-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Galmudug Axmed Kaariye Qooroor ayaa Baydhabo shir kula leh madaxda Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle isaga oo isla markaasna ku qanciyey ka qeybgalka shirka 4-aad ee doorashada, kaas oo Muqdisho ku dhexmaraya DF iyo DG. Madaxweyne Axmed Kaariye ayaa bilihii tagay waxaa uu isku hawlay sidii xal looga gaari lahaa arrimaha doorashada isaga oo marti geliyey Dhuusamareeb 1 & 2. Shirka khamiista ka furmaya Muqdisho ayaa lagu wadaa in si kama dambeys ah xal looga gaaro arrimaha doorashada dalka uu aadayo sanadka 2020 2021-ka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Hanti dhowrka guud ee Somaliland ayaa maanta shaaciyay in mas’uuliyiin ka tirsan xukuumada Muuse Biixi ay u xireen arrimo la xiriira musuq-maasuq. Mas’uuliyiintan ayaa waxay ka tirsan yihiin Wasaarada maaliyada Somaliland, gaar ahaan waaxda gobolka Togdheer, sida uu xaqiijiyey guddoomiye kuxigeenka hanti-dhowrka guud, Sacad Riiraash. Sacad Cabdillaahi Riiraash ayaa sheegay inay soo xireen labo mas’uul oo lala xiriiriyey musuq-maasuq, isla markaana ay socoto baaristooda. Labada mas’uul ee loo xiray musuq-maasuqa ayaa waxay ka howl-galayeen kastamka canshuuraha gobolka Togdheer. Sida ay ogaatay Caasimada Online, mas’uuliyiintaas ayaa waxa loo gudbiyey kiiskooda maxkamadda gobolka, taasi oo la filayo in maalmaha soo socda ay kasoo saarto go’aan kama dambeys ah. Riiraash ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inay baaris ku wadaan mas’uuliyiin ka tirsan wasaaraddaha Maaliyada, Waxbarashada, Caafimaadka, Dawladda Hoose, Wakaalada biyaha iyo Cisbitaalka guud ee Burco, kuwaas oo looga shakisan yahay wax isdaba marin iyo xatooyo dadweyne. Somaliland ayaa sanadkan dar-dar xoogan gelisay la dagaalanka musuq-maasuqa, oo la rumeysan yahay in uu si weyn uga dhex baahay hay’addaha dowladda. Waxaana muddo dhowr bilood gudahoodana musuq-maasuqa loo xiray mas’uuliyiin kala duwan, halka kuwo kalena lagu xukumayo xabsi iyo lacago ganaax ah. The post Somaliland oo mas'uuliyiin u xir-xirtay musuq-maasuq first appeared on Caasimada Online.
-
Doorashadii uu Abiy Axmed diiday oo ka socota gobolka Tigreega Gobolka Tigreega ee dalka Itoobiya ayaa saaka laga billaabay codeynta doorashada, iyadoo aan dhag loo dhigin hadal kasoo baxay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo kasoo hor jeeday in doorasho laga sameeyo halkaas. Codbixiyayaasha ayaa waxay aroortii hore ee saaka u dareereen goobaha loo asteeyay inay codeynta ka dhacdo. Waxaa sawirro laga soo qaaday dad maaskaro xidhan oo cabirka heer kulka laga baadhayo marka ay gudaha u galayaan goobaha codbixinta. Waxaa codeynta la joojinayaa saacaddu marka ay ku beegan tahay 18:00 waqtiga maxalliga ah. Baarlamaanka Itoobiya ayaa doorashadan ku gacan seydhay. Dadka codeynta ka qeyb qaadanaya ayaa lagu caawinayay dadaallada ka hortagga fayraska Corona Xisbiga TPLF -oo gacanta ku hayay siyaasadda dalka Itoobiya muddo toboneeyo sano ah ayaa waxay ku hanjabeen in dhibaatada ay sii baahi doonto haddii dowladda dhexe ay isku daydo inay hor istaagto doorashada. Rai’sul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa doorashadan ku tilmaamay mid sharci darro ah. Wuxuu sheegay in xisbiga TPLF ay haystaan waqti ay xafiiska ku sii joogaan kaasi oo ah go’aan ay gaareen aqalka sare ee baarlamaanka bishii June. Doorashada guud ee dalka Itoobiya ayaa dib loo dhigay sababo la xiriira feyriska Corona. Mr Abiy ayaa sheegay in doorashada maanta dhacayso aysan wax farqi ah ku keeni doonin go’aankii horey loo gaaray ee dib u dhigidda dorashada. Ra’isulwasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in dowladiisa aysan tallaabo militari qaadi doonin . “Doorashadu ma aha mid sharci ah sababto ah guddiga doorashada oo kali ah ayaa doorasho qaban kara,”waxaa uu sidaasi Dr Abiy ku sheegay wareysi uu siiyay xalay telefishinka qaranka Itoobiya. Xisbiga TPLF iyo dowladda dhexe ayaa tan iyo intii uu xafiiska yimid Dr Abiy Axmed