Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,225
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Baydhaba (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal ay ka sameeyeen gobolka Baay, waxa ay sheegeen in ay ku soo furteen dad Shacab ah iyo xoolo ay afduubteen Al-Shabaab. Dadkan shacabka ah ayaa waxaa la sheegay in Al-Shabaab ay ku haysteen deegaanno ay ciidamadu ka sameeyeen hawlgalka, sida uu sheegay taliska ciidamada. Saraakiisha hoggaaminayay hawlgalka ayaa waxa ay sheegeen in howl-galka oo laga fuliyey deegaanno ay ka mid yihiin Buur Ayle, Walaq iyo qaar kale, ay sidoo kale ku dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab. Sidoo kale waxa ay sheegeen Saraakiishu in dadka shacabka ah deegaankaasi ay ku dhibaateyn jireen deegaannada ay tageen, iyagoo sheegay in ay dib ugu soo celiyeen xoolo ay ka dhaceen Al-Shabaab. Ciidamada ma aysan shaacin tirada dadka lasoo furtay iyo muddada ay ku jireen gacanta kooxda Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaa inta badan xirta dadka diiday amarradooda, gaar ahaan kuwa ka hor-yimaada inay bixiyaan xoolaha ay kooxdaas ku qaadato zako ahaanta. Ciidamada Xoogga Dalka ayaa waxa ay sheegeen in ay sii wadi doonaan, hawlgallada ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.
  2. Dagaalkii Khaliijka Soomaaliya Way kukala qaybsameen, qayb waxay raacday Dalka Qatar halka Soomaaliland, Puntland iyo Jubbaland ay si toosa u taageereen Garabkii Sacuudiga iyo Emaraatka [...] The post Qatar oo dhabarka u jeedisay Dowlada Federaalka, Itoobiyana ka dejisay 10 tan oo Qalab iyo Daawo ah appeared first on . Source
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay inay ka go’an tahay in doorashada dalka ay ku dhacdo waqtigeeda, uuna ku dadaali doono sidii arrintaas loo fulin lahaa. Kheyre ayaa hadalkan ka sheegay kulankii Golaha Wasiirada Soomaaliya ee shalay oo lagu qabtay qaab online ah, sida ay noo sheegeen dhowr wasiir oo kulanka ka qeyb galay. “Laga billaabo maanta, waa inaan ka shaqeynaa ka xukuumad ahaan xaqiijinta doorsho ummadda Soomaaliyeed u dhantahay, xasilloon nabad ah, dadkuna ay qeyb ka noqdaan,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Kheyre. Waxa uu intaas ku daray in doorashada oo waqtigeeda ku dhacdaa ay ku jirto xasilloonida siyaasadeed ee dalka, oo haddii la waayo meesha ka bixi karta. “In doorasho inta badan la isla oggolyahay dalka ka dhacdo ayaa wax walba inooga muhiimsan xillagan, si aan u ilaalino xasilloonida siyaasadeed ee dalka, waana sida kaliya ee aan ku hubin karno in ay waaraan wixii aan soo qabannay,” ayuu yiri Kheyre. “Doodda ah in dalkaan Afar sano ee kasta ay doorsho la isla oggolyahay ka dhacdo, nuuceey rabto ha ahaatee, waa tan sharciyadda na siisay, sidaas darteed waa inaan ilaalinnaa.” Hadalka Kheyre ayaa imanaya ayada oo ay jiraan warar sheegaya inuu madaxweynaha kaga ra’yi duwan yahay in muddo kororsi la sameeyo. Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa rumeysan in muddo kororsi kasta uu keeni karo in la magacaabo ra’iisul wasaare cusub oo mucaaradka ka imanaya, si loogu qanciyo, taasina ay tahay sababta Kheyre u diidan yahay muddo kororsiga.
