Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,255
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Guddiga Diyaarinta xeerarka dhameystirka Sharciga Doorashoyinka Federaalka ayaa Maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya u qeybiyay xeerarka dhameystirka Doorashooyinka oo ay soo diyaariyeen. Guddiga ayaa Xildhibaanada u qeybiyay 4 xeer , kuwaasi oo kala ah Xaqiijinta Mataalada Gobolka Banaadir, Xeerka Asteynta iyo Daadajinta Kuraasta Baarlamaanka Federaalka, Qoondada Haweenka iyo Habka Nidaamka Doorashada xubnaha Gobolada Waqooyi ama Somaliland. Intaas kadib Guddoomiyaha Guddiga diyaarinta xeerarka dhameystirka sharciga doorashoyinka Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yaroow ayaa Xildhibaanada ka hor aqriyay warbixinta guddiga ee ku saabsan 4-ta xeer. Warbixinta Guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in Guddiga ay isku raaceen in Matalaada Aqalka Sare ee Gobolka Banaadir laga siiyo 7, isla markaana wax laga bedeli doono qodobka 72aad ee Dastuurka, sababo la xiriira 7-da kursi ee Gobolka la siiyay. Sidoo kale, Guddiga ayaa kuraas walba oo ka tirsan kuraasta Baarlamaanka Federaalka u asteeyay Gobolka uu matalo, si codbixiyeyaasha gobol kasta u soo doortaan wakiiladooda, waxaa guddiga xusay in kuraasta loo daadjiyay illaa heer Gobol, inta laga helayo tirakoobka rasmiga ah ee deegaameynta kuraasta Baarlamaanka. Halkaan ka akhriso Afarta Xeerba PUNTLAND POST The post Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaaliya oo loo qeybiyay Xeerarka Dhammaystirka Doorashooyinka appeared first on Puntland Post.
  2. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta mar kale si rasmi ah u shaacisay in ay dib u dhigtay furitaanka duulimaadyada dalka. Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar oo wareysi siiyey warbaahinta Warbaahinta ayaa sheegay in ay dowladda go’aan ku gaartay inaan hadda la furin duulimaadyada Sababta ayuu wasiirka ku sheegay in ay ka hortagayaan halista faafidda xanuunka COVID-19 oo mar kale soo laba-kacleeyay “Iyadoo laga taxadarayo in cudurka COVID19 oo maraya marxalado kala duwan waddanka gudihiisa in dib loogu soo celsho meel uu ka yaraaday ama la geeyo meel illaa hadda uusan gaarin ayaa dib loo yara dhigay furitaanka duulimaadyada gudaha” ayuu yiri Wasiir Omaar. Xayiraadda la saaray duulimaadyada gudaha Soomaaliya ayaa ku ekeyd 8-da bishan June 2020. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo mar kale dib u dhigtay Duullimaadyada dalka appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Diyaarinta Xeerarka Dhameystirka Doorashooyinka Qaran ayaa maanta Golaha Shacabka u qeybiyay afarta xeer ee Doorashada ee loo saaray inay soo diyaariyaan, kuwaas oo kala ah xaqiijinta qoondada haweenka, mataalada gobolka Banaadir, xeerka asteynta iyo daadajinta kuraasta baarlamanka, iyo habka nidaamka doorashada xubnaha gobolada Waqooyi/Somaliland. Guddiga ayaa isku raacay in gobolka Banaadir la siiyo 7 kursi oo dheeri ku noqon doona 54-ka kursi ee hadda uu Aqalka Sare ka kooban yahay, ayada oo si taas ay u dhacdana wax laga beddeli doono qodobka 72aad ee Dastuurka. Waxaa sidoo kale ay guddiga isku raaceen qodob la rumeysan yahay inuu dood badan dhalin doono oo ah in kuraasta hadda ay haween ku fadhiyaan ee baarlamanka ay u tartami karaan oo kaliya haween, si loo xaqiijiyo qoondada haweenka oo hadda ah 24%, islamarkaana 6% harsan meelo kale laga keeno. Guddiga ayaa sidoo kale kursi walba oo ka tirsan kuraasta Baarlamaanka Federaalka ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare u asteeyay Gobolka uu matalo, si cod-bixiyeyaasha gobol kasta u soo doortaan wakiiladooda. Xeerka Nidaamka doorashada Xubnaha Gobolada Waqooyi ayaa warbixinta lagu sheegay inta laga helayo xal siyaasadeed oo laga gaaro Gobolada Waqooyi in xubnaha Baarlamaanka ee Gobolada Waqooyi ay yeelanayaan hannaan gaar ah oo doorasho, waxaana Guddiga isla gartay in doorashada Xildhibaanada Gobolada Waqooyi ay ka dhacdo magaalada Muqdisho. Hoos ka aqriso afarta xeer
