Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,099
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mogadishu (HOL) — Sarah Mohamed Khalif, a Somali-born Belgian citizen, has been re-elected to the municipal council of Leuven, Belgium, solidifying her role as a trailblazer in European politics. Sarah, the first Somali, Muslim, and immigrant woman to hold such a position, won her second term following a hard-fought election. Source: Hiiraan Online
  2. Addis Ababa, Ethiopia (HOL) — Prime Minister Abiy Ahmed reshuffled his cabinet on Friday, appointing Dr. Gedion Timothewos as Foreign Minister to manage Ethiopia's strained international relations following internal and regional conflicts. Source: Hiiraan Online
  3. Madaxda dowladda Mareykanka iyo maamulka Israa’iil oo saacado ka hor ku dhawaaqay dilka hoggaamiyihii ururka Xamaas Yaxye Sinwaar ayaa jeedinaya hadallo u muuqda hambalyo ku aaddan howl muhiim ah oo ay ku guulaysteen. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in dilka Yaxye Sinwaar uu ka dhiganyahay waa samaad oo u beryay Israa’iil iyo Mareykanka, islamarkaana dadka reer Falastiin ee marinka Qasa mustaqbalkooda hagaagayo Xamaas la’aanteed. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha maamulka Israa’iil ayaa sheegay in dagaalka Qasa uusan ku joogan doonin dilka Yaxye Sinwaar, dhinaca Xamaas’se wax war ah oo arrintaan ku saabsan weli lagama hayo, sidaa darteed warbaahinta illaa haatan boqolkiiba boqol ma hubto warkan. Source: goobjoog.com
  4. Nairobi (Caasimada Online) – Baarlamaanka Kenya ayaa ugu dambeyn soo gaba-gabeeyay toddobaadyo mowjado siyaasadeed oo dalkaasi uu dhexda ka galay, kaas oo salka ku hayay khilaafka madaxweyne William Ruto iyo ku-xigeenkiisii hore Rigathi Gachagua, iyada uu xilkii la waaday Gachagua. Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa soo magacaabay ku-xigeenkiisa cusub, taas oo uu ogolaansho u siinay dastuurka dalkaasi, wuxuuna xilkaasi siiyay Prof Kithure Kindiki oo ah wasiirka arrimaha gudaha dalkaas. Ninkaan iyo William Ruto ayaa ah saaxiibo dhanka siyaasadda ah weliba isaga dhow ninka lagu beddelay. Baarlamaanka Kenya ayaa heysta muddo 60 maalmood ah in ay ku aqbalaan inkasta oo loo badinayo in xildhibaannadu u codeyn doonnaan maadaama uu dhanka madaxweyne William Ruto kala dhaxeeyo xiriir wanaagsan oo wada-shaqeyn ah. Ruto ayaa ku-xigeenkiisii hore waxa uu majaha u geliyay dabin siyaasadeed oo ah in uu musuq ama xatooyo uu sameeyay waana tan keentay in Rigathi Gachagua inuu ku waayo xilkiisa ka horna laga saaray baraha madaxtooyada gaarka u ah. Haddaba, waa kuma madaxweyne ku-xigeenka cusub ee Kenya? Abraham Kithure Kindiki waa 52 jir ku dhashay Tharaka-Nithi County, waxbarashadiisa waxa uu wax kusoo kala bartay dalkiisa Hooyo ee Kenya iyo Koofur Afrika. Sidoo kale waxa uu heystaa shahaadooyin kala duwan oo dhanka waxbarashadiisa ah. Kithure, waxa uu siyaasadda soo galay sanadkii 2013kii kaddib markii uu ku guuleystay kursiga Senate-ka laga soo doorto, halka uu ku dhashay ee ah Tharaka-Nithi County. Waxa uuna kaalin hagar la’aan ah kasoo qaatay ololihii doorashada madaxweynaha haatan magacaabay ee William Ruto. The post Waa kuma madaxweyne ku-xigeenka cusub ee Kenya ee beddelaya Gachagua la cayriyay? appeared first on Caasimada Online.
