Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Guddoomiye ku xigeenka 1aad baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiwali Ibraahim Sheekh Muudey iyo qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliy ayaa Caawa ka qeeyb galay munaasabadda Xuska 20 guurada dib u yagleelida Dowladnimada Soomaaliya magaalada Carta ee Dijbouti sanadkii 2000. Guddoomiye Cabdiwali Ibraahim Sheekh Muudey ayaa hadal kooban ka jeediyay xaflada waxa uu ugu horeen u mahadcaliyay Madaxweynaha dalka aynu walalaha nahay ee Dijbouti mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo shacabka dowalada Dijbouti oo uu sheegay in ay si weyn ugu qeeb qaateen dib u u yagleelida dowladnimada Soomaliya Shacabka Soomaliyeedna aysan marnaba iloowi doonin abaalka ay ugu galleen walalahooda Dijbouti Ugu danbeeyntii guddoomiyaha ayaa umahadceliyay qabanqaabiyaasha xaflada oo ay ugu horeyaan Wasiirka Wasaarada Warfaafitnta dhaqanka iyo dalxiisaka mudane Maxamed Cabdi Xayyir Maareeye iyo Wasiirka Wasaarada dhalanyarada iyo ciyaaraha marwo Khadiijo Maxamed Diiriye iyo guud ahaan inta ka soo qeeb gashay Xuska 20 guurada Dib u yagleelida Dowladnimada Soomaaliya Degmada Carta Dijbouti ee Sanadkii 2000. Halkan hoose ka daawo sawirrada: View the full article
  2. Madaxweynaha Somaliland Muuse Bixii Cabdi ayaa xilalkii kaga qaaday kuwa kalena ugu magacaabay qaar kamid ah gudoomiyeyaasha gobolada Somaliland. Muuse Biixi ayaa wareegto uu soo saaray xilkii ka qaaday Guddoomiyihii ee gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali iyo Guddoomiyihii ee gobolka Hawd ee Somaliland Yaasiin Maxamed Shide, sidoo kale isku baddelay guddoomiyeyaashii gobolada Sanaag, Saaxil, Gabilay iyo Saraar. 1. Maxamed Axmed Caalin Yuusuf ,Guddoomiyaha gobolka Awdal. 2. Axmed Cismaan Xasan Cilmi, Guddoomiyaha gobolka Sanaag 3. Axmed Maxamed Xaashi Ducaale, Guddoomiyaha gobolka Saaxil. 4. Axmed Cige Maxamed Geeddi, Guddoomiyaha gobolka Hawd. 5. Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye, Guddoomiyaha gobolka Gabiley. 6. Maxamed Cismaan Xaaji Axmed, Guddoomiyaha gobolka Saraar. PUNTLAND POST The post Somaliland: Mas’uuliyiin xilalkii laga qaaday iyo kuwo la isku baddelay appeared first on Puntland Post.
  3. Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta waxaa uu wareegtooyin madaxweyne u xilalkii kaga qaaday guddoomiyeyaal gobol, halka uu u magacaabay gudoomiyeyaal cusub gobolada qaar ee Somaliland. Halkaa Ka Akhriso Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Garoowe (Caasimada Online) – Golaha wakiilada Puntland ayaa maanta oo Isniin ah kulan xasaasi ah ka leh mataaladda gobolka Banaadir ee Golaha Aqalka Sare. Kulanka oo ah mid deg-dega ah ayaa goor dhow ka furmay xarunta baarlamaanka Puntland ee magaalada Garoowe. Xildhibaanada Puntland oo si weyn uga soo horjeeday xeerkan ayaa la filayaa in go’aano ay ka soo saaraan kulankaasi oo haatan doodiisu bilaabtay. Sidoo kale Xildhibaanada baarlamaanka Puntland ayaa intooda ku doodaya in hanaan qaldan loo maray xaqsiinta gobolka Banaadir oo 13 xubnoood ku yeelanaya Aqalka Sare. Wararka qaar oo ay heshay caasimada Online ayaa sheegaya in golaha wakiilada Puntland ay soo saari doonaan go’aan xiriirka loogu jarayo dowladda dhexe, laguna qaadacayo arrimaha doorashooyinka la filayo inay la qabto dhamaadka 2020/2021-ka Arrinta mataaladda la siiyey gobolka Banaadir ee Golaha Shacabka waxaa ka soo horjeestay xildhibaanada baarlamaanka ee ka soo jeeda deegaanada Puntland.
