-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa xalay la soo gaba gabeeyay shirkii madaxda dowladda iyo kuwa maamul gobaleedyada qaarkood uga socday caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb waxaana laga soo saaray 17 qodob. Qodobada shirka ka soo baxay ayaa qaarkood waxaa durba ka hadal heyn xoog leh iyo su’aalo u baahan jawaab, halka qaar ka mid ahna lagu sheegay inuu xadgudub ku yahay Aqalka Sare iyo dastuurka dalka. Qodobada muranka sababi kara ama keeni kara doodo iyo aragtiyo kala duwan waxaa kamid ah. 1) – Qodobka 9-aad ee shirka ayaa sheegaya in doorashada looga dambeeyo guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka, iyagoo kaashanaya maamul gobaleedyada. Qodobkaan ayaa jebinaya shuruucda dalka, sababtoo ah guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka waajibkooda waa qabashada doorasho qof iyo cod ah ama doorasho dadweyne ee ma aheyn awoodahooda qabashada doorasho dadban ama nuuc kale ee doorasho. 2) – Qodobka 11-aad ee shirka Dhuusamareeb ayaa sheegaya in doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare dooran doonaan Xildhibaanada maamul gobaleedyada sida sanadkii 2016-kii hadaba waxaa isweydiin leh, yaa dooranaya kuraasta 13-ka xubnood ah ee gobalka Banaadir mise markale ayuu gobalkaan weyn doonaa xuquuqdiisa siyaasadeed ee aqalka Sare. 3) – Qodobka 12-aad ee Shirka ayaa sheegaya in natiijada Shirka Dhuusamareeb la horgeeyo Golaha Shacabka ee baarlamanka waxeyna meesha ka saareen madaxdii shirka awoodda aqalka Sare, iyagoo ku soo koobay oo keliya Golaha Shacabka. 4) – Qodobka 5-aad ee Shirka Dhuusamareeb ee sheegaya in cod bixiyaasha 3 ilaa 5tii Kursi ee isku deegaanka ah la isku dhafo lana gaarsiiyo 1,500 oo qof waxeyna dhamaantood u codeynayaan kuraasta degmadaas taal. Arrintaan ayaa sababi karta jawhareer iyo walaac ka yimaada musharaaxiinta Xildhibaanada ee degaankaas maadaama uu cod ka raadinayo dad ka badan 3 laabka ergada beeshiisa.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Warka-Habeen-2182020.mp3 View the full article
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaca ka badalay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug waxaana uu yiri “Shirkii Dhuusamareeb 2 waxaa la ii keenay soo jeedin la iyiri magaaladaan waa magalo Taariikhi ah magaceduna waa magac ka duwan magacyada magaalooyinka Soomaalida marka si aan u casriyeyno magaca magaalada waxaa Madaxweynuha iyo Masuuliyiin badan iga codsadeen inaan ugu dhawaaqo magac kale oo la yiraahdo Sama-reeb” Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa xiligan wixii ka dambeeya loogu yeeri doonaa magaalada Sama-reeb. View the full article
-
Safiiro ka socda Beesha Caalamka iyo Madaxweyne Farmaajo oo uu weheliyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa kulan u socdaa. Kulanka ayaa wuxuu ka socdaa Garoonka Diyaaradaha [...] The post Safiiro Beesha Caalamka Iyo Madaxweyne Farmaajo oo Kulan uga socda Garoonka Diyaradaha Muqdisho appeared first on . Source
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta ka qeyb-galay munaasibad lagu soo xirayay Shirka Dhuusamareeb-3 oo maalmihii u dambeeyay ka socday magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, ayaa ka hadlay qaadacada shirkaasi ee maamulada Jubbaland iyo Puntland. Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hadlay diidmada labadaasi maamul ee ku aadan shirka, wuxuuna sheegay inay kaalin muhiima ku leeyihiin shirweynahaasi, islamarkaana uu aad uga xun yahay maqnaashahooda. Farmaajo ayaa sheegay in marnaba aysan ka maarmin labada maamul ee ka maqnaa shirkaasi, oo iyagu sheegay inaysan marnaba aqbaleyn shirweyne aan la fulineyn waxyaabihii la iskugu raaco ama laga soo saaro. “Walaalaheena Puntland iyo Jubbaland waxaa leeyahay madashan waxbaa ku leedihiin dad wanaagsan tihiin, waa nagu fogtihiin waa ka xunahay in aadan imaan oo aadan xaadir ku aheyn” ayuu yiri. Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay inuu rajeynayo in shirar kale ay kala soo qeyb-gali doonaan maamulada Jubbaland iyo Puntland, midaasi oo ka dhigan in shirka Dhuusamareeb-3 uu ka dambeeyo shirweyne kale. “Waxa aaminsanahay inaa dib noogu soo qeyb geli doontaan fikradaha aad qabtaan ma idinka maarano waxaa u baahnahay awoodiina dhinac walba haddii tahay maskax xikmad iyo fikir waxaa idinka codsaneyna ummadda Soomaaliyeed idinka codsaneysaa inaan isku nimaano” ayuu sidoo kale yiri madaxweynuhu. Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa iyagu qaadacay ka qeyb-galida shirweynaha Dhuusamareeb-3, oo lagu waday in heshiis loo dhan yahay looga gaaro nooca doorasho ee ka dhaceysa dalka, iyada oo ay kasoo baxeena go’aamo hal dhinac ah oo aan loo dhameyn. Muranka ka dhashay arrimaha doorashada ayaa xiligan maraya meel xasaasi ah, xili ay si weyn iskugu maan-dhaafsan yihiin saamileyda siyaasadu nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa. Mana cada in go’aamada kasoo baxay shirka Dhuusamareeb-3 ay noqon doonaan kuwo fula, amase wax ka badal dambe lagu sameeyo, maadama uu madaxweynuhu shirar dambe ka codsaday maamulada ka hor-yimid shirkan. Dhinaca kale, madaxweyne Farmaajo oo ka hadlayey gababagada shirka Dhuusamareeb 3 ayaa sheegay in isaga iyo madaxda Maamul Goboleedyada isla qaateen in laga gudbo qaabkii hore ee qabiilka wax lagu dooran jiray. Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in isaga iyo madaxda Maamul Goboleedyada ee ka qeybgalay shirka Dhuusamareeb isku fahmeyn in loo gudbo nidaamka xisbiyad badan oo doorashada soo socoto lagu geli doono.
-
Dowlada Jubbaland ayaa ka hortimid Qodobadii ay Soosaareen Qaar kamid ah Maamul Giboleedyada iyo Madaxweyne Farmaajo. Jubbaland waxay Qodobadaas ku tilmaantay wax aan sharci ahayn [...] The post Jubbaland oo si Adag u Cambaaraysay Qodobada ay soo saareen Garabkii ku haray Dhuusamareeb appeared first on . Source
-
Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa markii u horeeyay ka jawaabay eedeyntii uu Mareykanku u jeediyay xubnihii ka maqnaa shirka Dhuusamareeb-3, kuwaasi oo uu ku tilmaamay inay yihiin ‘qas-wadayaal’. Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay inaysan garab istaag u muujin doonin xubnaha aan qeybta ka aheyn shirka Dhuusamareeb-3, oo laga soo saaray go’aamo aysan qeyb ka aheyn madaxda Puntland iyo Jubbaland. Nuuradiin Aadan Diiriye, oo ah Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Puntland oo arrinkaasi ka jawaabaya, ayaa ereyga ‘qas-wadayaal’ ee uu adeegsaday Mareykanku ku sifeeyay wax macno buuran aan laheyn oo ‘Maalaa-yacni ah’. Nuuradiin oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa sidoo kale ku sheegay inay muhiim tahay in is af-garad laga gaaro doorashada, isla markaana ay tahay xiligii ay saaxiibada caalamku ay fahmi lahaayeen in Soomaalidu ay go’aan gaari karaan. “Xaqiiqdi waa waqtigii saaxibadeenna caalamiga ahi ay fahmi lahaayeen oo ay si buuxda ugu qanci lahaayen in marwalba ay aheyd Soomaali go’aan ka gaarey geeddi-socodkooda doorashada waqtiyadii la soo dhaafay sidaasna ay ku sii jiri doonaan mustaqbalka. Erayada ‘qaswadayaasha’ (Spoilers) wax macne ah malaha (Maalaa-yacni)” ayuu yiri. Puntland ayaa 16-kii bishan August si rasmi ah u shaacisay inay qaadacday shirka Dhuusamareeb-3 ee ka furmay magaalada Dhuusamareeb, ayada oo eedeyn culus usoo jeediyay madaxda dowladda fedeaalka, iyadoo ku xirtay shuruudo adag si ay uga qeyb-gasho shirkaasi. Hadalkan ayaa imanaya xili Shirka Dhuusamareeb-3 laga soo saaaray war-murtiyeed, iyada oo ay ka maqan-yihiin maamulada Jubbaland iyo Puntland, midaasi oo meesha ka saareysa in heshiis loo dhan yahay laga gaaro arrimaha doorashooyinka.
