-
Content Count
212,255 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-London)-Hay’adda caafimaadka adduunka ayaa soo dhawaysay natiijada tijaabooyinka hor dhaca ah ee dawada dexamethasone. Bukaanada laga quustay ee ku neefsanaya qalabka loo yaqaanno ventilators-ka ayaa la sheegay inay dhimashadooda hoos u dhacday, sidoo kale bukaanada u baahnaa Oxygen-ka ayaa tiradooda hoos u dhacday kaddib markii dawadan lagu tijaabiyay. Cilmi-baadheyaasha ayaa sheegay in haddii dawadan la isticmaali lahaa markii ugu horreysay ee uu fayraska gaadhay UK ay badbaadin kari lahayd nolosha dad gaaraya 5,000 oo hadda geeriyooday. Dalalka saboolka ah ee dunida, oo cudurka Covid-19 uu aad u saameeyay ayey faa’iidada ugu weyn u noqon doontaa, maadaama uu kharashkeedu aad u yaryahay. Qiyaastii 19 ka mid ah 20-kii bukaan ee uu ku dhaco fayraska corona waxay ka caafimaadaan iyagoo aan cisbitaal la dhigin. Xitaa kuwa isbitaalka la dhigo badankood way kasoo kabsadaan cudurka, balse qaarkood ayaa laga yaabaa inay u baahdaan in lagu xiro qalab neefsashada ka caawiya. Kuwaas ayaa ah bukaannada halista weyn ugu jira inay u geeriyoodaan cudurka. Waxaase la aaminsan yahay inay si fiican u caawin karto dawada dexamethasone. Source
-
(SLT-Nairobi)-Golaha Guud ee Qaramada Midoobe ayaa Arbacada maanta ah dooran doona shan xubnood oo ka tirsan kuraasta aan joogtada aheyn ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey. Kuraasta lagu tartamayo ayaa muddo xileedkeedu yahay 2021-2022, waana mid wareeg ah oo ay ku tartamayaan dalalka qaaradaha Adduunka, sannad kasta ayaa loo tartamaa kuraasta aan joogtada aheyn ee Golaha ammaanka Kenya iyo Jabuuti ayaa u tartamaya hal kursi, halka dalalka reer Galbeedka ay saddex dal ku tartamayaan laba kursi, sida Canada, Ireland iyo Norway. Mexico iyo Hindiya ayaa ah labada dal ee aan tartan adag kala kulmi doonin dalal kale, maadaama keligood uga sharxan yihiin qaaradahooda. Loolanka ugu weyn ee kursiga ayaa noqday mid ka dhex bilowday dalalka Kenya iyo Jabuuti oo olole ballaadhan u galay sidii midba midka kale ugu guulleysan lahaa, iyadoo labadan dal intii ololaha ugu jiraan hadalo adag iska weydaarsadeen warbaahinta. Kenya ayaa sanadkii 2019 heshay aqlabiyada xubnaha ka socda Midowga Afrka, waxaana ay rajo badan ka qabtaa inay hesho kursiga Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey Sidoo kale Jabuuti ayaa olole ka sameysay dalalka Islaamka iyo jaamacadda Carabta, si ay u hesho cododka dalalkaas, sidoo kale dalal badan ayay taageero ka raadisay. Labada dal Jabuuti iyo Kenya ayaa midkii ku guulleysta kursiga Golaha Ammaanka waxay bedeli doonaan dalka Koofur Afrika oo waqtiga ka sii dhammaanaya. Tan iyo sannadkii 2007-dii Midowga Afrika ayaa hal kursi ee uu Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey ku leeyahay waxaa loo adeegsadaa hab wareeg ah loogu tartansiiyo dalalka Afrika. Source
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ay wehlinayeen kuwa Mareykan ah saaka lagula eegtay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose. Qaraxyada oo ahaa nooca miinada ayaa ciidamadaasi waxaa lagula eegtay duleedka deegaanka Leego ee gobolka Shabeelaha Hoose. Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in qaraxyada, kadib ciidamada huwanta ay howl-gallo kooban ka sameeyeen halkaasi. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi loo adeegsaday qaraxyada. Dhinaca kale Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi ayaa shaacisay inay la bartilmaameedsay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Bangarafta Soomaaliya iyo kuwa cadaan ah, sida ay hadalka u dhigay. Sidoo kale qoraalka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxyadaasi ay khasaare lixaad leh ku gaarsiiyeen ciidamadaasi, walow aysan shaacin. Inta badan dagaalyahanada kooxda Al-Shababa oo weli ku xoogan Shabeelaha Hoose ayaa ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM weeraro kula eegtay gobolkaasi.
