-
Content Count
212,255 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ugu yaraan 20 askari oo Hindi ah, ayaa ku dhimatay iska horimaad dhexmaray ciidamada dalkaasi iyo kuwa Shiinaha ee ku sugan xuduudda Himalaya ee ay isku hayaan labada Waddanka. Iska horimaadkan ayaa kusoo beegmaya xilli xiisad xooggan ay u dhexayso labada dhinac, waana kii ugu dhiig daadashada badnaa muddo ka badan 45 sano. Milateriga Hindiya, ayaa markii hore shaaciyay in saddex askari ay dhankooda uga dhinteen dagaalka, khasaare aan la shaacinna uu soo gaaray dhanka Shiinaha. Balse, gelinkii dambe ee Talaadada ayaa saraakiil Hindi ah waxa ay sheegeen in askar dhaawac uu kasoo gaaray dagaalka ay geeriyoodeen. Wasaaradda arimaha dibedda ee Hindiya ayaa ku eedeysay Shiinaha uu jebiyay heshiis ay labada dal gaareen todobaadkii hore ku aaddan xasiloonnida Dooxada Galwan. Beijing ayaan shaacin khasaaraha dhankeeda soo gaaray, balse waxa ay Dehli ku eedeysay inay ciidamadeeda usoo tallaabeen dhanka Shiinaha. PUNTLAND POST The post Hindiya oo qirtay in 20 askari looga dilay dagaal dhexmaray iyaga iyo Shiinaha appeared first on Puntland Post.
-
Libyan Prime Minister Fayez al-Sarraj urged the UN on Tuesday to provide "technical assistance" in collecting and documenting evidence of crimes committed by the militia affiliated with warlord Khalifa Haftar. Source: Hiiraan Online
-
United Nations (United States) (AFP) - The UN General Assembly on Wednesday will elect five new members of the Security Council for 2021 and 2022, with battles underway for the Western and African seats. Source: Hiiraan Online
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa maalintii Axadii madaarka magaalada Hargeysa ee Cigaal International soo cago-dhigatay labo diyaaradood, kadib furitaankii shirka Jabuuti ee wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland. Diyaaradahaasi ayaa ahaa kuwo ay hore u diiday Somaliland oo la sheegay inay buufinayeen Ayaxa, isla markaana la soo mariyay dowladda federaalka Soomaaliya, oo iyadu maamul goboleedyada dalka sii gaadhsiineysay. Imaatinka diyaaradahaasi ayaa lala xiriiriyey furitaanka shirkaasi iyo is-fahan wada-shaqeyn oo ka dhalanaya dowladda federaalka iyo Somaliland, oo muddooyinkii dambe ay ka dhex aloosneed xiisad xoogan. Wasiirka beeraha Somaliland iyo xubno ka tirsan Hay’adda beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobay ee FAO ayaa madaarka Hargeysa kusoo dhaweeyay diyaaradahaasi oo xiligan baahi weyn u qabto Somaliland, maadama uu Ayax faro badan ku habsaday qaar kamid ah deegaanadeeda. Wasiirka beeraha ayaa sheegay in dadaal badan galiyeen diyaaradahaasi, kuwaasi oo uu sheegay inay wax ka tari doonaan sidii loo dabar-goyn lahaa ayaxa faraha ba’an ku haya. Diyaaradahaasi ayaa kamid ahaa kuwo ay hore u diiday xukuumada Somaliland, xili loo soo mariyay dowladda federaalka, balse xiligan si madax-banaan uga soo dageen madaarka Hargeysa, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen xubno ka tirsan Wasaarada beeraha. Talaabadaasi ayaa muuqata mid lagu dabaqayo is-fahan hordhac ah oo laga gaadhay in Somaliland si toos ah loogala tacaamulo deeqaha, iyada oo Hay’addaha caalamiga ahna ay si madax-banaan ula tacaamuli karaan xukuumada Somaliland, iyaga oo soo mareyn dowladda federaalka.
