-
Content Count
211,204 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
7gu yaraan 16 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen weerar gantaallo ah oo ay Israa’iil ka fulisay gudaha dalka Suuriya sida ay sheegtay warbaahinta ay maamusho dowladdu. Weerarkan oo ka dhacay meel u dhow magaalada Masyaf ee gobolka Hama ayaa waxa uu dhaliyay dab xooggan,waxaana uu geystay khasaare nafeed iyo burbur hantiyeed oo baaxad leh sida ay baahisay wakaaladda wararka SANA ee dalka Suuriya. Sidoo kale waxay wararku sheegayaan in 36 qof ay weerarka ku dhaawacmeen, kuwaas oo laba kamid ahi ay dib ka geeriyoodeen, taas oo tirada dhimashada oo 14 qof u ahayd ka dhigtay 16. Source: goobjoog.com
-
Maxaas (Caasimada Online) – Mid kamid ah Odayaasha ku dhaqan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa maanta sameeyay arrin cajiib ah, isla markaana si weyn loogu bogaadiyay, kadib markii uu soo celiyay shidaal uu horay uga bililiqeystay dowladdii hore ee milatariga ee uu hoggaamiyaha ka ahaa madaxweyne Maxamed Siyaad Barre. Ninkan oo lagu magacaabo Muumin Fiidow Rooble, isla markaana 85 sanno jir ah ayaa sheegay in markii ay dhacday dowladdii hore, dalkana uu galay burburka uu ka qayb-qaatay bililiqada shidaal ay lahayd dowladda oo xilligaas u gacan galay dadka shacabka ah. Muumin Fiidow ayaa sheegay inuu isaga uu qaatay 50 liitar oo shidaal, haddana uu go’aansaday inuu shidaalkaas dib ugu soo celiyo dowladda Soomaaliyeed. Wareysiyo uu bixiyay ayaa waxa ku sheegay inuu dareemay inay xaaraan tahay falka uu sameeyay, kadibna uu la tashaday culimada, sidaasna uu kusoo celiyay. Aabe Muumin Fiidow ayaa shidaalkan geeyay xarunta maamulka degmada Maxaas, waxaana kala wareegay guddoomiyaha degmadaasi oo sidoo kale u mahadceliyay. ”Aniga oo ah Muumin Fiidow oo ku nool Maxaas, waqtigii ay dhacday dowladii Maxamed Siyaad Barre in la bililiqeestay shidaalkii dowladda oon loo aabo yeelin, waxaan kamid ahaa dadkii bililiqeestay shidaalkaasi, waxaa maalintaas iga soo gaaray 50 liitar, culmida markaan weediiyay waxa ay ii sheegeen in shidaalkaasi qaanta ah kaliya ku wareejin karo dowlad maadaama ay dowlad laheyd, waxaana ku wareejiyay guddoomiyaha degmada Maxaas, si aan maalinta qiyaamo la iigu qabsan shidaalkaasi” ayuu yiri Muumin Fiidow. Tallaabada uuq aaday Aabahan Soomaaliyeed ayaa si weyn loogu boggaadiyay, maadaama uu gartay inuu iska soo celiyay shidaalkaas oo kamid ahaa hantidii qaranka ee la boobay. The post Nin bililiqeystay hanti ay lahayd dowladdii Siyaad Barre oo hadda soo celiyay + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta ka qeybgalay Shirka Amniga iyo Isbeddelka Cimilada oo looga hadlayey sida ay isugu xiran yihiin arrimaha cimilada iyo amniga. Mudane Saalax ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay fahamka sida uu isbeddelka cimiladu saameyn toos ah ugu yeelanayo amniga, gaar ahaan Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka. Wuxuu si gaar ah uga hadlay abaarta, daadadka, iyo barakaca oo si joogto ah u saameeya bulshooyinka, taasoo sababaysa in khilaafyo soo ifbaxaan. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay dedaal xoogan ku bixineyso in la abuuro siyaasado waara oo wax ka qabta halista cimilada, si loo ilaaliyo amniga dalka. Isaga oo ku boorriyey dhinacyada in ay lagama maarmaan tahay in la sameeyo iskaashi heer qaran iyo heer caalami ah, si loo abuuro xalka mustaqbalka ee arrimahan. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa soo dhoweeyay dadaalka hey’adaha caalamiga ah sida UNDP oo ka shaqeynaya sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo sidii amniga iyo deegaanka loogu xiri lahaa siyaasad cad oo midaysan. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo qabatay Shir ku saabsan Amniga iyo Isbeddelka Cimilada appeared first on Puntland Post.
