-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa maanta dhigay dibad-bax looga soo horjeedo dilkii iyo kufsigii loo geystay, marxuumad Xamdi Maxamed Faarax. Dibad-baxayaasha oo u badnaa dhalinyaro iyo haween ayaa isugu tegay afaafka hore dhismaha dabaqii lagu kufsaday, laguna dilay marxuumadda, iyagoo dab qabad-siiyey. Sidoo kale qaar ka mid ah dibad-baxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay dalbanayaan cadaalad, si maxkamad loo soo taago raggii ka dambeeyay falkaasi. Allaha u naxariistee marxuumad Xamdi Maxamed Faarax oo 19 jir aheyd ayaa sanadkan ka qalin-jabisay mid ka mid ah dugsiyada sare ee gobolka Banaadir. View the full article
-
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey furitaanka Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada oo maanta si rasmi ah uga furmay Xarunta Madaxtooyada Qaranka. Kusimaha Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdirashiid Maxamed Xaashi oo furitaanka shirka kaddib la hadlay Warbaahinta ayaa tilmaamay dadaalka madaxdu ay ku bixinayaan sidii loo sii amba-qaadi lahaa dhammeystirka Heshiiska Doorashooyinka dalka si ay wakhtigeeda ugu qabsoonto. “Madaxtooyada Qaranka waxa ay soo dhaweynaysaa sida Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ay ugu dadaaleen ka soo qeybgalka shirka , iyadoo haatan loo dhan yahay ka miradhalinta shirkan oo muhiim u ah hirgelinta doorashada dalka.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa furitaanka shirka ka hor waxa uu kulamo hordhac ah la qaatay Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaaadir, kuwaas oo ku saabsanaa sidii shacabka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen xuquuqdooda dastuuriga ah ee ku aaddan in ay doortaan masuuliyiinta ay ku aaminayaan talada dalka. Furitaanka shirka waxaa ka qeyb galay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Faah faahino kala duwan ayaa waxaa laga helayaa iska hor imaad barqanimadii maanta ka dhacay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo u dhexeeyey ciidamo ka wada-tirsan kuwa daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ka dhacay suuqa Muuri oo ku yaalla agagaarka aargada degmadaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray is-rasaaseynta ay timid, kadib markii askartaasi oo dhowaan la geeyey Wanlaweyn ay isku qabteen lacago canshuur ah. Ugu yaraan saddex askari ayaa dagaalka ku dhimatay, iyadoona ay ku dhaawacantay haweeney ka mid ah dadka, sida ay innoo xaqiijiyeen goobjoogayaal. Xaaladda ayaa haatan kacsan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. Inta badan isku dhacyada ciidamada dhex-dooda ayaa ku soo laa-laabta gudaha dalka, waxaana khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaraa dadka rayidka ah. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Warka-Duhur-1392020.mp3 View the full article
-
