-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho, Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa guddoomiye cusub u magacaabay degmada Shibis ee gobolka Banaadir. Wareegto ka soo baxday xafiiska duqa magaalada Muqdisho ayaa waxaa xil-kaas loogu magacaabay, Cali Axmed Cabdulle (Cali Soomaali). Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in baahi weyn loo qabo in la dardar-geliyo howlaha maamulka degmada Shibis, kadib markii bishii April ee sanadkaan 2020-ka xil-ka laga qaaday guddoomiyihii degmadaasi, Mudane Cabdiraxmaan Sayid Cali. Sidoo kale wuxuu faray guddoomiyaha cusub inuu xil-ka si deg deg ah ula wareego, iyadoona laga codsaday laamaha amniga inay si dhow ula shaqeeyaan. Cali Soomaali ayaa ahaa Wariye ka soo shaqeeyey gudaha dalka, gaar ahaan Idaacadda Shabelle, inkastoo markii dambe uu waxbarasho u aaday dalka dibaddiisa, gaar ahaan Bangladesh, wuxuuna ku soo diyaariyey heerka labaad ee jaamacadda. The post Duqa Muqdisho oo guddoomiye degmo u magacaabay Wariye caan ah first appeared on Caasimada Online.
-
Booliska UK oo lacag dul dhigay madaxa Nin Somali Britisha Booliska UK ayaa madaxiisa dul dhigay lacag muwaadin Somali British ah oo labo sano ah baadi goob loogu jiray, kaasoo lala xiriiriyay dil ka dhacay magaalada Cleethorpes. Abdi Ali oo leh magacyo kala duwan sida Madman, Madders ama Gulaid ayaa lala xiriiriyay inuu qeyb ku lahaa dil 2018 lagu khaarijiyay Shaun Lyall, 47-jir, meydkiisana laga dhex-helay guri uu ku noolaa bishii July, 2018-kii. Ciidamada booliskana waxay xaqiijiyeen in jirkiisa ay ka muuqdeen dhaawacyo gaaraya 170. Afhayeen u hadlay booliska ayaa ku dhawaaqay in lacag dhan $6,666 la siin doono qofkii keena xog ku saabsan soo qabashada Abdi Ali. Kiiskan waxaa horey xabsi daa’in loogu xukumay Craig Whittle oo lagu waramay in ay fal-dambiyeedka isla geysteen, isla markana biqiyay xogta ku saabsan Abdi Ali. Booliska ayaa soo bandhigay astamaha lagu garan karo Abdi Ali oo leh Ilkahiisa hore dahab, wuxuuna badi adeegsadaa magacyadda Madman, Madders ama Gulaid”. Haddii gacanta lagu dhigo Abdi Ali ayaa wuxuu wajahi karaa xabsi daa’in cimrigaa haku furto ah. Muwaadinkaan Somali Britishka ah ayaa wuxuu ka tirsan yahay koox dilaayaal ah isla markaana derogadaSaxaafadda Britain ayaa warisay in Cabdi Cali uu ka tirsan yahay koox burcad ah oo ciidamadda Cleethorpes aad u doon-doonayaan. Fal-dambiyeedyadda ay kamid yihiin dhaca iyo dilalka loo adeegsado Tooreyda ayaa ku badan gudaha Ingiriiska, iyaddoo qaarkood ay ku lug-yeeshaan dhalinyaro Soomaali ah, kuwaasoo xukuno culus lagu rido Qaran News
-
Boqor Salmaan oo xilalkii ka qaaday Iana & Aaabihii ka wada tirsan Qoyska Boqortooyada Saraakiil ka tirsan dowladda Sucuudiga ayaa xilka laga qaaday, waxaana ka mid ah labo xubnood oo ka tirsan qoyska boqortooyada. Wareegto kasoo baxday boqor Salmaan ayaa lagu sheegay in xilka laga qaaday Amiir Fahad Bin Turki oo ahaa taliyihii ciidammada isbaheysiga ee Sucuudiga hogaaminayo ee howlgallada ka wado Yemen. Waxaa sidoo kale shaqada laga eryay wiilka Amiir Fahad, Cabdulcaziiz oo ahaa ku-xigeenka barasaabka gobolka waqooyiga dhaca ee Al Jowf. Waxay saraakiishan wajahayaan baaritaan ku aadan eedeymo ku saabsan wax isdaba marin heshiis maaliyadeed ah, sida ku xusan wareegtada kasoo baxday wasaaradda gaashaandhigga. Dhaxal sugaha Sucuudiga, Maxamed Bin Salmaan wuxuu garwadeen ka ahaa olole ka dhan ah musuq maasuqa ka dhaca dowladda. Wuxuu hantay qalbiyada hogaamiyeyaasha reer galbeedka ka dib markii uu ku dhaqaaqay tallaabooyin uu isbaddallo uga sameeyay Sucuudiga, oo ah waddan sharci adag, waxaana isbadalladaas ka mid ahaa xayiraaddii uu ka qaaday gaari wadista dumarka iyo dadaalkii uu ku raadinayay sidii loo ballaarin lahaa dhinacyada kala duwan ee dhaqaalaha. Si kastaba dadka dhaleeceeya siyaasaddiisa, waxay ku eedeynayaan in uu bartilmaameedsanayo dadka uu u arko inay caqabad ku yihiin awooddiisa. Horraantii bishan ayay aheyd markii jornaalka Wall Street uu ku warramay in saddex sarkaal oo ka tirsan boqortooyada la xiray, waxaana kamid ahaa nin la dhashay boqor Salmaan oo la yiraahdo Amiir Axmed bin Cabdul Caziiz iyo dhaxal suge hore ,Maxamed Bin Nayef. Qaran News
