Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,099
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xisbullah ayaa sheegtay inay fuliyeen weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay ku qaadeen qaar kamid ah ciidanka Israa’iil ee fariisinta ka dhigtay saldhigga Ein Shemer, oo ku yaala bariga magaalada Hadera. Weerarka ayay sheegeen inay fuliyeen fiidnimadii jimcihii shalay ahaa, iyagoona sheegtay inay saldhigga ku weerareen tiro kamid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, waxa ay intaa hadalka ku dareen in ay weerarkaan uga jawaabayeen gantaallo iyo duqeymo ay Israa’iil ka fulisay gudaha Lubnaan. Xisbullah ayaa sidoo kale howlgalkaan ku tilmaamtay inuu kamid yahay kuwa is daba joogga ah ee ay ku weerarayaan Israa’iil, waxa ayna sheegeen inuu qeyb ka yahay “howlgalka Khaybar” kaas oo ka dhan ah xasuuqa ay Israa’iil ka waddo gudaha Lubnaan sida ay sheegeen. Dhanka kale Xisbullah ayaa sheegtay inay fulisay howlgallo noocaan oo kale ah oo loo adeegsaday gantaallo gaar ah oo lala beegsaday magaalada Haifa, bayaan ay soo saareen ayayna ku sheegeen in gantaalada ay la beegsadeen Al-Karyut oo ku taalla waqooyiga magaalada Haifa. Bayaanka Xisbullah ayaa sidoo kale lagu sheegay in weerar gantaalo ah loo adeegsaday diyaarado Israa’iil ay leedahay oo howlgallo ka fulinayay hawada Lubnaan, gantaallo lagu weerarayna ay sababeen inay isaga laabtaan hawada. Askarta Israa’iil ee isugu imaanayay Aita al-Shaab, Kfarkila iyo Shlomi, ayay sidoo kale sheegeen inay weerarro ku qaadeen ayna sababeen inay dib u gurtaan oo ay howlgallada sii wadi waayaan. Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay qabteen labo diyaaradood oo ah kuwa aan duuliyaha lahayn kuwaas oo ka yimid dhanka Lubnaan, iyagoona xusay inay ka jawaabeen weerarka lagu soo qaaday. Ciidanka Israa’iil waxa ay sheegeen inay gantaallo ku weerareen sandhigyo ay leeyihiin Xisbullah, kuwaas oo ay ku tilmaameen inay yihiin kuwo laga soo abaabulayay weerarada lagu qaado Israa’iil. Israa’iil ayaa duqeymo circa ah ka fulisay deegaano ka tirsan koonfurta Lubnaan Jimcihii shalay, waxaana kamid ah goobaha ay bartilmaameedsatay magaalooyinka Kafra, Majdal Zoun, Anqoun, Ma’roub, iyo koonfurta Taraya, sida ay ku dhawaaqday wakaaladda wararka Lubnaan. Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ka soo gudbay hawada Suuriya Dhanka kale ciidanka Israa’iil ayaa sheegay inay qabteen “bartilmaameed hawada ah kadib markii shaki la muujiyay” waxa ay ciidanku sheegeen in dhanka Suuriya ay ka timid tuhun muujinaya diyaaradaha aan duuiyaha lahayn oo ka soo gudbaya xudduudda, Jimcihii. Balse kooxda kormeerka xuquuqda aadanaha ee Suuriya ay sheegtay in ay ahayd diyaarad aan duuliye lahayn oo ay soo rideen koox hubeysan oo ay taageerto Iran. Bayaan ay soo saareen ciidanka Israa’iil waxa ay ku sheegeen in “ciidanka cirka Israa’iil ay qabteen bartilmaameed hawada ah oo laga shakiyay kaas oo ka yimid dhanka hawada Suuriya, kahor inta uusan u gudbin gudaha Israa’iil”. Kormeerayaasha xuquuqda aadanaha ee Suuriya ayaa sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil lagu weeraray ay yihiin kuwo ay leeyihiin koox Islaami ah oo Ciraaq ka soo jeedda. ‘Observatory’ oo loo adeegsado indha indheynta waxa ka dhaca dhulka iyo dhaqdhaqaaqyada guud ayaa bayaan ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in nidaamka difaacca cirka ee Israa’iil ay qabteen bartilmaameedyo dhanka Suuriya ka yimid gaar ahaan buuraha la heysto ee Golan. Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in la qabtay laba diyaaradood oo ah nooca aan duuliyaha lahayn kuwaas oo ay soo ganeen kooxaha iska caabinta Islaamiga ah ee ka dhisan Ciraaq. “Islamic Resistance in Iraq”, ayaa ah koox hubeysan oo taageero ka hela Iran, waxa ayna ku dhawaaqeen inay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku weerareen Israa’iil. Bbcsomali Qaran News
