Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,265
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mediators from the elder’s council say no major problem between leaders at the Federal government, and Tigray regional state Source: Hiiraan Online
  2. East Africa has already been devastated by a series of desert locust infestations in the past few months. Between January and April up to 1.3 million hectares of land and 200,000 hectares of crops were destroyed in Ethiopia. Source: Hiiraan Online
  3. On Thursday, the magazine announced that the 22-year-old Somali-American beauty 'further[ing] the magazine's commitment to showcasing diversity, racial inclusivity, and topics related to human rights' in her new role. Source: Hiiraan Online
  4. Kenya can boast about being a regional hub for many things, but food sovereignty isn’t one of them, as the latest import dependency ratio on its food balance sheets shows. And not all of these imports are legal, or safe to eat. Source: Hiiraan Online
  5. Maxkamad ay leeyihiin ururka Al-shabaab oo ku taalla Tuulada Galhareeri ayaa xukuntay rag ay ku eedaysay in ay kufsi ka gaysteen Degaankaas. Labada eedaysane oo lagu kala magacaabo Maxamed Yuusuf Maxamed iyo Cabdifitaax Salaad Cabdi ayaa midkiiba lagu xukumay min 100 jeedal maadaama aysan soo marin guur hore sida ay sheegtay Maxkamadda Al-shabaab. Sidoo kale waxaa lagu xukumay in ay bixiyaan 14 oo ari ah oo lagu qiimeeyay meherka gabadha la kufsaday waxaana mudda hal sanno ah laga musaafuriyay Degaanka la sheegay in ay kufsiga ka gaysteen. Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa inta badan xukunno noocaas ah ka fuliya Degaannada ay ka maamulaan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Maxkamad ay leeyihiin Al-shabaab oo xukuntay Rag ku eedaysnaa Kufsi appeared first on Puntland Post.
  6. ADDIS ABABA, Ethiopia - It’s a clash over water usage that Egypt calls an existential threat and Ethiopia calls a lifeline for millions out of poverty. Just weeks remain before the filling of Africa’s most powerful hydroelectric dam might begin, and tense talks between the countries on its operation have yet to reach a deal. Source: Hiiraan Online
  7. Baraawe (Caasimada Online) – Diyaarad jebisay amarkii dowladda federaalka ayaa shalay si sharci darro qaad uga dejisay garoonka diyaaradaha Baraawe, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online. Dowladda Soomaaliya ayaa bishii March joojisay dhammaan duulimaadyada dalka, taasi oo qeyb ka ahayd dadaallada looga hortagayo faafitaanka cudurka COVID-19. Qaadkan ayaa ka yimid dalka Kenya, waxaana dhinaca dhulka laga soo geliyey magaalada Dhoobley, ayada oo kadibna diyaarad ay kasoo qaaday Dhoobley kana soo dejisay garoonka Baraawe, halkaasi oo ay kasii qaadeen doomo geeyey magaalooyin kale oo dalka ka mid ah. Ilo-wareedyada warkan laga soo xigtay ayaa sheegay inaysan ahayn markii ugu horreysay ee qaad laga soo dejiyey garoonka Baraawe, waxaana diyaaradaha qaadka soo gelinaya dalka ay mar walba adeegsanayaan xeelad cusub. Diyaaraddii u dambeysay ee shalay qaadka gaysay Baraawe, ayaa la sheegay inay hawada Soomaaliya kusoo gashay inay waddo howlgal bani’aadannimo balse markii dambe ay beddelatay khadka, kadibna qaadka kasoo qaaday Dhoobley oo baabuur lagu soo geliyey. Waxaa la rumeysan yahay in diyaardaha samaynaya xadgudubkan ay la shaqeynayaan xubno ka tirsan dowladda federaalka, balse ma cadda kuwa ay yihiin. Ganacsatada qaadka ayaa la rumeysan yahay inay yihiin kuwa awood badan, islamarkaana saameynta ay ku dhex leeyihiin dowladda iyo lacag badan oo laaluusha ah u adeegsanayaan inay jebiyaan xayiraadda saaran diyaaradaha ee ay soo rogtay dowladda.