  5. Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed ayaa maanta oo Jimce ah magacaabay saddex wasiir oo kamid noqday Xukuumaddiisa. Dikreeto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa lagu magacaabay saddex wasiir oo ka bannaanaa Xukuumadda dalkaasi Ethiopia. Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa u magacaabay Wasiirka cusub Arrimaha dibadda Ethiopia Dr. Gideon Tomotios, sida ku cad dikreetad ka soo baxday Xafiiskiisa. Wasiirka Cadaaladda ayuu sidoo kale Ra’iisul Wasaare Abiy u magacaabay in ay noqoto marwo Hana Aryaslase, halka wasiirka Dalxiiska uu u magacaabay Marwo Seifit Kasa. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia oo magacaabay saddex wasiir oo ka bannaanaa Xukuumaddiisa appeared first on Puntland Post.
  6. Addis Ababa, Ethiopia (HOL) — The Ogaden National Liberation Front (ONLF) has announced it is reassessing the 2018 peace agreement it signed with the Ethiopian government, citing a lack of progress on key provisions. Source: Hiiraan Online
  7. Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa u magacaabay wasiirka arrimaha gudaha dalkaas Prof Kithure Kindiki inuu noqdo madaxweyne ku xigeenka cusub ee bedelaya Rigathi Gachagua oo saacado ka hor xilka laga qaaday. Magacaabista Kindiki ayaa u baahan ansixinta golaha sharci-dejinta, balse waxa ay u badan tahay in la meel mariyo doono maadaama Ruto uu haysto aqlabiyad baarlamaanka dalka. Tillaabadan ayaa timid ka dib todobaadyo is mari waa siyaasadeed uu ka aloosnaa Kenya, kaas oo u dhexeeyay madaxweyne Ruto iyo ku xegeenkiisii hore mudane Rigathi Gachagua oo baarlamaanka ugu dambeyn ay xilka ka qaadeen. Source: goobjoog.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ayiday go’aan horey uga soo baxay dowladda federaalka, kaas oo lagu mamnuucay bacaha halka mar la isticmaalo. Axmed Madoobe oo shir gudoomiyay kulanka golaha wasiiradda oo lagaga hadlay arrimaha amniga, xaalada guud ee siyaasada dalka, ayey qeyb ka aheyd doodda xeer ku saabsan joojinta bacaha halka mar la isticmaalo oo ay soo gudbisay wasaaradda deegaanka iyo isbadalka cimiladda. Sidoo kale waxaa shirka golaha wasiirada maamulka Jubbaland diirada lagu saaray horumarinta xabsiyad iyo qodobo kale oo muhiim u ah maamulkaasi. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan mamnuucday ka ganacsiga iyo isticmaalka bacda halka mar la isticmaalo, taas oo dhibaato weyn ku ah badqabka deegaanka. Sidoo kale wasaaradda rekadaha iyo gaadiidka badda XFS ayaa bixisay amar lagu joojinayo in dekadaha dalka laga soo dejiyo bacaha fudud ee halka mar la isticmaalo. Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in macdu ay khatar ku tahay deegaanka, islamarkaana aan laga sii isticmaali karin deegaanka, maadaama ay leedahay khataro badan oo dhanka deegaanka ah. Inta badan caalamka lagama isticmaalo bacahaan, waxaana la xaqiijiyey inay khatar ku tahay deegaanka, dunida oo dhan waxaa ka jirta saameyn ka dhalatay isbedelka cimillada iyo wasaqowga hawada, waxaana hadda lagu dadaalayaa in la yareeyo waxyaabaha khatarta ku ah hawada iyo deegaanka, si loo helo cimilo hagaagsan. The post Axmed Madoobe oo ayiday go’aan kasoo baxay DF Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  9. Mogadishu (HOL) —The African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) officially transferred control of the Kuday Forward Operating Base (FOB) to Somali forces on Wednesday, a major step in the third phase of ATMIS’s troop drawdown and Somalia’s increasing self-reliance in security. Source: Hiiraan Online
  10. Nin degan gobolka Maryland ee dalka Mareykanka ayaa lagu soo oogay dacwad ah in uu isku dayay inuu taageero agab ah siiyo kooxda Daacish ee Soomaaliya. Michael Sam Teekaye Jr., oo 21 jir ah, kuna nool magaalada Hanover, Maryland, ayaa 14-kii Octobar lagu xiray garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Baltimore Washington, waxaana tan iyo xilligaas uu ku jiray xabsi. Xafiiska Xeer Ilaalinta Mareykanka ee Qeybta Maryland ayaa Michael Sam Teekaye ku soo oogay dacwad ku saabsan in uu isku dayay in uu taageero agab ah siiyo kooxda Daacish ee Soomaaliya. Sida lagu sheegay galka dacwaddiisa, Teekaye wuxuu wadahadalo badan la yeeshay sarkaal is-qariyey intii u dhaxaysay Maarso iyo April 2023, isagoo u muujiyay rabitaankiisa ku biirista kooxda Daacish, una safro Afrika si uu ugu dagaallamo kooxda argagixisada. Waxa uu sidoo kale u sheegay sarkaalka in haddii qorshihiisa socdaal uu shaqeyn waayo, uu qorshihiisa labaad ahaa in uu Mareykanka ka fuliyo weerar ka dhan ah shaqsiyaadka taageera Israel. Warqadaha dacwadda ayaa sidoo kale faahfaahin ka bixiyey xiriir Teekaye uu la sameeyay dagaal-yahannada Daacish ee Soomaaliya, isaga oo kala shaqeynaya qorshihiisa safarka. PUNTLAND POST The post FBI-da Mareykanka oo xirtay nin u socday Soomaaliya si uu ugu biiro kooxaha Daacish appeared first on Puntland Post.