waxaa u dhaxeeyay muran xooggan. ‘Halkii aan rasaas u diri lahaa gobolka Tigreega, waxaan u dirayaa maaskaro’ Xisbigii TPLF axay ka digeen qalalaaso haddii la isku dayo in dorashada la hor istaago Ma jiro wax qalalaase ah oo ilaa hadda laga soo tabiyay gobolka ay ka socoto doorashada aysan raalliga ka ahayn dowladda dhexe ee Itoobiya. Dr Abiy Axmed ayaa ku adkeystay in uusan awood u adeegsan doonin waxa ka socda gobolkaas. “Aniga waxaan rumeysanahay, in Itoobiya aysan dagaal u baahnayn, ka mid ma ahi dadka doorbidaya tallaabo militari. Halkii aan rasaas u diri lahaa gobolka Tigreega waxaan u dirayaa maaskaro, si ay isaga difaacaan fayraska corona.” Ayuu yidhi. “Aniga waxaan rumeysanahay, in Itoobiya aysan dagaal u baahnayn, ka mid ma ahi dadka doorbidaya tallaabo militari.”ayuu intaa ku daray Shan xisbi ayaa lagu wadaa in doorashada maanta ay ka qeyb galaan, halka kuwa kalana ay qaadaceen. In ka badan 2.7 milyan oo ruux ayaa u diiwaan gashan inay gobolka Tigreega doorashada uga codeeyaan. Natiijada waxaa la filayaa in lagu dhawaao maalinta Khamiista ah oo tirinta codadka la dhammeystirayo. Qaran News
-
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho kula kulmay wefdi ka socday Dowladda Maraykanka oo saaka soo gaaray Muqdisho Wefdiga oo ka koobnaa Waaxda Arrimaha Dibadda, Taliska AFRICOM iyo Wasaaradda Gaashaandhiga Maraykanka, ayaa ka soo kicitimay Caasimadda Jabuuti oo fadhigoodu yahay. Madaxweyne Farmaajo, waxaa kulanka ku weheliyay La-taliyaashiisa dhanka Amniga iyo Arrimaha Doorashada, waxaana looga hadlay Arrimaha Ammaanka iyo Xaaladda Siyaasadeed ee Dalka gaar ahaanna Doorashada soo socota. Socdaalka wefdiga, ayaa ku soo beegmay saacado kadib markii Dowladda Maraykanku walaac xooggan ka muujisay musuq maasuq baahsan, oo sida ay sheegtay ka jira Hanaanka Dib u-habaynta Ciidamada Soomaaliya. Dowladda Maraykanka ayaa muddooyinkii u dambeeyay taageeraysay Barnaamijka Dib u-habaynta Ciidamada Milateriga Soomaaliya, gaar ahaanna Kumaandooska DANAB. Waxaase maalmahan soo baxayay warar sheegaya in musus maasuq ba’an lagu sameeyay Hannaanka Dib u-habaynta Ciidamada Dowladda Federaalka, taasi oo halis gelin karta taageerada Maraykanku siiyo Ciidamada. PUNTLAND POST The post Ma maxay ka wada-hadleen Madaxweyne Farmaajo iyo Wefdiga Maraykanka? appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa maanta magaalada Baydhabo ka furmay shirka wada-tashiga ee u dhexeeya madaxda dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Galmudug. Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa si rasmi ah shirka u daah-furay, waxaana goobjoog ah Qoor Qoor iyo Waare. Shirkan ah oo mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021-ka. Sidoo kale waxaa lagu wadaa in shirka la soo xiro isla maanta, kadibna waxaa saddex madaxweyne ee Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Galmudug ay soo aadi doonaan Muqdisho, si ay uga qeyb-galaan shirka uu ku casuumay Madaxweyne Farmaajo. Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah mid cakiran, waxaana sii badanaya shirarka gaar gaarka ah ee ka dhacaya gudaha dalka. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta kulan la qaatay wafdi culus oo ka socda dowladda Mareykanka. Kulankan oo ka dhacay garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehlinaya la-taliyihiisa arrimaha doorashada iyo amniga, halka wafdiguna ay ka koobnaayeen xubno isugu jira wasaaradda difaaca dalkaasi iyo taliska Qaaradda Afrika ee AFRICOM. Ugu horreyn Madaxweyne Farmaajo ayaa warbixin ka dhageystay taliyaha AFRICOM oo faah faahin ka siiyey howlgalladii ugu dambeeyey ee ay ka fuliyeen gudaha Soomaaliya. Taliyaha ayaa la wadaagay Madaxweynaha in ciidamada Mareykanka ay sii xoojin doonaan howl-galladooda, islamarkaana ay taageeri doonaan ciidamada Xoogga Soomaaliyeed. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in kulankan lagu soo qaaday walaaca safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ay ka muujisay musuq- maasuq la sheegay in lagu sameeyo howlaha la xiriira dib u habeynta amniga. Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka taageero Soomaaliya, wuxuuna ka caawiyaa dib u dhiska ciidamada, sidoo kalena wuxuu duqeymo ka fuliyaa koonfurta iyo bartamaha dalka. View the full article