  2. Aqalka Kirimiliinka ayaa muujiyay maanta oo Jimce ah walaaca weyn ee uu ka qabo waxa uu ku tilmaamay “musiibada bini aadanimo” ee ka taagan Qasa iyo Lubnaan, mar uu ka jawaabayay su’aal ku saabsanayd dilka hoggaamiyihii Xamaas Yaxye Sinwaar. Afhayeen u hadlay Aqalka Kirimiliinka oo la yiraahdo Dmitry Peskov oo ay soo xiganaysay wakaaladda France Press ayaa yiri “arinta aad noogu muhiimsan waa xaaladda dadka rayidka ah ee aan ku arkayno Qasa iyo Lubnaan, taas ayaa welwel badan nagu haysa”. Waxa uu tilmaamay Peskov isaga oo ay soo xiganayso wakaaladda warrarka ee Ruushka in “Israa’iil fulinayso ficilladeeda”. Sidoo kale Peskov waxa uu ku sheegay muuqaal internet ka la soo dhigay oo uu kaga hadlayay dilka Yaxye Sinwaar “warbaahinta ayaa si toos ah u tabinaysa dhacdooyinka maalinlaha ah, taasi waa horumarka laga sameeyay teknolojiyadda”. Bbcsomali Qaran News
  3. Beirut (Caasimada Online) – Ururka Xisbullah ayaa Jimcihii wacad ku maray in uu kordhin doono dagaalka ay kula jirto Israa’iil, maalin uun ka dib markii ciidamada Isra’il ay sheegeen in ay dileen hoggaamiyihii Xamaas Yahya Sinwar, kaas oo ahaa ninki amray weerarki ay Xamaas ku qaadday koofruta Isra’il 7-dii October. Bayaan kasoo baxay Xisbullah shalay, ayay iyaga oo aanan soo hadal qaadin dilka Sinwar ku dhawaaqeen in ay u gudbeen marxalad cusub oo kor u qaadaysa iska horimaadyada ay kala soo horjeedaan Israel, kaas oo ay sheegeen in uu ka muuqan doono dhacdooyinka maalmaha soo socda. Isra’il ayaa Khamiisti sheegtay, in si lama filaan ah ay ciidamadooda ka dagaallamaya Gaza ay dileen Sinwaar. Waxay sheegeen in aysan ka warqabin goobta uu joogay. Milatariga Isra’il ayaa sheegay in marki la dilayay Sinwaar ay isaga iyo laba nin oo kale oo la socotay ay si lama filaan ah loogu arkay dhismo ku yaalla Koofurta Gaza. Xamaas waxay xaqiijisay dilka Sinwaar shalay. Khudbad laga baahiyay telefishannada ayuu madaxa Xamaas ee Gaza Khalil Al Xayya ku xaqiijiyay dilka hoggaamiyahoodii. Isaga oo ku tilmaamay geesi si sugan u sagaallamay oo ku dhintay shahiidnimo. The post Xisbullah oo wacad ku martay inay xoojineyso dagaalka Israel appeared first on Caasimada Online.
  4. Palestinians inspect the damage following an Israeli airstrike on the El-Remal aera in Gaza City on October 9, 2023. Israel continued to battle Hamas fighters on October 10 and massed tens of thousands of troops and heavy armour around the Gaza Strip after vowing a massive blow over the Palestinian militants’ surprise attack. Photo by Naaman Omar apaimages In ka badan 30 Falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay ilaa 85 kalana way ku dhaawacmeen duqeymo cirka ah oo ay ciidamada Israa’iil xalay ku garaaceen guryo ku yaalla xerada Jabaaliya oo ah kaamka ugu weyn xerooyinka qaxootiga ee Gaza. Saraakiisha caafimaadka waxay sheegeen in tirada dhimashada ay intaasi ka badan karto maadaama laga cabsi qabo in dadka qaar ay wali ku hoos jiraan burburka hoostooda. Wakaaladda wararka Falastiin ee loo soo gaabsho WAFA ayaa sheegtay in dadka la dilay ay ku jiraan carruur. Dadka deegaanka ayaa sheegay in taangiyo lagu gubo guryaha qaar isla markaana lagu burburiyay waddooyinka. Ma jiro war war ah oo kasoo baxay dhinaca Isra’il oo ku saabsan dilka dadkaasi Falastiiniyiinta ah. Laakin Israa’iiliyiintu waxay sheegeen in howlgallo ay ka socdeen Jabaaliya labadi todobaad ee lasoo dhaafay, kuwaas oo ay ku sheegeen in ay ku dileen tobnaan ka mid ah dagaalyahannada Xamaas. PUNTLAND POST The post GAZA: Israa’iil oo xalay dad rayid ah oo carruur ku jirto ku dishay Xero Qaxooti appeared first on Puntland Post.