-
Iyadoo is soo tarayaan falcelinta ka dhalatay jahawareerkii uu ku dhamaaday Shirkii Dhuusomareeb 3 ayaa Dr.Maxamed Maxamuud Culusow oo hore u soo noqday Gudoomiyaha Bangiga [...] The post VOA : – Dr.Culusow iyo Dr.Cali Xaaji Warsame oo ku tilmaamay natiijadii Shirkii Dhusomareeb mid wax badani isku qasan yihiin. appeared first on . Source
-
Mogadishu (PP) — A Senior Advisor of the Somali Government Dr Abdurahman Baadiyow summarised the outcome of Dhuusamareeb III Summit as an acceptance that one person, one vote elections are impossible in Somalia for now. Dr Baadiyow: One person, one vote elections are not possible now. “The most important point in the Dhuusamareeb3 agreement is that 1p1v is not possible now. Thus, indirect model of selection/election which is more advanced than the one conducted in 2016 must be conducted. The rest of the detailed points are negotiable. This is one step forward” tweeted Dr Baadiyow. The most important point in the Dhuusamareeb3 agreement is that 1p1v is not possible now. Thus, indirect model of selection/election which is more advanced than the one conducted in 2016 must be conducted. The rest of the detailed points are negotiable. This is one step forward. — Dr. Abdurahman Baadiyow (@DrBaadiyow) August 21, 2020 The agreement on the electoral model increased the number of participants who will elect MPs, assigned a special role for Federal Member MPs to elect Upper House Senators and will involve political parties in elections. There is possibility that the election of MPs and Senators in individual constituencies may not be determined by bribes as was the case with past elections. A propspective MP or Senator cannot grease the palms of 300 persons who will elect MPs and Senators. The electoral model reduced the role of tradional leaders in electing MPs. Puntland and Jubaland have boycotted Dhuusamareeb III Summit. South West State, Hirshabelle, Galmudug, Banadir region and the Federal Government of Somalia reached a deal on the 2021 elections in Somalia. The National Independent Electoral Commission will flesh out details on how and when political parties can start campaigning. © Puntland Post, 2020 The post Dr Baadiyow: One person, one vote elections are not possible appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ka hadlay xafladda xiritaanka Shirka Dhuusamareeb 3 ayaa sheegay inuu waqti badan ku bixiyey sidii madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland u keeni lahaa shirka. Mudane Qoor Qoor ayaa tilmaamay in Dhuusamareeb lagu ballansanaa 15 Bishaan Agoosto balse ay imaaan waayeen qaar ka tirsan madaxda Maamul Goboleedyada iyagana ay geed dheer iyo mid gaaban u fuuleen sidii loo keeni lahaa balse aysan taas dhicin. “Waxaa ogtihiin inay aheyd madal iyo balan 15 agosto in halkan in la isugu yimaado’ iyadoo looga tashanayo hanaan doorasho dalka ku galo, waa la yimid, walaalo naga maqnaa ayaa jiray runtii waa la hadalnay waa doonay dadaal ayaa u galnay inay soo xaadiraan, geed dheer iyo geed