  4. Hay’adda Zamzam Foundation ayaa qoraal ay soo saartay uga hadashay habkii ay “ciidamada” u wateen sideed dhallinyaro, oo kadib markii la soo dilay meydkooda la soo dhigay deegaanka Gololey ee degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Dhallinyaradaas ayaa sida ay hay’adda sheegtay waxay “ciidamada” ka wateen xarun caafimaad oo ay hay’addu maamusho oo ku taalla deegaanka Gololey. Hoos ka aqris qoraalka hay’adda oo dhameystiran. Abaare 1:30 duhurnimo shalay oo ay taariikhdu ahayd 27/5/2020, waxaa xarunta caafimaadka Gololey (Gololey Health Facility), oo ka trisan degamada Balcad oo ay maamusho hay’adda Zamzam foundation soo galay ciidan ku labisan dareyska ciidanka oo hubaysan wejiyadana qarsaday waxayna kaxaysteen 7 ka mid ah shaqaalihii xarunta caafimaadka iyo qof ka mid ah dadka deegaanka, lamana garan halka ay u kaxaysteen. Baadigoob kadib, waxaa la helay maydadka 8-dii qof ay ciidanka afduubteen. Shaqaalaha la xasuuqay ayaa ku sugnaa marka falka afduubka dhacayay xaruntooda kuna guda jiray hawlahooda caafimaad oo ay bulshada ugu adeegayeen. Hay’adda Zamzam Foundation waxay cambaareyneysaa cidwalba oo ka dambeysay dilka xasuuq ah. Waa dil wadareed arxan darro ah kana baxsan bani’aadanimada oo loo geystey dad berimageyda ah oo aan waxba galabsanin. Waxaan hay’adaha amniga qaabilsan ee maamul goboleedka HirShabeelle iyo dawladda dhexe ka codsaneynaa in baaritaan dagdag ah lagu sameeyo falkaas xasuuqa a , ciddii ka dambeyseyna sharciga la horkeeno. Ugu danbeyn, waxaan tacsi tiiranyo leh u diraynaa dhamaan qoysaskii, ehelkii iyo asxaabtii ay ka geeryoodeen marxuumiinta waxaan eebe ka baryeynaa inuu naxariista jano ka waraaabiyo. انا لله وانا اليه راجعو View the full article
  5. Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta oo Jimco ah banaanbax ballaaran uu ka dhacay gudaha degmadaasi. Dibad-baxaan ayaa waxaa looga soo horjeeday dhalinyaradii shalay lagu laayey deegaanka Gololey oo hoostaga degmadaasi. Sidoo kale dibad-baxayaasha oo Maryo gaduudan ay madaxa ugu xirnaayeen ayaa DF iyo HirShabelle ka dalbaday in cadaallada la horkeeno dadkii geystay falkaasi. Allaha u naxariisee dhalinyarada la laayey oo sideed ahaa ayaa todobo ka mid ah waxa ay ahaayeen shaqaale caafimaad, halka qofka kale uu ka mid ahaa dadka deegaanka. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  6. XASUUSTII PROF-ABUBAKAR SH. ABDI SH. MUHUMED. Allaha u naxariistee waxa god galay aqoon yahan qiima badan ku dhex lahaa ehelkiisa iyo guud ahaanba ummadda Soomaal. Prof- Abubakar Sh. Abdi waxa uu ka mid ahaa aasaasayaashii dhidibada u taagay Amoud University dabayaaqadii 90 aadkii. Waxana uu ahaa hormoodkii ugu horreeyey ee KULIYADDA BEERAHA AMOUD. TAARIIKHDA PROFISSOR-KA OO KOOBAN. Prof-Abubakar waxa uu ku dhashay magaalada Wajaale sannadkii 1950 kii. Markii uu bar baaray ee uu Qur’aanka bartayna, waxa uu sannaddii 1960 isla magaalada Wajaale ka bilaabay waxbarashadiisii dugsigii hoose. Dugsiga sare ee Faarax Oomaar waxa uu dhammaystay sannadkii 1971, kadibna waxa uu galay dugsigii la odhan jiray Bootiko, ee markii danbe loo bixiyey XALANE. 7 ba bilood ayeyna tababar ciidan ku qaateen isaga iyo ardaydii ay isku filka ama xilliga ahaayeen. Sannadkii ku xigtayna waxa uu Prof. Abuubakar ka mid noqday macallimiintii shaqo qaran ( National Service ) ka gashay dugsiyada Hargeysa. Markii uu AUN Abubkar Sh. Abdi soo dhammeeyey sannadkii shaqada qaran, waxa uu toos u galay kuliyaddii Waxbarashada Lafoole, halkaasi oo sannadkii 1973 kii uu ka bilaabay waxbarasho afar sano soconaysey, waxanu ku takhasusay cilmiga Biology ga. 18 kii May sannadkii 1976 kii waxa uu ka qalin jabiyey kuliyaddii Lafoole, kadibna waxa uu macallin ka noqday dugsiga sare ee Sh. Ali Jawhar ( Borame ). Muddo shan sano kadibna waxa uu u wareegay kuliyaddii Lafoole oo uu bare sare ka noqday. Bilowgii siddeetanaadkii waxa Abubakar waxbarasho