  5. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/10/463222571_8662205597196329_2690688999300930407_n.mp4 Qaran News
  6. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/10/463952446_1548435442465458_1950740124926990762_n.mp4 Qaran News
  7. Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa gaartay go’aan ay uga qeyb qaadaneyso dhismaha iyo hubaynta ciidamada xoogga Soomaaliya, waana go’aan walwal ku abuuray Itoobiya. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in arrimaha Masar iyo Soomaaliya ay Itoobiya ku abuureen cabsi joogto ah oo ku timid kadib heshiiskii difaaca ee August. Masar ayaa wixii ka dambeeyey markii ay heshiiskaas la gashay Soomaaliya waxay toos u bilowday qorshayaal ay ka hortageyso saamaynta Itoobiya ee Geeska Afrika, iyadoo adeegsanaysa joogitaan ciidan oo khatar ku ah amniga Itoobiya. Xiisadaan ayaa qaraxday markii Itoobiya ay heshiis qar iska tuurnino ah la gashay Somaliland, bishii January 2024, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa abaabuleysa xiisad diblomaasiyadeed iyo mid ciidan oo ka dhan ah Itoobiya. Dhanka Itoobiya walaac badan ayaa jira, wuxuuna Raii’sul Wasaare Abiy Axmed maanta bedelay wasiirkiisii arrimaha dibadda, isagoo soo magacaabay Dr. Gideon Timothy, kadib isku shaandheyn uu ku sameeyay golaha wasiirrada Itoobiya. Kahor inta aan loo magacaabin Wasiirka Arrimaha Dibadda, Gideon Timothy waxa uu ahaa Wasiirka Cadaaladda ee dalka Itoobiya, waxayna magacabisiisaan ku soo beegmaysa xilli Itoobiya ay xiisad kala dhaxeeyso qaar ka mid ah dalalka dariska la ah oo Soomaaliya ay ugu horeyso. Xiisadaha diblomaasiyadeed ee Itoobiya ay dhex maquuraneyso waxaa ugu wayn midda kala dhaxeeysa Soomaaliya ee ku saabsan heshiiska sharci darrada ah ee badda gobollada Waqooyi ee Soomaaliya. Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa ah mid muhiim u ah diblamaasiyadda iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee dowladda, iyadoo haatan ay Itoobiya khilaaf diblomaasiyadeed uu soo kala dhex galay dalalka deriskeeda ah, khatarna ay ugu jirto inay dagaal la gasho dalal ay ugu horeeyaan Soomaaliya, Masar iyo Eritrea. The post Xog: Garab istaagga Masar ee Soomaaliya oo walwal ku abuuray Itoobiya appeared first on Caasimada Online.
  8. Kenyan President William Ruto chose Interior Minister Kithure Kindiki as his new deputy on Friday, but a court blocked his appointment until it hears a case next week challenging the impeachment of Kindiki's predecessor. Source: Hiiraan Online
  9. Addis Ababa (Caasimada Online) – Raii’sul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa bedelay wasiirkiisii arrimaha dibadda isagoo soo magacaabay Dr. Gideon Timothy, kadib isku shaandheyn uu ku sameeyay golaha wasiirrada. Kahor inta aan loo magacaabin Wasiirka Arrimaha Dibadda, Gideon Timothy waxa uu ahaa Wasiirka Cadaaladda ee dalka Itoobiya, waxayna magacabisiisaan ku soo beegmaysa xilli Itoobiya ay xiisad kala dhaxeeyso qaar ka mid ah dalalka dariska la ah oo Soomaaliya ay ugu horeyso. Xiisadaha diblomaasiyadeed ee Itoobiya ay dhex maquuraneyso waxaa ugu wayn midda kala dhaxeeysa Soomaaliya ee ku saabsan heshiiska sharci darrada ah ee badda gobollada Waqooyi ee Soomaaliya. Soomaaliya ayaa aad uga carootay heshiiskaas, iyadoo Itoobiya ku eedeysay faragelin iyo ku xad-gudub qaranimo, waxaa dhacay dagaal diblomaasiyadeed oo Soomaaliya ay kaga adkaatay Itoobiya, markastana waxaa suurtagal ah inuu bilowdo dagaal toos ah. Taye Atsik Selassie oo horey u ahaa wasiirka arrimaha dibadda ayaa aad ugu howlanaa wadahadaladii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo fulinaya qorshaha jaha wareerka ah ee Abiy Axmed, waana sababta ay wadahadalaasi u miradhali waayeen. Wasiirka cusub ee Arrimaha dibadda Itoobiya waa xubin ka tirsan Golaha Dhexe ee xisbiga Barwaaqo ee Abiy Axmed hoggaamiyo, wuxuuna ka mid yahay dhalinyaradii xilalka loo dhiibay ee xukuumadda soo galay kadib markii uu xukunka la wareegay Ra’iisul Wasaare Abiy. Markii hore, Dr. Gideon waxa uu soo noqday Xeer Ilaaliyaha Guud, waxaana uu ka mid ahaa ergadii ay dowladda u qaabilsanaa wada xaajoodyadii TPLF ee dalka Koonfur Afrika ka dhacay ee lagu soo afjarayay dagaalkii Tigray. Ninkaan cusub waxay aad isugu dhow yihiin ra’iisul wasaaraha imika xilka haya ee Dr Abiy Axmed, waxaana la sheegay inuu khibrad durugsan u leeyahay arrimaha sharciga, bare dhanka sharciga ah ayuu mar ka ahaa Jaamacadda Addis Ababa, Jaamacadda Hawassa iyo Jaamacado kale. Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa ah mid muhiim u ah diblamaasiyadda iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee dowladda, iyadoo haatan ay Itoobiya khilaaf diblomaasiyadeed uu soo kala dhex galay dalalka deriskeeda ah, khatarna ay ugu jirto inay dagaal la gasho dalal ay ugu horeeyaan Soomaaliya, Masar iyo Eritrea. The post Abiy Axmed oo bedelay wasiirkii arrimaha dibadda – Waa kuma kan cusub? appeared first on Caasimada Online.
