-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Gobolka Banaadir waxaa ku yaallo caasimadda dalka ee Muqdisho, waxaa ku nool dad lagu qiyaaso 3 illaa 4m oo ruux, wuxuu ka koobanyahay 17 degmo, waxa uuna leeyahay afar laammi oo waaweyn oo kala ah, Maka Al-Mukarama, Wadnaha, Sodonka iyo Warshadaha. Dowladihii Cabdullahi Yusuf AUN, Shariif iyo Xasan Shiikh waxey xoogga saarreyn sugidda amniga waddada Maka Al-Mukarama kaliya oo ay ku yaallaan xarumo dowladeed iyo guryo ay madax daggantahay, mana ku guuleysan. Dowladda hadda jirta ee Farmaajo waxey qad-cagaarran dhex dhigtay afartii Laammi oo ay seddex dhinac iska dhigtay, halna dhan, ka dib weerarro joogta ah oo lagu ekeeyay xarrumo dowladeed, Hotello ay madax daggantahay iyo gawaari ay masuuliyiin saarranyihiin!. Waxaa darriiq walba oo soo galo laammigaas lagu jaray dhagaxaan iyo carro si aan la iskugu gudbin, una nabad galaan madaxda isticmaasho waddadaas iyo kuwa daggan hareeraheeda. Waxaa waqtiyo isku dhow dhulka la dhigay xarrumaha degmooyinka kala ah Wadajir, Hodan, Howlwadaag iyo Wartanabadda ka dib qaraxyo ismiidaamin ahaa oo lagu qaaday, waxaana ku geeriyooday dad fara badan. Guddoomiyihii gobolka iyo masuuliyiin kale oo ay ku jiraan guddoomiyaal degmo oo dhex joogo xaruntii laga maamulayay gobolka ayaa lagu dhex qaarijiyay, mana jirto cid dusha saarratay masuuliyadda dayacaas amni. Masuuliyiinta gobolka kuma dhiirran karaan in ay tagaan ama ku hoydaan meel ka baxsan laammigaan dheer ee dhagaxaanta lagu jaray, waxaase la arkaa iyagoo si dhuumaaleysi ah ku tago mararka qaar, waxeyna wataan ciidan fara badan iyo Kaamirooyin lasoo hubiyay tayada muuqaalada iyo sawirrada ay qaadayaan, saarranna gawaarida aan xabbaddu karin. Waa gobol lagu dhiirran karo, ayna ka dhacday in Xabsigiisii ugu weynaa ay ka dhex dagaalamaan maxaabiis ku xirneed oo si fudud gacanta ugu dhigay hub, illaa markii dambe ay qaarkood ka baxsadaan xabsiga. Shaqaalaha dowladda hoose iyo kuwa dowladda dhexe intaba kuma hoyan karaan inta badan degmooyinka gobolka, wayna ka cabsadaan xitaa in la oggaado inay dowlada u shaqeeyaan, waxaa qaalli noqday guryaha ku yaallo xeen-daabka jidkan xiran, halka ay raqiis yihiin guryaha ku yaallo degmooyinka ka baxsan. Guddoomiyaha gobolka wuxuu ku yimaadaa rabitaanka madaxweynihii markaas qabta xilka, waqti iyo qarash badan lama galsho sugidda amnigiisa, waxaa jirra musuqmaasuq baahsan, wuxuuna mid walba xilka ka dagaa amniga gobolka oo taggan meel ka xun halkii uu taagnaa markii uu kursiga ku fadhiisanaayay. Waa sax gobolka wuu u baahanyahay guddoomiye ay dadkiisa soo doortaan, si uu u yeesho cid lagula xisaabtamo amnigiisa, dhisidda laammiyadiisa, tayada waxbarashiisa, bad-qabka caafimaadka dadkiisa iyo waxyaabo kale oo badan, waase goorma?!. Cumar Filish wuxuu sheegay in uu aaminsanyahay in la qaban karo doorasho qof iyo cod!, laguna qaban karo gobolka aan xaaladdiisa kor kuso xusay, cid ay ka qarsoontahay heerka amni xumadiisana aysan jirin!. Wuxuu sheegay magacaabistiisa ka dib, in uu isku furi doonno jidadka gobolka, amnigana loo sugi doonno si ka duwan qaabkaan qab iyo qaraxa ah, mana dhicin maanta oo ay sannad jirkiisii ka harsantahay 7 cisho oo kaliya. Badi dadka ayaa qaba in Cumar sheegidda runta ay kaga sahlanaatay raalli gelin madaxweyne Farmaajo, isagoo maanka ku haayo in uu ku fadhiyo kursi dhiig leh oo uu salka dhigtay 21 maalin ka dib geeridii Eng. Yariisoow AUN, oo lagu qaarijiyay gudaha aqalka looga arrimiyo gobolka. W/Q:- Nuune Ali Hassan. kala xiriir Facebook https://www.facebook.com/habeysane1
