-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dr Cabdiraxmaan C/laahi Baadiyow ayaa markii u horeysay ka hadlay xaalada cakiran ee siyaasada Soomaaliya, xili ay madaxdii ugu sareyso dalku ku kala tageen khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay. Dr C/raxmaan Baadiyow ayaa sheegay in khilaafka siyaasigii uu yahay wax soo noq-noqday, kaasi oo hadda si weyn uga dhex taagan dowladda federaalka, oo ra’iisal wasaaraheedii daaqada looga saaray khilaaf la xiriira doorashooyinka. Wuxuuna si cad u sheegay in khilaafaadkaasi ay salka ku hayaan rabitaano shaqsi ah oo dalka u horseedi kara jahwareer siyaasadeed oo cusub. Sidoo kale waxa uu xusay in khilaafka siyaasigii uu ku qotomo wax uu ugu yeeray ‘faham-xumada dowladda federaal oo dimuquraadi ah’, oo madaxda dalka ka hor istaagi laheyd inay fuliyaan rabitaanadooda shaqsiga ah. Dr Baadiyow ayaa waxa kale oo khilaafadka soo noq-noqday ku sheegay mid ay qeyb ka tahay jiritaan la’aanta maxkamad dastuuri ah oo soo saari karta go’aan lagu kalsoonaan karo oo madax-banaan. “Khilaafka siyaasadda ee hadda taagan salkiisu waa faham-xumada dowlad federaal ah oo dimoqaraadi ah. Waa federaal oo awoodu waa qeybsan tahay, oo ruuxna sida uu rabo ma sameyn karo” ayuu ku yiri Dr Baadiyow qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook. Wuxuuna intaas sii raaciyay “Si loo xaliyo khilaafka waxaa maqan maxkamadda dastuuriga oo go’aankeeda lagu kalsoonaan lahaa. Sidaas darteed ma hureyso in madaxdu gasho heshiis wadar-ogol ah si looga bad-baadiyo dalka jahwareer siyaasadeed cusub”. Hadalka Baadiyow ayaa kusoo aadaya xili uu dalka ka jiro khilaaf siyaasadeed xoogan, isla markaana laga cabsi qabo in gebi ahaanba lagu kala kaco shirka Dhuusamareeb-3 oo madaxda dowladda federaalka iyo maamulada uga arrinsanayeen nooca doorasho ee dalka.
-
Hooyo Soomaaliyeed oo laga dul qaatay cunugii 8aad ee ay umushay Hooyo Soomaaliyeed oo ku nool dalka Sweden oo horey looga qaatey toddoba caruur ah oo ay dhashay ayaa shaley laga qaatay canugii sideedaad, saacado un kadib markii ay dhashey. Hooyo Faadumo Buraanburtooy, ayaa gabadha yar markii ay umushey waxaa kala wareegay mas’uuliyiinta magaalo ay horey u deganeyd oo ay kasoo guurtay. Sahra Cabdi Axmed ayaa khadka teleefonka ee Sweden kula xidhiidhay Sheekh Xuseen Faarax Warsame, oo ka mid ah culimada Soomalida ee degan dalka Sweden, kaasi goob joog u ahaa sida falka qaadashada ilmahan yar uu u dhacay. Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta waxa uu qasriga madaxtooyada ku qaabiley wafdi culus oo ka socday dalka Shiinaha, kuwaasi oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Hargeysa. Wafdigan uu qaabilay Muuse Biixi ayaa waxa hogaaminayey Wakiilka Shiinaha u qaabilsan iskaashiga Africa iyo China “China-Africa Cooperation” (FOCAC), Ambassador. Zhou Yuxiao. Wafdigaasi ayaa waxa qeyb ka ahaa safiirka Soomaaliya ee Shiinaha, Qin Jian oo maalmihii u dambeeyay uu Biiix ka meer-meerayey kulankiisa, isla markaasina lagu magac dhabin war kasoo baxay madaxtooyada Somaliland Madaxweyne Biixi iyo xubnaha Wafdigaasi ayaa waxay diirada saareen arrimaha ganacsiga iyo weliba qaabkii uu Shiinuhu maal-gashi balaadhan ugu sameyn lahaa kheyraadka Somaliland. Sidoo kale waxa kulankaasi looga hadlay sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac iyo midka bulshada ee ay lahaayeen muddooyinkiii dambe. Kulankaasi ayaa lagu soo hadal qaaday xiriirka Taiwan, wallow aan si rasmi ah loogu lafo-gurin, maadama ay dalabkooda u gudbiyeen, sida ay saraakiil ka tirsan qasriga madaxtooyadu u xaqiijiyeen Caasimada Online. Wafdigan culus ee Shiinaha ayaa la fahamsan yahay inuu dabo socdo dadaalada ay dowladooda ku rabto inay meesha uga saarto heshiiska ay Taiwan dhawaan la saxiixatay Somaliland. Waxaana kulankaasi Muuse Biixi ku wehelinayey Madaxweyne kuxigeenka Somaliland, Wasiirrada arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, horumarinta maaliyada, macdanta iyo tamarta, wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah iyo wakiilka Somaliland u qaabilsan China.
