Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Warka-Habeen-3082020.mp3 View the full article
  2. Mogadishu (HOL) - A Turkish Airline's flight departing from Aden Adde International Airport was forced to make a u-turn emergency landing after losing cabin pressure. Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa xukun adag ku riday ganacsade caan ka ah magaalada Muqdisho kaas oo lagu helay dambi ah inuu shaqo galiyay shirkad u shaqeysa sida bangiyada balse aan shati ka heysan dowladda. Ganacsadahaan oo magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Axmed Maxamed (Xaaji Gaabow) ayaa xafiiska xeer ilaalinta kusoo eedeeyeen inuu furtay xafiis ganacsi oo u shaqeynayay sida bangiyada balse aan la aqoonsaneyn. Dr. Cabdiraxmaan Saciid Axmed oo ah garsooraha maxkamadda gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay xukunka dambiilaha, wuxuuna sheegay in Cabdullaahi Axmed Maxamed lagu xukumay saddex sano oo xarig ah iyo lacag dhan 9,2000$. Ganacsadaha la xukumay, waxaa u furan inuu racfaan qaato qaadan karo inta loo ogol yahay muddo 30-maalmood ah. The post Maxkamadda G/Banaadir oo maanta xukun adag ku riday ganacsade caan ah first appeared on Caasimada Online.
  4. Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi oo muddo saddex sanno oo ay xilka haysay madax la sii gelaysa, ayaa waxa muddadaasi ka dhex jiray masuuliyiinta Wasaaraddaha iyo Hay’addaha dawladda ee Madaxweynuhu magacaabay khilaafyo kala duwan oo ka dhashay shaqada ay qaranka u hayaan. Khilaafydan oo saameeyey hawlaha shaqo ee Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Dawladda, ayaa waxa ay inta badan ka dhex alloosmeen Wasiirradda iyo Agaasimeyaasha Guud iyo weliba madaxda Hay’addaha dawladda, kuwaas oo qaarkood isfaham lagu dhameeyey, halka kuwo kalena keeneen in xilalka laga qaado masuuliyiinta is qabatay qaarkood, iyada oo kuwo kalena weli kala laalaadaan. Haddaba waxa aanu halkan idinku soo gudbinaynaa Wasaaraddihii iyo Hay’addihii dawladda ee khilaafku hadheeyey muddadii uu xilka hayey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. 1-Khilaafkii Wasaaradda Warfaafinta ee dhex maray Wasiirkii Wasaaraddaasi Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax Guribarwaaqo, ee aakhirkii galaaftay Agaasimihii Guud ee Wasaaraddaasi Cali Maxamed Cali (Cali Caliyow) 2- Khilaafkii Wasaaradda Jidadka iyo Waddooyinka ee u dhexeeyey Wasiirka Wasaaraddaasi Cabdillaahi Abokor iyo Maareeyihii Hay’adda Waddooyinka, waxaanu khilaafkaas sababay in xilka laga qaado Maareeyihii Hay’addaasi 3- Khilaafkii Komishanka AIDs-ka ee u dhexeeyey Agaasimihii fulinta ee Komishankaas iyo xubno ka mid ahaa Komishankaasi, waxaanu aakhirkii khilaafkaasi keenay in xilalkii Madaxweynuhu ka qaado Agaasimihii Fulinta Naasir Ayjeex iyo Agaasime Waaxeed kale Maxamed Abiib. 4- Khilaafkii Komishanka Maamul Wanaagga ee u dhexeeyey Guddoomiyaha Guddidaas iyo xubnaha Guddidaas qaarkood, kaas oo keenay in xubnaha guddidu xilkii ka qaadaan Guddoomiye Axmed Jaamac. 5- Khilaafkii Wasaaradda Biyaha ee u dhexeeyey Wasiirkii Wasaaraddaasi laga beddelay ee Saleebaan Cali Koore iyo Agaasimihiisii Jamaal Muuse, waxaanu khilaafkaasi xal looga dhigay in Agaasimihii Guud loo beddelo Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Distuurka. 6-Khilaafkii Wasaaradda Shaqo gelinta iyo Arrimaha Bulshada, waxaanu khilaafkani ka dhexeeyey Wasiirka Wasaaraddaasi Marwo Hinda Jaamac Gaani iyo Agaasimihii Guud ee Wasaaraddaasi Maxamed Aadan, waxaanu khilaafkaasi keenay in xilkii laga qaado Agaasimihii Guud ee Wasaaraddaasi 7-Khilaafkii Hay’addaha Barakacayaasha iyo Qaxoontiga ee u dhexeeyey Guddoomiyaha Hay’addaasi Cabdikariim Xinif iyo Kuxigeenkiisii Khadar Cabdillaahi Cali Jowhar, kaas oo aakhirkii keenay in xilkii laga qaado Guddoomiye kuxigeenka. 