  10. Mogadishu (HOL) — Hamas has confirmed that Yahya Sinwar, the leader of its political wing, was killed during combat with Israeli forces in Gaza. Sinwar, who had led the group since 2017, died in battle in southern Gaza, where he had been engaged in direct confrontations with Israeli troops. Hamas has vowed that Sinwar's death will not halt its struggle for Palestinian liberation, continuing its resistance against Israeli military operations. Source: Hiiraan Online
  11. New York (Caasimada Online) – Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Saxaraha Galbeed ayaa soo jeediyay in dhulkaas loo kala qeybiyo Morocco iyo jabhada Polisario ee madax-banaanida dooneysa si loo xaliyo colaadda soo jiitameysay tobanaan sano, wakaaladda wararka ee AFP ayaa sidaas ogaatay Khamiistii. “Waxaan si taxaddar leh dib ugu eegay oo aan u ballaariyay dhammaan dadka ay khusayso fikradda kala qeybinta dhulka,” Staffan de Mistura ayaa sidaas yiri intii lagu jiray kalfadhi xiran oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu yeeshay Arbacadii. Saxaraha Galbeed waxaa inta badan gacanta ku haysa Morocco, balse Jabhadda Polisario ee ay Algeria taageerto ayaa u ololaynasay madax-bannaanida dhulkaas tan iyo ka hor intii aanu gumaystaha Spain ka bixin sannadkii 1975-kii. Qaramada Midoobay waxay u aragtaa “dhul aan madax-bannaanayn”. Rabat, oo maamusha ilaa 80 boqolkiiba baaxadda dhulkan, ayaa u ololaysa qorshe is-maamul xaddidan lagu siinayo Saxaraha Galbeed, ayada oo uu qeyb ka ahaanayo Morocco. Polisario ayaa ku baaqaysaa afti aayo ka tashi oo Qaramada Midoobay mas’uul ka tahay, taasi oo la qorsheeyay markii xabad joojin la saxiixay 1991-kii, balse aan marnaba la fulin. De Mistura, oo ah 77-jir diblomaasi Talyaani-Swedish ah, wuxuu ahaa ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ee dhulka saddexdii sano ee la soo dhaafay. “Doorashada noocan oo kale ah waxay mar ogolaan kartaa abuurista dawlad madax-bannaan oo ku taal qaybta koonfureed, marka kalena, in inta kale ee dhulka uu qayb ka noqdo Morocco, oo lahaaneysa madax-bannaanidiisa iyadoo si caalami ah loo aqoonsan yahay,” De Mistura ayaa sidaas u sheegay Golaha Ammaanka. Islamarkaana, waxa uu qiray “ma jirto calaamad muujinaysa rabitaan ah in laga fekero in la sahamiyo oo ka imaneysa dhanka Morocco ama Frente POLISARIO.” Polisario waxa ay sheegtay in qorshuhu uu ku guul daraystay in uu “ilaaliyo” xaqa ay dadka Sahraawi u leeyihiin aayo ka tashigooda. Sidi Omar, wakiilka Polisario ee Qaramada Midoobay, ayaa qoraal uu soo dhigay X ku sheegay in dhaq-dhaqaaqa “si adag u xaqiijinayo diidmo adag oo ku aadan ‘wax hindise’ ama ‘soo-jeedin ah’,”. The post QM oo sameysay soo jeedin xal u noqon karta colaadda soo jiitameysay ee… appeared first on Caasimada Online.