-
Dr.Xasan Sheekh Cali Nuur oo barre Jaaamacadda Umadda ayaa waraysi dhinacyo badan uu sii yay Goobjoog News waxa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo lagu rabo in uu ummadda sharaxaad dheeri ah ka siiyay is dhaxgalka shacuubka geeska Africa. Halkan Ka Daawo Sharaxaad Uu Bixiyay Dr.Xasan Sheekh Cali Nuur https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-geeska-africa.mp4 Source: goobjoog.com
-
Labaatan (20) dal iyo afar urur oo caalami iyo heer gobal isugu jira ayaa si weyn ugu sacabo tumay wada hadalkii Madaxweynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ku dhex maray dalka Djibouti. 20-ka dal iyo 4ta urur ayaa sheegay inay wada hadalada labada madaxweyne u arkaan talaabo hore loo qaaday. War-murtiyeed kooban oo ay soo saareen waxay ku yidhaahdeen sidan “Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ee hoos ku qorani, waxay soo dhawaynayaan wada hadalka dhex maray Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee uu martigeliyay Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geele oo uu kala qayb galay Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Waxaanu bogaadinaynaa taageerada gobalka iyo wada shaqaynta keentay wada hadalada. Waxaanu soo dhawaynanaa kulamada oo ahtalaabo muhiim ah oo xoojinaysa war isgaadhsiinta iyo kobcinta isfahamka, waxaanan ku dhiirigelinaynaa guddiyada farsamo ee aymadaxdu magacowday inay dadkooda gaadhsiiyaan faa’iidooyin la taaban karo. Dalalka iyo wadamada ayaa kala ah kuwan: African Union Mission in Somalia (AMISOM), Belgium, Canada, China, Denmark, Ethiopia, European Union, Finland, France, Germany, Intergovernmental Authority on Development (IGAD), Ireland, Italy, Japan, Netherlands, Norway, Poland, Sweden, Switzerland, Turkey, Uganda, United Kingdom, United States, United Nations Geeska Qaran News
-
PRESS RELEASE VC4A announces 2020 ‘Venture Showcase Series A’ in collaboration with AWS Activate This is an exclusive opportunity for selected entrepreneurs to introduce their companies at once to everyone who’s anyone in Africa’s early-stage investment space CAPE TOWN, South Africa, June 17, 2020/ — VC4A (https://VC4A.com) is calling for disruptive African scale-ups looking to raise between $500K and $10M. In proud collaboration with technical partner AWS Activate, VC4A will be hosting the exclusive ‘Venture Showcase – Series A’ (https://bit.ly/2BbsROa) in October as part of a virtual gathering of Africa-focused early-stage investors. Since 2017, VC4A has showcased growth-stage startups as part of the annual Africa Early Stage Investor Summit, resulting in a number of Series A deals totaling over $100M. Building on this success, the ‘VC4A Venture Showcase – Series A’ positions deal ready companies as a central component VC4A offers to its Africa focused network of over 150 early stage investment firms built up over the years. This is an exclusive opportunity for selected entrepreneurs to introduce their companies at once to everyone who’s anyone in Africa’s early-stage investment space. Ben White, founder and director from VC4A adds: “The Venture Showcase – now in its 4th year – has established itself as the premier platform for presenting the best companies ready for Series A from across the continent. Given the current COVID-19 pandemic, the need to come together virtually as an industry and to collaborate on deals is more necessary than ever. Especially now, the world needs to recognize the quality of innovation and entrepreneurship taking up across the continent and the unique opportunity to be part of major success stories.” VC4A works closely with the African investment community to refer candidates to the showcase, involving investors in both the screening and selections process. Participating investors work with the selected companies to prepare their participation in the showcase, and to ensure the companies are representative of the best investment opportunities coming up from across the continent. The showcase sets the stage for deal making with Africa’s leading