Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeysa (Caasimada Online) – Xiisadda Itoobiya iyo Masar oo rajo laga qabay in xal loo helo ayaa mar kale xaalad cabsi ah wajaheysa kadib markii lagu kala tegay shir shalay dhacay, oo xal loogu raadinayey biyo-xireenka ay Itoobiya ka sameyneyso webiga Nile. Wada-hadalladaasi oo la filayay inay waddo cusub u jeexaan muranka ka dhex aloosan Itoobiya iyo Masar ayaa xiisad hor leh dhaliyay, kadib markii ay dhinacyadu isku fahmi waayeen ajendihii wada-hadalka. Masar ayaa Talaadadii ku baaqday in la joojiyo wada-hadallada, halka Sudan ay ka baxday ayada oo sheegtay in Ethiopia ay ku adkeysatay inay wada-hadallada ku xirtay in dib looga xaajoodo heshiis ku saabsan wadaagga biyaha webiga Nile ee Bulugga. Dhinacyada ayaa kala adeegsanaya heshiisyo af-garad oo ku saabsan webiga, kuwaasi oo ku kala taariikheysnaa 1929, 1959-kii iyo 2010-kii. Masar iyo Sudan oo isku dhinac ah ayaa adeegsaday ‘xuquuq taariikhi ah’ oo la xiriirta webiga oo ay u damaanad qaadeen axdiyo la saxiixay 1929-kii iyo 1959-kii, halka ay Itoobiyana wadatay heshiis ay 2010 la gashay lix ka mid ah dalalka uu webiga maro. Heshiiskaasi Itoobiya ayaa waxa hore u qaadacay Masar iyo Sudan, midaasi oo dab kusii qabatay xiisada webiga oo maalmihii u dambeeyay u muuqatay mid soo qaboobeysa. Masar iyo Sudan ayaa dowladda Itoobiya ku eedeynaya inaysan diyaar u aheyn in xal waara laga gaaro muranka webiga oo muddo badan soo jiitamayay, isla markaana ay badashay ajendihii kulankaasi. Wada-hadaladaasi oo u socday wasaaradaha waraabka iyo biyaha ee dowladaha Itoobiya, Masar iyo Sudan ayaa gebi ahaanba sii socon doonin, maadama Masar iyo Sudan ay ku hanjabeen inay ka bixi doonaan. Xiisada Itoobiya iyo Masar ayaa maalmahan la filayay inay degto kadib kulamada bilowday, hase yeeshe waxay u muuqata mid uga sii dartay xiisada ka taagneyd webiga Nile-ka.
  2. Eleven Somali nationals and Muhammed Hussein Abukar, Somalia’s ambassador to West Africa and Special Envoy to Iran, safely returned to Somalia after nearly six months of being stranded in the Islamic Republic of Iran due to COVID-19 global movement restrictions. Source: Hiiraan Online
  3. In September 2014, a US drone strike killed Al-Shabaab’s most influential leader, Ahmed Abdi Godane. The immediate assumption was that Godane’s death would weaken the group and reduce its capacity to carry out further terrorist activities. Source: Hiiraan Online
  4. Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta kooxo hubeysan ay nabadoon iyo xaaskiisa ku dileen deegaanka Qoo-Qaani ee gobolkaasi. Nabadoonka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Axmed Cumar Maxamed, kaas oo si weyn looga yaqaano deegaanada dowlad goboleedka Jubbaland. Dhanka kale Al-Shabaab ayaa dilka loo geystay Nabadoonkaasi iyo xaaskiisa, waxaana ay sheegeen inuu ahaa guddoomiyaha deegaanka Qoo-Qaani ee gobolka Jubbada Hoose. Inta badan Al-Shababab ayaa dilal qorsheysan iyo weeraro ka fuliya gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya. View the full article
  5. At a government building in a former United Nations compound in Mogadishu, Khadar Sheikh Mohamed stares at a bank of giant screens displaying weather conditions across the country. Source: Hiiraan Online
  6. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga tacsiyeeyey qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuum Xaawo Cabdi Dhiblaawe oo ka mid ahayd hormuudka samefalayaasha Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa xusay muddadii dheerayd ee Dr. Xaawo Cabdi ay u adeegaysay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada nugul iyada oo daadaal muuqda gelisay samatabixintooda wakhtiyadii adkaa ee uu dalku soo maray. “Alle ha u naxariistee Dr. Xaawo Cabdi Dhiblaawe waxa ay baal dahab ah kaga jirtaa sooyaalka dalkeenna, maadaama ay si isxilqaan ah muddo badan ugu adeegaysay dadkeenna danyarta ah, saameyn wanaagsanna ay ku yeelatay nolasha kumannaan qoys oo Soomaaliyeed, taas oo muujineysa hammiga iyo himilada ay u qabtay horumarinta dalkeeda iyo dadkeeda.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumadda Alle u weydiiyey in uu hoygeeda ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskeeda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootay. View the full article