-
Garsoorku waa hannaan lagu kala saaro dulmanaha iyo dembiilaha, cidda gar leh iyo cidda gardarrada ku socata, qofka xoolaha iska leh iyo midka xoogga ama xeeladda uga boobaya, iyo guud ahaan ismaan-dhaaf kasta oo dadweynaha ka dhex aloosma. Maadaama garsoorku yahay adeegga dadka is haysta u gar-naqaya, islamarkaana cid waliba waxa ay mudantahay u sugaya oo qumanaha iyo qaldanaha kala saaraya waxaa muhiim ah in fursad uu howlihiisa ku gudan karo la siiyo. Dulucda haddii aan kuu soo dhoweeyo fal-dembiyeedyada iyo xiisadaha bulshada ka dhex aloosma laamaha garsoorka lagu simo intaan tillaabo kale la qaadin ama dhibka dhacay mid kale looga jawaabin. Tusaale haddii uu tuug guri u soo dhaco oo intaanu waxba qaadan ay gacanta ku dhigaan reerkii guriga iska lahaa waxaa wanaagsan in bahda garsoorka lagu wareejiyo intaan la jirdil oo dhibaato loo geysan, balse haddii la garaaca oo dhaawac ama jug culus la gaarsiiyo waxaa xadgudub asaga qudhiisa lagula kacay oo laga yaabo inuu ka saamayn bato kii uu geystay. Si kastaba ha ahaatee falcelinta dembiyada dalka ka dhacaahi waxay u badantahay gef gef lagu saxay oo ah in cid wax laga tabanayo ama eedeysanaha laysku dayo in laga aargoosto oo la cinqaabo ama xoog iyo xeelad middii fudud lagu wajaho, markii lagu daalo oo laga quusto ka dibna garsoorka lagu dacaweeyo, taasina waa mid howl gudashada garsoorka lid ku ah. Falcelinta ugu wanaagsan ee dembiyada iyo is qab-qabsiyada halista keeni kara ayaa ah in laamaha ammaanka lagu wargeliyo, wixii marqaati iyo caddayn kale ahna la diyaarsado si ay ka salgaaridda faldembiyeedka ama khilaafku u fududato. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanno ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa ka horymid tallaabadii uu dhowaan qaaday guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo mamnuucay shirarka jaraa’id ee lagu qabto banaanka xarunta Villa Hargeysa. Go’aanka oo maalin kahor soo baxay ayaa waxaa lagu sheegay in hadda kadib la joojiyay shirarka jaraa’id ee lagu qabto gudaha iyo bannaanka xarunta baarlamaanka iyo in xittaa wareysiyo lagu qaado hakaasi. Amarkan ayaa toos loola wadaagay warbaahinta, gaar ahaan wariyeyaasha soo tabiyay wararka la xiriira Baarlamaanka iyo doodaha xasaasiga ah ee ka jira, waxaana go’aankan si toos ah u saameynayaa shaqada warbaahinta madaxa bannaan ee magaalada Muqdisho. Xildhibaan Cabdirisaaq Ciid oo ka jawaabayay tallaabadan ayaa sheegay inay tahay mid aan qaban xildhibaannada, sidoo kalena lagu caburinayo warbaahinta madaxa bannaan. “Waxaa nasoo gaartay in Idaacadaha laga mamnuucay inay baarlamaanka hortiiisa ay wararka ku duubtaan runtii suurtagal ma’aha, wax na qabta ma’ah, Ummadda Soomaaliyeedna cadaalad uma ah” ayuu yiri xildhibaan Cabdirsaaq Ciid. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “”Suurta gal ma’ahan in Xildhibaanada loo diido in ay la hadlaan warbaahinta oo ay cabshaha shacabka gudbiyaan, midaasi waa caburin mana yeeleyno”. Dhankeeda Xildhibaan Faa’iso Maxamed Jayte oo arrintan si kulul uga hadashay ayaa tiri “Anaga bur iyo bariis ma gadno, meeshan hadal ayaan uj oognaa, cid naga celin kartana maleh”. Shirarka jaraa’id waxaa badanaa qabanayay xildhibaannada mucaaradka ku ah dowladda kuwaas oo dhaliilo culus u jeedinayay madaxda ugu sarraysa dalka. Si kastaba, lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa arrintan, balse waxaa lala xiriirinayaa xiisadda ka dhalatay hadalladii dhowaan kasoo yeeray xildhibaannada kasoo jeeda Koonfur Galbeed ee taageeray Itoobiya, kadib shir jaraa’id oo ay ku qabeen bannaanka xarunta Golaha Shacabka, taas oo dhalisay caro xoogan. The post Daawo: Xildhibaanno ka horyimid tallaabadii uu qaaday Aadan Madoobe appeared first on Caasimada Online.
