Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The first universal suffrage poll is this year, a first in 50 years but wrangling, lack of proper laws, money and security, have conspired to make it impossible. Source: Hiiraan Online
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Sidii degdegga ahayd ee Golaha Shacabka u codka muranka ku jiray ugu qaaday xukuumaddii Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, laguna riday iyo sidii aan la fileyn ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u ayiday go’aankaasi waxay su’aalo badan geliyeen qorshahaasi iyo sida loo abaabulay. Ma ahayn wax qarsoon in Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ka horjeeday muddo kordhin loo sameeyo dowladda hadda jirta ee Madaxweyne Farmaajo, laakiin waxay Madaxtooyada iyo Guddoonka Baarlamaanka oo isbaheysi leh ay ka quusteen inay ogaadaan rabitaanka Ra’iisal wasaaraha iyo inuu yahay musharax u taagan xil Madaxweyne oo uu cabsi weyn ka qabeen Madaxweyne Farmaajo iyo la-taliyeyaashiisa. Waxaa tuhunka madaxtooyada ee damaca Ra’iisal wasaaraha sii xoojiyey xiriirka uu Kheyre la sameystay madaxda maamul Goboleedyada iyo guddoonka Aqalka sare iyo sida uu ugu gacan seyray qorshaha muddo kordhinta ee ay Madaxweyne Farmaajo la wadeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh iyo ku-xigeenka koowaad C/weli Ibraahim Muudey. Xogta la helay ayaa sheegeysa in xaalad adag ay soo dhex gashay Ra’iisal wasaraha iyo Madaxweynaha, waxaana kadib soo dhe galay Dowladda Qatar. Xasan Sheekh Maxamuud Cali Kheyre safar aan rasmi ahayn ku tegay dalka Qatar aakhirkii Bishii June, balse markii uu halkaasi gaaray, waxaa la yaab noqotay inuu isna tegay Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo saaxiib dhow la ah Madaxweyne Farmaajo, ahna halka dowladda Qatar u marto arrimaha Soomaaliya. Xasan Cali Kheyre oo kulamo xasaasi ah la yeeshay Wasiirka arrimaha dibadda Qatar iyo saraakiisha dalka Qatar ee qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa u caddeeyay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha, isla markaana aanu dooneynin in muddo kordhin loo sameeyo dowladda madaxweyne Farmaajo ama ku biiro xisbiga Madaxweyne Farmaajo, taasoo keentay inuu wadahadalka soo galo Fahad Yaasiin la iskuna dayo in heshiis laga gaaro arrintaasi, basle wadahadalkii fashilmay oo lagu kala tegay. Kheyre oo saaxiib gaara la ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Sheikh Mohamed Bin Abdirahman Al-thani ayaa rajo ka qabay in xiriirkaasi wax weyn u tari doono, balse waxaa dhacday in Madaxtooyada iyo Fahad Yaasiin ay maleegaan qorshaha kalsooni kala noqoshada xukuumadda, iyagoo taageero ka heysta Qatar si meesha looga saaro Kheyre. Kheyre iyo taageerayaashiisa u dhow ayaa ka war helay Qorshaha mooshinka qarsoonaa ee xukuumadda loo diyaariyey Galabnimadii Jimcaha ee 24-ka July Mursal iyo Muudey, iyadoo saacado kadibna muddo 7 daqiiqo ah lagu riday xukuumadii Kheyre. Ra’iisal wasaare Kheyre oo aan markii hore isku mashquulin inuu taageero ka raadsado ama heshiis la sameysto guddoonka Baarlamaanka iyo xildhibaannada cabsida ka qaba inay soo noqon waayaan ayaa la kulmay xaalad adag markii ay xukuumadiisa rideen xitaa wasiiradii xildhibaannada ka ahaa oo kaliya ay taageerada Kheyre ku soo hareen shan xubnood oo ka mida golaha wasiirada oo ay ku jiraan laba wasiir oo kaliya. Dowladda Qatar ayaa si xoog leh ugu dhex jirta siyaasadda Soomaaliya, waxaana safiirkooda Soomaaliya Xasan Xamza ayaa kulamo kala gaara Muqdisho kula yeeshay madaxweynayaasha maamullada K/Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle. Xigasho: Goobjooge.net
  3. Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Bar___Qubanaha-04082020.mp3 View the full article
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa maanta soo saartay xeerka dhaqan-gelinta Manhajka Qaranka, dugsiyada sare ee dalka, kaas oo markii ugu horeesay tan iyo burburkii kadib ay ardayda dugsiyada sare looga dhigi doono. Warqad ka soo baxday wasaaradda waxbarashada dalka ayaa lagu sheegay in laga bilaabo maanta oo ay ku beegan 4-ta bisha Agoosto, ay khasab-tahay in dugsiyada sare ee dalka laga dhigo Manhajka Qaranka, isla markaana aysan dowladda Soomaaliya aqbali doonin Manhaj kale. “Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu ku beegantahay 4-ta bisha Agoosto waxay wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya u aqoonsatay buugaagta manhajka dugsiyada sare in uu yahay midka kaliya ee laga dhigi karo dugsiyada Sare ee dalka ” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaaradda. Horay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa dalka uga hir-gelisay manaahijta laga dhigo dugsiyada hoose iyo dhexe ee dalka, iyadoo sanadkii dhawaana markii ugu horeysay qaaday imtixaanaadka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe ee dalka.
