Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,126
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya waxaa laga doonayaa inay caddeyso milkiyadda diyaaradaha qumaatiga u kaca ee ciidamada qaranka, maadaama ay shacabka soo gaareen xogo shaki geliyey oo muujinaya in shirkado gaar ah wax ku leeyihiin. Sarkaal ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in qaar kamid ah diyaaradaha qumaatiga u kaca (helicopters) ee loo adeegsado howlaha ciidanka xoogga dalka laga kireysto shirkado loo leeyahay. Sidoo kale sarkaal ka tirsan SoDMA ayaa noo sheegay in ay laga kireeyo diyaaradaha ay u isticmaalayaan gaarsiinta gargaarka deegaanada fog ee garoomada diyaaradaha aan laheyn. Sarkaalka SoDMA ka tirsan wuxuu intaas ku daray in lacagta lagu kireeyo diyaaradaha ay ku dhacdo Shirkado gaar loo leeyahay iyo shaqsiyaad. Xogahaan is biirsaday waxay dhaliyeen su’aalo ku saabsan cidda dhabta ah ee iska leh diyaaradahaasi. Sawir dhawaan laga qaaday mid kamid ah diyaaradahaas ayaa muujiyay calaamadda diiwaangelinta 6O-AAG, taas oo caddeyneysa in diyaaraddaas ay ka diiwaan gashan tahay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed. Waxaa sidoo kale maalin ka hor la arkay diyaarado duulaya oo ay wadaan shaqaale rayid ah, kuwaas oo ka qeyb qaatay dabaal-degga munaasabadii 1-da Luulyo oo diyaaradaha qaar ay hawada Muqdisho ka sameeyeen dhoollatus militari. Telefishinka Qaranka oo weriyaal u diray garoonka diyaaradaha qeybtii ay ka soo duulayeen diyaaradahaas ayaa soo duubay dhallinyaro rayid ah oo diyaaradaha militariga duulinaya, taasi oo dhalisay su’aalo ka keenay nooca xiriirka u dhexeeya dowladda iyo diyaaradahaas. Arrintani waxay banaanka keentay walaac ah in qaar kamid ah diyaaradaha loo maleynayo inay ciidan yihiin ay dhab ahaantii yihiin kuwo gaar loo leeyahay, taas oo xoojinaysa baahida loo qabo caddeyn rasmi ah oo dowladda kasoo baxda. Waxaa lama huraan ah in dowladda Soomaaliya ay si cad oo rasmi ah u qeexdo milkiyadda diyaaradahaas, in ay si buuxda uga tirsan yihiin ciidamada qalabka sida, in ay yihiin kuwo gaar loo leeyahay, balse kireysan iyo in ay jiraan heshiisyo wadaag ah oo u dhexeeya dowladda iyo shirkado gaar ah. Caddeynta arrintan waxay muhiim u tahay hufnaanta maamulka, ilaalinta kalsoonida shacabka iyo badbaadinta sumcadda hay’adaha amniga ee dalka. Horay saraakiisha dowladu waxa ay u sheegeen in diyaaradahaan lagu soo iibiyay dhulkii dowladu iibsatay, balse hadda waxaa soo baxaya tuhin hareeyey cidda leh diyaaradaha qaar.