-
458924689_1197763304840331_6902494986173417331_n Qaran News
-
Wakaaladda wararka ee Suuriya ayaa sheegtay in duqaymaha Israa’iil ay dileen ugu yaraan shan qof ayna ku dhaawacmeen in ka badan toban kale kadib markii ay ku dheceen bartamaha dalkaas. Waxay sheegtay in shan goobood la beegsaday, oo ay ku jirto xarun cilmi baaris oo la sheegay inay soo saarto gantaallo sax ah. Ma jirto wax jawaab ah oo ka soo baxay Israa’iil oo si naadir ah u qirata duqaymaha Suuriya. Kormeere fadhigiisu yahay UK ayaa sheegay in weerarradu ay ku yimaadeen mowjado, kuwaas oo lala beegsaday goobo ciidan oo ku yaalla magaalada Masyaf, halkaas oo uu sheegay in khubarada horumarinta hubka ee taageersan Iran ay ka shaqaynayeen. Bbcsomali Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha cusub Soomaaliya ee dalka Mareykanka Daahir Xasan Carab oo xalay munaasabad sagootin ah loogu sameeyay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay mas’uuliyiadda culus loo igdamay, isaga oo ballan qaad u sameeyay saaxibadiisa Jaamacadda Simad oo iyagu soo qaban-qaabiyay munaasabadda. Ugu horreyn Daahir Carab ayaa u mahadceliyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo u magacaabay xilka danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya, wuxuuna sheegay inuu qaadan doonto talada bahda diblumaasiyiinta safaaradda, si horay loogu sii wado shaqada. “Allaha ii fududeeyo xilka Safiirka Mareykanka ee Madaxweynuhu ii magacaabay, waxii talo ah bahda safaaradda ayaan ka qaada doonaa.” ayuu yiri Danjire Daahir Carab. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in uu xoogga saarayo xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Maraykanka, isaga oo soo bandhigay dardaaran uu siiyay madaxweynaha. “Madaxweynaha wuu ila dardaarmay, waxa uu u yiri Dowladda hadda joogta waxyaabaha ay Maraykanka ka rabto waa waxyaabo iska kooban waxaana kamid ah in la xoojiyo xiriirka labada Dal, in la kobciyo dhaqaalaha & dhanka waxbarashada” ayuu mar kale yiri danjiraha cusub Soomaaliya ee Maraykanka. Ugu dambeyn Daahir Carab ayaa ballan qaad gaar ah u sameeyay saaxibadii Jaamacadda Simad, maadaama uu ahaa guddoomiyahoodii, kahor inta aan xilkan loo magacaabin, isaga oo tusaale usoo qaatay sheeko hore oo ka ka dhacday magaalada Beledweyne. “Hadda kahor nin aan saaxibo nahay oo reer Beledweyne ah ayaa waxaa sagaashameeyadii usoo baxay leen Ingiriiska ah kadib wuxuu wacay dadki xaafadda deganaa, si loogu duceeyo kulanka ayuu ka istaagay wuxuu yiri ma i maqleysiinoo reer Buulo-Xaabley haddaan Ingiriiska tego qof halkan joogi doono ma jiri doono” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay. The post Danjiraha Soomaaliya ee Mareykanka oo ballan qaad u sameeyay saaxibadiisa SIMAD appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) — The Ministries of Health from Somalia's federal member states and Banadir region have accused the Federal Ministry of Health of canceling cooperation with regional governments and the Banadir region, escalating tensions over the delivery of crucial health services. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta dib u billowday kulamadii caadiga ah ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maalmihii lasoo dhaafay hakad galay, sababo la xiriira xiisadda hareysay Golaha ee ka dhalatay kala aragti duwanaashaha xildhibaannada. Wararla ayaa sheegaya in haatan baarlamaanka Soomaaliya uu mid kamid ah kulamadiisa ku leeyahay xarunta Villa Hargeysa, si loo sii amba qaado howlaha shaqo ee horyaallo. Saddexdii kulan ee ugu dambeysay ayaa baaqday, sababo la xiriira is qab-qabsiga xildhibaannada, kadib markii ay xiisad ka dhalatay mudanayaal taageeray Itoobiya. Sababta ugu wayn ee muranka ka dhashay waa arrinta Itoobiya gaar ahaan joogitaanka ciidamadeed oo laga taageeray Koonfur Galbeed, xildhibaannada kasoo jeedana ay la dareen noqdeen dadkooda, ayna soo dhaweeyeen Itoobiya. Xaaladda ayaa isku rogtay is qab-qabsi iyo in mooshin laga diyaariyo xildhibaannada taageeray Itoobiya, balse waxaa arrinta soo farogeliyay guddoonka sare oo shaaciyay in xa laga gaaray kala aragti duwanaashihii xildhibaannada, kadib kulan ka dhacay xafiiska guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe). Sidoo kale waxaa jiray go’aan culus oo kasoo baxay guddoonka baarlamaanka oo warbaahinta looga mamnuucay inay waraysiyo iyo shirar jaraa’id xildhibaannada uga duubaan gudaha iyo bannaanka xarunta Villa Hargeysa. Amarkan ayaa toos loola wadaagay warbaahinta, gaar ahaan wariyeyaasha soo tabiyay wararka la xiriira baarlamaanka iyo doodaha xasaasiga ah ee ka jira, waxaana go’aankan si toos ah u saameynayaa shaqada warbaahinta madaxa bannaan ee magaalada Muqdisho. Si kastaba, dib u bilaabidda kulamada baarlamaanka ayaa kusoo aaday, xilli todobaadkii hore is-faham buuxa laga gaaray khilaafka soo kala dhex-galay xildhibaannada, kadib dadaallo uu sameeyay guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe). The post BF Soomaaliya oo dib u furmay, kadib maalmo uu hakad galay appeared first on Caasimada Online.