entrepreneurs and investors coming together to scale up the best companies. This year cloud platform Amazon Web Services, through its AWS Activate (https://AWS.amazon.com/Activate) program, joins the Venture Showcase as a technical partner. “We’re very pleased to see AWS join in the shared mission to grow and help scale Africa’s best startups. AWS brings unparalleled expertise and global infrastructure into the mix, and where the Showcase companies receive direct access,” says Ben White. Selected companies of the 2020 edition will digitally convene and engage the leading VC funds, impact investors, accelerators, corporate venture divisions, industry associations, and public sector agencies. The 2019 edition welcomed over 300 investors from prominent VC funds and African angel networks, such as EchoVC, Greentec, I&P, Proparco, Accion, Knife Capital, Ventures Platform, TLCom Capital, Blue Haven Initiative, VBAN, 4Di Capital, Lagos Angel Network, Total Ventures, AngelHub Ventures, Teranga Capital, Outlierz Ventures, HIMangel, Tencent, Silvertree Capital, GSMA, Orange Digital Ventures, among many others. The 60 Venture Showcase alumni companies like Aerobotics, Coin Afrique, FinChatBot, FlexClub, 7Keema, Lifebank, MAX, Mobiz, Nawah Scientific, Rensource, Sendy and Shezlong raised the astonishing amount of over $100.000.000. The 10 selected scale-ups of the 2020 edition will get: To participate in the VC4A Venture Showcase deal room, including 150+ VC investment firms Professional edited 3-minute virtual pitch videos 30-minute deep-dive sessions with investors in a private room Mentorship and pitch training by partner VC investors Amazon Web Services credits from AWS Activate worth ranging from $10,000 to $25,000, as well as tools, resources, and more to get started quickly on AWS To join the Showcase alumni network and gain exclusive access to fundraising opportunities Interested entrepreneurs are invited to apply via this page (https://bit.ly/2UTmrtU) before 14 August 2020. Investors who wish to refer a company can contact Thomas van Halen at thomas[at]vc4a.com. The Series A program will be followed by a ‘VC4A Venture Showcase – Seed’ track dedicated to startups raising their seed round ranging from 150K-750K USD. Keep an eye out on the VC4A platform for the launch in July 2020. Distributed by APO Group on behalf of Venture Capital for Africa (VC4A). View multimedia content Media Contact: Thomas van Halen VC4A to learn more about the VC4A Venture Showcase – Series A thomas@vc4a.com About VC4A: VC4A (https://VC4A.com) is an ecosystem builder that leverages its infrastructure, network and expertise for the programs that contribute to Africa’s startup movement. Since 2007, the organization designs, structures and implements successful entrepreneurship programs on the continent. VC4A runs an online platform – https://VC4A.com – featuring the world’s largest database of African startups and connecting local entrepreneurs to learning resources, mentors, investors and partner programs. SOURCE Venture Capital for Africa (VC4A) Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Hooyo Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Hargeysa ayaa si murugo leh ugu warbixisay xaalada wiilkeeda oo maamulka Somaliland u gacan geliyay dowladda Jabuuti. Hooyo Faadumo Ciise Fariid ayaa si murugeysan u sheegtay in la heyb soocay, isla markaana dadkii lala qabtay ee kasoo jeeday beelaha kale lasoo daayay balse wiilkeeda oo kasoo jeeda beelaha la heyb sooco weli uu ku jiro xabsiga. Wiilka hooyo Faadumo Ciise Fariid oo lagu magacaabo Cabdullaahi Sheekh Cabdiraxmaan ayaa mudo lix sano ah ku xiran Jibuuti, kadib markii maamulla Somaliland uu u gacan geliyay dowladda Jabuuti sanadkii 2014-kii. Hooyadaan oo indha beeshay markii wiilkeeda loo dhiibay Jabuuti ayaa ka codsaday dowladda Jabuuti iyo madaxweynaheeda Ismaaciil Cumar Geelle in wiilkeeda usoo celiyo, iyadoo ku celcelisay in maamulka Somaliland ay ka daashay 7 sanadood sidii ay u baryeysay in loo soo celiyo wiilkeeda.
