-
Content Count
212,225 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Rome (Caasimadda Online) Warbaahinta Turkiga ayaa dhawaan baahiyay iney kaalin mug leh ka qaateen sii deynta haweeney sanadkii 2018 laga afduubay dalka Kenya balse lagu heystay gudaha Soomaaliya, waxaana la baahiyay in Talyaaniga ka codsaday dhigiisa Turkiga inuu gacan ka siiyo arintaas. Warbaahinta maxaliga ah ee TgCom24 ayaa baahisay in Talyaaniga ay beeniyeen sheegashada ka timid dhigooda Turkiga kuna saabsan arrinta sii deynta Silvia Romano. Sida lagu sheegay warbixinta Turkiga, wuxuu Turkigu faafiyay inuu haweeneydan ay ciidamadiisa siiyeen jaakad u muuqata midda aan xabadda karin, waana sawirka laga qaaday iyadoo saaran gaari, balse lama garanayo halka looga qaaday. Sirdoonka Talyaaniga ayaa been abuur ku tilmaamay sheegashadaas, waxeyna warbaahinta u sheegeen in jaakadaas ay ciidamadooda u geeyeen Silvia, sida uu sheegay talafashinka maxaliga ah ee TgCom24TV. Wararka hoose ee la helayo waxey sheegayaan in dowladda Qatar ay kiiskaan u qaabilsaneyd dhanka iyo wadaxaajoodka sii deynta haweneyda, balse ay sirdoonka Soomaalida, kan Turkiga iyo kan Talyaaniga ay iska kaashadeen arrinta. Talafashinka wuxuu qiray sidoo kale in talyaaniga ay codsi u gudbiyeen dhigooda Turkiga dhamaadka sanadkii hore, taasna waxaa ugu wacan inuu saameyn ballaaran ku leeyahay gudaha Soomaaliya. Inkastoo saxaafadda ay wariyeen in haweeneydaan samafalka u tagtay bariga Afrika lacag madax furasho ah lagu sii daayey, haddana ma jiraan jawaabo run ah oo arintaan laga bixiyay, qaar ka mid ah warbaahinta waxey wariyeen in lacag ku dhaw 4 Malyan oo Doolar lagu sii daayay. Mid ka mid ah warbaahinta ugu afka dheer Talyaaniga, oo ah wargeyska La Repubblica ayaa sheegay inuu wareysi la yeeshay Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere, kaas oo qiray iney madax furasho ka heleen sii deynta haweeneyda. Qof walba wuxuu sugayaa wareysiga ay bixin doonto Silvia Romano oo muddo gacanta ugu jirtay kooxaha afduubayaasha ah, waxaana la rumeysan yahay iney wax badan ka hadli doonto.
-
Bigotry mars return of Italy hostage who converted to Islam
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
ROME (AP) — A right-wing lawmaker in Italy was reprimanded Wednesday after he called a young Italian woman who converted to Islam while being held hostage in Somalia a “neo-terrorist.” Source: Hiiraan Online -
Flights carrying the mild stimulant khat have been banned from entering Somalia, leaving chewers of the leaves in a stew, write the BBC's Mary Harper and Bella Hassan. Source: Hiiraan Online
-
Up to one million hectares of farm land need to be controlled and treated with pesticide if Eastern Africa and Yemen are to have a good chance of avoiding a food security crisis in the wake of an unprecedented plague of locusts expected in the next month, warns the UN’s Food and Agriculture Organization (FAO). Source: Hiiraan Online
-