sare loogu diray dalka boqortooyada Ingiriiska. Muddo laba sano ahna waxa uu MASTER DEGREE oo cilmiga dhaqashada digaagga iyo beeraha ah uu ku sameeyey Jaamacadda la yidhaa COOKSTOWN COLLEGE ( Ireland ) iyo Edenbrough University ( Scotland ). Markii uu dhammastay waxbarashadiina waxa uu dib ugu noqday Jaamacaddii Lafoole ee uu baraha sare ka ahaa. AUN Abubakar waxa uu ahaa muwaadin jecel dalkiisa, ku iimaan qaba shaqadiisa macallinimo ee mihnaddiisa u ahayd. Marnabana kumuu milmin siyaasadaha iyo dagaallada sokeeye ee halaagga baday dadka Somaliyeed. Sidaasi daraaddeed, markii uu Muqdisha ka soo qaxay, waxa uu ka mid noqday aqoon yahannadii reer Awdal ee mar walba u tafo xaydnaa sidii ay jiilka dalan baabiga ahi waxbarasho u heli lahaayeen. Aakhirkiina waxa uu ka mid noqday halyeyadii dhidibada u taagay Jaamacaddii Amoud ee ugu horreysey lagana hir geliyo dalkii baaba’ay ee la isku odhan jiray Somalia. Prof – Abubakar waxa uu ifka kaga tegey 4 wiil iyo siddeed gabdhood iyo hooyadood Hamda. Ilaahay samir iyo iimaan ha ka siiyo dhammaantoodba. Aaammiin Ahmed Goth Qaran News
  7. Ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey, ahna isku duwaha arrimaha bani’aadanimo ee Soomaaliya Mr. Adam Abdelmoula ayaa muujiyay sida uu uga walaacsan yahay falalka isugu jiray afduubka iyo dilkii loo geystay todoba qof oo shaqaale caafimaad ahaa iyo qof kaloo rayid ah oo ku sugnaa xarun caafimaad oo ku tiillay tuulada Gololey ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Mr. Adam Abdelmoula waxa uu xusay in aan la aqbali Karin dilka shaqaalahaasi, islamarkaana ay tahay mid xad-gudub ka dhan ah sharciga caalamiga ee arimaha baniaadanimada iyo hab-haqanka caadiga ah. “Waa nasiib daro in weerarkaan uu dhaco xilli Soomaaliya ay la tacaaleyso dhibaatooyinka sadexda ah ee safmarka COVID-19, fataahaadaha iyo masiibooyinka kale ee uu la yimid ayax”ayuu yiri Abdelmoula. Ku xigeenka Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey, ahna isku duwaha arrimaha bani’aadanimo ee Soomaaliya Mr. Adam Abdelmoul waxuu ugu dambeyn tacsi u diray qoysaska dadka la dilay,isagoo dhinaca kalana cambaareeyay falkaasi arxan darida ah ee lagula kacay shaqaalahaasi caafimaad. View the full article
  8. Taliyaha guutada 3-aad ee qeybta 27-aad Col. Abshir Maxamuud (Shitaqey) ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanka xoogga dalka aysan wax lug ah ku laheyn dil 8 ruux loogu geystay tuulada Gololey oo hoos-timaada degmada Balcad ee Sh/ Dhexe Taliyaha ayaa tilmaamay in haatan ay ku jiraan baaritaano ku aadan qaabkii loo soo qaban lahaa raggii ka dambeeyey dhacdadaasi. Ugu dambeyn Col. Abshir Maxamuud ayaa qiray in ciidanka Xoogga dalka ay diyaar u yihiin difaaca dadka Soomaaliyeed, balse aysan ka suurtoobin inay dadkooda dhibaateeyaan. View the full article
  9. Xarakada Al-Shabaab oo war ka soo saartay dhalinyaradii lagu laayey deegaanka Gololey ayaa iska fogeysay, iyadoo falkaasi ku eedeysay ciidamada DF Soomaaliya. Meydadka illaa 8 qof dhalinyara ah ayaa shalay la soo dhigay deegaankaasi oo dhaca duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Ma jirto illaa hadda cadeyn rasmi ah oo ka madax banaan labada dhinac oo ku aadan dhacdadaasi, balse dadka deegaanka ayaa sheegay in dhalinyarada ay markii hore afduubteen ciidamo ka tirsan kuwa DF oo afka soo xirtay, kadibna la helay meydadkooda. Sidoo kale waxaa haatan socda baaritaano dheeraad ah oo ay wadaan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedka HirShabelle oo la xiriira falkaasi xanuunka badan. View the full article
  10. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Duhur-290520.mp3 View the full article
