-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay digniin la xariirta cabsi laga qabo fatahaado ay sameeyaan labad webi ee Jubba iyo Shabeelle. Qoraal ka soo baxay Wasaaradda ayaa digniin loogu diray dhammaan dadweynaha ku nool hareeraha labada webi ee Jubba iyo Shabeelle waxaana wasaaraddu ka digtay Roobab dabaylo wata oo laga cabsi qabo in ay fatahaad ka sameeeyaan labada webi. “Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS waxey digniin la xariirta cabsi laga qabo fatahaado iyo dabeylo u direysaa dhammaan bulshooyinka ku nool hareeraha labada webig Jubba iyo Shabeelle” ayaa lagu yiri Qoraalka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya. Ugu dambeyn Wasaaradda waxay ugu baaqday maamullada degaanadda ku xeeran laba webi iyo hay’adaha gargaarka ee ka shaqeeya in ay u diyaar garoobaan xaaladda ka dhalan karta Roobabkaas. Halkaan ka akhriso Qoraalka wasaaradda PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo soo saartay digniin la xiriirta Fatahaado iyo dabaylo appeared first on Puntland Post.
-
Dekedda Magaalada Boosaaso waxaa saaka oo Khamiis ah la filayaa in uu dib ugu soo xirto Markab Xamuul ah oo Shalay ciid ku qabsatay iridda laga soo galo dekedda balse markii dambe laga saaray. Markabka oo Shamiito u wada shirkad lagu magacaabo Barwaaqo ayaa shalay saacado badan ku xayirnaa iridda laga soo galo dekedda kadib markii halkaasi ciid ku qabsatay waxaase markii dambe lagu guulaystay in laga saaro ciidda. Markabkaas oo shalay markii ciidda laga saaray dib ugu laabtay badda ayaa lagu wadaa in uu saaka mar kale si caadiya ugu soo xirto dekedda Boosaaso halkaasi oo uu ku dejin doono xamuulka uu sido. Sanadihii ugu dambeeyay waxaa dekedda Boosaaso laga soo sheegayay ciid ka buuxsan tahay iyo dayac kale balse ma jirin cid wax shaqo ah ka qabatay. PUNTLAND POST The post Markab Shalay ciid ku qabsatay dekedda Boosaaso oo maanta dib ugu xiranaya appeared first on Puntland Post.
-
Aja Naomi King & Ifrah Ahmed Discuss A GIRL FROM MOGADISHU4
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Aja Naomi King and Ifrah Ahmed spoke with blackfilm.com correspondent Koku Tona about their film A Girl From Mogadishu. Source: Hiiraan Online -
The new Galaxy Note 20 Ultra and Galaxy Note 20 show Samsung has yet again nailed the smartphone and stylus combo. It's also added more choice in terms of design to further cement the Note's position as one of the best productivity devices out there. Source: Hiiraan Online
-
The comedy sketches of Mogadishu's young TikTok and YouTube star have generated millions of views in just a few months. Source: Hiiraan Online
-
Waa tuma, maxayse ahayd shaqadeeda Dr.Xaawa Cabdi? Dr Xaawo Cabdi Dr Xawa Cabdi, waxay ahayd Soomaali u ololeyneysay xuquuqda dadka, qareen, iyo dhakhtar. Waa aasaasaha Xarunta Caafimaad ee Hooyada iyo Dhallaanka iyo hay’adda Doctor Xawa Cabdi Foundation. Sannadkii 2010-kii, waxaa loo magacaabay Abaalmarinta Glamour ee Haweeneyda Sannadka. Sidoo kale waxay mar ka mid noqotay dadka loo soo magacaabay abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize. Alle ha u naxariiste, Dr. Xaawa Cabdi Dhiblaawe ayaa ku geeriyootay magaalada Muqdisho. Waxay ahayd aasaasaha hay’ad ka shaqeysa