Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo wafdi balaaran uu hoggaaminayo ayaa garay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Wafdiga madaxweynaha waxaa soo dhaweeyay Masuuliyiinta Safaarada Soomaaliya ee dalka Turkiga ee uu hogaaminayay Amb jaamac Cabdullaahi Ceydiid iyo ku xigeenkiisa . Sidoo kale dadka Soo dhaweeyay waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga Sheikh Maxamed, qaar ka mid ganacsatada Soomaaliyeed eek u dhaqanka Turkiga. Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor) waxaan safarka ku wehlinayo guddoomiyaha guddiga la socodka iyo hirgalinta dib u-eegista dastuurka ee barlamaanka federaalka Soomaaliya Cabdi Xasan Cawaale (Qeydiid) maareeyaha wakaalada horumarinta dhismaha Soomaaliyeed bashiir Maxamed Jaamac (Keynaan) iyo xubno kale. Ugu dambeyn madaxweynaha Galmudug ayaa la filayaa inta uu dalkaasi ku suganyahay uu la kulmi doono madaxada safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga,Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi iyo ardayada Soomaaliyeed ee wax ka barata magaalooyinka kale duwan ee dalkaasi ee uu kala hadli doono xaalada guud ee dalka gaar ahaan deegaanada Galmudug. Source: goobjoog.com
  2. Somalia expects to announce the winners of its first oil and gas licensing round early next year, as the country seeks petro dollars to help rebuild its struggling economy, a senior government oil official said on Wednesday. Battered by violence and an Islamist insurgency since clan warlords overthrew a dictator in 1991, Somalia is offering seven deep water offshore blocks in its maiden licensing round in one of the world’s last frontier markets. The oil and gas auction officially opened on Tuesday. “We are expecting that in the first quarter of next year to finalise and award the block contracts,” Ibrahim Ali Hussein told Reuters in his first interview with international media since his appointment last week as the CEO of the Somali Petroleum Authority (SPA). The government had previously mooted offering 15 blocks in this licensing round but cut this down to seven due to capacity constraints, Hussein, a former advisor to Somalia’s energy minister, said. Seismic data previously indicated the 15 blocks could contain around 30 billion barrels of oil. He said the coronavirus pandemic had delayed talks between the government and a joint venture of legacy rights holders Shell and Exxon Mobil to convert their existing concession into a production sharing agreement (PSA). “If there was not coronavirus, the roadmap that we agreed … was to get the contract back before the end of this year, December,” he said. Converting the concession into a PSA would also help end a force majeure by the oil majors that has been in place since 1990, Hussein said. Shell and Exxon hold exclusive petroleum exploration and production rights over five shallow water offshore blocks. “We have an ongoing and constructive dialogue with the Somali authorities about a roadmap potentially to convert the existing concession to a production sharing agreement,” a Shell spokesman said. No-one at Exxon was immediately available to comment. Source: Reuters The post Somalia expects to announce winners of first petroleum auction early 2021 appeared first on Puntland Post.
  3. Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda Fedraalka Soomaaliya Xamse Saciid Xamse ayaa sheegay in Dowladda ay xoogga saari doonto yareynta qataraha musiibooyinka. Roobab xooggan ayey saadaasha toddobada casho ee soo socoto tilmaamaysaa in ay ka da’idoonaan qeybo ka mid ah Goballada Koofureed iyo kuwa Woqooyi ee dalka. Sidoo kale Roobab ka da’aya buuralayda Itoobiya ayaa laga cabsi qabaa in ay sabab u noqdaan sare u kaca heerka Webiga Shabeelle iyo Jubba taasi oo ay ka dhalan karto fatahaado ka dhaca Magaalooyinka ku hareereysan Webiga sida Jowhar iyo Baladweyne. Heer cabbirka Webiga Shabeelle ee uu hadda marayo ayaa saameeyay isu socodka gaadiidka iyo dhaqdhaqaaqa ganacsiga ee Magaalada Jowhar ee Gobalka Shabeellada dhex. Degmada Afgooye oo ay dhawaan saameeyeen roobabkii xagaaga ee aan horey uga dignay ayaa waxaa laga cabsi qabaa in ay mar labaad saameyn ku yeeshaan roobabka la filayo in ay da’aan toddobada cisho ee soo socta, iyadoo wabigu horey u buuxay. Mowjadaha iyo Hirarka Badda: 7-12 Bisha Ogosto waxaa la saadaalinayaa in Mowjadaha Badda