  7. Lubnaan ayaa gashay xaalad murugo ah, kadib markii qarax weyn oo ka dhacay caasimadda Beyrut uu dilay ugu yaraan 78 qof, halka dhaawacuna ka badan yahay 4,000. Qaraxa oo ka dhacay dekadda magaalada ayaa ruxay caasimadda oo dhan. Madaxweyne Mishaal Cown ayaa sheegay in 2,750 tan oo ah maadada ammonium nitrate si aan ammaan ahayn loogu keydiyay makhaasiin halkaa ku yaallay muddo lix sano ah. Cisbitaaladda ayaa waxaa buux dhaafiyay dhaawacyada, waxaana qaraxa uu gebi ahaanba dhulka dhigay dhismayaal badan. Weriye ka tirsan BBC-da oo goobta tegay ayaa sheegay in meydad badan oo halkaa yaallay iyo burburka dhismayaasha ay ka dhigeen dekadda magaaladaasi mid aan la geli karin. Qaraxa ayaa ku soo beegmay xilli xasaasi u ah Lubnaan, iyadoo dhaqaale xumida taagan ay sii kala fogeysay bulshada. Sidoo kale, Jimcaha ayaa la filayaa in maxkamad ay go’aan ka gaarto dilkii ra’iisal wasaarihii hore ee waddankaasi, Rafiiq Xariiri loo geystay 2005. Maxaa dhaliyay qaraxa? Mas’uuliyiinta Lubnaan ayaa sheegay in baaritaannada hordhaca ah ay tilmaamayaan in qaraxa uu ahaa shil ee aan si ula kac ah loo fulin. Wasaraadda arimaha gudaha ayaa sheegtay in maadama ammonium nitrate ee sida weyn u qaraxda lagu keydiyay makhaasiin ku yaal dekadda. Ra’iisal wasaare Xasan Diyaab ayaa qaraxa ku tilmaamay musiibo, waxaana uu wacad ku maray in lagula xisaabtami doono kuwa mas’uulka ka ah. Waxa uu ka hadlay “makhaasiin khatar badan” oo dekadda ku yaallay tan iyo 2014, balse waxa uu intaa raaciyay in aanu ka hordhici doonin baaritaanka. Mas’uul ka tirsan dowladda Israa’iil ayaa BBC-da u sheegay in dalkiisa aanu wax lug ah ku lahayn qaraxa Beyrut. Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in dad ay weli ku hoos jiraan burburka dhismayaasha. Qaraxa ayaa laga maqlay jasiiradda Khubrus oo Beyrut u jirta ilaa 240 KM, kuna taal Bariga Mediterranean-ka. Madax badan oo caalamka ah ayaa ka tacsiyeeyay musiibada halkaa ka dhacday. Ra’iisal wasaaraha UK, Boris Johnson, ayaa bartiisa Twitter ku qoray: “Sawirrada iyo muuqaallada caawa ka imanaya Beyrut waa kuwo argagax leh. Waxaan u duceynayaa dhammaan dadka ku waxyeelloobay dhacdadaasi argagaxa leg.” Waxa uu intaa raaciyay in dowladdiisa ay hiil iyo hooba la garab taagan tahay shacabka Lubnaan. Xaaladda Lubnaan qaraxa ka hor Xiisad siyaasadeed ayaa ka taagan Lubnaan, waxaana dhacay mudaharaadyo looga horjeedo qaabka ay dowladda u maareysay dhaqaale xumida dalkaasi ka taagan oo ah tii ugu darneyd tan iyo dagaalkii sokeeye ee socday 1975-1990. Inta badan shacabka ayaa dhaqaale xumida u aaneynaya madaxda dalka mudada soo hogaaminayay ee keeni waayay isbedal xal u ah dhibaatooyinka waddankaasi ragaadiyay. Shacabka dalkaasi ayaa la tacaala koronto la’aan, biyo yari iyo daryeelka caafimaadka oo liita. Qaraxa ayaa ka dhacay meel u dhaw halkii lagu beegsaday ra’iisal wasaarihii hore Rafiiq Xariiri oo 15 sano ka hor lagu dilay gaari waxlaha qarxa laga soo buuxiyay View the full article
  8. The first universal suffrage poll is this year, a first in 50 years but wrangling, lack of proper laws, money and security, have conspired to make it impossible Hassan Khaire, a former oil executive and humanitarian worker, may never have guessed that Saturday July 25 was going to be his last day as prime minister of Somalia. The manner in which the Somalia House of the People, or the Lower House, squeezed air out of Khaire must have been embarrassing but was always looming to the man who was always in tailored suits and composed. It began as a usual extraordinary meeting centred on issues of elections. Then, the Speaker of the Parliament Mursal Mohamed Abdurahman announced that there was a need to assess the level of legislators’ confidence in the Executive led by Prime Minister Khaire. In Somalia, the PM is appointed by