Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay hoggaanka madasha xisbiyada qaran, kulanka ayaa ka dhacay hoyga Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud. Kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay xaaladaha guud ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka iyo , waxaana ka qeyb galay madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo xubno kale oo ka tirsan Mucaaradka. Kulankaan ayaa waxaa ku soo aadayaa iyadoo magaalada Muqdisho maalintii labaad uu kulan uga socdo madaxda dowladda federaalka iyo madaxda dowlad goboleedyada, kaas oo la filaayo in lagu gaaro hannaan doorashoguud ee uu dalka aado sanadka 2020-2021, Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Warka-Habeen-1492020.mp3 View the full article
  3. Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo is charing for the second consecutive day a crucial meeting between him and regional leaders in the state-house. The leaders are discussing the electoral process, including an inclusive model for the upcoming elections which are slated for late of 2020 and early 2021. The five regional states, namely Jubaland, Galmudug, HirShabelle, Southwest, and Puntland plus Mogadishu mayor are in attendance at the key conference. The country’s international partners have shown support for the national dialogue aimed to end the differences over the polls model to avoid delay of the election deadline. View the full article
  4. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka qeyb galay Aas qaran oo loo sameeyey Alle how naxariistee Suldaan guud Marxuum Suldaan Cismaan Suldaan Cali Kooshin oo lagu aasay Xabaalaha Baqiic ee Magaalada Hargeysa, Aaskan loo Sameeyey Alle haw naxariistee Marxuum Suldaan Cismaan Suldaan Cali Kooshin waxaa kasoo qeyb-galay bulshada qeybaheeda kala duwan, oo ay ka mi ahaayeen badi Madaxda dhaqanka, Siyaasiyiin, Xildhibaano, Haldoor iyo aqoonyahan, kuwaasi oo dhammaantood ba tacsi u diray Suldaanka guud Marxuum Suldaan Cismaan suldaan Cali Kooshin waxaana ay ka marag kaceen dhamaantood inuu ahaa Suldaan Samo-talis ah. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay madasha tacsida ayaa ka sheekeeyey qiimaha uu lahaa Marxuum Suldaan Cismaan suldaan Cali waxaana uu yidhi “Waxaynu joognaa tacsidii Suldaan Cismaan Suldaan Cali Kooshin, Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo, Ilaahay qabriga haw nuuro Ilaahay isaga iyo wixii muslimiin ah ee ka horeeyeyba Jannatul fardowsa ha geeyo, innagana Ilaahay haynooga daba naxariisto,waxaan ka tacsiyadaynayaa dhammaan qaranka Somaliland iyo inta Af-Somaliga ku hadashaba Suldaan Cismaan Suldaan Cali Kooshin oo cid waliba inta badan macagiisa maqashay oo aad iyo aad loo garanaayo oo ka dhashay qoys Maal-qabeen ahaa marka hore marka labaadna Suldaan ahaa oo boqortooyo noqday, marka danbena ahaa aqoonyahan la wada ogyahay oo isagoo aqoonyahan ahaa Suldaanimada lagu caleemo saaray oo dhaxalku u keenay”. Madaxweynaha Qaranka ayaa sheegay in qofka yaqaanay Suldaan Cismaan uu ku yaqaanay aqoon iyo dhaqan gobeed “Qofkastoo yaqaanay wuxuu ku yaqaanay aqoon, edeb, dhaqan gobeed iyo isagoo ninka ay isbartaana aanu ka xiiso goyn, maantay ajashiisii dhammaatay, Ilaahay waxaan uga rajaynaynaa inuu qoyskii uu ka baxay iyo halkiisii uu cawil kheyr qaba uu dhigo, inankiisii baa jooga oo isuguna halkii Suldaanka ka qaaday Suldaan Cali Suldaan Cismaan Suldaan Cali Kooshin oo inala jooga maanta, isagana waxaan ugu ducaynaynaa Idankii inuu ka dhigo raas balaadhan oo barwaaqo ah oo tallo iyo adduunba halkii kasii wada Saldanadii reer Cali Kooshin, dalka iyo dadkaba Alle haynoo barakeeyo”. Source
  5. Baydhaba (Caasimadda Online) – Ciidamada ammaanka Koonfur Galbeed ayaa sheegtay iney dileen xubin sare oo ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab kadib hawlgallo ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Baay. Ciidamada waxey baaritaan ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyeen degmoohyinka Bardaale iyo Awdiinle, waxeyna hawlgalkaas ku toogteen sarkaal caan ka ahaa deegaanadaas. Sarkaalka la toogtay waxaa magaciisa lagu sheegay Ibraahim Macalin Cabdi (Ibraahim Ganeey), sidoo kale xubno u hadlay ciidamada ammaanka waxey sheegeen iney gacanta ku dhigeen hub iyo agab kale oo ay isticmaalayeen dagaalyahanada. Dagaalyahanada Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida wali kama hadlin sheegashada ciidanka ammaanka Koonfur Galbeed, waxaana jiray hawlgallo ay ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ay mudooyinkii dambe ka sameynayeen deegaanadaas. Hawlgallada ka dhan ah Al-Shabaab ayaa si aan kala joogsi laheyn uga socda Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxaana si wadajir ah u baacsanaya ciidamada Dowladda Soomaaliya, kuwa maamullada, askarta Amisom iyo taliska guud ee ciidamada mareykanka qaaradda Afrika. The post Ciidamada ammaanka Koonfur Galbeed oo dilay sarkaal caan ah oo ka tirsan Al-Shabaab. first appeared on Caasimada Online.
  6. Guddoonka Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta dib u dhigay mooshin ka dhan ah kiiska Xamdi Maxamed Faarax oo ahayd gabar ardayad ah oo la sheegay in kufsi iyo dil la isugu daray. Qaar kamid ah xildhibaannada ayaa dalbaday in ajandaha kulankii maanta lagu daro kiiska Xamdi, si qaraar looga soo saaro, hase yeeshee guddoonka Golaha Shacabka ayaa sheegay inay marka hore xog uga baahan yihiin hay’adaha amniga. “Ka guddoon ahaan waxaa waajibka nasaaran yahay in Golaha Shacabku helaan xog ay ku shaqeyn karaan oo su’aalo lagu weydiin karo wasiirada iyo dadka amniga qaabilsan, Xoghayaha baarlamaanka waxaan farnay inuu warqad u qoro wasaarada amniga, ayna qoraal ku soo gudbiso sida ay u dhimatay gabadhaas, markaan xogtaas helno kadib ayaa ajandaha lagu soo dari doonaa oo laga doodi doonaa” ayuu yiri guddoomiye Mursal. Dowladda Soomaaliya ayaa weli faahfaahin dheeriya ka bixin kiiska Xamadi oo 11-kii bishan September ka dhacay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir. PUNTLAND POST The post Guddoonka Golaha Shacabka oo dib u dhigay mooshin ka dhan ah kiiska Xamdi appeared first on Puntland Post.