  5. Faahfaahin ayaa ka soo baxaysa qaraxii weynaa ee ka dhacay magaalada Beirut ee dalka Lebanon. Wasiirka caafimaadka Lebanon Xamaad Xasan ayaa sheegay in ugu yaraan qaraxa Beirut ay ku dhinteen 60 qof, halka ay ku dhaawacmeen dad ku dhow 3,000. Qarax naxdin leh ayaa ka dhacay meel u dhow dekada Beirut, iyadoo uu sababay burburka dekeda iyo dhismayaal badan. Ilaa iyo hadda ma cadda waxa sababay qaraxa oo la aaminsan yahay inuu ahaa kii ugu weynaa ee dunida ka dhaca. Jugta qaraxa Beirut ayaa laga maqlay 240km (150 mayl) meel u dhow jasiiradda Qubrus ee bariga Mediterranean-ka. Qaraxa ayaa ku soo beegmaya waqti xasaasi ah, ka hor xukunka maxkamadeed ee dilkii Ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaas Rafik Hariri oo la dilay sanadkii 2005. Maxkamad UN ah ayaa lagu wadaa inay jamcaha go’aan ka soo saarto maxkamadeynta afarta qof ee lagu tuhmayo dilkii Hariri. PUNTLAND POST The post Wararkii ugu dambeeyay qaraxii Beirut appeared first on Puntland Post.
  6. Laba qarax oo waa weyn ayaa ruxay magaalada Beirut ee caasimadda Lebanon, kuwaas oo dhaawacay tobaneeyo qof, gilgilay dhismooyinka, islamarkaana qiic badan kusii daayey hawada magaalada. Warbaahinta Lebanon ayaa baahiyey muuqaallo muujinaya dadweyne ku hoos jiray burburka dhismooyin, kuwaasi oo qaarkood dhiig badan uu ka daadanayey. Illaa iyo hadda lama yaqaan waxa sababay qaraxyada. “Qaraxyada waxaa ku dhaawacmay tobaneeyo qof,” waxaa sidaas yiri ilo-wareedyo amni. Weriye ka tirsan AFP oo goobta ku sugan ayaa sheegay in dukaan kasta oo ku yaalla degmada ganacsiga ee Hamra, ee qaraxa uu ku dhacay, ay waxyeello soo gaartay, ayada oo dhammaan qeybahooda hore ay burbureen, halka baabuur bandanna sidoo kale ay waxyeelo gaartay. Waxaa la arkayey dad dhaawac ah oo waddooyinka soccda, kuna sii jeeda xarunta caafimaadka Clemenceau, ayada oo qaarkood uu dhiig daboolay jirkooda. Qaraxyada ayaa laga maqlay meelo fogaanshahooda uu gaarayo magaalada Nicosia ee jasiiradda Qubrus, oo 240 km u jirta Beirut. Xigasho VOA. View the full article
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu baarlamaanku xilka ka tuuray ra’iisal wasaarihii dalka, Xasan Cali Kheyre ayaa waxa bilaabatay hadal haynta ku aadan shaqsiga uu madaxweynuhu usoo magacaabi doono xilkaasi. 25-kii July ayey xildhibaanada baarlamaanku cod aqlabiyad ah kalsoonidii kagala laabteen Kheyre iyo xukuumadiisi, iyada oo isla markiiba uu ayiday go’aankaasi madaxweynaha dalku. Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu maalmaha soo socda uu magacaabo ra’iisal wasaaraha cusub, kaasi oo noqonaya midkii labaad ee uu magacaabo muddo xileedkiisa. Haddaba, Ra’iisal wasaare nooceeya ayaa laga filaya inuu soo magacaabo Farmaajo? Cabdullaahi Maxamed Shirwac, oo ka tirsan ururada bulshada Soomaaliyeed ayaa arrintaasi uga warbixiyey idaacada VOA-da ee laanteeda Afka Soomaaliga, kaasi oo uu ku iftiimiyay shaqsiga xiligan ku haboon xilka ra’iisal wasaaraha ee laga filayo Farmaajo. Cabdullaahi Shirwac ayaa sheegay in xilkaasi loo baahan yahay in loo magacaabo shaqsi inbadan la socda siyaasada dalka iyo arrimaha amniga, isla markaana leh karti hogaamineed. Shirwac ayaa waxa kale oo uu sheegay in xilkaasi uu buuxin karo shaqsi aqoon leh oo isku wadi kara dhamaan saamileyda siyaasada, kuwaasi oo badanaa ku kala aragti duwan xiisadaha dalka iyo weliba bulshada qeybaheeda kala duwan. Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in ra’iisal wasaaraha cusub uu noqdo mid jawi nabdoon dalka uga gudbin kara xaalada kala guurka iyo xiisadii uu xilka ku waayey ra’iisal wasaarihii ka horeeyay. Shirwac ayaa ka digay in xilkaasi loo magacaabo shaqsi uu Farmaajo u meeriyo go’aamada iyo tallaabooyinka siyaasadeed ee uu qaaday, taasi oo ku tilmaamay nasiib darro aan xiligan loo baahneyn. Madaxweyne Farmaajo ayaa maalmaha soo socda lagu wadaa inuu soo magacaabo ra’iisal wasaaraha cusub ee dalka, taasi oo falanqeeyayaashu rumeysan-yihiin inay cadeyn u noqon doonto rabitaankiisa muddo kororsiga iyo inkale.
  8. A Kenya Defence Forces aircraft crash landed at Dhobley Airstrip, Somalia, on Monday on take off to Nairobi. Source: Hiiraan Online
  9. With roughly one of three Somalian soldiers trained by the Turkish Armed Forces, military cooperation in this area between the two countries is of critical importance, Turkey's ambassador to the East African nation said Tuesday. Source: Hiiraan Online
  10. Beirut, Lebanon (CNN) A massive explosion ripped through the Lebanese capital Beirut on Tuesday, injuring many people and blowing out windows in buildings across the city. Source: Hiiraan Online
  11. Somalia's Recep Tayyip Erdoğan Hospital on Monday announced the healthy birth of quintuplets. Source: Hiiraan Online
  12. Qarax weyn ayaa ka dhacay caasimada Lubnaan ee Beirut, waxaana uu sababay khasaaro balaaran oo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac. Wararka ayaa sheegaya in qaraxu uu ka dhacay agagaarka dekeda magaalada, iyadoo warar aan la xaqiijin ay tilmaamayaan in qarax labaad jiro. Fiidiyow lagu soo daabacay khadka internet-ka ayaa muujiyay qarax mucjiso ah oo dumiyay dhismayaal, mana cadda waxa sababay. Qaraxa ayaa ku soo beegmaya waqti xasaasi ah, ka hor xukunka maxkamadeed ee dilkii Ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaas Rafik Hariri oo la dilay sanadkii 2005. Maxkamad UN ah ayaa lagu wadaa inay jamcaha go’aan ka soo saarto maxkamadeynta afarta qof ee lagu tuhmayo dilkii Hariri. PUNTLAND POST The post Qarax weyn oo gilgilay Beirut appeared first on Puntland Post.