-
Markaan dhegeystay Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Cali Gaas markuu ka hadlayey nidaamka axsaabta oo uu hoos ugu dhaadhacay Dimiqoraadiyada, wuxuu sheegay dhowr arimood oo qaarkood shaki ku beeri kara dadkii awalba tabashada ka qabay geeddi-socodka dimuqraaddiyadda Puntland. Gaas: Waa suurtogal in dad badan oo hadda dimuqraaddiyanta u sacbinaya xaaladdoodu aysan wax iska beddelin. Gaas wuxuu ka hadlay madal ururrada siyaasadda shahaado lagu guddoonsiinayay. Gaas wuxuu ku dooday: 1– Dad badan oo filaya inay uga wanaagsanaan doonto hadda ayaa waxaa dhici kara inay uga sii darto sida hadda ay ku sugan yihiin. 2– Wuxuu u qeexay dimuqraaddiyadda sidan: “Dimoqaraadiyaddu waa dadka tirada badan oo wax xukuma iyo kuwa tiradda yar oo xaquuqdooda ay ilaaliyaan laandheeeruhu. ( halkaa wuxuu hilmaamay dad kamida reer Puntland oo ka gadaal burburkii tegay waqooyiga Amerika Golaha Wakiillada ka mid noqdeen ama xil Wasiir ka qabteen Waqooyiga Ameerika. ) 3– Wuxuu xusay in dad badan oo hadda sabcinaya oo qawadsan amaba ka qatan golayaasha dowaladda 22 Sano oo is leh “Dimoqaraadiyadd ayaad wax ku helaysaan” baa hungoobi kara waayo waa suurtogal in xaaladdoodu aysan wax isk beddelin inkastoo wax badan u hureen unkidda hay’adaha dowladeed ee Puntland. Mindhaa Gaas wuxuu ula jeedaa “sidan ha lagu hayo waayo way qabatimeen”. 4– Gaas sawir aan dhab ahayn buu dimuqraaddiyadda ka bixiyay isagoo ku tilmaamay in nooc dimuqraaddiyada ahi u oggol yahay dadka ganacsi oo keliya laakiin laga xakameeyo xoriyadda shaqsiga iyo tan Siyaasadda. Tusaale muu la wadaagin dadka ku saabsan dalka dadkiisa ku xukuma dimuqraaddiyad noocaas ah. Dooddiisan waxay dad badan xusuusinaysaa sida deegaannada Puntland loogu kala sadburiyay dhanka horumarinta iyo koboca dhaqaale. 5– Wuxuu yiri, isagoo la hadlaya dulmanayaasha, haddaad weydaan waxaad filanayseen aamina waxaad la kulantaan. Fasiraaddu waa: haysku deyinina dhaqdhaqaaq kale ee shifaysta hagbadda casriyeysan. Gaas wuxuu is illowsiiyay in dimuqraaddiyaddu keento in fikraduhu noqdaan waxa lagu kala codbato oo aysan jirin hayb lagu kala codbato. Hadba xisbiga dadku u codeeyaan baa awoodda qabsada. Ma jiro cid tirisay Puntland. Awood-qaybsigu waa ku-soo-booddo (random) dan loo arkay markii Puntland la yagleelayay. Gaas, oo doonaya inuu Aqalka Sare ku biiro, wuxuu xambaarsan yahay faham gurracan oo dimuqraaddiyadda ku saabsan. Ma aha faham sal u noqon kara dimuqraaddiyaddiyaynta Puntland. Siyaad Cali Jaamac waa qoraa gorfeeye arimaha siyaasadda. The post Gaas wuu ka been sheegay Dimuqraaddiyadda – Faallo appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku eedeeyey Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) in uu ku xad gudbay Dastuurka dalka, kadib khudbaddii uu u jeediyey Golaha Shacabka Soomaaliya. Cabdi Xaashi ayaa sheegay in hadalkii madaxweyne Farmaajo ee ahaa in Gaha Shacabka uu ku soo celin doono waxyaabaha ka soo baxa wejiga saddexaad ee shirka magaalada Dhuusamareeb uu yahay mid khalad ah, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu Aqalka Sare uu taagan yahay ilaalinta shuruucda dalka iyo sidoo kale nidaamka federaalka ee dalka. Halkan hoose ka dhageyso Warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/WAR-JAAMAC-AQALK-SARE.mp3 View the full article