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, ayaa dib u casriyayn ku sameeyay Xaashidda Dhaqtarka ee Dhaawac Muujinta, taaso xoojinaysa Danbi-oogista, Danbi baarista iyo Cilmiga forensikada ee dhibanayaasha Xad-gudubyadda ku saabsan Jinsiga. Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr .Sulaymaan Maxamed Maxamuud, oo Daafuray Waraaqda Qiimaynta Caafimaadka oo ay ka qayb-qaleen Xubno ka socday Xeer-ilaaliyasha Dowlad Goboleedyada Soomaaliya, ayaa sheegay waraaqdan lo diyaarsiyay qaab casri ah oo la jaan-qaadaysa Heerarka Caalamiga ah. “ Xaashidan dhaawac Muujinta ma ahan mid isticmaalkeedu uu ku cusub-yahay Dalkeena Soomaaliya, waa qayb ka mid ah hanaanka cadaaladda, horay ayayna u jiri-jirtay lkn markan aragnay caqabadeeheeda waxaan go,aansanay in aan casriyeeyno kana dhigno mid heer caalami ah. Waraaqdan waxaa laga isticmaali-doona Dalka oo dhan, waraaq kastana waxay leedahay tixraac u gooni ah. Waxaan rajaynayaa inay wax badan ka badali-doonto hanaanka Cadaaladda marka ay hirgasho”. ayuu yiri Xeer-ilaaliyaha Xeer-ilaaliye Dr. Sulaymaan, ayaa sheegay in u jeedka loo casriyeyay Xaashida dhaawac-muujinta, ay tahay in la waafajiyo Hannaanka Cariga ah ee Shaybaarka Cilmiyaysan ee lagu baaro Xad-gudubyada ku saabsan Jinsiga (Forensic Lab). Sidoo kale, wuxuu sheegay in Xaashidan ay tahay mid hormarsan oo wadata tixraac lambar, islamarkaana loo isticmaali karo si fudud oo cid kasta fahmi karto dhammaan Qodobada ku qoran. Xeer-ilaaliyaha Qaranka, ayaa sidoo kale xusay in Xaashida dhaawac-muujinta ee casriyaysan lagu baahin doono dhammaan Gobollada Waddanka, oo si isku mid ah looga isticmaali doono, balse aysan ku koobnaan doonin Gobolka Banaadir oo keliya. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo casriyaysay xaashidda Dhaawac Muujinta appeared first on Puntland Post.
-
Mudisho (Caasimada Online) – Boqolaal dadweyne ah oo ka careysnaa falkii arxan darrada ah ee lagula kacay marxuumad Xamdi Maxamed Faarax ayaa maanta dibad-bax ka dhigay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan Waabari. Dadkan oo u badnaa dhalinyaro iyo haween ayaa isugu tegay afaafka hore dhismaha dabaqii lagu kufsaday, laguna dilay marxuumadda, iyaga oo dab qabad-siiyey. Sidoo kale qaar ka mid ah dibad-baxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay dalbanayaan cadaalad, si maxkamad loo soo taago raggii ka dambeeyay falkaasi. Sidoo kale waxay ku baaqeen in si deg-deg ah ay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan laamaha amniga ay jawaab uga bixiyaan dhacdadaasi argagaxa badan reebtay. Allaha u naxariisee marxuumad Xamdi Maxamed Faarax oo 19 jir aheyd ayaa sanadkan ka qalin-jabisay mid ka mid ah dugsiyada sare ee gobolka Banaadir. Dilkeeda oo ay fuliyeen rag ma-naxayaal ah ayaa Jimcihii la soo dhaafay ka dhacay degmada Waabari ee G/Banaadir, iyaga oo kufsi u geystay, kadibna ka soo tuuray dhisme dabaq ah. The post Dad carreysan oo gubay dabaqii lagu kufsaday, laguna dilay Xamdi Maxamed Faarax first appeared on Caasimada Online.