  5. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin madaxweyne oo summadoodu kala tahay JSL/XM/XKQ/222/1-530/062020 iyo JSL/XM/WM/222-531/062020, uu xilalkii kaga qaaday kuwa kalena ugu magacaabay gudoomiyeyaasha Gobolada Dalka qaar ka mida, sidoo kalena uu ku sameeyey bedel. Waxaanay u dhignaayeen Wareegtooyinkaasi Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne Ku: Yaasiin Maxamed Shide Ibraahim; Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hawd Ku: Cabdiraxmaan Axmed Cali Muuse; Guddoomiyihii hore ee Gobolka Awdal Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ujeeddo: Xil Ka-qaadis Mudanayaal, Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hore u hayseen. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaranka. Magacaabid Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan; Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan: Maxamed Axmed Caalin Yuusuf Guddoomiyaha Gobolka Awdal. Axmed Cismaan Xasan Cilmi Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Axmed Maxamed Xaashi Ducaale Guddoomiyaha Gobolka Saaxil. Axmed Cige Maxamed Geeddi Guddoomiyaha Gobolka Hawd. Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye Guddoomiyaha Gobolka Gabiley. Maxamed Cismaan Xaaji Axmed Guddoomiyaha Gobolka Saraar ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha JSL. Source
  6. Xisbiga Gurmad oo qoraal kasoo saaray hadaljeedinta Xaliimo Yarey ee golaha shacabka ayaa sheegay in guddiga doorashada uu ku milmay siyaasadda iyaga oo intaa raaciyey in warbixintoodu ay sharci darro ah isla markaana u golol xaareyso muddo kororsi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Dr. Cabdiraxman Cabdullahi Baadiyow oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed oo u warramay Shabelle ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha Dastuurka. Baadiyow ayaa sheegay in Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya uu noqday mashruuc ay faraha kula jiraan wadamo shisheeye, isaga oo arrintaasi nasiib darro ku tilmaamay. Sidoo kale waxa intaasi ku daray in dowladnimada Soomaaliya ay taagan tahay, balse ay jiraan caqabado ku hor gudban oo u ugu horreeyo dhameystirka Dastuurka. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay Umadda Soomaaliyeed inay garab istaagaan dowladdooda, islamarkaana ay kala shaqeeyaan horumarka dalka. View the full article
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo haatan ah Senator ka tirsan Golaha Aqalka Sare ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan matalaaddda la siiyey gobolka Banaar. Senator Cabdiraxmaan Faroole ayaa si weyn uga horyimid ansixinta xeerkaasi, kadib markii xildhibaanada Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ay meel mariyeen in gobolka Banaadir uu Aqalka Sare ku yeesho illaa 13 xubnood. Sidoo kale wuxuu go’aanka baarlamaanka Soomaaliya ku tilmaamay mid sharci darro ah, islamarkaana lagu deg-degay, sida uu hadalka u dhigay. Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa intaasi ku daray in madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku tumanayo shuruucda dalka, kuna sii ridayo god dheer, isaga oo kula shirkoobay guddoonka Golaha Shacabka. “Dalkii god buu ku socdaa, madaxweynihii dastuurka loo xil saaray inuu difaaco baa godka ku riday, wuxuuna kula shiraakoobay sharci darada hoggaanka Golaha Shacabka.”ayuu yiri Senator Cabdiraxmaan Faroole. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo Puntland ay horey uga hortimid mataaladda G/Banaadir, waxaana arrintaasi maanta xasaasi ah ka leh golaha wakiilada maamulkaasi.