-
Magaalada Baydhabo ayaa goordhaweyd shir uga furmay madaxda dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug. Shirkan oo ah mid hal maalin socon doona ayaa saddexda maamul ay uga wadatashanayaan qorshaha ay la tagi doonaan shirka Muqdisho ee dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada. Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Baydhabo, halka madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare uu shalay ka degay xarunta KMG ee Koonfur Galbeed. Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug iyo madaxweyne Farmaajo ayaa heshiis ku ah inaan waxba laga beddelin heshiiskii Dhuusamareeb 3. Berri oo Khamiis ah ayaa la filayaa in magaalada Muqdisho uu shir uga furmo madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Bnaadir, iyadoo kala aragti duwanaan korortay ay weli u dhaxeyso madaxdii saxiixday go’aankii Dhuusamareeb 3 iyo Puntland iyo Jubbaland oo ka ahaa dibad joog. Shirka Muqdisho ayaa laga sugayaa heshiis lagu mideysan yahay oo laga gaaro hannaanka doorashada dalka ee 2020/2021. PUNTLAND POST The post Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle oo shir uga furmay Baydhabo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha wasiirka waxbarashada Soomaaliya, C/llaahi Goodax Barre ayaa dabacsanaan badan ka muujiyey mowqifkiisi adkaa ee shahaado siinta ardeyda Puntland, xili uu ka qeyb-galay barnaamijka Dooda ee telefishanka Universal. Goodax Barre ayaa sheegay mowqif ka gedisan midkii hore ee uu sheegay, kaasi oo ahaa in ardeyda Puntland aysan heli doonin shahaadada federaalka ilaa inta ay galayaan imtixaanka qaranka. Wuxuu sheegay in ardeyda Puntland ay siin doonaan shahaado gaar ah oo ka duwan mida hadda, taasi oo ay ugu tala-galeen maamulada dalka oo ay kamid tahay Puntland. Goodax ayaa carabka ku adkeeyay in ardeyda Puntland ay heli doonaan shahaado, isagoona sheegay in arday reer Puntland ay sanadkan galeen imtixaankii ay qaaday wasaaraddu. “Puntland waxaad moodaa wadanka qaanada uu ku jiro in ay ku jiraan, marka la isku celceliyo 60 illaa 70 ayay ku baaseen, hal gabar oo reer Goldogob ah iskuul ku yaala Goldogob ayaan tobbanka soo gashay” ayuu yiri. Wuxuuna intaas kusii daray “Wasaarada hadda cabir fiican ayay ka haysataa ardayga Puntland jooga heerka uu joogo, maxaa yeelay lambar illaa 600 ku dhow ayaa Imtixanka galay, intaas shahaado waa helayaan” “Hadii Puntland ay yiraahdaan shahaado federaal ah ayaan rabnaa oo annaga aan dadkeeda sheegnay waa la siinayaa, laakiin mid ka duwan taasaa la siinayaa oo calaamad gaara leh iyo inay ka duwan tahay [ka muuqato]” ayuu sidoo kale yiri. Wuxuuna ugu dambeyntii si cad u sheegay in waxbarashada ay gacanta ku haynayso dowladda dhexe, balse ay ka wasaarad ahaan hadda ogol yihiin inay u madax baneeyan Puntland inay bixiso shahaado gaar ah oo federaalku aqoonsan-yahay, waa sida uu hadalka u dhigaye. “Shahaadada hadda la bixiyo nooceeda tahay waa taqaanaan, shahaadadaan haddey cagaar tahay mid gaduudanaa la siinayaa oo la leeyahay shahaadadan Puntland ayaa darajooyinkaan sameysay oo iska leh, waa haddey rabaan wax federaal ka yimid, laakiin haddey rabaan shahaadaas ardeygaas shaqeeyay waa in ay Imtixaanka galaan”. Maamulka Puntland ayaa hore u diidey ka qeyb-galka Imtixaanka qaranka, iyada oo dhawaana shaki weyn ka muujisay awoodda wasaaradda ee qaadista imtixaanka qaranka, xili uu humaag badan ka muuqday natiijadii sanadka ay shaacisay wasaaraddu. The post Goodax Barre oo shaaciyey mowqif cusub oo ku aadan ardeyda Puntland first appeared on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa haatan gaaray Magaalada Baydhabo ee Caasimadda Kumeel gaarka ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. Madaxweynaha