  7. Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo Senetatoro ayaa kulan la qaatay Masuuliyiinta Madasha Xisbiyada, Kulankasoo ka dhacay Xarunta Madasha. Kulanka waxaa qayb ka ah oo [...] The post Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo Madasha Xisbiyada oo kulmay appeared first on . Source
  8. Kuxigeenka Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed oo dhowaan Madaxweyne Farmaajo u magacaabay xilkaas ayaa munaasabad ku qabsoomtay Villa Soomaaliya waxa uu xilka kala wareegay Agaasimihii horay u hayey xilkaas Cabdirisaaq Xuseen Aadan. Agaasime Cabdinuur oo soo bandhigay qorshe ku aaddan horumarinta howlaha hortabinta u leh Madaxtooyada Soomaaliya iyo dhiirri-gelinta ka qeybgalka dhallinyarada ee hoggaaminta dalka ayaa ka rajeeyey dhammaan howlwadeennada Dowladda in ay ku garab istaagaan gudashada mas’uuliyadda loo igmaday. “Qof kasta oo dhallinyaro ah waxa uu halbeeg u yahay howl gudashada iyo kartida dhallinyaradeenna Soomaaliyeed, sidaas darteed waa in aan si mug leh uga soo dhalaalno waajibka nooga aaddan dalka iyo dadka. Waxaan hiigsanayaa in aan ka miro dhallinno fursadaha dhallinyarada Soomaaliyeed uga furan hoggaaminta dalka.” Ayuu yiri Cabdinuur. Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Cabdulqaadir Sheekh Cali Baqdaadi ayaa ku ammaanay Agaasime Cabdinuur howl gudashada wanaagsan iyo shaqooyinkii muhiimka ahaa ee uu ka soo qabtay Madaxtooyada sanadihii la soo dhaafay, waxa uuna kula dardaarmay in uu rumeeyo yididiilada iyo horumarinta shaqada ee laga filayo. Munasaabaddan waxaa ka soo qeyb galay sii-hayaha Wasiir Kuxigeenka Amniga Xildhibaan Cabdinaasir Siciid Muuse, Ku xigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada ee Maamulka iyo Maaliyadda Cabdullaahi Sheekh Cabdikariim, Lataliyaal, Agaasime Waaxeedyada iyo Howlwadeennada Madaxtooyada. PUNTLAND POST The post Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada Soomaaliya oo xilka la wareegay appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (Caasimadda Online) Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed oo dhawaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu u magacaabay xilkaas ayaa munaasabad ku qabsoomtay Villa Soomaaliya waxa uu xilka kala wareegay Agaasimihii horey u hayey xilkaas Mudane Cabdirisaaq Xuseen Aadan. Agaasime Cabdinuur oo soo bandhigay qorshe ku aaddan horumarinta howlaha hortabinta u leh Madaxtooyada Qaranka iyo dhiirri gelinta ka qeybgalka dhallinyarada ee hoggaaminta dalka ayaa ka rajeeyey dhammaan howlwadeennada Dowladda in ay ku garab istaagaan gudashada masuuliyaddan muhiimka ah ee loo xilsaaray. “Qof kasta oo dhallinyaro ah waxa uu halbeeg u yahay howl gudashada iyo kartida dhallinyaradeenna Soomaaliyeed, sidaas darteed waa in aan si mug leh uga soo dhalaalno waajibka nooga aaddan dalka iyo dadka. Waxaan hiigsanayaa in aan ka miro dhallinno fursadaha dhallinyarada Soomaaliyeed uga furan hoggaaminta dalka.” Dhankiisa, Agaasime Cabdirisaaq Xuseen Aadan ayaa ka warbixyey shaqooyinka muhiimka ah ee ay soo qabteen iyo waajibaadka shaqo ee baaxdda weyn ee horyaalla Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada. Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali Baqdaadi ayaa ku ammaanay Agaasime Cabdinuur howl gudashada wanaagsan iyo shaqooyinkii muhiimka ahaa ee uu ka soo qabtay Madaxtooyada sanadihii la soo dhaafay, waxa uuna kula dardaarmay in uu rumeeyo yididiilada iyo horumarinta shaqada ee laga filayo. Munasaabaddan waxaa ka soo qeyb galay siihayaha Wasiir Kuxigeenka Amniga Xildhibaan Cabdinaasir Siciid Muuse, Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada ee Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Cabdullaahi Sheekh Cabdikariim, Lataliyaasha, Agaasime Waaxeedyada iyo Howlwadeennada Madaxtooyada. The post Sawiro: Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada oo xilka la wareegay first appeared on Caasimada Online.