-
Ugu yaraan 24 qof ayaa ku dhintay, halka ay 299 kalena ku dhaawacmeen Vietnam oo ay ka dhaceen dhul go’ iyo daadad ka dhashay duufaan lagu magacaabo Yagi oo meelo dalkaas kamida ku dhifatay. Duufaantan ayaa ahayd tii ugu xooga badneyd ee sanadkan ka dhacda qaarada Asia, waxaana ay ku dhifatay xeebaha waqooyi bari ee Vietnam, kadib markii ay ka timid dhinaca Shiinaha iyo Filibiin oo ay khasaare baaxad leh ka geystay. Dadka dhintay waxaa ka mid ah lix qof oo ay ku jiraan carruur yar yar, kuwaas oo ku dhintay isbuurasho ka dhacday buuraha Hoang Lien Son ee waqooyi-galbeed ee Vietnam, ayadoo meydadkooda laga helay halkaas sida uu sarkaal maxalli ahi u sheegay wakaaladda wararka ee AFP. Goobjoog.com Source: goobjoog.com
-
Somalia's narrative spans thirty years of governance and order, contrasting with over thirty years of civil unrest and fragility. Somalia is one the countries that gained independence in the third quarter of the 20th century- this marked the Cold War era where Second World War victories shaped a new world order, making market-centered economy policies that were highly sparred by the liberal societies and the communist world. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) — Hodan Ali hasn't slept properly in years. The 32-year-old mother of three wakes up in terror almost every night, haunted by the sound of gunfire from Mogadishu's years of conflict. Like millions of other Somalis, Hodan is trapped in a mental health crisis worsened by decades of violence, stigma, and a lack of professional care. Source: Hiiraan Online
-
Soomaaliya waxaa ku badan dabka suuqyada iyo goobaha ka ganacsiga qabsada, kaas oo sababa khasare hantiyeed oo baaxad leh, ayadoo ay suurta-gal tahay in ganacsato badani ay ku tacab beelaan. Qof saacado ka hor maalqabeen ahaa ayuu dabku sababi karaa inuu daqiiqado yar sabool fara badan ku noqdo, taasina waa dhibaato si joogto ah uga dhacda magaalooyinka Soomaalida iyo meelo kala ee dunida kamid ah. sidoo kale dhibaato kale oo waxyeello hantiyeed sababta ayaa qofka ama shirkadda qabsan karta sida dhac bank, markab degay, shil gaari, dhaqaalo xumo sicir barar ka dhalatay iyo wixii lamid ah. Markii ay musiibo noocaas ahi dhacdo Soomaalidu waxay sameeyaan gurmad dadkii dabka ku hanti beelay loo samaynayo, balse gurmadkaasi kaalmo muuqda iyo kab dhaqaale oo weyn ma noqdo ee kaliya wuxuu ku koobanyahay dib u dhiska suuqa iyo wax lamid ah. Haddaba dalalka caalamka waxaa ka jira hannaanka caymiska oo ah hab loogu