Washington (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Congress-ka Maraykanka ayaa wajaheysa cambaareyn xooggan kadib markii ay saxiixday warqad maamulka Trump ku boorineysa inuu kordhiyo cuneqabateynta hubka ee saaran Iran. Warqadda, oo aan heysan sharciyad dhaqan-gal, ayaa waxaa saxiixay in ka badan 380 xubood oo Aqalka congress-ka ah. Magaca Ilhaan ee warqadda ku sixiixan ayaa waxaa loo fahmay in ay xilligaan ka fallaagowday baqeedii hore ee ahaa in la qaado cuneqabateynta ka dhanka ah Iran. Waxa carada ka dhanka ah Ilhaan sii kordhinaya ayaa ah in warqadda uu gadaal ka riixayo guddiga udooda Yahuudda ee AIPAC ayna ka turjumeyso ajandihiisa sharci-dejinta. Sidoo kale waxaa warqadda soo qoray gudoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Congres-ka Eliot Engel iyo Michael McCaul kuwas oo labadoodu safka hore uga jira marka ay timaado siyaasadda ka dhanka ah Iran. “Waxaan u malaynayaa in ay ogolaatay in lala xisaabtamo dadkuna ay muujiyaan sida ay uga niyad jabsanyihiin tallaabada ay qaaday, gaar ahaan kweena naftooda ka hormariyay sanadkii hore taageeradeedana ku bixiyay kharashkooda,” ayuu yiri Jinan Shbat oo ka tirsan ururka loo soo gabiyo ADC. Cambaareynta Ilhaan Carada ayaa billaabatay kadib maqaal ay daabacday jariidadda Al-Monitor oo markii ugu horreysay baahisay saxiixa Ilhaan Cumar. Waxaa sidoo kale wariyay Electronic Intifada, Fox News iyo warbaahinta Israel. Guddiga ka hortagga dagaallada, oo degan gobolka laga soo doorto Ilhaan Cumar ee Minnesota, ayaa ku baqay in ay warqadda ka saarto saxiixeeda, islamarkaana waxay dalbadeen in ay la kulmaan si arrinta ugla hadlaan. “Hadda ka hor, waxaan u malayneynay in aan fahannay aragtidaada, laakiin hada waxaan ka walaacsannahay in aad siyaasadaada ka tanaasuleyso si laguugu fahmo in aad dhex-dhexaad tahay, kuna biirtay kuwa u codeeya Yahuudda,” ayuu ururk ku sheegay war uu soo saaray. Marcus Montgomery oo ka tirsan xarunta carbeed ee Washington DC ayaa sheegay in lagu jah-wareeray sababtaIlhaan Cumar ay sharciyad u siineyso warqada. Waxa uu hadalkiisa ku daray in Ilhaan ay cod fur-duran u ahayd doodda ka dhanka ah cune-qabateynta Iran. Horraantii sanadkaan, Ilhaan Cumar wxaa ay ka mid ahayd, sharcidejiyeyashii ugu horreeyay ee ku baaqay in cune-qabateynta laga qaado Iran, si loogu ogolaado Jamhuuriyada Islaamiga ah in ay la tacasho Coronavirus. “Hadana waxaa ay sixiixday warqad tageereysa siyaasadda maamulka. Waxaan ula jeedaa warqaddu waxay si faah-faahsan uga hadleysaa dhammaan qaybaha hubka cuneqabaeynta la saarayo iyo “dhaq-dhaqaaqyadda xun ee Iran” ayuu Montgomery u sheegay Middle East Eye. Cali Abunimah, oo wax ka aasaasay warbaahinta Electronic Intifada, ayaa dib uga riixay ilhaan weerada ka dhanka ah, inkastoo uu tilmamay in go’an xun ay ahayd in ay warqada saxiixdo. “Qaar ka mid ah fal-celinta aan arkayay waxay ahaayeen in la gatay ama ay maamuleen dadka kasoo horjeeda iyo wax la mid aha” ayuu yiri Cali Abunimah. Waxaa uu hadalkiisa ku daray “waa inaan cambareyno khaladkeeda, laakiin aan dhiiri gelino shaqada wanaagsan ee ay qabatay.” Kala qaybinta taageerayaasheeda Ahmed Bedier oo u ololeya siyaasadda muslimiinta ee Maraykanka ayaa sheegay in ururka yahuudda u dooda ee AIPAC iyo warbaahinta garabka midig ay isku dayayaan in arrinta ka faa’iideystaan. “Waxay dhab ahaantii doonayaan in ay taagerayaasheeda kala qaybiyaan,” ayuu u sheegay wargeyska Middle East Monitor. “Wax walba oo ka dhan ah Ilhaan, waa ay tageeri doonaan, xitaa haddii ay cadowgooda ka imaaneeyso,” ayuu hadalkiisa raaciyay. Bilo ka hor urur ku xiran Isreal ayaa bilaabay xayaysiin is bar-bar dhigeeysa Ilhaan Cumar, Rashida Tlaib iyo Betty McCollum iyo ururka Daacish. Ma laga yaabaa in Ilhaan Cumar ugu dambeyn u hoggaansantay cadaadiska Yahuudda?
