Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay taageereyso dib u habeyn lagu sameeyo waaxda amniga Soomaaliya, taasi oo ay sheegtay inay mustaqbal ifaya u hogaamin doonto Soomaaliya iyo Soomaalida. Qoraal kasoo baxay safaaradda Mareykanka oo lasoo dhigay barta twitter-ka ayaa sidoo kale looga digay musuq-maasuqa iyo qaraabo kiilka Soomaaliya. “Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya waxay taageereysaa dib u habeyn lagu sameeyo waaxda amniga taasi oo mustaqbal ifaya u hogaamin doonta Soomaaliya iyo dhammaan Soomaalida. Musuq-maasuqa iyo qaraabo kiilka waxay dib u dhigaan horumarka isbedellada, waxay waxyeeleeyaan amniga shacabka Soomaaliya, waxayna xoojiyaan cadowga Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka. @US2Somalia supports security sector reforms that lead to a brighter future for #Somalia and all Somalis. Corruption and nepotism derail reform progress, undermine #Somali people’s security, and strengthen Somalia’s enemies. — U.S. Embassy Mogadishu, Somalia (@US2SOMALIA) September 8, 2020 Ma cadda waxa xilligan kusoo beegay qoraalkan, hase yeeshee wuxuu imanayaa maalin kadib markii askari Mareykan ah uu ku dhaawacmay qarax ka dhacay deegaanka Janaa Cabdalle ee gobolka Jubada Hoose. Toddobaadkii tegay dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in in ka badan 3 bilyan oo dollar ku bixisay amniga Soomaaliya, sidaas oo ay tahayna aanay ka muuqan wax horumar ah oo la taaban karo. The post Mareykanka oo taageeray dib u habeyn lagu sameeyo qeybaha amniga Soomaaliya first appeared on Caasimada Online.
  2. MINNEAPOLIS (WCCO) — Police are investigating two carjackings in Minneapolis that happened late Monday afternoon, one of which targeted a prominent community activist. Source: Hiiraan Online
  3. MOGADISHU, Sept 8 (Reuters) - Mogadishu is a city of ruined glory: crenellated towers crumble by the sea and sand whirls against the pockmarked archways of the roofless old cathedral. But one young man, returning to his family's homeland, walks through the streets and dreams of their future. Source: Hiiraan Online
  4. Food entrepreneur Hawa Hassan’s new book, In Bibi’s Kitchen, shares the stories and recipes of matriarchs from her native Somalia and other African nations. Source: Hiiraan Online
  5. The Somali military on Tuesday killed at least 14 al-Shabab terrorists, including an operational commander, when they attacked a government-controlled town in southern Somalia, an official said. Ismail Mukhtar, a Somali government spokesman, told Anadolu Agency (AA) that the Somali national army repulsed the attack in Balcad in the Middle Shabelle region. “The terrorists crossed the river early morning and attacked the town but they were inflicted with huge casualties. One government soldier was killed and six others wounded,” he said. While the al-Qaida-affiliated terrorist group claimed it had captured the town, the official said the government had restored law and order. Balcad is a strategic agricultural town located 30 kilometers (18 miles) northeast of the capital Mogadishu. On Monday, five Somali soldiers were killed and several others injured in a car bomb outside the force’s base in the south, a regional Somali government official said. One U.S. service member was also wounded in the attack, according to a statement from U.S. African Command. The bomber detonated a vehicle packed with explosives at the entrance to a military base in Janay Abdalla, a village about 60 kilometers outside the southern port city of Kismayo. Al-Shabab claimed they were behind the attack and put the number of dead at 20. Al-Shabab has been fighting to topple Somalia’s central government since 2008 to establish its own rule. In 2010, al-Shabab declared its allegiance to al-Qaida. The terrorist group carries out frequent bombings to try to undermine Somalia’s central government, which is backed by the United Nations and African Union peacekeeping troops. The most deadly attack blamed on al-Shabab was in 2017 when a truck bomb exploded next to a fuel tanker in Mogadishu, killing nearly 600. View the full article