  10. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si hordhac ah uga sii faallooday in madaxda ku shireysa magaalada Muqdisho aysan go’aan ka gaari Karin arrimaha doorashada xilli maalintii labaad ay dowladda dhexe, maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ku shirayaan madaxtooyada. Xildhibaan Cabdi Cali oo ka tirsan golaha shacabka wuxuu sheegay in dhinacyada ku shiraya Muqdisho aysan waxba ka badali Karin xeerkii doorashada uu ansixiyay madaxweyne Farmaajo, isla markaana ay qasab tahay in mar walba lasoo marsiiyo Baarlamaanka. Xildhibaanka wuxuu dareensan yahay in heshiis walba oo baalmaraya sharciga uu saxiixay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo lagula soo laaban doono golaha shacabka, warbaahinta maxaliga ah ayuu warkaas u sheegay. “Waxaa qasab ah in Baarlamaanka la horkeeno hadii waxlaga badalo xeerkii doorashada uu madaxweynaha saxiixay, dhinacyada ku shiraya Muqdisho ma ahan sharci sameeyayaal, golaha shacabka ayaa ah sharci sameeyayaasha ayaga ayaana wax ka dhihi kara” ayuu yiri. Waxyaabaha ugu waaweyn ee looga hadlayo shirka Muqdisho waa arrimaha Doorashada maadaama ay qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada saluugeen hanaankii lagu heshiiyay shirka dhuusamareeb 3. Waxaa la filayaa in heshiisyo la isla ogol yahay ay kasoo baxaan iyadoo xildhibaanada Golaha Shacabka aaminsan yahiin in lagu soo celin doono, waxeyna garab joogaan madaxweyne Farmaajo. The post Cabdi Cali: “Madaxda ku shireysa magaalada Muqdisho awood uma lahan iney wax ka badalaan Sharciga” first appeared on Caasimada Online.
  11. Gudoomiyaha Gaarisa Nadiif Jaamac ayaa Xabsi loo taxaabay kadib markii lagusoo eedeeyay Musuq maasuq ,Ciidamada Malatariga ayaa Xiray masuulkaan. Xafiiskiisu ilaa hada kama aysan hadal [...] The post Gudoomiyaha Gaarisa oo Xabsi labdhigay appeared first on . Source
  12. Taliska Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay hawlgal qorshaysan oo Ciidamadu ay Maanta ka fuliyeen Degaanka Bariire ee Gobolka Shabeellada Hoose. Taliska ayaa sheegay in Hawlgalka lala beegsaday xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku dhuumanayay nawaaxiga Degaanka Bariire halkaasna khasaare xooggan lagu gaarsiiyay. Dhamme Axmed Xasan Siyaad oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Hawlgalkaas lagu dilay 12 dagaallame oo Al-shabaab ah kuwaas oo Degaanka ku dhuumanayay. Ha yeeshee kama uusan hadlin Khasaaraha gaaray dhanka Ciidamada Hawlgalka fuliyay. PUNTLAND POST The post Taliska Ciidamada Soomaaliya oo shaaciyay in ay dileen 12 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  13. Golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa maanta akhrinta 1-aad marsiiyey heshiiska waxbarasho ee dhexmaray dalalka Soomaaliya iyo Turkiga. Haddaba, Cabdicaziz Axmed Gurbiye ayaa soo akhriyey qodobbada uu ka kooban yahay heshiiska labada dhinac, soona koobaya. Ujeedada: Waa iskaashi labada dhinac iyo dejin heshiis iskaashi oo dhanka waxbarashada ah oo ku saleysan sinnaan, ka-wada faa’ideysi iyo wax is-dhaafsi. Baaxadda Iskaashi: Is-weydaarsi xog cilmi baaris, is-weydaaris khubaro iyo macalimiin, wadaagidda khibradda farsamada iyo xirfadaha, booqasho waxbarasho, is-weydaarsi tiknoolaji, iskaashi iyo is-dhaafsi qalab iyo agab waxbarasho, in ardeyda loo