8- Khilaafkii Hay’adda Dhawrista Tayada ee u dhaxaysay Guddoomiyaha Hay’addaasi Muuse Yuusuf iyo Kuxigeenkiisii Amal Cabdi Xasan, waxaanu khilaafkaasi keenay in xilkii laga qaado Haweenaydii kuxigeenka ka ahayd Hay’addaasi 9-Khilaafkii Wasaaradda Waxbarashada Somaliland ee u dhexeeyey Wasiirkii Wasaaraddaasi iyo Agaasimaha Guud oo isku dhinac ahaa iyo Wasiir Kuxigeenkii Wasaaraddaasi Maxamed Daahir, waxaanu khilaafkani keenay in xilka laga qaado Wasiir Kuxigeenka Wasaaraddaasi. 10- Khilaafkii wasaaradda Qorsheynta ee u dhexeeyey Wasiirkii xilka laga qaaday ee Wasaaraddaas Cawaale shirwac iyo Agaasimihii Guud ee wasaaradaasi Cabdi Cali, kaas oo keenay in aakhirkii Agaasimihii guud ee Wasaaraddaasi. Marka laga yimaado Khilaafyada aynu ka soo hadalnay oo iyagu keenay in ay masuuliyiin xilalkooda ku waayaan, halka kuwa kale laga beddelay Wasaaraddihii ay hore u joogeen, waxa iyagana jira Wasaaraddo iyo Hay’addo kale oo kuwa dawladda ah oo khilaafyadii ka dhex jiraan, inkasta oo aanu khilaafkoodu dibedda u soo waxa bixin, waxaana ka mid ah Wasaaraddaasi Wasaaradda Qorsheynta, Wasaaradda Warfaafinta, Wasaaradda Shaqo gelinta iyo Arrimaha Bulshada iyo Wasaaradda Caddaaladda oo iyadu ah tii u dambaysay ee khilaafkeedu dibedda u soo baxo, isla markaana Wasiirka Wasaaraddaasi iyo Agaasimaha Guud Qoraallo kala duwan isweydaarsadeen. Khilaafyada kala duwan ee muddadii Madaxweyne Biixi xilka hayey ka dhex jiray wasaaraddaha, ayaa waxa ay asalka u hayaan awooddaha iyo waajibaadka ay leeyihiin masuuliyiintani oo midba kale ku eedeeyey inuu ku xadgudbay. Waxyaabaha kale ee loo aanaynayo khilaafyada ayaa ah maamulka mashaariicaha wasaaradduhu gacanta ku hayaan, Shaqaaleysiin dad ay iyagu wataan, maamulka Miisaaniyaddaha Wasaaraddaasi, Shidaalka iyo kala shaki soo kala dhex gala masuuliyiintan. Khilaafyadan, ayaa qaarkood waxa ay saameyn ku yeesheen habsami u socodka Hawl maalmeedka Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Dawladda. Source
  5. Nairobi (Caasimadda Online) – Wasiirkii hore qorsheynta Soomaaliya Cabdiraxmaan Caynte ayaa aaminsan in Madaxweyne Farmaajo aysan u furneen waddo uu ku diido musuq-maasuqa ka jira Soomaaliya. Caynte wuxuu qabaa in madaxweynaha hadda talada haya uu yahay shaqsi kusoo baxay hanaanka is-dabamarinta iyo laaluush bixinta mar uu ka qeyb galayay kulan ay soo qaban-qaabiyeen hawlwadeenada Machadka Daraasaadka Hiigsi. Wasiirkii hore wuxuu sheegay in Farmaajo uu laaluush ku bixiyay doorashadii lagu doortay horaantii 2017, sidaas darteed aysan muuqan sabab uu kula dagaalamo musuq-maasuqa. Dhawaan ayey aheyd markii xukunno kala duwan lagu riday hawlwadeeno ka tirsanaa wasaaradaha caafimaadka, kalluumeysiga iyo warfaadinta kuwaas oo lagu eedeeyay musuq-maasuq. “Waxaan arkay rag agaasimayaal ah oo loo heysto lacag ay ka dhaceen wasaaradda caafimaadka, ninka hogaamiya wadanka ayaa bilaabay, aniga waxaan rabaa in qofka uu isaga marka hore nadiif yahay, markaas ayuu wax diidi karaa,” ayuu yiri Caynte. Dhanka kale Cabdiraxmaan Caynte wuxuu carabka ku dhuftay in xukuumadda hadda jirta ay ku fashilantay qeybo ka mid ah hirgalinta heshiiskii London, kuwaas oo ay ugu weyn yahiin dastuurka iyo cod bixinta. Wuxuu sidoo kale intaas raaciyay in codeynta soo socota ay wakhtigeeda ku dhacdo si loo helo xasilooni siyaasadeed oo dalka iyo dowladnimada u wanaagsan. The post Caynte: Musuq-maasuqa hadda ka jira Soomaaliya waxaa billaabay Farmaajo first appeared on Caasimada Online.