  6. Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi ballaaran uu hogaaminaayey ayaa galabta gaaray magaalada Baydhabo ee maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo halkaas lagu soo dhoweeyey. Madaxweyne Laftagareen iyo labada gole ee Koofur Galbeed ayaa ka qeyb qaatay soo dhoweynta wafdiga waare, waxaana sidoo kale la filayaa inuu Baydhabo gaaro madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor. Sedexda madax maamul goboleed ayaa lagu wadaa in kulan gaar ku yeeshaan Baydhabo ka hor inta aysan imaanin magaalada Muqdisho oo ay ku sugan yihiin Farmaajo Deni iyo Axmed Madoobe, oo ku baaqay kulan loo dhan yahay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Balcad (Caasimada Online) – Wasiirka amniga dowlad goboleedka Hir-Shabeelle ayaa ka hadlay weerarkii ay waaberigii saakay ay dagaalamayaasha Al-Shabaab ku qaadeen magaalada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe. Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre oo ah wasiirka amniga Hir-Shabeelle oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in dagaalamayaasha weerarka soo qaaday aysan u suurta-gelin inay magaalada gudaha u galaan. Wasiirka ayaa sheegay in hadafka Al-Shabaab uu ahaa inay qaraxyo ku xiraan buundada magaalada Balcad, balse aysan taasi u suurta gelin. Wuxuu sheegay in khasaaraha dhanka ciidamada dowladda uu yahay hal askari oo dhimasho ah iyo seddax kale oo dhaawac ah. Dhowr jeer oo hore ayay Al-Shabaab weerar ku qaadeen magaalada Balcadee gobolka Shabeellada Dhexe. “Balcad sidaad ogtahay waa istaraatiiji waa magaalo xiriirisa Muqdisho iyo Shabeellaha Dhexe, sidoo kale Shabeellaha Hoosena xiriirisa. Marka maaddaama deegaankaas uu yahay mid istaraatiiji ah ayaa keeneysa inay ku soo laalaabtaan,” ayuu yiri wasiirka amniga Hir-Shabeelle. Dhinaca kale war ka soo baxay Al-Shabaab waxaa lagu sheegay in weerarkii saakay ay ku qaadeen Balcad ay ku dileen afar askari oo ka tirsan ciidanka dowladda. Dadka deegaanka ayaa sheegay in kooxihii dagaalka soo qaaday ay u suurtagashay inay qabsadaan dhowr xaafadood oo magaalada ka tirsan, isla markaana ay maxaabiis ka sii daayeen xabsiga ka hor inta aanay dib uga guran. Degmada Balcad oo 30 Km dhanka waqooyi ka xigta magaalada caasimadda ah ayaa bilihii tegay bartilmeed u ahayd kooxda Al-Shabaab oo ka fulisay weeraro kala duwan. Maamulka degmada ayaa marar badan dowladda federaalka ka codsaday inay soo dirto ciidamo magaalada iyo gobolkaba ka xoreeya Al-Shabaab, balse cidna ma dhageysan baaqooda. The post Qorshaha weyn ee Shabaab ay ka lahaayeen isku daygii lagu qabsan lahaa BALCAD first appeared on Caasimada Online.
  8. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Warka-haben-08092020.mp3 View the full article
  9. Daawo: Ganacsatada Shidaalka Dalka Keena Oo Cabasho Ka Muujiyey Wasiirka Ganacsiga ,Fariina Udiray Madaxweyne Biixi. Source
  10. Afar maalin ka hor ayaa Beesha Caalamku ay cadaadis Saareen Madaxweyne Farmaajo si uu ugu yeero Madaxweynayaasha ka maqan Shirka Muqdisho iney Muqdisho yimaadaan. Beesha [...] The post Qoorqoor iyo Laftagareen madaxay Ciida ka ceshanayaan appeared first on . Source
  11. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxtooyada Villa Somalia ayaa si rasmi ah u shaacisay waqtiga uu furmayo shirka Dowladda Dhexe iyo madaxda Maamul Goboleedyada ee looga hadlayo arrimaha doorashooyinka. Agaasimaha Warfaafinta madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay in shirka Maamulada dalka iyo Dowladda Dhexe uu Maalinta Khamiista ah ee taariikhda tahay 10 Bisha September ka furmi doono Madaxtooyada. Agaasime Cabdinuur ayaa sheegay in shirkaas lagu dhameystiri doono hanaanka doorashooyinka dalka. Sidoo kale Agaasimaha ayaa sheegay in qodobadii kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb3 ay asal u noqon doonaan shirka dhawaan u furmayo Dowladda Dhexe iyo madaxda Maamul Goboleedyada. Dhawaan ayey aheyd markii madaxweynayaasha Jubbaland, Puntland iyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay isku fahmeyn in shir kale loo qabto dhammaan maamul Goboleedyada si loo gaaro go’aan loo dhan yahay oo ku saabsan qaabka ay noqoneyso doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo. Hadalka kasoo baxay madaxtooyada ayaa kusoo aadayo xilli madaxweynayaasha Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug ay shir ku yeelan rabaan Magaalada Baydhabo halkaas oo ay kaga tashan doonaan shirka Muqdisho ka furmayo, waxaana hadda Baydhabo ku wada sugan Lafta Gareen iyo Maxamed Cabdi Waare iyadoo la filayo inuu ku biiro Axmed Qoor Qoor. Halkaan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay Agaasime Cabdinuur. The post Villa Somalia oo shaacisay waqtiga uu furmayo shirka DF iyo maamul goboleedyada first appeared on Caasimada Online.