-
Shirka Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada Dalka, oo uu weheliyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ayaa haatan ka furmay Xarunta Madaxtooyada Muqdisho ee Villa Somalia. Shirka waxa ka qayb-gelaya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Puntland, Jubaland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Madaxda ayaa Shirkaas uga arrinsanaya, Arrimaha Doorashada soo socota, gaar ahaanna Turxaan-bixinta iyo dhammaystirka Heshiiskii Dhuusamareeb 3 ee lagu go’aamiyay Hannaanka Doorashada Dalka, kaas oo ay ka maqnaayeen Puntland iyo Jubaland. Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland Siciid Deni iyo Axmed Madoobe, ayaa doonaya in meesha laga saaro Qodoba kamid ah Heshiiskii Dhuusamareeb 3, halka Madaxweyne Farmaajo iyo Dowlad Goboleedyada taageersan aysan rabin in wax laga beddelo. PUNTLAND POST The post Shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka oo Muqdisho ka furmay appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa goor dhow si rasmi ah u furmay shirka wada-tashiga madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada oo looga arrinsayo xaaladda siyaasadeed ee dalka. Shirka oo ka dhacaya xarunta madaxtooyada ayaa waxaa si rasmi ah u daah-furay Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana sidoo kale ka qeyb galaya dhammaan shanta Madaxweyne dowlad goboleed ee dalka iyo guddoomiyaha maamulka G/Banaadir. Wararka ayaa sheegaya in shirka uu yahay mid ay Albaabada u xiran yihiin, islamarkaana ay dibad joog ka tahay warbaahinta. Intiisa badan waxaa diirada lagu saarayaa marxaladda kala guurka ah ee uu haatan ku jiro dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020/21. Gabagabada ayaa sidoo kale la filayaa in laga soo saaro warmurtiyeed ku aadan waxyaabaha ay ka wada-hadleen madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
A Chinese pharmaceutical company has injected hundreds of thousands of people with experimental Covid-19 vaccines, as its Western counterparts warn against administering mass vaccinations before rigorous scientific studies are complete. China National Biotec Group Co., a subsidiary of state-owned Sinopharm , has given two experimental vaccine candidates to hundreds of thousands of people under an emergency-use condition approved by Beijing in July, the company said this week. Separately, Chinese drugmaker Sinovac Biotech Ltd. said it has inoculated around 3,000 of its employees and their family members, including the firm’s chief executive, with its experimental coronavirus vaccine. The three vaccine candidates are still undergoing Phase 3 clinical trials, which involve testing a vaccine’s safety and effectiveness on thousands of people. Six other leading Covid-19 vaccine candidates are also in this final phase, according to the World Health Organization. Regulators in individual countries usually determine whether to let the broader public use a vaccine only after its testing is complete. The U.S., U.K. and Germany, where some of the leading candidates originate, haven’t yet approved any Covid-19 vaccine for use outside of clinical trials. Public-health experts say front-line medical workers should be given priority in any emergency use of unapproved vaccines. The Chinese government gave approval for members of the military to receive an experimental vaccine developed by CanSino Biologics Inc. in June, then authorized emergency use of other vaccine candidates for medical workers and border inspectors in July. Source WSJ Qaran News