  12. Mogadishu (HOL) — Egypt, Eritrea, and Somalia are rapidly advancing a military build-up to counter Ethiopia's naval ambitions and territorial reach. Source: Hiiraan Online
  13. Mogadishu (HOL) — Somalia has launched an ambitious 50,000-home residential project in Mogadishu's Kaaraan district to provide new housing and stimulate economic growth in the coastal capital. President Hassan Sheikh Mohamud laid the foundation stone for the Xeebta-Luulka ("Pearl Beach") project earlier this week, marking the start of a major urban development in Mogadishu's Kaaraan district. Source: Hiiraan Online
  14. In the Horn of Africa, the time is now for preventative diplomacy. Source: Hiiraan Online
  15. Beledweyne (HOL) — Ali Abdullahi Osoble, the former president of Hirshabelle, has called on President Hassan Sheikh Mohamud to dissolve the regional administration of Hirshabelle. Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya waxay sanad walba mushaar ahaan u qaatan lacag ku dhow 20 milyan oo dollar. Qarankan la kabo ee Soomaaliya ayaa mushaarka xildhibaannadiisa gaarsiiyay min 5,000 dollar bishii. 329 mudane oo labada aqal ah ayaa saddex meelood meel kamid ah aanay shaqeynin marka loo qeybiyo tirada maqnaashahooda sida ay sheegayaan howl-wadeenada baarlamaanka. Taas oo ka dhigan in 109 mudan aanay wax shaqo ah dalka u qaban sanad kasta, haddana ay mushaar joogto ah qaatan. Dhawaan waxaa banaanka usoo baxday doodda kursiga aqalka sare ee uu ku fadhiyo ra’iisul wasaare ku-xigeenka XFS Saalax Jaamac, kaas oo la sheegay in uusan xaadirin fadhiyada golaha muddo labo sano iyo lix bilood ah. Ra’iisul wasaare ku-xigeenka 30-kaas bilood waa qaadanayay mushaarka aqalka sare, isaga oo la sheegay in uusan shaqada xaadirin. Dagaal culus iyo buuq siyaasadeed ayuu kiciyay Saalax, kaas oo gaaray illaa madaxweynaha kadib markii loo sheegay inuu kursiya lumiyay, lana siiyay qof kale oo ku shaqeeya. Xiisadda ayaa markii dambe ku dhamaatay in Cabdi Xaashi lagu qanciyo inuu iska dhaafo isbedelka kursigaas. Dad badan ayaa la yaabay inuu ra’iisul wasaare ku-xigeenkii dalka u dagaalamayo xuquuq uusan shaqeysan, xilli laga sugaayay inuu isagu dabaqo dhaqan dowladeed oo wanaagsan. Hadda xafiiska ra’iisul wasaaraha kuma canaanan karo shaqaalaha rayidka ah ee dowladda soo xaadirada shaqada ama xuquuqda ayaa la idinka jari doona, sababta oo ah ra’iisul wasaare ku-xigeenkii ayaa diiday inuu xuquuqdiisa lacageed ku waayo maqnaasho. Si lamid ah labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya muddo xileedkan iyo midkii ka horreeyay waxaa jiray xubno aan sanad tegi jirin golaha iskana qaadan jiray lacagta. Soomaaliya waxaa la kabaa 40 illaa 50% guud ahaan kharashaadka ku baxa dowladnimada, haddana lacagtaas waxaa qaata dad aan wax shaqo ah u hayn dowladnimada. Ka sakow inay tahay musuq, ceeb iyo mid aan diiniyan fiicneyn in aadan gudanin waajibkii lagugu siiyay mushaarka, haddana tani waxay sii dheereynaysa rejada laga qabo inay dowladnimada Soomaaliya waqti dhow cagaheeda isku taagto, sababta oo ah qaran aan laga shaqeyn oo mushaar un laga qaato ma buuxin karo shuruudaha isku filnaansho dowladeed. Madaxda dowladda federaalka, gaar ahaan madaxweynaha ayaa dhowr jeer ku baaqay isla xisaabtan, laakiin ma shaqeyn karo isla xisaabtanka haddii uusan dadka oo dhan wada gaarin oo ay ku jiraan xubnaha labada aqal, wasiirada, madaxda hay’addaha dowladda iyo guud ahaan xafiisyada sare ee dalka. In shaqaale hoosaadka oo keliya la xisaabiyo ma ahan xalka qarankan. Iyada oo mushaaraadku ay yihiin kuwo badan marka loo eego dhaqaale xumada ka jirta Soomaaliya, haddana in aanay shaqo qabanin dadkii lacagtaas qaadanayay waa xaqiijinta in aanay cidna ku mashquulsaneyn hagaajinta dowladnimada Soomaaliya. The post Soomaaliya: Qaranka aan loo shaqeyn ee laga shaqeysto – Maxaa socda? appeared first on Caasimada Online.
  17. In any federal system, the separation of powers is a cornerstone of effective governance. This principle ensures that the executive, legislative, and judicial branches operate independently, each with distinct roles and responsibilities. The separation of powers prevents the concentration of authority in one branch and fosters a system of checks and balances that promotes accountability and limits overreach. In a federal country like Somalia, where regional governments wield not insignificant powers, the need for a strict separation of powers is even more critical to maintain stability and prevent the overextension of the central government’s influence. Source: Hiiraan Online
  18. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/10/463913461_1219975762426182_7486613908555801713_n.mp4 Qaran News
  19. Ku xigeenka Madaxa Xafiiska Siyaasadda Xamaas Khaliil Hayya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay dhimashada Hoggaamiyihii Xamaas Yaxye Sinwaar oo shalay Israa’iil sheegtay in ay dagaal toos ah ku dishay. Bayaan ka soo baxay Xafiiska Ku xigeenka Madaxa Xafiiska Siyaasadda Xamaas ayaa lagu sheegay in Hoggaamiye Yaxye Sinwaar ay dishay Israa’iil isaga oo u dagaallamaya si geesinimo leh oo hubkiisa gacanta ku haysta. “Wuxuu naftiisa u huray xorriyaddayada…. wuxuu u dhintay si geesinimo leh, madaxiisa kor u taagaya, oo haysta hubkiisa, oo rasaas ku ridaya ilaa neefta ugu dambeysa, ilaa daqiiqada ugu dambeysa ee noloshiisa” ayaa lagu yiri bayaanka Ururka Xamaas. Israa’iil ayaa ku dhawaaqday Khamiista in ay dishay Hoggaamiyihii Xamaas Yaxye Sinwaar oo ay ku tilmaantay shakhsigii abaabulay weerarkii October 7, 2023, ee dhaliyay dagaalka weli ka socda marinka Gaza. Yaxye Sinwaar waa Hoggaamiyihii labaad ee Xamas ee Israa’iil ay disho tan iyo markii uu dagaalka Gaza bilowday sanad ka hor. Israa’iil ayaa horey u dishay Ismaaciil Hanniyeh. PUNTLAND POST The post Xamaas oo si rasmi ah u shaacisay in Hoggaamiyahoodii Yaxye Sinwaar ay dishay Israa’iil appeared first on Puntland Post.