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Michael Rubin oo ah Aqoon-yahan Mareykan ah, oo inta badana u dooda Madax-banaanida ay ku doodo Somaliland, ayaa Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiye Axmed iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Danjire Donald Yamamoto ku eedeeyay inay wadaan qorshe ay midnimo qasab ah uga dhex sameynayaan Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland. Michael Rubin ayaa sheegay in qorshaha uu ku sheegay ‘midnimada qasabka ah’ uu wado Danjire Yamamoto oo isagu kaashanaya Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed oo ku tilmaamay ‘hogaamiyo aan waayo arag aheyn’, xili uu muddooyinkii dambe waday qorshayaal uu dib ugu furayo wada-hadalada labada dhinac, inkasta oo ay weli hakad ku jiraan. Rubin ayaa si weyn uga hor-yimid hadalkii dhowaan uu jeediyay Donald Yamamoto, kaasi oo ku dalbanayey heshiis midnimo iyo in maamulada dalka iyo dowladda federaalku ay si wada-jir ah u wada shaqeeyaan si loo gaaro guulo wax ku ool ah. Aqoon-yahankan Mareykanka ah ayaa ku doodaya inaysan suurtagal aheyn midnimo dambe oo Somaliland iyo Soomaaliya ka dhexmarta, xili ay ku doodo inay xoriyadeeda dib ula soo laabatay muddo ku siman 30-sano, walow ay helin aqoonsi caalami ah. “Arrintani waa isku day uu danjiraha Maraykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto isaga oo kaashanaya Ra’iisal wasaaraha aan waayo aragga ahayn laakiin himilada badan ee Itoobiya uu ku doonayo in xal lagu soo rogo qadiyadda Somaliland iyo Soomaaliya. Yamamoto waa uu iska jeclaan karaa in uu shaqadiisa ku galaalo guulo diblumaasiyadeed, waanu aamini karaa in uu hoggaamiyeyaasha Soomaalida ugu cawaandadoodo in ay heshiis midnimo gaadhaan, inkasta oo ay Washington taladu ka baahsantahay. Dib u dhiska Soomaaliya iyo israaca gobalku waxa ay ahaayeen mawduuca ugu muhiimsan ee shaqadiisa” ayuu yiri Michael Rubin. Wuxuuna intaas sii raaciyay “Waxaas oo dhan ka sokow, markii ay Soomaaliya burburtay 1991 kii, Somaliland guul ayaa ay kor ugu soo kacday – waxa ay soo jiidatay ganacsiyo, waxa ay dhisatay dugsiyo heerkoodu aad u sarreeyo, waxa aanay qabsatay doorashooyin dimuqraaddi ah oo lagu hubiyey qalabka sawirka isha. Wadaniyiiyinta Soomaalidu waxa ay jeclaan lahaayeen in ay gacanta ku dhigaan talada Somaliland”. “Si kastaba ha ahaato ee dadka Somaliland intooda ugu badani ma xiisaynayaa in ay nafahooda raciyad uga dhigaan dal ah kan ugu musuqmaasuqa badan adduunka welina qarka u saaran guuldarro. Dadka reer Somaliland badankoodu ka soo horjeedaan midnimo mar dambe dhex marta Soomaaliya oo ay xorriyadooda dib ugala soo noqdeen sannadkii 1991-kii”
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, oo guddoomiyay kulan looga hadlay Xaaladda bini’aadninimo ee Beledweyne iyo gobalka Shabeellada Dhexe, ayaa ku baaqay gurmad deg deg ah la gaarsiiyo degaannada ay saameeyeen Faahaadaha. Shirkan waxaa ka qeyb galay wakiillo ka socda dalalka iyo hay’adaha deeqda bixiya iyo hay’adaha fuliya oo ay ka mid ahaayeen Mareykanka, Jarmalka, Sweden, UK, Masar, Turkiga, Norway, Talyaaniga, EU, Amisom iyo Baniga Adduunka. Madaxweynaha HirShabeelle oo shrika qayb ka ahaa ayaa si faahfaahsan uga hadlay xaaladda hadda jirta iyo talooyin ku aaddan sidii xal waara loogu heli helaa. Kulanka ayaa lagu go’aamiyay in xal waara loo helo dhibaatada fatahaadaha iyo abaaraha, lana sameeyo qorshe lagu maareynayo biyaha, In loo gurmado dadka ka barakacay fatahaadaha magaalada Beledweyne iyo tuulooyinka hoos taga Jowhar. Waxaa sidoo kale la bogaadiyay dadaalka ay sameeyeen Dawladda Federaalka iyo Dawlad-goboleedka HirShabeellee, kuwaas oo yareeyay khasaarihii uu inta badan sameyn jiray wabiga PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Khayre oo amray in gurmad deg deg ah lala gaaro degaanada ay saameeyeen Fatahaadaha appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa lasoo bandhigay buug cusub oo loogu magac daray Dagaal Nabadeed: Militariga Kenya ee Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, 2011-2020, waxaana qoray sida lasoo wariyay taliyihii hore ciidamada difaaca Kenya Samson Mwathethe. Buugaan waxaa lagu qeexay qorshaha ay ciidamada Kenya ee ka mid ah hawlgalka midowga Africa ee AMISOM uga baxayaan gudaha Soomaaliya, wargeyska Daily Nation ayaana qiray in dhamaadka 2021 ay ka bixi doonaan sida goor hore lagu cadeeyay qorshaha kala guurka. Kadib sideed sano oo ay ciidamada Kenya hawlgallo aan guulo badan laga gaarin ka wadeen gudaha Soomaaliya waxaa hadda bilaabanaya qorshaha ay ku bixi lahaayeen. Sida uu