-
In Somalia, extremes of climate are now more common. Serious droughts – like those in 2011 and 2017 – happen once every few years rather than once a decade. Major floods are also more frequent. Today, the challenge for many Somalis is not just how to deal with one shock but a series, one after the other. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada badda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay 30 sano kadib soo saaray amarro ka baxsan gudaha ciidamada oo si toos ah taabanaya nolasha dad badan oo shacab ah. Amarkaan ay soo saareen ciidamada Mariiniska Soomaaliya ayaa ah mid ku wajahan kaluumeysata xeebaha magaalada Muqdisho, sida ay noo sheegeen ilo-wareedyo ka tirsan kalluumeysatada Muqdisho. Amarkaan ayaa ah in kalluumeysatada xeebaha magaalada Muqdisho ay soo gudbiyaan sawirrada iyo magacyada milkiilaha doomaha iyo wadaha doonta, ka hor inta aan loo ogolaan badda. Kalluumeysatada ayaa shalay dhigay Banaanbax inkastoo markii ay dambe ay isku fahmeen iyaga taliska ciidamada badda, sida aan xogta ku helnay. Ciidamada Badda Soomaaliya oo ah qeyb ka tirsan ciidamada difaaca Soomaaliya ayaa wali ka soo kaban burburkii gaaray waxaana aad u hooseeyo soo kabashadooda markii loo eego qeybaha kale ee ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.
-
Shirka maalinnimadii 14-6-2020 ka furmay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, laguna wadahadalsiinayo Soomaaliya iyo Somaliland wuxuu noqon doonaa mid taariikhda cusub ee Soomaalida baal mugdi ah ka gala! Waa marka horee; waa madal aan loo dhamayn oo gobollo iyo dadkii matalayayba way ka maqanyihiin shirka ( Sool iyo Sanaag). Waa ta xigtee; isuma dheelitirnoo dhinacyada wadahadllaya dhinac baa awooddiisa ka muuqata shirka, marka la eego shakhsiyaadkii u matalay, munaasabaddii fuuritaanka baadna ka dheegan kartaa isu dheelitir la’aanta kulankaas. Laba dhinacoo kastaa oo wada hadlaa dhinac baa nugul oo jilicsan, halka kan kale ay muuqato in uu isagu meeriyo go’aannada, tiisana ay ku soo idlaato. Marka la eego shirka imminka ka socda Jabuutina, dhinaca Somaliland bay muuqataa in ay iyadu majaraha u hayso wadahadallada. Marka la wada hadlayana tanaasul waa iman karaa, oo go’aanka tanaasulku -markaas- wuxuu ka iman karaa dhinaca guuleystay; amaseba laga guuleystay -kay noqotaba- xaaladda Soomaaliyase ma jirto cid guulaysatay; ama cid kaloo guuldarraysatay. Go’aanka wada hadalkuna wuxuu ka yimid gacan saddexaad oo dano gaar ah ka leh Soomaaliya, hadda ka horna waxaan dhambaal aan arrinkaa kaga faaloonayo ku qoray degelka Wardheernews, anigoo dhambaalkaygaas cinwaan uga dhigay: “ Khariiddadii Itoobiya: ma sir fakatay baa! Mise khalad dhacay!”. Haddaba, sidaan dhambaalkayga cinwaanka uga dhigay, Mudane Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu ku dhacay dabin aanu ka fiirsan, waana sababayn doonaa – akhristow- sababta aan hadalkayga u idhi:- 1- Xilliga dowladda Federalka Soomaaliya ogolaatay in shir noocaan oo kale ah la qabto; iyadoo sidaan ognahay dhawr bilood uga hadhay muddo xileedkii loo idmay, cid kastaa way dareemi kartaa in olole doorasho ujeedku yahay, waana sababta ka dhigtay DFS dhinaca nugul. 