  8. Nur Omar Mohamed, the father of U.S. Rep. Ilhan Omar, was a mentor to many young people and a man whose support of his daughter's political ambition was unusual for his generation. Source: Hiiraan Online
  9. Forcibly displaced by drought and extremist violence in southwestern Somalia, Fadumo Mohamed Abdi thought she had found safety in the Puntland region's northeastern city of Bosaso. Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Sheekh Mukhtaar Roobow Cali “Abuu Mansuur” uu ka hadlay dagaal qaraar oo todobaadkii hore degaanka Abal ku dhaxmaray ciidankiisa iyo maleeshiyada Al-Shabaab. Dagaalkii ka dhacay degaanka Abal waxaa sida la rumeysan yahay ku dhintay ku dhowaad 50 dagaalame oo Al-Shabaab ah, waxa uuna ahaa dagaalkii ugu qaraaraa ee dhaxmaray ciidamada Abuu Mansuur oo dowladda taabacsan iyo Al-Shabaab. Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Sheekh Mukhtaar Roobow uu Xildhibaano iyo siyaasiin ku beel ah uu ka dalbaday in Muqdisho loo soo qaado 14 askari oo dhaawac ah, waxaana ku jiray taliyaha ciidanka Abuu Mansuur oo sidoo kale ahaa ku xigeenkiisa. Sarkaalkaan dhaawaca ah ayaa magaciisa lagu sheegay Sheekh Maxamuud Mukhtaar waxaana hadda lagu dabiibayaa Muqdisho, ayada oo ay soo hagaageyso xaaladiisa caafimaad. Sidoo kale waxaa jira ciidamo kale oo dhaawacyo qaba kuwaas oo ku jira Isbitaal ku yaalla Xudur. Abuu Mansuur oo xabsi guri ah ayaa dalbaday in laga warqabo dhamaan dhaawacyada iyo daryeelkooda. Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa lagu hayaa guri ku yaalla Muqdisho in ka badan hal sano kadib markii la soo xiray isagoo ah musharax Koonfur Galbeed dhamaadka sanadkii 2018. muddo uu ku jiray xabsiga NISA ayaa kadib loo wareejiyey xabsi guri.
  11. Mudanayaasha Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah waxay fadhigoodii caadiga ahaa ku yeelanayaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magalada Muqdisho. Ajendaha kulanka oo xalay farriin qoraaleed loogu diray Xildhibaannada ayaa lagu sheegay Doodista xeerka Qoondada Haweenka oo ka mid ah Afartii Xeer ee loo gudbiyay Golaha. Xildhibaannadu waxay si adag uga doodi doonaan habka ugu habboon ee lagu xaqiijin karo Qoondada Haweenka Soomaaliyeed ee Baarlamanka in la gaarsiiyo %30. PUNTLAND POST The post Golaha Shacabka Soomaaliya oo Maanta ka doodaya Xaqiijinyta Qoondada Haweenka appeared first on Puntland Post.
  12. Istanbul (Caasimada Online) – Dowladda Iran ayaa ku dhowaaqday inay taageereyso dowladda Libya ee sidoo kale Turkiga ay taageeraan, taasi oo ay is-hayaan fallaagada uu hogaamiyo dagaal-ooge Khaliifa Xaftar. Go’aankan ayaa waxaa ku dhowaaqay wasiirka arrimaha dibedda Iran Javad Zarif, oo shir jaraa’id la qabtay wasiirka arrimaha dibedda Turkey Mevlut Cavusoglu, intii lagu guda jiray booqasho uu ku tegay Istanbul. “Waxaan raadineynaa xal siyaasadeed oo loo helo xasaradda iyo dagaalka Libya,” ayuu yiri Zarif. “Waxaan taageereynaa dowladda sharciga ah ee Libya. Arrinta Libya waxaan kala aragti nahay Turkiga, oo doonaya in lasoo geba-gebeeyo xasaradaha Libya iyo Yemen,” ayuu ku daray. Taageerada Iran ee dowladda Libya ayaa ka duwan dalka ay xulufada yihiin ee Syria oo taageeraya dagaal-ooge Khaliif Xaftar. Xaftar ayaa waxaa taageera Ruushka oo ay xulufo yihiin Syria, iyo sidoo kale Imaaraadka Carabta iyo Masar. Dagaalka Syria ayaa toddobaadyadii dhowaa is-beddel weyn uu ku yimid ayada oo maleeshiyada dagaal-ooge Khaliifa Xaftar laga qabsaday magaalooyin badan oo ku yaalla galbeedka Libya. Guul-darrooyinka gaaray Khaliifa Xaftar ayaa meesha ka saaray damicii iyo duulaankii uu waday 14 bilood, ee uu doonayey inuu ku qabsado caasimadda Libya ee Tripoli.