  2. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/07/VID-20250702-WA0006.mp4 Qaran News
  3. Ankara (Caasimada Online) – Markabka sahminta shidaalka ee Oruc Reis ayaa dib ugu laabtay dalka Turkiga, kadib markii uu dhameystay hawlgallo sahamin ah oo uu ka sameeyay qaybo ka mid ah xeebaha Soomaaliya. Markabka iyo shaqaalihii saarnaa ayaa si nabad ah ugu laabtay dalkooda. Markabkan ayaa 15-kii Juun laga sagootiyay xeebaha Muqdisho, waxaana halkaas ku sii sagootiyay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya. Intii uu ku sugnaa badda Soomaaliya, wuxuu sahamin ka sameeyay saddex goobood oo biyo ah, kuwaas oo dhuleed ahaan lagu qiyaasay 4,000 oo kiiloomitir oo laba jibbaaran. Baaritaankaa iyo sahminta shidaalka ayaa ahaa mid socday 234 cisho iyadoo Shirkadda Turkish Petroleum ka ururisay xog badan oo ku saabsan xeebaha Soomaaliya xog shidaal kuwaas oo la darsi doono si loo ogaado celesha iyo tirada shidaal ee ku jira goobihii sahminta lagu sameeyay. Hawl-galkan uu markabku fuliyay wuxuu qayb ka ahaa heshiiska iskaashi ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo diiradda lagu saaray sahminta iyo soo saarista kheyraadka shidaalka. Waxaa hadda la filayaa in la bilaabo falanqaynta xogta uu markabku soo ururiyay, taas oo lagu ogaan doono xogta shidaalka ee ku jirta badda Soomaaliya. Natiijooyinka sahanka rasmiga ah ayaa la rajeynayaa in lagu dhawaaqo muddo bil ilaa laba bilood gudahood ah. Natiijada baaristan ayaa la filayaa inay wax weyn ka beddesho xaaladda Soomaaliya iyo xiriirka iskaashiga Turkiga, iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tilmaamay “guul taariikhi ah.” “Tani waa guul muhiim ah oo xoojinaysa yoolkeenna ah in Soomaaliya ay si buuxda uga faa’iideysato kheyraadkeeda, una beddesho fursado dhaqaale iyo horumar bulsho,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in khayraadka looga faa’iidaysan doono si hufan, cadaalad ah, waxtarna u leh koboca dhaqaalaha dalka iyo bararaha nololeed ee shacabka Soomaaliyeed. Tan ayaa qayb ka ah dadaalka dowladda ee lagu kobcinayo dhaqaalaha dalka, iyadoo loo marayo ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah ee hodanka ay ku tahay Soomaaliya, kuwaas oo dabooli kara duruufaha ka jira dalka.
  4. Waftigii uu hogaaminaayay madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa goordhawayd dalka dib ugu soo laabtay. Madaxweynaha iyonwaftigiisa ayaa Afartii maalmood ee ugu danbeeyay booqasho rasmi aha ku joogay dalka Qatar oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay. Safarkani ayaa guul ku soo dhamaaday sida ay sheegtay xukuumadda Somaliland Qaran News
  5. Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Kalluumeysiga Puntland, Cabdirisaaq Cabdullaahi Xagaa ayaa lagu eedeeyay inuu si hoose ula shaqeeyo kooxda Daacish. Eedeyntan ayaa waxaa jeediyay Agaasimihii hore ee Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland, Sharmaake Yaasiin Beeldaaje. Sharmaake oo haatan dalka dibaddiisa ku maqan ayaa soo bandhigin wax caddeyn ah oo la xiriirta eedeynta uu u jeediyay Wasiirka Kalluumeysiga Puntland. Sidoo kale wuxuu beeniyay in uu lacag ka lunsaday wasaaradda, taas oo uu hore ugu eedeeyay wasiirka, “Ma jirto cid caddeyn u keeni karta” ayuu yiri isagoo sheegay in aysan jirin wax lacag ah oo uu ka lunsaday wasaaradda “Majirto meel aan lacag ku dhacay iyo cid caddayn karta, waa been abuur iyo waxba kama jiraan, Wasiir Xagaa weligiis buu dadka aflagaadeyn jiray tana lagaga hari maayo oo caddaynteeda looga baahan yahay’” ayuu yiri Sharmaake Beeldaaje. Wasiirka Kalluumaysiga Puntland oo maalin ka hortagay golaha wakiilada Puntland ayaa shaaca ka qaaday in dhaqaale tiro badan oo shirkado kaluumaysi laga qaaday ay maqan tahay. Wasiirku wuxuu sheegay in lacagtaas oo aad u tiro badan uu lunsaday Agaasimihii hore ee wasaarada Sharmaarke Beeldaaje. Dhaqaalahan ayaa yimid dad doonayay shatiyo iyo adeegyo dowladeed. Arrintan ayaa muujinaysa heerka musuqmaasuqa ee ka jira hay’adaha maamulka Puntland, taasoo ay dhiirigelinayso isla-xisaabtan la’aanta ka dhex jirta maamulka.