  6. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa War-murtiyeed kasoo saartay warar sheegayay in Dugsiyo ku yaalla Hargeysa lagu dhigo buugaag xanbaarsan diinta Kiristaanka, waxana wasaaradda waxrashadu ay u saartay arrintaas guddi baadhitaan ku sameeya wax ka jira arrintaas oo si weyn loo hadal hayay maalmahaan. Waxaana guddigu ay soo saareen Qoraalkaan: WARSAXAAFADEED Annaga oo ah Guddida ay Wasaaradda Waxbarashada iyo Saynisku u xilsaartay baadhitaanka wararka laga faafiyay dugsiyada Somaliland qaarkood, waxa aannu maanta oo ay taariikhdu tahay 30.8.2020 soo saarnay Warsaxaafadeedkan oo aannu ku soo bandhigaynno maxsuulka xaqiiqo raadintii aannu samaynnay: 1. Guddidu waxay bulshada Somaliland iyo caalamkaba u caddaynaysaa in aanay jirin dugsiyo Somaliland ku yaalla oo hadda lagu dhigto ama hore loogu dhigtay diin aan Islaam ahayn, isla markaana aanay arrintaa oggolayn Wasaaradda, maamulayaasha iyo macallimiinta goobaha waxbarashada, waalidinta iyo ardayda midkoodna. 2. Guddida waxa u caddaatay in uu jiray sidii uu Wasiirkuba hore u sheegay buug cilmiga bulshada ah oo qoraalka ubucdiisa aanay ku jirin wax diin ah oo aan Islaam ahayn, balse tusmada buugga uu ku jiro ciwaan tuhun dhalin kara. Buuggaas oo maktabadaha qaarkood iibin jireen, balse aan hadda lagu iibinnin Somaliland, ayay dad nuqul ka mid ah helay ay baraha bulshada geliyeen oo ay ka been abuureen in diimo kale lagu dhigto dugsiyada dalka. Iyadoo aanay ahayn markii koowaad ee goobaha waxbarashada been noocaas ah laga sheego; halkaas oo dadkii beentaa faafiyayna la xukumay, kuwa iminka ku hawlanna sharciga lala tiigsan doono. 3. Maadaama oo aanay jirin diin aan Islaam ahayn oo weligeed lagu dhigay dugsiyada Somaliland, Guddidu waxay cambaaraynaysaa dadka faafiyay wararka been abuurka ah ee warbaahinta qaarkood faafiyeen in xubin shaqaalaha wasaaradda ka mid ah tallaabo looga qaaday arrimahaa marka horeba la been abuuray ee ku saabsan diin aan Islaam ahayn oo dalka lagu dhigto 4. Sidaas darteed, Guddidu waxay ku talinaysaa in Wasaaraddu ku martiqaaddo cid kasta oo hawshaa danaynaysaa inay soo booqdaan dhammaan goobaha waxbarashada ee dalka ku yaalla oo ay baadhitaan madax bannaan soo sameeyaan; wax kasta oo ay soo arkaanna bulshada la wadaagaan. 5. Guddidu waxa ay Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska kula talinaysaa in ay sharciga la tiigsato dadka iyo warbaahinta faro-ku-tiriska ah ee caadaystay inay waxbarashada Somaliland been abuur lagu waxyeellaynayo ka faafiyaan, iyadoo ujeeddadu tahay tartan taban oo salka ku haya dano dhaqaale. 6. Guddidu waxa ay ku talinaysaa in dhammaan dugsiyada dalka lagu dhigto manhajka Somaliland, isla markaasna la soo saaro wareegto lagu mamnuucayo in goobaha waxbarashada ee dalka lagu dhigto, lagu hayo, la geeyo buug aanay qoraal rasmi ah ku oggolaannin Waaxda Manaahijta ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska. ALLAA MAHAD LEH. Xubnaha Guddida: 1. Maxamed Saleebaan Cumar, Agaasimaha Waaxda Xog-Isgaadhsiinta – Guddoomiye. 2. Xuseen Cabdi Cawil, Agaasimaha Waaxda Waxbarashada Tooska ah – Xubin. 3. Sucaad Maxamed Cabdi, Agaasimaha Waaxda Waxbarashada Dadban – Xubin. 4. Yuusuf Xuseen Maxamed, Agaasimaha Waaxda Hantida iyo Diiwaangalinta Dugsiyada – Xubin. 5. Cabdishakuur Maxamed Cabdi, Agaasimaha Waaxda Dheellitirka Waxbarashada – Xubin. Source
  7. Mogadishu (HOL) - Members of Puntland's Presidential Guard arrived in Mogadishu on Sunday ahead of Puntland President Said Deni's scheduled meeting with the Federal Government on Monday to discuss the electoral crisis. Source: Hiiraan Online