fidiyo martiqaad hawlaha indha indheynta, tartannada dhaqanka iyo dhaqanka. Baridda iyo Barashada Afafka Turkiga iyo Soomaaliga: Dhinacyada waxaa ay dhiirigeliyaan in lagu dhigo, lagana baro afafka Soomaaliga iyo Turkiga hey’adaha tacliinta sare ee labada dal. Buugaagta Manhajka: Labada dhinac waa iney hubiyaan in taariikhda, juquraafiga, dhaqanka iyo hiddaha dalka kale loo soo bandhigo si sax ah. Deeqo Waxbarasho: In labada dhinac sanad walba, si iskumid ah u bixiyaan deeqo waxbarasho la xiriira luqadaha, tacliinta sare iyo cilmi baarista. Xulashada, aqbalaadda iyo meeleynta ardeyda tacliinta sare iyo cilmi baareyaasha waxaa lagu fulinayaa sharciyada qaran ee dalka deeqaha bixinaya. Dhaqangelin: Waxaa dhaqangelinta heshiiska waxaa loo xilsaaray wasaaraha waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya iyo Turkiga. Dhaqaalaha ku baxaya khubarada, culimada aqoonyahanka waxaa uu ka koobnaan doonaa: Deegaanka, cuntada(board) iyo kharashka safarka gudaha, waxaa bixinaya dalka loo imaanayo, si waafaqsan sharciyadiisa qaran. Tigidh caalami ah oo soo laabasho leh(round trip), laguna tagayo caasimadda dalka loo socdo iyo kharashka safarka ee qofka, waxaa bixinaya dalka laga soo dhoofay. Xallinta Khilaafka: Khilaaf kasta oo ka dhasha tafsiirka ama dhaqangelinta heshiiskan, waxaa lagu xalinayaa isfaham iyo gorgortan. Saxiixa: Heshiiskan waxaa la dhameystiray, laguna saxiixay Muqdisho June 3, 2016-kii, waxaa dhanka Soomaaliya u saxiixay Cabdisalaam Cumar oo ahaa wasiirka arrimaha dibadda halka Turkigana uu u saxiixay Mevlut Cavusoglu oo ahaa isna wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Nairobi (Caasimadda Online) – Mid ka mid ah wargeysyada ugu caansan Kenya ayaa kashifay xaddiga khasaaraha ay la kulmeen ganacsatada khaadleyda tan iyo markii ay dowladda Soomaaliya xayiraad kusoo rogtay sida lagu cadeeyo xogo cusub oo la helay. Daily Nation ayaa soo bandhigay tirada lacagaha ay qasaareen khaadleyda oo lagu sheegay 24 kun oo Doolar, waana xigasho ay ka heleen ganacsatada iyo beeraleyda kuwaas oo magacooda la qariyay. Khaadleyda Kenya ayaa suuqa ugu weyn ku lahaa Soomaaliya, waxeyna usoo dhoofin jireen in ka badan 10 tan, waxeyna xayiraadda ay Dowladda Soomaaliya soo rogtay keentay cadaadis badan. Sida ay fahamsan yahiin warbaahinta Kenya, Soomaaliya oo ka faa’iideysaneysa xanuunka safmareenka ah ee Coronavirus ayaa xayiraad ku sameysay maandooriyaha khaadka, waxaana sidoo kale jirta xiisad diblomaasiyadeed oo u dhaxeysa labada dale. William Ruto ayaa dhawaan dowladda Soomaaliya ku eedeeyay iney xanibaadda khaadka ay dowladda Soomaaliya kaga dan leeyahiin iney cadaadis dhanka kiiska badda ku saaraan, wuxuuna ganacsatada khaadka ku booriyay iney ka fakaraan wax kale oo ay abuurtaan. Dhinaca kale Peter Munya oo ah wasiirka Beeraha ayaa ka hor yimid hadalka madaxweyne ku xigeenka dowladda, wuxuuna kalsooni ku qabaa in madaxweynaha uu xal keeni doono. Si kastaba xiisadda labada wadan ayaa lala sugi doonaa marka ay Soomaaliya ka baxdo marxaladda kala guurka ah, waxeyna dowladda Kenya isha ku heysaa hogaanka ay Soomaaliya soo dooran doonto iney kala heshiiyaan arintaan daba dheeraatay. The post Wargeys caan ah oo faafiyay khasaaraha soo gaaray ganacsatada khaadleyda wadanka Kenya. first appeared on Caasimada Online.