  12. Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku casuumay madaxda dowladaha xubnaha ka ah federaalka in ay ka soo qeyb galaan shir ay u dhanyihiin Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaas oo looga hadlayo xaaladda dalka arrimaha doorashooyinka iyo amniga. Shirkan oo dhici doona 10-ka bishan waxaa lagu dhammeystiri doonaa hanaanka doorashooyinka dalka, iyadoo uu saldhig u yahay heshiiskii Samareeb-3 oo ay ka soo baxeen qodobo lagu qeexayey hanaanka doorasho ee dalku wajahayo, sida uu sheegay agaasinka warfaafinta ee madaxtooyada Qaranka. Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa haatan ku sugan Muqdisho, waxaana lagu wadaa inay madaxweynayaasha Hirshabeelle, Galmudug iyo koofur Galbeed ay iyaguna caasimadda soo gaaraan, si ay uga qaybgalaan shirkan muhiimka ah. View the full article
  13. Wasiirka Beeraha S/Land Oo Laga Reebay Tartanka Musharaxnimada Hogaanka XisbigaKulmiye+Sababta Guddida qaban qaabada shirweynaha 4aad ee Kulmiye ayaa tartanka ka reebay wasiirka Beeraha Somaliland Axmed Muu’min Seed, oo u tartamayay jagada guddoomiye ku-xigeenka Afraad. Wasiir Amed Muumin Seed, ayaa xogguhu tibaxayaan inuu shubay Lacagtii Shuruuda looga dhigay Musharaxa u tartamaya Jagooyinka Hogaanka Xisbiga balse waxa uu buuxin waayay shuruudaha gaar ahaana muddada uu xisbiga Ku jiray oo ka yar 5 sannaadood. Qaran News
  14. Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada, Arimaha Bina’adannimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka Golaha aqalka sare BFS ayaa kulan xog wareysi la yeeshay Siihayaha wasiirka wasaarada waxbarashada XFS . Kulankan ayaa waxa uu ka dhacay xarunta golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya gudiga iyo sii hayaha wasiirka ayaa waxa ay qaateen kulan saacado socday kulanka markuu soo gaba gaboobay waxaa saxaafada la hadalay Siihayaha wasiirka Wasaarada Waxbarashada XFS C/laahi goodax bare waxa uu sheegay in gudiga uu warbixn guud ka siiyay waxqabadka wasaarada waxbarashada , Natiijada imtixaanka dugsiyada sare dalka iyo arimaha jaamacadaha soomaaliya. Gudoomiyaha Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada, Arimaha Bina’adannimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka BFS Axmed Macalin Cumar Nadiir ayaa sheegay in siihayaha wasiirka waxbarashada uu warbixin guud ka siiyay waxbarashada dalka iyo halka ay marayso. Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa si aad ah loo hadal hayay natiijada imtixaanka dugsiyada sare ee dalka iyo kaalimaha ardayda galeen. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Cali Mahdi Maxamed oo kamid ah Madaxweyneyaashi hore ee dalka oo shalay ka qeyb-galay kulan qado sharaf ah oo siyaasiyiinta beelaha Mogadishu Clan ay u sameeyeen Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa ka hadlay ujeedka kulankasi. Cali Mahdi ayaa sheegay in kulankaasi uu ahaa mid soo dhaweyn oo aan la xiriirin arrimaha siyaasada, isla markaana ay muteysteen madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland. Wuxuuna ku tilmaamay Saciid Deni iyo Axmed Madoobe inay yihiin labo madaxweyne oo qaranka Soomaaliyeed meel weyn uga jirra, xili ay dhawaan ka hor yimaadeen shirkii Dhuusamareeb-3. “Ujeedka kulanka waa marxabeysiinta iyo soo dhaweynta madaxda nooga timid Jubbaland iyo Puntland, waa labo madax oo qaranka meel weyn uga jira oo qiimo weyna ku leh umadda Soomaaliyeed” ayuu yiri. Wuxuuna intaas kusii daray “Wey naga muteysteen in aan soo dhaweyno, cid kasta oo dadkeeda wanaag u sameysa sidaan oo kale iyo si ka fiican ayaa u soo dhaweynaynaa”. Cali Mahdi ayaa gebi ahaanba ka gaabsaday in uu ka hadlo xaalada cakiran ee dalka, xili uu dhawaan si kulul uga hadlay qalaalasaha siyaasadeed ee ka taagan dalka oo horseed u tahay arrimaha doorashooyinka. The post Cali Mahdi oo shaaciyey ujeedka kulankii Mogadishu Clan u qabtay A/Madoobe iyo Deni first appeared on Caasimada Online.