  11. The United Nations mission in Somalia on Thursday condemned the abduction and killing of eight health workers in Gololey village, outskirts of Bal’ad town, some 30 km north of the capital Mogadishu. Deputy UN Representative in Somalia Adam Abdelmoula said in a statement he was shocked at the killing of seven Somali Health medical workers and a civilian in Somalia’s middle Shabelle region on May 27. “Attacks against medical facilities and personnel are unacceptable and a breach of international humanitarian law and any common decency”. Said Abdelmoula. Abdelmoula expressed his deep sorrow over the killing of civilians and sent a message of condolence to the families of the victims. “It is unbelievable that this attack comes at a time the country is grappling to contain a triple threat of a pandemic, flooding and the resurgence of desert locusts” He added. He called authorities to “investigate the matter and swiftly bring those responsible to justice.” No individual or group has so far claimed responsibility for the killing of the civilians but authorities in the region laid blame on Al-shabab saying the eight were abducted from their workplaces in Bal’ad town and Gololey village. The bodies of the eight were recovered on Thursday in Gololey village, about 10 km from Bal’ad town.
  12. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL Md. Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa beeniyey war sheegayey in wada-hadallo hoose u socdaan Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya. Wasiir Koore oo ah Afhayeenka Xukuumaddu waxa uu caddeeyey in Soomaaliya ay hore u jabisay dhammaan heshiisyadii lagu gaadhay shirarkii hore. Waxaanu tilmaamay in sida kaliya ee ay kula hadli karaan Soomaaliya ay tahay fagaare caalamiya Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo u warramay laanta afsoomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in aanay Dawladda Muqdisho u fuli doonin iskudayada ay ku doonayso inay ku farogeliso JSL, waxaanu xusay in ummadda reer Somalilan ay yihiin kuwo qaranimadooda ku adag. Wasiir Saleebaan waxa kaloo uu intaas ku daray in Xukuumadda Somaliland ay indho dheer kula socoto galaangalka ay Dawladda Farmaajo ku doonayso inay ashkhaas u adeegsato Somaliland kuwaasi oo ka taageera Saxaafadda iyo baraha bulshada. Source
  13. Balcad (Caasimada Online) – Hay’adda Zamzam Foundation ayaa qoraal ay soo saartay shalay gelinkii dambe uga hadashay habkii ay “ciidamada” u wateen sided dhallinyaro, oo kadib markii lasoo dilay meydkooda lasoo dhigay deegaanka Gololey ee degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Dhallinyaradaas ayaa sida ay hay’adda sheegtay waxay “ciidamada” ka wateen xarun caafimaad oo ay hay’addu maamusho. Hoos ka aqris qoraalka hay’adda oo dhameystiran. Abaare 1:30 duhurnimo shalay oo ay taariikhdu ahayd 27/5/2020, waxaa xarunta caafimaadka Gololey (Gololey Health Facility), oo ka trisan degamada Balcad oo ay maamusho hay’adda Zamzam foundation soo galay ciidan ku labisan dareyska ciidanka oo hubaysan wejiyadana qarsaday waxayna kaxaysteen 7 ka mid ah shaqaalihii xarunta caafimaadka iyo qof ka mid ah dadka deegaanka, lamana garan halka ay u kaxaysteen. Baadigoob kadib, maanta oo taariikhda tahay 28/5/2020 waxaa la helay maydadka 8-dii qof ay ciidanka afduubteen. Shaqaalaha la xasuuqay ayaa ku sugnaa marka falka afduubka dhacayay xaruntooda kuna guda jiray hawlahooda caafimaad oo ay bulshada ugu adeegayeen. Hay’adda Zamzam Foundation waxay cambaareyneysaa cidwalba oo ka dambeysay dilka xasuuq ah. Waa dil wadareed arxan darro ah kana baxsan bani’aadanimada oo loo geystey dad berimageyda ah oo aan waxba galabsanin. Waxaan hay’adaha amniga qaabilsan ee maamul goboleedka HirShabeelle iyo dawladda dhexe ka codsaneynaa in baaritaan dagdag ah lagu sameeyo falkaas xasuuqa a , ciddii ka dambeyseyna sharciga la horkeeno. Ugu danbeyn, waxaan tacsi tiiranyo leh u diraynaa dhamaan qoysaskii, ehelkii iyo asxaabtii ay ka geeryoodeen marxuumiinta waxaan eebe ka baryeynaa inuu naxariista jano ka waraaabiyo. انا لله وانا اليه راجعو