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Banaanbax xooggan ayaa ka socda magaalada Muqdisho, kaasi oo ay dhigayaan dhalinyarada ku shaqeysata Mootada Fekon-ta. Dhalinyaradan ayaa ka cabanaya lacago xad dhaaf ah oo ay sheegeen in laga qaado iyo jirdil ay sheegeen in ciidamada ammaanku kula kacaan. Cabashadooda ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah in laga xirtay wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho. Dhalinyaradan ayaa xirtay wadada KM4, waxaana gebi ahaanba hakad galay isku socodka gaadiidka, iyadoo halkaasi gaareen ciidamo ka tirsan laamaha ammaanka oo isku dayaya inay kala eryaan banaanbaxayaasha. Ciidanka ayaa adeegsanaya rasaas iyo awood ciidan si ay u kala eryaan dhalinyarada banaanbaxa dhigeyso, kuwaasi oo cabasho ka ah dowladda. Qaar ka mid ah dhalinyarada dhigaya banaanbaxa oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ka shaqeysan la’ yihiin ciidamada dowladda, ayna ku hayaan dhibaatooyin hor leh. “Waxaan ka shaqeysan la’ nahay ciidamada oo na dhibaateeya, waxayna naga qaadaan lacag xoog ah, mid naga mid ahna maanta waa la dhaawacay,” ayuu yiri mid kamid ah dhalinyarada banaanbaxaya. Dhalinyaradan ayaa dalbaday in laga dulqaado culeyska la saaray, maadaama ay yihiin muwaadiniin canshuur bixiyayaal. Illaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda federaalka iyo laamaha amniga oo la xiriira banaanbaxan. Hoos ka daawo muuqaalka
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hirgelisay nidaam cusub oo ku shaqeeya hab biometric ah, si kor loogu qaado amniga xuduudaha dalka, loogana hortago tahriibka iyo socdaalka aan sharciyeysneyn. Ujeeddada nidaamkan ayaa ah in wax looga qabto halisaha amni ee gudaha iyo kuwa dibadda, iyadoo la adeegsanayo farsamooyin casri ah. Nidaamkan waxaa gacan ka geysatay Dowladda Mareykanka. Hirgelinta nidaamkan ayaa timid kadib tababar socday afar maalmood oo lagu qabtay magaalada Muqdisho. Tababarkaasi waxaa saraakiisha socdaalka Soomaaliyeed lagu baray isticmaalka nidaamka PISCES – oo ah barnaamij biometric ah oo ay horumarisay Dowladda Mareykanka, laguna adeegsado garoomada iyo meelaha kale ee laga soo galo dalka. Qaabkan cusub wuxuu awood u siinayaa saraakiisha socdaalka in ay si toos ah uga raad raacaan liisaska digniinta ee caalamiga ah, ogaadaan dukumentiyada been-abuurka ah, islamarkaana ula socdaan dhaq-dhaqaaqa dadka lala xiriirinayo khataraha amni. Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mustaf Dhuxullow, ayaa tilmaamay in nidaamkan uusan ahayn keliya horumar dhanka tiknoolajiyadda ah, balse uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu ilaalinayo shacabka lana dhisayo kalsooni. Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa fududeysay tababarka, iyadoo si dhow ula shaqeysay hay’adda socdaalka Soomaaliya iyo hay’adaha amniga Mareykanka, si loo xaqiijiyo hirgelinta guuleysata ee nidaamyadan cusub. Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale shaacisay baasaboorka cusub ee jiilka saddexaad oo leh chip biometric ah iyo nidaam difaac adag, si looga hortago wax isdabamarin iyo in uu waafaqo heerarka caalamiga ah. So kastaba, arrintan ayaa waxay xoojin doontaa sugnaanta aqoonsiyada muwaadiniinta iyo la-dagaallanka dambiyada sharci darrada ah.