talo-galay in haddii dhibaato dhacdo dadka waxyeelladu gaartay lagu garab istaago, islamarkaana kab looga dhigo. Caymiskaasi wuxuu noqan karaa mid nafeed oo qof uu uga faa’iidaysan karo daryeelka caafimaadkiisa, horumarinta noloshiisa iyo aqoon kororsiga, sidoo kale wuxuu noqan karaa mid hantiyeed oo xilliga dhibaatooyinka dhaqaale dhacaan lagu badbaado. Hannaankani waa mid muhiimad weyn u leh bulshada, waana qidmad ama lacag oo ay kooxi isku darsanayso, islamarkaana ay si joogto ah u aruursanayaan, kaas oo yaraynaya saamaynta uu khasaare kasta oo dhacaahi ku yeelan karo nolosha iyo dhaqaalaha qof kasta oo kamida kooxda ku mideysan. Si kastaba ha ahaatee ku biirista caymisku waa badbaadada ganacsiga iyo horumarinta nolosha bulsho iyo mid qofeedba, balse Soomaalida inteeda badani ma fahamsana, balse waxay u badanyihiin hannaanka kale ee hagbadda ama ayuutada loo yaqaan oo kaliya loogu tala-galay in lacagta lagu aruursado si meerto ahna qofba mar u qaato. Source: goobjoog.com
-
Jigjiga (Caasimada Online) – Faah-faahinoo dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal gelinkii dambe ee shalay ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka Shabeelle ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac. Dagaalka ayaa waxa uu dhex-maray ciidamada Liyu Boolis iyo maleeshiyaad deegaanka ah oo ku sugnaa duleedka degmada Cadaadle ee gobolka Shabeelle, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada oo ku baxay muran ka taagnaa halkaas ay isku dhaceen maleeshiyaadka deegaanka, waxaana goobta oo ay ku sugnaayeen dad badan oo rayid ah ku dhintay ku dhowaad 20 qof. Mid kamid ah dadka deegaanka oo ka warbixiyay dhacdadan ayaa sheegay in goobta lagu dilay shacab badan, kuwa kalena ay dhaawacmeen, halka qaar kalena la waayay meel ay jaan iyo cirib dhigeen. “Hoggaanka nabad galyada gobolka Shabeele dadki ay kulaayen duleedka Cadaadle wax dhintay iyo wax dhaawac ah iyo wax baxsaday oo ilaa hada la’layahay ayay noqden dadba dhiig bax u dhintay o wax qaada waayay” ayuu yiri qof kamid ah dadka deegaanka. Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana haatan dhaq-dhaqaayo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga degmada Cadaadle ee gobolka Shabeelle. Si kastaba, illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka deegaanka oo ku aadan dhacdadaas shacabka lagu laayay ee lagu eedeeyay ciidamada Liyu Boolis. The post Ciidamada Liyu Boolis oo laayay dad badan oo SHACAB ahaa appeared first on Caasimada Online.