-
Warar ka duwan ayaa waxaa ay ka soo baxaayaan shil khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jiro sababay oo ka dhacay Isgoyska Fagax ee magaalda Muqdisho. Shilka ayaa yimid kadib markii uu fariin goostay gaari nuuca iskarogaha ah kaas oo ka yimid dhanka Sanco, gaariga ayaa jiiray goobo gacansi oo ku yaallay isgoyska. Waxaa inta la xaqiijiyey ku geeriyooday hal ruux halka uu dhaawac culus uu ka soo gaaray labo qof, kuwaas oo la geeyey midka mid ah isbitaalla Muqdisho. Marka laga soo tago khasaaraha nafeed shilka ayaa sidoo kale waxaa ka dhashay burbur hantiyeed, waxaana goobtaas ku dumar goobo ganacsi. Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya oo ku sugan Isgoyska Fagax ayaa tegay halka uu shilka ka dhacay, waxaana ay qabteen wadihii Gaariga, iyaga oo geeyay saldhiga Booliska degmada Yaaqshiid. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dr.Xasan Sheekh Cali Nuur oo barre Jaaamacadda Umadda ayaa waraysi dhinacyo badan uu sii yay Goobjoog News waxa uu sheegay inKhudbadii Madaxweyne Farmaajo uu ka jeediyay shirka Jabuuti ee wadahadaladda Soomaaliya iyo Somaliland aan aheyn mid cad. Halkan Ka Daawo Sharaxaad Uu Bixiyay Dr.Xasan Sheekh Cali Nuur https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-somalia-vs-somaliland.mp4 Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Jabuuti iyo Kenya ayaa maanta oo Arbaco ah u tartami doono kursiga aan joogtada aheyn ee golaha ammaanka Qaramada Midoobay, iyada oo dalka guuleysta uu ku matali doono guu ahaan qaaradda Afrika. Labada dal ayaa in muddo ah tartan adag oo diblumaasiyasadeed ugu jiray kursigan, waxaana natiijada ka soo baxda ay saameyn ku yeelan doontaa iskaashiga gobolka. Sanadkii tegay Kenya ayaa heshay aqlabiyada xubnaha ka socda Midowga Afrka, taas oo gelisay rajo ah inay ku guuleysan karto kursiga golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay. Jabuuti ayaa sidoo kale heysata taageerada ugu badan ee dalalka Islaamka iyo Jaamacadda Carabta. Xoghayaha guud ee ururka iskaashiga Islaamka ee OIC ayaa horey ugu booriyay dhammaan dowladaha xubnaha ka ah inay u istaagaan taageerada Djibouti. Jabuuti iyo Kenya cidii ku guuleysata kursigan waxay ku biiri doontaa wadamada Mexico, India, iyo Canada, Ireland iyo Norway oo noqon doona xubanaha cusub ee UNSC. Laga soo bilaabo tan iyo 2007-dii Ururka Midowga Afrika wuxuu adeegsadaa hab wareeg ah, iyadoo gobol kasta uu helayo wareegiisa, si uu ugu tartamo halka kursi ee aan joogtada aheyn ee ay Afrika ku leedahay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.
-
Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa nabadsugida iyo sirdoonka qaranka ayaa Howlgallo ku gaaray deegaanno ka tirsan goobolka Galgaduud ee dowlad goboleedka Galmudug. Howlgalka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka War-xoolo iyo Ceelgod oo ka tirsan oo hoos yimaada degmada Ceelbuur, ciidamada ayaa deegaannadaan kula wareegay howlgal aan dhiiga ku daadan, Al-shabab ayaana deegaanka isaga baxay ka hor inta aysan soo gaarin ciidamada. Taliyaha Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad Sareeye Guuto: Mascuud Maxamed Warsame iyo saraakiisha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo Bulshada Deegaanka War-xoolo kula hadley goob fagaare ah ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay in ay siiwadaan howlgallada. Howlgalladaan ayaa waxa ay imaanyaan iyadoo wasiirka amniga dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macalim Fiqi ayaa dhowaan uu taliska xoogga dalka qeybta 21-aad kala hadlay sidii loo bilaabi lahaa howlgallo laga xoreynaayo deegaannada Galmudug, ee ku jira gacanta Al-shabab. Goobjog News Source: goobjoog.com