  8. (SLT-Hargeysa)-Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqadir ayaa ka hadlay marxaladda dalku marayo, gaar ahaan Siyaasadda Arrimaha Gudaha, Siyaasadda Arrimaha Dibedda, heshiiska Xisbiyada iyo wakhtiga ay Komishanku ku qabsadeen inay Doorashooyinka ku qaban karaan. Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqadir oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ayaa isagoo ugu horeyn ka hadlaya Siyaasadda Arrimaha Dibedda wuxuu yidhi “Inaynu xidhiidhka aynu la leenahay Beesha Caalamka soo koobno maaha ee inaynu balaadhino ayey danteenu ku jirtaa, maxaa yeelay waxaynu nahay dal ictiraaf doon ah, sidaas oo ay tahay mar haddii aynu nahay dal ictiraaf doon ah, waa inaynu garaacno albaab walba oo caalamka ah, oo waa inaynu waddan walba la xidhiidhnaa, Taiwan oo qudha maaha ee Waddan kasta aynu la xidhiidhno cidda doonta ha xanaaqdee, maxaa yeelay Ictiraaf aynu xaq u leenahay ayaynu raadinaynaa oo aynu baadi goobkiisi ku jirnaa, Dal kasta oo aynu xidhiidh la samaynana waa inaynu u soo bandhignaa inaynu nahay Waddan jira” Suldaan Maxamed mar uu ka hadlayey Siyaasadda Arrimaha Gudaha ayaa yidhi “Nabadgalyadu waa qaali, sida lagu helnaa maaha si fudud ee nabadgalyadeena aynu ilaashano, wax kasta oo nabadgalyo daro abuuri karana aynu ka dheeraano oo wax walba wanaag aynu ku raadino”. Mar uu ka hadlayey heshiiska Xisbiyada ee dhinaca Doorashada iyo qorshaha Komishanka ayuu yidhi “Waan soo dhaweynayaa in is afgarad iyo heshiis laga gaadho Doorashada, oo Xisbiyadu ka heshiiyaan waana talaabo wanaagsan, kolay Komishanku wakhti bay ku qabsadeen inay Doorashooyinka ku qaban karaan ee inta aan la gaadhin muddada Doorashooyinka loo cayimay, waa in la sii xaliyaa caqabad kasta oo ka hor iman kara Doorashooyinka” Source
  9. Ethiopia faces a dangerous cycle of intensifying internal political dissent, ethnic unrest and security crackdowns, observers have warned, after a series of protests in recent weeks highlighted growing discontent with the government of Abiy Ahmed, a Nobel peace prize winner. Source: Hiiraan Online
  10. A Norwegian anti-Islam group staged a protest on Saturday, culminating in an activist tearing pages from a Koran. The event was wrapped up after a scuffle with counter-protesters, who managed to bypass the police perimeter. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimadda Online) – Mid ka mid ah diyaaradaha shirkadda Turkish Airlines ayaa dib loogu soo celiyay garoonka Aden Adde International Airport kadib muddo ay hawada ku jirtay. Diyaaradaan ayaa ka duushay magaalada Muqdisho si ay u gaarto magaalada Istanbul, balse nasiib xumo waxey haleeli weysay xiriirka Turkiga, taas badalkeedana waxey go’aansatay iney dib ugu soo noqoto halkii ay ka kacday maadaama ay heshay xiriirka hogaanka duulimaadka iyo Socdaalka Soomaaliya. Sarkaal ka tirsan waaxda socdaalka Soomaaliya oo ku sugan garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay in la xaliyay cilladii heysatay isla markaana ay duulimaadkeed sii wadan doonto. Tan iyo sanadkii 2011 ayey diyaaradaha shirkadda Turkish Airlines isticmaalayeen hawada Soomaaliya, waana markii ay dowladda Turkiga ogolaadeen iney dhan walba ka taageeraan Soomaaliya. The post Ciladii qabsatay diyaaradda Turkish Airlines ee maanta lagu soo celiyay Muqdisho oo faahfaahin laga bixiyay first appeared on Caasimada Online.
  12. Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna siihayaha xilka Ra’iisal wasaaraha dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta kulan la qaatay qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Wasaaradda maaaliyadda iyo Khubaro xagga dhaqaalaha ah. Qoraal ka soo baxay xafiiskiisa ayaa lagu sheegay in mudadii uu kulanka socday ay mas’uuliyiinta ka wada hadleen sida loo horumarin karo nidaamka maamulka maaliyadda dalka iyo dowlad wanaagga. Sidoo kale kulanka ayaa looga dooday isu diyaarinta shir dhex maraya dowladda iyo IMF oo kamid ah imtixaanaadkii joogtada ahaa ee lagu ogaanayay sida dowladdu ay usoo buuxisay shuruudihii deyn cafinta. Dhamaan wasaaradaha iyo hey’adaha dowladda ee ka tirsan tubta horumarinta dhaqaalaha ayaa la faray inay qeybta uga aadan ka qaataan qorshaha deyn cafinta dalka si loogu guuleysto dhammaan shuruudaha deyn cafinta PUNTLAND POST The post Sii hayaha Ra’ iisul wasaaraha dalka oo Shir guddoomiyay Kulan looga hadlay dhaqaalaha iyo deyn cafinta appeared first on Puntland Post.