  13. Beirut (Caasimadda Online) – Boqolaal qof ayaa ku dhaawacmay qarax xooggan oo ka dhacay Caasimadda dalka Lebanon ee Beirut sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee dalkaas. Qaraxaan ayaa daqiiqado ka hor ka dhacay meel u dhow Dekadda ku taalo Magaalada Beirut kaasoo geystay khasaaro isugu jiro burbur xooggan oo soo gaaray qaar ka tirsan guryihii ku yaalay Caasimadda iyo khasaaro nafadeed oo xooggan. Inkastoo aan weli si cad loo ogeyn nooca uu yahay qaraxaan ayaa haddana muuqaalo laga soo duubay waxaa laga dheehan karay inuu ahaa qarax cabirkiisu yahay mid aan caadi aheyn. Macluumaad hordhac ah ayaa tilmaamayo in qaraxa uu ka dhashay walxaha qarxa oo la geliyey gudaha bakhaar weyn oo ku yaalo agagaarka Dekadda Beirut, isla markaana waxyeelo u geysatay masaafo aad uga fog Dekadda. Wasiirka Caafimaadka dalka Lebanon, Hamad Hassan ayaa sheegay inuu qaraxaan geystay dhaawacyo boqolaal ah inkastoo uusan ka hadlin haddii ay jiraan dhimasho. Muuqaal ay duubtay Al-Jazeera ayaa muujinayo qulqulka qiic xooggan oo bilowday ka hor inta uusan dhicin qaraxa xooggan, waxaana dumay guryo iyo Bakhaaro waaweyn oo ku yaalay Dekadda ku taalo Caasimadda dalkaas ee Beirut. Qaraxaaan ayaa waxaa laga maqlay jasiiradda Qubrus oo 240 km u jirta Beirut taasoo muujineyso inuu ahaa qarax cabirkiisu uu yahay mid aan la qiyaasi karin. Wixii kusoo kordho kala soco Caasimadda Online.
  14. Inta badan saadaaliyayaasha caadiga ah, waxay muujinayeen in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisul-wasaare Xassan Cali Kheyre wada dhamaysan lahaayeen muddo xileedka islamarkaasna u wada halgami lahayeen, iyagoo wadajira inay mar labaad xukunka ku soo noqdaan. Balse, malahaas dhab ma noqon! Haddabba sidee wax u dhaceen, maxayse isku seegeen? Tartanka loo galo jagooyinka siyaasiga, waxay musharrixiinta soo bandhigaan aragtiyo siyaasi. Musharrixii guusha raacdo waxuu ku qasban yahay inuu hirgeliyo ballanqaadaya uu sameeyey haddii uu rajo ka qabo inuu ku sii jiro siyaasadda. Barlamaanka Federaalka Soomaaliya (BFS) waxay madaxweyne u doorteen Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, February 2017, dabadeedna waxuu ra’iisul-wasaare u magacaabay Mudane Xassan Cali Kheyre. Haddabba waa maxay xilka ra’iisul-wasaaraha? Doorka ra’iisul-wasaarha waa dhaqangelinta siyaasadda madaxweynihiisa! Marnaba ra’iisul-wasaaraha ma fulin karo aragti siyaasadeed u gaar ah, ama ka soo horjeedda tan madaxweynahiisa inta uu xilka xambarsan yahay. Si kooban, shaqada ra’iisul-wasaaraha iyo xubnaha golaha wasiirrada waa maareyn maamul-siyaasadeed (administration) oo keliya. Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa 2019kii iska casilay xilka Wasiirka Warbaahinta, waxuuna sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay in “isaga iyo madaxda dowladda ay ku kala aragti duwan yihiin arrimo badan, sidaas darteed uu go’aansaday inuu xilka banneeyo” (VOA 01/05/2019). Wasiir Geelle ayaa hoosta ka xariiqay in muddo 11 bilood oo uu xilka hayey ay suurtaggali weyday in xagasha aragtidiisa siyaasadeed ay fahmaan amase la qaataan madaxddiisa. Waxuu tilmaamay in siyaasadda arrimaha dibada dowladda iyo habka xukuumadda ay ula macaamisho mamaul goboleedyada ay isku seegeen. Waxaa xaqiiqo ah in Wasiir Geelle u muujiyay biseyl siyaasadeed. Madaxweyne Farmaajo, waxaa lagu ammaanay inuusan ra’iisul-wasaarahiisa ku faraggelin howlaha agaasinka, maamulka iyo socodsiinta shaqada