-
Xurguf iyo dagaal sanado badan soo jireen ah ayaa Israel ay ku qabsatay qeybo ka mid ah dhulka reer Falastiin, taas oo ay si weyn uga soo horjeedaan dalal badan oo Muslimiin ah. Axmed Diiriye Nacnac oo ka tirsan Xildhibaanada Somaliland ayaa ugu baaqay xukuumadda maamulkaasi inay aqoonsato maamulka Yahuuda ee Israel. Xildhibaanka oo saxaafada kula hadlayey magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay wax dhibaato ah aysan ku jirin, haddii ay Somaliland aqoonsato madax banaanida Israel. Hadalka Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac ayaa imaanaya xilli dhowaan dowladda Isu Tagga Imaaraadka Carabta ay sheegtay in ay Aqoonsadeen maamulka Israel. Halkan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/cod-filsan-.mp3 View the full article
-
Garowe (PP) — Mohamed Ahmed Haraf, a Puntland MP, has singled out the Local Government for criticism about growing insecurity in Garowe. Haraf: Garowe Local Government is lenient to burglars. In a note Xaraf posted in his Facebook account he pinned the blame on the local government for leniency towards “thieves who rob people in broad daylight”. “The job of Garowe Local Government is now confined to collecting house tax. They remove doors and gates of properties whose owners either had not paid tax or are not in town. The local government makes it easier for burglars to break into houses” Haraf wrote. Garowe has seen a surge in violence and robberies since the assassination of the former Nugal Governor by Al-shabaab. Nugaal is Haraf’s constituency whose administrative capital is the seat of Puntland State Government. “I will submit a motion to discuss the security situation in Garowe to the Puntland Parliament” Mr Haraf told Puntland Post. © Puntland Post, 2020 The post A Puntland MP Blames the Local Government for Growing Insecurity in Garowe appeared first on Puntland Post.
-
Gudoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo maanta furay kalfadhigii 2aad Ee Aqalka Sare Federaalka Somaaliyeed ayaa Cashar Dastuuri ah maanta u dhigay Madaxweyne [...] The post Daawo Hees : Gudoomiyaha Aqalka Sare oo maanta M/weyne Farmaajo u dhigay Cashar Dastuuri ah , una qaaday heestii ” Darjo xil yaa mudan, oo Dadka hor iman kara “ appeared first on . Source
-
Madaxweyne Xigeenka Puntland Axmed Karaash iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Cabdirshiid Yusuf ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha Garowe The post Madaxweyne Deni oo Garowe lagusoo dhaweeyey, Sawiro appeared first on . Source
-
Cabdi Xaashi: Farmaajo wuxuu dafiray Jiritaanka Aqalka Sare