baahiyay wargeyska shuruudaha ka bixitaanka AMISOM waxey abuuri doontaa dib u habeyn lagu sameeyo ciidamada Qaranka Soomaaliya, kuwaas oo awood loo siin doono iney sameeyaan hawlgallo ay nabad waarta uga dhaliyaan guud ahaan dalka, sidoo kale wargeyska wuxuu qiray iney xigi doonto nabad iyo daganaasho ka dhalata deegaanada Jubbaland. Talyihii hore ciidamada Kenya Samson Mwathethe wuxuu aaminsan yahay in ka bixitaankooda gudaha Soomaaliya ay xaqiijin doonto amaan buuxa oo laga dhaliyo deegaanada Jubbaland, sidoo kale wadooyinka loo maro xadka labada wadan sida (Liboi, Gherille, Mandheera, Ceel-waaq iyo kaynta Boni). Meesha kama uusan saarin fursadda loo heli karo dakadaha ku teedsan badweynta Hindiya ee ay ka midka yahiin Ras Kamboni, Kudhaa, Kismaayo iyo Baraawe. Inkastoo wakhtigaas ka soke la rajeynayo hadana talyihii hore wuxuu aaminsan yahay in ka bixitaanka ciidanka Kenya ee gudaha Soomaaliya ay keeni karto heshiis dhexmara Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland. In la furo xafiisyo socdaal oo laga furayo magaalooyinka xuduudda labada dowladood ayuu ka dhex arkaa taliyaha iney abuurmi karaan. Ugu dambeyntii waxaa la ogyahay in ciidamada Kenya ee ka mid ah AMISOM kuna sugan deegaanada Jubbaland aysan wax tallaabo weyn ah kusoo kordhin deeganadaas, sidoo kalana guul kama gaarin dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Bilooyin kadib Soomaaliya ayaa maalgashadayaasha dunida u bandhigeysa boqcado shidaal oo laga helay badda Soomaaliya sida ay sheegtay Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta. Qorshahaan maahan in durba shirkado lagala xaajoonayo shidaal qodista, balse ay tahay shaacin si loo helo cid dooneysa iney maalgashi ku sameyso shidaalkana soo saarto. Waxaa idaacada adduunka la hadasha ee BBC-da qeybteeda Af-ka Soomaaliga la hadlay wasiirka Batroolka iyo Macdanta Injineer Cabdirashiid Maxamed Axmed kaas oo ka hadlay waxyaabo badan oo la xiriria shidaalka laga soo saarayo badda Soomaaliya. Waxa ugu weyn ee su’aal la iska weydiiyay waxey aheyd haddii badda ay kula muransan yahiin Kenya ay ku jirto goobaha maalgashiga loo raadinayo, balse si cad ayuu u beeniyay wuxuuna sheegay ineysan ku jirin goobahaas. “Waligeena horey uma soo bandhigin (xirmooyiinka lagu muransan yahay) hadana kuma jiraan”, ayuu yiri Mr Cabdirashiid. Wasiirka wuxuu sheegay in xirmooyinka shidaal ee la helay ay ku yaalaan deegaanada Jubbaland iyo Galmudug, wuxuuna ka bilowdaa Kismaayo isagoo gaaraya ilaa Hobyo.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlay xaaladda bini’aadninimo ee xilligan ka jirta magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan iyo deegaanada ee gobalka Shabeellada Dhexe ee uu ku fatahay wabiga Shabeelle. Shirkaas waxaa ka qeyb galay wakiillo ka socday dalalka iyo hey’adaha deeqaha ka taageera Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen Mareykanka, Jarmalka, Sweden, UK, Masar, Turkiga, Norway, Talyaaniga, EU, AMISOM iyo Baniga Adduunka. Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo shrika qayb ka ahaa ayaa si faah-faahsan uga hadlay xaaladihaii u dambeeyay Hir-Shabeelle, gaar ahaan dhulka uu maro wabiga Shabeelle oo ay ugu horeyso magaalada Baledweyne, sidoo kale Madaxweyne Waare ayaa soo jeediyay talooyin ku aaddan sida xal waara loogu heli karo khataraha ku aaddan fatahaad hor leh oo uu sameeyo wabiga Shabeelle . Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kulankaas ka hadlay ayaa ku baaqay gurmad deg deg ah lala gaaro dadka barakacay si looga hor tago in xaaladdu kasii darto. Ra’iisul Wasaaraha ayaa yiri, “Dowladda oo la daalaa dhaceysa dhibaatada ka dhalatay cudurka Coronavirus ay haatan wajaheyso xaalad bini’aaninimo oo ka dhalatay wabiga Shabeelle oo kar-kaarrada jabdaday meelaha qaar, kaas oo baabi’iyay dhul beereed, guryo dumiyay, ganacsiyadii waaweyn saameeyay, kumannaan dad ahna barakiciyay. Daadadka Beledweyne waa kuwa soo laalabta, sanad kastana qasaare nafeed iyo mid hantiyadeed ayeyna geytaan.” Kheyre ayaa nasiib darro ku tilmaamay in sanad kasta dadka Soomaaliyeed ay wajahaan dhibaatooyin lasii ogyahay, waxuuna ka qayb galayaasha shirka u sheegay in taageerada saaxiibada caalamku siiyaan Soomaaliya aan laga gaareyn ujeedadii horumarineed ee laga lahaa, inta daadadka iyo maamulka biyaha xal waara loo helayo. Kulanka ayaa lagu go’aamiyay in xal waara loo helo dhibaatada fatahaadaha iyo abaaraha, lana sameeyo qorshe lagu maareynayo biyaha, in loo gurmado dadka ka barakacay fatahaadaha uu wabigu ka geystay magaalada Beledweyne iyo tuulooyinka hoos taga Jowhar.