gaaban u galnay, laakiin ma noqon sidaas. Waxaa ogtihiin maalinta 7aad halkan ka socdo shirka oo ah waqti waafi oo ku filan walaalaha ugu yeernay taladii loo baahnaa in lagu gaaro” ayuu yiri Qoor Qoor. Dhinaca kala Madaxweyne Qoor Qoor ayaa shaaciyey in dalka aaday doorasho, wuxuuna sheegay in doorashadaas aan loogu daneeneyn shakhsiyaad gaar ah balse ay tahay mid ay ku wada guuleysan karaan mucaaradka, Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe. “Dalku doorasho ayuu aaday ma ahan Doorasho dano ku leedahay Dowladda Federaalka ma ahan Doorasho Dowlad Goboleedyada leeyihiin, ma ahan doorasho cid u xaglineysa waa Doorasho aan ugu magac darnay Wada Guuleysta, Waxaan rabaa inaan halkan ka caddeeyo oo taladooda sugeynaa oo aan ka maarmin walaalaha naga maqan”. Madaxdii tagtay Dhusamareeb waxay shegeen in markii ay si qotodheer ay uga wadatashadeen qaababka doorasho ee ay soo jeediyeen guddigaas ay isla qaateen in qaabka doorashada 2020/21 noqoto mid deegan doorasho ah.
-
Gaas oo si weyn uga biyo diiday Go’aankii Deniga Puntland ku qaadacay shirka Dhuusamareeb 3 Madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiweli Gaas ayaa si weyn u naqdiyay diidmadii madaxweyne Deni ee shirka Dhuusamareeb-3, oo ka furmay caasimada Galmudug, iyada oo ay ka maqan yihiin Jubbaland iyo Puntland. Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in xiligan aysan munaasib aheyn khilaaf cusub, maadama arrimo masiir ah looga hadlayey shirka Dhuusamareeb-3 oo ka dhashay shirkii hore ee dowladda federaalka iyo maamul goboleedyadu ay wada-yeeshen. Gaas ayaa ka horyimid qaadacada Deni ee shirkaasi, iyada oo Puntland ay Madaxda Dowladda Federaalka ku eedeysay inay ka shaqeeyeen fashilinta natiijadii Dhuusamareeb 1 iyo 2 iyo qorshahii qabsoomidda Dhuusamareeb-3. Saciid Deni ayaa qaba in madaxweyne Farmaajo uu magacaabo Ra’iisul Wasaare qayb ka noqda fulinta heshiisyada qabsoomidda doorashooyinka Dalka ee 2020/2021. Cabdiweli Gaas ayaa isagu qaba mid taasi ka duwan, isla markaana u arka go’aanka Deni mid aan xiligan habooneyn, maadama uu gebi ahaanba qaadacay shirweynaha Dhuusamareeb oo la filayay in heshiis loo dhan yahay looga gaaro khilaafka doorashooyinka. “Madashaasi waa madal aan laga maqnaan kareyn, qofka dhibaato caafimaad ama dhibaato weyn mooye, laakiin in la qaadaco oo la tagin waxay ila tahay wax aan sax aheyn,” ayuu yiri Gaas oo u waramayey Barnaamijka Daba-galka ee Universal Tv. Wuxuuna intaas sii raaciyay “Deni waa inuu ka qeyb-galo shirweynaha Dhuusamareeb”. Gaas ayaa Deni ku dhaleeceyay go’aankaasi, oo uu ku tilmaamay mid xiligan aan ka turjumeyn danta Shacabka, inkasta oo uu qiray diidmadiisa ku aadan qorshaha qalafsan ee Villa Somalia. Puntland ayaa 16-kii bishan August si rasmi ah u shaacisay inay qaadacday shirka Dhuusamareeb-3 ee ka furmay magaalada Dhuusamareeb, ayada oo eedeyn culus usoo jeediyay madaxda dowladda fedeaalka, iyadoo ku xirtay shuruudo adag si ay uga qeyb-gasho shirkaasi Qaran News
-