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdillaahi, oo Maanta hadal ka jeedinayay Kulan ay yeesheen Golaha Aqalka sare, ayaa Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay in uu ku xad-gudbay Dastuurka Dalka. Guddoomiye Xaashi, wuxuu sheegay in Khudbaddii u dambaysay ee Madaxweyne Farmaajo ka jeediyay Golaha Shacabka uu si cad ugu dafiray Jiritaanka Aqalka Sare ee Baarlamanka oo Wakiil ka ah Dowlad Goboleedyada Waddanka. Sidoo kale, wuxuu sheegay in Madaxweynuhu meel ka dhac ku sameeyay Nidaamka Federaalism-ka ee Dalka u yaalla, islamarkaana dhammaan Awoodihii Labada Aqal ee Baarlamanka uu ku ururiyay Golaha Shacabka oo keliya. Mudane Cabdi Xaashi ayaa sidoo kale xusay in aysan jirin cid ka sarraysa Sharciga iyo Dastuurka waddanka sidaasi darteedna ay tahay in la ilaaliyo ku dhaqanka Dastuurka iyo Nidaamka Federaalka. Halkaan ka daawo Hadalkiisa oo dhan PUNTLAND POST The post Cabdi Xaashi: Farmaajo wuxuu dafiray Jiritaanka Aqalka Sare appeared first on Puntland Post. -
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heleyso Caasimadda Online ayaa sheegaya in madaxweynayaasha labada dowlad goboleed ee Puntland iyo Jubbaland laga yaabo iney qaadacaan ka qeybgalka shirka Dhuusamareeb 3. Sababta ay Labadaan Maamul Goboleed u diidayaan inay ka qeyb galaan Shirka Dhuusamareeb3 ayaa lagu sheegay inay tahay dhawr qodob oo ay rumeysan yihiin hadaan la xalin inaan natiijo laga gari karin shirkaas. Saraakiil aad ugu dhow dhow madaxweyne Deni ayaa Caasimadda Online u sheegay in qodobada ugu muhiimsan ay ku doodayaan Axmed Madoobe iyo Deni kuna diidan yihiin inay ka qeybgalaan shirkaas ay kamid yihiin: In dalka uusan laheyn Ra’isulwasaare iyo Xukuumad fullin karto heshiis kasta oo kasoo baxo shirka Dhuusamareeb 3. In hadalkii Madaxweyne Farmaajo uu ka jeediyey Golaha Shacabka uu ahaa mid ka hor imaanayo natiijo kasta oo laga filan karo shirkaas. Inay meesha ka baxday kalsoonidii lagu qabay madaxweyne Farmaajo marka laga fiiriyo tallaabooyinkii uu qaaday kadib shirkii Dhuusamareeb 1 iyo 2. In Madaxweyne Farmaajo uu meesha ka saaray doorkii Aqalka Sare ee ahaa inuu wakiil u yahay Maamul Goboleedyada isla markaasna kaalintii aqalka sare loo wareejiyey Golaha Shacabka. Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa qarka u saaran inaysan ka qeybgelin shirka Dhuusamareeb 3 haddii aan xal laga gaarin dhammaan arrimahaan taagan oo ay u arkaan inay furo u yihiin in natiijo wanaagsan laga soo saaro shirka Dhuusamareeb 3. Waxaa la rumeysan yahay in haddii Axmed Madoobe iyo Deni ay ku adkeystaan go’aankooda ah inaysan ka qeybgelin shirka Dhuusamareeb 3 ay lagama maarmaan noqon doonto in Beesha Caalamka ay soo farageliso khilaafka Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada. Madaxweynaha Jubbalanad Axmed Madoobe ayaa ku sugan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya halka Saciid Deni uu kusoo wajahan yahay Magaalada Garoowe. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynayaasha maamul Goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa ku sugan Magaalada Dhuusamareeb halkaas oo ay ku leeyihiin kulamo gooni gooni ah. Lama ogo halka uu ku dambeyn doono mustaqbalka Shirka Dhuusamareeb oo ay fallanqeeyaasha siyaasadeed aaminsan yihiin inuu furo u yahay waqtiga kala guur ee dalka ku jiro.