-
Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Bar-___-Qubanha-Wrarka-13052020-web.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada xoogga dalka ayaa howlgal lagu dilay sarkaal iyo dagaalamayaal kale oo Al-Shabaab ah waxa ay ka fuliyeen inta u dhaxeysa degmada Qoryooley iyo deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellada Hoose. Saraakiisha militeriga Soomaaliya ayaa sheegay in sarkaalka lagu dilay howlgalkaas uu Al-Shabaab u qaabilsanaa degmada Qoryooley iyo degaanada hoos taga, waxaana magaciisa lagu sheegay Cabdi Muxsin Sheekh Xuseen (Abuu Bakar). Sidoo kale sarkaalkaas waxaa lala dilay illa shan dagaalame oo ilaalo u ahaa, sida uu sheegay Taliyaha ciidanka Dhulka ee militeriga Soomaaliya. S/Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir Taliyaha ciidanka Dhulka ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay in ninka ay dileen ciidamadu uu Al-Shabaab u qaabilsanaa weerarrada ay ka geystaan degmada Qoryooley iyo deegaano kale oo hoos taga. Sidoo kale Taliye Cabdixamiid ayaa sheegay in howlgalladii ay maanta sameeyeen ciidanka xoogga dalka uu gaaray deegaano kale oo ay ka mid yihiin, Kabtan-laas, Buulo-Sheekh iyo tuulooyin kale oo dhaca inta u dhaxeysa Janaale iyo Qoryooley. Bilihii u dambeeyay ciidamada xoogga dalka ayaa howlgallo iyo weerarro ka dhan ah Al-Shabaab waxa ay ka wadeen inta badan gobolka Shabeellada Hoose oo kamid ahaa gobollada ay ku xooganaayeen Al-Shabaab. Hase yeeshee Al-Shabaab haatan waxay u muuqdaan kuwo kasii suulaya gobolkaas oo muhiim u ah ammaanka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo sanado badan ay ragaadiyeen qaraxyo ay kooxdu kusoo diyaarin jirtay dhulka ay ka maamulaan gobollo uu ugu horeyay Shabeellada Hoose.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal ka soo baxay dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in kadib kulan ay ka yeesheen madaxdoodu arrimaha cudurka Coronavirus ay iska dhex magacaabeen gudigi ka kooban todoba xubnood. Sida lagu sheegay qoraalka Al-Shabaab, guddigan oo isugu jira dhakhaatiir, culumo iyo waxgarad, ayaa waxaa loo xilsaaray inay ka howlgalaan ka warqabka xaaladaha caafimaad ee dalka, sida lagu sheegay qoraalkooda. “Iyadoo laga ambaqaadayo xaaladaha caafimaad darro ee kusoo korortay dunida, gaar ahaan cudurka Korona ee boqolaalka kun ee qofood ku dilay dunida dalacalladeeda, saamayntiisuna ay soo gaartay bariga Afrika ayaa waxaa arrinka cudurkaas kulamo ka yeeshay Maktabka Siyaasada ee Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri qoraalka. Waxa ay sheegeen in iyaga oo ka duulaya mas’uuliyad, sida ay ku sheegteen qoraalkooda, ka saaran ilaalinta bad-qabka caafimaadka dadka Muslimiinta ah ay magacaabeen guddiga lasocodka xaaladaha cudurka Coronavirus. “Gudigan oo ka kooban todoba xubnood oo iskugu jira dhakhaatiir, culumo iyo waxgarad, ayaa waxa loo xilsaaray inay ka hawlgalaan ka warqabka xaaladaha caafimaad ee talabixinta hadba wixii soo kordha” ayaa lagu yiri qoraalka Al-Shabaab. Qoraalkooda ayaa intaas ku daray, “Gudiga lasocodka xaalada cudurka Coronavirus ee Al-Shabaab wuxuu shaqo bilaabayaa marka uu soo baxo bayaanka ogeysiinta ah.” Hoos ka aqriso
-
Kismaayo (Caasimada Online)-Allaha u naxariistee waxaa caawa magaalada Kismaayo ku geeriyootay guddoomiyihii ururka Haweenka degmada Kismaayo Sureer Maxamed Cali oo maalmihii dambe ku xanuunsaneyd isbitaalka guud ee magaalada. Sureer Maxamed ayaa ka mid aheyd dadkii laga helay xanuunka Coronavirus, waxaana maalmihii lasoo dhaafay caafimaadkeeda lagula tacaalayey isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo. Dad badan oo la il daran xanuunka COVID-19 ayaa ku jira xilligan isbitaalka magaalada Kismaayo, dhakhaatiirta isbitaalka ayaana ka dareyrinaya xaaladaha ay ku sugan yihiin bukaano badan oo jiifa isbitaalka. Waa qofkii seddaxaad oo cudurka Coronavirus ugu geeriyooda magaalada Kismaayo, waxayna magaaladaasi ka mid tahay meelaha ugu badan dalka ee laga diiwaan geliyay kiisaska cudurka Coronavirus. Tirada guud ee kiisaska cudurka Coronavirus gudaha Soomaaliya ayaa gaartay 1,219 xaaladood, tirada guud ee bogsashada ayaa gaartay 130 qofood, halka dhimashada uu sababay cudurkaas ay weli tahay 52 qofood, inta la ogyahay.