-
Waxaa goordhow xarunta Villa Somalia ka furmay shirkii arrimaha doorashada ee dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedka. Shirka oo 3 jeer horay u baaqday ayaa la sheegayaa iney u dhan yihiin Farmaajo, madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir. Madaxweyneyaasha Puntland Saciid Deni iyo Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dood ka qaba natiijada Dhuusamareeb 3 iyaga oo doonaya in qodobo badan wa laga badalo sida kaalinta dowlad goboleedyada, ka qeybgalka xisbiyada siyaasadda iyo xataa iney ururka Xaliimo Yarey qabtaan doorashada. Madasha xisbiyada qaran iyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegtay iney ku adkeyneyso shirka in laga heshiiyo waqtiga doorashada inta aan laga hadlin nooca dooraso. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Sabtidii, goor habeennimo ah ayey shacabka Soomaaliyeed mar qura arkeen fariimo lagu daabacay baraha bulshada ee ra’isul wasaarihii la ceyriyey Xasan Cali Kheyre isaga oo ku dhawaaqay inuu 2020/2021 yahay murashax madaxweynnimo. Qormadan hoose kama hadleyso sababta uu la aamusnaa 49 maalin, ma qiimeyneyso guul iyo guul-darro muddadii uu ra’isul wasaaraha ahaa, ee waa soo bandhigidda buuggii uu u qeybiyey golaha shacabka, isla markaana uu balanqaaday inuu fulin-doonno. Barnaamijkan hoose oo aanu helnay nuqul ka mid ah qoraalkiisa, waxaan horay u daabacnay March 29, 2017, waxaa ku qornaa in wax looga qabanayo arrimo badan oo ay ku jiraan; gurmadka abaaraha, sugidda amniga, cadaaladda, kobcinta dhaqaalaha, la dagaalanka Musuqa, qof iyo cod 2020-ka, Dowlad wanaag, Adeegga bulshada, dib-u-heeshiinta iyo xiriirka caalamiga. Ra’isul Wasaare Kheyre waxa uu xilligaas ballan-qaaday in xukuumadiisa ay soo afjari doonto amni darrida, faqriga, musuq-maasuqa, colaadaha iyo arrimo kale oo ay muhiim tahay in muwaadinka ogaado, si loogula xisaabtamo. Hadaba Halkan Ka Akhriso, Barnaamijkii iyo Ballanqaadkii Xukuumadda Kharye oo Qiimee. Gurmadka Abaaraha: Abaaraha markii uu ka hadlayey waxaa uu sheegay in ay soo gaartay lacag dhan 2-milyan oo Dollar, lacagtaas oo ay bixiyeen shacabka, ganacsatada iyo qurbojoogta Soomaaliyeed, 20 Milyan Dollar oo kale ayuu sheegay in deeq ahaan u heleen, lacagahaas waxaa dheer lacagihii ay ballan-qaadeen beesha caalamka. Ra’isul Wasaare Xasan Kheyre waxaa uu u mahadceliyay madaxdii uu ugu horreeyay xogheyaha guud ee qaramada midoobey ee soo booqatay Muqdisho, wadamada carabta iyo caalamka oo isku howlay wax ka qabashada abaaraha dalka ka jira, isaga oo ballan-qaaday in kulanka Khamiista ee xukuumadda looga hadli doono arrimaha abaaraha, isla markaana ay xoojin doonaan wax ka qabashada arrimaha abaaraha ee dalka. Barnaamijka xukuumadiisa waxaa ka mid ah: Badbaadinta dadka iyo duunyada iyo yareynta saameynta musiibooyinka abaaraha ee dalka kusoo noqnoqday. Xasilloonida Guud Ee Dalka: Sugidda amniga waxaa uu sheegay in ay tahay waajib lagula xisaabtami doono xukuumadiisa, isaga oo intaa raaciyay in uu xoojin doono hey’adaha amniga iyo dhismaha ciidan hanan kara kalsoonida shacabka. Ra’isul wasaare Kheyre waxaa uu ballan-qaaday in uu soo afjari doono falalka argagaxa leh iyo amni darrada iyo in uu xakameyn doono ilaha dhaqaalaha argigixisada. Himillada xukuumadisia waxaa uu