walaac ka muujiyey colaado ka socda qeybo ka mid ah dalka, waxanya soo qaateen iney ku jireen gacmo siyaasadeed. Halkan Ka Aqriso Qoraalka Ay Madasha Soo Gaarsiiyay Goobjoog News Madasha: Colaadaha Dalka Ka Socda Waxaa Ku Jirta Gacmo Siyaasadeed Halkan Ka Daawo Muuqalka Soo Koobaya Madasha Xisbiyada Qaran https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-12.mp4 Source: goobjoog.com
-
Inta aanan u gelin talooyinka aan siinayo Madaxda Dowladda Federaalka ee ku aaddan wadahadalada ay kula jiraan maamulka Somaliland ee midnimo-diidka, aan marka hore ka waramo ereyo waayadan ku soo kordhay saxaafadda Soomaalida, kuwaasi oo khatar ku ah midnimada umadda Soomaalida iyo waliba wadajirka dalkeeda. Ereyadan, ayaa la isticmaalaa marka laga hadlayo Dowladda Federaalka iyo maamulka Somaliland, iyadoo la leeyahay “Soomaaliya iyo Soomaaliland” sida labo dal oo kale. Halkii ay ahayd in la yiraahdo “Dowladda Federaalka iyo maamulka Soomaaliland” maadaama laga hadlayo hal dal. Isticmaalka ereyadan, ayaa muuujinayo damiirxumo iyo waliba aqoondarro ku aaddan xagga nidaamka dowliga ah. Tusaale ahaan, Soomaaliland ma ahan dal madaxbanaan oo la aqoonsan yahay. Sidoo kalena, Dowladda Federaalku ma ahan dowlad goboleed ama dowlad loo dhisay gobolada Koonfureed oo kaliya. Sidaa daraadeed, ma jirto sabab loo isticmaalo ereyadaasi wax u dhimayo midnimada iyo wadajirka dalka, iyadoo la helo karo ereyo ka fiican kuwaasi. Daahiradan khabiithka ah ayaa ku dhex faaftay qeybo ka mid bulshada Soomaaliyeed oo xittaa ay ku jiraan warbaahin muxtarim ah sida idaacadaha BBC iyo VOA-da oo kale. Waxay sidoo kale ku dhex faaftay qaar ka mid ah masuuliyiinta Dowladda Federaalka oo og ay inay danbi tahay istcmaalka ereyo wax u dhimayo midnimada umadda iyo waliba wadajirka dalka !! Marka aad u kacdo xagga diinteenna Islaamka, waxaad arkeysaa inay si adag uga hadashay kala-dhantaalidda midnimada. Waxay sidoo kale diintu baneysay in la la dagaalamo kuwa u sacyinayo furqada iyo kala tagga. Sidaa daraadeed, waxaa haboon inaan la isticmaalin ereyadaasi aan loo baahneyn waa haddii uu damiirku wali nool yahay. Haddii kalena ha la iska daba socda kooxda RUKUUBLEY. Waxay ahayd in maanta oo kale laga fikiro sidii loo mideyn lahaa dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti maadaama labadooduba ay yihiin xor, si uu halkaasi uga soo baxo dal xoog badan, laakiin nasiibdarro waxaad arkeysaa Soomaali maanta ku baaqeysa waxyaabo ka hor’imaanayo maqaasidda shareecada ee aan gorgortan laga gali doonin. Lama aqbali karo runtii in waxaasi oo kale lagu baaqo after dhiig badan oo u daatay midnimo iyo dal madaxbanaan dartii. Haddii aan dib ugu soo laabto dulucda qormadeyda oo aan uga waramayo talooyin aan siinayo Madaxda Dowladda Federaalka ee ku aaddan wadahadalada ay kula jiraan maamulka Soomaaliland ee ku haminayo kala dhantaalidda midnimada iyo wadajirka. Talooyinkaasi oo si cad u taaban doona qaabka ay tahay in loo wajayo wadahadaladan ay khiyaanada badan ku dheehan tahay. Maadaama Dowladda Federaalku dooneyso inay ka miradhaliso wadaxaajoodkan ay mandate-ka u haysato si loo soo xerageliyo maamulka Soomaaliland, isla markaana uu uga qeyb noqdo hanaanka federaalismka ee dalka ka jira iyo waliba dhismaha Soomaaliya cusub oo ka duwan tii hore, si loo helo qaran Soomaaliyeed oo la wada leeyahay, Isla markaana ku dhisan talo wadaag. Xaqiijinta hadafkaasi shariifka ayaan fududeyn maadaama uu madax adeegayo maamulka Soomaaliland ee ka arimiyo gobollo ku yaallo Waqooyiga dalkeenna walow ay jiraan malaayiin reer Waqooyi ah oo ka soo horjeeda fikirkaasi khabiithka ah ee ka hor’imaanayo maqaasidda shareecada islaamka iyo waliba himilada umaddan muslimka ah. Halka ay dhinaca kalena jiraan faragelin shisheeye oo arinkaasi riixeysa. Dhinaca kale, maamulka Somaliland ayaa wadahadaladan u isticmaalayo wadiiqo uu doonayo inuu uga go’o Soomaaliya inteeda kale waaba haddii laga aqbalee, ka dib markii uu ku soo fashilmay hababkii kale ee gaar u socodka ahaa sida ay caddeeyeen masuuliyin badan oo ka tirsan maamulkaasi, kuwaasi oo inta badan aanba qarin waxa ay doonayaan, halka ay u socdaan iyo waliba culeysyada ka haysta gudaha iyo dibadda. Waxaa intaa dheer khiyaanooyin iyo waliba farsamooyin badan oo lagu dhex jilayo gudaha wadahadalada, Kuwaasi oo haddii ay u socdaan sida