the president, who then appoints and manages the government, hence determining the legacy of the incumbent. Motion secrecy “We are going to hold a vote of confidence on the government,” proclaimed Abdurahman, departing from the tradition where parliamentarians often stick to the order paper. A small group of MPs, some Cabinet members started protesting, calling the process illegitimate, among them Minister for Internal Security Abukar Islow. The voting and counting were a spectacle. According to sources, no motion was drafted, and the item was not listed on the order paper for that day’s session. The source added that it was set up without the requisite signatures of MPs, normally a third or so. Once the vote was set up, the Nay votes were eight and Ayes had it with 170, no abstention. Speaker Abdurahman declared the vote valid and subsequently announced, “the government has fallen,” and ended the session. Opposition parties Within an hour, President Mohamed Abdullahi Farmaajo accepted the outcome of the parliamentary vote, promising to nominate a new prime minister. He said he would not interfere with the “independence” of parliament, a rare comment from a leader who had routinely bickered with the legislature. Farmaajo then appointed Khaire’s deputy, Mahdi Mohamed Guled, to act as premier. But Khaire’s departure left his shadow looming all over Mogadishu. First, some Cabinet loyalists whispered among themselves of the legality of the move. Then opposition parties like Wadajir and the Forum for National Parties (FNP) took cue, criticising the timing of the ouster. “The House of the People did not follow due process in removing the prime minister from office,” said Wadajir, led by former Planning Minister Abdishakur Abdirahman. “The party believes that the biggest reason the Prime Minister was removed is to derail the Dhusamareb agreement,” it added, referring to the meeting of Farmaajo, Khaire and federal state presidents earlier in the week in the Galmudug state capital a fortnight ago. They agreed to have timely elections, and appoint a joint committee to recommend mode of elections. With Khaire gone, questions emerged on whether a government under a new premier will continue with the agreement or will propose something new, essentially killing the arrangement for timely elections. Accelerating process “Unconstitutional extension is not an option at all. Also, trying delay tactics will only make the situation from to worse,” said Hassan Sheikh Mohamud, Farmaajo’s predecessor and now a member of the FNP whose patron is Sheikh Sharif Ahmed, another ex-President. “It is the red line one should not attempt to cross. However, the situation looks bleak, I am sure Somali people will always keep the candle of hope lit.” Somalia was expected to hold universal suffrage elections this year, a first in 50 years. But wrangling, lack of proper laws and money, as well as security, have conspired to make it impossible. Still, leaders had been haggling over whether to hold elections anyway or delay them for a better model. The recently concluded series of meetings in Dhusamareb town, the capital of Galmudug State in Central Somalia, were assumed to have been initiated by the bloc that desires to have the indirect voting in the Horn of Africa country, which they see as a quick and simple way of accelerating the voting process. If successful, they may kill the possibility of Farmaajo’s return to power because their chance of manipulating the voting through clan elders is high. The international community, in the meantime, articulated dismay and voiced caution on what happened at the Somali parliament. Somalia’s international partners issued a statement on Tuesday, four days after Khaire’s sacking, expressed their concerns and their strong hope that recent developments, including in the Federal parliament, will not create instability that may reverse the gains made so far on national priorities. Hussen Mohamed Mohamoud, a political analyst at Hamarweyne district in Mogadishu, believes Farmaajo could gain the upper hand if he picks the next PM from an influential circle. “If Farmaajo strikes a deal with the political parties he may overthrow the indirect voting desired by his opponents,” Mohamoud told the EastAfrican. “He can even create a circumstance that forces extension of the term of the state institutions — the presidency, the legislature and the executive — in a nation saving compromise,” he added, pointing finger at Somalia’s international partners as impartial arbiter. Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of Caasimada Online. For publication please email your article caasimada@live.com. Thank You
  9. A representative office is set to open in Somaliland at the end of this month, at the earliest, the Ministry of Foreign Affairs (MOFA) said yesterday amid reports that Beijing is sending a diplomatic delegation to the east African country. Source: Hiiraan Online
  10. As a teenager, former refugee Guled Mire was chased by skinheads and told by his teachers that university wasn’t a place for people like him. Source: Hiiraan Online
  11. Muhammed Hussein Abukar, Somalia's ambassador to West Africa and Special Envoy to Iran and eleven Somali nationals have safely returned to Somalia after nearly six months of being stranded in the Islamic Republic of Iran due to COVID-19 global movement restrictions, according to a news report by Reliefweb. Source: Hiiraan Online
  12. Kenyan military said Tuesday it has launched investigations into circumstances in which its helicopter crashed in southern Somalia on Monday evening when ten of its troops were injured. Source: Hiiraan Online
  13. Daynuunay (Caasimada Online) – Dagaal culus ayaa saaka ka dhacay saldhigga ciidamada dawladda Soomaaliya ee Daynuunay kadib markii weerar culus ay kusoo qaadeen maleeshiyada ururka Al-Shabab, sida ay sheegeen ilo dhinaca amniga ah oo la hadlay idaacadda VOA. Dagaalkan ayaa la isku adeegsaday hub culus, waxaana wararka dhinaca amnigu sheegayaan in maleeshiyada Al-Shabaab ay saacadihii hore ee saaka galen saldhigga, inkastoo goor dambe ay ciidamo gurmad ah xoojiyeen kuwa dawladda islamarkaana dib u qabsadeen saldhigga. Ugu yaraan shan askari ayaa ku dhimatay weerarka oo uu ku jiro taliye ka tirsan ciidanka. Saddex ka mid ah ciidanka ayaa la sheegay inay ku dhinteen miino la qaraxday xilli ay gurmad ugu sii socdeen saldhigga. Mas’uuliyiinta amniga ayaa sheegayey inay khasaare gaarsiiyeen Al-Shabaab iyadoo faahfaahin aysan weli soo bixin Daynuunay ayaa ah saldhig milatari oo 1KM u jra magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay. Maleeshiyada Shabaabka ayaa dhowr jeer oo horey sidan uu kale u weeraray saldhigga Daynuunay. Xigasho: VOA
  14. A representative office is set to open in Somaliland at the end of this month, at the earliest, the Ministry of Foreign Affairs (MOFA) said yesterday amid reports that Beijing is sending a diplomatic delegation to the east African country. The ministry on July 1 announced that Taiwan and Somaliland would establish representative offices, following a report by the Somaliland Chronicle Web site. It said at the time that the two nations did not plan to establish formal ties. Somaliland President Muse Bihi Abdi has instructed close confidants to explore the possibility of “mutual recognition between Taiwan and Somaliland,” the Somaliland Chronicle reported on Monday, citing sources speaking on condition of anonymity. He had also ordered a close examination of the US’ Taiwan Allies International Protection and Enhancement Initiative (TAIPEI) Act of 2019, which encourages the US government to increase economic, security and diplomatic engagements with nations that have enhanced relations with Taiwan, the Web site said. Bihi has refused to meet Chinese Ambassador to Somalia Qin Jian, who has been in Hargeisa, the capital of Somaliland, since Sunday, on his third visit this year, it reported. A delegation of high-ranking diplomatic officials from Beijing was due to arrive in Somaliland, possibly as early