-
Haweeney hilib xalaala oo ay ka dalbatay shirkad loogu soo bedelay Hilib Doofaar Haweeney norwiijiyad ah islamarkaana muslim ah ayaa hilib xalaal ah oo ay ka dalbatay shirkad hilbaha qasha loogu soo bedelay hilib Qaansiir ama doofaar kadib markii warqad xalaal ahaan loogu soo dhajiyay hilib doofaar caadi ah. Heidi Esma Dahl Bønnhoff oo ah haweeneyda hilibka ka dalbatay shirkadda “Jens Eide” oo waligeed ka dalban jirtay hilbaha loo yaqaan “Grillpølse” ayaa doorkaan ka shakisay, waxaana ay baadhis ahaa ugu dirtay hay`adda cuntada dalkaasi ee loo yaqaan Mattilsynet. Maalmo kadib waxaa soo baxday baadhistii hay`dda taas oo xaqiijisay in hilibkan uusan aheyn xalaal islamarkaana laga sameeyay hilib doofaar. ” – Islamarkii aan arkay waan ka shakiyay. Si kale ayuu ilaa muuqday. Ma uusan aheyn hilibkii aan aqiinay ee casaa”, ayay tidhi Heidi oo markiiba go`aansatay in ay baadhis ku sameyso. Waxa ay sheegtay in ay oyday markii ay jawaabta heshay, oo waxaa ay ka wal-washay in intii ay soo cuntay hilibka shirkadan bal in sidan oo kale loogu soo qariyay. Masuul u hadlay shirkadda hilibka Jens Eide ayaa jaraa`idka Fædrelandsvennen u sheegay in arrintani tahay khalad dhacay islamarkaana ay aad uga xun yihiin. Waxa uu sheegay masuulkan in hilib doofaar ahaa si khaldan loogu dhajiyay warqadda xalaasha, sidaasna lagu iib geeyay. Qaran News
-
War-saxaafadeed Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta qasriga madaxtooyada ku qaabiley wefti heersare ah oo uu hoggaaminayey Wakiilka China u qaabilsan iskaashiga Africa iyo China “China-Africa Cooperation” (FOCAC), Ambassador. Zhou Yuxiao oo safar saddex maalmood qaatay ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland. Ugu Horayn Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu weftiga warbixin guud ka siiyey horumarka ka hana-qaaday Jamhuuriyadda Somaliland ee ay iska kaashadeen shacbigeeda iyo dawladdu, kaas oo sababay in beesha caalamku indhaha la raacdo kuna dhiiradaan inay maalgashadaan khayraadka kala duwan ee ku duugan dalka. Waxaanu madaxweynuhu xubnaha weftiga u sheegay in dalkani tusaale u yahay geeska afrika, marka loo eego horumarka dhinaca dimuquraadiyada ee uu ku tallaabsaday sagaal iyo labaatankii sanno ee u danbeeyey isbedelada dhinacyada badan leh ee ka hirgalay, haday tahay dhinaca doorashooyinka, hanaanka axsaabta xisbiyada qaranka iyo nidaamka qori-isu dhiibka ah ee hoggaanka dalka. Dhinaca weftiguna waxa ay madaxweynaha kala hadleen sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka soo jireenka ah ee dhinacyada ganacsiga, iyo iskaashiga bulshada ee ay labada dal lahaayeen mudada dheer. Ugu dambayntiina waxa la isku af-gartay in labada dal yeeshaan xidhiidh wanaagsan oo ku dhisan ixtiraam iyo in la iska kaashado dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga iyo horumarka. Waxaana kulankaasi madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Wasiirrada arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, horumarinta maaliyada, macdanta iyo tamarta, wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah iyo wakiilka Somaliland u qaabilsan China. Qaran News
-
Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ay soo faarujiyeen deegaanka lagu magacaabo Goofgadduud-buurey oo 30 KM bari ka xiga magaalada Baydhabo ee xarunta gobolkaasi. Ciidamada ayaa si nabad ah uga soo baxay gudaha deegaankaasi, waxaana la wareegay dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in ciidamada milatariga Soomaaliya ay hankooda ka soo baxeen deegaanka Deynuunaay iyo tuulooyinka hoos yimaada, sida ay Shabelle u sheegeen ilo deegaanka ah. Isgaarsiinta ayaa sidoo kale hawada ka maqan, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid kacsan. Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayey gobollada Baay iyo Bakool ee koonfuta Soomaaliya. View the full article