  8. A helicopter used by an African Union peacekeeping mission has crashed at the international airport in the Somali capital, Mogadishu, killing at least three people, authorities said. Source: Hiiraan Online
  9. Geneva (Caasimada Online) – Khabiir ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa warbixin ku magacawday in ka badan 60 shirkadood, oo ay ku jiraan shirkado waaweyn oo sameeya hubka iyo kuwa teknoolajiyadda, iyadoo ku eedaysay inay ku lug leeyihiin taageeridda deegaameynta Israa’iil iyo hawlgallada militari ee ka socda Gaza, kuwaasoo ay ku tilmaantay “ol’ole xasuuq ah.” Francesca Albanese, oo ah qareenad u dhalatay Talyaaniga kuna takhasustay xuquuqda aadanaha, ahna Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Dhulka Falastiin ee la haysto, ayaa warbixintan ku soo ururisay xog ay ka heshay in ka badan 200 oo dhinac oo isugu jira dawlado, u doodayaal xuquuqda aadanaha, shirkado, iyo aqoonyahanno. Warbixinta, oo la daabacay Isniintii xilli dambe, ayaa ku baaqaysa in shirkaduhu ay joojiyaan la macaamilka Israa’iil iyo in lala xisaabtamo madaxda shirkadahaas ee ku lugta leh ku xadgudubka sharciga caalamiga ah ee lagu eedeeyay. “Xilli nolosha Gaza la baabi’inayo, Daanta Galbeedna ay wajahayso duullaan sii kordhaya, warbixintani waxay muujinaysaa sababta uu xasuuqa Israa’iil u socdo: waayo waa mid faa’iido u ah dhinacyo badan,” ayay Albanese ku qortay dokumentiga ka kooban 27-ka bog. Waxay ku eedaysay shirkadaha inay “dhaqaale ahaan ku xiran yihiin midab-takoorka iyo militariyadnimada Israa’iil.” Xafiiska wakiilka Israa’iil ee Geneva ayaa sheegay in warbixintu ay tahay “mid aan saldhig sharci lahayn, sumcad-dil ah, oo si bareer ah loogu takri-falay xafiiskeeda.” Xafiiska ra’iisul wasaaraha Israa’iil iyo wasaaradda arrimaha dibadda ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsiyo loo diray oo ku saabsanaa arrintan. Dhanka kale, wakiilka Mareykanka ee Qaramada Midoobay ee New York ayaa ugu baaqay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, inuu cambaareeyo Albanese oo uu dalbado in xilka laga qaado, isagoo intaa ku daray “in tallaabo la’aanta ilaa hadda ay awood u siisay Ms. Albanese inay sii waddo ol’oleheeda dagaalka dhaqaale ee ka dhanka ah shirkadaha caalamka oo dhan.” Israa’iil ayaa iska diiday eedeymaha xasuuqa ee Gaza, iyadoo ku andacoonaysa inay xaq u leedahay is-difaacid ka dib weerarkii Xamaas ee Oktoobar 7, 2023, kaasoo lagu dilay 1,200 oo qof, isla markaana lagu afduubtay 251 qof, sida ay sheegeen tirokoobyada Israa’iil. Weerarada ka dhashay ee Gaza ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 56,000 oo qof, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza, wuxuuna dhulkaas u rogay burbur. Shirkadaha hubka ee warbixinta lagu xusay Warbixintu waxay shirkadaha ugu kala saartay qaybo, sida kuwa militari ama teknoolajiyadda, mar walbana si cad uma sheegayso inay la xiriiraan deegaannada sharci-darrada ah ama ol’olaha Gaza. Waxaa lagu sheegay in qiyaastii 15 shirkadood ay si toos ah uga jawaabeen xafiiska Albanese, laakiin jawaabahooda lama daabicin. Warbixintu waxay magacawday shirkado hubka sameeya sida Lockheed Martin iyo Leonardo, iyadoo ku eedaysay in hubkooda loo adeegsaday Gaza. Waxay sidoo kale liiska ku dartay shirkadaha qalabka culus keena sida Caterpillar Inc iyo HD Hyundai iyadoo sheegtay in qalabkoodu uu gacan ka geystay burburinta hantida dhulka Falastiiniyiinta. “Iibka hubka ee dibadda waa macaamil dhexmara dawladaha. Doodaha ku saabsan iibkaas waxaa ugu habboon inay ka jawaabto dawladda Mareykanka,” ayuu yiri afhayeen u hadlay shirkadda Lockheed Martin. Midkoodna shirkadaha kale si degdeg ah ugama jawaabin codsiyada faallo-bixinta ee ay u dirtay wakaaladda wararka ee Reuters. Shirkadda Caterpillar ayaa hore u sheegtay inay filayso in qalabkeeda loo isticmaalo si waafaqsan sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada. Shirkadaha waaweyn ee teknoolajiyadda sida Alphabet ama Google, Amazon, Microsoft, iyo IBM ayaa lagu magacaabay inay “udub-dhexaad u yihiin qalabka basaasnimada Israa’iil iyo burburka ka socda Gaza.” Shirkadda Alphabet ayaa hore u difaacday qandaraaskeeda adeegyada cloud services ee qiimihiisu yahay $1.2 bilyan oo ay la gashay dawladda Israa’iil, iyadoo sheegtay inaan loogu talagalin hawlgallo militari ama sirdoon. Shirkadda Palantir Technologies ayaa