arrimaha gargaarka. Xaawa cabdi ayaa dhashay seddax carruur ah, oo mid ka mid ah uu dhintay sannadkii 2005. Waxay ku dhalatay magaalada Muqdisho, 17 bishii May sanadkii 1947. Waxbarashadeeda dugsiga hoose waxay ku qaadatay iskoolka Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho, halka dugsiga dhexena ay kaga baxday iskoolka Komarshaale. Iskool dowladdii Ruushka ay ka dhistay magaalada Muqdisho ayay sheegtay in wixii intaa ka dambeeyay ay ku biirtay, ka dibna ay ka heshay deeq waxbarasho oo ay bixiyeen midowgii Soviet oo ay ku tagtay dalka Ukraine, waxayan ku maqneyd muddo 7 sano ah. Waxay dib ugu laabtay dalka, snnadkii 1972-dii, ka dib waxay shaqo ka bilowday isbitaalka Digfeer. Guud ahaan xilligaas waxaa dalka ku yara haweenka bartay caafimmadka. Dr. Xawa Cabdi waxay si gaar ah ugu taqasustay cudurada Hooyada iyo dhallaanka. Jamacadii ummadda Soomalaiyeed qeybta caafimmadka ayay sidoo kale ka noqotay bare (macallim). Xaawa Cabdi oo dhakhtar ahayd muddo 49 sano ah, ayaa caafimmaadka baratay sannadkii 1971-dii, xilligaas oo ay dalka ka jirtay dowladdii dhexe. Waxaa ay ka soo shaqeysay xarumo caafimmaad oo ku yaala magaalada Muqdisho, waxayna sheegtay in ardaydii ay wax soo bartay ay haatan ka shaqeeyaan deegannada Soomaalida iyo dalal badan oo caalamka. Abaalmarinnada 2017 – Waxay ka mid ahayd 10-kii qof ee Jaamacadda Havard ay siisay shahaadada abaalmarinta ah Doctor of Laws 2015 – Abaalmarinta Horumarinta Nabadda ee Pilosio ayey ku guuleysatay 2014 – Xawa Cabdi waxay heshay Biladda Xoriyadda ee Roosevelt Four: Abaalmarinta oo lagu siiyay Middelburg, ee Netherlands waxaa loogu yeeraa Freedom from Want. 2012 – Xawa Cabdi waxaa loo magacaabay abaalmarinta Nobel Peace Prize. 2012 – Waxay heshay Abaalmarinta Dumarka Saameynta leh ee Hay’adda WITW Foundation; Abaalmarinta Arrimaha Gargaarka Bulshada ee Bet iyo Abaalmarinta Cadaaladda ee John Jay. Xaawa Cabdi oo hawlaha samafalka bulshada ku soo jirtay tan iyo bilowgii dagaalada sokeye ee Soomaaliya, ayaa xarun caafimad oo ay ka faa’iideystaan hooyada iyo dhallaanka, ka furtay waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye. Waxay ka mid ahayd dumarkii ugu horreeyay ee soo bartay daweynta cudurada haweenka ee gynecologist, waxayna 1983-dii furatay isbitaal hal qol ka koobnaa si ay ugu caawiso haweenka uurka leh. “Isbitaalka waxaan ku bilaabay hal qol annigoo ugu daneynayay haqeenka foosha ay hayso, balse markii dambe wuu weynaaday oo wuxuu gaaray illaa afar boqol oo sariirood”, ayay Dr. Xaawa ku sheegtay wareysi ay BBC-da la yeelatay sannadkii 2013-kii. Markii uu bilowday dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya, 1991, xarunteeda waxaa buux dhaafiyay dad ka cararayay colaadda, ka dibna waxay bilowday hay’addeeda DHAF si dadka ay u caawiso. Hadda DHAF waxay ka kooban tahay isbitaal, iskuul iyo xarunta quudinta. Waxay bixisaa aqoon, daryeel caafimaad iyo hoy iyo tababaro la siiyo dadka barakacay ee u badan haween iyo carruur. Dr Xaawo Cabdi Dadkii ka hadlay geerideeda waxaa ka mid ah ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xassan Cali Khayre, oo sheegay in Dr Xaawa Cabdi lagu xusuusan doona kaalintii ay ka geysatay badbaadada ummaddeena, gaar ahaan kuwa