as today, the Web site reported. Asked about Somaliland’s plans, as reported by the Web site, ministry spokeswoman Joanne Ou told a news briefing in Taipei that the ministry would not comment on opinions of anonymous sources. Taiwan and Somaliland maintain effective communications, and their alliance is built on their shared values of protecting freedom, democracy and human rights, the spokeswoman said. Taiwan’s representative office in Hargeisa is set to be formally established at the end of this month or early next month, although the plan could change due to the COVID-19 pandemic, she said. While Somaliland is not recognized by most countries, Ou said that it has been independent since 1991. In other diplomatic news, the ministry is preparing to reopen the Taipei Economic and Cultural Office in Guam, which had been closed in 2017 for budgetary and personnel reasons. The office is scheduled to be opened at the end of this month or early next month, Ou said at the briefing. Office of Parliamentarian Affairs Deputy Executive Director Paul Chen is to become the office’s director, she said. The ministry is negotiating with Washington, as Guam is a US territory, on related matters, she added. Qaran News
  15. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Warka-Duhur-050820.mp3 View the full article
  16. Dawlada Turkey oo war cusub ka soo saartay ciidanka Soomaalida ee la sheegay inuu geynaayo Libya Dowladda Turkiga ayaa markii ugu horreysay ka hadashay warbixino sheegaya inay ciidan Soomaali ah geyneyso dalka Libya si ay uga qeyb-galaan dagaalka ka dhanka ah dagaal-ooge Khaliifa Xaftar. Safiirka Turkiga ee Sooomaaliya Me Dawlada Turkey oo war cusub ka soo saartay ciidanka Soomaalida ee la sheegay inuu geynaayo Libya hmet Yilmaz, oo wareysi siiyey wakaaladda wararka Anadolu Agency, ayaa sheegay inaysan jirin in dowladda Turkiga ay dowladda Soomaaliya weydiisatay ciidan la geeyo Libya. Waxa uu intaas ku daray in wararka ay faafinayaan dalal cadow ku ah Turkiga. “Baraha bulshada Soomaaliya waa kuwa aad u xooggan. Waxaan ka aragnaa dadaallo ay dalalka qaar wadaan oo ay dantooda ku fulinayaan. Waxaan u aragnaa arrintan olole qorsheysan. Wararka ma ahan kuwa run ah, waxba kama jiraan sheegashooyinkan,” ayuu yiri Mehmet Yilmaz. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale horey u beenisay in ciidamo Soomaaliya ay qeyb ka noqonayaan dagaalka Libya. Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Axmed Cawad ayaa sheegay in gebi ahaanba uu jirin qorshe ay ciidamo ugu dirayaan dalka Libya, isla markaana uusan jirin wada-hadal arrintaasi la xiriira oo ay wada yeeshen dowladda Turkiga. “Ma jiraan ciidan aan u direyno Libya, Ciidamada Soomaaliyana ma ahan calooshood u shaqeystayaal, sida ciidamada kale ee la sheeg-sheegayay. Marka anaga ma haysano calooshood u shaqeystaal”. Dowladda Turkiga ayaa horey Libya u geysay ciidamo Syrian calooshood u shaqeystayaal ah, oo u dagaalama dowladda dalkaas ee dagaalka kula jirta dagaal-ooge Khaliifa Xaftar Qaran News
  17. Masar oo isaga baxday wadahadalladii webiga Nile Masar ayaa isaga baxday wadahadallo hor leh oo loo doonayay in lagu soo afjaro muranka ka dhashay biyo xireenka weyn ay Itoobiya ka dhiseyso webiga Nile. Khilaafkan ugu dambeeyay ayaa ku saabsan tallaabooyin cusub ay oo soo jeedisay Itoobiya oo ku aadan buuxinta biyo xireenka. Sudan ayaa sidoo kale ku hanjabtay inay isaga bixi doono wadahadallada isla markaana sheegtay in Itoobiya ay ku adkeysaneyso inay ku lug lahaato wadahadallada ku saabsan qeybsiga biyaha Nile. Wasiirka waraabka iyo biyaha Suudaan, Yaasir Cabbaas ayaa sheegay inay soo gaartay warqad ka timid Itoobiya oo qeexeysa tallaabooyinka ay soo jeediyeen. Itoobiya waxay ku faraxsan tahay biyo xireenka buuxsamay xilli roobabka ay bishii Juun ka bilowdeen halkaas balse waddamada Masar iyo Suudaan ayaa ka walaacsan saameynta ka dhalan karta arrintaas maadama dadkooda ay ku tiirsan yihiin biyaha webiga. Article share tools Qaran News