-
Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Talaado ah laga dareemayaa soo dhaweynta madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo saacadaha soo socda ku soo wajahan. Amniga Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la xiray waddooyinka muhiimka ah ee isku xira garoonka diyaaradaha iyo madaxtooyada sida waddada Makka Al-Mukarrama, waxaana gaafwareegaya ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo wata gaadiid dagaal. Sidoo kale garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa laga dareemayaa soo dhaweynta madaxweynayaasha Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Madoobe, waxaana ku sugan madax ka tirsan labada gole ee dowladda federaalka iyo qeybaha kala duwan ee bulsahda. Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo ka soo kala duuli doona Garowe iyo Kismaayo, waxaa la socda wufuud kala duwan oo ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka tirsan labada dowlad goboleed. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa safarkani u yahay kii ugu horreeyay ee Muqdisho ku tago tan iyo markii loo doortay 8-dii Jannaayo 2019. PUNTLAND POST The post Soo dhaweynta Deni iyo Axmed Madoobe oo laga dareemayo Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland waxay maanta duhurkii kasoo degayaan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, waxayna idla Garoonka Diyaaradaha Aden Cade International ay kula kulmayaan Xubnaha Beesha Caalamka [...] The post Madaxweyne Madoobe iyo Deni oo maanta kulan balaaran la qaadanaya Beesha Caalamka appeared first on . Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland ayaa saacadaha soo socda ee maanta ku soo wajahan magaalada Muqdisho oo si aad looga dareemayo qaban-qaabada soo dhoweynta Axmed Madoobe & Deni. Wararka ayaa sheegaya in labada hoggaamiye ee Jubbaland iyo Puntland ay marka hore kulan gaar ah la qaadan doonaan xubnaha beesha caalamka, kaas oo ka dhacaya garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, ka hor inta aysan la kulmin Madaxweyne Farmaajo. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in beesha caalamka iyo labada Madaxweyne ay ka wada-hadli doonaan arrimaha doorashada iyo shirkii Dhuusamareeb 3. Waxa kale oo ay isla soo qaadi doonaan arrimo ku saabsan wada-hadallada ay la geli doonaan Madaxweynaha Soomaaliya oo la doonayo in lagu soo afjaro xiisada u dhexeysa dhinacyadaasi, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay. Axmed Madoobe iyo Deni oo aan ka qeyb-gelin shirkii Dhuusamareeb 3 ayaa ka soo horjeeda qodobo ka mid ah heshiiskii lagu gaaray gudaha magaaladaas, kaas oo lagu go’aamiyey nooca doorasho ee dalka ka dhaceyso 2020/21. Shirka u dhexeeya Madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda Jubbaland iyo Puntland oo dhinac ah ayaa waxaa u jeedadu u tahay in lagu gaaro xal mideysan. Si kasbtaba ha’ahaatee beesha caalamka ayaa cadaadis xoogan saartay madaxda Jubbaland iyo Puntland, taas oo keentay inay aqbalaan imaashaha Muqdisho. The post A/Madoobe iyo Deni oo 'kulan la qaadanaya beesha caalamka' ka hor la kulanka Farmaajo first appeared on Caasimada Online.