  13. Dawlad goboleed cusub oo laga abuuray Itoobiya Qowmiyada Sidaama oo kamid ah Qowmiyahada dega dalka Itoobiya ayaa ku guuleesatay in ay yeeshaan dowlad goboleed u gaar ah, kadib markii afti laga qaaday dadka Qowmiyadaasi sidaasi u codeeyeen. Go’aankan dowlad goboleedka cusub loogu abuuray qowmiyada Sidaama oo ah tan shanaad ee ugu tirada badan dalka Itoobiya ayaa ka dhalatay dalab qowmiyadaasi ku dooneysay in ay yeelato ismaamul u gaar ah. Rabshado dad badan ku dhinteen ayaa sanadkii hore ka dhacay gobolka Qowmiyadaasi ku badan tahay, waxa ayna dadkan mudo dheer u dagaalamayeen sidii ay u yeelan lahaayeen ismaamul lamid ah kuwa Qowmiyadaha kale ee Itoobiya. Qowmiyado badan oo kunool dalka Itoobiya ayaa dalbanaya in ay yeeshaan ismaamul iyaga u gaar ah, waxaana dalkaasi ka jira maamulo ku dhisan qaab qowmiyado ah, iyadoona ay ka dhaxeyso dowlad dhaxe oo Federaal ah. Qaran News
  14. Xog xasaasiya:Dalka sacuudi Carabiya oo ay soo foodsaartay Xasarad Dhaqaale+Amaaho & Deyman lagu yeeshay Wasiirka Maaliyadda Sacuudiga Maxamed Al-Jaddaan ayaa shaaca ka qaaday in dowladdiisu ay soo amaahan doonto 58 billion oo dollar sanadkan. Ku dhawaaqistu waxay tooshka ku shiday deyn codsiga sii badanaya ee dalka iyo su’aalo ku saabsan xaaladda dhaqaale ee xukuumadda Riyadh, gaar ahaan markii Boqortooyadda lagu tilmaamay mid ka mid ah dalalka caalamka ee lagu leeyahay deynta ugu yar. Sacuudigu waa dalka ugu dhaqaalaha badan dunida carbeed, waana dalka keliya ee carbeed ee ka tirsan G20, waxaa intaas dheer in uu yahay dalka dhoofiya saliidda ugu badan ee caalamka. Saameynta Gobolka Barwaaqadda dhaqaale ee Boqortooyadda ayaa soo jiidatay shaqaale shisheeye si ay ugu shaqeeyaan shirkadaha Sacuudiga iyo hey’adaha dowladda. Dhaqaale bur-burka ku yimaada Boqortooyada waxaa uu saameyn doonaa gobolka oo dhan. Xilligan oo lagu jiro xasarado dhaqaale oo caalami ah, kuwaas oo uu sababay cudurka Coronavirus, ayuu Sacuudigu wajahay hoos u dhac weyn oo qiimaha saliidda ah iyo booqashooyinkii diimeed ee Makka iyo Madiina oo istaagay, malaayiin qof ayaa awoodi waayay in ay Sacuudiga u safraan sanadkaan si ay gutaan cibaado diini ah. Xitaa ka hor inta aysan xasaraduhu soo ifbixin bilihii u dambeeyay, Bangiga Aduunka ayaa muujiyay in deynta dibadda looga leeyahay Sacuudiga ay ahayd $183 billion 2019-kii, taasi oo $151 billion ahayd sanadkii 2018-kii. Tiradaas waxay kordhi doontaa sanadkaan. Tiradaasi waxay ahaan doontaa mid aan muuqan haddii aan la bar-bardhigin xilliyadii lasoo dhaafay. Tirada ku kordheysa deynta ayaa ka muhiimsan wadarta guud. Deynta cirka isku-shareertay Deynta dalka dibadda looga leeyahay ayaa cirka isku shareertay shantii sano ee lasoo dhaafay, dhamaadka sanadkii 2014-kii, billo yar ka hor inta uusan billaaban dagaalka Yemen, waxay deyntu ka yareyd 12 billion, taasi oo muujineysa in kororku uu kor u kacay in ka badan 1500 boqolkiiba shanti sano ee lasoo dhaafay. Muddo shan sano ah, keydka lacagta ayaa hoos u dhacay. Warbixino ka yimid maamulka lacagta ayaa muujinaya in hantida kaydka ah ee wadanka lagu qiyaasay $732 billion dhamaadka sanadkii 2014-kii, laakiin waxaa ay hoos u dhacday $449 billion dhamaadka sanadkii 2019-kii. Waxaa kharash isu bedelay $233 billion muddo shan sano ah. Tirooyinkaasi waxay muujinayaan in shantii sano ee lasoo dhaafay, Sacuudigu uu dibadda ka soo deynsanayay tobanaan billion dollar, sidoo kale waxay tiro lamid ah kala baxaysay hantida kaydka ah. Dhamaan tirooyinkaasi waxay dib ugu laabanayaan dabayaaqada sanadkii 2019-kii, waa ka hor inta uusan hoos u dhicin qiimaha shidaalka iyo inta uusan dillaacin Coronavirus iyo weliba hoos u dhaca ku yimid ganacsiga iyo isu socodka dunida. Hadaba, halkey lacagtaas oo dhan ka baxday? Dagaallada qarsoon Inkasta oo aysan caddeyn meesha saxda ah ee lacagtaas oo dhan lagu agaasimay, isbedelka deg-degga ah waxaa uu dhacay markii la bilaabay dagaalka Yemen sanadkii 2015-kii. Colaadaha kale ee Liibiya iyo Siiriya ayaa sidoo kale ahaa aag dagaal ee qarsoon, oo ay gacanta kula jireen dhowr dal oo Khaliijka ku taalla. Xukuumadda Riyadh waxay dhowaan ku dhawaaqday gunti-isku-giijis dhaqaale oo ay ku jirto 8 billion oo dowladdu ay ka jareyso hiigsigeeda isbedelka ee 2030-ka, kaasi oo muhiimad u leh dhaxal suge Maxamed bin Salmaan. Qaran News