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa si faah faahsan kaga hadlay Saameynta Fatahaada Beledweyne iyo guud Ahaan Hirshabelle Shir Online ahaa Oo uu oo siwadajir ah uga qeyb galeen isaga iyo Ra’iisalwasaare Keyre ula yeesheen wakiillo ka socda Beesha caalamka oo looga hadlay Xaaladda bini’aadninimo ee Beledweyne iyo gobalka Shabeellada Dhexe oo maalmahaan uu ku fatahay Webiga Shabeelle. Shirkan waxaa ka qeyb galay wakiillo ka socda Beesha Caalamka, Saaxiibada daneeyo Soomaaliyam hay’adaha deeqda bixiya iyo hay’adaha fuliya oo ay ka mid ahaayeen Mareykanka, Jarmalka, Sweden, UK, Masar, Turkiga, Norway, Talyaaniga, EU, Amisom iyo Baniga Adduunka iyaga oo lafo guray sida ugu sahlan ee xal loogu heli karo. Madaxweynaha HirShabelle ayaa ka hadlay sida muhiim ay u tahay Xal u helida fatahaada Beledweyne ku soo noq noqday, iyo saameynta Culus ay ku yeeshaan Bulshada Hirshabelle, waxaana uu soo jeediyay talooyin ku aaddan sidii xal waara loogu heli helaa biyaha sanad weliba ka soo rogmanayo webiga oo khasaare badan geysta markaas. Kulanka ayaa lagu go’aamiyay in xal waara loo helo dhibaatada fatahaadaha iyo abaaraha, lana sameeyo qorshe lagu maareynayo biyaha, iyo In loo gurmado dadka ka barakacay fatahaadaha magaalada Beledweyne iyo tuulooyinka hoos taga Jowhar kuwaas oo qobowga iyo qoraxda maalintii ah ku wajahayo duleedyada Jowhar iyo Baledweyne. Ugu dambeyn Ra’isul Wasaaraha xukuumadda federaalka dalka Xasan Cali Kheyre ayaa bogaadiyay dadaalka ay sameeyeen Dawladda Federaalka iyo Dawlad-goboleedka HirShabelle, kuwaas oo yareeyay khasaarihii uu inta badan sameyn jiray wabiga maadaama maalmihii tagay meelo badan oo webiga ah ay caro buuxin lagu sameeyey. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Diyaaraddaan ayaa sidday shixnad gargaar ah oo ka koobneyd 22.5 tan oo ah agabka fatahaaddaha sida teendhooyin,maro kaneeco,maacuun Iyo kuwa kale oo muhiim u ah dadka ka barakacay goobaha ay ku dhufteen fatahaadaha ,daadadkii ka dhashay roobabkii ma hiigaanka ahaa ee ka da,ay deegaanno ka tirsan gobolada dalka iyo hal-tan oo ah qalabka looga hortago cudurka safmareenka ah ee karoona Fetus,Waxaana Dowladda Soomaaliya ay agabkaan ka heshay Hay,adda Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga UNCHR iyo hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO. Xamsa Saciid Xamsa Wasiirka gargaarka Iyo maareynta masiibooyinka ee dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay hay,addaha kasoo jawaabay gurmadka dadka ay saameeyeen fatahaaddaha Iyo daadadkii ka dhashay roobabkii da,ay kuwaasi oo waxyeelo ugeysay dadka danyarta ah . “Waxaan uga mahadcelineynaa Haya’ddaha kasoo jawaabay baaqeynaa ee ahaa in loo gargaaro dadka ay saameeyeen daadadkii ka dhashay fatahaaddii wabiyada Jubba iyo Shabeelle iyo sidoo kale roobabkii mahiigaanka ahaa ka da’ay qeybo ka mid ah gobolada dalka kuwaasi oo waxyeelo u geystay dadka danyarta..ayuu yiri wasiirka Gargaar Xamsa Saciid xamsa. Wasiir ku xigeenka Wasaaraddda gargaarka iyo Maareeynta masiibooyinka xukumadda federaalka soomaaliya Cabdirishiid Maxamuud Xasan ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka fogaadaan goobaha ka akdhaw fatahaadda Iyo inay illaaliyaan nadaafadda iyagoo raacaya fariimaha Caafimaadka ee cudurka covid -19. “Dadka soomaaliyeed waxaan ugu baaqeynaa inay ka fogaadaan meelaha wabiga uu fatahaadda uu kawada iyo sidoo kale inay illaaliyaan nadaafada iyagoo qaadanayo fariimaha wacyigalinta uga imaanaya bahada caafimaadka ee looga hortagayo cudurk karoona ee saameyn ku haayda dalka “Sidaas waxaa yiri wasiir Cabdirishiid Maxamuud xasan. Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ku bixineyso sidii loo samata bixin lahaa dadkii ay saameeyn roobaabki mahiigaan ahaa ee ka da,ay qaar ka mid ah gobolada dalka iyo fatahaaddihii wabiyada shabeele iyo jubba ay ku dhufteen daagaano iyo degmooyinka ka tirsan gobolada dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Khartoum (Caasimada Online) – Sudan ayaa Talaadadii diiday soo jeedin Dowladda Itoobiya ay ku dooneysay in lagu saxiixo heshiis horudhac ah oo lagu buuxinayo biyo xirenka dhismihiisa lagu muransanyahay ee webiga Nile. “Ma aqbali karo in aan saxiixo heshiiska qabyo qoraalka ah wajigiisa koowaad, sababtoo ah waxaa ku jira dhibaatooyin farsamo iyo kuwo sharci kuwaas oo ay tahay in la saxo,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaaha Sudan Abdalla Hamdok. Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa dhankiisa ku booriyay Hamdok in uu heshiiska saxiixo. Xukuumadaha Khartuum iyo Qaahira waxaa ay ka cabsi qabaan in biyo-xireenku uu yareeyo biyaha ay ka helaan wabiga Nile marka ay Ethiopia buuxiso bisha July ee sanadkan. Hamed Saalax, oo Sudan u qaabilsan wadaxaajoodka biyo-xireenka ee uu fududeeyay Maraykanka ayaa sheegay in “inta badan arrintu ay isku xirantahay… lamana kala saari karo saameynta deegaanka iyo midda bulshada ee mustaqbalka fog.” Xiisadda ka dhalatay Nile ayaa cirka isku shareertay wixii ka dambeeyay markii Ethiopia ay biyo xireenka jeexday 2011-kii. Addis Ababa waxaa ay sheegeysaa in biyo xireenku ay muhiim u tahay dhaqaalaheeda, Masarna waxaa ay ka baqaysaa in ay weyn doonto inta badan biyaheeda oo ay ka hesho wabiga Nile. Sudan waxaa ay rajeyneysaa in webiga ay ka heli doonto koronto ay aad ugu baahan tahay islamarkaana ay xakamayn doonto qul-qulka biyaha. Waaxda Maaliyadda ee Maraykanka iyo Bangiga Aduunka ayaa sanadkii lasoo dhaafay u dhaqaaqay in ay fududeeyaan wada-hadllada u dhaxeeya sedaxda waddan kadib markii ay ku guul dareysteen wada-hadallo dhex maray. “Wadada kaliya ee lagu gaari karo heshiis dhameys tiran waa dhammaan qaybaha oo ku laabta miiska wada hadallada,” ayuu hadalkiisa ku daray Hamok. Webiga Nile oo dherarkiisu dhanyahay 6,600 km waxaa uu halbol u yahay biya iyo korontada 10 wadan ee uu maro.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Habeen-13052020.mp3 View the full article
-
Safaardda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa dadka ku xayiran Kenya dib ugu celinayso dalka Soomaaliya iyadoo laabashada muwaadiniintaan safaaradda ay ku xirtay dhowr shuruudood oo looga baahan yahay muwaadiniinta dalka doonayo in ay dib ugu laabtaan. Safaaradda ayaa sheegtay in dadka la celinayo ay qasab tahay in ay haystan Baasaboorka ama degganaanshaha gudaha Soomaaliya , isla markaana aysan qabin cudurka xanuunka safmarka ah ee COVID-19 oo kiisas badan laga helay labada wadan sida lagu sheegay war ka soo baxay safaaradda. Safaardda ayaa maalmihii la soo dhaafay diiwana gelisay dadka ku xaniban dalka Kenya, iyadoo weli diyaar u ah in ay sii diiwaan gelliso dadka weli dhiman. Shirkadda Diyaaradaha ee Daallo Airlines ayaa qaadi doonta Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran dalka Kenya, waxaana ay dadku Tikit-yada jaran karaan ugu dambeyn 17-ka Bishaan May. Dowrka Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ee ku saabsan dib-u-celinta muwaadiniintan Soomaaliyeed ayaa noqonaya fududeynta sidii diyaaradaha dib-u-celinaya muwaadiniinta loogu oggolaan lahaa in ay ka duulaan dalka Kenya, kana degaan dalka Soomaaliya, sida ay safaaraddu sheegtay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay dalka laga diiwaan geliyay 49 xaaladood oo COVID-19 ah, 4 bukaanna ay ka boqsoodeen xanuunka. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur oo sidoo kale caddeysay inay jirin bukaanno cusub oo u geeriyooday ayaa sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir 26, Koonfur Galbeed 9, Puntiland 8 iyo Somaliland 6. Bukaannda cusub 38 ayaa rag ah 11-na waa haween. 1,219 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa guud ahaan dalka laga diiwaan, Geeridu waxay mareysaa 52, waxaana guud ahaan ka bogsooday 130 ruux. Marwo Fowziya Abiikar Nuur, oo caddeysay in Feyruska Karoona uu dalka aad ugu fidayo, ayaa sheegay in la qorsheynayo in la badiyo baaritaanka bulshada ee COVID19, in maamul gobaleedyada dhan la gaarsiio qalab dheeraad ah oo qayb ka qaadanaya dadaallada xakameynta faafitaanka cudurka iyo in magaalooyinka waaweyn ee dalka laga hir-geliyo xaruma dheeraad ah oo dadka looga baarayo xanuunka COVID19. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa dhawaan muddo ku xanibtay markab nooca shidaalka ah oo ay leedahay shirkad lagu magacaabo Som Petroleum, kaasi oo muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa dekedda Berbera. Somaliland ayaa markabkaasi xanibaad kusoo rogtay xili uu kusoo xidhay dekedaasi, iyada oo aan si cad usoo bandhigin sababta rasmiga ah ee ka dambeysa xanibaad lagu soo rogay. Sida ay ogaatay Caasimada Online, markabkaasi ayaa muddadii uu ku sugnaa dekedda Berbera waxa la dajiyay maraakiib kale oo siday shidaal, midaasi oo meesha ka saareysa in Haamaha keydka shidaalka ee dekeddu ay buuxaan ama xukuumada ay soo rogtay awaamiir ka dhan ah Shidaalka oo aan la shaacin. Ilo xogagaal ah oo ku dhow Ganacsatada uu ka xaniban-yahay markabkaasi ayaa inoo xaqiijiyey in sababta loo haysto u aaneynayaan mid qabyaaladeeda, halka ay ku sheegen in Maraakiib kale oo rag ay isku beel yihiin Madaxweyne Muuse Biixi loo ogolaaday inay shidaalkoodii ka rogtan, halka markabkoodu uu weli xayiran yahay. Talaabadan lagu xanibay markabkaasi shidaalka ah ayaa la rumeysan yahay inuu horseedi karo hurinta colaado dheeraad ah oo khal-khal gelin karta deganaanta Somaliland, xili dhawaan ay Jabhad cusub ka abuurmatay bariga gobolka Sanaag, midaasi oo kasoo horjeeday talaabo ay xukuumadu kaga laabatay heshiis ay hore u gaashay, kaasi oo ay dib ugula soo laabaneysay huteelka Hargeysa Club. Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay xukuumada Muuse Biixi oo ku aadan xanibaada markabkaasi, xili aan wax xayiraada lagu soo rogin shidaalka soo galaya deegaanada Somaliland, isla markaana aysan buuxsamin haamihii keydka shidaalka ee dekeddu.
-
Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay dalka laga diiwaan geliyay 49 xaaladood oo COVID-19 ah, 4 bukaanna ay ka boqsoodeen xanuunka. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur oo sidoo kale caddeysay inay jirin bukaanno cusub oo u geeriyooday ayaa sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir 26, Koonfur Galbeed 9, Puntiland 8 iyo Somaliland 6. Bukaannda cusub 38 ayaa rag ah 11-na waa haween. 1,219 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa guud ahaan dalka laga diiwaan, Geeridu waxay mareysaa 52, waxaana guud ahaan ka bogsooday 130 ruux. Marwo Fowziya Abiikar Nuur, oo caddeysay in Feyruska Karoona uu dalka aad ugu fidayo, ayaa sheegay in la qorsheynayo in la badiyo baaritaanka bulshada ee COVID19, in maamul gobaleedyada dhan la gaarsiio qalab dheeraad ah oo qayb ka qaadanaya dadaallada xakameynta faafitaanka cudurka iyo in magaalooyinka waaweyn ee dalka laga hir-geliyo xaruma dheeraad ah oo dadka looga baarayo xanuunka COVID19. Halkaan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article