  13. Xafiiska siyaasadda ee qaramada midoobey uga furan Soomaaliya ee UNSOM ayey Muqdisho sheegtay in aan baahi loo qabin, isla markaana aanu la socon xaaladaha dalka ka jira iyo xaqiiqooyinka dhabta ah. Abuukar Baalle oo ah safiirka Soomaaliya ee UN-ka oo jimcihii la hadlay golaha ammaanka ayaa sheegay in loo baahanyahay in xafiiskaas dib u habeyn lagu sameeyo sida uu ula jaanqaado xaaladda dhabta ah ee Soomaaliya ka jirta. “Tani waxay sababtay in xafiiska uu dhacdooyin xooga saaro isaga oo wax yar uun siiyey awoodda taageero siyaasad ama mid farsamo oo ah baajiyada jira ee dhismaha dowladnimada” waxaa sidaa yiri Baalle. Waxaa kale oo safiir Abuukar uu golaha ammaanka ugu baaqay iney meel iska dhigaan hadalada dhaadheer oo ay si qoto-dheer u eegaan dhibaatooyinka iyo xalka. Golaha ammaanka ayaa waqtiga sii joogista UNSOM ku daray hal sano. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Taliska Ciidamada Booliska Dowlad Goboleedka HirShabeelle ayaa shaaciyay in ay gacanta ku soo dhigeen Aabe wiilkisa xalay ku dilay Magaalada jowhar. Booliiska ayaa sheegay in Eedeysanaha oo lagu magacaabo maxamed dhayoow uu xalay wiilkisa oo lagu magacaabi jiray Xasan Maxamed Dhaayoow ku riday Webiga Shebeelle Eedeysanaha oo haatan ku xiran Saldhiga Booliska ayaa waxa ku socda baaritaano la xiriira sababta ku kalliftay in uu Wiilkiisa Webiga ku rido. Sarakiish Booliiska eayaa shegay in eedaysanha oo baaritaan ku socdo ay Warbaahinta dib kala wadaagi doonaan wixii Baaritaanka ka soo baxa. PUNTLAND POST The post Aabe Wiilkiisa Webiga ku riday oo Jowhar lagu qabtay appeared first on Puntland Post.
  15. Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa maanta guddoomiyay shir looga hadlay dhaqaalaha dalka iyo dardar gelinta qorshaha deyn cafitna dalka. Kulanka oo ay ka qeyb galeen sii hayaha wasiirka maaliyadda, guddoomiyaha bangiga dhexe iyo mas’uuliyiinta hey’adaha iyo wasaaradaha qeybta ka ah tubta horumarinta dhaqaalaha ayaa looga dooday arrimaha dhaqaalaha dalka, gaar ahaan dhibaatadii ka dhalatay xanuunka COVID19. Sidoo kale kulanka ayaa looga dooday isu diyaarinta shir dhex maraya dowladda iyo IMF oo kamid ah imtixaanaadkii joogtada ahaa ee lagu ogaanayay sida dowladdu ay usoo buuxisay shuruudihii deyn cafinta. Dhamaan wasaaradaha iyo hey’adaha dowladda ee ka tirsan tubta horumarinta dhaqaalaha ayaa la faray inay qeybta uga aadan ka qaataan qorshaha deyn cafinta dalka si loogu guuleysto dhammaan shuruudaha loona gaaro himilooyinka ummadda Soomaaliyeed. Daawo Wasiir Bayle Oo Faah Faahinaya Wixii Ka Soo Baxay Shirka https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/08/Codka-Siihayaha-wasiirka-Maaliyadda-.mp4 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Danjiraha Soomaaliya u jooga Xarunta Dhexe ee QM ee magaalladda New York, Ambassador Abukar Dahir Osman “Abukar Baale” ayaa Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka, ku sheegay in ay muhiimtahay in Dib-u-qiimayn lagu sameeyo Hawlgalka UNSOM, lana joojiyo Faragelinta Soomaaliya kadib, markii ay 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM jimcihii la soo dhaafay Kulan ka yeesheen Arrimaha Soomaaliya, isla markaana Xilli-kordhin loo sameeyey Hawlgalka QM ee Taageeradda Soomaaliya ee UNSOM. Qoraalka Danjiraha oo loo gudbiyey Madaxa Golaha Ammaanka ee QM ee bishan Augost waxaa lagu sheegay in la gaaray Xilligii qiimeyn lagu samayn lahaa Waajibaadka Shaqo ee Xafiiska UNSOM, iyadoo DFS ku eedeysay in ay yar tahay Awoodda UNSOM ku bixinayso Taageeradda Siyaasad iyo Farsamo ee Ajendaha Dowlad-dhiska Soomaaliya. UNSOM waxaa kaloo lagu eedeeyey in ay hoos u dhigaan Horumarka DFS, isla markaana uu Xafiiska UNSOM warbixintiisa saddex Biloodlaha ku soo gudbiyaan fal-celinta Dhacdooyinka Soomaaliya. Danjiraha ayaa sidoo kale oo uu Qoraalka u uu gudbiyey Madaxa Golaha Ammaanka ee QM ku muujiyey in ay DFS ku tallaabsatay Horumar sanadihii la soo dhaafay, balse, ay UNSOM u muuqato inaysan baahinin Dadaalka iyo Himilooyinka DFS ee la xaqiijiyey. Ambassador Abukar Baale waxa uu Qoraalkiisa ku xusay in ay muhiim tahay in ay DFS hoggaamiso dadaalka Dib-u-dhiska ee Soomaaliya, wuxuuna xusay in ay DFS ku baaqayso in la ilaaliyo Madax-bannaanideeda, lagana digtoonaado Faragelinta Arrimaha Gudaha Soomaaliya, gaar ahaan Xilliga Doorashooyinka. Qoraalka waxaa looga codsaday Golaha Ammaanka ee QM iyo Saaxiibada Beesha Caalamka in ay DFS ka taageeraan dadaalka, iyadoo ay Daneeyayaasha Siyaasadda ee muhiimka ka ah Soomaaliya ku heshiiyeen Qaabka doorashadda. Qoraalka Cabashada ee uu Danjiraha Soomaaliya u jooga Xarunta Dhexe ee QM waxay ku soo beegantay, iyadoo uu Ergayga Khaaska ee Xoghayaha Guud ee QM, Ambassador James Swan u gudbiyey Golaha Ammaanka ee QM Warbixintiisa saddex biloodlaha oo uu kaga hadlay dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee Somalia. Golaha Ammaanka ee QM waxay kaloo u codeeyeen in muddo hal sano ah lagu kordhiyo Xilli-hawleedka UNSOM ilaa laga gaarayo 31-ka bisha Agost ee sanadka soo socda ee 2021-ka. View the full article