  15. Hobyo (Caasimada Online) – Taliyaha Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Cabdicasiis Cabdullaahi Qooje ayaa xaqiijiyay in saddex ka mida dagaal-yahanada Ururka Al-Shabaab ay isu soo dhiibeen Ciidanka Xoogga Dalka. “Saddex dagaalame oo ka mid ahaa kooxaha nabadiidka ah ee Al Shabaab ayaa isku dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka, Qaybta 21-aad ee fadhiisinka ku leh deegaanka Bacaadweyn, oo hoostagga Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.” Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta Taliska Qaybta 21aad uu ku leeyahay Facebook. Taliyaha ayaa sheegay tallaabada ay xubnahaasi isu soo dhiibeen in ay ka dambeysay, ka dib markii ay arkeyn buu yiri xasuuqa iyo dhibaatada nabadiidka ku hayaan shacabka Soomaaliyeed. Isa soo dhiibidooda waxaa ay timid, ka dib markii Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) uu Arbacadii sheegay in ay cagta marin doonaan Shabaabka galaangalka ku leh nawaaxiga Hobyo. “Nawaaxiga Hobyo waxaa lagu sheegaa argagixisada inay meelaha ka dhow yihiin, soo sheega, lana soo wadaaga hay’adaha amniga. Ilaahay idinkii kama hawlgeli doonaan, lugna kuma yeelan doonaan wadankan. Sidoo kale haddii waa’ burcad badeed iyo wax noocaas lagu sheegi jiray u ogolaan mayno taako ka mida Galmudug. Nooma kala soocna argagixiso, burcad badeed iyo waxa lamidka ah, waan dabar-goyneynaa. Hobyana waxay noo sii tahay istiraatiiji, muhiim gaar ah ayayna noo leedahay. Waa la isugu yimid, wixii fitno u jooji jirayoo ka tashada oo ka tagga.” Ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.
  16. Xafladii daahfurka dekadda Hobyo Magaalo xeebeedka qadiimiga ah Hobyo ee gobolka Mudug waxaa xalay ka dhacday munaasabad lagu daahfuray dhismaha dekadda Hobyo. Munaasabada waxaa ka qayb-galay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Xildhibaano ka tirsan Federaalka oo ay hoggaaminayeem Guddoomiye ku xigeenada labada Aqal Abshir Bukhaari iyo Mahad Cawad, siyaasiyiin, ganacsato iyo odoyaasha dhaqanka. Xi. Bushaari, M. Qoorqoor iyo Xil. Cawad Madaxweynaha Galmudug oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in dekadda Hobyo lagu dhisayo isku tashi, islamarkaana codsaday in ganacsatadda iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya ay taageero u fidiyaan. Saabir Nuur Shuuriye’ Wasiirla dekadaha Galmudug Wasiirka Dekeddaha iyo Kaluumeysiga Galmudug Saabir Nuur Shuuriye oo wasaaradiisu soo qabanqaabisay munaasabada ayaa tilmaamay in dhawaan la bilaabi doono dhismaha dekadda Hobyo oo ay maalganiyaan reer Galmudug. Dhismaha dekadda Hobyo, waxaa la sheegay in wajiga kowaad ay ku bixi doonto 90 Milyan oo doolar, waxaana intii munaasabadu socotay lacago ugu yaboohay qaar kamid ah dadkii ka soo gaybgalay daahfurka. July 4, 2018: Wafdi ka socday Wasaarada Dekadaha Qadar oo booqday Hobyo Bishii July ee sanadkii 2018, waxaa Hobyo booqday wafdi ka socday dowladda Qadar oo ay wehelinayeen Wasiirka Dekedaha dowladda Federaalla Soomaaliya iyo madaxweyihii hore ee Galmudug, waxaana booqashadaas lagu sheegay qiimeyn lagu sameynayay dhismaha dekadda Hobyo. Bishii Agoosto sandkii hore 2019, dowladda Qadar ayaa sheegtay in ay bilaabayso dhismaha dekadda Hobyo oo loo dhisayo qaab casri ah, ayna ku maal-galinayso wajiga kowaad lacag dhan 174 Milyan oo doolar, balse ilaa iyo hadda ma jiro wax ka hirgalay balantii Qadar. Agoosto 19, 2019: Ra’iiusul Wasaare Khayre iyo Wasiirka Arrimaha dibada Qadar, munaasabadii shaacinta dhismaha dekadda Hobyo Dowladda Qadar waxay hadalkan ku shaacisay munaasabad xiligaas ka dhacday Muqdisho, oo ay goob-joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, wasiirka arrimaha dibadda Qatar, madaxweynihii hore Galmudug Xaaf iyo mas’uuliyiin kale. Madaxweyanaha Galmudug ee dhawaan la doortay oo isbedel weyn ka sameeyay degaanada Galmudug ayaa hadda dhexda u xiray dhismaha dekadda Hobyo oo muddo dheer sugaysay maalgalinta dal shisheeye. PUNTLAND POST The post Miyuu fashilmay qorshihii Qadar ee dhismaha dekadda Hobyo? appeared first on Puntland Post.