nugul. Sidoo kale hogaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmana Cabdishakuur ayaa Xaawa ku tilmaamay “daljir daahsoonaa”. “Dr. Xaawa waxay ahayd samafale bulshada si naf-hur leh, xili adag uga soo shaqeysay. Waxay tusaale u tahay daljirka dahsoon ee danta guud ka shaqeeya, iyagoo Alle oo keli ah abaal iyo ajar ka doonaya. Allaha u naxariisto, sabar iyo iimaanna Allaha ka siiyo eheladeedii iyo ummada Soomaaliyeed oo idil”, ayuu yiri. Xaawo Cabdi xarunteedii caafimadka waxaa ku booqday madaxeynihii hore ee Mareykanka George H. W. Bus, xilligii ciidamada Mareykanka ay ku sugnaayeen Soomaaliya, bilowgii 1990-maadki. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa shalay tegay mowlaca Macallin Nuur ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu ka socdo shirka beelweynta Mudulood. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay, in inkasta oo tegitaanka Qoor Qoor ee shirka aysan ahayn wax qarsan, haddana uu jiray kulan gaar ah oo Qoor Qoor uu halkaas kula yeeshay xubno ay ka mid yihiin Cali Mahdi, Cali Maxamed Geedi, Muuse Suudi iyo Imaamka Mudulood. Ma cadda waxyaabaha uu Qoor Qoor kala hadlay xubnaha beesha Mudulood, hase yeeshee xubno ku dhow ayaa Caasimada Online u sheegay inuu kasoo carrooday madaxweyne Farmaajo. Sida aan xogta ku helnay, Qoor Qoor ayaa olole xooggan u galay oo rajo wanaagsan ka qabay in qof uu wato loo magacaabo ra’iisul wasaaraha, hase yeeshee madaxweynaha ayaa ku gacan seeray taas, inkasta oo uu xaqiijiyey inuu xilkaas siin doono beesha Habar-Gidir ee Qoor Qoor uu ka dhashay. Intii uusan ka bixin Muqdisho ee uusan u dhoofin Turkiga, ayaa sidoo kale Qoor Qoor waxa uu sheegay in shirku Dhuusamareeb uu ku qabsoomi doono waqtigiisa, isla markaana loo xil saaray guddi farsamo oo soo qaban-qaabiya oo 15-ka bishan la isugu tegi doono Dhuusamareeb. Waxa uu intaas raaciyey hadal dadban oo u muquday inuu farriin ugu dirayo Villa Somalia, isaga oo ka digay in shirka la carqaladeeyo. “Dhamaan dhinacyada shirkaas uu khuseeyo iyo Soomaaliya oo dhan waxaan ugu baaqeynaa in waqtigaan la tixgeliyo wax kasta oo shirkaas dib u dhac ku keeni karana laga fogaado,” ayuu yiri Qoor Qoor. Villa Somalia ayaa la rumeysan yahay inay dooneyso in shirkaas uusan dhicin ama ugu yaraan dib loo dhigo, waxaana ay u ekeyd in hadalka Qoor Qoor uu ayaga ku socday.
-
Xubno ka tirsan Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan Waddanka Koonfur Afrika ayaa laga soo xigtay in gudaha Dalkaasi lagu dilay muwaaddin Soomaaliyeed oo halkaasi ganacsi ku lahaa. Koox hubaysan oo burcad u dhashay koonfur Afrika ayaa la sheegay in ay gudaha magaalada Darban ee Koonfur Afrika ku dileen muwaaddinkaas Soomaaliga ah oo goob ganacsi ku lahaa Darban. Burcadkii dilka u gaystay marxuumka ayaa goobta ka baxsaday kadib markii ay bililiqo u gaysteen xaruntiisi ganacsi sida laga soo xigtay xubnaha Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas. Marxuumka la dilay oo magaciisa lagu soo koobay Faarax ayaa kamid ahaa Soomaalida ka carartay Colaadihii dalka ka dhacayay islamarkaana ganacsiga ka sameeyay waddanka Koonfur Afrika. PUNTLAND POST The post Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika appeared first on Puntland Post.