2- Somaliland aqbalaadayda wada haddallada waa ujeeddo badan, oo waxaa shirka ka soo bixi doona; B. Shan sano, ama 10 sano ka dib in afti dadweyne laga qaado dadka waqooyiga Soomaaliya, waxay Soomaaliland naawilaysaa in gobollada Sool iyo Sanaag laga dhigo xuduud lagu muransanyahay (Disputed Territories ) sida: “Abyeeyda” Sudan oo kaleba imminka tahay. muddadii ay gooni-isu-taagga ahaayeenna shacabka reer waqooyi waxay Somaliland ku wadday wacyi-galinno liddi-ku- ah la midowga Soomaali mar kale. T. Soomaaliland haddii ay aftidaas dadweyne ku guuldarraysatana waxay DFS u sahli doontaa in Somaliland hesho arrin ay ku guuldarraysteen 1960-dii markii labada gobol koonfur iyo waqooyi midoobeen; buug aan akhriyay oo uu qoray nin Professor Al-Dirdeeri Maxamed Axmed una dhashay dalka Suudaan, wuxuu buuggiisa cinwaan uga dhigay ( AL-XUDUUD AL-IFRIIQIYAHA WAL INFISAAL FII AL-QAANUUN AL-DOWLI) micnihiisuna yahay: “ Xadka Afrika iyo gooni-isu-taagga marka qaanuunka dowliga ah la eego. Cutub uu kaga hadlayay dalalka dunida ee gooni-isu-taagga helay wuxuu sabab uga dhigay in ay jirtay wax ay kala qorteen tusaalana wuxuu u soo qaatay dalka Masar iyo Suuriya markii ay midoobeen 1958-kii , markay ay kala goostenna sannaddu markay ahayd: 1961-kii, waxay markii horeba ahaayeen dowlado middiiba gaar u taagnayd, Somaliland marka uu ka hadlayay wuxuu sheegay in ay adagtahay in la ictiraafo; waayo ma jiro wax qoran oo kaydka galay, laba dowladood oo midoobayna ma ahaynee waxay aheeyeen dad walaalo ah isu hiloobay guumaystuhuna kala qaybiyay. Madaxweyne Farmaajo wuxuu maanta ka shaqeenayaa in ay Soomaaliya kala go’do, waxay Somaliland lixdankii ku guuldarraysatayna isagaa maanta u saxiixi doono. 3- dhinaca Somaliland waxay shirka uga qayb-gashay si mug iyo culays leh, marka aad fiiriso dadka ka qayb-galay dhinacooda waa dad culays siyaasadeed ku leh waqooyiga Soomaaliya, dhinaca matalaadda qabaa’ilka waxaa uga qayb galay qabiilka dhexe iyo waxay ku magacaabaan dhinacooda qabaa’ilka hareeraha, dhinaca golayaashana way dhanyihiin, halka dhinaca DFS aan goloyaashu kawada qayb-galin . Waxaa intaa dheer Somaliland; maadaama ay ahaayeen dad wax tabanaya oo siday sheegtaan xuquuq doon ahaa, waxay ku hawlanaayeen in daraasaat iyo qorshayaal cilmi-baadhis dooddooda ku laraan, khuboro caalami ahna kaashadaan, oo laga soo bilaabo xilligii Maxamed Ibraahim Cigaal ilaa iyo maanta oo aan joogno la taliye dastuur u ah “Al-Professor- Muntasir Al-Ibraahim” waana aqoonyahan dalka Sudan u dhashay, horeyna u ahaa la taliyihii Jabhaddii “SPLM” ee koonfurta Suudaan, wuxuuna ka caawiyay aqoonyahankaas ku takhasusay qaanuunka dastuuriga ah siday Koonfurta Suudaan looga jari lahaa dalka Suudaan. Markii ugu dambaysayna waxaan ku ogaa isagoo dagan Hotel (Marti-soor- Hargeysa). Falsafadda Madhammar Waxaa shirka wadahadallada DFS iyo Somaliland gadaal ka riixaya raysal wasaaraha Dowladda Federalka ee Itoobiya Abiy Axmed, khudbaddii uu shirka wadahadallada ka jeediyana wuxuu si faahfaahsan ugu sharraxay falsafaddiisii uu aaminsanaa ee “Madhammar” eraygaas waa Af-Amxaari, waxaana loola jeeda (Isjecel, mideysan, isku duuban) wuxuuna raysul wasaaraha dalkaas qoray buug uu cinwaan uga dhigay eraygaas, waana qorshe muran ka dhaliyay dalka Itoobiya muddadii u dambeysay. Raysul wasaaraha dalka Itoobiya wuxuu madaxweyne Farmaajo ka dhaadhiciyay xukun dowlad dhexe oo adag in ay ka wada hir-galin doonaan labada dal, halka sida saxda ahina Itoobiya marnaba doonayn dowlad Soomaaliyeed oo awood leh, ee qorshuhu yahay: qaybi oo dabadeedna xukun. Wadahadallada iminka Jabuuti ka socdana waa ujeeddo badan qolo walibaa dhinac danteeda ah ka aragto, raysal wasaaraha Itoobiya wuxuu