-
A court has ordered the national highways agency to pay lawyer Ahmednasir Abdullahi Sh750,311 for damages to his high-end car, a Bentley Bentyaga, while driving on a key road under repair. Source: Hiiraan Online
-
Kulankan oo muhiimka ahaa ee dhexmaray Safiirada Dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya u jooga waddanka Suudaan ayaa ka dhacay xafiiska Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Amb Maxamed Sheekh Isxaaq uu ku leeyahay magaalada Khaartuum ee xarunta dalkaasi. Wuxuu ka dambeeyay kulankan kadib markii Safiirka cusub ee Itoobiya u fadhindoona dalkaasi Suudaan(Yibeltal Aemero Alemu) uu booqasho rasmi ah ku tagay safaaradda Soomaaliya ee Suudaan,si ay uga wada hadlaan wada shaqeynta labada dhinaca. Amb Maxamed Sheekh Isxaaq Danjiraha Soomaaliya ee Suudaan ayaa Wakaaladda Wararka (SONNA) u sheegay in uu xafiiskiisa ku qabilay danjiraha Itoobiya ee Suudaan,wuxuuna intaasi ku daray in ay ka wada hadleen labada mas’uulba sidii loo adkeyn lahaa xiriirka labada dal. “Waxaa maanta booqasho iigu yimid xafiiskeyga safaaradda Khaartuum,Danjiraha Dowladda aan saaxiibada dhownahay ee Itoobiya u fadhindoona Dalkan Suudaan,Amb (Yibeltal Aemero Alemu),waxaana ka wada hadalnay sidii loo adkeyn lahaa xiriirka labada dal”.ayuu yirii Danjire Maxamed Sheekh Isxaaq. Safiirkasta oo dal u fadhiya dal kale waxyaabaha ugu muhiimsan ee looga fadhiyo waxaa kamid ah sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirada dhinaca diplomaciyadda oo uu dalkiisa la leeyahay wadanka kale,mas’uuliyiinta safaaradaha Soomaaliya ee dalalka Caalamka oo hoostaga wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey dadaal xoogan ugu jiray kor u qaadista siyaasadda arrimaha dibadda dalka iyo diplomaasiyadda. View the full article
-
Sida ay qortay warbaahinta gudaha Kenya maalinta berito ah ayaa la filayaa in ay dib u bilowdaan duulmaadyada diyaaradaha jaadka ka keeni jiray Kenya ee imaan jiray Soomaaliya, kuwaas oo horay loo joojiyay sababo la xiriira Cudurka Coronavirus oo kiisas kamid ah laga helay labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya. Guddoomiyaha Ganacsatada Qaadka Kenya ayaa sheegay in labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya ay heshiis ka gaareen keenista qaadka,isla markaana ay dowladda Soomaaliya fasaxday,balse shuruud lagu xiray. Sidoo kale wuxuu sheegay in shuruudaha ay Dowladda Soomaaliya ku xirtay ay kamid yihiin kordhinta canshuurta laga qaado qaadka Soomaliya ay Kenya kento , lagana dhigo 1-kg ($-3.5) halkii markii hore ay ka aheyd ($-1) iyo in sidoo kale dadka qaadka iibiya ay kala fogaadaan 2 mitir, xirtaana gacmo gashi iyo weji xir si looga hortago xanuunka COVID-19. War kaan kasoo baxay Ganacsatada ( jaadka ) Kenya ayaa weli Dowladda Soomaaliya weli aysan ka hadlin,hayeeshee Warar la helay ay sheegayaan in Golaha Wasiirada Soomaaliya ee xilka siihaya ay shalay ogolaadeen. Qaadka (jaadka) ay kenya keento dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka Ganacsada Soomaali farabadan, kuwaas oo ku maareeya Nolosha qoyskooda,waxaana duulimaadyadii Caalamiga ahaa ee la joojiyay uu dadkaasi ku yeeshay saameyn ballaaran. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Berito waxaa la fasixi doonaa duulimaadyada diyaaradaha Jaadka ka keeni jiray wadanka Kenya ee lasoo gaarsiin jiray Soomaaliya, waxaana horay u saameeyay cabsiga laga qabo xanuunka Coronavirus kaas oo kiisas laga diiwaangaliyay labada wadan. Wararka la helayo waxey sheegayaan in dowladda Soomaaliya ay shuruud ku xirtay keenista qaadka ka imaanaya Kenya, sida uu ka dhawaajiyay gudoomiyaha ganacsatada qaadka Kenya. Shuruudda uu sheegay gudoomiyaha waxey tahay in dowladda Soomaaliya ay sare u qaaday canshuurta qaadka lagana dhigay (1KG) in laga qaado (3.5$ Dollar), halka markii hore laga qaadi jiray (1KG) lacag dhan (1$), sidoo kalana ay ganacstada u sheegeen iney kala fogaadaan si ay faafitaanka COVID19 isaga ilaaliyaan, xirtaanna gacmo gashi iyo waji xir. Gudoomiyaha wuxuu sheegay in labada dowladood ay heshiis ka gaareen arinta qaadka, walow aysan wali xukuumadda wali hadlin hadana golaha wasiirada ee xilka sii haya ayaa la sheegay iney shalay go’aan ka gaareen. In la xayiro duulimaadyada caalamiga ah, gaar ahaan diyaaradaha qaadka keena waxey saameyn ku yeelatay ganacsatada soomaaliyeed ee ka ganacsada qaadka kuwaas oo noloshooda ka dabara.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Warka-Duhur-07082020.mp3 View the full article
-
Equator Energy, the largest owner and operator of B2B solar power plants in East Africa, reports a successful first quarter of solar power generation in Puntland, Somalia, delivering cleaner, cheaper electricity to domestic and industrial consumers. In March 2020, Equator commissioned two solar power plants totalling 1.6 MW of installed solar capacity. These run in parallel to diesel generators and are located in two major cities in Puntland. Both systems are fully financed and owned by Equator, operating under power purchase agreements with Puntland’s largest privately-owned independent power producer (IPP), Ente Nazionale Energia Electrica (ENEE). “Equator is a privately owned, fully integrated developer, investor and operator of solar power plants, specialising in emerging and frontier markets.” ach plant replaces 25 % of the cities’ power requirement with cheaper, cleaner solar energy. Together, the systems save 7,000 tonnes of CO2 per year, equivalent to the per capita annual emissions of ca. 27,000 people in sub-Saharan Africa. With the cost of diesel-generated electricity in Puntland currently between 0.40 – 0.80 USD per kWh, cheaper solar power also allows ENEE to reduce tariffs. Further savings also allow for investment in upgrading and expansion of the grid network, fuelling regional economic growth. “Thanks to Equator’s investment-free service, we have been able to benefit from solar savings without having to divert capital away from developing our grid infrastructure,” says ENEE CFO Bashir Muse. “We are now less reliant on diesel and are pleased to see that our generators are requiring less maintenance. Equator has also enabled our technical team to gain much needed experience in solar technology, as well as providing continuous remote support to our staff. We hope that cleaner and cheaper solar energy will help us expand our customer base and enable our local economy to continue growing.” The plants are designed, financed, constructed, operated and maintained by Equator, who have a diversified portfolio of grid-tied, diesel-hybrid and off-grid solar power plants across Africa. Equator’s fully-financed business model means clients avoid the significant up-front costs of solar, while still benefitting