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore sirdoonka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa rumeysan iney mudooyinkaan dambe isku milmeen madasha xisbiyada qaran uu ka tirsan yahay iyo kooxda Nabad iyo Nolol sida uu ku sheegay wareysi uu siiyay warbaahinta maxaliga ah. Sanbaloolshe ma taageersana wixii kasoo baxay shirkii dhuusamareeb wajigiisa saddexaad taasoo ay soo dhaweeyeen madasha xisbiyada qaran, wuxuuna aaminsan yahay iney tahay jahawareerin lagu sameynayo dadka si loo helo muddo kororsi. “Waan ka xumahay inaan sidaan dhaho, maalmahaan dambe madasha iyo nabad iyo nolol waxaa muuqata iney meelaha qaar isaga milmeen, aniga fikirkeyga waa gaar, dad badan oo xisbiga igala tirsan ayaa ila qaba” ayuu yiri Sanbaloolshe. Sanbaloolshe oo mar safiir kasoo noqday Turkiga ayaa dareensan in xaaladdaha amni darro ee wadanka badankiis ka jirta, qatarta ay leedahay kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida iyo heshiiska la sheegay ee ku saleysan deegaanka aysan is waafaqi karin. Kaliya wuxuu xusay in deegaanada Puntland ay ka dhici karto, wuxuuna qabaa fikir ah in bulshada lagu jahawareerinayo. Sanbaloolshe wuxuu ka tirsan yahay xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka uu hogaamiye ka yahay Xasan Shiekh Maxamuud, si guudna wuxuu kaga tirsan yahay madasha xisbiyada qaran uu hogaanka guud u hayo Sheikh Shariif Sheikh Axmed. Hadalka sanbaloolshe ayaa kusoo aadaya xilli aan wali la saleynin xaaladda kala guurka uu wadanka ku jiro iyo iyadoo madaxweynaha uusan muddo 30 maalmood ah magacaabin ra’isul wasaare badal u noqda Xasan Cali Kheyre. The post Sanbaloolshe: Nabad iyo Nolol iyo Madasha Xisbiyada Qaran waa isku milmeen first appeared on Caasimada Online.
  18. MOGADISHU (HOL) - Somalia has restarted adult primary education about three decades after it stopped following the collapse of the central government. Source: Hiiraan Online
  19. Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna siihayaha xilka Ra’iisal wasaaraha dalka Md. Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta kulan la qaatay qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Wasaaradda maaalityadda iyo Khubaro xagga dhaqaalaha ah. Intii uu kulanka socady ayay mas’uuliyiinta ka wada hadleen sida loo horumarin karo nidaamka maamulka maaliyadda dalka iyo dowlad wanaagga. “Waxaan maanta warbixin ku saabsan xaaladda dib u habeynta dhinaca dhaqaalaha ee dalka ka dhageystay wasiirrada ku shaqada leh iyo khubaro. Waxaan si aad ah uga shaqeyneynaa xoojinta dhaqaaleheenna, horumarinta nidaamka maamulka maaliyadda ee qaranka iyo dowlad wanaagga. Waxaa naga go’an in aan xaqiijinno guul dhaqaale iyo maaliyadeed oo dalkeennu gaaro.” ayuu yiri Mahdi Maxamed Guuleed. View the full article
  20. Ciidamada ammaanka magaalada Jowhar ayaa maanta gacanta ku soo dhigay Aabe Maxamed Deeyow oo la sheegay in xalay wiil uu dhalay uu ku dilay magaaladaasi. Marxuumka oo xalay abaare 9:30 PM lagu gowracay agagaarka jinga Webiga Shabelle ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Xasan Maxamed Deeyow. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in muddooyinkii u dambeeyey uu khilaaf dhanka familka u dhexeeyey Aabaha iyo wiilkiisa, taas oo dhalisay dhacdadan aragagaxa leh. Afhayeeka ciidanka Booliiska HirShabelle oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in sidoo kale gacanta lagu dhigay afar ruux oo kale, kuwaas oo ay ku socdaan baaritaano dheeri ah. Falkan oo si weyn looga hadal hayo magaalada madaxda HirShabelle ee Jowhar ayaa argagax weyn ku reebay dadka deegaanka. View the full article
  21. Based on an agreement reached on 26 February this year, Republic of China (Taiwan) recently opened a representative office on 17 August in Hargeisa, the capital of Republic of Somaliland, a self-declared autonomous region within Somalia that is not recognised internationally as a separate political entity. Reciprocally, Somaliland will also establish a “Somaliland Representative Office” in Taipei in September. This development highlights a reversal in trend of Taiwan’s dwindling formal diplomatic relations since President Tsai Ing-wen took office in 2016. Notwithstanding their different histories and status in international politics, Taiwan and Somaliland are two political entities aspiring to gain international recognition. Unsurprisingly, the development has sparked a diplomatic brawl and has attracted the ire of both China, which sees the Taiwan region as an inalienable part of China’s territory, and Somalia, which has a similar view of Somaliland. For over fifty years, the Chinese government has consistently adhered to the ‘One China’ principle and has resolutely opposed any attempt to separate Taiwan from China. China’s foreign ministry spokesperson Zhao Lijian expressed firm opposition to any form of official or political contact between Taiwan region and Somaliland. He cautioned that: “Don’t make the mistake of seeking wiggle room where there is none. Those going against the trend to challenge the one-China principle will get burned and swallow the bitter fruit.” Similarly, Somalia also cautioned Taiwan against interfering with Somalia’s unity, integrity, and bypassing official channels. If need be, the Somalia Federal government will resort to necessary measures under international law to protect the nation’s unity. On its part, Taiwan’s Ministry of Foreign Affairs condemned Beijing and has defended the move to establish representative office in Hargeisa by insisting that the Taiwanese people and government have sought to develop relationship with every country that values democracy and peace, and