doonaya in uu muujiyo falsafaddiisii “Madhammar” in ay ka hirgashay Soomaaliya, halka dulucdiisu tahay kala goynta Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajana isha wuxuu -had iyo goor- ku hayaa soo noqosho mar labaad, wuxuuna umadda Soomaaliyeed ku maaweelinaya qorshayaal daaharkeeda kore wadata muuqaal waddaniyadeed, runtuse tahay dhalanteed aan waxba ka suuroobi doonin, tusaale waxaa kuugu filan -akhristow- guddigii dabaaldegga 1-da Luuliyo ee la magacaabay bilo ka hor. Wuxuu Madaxweyne Farmaajo ogaa shirkaan, habeenka xuska 1-da luuliyana wuxuu akhrin doonaa khudbad uu ku sheeganayo in uu Soomaali mideeyay, sida dhabta ahina waa hoggaamiyihii Soomaali kala geeyay. dalkii Soomaaliyana wuxuu noqday mid doorasho la siisto. Mowqifka Dowladda Puntland Wada hadal kastaa oo lala galaa Somaliland ansax noqon maayo haddayan Puntland dhinac ka ahayn, sababtuna waa caddahay oo gobollada lagu dul gor gortamayaa ee Sool iyo Sanaag waa gobollo Puntland ka tirsan, go’aan ka gaariddoodana waa in Puntland laga talo-galiyaa. Dowladda Federalka ee Soomaaliyana miyaanay habboonayn in ixtiraamto dastuurka dalka u yaal ee federalka ah, ee sida cad u qeexaya la tashiga dowlad-gobolleeddada arimaha masiiriga ah?!! Aniga aragtiday shirka wadahadallada ee bilowday wuxuu ku dhamaan doonaa waxba kama jiraan, waa shir la doonayo in doorasho lagu galaa. Dhulka Soomaaliyana ka weyn wax doorasho la siistaa. Dr. Cabdifitaax Nuur Axmed (Ashkir) – Waa Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Warfaafinta ee Puntland. Waxaad kala xiriiri kartaa ashkirnuur84@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Abaabulka mooshin ka dhan ah Cabdi Xaashi oo ka socda Muqdisho Magaalada Muqdisho waxaa ka socda isku day abaabulka mooshin ka dhan ah guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, kaasi oo gadaal ay ka riixeyso Villa Somalia. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in xalay ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed uu kulamo la qaatay Senatoro ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo wada abaabulka mooshin ka dhan ah Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ah guddoomiyaha Aqalka Sare. Abaabulka mooshinkan ayaa sidoo kale waxaa qeyb weyn ka wada Senatoro ka tirsan Golaha Aqalka Sare, waxaana lagu bixinaya kumanaan lacag ah. Wararka aan helnay ayaa sidoo kale sheegaysa in kulamadaan xubno kamid ah Golaha Shacabka ay qeyb ka ahaayeen, waxaana lagu qabtay laba hoteel oo ku yaalla Muqdisho. Waxyaabaha la isku soo hadal qaaday waxaa kamid ah in xubnaha kasoo horjeeda Cabdi Xaashi aysan marna kulamada Cabdi Xaashi iclaamiyo ee Aqalka Sare ilaa amar dambe iyo in la sameeyo kulamo kale oo lagu diyaariyo mooshin kaas oo si deg deg ah la horgeyn doono Fadhiga Aqalka Sare. Abaabul xoog leh ayaa ka jira magaalada Muqdisho, kaas oo ku saabsan khilaafka Golaha Aqalka Sare ee baarlamanka Soomaaliya Waxaa aad usii xumaanaya khilaafka ka jira guddoonka Aqalka Sare kaas oo la aaminsan yahay iney gadaal ka riixeyso Villa Somalia. Villa Somalia ayaa ka carrootay markii uu guddoomiyaha Aqalka Sare iclaamiyey shir dhex-mara dowladda Soomaaliya iyo maamul gobaleedyada dalka, inkasta oo madaxtooyada ay markii dambe ogolaatay shirkaas, kadib cadaadis ka yimid beesha caalamka. Qaran News
-
Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa markii u horeysay war rasmiya kasoo saartay xariga duuliye Fu’aad Yuusuf Cali oo muddooyinkii dambe ku xirnaa dalkaasi, iyadoona ka dhalatay xiisad hor leh oo ka taagan gudaha dalka Jabuuti. Jabuuti ayaa duuliyaha ku eedeysay lix arrin, kuwaasi oo ay sheegtay inuu u xiran yahay, isla markaana been abuur ku tilmaamtay warar kala duwan oo maalmihii u dambeeyay kasoo baxayey xariga duuliyaha. Duuliye Fu’aad ayaa ku eedeysan inuu khatar galiyay nabad-gelyada dalka Jabuuti, kadib markii uu xiriir la sameeyay wadanka ay is hayaan ee Eretariya, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay dowladda Jabuuti kasoo saartay xarigiisa. “Maalmo badan waxaa la faafinayay sheekooyin salka ku haya mucaaradka oo ku saabsan eedeymo aan run ahayn iyo ku tiri ku teen aan xaqiiq ku dhisneyn oo ku saabsan xariga Fu’aad Yuusuf Cali oo la dhigay xabsiga Gabood” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedkaasi. Waxa kale oo lagu yiri “Jamhuuriyadda Jabuuti waxay gaashaanka ku dhufaneysaa wararkan la isla dhex marayo oo ay daabaceen warbaahin ay ka mid yihiin kuwa dibadda”. Hoos ka aqriso lixda qodob ee ay dowladdu ku eedeysay duuliyaha: 1. Inuu isku dayay inuu diyaarad xado 2. Inuu diyaaraddaas burburiyay 3. Inuu xiriir joogto ah la lahaa awood ajnabi ah, oo ah waddan lagu magacaabo Eretariya 4. Inuu shaaciyay farriin qalalaase abauureysa 5. Inuu khatar galiyay difaaca qaranka, oo uu milatariga ku boorriyay inay amardiiddo sameeyaan 6. Inuu si shaac baxsan meel ka dhac ugu sameeyay milatariga Dowladda Jabuuti ayaa sidoo kale hore u sheegtay in duuliye Fu’aad uu ku kacay falal ‘khiyaano qaran ah’, taasi oo ku mudan karo dil toogasho ah, walow uusan arrinkaasi la qabin qareenka u doodaya duuliyuhu. Qareenka u doodaya duuliye Fu’aad ayaa dhowr jeer warbaahinta ka hor sheegay in dowladda Jabuuti ay ku tumatay xuquuqda dastuuriga ah, isla markaana qaab sharciga baal marsan ula dhaqantay Fu’aad Yuusuf.
-
As the world battles the COVID 19 pandemic, there is arguably a much deadlier and more persistent pandemic. That’s the oppression pandemic. But unlike coronavirus, there is no prospect of a vaccine in the horizon. You can’t combat oppression with social distancing either Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyihii hore ee gobolkan Banaadir ahaana duqa magaalada Muqdisho taabit Cabdi Maxamed ayaa wax lagu xumaado ku tilmaamay dilka mar walba askarta dowladda Soomaaliya ay u geystaan dadka Shacbaka ah. Qoraal uu Taabit soo dhigay Bartiisa Facebook ayaa ugu tacsiyadeeyey Ehelada iyo Qoyska marxuum Cumar Xasan oo ahaa Oday da’ah,kaas oo agagaarka Isgoyska Ceelgaabta uu shalay ku dilay askari ka tirsan Booliska Soomaaliya,waxaana uu sheegay in aan la aqbali karin in ciidankii loo igmaday difaaca shacabka isla iyagii ay si xaqdarro u dilaan. Hoos Ka Akhriso Qoraalka Guddoomiyihii hore ee gobolkan Banaadir Taabit Cabdi oo dhameystiran. Ma’ahan wax la aqbali karo in ciidankii loo igmaday difaaca shacabka isla iyagii ay si xaqdarro ah nafta u dhaafiyaan dadka biri-mageydada ahaa ee la tacaalayay nolol maalmeedkooda. Cuqubada ka dhalan karta dulmigan waa mid halis ah, oo na wada saameyn doonta hadii aan si wadajir loo diidin, loogana dhiidhin. Waxaan xanuunka la qeybsanayaa qoyska marxuum Cumar Xasan, waxaana Rabbi uga baryayaa naxariistiisa, qoyskana samir iyo iimaan. Waxaan ugu baaqayaa Hay’addaha Amniga in si deg deg ah sharciga loo marsiiyo gacan-ku-dhiiglaha dulmiyay, naftiisana dhaafiyay qof shacab ah oo aanan waxba galabsan.