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo Sabtigii hortagay Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay laba nooc oo ay u dhici karto doorashada soo socoto, iyaga oo sheegay in nooca ku xusan sharciga doorashooyinka ee dhawaan uu saxiixay Madaxweyne Farmaajo uu yahay mid waqti iyo kharash badan u baahan. Guddiga ayaa cadeeyay in nooca diiwaangelinta codbixiyaha ay noqoto habka casriga ah ee Biometric-ga, kaas oo uu saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo u baahan lacag dhan $69,670,725. Hadaba Maxaa saldhig looga dhigay qorshahaan?. In la helo shuruuc doorasho oo la fulin karo laguna heshiiyay. In isku mar la qabanayo doorashooyinka labada aqal In diiwaangalinta codbixiyaha la qabanayo ka hor doorashada In la samaynayo 500 xarun codbixineed In ay codeynayaan qiyaasta 3 milyan oo codbixiye In laga codeynayo 5,000 goob codbixineed. In halkii goob ay ka codeyn doonaan ugu badnaan 600 oo codbixye In hal maalin codeyntu dhacayso In uu diyaar yahay dhaqaale ku filan doorashada ayna bixiyaa dawlada Soomaaliya iyo deeq bixiyeyaasha caalamiga ah. In la isticmaalo qandaraaslihii hore loo sameeyay ee laga iibin lahaa qalabka diiwangalinta loo isticmaalayo ee (Biometric) kaas oo qandaraaskiisa ku eg bisha Luulyo 2020. In Miisaaniyad gaar ah ah loo diyaariyo sugida amniga doorashooyinka Kan labaad ee Guddigu soo bandhigay Waa habka diiwaangelinta gacanta ee isla maalinta codbixinta, kaasoo dadka codkooda dhiibanaya lagu diiwaangelinayo gacanta isla maalinta codbixinta iyada oo la adeegsanayo diiwaan qoraal ah. Qaabkaan ayaa waxaa ku baxaya lacag dhan $46,192,389 taas oo ka yar lacagtii ku baxaysay diiwaan galinta qaabka casriga ah. Maxaa saldhig u ah qorshaha 2 aad ee diiwaan galinta gacanta? In wax laga baddalo sharciga doorashooyinka sida uu hadda u qoran yahay. In isku mar la qabanayo doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka. In diiwangalinta codbixiyaha la samaynayo maalinta codbixinta. In la samaynayo 500 xarun codbixineed. In ay codeynayaan qiyaasta 3 milyan oo codbixiye. In laga codeynayo 5,000 goob codbixineed. In halkii goob ay ka codeyn doonaan ugu badnaan 600 codbixye In codeyntu soconayso maalmo badan In uu diyaar yahay dhaqaale ku filan doorashada ayna bixiyaa Dawlada Soomaaliya iyo deeq bixiyeyaasha caalamiga ah. In Miisaaniyad gaar ah ah loo diyaariyo sugida amniga doorashooyinka Labadan hab doorasho oo kiiba u baahanyahay waqti iyo qarash kala badan ee uu soo bandhigay guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa waxaa taageeray Xubanaha beesha Caalamka ee Soomaaliya ku sugan. Madaxweynayaashii hore ee dalka iyo siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa dhankooda diiday qorshahaan iyaga oo guddiga u baaqay in ay iscasilaan,arintaana salka ku hayso mudo kororsi ay gadaal ka riixayso Madaxda Dowladda Faderaalka Soomaaliya. Marka lagaaro xilligaan oo kale waxaa Magaaladda Muqdisho ku soo laabta siyaasiyiinta Magaca ku leh Soomaaliya, waxaana bata eedaymaha iyo isku jawaabida siyaasiyiinta sida caadada u ah Siyaasada Soomaaliya oo mudo burbur ku jirtay balse xalku waxa uu ku jiraa wada hadal iyo isqancin dhexmarta. Soomaaliya ayaa la filayaa in ay ka dhacdo codbxintii ugu horreysay ee dimuqraadi ah muddo 50 sano kabadan. Xisbiyo badan oo si kumeelgaar ah loo diiwaangeliyay ayaa doonaya in ay u tartamayaan doorashadaasi baarlamaaniga ah.