  16. Militants loyal to jihadist group Al-Shabaab waged a heavy attack on Bal’ad town, 30 km north of Mogadishu, early on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  17. The police arrested Radio Daljir director Khadar Awl Ismail and reporter Abdiqani Ahmed Mohamed when they went to Garowe’s court of first instance on 6 September in response to an invitation to interview the judicial authorities about the acquittal of the men accused of raping and murdering a woman in 2019. Source: Hiiraan Online
  18. The self-declared East African nation of Somaliland will open its representative office in Taipei on Wednesday (Sept. 9), starting a new chapter in relations between Taiwan and Africa. Source: Hiiraan Online
  19. Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto ayaa ka hadlay joojinta lagu sameeyey qaadka Kenya ay gayn jirtay Soomaaliya iyo waxa ay damacsan tahay dowladda federaalka. Beeraleyda iyo ganacstada jaadka dalka Kenya ayaa ku qasban iney sugaan ilaa doorashada soo socota si ay u ogaadaan hadii laga qaadayo xanibaadda dhoofinta qaadka ay geyn jireen Soomaaliya. Waxey sidoo kale ku qasban yahiin iney sugaan in dib loo bilaabo wada-hadallada diblomaasiyadeed ee labada wadan oo hakad galay, sida uu sheegay Ruto. Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto ayaa aaminsan in doorashada laga yaabo iney Soomaaliya ka dhacdo horaanta sanadka soo aadan kadib ay dib u bilaabi karaan wadahadallada. William Ruto wuxuu aaminsan yahay in hogaamiyayaasha Soomaalida ay hadda mashquul ku yahiin arrinta doorashada oo kusoo fool leh. Sidoo kale wuxuu sheegay in Soomaaliya ay gorgortan ay ka gasho muranka ka jira badda darteed ay u mamnuucday qaadka miirowga. “isfahm la’aan arinta badda ah ayaa ka dhex jirta Soomaaliya iyo Kenya,” ayuu Wiliam Ruto u sheegay Weru TV. “Waxaan ku jirnaa wadahadallo aan ku kala saareyno labada arrimood, balse doorashada ayaa gaabis keentay, waxaan rajeynayaa in doorashada kadib aan soo dhameyn doonno wadahadalka ku saabsan dib usoo celnita ganacsiga,” ayuu yiri Ruto. The post William Ruto oo shaaciyey 'arrin ay Soomaaliya ka damacsan tahay' joojinta qaadka first appeared on Caasimada Online.