-
Khubarada Geeska Afrika ayaa aaminsan in Itoobiya ay si weyn u muujisay welwelka kadib qorshe cusub oo Masar ay ku doonayso in ciidamadeeda ay ku geyso Soomaaliya. Qorshahani wuxuu ka dhashay xilli ay jirto xiisad sii kordhaysa oo u dhaxaysa Itoobiya iyo dalalka Soomaaliya iyo Masar. Dawladda Masar ayaa qorsheynaysa in ay ciidamadeeda geyso Soomaaliya, iyada oo la tixraacayo heshiisyo milateri iyo isfaham dhinaca amniga ah. Tallaabadan ayaa waxaa looga golleeyahay in lagu taageero ciidanka Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa ammaanka gobolka. Soomaaliya iyo Masar ayaa dhawaan ka wada hadlay sidii ay u xoojin lahaayeen xiriirkooda militariga, taasoo ka dhigtay in Itoobiya ay dareento cabsi ku saabsan qorshayaashan cusub. Shalay Abiy Axmed ayaa meel Fagaare ah ayuu ka sheegay in dalkiisa duulaan lagu soo yahay. xilli Itoobiya ay ku xadgubtay madaxbaanida Soomaaliya markii ay heshiis la gashay Somaliland bilowgii sanadkaan. Dhinaca kale, Itoobiya iyo Masar waxay isku heystaan arrimo ku saabsan wabiga Niile, gaar ahaan qaybta uu wabigu ka socdo gudaha Itoobiya. Masar ayaa si weyn uga welwelsan qorshayaasha Itoobiya ee ku saabsan xakamaynta iyo isticmaalka biyaha wabiga Niile, iyadoo ay Masar u aragto in talaabooyinkaas ay khatar ku yihiin ilaha biyaha ee muhiimka ah. Sidoo kale Khubarada geeska Afrika ee dhanka Siyaasadda ayaa aaminsan in Soomaaliya ay kaga guuleystay Itoobiya Siyaasadda arrimaha dibada. Ururada Hubeysan ee ka jira Itoobiya ayaa sidoo kale dhul cusub qabsaday maalmihii lasoo dhaafay. waxa ay ku eedeeyeen Abiy Axmed in uu Qatar ku yahay nabada geeska. Kordhinta xiisadaha iyo iskaashiga ka dhanka ah Itoobiya ee gobolka ayaa ka dhigaya xaaladda siyaasadeed ee Geeska Afrika mid murugsan. Source: goobjoog.com
-
459095836_1595934187939805_7881351184033545884_n Qaran News
-
In the first sequence of “Mother Mother” a herd of camels cry out in the dark. Their guttural sounds are their own kind of haunting music as we are drawn into the world of two camel herders in rural Somalia: widow and force-of-nature Qalifo and loyal only son Asa (newcomers Maan Youssouf Ahmed and Elmi Rashid Elmi). Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) — Growing military cooperation between Somalia and Egypt is heightening tensions in the Horn of Africa as the two nations align to counter Ethiopia's influence. As Egypt sends troops and arms to Mogadishu, Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed has vowed to defend his country's territorial integrity amid fears of an escalation in regional hostilities. Source: Hiiraan Online
-
Dhimashada ka badan 50-ka qof ayaa ka dhacday gobolka Bartamaha Nigeria ee Niger kaddib markii booyad shidaal ay ku dhacday gaari xamuul ah oo siday dad iyo lo’, sidaasina waxaa sheegay hay’adda masiibooyinka dalka. Sida ay hay’addu sheegtay, shilka oo dhacay saq dhexe habeenimo waxaa ka dhashay dab qabsaday labada gaari. Gawaari kale ayuu sidoo kale dabku gaaray. Muuqaallo laga duubay goobta wax yar kaddib markii uu shilka dhacay ayaa muujinaya labada gaari oo wada gubtay iyo lo’idii oo halkaas ku dhimatay. Shaqaalaha samatabixinta ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay in ay isku dayayaan in ay ka soo saaraan goobta dad iyo xoolo wixii halkaas ku dhintay. PUNTLAND POST The post In ka badan 50 qof oo ku dhintay shil ka dhacay dalka Nigeria appeared first on Puntland Post.