ay sara u kacayaan taas oo sababi karta in ay wax yeelo naf iyo maalba leh u gaysato dadka ku shaqeysta doonyaha yaryar iyo dadka dalxiiska u aada xeebaha; sidoo kale waxay waxyeelo u geysan kartaa dadka ku nool nawaaxiga badda. Dabeylaha Xagaaga xaalada dabeysha ayaa markasta is badbadaleysa sidaas darteed waxaa laga cabsi qabaa in maalmaha soo socda ay sara u kac ku yimaado Xawaare-socodka dabeysha. Xarunta Qaran ee Ka digista Halis-wadareedka (NMHEWC) waxay si gaar ah uga digeeysaa dhammaan bulshooyinka kala duwan sida; dadka ku nool hareeraha Wabiyada Shabeelle iyo Jubba, kaluumeeysatada iyo dadka ku dhaqan degaannada dhaca Xeebaha in ay ka digtoonaadaan khataraha ku soo wajahan. Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka (WG&MM) waxey ugu baaqeysaa dhamaan maamulladda deegaanaddaas kor ku xusan iyo dhammaan hey’adaha gargaarka ee ka hawlgala deegaannadaas in ay u diyaar garoobaan xaaladdan soo cusboonaatay, ayna taageero u muujiyaan bulshada ku dhaqan xeebaha iyo deeganada barriga ah. Xarunta waxey si dhaw ula socotaa is badalka xaaladaha , waxeyna idiin soo gudbineysaa waxa soo kordha iyo sida ay isubaddesho xaaladda. Halkan Ka Daawo Warbioxin Ku Saabsan Cabdsida Laga Qabo Fataahadaha Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Baariyaasha Lubnaan ayaa ku foogan sidii loo heli lahaa ciddii ka dambeysay qaraxyadii ku habsaday caasimadda Beyruut Tallaadadii, illaa iyo hadda waxaa la aaminsan yahay in sababtu ay aheyd keydin xumo tobanaan tones oo maaddo bacraminta loo adeegsado oo sidoo kale qarax dhalisa taas oo lagu keydiyay makhsin ku dhex yaalay dekada. Waraarka ayaa sidoo kale sheegaya in dowladdu amartay in xabsi guri lagu hayo qaar kamid ah saraakiisha dekada Beyruut. Sababta dhabta ah ee ka dambeysay qaraxyadii Talaadadii ilaa iyo hadda ma cadda laakiin waxaa la aamisan yahay in 2,750 oo maaddada ammonium nitrate oo 6 sano ka hor lagu keydiyay bakhaar dekada ku dhex yaala ay qaraxday. Qaraxyadaas ayaa si weyn u gilgiley guud ahaan caasimadda Lubnaan ee Beyruut kaas oo ay ku geeriyoodeen 135 ruux in ka badan 5,000 oo kale ay ka dhaawacmeen. Saraakiisha ayaa sheegaya in khasaaraha uu intaas ka badan karo maadaama kooxaha gurmad deg deg ah wali qodeyaan burburka kana raadinayaan dadka ku hoos jira dhismiyaasha burburey. In ka badan 300,000 oo guri ayaa ku burburey, sida uu sheegay barasaabka Beyruut Marwan Abboud isagoo intaas ku daray in hanti lagu qiyaasay $10bn ilaa $15bn lagu waayay qaraxyada. Golaha wasiirada Lubnaan ayaa ku dhawaaqay labo todobaad oo xaaladda deg deg ah lagu soo rogay caasimadda isla markaana ammaanka magaalada lagu wareejiyay ciidanka militiriga. Safaaradda Mareykanka ee Lubnaan ayaa sheegtay in muwaadin Amerikaan ah uu kamid ahaa dadkii ku dhintay qaraxyadii Beyruut sidoo kalena dhowr qof ay ku dhaawacmeen. “Waxaa tacsi tiiraanyo leh u direynaa ehelada dadkii ay jeclaayeen ku waayay. Waxaan si dhow ula socon doonaa xaaladda haddii qof kale oo Mareykanka uu wax ku noqday qaraxyada,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay safaarada Mareykanka. Wasiirka arrimaha dibadda France, Jean-Yves Le Drian ayaa walaac ka muujiyay sugnaanta cuntada Lubnaan ka dib qaraxii ka dhacay Beyruut oo saameeyay dekada iyo bakhaaradii cuntada ugu waa weynaa dalka. Le Drian ayaa sidoo kale beesha caalamka ugu baaqay in ay Lubnaan loo muujiyo is garab istaag dhanka dhaqaalaha ah. Madaxweynaha France Emmanuel Macron ayaa maanta oo khamiis ah la filayaa in uu tagi doono caasimadda Lubnaan ee Beyruut. Ra’iisul wasaaraha Australia Scott Morrison ayaa ku dhawaaqay in wadankiisa u balan qaaday dhaqaale dhan 1.4 Milyan oo dollar oo lagu caawinayo dadka dhibaatada ka soo gaartay qaraxyadii ka dhacay Lubnaan. Morrison ayaa wariyeyaasha u sheegay khamiistan maanta ah in lacagtaas ku wareejinayaan WFP iyo Bisha Cas si dawo iyo waxyaabaha kale ee aas aasiga ah loogu iibiyo. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa aaminsan in qaraxyadii Beyruut ay ahaayeen weerar si ula kac ah loo sameeyay, laakiin xoghayahiis difaaca ayaa qaba in qaraxyadu ahaayeen shil, sida AP ka soo xigatay. “Sidee ku dhihi kartaa waa shil haddii qof uu meesha uga tagay waxyaabo khatar badan oo qarax sababi kara,” ayuu Trump u sheegay wariyeyaasha. Xoghayaha difaaca Mark Esper ayaa horaan sheegay in qaraxyadii Lubnaan ahaayeen shil sida uu aaminsan yahay.