sidoo kale lagu xusay inay ciidanka Israa’iil siisay agab sirdoonka macmalka ah (AI tools), inkastoo aan la faahfaahin sida loo adeegsaday. Warbixintan ayaa sii ballaarinaysa keyd-xogeed hore oo ay Qaramada Midoobay ka diyaarisay shirkadaha lala xiriiriyo deegaannada Israa’iil, kaasoo markii ugu dambaysay la cusboonaysiiyay Juun 2023, iyadoo ku soo kordhisay shirkado cusub ayna faahfaahinayso xiriirka lagu eedeeyay ee ay la leeyihiin colaadda Gaza ka socota. Warbixinta ayaa la horgeyn doonaa Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay (U.N. Human Rights Council), oo ka kooban 47 xubnood, maalinta Khamiista. Inkastoo Goluhu aanu lahayn awood sharci oo qasab ah, haddana kiisaska ay diiwaangeliyaan baaritaannada Qaramada Midoobay waxay mararka qaar saldhig u noqdeen dacwado caalami ah. Israa’iil iyo Maraykanka ayaa isaga baxay Golaha horaantii sanadkan, iyagoo ku sababeeyay eex ka dhan ah Israa’iil. Liiska shirkadaha waxaa ka mid ah: Heavy Machinery / Infrastructure Caterpillar (USA), Leonardo-owned Rada Electronic Industries (Israel/Italy), HD Hyundai (South Korea), Volvo Group (Sweden) Rental / Tourism Platforms Booking.com (Netherlands), Airbnb (USA) Energy / Commodities Drummond Company (USA), Glencore (Switzerland) Agriculture / Food Bright Dairy & Food (China), Tnuva (Israel), Netafim (Israel), Orbia Advance Corporation (Mexico) Banking / Finance BNP Paribas (France), Barclays (UK) Investment Firms BlackRock (USA), Vanguard (USA) Oil & Gas Chevron (USA) Arms Manufacturers / Military Tech Lockheed Martin (USA), Leonardo S.p.A (Italy), FANUC Corporation (Japan), Elbit Systems (Israel) Technology Companies Microsoft (USA), Alphabet (USA), Amazon (USA), IBM (USA), Palantir Technologies (USA) Insurance Companies Allianz (Germany), AXA (France)
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka, Axmed Macallin oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa warbixiyay diyaaradda milatari ee maanta ku burburtay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho. Axmed Macallin ayaa xaqiijiyay in diyaaradda oo aheyd Helicopter ay lahaayeen ciidamada howlgalka AUSSOM, isla markaana ay kasoo kacday garoonka Ballidoogle ee gobolka Shabeellaha Hoose. Maareeyaha ayaa xusay in cilad ay ku timid diyaaradda, kadib markii ay dul timid garoonka ay kusoo dhacday qaybta xigta Afisyoone, halkaas oo ay gebi ahaan ku gubatay. “Saaka aroortii diyuurado normali kusoo kici jiray, si caadiyan ah kasoo bixi jiray garoonka Ballidoogle oo imaan jiray magaalada Muqdisho diyaaradahaas oo ay lahaayeen ciidamada Howlgalka AUSSOM markii ay diyaaradda timaaday garoonka Muqdisho dushiisa ayaa wax ku dhacayba kolley baaritaanka ayaa sheegi doona ku dhacday qaybta Afisyoone ee garoonka Aadan Cadde Sidoo kale wuxuu tilmaamay in diyaaradda ay la socdeen illaa 8 qof, welina aynan ogeyn xaaladdooda, maadaana weli uu socda gurmadka iyo damninta dabka ka dhashay burburka diyaaradda. “Illaa iyo hadda macluumaadka aan hayno, maadaama ay wei arrintu socoto oo qolada dab damiska la tacaalayaan. Sideed qof ayaa diyaaradda saarnaa,mana ogin illaa iyo hadda in ay badbaadeen iyo in waxyeelo gaarto, laakiin dib ayaan ka ogaan doonaa” ayuu raaciyay. Axmed Macallin oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in qaybta ay kusoo dhacday diyaaradda ay xireen maadaama uu burburka saameeyay, laakiin shaqadii kale ay garoonka ay socoto, diyaaradana ay soo dageen iyo kuwa kalen ay haatan ka duuleen Aadan Cadde. Dhacdadan ayaa si weyn u tabisay warbaahinta, iyada oo baraha bulshada sidoo kale lagu faafiyay burburka diyaaradda uuro ka dhalatay dabka oo qabsatay hawada garoonka. Shilkan waxaa ka horreeyay mid kale oo horraantii bishii April ee sanadkan ka dhacay garoonka Muqdisho, kadib markii diyaarad nooceedu ahaa De Havilland Dash 8 (DH8D) ay shil ku gashay Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde, waxaana ku timid cilad farsamo. Ma jirin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay shilkaasi, marka laga reebo burburka soo gaaray diyaaradda, sida ay horay u shaacisay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed. Si kastaba ha’ahaatee, Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ayaa ah garoonka ugu mashquulka badan Soomaaliya, waxaana inta badan laga fuliyaa howlaha gargaarka iyo socdaallada diblomaasiyadeed ee gobolka Geeska Afrika.