  17. International Organization for Migration (IOM) PRESS RELEASE Coronavirus – Djibouti: International Organization for Migration (IOM) Assists Thousands of Migrants Stranded in Djibouti due to COVID-19 The migrants, mainly Ethiopians, were in transit to Saudi Arabia and other Gulf countries seeking work DJIBOUTI CITY, Djibouti, June 19, 2020/ — More than 1,200 young migrants are stranded in Djibouti due to COVID-19 border closures and movement restrictions. The migrants, mainly Ethiopians, were in transit to Saudi Arabia and other Gulf countries seeking work. Among the migrants is 26-year-old Ahmed. He spent 20 days travelling from Ethiopia to Djibouti on foot, bound for the coastal town of Obock – a common departure point for crossing the Gulf of Aden to Yemen, and then onward to Saudi Arabia. This migratory route last year saw over 138,000 young Ethiopian migrants, according to the International Organization for Migration (IOM)’s Displacement Tracking Matrix – but it is not without risk. Ahmed, an Ethiopian, was abandoned by smugglers and was stuck in Obock for a month. “The borders closed shortly after I reached Obock,” he explained, “and the smugglers abandoned me there with no food, water or shelter. I do not have any money and I am desperate to go home to my family.” Besides Ahmed, another 68 have been living in a Migrant Response Centre operated by IOM, which assists stranded migrants in the town of Obock. Fourteen are minors. IOM Djibouti is providing life-saving support. Since the pandemic started, thousands have been helped by IOM. Migrants are also receiving psycho-social support to cope with the stress and anxiety caused by being stranded in Djibouti. Moreover, the number of stranded migrants in Djibouti is rising. More than 200 arrived from Yemen just in the last few weeks. Some made it as far as Yemen but were unable to continue and had to travel back to Djibouti. IOM is working with the Djibouti officials to assist these individuals. So far this month over 400 migrants affected by COVID-19 have been provided with food, water, shelter, hygiene kits and other essential items here in Djibouti’s capital, as well as in Obock, and in the towns of Tadjourah, Dikhil and Ali Sabieh, where other displaced migrants are staying. In another aspect of IOM’s response to COVID-19, over 600 migrants living in government-led quarantine centres are being assisted. Migrants in quarantine are provided with food and personal hygiene kits while being checked for symptoms of COVID-19. “The migrants who are currently stranded in Djibouti are eager to return home and to reunite with their families after a failed attempt to reach the Gulf countries. We will continue to work hand in hand with the Government of Djibouti to provide life-saving assistance to these migrants,” said Stéphanie Daviot, IOM Djibouti’s Chief of Mission. Distributed by APO Group on behalf of International Organization for Migration (IOM). View multimedia content SOURCE International Organization for Migration (IOM) Qaran News
  18. Axmed Abuu Al-Qeyd Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Axmed Abuu Al-Qeyd ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay dadaallada Madaxweynaha Jabuuti Ismacil Cumar Geele uu ku martigaliyey shirkii dhexdhexaadinta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland oo bishan June 14keeda ku qabsoomay caasimada Jabuuti. Qoraal lagu baahiyay Warbaahinta Qaranka ayaa lagu sheegay in Abuu Al-Qeyd dhambaal uu u diray Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ku ammaanay dadaalkiisa ku aadan wadahallada, uuna u xaqiijiyay in Jaamacadda Carabta ay garab taagantahay Soomaaliya iyo ka miradhalinta dadaalkan, isagoona balanqaaday inay sii wadi doonaa gacan ka geysiga arrimaha amniga iyo xasiloonida Soomaaliya. Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in Abuu Al-Qeyt uu dhambaal qoraal ah u diray Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, uuna ku bogaadiyey gogosha uu fidiyey, iyada oo Jaamacadda Carabta ay muujisay taageeradeeda buuxda iyo sida ay diyaarka ugu yihiin in ay dadaal kasta ku bixiyaan kamiro dhalinta hanaaankan wadahadallada. Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta ayaa tilmaamay in ay ka go’an tahay sare u qaaddida taageerada Jaamacadda Carabta u hayso Soomaaliya iyo dadaalada iskaashiga isdhexgalka Gobolka. PUNTLAND POST The post Jaamacadda Carabta oo taageero u muujisay shirkii Jabuuti appeared first on Puntland Post.