sheegayin ay tahay“Hanashada nabad waarta dalka oo idil, bad iyo barri, miyi iyo magaalo, taasi oo ka reeban cabsi iyo dulmi, sugtana xuquuqda iyo xoriyadda muwaadinka daraf kasta oo dalka ah” Caasimadda Muqdisho: Ka hortagga argagaxa joogtada ah: Kheyre waxaa uu ballan-qaaday in uu bilaabayo ololaha nabdinta Xamar oo hal-hays uga dhigay “Aan Xasilino Xamar”, in uu ka hortagi doono argagaxa joogtada ah ee ka jira caasimadda, waxaa uu barnaamijiisa ku soo qoray“xasilooni guud ma gaari karno haddii aysan caasimadda xasilooneyn”, barnaamijka nabdinta ayuu sheegay in uu bar-bar socdo sugidda amniga oo lala kaashanayo khubaro iyo xeer-dheeyaal. Cadaaladda, Garsoorka Iyo Isla Xisaabtanka: Ra’isul wasaare Xasan Khayre waxaa uu ballan-qaaday in muwaadin walba uu heli doono xuquudiisa, lana dhowri doon shuruucda dalka, isaga oo soo qaatay in la joojin doono gabood falka iyo cadaalad darrida si loo gaaro xasilooni iyo hor-u-mar. Kheyre waxaa uu sheegayaa in cadaalad-darida ay cadaw ku tahay jiritaanka umadda, waxaa uu sidoo kale umadda u balan-qaaday in la soo afjarayo dulmiga iyo tacadiyada ay geystaan howl-wadeenada dowladda iyada oo aan loo aabayeeli doonin xil kasta oo ay ka gaareen dowladda. Dhaqaalaha Iyo Maalgeshiga: Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Kheyre waxaa uu baarlamaanka ka hor sheegay in xukuumaddiisa ay dabar-goyn doonto faqriga iyo saboolnimada, isla markaana uu dhiirigelin doono maalgeshiga shisheeye. Kheye waxaa uu qabaa in saboolnimada Soomaaliya ka jirta ay tahay mid la abuuray oo aaney dabiici aheyn, isaga oo ballan-qaaday in dadka ka dhisi doono aqoonta iyo xirfadaha si loola dagaalo musuqa. Ra’isu waasara waxaa uu leeyahay dadkeena 75% waa dhalinyaro, waana in laga faa’ideysti dhulkeena I hal milyan oo(hectares) waa dhul-beereed, dhererka badda waa 3 kun oo kuluun ka buuxo iyo xoolo ka badan 40 Milyan. Ciribtirka Musuqa: Mr. Kheyre xukuumaddiisa waxaa au ciribtiri doontaa musuqa, waxaa la dhisi doonaa guddiga la dagaallama musuqa, dhismaha dowlad wanaagga, si loo gaaro hor-u-mar iyo nabad waxaa ay sheegeen waxaa uu ra’isul wasaaraha aballan-qaaday cirib tirka musuqa iyo bixinta mushaaraadka. Kheyre waxaa uu leeyahay: “inta kalsoonida shacabka kororto ayuu dakhliga dowladduna kordhayaa, inta kalsoonida hoos u dhacdo wuu dhici”. Waxaa uu ballan-qaaday xoojinta hab-raaca iyo hab-maamulka kharashka dowladda si loo hubiyo in dhammaan kharashyada ay mareen xeer-nidaamii loogu talo-galay, laguna qabtay howshii loo qoondeeyay. Doorashada 2020: Ra’isul wasaare Xasan Kheyre waxaa uu ballan-qaaday in 2020-ka ka dhici doonto hannaan doorasho oo xor ah, waxaa uu xildhibaannada ku dhiirgeliyay in ay wax ka qabtaan arrimaha dastuurka, tirakoobka iyo afti u qaadistiisa, arrintaas oo hal-beeg u noqon doono doorashada 2020-ka. Mr. Kheyre caqabadaha uu soo qaatay in ay jiraan waxaa ka mid ah: amni darro ka jirta deegaannada qaar, dib-u-eegista dastuurka oo aan dhameystirneen, sharciyada iyo guddiyada khuseeya doorashada oo aan weli howlgelin, muqaamka caasimadda oo aan la go’aamin iyo dhaqaale la’aan. Iyada oo intaasi jiraan waxaa uu leeyahay waa laga gudbi karaa haddii la helo wada-shaqeyn u dhaxeysa xukuumadda, labada gole, dowlad goboleedyada iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada. Dowlad Wanaag: Ra’isul waaraha waxaa uu sheegay in himmilada xukuumadiisa ay tahay gaarista dowlad wanaag iyo daahfurnaan