-
Macbad laga dhisay goob masaajid laga dumiyay Ra’iisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi oo daahfuray macbadka Ra’iisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa sheegay in macbadka Hinduuga ee laga furay magaalada Ayodhya uu yahay astaan casri ah oo ka turjumeyso dhaqanka dadka hinduuga ah. Wuxuu hadalkan sheegay xilli uu maanta dhagax dhigayay macbadka muranka badan dhaliyay. Koox Hinduu ah ayaa sannadkii 1992-dii burburisay masaajidkii 16-ka qarni dhisnaa, waxaana tallaabadaas ka dhashay qalalaase ay ku dhinteen 2000 qof oo u badnaa muslimiin. In goobtan laga dhiso macbad waxay kamid aheyd ballan qaadayada Ra’iisul wasaare Modi balse dadka dhalleeceeyaa siyaasaddiisa ayaa sheegayaa in maanta ay tahay maalin mugdi ah isla markaana munaasabadda furitaanka macbadka ay muujin karto tallaabo lagu gacan bidxeynayo muslimiinta laga tiro badan yahay. Sannadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii maxkamadda sare ee dalkaas dhulkan siisay dadka Hinduuga ah kaddib tobonaan sanno oo lagu muransanaa. Maxkamadda sare waxay sidoo kale dhul kale siisay muslimiinta si ay ugu dhistaan masaajid. Qaran News
-
Saddex arrimood oo uu Joe Biden dhabarka uga jabinayo Donald Trump Joe Biden, oo ah musharraxa xilka madaxweynaha ugu tartamaya xisbiga Dimuqraaddiga ee Mareykanka ayaa dhowr arrimood ku eedeeyay madaxweyne Donald Trump, kuwaasoo dhammaantood la xiriira sida uu uga falceliyay xasaradda cudurka coronavirus. Mr Biden wuxuu sheegay in madaxweynaha uu amar ku bixiyay in si gaabis ah loo sameeyo baaritaannada coronavirus, inuu ku guul darreystay sidii shaqaalaha caafimaadka loo siin lahaa qalab ku filan oo ka ilaaliya xanuunka, iyo inuu isku dayay hor istaagidda dhaqaalaha lagu bixiyo adeegyada caafimaadka dadweynaha. Waxaan xaqiiqo baaris ku sameynay arrimahan oo dhan. Sheegasho: “Madaxweyne Trump wuxuu amar ku bixiyay in laga gaabiyo baaritaanka la xiriira coronavirus.” Xaqiiqda: Trump wuxuu arrintan ku soo jeediyay khudbad uu meel fagaaro ah ka jeedinayay, laakiin saraakiishu waxay sheegeen inaan wax amar ah lagu siinin xaddidaadda baaritaanka. Isu soo bax uu Madaxweyne Trump ka qeyb galay 21-kii bishii June ayuu ka ydhi: “Dadkeyga waxaan ku idhi yareeya baaritaanka, fadlan.” Laakiin markii dambe wuxuu hadalkaas ku tilmaamay “mid uusan micnihiisa dhabta ah ula jeedin sidaas”. Sidoo kale xog-hayihiisa dhinaca saxaafadda ayaa sheegtay in eraygaas uu ahaa kaftan uu madaxweynaha sameynayay. Dr Anthony Fauci, oo ah khabiirka cudurrada faafa ee ugu sarreeya Aqalka Cad, ayaa yidhi: “inta aan ka ogahay, qof naga mid ah waligiis laguma amrin in la dabciyo baaritaannada.” Mareykanka ayaa maalin kasta oo ka mid ah bishii July sameeyay qiyaastii 744,000 baadhitaan, tiradaas oo ka badan tii la sameeyay maalin kasta oo ka mid ah bishii June, oo ahayd 508 baadhitaan, sida laga soo xigtay mashruuca dabagalka Covid-19. Baadhitaannada ayaa sii batay tan iyo markii uu madaxweyne Trump jeediyay hadalkaas. Madaxweynaha ayaa baadhitaanka ku qeexay “seef labo af leh”, wuxuuna sheegay in Mareykanka uu u muuqdo mid uu cudurka kusii xoogeysanayo maadaama ay baadhitaannada badan yihiin. Hase yeeshee, inkastoo baadhitaanka uu kordhay, waxaa sidoo kale batay dadka laga helayo cudurka. Sidaas darteed baadhitaanka oo kaliya kuma xidhna kororka kiisaska coronavirus. Sheegasho: “Shaqaalaheenna caafimaadka ma aysan heysanin qalab ka ilaaliya cudurka oo ku filan.” Xaqiiqda: Waxaa caddeyn loo hayaa in xarumaha caafimaadka qaarkood uu qalabkii ka dhammaaday. Madaxweyne Trump wuxuu si shakhsi ah u sheegay in maamulkiisa uu badiyay adeegyada lagu bixiyo qalabka la isaga difaaco fayraska, kaasoo sii dhammaanayay markii uu billowday cudurka safmarka ah. Soo saarista qalabkaas ayaa la badiyay, laakiin Mr Biden wuxuu sheegayaa in wali aan la sameynin dadaal ku filan. Daraasad baadhitaan ah, oo ay 27-kii bishii July daabaceen Ururka Kalkaaliyeyaasha Qaranka – oo ay ku mideysan yihiin 87% ka mid ah kalkaaliyeyaasha ka shaqeeya isbitaallada Mareykanka, ayaa lagu sheegay in dib loo isticmaalo qalabka oo ah mid loogu talagalay