-
Haweeyo Ugbad, a mother of two from the town of Jilib south of Mogadishu in the Middle Juba region close to the Kenya-Somali border, witnessed a neighbor's house being flattened by a US airstrike. Source: Hiiraan Online
-
Golaha shacabka ee Baarlamanaka federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho. Ajandaha maanta ayaa ah in akhrinta 3-aad la mariyo Hindise-sharciyeedka Nootooyinka oo golaha uu horay u soo mariyey akhrinta 1-aad iyo 2-aad, golaha ayaana lagu wadaa in ay meel mariyaan sharcigaan. Xildhibaannada golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ay hadda ku jiraan kala-fadhiga 7aad ee ugu dambeeya muddo xileedka Baarlamaanka, waxaana horyaalla shaqooyin dhowr ah,. Googjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howl-gallo qorsheysan oo ciidamada milatariga dowladda federaalka, qeybtooda 21-aad ay ka sameeyen deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya. Howl-gallada ayaa waxa ay ciidamadu ku gaareen deegaanka War-Xoolo oo hoostaga degmada Ceelbuur, halkaas oo ay gacanta ku hayeen dagaalyahanada Al-Shabaab. Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay si nabadoon kula wareegeen deegaankaasi, kadib markii ay isaga baxeen Al-Shabaab oo dhaqaaqay dhanka deegaanka Wabxo. Taliyaha guutada 15-aad ee qeybta 21-aad ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed , S/Guuto Mascuud Maxamed Warsame oo goob fagaare ah kula hadlay dadka deegaanka ayaa ugu baaqay inay is-dajiyeen, islamarkaana ay ka shaqeeyaan sugida amniga. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay sii wadi doonaan howl-galladooda tan iyo inta kooxda Al-Shabaab laga saarayo gobollada Galgduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya. Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamada dowladda ay fariisimo cusub ka sameysteen duleedka degmada Ceelbuur ee maamulka Galmudug.
-
Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Amisom gaar ahaan dalka Jibouti ayaa howlgal kula wareegay deegaanka Luuqjeelow ee gobolka Hiiraan, kaas oo ku dhowaad 10 sano ay ku sugnaayeen Al-shabab, deegaanka ayaa sidaa uga fogeyn magaalda Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Hiiraan Maxamed Miirif oo Goobjoog News la hadlay ayaa sheegay in deegaanka ay howl ku qaadeen, ka dib markii habeen ka hor Al-shabab ay madaafiic ku garaaceen magaalada Baladweyne oo aan ka fogeyn deegaanka” Howlga ballaaran ayaa ka dhacay, kadib markii ay madaafiic ku soo garaaceen Baladweyne, wax saameyn ah oo ku yeesheen shacabka magalada majiraan madaafiicdaas, waxaa jiray iska hor imaad u dhaxeeyey ciidamada dowladda iyo nabaddiidka ah, dhinaceen wax khasaare ah oo naga soo gaaray majirto, ciidamadu waa ay la wareegeen deegaankaas jawiga guud ee deegaankaas waa uu degan yahay ” ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka. Sidoo kale isaga hadalkiisa siiwato ayuu yiri” Deegaankaas waa sidii loo tagay waana la oogi doonaa, waana laga sii qaadi doonaa howlgalka , gobolka waxaa ay kaga sugan yihiin deegaanno fara ku tiris ah, waxaana rajeynaynaa inaan mardhow aan ka xoreyno, dagaal ayaa goobta ka dhacay