  4. Photo story by United Nations Assistance Mission in Somalia Source: Hiiraan Online
  5. Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee Xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad {Oomaar} oo la hadlay goordhaw Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in mar kale dib loo dhigay furitaanka duulimaadyada sabab la xiriirta iyadoo laga taxadarayo faafitaanka cudurka Covid-19. Wasiirka waxa uu sheegay in iyadoo laga taxadirayo wali aan suura gal aheyn in lagu deg dego furitaanka duuliyaadyada iyadoon la helin cadeymo muujinayo in qatarta cudurkaan safmarka ah laga adkaaday. Dowladda Soomaaliya ayaa 28 bishii maarso ee sanadkaan 2020 hakisay duuliyaadyada gudaha si looga taxadiro faafitaanka cudurka Covid-19 waxaana sidoo kale la fasaxay diyaaraha qaada Raashinta iyo daawada iyo waxyaabaha kale ee qutul daruuriga ah bulshada sido kale waxaa ay hakisay duuliyaadyada caalamiga ah taariiqdu marka ay aheyd 18 bishii maarso ee sanadkaan sababo la xariira cudurka Covid-19. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Dowladaha Kenya iyo Jabuuti ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaa ay ku tartami doonaan Kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, kaasi oo la wada sugayo Natiijada kasoo bixi doonta. Codka ayaa waxaa uu qorshahu yahay inay dhiibtaan 193 waddan oo kamid ah Golaha Ammaanka Qaramada, iyadoona Kenya iyo Jabuuti midka kusoo baxa Codeynta uu kursigaas muhiimka heyn doono mudada labada sano ee soo socota 2021-2022. Natiijada codeynta ayaa soo bixi doonta 7:30 fiidnimo caawa ee saacada geeska Africa. Guusha Kursi Kursigan ayaa sidoo kale waxa u tartamaya dalal kale oo ay kamid yihiin: India, Mexico, Canada, Ireland iyo Norway , si loogu guuleysto kursiga waa in waddanka uu hela 3-dex meelood 2-ba meel codadka ay bixinayaan wadamada xubnaha ka ah QM ee codeyn kara. Djibouti waxa ay haysata fursado badan oo ay ku hanan karto kursigan, waxa dalkeeda fariisin Military ku leh 4 kamida dalalka uga awooda leh dunida sida Mareykanka, Shiinaha, Franciska, Iyo Ingiriiska, waana fursad saacidi karto. Kenya ayaa iyadana ku doodaysa in ay uga cad-cadahay tartanka marka loo eego Djibouti iyo dalalka kale kula loolamaya ayna haysato taageerada ururka midowga Africa ayna sameysay gallaangal diblomasi, balse la arki doone cida guusha raacdo caawo haddii uu Eeba idmo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Young activists say community approach was more effective than police or politicians in protecting Cedar Riverside from arson and looting. Source: Hiiraan Online
  8. To redress injustice, and increase the visibility of Somalis amongst Ethiopians, a national reconciliation conference should be held in Jigjiga Source: Hiiraan Online
  9. Abu Dhabi (Caasimada Online) – Sarkaal sare oo u dhashay dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in dalkiisa ay Israel ka wada shaqeyn karaan arrimo ay ka mid yihiin la-dagaalanka cudurka Coronavirus iyo teknoolajiyadda inkasta oo khilaaf siyaasadeed uu ka dhaxeeyo. Isaga oo ka hadlayey shirka Guddiga Yahuudda Mareykanka ee American Jewish Committee (AJC) ayaa wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Imaaraadka Anwar Gargash waxa uu sheegay in xiriir lala yeesho Israel uu noqday mid muhiim ah, islamarkaana dhalinaya natiijo ka wanaagsan marinadii horey loo mari jiray Anwar Gargash ayaa kulan su’aalo iyo jawaabo ah la yeeshay kooxda AJC, wuxuuna yimid maalmo kadib markii safiirka Imaaraadka Carabta ee Washington uu codsi toos ah u jeediyey shacabka Israel, kaasi oo lagu daabay wargeyska ugu aqriska badan Israel ee Yedioth Ahronoth, oo lagu daabaco luuqadda Hebrew-ga. Safiir Youssef Al Otaiba ayaa sheegay in Israel aysan fili karin xiriir