-
Wafdi uu hogaaminayo sii hayah wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa saakay ka amba baxay magaalada muqdisho iyagoo kusii jeeda magaalada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe si uu u dhagax dhigaan iskuul dugsi sare oo qeyb-ka mashruuca horu-marinta waxbarashada dalka kaasi oo la gaarsiinayo guud ahaan gobolada dalka. Wafdigaan waxaa qeyb-ka ah guddoomiyaha gobolka shabeelaha dhexe Axmed Meyre makaraan, wasiiro ka tirsan xukuumada Hirshabeele. Sii hayaha wasiirka waxbarashada ayaa siidaan oo kale dhawaan dhowr oo ah goobo waxbarasho ka dhax dhigay magaalooyinka ,Baardheere ,Garbahaareey iyo Dooloow Soomaaliya si kor loogu qaado guud ahaan waxbarashada dalka View the full article
-
Warar aanu ka helnayo safarka ay Muqdisho ku imaanayaan saacadaha soo socda madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbanad Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa sheegaya in marka ay Muqdisho yimaadaan uu jadwalka shaqo ugu horeeyo la kulankooda beesha caalamka. Wararka ayaa intaasi ku daraya in ay beesha caalamka iyo labada madaxweyne ay ku kulmi doonaan Airportiga Aden cadde ee gudaha caasimadda Muqdisho. Kulankan ayey geli doonaan kahor inta aaney la kulmin Farmaajo si ay ugala hadlaan doorashada 2020/2021 iyo natiijada shirkii Dhuusamareeb 3. Ilo la socda madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa Goobjoog News u sheegay in labada mas’uul ay dood ka qabaan qodobo ka mid Dhuusamareeb 3, una baahanyihiin wax ka badal iyo dib u habeyn. Ma cada in labadooda, waa Deni iyo Madoobee ay hal mar la kulmi doonaan iyo iney midba mar la kulmayaan beesha caalamka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Maxamed Ibraahim Qabyo-tire, Wasiirkii hore ee Qorshaynta Somaliland ayaa u xaqiijiyay suxufi xasan Galaydh oo ka hawul gala Tvga Hctv in uu u sharrxan yahay jagada guddoomiye ku-xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye. Jagadan ayaa hadda waxa haya Axmed Cabdi Dheere, oo isna doonaya in uu mar labaad jagadan u tartamo.isagoo Horenna uu u Haynjiray Xildhibaan waabeeye oo Markii dambe ku Biiray xisbiga Waddani. Loolanka jagooyinka Guddomiye ku xigeenka labaad iyo guddoomiye ku xigeenka 4aad ayaa ilaa hadda ah ku tartankoodu xooganyahay marka la eego siyaasiyiinta u Sharaxan iyo jiyoboolatikalka ay ka soo jeedaan. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Jaamac Hilaac oo ahaa xoghayihii dib u dejinta ee cusbiga WADDANI, ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii iyo xubinimadii xisbigaasi, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Wararka aan ku heleyno qeybo ka mid ah Muqdisho ayaa sheegaya in saaka ay xiran yihiin qeybo ka tirsan jidadka magaalada Muqdisho. Dadka oo isugu jira shaqaale, ardey iyo dhammaan yar iyo weyba dan kasta oo ay leeyihiin ayaa lagu qasbay iney lugeeyaan. Wararka qaar ayaa sheegaya in loo xiray imaanshiyaha ay Xamar iman-doonaan madaxweyneyaasha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Puntland Saciid Deni. Labada nin ayaa lagu wadaa iney Farmaajo kala hadlaan arrimaha doorashada 2020/2021 iyo natiijada shirkii Dhuusamareeb 3. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-London)-Booliska UK ayaa madaxiisa dul dhigay lacag muwaadin Somali British ah oo laba sanno ah baadi goob loogu jiray, kaasoo lala xidhiidhiyay dil ka dhacay magaalada Cleethorpes. Abdi Ali oo leh magacyo kala duwan sida Madman, Madders ama Gulaid ayaa lala xidhiidhiyay inuu qeyb ku lahaa dil 2018 lagu khaarijiyay Shaun Lyall, 47-jir, meydkiisana laga dhex-helay guri uu ku noolaa bishii July, 2018-kii. Ciidammada booliskana waxay xaqiijiyeen in jidhkiisa ay ka muuqdeen dhaawacyo gaadhaya 170. Afhayeen u hadlay booliska ayaa ku dhawaaqay in lacag dhan $6,666 la siin doono qofkii keena xog ku saabsan soo qabashada Abdi Ali. Kiiskan waxaa hore xabsi daa’in loogu xukumay Craig Whittle oo lagu waramay in ay fal-dambiyeedka isla geysteen, isla markana biqiyay xogta ku saabsan Abdi Ali. Booliska ayaa soo bandhigay astamaha lagu garan karo Abdi Ali oo leh Ilkahiisa hore dahab, wuxuuna badi adeegsadaa magacyadda Madman, Madders ama Gulaid”. Haddii gacanta lagu dhigo Abdi Ali ayaa wuxuu waajahi karaa xabsi daa’in cimrigaa haku furto ah. Muwaadinkaan Somali Britishka ah ayaa wuxuu ka tirsan yahay koox dilaayaal ah isla markaana derogada Saxaafadda Britain ayaa warisay in Cabdi Cali uu ka tirsan yahay koox budhcad ah oo ciidamadda Cleethorpes aad u doon-doonayaan. Fal-dambiyeedyadda ay kamid yihiin dhaca iyo dilalka loo adeegsado Tooreyda ayaa ku badan gudaha Ingiriiska, iyaddoo qaarkood ay ku lug-yeeshaan dhalinyaro Soomaali ah, kuwaasoo xukuno culus lagu rido. Source
-
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Tababar usoo xiray ciidamo kamid noqonaya Darawiishta Dowlada Goboleedka Jubbaland. Ciidamadan oo si gaar ah u tababaran ayaa ka qaybqaadan doonaan Howlgalada ka dhanka ah Kooxda Al-Shabaab oo ciidamada Darawiishta Jubbaland ay kawadaan deegaannada maamulkaasi. Madaxweyne Madoobe ayaa sheegay in ciidankaan sidoo kale ay ka qeyb qaadan doonaan sidii la isugu la furi lahaa deegaannada Jubbaland, kuwaas oo ay kala go’doomiyeen Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Riyadh)-Saraakiil ka tirsan dowladda Sucuudiga ayaa xilka laga qaaday, waxaana ka mid ah laba xubnood oo ka tirsan qoyska boqortooyada. Wareegto kasoo baxday boqor Salmaan ayaa lagu sheegay in xilka laga qaaday Amiir Fahad Bin Turki oo ahaa taliyihii ciidammada isbaheysiga ee Sucuudiga hoggaaminayo ee howlgallada ka wado Yemen. Waxaa sidoo kale shaqada laga eryay wiilka Amiir Fahad, Cabdulcaziiz oo ahaa ku-xigeenka badhasaabka gobolka waqooyiga dhaca ee Al Jowf. Waxay saraakiishan waajahayaan baadhitaan ku aadan eedeymo ku saabsan wax isdaba marin heshiis maaliyadeed ah, sida ku xusan wareegtada kasoo baxday wasaaradda gaashaandhigga. Dhaxal sugaha Sucuudiga, Maxamed Bin Salmaan wuxuu gadh-wadeen ka ahaa olole ka dhan ah musuq maasuqa ka dhaca dowladda. Wuxuu hantay qalbiyada hogaamiyeyaasha reer galbeedka ka dib markii uu ku dhaqaaqay tallaabooyin uu isbaddallo uga sameeyay Sucuudiga, oo ah waddan sharci adag, waxaana isbadalladaas ka mid ahaa xayiraaddii uu ka qaaday