xukuumadda ee loo idmaday ra’iisul-wasaare Kheyre. Taasaa keentay in waddanka uu horey u dhaqaaqo, marka ay timaado, dibuhabaynta ciidamada iyo maaliyadda. Sidoo kale, xukuumadda Kheyre waxay door weyn ka ciyaartay hannaanka deyn-cafinta, iyo in si buuxda gacanta dowladda u soo gasho maamulka hawada Soomaaliya. Ra’iisul-wasaare Xassan Cali Kheyre, waxuu yeeshay aragtiyo siyaasadeed oo lid ku ah tan madaxweynihiisa. Waxuu sidoo kale, isku deyay inuu awoodda Barlamaanka iyo midda Guddiga Doorashooyinka Qaranka uu hoos u dhigo, isagoo u dhaga nuglaaday dalabka maamul-goboleedyada oo damacsanaa in la abuuro “Madal – awood 4aad oo aan dastuurka waafaqsaneyn,” taasoo keeni laheyd in albaabada loo xiro Barlamaanka, lana dhinac maro waxqabadkii Guddiga Doorashada Qaranka Madaxbannaan (GMDQ), waana halka la isku-seegay. Shaki kuma jiro, in su’aalo ku gadaaman yihiin hanaanka Barlamaanka xilka uga qaaday Ra’iisul-wasaare Kheyre, taana waa mid uu la wadaago ra’iisul-wasaarayaashii dalka soo maray 20-kii sano ee ugu danbeyay. Balse, Kheyre waxuu gooni ku yahay inuu durbaba aqbalay go’aanka Barlamaanka. Waxaase la yaab noqotay in markii uu Ra’iisul-wasaarha Kheyre uu aqblay go’aanka Barlamaanka, kaddib in qaar ka mid ah wakiilada Beesha Caalamka ku cambaareyaan Barlamaanka hanaanka loo maray xil ka qaadista Mudane Kheyre, taasoo dhalin karta fidno iyo qalalaase hore leh. Intaas waxaa dheer, inay indhaha ka fiirsadaan faragellinta iyo xaalad abuurka ay Imaaraadka Carabta iyo Kenya ku hayaan arrimaha guddaha ee Soomaaliya! Sida uu qabo dastuurka Soomaaliya, go’aannada ku saabsan sharciyada doorashada waxaa leh Barlamaanka Federaalk a ee Soomaaliya, halka GMDQ uu waajibkooda yahay agaasinka, maareynta iyo maamulka doorashada. Doorka Golaha Fulinta ee heerarka federaalka iyo mid maamul-goboleed wuxuu ku xaddidan yahay fududeenta hirgelinta hawsha iyo sugidda amniga goobaha codbixinta oo kaliya. Xalka waxuu ku jiraa in la isku ixtiraamo kala sareeynta awoodda shaqo ee uu masuul kasta siinayo Dastuurka. Islamarkaasna la abuuro Maxkamada Dastuuriga, si khilaafka ka dhasha turjumaadda Dastuurka ee keena isku milanka danaha shaqsiga, maamulka iyo siyaasaddaba loo kala saaro. AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  15. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Warka-Habeen-04082020.mp3 View the full article
  16. At a government building in a former United Nations compound in Mogadishu, Khadar Sheikh Mohamed stares at a bank of giant screens displaying weather conditions across the country. Mohamed is the director of the new national disaster early warning centre designed to help Somalia predict disasters. This year it has already suffered from flooding and a locust invasion. “Finding the accurate data which may save lives is … important for us,” he told Reuters at the centre. The centre opened in June, and is funded by Saudi Arabia through the United Nations’ World Food Programme. It was conceived after cycles of floods and drought caused widespread food shortages, including a famine in 2011 that killed more than a quarter of a million people. Out of Somalia’s 15 million people, 5.2 million currently need aid, the United Nations says, and more than 2.6 million are displaced due to fighting and natural disasters. Somalia has been rent by civil war since 1991, and a fragile, federalist government is battling al Qaeda-linked al Shabaab insurgents. The