Maxay tahay sida fudud ee ninkani ku taajiray? Gabriel Beltran Gabriel Beltran waxa uu ka soo haajiray Uruguay ka hor inta uusan iman Miami isagoo ku raja weyn inuu ka dhabeeyo riyadiisa. Shan sannadood ka hor, waxa uu la daalaa dhacay kirada guriga iyo noloshiisa caadiga ah, kaddib ayaa waxa uu lacag ka badan 20 milyan oo doolar ka sameeyay ganacsi yar oo dhanka Online-ka ah oo lagu magacaabo: dropshipping. Waxa u ganacigan kala waday isagoo ku sugan qolkiisa jiifka, Waxaana jira shakhiyaad kale oo sidaan si la mid ah maal-qabeen ku noqday. Ganacsatadan weligood ma aysan arag badeecadaha ay iibinayaan, wuxuuna suuqooda gaaraa boqolaal milyan oo qof. Badeecadaha Shiinaha Geedi socodka waa uu fudud yahay: dropshipper waxa uu la maacaamilaa suuqa online-ka ee Shiinaha kaddibna waxa uu bartilmaameedsanayaa alaabta raqiiska. Qofka iibinaya alaabtaasi waxaa uu sameynayaa website isagoo sheegaya in alaabtaasi lagu sameeyay Mareykanka iyo Yurub. Dropshipper waxa uu isticmaalaa baraha bulshada si alaabta loogu xayeesiyo. Marka dalab loo helo alaabta, qofka macaamiilka ah ayaa laga qaadayaa lacagta, ugu dambeyntina alaabta ayaa waxaa si toos ah looga soo qaadaya Shiinaha oo waxaa la gaarsiinayaa macaamiilkii soo dalbaday. Gabriel waxa uu bilaabay inuu iibiyo alaab been abuur ah waxa uuna muddo bil ah ka faa’iiday lacag dhan $50,000. Waxa uu sheegay in markaasi wixii ka dambeeyay uusan iibin alaab been abuur ah. Gabriel waxa uu YuoTube soo dhigay muuqaal lagu sharaxayo sida dropshipping loo isticmaalo. Alaabta been abuurka ah Dropshipping ma cusba balse sare u kicidda baraha bulshada ee dadka caanka ah ayaa horseedday in aad loo barto. Dadka ku shaqeysta ayaa markii hore isticmaali jiray iney agabkooda ku xayeesistaan eBay ama Facebook hase yeeshee dadkan caanka ah ayaa gacan ka geystay sare u kaca iibka alaabta. Sarah oo codsatay inaan la sheegin magaceeda oo dhameystiran oo ku shaqeysata dropshipping ayaa BBC Click u sheegtay iney alaabta meeshii ay ka shaqeyneysay lagu iibinayay cinwaanka Kourtney Kardashian ee Instagram oo ay ku taxan yihiin ku dhawaad 100 million oo qof. Waxaana lagu xayeesiyaa baalasha indhaha la gashto oo been abuur ah iyo alaabaha kale ee la isku qurxiyo kuwaasi oo qiimo ahaan gaaraya $203,000, oo doolar. Kourtney Kardashian ”Dadka waxay u maleeyaan in magacyada shirkadaha caalamiga ah ee la xayeesiyo sida alaabta lagu xayeesiyo Kourtney Kardashian iney sax yihiin balse waxaa la soo dhigaa alaab been abuur ah amaba gabi ahaanba aanan jirin. Magnetic SL waxaa soo gaartay cabasho dhanka Online-ka oo kun kor u dhaafeysa waxaana ka mid ahaa cabasho alaab aanan la helin. Trustpilot Kumanaan qof oo macaamiil soo jiidan kara ayaa ka qeyb ah xayeesimaha dropshipping oo waxay u badan yihiin ganacsato keli keli ah. Inuu qofka xayeesiyo alaabta dropshipping waxa uu u bahaan yahay inuu haysto boqol kun oo qof oo ku xiran cinwaankiisa waxa uuna qofka ka sameyn karaa lacag fiican. Qaran News
-