  18. Milyaneer caan ka ah Mareykanka oo tuuganimo darteed xukun loogu riday Anthony Levandowski Injineerkii hore ee baabuurta sida iskood isu kaxeeya ee shirkadda tiknolojiyadda ee Google ayaa lagu xukumay 18 bilood oo xabsi ah ka dib markii lagu helay dembi ah in uu xaday xog qarsoodi ah oo ay laheyd shirkadda Google, kahor inta aanu ka tegin shaqada ee uusan ku biirin shirkadda takaasida ee Uber. Garsooraha maxkamadda San Francisco, William Alsup, ayaa sheegay in Anthony Levandowski “uu sameeyay xatooyadii ugu darneyd ee dhanka xogta”. Levandowski ayaa kombyuutarkiisa gaarka ah horay ugu sii qaatay 14 kun oo feyl oo ay leedahaya shirkadda Google kahor inta uusan ka tegin shirkadda, bishii Janaayo ee sanadkii 2016-ka. Levandowski wuxuu markaas ka dib ku biiray shirkadda Uber oo uu kala shaqeeyay mashruuca baabuurta ee Robocar balse waxaa shaqada looga eryay sababa la xiriira eedeyn uga timid Google sannadkii 2017-kii. Levandowski ayaa sheegay in uu musalafay, sababtoo ah lacag gaareysa $179 milyan oo doollar ayey ka dalbatay shirkad ay bah-wadaag yihiin Google oo lagu magacaabo Alphabet sabab la xiriira ficilada uu sameeyay. Levandowski oo ka mid ah asaasayaashii mashruuca baabuurta iskood isu kaxeeya ee shirkadda Google ayaa rajeynayay in lagu xukumo xabsi gaaraya 12 bilood oo uu ku qaato gurigiiisa oo ku yaala San Francisco. Wuxuu ku andacooday in uu qabo xanuunka oof-wareenka, xabsigana uu ugu dhiman karo sababo cudurka corona. Haseyeeshee garsooraha maxkamadda ayaa sheegay in haddii taas ay oggolaato in ay dhiiragelin u noqoneyso Injineer walba oo uu damac uga jiro in uu xado xogta khaaska ah ee dhanka ganacsiga. Garsooraha maxkamadda ayaa amray in Levandowski uu xukunkiisa xabsiga ku qaadan karo marka uu yaraado feyraska corona. Dacwad oogayaaha ayaa soo jeediyay in Injineerka lagu xukumo 27 bilood oo xabsi ah. Levandowski, oo hadda maamule ka ah shirkad ka shaqeysa gawaarida xamuulka ee iskood isku wada ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray wuxuu ku sheegay “in maanta ay dhamaad u tahay saddex sano iyo bar, bilawna u tahay wado horleh”. Sida ay kusoo warrantay TechCrunch, Levandowski ayaa dacwad ka gudbinaya shirkadda tagaasida ee Uber oo uu ka dalbanayo inay siiso lacag gaareysa $4.1 bilyan oo doollar oo uu sheegay inay ka soo xarootay baabuur uu naqshadeyntooda wax ka sameeyay. Ninkan oo ka mid ahaa dadka ugu sareeya baabuurta ay soo saarto shirkadda Google, kana faa’iday dhaqaale gaaraya malaayiin doollarna, ayaa sheegay in hantidiisa ay gaareyso inta u dhaxeysa $50 ilaa iyo $100 milyan oo doollar, sidoo kalena lagu leeyahay lacag deyn ah oo gaareysa $500 oo milyan oo doollar. Kahor inta uusan ka tegin shirkadda Google, Levandowski waxaa uu lacag dhan 120 milyan oo doollar ka helay shirkadda oo uu u nashqadeeyay sameynta baabuurta iskood isu wada. Qaran News
  19. NAIROBI (HOL) - A senior Somaliland official has hinted at a likely move by Kenya to ‘recognise’ the breakaway region of Somalia as an independent state. Source: Hiiraan Online
  20. Maamulka Magaalada Dhusamareb, Ganasato, Aqoonyahanno iyo qaar ka mid ah Ururada Bulshada ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday Degmada Dhuusamareeb oo lagu daahfurayey mashruuca sanduuqa horumarinta ee caasimada galmudug. Furitaankii mashruucaan oo sidoo kale ay goobjoogayaal ka ahaaayeen Wasiiro, Xildhibaano waxaana diirada lagu saaray sidii magaalada dhusamareb loogu heli lahaa dhaqaale lagu daboolo baayiyaha jira ee ay unu ugu horeeyaan dab-damis. Gudoomiyaha Magaalada Dhusamareb Macalin C/raxmaan Cali Maxamed Geeda ayaa faah faahin ka mixiyey bilowga sanduuqan dhaqaala iyo sida howshan lagu jihayn karo iyadoo laga faa’iidaysanayo xoogga iyo xoolaha bulshada soomaaliyeed lana samaynayo isku tashi. Salaad Cusmaan Rooble oo ah gudoomiyaha loo xilsaaray ka mira dhalinta mashruucaan ayaa isna warbaahinta la hadlay waxa uuna xusay inuu qof walba uu ka qeybqaato helitaanka gaadiidka gurmadka ee ka hortagga musiibooyinka sida dabdamiska. Maamulka Magaalada Dhusamareb ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii loo soo celin lahaa