  11. Addis-Ababa (Caasimada Online) – Itoobiya ayaa kumanaan askari oo dheeraad ah soo gelisay Soomaaliya, ayada oo aysan ka war hayn dowladda federaalka Soomaaliya, sida uu qoray wargeyska The National ee Imaaraadka Carabta. Wargeyska ayaa ilo-wareedyo ka soo xigtay in Itoobiya ay Soomaaliya soo gelisay 7,000 oo askari oo dheeraad ah maalmo kadib markii ay Masar billowday inay hub iyo ciidan u dirto Soomaaliya. Itoobiya ayaa la qiyaasaa inay hadda Soomaaliya ka joogaan ilaa 22,000 oo askari. Ciidamada Itoobiyaanka waxay qeyb dalka ku joogaan heshiisyo laba geesood ah oo kala dhaxeeya dowladda federaalka, halka qayb kale ay ku joogaan in ay ka mid ka yihiin ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS. Hase yeeshee, cidna si dhab ah uma shaacin karto tiradooda rasmiga ah, sidoo kalena ma jirto cid la socota ama xadidda dhaq-dhaqaaqyadooda, ayada oo markii ay rabaan dalka soo gala, kana baxa. Itoobiya ayaa la sheegay in ay si aad ah uga carootay iskaashiga militari ee dowladda federaalka ay la yeelatay Masar, oo ay si aad ah isku hayaan. Madaxweynaha Itoobiya Taye Atske Selassie, oo markii ay Masar saanadda militari u soo dirtay dowladda federaalka, ahaa wasiirka arrimaha dibadda, ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay in hubka “xoogagga dibadda ay uga sii dari doonto ammaanka jilicsan [Soomaaliya] oo uu ku danbeyn doono gacanta argagixisada”, isaga oo ula jeeday Al-Shabab. Dowladda Federaalka ayaa dalbatay in ciidamada Itoobiya ay dalka ka baxaan marka uu dhammaado howlgalka ATMIS bisha December, haddii aanay Addis-Ababa ka laaban heshiiska ay la gashay Somaliland. Masar ayaa ku dhawaaqday inay doonayso inay badasho ciidamada nabad ilaalinta ee Itoobiya marka ay baxaan, iyadoo Soomaaliya ay si cad u taageertay. Masar iyo Itoobiya ayaa in ka badan 10 sano waxaa ka dhaxeeyey xiisad ka dhalatay biyo-xireenka Addis-Ababa ay ka sameysay webiga Nile oo ay halis u aragto Qaahira, oo 97% biyaheeda ugu tiirsan Nile. The post Xog: Itoobiya oo kumanaan askari soo gelisay Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  12. Mogadishu (HOL) — Renowned Somali poet Sugaal Abdulle was among the seven people killed in a suicide bombing at a busy tea shop near the Mogadishu Police Academy, police confirmed. Abdulle, a celebrated figure in Somali arts and a member of the Heegan Police cultural group was known for his contributions to the arts. Source: Hiiraan Online
  13. Mogadishu (HOL) — Years of conflict, poverty, and displacement have left Somalia grappling with a mounting mental health crisis that remains largely unaddressed, according to Doctors Without Borders/Médecins Sans Frontières (MSF). In a recent report, MSF highlighted the worsening psychological toll on vulnerable communities, with women and children bearing the brunt of the distress. Source: Hiiraan Online
  14. Addis Ababa, Ethiopia (HOL) — Somaliland's Foreign Minister, Dr. Essa Kayd, took a bold step on Wednesday by laying the foundational stone for what they said would be the breakaway country's new embassy in Addis Ababa. Ethiopia's government donated the land, symbolizing the deepening diplomatic relations between the two countries. The move will likely exacerbate the already tense relations in the Horn of Africa. Source: Hiiraan Online
  15. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/10/463207465_973577894576422_7561809791771295421_n.mp4 Qaran News