  19. Daawo:Somaliland Macalin Malcaamad Qur’aan Oo kuuli Noqday + Sababta. Source
  20. Somaliland ayaa markii u horaysay ka hadashay meyd maalmo ka hor lagu gubay duleedka Waqooyi ee magaalada Hargaysa, arrintaas oo shacabka degaanka uu cabasho ka muuujiyay. Wasaarada Caafimaadka Soomaaliland ayaa sheegtay in qofkaasi u dhintay xanuunka loo yaqaano “leukemia” oo ah xanuun sababa dhiig la’aan, uuna ahaa nin dhalasho ahaan ka soo jeeday dalka China. “Horta ninka dhintay wuxuu ahaa nin u dhashay China, waxaanu ninkaasi u dhintay cudur la yidhaahdo leukemia oo dhiiga raaca, dabadeedna qof dhiig la’aani ay ku dhacdo oo dhiigba laga waayo, cusbitaalka Guud ee Magaaladda Hargeysana wuu ku dhintay. Haddii uu qof ajanabi ahi dhinto waxa lala xidhiidhaa Jaaliyadahooda, Jaaliyadii China waxa ay yidhaahdeen dhoofin kari mayno ee xeerkayagu waa caynkaas ee ka hawl gala, caafimaadkana shaqadoodaba maaha in ay qofka gubaan ama aasaan” ayuu yiri sarkaal u hadlay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliland. Wuxuu intaas ku daray in jaaliyada wadanka China ka joogta Somaliland ay xiriiro la sameeyeen Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland iyo xeer ilaalinta. “Jaaliyadii waxa ay la xidhiidhay Wasaaradda Awqaafta iyo Xeer Ilaalinta, markaa waxa ay ku yidhaahdeen sidii aad ka yeeli jirteen qofka idinka ka dhinta ka yeela oo ahayd in la gubo, laakiin waxa aan loo calamaadinin meel gaar ah oo ay ku gubaan, sidaas ayaana lagu qaaday oo waxa lagu gubay meeshaas ku taala baraha bulshadda”. Sidoo kale sarkaal u hadlay Wasaarada Caafimaadka Somaliland wuxuu tilmaamay in kooxdii halkaas ninka ku soo gubtay ay kaga yimaadeen qalabkii iyada oo dadka qaarkoodna ay sheegeen in la arkay qaybo ka mid ah jirkii qofkaas, balse waxa uu xusay in dawladda hoose ee Hargeysa ay markii dambe ka hawlgashay oo nadiifisay. Qaar kamid ah Culumida Somaliland ayaa maanta oo jamce ah masaajidda Hargeysa ka sheegay in aysan bannaanayn in la gubo meyd. PUNTLAND POST The post Somaliland oo hadashay meyd lagu gubay Hargeysa appeared first on Puntland Post.