ku saleysan hufnaan, maamuus-wanaag, wadaniyad, hagar bixid, si loo helo dowlad shacabkeeda ka heybeysato, kuna kalsoon yahay. Kheyre waxaa uu soo jeediyay in xukuumadiisa ay xoogga saari doonto ka faa’ideysiga aqoon-yahannada iyo xirfadleyda ku sugan gudaha iyo dibadda. Xukuumadda waxaa uu sheegay in ay howl-gelin doonto xeel-dheerayaal ka talo bixiya hannaanka dowlad-wanaagga, kasbashada kalsoonida shacabka iyo ka hortagga dhaqamada dowlad-xumida keena. Federaalka: Ra’isul wasaare Xasan Kheyre waxaa uu ka hadlay arrimaha federaalka iyo dimoraadiyadda iyo in 4 sano kadib la gaari doono qof iyo cod. Adeegga Bulshada: Ra’isul wasaaraha waxaa uu shacabka u ballan-qaaday in ay heli doonaan adeeg waxbarasho, mid caafimaad iyo dhammaan kaabayayaasha dhaqaale iyo in uu gacan siin doono haweenka iyo dhalinyarada. Dib-u-heshiisiinta: Ra’isul Wasaare Xasan Kheyre waxaa uu sheegay in uu soo afjari doono colaadaha iyo ismaan dhaafka, isla markaana uu xoojin doono kalsoonida iyi is aaminka dadka dhexdiisa ah. Dhanka Somaliland waxaa uu sheegay in ay ka go’an tahay midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed balse uu tixgelin siin doono tabashada dadka reer Somaliland. Xiriirka Caalamiga: Horumarinta siyaasad cusub ee xiriirka caalamka, gaar ahaan kuwa aan dariska nahay, Carabta, caalamka Islaamka iyo wadamada xiriirka la leh Soomaaliya. Xoojinta doorka Soomaaliya ee IGAD, in la bilaabo bixinta khidmadda lacageed ee ku baaqatay Soomaaliya mudada dheer ee dhanka ururada xubinta Soomaaliya ka tahay. Tayeynta iyo dib-u-habeynta nidaamka iyo shaqaalada arrimaha dibadda, si loo horumariyo danta dalka iyo dadka. Ugu Dambeyntii, waxaa uu ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Kheyre ku booriyay baarlamaanka iyo shacabka Soomaaliyeed in ay bilaabaan la xisaabtanka xukuumadda maalinta la dhaariyo. W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye, Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Silvia Romano oo dhalasho ahaan ka soo jeeda wadanka Talyaaniga ayaa loo magacaabay danjiraha qaaradda Yurub ee la dagaalanka Islaam naceybka, sida ay maanta shaacisay Jariirada afka dheer ee La Repubblica. Haweeneydan oo ay horey Al-Shabaab uga soo afduubteen gudaha dalka Kenya, islamarkaana muddo ku heystay Soomaaliya ayaa qaadatay Diinta Islaamka waxaana ay la baxday magaca Caa’asho, iyadoo marka la sii daayey dib ugu noqotay dalkeeda. Silvia Romano ayaa haatan wixii ka dambeeya ka qeyb-qaadan doonto mashruuc uu ururka Midowga Yurub kula dagaalamayo Islaam-naceybka. Sidoo kale waxa ay la shaqeyn doontaa ururada Fondazione L’Albero della Vita, Le réseau iyo Progetto oo iyana u xil-saaran arrimahaasi. Mashruucaan oo ah mid ballaaran ayaa waxaa lagu magacaabaa YES, iyadoo lagu taageerayo dadka la kulma dhibaatooyinka faquuqa ku saleysan ee caalamka. Silvia Romano ayaa ololaheeda ka bilaabi doonto gudaha magaalada ay ku nooshahay ee Milan ee dalka Talyaaniga, waxayna gaarsiin doontaa dhammaan wadamada kale ee Qaarada Yurub. The post Haweeney ay horey u afduubteen Al-Shabaab oo xil sare looga magacaabay Yurub first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goor dhow magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furmay shirka wada-tashiga madaxda dowladda dhexe, kuwa kale ee dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaas oo looga hadlayo xaaladda dalka. Shirka ayaa waxaa