violence has destroyed almost all the country’s infrastructure and driven many educated Somalis abroad, but in recent years the internationally backed administration has been trying to rebuild government institutions. At the centre, dozens of Somali analysts use the latest satellite data, from temperatures to wind pressure, to provide early warnings for flooding, drought, and locust movements. Government officials said they had initially struggled to recruit skilled workers locally. “Somalis don’t really have the expertise,” said Muqtar Sheikh Hassan, the director general at the ministry of humanitarian and disaster management, so they had hired foreign experts to train local analysts. Now the centre is fully staffed by Somalis, said Mohamed. “Sometimes you have only 24 or 72 hours to evacuate people. If the information is in another language, it takes more time to translate and disseminate. Now we are able to release warnings quickly.” View the full article
  17. (SLT-Hargeysa)-Xog aanu helayno ayaa sheegaysa in magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ay kusoo waajahan yihiin wafti ka socda dowladda Shiinaha. Waftigan ayaa ku biiri doona xubno kale oo uu hogaaminayo Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Qin Jian oo isagu ku sugan magaalada Hargeysa. Danjire Qin Jian ayaa magaalada Hargeysa ku sugan dhowr maalmood, isaga oo aan weli la kulmin madaxweynaha Somaliland. Jian ayaa Somaliland u yimid sidii uu madaxda ugu sarreysa ula kulmi lahaa, isla markaana u gaadhsiin lahaa diidmadooda ka dhanka ah xidhiidhka cusub ee ay la sameysatay Taiwan. Xiriirka Somaliland iyo Taiwan ayaa ka cadheysiiyay dowladad Shiinaha oo iyadu sheegata inay Taiwan tahay jaziirad ka tirsan dhul-weynaheeda. Source
  18. A Kenya Defence Forces aircraft crash-landed at Dhobley Airstrip, Somalia, on Monday on take off to Nairobi. No casualty was reported. KDF in a statement on Tuesday said all 10 military personnel on board are at the Defence Forces Memorial Hospital and are in stable condition. “An investigations team is in Dhobley to establish the cause of the crash,” it said. The double engine aircraft is registered in Kenya as KAF 128 and had delivered supplies to Amisom. KDF has 11 Twin Panda aircraft, which have become vital after the military retired its five aircraft used for heavy transport. Kenya Defence Forces intend to acquire three Italian manufactured Spartan aircraft. The first has already been delivered. In May, an aircraft registered as the African Express crashed in Somalia, Bardale, killing six on board. The aircraft was shot down by the Ethiopian troops in the region moments before delivering humanitarian aid to a local NGO 300km northwest of the capital, Mogadishu. Three crew members also survived narrowly after a Kenyan aircraft crashed in Somalia in July this year. The aircraft operated by Bluebird Aviation chartered to UN Humanitarian Air Services crashed at Beledweyne town airport and burst into flames. “Kenyan DHC-8 Dash 8 on operations for UN crashed and burned to land at Beledweyne Airfield, Somalia. The aircraft was on a cargo flight,” a local radio station in Somalia reported. Another privately owned Foker Aircraft operated by Buff Air Services was also involved in an accident in Somalia. View the full article