iyo Wafdigiisa oo ka koobanaa Xubno ka tirsan labada gole ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee Magaalda Baydhabo kusoo dhaweeyay Madaxweynaha KGS Mudane Laftagareen iyo xubno kale. Magaalada Baydhabo ayaa hadda waxaa ka socda kulan wadatashi ah oo ay leeyihiin madaxdweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, waxaana lagu wadaa in laga soo saaro war murtiyeed. Madaxda ayaa u soo duulayo Muqdisho si ay Farmaajo iyo madaxda kale kulamaan khamiista shir ka furmi-doona caasimadda Muqdisho ayaa lagu wadaa in looga dooda nooca doorasho ee la isku afgartay Dhuusamareeb 3. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasaaradda cadaadala XFS ayaa Muqdisho ka furtay wadatashi ku aadaan dib ugu biirista hiishiiska caalamiga ah ee la dagaalanka musuq-maasuqa. Wadatashigan oo ku saabsan hirgalinta istiraajiyada Qaran ee la dagaalanka musuq-maasuqa iyo dib ugu biirista heshiiska caalamiga ah ee la dagaalanka musuq maasuqa ayaa magaalada muqdisho ka furay sii hayaha wasiirka cadaalada dalka abuukaate Xasan xuseen Xaaji. Shirkaan oo socon doono muddo labo cesho ah waxaa ka qeyb galaya xubno ka socday dowlad goboleesyada dalka, xubno ka tirsan wasaaradda maaliyadda, xafiiska hanti dhowrka guud Qaranka, bankiga dhexe, xafiiska xeer ilaalinta iyo Booliska kuwaas oo ku shaqo leh arrimaha nidaamka maaliyadda dalka iyo la dagaalanka musuqa. Sii hayaha wasiirka cadaalada dalka abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in wasaaraddu ay xooga saareyso shuruucda lagu hagayo arrimaha cadaaladda iyo la dagaalanka musuqa, sidoo kalena ay dib u soo celinayso xiriirkii caalamiga ahaa ee la dagaalanka musuq-maasuqa ee Soomaaliya aduunyada kala dhexeeyey. Golaha wasiirada xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa 4-tii bishii lixaad ee sanadkan ansixiyay xeerka istaraajiiyada Qaran ee la dagaalanka musuq-maasuqa ee 2020 ilaa 2023-ka, kaas oo ku soo beegmay, xilli tallaabooyin loo qaaday la dagaalanka musuqa islamarkaana dad ay ku jiraan saraakiil dawladeed loo maxkamadeeyey maamul xumo maaliyadeed ee ay gaysteen. View the full article
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Wafdiga uu hoggaaminayo Qoor Qoor ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaaladaasi, si weyn ugu soo dhoweeyey dhiggiisa Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen. Qoor Qoor ayaa ka qeyb-galaya shir wada-tashi ah oo ay yeelan doonaan isaga, Madaxweyne Lafta Gareen iyo Waare. Shirkaas ayaa waxaa diirada lagu saarayaa xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashada, wuxuuna goor dhow ka dhici doonaa xarunta madaxtooyada ee Baydhabo. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Warka-Duhur-09092020.mp3 View the full article
-
Baydhaba (Caasimadda Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa goor dhaw gaaray magaalada Baydhaba ee xarunta maamul goboleedka Koofur Galbeed. Garoonka diyaaradaha Shaatigaduud waxaa kusoo dhaweeyay madaxweynaha koofur Galbeed C/Casiis Lafta-gareen, masuuliyiinta maamulka iyo xubno kale. Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in kulan wadatashi ah uu u furmi doono Madaxweynayaasha Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle, waxeyna uga tashanayaan mowqifkooda ku aadan shirka uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo. Kulankaan ayaa kusoo aadaya xilli madaxtooyada Soomaaliya ay ku dhawaaqday in 10-ka bishaan uu qabsoomi doono shir loo dhan yahay oo looga tashanayo halka loo jiheyn doono Soomaaliya. Go’aanka kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa nuxur la’aan ka dhigaya shirka ay yeelanayaan saddexda madaxweyne, waxaana la filayaa iney galinka dambe ee maanta si wadajir ah usoo gaaraan magaalada Muqdisho. Shirkooda wuxuu noqon doonaa mid ku kooabn wadatashi, balse ma heystaan fursad ay ku gaaraan go’aamo u gaar ah oo ay ku gor-gortamaan. The post Wararkii ugu dambeeyay Shirka Baydhaba & Qoor-qoor oo ku biiray first appeared on Caasimada Online.