in hal mar oo kaliya la adeegsado. In dib loo isticmaalo qalabka waxay sababi kartaa halis ka imaata fayraska Dalladda Dhakhaatiirta Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay inuu qalabka la isaga difaaco cudurka aad u yaryahay. Waxaa walaac weyn laga qabaa in xilligan oo kiisaska fayraska ay badan yihiin haddana xarumihii ganacsiga dib loo furayo iyadoo qalabka la isku difaacana uu sii dhammaaday. Sheegasho: “Madaxweyne Trump wuxuu isku dayay inuu hor istaago dhaqaalaha la siiyo Waaxda Xakameynta Cudurrada.” Xaqiiqda: Caddeyn ku filan looma hayo. Mr Biden wuxuu arrintan ku shaaciyay bartiisa Twitter-ka, laakiin ma uusan soo bandhigin wax caddeymo ah oo xaqiijinaya sheegashadiisa. Waxaan la xiriirnay kooxda ol’olaha u sameyneysa Biden, si aan wax badan uga ogaanno waxyaabaha loo cuskaday eedeyntaas. Xildhibaannada Mareykanka ayaa hadda ka wada hadlaya adeeg baaxad leh oo wax looga qabanayo dhibaatada coronavirus, waxaana jiray warar ay soo tabinayeen warbaahinta Mareykanka oo sheegaya in maamulka Trump uu u ol’oleynayo sidii loo dhimi lahaa dhaqaalaha ku baxa Waaxda Xakameynta Cudurrada(CDC). Waaxda CDC waa hay’adda dowladda u qaabilsan adeegyada caafimaad ee dadweynaha, waxayna mas’uuliyiinteeda arrimo badan oo ku saabsan cudurka safmarka ah ku kala ra’yi duwanaayeen madaxweynaha. Waxyaabaha ugu waaweyn ee ay isku waafaqi waayeen waxaa ka mid ah talooyinka la xiriira dib u furitaanka dalka. Hase yeeshee, Aqalka Cad wuu beeniyay inuu caqabad ku yahay dhaqaalaha la siiyo Waaxda Xakameynta Cudurrada, wuxuuna yidhi: “Sheegashada ay sameeyeen kooxda Biden waa been abuur. Miisaaniyaddeenna ugu dambeysay, Waaxda CDC waxay ka heshay lacag dhan $635m, waxaana loo sameeyay dhaqaale kordhin u dhiganta 8%.” Tani waa run, hay’adda CDC waxay heshay dhaqaale kordhin intii uu socday dadaalka looga falcelinayay cudurka safmarka ah. Miisaaniyadda Maamulka Trump ee sanadka 2021-ka, oo billaaban doonta bisha October ee sanadkan 2020-ka, ayaa markii hore lagu muujiyay in dhaqaalaha laga dhimi doono hay’adda CDC – laakiin hadda waxaa la filayaa in la kordhiyo, waaxyaha kharashkooda la kordhinayana waxaa ka mid ah qeybta la dagaallanka cudurrada faafa. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa muddo shan bil ah kadib wali bixin lacag uu ka ballan qaaday hooyado iyo carruur mataano ah oo geeridiisa kadib u dhashay weriye Cabdinaasir Cabdulle Gacal, oo ka tirsanaa sawir qaadayaasha warbaahinta qaranka. Marxuum Cabdinaasir Cabdulle Gacal, ayaa 14-kii bishii August ee sanadkii hore ku geeriyooday dagaal ay Al-Shabaab ku soo qaadeen ciidankii uu la socday oo ku sugnaa degmada Awdheegle ee gobalka Shabeellada Hoose. Caruurtaan oo mataano ah ayaa dhashay bishii Maarso ee sanadkaan, waxaana 12-kii bishaas Isbitaalka Yardimeli ku booqday madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isagoo waalidka u soo balan qaaday inuu ka bixin doono wixii qarash ah ee lagu leeyahay, sidoo kalane uu biil joogto ah meel u saari doono caruurtaas iyo hooyadood. “Tan iyo maalintaas ma arkin madaxweynaha iyo dadkii ka tirsanaa madaxtooyada ee noo dhaxeeyay, wali rajo ayaa ka qabnaa waxaana aaminsanahay inuu mashquulay maalina aan heli doonno wixii naloo ballan-qaaday,” ayey tiri haweeney ka tirsan qoyska Gacal oo aan qarinay magaceeda sababo badan aawgood. Qoyskan ayaa markii gabadha ay u mushay waxaa lacag saddex kun oo dollar ah siiyey ra’iisul wasaare Kheyre, oo aan isku soo sawirin si la mid ah madaxweynaha, balse Farmaajo ayaan illaa hadda laga helin xitaa hal dollar. Allaha naxariistee Cabdinaasir Cabdulle Gacal, ayaa ka tirsanaa sawir qaadayaasha magaalada Muqdisho kuwa ugu xirfada fiican, waxa uuna si lacag la’aan ah ugu shaqeynayay dowladda Soomaaliya oo markaas u baahatay. Hal sano kadib geerida Weriye Gacal waxaa wali dayacan qoyskiisa, waxayna dalbanayaan in madaxweynaha uu ka dhabeeyo ballan-qaadkiisa, ayaga oo aamisan inuu soo xusuusan doono mar ay ahaataba. Qoyska ayaa hadda waxaa caawiye weriyayaasha magaalada Muqdisho qaarkood, oo bil walba isku dara min 10 dollar, kadibna siiya hooyada dhashay ilmaha Gacal.