-
Arinka Cabdimanaan baadhitaan madax banaan ayuu u baahan yahay. Eedda Xafiiska Xeer-ilaalintu waxa ay sheegtay in Cabdimanaan la xidhay 26 July 2020. Cabdimanaan waxa laga qabtay bartamaha Hargeysa 17 July 2020, xilli fiidnimo ah. Is-waydiintu waxa ay tahay intii ka horaysay markaa cidda uu gacanteeda ku jiray cidda ay tahay. Hadii xadhiga dawladda u diiwaangashan yahay 26 July, xilliga la ‘qabtay’ na yahay 17 July, mudada u dhaxaysa yaa haystay? Mar hadii aanu xidhnayn mudadaas, cidda haysatay maxaa sharciga loo marin waayay? Eedda rasmiga ah ee Xafiiska Xeer-ilaalintu gudbiyay waxa u Cabdimanaan Yuusuf ku eedeeey labadan qodob: Hellidda xog ku saabsan amaanka Qaranka Somalia, qodobka 199 XCG (Procuring information regarding the security of the Somali State). Waa sida qodobku xeerka ugu qoran yahay. inuu ku xadgudbay isticmaalka xirfad (abusive exercise of a profession). Ciqaabta uu wajihi karaa hadii la isku daro waa ilaa 10 sanadood”. W/Q Guuleed Dafac Source
-
WADDANI Oo Dib U Dhigay Shirweynaha Iyo Shirka Golaha Dhexe
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Guddida fulinta xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa shir ay maanta ku yeesheen Xarunta Dhexe ku go’aamiyay in muddo lix bilood gudahood ah lagu qabto Shirweynaha Xisbiga iyo Shirka Golaha Dhexe. “Waxa uu guddida fulinta xisbigu u codeeyay maanta oo taariikhdu tahay 16 August 2020 in shirka Golaha Dhexe iyo shirweynaha xisbiga #WADDANI dib loo dhigay muddo ku siman lix bilood,” Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi Source -
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane; Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xarigga ka jaray xarunta Hooyada iyo dhallaanka MCH-ka Degmada Kaxda iyo goob waxbarasho oo loogu talagalay in Carruurta ku nool Degmada si bilaash ah wax loogu baro. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay in maamulka Gobolka ay ka go’antahay wax ka qabashada baahiyaha ka jira Degmada Kaxda iyo Degmooyinka kale ee Caasimadda ku yaalla. Guddoomiyaha Degmada Kaxda, Maxamed Yuusuf Maxamed ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin mashaariicdan horumarineed, isagoo xusay in ay baahi weyn u qabtay bulshada Degmada. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Khudbaddan hoose waxaa goordhow golaha aqalka sare ka jeediyey guddoomiyaha golahaas Cabdi Xaashi, waxaa qoray Cabdicasis Gurbiye, Akhriso: Khudbadda Guddoomiyaha Aqalka Sare: Hadaljeedinta madaxweynaha waxaa uu ku saleeyey waajibaadka madaxweynaha jamhuuriyadda saaran tan ugu muhiimsan inuu yahay ilaalinta dastuurka, hase yeeshee isla khudbadiisa dhexdeeda waxaa uu si layaab leh ugu xadgudbay dastuurka dalka, haddaba hadaljeedintiisu waxaan ka soo qaaday dhowr waxyaabood u gef ku ah sharciga: (1). Madaxweynuhu waxaa uu yiri golaha shacabka waa aasaaska dowladnimadeena, dowladnimadeenuna waa golaha shacabka, halkaas waxaad ka arkeysaan madaxweynaha inuu sharciga oo dhan uu tuuray, golaha shacabka ma aha dowladnimadeena, waa aqal baarlamaanka Soomaaliya. (2). Madaxweynuhu waxaa uu yiri golaha shacabka waa hey’adda ugu sareysa ee matalaadda shacabka Soomaaliyeed, oo waxaa tihiin wakiilada shacabka Soomaaliyeed ay soo dooreen, oo halkan u fadhiya dowlad goboleedyada. (3). Madaxweynuhu waxaa uu yiri gola shacabka, waxaa uu wakiil u yahay dowlad goboleedyada, waxaa uu wakiil u yahay shacabka Soomaaliyeed, go’aanada aad gaartaanna waa in dalka oo dhan laga aqabalo, waana sida caalamka u shaqeeyo. (4). Madaxweynuhu waxaa uu yiri in golaha shacabka kusoo celin doono heshiis walba oo aan la gaaro madaxda dowlad goboleedyada si aad kaalintiinna dastuuriga ah uga qaadataan haddaba, Madaxweynuhu miyuusan ogeyn inuu dalka uu madaxweynaha ka yahay