  10. Waxaa deegaanka Feerfeer ee xadka gobolka Hiiraan uu la wadaago dalka Itoobiya, ka socda kulamo lagu xalinaayo colaad dhowaan ka soo cusbaanatay, deegaanka Abaaleey oo dhaca xadka gobolka uu la wadaago dalka Itoobiya. Shirka ayaa waxaa ka qeyb galayo odayaal dhaqameedka labada dhibnac, wakiillo ka socda dowlad goboleedka Hirshabeelle, iyo mas’ uulyiin uu hor kacaayo, guddoomiyaha gobolka Shabeelle ee dowlad deegaanka Soomaalida. Labada dhinac ayaa dhowaan kulan ku soo qaatay magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan , waxaana la isku soo raacay in laga wada shaqeeyo nabad galyada deegaannada xadka, waxaana lagu wadaa in ay wadajir ay soo saaraan war-murtiyeed ay ku cadeynayaan hiiska ay isku afgarteen, kadib dilalkii dhowaan ka dhacay deegaanka Abaaleey. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. (SLT-Karachi)-Rag hubaysan oo weerar ku qaaday suuqa sarifka ee Pakistan ee ku yaala magaalada Karachi, ayaa ugu yaraan dilay laba qof qaar kalana halkaas ku dhaawacay, sida ay warbaahinta dalkaas sheegtay. Dablayda weerarka gaysatay ayaa bam gacameed ku tuuray albaabka weyn ee dhismaha suuqa. Wararka ayaa sheegaya in booliska ay dileen qaar ka mid ah dablaydaan hubaysan, balse uu weli weerarka socdo. Weli ma cadda tirada ay yihiin nimanka dhismaha weeraray iyo waxa ay damacsanaayeen. Source
  12. Xukuumadda Puntland ayaa si rasmiya uga baaqsatay Shirkii Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka oo sida qorshaysan 5-ta bisha soo socota ee July ka qabsoomi lahaaa Magaalada Muqdisho. Ilo’ xog-ogaal ah ayaa warbaahinta Puntland post u xaqiijiyay in Xukuumadda Puntland ay gebi ahaanba Shirkaasi ka baaqsatay islamarkaana ay soo saari doonto War-saxaafadeed si faahfaahsan uga hadlaya sababaha ay uga baaqsatay Shirka. Sidoo kale Baarlamanka Puntland ayaa waxa haatan u socda Kulan deg deg ah oo ku saabsan Go’aankii laga qaadan lahaa Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya iyo Doorashada soo socota kadib markii Golaha Shacabku ansixiyeen Xeerka Matalaadda Gobolka Banaadir. Waxaanse weli caddayn Go’aanka Baarlamanka Puntland uu ka qaadan doono Arrimaha Siyaasadeed ee ka socda Muqdisho iyo sidoo kale Doorashada Madaxtinimada ee 2020/21. PUNTLAND POST The post Puntland oo ka baaqatay Shirkii Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka appeared first on Puntland Post.
  13. Addis Ababa (HOL) - Somalia's Ambassador to Ethiopia, Ambassador Abdihakim Abdullahi Omar 'Amey', has said that Somalia is fully behind Ethiopia in its water dispute with Egypt. Source: Hiiraan Online
  14. (SLT-Denmar)-Maxkamad ku taalla magaaladda Roskilde ee dalka Denmark ayaa toddoba sanno oo xabsi ah ku xukuntay nin heysta dhalashadda dalalka Iran iyo Norway, kaasi oo lagu helay inuu basaasayay, isla markaana uu qorsheynayay inuu dilo dad Iran kasoo jeda oo xidhiidh la leh Sacuudiga, xilli loolanka u dhexeeya dalalkan ku hardamaya Bariga Dhexe uu ku faafay Qaaradda Yurub. Maxamed Davoudzadeh Loloei waxaa sannadkii 2018-kii loo xidhay in uu basaasayay seddax nin oo u dhashay dalka Iran, kuwaas dibed joog ka ah dalkoodii, kuna nool Denmark, waxayna sheegteen ragaas in weerar dhimasho ay ka geysteen Iran. Maxamed waxaa uu akhbaarta ragaas u gudbin jiray madaxda iyo Sirdoonka dalka Iran. Ragga uu ninkaan bartilmaameed sanayay waxaa iyagana lagu xidhay dalka Denmark horraantii sanadkaan, waxaana lagu eedeeyay in ay Sacuudiga u basaasayeen. Waxay sheegteen in aysan dambi lahayn. Jimcihii, ayaa Maxkamad ku taalla magaalada Roskilde waxay Davoudzadeh ku heshay dembi, kadib billo ay socotay dacwad qaadis dheer. Xukunsanahu waxaa uu racfaan u qaadan doonaa Maxkamadda Sare ee Denmark, sida uu sheegay qareenka difaacayay. Xeer-ilaalinta ayaa xukunka waxay ku tilmaantay mid taariikhi ah. Safaaradaha dalalka Iran iyo Sacuudigu ay ku leeyihiin Copenhagen ayaa diiday in ay arrintaan ka hadlaan. Dowladda Iran toos ugama aysan hadlin eedeymaha loo jeediyay. Laakiin markii sanadkii lasoo dhaafay Midowga Europe uu cune-qabateyn kusoo rogay wasaaradda sirdoonka Iran oo lagu eedeeyay inay shirqool ka qorsheysay gudaha dalalka Netherlands, France, iyo