Ajaaniib Muddo dheer u afduubaan budhcad-badeed Soomaaliya oo la sii daayay Saddex qof oo u dhalatay dalka Iiraan oo u afduubnaa burcad-badeed Soomaali ah tan iyo sanadkii 2015 ayaa la sii daayay, sida uu wakaaladda Reuters u sheegay la taliye sare oo dhanka dembiyada ka dhaca badaha ah. Raggan ayaa ahaa shaqaalihii ugu dambeeyay ee saarnaa markabka kalluumeysiga FV Siraj ee Iiraan laga leeyahay eeafduubka loo haystay, kaas oo ay burcad-badeeddu qabsadeen 22-kii March, 2015. Qofkii afaaraad ee shaqaalaha ka tirsanaa ayaa la sii daayay sanadkii hore, maaddaama uu u baahnaa daryeel caafimaad oo degdeg ah. “Tani waxay soo afjareysaa muddadii burcad-badeedda Soomaaliya iyo xanuunka ay dareemaan dadka lagu afduubto Soomaaliya ee la iska illaabay,” ayuu yiri John Steed, oo xiriiriye ka ah hay`ad si gaar ah loo leeyahay oo caawisa dadka la afduubto, saldhiggeeduna yahay Nairobi, Kenya. Steed, oo ah sarkaal sare oo ciidamada Britain ka tirsanaa, isla markaana sanado ku bixiyay dadaalka sii deynta dadka ay burcad-badeedda ku afduubtaan Soomaaliya, ayaa sheegay in raggan la sii daayay Sabtidii la soo dhaafay, haatanna ay ku sugan yihiin dalka Itoobiya oo ay ku sugayaan baaritaanka coronavirus kaddibna ay dalkooda u safri doonaan. Qaran News
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiweli Gaas ayaa si weyn u naqdiyay diidmadii madaxweyne Deni ee shirka Dhuusamareeb-3, oo ka furmay caasimada Galmudug, iyada oo ay ka maqan yihiin Jubbaland iyo Puntland. Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in xiligan aysan munaasib aheyn khilaaf cusub, maadama arrimo masiir ah looga hadlayey shirka Dhuusamareeb-3 oo ka dhashay shirkii hore ee dowladda federaalka iyo maamul goboleedyadu ay wada-yeeshen. Gaas ayaa ka horyimid qaadacada Deni ee shirkaasi, iyada oo Puntland ay Madaxda Dowladda Federaalka ku eedeysay inay ka shaqeeyeen fashilinta natiijadii Dhuusamareeb 1 iyo 2 iyo qorshahii qabsoomidda Dhuusamareeb-3. Saciid Deni ayaa qaba in madaxweyne Farmaajo uu magacaabo Ra’iisul Wasaare qayb ka noqda fulinta heshiisyada qabsoomidda doorashooyinka Dalka ee 2020/2021. Cabdiweli Gaas ayaa isagu qaba mid taasi ka duwan, isla markaana u arka go’aanka Deni mid aan xiligan habooneyn, maadama uu gebi ahaanba qaadacay shirweynaha Dhuusamareeb oo la filayay in heshiis loo dhan yahay looga gaaro khilaafka doorashooyinka. “Madashaasi waa madal aan laga maqnaan kareyn, qofka dhibaato caafimaad ama dhibaato weyn mooye, laakiin in la qaadaco oo la tagin waxay ila tahay wax aan sax aheyn,” ayuu yiri Gaas oo u waramayey Barnaamijka Daba-galka ee Universal Tv. Wuxuuna intaas sii raaciyay “Deni waa inuu ka qeyb-galo shirweynaha Dhuusamareeb”. Gaas ayaa Deni ku dhaleeceyay go’aankaasi, oo uu ku tilmaamay mid xiligan aan ka turjumeyn danta Shacabka, inkasta oo uu qiray diidmadiisa ku aadan qorshaha qalafsan ee Villa Somalia. Puntland ayaa 16-kii bishan August si rasmi ah u shaacisay inay qaadacday shirka Dhuusamareeb-3 ee ka furmay magaalada Dhuusamareeb, ayada oo eedeyn culus usoo jeediyay madaxda dowladda fedeaalka, iyadoo ku xirtay shuruudo adag si ay uga qeyb-gasho shirkaasi.