  16. Muqdisho, Somalia – Dilalka lagu bartilmaameedsaday ganacsato ku sugnaa degmooyinka Hodan, Dayniile, iyo Hiliwaa ayaa cabsi xoogan ku beeray bulshada magaalada. Todobo ruux ayaa la toogtay iyagoo ku guda jiray hawlahooda shaqo, waxaana dilalkaas fuliyey kooxo hubeysan oo katirsan Al-Shabaab, kuwaas oo kasoo horjeeda xirashada kaamirooyinka CCTV ee amniga suurtagaliya. Ganacsade Xasan Cali oo ku shaqeeya dukaan ayaa tilmaamay cabsi weyn ay soo wajahday ganacsatada maadaama dukaamadoodii lagu dhex beegsanaayo. “Markaan aragno ganacsato la laayay , waxaan dareemaynaa in nolosheena halis weyn ku jirto. Ma hubno inaan ganacsiyada furan karno subaxda xigta,” ayuu yiri Xasan. Saameynta Dilalka iyo Cabsida Ganacsatada Sida ay aaminsan yihiin Khubarada dhaqaalaha waxaa ka dhalan karta saameyn weyn beegsiga ganacsatada waxaa ka mid ah: Hoos u dhac ku yimaada ganacsiga iyo dhaqaalaha maxalliga ah: Dilalka ganacsatada waxay sababi karaan xiridda meherado badan oo muhiim ah, taasoo keeni karta hoos u dhac dhaqaale. Ganacsatada waxay ka baqi karaan inay furtaan goobahooda sababo la xiriira cabsi amni, taas oo saameynaysa ganacsiga iyo shaqaalaysiinta. Xaaladda amni oo kasii dareysa: Kooxda Shabaab waxay bartilmaameedsanayaan ganacsatada xiranaya CCTV si ay uga hortagaan isku dayada la doonayo in lagula socdo dhaqdhaqaaqyadooda. Tani waxay niyad-jabinaysaa dadka daneynaya inay hirgeliyaan tallaabooyin amni oo casri ah. Kalsoonidarro sii xoogeysanaysa ganacsatada iyo macaamiisha: Macaamiishu waxay cabsida awgeed ka fogaadaan goobaha ganacsi ee bartilmaameedka u noqon kara kooxda, taasoo hoos u dhigaysa isku socodka suuqa. Isla markaana, ganacsatada laftoodu waxay dareemayaan kalsoonidarro, iyagoo cabsi ka qaba in lagu bartilmaameedsado maadaama aysan jirin falcelin cad oo uga timaada booliska iyo NISA. Gacan ka hadal la’aanta hay’adaha amniga Tan iyo dhacdadii dilalka: booliska iyo NISA ayaan weli muujin tallaabo cad oo ay ku soo afjarayaan falalkaas amni darro. Tani waxay abuureysaa niyad-jab ku yimaada shacabka iyo ganacsatada, kuwaas oo filayey inay heli doonaan badbaado iyo ilaalin. Xasan Cali ayaa ugu dambeyn sheegay: “Waxaan dareemayaa inaan ku shaqeynayo cabsidii ugu badneyd. Ganacsato badan waxay bilaabeen inay albaabada u laabaan, ama ugu yaraan yareeyaan saacadaha ay furanyihiin.” Kaamirooyinka lagu xiray qeybo ka mid ah Muqdisho ayaa si weyn uga qeyb qaatay sugitaanka Amniga Caasimadda. waxaa tan iyo markii la xiray gacanta lagu dhigay xubno badan oo ka tirsan Shabaab oo geysanayay dilal iyo Qaraxyo ka dib markii Wajiyadooda la aqoonsaday. falkaan ayaa ka caraysiiyay Kooxda oo bilowday beegsiga ganacsatada. Source: goobjoog.com
  17. Mogadishu (HOL) — Heavy fighting broke out between Somali army forces and al-Shabab militants on Wednesday night in the Lukugoraw area, about 20 km from Hudur district in the Bakol region. Source: Hiiraan Online
  18. Kenya's senate voted to dismiss Deputy President Rigathi Gachagua from office by impeachment on five out of 11 charges levelled against him on Thursday, in an unprecedented move that risks pushing the country towards a political crisis. Source: Hiiraan Online
  19. ANKARA - The chief of Iran’s Islamic Revolutionary Guard Corps (IRGC) threatened Thursday to strike Israel again in response to any Israeli military action against Tehran. Source: Hiiraan Online