  5. Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Qoorqoor ayaa safarkiisa Dalka dibadiisa u dhoofay markii ugu horaysay tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha Galmudug. Wararka aan ka helayno [...] The post Qoorqoor oo Turkiga gaaray appeared first on . Source
  6. Madaxweynaha maamulka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa gaaray magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyey. Qoor-Qoor iyo wafdigiisa oo ka amba-baxay magaalada Muqdisho, waxaana Istanbul ku soo dhoweeyey safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga, safiir kuxigeenka iyo guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee wadanka Turkiga. Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa inta uu joogo Turkiga wuxuu kulamo la qaadan doonaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi. Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug uu mari doono baaritaan caafimaad. Waa safarkiisii ugu horreeyey ee uu Qoor-Qoor ku tegayo magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, tan markii loo doortay xil-ka Madaxweynaha ee maamulka Galmudug. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  7. Istanbul (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cadi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa si ballaaran loogu soo dhoweeyey magaalada Istanbul ee dalkaasi. Qoor-Qoor iyo wafdigiisa oo ka baxay magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa waxaa halkaasi ku dhoweeyey safiirka Soomaaliya u fadhiya wadanka Turkiga, ku xigeenkiisa iyo sidoo kale guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Turkiga. Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa waxaa Turkiga u dagan Qoyskiisa, waxaana wararka qaar ay sheegayaa inuu mari doono baaritaan caafimaad. Sidoo kale inta uu joogo wadanka Turkiga wuxuu kulamo kala duwan la qaadan doonaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi. Waa safarkii ugu horreeyey ee Qoor-Qoor ku tegayo Turkiga, tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.
  8. Ilaa todobo ruux ayaa lagu soo waramayyaa in lagu la’yahay deegaano iyo tuulooyin hoostaga degmada Balcad oo uu fatahaad xoogan ka sameeyey wabiga Shabelle. Tuulooyin la sheegay in qiyaastii magaalada Bbalcad ay ujiraan illaa 25 KM ayaa la tilmaamay in wabiga uu ku fatahay islamarkaana dadkii daganaa ay isaga barakeceen. Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa Idaacadda Shabelle u sheegay in baadi-goob loogu jiro todobada ruux oo isugu jira rag iyo dumar kuwaasi oo lagu waayay fatahaadda. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay cabsi ka qabaan in dadkaasi ay cuneen Yaxaaxyo iyo Masas lagu arkay biyaha ku fatahay duleedka degmada Balacad ee gobolka Sh/Dhexe. Boqolaal qoysas ah oo isaga soo cararay fatahaadda wabiga Shabelle ayaa gaaray deegano kale oo ka nabdoon daadadka kuwaasi oo haatan u baahan gurmarad bani’aadanimo. View the full article
  9. Shirweynaha Xisbiga Muxaafidka ee KULMIYE ayaa loo muddeeyay inuu qabsoomo horraanta bisha October, 2020. Shirweynahan ayaa la filayaa inaanu keenin isbeddel weyn oo lagu sameeyo hoggaanka Xisbiga, waxaase la filayaa in ergadu isbeddel ku samayso tirada guddiga fulinta iyo Golaha dhexe ee Xisbiga. Laakiin, Shirweynaha Xisbiga ayaa la saadaalinayaa inay hadhayn doonto xiisad siyaasadeed oo ka iman doonta Guddoomiye-nimada Xisbiga, iyadoon la ogayn in Madaxweyne Biixi uu Guddoomiye-ninada Xisbiga Wareejin doono. Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa hore u sheegay inuu u baratami doono Guddoomiyaha Xisbiga marka la gaadho Shir-weynaha, laakiin Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ku dhawaaqidda damaciisa wuxuu ku kasbaday Cadaawad siyaasadeed, waxaanu Mad-madow soo kala dhex galay isaga iyo Madaxweyne Biixi oo aad u kala fogaaday. Inkasta oo ay jiraan dedaallo lagu doonayo in la isugu soo dhaweeyo Madaxweynaha iyo Maxamuud Xaashi, haddana ma jiro wax kulan ah oo si dadban iyo si toos ah u dhex maray Madaxweynaha iyo Siyaasigan, tan iyo xilligaa uu Maxamuud Xaashi ku dhawaaqay Damaciisa, lamana hubo in Maxamuud Xaashi uu ka mid noqon doono Ergada ka qayb-galaysa Shirweynaha Xisbiga. Madaxweynaha Biixi ayaa la sheegay inuu daba-yaaqada bishan la ballansan yahay Madaxda dhaqanka ee Beelaha bariga Burco oo la filayo inay ka wada-hadli doonaan Mustaqbalka hoggaanka Xisbiga Kulmiye. Si kastaba ha ahaatee, su’aalaha la iswaydiinayo ee uu ka jawaabi doono Shirweynaha Xisbigu waxa ka mid ah, in Madaxweyne Biixi uu wareejin doono Guddoomiye-nimada Xisbiga iyo inuu Gacantiisa ku sii haysan doono iyo weliba haddii Maxamuud Xaashi uu waayo fursad uu Xisbiga kaga dhex tartamo inuu sii joogi doono Xisbiga iyo inuu Rarri doono Geeddi siyaasadeed oo cusub. Source
  10. (SLT-Hargeysa)-Ciidammada Nabad-ilaalinta Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa la sheegay in Saldhig looga samaynayo meel ka baxsan Soomaaliya oo ah gudaha dalka Itoobiya. Sida Wargeyska baahiyaha xogaha qarsoon ee Indian Occean uu sheegay Saldhigga Tababbarrada Ciidammada AMISOM ee xilligan ku yaalla Magaalada Muqdisho ayaa loo rarrayaa Magaalada Jigjiga ee xarunta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya. War-sidaha Indian Occean oo Wargeyska Geeska Afrika soo xigtay ayaa sheegay in Dawladda Maraykanku ay shirkad fadhigeedu yahay Maraykanka oo Magaceedu yahay (PAE), Qandaraas ku siisay inay diyaariso adeegyada aasaasiga ah ee Saldhigga Tababbarka ee AMISOM looga dhisayo Magaalada Jigjiga, taasi oo ku taalla meel 60KM u jirta xuduudka Somaliland. Qandaraaska Shirkadda (PAE) la siiyey ayaa ku kacaya $13.6 million oo Lacagta Maraykanka ah. Ciidammada AMISOM waxa Magaalada Muqdisho Xaruntooda Guud ahayd illaa sannadkii 2007-dii, waxayna dagaal kula jireen dagaalamayaasha Al-shabaab, iyagoo taageeraya Ciidammada Maxaliga ah ee Dawladda Federaalka Soomaaliya. Ciidammadan ka socda Qaaradda Afrika ee AMISOM ayaa sidoo kale qayb ka ahaa Tababbarrada Ciidammada Soomaaliya. Illaa hadda ma cadda, sababta loo qaatay Go’aanka Saldhigga Ciidammada AMISOM ee Muqdisho loogu rarrayo Dalka Itoobiya, kaasi oo taageero siinayey Hay’adaha Dawladaha Federaalka ee Soomaaliya. Source
  11. (SLT-Nairobi)-Warar ka imanaya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in Xukuumadda dalkaasi ee uu hoggaamiye Madaxweyne Uhurru Kenyatta ay ku doodayso Aqoonsi la siiyo Somaliland. Shabakadda Wararka ee Garoowe Online oo soo xiganaysa Masuul sare oo aanay Magaciisa sheegin ayaa ku warrantay in Golaha Xukuumadda ee Kenya uu hor-yaallo Mooshin ku saabsan sidii Somaliland loo siin lahaa Aqoonsi buuxa. Mooshinkan ayaa waxa Golaha Wasiirrada u soo gudbiyey Wasiirro ka mid ka mid ah Dawladda Kenya iyo Xubno kale oo muhiim ah. Fadhigii koowaad ee arrintan lagaga dooday ayaa ayaa guddoominayey Madaxweynaha Kenya Mudane Kenyatta, sida laga soo xigtay Masuulka aan Magaciisa la shaacin. Warku wuxuu intaa ku darayaa in arrintan oo socotay illaa bishii July ee dhamaatay ay Golaha Wasiirradu saareen guddi Qodaxda ka gura Mooshinka isla-markaana daraaseeya, xilligana la sugayo Talo-bixinta Wasaaradda arrimaha dibedda ee Kenya “Golahayaga Wasiirradu waxay ka wada-hadlayaan