  11. Saaka abaare 7:30 subaxnimo, diyaarad ay leeyihiin Midowga Afrika oo ay wadeen ciidamada Uganda (UPDF) ayaa si degdeg ah ugu dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho. Diyaaraddu waxay kasoo duushay saldhigga milatari ee Baledogle gobolka Shabeellaha Hoose. Diyaaradda waxaa saarnaa 8 qof, Waxaa ka badbaaday Saddex qof oo kaliyah oo hadda lagu dabiibaayo isbitaal ku yaalla Xalane. Waxaa socda hawlgallo lagu baadi-goobayo dadka kale ee saarnaa diyaaradda kuwaasoo ku dhex gubtay Diyaaradda. Hay’adaha duulista hawada ayaa bilaabay baaritaan rasmi ah si loo ogaado sababta keentay shilka. Source: goobjoog.com
  12. Abdiqani Hirad, the Finance Minister of SSCK. Laascaanood (PP News Desk) — The Finance Ministry of the Federal Government of Somalia has granted the Finance Ministry of the Sool, Sanaag, Cayn and Khatumo (SSCK) Administration membership in the Intergovernmental Fiscal Federalism (IGFF) Technical Committee. This membership status obliges the new administration to harmonise its public finance procedures with those of other Federal Member States. “This development aligns with the Intergovernmental Relations Act of 2012 in Somalia, which mandates technical committees to facilitate fiscal co-operation, potentially boosting SSC-Khatumo’s economic autonomy,” tweeted Abdiqani Hirad, the Finance Minister of SSCK. Fiscal federalism is a key pillar of state-building initiatives in the Federal Republic of Somalia and is supported by the World Bank. Federal Member States have an obligation under the IGFF to implement transparent public finance processes. Disclosure of revenue streams and reliable audits of public finances by Federal Member States constitutes an important part of fiscal federalism in Somalia. © Puntland Post, 2025 The post SSCK Becomes Intergovernmental Fiscal Federalism (IGFF) Technical Committee Member appeared first on Puntland Post.
  13. Sharma’arke Beeldaaje Agaasimihii wasaaradda Kalluumeysiga Puntland, Sharma’arke Yaasiin Beeldaaje oo dalka dibaddiisa ku maqan ayaa beeniyay in uu lacag ka lunsaday wasaaraddaas, oo aysan jirin cid caddayn u keeni karta eedeynta loo jeediyay. Sharma’arke Beeldaaje oo ka jawaabayay eedeyntaasi oo uga timid wasiirka Kalluumeysiga Puntland, Cabdirisaaq Cabdullaahi Xagaa, ayaa sheegay in aysan jirin wax lacag ah oo uu ka lunsaday wasaaradda, islamarkaana lagu been-abuurtay. “Majirto meel aan lacag ku dhacay iyo cid caddayn karta, waa been abuur iyo waxba kama jiraan, Wasiir Xagaa weligiis buu dadka aflagaadeyn jiray tana lagaga hari maayo oo caddaynteeda looga baahan yahay ” ayuu yiri Sharma’arke Beeldaaje Yaasiin oo beeniyay warka ku saabsan in uu lacag ka dhacay wasaaradda Kalluumeysiga Puntland. Dhinaca kale, Sharma’arke Beeldaaje Yaasiin waxa uu wasiir Xagaa ku eedeeyay in uu xiriir hoose la lee yahay kooxda argagixisada ah ee Daacish, inkastoo aanu soo bandhigin wax caddayn ah oo muujinaya run ahaanshaha warkiisa, marka laga reebo eedeyn uun. PUNTLAND POST The post Sharma’arke Beeldaaje: Wasiirka Kalluumeysiga Puntland wuxu xiriir hoose la lee yahay Daacish appeared first on Puntland Post.