ay la yeelatto dunida carabta haddii ay goosato qeybo ka mid ah dhulka Daanta Galbeed. “Khilaaf siyaasadeed ma igala dhaxeyn karaa Israel, aniga oo kala shaqeynaya xiriirka meelaha qaarkood? Waxaan u maleynayaa inaan sameyn karo,” ayuu yiri Gargash, oo horey u sheegay in go’aankii Carabta ee ahaa inaysan xiriir la yeelan Israel uu ahaa mid qaldan. Waxa uu intaas ku daray in wada-shaqyenta ay Israel kala leeyihiin caqabadaha uu soo rogay COVID-19 aysan saameyneyn diidmada Imaaraadka Carabta ee ku aaddan qorshaha ay Israel ku goosaneyso dhulka Daanta Galbeed iyo arrimaha siyaasadda. Israel wax xiriir diblomaasiyadeed ah lama lahan dalalka Khaliijka, hase yeeshee waxay wadaagaan walaaca ay ka qabaan saameynta Iran ee gobolka, taasi oo keentay inuu usoo noolaado xiriir kooban oo ay yeeshaan. Masar iyo Jordan ayaa ah labada dal ee Carbeed ee kaliya ee xiriir rasmi ah la leh Israel. Bishii May, shirkadda diyaaradaha ee fadhigeedu yahay Abu-Dhabi ayaa duulimaadkii ugu horreeyey inta la ogyahay ku tagtay Israel, ayada oo gaargaar loogu talo-galay cudurka Coronavirus u sidda Falastiiniyiinta.
  10. One of the underlining causes of piracy in Somalia is its very fragile economy. Somalia has the longest coastline in Africa and one of the world most untapped marine resources. The 3300 kms of fertile fishing grounds could be the key to transform the economy of this otherwise arid country. But the infrastructure of the fishing industry is largely underdeveloped making it hard for local fishermen to catch larger fish near their shores. In an effort to turn this situation around, the UN Food and Agriculture Organization with the support of its donors and the protection of the EU, launched an initiative in 2015 to deploy 25 Fish Aggregating Devices (FAD) to attract high value fish to the Somali shores. Besides protection, EU NAVFOR Somalia provided security and logistical support using their equipment and know-how to rightly position these FADs. Source: Hiiraan Online
  11. Seventeen out of the 18 Covid-19 patients in Mandera County have been discharged from hospital after testing negative even as the county flattened its curve. Source: Hiiraan Online
  12. The new government commission on racial inequalities is being set up by a No 10 adviser who has cast doubt on the existence of institutional racism and condemned previous inquiries for fostering a “culture of grievance”, it has emerged. Source: Hiiraan Online
  13. Hay’adda Kalkaal Hospital Foundation oo qalab Caafimaad ugu deeqday Isbitaalka Guud ee Cadaado https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whts-cdo.mp4 Source: goobjoog.com
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta mar kale si rasmi ah ugu dhawaaqday inay dib u dhigtay furitaanka duulimaadyadii Soomaaliya. Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar oo wareysi siiyey telefishinka Qaranka ayaa sheegay inay dowladda go’aan ku gaartay inaan hadda la furin duulimaadyadii gudaha iyo kuwii Debadda. Sababta ayuu wasiirka ku sheegay inay ka fogaanayaan weli halista cudurka COVID-19 oo si weyn ugu faafay Soomaaliya iyo adduunyada. “Iyadoo laga taxadarayo in cudurka COVID19 oo maraya marxalado kala duwan waddanka gudihiisa in dib loogu soo celsho meel uu ka yaraaday ama la geeyo meel illaa hadda uusan gaarin ayaa dib loo yara dhigay furitaanka duulimaadyada gudaha” ayuu yiri Wasiir Oomaar. Dowladda Soomaaliya ayaa horey looga soo xigtay in duulimaadyada Soomaaliya ay furmi doonaan 18-ka bisha June sanadka 2020, saacaduna tahay shan saac kontan iyo sagaal daqiiqo. Xayiraadda la saaray duulimaadyada gudaha Soomaaliya ayaa ku ekeyd 8-da bishan June, dowladduuna weli sooma saarin amar shaacsan oo lagu dheereeyey, hase yeeshee duulimaadyada ayaa weli hakad ku jira. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in lagu wado in duulimaadyada dib loo furo 30-ka bishan.