Denmark, ayaa wasiirka Arrimaha Dibadda Javad Zarif waxaa uu seddaxda wadan ku eedeyay inay argagixisada qarinayaan. “Muddo 14 sano ah Booliiska dowladda Denmark waxay ilaalinayeen koox dad ah, iyagoo ka war qaba in ay argagixiso yihiin,” ayuu maxkamadda ka sheegay xukunsane Maxamed Davoudzadeh. Iran iyo Sacuudiga ayaa ku tartamaya hoggaanka Bariga Dhexe, waxayna isku adeegsan jireen ururro hubeysan oo ay isku weerari jireen gobolka dhexdiisa – laga soo bilaabo dalalka Yemen iyo Lubnaan. Fadhiyadda maatanaha ah ee maxkamadda kasoo muuqaneysa Europe waxay muujineysaa in labada dal ay tartankoodi ka rarayaan Bariga Dhexe, isla markaana Isku qabsanayaan gudaha qaaradda Yurub, iyagoo is basaasaya, is shirqoolaya, isuna adeegsanaya argagixisada, taasi oo khatar gelin karta xidhiidhka diblamaasiyadeed ee muhiimka u ah labada Dowladood. Markii bishan June la ogaaday in seddax qof oo Iran u dhashay loo maxkamadeynayo in ay Sacuudiga u basaasayeen, goobo militari oo Iran leedahay ayaa Wasiirka arrimaha Dibadda ee dalka Denmark Jeppe Kofod waxaa uu u yeeray safiirka Sacuudiga u qaabilsan Denmark Source
  15. Golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta kulan ay ku yeeshaan xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho. Ajandaha kulanka looga hadli doonaa , Akhrinta 1aad ee Heshiiska dowladda federaalka Soomaaliya iyo Turkiga ay wada galeen iyo xeerka astaynta kuraasta golaha shacabka ee Baarlamaanka soo aadan ee 2021-ka. Golaha ayaa markii dib loogu soo laabtay kalafadhigii 7-aad ayaa waxaa ay ku guuleysteen meel marinta asteynta kuraasta gobolada Woqooyi ee baarlamaanka, iyo xeerka matalaadda Muqdisho ee Aqalka sare oo 13 xubnood ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Sanetor Bilaal Idiris Cabdullaahi oo ka mid ah Golaha Aqalka Aare ayaa soo jeediyey in xal laga gaaro khilaafka ka dhex aloosan guddoonka labada Gole ee baarlamaanka Somalia. Sanetor Bilaal Idiris Cabdullaahi oo kamid ah seneterada aqalka sare ee baarlamaanka ayaa soo jeediyay in xal laga gaaro khilaafka kadhex aloosan gudoonka labada aqal ee baarlamaanka Somalia Labada Aqal ayuu kutilmaamay inay yihiin mas-kaxda dowladnimada Soomaaliya, sidaa darteedna wuxuu ugu baaqay guddoonka labada Aqal inay meel isugu yimaadaan oo ay wada hadlaan, islamarkaana ay isku tanaasulaan. Sidoo kale wuxuumeesha kasaarayeedeemo dhawaan loo jeediyey madaxweynaha Soomaaliya kuwaasi oo ku qotomay in madaxweynuhu uu is-hortaag ku sameeyey howlhihii Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya Khilaaf dhinaca sharciga ayaa ka dhex taagan guddoonka labada Aqal, kaasi oo salka ku haya mideynta kulamada labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya. View the full article
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) ayaa markii ugu horreysay ka jawaabtay eedeyn uga timid xisbiyada qaar, gaar ahaan kuwa ku mideysan Madasha Xisbiyada Qaran ee uu guddoomiyaha u yahay Madaxweyne hore, Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in guddigooda uusan wax eed ah laheyn, islamarkaana ay horey u shaaciyeen inay maqan yihiin waxyaabihii lagu qaban lahaa doorashada. Sidoo kale waxa ay iyada oo ka jaabeysa hadalkii Madasha Xisbiyada ay shaaciyay in guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka uusan laheyn wax dambi ah oo la xariira shaqada loo igmaday, islamarkaana uu isku casili karo, sida ay hadalka u dhigtay. “Anaga waxaan is casileynaa hadii aan dambiile noqono oo haqadii naloo diray aan qaban weyno,feberaayo 2017 ayaan sheegnay in ay ka maqan yihiin waxyaabihii doorashada lagu qaban lahaa welina ma helin laakin in Guddiga la iska eedeeyo ma ahan ayay tiri” Guddoomiye Xaliimo Ismaaciil Ibraahim oo loo yaqaano (Xaliimo Yarey). Ugu dambeyn waxa ay soo jeedisay in laga wada shaqeeyo arrimaha doorashada, gaar ahaan sidii loo heli lahaa waxyaabaha aas-aasiga u ah, sida dhaqaalaha. Si kastaba ha’ahaatee hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalin ka hor guddiga doorashada uu baarlamaanka ka jeediyey warbixintii laga sugayey ee doorashooyinka 2020 illaa 2021-ka, isaga oo soo jeediyey labo nooc oo waqti dheeri ah u baahan.