  20. Gaza (Caasimada Online) – Kooxda Xamaas ayaa goordhow xaqiijisay geerida Yaxye Sinwar, oo isagu dhawaan beddelay hoggaamiyihii hore ee Ismaaciil Haniyah. Dilka hoggaamiye Sinwar ayaa waxaa horey u sheegtay Israel oo ayadu si weyn u daba joogtay, kuna tilmaamtay “maskaxdii ka dambeysay xasuuqa iyo xadgudubyada” 7-dii October. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israel Katz oo horey u shaaciyay geerida hoggaamiyihii Xamaas Yaxye Sinwar ayaa ka dhacay Marinka Gaza, isagoo ku tilmaamay guul militari oo muhiim u ah Israel. “Tan waa guul militari oo muhiim u ah Israa’iil iyo guul dunida xorta ah usoo hoyatay oo ka dhan ah xagjirnimada Islaamka ee Iiraan ay hoggaamiso,” ayuu yiri Katz. Waxa uu intaas kusii daray “Cirribtirka Sinwar waxay fureysaa suurtogalnimada sii deynta degdegga ah ee la heystayaasha waxayna waddada u xaareysaa isbeddel horseedi doonaa xaqiiqda cusub ee Qasa, oo ka maran maamulka Xamaas iyo Iiraan.” Raadiye u ku hadla afka ciidamada Israel ayaa ku warramay in dhacdadan ay dhacday mar howlgal uu ka socday magaalada koofurta Qasa ku taalla ee Rafax. Yaxya Sinwar waa bartilmaameedka ugu horreeya ee Israel ee Qasa, waxaana lagu eedeeyaa inuu mas’uul ka ahaa inuu ka dambeeyay weerarkii 7-dii Oktoobar ee sanadkii hore gudaha Israa’iil lagu qaaday, kaasoo ay ku dhinteen ilaa 1200 oo qof. Sawirro googo’an oo lagu soo wadaagay baraha bulshada ayaa muujinayay qof u ek Sinwar oo dhex yaalla burburka dhisme. Ninkan ayaa tan iyo 2017-kii, waxa uu ahaa hoggaamiyaha kooxda ee gudaha marinka Qasa. Wuxuuna dhawaan ahaa hoggaamiyaha garabkooda siyaasadeed. The post XAMAAS oo ku dhowaaqday geerida Yaxye Sinwar appeared first on Caasimada Online.
  21. Hamas ayaa xaqiijisay in hogaamiyaheedii Yahya Sinwar lagu dilay Gaza. Khalil Hayya, madaxa Hamas ee Gaza, ayaa xaqiijiyay in ciidamada Israel dileen hogaamiyaha Hamas, Yahya Sinwar. Hoggaamiye sare oo ka tirsan Hamas oo khudbad jeediyay sheegay in ay dhawaan shaacin doonaan Hoggaamiyaha Bedeli doono. Waxaan helaynaa warar sheegaya in Khalil Hayya, madaxa Hamas ee Gaza, uu khudbad jeedin doono goor dhow. Source: goobjoog.com
  22. Allaha u naxariistee waxaa qarax ka dhacay maqaayad ku taalla aagga iskool buluusiya ku geeriyooday Abwaan Sugaal Cumar oo kamid ahaa hoollada qaranka waaberi iyo kooxda heegan ee Ciidanka booliska Soomaaliyeed. Abwaan Sugaal Cabdulle Cumar wuxuu ku dhashay gobolka Mudug sida uu ku sheegay wareysi uu horey u siiyay goobjoog TV, balse ma uunu xaqiijin xilliga rasmiga ah ee dhalashadiisa maadaama uu ku dhashay dhul miyi ah, balse waxaa lagu rumeysanyahay inay ahayd hillaada 1950-meeyadii. Yaraantii asagoo miyiga ku nool ayuu tumi jirey cayaarta dhaantada oo uu weli aad ugu wanaagsanaa sida uu sheegay, wuxuuna magaalada Muqdisho u soo wareegay sanadkii 1965-tii xilligaas oo asagoo magaalada Gaalkacyo gabayo ka tiriya ciidanka booliska Soomaaliyeed ay qorteen, ka dibna Xamar loo soo badelay. Markii uu booliska ku biiray Abwaanku wuxuu kamid noqday kooxdii heegan ee Ciidanka Booliska, wuxuuna sameeyay heeso badan oo wadani ah oo qaarkoodna uu asaga qudhiisu qaaday, qaar kalena uu erayadooda lahaa. Dagaalkii 77-dii Abwaan Sugaal Cabdulle Cumar wuxuu ka mid ahaa Fanaaniintii Ciidanka gubaabinayay, waxayna riwaayado iyo Suugaan dhiirigelin ah ka dhigeen