  20. MOGADISHU (Xinhua) -- A UN relief agency said Thursday that humanitarian access incidents decreased by 18.6 percent to 57 incidents in the third quarter of the year, compared with 70 in the previous quarter. Source: Hiiraan Online
  21. NAIROBI, Kenya (HOL) — Conservationists are urging the Kenya Wildlife Service (KWS) to intensify efforts to protect Somali giraffes and ostriches, as rampant poaching and severe drought conditions threaten these iconic species with extinction. The North-Eastern Wildlife Conservancies Association (Neca) has called for immediate intervention, warning that the illegal hunting of these animals is escalating, with giraffe and ostrich meat reportedly being openly sold in northern Kenya and smuggled into Somalia. Source: Hiiraan Online
  22. washington — Police in Somalia say a suicide bomber killed at least seven people Thursday when he detonated an explosives-laden vest in front of a crowded restaurant in the capital, Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  23. (ERGO) – A stable job with a new cleaning company in Galkayo, central Somalia’s Mudug region, has put widowed Farhia Omar Warsame into a solid position to support her seven children on her own. Source: Hiiraan Online
  24. Saacadihii la soo dhaafay waxaa warbaahinta qabsaday xogo ku saabsan dilka hoggaamiyihii ururka maxaas yaxye Sinwaar oo ciidamada maamulka Israa’iil ay sheegeen inay ku dileen marinka Qasa, islamarkaana ay meydkiisa helaan oo xaqiijiyeen inuu asagii yahay. Sidoo kale Mareykanka ayaa ku dhawaaqay dilka hoggaamiyahan laf-dhabarka u ahaa dagaalka wax iska caabinta ah ee Falastiiniyiinta, ayadoo madaxweyne Joe Biden iyo ku xegeenkiisuba ay arrintan siyaabo kala duwan uga hadleen. Sheegashada dilka Yaxye Sinwaar ayaa ku kooban dhinaca Israa’iil iyo Mareykanka, Xamaasna weli kama hadlin, sidaa darteed madaxda dalalka dunida intooda badani wax war ah kama soo saarin. Israa’iil ayaa dhowr jeer horay u sheegatay dilka Yaxye Sinwaar iyo hoggaamiyaal kale oo uu ku jira abaanduulayaha guutada Al-Qassaam Muxamed dayf, balse markan Mareykanka ayaa ku dhawaaqay, waxaana la sheegay in la xaqiijiyay ka dib markii DNA laga qaaday meyd la helay, haddana weli xogtu ma sugna haddii aysan kooxda Xamaas arrintaas shaacin. Source: goobjoog.com
  25. Xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa iska dhogo tiray go’aankii ganaaxa ahaa ee ay 3 cisho ka hor ay soo saareen Gudida anshax marinta doorashooyinka, kaasi oo mamnuucaayay in xisbina uu qabsado wax xaflad ah ka hor ololaha xisbiyada loo asteeyay. Hadaba sida ku cad sawiradani iyo muuqaalo la baahiyay waxa 17/10/24. Gabiilay ka qabsoontay xaflad ay madaxda ugu saraysa ee xisbiga Kulmiye ka soo qayb galeen taasi oo qaybo ka mid ah beesha reer Xareed ee Jibriil Abokor ay sheegeen in ay taageero ugu muujiyeen xisbiga Kulmiye. Madaxda xisbiga Waddani ayaa doraad baajiyay xaflad si heersare ah loo agaasimay oo ka dhaci lahayd degmooyinka Sabawanaag iyo Cadaadley. Hadaba hadii Gudida anshax marinta doorashooyinka ee Somaliland aycarinkani talaabo ka qaado waayaan waxa loo arkayaa in ayna arimaha doorashooyinka ayna dhex ka ahayn. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/10/463897439_906213937596635_8216823236339536363_n.mp4 Halkan hoose ka daawo hadalkii gudiga anshax marintu soo saaray. Qaran News