-
In the course of the last seven years, I have observed and wrote a lot about the subject of Somalia and Somaliland much to the like and dislike of both camps. It is been an interesting journey because as I sit ringside of both sentiments. I saw some get excited once I endorse their views and vice versa. I learned here that there is less space for tolerance and each side wants to live in their own echo chambers. I can sense the challenge before you all. Source: Hiiraan Online
-
Garoowe, June 16, 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, magaca shacabka iyo kan Dowladda Puntland-ba, waxa uu ka tacsiyaynayaa [...] The post TACSI : – Madaxweynaha Puntland Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Marxuum Nuur Cumar Maxamed appeared first on . Source
-
Guddiyadii farsom ee loo saaray xal ka gaadhsita iyo ka *****nta qodobadii hore ay ugu heshiiyeen labada dawladood ee Somaliland iyo Somaliya, kuwaasi oo ay hirgalintoodu ka xanibnayd ama hirgali wayday xaga Somaliya ayaa caawa lagu soo gabo gabeeyay dalka Jabuuti Kulankii doraad ka dhacay dalka Jabuuti ee ay beesha caalmku goob jooga ka ahayd, ee ay ka hadleen labada madaxweyne ee Somaliland iyo Somaliya ayaa maalintii labaad ee kulankooda mid waliba dhinaciisa uu kalsooni buuxda siiyay sidii loo soo saari lahaa heshiis lagu wada kalsoonyahay. Waxana bilowgii la isku mari waayay qodobo xaasaasi ah oo ay qolo waliba dhankeeda soo dhigtay miiska, hase ahaatee waxa caawa lagu soo gabo gabeeyay dalkaasi Jabuuti kulankii ay lahaayeen guddiyada farsamo ee labada dhinac waxana la isla qaatay qodobadii hore loogu heshiiyay iyo kuwo cub oo hor leh. Anaga oo aan ka sii hordhaci doonin qodobada lagu heshiiyay oo ilaa hada ayna saxaafadu helin waxa ay labada dhinac bari si wada jir ah ugu dhawaaqi doonaan go’aamadaasi oo la siin doono warbaahinta. Gudiyadda farso ee labada dal ka kala socdaana waa sidan hoos ku qoran Somaliland. Wasiirka Arrimaha Dibada 1. Yasin Haji Mohamud Hir. 2. Wasiirka Ganacsiga dalxiiska. Mohamud Hassan Sa,ad 3. Ergeyga wada hadalada Somaliland iyo Soomaliya Dr Adna Adan Ismail 4. Wasiirka Xanaanada xoolaha Iyo kaluumaysiga Said Sulub Mohammed 5. Wasiirka Maaliyadda Dr Saad Ali Shire 6 . Safiirka Somaliland ee Jabuuti Ambassador Abdifatah Said Ahmed 7. Xoghayaha Gaarka madaxwaynaha Mubarak Ismail Taani. Soomaliya. 1. Wasiirka Arrimaha gudaha iyo federaalka Cabdi Maxamed Sabriye 2. Wasiirka Batroolka Cabdirashiid Maxamed Axmed 3. Wasiir ku xigeenka areimaha dastuurka Xuseen Cabdi Cilmi 4. Gudoomiyaha guddiga Madaxa banaan ee fulinta iyo dib u eegista arrimaha dastuurka Maxamed Dahir Afrax 5. Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Dr Sulayman Maxamed Maxamuud. 6.Xildhiban Maryan Carif Qasim 7. Wakiilka ahna la taliyaha sare ee Madaxweynaha Soomaliya Balal Maxamed Cismaan. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa ka socda isku day abaabulka mooshin ka dhan ah guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, kaasi oo gadaal ay ka riixeyso Villa Somalia. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in xalay ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed uu kulamo la qaatay Senatoro ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo wada abaabulka mooshin ka dhan ah Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ah guddoomiyaha Aqalka Sare. Abaabulka mooshinkan ayaa sidoo kale waxaa qeyb weyn ka wada Senatoro ka tirsan Golaha Aqalka Sare, waxaana lagu bixinaya kumanaan lacag ah. Wararka aan helnay ayaa sidoo kale sheegaysa in kulamadaan xubno kamid ah Golaha Shacabka ay qeyb ka ahaayeen, waxaana lagu qabtay laba hoteel oo ku yaalla Muqdisho. Waxyaabaha la isku soo hadal qaaday waxaa kamid ah in xubnaha kasoo horjeeda Cabdi Xaashi aysan marna kulamada Cabdi Xaashi iclaamiyo ee Aqalka Sare ilaa amar dambe iyo in la sameeyo kulamo kale oo lagu diyaariyo mooshin kaas oo si deg deg ah la horgeyn doono Fadhiga Aqalka Sare. Abaabul xoog leh ayaa ka jira magaalada Muqdisho, kaas oo ku saabsan khilaafka Golaha Aqalka Sare ee baarlamanka Soomaaliya Waxaa aad usii xumaanaya khilaafka ka jira guddoonka Aqalka Sare kaas oo la aaminsan yahay iney gadaal ka riixeyso Villa Somalia. Villa Somalia ayaa ka carrootay markii uu guddoomiyaha Aqalka Sare iclaamiyey shir dhex-mara dowladda Soomaaliya iyo maamul gobaleedyada dalka, inkasta oo madaxtooyada ay markii dambe ogolaatay shirkaas, kadib cadaadis ka yimid beesha caalamka.