  15. Maxay u mira dhali la’ yihiin wada hadalada Dowladda Federaalka iyo Somaliland mudo ka badan toban sano ah Waxaa sharaxaya Dr Xasan Sheekh Cali Nuur oo ah bare Jaamacadda Umadda. Halkan Ka Daawo Sharaxaad Uu Bixiyay Dr.Xasan Sheekh Cali Nuur https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-guusha-somaliya-vs-somalia.mp4 Source: goobjoog.com
  16. Taabit Cabdi Maxamed guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ayaa ka hadlay dil galinkii dambe ee shalay degmada Xamarjabab askari ka tirsan boolika Soomaaliya uu ku dilay Oday miis yar ku lahaa laamiga dhinaciisa. Taabid ayaa yiri”Ma’ahan wax la aqbali karo in ciidankii loo igmaday difaaca shacabka isla iyagii ay si xaqdarro ah nafta u dhaafiyaan dadka biri-mageydada ahaa ee la tacaalayay nolol maalmeedkooda. Cuqubada ka dhalan karta dulmigan waa mid halis ah, oo na wada saameyn doonta hadii aan si wadajir loo diidin, loogana dhiidhin” ayuu yiri. Sidoo kale isaga oo hadalkiisa siiwato ayaa xusay inuu murugada uu la qeybsanayo qoyska marxuumka, isaga oo baaq u diray laamaha amniga” Waxaan xanuunka la qeybsanayaa qoyska marxuum Cumar Xasan, waxaana Rabbi uga baryayaa naxariistiisa, qoyskana samir iyo iimaan, Waxaan ugu baaqayaa Hay’addaha Amniga in si deg deg ah sharciga loo marsiiyo gacan-ku-dhiiglaha dulmiyay, naftiisana dhaafiyay qof shacab ah oo aanan waxba galabsan” ayuu yiri Taabit Cabdi. Hadalka guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Tabit Cabdi Maxamed ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo galinkii dambe ee shalay uu askari ka risanaa Booliska uu qof shacab ah u dilay dood ka dhalatay bedelka lacag uu uga iibsanayey Sigaar, taas oo sababtay inuu xabad ku dhufto, marxuumkii dhintay ayaa maanta lagu aasayaa halkii uu ku dhashay ee gobolka Shabeellaha hoose Goobjog News Source: goobjoog.com
  17. (SLT-Hargeysa)-Getachew Reda ayaa hadda ah Afhayeenka ( Tigray People’s Liberation Front ) ayaa waxa kale oo uu ka mid ahaa shanta nin ee ugu saraysa Golaha Sare ee dawladii Melez Zenawi.Waxa uu ahaa oo kale la Taliyaha Melez Zenawi kana dambeeyey magacaabistii Tedros Adhanom loo magacaabay Wasiirkii Arimaha Dibadda Itoobiya iyo Wasiirka Caafimaadka Itoobiya ka hor inta aanu noqonin Mr.Tedros Adhanom madaxa ( World Health Organization ). Getachew Reda ayaa isla markaa ahaa Wasiirka Warfaafinta Itoobiya. ( VOA Amharic ) ayaa weydiisay Isniintii,June 15,2020 sababta uu dawladii uu ka tirsanaa ee Melez Zenawi u heshiisiin weyday Somaliland iyo Somalia? Getachew Reda oo ka jawaabaya su’aashaas ayaa waxa uu yidhi hadalkan hoose: ” Ethiopia waxa Ra’iisal Wasaare ka ah nin aad u degdegaya oo khatar galinaya nabadda Itoobiya iyo wadamada dariskeeda ah. Waxa ka jira qalalaase siyaasadeed gudaha Itoobiya. Waana taas sababta ay isku casishay Afhayeenka Golaha Federaalka Itoobiya Keria Ibrahim. Abiy Ahmed inta aanu dhexgalin Somaliland iyo Somalia waa in uu usoo jeestaa waaqica ka jira gudaha Itoobiya,iyada oo qalaalaasaha ay ku sii fideen gobolada gudaha Itoobiya taas oo ay sabab u tahay doorashooyinka uu dib u dhigay. Getachew Reda oo la weydiiyay sababta uu dib ugu dhigay doorashada Abiy