-
Edmundo Gonzalez oo ah musharraxi xisbiga mucaaridka Venezuela u matalay doorashadi madaxtinimo ee bishi July, ayaa gaaray dalka Spain, halkaas oo uu ka helay magan-galyo siyaasadeed. Gonzalez ayaa xalay ka duulay Venezuela, kaddib todobaadyo uu dhexda uga jiray qalalaaso siyaasadeed oo ka dhashay natiijadi kasoo baxday doorashadi maxatinimada ee uu kula baratamay madaxweyne Nicolas Maduro. Guddiga doorashada ayaa sheegay in Maduro uu si aqlabiyad leh ugu guuleystay doorashada, hase yeeshee mucaaridka ayaa sheegay in doorashada lagu shubtay. Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Spain ayaa lagu sheegay, in Gonzalez iyo xaaskiisa ay diyaaraddi wadday kasoo degtay saldhiga miilatariga Torrejon de Ardoz ee magaalada Madrid. Ka cararista dalkiisa ayaa timid todobaad kaddib marki ay xukuumadda Maduro ee Venezuela soo saartay waaran lagu soo xirayo. Dowladda Mareykanka, Midowga Yurub iyo quwado kale ayaa rumeysan in Gonzales oo ah 75 jir uu ku guuleystay doorashadi madaxtinimada ee ka dhacday Venezuela. PUNTLAND POST The post Hoggaamiyihii Xisbiga Mucaaridka Venezuela oo u cararay dalka Spain appeared first on Puntland Post.
-
458965271_1190840395485890_2921763459087817869_n Qaran News
-
laamaha amaanka Isra’il ayaa shaaciyay, in nin hubeysan oo u dhashay dalka Urdun uu saddex qof oo Isra’ili ah ku dilay Marinka Allanby ee ay dadka Urduniyiinta u yaqaannaan Buundada Boqor Xuseen oo ah marin isku xira xadka Urdun iyo Daanta Galbeed ee dhulka la heysto. Milateriga Israa’iil ayaa sheegay, in ninka hubeysan oo watay baabuur xamuul ah oo ka yimid dhanka Urdun uu ku soo dhawaaday isgoyska Allenby, kaddibna rasaas ku furay ciidamada ammaanka Israa’iil. Waxay kaloo sheegeen in saddex qof ee uu dilay ay ahaayeen rayid ay da’doodu aheyd 50 sano jirro. Ninkan oo la xaqiijiyay in uu ahaa muwaadin u dhashay dalka Urdun ayaa ku dhintay is rasaaseyn dhex martay isaga iyo ciidamada Isra’il ee ilaalila marinka laga soo galo Daanta Galbeed. Waa weerarkii ugu horeeyay ee noociisa ah oo ka dhaca xadka Urdun ay la wadaago Isra’il tan iyo 7-dii October, markaasoo ay Xamaas weerartay koofurta Isra’il. Dhanka Gaza, saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay, in duqeymo cirka ah oo ay Israa’iil ku bartilmaameedsatay guri ku yaalla magaalada Jabaaliya Axaddii ay ku dileen, Mohammad Morsi, oo ahaa agaasime ku-xigeenkii hay’adda gargaarka deg-degga ah ee Gaza. Source: goobjoog.com