-
Xaflad lagu furayay xafiiska Soomaliland ee Taiwan oo maanta ka dhacday Taipei Waxaa magaalada madaxda Taiwan ka dhacday xaflad xarigga looga jarayay oo lagu furayay xafiiska wakiilka Jahuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Soomaaliland. Wasiirka arrimaha dibadda ee Taiwan Joseph Wu ayaa ka qeyb galay xafladdii lagu furayay xafiiskaasi soomaaliland ay ku yeelan doonto magaalada Taipei. Mr Wu oo khudbad ka jeediyay halkaasi ayaa yiri “Taiwan waa gurigiinii labaad!” “Anaga iyo kuwa aan isku fikirka nahay waxaan hormarinaynaa nabadgalyada, barwaaqada iyo anaga oo ilaalinaynaa hab noolaleedkeena dimuqraadiyada,”ayuu intaa ku daray Mr Wu. Sida uu qoray bogga Taiwan news waxaa sidoo kale xaflada lagu furayay xafiiska Soomaaliland ee Taiwan goobjoog ka ahaa wakiilka Soomaliland u fadhin doona magaalada Taipei Mohamed Omer Hagi. Waxaa goobtii ay ka dhacaysay xafladda lagu furayay xafiiska Soomaaliland sidoo kale laga siidaayay muuqaalka khudbad uu jeedinayay madaxwaynaha Soomaliland Muuse Biixi Cabdi. “Maanta waxan aad ugu faraxsanahay aana soo dhaweynayaa aan u hambalyaynayaa dowladda Taiwan in ay si rasmi ah u aqbasho inay furto xafiiska,”ayuu yiri Mr Biixi. Waxaa uu khubadiisa ku sheegay in labada dhinac ay dimuqraadiyada iska kaashan doonaa, ayna wadaagi doonaan arrimaha dhaqaalaha, ganacsiga iyo iskaashiga hormarka labada dhinac. Madaxwayne Biixi ayaa waxau sidoo kale khudbadiisa ku sheegay in xiriirka laba geesoodka ah ee u dhaxeeya labada dhinac uu yahay mid ku saleysan mabaadi’da ay wadaagaan ee ku qotoma xorriyadda iyo dimuqraadiyadda. 17 bishii Augst ayaa waxay xukuumadda Taiwan xafiis wakiileed ka furatay magaalada Hargeysa ee xarunta Soomaaliland Qaran News
-
Turkey's lira weakened to a record low beyond 7.49 against the dollar on Wednesday under the impact of rising risk aversion, which raised selling pressures globally. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Somaliland Xasan Maxamed Cali (Xasan Gaafaadhi), ahna Afhayeenka xisbiga KULMIYE, ayaa ka jawaabay hadalkii ka soo yeedhay Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi, ee uu ku dhaliilay shirweynaha Xisbiga Kulmiye iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Xasan Gaafaadhi oo warbaahinta u warramayey, ayaa sheegay in aanay jirin meel heahiis lagu warewjinayo guddoomiyenimada Kulmiye aanay jirin, isaga oo ka dhawaajiyey in Maxamuud Xaashi yahay Hayaannka sii socda Kulmiye, waxaanu yidhi “Maxamuud xubin golaha dhexe ka baxdey ayuu booskiisi buuxiyey Marxuum Axmed Aadan Cali Goodir AHU madaxweynaha ayaa amrey in Maxamuud lagu buuxiyo booskas rag badanbaana joogey isma lihi abaalka Madaxweynuhu u galey mid ka weyn” Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Sanbaloolshe waa summadda fadhiidnimada siyaasadda Muqdisho
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho ( Faallo ) — Hadalladii Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolsjhe) ka jeediyay xaflad lagu soo dhoweynayay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland waxay mar kale abuureen su’aalo ku saabsan siyaasiyiinta Muqdisho iyo sida ay ula jaanqaadi karaan isbeddellada dalka ka dhaca. Sanbaloolshe oo Xildhibaan xigtay ayaa ku dooday in Maxamed Abshir Muuse iyo Cabdirisaaq Xaahi Xuseen ay Muqdisho u yimaadeen inay Cali Mahdi iyo Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid isku diraan. Cali Mahdi iyo Jeneraal Caydiid waxay ku loollameen awoodda siyaasadeed uu ururkiii USC abuuray. Sanbaloolshe markuu ahaa taliyaha Nabadsugidda Soomaaliya Maxamed Abshir Muuse wuxuu ahaa wasiir ka tirsanaa dowladdii ku meel gaar ah iyo Ra’iisal Wasaare ku xigeen. Intuu ku jiray siyaasadda Soomaaliya kaddib 1990kii wuxuu caan ku ahaa tanaasul u keenay in lagaga guuleystay tartankii madaxweynenimada markii Puntland la sameeyay 1998kii. Cabdirisaaq Xaaji Xuseen wuxuu had iyo jeer u taagnaa nabadaynta Soomaaliya. Sanadkii 2007dii wuxuu ka soo hor jeestay farogelintii Itoobiya ku taageeraysay dowladdii ku meelgaarka ahayd. Wuu garanayay in Itoobiya aysan Soomaaliya wax ku biirin karin waayo iyadaaba ah dal sharcigu uusan sarraynin ka sokow sida Soomaalidu u arki karto dowlad ku tiirsan ciidan Itoobiyaan ah. Hadallada mel-ka-dhaca ah uu Sanbaloolshe goobta ka sheegay waxay mar kale muujinayaan in go’aankii dowladda Biritayn ugu diidday inuu Danjire Soomaaliyeed London ka noqdo ahaa mid sax ah. Sanbaloolshe waa diblomaasigii ugu horreeyay oo warqado u gudbiyay Boqoradda Biritay, Elizabeth II, kaddibna dowladda Biritayn kala noqotay aqoonsigii safiirnimo. Waa dhaawac diblomaasiyadeed oo Soomaaliya soo gaaray. Sanbaloolshe oo warqadaha danjirenimo u gudbinaya Boqorad Elizabeth 2013kii Muqdisho waa caasimadda Soomaaliya. Weli waxaa dul saaran saamayntii dagaalladii sokeeye keeneen. Waa caasimad Sanbaloolshe u arko in ay tahay hanti beeleed ka sokow boobka iyo barokicinta lagu xalaalaystay hanti Soomaaliyeed. Gef wuu dhacaa hase ahaatee doodda Sanbaloolshe waa mid lid