Ahmed in ay tahay khatarta Covid-19 ayaa ku jawaabay in aanay jirin khatar weyn oo hadda Itoobiya uu ku hayo ( Covid-19 ) isaga oo sabab uga dhigay in dadku ay codayn karaan iyaga oo taxadiraya si la mid ah sida hawl- maalmood- koodaba ay u qabsadaan wakhti xaadirkan. Getachew Reda ayaa waxa uu ka jawaabay sababta aanay dawladii Melez Zenawi aanay udhexdhigin heshiis Somaliland iyo Somalia waxana uu ku jawaabay: ” Abebe Gellaw su’aashaas aad I weydiisay waa mid muhiim ah,laakiin wali inta aanan kaaga jawaabin ayaa waxa aan marlabaad kuu sheegayaa fudaydka Abiy Ahmed. Somaliland waxa ay June 26,1960 xoriyad ka qaadatay Ingariiska,Somaliyana July 1,1960,kooxda Ingariiska uu maamulaayay ayaa la midoobay kooxdii uu talyaaniga maamulaayay.Halgan dheer ka dib May 18,1991,qaybta uu maamulaayay Ingariiska ayaa waxa ay ku dhawaaqeen in ay dib uga noqdeen midnimadii ay la galeen Somalia, markaas aniga waxa aan joogay Addis Ababa. Waxa jiray xidhiidh aan toos ahayn oo uu waday Melez Zenawi oo ahaa in uu xaaladda Somaliland usoo bandhigo Ururka Midoowga Afrika,waayo ilaa hadda ma jirto go’aan kale oo aan ahayn ka soo noqoshada midoowgii ay la galeen Somalia oo ay aaminsanyihiin dadka Somaliland.Siyaasadda Ra’iisal Wasaare Zen- awi ayaa ahayd in aan loo baahnayn heshiis dhex mara Somaliland iyo Somalia,hadii Somaliland uu aqoonsado iyada ayaa taqaana luqadda lagaga hadlo Muqdisho,iyada ayaana heshiis dhex dhigi lahayd kooxaha iyo argagaxisada ku nool Somalia. Marba hadii aanay rabin in ay dib ula midoob- aan Somalia,markaas ma jirto sabab aan u heshiisiinayno Somaliland iyo Somalia,laakiin waxa aan kor u qaadnay xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland oo hadda hadii aan runta kuu sheego uu Ra’iisal Wasaarahan uu dhulka dhigay xidhiidhkaas. Waxa kale oo sidaan hore kuugu sheegay uu Ato Melez Zenawi uu ka shaqeeyey in uu xidhiidh dhaw uu dhexdhigo Ururka Midoowga Africa iyo Somaliland,waxana aan Addis Ababa kula kulmay April 2005 wafdiga ( OAU ) ee ku socday Hargeisa,caasimadda Somaliland ,laakiin warbixintii go’aankaas halkaas lagama qaadin,waana dadaal la’aan ka timid labada dhinacba. Waxa kale oo uu Ato Meles Zenawi u sheegay Safaaradda Maraykanka in ay Somaliland u baahantahay furdaamin ku salaysan ka jawaabista codsiga shacabka Somaliland waxana jiray qorshe uu ku doonaayay Melez Zenawi in Somaliland ay noqoto wadan dariskeena ah,go’aamada aan wadnay ayaa waxa hakiyey markaas xanuuno la soo gudboonaaday Ra’iisal Wasaare Zenawi. Waxa jirta in Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed aanu taariikhda Somaliland aqoonba u lahayn. Maanta hadaan weydiiyo waa maxay dayuuradda taalo ahaan u taala badhtamaha Hargeisa,kuuma sheegi karo,sababta oo ah aqoonba uma laha Somaliland. Markaas sidee baa nin aan aqoonba u lahayn Somaliland,moodayana sida gobolka Tigre ama gobolka Oromia ama gobolka Amara uu u heshiisiin karaa Somaliland iyo Somalia? Inta aanu heshiisiin ha soo barto in ay laba wadan kala ahaayeen Somaliland iyo Somalia,hana soo barto taariikhda labada wadan. Degdega ka muuqda Abiy Ahmed waxa uu khatar galiyey Madaxweynaha Somaliland Muse Bihi ka dib markii uu