adeegyadii bulshada sida dhismaha jidadka magaaladda oo inta badan ah kuwo aan wanaagsaneyn, maadaama magaaladu aysan hormarin burburkii kadib, lakiin hadda waxaa jiro dadaallo lagu badalayo bilicda caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Guddomiyahe ku-xigeenka 1aad ee golaha aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Senator Abshir Maxamed Axmed ayaa ka tacsiyeeye geerida ku timid allah unaxariistee Drs Xaawo Cabdi Dhiblaawe oo saaka ku geeriyootay gudaha magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa yiri” Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Allaha u naxariisto Dr. Xaawo Cabdi, dembi dhaaf ballaarana Eebe ha siiyo. Tacsi tiiraanyo leh ayaan u dirayaa qoyskeeda & dhammaan ummada Soomaaliyeed” ayuu yiri guddoomiye Abshir Maxamed Axmed. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in Drs Xaawo aheyd shakhsi kaalin weyn ka soo qaatay daryeenka hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed” Dr. Xaawa Cabdi waxa ay ahayd hooyo daryeesha hooyada & dhallaanka Soomaaliyeed” ayuu yiri guddoomiye Abshir Maxamed Axmed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Mogadishu (HOL) - Dr Hawa Abdi Dhiblawe, prominent human rights activist, founder and chairperson of the Dr Hawa Abdi Foundation and one of Somalia's first female obstetricians has passed away in Mogadishu. She was 73. Source: Hiiraan Online
  23. Garoowe (Faallooyinka PP) — Wasiirka Dekedaha Puntland, Maxamed Cabdi Cismaan, ayaa dhowaan u sheegay xildhibaannada Barlamaanka Puntland in maamulka Deni la garnaqsan doono DP World. Garnaqsigu waa fikrad aan xiriir la lahayn heshiisyada ganacsi (contracts) mana noqon karo jawaabta su’aasha: Miyay DP World, shirkadda leh P&O Ports, jebisay heshiiska ay Puntland la gashay haddii aysan seddex bilood gudahood ugu soo guurin Puntland iyo haddii aysan 24 labaatan bilood gudahood, saxiixidda heshiiska kaddib, ku dhisin meel laba markab ku soo xiran karaan? Cudurdaarka Wasiirka Dekedaha ee Puntland bixiyay ku saabsan saamaynta Covid-19 ku yeeshay mashruucyada DP World fulin lahayd waa mid ku habboonaa inuu afka DP World ka soo baxo waayo Wasiirku indhaha ayuu ka laalay runta ah in Covid-19 saameeyay dunida 32 bilood kaddib markii Puntland iyo P&O Ports heshiis kala saxiixdeen. Calanka Puntland iyo calanka Imaaraatka Carabta ayaa hor yaalla Madaxweyne Gaas iyo Sultan Ahmed Bin Sulayem, Guddoomiyaha Port, Customs and Free Zone Corporation oo ay dowladda Imaaraatku leedahay Ilaa hadda lama hayo nuqulka heshiiska Puntland la gashay DP World si dadku u dhaadi karaan qodobbada heshiiska. Waxaa cad in heshiisku galay marxalad halis ah waayo markii Puntland saxiixday heshiiska, DP World waxay ahayd shirkad gaar loo leeyahay oo ka diiwaangashanayd Nasdaq Dubai si maalgeliyayaashu u iibsan karaan saamiyadeeda. Sicirka saamiyada DP World kor buu u kacay kaddib heshiiska. DP World hadda waa shirkad ay Dowladda Imaaraatku leedahay, aan saamiyadeeda la iibsan karin. Labada calan ee Puntland iyo dalka Imaaraatka Carabta baa miiska heshiiska lagu saxiixay saarnaa. Farriintu waa: Puntland oo maamul ah baa heshiis la gashay shirkad dowladda Imaaraatka Carabtu dhinac taagan tahay. Yaa u diiday Madaxweyne Cabdiweli Gaas inuu calanka Soomaaliya goobta keeno, illeen Soomaalidu waxay tidhaahdaa gadhba, gadh baa la tusaa? Isbeddelka ku dhacay qaabka lahaanshaha DP World lagalama tashan Puntland oo hadda dalka Imaaraatka inay la garnaqsato doonaysa iyadoo maamul beelo Soomaaliyeed leeyihiin wakiil ka ah. Heshiiskii Puntland la gashay DP World sanadkii 2017kii wuxuu ka mid yahay tusaalooyinka maamul-darrada iyo isla xisaabtan la’aanta Puntland ku suntanayd muddo dheer. Maamulka Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni waxaa la gudboon inuu xeeldheerayaasha sharciga heshiisyada ganacsiga la tashado ka hor kulanka dhexmari doona Puntland iyo dowladda Imaaraatka Carabta, oo hadda ah milkiilaha DP World. © Puntland Post, 2020 The post Puntland uma baahna inay la garnaqsato DP World appeared first on Puntland Post.