suurto-galnimada in aqoonsi la siiyo Somaliland, doodduna way sii soconaysaa.” Ayuu yidhi, Masuulkan sare ee aan Magaciisa la sheegin, waxaanu intaa ku daray in hawshu soconayso ka dib marka ay arkayaan Talo-bixinta khuburrada Wasaaradda Arrimaha dibedda. Ilo-wareedkani waxa kale oo uu intaa sii raaciyey in Toddobaadyada soo socda oo ay Doodda Arrintani sii jiri doonto ay suurto-gal tahay in Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Wefti uu hoggaaminayaa ay tagaan Magaalada Nairobi, safarkaasi oo la xidhiidha arrintan. Lama hubo in Madaxweynaha uu muddada uu Nairobi ku sugan yahay la kulmi doono dhiggiisa Kenya, Uhurru Kenyatta. Warkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland ay bilihii u horreeyay ee sannadkan ay Qaaradaha Afrika iyo Aasiya ka bilowday dedaallo diblumaasiyadeed oo ay ku iib-geynayso Qaddiyaddeeda Ictiraaf-raadineed. Source
  12. BOSSASO (HOL) - A commercial vessel transporting cement has sunk near the port of Bosaso after it failed to dock at the port. Source: Hiiraan Online
  13. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa tilmaantay in qorshaheedu yahay sidii loo ilaalin lahaa daryeelka iyo caafimaadka Ummadda, loogana hortagi lahaa qorshe kasta oo waxyeleo ku ah, waxaanu si gaar ah u xustay in aan la baalmari karin sharcigii iyo xeerkii ay ka soo saartay Tawarrada. Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdilaahi Suufi Jibriil, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Qorshaha Wasaaraddiisa, waxaanu ugu horeyn yidhi “Xukuumad ahaan waxaanu diyaar u nahay in aanu mar kasta ka fikirino oo aanu ilaalino daryeelka iyo caafimaadka umadda, aanu xilka u hayno, ahmiyadda iyo muhiimadda koowaadna waa in aanu ka ilaalino wax kasta oo dhib ku ah, sidaas darteed Sharcigii aanu ka soo saarnay Taawarrada cid ka talaabsan karta ma jirto,Taawar aanu ogeyn oo meel laga taagi karaana ma jiro, cid kasta oo jabisa sharciga, talaabo adag ayaa laga qaadi doona”. Mar uu ka hadlayey qorshaha Wasaaraddiisa ayaa yidhi “Qorshaha aanu wadno waa sidii aynu horumar uga gaadhi lahayn Isgaadhsiinta, Tignoolajiyadda iyo Boosaha, kolay xanuunkii Covid 19 ayaa hakad inagu keenay, laakiin dedaalladii iyo horumarkii weynu wadnaa, qorshaheenuna wuxuu yahay sidii aynu Caalamka ula jaanqaadi lahayn”. Mar uu baaq u dirayey Shacabka ayaa yidhi “Shacabka reer Somaliland runtii waa Shacab aad iyo aad u wanaagsan, laakiin waxaan ku dhiirigelinayaa oo aan kula talinayaa inay noqdaan mar walba Shacab isku duuban, oo dalkooda meel uga soo wada jeesta, kana dheeraada wax kasta oo qaranimadooda dhibaato ku keenaya”. Source
  14. Baariyaasha Lubnaan ayaa ku foogan sidii loo heli lahaa ciddii ka dambeysay qaraxyadii ku habsaday caasimadda Beyruut Tallaadadii, illaa iyo hadda waxaa la aaminsan yahay in sababtu ay aheyd keydin xumo tobanaan tones oo maaddo bacraminta loo adeegsado oo sidoo kale qarax dhalisa taas oo lagu keydiyay makhsin ku dhex yaalay dekada. Waraarka ayaa sidoo kale sheegaya in dowladdu amartay in xabsi guri lagu hayo qaar kamid ah saraakiisha dekada Beyruut. Sababta dhabta ah ee ka dambeysay qaraxyadii Talaadadii ilaa iyo hadda ma cadda laakiin waxaa la aamisan yahay in 2,750 oo maaddada ammonium nitrate oo 6 sano ka hor lagu keydiyay bakhaar dekada ku dhex yaala ay qaraxday. Qaraxyadaas ayaa si weyn u gilgiley guud ahaan caasimadda Lubnaan ee Beyruut kaas oo ay ku geeriyoodeen 135 ruux in ka badan 5,000 oo kale ay ka dhaawacmeen. Saraakiisha ayaa sheegaya in khasaaraha uu intaas ka badan karo maadaama kooxaha gurmad deg deg ah wali qodeyaan burburka kana raadinayaan