from cheaper, cleaner solar energy in the long-term. This project is Equator’s first operation in Puntland, a state in the north-east of Somalia with a population of 3.5m people. The region has one of the highest daily averages of solar radiation in the world yet relies almost entirely on diesel-powered electricity generation; the Puntland government estimates that over 100,000 litres of imported diesel fuel are burned every day. The cost of fuel makes up c60% of power providers’ revenues, making reinvestment into more efficient, sustainable systems very difficult. In addition to the environmental cost, many IPPs operate inefficient systems, with poor-quality infrastructure. Along with a lack of scaled, interconnected grids, this leads to substantial distribution losses of up to 40% – nearly four times higher than the average rate of loss across African countries. “This project was our first in the region and we are delighted with how smoothly it has progressed,“ says, Sebastian Noethlichs, CEO Equator. “Once our equipment was on site, the two modular installations took our team just under three weeks to complete. Puntland is an extremely exciting market for Equator Energy. With such compelling solar yield and widespread use of expensive diesel generated power, solar can deliver exceptional financial and environmental savings to companies like ENEE. We are excited about expanding our footprint with ENEE as they continue to grow in the years to come.” Equator is a privately owned, fully integrated developer, investor and operator of solar power plants, specialising in emerging and frontier markets. Based in Nairobi, Equator operates and develops grid-, diesel- and battery-tied solar power plants throughout Africa. It currently owns and operates over 10 MW of solar projects across more than 25 projects in four countries. Equator is a joint venture between two companies: Maris and Nvision Energy. Maris is an investment holding company with more than 100m USD under management, focused on sub-Saharan Africa. Nvision.Energy is a solar developer and EPC, with more than a decade of experience delivering solar projects across Europe and Africa. More information can be found at: www.equatorenergy.net Source: Sun-Connect The post EQUATOR ENERGY BRINGS SOLAR POWER TO NEW LOCATIONS IN PUNTLAND appeared first on Puntland Post.
-
Fatahaadaha ku dhuftay qeybo ka mid ah Soomaaliya ayaa waxaa ay waxyeelo u geysteen in ka badan 191,800 oo qof inta u dhaxeysay May iyo July, sidaasi waxaa ay sheegay hey’adaha banii’aadnimada. Hey’adda OCHA ayaa sidoo kale ka hadashay in sababaha ay dad badani uga barakaceen goobihii ay deganaayeen ee ka tirsan gudaha Soomaaliya. “Xagaaga datiisa, waxaa laga barakacay goobo badan oo dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxaana ka jira dabeylo xooggan iyo cimmilo hoose” sidaa waxaa tiri OCHA. Meelaha uu barakaca saameeyey waxaa ka mid ah Hirshabele, Koonfur galbeed iyo Jubbaland, waana biyo baxa ka dhashay webiyada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Beledweyne (HOL) - Nadar Tabah, Beledweyne's new mayor officially took office on Thursday with a handing over ceremony that included Hiiraan Governor Ali Jeyte Osman and other regional dignitaries. Source: Hiiraan Online
-