  24. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyeysay geerida ku timid allah unaxariistee Drs Xaawo Cabdi Dhiblaawe, oo maanta ku geeriyootay magaalada Muqdisho, kadib xanuun ku soo booday habeenimadii xalay. War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda Soomaaliya ayaa loogu tacsiyeeyay ehelka iyo qaraabadda, geerida ku timid Allaha u naxariistee Dr. Xaawo Cabdi oo kamid aheyd dhqaatiirtii dalka ka soo shaqeeyey mudadii burburka wax badanna kasoo qabatay xalay. Halkaan Ka Akhriso Goobjoog News Source: goobjoog.com
  25. Beyrut (Caasimada Online) – Lubnaan ayaa gashay xaalad murugo ah, kadib markii qarax weyn oo ka dhacay caasimadda Beyrut uu dilay ugu yaraan 78 qof, halka dhaawacuna ka badan yahay 4,000. Qaraxa oo ka dhacay dekadda magaalada ayaa ruxay caasimadda oo dhan. Madaxweyne Mishaal Cown ayaa sheegay in 2,750 tan oo ah maadada ammonium nitrate si aan ammaan ahayn loogu keydiyay makhaasiin halkaa ku yaallay muddo lix sano ah. Cisbitaaladda ayaa waxaa buux dhaafiyay dhaawacyada, waxaana qaraxa uu gebi ahaanba dhulka dhigay dhismayaal badan. Weriye ka tirsan BBC-da oo goobta tegay ayaa sheegay in meydad badan oo halkaa yaallay iyo burburka dhismayaasha ay ka dhigeen dekadda magaaladaasi mid aan la geli karin. Qaraxa ayaa ku soo beegmay xilli xasaasi u ah Lubnaan, iyadoo dhaqaale xumida taagan ay sii kala fogeysay bulshada. Sidoo kale, Jimcaha ayaa la filayaa in maxkamad ay go’aan ka gaarto dilkii ra’iisal wasaarihii hore ee waddankaasi, Rafiiq Xariiri loo geystay 2005. Maxaa dhaliyay qaraxa? Mas’uuliyiinta Lubnaan ayaa sheegay in baaritaannada hordhaca ah ay tilmaamayaan in qaraxa uu ahaa shil ee aan si ula kac ah loo fulin. Wasaraadda arimaha gudaha ayaa sheegtay in maadama ammonium nitrate ee sida weyn u qaraxda lagu keydiyay makhaasiin ku yaal dekadda. Ra’iisal wasaare Xasan Diyaab ayaa qaraxa ku tilmaamay musiibo, waxaana uu wacad ku maray in lagula xisaabtami doono kuwa mas’uulka ka ah. Waxa uu ka hadlay “makhaasiin khatar badan” oo dekadda ku yaallay tan iyo 2014, balse waxa uu intaa raaciyay in aanu ka hordhici doonin baaritaanka. Mas’uul ka tirsan dowladda Israa’iil ayaa BBC-da u sheegay in dalkiisa aanu wax lug ah ku lahayn qaraxa Beyrut. Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in dad ay weli ku hoos jiraan burburka dhismayaasha. Qaraxa ayaa laga maqlay jasiiradda Khubrus oo Beyrut u jirta ilaa 240 KM, kuna taal Bariga Mediterranean-ka. Madax badan oo caalamka ah ayaa ka tacsiyeeyay musiibada halkaa ka dhacday. Ra’iisal wasaaraha UK, Boris Johnson, ayaa bartiisa Twitter ku qoray: “Sawirrada iyo muuqaallada caawa ka imanaya Beyrut waa kuwo argagax leh. Waxaan u duceynayaa dhammaan dadka ku waxyeelloobay dhacdadaasi argagaxa leg.” Waxa uu intaa raaciyay in dowladdiisa ay hiil iyo hooba la garab taagan tahay shacabka Lubnaan. Xaaladda Lubnaan qaraxa ka hor Xiisad siyaasadeed ayaa ka taagan Lubnaan, waxaana dhacay mudaharaadyo looga horjeedo qaabka ay dowladda u maareysay dhaqaale xumida dalkaasi ka taagan oo ah tii ugu darneyd tan iyo dagaalkii sokeeye ee socday 1975-1990. Inta badan shacabka ayaa dhaqaale xumida u aaneynaya madaxda dalka mudada soo hogaaminayay ee keeni waayay isbedal xal u ah dhibaatooyinka waddankaasi ragaadiyay. Shacabka dalkaasi ayaa la tacaala koronto la’aan, biyo yari iyo daryeelka caafimaadka oo liita. Qaraxa ayaa ka dhacay meel u dhaw halkii lagu beegsaday ra’iisal wasaarihii hore Rafiiq Xariiri oo 15 sano ka hor lagu dilay gaari waxlaha qarxa laga soo buuxiyay.