soday muddo hal saac ah , dadka shacabka ah way fiican yihiin wax khasaare ah oo soo gaaray majirto, wax xasilooni darro ah kama jirto dadku aad ayey u fiican yihiin’ shacabka mas’uuliyad ayaa inaga saaran tahay deegaankana waxaa uu baahan yahay qorshe ah in lagu sii nagaado oo aan dib looga soo laaban, si shacabka aysan dhib u soo gaarin” ayuu yiri hadalkiisa ku soo gaban gabeeyey guddoomiye ku-geenka amniga iyo siyaasadda gobolka Hiiraan. Deegaanka Luuqjeelow ee gobolka Hiiraan ayaa Al-shabab waxaa ay ku sugnaayeen muddo dheer, waa deegaan aan sidaa uga gogeyn magaalda Baladweyne ee gobolka Hiiraan, walow aan la ogeyn in ciidamada xoogga dalka iyo Amiso in ay ku sugnaan doonan deegaanka, maadaama horay in badan loo arki jiray in deegaan ay tagaan haddana ay dib uga laabtaan, ciidamada ayaa 22- June 2016-kii galay deegaankaan haddana dib uga laabtay . Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidamada Militariga iyo Nabad Sugidda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in ay hawlgal qorshaysan kula wareegeen Degaanka lagu magacaabo War-Xoolo oo hoos yimaada Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud. Wakaaladda Wararka SONNA oo xiganaysa Saraakiil ka tirsan Militariga Soomaaliya ayaa saaka oo Arbaco ah ku warrantay in Ciidamadu ay la wareegeen Degaanka War-Xoolo kadib markii ay halkaas isaga carareen Malayshiyaadka Al-shabaab oo Saldhigyo kulaa Degaanka. Al-shabaab ayaa Degaanka ka cararay kadib markii ay ka war-heleen in ay ku soo wajhan yihiin Ciidamada Militariga oo ay weheliyaan Nabad Sugidda waxaana ay u baxeen dhanka Tuulada Wabxo oo ku dhow War-Xoolo sida ay sheegtay SONNA. Sareeye Guuto Mascuud Maxamed Warsame oo ka tirsan Saraakiisha hoggaaminaysa Hawlgalkaasi ayay wakaaladdu ka soo xigatay in sidoo kale Ciidamadu gaareen Ceelgod iyo Warar-dhuuma-leh oo ka tirsan Gobolkaasi Galgaduud. Dhinaca kale Al-shabaab weli war kama soo saarin Sheegashada Dowladda sidoo kalena ma jirto cid ka madax-bannaan labada dhinac oo xaqiijisay warkaasi. PUNTLAND POST The post Militariga Soomaaliya oo la sheegay in ay la wareegeen Degaanno ka tirsan Ceelbuur appeared first on Puntland Post.
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in magaalada Boosaaso ee xarunta gobolkaasi uu ka socda abaabulka dibad-baxyo ballaaran oo lagu wado inay dhigaan shacabka ku dhaqan gudaha magaaladaasi. Dibad-baxyadaasi ayaa waxaa lagu soo warramayaa in looga horjeedo Puntland, gaar ahaan hanaanka ay u qaybisay afarta waaxood ee ay ka kooban tahay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga ee maamulkaasi. Wararka qaar ayaa sheegaya in qorshuhu yahay in la qabto mudaharaadyadaasi maalinta jimcaha ee ina soo aadan,haddii aysan maamulka degmada wax ka bedalin. Sidoo kale qaar ka mid ah waxgaradka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa ku eedeeyey wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Puntland inay dhibaato iyo kala qeybin ka wado magaalada Boosaaso, islamarkaana ay ka tirsanaayaan cadaalad darro. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay madaxda sare ee Puntland oo ku aadan xiisada ka taagan halkaasi. Arrimahaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii la soo dhaafay uu muran ka taagnaa sida loo qeybiyey afarta waaxood ee Boosaaso, taas dhalisay xiisad hore leh oo u dhexeysa wasaaradda arrimaha gudaha Puntland iyo shacabka ku nool magaaladaasi.