-
Xubno ka tirsan Xil-DHibaanada Golaha SHacabka Soomaaliyeed oo oo inal soo xiriiray ayaa inoo xaqiijiyay in baarlamaanka iyo xubno ka tirsan Villa Somalia ay qorsheeyeen, [...] The post Xil-dhibaanno ka tirsan BFS oo walaac muujiyay muddo kororsi la doonay in lagu dhawaaqo fadhiga ugu horeeya ee golaha shacabk. appeared first on . Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Markii agaasimaha ilaalada xeebaha Soomaaliya Chris Reynolds oo Ireland kasoo jeeda uu shaqada aadayo, waxaa markasta wehliya ugu yaraan labo gaari oo gaashaaman iyo unug ciidan ah oo ilaaliya. Taasi ma ahan socdaalka caadiga ah ee saraakiisha ilaalada xeebaha. Laakiin doorka hadda ee Reynolds, sidaas waa uu ka duwanyahay. Tan iyo sanadkii 2019-kii, ninkaan oo kasoo jeeda magaalada Dublin waxaa uu ahaa madaxa Howlgalka Midowga Europe ee badda Soomaaliya, howlgalkaasi waxaa uu dib u dhisayaa ku dhaqanka sharciga Soomaaliya iyo gaar ahaan awoodda badda ee amni sugidda. “Khatartu halkaan waa ay badantahay. Dhab ayaan u qaadanaa,” ayuu yiri Reynolds, oo ka hadlay xarunta howlgalku ku leeyahay garoonka diyaradaha Muqdisho. Xeradda waxaa ilaaliya ciidan Soomaali ah, kuwo ka tirsan AMISOM iyo shirkad amni oo gaar loo leeyahay, hadana waxa joogto u weerara Al-shabaab oo adeegsanaya madaafiic. “Markii aan banaanka aadeyno, waxaan ku baxnaa kolonyo. Waxaa gadaal iyo horay naga mara ciidanka amniga maxaliga ah, waxaana wadanaa ugu yaraan laba gaari oo gaashaaman oo ay dadku dhexda uga jiraan. Kama degno baaburta ilaa aan tagno xero kale” ayuu yiri. Reynolds, oo horraantii bishan la gudoonsiiyay abaal-marinta birta ah ee military-ga Midowga Europe, waa uu qoslay , markii la weydiiyay in qoyskiisu ay Muqdisho ugu yimaadeen iyo in kale. “Alla maya. Halkaan qoyskaaga ma keeni kartid” ayuu yiri. Ninkaani waxaa uu ka mid yahay shanta qof ee Irish-ka ah ee ka tirsan EUCap, waana madaxii ugu horreeyay ee Ireland kasoo jeeda ee uu howlgalkaan yeesho. In aad Irish tahay waxay faa’iido u leedahay dhismaha xiriirka wadan dagaal la degay. “Waxay furi kartaa albaabo badan dadkuna waa ay ku nasan karaan. Ireland meel gaar ah ayey leedahay markii ay timaaddo ka shaqaynta meelo Africa oo kale ah. ‘Dhibaato deriskeena’ “Soomaalidu waa Irish-ka Africa,” ayuu hadalkiisa ku daray, waxaa uu hadal kasoo xigtayRichard Burton oo ah sahmiye noolaa qarnigii 19-aad. “Waxaa ku hareereeysan biyo qurxoon, taariikh macquul, iyo taariikh soo galooti. Markastana deriskeena wan isku xunahay.” Waayo aragnimadiisii hore ee ciidanka badda Ireland ayaa sidoo kale ka caawisay in uu ka mid noqdo kooxda 111-da ah ee ciidanka difaaca. “Waa arrin xiiso leh in aad halkaan ka hesho askari ciidanka badda ah. Ciidanka Ireland ee badda ayaa aad ugu haboon. Waxay