-
A cheap and widely available drug can help save the lives of patients seriously ill with coronavirus. Source: Hiiraan Online
-
Beesha caalamka oo war ka soo saartay shirka u socda Somaliland & Somalia #Somalia’s intl. partners welcome dialogue between Pres. @M_Farmaajo and Pres. @musebiihi, hosted by #Djibouti Pres. @IsmailOguelleh and attended by #Ethiopia PM @AbiyAhmedAli, as important step in strengthening communication and understanding. For more: https://t.co/QXorxoCnEl pic.twitter.com/AAmbSXbx1g — UNSOM (@UNSomalia) June 16, 2020 Saaxiibada Soomaaliya ee Caalamka (ee hoos ku qoran) waxay soo dhoweynayaan wadahadalka u dhexeeya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, wadahadalkaas oo uu martigeliyey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Jabuuti, uuna ka soo qaybgalay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed Cali. Waxaan bogaadinaynaa taageerada iyo wada-shaqaynta gobolka ee horseedday wadahadallada. Waxaan soo dhaweynaynaa kulanka oo ah tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo wada-xiriirka laguna kobcinayo is-fahamka, waxaanan guddiga farsamada ee ay magacaabeen madaxda ugu sarreysa ku dhiirigelinaynaa inay faa’iidooyin la taaban karo u soo hooyaan dadkooda. Waxaan soo dhoweynaynaa sida ay labada hogaamiye uga go’antahay inay wada-hadalka sii wadaan. *Belgium, Boland, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Canada, Denmark, Dowladda Mareykanka, Faransiiska, Finland, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Ireland, Japan, Midowga Yurub, Netherlands, Norway, Shiinaha, Sweden, Switzerland, Talyaaniga, Turkiga, Uganda, Urur-Goboleedka (IGAD), Qaramada Midoobay. Qaran News
-
Mary Trump: Maxay gabadhan u dooneysaa inay kashifto adeerkeed Donald Trump? Sawir ay ka muuqdaan Trump walaalihiis, bidix ilaa midig: Robert, Elizabeth, Fred, Donald iyo Maryanne Gabadh uu adeer u yahay madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, oo iyadana lagu magacaabo Mary Trump ayaa laga dhowrayaa inay shaaca ka qaaddo buug ay ka qortay adeerkeed oo ay ku sharraxeyso wax kasta oo ku saabsan isaga. Haddaba waa tumaha iyada, maxayse tallaabadan u qaadday hadda? 28-ka bisha July, ayaa la filayaa in Mary Trump ay soo saarto buuggaas oo ay ku magacowday : Sida uu qoyskeyga uga dhashay ninka ugu halista badan adduunka. Shirkadda wax daabacda ee lagu magacaabo Simon & Schuster ayaa Isniintii shaacisay arrintan. Buuggan wuxuu suuqyada soo gali doonaa dhowr isbuuc uun ka hor xilliga uu dhacayo shirka qaran ee xisbiga Jamhuuriga, kaasoo gabadhan adeerkeed uu ku aqbali doono magacaabista ay xisbigiisa ugu xusheen inuu xilka madaxweynaha mar kale ugu tartamo doorashada dhaceysa bisha November, ee sannadkan. Qormooyinka buuggaas ayaa la sheegay inay ku sharraxeyso sida ay wargeyska Ney York Times ugu wareejisay warqado sir u ahaa qoyska oo ku saabsan dhaqaalaha uu sameystay Mr Trump. Waxyaabaha cusub ee shaaca looga qaadi doono buuggaas waxaa ka mid ah xog ku saabsan eedeyn Trump loogu jeediyay inuu laaluush dhan $400m (£316m) ka qaatay shirkadda uu aabihiis lahaa ee ka shaqeysa dhismaha guryaha shacabka. Bayaan kasoo baxay shirkadda Amason oo gacan ka geysatay soo saarista buuggaas ayaa sheegay in gabadha qoraaga ah ay