-
Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhooba-daareed) ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland uu ka dambeeyo Hannaanka Muranka dhaliyay ee loo qaybiyay Waaxyaha Magaalada Boosaaso. Ex. Guddoomiye Dhoobo ayaa Madaxweyne Deni ku eedeeyay in uu isagu qorsheeyay Afarta Waaxood ee loo qaybiyay Boosaaso oo sida uu sheegay Caddaalad-darro ku dhisan islamarkaana Bulshada qaarkood lagu dulmiyay. Mudane Dhoobo wuxuu sheegay in Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo dadka qaarkood ku eedaynayaan Barnaamijkaas uusan wax go’aan ah ku lahayn balse uu ahaa qorshe Madaxweynuhu dejiyay oo loo sii dhiibay Wasiirka. Sidoo kale Wasiir Dhabancad ayuu ku tilmaamay Shakshi aan go’aankiisa ku socon oo wax kasta loo sii dhiibo isagoo xusay in Dhabancad keliya uu ku qaldanyahay in uu wax kasta oo loo sii dhiibo qaado. Halkaan ka daawo Muuqaalkiisa PUNTLAND POST The post Dhooba-daareed: Wasiir Dhabancad wuxuu noqday wixii xunba loo sii dhiib appeared first on Puntland Post.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamada Xoogga dalka qeybta 27-aad ay howlgallo ballaaran ka sameeyeen duleedka magaalada Beledweyne ee gobolkaasi. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti ee ka howlgala gobolka Hiiraan. Saraakiil ka tirsan qeybta 27-aad ee ciidamada Xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta ayaa guullo ka sheegtay howlgalladaasi, waxaana ay sheegaan inay kula wareegeen deegaanka Luuq-Jeelow oo 25 u jira magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi. Sidoo kale saraakiisha ayaa carabka ku dhuftay inay soo furteen maxaabiis gaarayey illaa laba ruux, kuwaas oo u xirnaa dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab. Waxa kale oo ay intaasi ku dareen in deegaankaasi ay dagaalyahanada Al-Shabaab ka soo abaabuli jireen weerarada hoobiyeyaasha ah iyo kuwa kale ee ay ka fuliyaan Hiiraan. Ugu dambeyn saraakiisha warbaahinta la hadashay ayaa xusay inay burburiyeen xarumo ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi, kuwaas oo gaadiidka lacago looga qaadi jiray. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo habeen hore Al-Shabaab weerar madaafiic ah ay ku garaacday saldhigga ciidanka Jabuuti ee Beledweyne iyo xaafado ku yaalla degmadaasi.
-
Marxuum Ciise Dheere waxa uu ku dhashay Muqdisho 1942, waxaana sanadkii 1965 ka qalinjebiyay Machadka Diiniga Alazhar ee Muqdisho, isla waqtigaasi waxa uu ku biirray Machadka Tababarka Macallimiinta, isagoo sanadkii 1968 shaqa macallinimo ka helay Wasaaradda Waxbarashada. Ambassador Isse Ali Mohamed (Isse Dhere), waxa uu noqday Agaasimaha Naadiga Macallimiinta, sidoo kale Agaasimaha Barbaarinta iyo Dhaqanka ee Wasaaradda Tacliinta sare xilligii Dowladdii Milatariga. Marxuumka oo ka qalinjebiyay Kulliyadda Waxbarashada ee Lafoole 1974 ayaa xilal kala duwan ka qabtay dalka, isagoo noqday Madaxa Tababarka Ceel Jaalle, si la mid ah Madaxa Wargeyska Codka Macallinka, waxa uu sanadkii 1986 xubin ka noqday Baarlamaankii ugu horreeyay ee Dowladdii Milatariga ee Kacaankii 21 Oktoobar ee uu hoggaaminayay Madaxweyne Jaalle , Maxamed Siyaad Barre. Marxuum Danjire Ciise Cali Maxamed (Ciise Dheere) ayaa safiir ka noqday dalka Tunisia sanadkii 1985 , isagoo sidoo kale ahaa Ergeyga Joogtada ah ee Soomaaliya ee xarunta Jaamacadda Carabta oo xilligaasi ahayd caasimadda Tuunis. Waxa uu sanadkii 1987 noqday Safiirka Soomaaliya ee dalka Ciraaq. Waxa uu sanadkii 2002 noqday Safiirka Soomaaliya ee Dalka Jabuuti oo muddo bilooyin kooban uu ka shaqaynayay, balse cimillada kulul ee dalkaasi ayuu u adkeysan-kari waayay, kana cudurdaartay inuu muddo xileedka loo igmaday shaqada uu dhammaystirto. Marxuumka ayaa sanadihii 2009 illaa iyo 2016 ka ahaa Madaxtooyada Qaranka “Villa Somalia” Lataliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha ee arrimaha diblomaasiyadda, isagoo la soo shaqeeyay Madaxweyihii Federaalka KMG Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynihii Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Allah u naxariistee Marxuum Danjire Ciise Cali Maxamed (Ciise Dheere) ayaa ka mid ahaa tan iyo 2013 Guddi sare oo lataliyeyaal ah oo Wasaaraddu leedahay oo ka talo-bixiya Siyaasadda Dibadda, dib u habaynta Wasaaradda iyo xal u helidda dacwooyinka Safaaradaha, Ergooyinka Joogtada iyo Qunsuliyadaha guud. Danjire Ciise Dheere oo ahaa bare sare, xeeldheere si mug leh u yiqiinnay Afka Carabiga, diblomaasi sare iyo qoraa xirfad yaqaan ah ayaa ku tilmaannaa dhowrsanaan adinkiisa iyo afkiisa laga nabad galay, dadka iyo dalkana jeclaa ayaa muddo bil ku dhow ku xanuunsanayay Caasimadda Muqdisho ugu dambeyne shalay ayuu ku geeriooday Magaalada Muqdisho. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiiru dowlaha Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi , Xoghayaha joogtada Wasaaradda Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji, Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirrada, Qunsulada Guud , Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay tacsi u dirayaan ehellada, asxaabta iyo ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allah u naxariistee Danjire Ciise Cali Maxamed (Ciise Dheere) oo ahaa Lataliye sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo aroornimadii hore ee saaka oo Talaado ahayd, taariikhduna ku beegnayd 16 June, 2020 ku geeriyooday Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Inaalilaah waa inaa ileyhi Raajucuun. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari waxaa ka socda qaban-qaabada muddaharaadyo looga horjeedo hannaanka loo qaybiyay Afarta Waaxood ee Boosaaso sida ay Puntland Post u sheegeen qaar kamid ah dadka abaabulkaas wada. Maalmihii la soo dhaafay waxaa magaalada ka taagnaa muran la xiriira sida loo qaybiyay Afarta Waaxood ee Boosaaso waxaana Bulshada halkaasi deggan qaarkood cabashooyin u gudbiyeen maamulka degmada Boosaaso inkastoo sida ay sheegeen aan laga hoos-qaadin Cabashooyinkaas. Qaban-qaabiyaasha Muddaharaadka ayaa gudaha Boosaaso ka wada abaabulka iyo diyaarinta bannaan-baxyo ay doonayaan in la qabto Jimcaha soo socda haddii aysan maamulka degmada wax ka beddelin habka loo qaybiyay waaxyaha magaalada. Dadkaasi qaarkood ayaa sidoo kale wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ku eedaynaya in ay fitno ka abuurtay demada Boosaaso maadaama sida ay sheegeen aan cadaalad lagu qaybin Waaxyaha la sameeyay. PUNTLAND POST The post Muddaharaadyo laga abaabulayo Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Ciidamada Millateriga Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay wehlinayeen cutubyo ka tirsan Ciidamada Jabuuti ee ku hawlgala AMISOM ayaa hawlgal Wadajir ah ka fuliyay Galbeedka Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan. Saraakiisha Ciidamada Militariga Soomaaliyawaxaa ay sheegeen in ay ka jawaabayeen weerar hoobiyeyaal ah oo habeen ka hor Al-Shabaab ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Jabuuti ay ku leeyihiin Xaafada Howlwadaag ee Magaalada Beledweyne. Sidoo kale Saraakiisha waxay sheegeen in ay hawlgalkaasi kula wareegeen degaanka Luug Jeeloow oo 25km dhinaca Galbeed ka xiga Magaalada Beledweyne halkaas oo ay horay ugu xoogganaayeen malayshiyaadka Al-shabaab. Hawlgalka Wadajir ah ayaa lagu burburiyayfariisimo ay Al-Shabaab Gaadiidka lacago uga qaadi jireen waxaana ay kasoo furteen Maxaabiis laba ah oo halkaas ugu xirnaa sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha. PUNTLAND POST The post Militariga Soomaaliya iyo AMISOM oo Al-shabaab kala wareegay Luug Jeeloow appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug oo magacaabay Guddi cusub
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Dowlad Goboleedka Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac Waayeel ayaa magacaabay Guddiga qaban-qaabada dhismaha Golaha Degaanka Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug. Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiir Cabdi Waayeel ayaa lagu Magacaabay Guddiga oo ka kooban 13-xubnood kuwaasi oo ka shaqeyn doona sidii Gole Degaan loogu sameeyn lahaa Degmada Hobyo. Sidoo kale waxaa Wareegtada Magacaabista ah lagu xusay in baahi loo gabo in Degmada Hobyo yeelato Gole Degaan si loo dardar-geliyo Howlaha kala duwan ee ka socda halkaas. Halkaan ka akhriso Guddiga PUNTLAND POST The post Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug oo magacaabay Guddi cusub appeared first on Puntland Post.