sameeyaan shaqo badan oo ilaalaha xeebaha ah, sida ilaalinta kaluumeysatada, ka hortagga daroogada, amniga iyo nabad geliyada. Aad ayeyna u tababaranyihiin. “Waxaan garowsaday in ay heysato dhibaato dhanka shaqaaleysiinta ah hadda.” Ayuu yiri. Markii dadka Ireland ay ka fekeraan Soomaaliya, burcad badeed ayaa kusoo dhacaysa. Ujeedka ugu weyn ee howlgalka EUCap kii ka horeeyay ee Nestor waxaa uu ahaa xakameynta burcad badeeda, taasi oo la degtay geeska Africa sanadihii dambe. Sida uu sheegay Reynolds, burcad badeedda hadda waa laga adkaaday. Taas waxaa sabab u ah Soomaalida oo aan u dulqaadan. Waxaa sidoo kale qayb ka ah dhismaha dekedaha iyo warshadaha kaluunka iyo ku dhaqanka sharciga. Reynolds waxaa uu sheegay in shaqadiisa ugu adag ay tahay in uu biyaha dhigo kuwo nabad geliyo ah oo nafiid ah, awoodaha amni sugidda si loo ilaaliyo dekedaha, isla markaana la sameeyo booliiska sida military-ga u tababaran si ay gacan uga geystaan la dagaalanka Al-shabaab. Aad ayuu ugu rajo weynyahay mustaqbalka. Reynolds waxaa uu Soomaaliya joogay muddo afar sano ah. “Waa is bedel wanaagsan, laakiin waa in aad haalkaan joogtaa afarsano si aad u aragto isbedelka wanaagsan. Hadii aad halkaan joogto muddo lix ama sided bilood ah ma arki kartid.” Ayuu yiri.
-
Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Qubanaha-Shabelle-05082020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Saaka abaare saddexdii subaxnimo garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Muqdisho laga soo dejiyay boqolaal askari oo ka mid ah ciidamada dowladda Soomaaliya oo aad u qalabeysan. Ciidankaan oo la sheegay in ay tababar ugu maqnaayeen dalka Turkiga ayaan la sheegin tiradooda rasmiga ah balse waxaa keentay diyaarad militari oo weyn. Waxay wateen hubka culus iyo mid fudud, darees aan u ekeen midka ciidanka Milateriga iyo kuwa kale. Shaqaale ka tirsan garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa Caasimada Online u sheegay in gaadiid badan oo ciidankaan la socday iyo kuwa kale oo dalka hore u yiilay lagu qaaday ciidankaan waxaana mudadii ay howshaas socotay la joojiyay dhamaan dhaq dhaqaaqi garoonka iyo agagaarkiisa. Wararka aan helnay ayaa sidoo kale sheegaya in ciidan kale oo boqolaal ah laga qaaday Muqdisho isla saakay mana jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo arintaan ku saabsan. Turkiga waa dalka tababarka ugu ballaaran siisa militariga Soomaaliya, waxayna soo saareen ciidan ku dhow shank un oo askari. Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz oo shalay wareysi siiyey wakaaladda wararka Anadolu ayaa sheegay in qorshaha Turkiga uu yahay inay tababaraan illaa 15 kun oo askari oo Soomaali ah, taasi oo ka dhigan saddex meelood meel ciidamada dowladda Soomaaliya.