Beirut ( Caasimadda Online) – Magaalada Beirut ee caasimadda dalka Lubnaan ayaa gashay xaalad horleh kadib markii dad careysan ay dhigeen dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda dalkaas. Mas’uuliyiinta dowladda ayaa lagu eedeeyay in aysan si wanaagsan u maareynin musiibadii dhacday. Waxaa wadooyinka waaweyn ee magaalada oo ay kamid yihiin kuwa gala dhismaha baarlamaanka la dhigay ciidamo, kuwaa oo suntan dadka ka ilmeysiisa ku kala eryay dad ka careysayn ficilada dowladda. Dadka ayaa ka careysan qaraxyadii waaweynaa ee dhacay maalintii talaadada, kuwaa oo saraakiisha dalkaas ay sheegeen in uu ka dhashay 2,750 tan oo maadada ammonium nitrate oo si aan wanaaganeyn ugu keydsanaa bakhaar ku yaala dekedda tan iyo sanadkii 2013-ka. Dad badan oo reer Lubnaan waxay aaminsan yihiin dayac dhank dowladda ay sabab u ahayd qaraxyadii ay ku dhiteen 137 qof halka shan kun oo kalena ay ku dhaawacmeen. Maalinta axadda ayaa lagu wadaa in dalkaas ay ka dhacaan dibadbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo dowladda, waxaase aan la ogeyn sida dibadbaxayadan ay uga sii dari karaan xaaladda Lubnaan oo haatan la daala-dhacyso waxyeeladii qaraxyadii dhacay, dhibaato dhaqaale iyo sameynta feyraska corona. Qaraxyadii dhacay ayaa burburiyay gurya badan oo ku yaallay caasimadda waxaana ku guri beelay dad lagu qiyaasay 250 kun oo qof. Dad badan ayaa wali la’ yahay, kuwaas oo qaar kamid ah la aaminsan yahay inay ku hoos xaniban yihiin dhismayaashii burburay.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiirka Kaluumaysiga iyo Khayraadka dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Ibraahim Cabdi Xasan ayaa faah-faahin ka bixiyey khasaaraha ka dhashay dabeylo xoogan oo ku dhuftay xeebaha maamulkaasi. Ibraahim Cabdi Xasan oo u warramay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in 9 qof oo kaluumeysato ah ay ku dhinteen xeebaha Raas Kaambooni ee gobolka Jubbada Hoose. Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay ku dhaawacmeen 12 kale, halka ay ku burbureen 17 Doon iyo qalabkooda, sida uu shaaciyey wasiirku. “Khasaaraha haddaan kuu soo koobo waa sagaal dhimasho ah, dhaawacuna waa 12 iyo burburka ah 17 doon oo qalabkoodii wata oo aan maanta waxba laga hayn.” ayuu u sheegay warbaahinta dowladda. Wasiir Ibraahim Cabdi ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in markasta oo la gaaro bisha lixaad ee sanadka, guud ahaan Soomaaliya ay tahay Bad xiran. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa degan agagaarka xeebaha iyo Kaluumeysatada inay muujiuaan feeljignaan dheeraad ah. Dhowaan ayey aheyd markii wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Soomaaliya ay soo saartay digniin la xariirta dabeylaha ka jira xeebaha dalka.
-
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka qeyb galayey dood looga hadlayey amniga ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ku fashilantay wax ka qabashada arrimaha amniga ee dalka. Shariif ayaa sidoo kale faah-faahin ka bixiyey xaaladda adag ee uu xillgan ku jiro dalka. “Waxa aan ka qaybgalay Kulan habka fogaan aragga lagu qabtay oo ay soo qaban-qaabiyeen Machadka Maraykanka ee ka hortagga argagixisada ee ACTRI. Waxaan ka hadalnay arrimaha amniga Soomaaliya iyo xaaladaha la xiriira, anigoo warbixin ka siiyay marxaladda adag ee maanta Soomaaliya ka jirta iyo khatarta kooxaha argagixisada ee dib u yagleelidda dowladnimada Soomaaliya” ayuu yiri Shariif. Sidoo kale wuxuu ku eedeeyey dowladda Soomaaliya inay ka gaabisay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab oo weli ku xoogan qeybo ka mid ah dalka, gaar ahaan koonfurta iyo bartamaha Somalia. “Waxaan kaloo ka warbixiyay sida looga gaabiyay arrinkaas oo dowladda maanta jrta ee waqtigeedu dhammaadka yahay aaney xil gaar ah iskasaarin ka takhaluska, ciribtirka iyo ladagaalanka argagixisada” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Shariif. Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad adag oo kala guur ah, waxaana ay isku diyaarinaysa doorashooyinka soo socda ee 2020 illaa 2021-ka. View the full article