  14. Horta Somaliland waa muruqii laba suul ee la yidhi ninba waa ku si. Hadda ogaada haday Faysal si ku tahay anigana si kalaabay ugu tahay oo aan ahayn sida ay Faysal ku tahaye. Xagayga Faysal iyo Axmed Karaash waa laba muwaadin oo xaq ahaan u siman Somaliland waa marka dastuurka Somaliland loo noqdo eh. Baashe barlamanka Somaliland labadiisa aqal ee muddo xileedyadoodii quufla ay dhamaadeen hadana iskaga sii fadhiya kuraasida oo tiro ahaan dhan 164 xubnood ayuun buu isaguna mid ka yahay. Haduu Faysal Baashe sheegay oo Gudoomiyaha Wakiilada ah Saleebaan oo Gudoomiyaha Guurtida ahna waayo? Isaga ayaaba weli hor fadhiya gole markii ugu dambaysay Shirbeeleed lagu doortay 1997kii eh. Sharcigu wuxu dhigayay in doorashada guurtidu ay sanad ka dambayso doorashada wakiiladii iyaga lala doortay wakhtigaasi. Wakiilada waxa la doortay 2005fii guurtidu waxay markaa ahayd inay sanad ka dambayso oo la doorto 2006. Lama dooran sharcigiina waa lagu tuntay oo waxa sharci looga dhigay wakiiladii doorashada tooska ahayd ku yimi in la yidhaa sanad bay ka dambaynayaan waana sharci darro. Markaa waa gef iyo eex hadii la doono qabyaaladaysan waxa uu labada gudoomiye midna u dhaleeceeyo midna aanu u soo qaadin. Axmed Karaash iyo sheekada Puntland oo fargelin loo qaadan karo marka meel la iska dhigo Faysal ma isaga ayaa Axmed Karaash ka qaaday ama ka qaadi kara jinsiyadda Somaliland iyo xaqiisa muwaadinnimo? Faan waynaa! Faysal hadalkiisa markuu maagayay Axmed Karaash iyo Guddoomiyaha Wakiilada ee Somaliland waxa ku jirtay ANAGA. Halkaa waxa ka furan idinka oo ayo ah? Jawaabtu ma anaga oo Isaaq ah baa? Anigu qof ahaan sidaas ayaan u fahmay? Markaa lafteeda ayuu Faysal qaldan yahay oo ma jirto Isaaq cid uu Somaliland ka leeyahay oo marti ugu ah marka ay tahay beelaha wada deggan Somaliland. Mana jiro Isaaq uu Faysal wakiil ka yahay uu codkooda isagu ku hadli karaaye isaga ayuun buu hadalku la taraaray. W/Q Cali Guray Source
  15. Africa’s biggest multilateral lender is facing a major distraction just when the continent needs it most. U.S. Treasury Secretary Steven Mnuchin is demanding that the board of the African Development Bank, which was established in 1963 in the Sudanese capital of Khartoum, organize an independent probe into allegations that President Akinwumi Adesina gave contracts and jobs to friends and relatives. Mnuchin has support from Nordic countries, which like the U.S. hold stakes in the lender. The Treasury Secretary says he doubts the integrity of a committee that had previously cleared Adesina, Nigeria’s former minister of agriculture and rural development. The AfDB president is running unopposed for re-election at an annual meeting in August. He has repeatedly denied the claims and described them as an attempt to discredit his bid for a second five-year term. Steven Mnuchin, U.S. Treasury Secretary. Photographer: Kevin Dietsch/UPI The dispute could not have come at a worse time. Africa may require at least $100 billion to stabilize countries reeling from the coronavirus outbreak and associated lockdowns, which are pushing economies into recession and heightening the risk of defaults. The AfDB is expected to play a major role, and the spat could jeopardize a pledge by the lender’s 80 shareholders to more than double its capital base to $208 billion. The Abidjan-based bank’s debt is rated triple A, a status that may also be at stake. While the International Monetary Fund and a group of the world’s largest economies have agreed to suspend debt-servicing payments for many African nations, the Abidjan-based AfDB has yet to say what it will do to help with debt relief. The AfDB says there is no ongoing governance or constituional crisis. But with the fate of Africa’s most vulnerable economies in the balance, a swift resolution will need to be found. Source: Bloomberg The post NEXT AFRICA: A BANKING DISRUPTION appeared first on Puntland Post.