gaari wadista dumarka iyo dadaalkii uu ku raadinayay sidii loo ballaarin lahaa dhinacyada kala duwan ee dhaqaalaha. Si kastaba dadka dhaleeceeya siyaasaddiisa, waxay ku eedeynayaan in uu bartilmaameedsanayo dadka uu u arko inay caqabad ku yihiin awooddiisa. Horraantii bishan ayay aheyd markii jornaalka Wall Street uu ku warramay in saddex sarkaal oo ka tirsan boqortooyada la xiray, waxaana kamid ahaa nin la dhashay boqor Salmaan oo la yiraahdo Amiir Axmed bin Cabdul Caziiz iyo dhaxal suge hore ,Maxamed Bin Nayef. Source
-
(SLT-Delhi)-Madaxweynihii hore ee Hindiya, Pranab Mukherjee, ayaa geeriyooday 21 maalmood kadib markii la xaqiijiyay inuu qaaday Fayraska Korona. 84 jirkan ayaa cisbitaalka la dhigay si looga qalo xinjir lagu arkay maskaxdiisa, waxaana laga baadhay oo laga helay cudurka safmarka ah. Ka hor inta aanu madaxweynaha ka noqon Hindiya 2012 illaa 2017, ayaa Mr Mukherjee waxa uu soo qabtay xilal kala duwan 51-kii sanno ee uu ku jiray siyaasadda waddankaasi. Xilkaasi waxaa kamid ahaa wasiirrada maaliyadda, arrimaha dibedda iyo gaashaandhigga. Ra’iisal wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, ayaa madaxweynaha geeriyooda ku tilmaamay nin “waxqabad muuqda uga tegay horumarka dalkiisa”. “Waxa uu ahaa aqoonyahan, hogaamiye la dugsado, waxaana laga jeclaa dhammaan dhinacyada siyasadda iyo guud ahaan bulshadeena,” ayuu Mr Modi ku qoray bartiisa Twitter. Xilka madaxweynaha Hindiya ayaa sida caadiga ah mid aan awood badan wadan, balse waxa uu muhiim noqdaa marka ay doorashooyinka horseedaan in la waayo xisbi si buuxda aqlabiyad u helay. Kolkaas, madaxweynaya ayaa go’aan ka gaadha xisbiga soo dhisaya xukuumadda. Mr Mukherjee ayaan fursaddaasi helin inta uu madaxweynaha ahaa, maadaama lagu kala adkaaday doorashada. Balse waxa uu awooddiisa ku muujiyay dhinacyo kale, sida inuu diiday cafis u fidinta dhowr qof oo dil lagu xukumay. Inta badan waayihiisa siyaasadeed waxa uu ku qaatay xisbiga Congress Party kaasoo sanado badan hogaanka u hayay Hindiya ka hor inta aanu guuldarooyin is xiga kala kulmin sanadihii 2014 iyo 2019 xisbiga Bharatiya Janata Party (BJP) ee ra’iisal wasaare Modi. Mr Mukherjee ayaa xisbigaasi ku biiray 1960-maadkii xilligaasi oo uu talada hayay ra’iisal wasaare Indira Gandhi, kaasoo uu ku tilmaamay ninka uu ku dayan jiray. Markii 2012 loo magacaabay xilka madaxweynaha, dadka badankiis waxa ay u arkayeen inuu yahay siyaasiga ugu khibradda badan ee xilkaasi qabtay. Intii uu madaxweynaha ahaa waxa uu diiday 18 hindse sharciyeed loo gudbiyay si uu u saxiixo. Sida caadiga ah, madaxweynayaasha Hindiya ma diidaan hindise sharciyeedka u baahan saxiixooda. Sidoo kale waxa uu qaadacay 30 codsi cafis ah oo uga yimid dad ku xukunnaa dil, taasoo ah tirada ugu badan ee uu diiday madaxweyne Hindi ah. Sidaa awgeed, waxaa xukun dil ah lagu fuliyay Afzal Guru oo lagu helay inuu ku lug lahaa weerar 2001 lagu qaaday baarlamaanka Hindiya, Yakub Memon oo lagu helay inuu maalgaliyay weerar argagixiso oo Mumbai ka dhacay 1993 iyo Ajmal Kasab oo kamid ahaa dableydii 2008 weerarrada ka fulisay Mumbia. Source
-