daah-furay Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) waxaana goob oog ah dhammaan shanta Madaxweyne goboleed ee dalka, sida Puntland, Jubbaland, Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho. Sidoo kale shirka ayaa ah mid uu albaada u xiranyahay, wuxuuna haatan ka socda xafiiska Madaxweynaha, mana ahan shir u furan oo dhinacyo kale ee ku wehlinayaan Madaxweynaha iyo madaxda kale ee dowlad goboleedyada ka jira gudaha dalka. Intiisa badan waxaa diirada lagu saarayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka siiba arrimaha doorashooyinka ee 2020 illaa 2021-ka, si xal mideysan looga gaaro. Shirka ayaa sidoo kale ku furmay si ka duwan shirarkii hore, mana noqon mid ay goob joog tahay warbaahinta, si ay tabiyaan khudbadaha au jeedinayaan madaxda. Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse rajada ayaa ah in xal mideysan laga gaaro arrimaha doorashooyinka soo socda ee 2020/2021 oo haatan uu muran ka taagan yahay. The post Shirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada oo si rasmi ah u furmay + Sawirro first appeared on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)-Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland S/G Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagalle) ayaa been-abuur ku tilmaamay warar lagu sheegay in ciidanka booliisku gacanta ku dhigeen rag laga shakiyey iyo hub, isla markaana digniin u jeediyey dadka caadaystay faafintooda. War lagu sheegay inuu ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliiska Somaliland, oo si weyn baraha bulshada sida Facebook u dhexmarayey maanta , una dhignaa “Ciidamadda ammaanka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa 48 saacadood ee la soo dhaafay qabtay 13 qof oo looga shakisanyahay inay maleegayeen weeraro argagixiso oo xidhiidh ah oo lala beegsanaayay magaalooyinka Hargeysa iyo Burco. Booliiska ayaa sidoo kale qabtay hub iyo walxaha qarxa, ciidamadda amaanku waxay sidoo kale ku daba jiraan xubno kale oo loo tuhmayo in falkani ay lug ku lahaayeen.” ayuu gebi ahaanba Taliyaha Booliiska S/G Maxamed Adan Saqadhi ku tilmaamay kuwo been ah, mar weriye Maxamuud Walaaleye, oo Wargeysyadda Dawan ah khadka telefoonka wax kaga weydiiyeey jiritaankooda. Taliye Maxamed ayaa bulshada uga digay faafinta warar malo-awaal ah oo la xidhiidha Ciidanka “Bulshada Somaliland waxaan uga digayaa faafinta warar xaqiiqada ka fog oo la xidhiidha Ciidanka Booliiska, mana jiro tacsi Taliyaha Booliisku diray, isla markaana waxaanan u sheegayaa inaan dhowaan la wadaagi doono bogga rasmiga Ciidanka Booliiska JSL oo shirkada Facebook xaqiijisay.” ayuu yidhi taliye Daba-gale. Source
-
Shirka wadatashiga Ayaa maanta laguwadaa inuu Muqdisho ka furmo xili wali uu jiro kala aragti duwanaan ku aadan Doorashada., Masuuliyiinta ka qayb galaya Shirka dhamaantood [...] The post Shirka Muqdisho oo lagu wado inuu furmo maanta oo Axada appeared first on . Source
-