-
Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo ciidamada sida gaarka ah u tababaran Puntland ay maanta ka sameeyeen gobolka Bari. Howl-galka oo uu ka dhashay dagaal foolka fool ah ayaa wuxuu si gaar ah uga dhacay dhulka buuraleyda ah ee gobolkaas oo ay ku xoogan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab. Taliyaha ciidanka sida gaarka ah u tababaran Puntland ee loo yaqaano PMPF Baari Salaad Axmed oo la hadlay mid ka mid ah warbaahinta ka howl-gasha deegaanada maamulkaasi ayaa sheegay in ciidamadu ay ka war-heleen weeraray dagaalyahanada Al-Shabaab ku soo qaadi rabeen saldhigyada ciidanka Puntland, balse ay ka hortageen. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay dileen xubno ka tirsanaa Al-Shabaab, sidoo kalena ay gacanta ku dhigeen saraakiil, dagaalamayaal kale iyo maxaabiis. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in ciidamadu ay howl-galkaas sidoo kale ku soo furteen hub fara badan, sida uu hadalka u dhigay. Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo xoogan haatan laga dareemayaaa qeybo badan oo ka mid ah gobolka Bari ee maamulka Puntland. View the full article
-
Warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Howlgalka Mareykanka u qaabilsan Qaaradda Afrika ee loosoo gaabiyo AFRICOM waxa ay ku faah-faahiyeen duqeyn diyaaradaha nuuca duulliye la’aanta ay ka geysteen Koofurta Soomaaliya. Si gaar ah waxa ay duqeytaas uga dhacday Degmada Kuntuwaarey Gobolka Shabeelaha Hoose oo 14-kii Bishaan Agoosto Ciidamada gaarka ah ee kumaandooska DANAB ay ka qabsadeen Al-Shabaab. Weerarka ayaa dhacay Khamiistii oo ku beegneed 20-ka Agoosto 2020, Taliska AFRICOM ayaa shaaciyay in ay ku dileen xubin katirsan Al-Shabaab, halka ay burburiyeen Gaari oo uu watay qofka la duqeeyay. AFRICOM ayaa xaqiijisay in aysan jirin waxyeelo dhimasho ama dhaawac ah oo gaartay dadka rayidka ah ee ka dhawaa goobta bartilmaameedka weerarkooda duqeynta ahaa, taasina ay ku ogaadeen baaris ay sameeyeen. Gen. Joel Tyler Madaxa howlgalada AFRICOM waxa uu sheegay in ujeedka weerarka uu ahaa in laga hortago khatarta Al-Shabaab Mareykanka iyo saaxiibadiisa Gobolka sida Dowladda Federaalka iyo AMISOM. Fulinta howlgalkaan waxa uu talisku sheegay in ay gacan ka siisay Dowladda Federaalka, xog iyo xuuraansi kadibna ay ku dhaqaaqeen fulinta weerarka duqeynta ah oo ay geysteen diyaaradaha Duulliye la’aanta ah (Drones). View the full article
-
Maareeyaha hay’adda duulista rayidka, Mudane Axmed Macalin oo u warramay warbaahinta ayaa amar culus dul-dhigtay diyaaradaha Qaadka ka keena dalalka Kenya & Itoobiya. Axmed Macalin ayaa sheegay in marnaba aysan Soomaaliya soo geli karin diyaarad Qaad sida, islamarkaana dowladda Soomaaliya ay gabi ahaan dalka ka mamnuucday. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay jiraan diyaarado qaar oo si qarsoodi ah Qaadka ku soo galiya Muqdisho, balse ay ka qaadi doonaan tallaabo adag, sida uu hadalka u dhigay. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo horey dowladda Soomaaliya ay hawada Somaliland iyo Puntland uga celisay diyaarado Qaad siday oo ka soo kicitimay Kenya & Itoobiya. View the full article
-