  16. Meydadka illaa 8 ruux oo u badan dhalinyaro, kana shaqeynayey MCH ay leedahay hay’ada Zamsam ayaa maalin kadib markii la afduubtay waxaa khamiistii meydkooda la soo dhigay deegaanka Gololey ee bariga Xamar. Nimco Cabdullhi Xuseen oo la dhalatay marxuum Cabdirisaq Cabdullhi Xuseen oo ka tirsan dhalinyarada la xasuuqay ayaa Goobjoog News u sheegtay in dhalinyarada la watay goobta shaqada isla markaana loo dilay si arxan darro ah iyada oo isweydiisay sababta loo la’yahay cidda falkaasi ka dambeysay. Dhankeeda, Safiya Cali Bashiir oo ka mid ah umulisooyinka MCH-ka, Goobjoogna ka aheyd xilliga dhalinyarada la afduubanayey oo la hadashay Goobjoog News ayaa tiri “ Waxaa noo yimid 3 nin oo qoryo sida, iyo kuwa la socday, ku labisnaa tuutaha, maro baati ah oo calanka ah dowladda ah ayaa garabta ugu duubnaa, dhalinyaro 8sideed ah ayey qabteen kadib innaga oo 3 umuliso ah ayey noo yimdeen, shaatiga shaqada ayey indhaha nooga xireen, waxayna naga qaateen telefoonada halka wiilashadana ay dhaheen gacmaha isqabsada, dhinac dhicac u socda, waxayna la adeen dhanka beeraha, waana meesha ay soo dhigeen meydkooda maalin kadib”. Afhayeenka maamulka Hirshabeelle Da’uud cirro oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News ayaa sheegay iney baaris wadaan isaga oo eedda dusha ka saaray, sheegayna iney falkaas ka dambeeyeen Al-shabaab. Dowladda Federaalka Soomaaliya oo qoraal soo saartay ayaa falkaas u aqoonsatay xasuuq iyada oo tiri “Dowladdu waxay amartay in baaris dag dag ah lagu sameeyo dhacdadaas, laguna dadaalo in dambiilayaasha xasuuqay dadkaas shacabka ah ee aan waxba galabsan gacanta lagu soo dhigo oo cadaaladda la horkeeno”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Muqdisho (Sh.M.Network) – Halkaan ka Dhageyso Barnaamijka Dooda Jimcaha Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Bar___Dooda-Jimcaha-29052020www.mp3 View the full article
  18. Galoleey ( Caasimadda Online) – War saxaafadeed kasoo baxay Ku xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, ahna Iskuduwaha Arimaha Baniaadanimo ee Soomaaliya Mr. Adam Abdelmoula ayaa si xoogan u cambaareeyay dilkii tuulada Galoleey ee gobolka Shabeellaha Dhexe loogu geystay 7 dhalinyaro ah iyo hal qof oo rayid ahaa. Waxaa uu soo jeediyay in baaritaan hufan lagu sameeyo dhacdada lagu dilay dhalinyarada. “Marnaba lama aqbali karo in la weeraro shaqaalaha caafimaadka taasi oo xaadgudub ku ah xeerarka arrimaha banii’aadanimada” Qaramada Midoobey waxay sidoo kale sheegtay in dilka howlwadeenadan caafimaadka uu imaanayo xilli dowladda Soomaaliya ay la daala dhaceyso xakameynta safmarka Korona, wax ka qabashada daadadka iyo saameynta ayaxa. “Waa nasiib daro in weerarkaan uu dhaco xilli Soomaaliya ay la tacaaleyso dhibaatooyinka sadexda ah ee safmarka COVID-19, fataahaadaha iyo masiibooyinka kale ee uu la yimid ayax”ayuu yiri Ku xigeenka . Shaley galinkii dambe ayay aheyd markii maydadka 8 dhalinyaro ah lagu arkay duleedka deegaanka Gololeey oo ku dhaw degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe kuwaas oo isla shalay laga qafaashay deegaanka. Ma cadda cidda afduubatay iyo cidda ka dambeysa dilkooda toona.