  14. Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay shil diyaaradeed oo saacado ka hor dhacay gudaha xayndhaabka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, gaar ahaan qeybta ay degganyihiin ciidamada Midowga Afrika ee AUSSOM. Maareeyaha hay’adda duulista rayidka ah ee Soomaaliya Axmed Macallin Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in diyaaradda oo ahayd nooca qumaatiga u kaca, islamarkaana ay lahaayeen ciidanka AUSSOM ay so subaxnimadii saaka ka soo duushay garoonka militariga ee ballidoogle. Meereeyuhu wuxuu sheegay in shilku aanu wax khasaare nafeed sababin, dhammaan dadkii saarnaa diyaaradda oo sideed ruux ka koobnaana ay bedqabaa, wuxuuna intaa ku daray inuu socdo baaritaan ku aaddan waxa dhaliyay shilka. Si kastaba ha ahaatee Shilku wuxuu sababay in la xiro qeybo kamid ah garoonka, sida uu sheegay maareeye Axmed Macallin, balse ma jiro war rasmi ah oo ciidamada AUSSOM ay dhacdadan ka soo saareen. Source: goobjoog.com
  15. Somalia’s Immigration staff pose with Director General Mustafa Duhulow after completion of the new screening training/HANDOUT Somalia has officially rolled out a new biometric border security system, backed by the United States, to fight human trafficking, curb illegal migration, and strengthen national and global security. The launch followed a four-day training in Mogadishu where US experts trained Somali immigration officers on using the Personal Identification Secure Comparison and Evaluation System (PISCES), a US-developed biometric platform used at major entry points. This system allows Somali authorities to screen travellers in real time against global watchlists, detect identity fraud, and track suspicious movement. “This is not just about adopting technology — it’s about protecting our people and restoring trust,” said Mustafa Duhulow, Director General of Somalia’s Immigration and Citizenship Agency. The training was facilitated by the US Embassy in Somalia. In addition to PISCES, Somalia has introduced a new third-generation e-passport embedded with biometric chips and strong anti-forgery features, meeting international standards. The upgrade provides Somali citizens with secure identification and limits misuse by criminal networks. A new digital e-Visa platform is also now live, allowing foreign visitors to apply online. The system aims to cut visa fraud and streamline entry procedures. Somalia’s Immigration team is appraised on use of the new screening system that aims to detect identity fraud and track suspicious travel patters/HANDOUT The US Embassy in Mogadishu worked closely with Somalia’s immigration agency and American security bodies to ensure successful deployment of these systems. “These systems save lives, stop crimes, and build trust in institutions,” said a US Embassy official. This initiative signals a deeper US-Somalia partnership that extends beyond defence to civilian infrastructure. It is also part of Somalia’s broader plan to digitise public services and strengthen governance. With its location at the Horn of Africa, Somalia has long battled porous borders exploited by traffickers and terrorists. The adoption of advanced biometric and digital tools marks a significant shift in border control and security efforts. Somalia is also expanding cooperation with global bodies such as INTERPOL, with a recent agreement to integrate watchlist data and improve intelligence sharing across borders. Source: star.co.ke The post Somalia launches biometric border system to tackle trafficking, terrorism appeared first on Puntland Post.
  16. Mogadishu (HOL) — A military helicopter crashed and burst into flames at Mogadishu’s Aden Adde International Airport on Tuesday, according to two airport staff who witnessed the incident. Source: Hiiraan Online
  17. Afhayeenka hawlgalka Calmiskaad S/guuto Maxamuud Maxamed Axmed (Faadhigo) oo waraysi bixiyay ayaa faahfaahiyay hawlgal qorshaysan oo ciidamada difaaca Puntland ka fuliyeen degaanka Walinsoor ee buuraha Calmiskaad kaasi oo lagu diley firxad ka tirsan mileeshiyaadka Daacish. “Daacish waxay waayadaan bilaabeen inay galaan godadka si ay uga nabadgalaan ciidanka dhulka iyo diyaaradaha dagaalka ee cirka ka beegsanaya, iyagoo doonaya inay ka nabad galaan ciidanka difaaca dowladda Puntland maadaama aysan iska celin karin, ciidanka oo ku taagan raadkooda ayaa ku helay deegaanka Walinsoor ee aagga Camayra, dagaal ayaa ka dhacay rag badan ayaana looga laayey goobtaasi” ayuu yiri Afhayeen Faadhigo. Afhayeenka hawlgalka Calmiskaad u qaabilsan ciidamada difaaca Puntland S/guuto Maxamuud Maxamed Faadhigo ayaa sidoo kale sheegay in firxadka Daacish oo koox-koox u socdaa ku kala lumeen buuraha Calmiskaad, halkaasi oo ciidamada difaaca Puntland ka wadaan sifayntiiu danbaysay ee kooxdaasi. PUNTLAND POST The post Puntland oo faahfaahisay hawlgal ay ku dishay xubno badan oo Daacish ah appeared first on Puntland Post.