  19. Hargeysa (Caasimada Online) – Xiisada Itoobiya iyo Masar, oo mar qarka u saarneyd dagaal, ayaa u muuqata mid waji kale yeelatay kadib markii labada dhinac ay toddobaadyadii u dambeeyay ku howlanaayen inay xiisadaasi ku dhameeyan wada-hadal. Itoobiya iyo Masar ayaa shir ka yeeshay xiisadaasi, iyada oo qeyb ka tahay Sudan oo laftigeedu wal-wal ka qabta biyo-xireenka ay Itoobiya ka sameysay webiga Nile-ka. Wasaaradaha waraabka iyo biyaha ee dowladaha Itoobiya, Masar iyo Sudan oo ku kulmay qaabka fogaan arag ah (Video Conference) ayaa ka wada-hadlay xiisada dabada dheeratay ee webiga Nile-ka. Kulankaasi oo maalmo socon doona ayaa waxa diirada lagu saari doona sidii heshiish looga gaari lahaa xiisadaasi, inkasta oo dhowr jeer oo hore lagu guul-dareystay in is-afgarad buuxa laga gaadho murankaasi. Kulankaasi ayaa imanaya xili dhawaan Madaxweynaha Masar, C/fataax Al-Sisi uu si cad u sheegay in dowladdiisu ay hanaanka wada-hadalka u mareyso xiisada biyo-xireenka Itoobiya, taasi oo dhalin karta is-faham dhinacyada muransan ah. Al-Sisi ayaa xiligaasi sheegay in tallaabada ay dowladdiisu kusoo dhacsan karto qeybta ay ka leedahay nafciga webiga Nile-ka uu yahay wada-hadal ay ka yeeshaan, iyada oo laga baaqsanayo colaado hor leh. Abiy Ahmed ayaa isaguna hore u sheegay in dalkiisa Itoobiya, Masar iyo Sudan ay ‘is-faham weyn gaareen, taasi oo dhabbaha u xaari karta heshiis rasmi ah’ oo laga gaaro biyo-xireenka xiisadda culus ka dhaliyey gobolka. Xiisadii webiga Nile-ka ayaa u muuqata mid la rabo in lasoo afjaro, taasi oo la fahamsan yahay inay horseed u tahay in dhaamka biyo-xireenka Itoobiya ay buuxiyeen roobab da’ay, taasi oo sanadkan looga baaqsanayo hoos u dhaca biyo ee ay ka wal-walsanaayeen Masar iyo Sudan.
  20. Qoraal kasoo baxay xisbiga Hiil qaran ayaa lagu sheegay in fashilka Villa Somalia uu khatar gelinayo Soomaaliya. Xisbigan Hiil Qaran waxaa uu bayaankiisa ku xusay in natiijada ka dhalatay doorashadii 2017-kii ay shacabka niyad wanaag u muujiyeen laakin lix bil uun kadib la arkay karti xumida maamulka iyo inuu u hammuun qabo kaligiitalisnimo iyada oo ay meesha ka baxday rajada ay shacabka ka qabeen nabad, dib u heshiisiin iyo xikmad siyaasadeed ay wax walba noqdeen hal bacaad lagu lisay. “Kooxda Mr. Farmajo oo u ooman xukun ballaarsi ayaa ayaa ku dhegay dowlad goboleedyada si ay si buuxda gacanta ugu dhigaan gobollada deegaannadaas. Xakamaynta gobolladaasi, waxay moodayeen, inay ka caawinayso inay sugaan doorashada madaxtinnimada ee 2020. Dowlad goboleedka Galmudug ayaa noqday bartilmaameedka koowaad” ayaa lagu yiri qoraalka. Arrimaha bayaanka lagu sheegay waxaa ka mid ahaa in talaabadaasi ay xigeen ceyrinta guddoomiyaha maxkamadda sare oo lagu bedelay qof aan garsoore noqon, sida ay u daba dhigteen madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo iskudeygii dhicisoobey ee tuurista madaxweynaha Jubbaland. Iyada oo ay u dheertay Xasilooni la’aanta Muqdisho iyo istaraatiijiyadda Villa Somalia ee ladagaalanka Al-shabaab oo noqotay jidgooyada Muqdisho taasi oo dhibaato ku noqotay muwaadinka iyada oo ay meesha ka baxday riyadii ay dadku ka qabeen doorasho “qof iyo cod “ah. “Argagax ayey ka qaadeen Villa Somalia goorta uu ra’isul wasaaraha ka hadlay iney mustaxiil tahay dib u dhigista doorashada baarlamaanka iyo madaxweynaha. Markaas kadib si sharci darro ah ayaa lagu ceyriyey” ayaa bayaanka lagu sheegay. Waxaa kale oo bayaanka Hiil Qaran looga hadlay sida xukuumadda xilka sii heysa ay u soojeediyeen xubnaha guddiga adeegga garsoorka oo mas’uul ka