  15. MOGADISHU (HOL) - Former finance minister who served during President Mohamed Farmaajo’s brief stint as Prime Minister in 2011 has declared his candidature in the upcoming elections. Source: Hiiraan Online
  16. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khadka taleefanka kula xiriiray ra’iisul wasaaraha Suudaan, Dr. Cabdullaahi Xamduuk. Madaxweynaha ayaa uga tacsiyeeyay ra’iisul wasaaraha iyo shacabka Suudaan dhibaatadii fatahaadaha ee ku dhufatay qaybo badan oo ka mid ah dalkaas. Madaxweynaha Jamhuuriyadda wuxuu caddeeyey in Soomaaliya garab istaagsantahay dowladda iyo shacabka Suudaan ee walaalaha ah si looga gudbo dhibaatadan adag ee ay marayaan. Ra’iisul Wasaaraha Suudaan ayaa dhankiisa u mahadceliyay hoggaanka iyo shacabka Soomaaliyeed, iyo tillaabadii Golaha Wasiiradda Soomaaliya uga dhaafeen dadka reer Suudaan ee ku nool Soomaaliya khidmadaha socdaalka iyo ganaaxyada. View the full article
  17. Madaxweyaha Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa kulan kula qaatay magaalada Muqdisho Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, Donald Yamamoto. Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan Arrimaha doorashooyinka 2020/2021 iyo wada-hadallada dowladda dhexe iyo maamullada dalka. Danjire Donald Yamamoto ayaa Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ku boggaadiyay sida uu u raadinayo dib u heshiisiin wadajir ah oo loo dhan yahay, islamarkaana lagu gaarayo hannaan Doorasho oo waqtigeeda ku dhacda. Sidoo kale Waare oo qoraal soo saaray ayaa Donald Yamamoto iyo dowladda Mareykanka uga mahadceliyay taageerada ballaaran ay la garab taagan yihiin Soomaaliya iyo arrimaha doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan dammaadka sanadkaan iyo kan xiga. Si kastaba Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay waday kulamo gaar gaar ah uu la qaadanayay Madaxda maamul Goboleedyada dalka oo ku sugan magaalada Muqdisho, iyadoo kulamada looga hadlay xaaladda dalka iyo arrinta doorashada View the full article
  18. The US ambassador to China, Terry Branstad, is stepping down, Secretary of State Mike Pompeo announced Monday. Source: Hiiraan Online
  19. Wararka aan ka heleyno gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta labo askari oo ka mid ah ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howl-galka AMISOM ay isku toogteen degmadaasi. Labada askari ayaa la sheegay in markii hore uu dhex-maray dagaal gacan ka hadal ah, kadibna ay isku soo qaateen hub, iskuna toogteen. Meydadka labada askari ayaa goor dambe meesha laga qaaday, sida ay sheegeen dadka deegaanka ah. Wararka ayaa sheegaya in sababta keentay toogashada ay isu geysteen askartaasi uu sababay muran ka dhashay haweeney saaxiib la aheyd labadaa Askari. Weli ma jiro wax faah faahin ah oo laamaha amniga degmada Luuq iyo saraakiisha AMISOM ay ka bixiyeen dhacdadaasi. Ciidamada Itoobiya ee ka tirsan howl-galka AMISOM ayaa ku sugan degmooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolka Gedo oo ay ka wadaan howl-gallo ka dhan ah Shabaab. View the full article