-
Agaasimaha guud ee wasaaradda kaluumeysiga iyo kheyraadka maamulka Jubbaland oo u warramay Shabelle ayaa sheegay in 20 qof qof ka badan lagu la’yahay xeebaha ku teedsan magaalada Kismaayo ee xarunta goblka Jubbada Hoose. Agaasimaha ayaa tilmaamay in dadkaasi oo dhammaan ahaa kaluumeysato la waayey doomihii ay la socdeen, kuwaas oo ka jalaabanayey xeebaha ku yaalla dowlad goboleedka Jubbaland. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in arrintaasi ay sababtay is-bedalka cimilada, gaar ahaan dabeylaha xilligan ka jira xeebaha Soomaaliya. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay baadi goob ugu jiraan kaluumeysatadaasi, islamarkaana ay badda u direen doono nooca dheereeya ah, si loo bad-baadiyo dadkaasi. View the full article
-
Sii hayaha wasiirka maaliyadda ee xukumadda federaallka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa kulan fogaan arraga la qaatay xubno ka tirsan hay’addaha lacagta Aduunka ee IMF iyo World Bank waxaana ay lkaga wada-hadleen saameynta covid-19 uu ku yeeshay dhaqaalaha dalka. Wasiirka Maaliyadda dowladdqa Soomaaliya sido waxa uu sheegay in shirkaan ay soo qaban qaabiyeen hay’addha IMF iyo World Banka waxaana sidoo kale ka qeyb-galay wasiiradda maaliyadda ee qaaradda Africa hase ahaate waxaa uga badnaan xoogga lagu saaray sidoo qaaradda ay isaga kaashan laheyd ka hortagga saameynta uu ku yeshay dhaqaalaha Africa covid-19. “ Waxa aan ka qeyb galay shir ay wadajir u soo qaban qaabiyeen IMF iyo World Bank, isla markaana ay ka soo qeyb galeen Wasiirada Maaliyadda dalalka Afrika.oo aan ka wada hadalnay sidii aan isaga kaashan laheyn saameynta uu qaaradda ku yeeshay xanuunka Covid-19. Ayuu yiri sii hayaha wasiirka maaliyadda xukumadda federaalka Soomaaliya. Ugu dambeyn sii hayaha wasiirka maaliyadda dowladda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa waxa aan uga mahadcelinayay labada hey’adood sida ay had iyo jeer noo garab taagan yihiin dowladda Soomaaliyeed View the full article
-
Guddoomiyaha Baarlamanka Galmudug oo guddi cusub magacaabay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Guddoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Galmudug Maxamed Nuur Gacal ayaa magacaabay guddi qaabilsan Qaban-qaabada iyo Diyaarinta Kalfadhiga labaad ee Golaha Wakiilada Galmudug oo dhowaan furmi doona. Guddiga oo ka kooban shan xubnood oo ka tirsan Baarlamanka Galmudug ayaa loo xil saaray Diyaarinta Xafladda Furitaanka Kalfadhiga labaad ee Baarlamanka Galmudug iyo Casumaadda Martida ka qayb-galaysa Furitaankaas. Xubnaha Guddiga waxay kala yihiin Xil. Cabdulqaadir Juune Barre Xil. Axmed Cabdirisaaq Cabdullaahi, Xil. Axmed Maxamed Faarax, Xil. Xassan Xirsi Xaashi iyo Xil. Muxiyadiin Shiikh Cabdullaahi Cismaan. Halkaan ka akhriso Magacaabidda PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Baarlamanka Galmudug oo guddi cusub magacaabay appeared first on Puntland Post. -
The killing last week of three young men after they were intercepted at sea by the EU-funded Libyan Coast Guard has thrown the spotlight on the fate of tens of thousands of migrants and asylum seekers returned to Libya to face detention, abuse and torture by traffickers, or worse. Source: Hiiraan Online