  19. Trump administration on Thursday accused a Congress-funded US broadcaster, Voice of America (VOA), of being the voice of Iran. Source: Hiiraan Online
  20. MOGADISHU (HOL) - The UN has condemned the abduction and killing of eight health workers in Middle Shabelle and called for thorough investigations into the incident. Source: Hiiraan Online
  21. Balcad (Caasimadda Online) – Waxaa Maanta la filayaa in deegaanka Gololey ay ka bilaabato baaritaan ku aadan cidda ka dambeyso dil wadareedkii halkaas loo geystay sagaal ruux oo u badan dhalinyaro ka howlgalaysay xarun caafimaad oo ay ku leedahay hay’ada Zamsam. Sida ay Wararka sheegayaan waxaa Xalay degmada Balcad ku hoyday Mas’uuliyiin ay ka kamid yihiin Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe iyo saraakiil ka tirsan Waaxda Baarista Dambiyada si ay baaritaanno dhab ah ugu sameeyaan sida dhacdadaas u dhacday iyo cidda ka dambeysa. Ehelka dadka la dilay ayaa dhanka kale dalbaday in ay cadaalad u helaan carruurtooda dil wadareed loo geystay, iyada oo ku howlan samafalka dadka deegaanka sida ay hadalka u dhigeen. Meydadka sagaalka qof ayaa la keenay magaalada Muqdisho Iyadoo illaa iyo hadda aan si rasmi ah loo xaqiijin cidda ka dambeysay dilka dhalinyaradan hase ahaatee Nabadoon Muxidiin Xasan Afrax ayaa sheegay in dadka ka dambeeyay qafaalashada iyo dilka dadkan ay xirnaayeen dareeska ciidamada isla markaana ay isticmaalayeen gaadiidka dagaalka ee ciidamada milatariga Soomaaliya. Sidoo kale Nabadoon Maxamed Cali oo degen degmada Balcad ayaa sheegey in 7 ka mid ah dadka la diley ay ahaayeen shaqaalaha MCHka Zamsam ayna qafaasheen ciidamo milatari ah ayna ku dileen duleedka deegaanka Gololey. Hase yeeshee afhayeenka maamul goboleedka Hirshabelle Daa’uud Xaaji Cirro ayaa ku eedeeyay dilka raggan ururka Alshabaab isagoo beeniyay inay ka dambeeyeen ciidamo Milatari ah. Halkan ka aqriso Magacyada dadkan la diley. 1- Cumar Xuuti Maxamud. 2- Cabdicasis Cabdulqaadir Cabdulle. 3- Cali Axmed Cali. 4- C/saaq Cabdulaahi Qooble. 5- Maxamed Cumar Boore. 6- Abuukar Muuse Maaxi. 7- Yuusuf Ayuub. 8- Iyo Nuur Xaaji Gaas.
  22. Ethiopia's confirmed COVID-19 cases reached 831 after 100 more cases were confirmed, the Ethiopian Ministry of Health said in a statement on Thursday. Source: Hiiraan Online
  23. Soomaalidu nolol kama samenkarto ilo tamereedyada kala ah dabeysha, qoraxda iyo xaabada balse waxey u baahanyihiin ilo tamaredyo caadi ah (conventional energy). Source: Hiiraan Online
  24. Ethiopia’s Nobel peace prize-winning prime minister Abiy Ahmed has been urged to investigate allegations that state security forces have committed a raft of serious human rights abuses including torture and unlawful killings since he came to power in 2018. Source: Hiiraan Online