  18. Golaha wakiilada Puntland ayaa maanta kulan deg deg ah ka yeelanaya matalaadda siyaasadeed ee la siiyay gobolka Banaadir, taas oo uu ansixiyey Giolaha Shacabka. Xildhibaanada baarlamanka Puntland ayaa lagu wadaa in ay soo saaraan go’aano ka dhan ah ansixintii baarlamanka federaalka Soomaaliya ee matalaadda gobolka Banaadir. Inta badan mudanayaasha baarlamanka maamulka Puntland ayaa shalay ku dooday in hannaan qaldan loo maray ansixinta xeerka Mataalaadda gobolka Banaadir oo 13 Senetor ku yeelan doono Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya. View the full article
  19. Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay weerar madaafiic ah lagu qaaday saldhig ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin gudaha magaalada Beledweyne. Weerarka oo ay fuliyeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa waxaa lala beegsaday saldhigga ciidamada Jabuuti oo ku yaalla xaafadda Howlwadaag ee magaaladaasi. Ma cadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay hoobiyeyaashaasi oo tiradooda lagu sheegay illaa lix, kuwaas oo ku dhacay gudaha xerada ciidamada AMISOM. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Jabuuti ay dhankooda ku jawaabeen madaafiic, balse ma jirto wax khasaare ah oo ka dhashay. Xaaladda ayaa saaka degan, iyadoona ciidamada ammaanka ay howl-gallo ka bilaabeen xaafado ka tirsan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. View the full article
  20. Sen. Cabdiraxmaan Faroole Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland, haatanna ah Senetor ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole), oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe, ayaa si adag uga horyimid Xeerka Mataaladda Gobolka Banaadir oo ay ansixiyeen Aqalka Hoose ee Baarlamanka. Sen. Faroole, ayaa si adag u cambaareeyay Go’aanka ay Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ku ansixiyeen Xeerka Mataaladda Siyaasadeed ee gobolka Banaadir, kaas oo qeexaya in Gobolkaas Aqalka sare laga siiyo 13 xubnood. EX. Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole, wuxuu Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ku eedeeyay, in ay isu xulafaysteen sidii loo meel-marin lahaa Xeerka Mataaladda Gobolka Banaadir, oo uu ku tilmaamay mid baal marsan Dastuurka Dalka. Senetor. Faroole, ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu si cad u jebiyay Dastuurkii iyo Shuruucdii Dalka ee lagu doortay, islamarkaana uu baal-maray wixii Dadka Soomaaliyeed ku heshiiyeen. Mudane Cabdiraxmaan Faroole, wuxuu sidoo kale Farmaajo ku eedeeyay in uusan aqoonsanayn Aqalka Sare ee Baarlamanka, sidaas darteedna uu doonayo in uu qalalaase siyaasadeed ka abuuro Aqalkaas. “Waxaa nasiib-darro ah, Bumbo in Farmaajo ku dhex tuuray Aqalka sare…. In uu yiraahdo Muqdisho oo uu afarta koone dhagaxyo kaga xiray, oo uu Jasiirad kaga noolyahay, Qayb kamid ah Degmadii Wardhiigley in uu Dadka Bumbo dhex dhigo” ayuu yiri Faroole. PUNTLAND POST The post Faroole: Madaxweyne Farmajo Bumbo ayuu ku dhex tuuray Aqalka sare appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday madaafiic oo xalay saq dhexe lagu qaaday saldhiga ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti ay ku leeyihiin magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan. Weerarka ayaa lala beegsaday xero ciidamadaasi ay ku leeyihiin xaafadda Howlwadaag ee magaaladaasi. Ugu yaraan illaa lix hoobiye ayaa lagu soo warramayaa inay lagu garaacay saldhigga AMISOM, balse lama oga illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in ciidamada Jabuuti ay dhankooda ku jawaabeen tiro madaafiic ah, kuwaas oo ku hoobtay duleedka Beledweyne. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Hiiraan, kan degmada iyo saraakiisha AMISOM oo ku aadan weerarkaasi. Xaaladda ayaa saaka degan, balse ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti ayaa dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka bilaabay agagaarka magaalada Beledweyne ee xarunta Hiiraan. Dhowaan ayey aheyd markii sidan oo kale ay weerar madaafiic dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhigga ciidamada Jabuuti ee ku yaalla halkaasi.