dadka ku hoos jira dhismiyaasha burburey. In ka badan 300,000 oo guri ayaa ku burburey, sida uu sheegay barasaabka Beyruut Marwan Abboud isagoo intaas ku daray in hanti lagu qiyaasay $10bn ilaa $15bn lagu waayay qaraxyada. Golaha wasiirada Lubnaan ayaa ku dhawaaqay labo todobaad oo xaaladda deg deg ah lagu soo rogay caasimadda isla markaana ammaanka magaalada lagu wareejiyay ciidanka militiriga. Safaaradda Mareykanka ee Lubnaan ayaa sheegtay in muwaadin Amerikaan ah uu kamid ahaa dadkii ku dhintay qaraxyadii Beyruut sidoo kalena dhowr qof ay ku dhaawacmeen. “Waxaa tacsi tiiraanyo leh u direynaa ehelada dadkii ay jeclaayeen ku waayay. Waxaan si dhow ula socon doonaa xaaladda haddii qof kale oo Mareykanka uu wax ku noqday qaraxyada,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay safaarada Mareykanka. Wasiirka arrimaha dibadda France, Jean-Yves Le Drian ayaa walaac ka muujiyay sugnaanta cuntada Lubnaan ka dib qaraxii ka dhacay Beyruut oo saameeyay dekada iyo bakhaaradii cuntada ugu waa weynaa dalka. Le Drian ayaa sidoo kale beesha caalamka ugu baaqay in ay Lubnaan loo muujiyo is garab istaag dhanka dhaqaalaha ah. Madaxweynaha France Emmanuel Macron ayaa maanta oo khamiis ah la filayaa in uu tagi doono caasimadda Lubnaan ee Beyruut. Ra’iisul wasaaraha Australia Scott Morrison ayaa ku dhawaaqay in wadankiisa u balan qaaday dhaqaale dhan 1.4 Milyan oo dollar oo lagu caawinayo dadka dhibaatada ka soo gaartay qaraxyadii ka dhacay Lubnaan. Morrison ayaa wariyeyaasha u sheegay khamiistan maanta ah in lacagtaas ku wareejinayaan WFP iyo Bisha Cas si dawo iyo waxyaabaha kale ee aas aasiga ah loogu iibiyo. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa aaminsan in qaraxyadii Beyruut ay ahaayeen weerar si ula kac ah loo sameeyay, laakiin xoghayahiis difaaca ayaa qaba in qaraxyadu ahaayeen shil, sida AP ka soo xigatay. “Sidee ku dhihi kartaa waa shil haddii qof uu meesha uga tagay waxyaabo khatar badan oo qarax sababi kara,” ayuu Trump u sheegay wariyeyaasha. Xoghayaha difaaca Mark Esper ayaa horaan sheegay in qaraxyadii Lubnaan ahaayeen shil sida uu aaminsan yahay. View the full article
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Maareeyaha hay’adda Bartroolka Soomaaliya, Mudane Ibraahim Cali Xuseen oo bixiyey wareysigiisii ugu horreeyey ayaa faah faahin ka bixiyey halka ay marayaan dadaallada lagu doonayo in lagu soo saaro shidaalka dalka. Ibraahim oo wareysigan siiyey wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in sanadka soo socda ee 2021 ay soo gaba-gabeynayaan bixinta qandaraasyada shidaalka Somalia. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in cudurka Coronavirus uu sameeyn ku yeeshay dadaallada socda, islamarkaana uu dib u shigay wada-hadalladii u dhexeeyey dowladda federaalka Soomaaliya iyo shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil oo ka shaqeeya arrimaha shidaalka. “Haddii uusan jiri lahayn Coronavirus, waxaan isku raaci lahayn habka loo marayo, kadibna waxaan heli lahayn heshiiska dhamaadka sanadkan.” ayuu yiri Maareeyaha. Waxa kale oo uu intaasi ku daray in labadaan shirkadood ay leeyihiin xuquuqda ah in ay iibsadeen xirmooyin shidaal, ka hor inta aysan dhicin dowladdii milatariga ee dalka. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay dowladdu ay yareysay bixinta ruqsada 15 baloog oo ay horey u shaacisay, iyadoo hadda ku soo koobtay illaa 7 baloog, isaga oo sababta ku sheegay caqabadaha dhinaca awooda ee haatan heysta Soomaaliya. Si kasataba hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan lagu jiro marxalad adag oo kala guur ah, islamarkaana ay ahorey rrimaha shidaal sahminta cabasho uga muujiyeen xubnaha mucaaradka dowladda iyo qaar ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed. Dhowaan ayey sidoo kale aheyd markii Golaha Wasiirada ay ansixiyeen hay’adda Bartoolka oo dood badan ay ka dhalataya maadaama ay haatan wasiiradu yihiin sii-hayayaal oo kaliya, kadib markii ay codka kalsoonida kala noqdeen Golaha Shacabka.