damcay in isaga iyo Madaxweynaha Somalia ay ka soo degaan Hargeisa.Waxa uu isku diray shacabka Somaliland iyo madaxweynahooda. Waxa kale oo la ii sheegay in uu yidhi waxa aan heshiisiinayaa North Korea iyo Japan! Dadkiisa ku dhaqan gobolka Oromia waxa ay hadda u bixiyeen ( Marata ) oo ah af Oromo macnaheedana ay tahay (Ninkii Maskaxda ka waalnaa )”. Note: Waraysiga waxa qaaday Abeba Gellaw oo ka tirsan VOA Amhara,waxana aan ka soo qaadanay inta ugu muhiimsan. Waxa Baahisay: VOA (AMHARIC ) Waxa Turjumay: Axmed Aadam Tuesday,June16,2020 Source
  18. Golaha ammaanka ee QM oo maanta soo afjaraya loolan adag oo muddo ka dhex oognaa Dalalka Jabuuti & Kenya Loolanka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya dowladaha Kenya iyo Jabuuti ee kursiga Afrika ee Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa lasoo gabagabeynayaa, iyadoo natiijada ka soo baxda ay saameyn ku yeelan doontaa geeska Afrika. Kenya ayaa doonaysa inay badasho dalka South Africa oo loo doorto kursiga gobolka ee golaha amaanka ee QM laakiin doonisteeda waxaa ku heysta Jabuuti oo iyana dooneysa iney kursigaas hesho. Kadib markii ay taageero ka heshay aqlabiyada xubnaha ka socda Midowga Afrika sanadkii 2019 ayaa Kenya waxay fileysaa inay ku guulaysato kursiga Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay. Laga soo bilaabo 2007-dii, Midowga Afrika wuxuu adeegsadaa hab wareeg ah, iyadoo gobol kasta uu helayo wareegiisa. Jabuuti iyo Kenya ciddii ku guuleysata kursiga waxay ku biiri doontaa Mexico, India, iyo Canada, Ireland iyo Norway oo noqon doona xubanaha joogtada ee golaha amaanka ee QM. Xoghayaha guud ee ururka iskaashiga Islaamka ee OIC ayaa ku booriyay dowladaha xubnaha ka ah inay u istaagaan taageerada Djibouti musharraxnimadooda xubinnimada Golaha Amniga ee UN-ka, waxaana codeynta maanta ay tijaabo u noqon doontaa taageerada ay Jabuuti ku leedahay Qaramada Midoobay. Qaran News
  19. (SLT-Hargeysa)-Safiirkii hore ee Dawladda Turkiga u qaabilsanaa Soomaaliya, marna ahaa U qaabilsanaha Madaxweynaha waddanka Turkiga wadahalada Somaliland iyo Soomaaliya Dr. Kamaaluddiin Toorun (Cemalettin Kani Torun) ayaa qoraal saluug ka muuqdo waxa uu ku baahiyey barta uu ku leeyayahay degalka xidhiidhka Bulshada ee Twitter isaga oo ka fal celinayay shirka wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya uga qabsoomay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti. Ambassador Torun isaga oo daba socda shirarkii hore Somaliland iyo Soomaaliya uga qabsoomay waddankiisa Turkiga ee uu Gogoshiisa dhigay Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan ayaa waxa uu su’aal iska waydiiyay waxa ku dhacay heshiisyadii hore labada dhinac u kala saxeexdeen waxaanu yidhi: “Maxaa Ku dhacay Saddexdii heshiis ee guddiyadii farsamo ee hore isla gaadheen, ma qashinkaad ku rideen.” Ayuu qoraalkiisa ku yidhi Kani Torun. Dawladda Turkiga ayaan qayb ka ahayn dhinacyada shirkan ugu dambeeyey saamaunta ku lahaa ama soo qaban qaabiyay waxaanay warar hoose oo soo baxayaa sheegayaan in uu aad uga xumaaday sababta loogu war gelin waayay ama uu door ugu yeelan waayay shirkaasi maadaama uu wakhtigan yahay waddan si weyn saamayn ugu leh waddanka Soomaaliya iyo gaar ahaan dawladda Federaalka ah ee Villa Somalia oo uu taageero weyn siiyo. Lama oga tallaabada xigta ee uu waddanka Turkigu qaadan doono ee ku aaddan xaaladdan siyaasadeed ee ka soo korodhay dhinacyada Somaliland iyo Soomaaliya. Source