  22. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/06/Warka-Subax-29062020.mp3 View the full article
  23. Golaha wakiillada dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta markale la filayaa in ay kulan ku yeeshaan magaalada Garowe, kaas oo la xiriixa kulan goluhu ay shalay ay ka yeesheen mataladda gobolka Banaadir. Kulanka maanta golaha ayaa lagu wadaa in golaha ay soo saaraan war-murtiyeed ay Puntland ay ku cadeeneyso moowqifkeeda matalaadda gobolka Banaadir laga siiyey Aqalka sare 13 Sanotor Baarlamaanka 2021-ka. Golaha wakiillada Puntland oo maalinimadii shalay dood dheer ka yeeshay arrinta matalaadda gobolka Banaadir, ayaa eedeyn u jeediyey dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, marka laga reebo Jubbaland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Waxaa warar kala duwan ay ka soo baxayaan qarax khasaare geystay oo habeenimadii xalay ka dhacay degamada Deyniile ee gobolka Banaadir, waxaana waxyeello ka soo gaartay caruur deegaanka ah. Qaraxa ayaa ka dhacay meel u dhow Aargada degmada, waxaana uu ahaa walxaha qarxaha oo caruurtu ay ku ciyaareen iyaga oo gargaraay, taas oo keentay, in markii dambe uu ku qarxo. Waxaa inta la xaqiijiyey qaraxaas ku geeriyooday labo caruur ah, waxaana sidoo kale uu dhaawac ka soo gaaray mid kale, caruurta mid kamid ayaa deganaa goobta ay wax ka dhaceen meel u dhow. Degmada Deyniile ayaa waxaa inta badan ka dhaca qaraxyada nuucaan ah, waxaana inta badan ka dhasha khasaare soo gaara caruurta oo aan aqoon u laheyn walxaan, mana jiro cid isku howshay in laga uruuriyo walxahaan degmada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  25. Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa Maanta oo Isniin ah Kulan deg deg ah ka yeelanaya Matalaadda Siyaasadeed ee la siiyay Gobolka Banaadir oo maalmo ka hor ay ansixiyeen Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya. Mudanayaasha Baarlamanka Puntland ayaa lagu wadaa in ay soo saaraan go’aamo ka dhan ah Ansixintii Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ay ansixiyeen in Gobolka Banaadir Aqalka Sare laga siiyo 13 xubnood. Sidoo kale Xildhibaannada Baarlamanka Puntland ayaa Shalay dood adag ka yeeshay sida Puntland ka yeelayso Go’aankii Baarlamanka Federaalku ay ku anisixiyeen Mataaladda Siyaasadeed ee Gobolka Banaadir. Inta badan mudanayaasha Baarlamanka Puntland ayaa shalay ku dooday in Hannaan qaldan loo maray Ansixinta Xeerka Mataalaadda Gobolka Banaadir oo 13 Senetor Aqalka sare ka siinaya gobolkaas. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Puntland oo Maanta Kulan deg deg ah ka yeelanaya Matalaaddii la siiyay Gobolka Banaadir appeared first on Puntland Post.