  16. (SLT-Durban)-Faah-faahin dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil nin Soomaali ah loogu geystay gudaha waddanka Koonfur Afrika. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Faarax Weyd, kaas oo lagu dilay goob ganacsi oo uu ku lahaa magaalada Durban ee dalkaasi. Wararka ayaa sheegaya in kooxo budhcad Afrikan ay weerar ku qaadeen marxuumka oo uu markii hore soo gaadhay dhaawac, balse markii dambe u dhintay. Kooxda dilka fulisay oo goobta ka baxsatay ayaa lagu soo warramayaa inay doonayeen inay dhac u geystaan ganacsadahaasi Soomaaliga ahaa. Sidoo kale waxaa goobta gaadhay ciidammo ka tirsan kuwa Booliska dalka Koonfur Afrika, balse ma jirto wax tallaabo ah oo ay qaadeen dhacdada kadib. Muddooyinkii la soo dhaafaywaxaa sii kordhayey dilalka iyo weerarada ka dhanka ah Soomaalida ee ka dhaca wadanka Koonfur Afrika. Tan iyo markii la guda galay sanadkaan 2020 ayaa waxaa Soomaali badan dil iyo dhaawac loogu geystay magaalooyinka waa weyn ee wadankaasi Source
  17. Wasiirkii arrimaha gudaha ahna xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xuseen Maxamed Odawaa oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog ayaa uga hadlay dhinacyo badan, kuwaas oo xiligaan dalka ka taagan, waxaana uu soo hadal qaaday wadadii loo maray xukuumaddii BFS uu riday. Xildhibaan ayaa waxaa sidoo kale wareysigiisa uu ku soo hadal qaaday Galmudug iyo wixii ka dhacay markii la un kayey, waxaana uu sheegay in natiijada ka dhalatay ay wanaagsan tahay, laakiin weli uusan wax iska bedelin mowqifkiisii ahaa in la helo Galmudug loo wada dhan yahay sida uu ku sheegay wareysiga Xildhbaan Odowaa. Halkaan ka Daawo weysiga oo dhameys tiran Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. (SLT-Washington)-Shabakadaha internetka ee Twitter iyo Facebook ayaa hawada ka saaray fiiramaha uu barahaasi ku faafinayey Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump. Fariimahan hawada laga saaray ayaa la xadhiidhay been uu faafinayey Trump oo ku aadan cudurka Covid19, Muuqaaladan ayaa waxaa kamid ahaa wareysi uu Trump dhawaan bixiyey oo uu ku sheegayey in Carruurta da’ada yar aanu ku dhicin cudurka Covid19, taasi oo ah ‘ been’ maadaama uu cudurkan hore ugu dhacay carruur badan oo qaarkood u geeriyooday. Twitter iyo Facebook ayaa ku khasabtay Trump inuu ka saaro muuqaalada bartiisa, hadii uu doonayo inuu sii isticmaalo shabakadahaasi arrintaasi oo ay muuqato inay u hogaansameen kooxda u shaqeysa Trump. Source
  19. Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa saacadihii la soo dhaafay howl-gallo ballaaran ka sameeyey degmada Baraawe iyo deegaanada hoosyimaada ee gobolka Sh/Hoose. Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ka fuliyeen deegaano iyo tuulooyin la sheegay inay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-Shabaab. Taliyaha ciidamada Booliska degmada Baraawe Dhamme Ibraahim Cali oo u warramay Shabelle ayaa sheegay in howl-galladaasi ay ku beegsadeen goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, islamarkaana ay khasaare xoogan ku gaarsiyeen, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in howl-galladu ay sii socon doonaan, inta Al-Shabaab laga saarayo deegaanadaasi. Shabeelaha Hoose oo ka mid ah gobollada ay ku xoogan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa waxaa inta badan ka dhaca dagaallo geysta khasaare dhimasho iyo dhaawac intaba. View the full article