  20. (SLT-Hargeysa)-Midowga Yurub ayaa soo dhaweeyey wadahadalkii 14kii bishan June ay dalka Jabuuti ku yeesheen Madaxweyneyaasha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya, Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Md. Maxamed Cabdilaahi Farmaajo. War-saxaafadeed uu Magaalada Brussels ka soo saaray Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Sare ee Midowga Yurub Mr. Josep Borrel, waxana uu wadahadalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya uu ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo hore loogu qaaday hagaajinta cilaaqaadka labada dhinac. Waxa kaloo warmurtiyeedka Midowga Yurub intaas ku daray in wadahadalkani aanu shacabka Somaliland iyo Soomaaliya oo kaliya aanu rajo gelinayn ee uu yiddidiilo u yahay mandaqada Geeska Afrika oo dhan. Sidoo kale, waxa warsaxaafadeedka Midowga Yurub lagu sheegay in madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Md. Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ay ka go’an tahay inay sii wadaan sidii ay uga wada shaqeyn lahaayeen sidii nabad looga dhex dhalin lahaa labada dhinac. Waxa kaloo ay intaas ku dareen shirkani uu muhiim u yahay tallaabooyinka kalsooni abuurka ee xoojinaya Nabadda iyo Barwaaqada Mandaqada. Ugu dambeyn, waxa warmurtiyeedka Midowga Yurub lagu tilmaamay in dalalka Jabuuti iyo Itoobiya ay kaalin ka geysteen sidii shirka wadahadalku u qabsoomi lahaa, iyagana uu shirkaasi u joogay wakiillo goobjoogeyaal ahaan uga qaybgalay. Source
  21. Ibraahim Geedow Cawaale oo ka mid ah falanqeeyaasha ciyaaraha gudaha ayaa sheegay in Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya laga rabo in ay horomar iyo dhaqaalo geliyaan ururada kubbadda cagta Maamul Goboleedyada oo qaba baahi badan. Halkan Ka Daawo Qeyb Ka Mid Waraysi Dhinac Skyp-ka Uu Falanqeeye Geedow Siiyay Goobjoog https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-2-1.mp4 Source: goobjoog.com
  22. Dalka Jabuuti waxa maalmihii lasoo dhafaay ka socday wada-hadal u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya, kaas oo lagu rabo in xal lagaga gaadho khilaafka mudada dheer u dhaxeeyay labada xukumadood ee Hargeysa iyo Muqdisho. Xogaha ay warbaahintu helayso ayaa tilmaamaya in qodobada labada dhinac ay ka duulayeen ay ugu horayso, is-kaashiga hay’adaha ammaanka iyo la daagalnka argagixisada, is-kaashiga arimaha hawada iyo dakhliga kasoo xarooda la wadaago, in meesha laga saaro caqabad kasta oo ganacsiga ka hor iman karta, in aan la siyaasadayn arimaha gargaarka iyo in Somaliland ay hesho saamigeeda, in la wadaago dhaqaalaha la helo kadib dayn-cafinta iyo in la wadaago mashaariicda maal-gelinta, iyo ugu danbayn in arimaha dhaqanka laga qaado wax kasta oo caqabad ku noqon kara. Xubnaha gudida Somaliland ayaa la sheegayaa in arinta is-dhexgalka dhaqanka ay walaac la muujiyeen, taas oo wiiqi karta aragtida shacabka ee