  18. Mogadishu (HOL) — The Somali National Army's elite Danab Commandos have killed a senior Al-Shabaab leader and eight of his bodyguards in a targeted operation conducted in the Bariire area of the Lower Shabelle region. Source: Hiiraan Online
  19. Waxa aan halkan ka beeninayaa war xalay laga sheegay xaflad uu qabsaday Cali Cabdilaahi Daahir oo uu ku shaaciyay in la nakala reebay oo uu isagu yahay musharax kali ah ee u sharaxan beeshayada. Arinkaasi waa mid waxba kama jiraan ah isla markaasina been abuur ah. Waxa aan dadka sharafta leh ee i taageersan u sheegayaa in aan ahay musharax u taagan golaha wakiiladda Somaliland gaar ahaan gobolka Maroodijeex. Ma jirto meel aan ku tanaasulay iyo meel aanu ku tartanay toona Cali Cabdilaahi Daahir. Waxa aan tixgalinayaa golaha Maxamed Ismaciil oo aan doonaayo in aan u noqdo musharax u tartami doona doorashada golaha wakiilada ee gobolka Maroodijeex. Wax aan ka fogaaday oo iska ilaaliyay in aan qabto xaflad shaacin ah in aan u sharaxanahay golaha wakiilda, aniga oo tix galinaaya beesha Maxamed Ismaciil oo aan ka hordhacaynin xaflada lagu midaysnaan doono. Alle Mahad leh Xamse Saxardiid Kaahin Qaran News
  20. Mogadishu (HOL) — Somali President Hassan Sheikh Mohamud on Tuesday night attended a high-level ceremony hosted at the Office of the Prime Minister to commemorate the 65th anniversary of Somalia’s Independence and National Unity Day. Source: Hiiraan Online
  21. Mogadishu (HOL) — The United Nations Secretary-General’s Special Representative for Somalia, James Swan, and the Chairperson of the African Union Commission, Mahmoud Ali Youssouf, have extended their heartfelt congratulations to the Government and people of the Federal Republic of Somalia on the occasion of the country’s 65th Independence Anniversary. Source: Hiiraan Online
  22. Mogadishu (HOL) — The Speaker of the Arab Parliament, Mohammed bin Ahmed Al Yamahi, has extended warm congratulations to the leadership, government, parliament, and people of the Federal Republic of Somalia on the occasion of the country’s 65th Independence Anniversary, celebrated on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  23. Iran-linked hackers have threatened to disclose more emails stolen from U.S. President Donald Trump's circle, after distributing a prior batch to the media ahead of the 2024 U.S. election. Source: Hiiraan Online
  24. Kenya and the United Kingdom have agreed to introduce six additional Kenya Airways flights between Nairobi and London every week in a move which President William Ruto says is aimed at addressing persistent cargo and passenger challenges. Source: Hiiraan Online
  25. Muqdisho – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in diyaarad helicopter ah ay ku dhacday Saaka agagaarka teendhada Afisyooni ee xarunta xeendaabta Xalane. Goobjoogayaal ayaa sheegay in diyaaradda ay si lama filaan ah u soo dhacday, iyadoo ay muuqato in ay jirto khasaare nafeed. Dab xooggan ayaa ka kacay diyaaradda taasoo sababtay in ay gubato guud ahaan. Ma jiro weli war rasmi ah oo ka soo baxay AUSSOM ama dowladda Soomaaliya oo xaqiijinaya tirada dhimashada iyo dhaawaca rasmiga ah. wixii kusoo kordha kala soco Goobjoog.com Source: goobjoog.com