ku ah xaqa qofka Soomaaliyeed u leeyahay inuu dalkiisa si nabadgelyo ah ugu noolaado meel kasta oo ka mid ah dalkiisa. Hadda ka hor Sanbaloolshe wuxuu sheegay inuu ka shidaalqaato Faysal Cali Waraabe dhanka wax uu ku tilmaamay “hadalka cad”. Wuxuu kaloo sheegay in marxuum Maxamed Qanyare uu kula dardaarmay inuu noqdo nin hadalka cad sheega. Maxamed Qanyare wuxuu ahaa qabqable dhowr milyan oo doollar ka soo qaatay Maraykanka oo wax ka dhisay ururkii La Dagaallanka Argaggixisada ujeeddadiisu ahayd inay awooddii qabqableyaashu isu rogto awood dal shiisheeye kala shaqeeya mashruuca Dagaalka ka dhanka ah Argaggixinta (War on terror). Ururukii maxkamadaha Islaamka ayaa cagta mariyay isbahaysigii Qanyare kabiirka u ahaa. Sanbaloolshe in madal siyaasiyiin Soomaaliyeed iskugu yimaadeen lagu martiqaado waxay summad u tahay fadhiidnimada barnaamijyada siyaasadeed ee siyaasiyiinta hadda Muqdisho lahaanshaheeda sheegta. PP© Xasan Mire Daahir (Xasaneey) The post Sanbaloolshe waa summadda fadhiidnimada siyaasadda Muqdisho appeared first on Puntland Post. -
Source
-
Tigrayans are voting today in a historic first autonomous regional election. The poll will offer voters the choice of five alternatives to represent them at the State Council. The failure of the federal government to conduct the national election on schedule due to the COVID-19 pandemic aggravated an already polarized political scene. Even more damaging was that regional elections were included in the federal postponement without regional governments’ consent. The federal government had no constitutional basis to extend the general election nor has the power to prevent regional governments from conducting their own elections. Tigray’s election shows not just the possibility of holding polls during the pandemic, but also the possible emergence of political pluralism. In rejecting this decision, Tigray regional state and its ruling party, the Tigray People’s Liberation Front, decided to proceed with regional elections on schedule, despite warnings from Addis Ababa. Several fundamental issues led to the current confrontation: lack of trust in the new leadership, Abiy’s leadership, lack of clear transitional framework, ideological disputes, and the unifying of the ruling coalition into a single party. However, alienation from political power, exclusion of the TPLF from major decisions and the issue of postponing the national elections exacerbated the confrontation between Prosperity Party and TPLF. In Tigray, this discontent, confrontation, exclusion and sabotage were a signal for many Tigrayans to look inwards and focus on Tigray’s own national interests. The local election is seen by some as more than choosing parties to form a government. Rather, it is tied with the sacrifices paid for the principle of self-determination in the 17 years armed struggle against the Derg regime. The TPLF is also showing some modest commitment to transform the political landscape in Tigray, while opposition parties are playing complementary roles. This has been manifested in mutual consensus, in which any attempt to sabotage or undermine the election and acts threatening Tigray are agreed to be unconstitutional and unjustifiable. The election is a first for Tigray in terms of substance and process. As a process, the willingness of the Tigray government to negotiate with opposition parties on issues such as ratifying new electoral systems or procedures and a new code of ethics are very promising. Equally, the outcomes of this bargaining process have been encouraging. Sources have described the way the election commission is chosen, the introduction of a mixed electoral system, and the fair division of financial and media resources among parties are groundbreaking. In the upcoming election, opposition parties are expected to secure maybe a tenth of the 152 seats in the regional council, so the election has the potential to lead to a competitive multiparty system in the next election. This progress in democratization in Tigray is remarkable considering the region’s poor democratic record, including deeply flawed elections, and single-party politics. In addition to expanding political space, there are also commendable efforts towards building democratic institutions. Four opposition parties and the ruling TPLF are registered to participate. All parties have been campaigning, and are trying to reach voters through radio, television, social media, and print advertisements—a commendable effort considering most of parties were only recently organized. Voters have several policy options to choose from, ranging from the TPLF’s long-established model of economic development, to National Congress of Great Tigray, or Baytona’s modified developmental model to Salsay Weyane’s and Adepa’s social democracy. Baytona wants to implement the TPLF’s developmental state imbued with Baytoawi community-based, grass-roots democracy. Baytona Party leaders