ay iyagu u doonayaan keeni kara burbur midnimo iyo waliba inuu dalkan oo dhan baaba’o. Tusaale ahaan, waxa ay doonayaan in loo wadahadlo sida labada dal oo kale, Taasi oo runtii khatar ku ah midnimada dalka, isla markaana fariin khaldan u direysa Caalamka iyo Soomaaliduba. Laakiin ilaah mahaddii, waxaa khiyaanooyinkaasi fahamsan Madaxda Dowladda Federaalka oo inta badan ka fogaada gelitaanka heshiisyo horseeda inuu dalkan kala go’o ama uu dhaawacmo madaxbanaanidiisa. Waana sababtaasi sababta keentay inay dheeraadaan wadahadalada. Waxa ay sidoo kale Madaxdu fahamsan yihiin farsamooyin badan oo lagu soo kala jaray dalal badan sida Suudaan oo kale. Waxay kaloo Madaxdu og tahay waxa uu dastuurku ka qabo midnimada iyo madaxbanaanida dalka iyo waliba halka ay midnimadu ka joogto dadweynaha Soomaaliyeed dal iyo dibadba marka laga reebo kooxdan yar ee dhisatay Maamulka Soomaaliland ee dooneysa inay afduubto malaayiin reer Waqooyi ah, Kuwaasi oo ay ka go’an tahay wadajirka dalka iyo walaalnimada iyo waliba dhismaha Soomaaliya cusub. Mar haddii uu meel sare ku dhegan yahay maamulka Soomaaliland, isla markaana ay adag tahay in uu ka tanaasulo qadiyadda gooni-isutaagga ee uu in muddo ah u sacyinayey, Anagoo dhinaca kale og inay dabada ka riixayaan dalal shisheeye sida Imaaraadka oo kale, kuwaasi oo maamulkaasi ku caawinayo waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin farsamooyin horay loogu soo kala jaray dalal badan sida Suudaan oo kale. Mar haddii aan og nahay in wadahadaladu ay yihiin wadiiqo loo marayo kala goynta dalka oo aan dano kalo laga lahayn sida midnimo iyo wax qeybsi iyo waliba dhismaha Soomaaliya cusub sida ay caddeeyeen kuwa taageera maamulkaasi. Hadabo, waxaan u soo jeedinayaa Madaxda Dowladda Federaalka talooyinkan soo socda oo aan isleeyahay waxa waxtar u yihiin dalka iyo dadka Soomaaliyeed gaar inta midnimada jecel: 1- In la joojiyo dhamaan wadahadalada inta uu maamulkaasi ka tanaasulayo qadiyadda gooni-isutaagga. 2- Inaan la aqbalin fulinta dalabaadyo danbe oo maamulkaasi ka yimaada. 3- In la dhiso maamul goboleedka Khaatumo iyo Maakhir oo midnimada u muhiimsan 4- In la badiyo cadaadiska saaran maamulkaasi ilaa uu ka tanaasulayo qadiyadda gooni-isutaagga. 5- In la beegsado dalalka, shirkadaha iyo waliba shaqsiyaadka la shaqeysta maamulkaasi. Maxamed Ibrahim waxaad kala xiriiri kartaa iidka1@hotmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Midowga Yurub ayaa soo dhaweeyey wadahaladii Soomaaliya iyo Somaliland ee Djibouti ku dhexmaray 14-kii bishan June, waxa ayna ku tilmaameen in uu ahaa talaabo muhiim ah oo rajo gelinaysa shacbiga Soomaaliyeed iyo tan gobalka Geeska Africa-ba. “Waa qayb muhiim ah talbaada kalsooni dhisida ee dib u heshiisiinta laguna yareynayo kala aragti duwanaanshaha, laguna horumarinayo dhismaha nabadda, barwaaqada iyo hurumarka gobalka. Djibouti iyo Itoobiya waxa ay ciyaareen door fir-fircoon oo uu ku qabsoomay wadahalka”, Midowga Europe ayaa sidaa ku yiri bayaan saxafi ah oo ay SONNA heshay. Waxa yiraahdeen in Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdulahi Farmajo iyo madaxweynaha Somaliland, Muse Abdi waxaa ka go’an sii wadida in ay ka shaqeeyaan hurumarinta hanaankan nabbada. Sii wadida wadahadaladan oo aan ku jirin wax car-qaladeeya, uuna ku socda si wanaagsan, waa habka kaliya ee lagu gaari karo nabbad, barwaaqa, iyo amaan waara. Midowga Yurub oo goob-joog ka ah wadahadalan wixii dadaal iyo taageero ah lama baaqsan doonto, ayaa lagu soo gunaanudan bayaanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa booqasho kooban ku tagay degaanada Wargalo iyo Gal-barwaqo oo ka tirsan Gobolka Mudug. Booqashadan oo qeyb ka ah safarka nabadda ee uu madaxweynuhu ku marayay degaanada Galmudug ayuu ka mahadceliyay sida diiran ee loogu soo dhaweeyeey tuulooyinka Wargalo iyo Gal-barwaaqo. Safarka Madaxweyne Qoorqoor waxaa ku wehlinaayay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Wasiiro iyo Mas’uuliyiin kale oo kamid ah Maamulka Galmudug Maalmihii lasoo dhaafay Madaxweyne Qoorqoor ayaa waxaa uu socdaal ku marayay degaano iyo magaalooyin ka tirsan Galmudug isagoo halkaas kula kulmay shacabka iyo Mas’uuliyiin kala duwan. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Qoor Qoor oo socdaal ku tegay Wargala iyo Galbarwaaqo appeared first on Puntland Post.