qaatay nimaadka federaalka ah oo ay tahay inuu yeesho labo aqal kuwaas oo ah golaha aqalka sare iyo golaha shacabka, madaxweynuhu haddii uusan akhrin dastuurka dalka waxaan usoo jeedinayaa inuu akhriyo si uu u ogaado qodobada soo socda. Qodobka 55aad ee dastuurka KMG ah ee qeexaya in baarlamaanka federaalku uu ka kooban yahay labo aqal oo kala ah golaha shacabka iyo aqalka sare. Qodobka 61aad ee tirsigiisa 3aad iyo 71aad ee dastuurka KMG ah oo qeexaya in aqalka sare uu matalo danaha dowlad goboleedyada iyo ilaalinta nidaamka federaalka ah. Qodobka 89aad ee qeexaya doorashada madaxweynaha in ay dooranayaan labada aqal. Aasaaska dowladnimada waxaa ay ka kooban yahay 3 hey’adood oo kala ah (1). Hey’adda sharci dejinta oo ka kooban golaha aqalka sare iyo golaha shacabka (2). Hey’adda fulinta (3) Hey’adda garsoorka. Dowladnimadeennu golaha shacabka ma aha. Markii uu madaxweynaha Jahmuuriyadda doonayo inuu ka hadlo arrimo qaran waa inuu ujeediyaa baarlamaanka federaalka ah oo ka kooban labada aqal, oo ka kooban aqalka sare iyo golaha shacabka, ee hal aqal keliya uma jeedin karo. Gebagabo: Waxaan leeyahay, sharciga cid ka sareysa ma jirto, sharciga isaga ayaa u sareeya qofkii gefanaya waa uu qabanayaa, waxaan leeyahay dadka yaa hor iman kara, hadal deeqa oran kara, ksaban kara rag iyo dumar, oo xumo ka dhaahir ah, waxaan leeyahay inta aan noolahay sharciga waan ilaalin, midnimo Soomaaliyeedbaan rabaa, nabadbaan rabaa, dowlad cadaalad sameysaan rabaa, si kale cidna ugu ogolaan mayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Gudoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi oo khudbad ka jeediyey maanta furitaankii Kalfadhiga Aqalka ayaa Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku eedeeyay inuu Dastuurka jabiyey Sabtidii kolkii uu [...] The post Daawo Gudoomiyaha Aqalka sare oo si Adag ula hadlay Madaxweyne Farmaajo, una sheegay inuu Dalku leeyahay laba aqal appeared first on . Source
-
Suldaan Cabdiraxmaan Dhawal oo ka mid ah Hoggaanka dhaqanka ee Beelaha Awdal ayaa ka hadlay Tabashadooda la xidhiidha Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada Somaliland. Suldaan Dhawal ayaa sheegay in Beelaha Gadabuursi ay doonayaan inay Kuraasida Golaha Wakiillada Somaliland ka helaan boqolkiiba 40 oo u dhigantay 33 Kursi. Suldaan Dhawal oo ugu horrayn sharraxaya Wufuud ka socotay Golaha Wakiillada iyo Akadamiyadda Nabadda iyo Horumarka Somaliland ayaa yidhi “Halkan waxa noogu yimid laba qaybood oo is daba socda, Guddiga Arrimaha gudaha ee Baarlamaanka Somaliland oo naga waraysanayey qaabka doorashada oo soo galayo, maaddaama oo Doorashada Golaha Baarlamaanku dhowdahay, taana waxaanu ku caddaynay War-saxaafadeedkayagii hore, ka dib markii Beelaha Gadabuursi ay kaga shireen Shirkii Gobeed oo lagu dhammaa, Ugaas Cabdirashiid iyo hadday Madax-dhaqameedka kale tahayba, kaasi oo ay ku yimaaddeen Ergooyin dhan 773 Qof, laguna go’aamiyey inay si Cad u helaan Saamiga ay Dalka ku leeyihiin, hadday waayaan inay ka joogaan. Saamigaasi waxa weeyaan hadday boqollay noqoto, boqolkiiba Afartan, hadday noqoto siday imika ku fadhiyaan ee 82-ka ahna waa 33 Qof (Saamiga Awdal doonayso). Guddiga Arrimaha gudah ee Golaha Wakiillada waanu u caddaynay, Qolada Akadamiyadda nabaddana waanu u caddaynay.” Suldaanka oo Warbaahinta Golaha91.com waydiisay waxa u meel yaalla, maaddaama oo illaa xilligii ay la kulmeen Guddiga Arrimaha gudaha ee Golaha Wakiillada iyo Akadamiyadda Nabadda aanay Cid dambe arrimahan kala hadal oo xagga Dawladda ka socda, ayaa ku jawaabay “Waxa noo talo ah oo aan horena Bulshada ugu sheegnay, Maantana ku celinaynaa in aan hadda ka dib Maskabka dalka aanay Cid gaar ahi haysanayn, waxa naga go’an in sidaa Maanta lagu fadhiyo (Baarlamanaanka) in aanay dib Dadka aanu Hoggaanka u nahay ugaga qayb-galaynin (Doorashada Somaliland), hadday Golaha Guurtida tahay iyo hadday Golaha Baarlamaanka, go’aankaa Bulshadana waanu u sheegnay, Cid kasta oo ay khusaysana waanu u sheegnay, illaa la saxayana Gadabuursi wuu ka maqnaanayaa illaa la saxayo..”ayuu yidhi. Source