dhammaan goobihii Dagaalka ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa xabashidu ku dirirayeen. Suugaanta Abwaan Sugaal ayaa isugu jirta gabayo, heeso, riwaayado, laxan iyo music, waxaana riwaayadiisa kamid ah Xujo guur iyo xaal masruuf, magaalo joognimo xumo iyo kuwa kale. Gabayada iyo maasooyinka Abwaan Sugaal Cabdulle Cumar waxaa ayagana kamid ah: – Duuduub Haloo Liqo -Gardarada Ciraaq -Garwaaqsi -Belaayadu Fal Weeyee -Wadajir -Dhalanteed -Alloow Boogta Dawee -Ikhyaareey -Shahiid -Dagaal Gelin 1977 -Midnimo – miyaydnaa arkayn iyo qaar kale. Halka heesihiisana ay ugu caansanyihiin: – Layla oo uu asaga qudhiisu ku luuqeyn jirey. -Allaahu Akbar oo ay qaaddo kooxda Heegan -Anba Waan Hiloobay oo qaadaan Cabduqadir geeddi iyo Xabiibo Bashiir) -Anigu Soomaali Baan Ahay(Faadumo Duur) -Baloolleey oo ay qaaddo kooxda Heegan) – Basra oo ay qaaddo Siciid Toom -Ciiddeennu Waa Dahab oo uu qaado Cali Cismaan (Cali Ukun) -Cuna Mallayga oo uu qaado Maxamed Cumar (Jirde) -Qabyaaladda Waa Lagu Curyaamaa oo ay asaga kooxda heegan isku jiibiyaan iyo kuwa kale. 12)- Dab Ku Shida Gumaysiga(Luul Xasan & Timiro Xasan) 13)-Dad Waa Is Baran(Heegan) 14)-Dalka Hooyo(Sugaal) 15)-Dalkaygaan Doonayaa(Aadan Cumar -Aadan Biid) 16)-Degmada Dhulkayga(Maxamed Maxamuud Gaafoow) 17)-Dhagax Buur(Muxsin Cabdalla) 18)- Dhaqaalaha Waddanigaa 19)-Dhasheeday Aamintaa( Mowliid Maxamed Cismaan) 20)- Dhaayaha Waddaniga(Heegan) 21)-Fadhigaad Eersateen(Mawliid Maxamed Cismaan) 22)-Geeddiga Wadaay(Sugaal) 23)-Gobonnimo Macaanaa(Axmed Cawed Ismaaciil) 24)-Hala Helo Dan Guud(Axmed Nuur Jaangow, Cabdullaahi Xalwo & Sahra Ciileeye) 25)-Hanadoow(Sahra Daahir Yuusuf) 26)-Himilo( Siciido Cabdi Muuse) 27)-Hurdo Miyaan Ledaa(Sugaal) 28)-Kacaankeennu Guullanaa(Heegan) 29)-Kaaha Ubaxa(Ibraahim Baadil & Luul Axmed) 30)-Layla(Sugaal) 31) Laydii Labaad(Sugaal) 32)-Ma Iska Kaa Hilmaamaa(Siciido Cabdi Muuse) 33)-Ma Oggolin(Cawil Maxamed Shirwac) 34)-Magacii Baa Ba,ay(Sugaal) 35)-Marwo Haween(Maxamuud Amoore & Samsam Cali Rooble) 36)- Nabadeey Kaalay( Sugaal) 37)-Nabsi Gaaxday(Sahra Xasan Maxamed) 38)-Qabyaaladda Waa Lagu Curyaamaa(Sugaal & Kooxdii Heegan) 39)-Qurratul Cayn( Ibraahim Baadil) 40)-Rafiiq( Siciid Toom & Sahra Xasan) 41)-Saara Nacabka( Heegan) 42)-Ha Ku Socoto Sidii Loogu Talo Galay( Heegan) 43)-Soo Socdaay(Maxamuud Cabdille Guuleed & Sahra Daahir) 44)-Sow Ma Diidin Samihii( Heegan & Ubaxa) 45)-Sow Ma Aha Gartay?( Sugaal) 46)-Summad(Faadumo Duur) 47)-Tacabka( Heegan) 48)-Udub Naga Dhexeeya( Heegan) 49) Urugo Kalgacal(Deeqa Axmed Raage) 50)-Waa Cadaab Gumaystuhu(Cismaan Axmed Jacayl) 51)-Waa Tallaal Xorriyaddu(Cabdullaahi Xalwo & Xaliima Muuse Milaano) 52)-Waddaniga Ordaayoow(Mowliid Maxamed Cismaan) 53)-Waddadan Toosan(Maxamed Cabdille Guuleed) 54)-Wax Qabasho Wacad Ku Qaad(Cabdulqaadir Maxamed Shabeeley) 55)-Xorninada U Dhiidhiya( Deeqa Axmed Raage & Heegan) 56) Haddii Aan Ka Tago Xamar Xamdiyeey Iyo Qaar Kaloo Badan. Abwaan Sugaal Cabdulle Cumar Allaha u naxariistee wuxuu ahaa hal-abuure suugaantiisu ay ku suntahay baalka gobanima doonka, islamarkaana maasooyinka diiradda ku saari jirey guubaabada bulshada. Source: goobjoog.com