do not fundamentally differ from TPLF’s economic policy, but rather on its implementation. They vehemently criticize the implementation of the current development model in Tigray, including a top-down approach and democratic centralism, which they claim provides no room for autonomous decisions by lower administrators, nor public participation in policy formation. Salsay Weyane says Tigray’s lag in development and abject poverty can be attributed not only to TPLF’s poor leadership and bad governance, but to a lack of sound, contextually sensitive policies and strategies as well. They contend TPLF’s universalist ideological orientation lacks policies specifically designed to transform Tigray. Efforts to eradicate poverty, ensure fair distribution of resources, and achieve social justice are therefore still inadequate and far below popular expectations. Salsay Weyane and the respective opposition parties agree that Tigray is rich in potential, and boasts tourist sites, abundant natural resources, arable land, mineral deposits, and a strong labor force. All that remains is a formalization of policies that will better utilize these means of production and uplift Tigray through social democracy. Asimba Democratic Party, or Adepa, also argues suffering in Tigray is due to lack of contextually sensitive policies and strategies, as well as a lack of good governance. It further contends TPLF-linked enterprises such as EFFORT’s stifle private sector development and plans to privatize its companies and state-owned enterprises. Tigray Independence Party, or NATSNET, contends Ethiopia’s long-established historical cleavages and contradictions are irreconcilable. For them, Ethiopia is an empire-state created through the conquest and subjugation of distinct Ethiopian communities and assimilationist policies, and that Ethiopia itself is the main barrier to the realization of the Tigray cause. They argue Tigray can no longer achieve its developmental endeavors within Ethiopia and refute the long-held TPLF view that it can. Five alternatives Tigray People Liberation Front Salsay Weyane Tigray Baytona Tigray Independence Party Asimba Democratic Party Goals and Positions • Protect existing federal system. • Ethiopia’s problem are leadership and administration • Developmental state • Prosperous Ethiopia with Tigray in it • New federal contract • Ethiopia’s problems are structural • Prosperous Tigray within Ethiopia. • Bases claims on rich history and indigenous knowledge. • Ethiopia’s problems are structural and irreconcilable • Bayto System • Independent Tigray nation state • Bases claims on rich history and civilization. • Ethiopia’s problems are structural and irreconcilable. • Ethiopia cannot serve Tigray’s interests. • Ensure security of Erob community. • Ethiopia’s problems are leadership and administration • Inclusive development. Ideology • Revolutionary democracy • Social democracy • Developmental State • Nationalism • Social Democracy Political leanings • Pragmatist • Nationalist party • Nationalist party • Bold nationalist party • Universalist Political Solution • Democratic unity • Loose federation • Confederation • Independence • Democracy Social base • Broad based, mainly low-income • Academia but can expand • Across Tigray • Academia and youth • Erob. Unlike TPLF, Salsay Weyane and Baytona see the problems as deep-rooted structural ones that are not easily solved.TPLF believes Ethiopia is walking away from rapid economic development, becoming a hegemonic regional power, and allowing greater regional autonomy, and heading deeper into a political crisis that threatens state collapse. However, they reduce this crisis to leadership and governance problems, and as a condition that can be reversed in favor of Ethiopian nations, nationalities and peoples through ensuring unity in diversity. However, the ability to renegotiate the constitution remains open. Salsay Weyane seeks a new contract on constitution and the federal structure. This would grant regional states more powers through devolution and grant minorities a veto power guaranteeing safety from majoritarian tyranny in the federal houses in what they call “New Deal, New Chapter”. Alternatively, Baytona wants a confederal arrangement, far beyond a loose federation. Unlike TPLF, Salsay Weyane, Baytona, and Adepa, TIP all explain Ethiopia’s problem as long-established and that the historical cleavages and contradictions are irreconcilable. While TIP wants secession, TPLF, Salsay Weyane, and Baytona claim Tigray does not fulfil the structural preconditions that are essential for statehood. Regarding TPLF, their prognosis of leadership and governance problems runs up against their nearly 30-years of leadership at the federal level. How and why has Tigray suffered from such hunger and poverty despite being rich in natural resources such as precious metals and minerals? Why is Tigray threatened from the center after