Waxaa haatan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ka socota xaflad lagu soo xirayo wejiga 3-aad ee shirka wadatashida dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada. Xafladda oo ah mid ballaaran ayaa waxaa ku sugan oo ka qeyb-galaya Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxweynayaasha maamullada Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxaa madasha goob-joog ah xildhibaano, wasiiro iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay munaasabadda xiritaanka shirka Dhuusamareeb 3. Shirkan oo ay ka maqnaayeen Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa waxaa diirada lagu saaray arrimaha xasaasi ah oo ugu horreyso doorashada 2020/2021, iyadoo lagu cadeeyey nooca ay noqoneyso, kadib war-murtiyeed ka soo baxay shirkaasi. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Warka-duhur-21082020.mp3 View the full article
-
Garowe (PP News ) — Puntland State Government yesterday issued a statement on a Panama-flagged ship that was reported to have been hijacked at Bereeda coast near Cape Gardafuuy. Puntland Minister for Fisheries and Marine Resources Mohamud Hagi Salah refuted the Reuters report that a ship was hijacked by pirates in Puntland. “The cargo ship carrying fuel bound for Mogadishu and 20 crew members was thought to have been suspiciously navigating back and forth in Puntland coast for three days when it was approached by soldiers from Puntland coast guards who found out that the cargo ship was grappling with a technical fault” Salah told Puntland Post. Salah: The ship was grappling with a technical fault. Salah said the prevalence of illegal fishing and dumping of toxic waste along the Somali coast made it necessary to establish the identity of the ship. Reuters reported that “, six armed men hijacked the Panama-flagged Aegean II late Wednesday after it had engine problems…” Pirates do not have the habit of hijacking a ship without demanding a ransom. “Reutets have missed the opportunity to interview senior Puntland State Government officials in Garowe about the ship” says a Bosaso-based radio journalist. “Reuters report tarnishes the anti-piracy image of Puntland State.” © Puntland Post, 2020 The post Puntland Refutes a Reuters Report on a “Hijacked” Ship appeared first on Puntland Post.
-
Boosaaso (Caasimadda Online) – Dagaalka oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu ka dhacay degaannada Galgala & Bali-Khadar ee Gobolka Bari, halkaas oo ay ku yaalaan saldhigyo ay leeyihiin Ciidamadda Difaaca Puntland. Taliska Ciidamada tababarka gaarka ah qaba Dowlad Goboleedka Puntland PMPF ayaa sheegay in saraakiil katirsan Al-Shabaab oo qorsheeyay weeraro ay ku qaadaan Saldhigyo ciidamadooda ku sugan yihiin in ay kahor tageen. Taliyaha Ciidamada PMPF-ta Puntland Baari Salaad Axmed ayaa sheegay inay Ciidamada iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca xubnaha ka tirsan Ururka Al-Shabaab, isla markaana ay khasaaro gaarsiiyeen. Waxaa uu sheegay in ilaa 10 dagaal yahan ay ka dileen Al-Shabaab sidoo kalena ay nolosha ku qabteen Xubno kale, waxaana uu intaasi raaciyay hadalkiisa in Ciidamada Puntland ay ku jiraan feejignaan amniga la xiriira. “Weerar ayay ku ahaayeen Balli-Qadar iyo Galgala, dagaal ayaan la galnay oo 10 KM ayaan eryanaynay, hub ayaan kasoo furanay, waxaana gacanta ku dhignay xubno duulaankooda qayb ka ahaa oo aan soo bandhigeyno, meesha dagaalka xooggiisa wax uu ka dhacay Deegaanka (Habar-hagoogle) oo dhanka Koofurta ka xiga Galgala” ayuu yiri Taliye Baari Salaad. Ururada AL-Shabaab iyo Daacish ayaa si weyn ugu xooggan Degaannada Buuraleyda ah ee Gobolka Bari halkaas oo ay ka geysteen weeraro khasaaro geystay, mana jirto illaa hadda koox sheegatay dagaalka ka dhacay Galgala.