  23. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa maanta bariga gobolka Galgaduud dowlad-goboleedka Galmudug ka dhacay duqeyn xooggan oo ay fuliyeen diyaaradaha duuliyaha laheyn ah ee saaxiibada caalamiga ee Soomaaliya ka taageera dagaalka argagixisada. Xogaha hordhaca ah ee kasoo baxaya duqeyntan ayaa sheegaya in deegaanada ay duqeynta ka dhacday, ka socdeen howlgallo xooggan oo iska kaashanayaan ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaano Macawiileyda. Duqeyntan ayaa lala beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo halkaasi ku sugnaa, inkasta oo wax faah-faahin ah aysan weli kasoo bixin dowladda federaalka. Sidoo kale waxaa weli duqeyntan ka hadlin taliska Mareykanka u qaabilsan howl-gallada qaaradda Afrika ee loosoo gaabiyo AFRICOM oo inta badan ay dowladda iska kaashadaan weerarada dhanka cirka ah. Asbuuc kahor unbey aheyd markii sidaan oo kale ayay duqeymo xooggan uga dhaceen deegaannadaan, markaas oo dowladda Soomaaliya sheegtay in lagu dilay tobonneeyo xubnood oo katirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugnaa goobaha la beegsaday. Wixii faah-faahin ah ee kasoo kordha waxaa idinkula wadaagi doona wararkayaga dambe Insha Allah. The post Duqeyn culus oo maanta ka dhacday bariga gobolka GALGADUUD appeared first on Caasimada Online.
  24. Qaahira (Caasimada Online) – Dowladaha Masar iyo Sacuudiga ayaa isku raacay in la taageero madax-banaanida dhuleed ee Soomaaliya, iyada oo Riyadh soo dhaweysay kamid noqoshada Masar ee howlgalka cusub ee Soomaaliya. Masar ayaa haatan qorsheynaysa inay qeyb ka noqoto ciidamda cusub ee Midowga Africa ee Soomaaliya imaan doona sannadka soo socda, iyadoo durba bilowday dhaq-dhaqaaqeeda Soomaaliya. Kulan ay magaalada Qaahira ku wada yeesheen madaxweynaha Masar, Cabdulfataax Al-Siisi iyo Dhaxal-sugaha Sacuudiga ahna ra’iisul wasaaraha dalkaas, Maxamed bin Salmaan ayay labada dal xoogga ku saareen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinaca amniga iyo nabadda ee gobolka, gaar ahaan Soomaaliya. Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen labada ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in Sacuudiga iyo Masar ay ka go’an tahay hirgelinta go’aankii Jaamacadda Carabta ee horaantii sanadkaan, kaasi oo ku aadana taageeridda amniga, xasilloonida, midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya. Sidoo kale waxay labada dowladooda xoojiyeen muhiimadda ay leedahay u hogaansanaanta mabaadi’da deris-wanaagga, horumarinta nabadda iyo ka fogaanshaha xiisadaha iyo colaadaha ka dhici kara gobolka. Sacuudiga ayaa haatan muhiimad gaar ah siinaya ka qeyb noqoshada Masar ee howlgalka Soomaaliya, isagoo soo dhaweeyay dadaallada joogtada ah ee Qaahira ay ugu jirto xasilloonida iyo ilaalinta midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, Waxa uuna si gaar ah ugu mahad-celiyay Masar dalabkeeda ku aaddan ka qeyb-galka howlgalka cusub ee nabad ilaalinta ee Soomaaliya, kaasi oo la filayo inuu door muhiim ah ka ciyaaro xaaladda Geeska Afrika. Si kastaba, arrintan ayaa imaneysa xilli ay kasii dareyso xiisadda Soomaaliya kala dhaxeyso Itoobiya, taas oo soo bilaabatay horraantii sanadkaan kadib markii Addis Ababa ay is-afgarad la saxiixatay Somaliland, kaasi oo dowladda Soomaaliya ku tilmaamay xad-gudub ka dhan ah qaranimadeeda. The post Sacuudiga oo taageeray qorshaha Masar ee Somalia xilli ay kasii dareyso xiisadda Itoobiya appeared first on Caasimada Online.