  20. Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ku wajahan deegaanka Xananbuure ee waqooyiga Gobolka Galgaduud, halkaas oo in muddo ah ay ka taagneed colaad u dhaxaysa beelo walaalo ah. Waxgaradka labada dhinac, Xildhibaano ka tirsan Galmudug iyo mas’uuliyiin kale ayaa wafdiga madaxweyne Qoorqoor ku wehliya socdaalka, waxaana qorshuhu yahay in xal dhammaystiran laga gaaro colaadda halkaasi ka jirtay. Shalay ayaa deegaankaasi laga hirgaliyey heshiis xabad joojin ah, ka dib dadaallo ay sameeyeen odayaasha dhaqanka iyo ciidamada qaybta 21-aad ee xoogga dalka, Booliska Federaalka ee gobolkaas ka hawlgala iyo ciidanka nabad sugidda. View the full article
  21. Wararka ka imaanaya xadka wadamada Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay qarax xoogan halkaas lagula eegtay ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa milatariga Kenya ee dhaq dhaqaaqyada ka wada gobollada Jubbooyinka. Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa in ciidamada lagula eegtay deegaano hoostaga magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya. Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegaya in khasaare kala duwan uu ka dhashay qaraxa, inkastoo aysan weli ka hadlin saraakiisha hay’adaha amniga. Dhinaca kale Xarakada Al-Shabaab oo dhabarka u ridatay mas’uuliyadda qaraxan ayaa shaacisay inay ku dishay ugu yaraan illaa 6 askari oo isugu jira Kenyaan iyo Soomaali, sidoo kalena ay ku dhaawacday askar kale, sida ay hadalka u dhigtay. Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada ciidamada huwanta ee ku sugan deegaano ku dhow xadka Soomaaliya iyo gobollada Jubbooyinka, waxaana weerarkii ugu dambeeyey uu shalay ka dhacay deegaanka Janaay Cabdalle oo qiyaastii 60 KM u jira magaallo xeebeedka Kismaayo ee maamulka Jubbaland. View the full article
  22. Madaxweynaha maamulka HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa barqanimadii maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Waare ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Baydhabo ku soo dhoweeyey dhiggiisa Koonfur Galbeed Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen). Madaxweynaha maamulka HirShabelle ayaa ka qeyb-galaya shir wada-tashi ah oo halkaasi ay ku leeyihiin isaga, Qoor-Qoor iyo Lafta Gareen. Sidoo kale Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa waxaa la filayaa in saacadaha soo socda uu gaaro magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ee koonfurta Soomaaliya. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  23. Khudbaddii Jimcaha uu Xaramka Makhah ka jeediyay Iimamka Xaramka Sudeysi oo dhalisay Dood kulul oo ku saabsan Mowqifka Sucuudiga ee Israa’iil Sheekh Cabduraxmaan Sudays, Imaamka Xaramka Makah Mowqifka rasmiga ah ee dalalka Carabta ee heshiiska Imaaraatka iyo Israa’iil ayaa waxa uu kordhiyay cabsida iyo rajada dadka qaar ay ka qabaan in mustaqbalka la arki doono Israa’iil oo galaangal wayn ku yeelata gobolka Carabta gaar ahaan Khaliijka. Cabsidaas ayaa waxaa laga dareemi karaa baraha ay bulshada ku wada-xiriiraan, halkaas oo ay dadku aaraa’doodu gaarka ah ku wadaagayaan ee waxyaabaha ka dhalan kara heshiiska Imaaraatka Carabta iyo Israa’iil, gaar ahaan qadiyadda Falastiiniyiinta iyo xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Carabta. Carabta Twitterka isticmaasha ayaa waxa ay ka dhursugayaan go’aankasta oo mas’uuliyiinta Khaliijka ay soo saaraan, taas oo ay suuragaltahay inay ka helaan wax tilmaamaya waxa dhici kara maalmaha soo aaddan. Khudbadda Sudays Maalma ka hor, dadka baraha bulshada ay ku wada xiriiro ayaa waxa ay isla dhexmarayeen muuqaalka khadhiibka Xaramka Makah, Cabduraxmaan Sudays. Gaar ahaan dadka Twitterka isticmaala kuwaas oo