London (Caasimada Online) – Booliska UK ayaa madaxiisa dul dhigay lacag muwaadin Somali British ah oo labo sano ah baadi goob loogu jiray, kaasoo lala xiriiriyay dil ka dhacay magaalada Cleethorpes. Abdi Ali oo leh magacyo kala duwan sida Madman, Madders ama Gulaid ayaa lala xiriiriyay inuu qeyb ku lahaa dil 2018 lagu khaarijiyay Shaun Lyall, 47-jir, meydkiisana laga dhex-helay guri uu ku noolaa bishii July, 2018-kii. Ciidamada booliskana waxay xaqiijiyeen in jirkiisa ay ka muuqdeen dhaawacyo gaaraya 170. Afhayeen u hadlay booliska ayaa ku dhawaaqay in lacag dhan $6,666 la siin doono qofkii keena xog ku saabsan soo qabashada Abdi Ali. Kiiskan waxaa horey xabsi daa’in loogu xukumay Craig Whittle oo lagu waramay in ay fal-dambiyeedka isla geysteen, isla markana biqiyay xogta ku saabsan Abdi Ali. Booliska ayaa soo bandhigay astamaha lagu garan karo Abdi Ali oo leh Ilkahiisa hore dahab, wuxuuna badi adeegsadaa magacyadda Madman, Madders ama Gulaid”. Haddii gacanta lagu dhigo Abdi Ali ayaa wuxuu wajahi karaa xabsi daa’in cimrigaa haku furto ah. Muwaadinkaan Somali Britishka ah ayaa wuxuu ka tirsan yahay koox dilaayaal ah isla markaana derogadaSaxaafadda Britain ayaa warisay in Cabdi Cali uu ka tirsan yahay koox burcad ah oo ciidamadda Cleethorpes aad u doon-doonayaan. Fal-dambiyeedyadda ay kamid yihiin dhaca iyo dilalka loo adeegsado Tooreyda ayaa ku badan gudaha Ingiriiska, iyaddoo qaarkood ay ku lug-yeeshaan dhalinyaro Soomaali ah, kuwaasoo xukuno culus lagu rido. The post Booliska UK oo lacag dul dhigay madaxa Cabdi Cali first appeared on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha dowelad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa magacaabay agaasimaha madaxtooyada maamulkasi. Qoraal xeer madaxweyne ah oo kasoo baxay madaxweynaha ayaa Cabdullaahi Cali Watiin loogu magacaabay inuu noqdo agaasimaha madaxtooyada maamul goboleedka Koonfur Galbeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa saaka inta badan xiran waddooyinka muhiimka u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka ee M/Muqdisho, iyadoona ciidamada dheeraad ah la dhigay jidadkaasi. Ciidadama ammaanka, gaar ahaan kuwa Booliiska Soomaaliyeed ayaa gebi ahaanba gaadiidka u diidaya inay maraan waddooyinka qaar, waxaana ka mid ah jidadka saaka xiran qeybo ka mid ah waddada dheer ee Makka Al-Mukarrama, tan Wadnaha iyo kuwa ku dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo sidoo kale xarunta madaxtooyada Somalia. Sababta loo xiray dhammaan waddooyinkaasi ayaa waxaa lagu sheegay imaashiyaha Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo maanta ku soo wahan M/Muqdisho. Dowladda Soomaaliya ayaa inta badan xirta waddooyinka muhiimka ah, marka ay shirar waa-weyn dhacayaan ama wafdi culus uu imaanayo magaalada Muqdisho. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saaka si weyn loo adkeeyey ammaanka magaalada caasimada ah ee Muqdisho oo maanta ay ku soo wajahan yihiin labada Madaxweyne ee maamullada Jubbaland iyo Puntland, Axmed Madoobe iyo Siciid Deni. Ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan kuwa Booliiska Soomaaliyeed ayaa la dhigay isgoysyada muhiimka ah ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale ciidamada ayaa celinaya gaadiidka isaga kala gooshaya jidadkaasi, iyaga oo ku amraya inay kala wareegaan, waxaana taasi ay keentay inay shacabku lugeeyaan. Waddooyinka ku dhow Garoonka Aadan Cadde ayaa gabi ahaan la xiray, halkaas oo ay saacadaha soo socda ay ka soo dagi doonaan Axmed Madoobe iyo Deni. Waxaa sidoo kale la xiray qeybo badan oo ka mid ah waddada Makka Al-Mukarrama iyo dhammaan jidadka dhinac mara xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho. Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa wada-hadallo la leh Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana kulankooda uu ka dhici doono xarunta Xalane. Intiisa waxaa badan waxaa shirkan diirada lagu saarayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo doorashooyinka oo tabasho ay ka muujinayaan labada hoggaamiye. Shirkan ayaa daba-scoda kii Dhuusamareeb, kaas oo lagu go’aamiyey nooca doorasho ee dalka ka dhaceyso, balse waxaa ka maqnaa madaxda Jubbaland iyo Puntland. The post Ammaanka Muqdisho oo maanta la adkeeyey iyo jidad badan oo la xiray first appeared on Caasimada Online.
-
Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland Siciid Cabdillaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa maanta ku soo wajahan Muqdisho, iyadoo ay soo gaareen wufuud hordhac ah. Labada mas’uul ayaa lagu wadaa in ay kulan la qaataan Farmaajo, kaas oo looga hadli doono arrimaha doorashada iyo wax ka bedelka qaar kamida qodobadii kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb3. Deni iyo Madoobe ayaa bannaan joog ka ahaa shhirkii Dhuusamareeb3, kaas oo dowladda federaalka, maamullada Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo maamulka gobolka Banaadir,kaas lagu gaaray heshiis doorasho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland ayaa saacadaha soo socda ee maanta ku soo wajahan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Qaban-qaabada soo dhoweynta Axmed Madoobe iyo Siciid Deni ayaa waxaa saaka laga dareemayaa gudaha caasimadda, iyadoona si weyn loo adkeeyey ammaanka. Labada hoggaamiye ee Jubbaland iyo Puntland ayaa socdaalkooda horey loo sii shaaciyey, kadib shir wada-tashi ah ee ay ku yeesheen gudaha magaalada Garoowe ee xarunta G/Nugaal, waxayna wada-hadallo gaar ah ay la yeelanayaan Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, iyaga oo ka arrinsan doono doorashada 2020/21. Beesha caalamka ayaa cadaadis xoogan ku saartay Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntaland inay yimaadaan Muqdisho, kadib markii ay iska diideen ka qeyb-galka shirka Dhuusamareeb 3, kaas oo lagu go’aamiyey nooca doorasho ee ka dhaceyso dalka. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Warka-Subax-0192020.mp3 View the full article
-
Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulla Deni ayaa maanta kusii jeeda Muqdisho. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Madaxweyne Deni ayaa Muqdisho u [...] The post Wafdigii Madaxweyne Deni oo Maanta Muqdisho kusii jeeda appeared first on . Source