  21. Wafdi ka socday dowlad deegaanka Soomaalida ayaa ku baxay dagaal dhowaan ka dhacay deegaan ku yaallo xadka gobolka Hiiraan uu la wadaago dowlad deegaanka. Wafdigaan ayaa waxaa ka mid ahaa mas’uuliyiin ka tirsan nabadgalyada iyo cadaaladda dowlad deegaanka, waxaa hoggaaminaya guddoomiyaha hoggaanka Dr Xuseen Xaashi, iyada oo deegaanka siweyn loogu soo dhaweeyay. Wafdigaan ayaa dabajoogay dagaal ka dhacay deegaanka Abaaley oo hoos yimaado deegaanka Feerfeer, kaas oo ay ku dhinteen dad gaarayo ilaa lixruux, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tirio kale. Xaalada degaanka Abaaleey oo ka tirsan degmada feerfeer ayaa degan, waxaana lagu wadaa sida wararka lagu helaayo la in Madaxweynaha dowlad degaanka Mustafe Cagjar uu halkaasi tegi doono. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Riyadh (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Sacuudiga Maxamed Al-Jaddaan ayaa shaaca ka qaaday in dowladdiisu ay soo amaahan doonto 58 billion oo dollar sanadkan. Ku dhawaaqistu waxay tooshka ku shiday deyn codsiga sii badanaya ee dalka iyo su’aalo ku saabsan xaaladda dhaqaale ee xukuumadda Riyadh, gaar ahaan markii Boqortooyadda lagu tilmaamay mid ka mid ah dalalka caalamka ee lagu leeyahay deynta ugu yar. Sacuudigu waa dalka ugu dhaqaalaha badan dunida carbeed, waana dalka keliya ee carbeed ee ka tirsan G20, waxaa intaas dheer in uu yahay dalka dhoofiya saliidda ugu badan ee caalamka. Saameynta Gobolka Barwaaqadda dhaqaale ee Boqortooyadda ayaa soo jiidatay shaqaale shisheeye si ay ugu shaqeeyaan shirkadaha Sacuudiga iyo hey’adaha dowladda. Dhaqaale bur-burka ku yimaada Boqortooyada waxaa uu saameyn doonaa gobolka oo dhan. Xilligan oo lagu jiro xasarado dhaqaale oo caalami ah, kuwaas oo uu sababay cudurka Coronavirus, ayuu Sacuudigu wajahay hoos u dhac weyn oo qiimaha saliidda ah iyo booqashooyinkii diimeed ee Makka iyo Madiina oo istaagay, malaayiin qof ayaa awoodi waayay in ay Sacuudiga u safraan sanadkaan si ay gutaan cibaado diini ah. Xitaa ka hor inta aysan xasaraduhu soo ifbixin bilihii u dambeeyay, Bangiga Aduunka ayaa muujiyay in deynta dibadda looga leeyahay Sacuudiga ay ahayd $183 billion 2019-kii, taasi oo $151 billion ahayd sanadkii 2018-kii. Tiradaas waxay kordhi doontaa sanadkaan. Tiradaasi waxay ahaan doontaa mid aan muuqan haddii aan la bar-bardhigin xilliyadii lasoo dhaafay. Tirada ku kordheysa deynta ayaa ka muhiimsan wadarta guud. Deynta cirka isku-shareertay Deynta dalka dibadda looga leeyahay ayaa cirka isku shareertay shantii sano ee lasoo dhaafay, dhamaadka sanadkii 2014-kii, billo yar ka hor inta uusan billaaban dagaalka Yemen, waxay deyntu ka yareyd 12 billion, taasi oo muujineysa in kororku uu kor u kacay in ka badan 1500 boqolkiiba shanti sano ee lasoo dhaafay. Muddo shan sano ah, keydka lacagta ayaa hoos u dhacay. Warbixino ka yimid maamulka lacagta ayaa muujinaya in hantida kaydka ah ee wadanka lagu qiyaasay $732 billion dhamaadka sanadkii 2014-kii, laakiin waxaa ay hoos u dhacday $449 billion dhamaadka sanadkii 2019-kii. Waxaa kharash isu bedelay $233 billion muddo shan sano ah. Tirooyinkaasi waxay muujinayaan in shantii sano ee lasoo dhaafay, Sacuudigu uu dibadda ka soo deynsanayay tobanaan billion dollar, sidoo kale waxay tiro lamid ah kala baxaysay hantida kaydka ah. Dhamaan tirooyinkaasi waxay dib ugu laabanayaan dabayaaqada sanadkii 2019-kii, waa ka hor inta uusan hoos u dhicin qiimaha shidaalka iyo inta uusan dillaacin Coronavirus iyo weliba hoos u dhaca ku yimid ganacsiga iyo isu socodka dunida. Hadaba, halkey lacagtaas oo dhan ka baxday? Dagaallada qarsoon Inkasta oo aysan caddeyn meesha saxda ah ee lacagtaas oo dhan lagu agaasimay, isbedelka deg-degga ah waxaa uu dhacay markii la bilaabay dagaalka Yemen sanadkii 2015-kii. Colaadaha kale ee Liibiya iyo Siiriya ayaa sidoo kale ahaa aag dagaal ee qarsoon, oo ay gacanta kula jireen dhowr dal oo Khaliijka ku taalla. Xukuumadda Riyadh waxay dhowaan ku dhawaaqday gunti-isku-giijis dhaqaale oo ay ku jirto 8 billion oo dowladdu ay ka jareyso hiigsigeeda isbedelka ee 2030-ka, kaasi oo muhiimad u leh dhaxal suge Maxamed bin Salmaan.