noqon xulista garsooreyaasha iyo dhismaha maxkamadda dastuuriga ah, taasi oo 3.5 lagu guuldareystay. Tallaabadan ayey ku sheegeen in ujeedku tahay in la dhiso maxkamad dastuuri ah oo la jirta madaxweynaha. Waxaa kale oo lagu xusay sida ururka qareennada Soomaaliyeed u diideen 2 xubin oo ay soo xushay Villa Somalia taasi oo ay sidoo kale dhaleeceeyeen ururada bulshada rayid ah, kuna tilmaamay sharci-darro. Bayaanka xisbiga Hiil Qaran waxaa looga hadlay oo kale in sadexdii sano ee tagay aanu maamulka Farmaajo la iman hal guul balse taa badalkeeda uu sameeyey siyaasadda iyo bulshada, sidaa darteedna la gaaray in laga hor istaago dhoolatus aan dastuuri aheyn uu awoodda ku sii heysto. Hiil Qaran, wuxuu ugu baaqayaa dhammaan Soomaalida wanaagga jecel inay gacmaha is qabsadaan oo ay bilaabaan safar cusub oo qaranka dib lagu yagleelayo, iyada oo laga bilaabo in laga hortago dhoolatuska maamulka ee sharci-darrada ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta saree ee xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa Waxaan maanta soo saartay Xeerka ansixinta iyo dhaqan-galka Buugaagta Manhajka Qaranka ee Dugsiga Sare oo ay qasab tahay in sannad-dugsiyeedkan lagu dhigo dhammaan dugsiyada sare ee dalka. Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare e e dalka Cabdullaahi goodax Barre oo bartiisa facebok ku daabacay warkaan ayaa qasab looga dhigay in dhammaan dugsiyadda sare ee dalka in manjahkaan ay dhaqan galiiyaan sanad dugsiyeedkaan . “Waxaan maanta soo saaray Xeerka ansixinta iyo dhaqan-galka Buugaagta Manhajka Qaranka ee Dugsiga Sare oo ay qasab tahay in sannad-dugsiyeedkan lagu dhigo dhammaan dugsiyada dalka ayaa lagu yiri qaraalkaan kasoo baxay wasiir goodax Barre. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Dugsiga Hoose Dhaxe Ee Al Hudaa Oo Soo KordhiyeyWaxyaabo Ku Cusub Dugsiyada Gobolka Togdheer. Source
  23. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa sheegay in xukuumadda federaalka Soomaaliya aysan u diyaar garoobin qabashada doorasho qof iyo cod ah, balse qof walba uu jeclaan lahaa iney taasi dhacdo. Odawaa oo ah xoghayaha madasha xisbiyada qaran ayaa aaminsan in xukuumadii la riday aysan muddo saddex sano iyo bar ku diyaarin qorshaha doorashada qof iyo cod, sidoo kalana aysan meesha ka marneyn madaxtooyada iyo guddiga doorashada. “Dhamaan Soomaalida waxey jeclaan lahaayeen in la qabto doorasho qof iyo cod ah, balse waxaa la isku raacsan yahay inaan loo diyaar garoobin, guddiga doorashada, madaxtooyada iyo xukuumadii kalsoonida lagala noqdayba aysan muddo saddex sano iyo bar ah u diyaar garoobin,” ayuu yiri Odawaa. Sidoo kale xildhibaanka wuxuu sheegay in madaxweyne Farmaajo lagu hareereeyay shirkii Dhuusamareeb, una socon weysay doorashadii uu damacsanaa, waana midda uu qabo iney keentay in madaxweynaha uu si dhaqso leh xukuumadii u bedelo. “Madaxweynaha markuu arkay inuu dhinac walba ka hareereysan yahay, una socon weysay doorashadii been abuurka aheyd iyo hammigiisa muddo kororsiga, wuxuu Dhuusamareeb kala laabtay go’aan dhaqso leh oo ah inuu xukuumadda bedelo” ayuu yiri Odawaa mar kale. “Madaxweynaha waxaa been abuur ugu filan xukuumadii uu lahaa saddex sano iyo bar ma dhaceyso iney 7-daqiiqo ku dhacday” ayuu mar kale yiri xildhibaan Odawaa. Ugu dambeyntii Odawaa wuxuu madaxweyne Farmaajo ugu baaqay inuu hareer maro heshiisyadii lagu gaaray Dhuusamareeb, sidoo kalana doorashada ay wakhtigeeda ku dhacdo.