  20. Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa isaga oo ku sii jeeday dalka Turkiga waxa uu sheegay in shirka wada-tashiga ah ee dowladda iyo dowlad goboleedyada uu ka dhici doono Dhuusamareeb waqtigii loo asteeyey. Qoor-Qoor ayaa xusay in magaalada Muqdisho uu u joogay maalmahan sidii madaxda dowladda iyo beesha caalamka uu ugala hadli lahaa arrimaha shirkaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in is-afgarad ay ku soo dhammaadeen kulamo kala duwan oo uu la qaatay dhinacyadaasi. Ugu dambeyn wuxuu ka digay in shirka Dhuusamareeb lala yimaado talaabo caqabad ku noqon karta xaaladda dalka oo haatan ku jira marxalad kala guur ah. 15- bishan August ayaa waxaa la filayaa in mar kale madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada dalka ay isugu tegaan magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug. View the full article
  21. Koox hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa dalkaasi waxa ay ku dishay Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa ganacsatada waa weyn ee Koonfur Afrika. Marxuumnka oo lagu magacaabi jiray Faarax Weed ayaa kooxda burcadda ah waxa ay ku dileen goobtiisa ganacsi oo ku taalla magaalada Durban ee dalkaasi. Wararka ayaa sheegaya in markii hore uu dhaawac soo gaaray marxuumka, balse uu markii dambe u geeriyooday. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Boolisa ee dowladda Koonfur Afrika, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi. Inta badan Soomaalida ku sugan magaalooyinka waa weyn ee dalkaasi ayaa la kulmo dil, dhaawac iyo boob ay u geystaan kooxo burcad ah oo hubeysan. View the full article
  22. Waxaa 24-kii saac ee la soo dhaafay gudaha wadanka Koonfur Afrika lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed, kaas oo ka mid ahaa ganasatada ku nool wadankaasi. Kooxo burcad ah ayaa weeraray goob ganacsi oo muwaadinkaan uu ku laahaa magaalada Darban, waxaa ay toogteen muwaadinkii lahaa goobtaas, oo magaciisa lagu koobay Faarax. Wadanka Koonfur Afrika ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal ay la kulmaan muwaadiniinta tagay wadankaas, kuwaas oo u ganacsi tahay, manajiraan talaabo lagu xakamaynayo arrintaan oo soo laab laabatay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil muwaadin Soomaaliyeed oo loogu geystay gudaha wadanka Koonfur Afrika. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Faarax Weyd, kaas oo lagu dilay goob ganacsi oo uu ku lahaa magaalada Durban ee dalkaasi. Wararka ayaa sheegaya in kooxo burcad Afrikan ay weerar ku qaadeen marxuumka oo uu markii hore soo gaaray dhaawac, balse markii dambe u dhintay. Kooxda dilka fulisay oo goobta ka baxsatay ayaa lagu soo warramauaa inay doonayeen inay dhac u geystaan ganacsadahaasi Soomaaliyeed. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dalka Koonfur Afrika, balse ma jirto wax tallaabo ah oo ay qaadeen dhacdada kadib. Muddooyinkii la soo dhaafaywaxaa sii kordhayey dilalka iyo weerarada ka dhanka ah Soomaalida ee ka dhaca wadanka Koonfur Afrika. Tan iyo markii la guda galay sanadkaan 2020 ayaa waxaa Soomaali badan dil iyo dhaawac loogu geystay magaalooyinka waa weyn ee wadankaasi.
  24. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Warka-Subax-06082020.mp3 View the full article
  25. Rome votes to name future Amba Aradam metro stop after Giorgio Marincola. Source: Hiiraan Online