(SLT-Berber)-Dekedda Berbera waxa soo gaadhay Taaggii Labaad ee ay yeelato iyo Doonyo casri ah. Munaasibad loo qabtay Taagga cusub ee dekedda Berbera waxa kasoo qayb galay maamulka gobolka Saaxil iyo kan degmada Berbera masuuliyiinta dekedda iyo xubno kamid ah ciidanka ilaalada xeebada Somaliland. Maareeyahaka Dekedda Berbera Siciid Xasan Cabdillaahi ayaa sheegay in muddo 2 sano gudahood ah ay ku keeneen Taaggii labaad ee ay yeelato dekedda Berbera, maareeyaha ayaa madaxweynaha JSL uga mahad celiyay inuu u hagar baxay in Hanti badan la galiyo dekedda isla markaana si casri ah loo qalabeeyo. Meeyarka Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan Ciddin ayaa maamulka dekedda Berbera ku amanay qalabka casriga ah ee ay keeneen waxaanu sheegay inuu ku faraxsan yahay shaqada ay ka qabteen dekedda. Axmed Maxamed Xaashi Guddoomiyaha gobolka Saaxil ayaa dhinaciisa soo dhaweeyay Taagga casriga ah iyo qalabka kale ee la keenay dekedda Berbera waxanu bogaadiyay maamulka iyo shaqaalaha dekedda. Source
-
(SLT-washington)-Ilhaan Cumar ayaa dhalleeceysay laanta Socdaalka iyo Kastamka Maraykanka sababa la xidhiidha suuragalnimada in masaafurin karaan muhaajiriinta si sharci-darro ku jooga Maraykanka oo dib loogu celiyo Soomaaliya. Xildhibaanada xisbiga dimuqraadiga ayaa sabab uga dhigtay cabsida coronavirus. “Laanta socdaalka ayaa lagu wadaa inay tobanaan shaqsiyaad ah ka masaafuriso degmadeeyda Soomaaliya, iyadoo qatar u ah faafitaankaCOVID,” ayay barteeda Twitter-ka ku qortay xildhibaanada dimuqraadiga Minnesota. Waxay sheegtay Falalka musaafurinta in aanay kaliya khatar ku ahayn shakhsiyaadkan, laakiin ay cawaaqib fog ku yeelan karto Soomaaliya. Maxaabiista nugul cawaaqibka ugu xun ee musaafurintoodu keeni karto waxay macno ahaan noqon kartaa nolol iyo geeri, sida ay Dimuqraadiyiintu ku sheegeen warqad ay u direen Waaxda Amniga Gudaha oo ku saabsan faafitaanka fayraska corona ee xarumaha dadka laguhayo ee ICE. Source
-
Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa maanta si rasmi ah uga furmi doono shirka wada-tashiga dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka. Shirka oo ah mid aad isha loogu wada-hayo ayaa waxaa saacadaha soo socda xarunta madaxtooyada Soomaaliya ka daah-furi doono Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo, iyadoona ay ka qeyb-galayaan shanta Madaxweyne goboleed ee dalka iyo guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir. Sidoo kale waxaa in ntiisa badan waxaa shirkan diirada lagu saari doonaa dhameystirka heshiiskii Dhuusamareeb 3 iyo arrimaha doorashooyinka , si xal mideysan loo gaaro. Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa muddooyinkii dambe aheyd mid cakiran, waxaana Muqdisho ka socday kulamo looga hadlayo marxaladda kala guurka ee haatan lagu jiro. View the full article
-
(SLT-London)-Tijaabada tallaalka Cudurka COVID 19 ee ay soo wada saareen shirkadda AstraZeneca iyo Jaamacadda Oxford ayaa dib loo bilaabi doonaa muddo yar uun ka dib markii la hakiyey sababtuna ahayd saamayn taban oo uu ku yeeshay qof bukaan ah oo lagu muday dalka Ingiriiska. Tallaadadii ayaa shirkadda AstraZeneca sheegtay in daraasaadkii lagu waday tallaalkaa la hakinayo inta la badbaadiyo ee la ogaanayo waxa keenay saamayn taban oo ba’an oo tallaalka la xidhiidhay. Hayeeshee Jaamacadda ayaa Sabtidii sheegtay inay ku qanacsantahay in tallaalku aanu halis lahayn ee la sii wado tijaabada. Wasiirka caafimaadka Ingiriiska, Matt Hancock, ayaa soo dhaweeyey warkaa ah in dib loo bilaabo tijaabada. “Hakintaasi waxay muujinaysaa in aanu had iyo goor ba badbaadada muhiimadda koobaad siino. Taageero buuxda ayaan u fidinaynaa saynisyahannada si ay sida ugu dhakhsaha badan u bilaabaan tijaabada oo loo helo tallaal bed qaba” ayuu yidhi. Warbixin ay soo saartay Jaamacaddu ayay ku sheegtay in ay ” filaysay in dadka ka qayb gelaya tijaabadan weyn qaarkood bukoon karayeen”. Source