soo qaadanayay muuqaallo ay ka soo gooyeen khudbaddii Jimcaha ee uu Sudays jeediyay, halkaas oo ay dadku isku dhaafsanayaan fahankooda ku aaddan “Al-walaa’ wal baraa – الولاء والبراء” iyo xiriirkii uu nebi Muxamed CWS la lahaa Yuhuudda. Sudays ayaa yiri, sida ku cad muuqaalka la soo jaray: “Waxaa ka mid ah digniinaha muhiimka ah ee masaa’isha caqiidada in dadku aanay fahan dhab ah ka haysan mowduuca “Al-walaa’ wal baraa – الولاء والبراء” iyadoo dadku ay isku khaldaan iimaanka qalbiga iyo in lagu dhaqmo wanaag markii ay timaado xiriirka ka dhaxeeya shakhsiga iyo dowladaha”. Ka hor inta uusan khadhiibku khudbada ku dhammayn duco uu u duceeyay Falastiiniyiinta, ayaa waxa uu soo qaatay xadiis-ka ah “Caqiidada dhabta ah iyo in la adeeco imaamka [hogaamiyaha] si ka duwan waxa uu ku tilmaamay “khawaarijta xadgudbay iyo axsaabta baadiyaysan iyo kooxaha xagjirka ah ee hubaysa”. Khudbadda ayaa waxa ay kicisay dood kulul, oo qaar ka mid ah dadka Twitterka isticmaala iyo siyaasiyiinta Carabta, waxa ay hadalka imaamka ku fasireen uu gogol xaar u yahay in dhawaan dib loo soo celin doono xiriirka Sucuudiga iyo Israa’iil. السديسي يحاول إقناع المسلمين بأن التطبيع مع إسرائيل هو من صميم الدين الإسلامي. هؤلاء الذين كانوا يدعون على غير المسلم في الأعياد وخطب الجمعة يقفزون من تكفير غير المسلمين إلى تلميع الصهاينة. #التطبيع_خيانة والإسلام براء من هذا pic.twitter.com/qTjSueqYCh — Wejdene Bouabdallah (@tounsiahourra) September 5, 2020 السديس: فلسطين والمسجد الأقصى الأسير هي قضيتنا الإسلامية الأولى دون مزايدات إعلامية أو معارك إلكترونيةhttps://t.co/cvGjZ6w1VK#السديس #المملكة #خطبة_الجمعة #مكة_المكرمة pic.twitter.com/7R5WSBDXg9 — صحيفة تواصل (@twasulnews) September 5, 2020 Dadka Twitterka isticmaalayay ayaa waxa ay weerrar kulul ku qaadeen khadhiibka Xaramka Makah, waxa ayna ku eedeeyeen inuu ra’yigiisa hadba u dhigayo si waafaqsan mowqifka madaxda. Qaar kale ayaa waxa ay soo qaateen khudbado kale oo Sudays uu hore u jeediyay, iyagoo sheegay “Waxa uu xamaasadda dadka masjidka ku tukada ku kicin jiray oohintiisa iyo ducada Falastiiniyiinta iyo inuu cambaareeyo siyaasadaha Israa’iil iyo xulufadeeda”. Halka qaar ka mid ah dadka Twitterka isticmaala ay faafinayeen muuqaalo ka mid ah khudbad kale oo Sudays uu ku amaanayo maamulka Trump iyo xiriirka xooggan ee uu la leeyahay hoggaanka Sucuudiga. Qaar ka mid ah dadka ololeeya iyo siyaasiyiinta ayaa waxa ay ku doodayaan in khudbadaha Jimcaha laga jeediyo masaajidda Sucuudiga ay waligeedba aheyd goob laga dheehan karo waxa ka dhacaya dhismayaasha maamulka iyo goobaha aan xogta badan laga helin ee maamulka. Qaran News
  24. Bankiga Adduunka oo Agaasime cusub u soo magacaabay dalal ay Soomaaliya ka mid tahay+Magaalada Fadhigiisu noqon doono Bankiga Adduunka ayaa Keith Hansen u soo magacaabay inuu noqdo agaasimaha cusub ee Kenya, Rwanda, Soomaaliya, iyo Uganda, isagoo shaqada bilaabaya maanta. Hansen, oo khibrad ka badan 30 sano u leh arrimaha horumarinta ayaa madax ka noqon doona in ka badan 100 mashaariic oo ay ku kacayso in ka badan $13 bilyan (Sh1.4 trillion). Magacaabiddiisa ayaa ku soo aadeysa xilli dhammaan dowladaha Kenya, Rwanda, Soomaaliya, iyo Uganda ay la daalaa dhacayaan saameynta xanuunka safmarka ah ee coronavirus. Hansen wuxuu hore u soo qabtay xilal kala duwan, isagoo kahor intaan la soo magacaabin la taliye ka ahaa xafiiska madaxa World Bank. Wuxuu u dhashay Mareykanka, wuxuu shahaadada heerka koowaad ee sharciga ka haystaa Jaamacadda Stanford, shahaadada heerka labaad ee Arrimaha Bulshada wuxuu ka qaatay Jaamacadda Princeton, isagoo sidoo kale shahaadada heerka koowaad ee Sayniska Siyaasadda ka haysta Jaamacadda Yale. Hansen waxaa saldhiggiisu uu noqon doonaa Nairobi, Kenya. Qaran News