dibadda soo dhigi doonto sida uu adeerkeed “ku noqday ninka hadda khatarta ku haya caafimaadka dunida, dhaqaalaha iyo ganacsiga bulshada”. “Waxay sharrixi doontaa waxyaabo gaar ah oo ku saabsan sida uu qoyskeeda uga dhashay ninka hadda haya maamulka Aqalka Cad, waxyaabaha ay sheegi doontana waxaa ka mid ah xiriirka dhibaatada leh ee ka dhaxeeyay Fred Trump iyo labadiisa wiil ee waaweyn, oo kala ah Fred Jr and Donald,” ayaa lagu yiri bayaanka. Donald Trump oo wiil yar ah (qofka ugu bidixeeya)iyo walaalihiis Fred, Elizabeth, Maryanne iyo Robert Mary Trump ayaa arrimahan ka sheekeyn doonta iyadoo “iyadoo markhaatiga koowaad ka ahayd waxyaabihii dhacay”. Buugga ayaa sidoo kale Trump ku eedeynaya inuu “ku jeesjeesay aabihiis” markii uu ku dhacay cudurka Alzheimer’s. Mary Trump, oo hadda 55 jir ah, waa gabadha uu dhalay Fred Trump Jr, oo ah madaxweynaha walaalkiis ka weyn. Fred Trump Jr, wuxuu geeriyooday sanadkii 1981-kii, xilligaas oo ay da’diisa ahayd 42 sano. Inta badan waqtigii noloshiisa wuxuu dhibaato badan kala kulmay isticmaalka maandooriyaha, dhimashadiisa xilliga hore timidna waxaa sababay wadne xanuun lala xiriiriyay maandooriyihii uu cabi jiray. Madaxweyne Trump wuxuu geerida walaalkiis usoo qaataa dagaalka ka dhanka ah maandooriyaha lala qabsado. Donald Trump (midig) iyo walaalkiis Fred Wareysi uu sanadkii lasoo dhaafay siiyay wargeyska Washington Post, wuxuu Mr Trump ku sheegay inuu ka qoomameysan yahay sidii uu walaalkiis ugu cadaadiyay inuu ku biiro ganacsigooda dhismaha guryaha, xilli uu isagu lahaa riyo ku saabsan inuu duuliye noqdo. Mary Trump way iska ilaalineysay warbaahinta, tan iyo markii uu adeerkeed noqday madaxweynaha, inkastoo ay horay ugu eedeyn jirtay waxyaabihii dhacay. Cadowtinnimadooda waxay soo billaabatay ugu yaraan 20 sano ka hor, markaasoo iyada iyo walaalkeed ay dacwad maxkamadeed ka gudbiyeen adeerkood iyo walaalihiis. Sanadkii 2000, Mary Trump iyo walaalkeed Fred Trump III, waxay gudbiyeen dacwad ay ku dalbanayeen lacagtii dhaxalkooda ahayd ee uu aabahood uga tagay awowgood Fred Trump Sr. Mary Trump waxay sheegtay in adeerkeed Donald Trump iyo eeddooyinkeedba ay tahay “inay ceeb ka dareemaan waxa ay sameeyeen”. Mar kale ayey Mary Trump iyo walaalkeed dacwad gudbiyeen markii ay shirkadda Trump ka goosatay dhaqaalihii ay ku bixin jirtay ceymiska caafimaadkooda, taasoo dabcan uu sababayay dagaalka dhinaca sharciga ee ka dhaxeeya. Donald iyo aabihiis, Fred, oo sawirkan laga qaaday 1988-kii Kiiskaas ayaa ugu dambeyn la xalliyay, lamana shaacinin xogtiisa oo dhammeystiran. Majalladda People magazine, xogta dadweynaha ee Mareykanka waxay muujineysaa in gabadhan, oo magacaga dhalashadeeda uu yahay Mary Lea Trump, ay dhalatay sanadkii 1965-kii, haddana ay ku nooshaday degmada Long Island, ee magaalada New York. Majalladda kale ee lagu magacaabo Forbes ayaa iyana soo tabisay inay haweenedan ay shahaadada heerka koowaad ee luuqadda Ingiriiska ka qaadatay jaamacadda Massachusetts, halka heerka labaad ee master-ka – oo isla maaddadaas ah – ay ku qaadatay jaamacadda Columbia ee ku taalla New York. Waxaa kale oo ay shahaahada heerka PhD-da ku qaadatay maaddada cilmi-nafsiga, taasoo ay ka dhigatay jaamacadda Adelphi ee ku taalla isla magaalada New York Qaran News