-
AN INTERVIEW WITH CHAIRMAN OF THE COSMOPOLITAN DEMOCRATIC PARTY OF SOMALIA Samiya Lerew: The 4.5 era will be remembered as the darkest period in our history As Somalia is planning to hold one person, one vote elections in 2021, Puntland Post has had the opportunity to interview Samiya Lerew, the Chairman of the Cosmopolitan Democratic Party of Somalia. PP: When and why was the Cosmopolitan Democratic Party founded? Samiya: The party was founded on May 10, 2015. There has been a hope that Somalia will conduct party-based elections, and we are determined not to be absent from the political arena. The logo of the party PP: Somalia is venturing into a multiparty system after two decades of the notorious 4.5 power-sharing formula that relegates more than half of the Somali citizenry to a minority status. What is the position of CDP on the political marginalisation of Somalis known as ‘Others’? Samiya: The 4.5 era will be remembered as the darkest period in our history. Predatory system that was designed to create as much resentment among Somali people while creating small groups to amass huge wealth at the expense of societies on the periphery. ‘Othering’ Somali citizens has enabled social Darwinism to take root in our polity. CDP rejects all forms of human degradation. The idea of othering, representation of Somalia as consisting of a number of clans, some in perpetual conflict, suggests a society of relative equals pursuing similar goals, sharing similar interests, engaged in similar activities, living in similar culture, sharing similar language if not same. The opportunity to compete in free and fair elections should never be dismissed as impractical, in favour of the 4.5 system. No Somali citizen should be denied to reach their full potential simply because they were born into the wrong side of clan fence. PP: Does CDP have any ideas on how to break the deadlock over the electoral law opposed by some political parties and some Federal Member States? Samiya: CDPhas no any ideas as to how to break the deadlock. Federal Member States are based on the foundations of 4.5. They do not wish to let go of their good fortune. They think the idea of one person, one vote threatens their very existence. PP: Is CDP a member of the Forum for the National Parties? If not, why? Samiya: CDP is not a member of ‘The Forum for the National Parties’. They have not approached us. Secondly, we have not found any group whose principles strike a chord with us. PP: Will CDP consider the possibility to collaborate with other parties to form a coalition government if no political party wins an absolute majority of votes? Samiya: Yes, providing that the coalition moves away from the 4.5 system. PP: Would CDP support negotiations with Al-shabaab to end the threat of transnational terrorism to the global security? Samiya: This is a very tricky question. Who is Al-shabaab? Since there are no foreigners among us, who are using the terror group as means of organised crime? We cannot negotiate with an elusive body, but we can and should rehabilitate the youths Al-shabaab uses. 4.5 is the facilitator of terrorism. Without painful injustices the group could not have survived. They exploit injustices that have yet to be addressed in Somalia. © Puntland Post Monthly, 2020 The post SAMIYA LEREW: 4.5 IS A DARK CHAPTER IN OUR HISTORY appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi — Qatar Airways has resumed 14 weekly flights to Kenya's capital Nairobi. A statement from the airline said the flights resumed on August 3. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo galabta ka dhoofayey garoonka Aadan Cadde ayaa warbaahinta la hadalay, isaga oo faahfaahin ka bixiyey qaboomidda wajiga seddaxaad ee shirka Dhuusamareeb iyo qodobo kale. Madaxweyne Qoor Qoor ayaa sheegay in shirku uu ku qabsoomi doono waqtigiisa, isla markaana loo xil saaray guddi farsamo oo soo qaban-qaabiya oo 15-ka bishan la isugu tegi doono Dhuusamareeb. Waxa uu sidoo kale ka digay in shirka la carqaladeeyo. “Dhamaan dhinacyada shirkaas uu khuseeyo iyo Soomaaliya oo dhan waxaan ugu baaqeynaa in waqtigaan la tixgeliyo wax kasta oo shirkaas dib u dhac ku keeni karana laga fogaado,” ayuu yiri Qoor Qoor Madaxweynaha ayaa maalmihii dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho, waxuuna sheegay in safarka uu ku joogay Muqdisho uu ku saabsanaa sidii uu madaxda ugala hadli lahaa ka qeyb galka shirka Dhuusamareeb-3, isla markaana ay haatan wax kasta ku socdaan si caadi ah. Waxa uu sidoo kale sheegay in uu kula kulamay qeybaha kala duwan ee bulshada reer Galmudug oo uu kala hadlay dhaqan gelinta heshiisyadii shirkii Hobyo oo ay ugu horeyso dar-dar gelinta dhismaha dekedda Hobyo, waxuuna sheegay in haatan meel fiican ay wax u marayaan. Madaxweyne Qoor Qoor ayaa warbaahinta u sheegay in safar shaqo uu ugu amba-baxayo dalka Turkiga oo maalmo kooban uu ku maqnaan doono, isla markaana mudada shirka ka hor uu tegayo Dhuusamareeb oo 15-ka bishan la filayo in uu ka dhaco wajiga 3-aad ee shirka wadatashiga madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.