-
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sheegay in Madaxwayne Farmaajo uu ku xad gudbay Daturka,kadib khudbadii Madaxweynaha Soomaaliya Cabdullahi Farmaajo uu ka hor jeediyay Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya Sabtidii lasoo dhaafay oo ay taariikhdu ku beegneed 15-August 2020. Halkan Ka Daawo Hadal-jeedinta Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Qaran News
-
Madaxweynaha Dowlada Puntland oo booqasho rasmi ah ku joogaa Dalka Jabuuti ayaa soo gabagabeeyey safarkiisii, wuxuuna kusoo wajahan yahay Magaalada Dhuusamareeb. Madaxweynuhu wuxuu kusoo hakanayaa [...] The post Madaxweyne Jabuuti oo si heersare ah loogusoo sagootiyey Jabuuti kunasoo Dhuusamareeb appeared first on . Source
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/War-Duhur.mp3 View the full article
-
Sabtidii Shalay waxa mar kale kulan yeeshay Komiishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Xubnaha Xisbiyada u qaabilsan la shaqaynta Komiishanka. Kulankan oo daba socday kulamo lagu lafo-gurayey sida ugu habboon ee Doorashada loogu qaban karo Wakhtigeeda iyo sidii loo dhamaystiri lahaa hawlaha illaa hadda qabyada ah ayaa Komiishanku wuxuu Xubnaha Xisbiyada ugu soo bandhigay Jadwalka uu doonayo inuu doorashada ku qabto. Wargeyska Geeska Afrika ayaa loo sheegay in Komiishanku uu Xubnaha Xisbiyada ee la shaqeeya u soo bandhigay Jadwalkiisa Doorashada ee rasmiga ah, taasi oo ah inuu muddo 10 bilood gudahood ah ku qaban karo doorashada isla-markaana uu muddadaa ku diyaarsan karo waxyaabaha imika qabyada ka ah. Warku wuxuu intaa ku darayaa in Xubnaha Xisbiyada ee Komiishanka la shaqeeyaa ay soo jeedintaasi dib ugula noqonayaan Hoggaamiyeyaasha Xisbiyadooda, si ay go’aan uga gaadhaan, haddii ay ku qancaan iyo haddii kaleba. Toddobaadkii hore ayay ahayd markii Komiishanku uu Jadwalka doorashada ee 10-ka bilood ku salaysan uu u soo bandhigay Xubnaha Xisbiyada u qaabilsan la shaqaynta Komiishanka, laakiin xilligaasi waxa Xisbiyada qaarkood, sida Kulmiye soo jeediyeen in wakhtigaa laga yareeyo isla-markaana lagu soo koobo lix bilood. Source
-
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka hadlay Khudbadii shalay Madaxweyne Farmaajo uu ka hor jeediyay Xildhibaanada Golaha Shacabka. Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo inuu ku xadgudbay Dastuurka, gaar ahaan awoodii Golaha Aqalka Sare ee dalka, isla markaana kaalintii ay wakiilka kaga ahaayeen Dowlad Goboleedyada siiyey Golaha Shacabka. Cabdi Xaashi ayaa kasoo horjeestay Erayo ku jiray Khubadii Madaxweynaha uu jeediyay, kuwaasi oo uu sheegay inuu ku gafay Dastuurka, isagoona tusaale u soo qaatay markii uu yidhi Farmaajio Golaha Shacabka waa aas-aaska dowladnimadda Somalia. Sidoo kale Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa tilmaamay in Madaxweyne Farmaajo uu dafiray awoodii Golaha Aqalka, kadib markii uu mar kale isla sheegay in Golaha Shacabka uu dib ugu soo celinayo Heshiis kasta oo uu lasoo gaadho Madaxda M/Goboleedyada. Ugu dambeyn Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sheegay in ayna jirin cid sharciga ka sarreeysa, isla markaana sharciga uu yahay midka ugu sarreysa, qofka jebiyana uu qabanayo. Hadalkaan ayaa Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka waxaa uu Maanta ka sheegay kulankii ay Magaalada Muqdisho ku yeesheen Senatarada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka dalka Soomaaliya. Source