  23. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa markii u horeysay si rasmiya uga hadashay xariga muwaadin reer Somaliland ah oo loo dhiibay dowladda Jabuuti, isla markaana u xiran muddo ku dhow 7-sanno. Cabdillaahi Sheekh Cabdiraxmaan Ibraahim oo ah muwaadinka loo gacan galiyay Jabuuti, ayaa waxa qorshaha dhiibistiisa fuliyay xubno ka tirsanaa xukuumadii hore ee Axmed Siilaanyo. Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi ayaa sheegay inuu arrinka Cabdillaahi Sheekh kala hadlay madaxweynaha Jabuuti, xili uu dalkaasi u tagay wada-hadaladii madhaleyska noqday ee Soomaaliya iyo Somaliland. Madaxweyne Biixi ayaa xusay in ninkaasi ay dowladda Jabuuti u haysato falal la xiriira Argagixiso, balse xiligan dib loo eegi doono kiiskiisa, maadama uu tirsanayo in si cadaalo daro ah loo xukumay. “Waxa jira Nin Muwaadin ah oo reer Somaliland ah oo 7 sano Jabuuti ku xidhnaa oo falal Argagixiso u xidhnaa oo tirsanaya in Caddaalad-darro lagu xukumay oo aanu tiisii helin” ayuu yiri Madaxweynuhu. Wuxuuna intaas kusii daray “Waanu kala hadalnay Dawladda Jabuuti, faylkiisa dib loo furayaa. Iisha Allaah isaguna natiijo wanaagsan ayuu ku gaadhi doonaa”. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Cabdillaahi Sheekh ayaa kamid ahaa rag ay xukuumadii hore ee Axmed Siilaanyo usoo qab-qabatay qarax ka dhacay caasimada dalka Jabuuti, xili ay isaga oo kaliya ay u dhiibtay dowladda Jabuuti. Mana jirto meel si cad loogu soo bandhigay kiiska Cabdillaahi ee muddo ku siman 7-sanno ka hor loo gacan galiyay dowladda Jabuuti, iyada oo aan warbaahinta loo soo bandhigin xarigiisa iyo eedeymaha loo haysto oo aan ka aheyn falalka argagixiso ee loo dhiibay.
  24. Wasiirka Wasaarada Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta kormeeray xarumaha CiIdamada Ammaanka heer fadaraal iyo heer dowlad Gobaleed ee ku yaala dagmada hobyo ee gobalka Mudug halkaas oo haatan ay ku sugan yihiin Madax kala duwan oo isugu jiro heer fadaraal iyo heer dowlad Gobaleed kuwaas oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye , Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) iyo Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha shacabka Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad. Kormeerka wasiirka ayaa ahaa mid uu ugu kuurgalayay sida ay usocoto shaqada CiIdamada amniga qaranka iyo kuwa dowlad gobaleedka ee la xariirta sugida iyo adkeynta amniga dagmada hobyo iyo deegaanada hoostaga xiligaan ay ka wadaan. Wasiirka ayaa intii uu kormeerkiisa ku guda jiray booqday xarumaha ciidanka booliiska iyo kuwa CiIdamada badda ee ay ku leeyihiin dagmada Isagoona warbixino ku aadan qorshaha sugida amniga ka dhageystay saraakiisha CiIdamada uu xaruumahooda kormeerka ku tagay Axmed Macalin Fiqi wasiirka Amniga Galmudug ayaa bogaadiyay sida ay u shaqeeynayaan CiIdamada Amniga waxaana uu sheegay in Galmudug xiligaan ay ka go’an tahay sugida iyo adkeynta Amniga guud ee deegaanada Galmudug iyo sidoo kale in Al shabaab mustaqbalka laga xoreeyn doono deegaanada Fara ku tiriskaa ee ay kaga sugan yihiin Galmudug ayuuri wasiirka, Kormeerka xarumahaan ayaa qeyb ka ah qorshayaasha wasaarada amniga Galmudug iyo ku dar dar galineyso la dagaalanka kooxda caadeeystay dhiiga shacab ee Al shabaab iyo sugida Amniga guud ee Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com