decades of fighting for survival and self-determination? For Baytona and Salsay Weyane, the question is that by becoming a nationalist and regionalist party and continuing as a member of the Ethiopian federation, how can the dream of a more prosperous and greater Tigray be realized without holding power at the federal level? For Baytona, how feasible is the idea of forming a confederation, given the centralist tendencies of the federal government? Regarding TIP, do studies demonstrate that Tigray fulfils the requirements for statehood? Would an independent Tigray be able to sufficiently feed millions of Tigrayans? Are calls for mobilization and secession motivated by existential threat, or nationalist emotion? These questions demonstrate the depth of Ethiopia’s political problems. Existing tensions and confrontations between and within regional governments are reflections of structural contradictions embedded in the imperial expansion, failed state formation, and failed nation-building processes that Ethiopia has experienced. A successful election in Tigray will demonstrate the possibility of conducting a general election in Ethiopia, despite the pandemic. Given the widespread protests and growing unrest in various parts of the country, Tigray could be seen as a beacon of autonomy for other regions, and could cause others to consider conducting their own self-facilitated elections. This could also create pressure on the federal government to re-think negotiations and ultimately ease the tense political situation in the country. Source: Ethiopia Insight The post Can Tigray’s election serve as a beacon of Ethiopian democracy? appeared first on Puntland Post.
-
The strategically located, self-declared African nation of Somaliland touted potential oil, gas and tourism resources for investment as it opened a de facto embassy in Taiwan on Wednesday, a relationship that has angered China and Somalia. Taiwan signed the agreement on establishing representative offices with Somaliland in February, but did not made it public until July. Situated on the Horn of Africa, Somaliland borders Djibouti, where China maintains its first ever overseas military base. Both China, which claims Taiwan as its own, and Somalia have expressed their opposition to Taiwan and Somaliland’s forging of ties. Somaliland declared independence in 1991 but is recognised internationally only as an autonomous region of Somalia. Somaliland’s chief representative in Taiwan Mohamed Omar Hagi Mohamoud said at the opening of the office in Taipei that they were an independent state establishing ties with Taiwan based on the common values of freedom and democracy. Somaliland wants investment in areas like mining, oil exploration, fishing and eco-tourism for its “beautiful beaches”, Mohamoud said. “In the mining sector Somaliland has huge potential for foreign investment, including hydrocarbon deposits, oil and gas, as well as coal,” he added. Taiwan Foreign Minister Joseph Wu said they look forward to “exploring common interests and mutual benefits in areas such as fishery, energy, agriculture and others.” “We both face external pressures. But both are proud of our sovereignty and ready to defend it,” Wu added. Taiwan has formal diplomatic ties with just 15 countries because of pressure from China, which says the island has no right to claim to be a country. In Africa, only tiny eSwatini maintains full relations with Taiwan. Mohamoud told Reuters that loans or money offers from Taiwan were not part of the deal to open the offices, and dismissed criticism from China. “Other countries cannot dictate to Somaliland what Somaliland wants to do and who Somaliland makes relations with. Yes of course we want to make relations with China, but that doesn’t mean they can dictate to us.” (Reporting by Ben Blanchard) Source Reuters Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa maanta xeer ilaaliye gaar ah u magacaabay tacadiyada loo geysto wariyeyaasha Soomaaliyeed, si cadaaladda la hor keeno dadka ku lugta leh dambiyada ka dhanka ah dhammaan wariyeyaasha Soomaaliyeed. Qoraal ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha ayaa waxaa lagu sheegay inay muhiim tahay in gacanta lagu soo dhigo kuwii abaabulay, qorsheeyay iyo kuwii fuliyay dilalka & Waxyeeleynta ka dhanka ah Suxufiyiinta. Sidoo kale waxaa qoraalkan lagu sheegay in dowladda ay kordhineyso dadaaladda lagula xisaabtamayo shaqsiyaadka ku eedeysan tacadiyada ka dhanka ah Wariyeyaasha Soomaaliyeed, inkastoo warqadan aan lagu xusin magaca xeer ilaaliyaha la magacaabay. Horey wariyeyaashu uma laheyn xeer ilaaliye u gaar ah oo dabagal ku sameeya dhibaatada loo geysto bahda saxaafadda Soomaaliyeed. Soomaaliya ayaa waxaa lagu tirayaa dalalka sida weyn loogu beegsado suxufiyiinta oo wajahaya, dil, dhaawac iyo hanjabaad intaba. The post Xeer ilaaliye gaar ah oo loo magacaabay tacadiyada loo geysto suxufiyiinta first appeared on Caasimada Online.