that the Taiwan-Somaliland partnership is bound together by shared ideals and values of freedom, democracy, justice, and rule of law. The series of tweets and press releases from both sides have been carefully crafted in a manner that reflects ambiguity. It is worth noting that although some form of an implicit ‘recognition’ of each other’s territories is certainly implied, the fact that ‘recognition’ is not directly stated suggests a careful approach being followed by Taiwan and Somaliland. Both are planning to develop their relationship in an incremental manner, starting with a less-structured relationship. By taking a slower approach, both are deliberately taking steps to ensure their actions do not antagonize China. Taiwan and Somaliland are yet to establish formal diplomatic relations. Recognition and diplomatic relations do not go hand in hand and are separate process given the considerations of political sensitivities. Representative offices are not embassies per say but are a diplomatic mechanism to enhance bilateral cooperation. Exchanging representative offices does not constitute diplomatic recognition. It is a common practice for Taipei to have trade offices and commercial representatives even in countries where it has no diplomatic relationship. It has five trade offices in Africa that does not recognise Taipei, notably in South Africa and Nigeria, Africa’s two-largest economies. In 2019, Taiwan had 93 representative offices in countries with whom it did not have any formal diplomatic relations. Therefore, if Somaliland and Taiwan’s move to establish representative offices is restricted to purely commercial ties, as opposed to any form of political or diplomatic recognition, then there is a slight possibility of Beijing accommodating Taiwan’s commercial presence in Somaliland, and the wider Horn of Africa region. Since 2000, African countries have overwhelmingly recognised China as opposed to Taiwan primarily through the Forum on China Africa Cooperation (FOCAC) platform. One after another, countries such as Liberia, Chad, Senegal, Malawi, Gambia, São Tomé and Príncipe, and Burkina Faso have switched alliances by choosing China over Taiwan. From an African perspective, the decision to side with China is pragmatic and driven purely by economic considerations. Developing relations with the world’s second largest economy, China, provides African countries with an alternative to the erstwhile colonial powers in West. Beijing’s credentials as a prominent member of the ‘Global South’ helps its case. Beijing has flexed its economic heft by offering economic aid to a host of developing African countries with the aim of reducing Taipei’s diplomatic ties, diminish its status as a nation-state, isolate Taiwan from the international community, and compel the Taiwanese government to negotiate with China for the island’s reunification. Due to this continuous pressure and onslaught, only 15 countries currently maintain diplomatic ties with Taiwan, with the Kingdom of Eswatini being Taipei’s only partner in the African continent. In early 1960s, as African nations gained independence, both Beijing and Taipei sought to establish diplomatic ties across the continent and actively court African political movements to garner African recognition. Taiwan’s initial focus was on agricultural aid programmes to help African farmers grow rice by incorporating knowledge and technical sharing and offering large-scale training programs. Taiwan funded the programs, while African countries hosted delegations. However, its relationship frayed over time. Development aid did not translate into political support, cumulating in Taiwan’s ejection from the United Nations in 1971. At the time, 27 African countries voted in support of the resolution, thereby effectively denying Taiwan’s legitimacy as an independent nation. Since then, People’s Republic of China has the advantage and has successfully strengthened its political, diplomatic, and economic presence in the African continent. Time and again, African stakeholders have stated that they do not want to get caught in-between a Cold War scenario where they are forced to pick sides between US and China. Their principle purpose is to safeguard and promote African national interests. However, for China, there are certain issues that are extremely sensitive. These issues can be clubbed together under the acronym of “4THKXJ” as expounded by Eric Oleander, co-founder of the China-Africa Project. T #1: Tiananmen Square T #2: The Communist Party T #3: Taiwan T #4: Tibet Hong Kong Xinjiang These six sensitive issues are China’s “proverbial “red lines” that if crossed will prompt immediate retribution and effectively bring bilateral relations to a grinding halt.” The quicker African stakeholders understand these priorities of their Chinese counterparts across the negotiating table, the better it will bode for the China-Africa partnership. Within Africa, various contrasting perceptions of the Taiwan-Somaliland agreement have begun to emerge. While some commentators suggest that Somaliland will become a hotspot for the emerging tensions between US and China, attract more foreign forces in the Gulf of Aden, and further complicate the political dynamics in the Horn of Africa, others appreciate Somaliland’s