qadiyadda ay aaminsanyihiin. Qodobada ay hadda ka wada hadlayeen labada dhinac, afar ka mid ah waxa la isla qaatay wada-hadaladii Turkiga ee u dhaxeeyay Somaliland iyo Soomaaliya, balse fulintooda ayaa laga dooday. Turkiga ayaa saluugay in wada xaajoodkii uu isagu dhex dhexaadinayay aan waxba lagasoo qaadin, safiirkii hore ee Turkiga u fadhiyay Soomaaliya imikana ka tirsan wasaaradda arimaha dibadda ee Turkiga ayaa keenay su’aal ah in qodobadii hore Turkiga la iskula qaatay qashinka la raaciyay. Dadka wax falanqeeya ayaa sheegaya in laga dhex akhrisan karo in Turkigu aanu ku niyad-samayn wada hadalada socda oo aanu qayb ka ahayn. Waxa jira dhinacyo kale oo saluug ka muujinaya in miiska wada hadalka laga reebo, sida Midawga Afrika oo hadda danaynaya in uu qayb ka noqdo dhex dhexaadinta. Inkasta oo dhinacyada oo dhami ay hore u sheegeen in ay soo dhawaynayaan cid kasta oo qayb ka nooqnaysa dedaalada dhex dhexaadinta. Badi diblomaasiyiinta ayaa qaba in hawlaha la bilaabay iyo qodobada qaar la isla qaatay ay ugu badnaan qaadan karaan shan sanno in lasoo wado, oo laga gaadho natiijo wanaagsan Source
  23. (SLT-Riyadh)-Iyada oo ay sii kordhayaan kiisaska coronavirus, Sacuudi Carabiya ayaa la rajaynayaa in ay joojiso ama dib u dhigto sanadkaan gudashada waajibaadka xajka markii ugu horeysay tan iyo 1932. In kasta oo go’aan aan wali la shaacin, ayaa ummadaha muslimiinta ah lagu soo waramayaa in ay ku riixayaan boqortooyada in ay waxbadan bixiso. Mar uu la hadlayey warbaahinta caalamiga ah, sarkaal Sucuudi ah ayaa la sheegay in dib u dhaca ku dhawaaqida go’aankiisa uu muujinayo in mas’uuliyiinta ay fahmeen cawaaqib xumada siyaasadeed ee ka hor tagga xajka ama yareynta cabirka dhibaatada. Sarkaalku wuxuu intaa ku daray in xitaa haddii daqiiqada ugu dambeysa mas’uuliyiinta Sucuudiga ay sheegaan inay diyaar u yihiin gudashada xajka oo dhameystiran, dalal dhowr ah aysan helidoonin boos ay kaga qeybgalaan. Waxaa sidoo kale la saadaalinayaa in iyada oo xajka ay inta badan tegidoonaan dadka maxalliga ah sannadkan sababta oo ah joojinta duullimaadyada caalamiga ah. Wadamada ay ka mid yihiin Indonesia, Malaysia, Senegal iyo Singapore ayaa ka baaqsanaya Xajka sanadkaan. Indooniisiya, oo ah dalka ugu dadka badan muslimiinta ayaa u dirta in ka badan 2,20,000 oo qof sannad kasta Xajka. Si kastaba ha noqotee, Fachrul Razi, wasiirka arrimaha diinta ee Indonesia wuxuu yidhi intii lagu gudajiray shir-jaraa’id, “Dowladdu waxay go’aansatay inay baajiso Xajka 2020, iyagoo ku eedeeyay in ee Sucuudiga uu ku guuldareystay in ay bixiyaan hubin. “Tani waxay ahayd go’aan aad u qadhaadh oo adag. Laakiin waxaa na saaran waajib ah inaan ilaalino dadka xajka iyo shaqaalaha Xajka,” ayuu yidhi sarkaalka. Source
  24. Dr.Xasan Sheekh Cali Nuur oo barre Jaaamacadda Umadda ayaa waraysi dhinacyo badan uu sii yay Goobjoog News waxa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo lagu rabo in uu ummadda sharaxaad dheeri ah ka siiyay is dhaxgalka shacuubka geeska Africa. Halkan Ka Daawo Sharaxaad Uu Bixiyay Dr.Xasan Sheekh Cali Nuur https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-Dastuurka.mp4 Source: goobjoog.com