determination to forge ahead on a path of its own choosing, despite the looming fear of attracting retribution for defying China. It goes without saying that both Taiwan and Somaliland would certainly welcome greater recognition from the international community. However, neither are in a position to deliver recognition the other wants or shape wider international views of the other. Creating unnecessary tensions over recognition is ill-advised. However, the benefits that the agreement offers is purely economic. Taiwan remains an important economic actor and through this agreement, Taiwan can help develop Somaliland’s economy by investing in sectors such as agriculture, energy, fisheries, mining, public health, education, and information and communication technology. Similarly, Somaliland’s strategic location on the Red Sea and its natural resources has the potential to enable Taiwan to venture into the African continent. While the idea of recognition is alluring especially for people living in areas that are unrecognised, it is not as important as many believe. Ultimately, the exact nature of the relationship is more significant than the formal terms that are used to describe the relationship. What matters is the spirit of cooperation that underpins the relationship and the tangible steps they will take to cooperate in the future. Taiwan’s investment in Somaliland and Somaliland’s ability to give Taiwan an economic foothold in Africa makes the agreement potentially beneficial for both. At this stage, this is more important and urgent than any formal mutual recognition for Taiwan and Somaliland. ORF Qaran News
  22. Bishii April 2020 waxaa shaqada maamulka kooxda Elman ka tagay Cabdirisaaq Faarax Cumar (Garooje) oo ahaa guddoomiyihii hore naadiga waxaana bilooyinkii la soo dhaafay soo baxay warar sheegaya in guddoomiyaha uu doonayo in sanadaha soo aadan uu jagooyinka kala duwan ka qabto Xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya,iyagoo ku taageeray howshan. Intiii uu maamulay guddoomiye Garooje Elman waxaa lagu xasuustaa horomarka uu kooxda gaarsiiyay waxay sidoo kale Elman kaalin wanaagsan ka qaadatay horomarka kubbadda cagta,iyadoo 2019 loo aqoonsaday kooxda ugu wanaagsan kubbadda cagta ee (Abaal-marinta SFF Award). Cabdirisaaq Faarax ayaa ka mid ahaa xidigihii hore kooxaha Horsheed iyo Madbacada Qaranka wuxuuna in mudo ah ku noolaa Wadanka UK ,balse falanaqeeyaasha ciyaaraha ayaa sheegaya in horomarkii uu Elman gaarsiiyay mid la mid ah uu ku biirin kar xafiisyada kala duwan ee Xiriirka. Ibraahim Cabdimajiid Xaaji Axmed oo wax badan ka yaqaano Cabdirisaaq Farax Cumar (Garooje) ayaa sheegay in Garooje uu u qalmo qabashada jagooyinka kala duwan ee Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya, uuna ka soo bixi karo hadii uu xil ka qabto. Mudo xilkeeda madaxda iminka hogaaminaysa Xiriirka ayaa ku eg November 2022 waxaana iminka soo badanaya shaqsiyaad kala duwan oo danayo in ay badalan mas’uuliyeenta waqtiga ka sii dhamaanayo. Daawo Warbixin Ku Saabsan Olalaha Guddoomiyihii Hore Kooxda Elman https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/08/Whats-up.mp4 W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  23. Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani ayaa magacaabay xubno ka tirsan Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus. Xunaha Garsoorka ee la magacabaay waxay kala yihiin. G/le Cabdiraxmaan Ciise Xuseen ayaa loo magacaabay guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo danbiyada culus ee gobolada Nugaal iyo Sool. Dhamme Siciid Xirsi Ibraahim ayaa loo magacaabay Xeer–ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Nugaal iyo Sool. G/dhexe Cabdirisaaq Jaamac Cabdulle ayaa loo magacaabay Garsooraha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo danbiyada culus ee Gobolada Nugaal iyo Sool. G/le Axmed Jaamac Maxamed ayaa loo magacaabay Garsooraha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo danbiyada culus ee gobolada Nugaal iyo Sool. G/le Siciid Aadan Siciid ayaa loo magacaabay garsooraha Maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo danbiyada culus ee gobolada Nugaal iyo Sool G/sare Cabdullaahi Cabdi Shire ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Mudug Dhamme Cawil Warsame Maxamed ayaa loo magacaabay Xeer–ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Mudug Dhamme Cabdiweli Maxamuud Maxamed ayaa loo magacaabay Garsooraha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Mudug G/le Cabdi Faarax Cali ayaa loo magacaabay Garsooraha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Mudug G/le Ibraahim Bile Maxamed ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, iyo Sanaag, 11.Dhamme Maxamed Xuseen Axmed ayaa loo magacaabay Xeer–ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, iyo Sanaag, Dhamme Cali Ibraahim Cismaan ayaa loo magacaabay Garooraha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, iyo Sanaag, G/dhexe Maxamed Cabdi Nuur ayaa loo magacaabay Garsooraha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari,iyo Sanaag, 14. G/le Sahal Cabdi Cartan ayaa loo magacaabay Garsooraha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari,iyo Sanaag, View the full article
  24. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/WARKA-DUHUR-3082020-ok.mp3 View the full article