  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dabley hubeysan oo looga shakisan yahay iney ka mid yahiin ciidanka Militariga Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa iney fal kufsi ah ka geysteen magaalada Muqdisho bilowga isbuucaan. Sida ay ku warameen maamulka dagmada Shangaani ee gobolka Banaadir, falkaan waxaa loo geystay wiil 9-jir ah, waxeyna qoyska dhibanaha sheegeen in falka uu dhacay xilli habeen ah oo ay dableysa usoo dhaceen gurigooda. “Dhakhtar ayaa noo xaqiijiyay dhibka gaaray wiilka yar, guriga ayuu jiifaa, wuu caafimaad qabaa, balse inaan cadaalad helno ayaan u baahanahay” ayuu yiri awoowaha wiilka yar ee dhibta loo geystay. Laba qof oo dumar ah oo ku sugnaa guriga ayaa ka badbaaday falka kufsiga ah oo ay geysteen ragga aan wali la cadeyn hadii ay yahiin ciidamo ka tirsan dowladda iyo hadii ay yahiin burcad. Qof la tuhunsan yahay inuu ka mid ahaa kooxda falkaan geysatay ayaa ku xiran saldhigga dagmada Shangaani, taliska Booliska wey ka gaabsadeen iney ka hadlaan kiiskaan walow ay xaqiijiyeen iney akhbaarta soo gaartay. Kufsiga wuu kusoo badanayaa Muqdisho, dhawaan ayey aheyd markii kufsi iyo dil loo geystay gabar dhawaan ka baxday dugsiga sare oo magaceeda lagu sheegay Xamdi Maxamed Faarax, waana kiis wali taagan. The post Rag looga shakisan yahay iney ka tirsan yahiin Ciidamada Dowladda oo kufsi ka geystay Muqdisho. first appeared on Caasimada Online.
  21. kulanka guud ee xildhibaanada golaha shacabka ee barlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa goor dhaw ka furmay xarunta ku meel gaarka ah ee Villa Hargeysa. Kulanka maanta waxaa shir guddoominaya guddoomiyaha golaha shacabka ee barlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyadoo ay wehliyaan gudoomiye ku xigeenka 1-aad mudane Cabdiwali Ibraahim Sheekh Muudey iyo ku xigeenka 2-aad Mudane Mahad Cabdalle Cawad . Ajandaha kulan ayaa kala ah ah akhrinta kowaad ee hinidse sharciyeedka dhowrista maalgashiga iyo maalgashadaha.oo ay soo diyaarisay wasaaradda qorsheynta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya. Sidoo kale waxaa ay akhrinta kowaad marsiinayaan hashiiska arrimaha udhaxeeya turkiya iyo soomaaliya. Kulanka golaha shacabka maanta waxaa soo xaadiray141 xildhibaan kaasi oo ah kulanka 26-aad Kalfadhiga 7-aad ee barlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya. View the full article
  22. Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa ka socda shirka wada-tashiga dowladda dhexe, dowad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaas oo diirada lagu saarayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 20/21. Shirka oo galay maalintii labaad ayaa waxaa ka qeyb-galaya Madaxweynaha Soomaaliya, madaxda shanta maamul goboleed ee dalka iyo duqa Muqdisho. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in maanta si rasmi ah loo guda-galay dooda shirka, maadaama kulankii shalay uu ahaa furitaan iyo qado. Sidoo kale waxaa shirkan intiisa badan looga hadlayaa heeshiiskii lagu gaaray Dhuusamareeb, kaas oo aysan qeyb ka aheyn Axmed Madoobe & Siciid Deni. Arrimaha miiska saaran ee laga wada-hadlayo waxaa ka mid ah mustaqbalka guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka, tartanka furan ee xisbiyada, goobaha doorashooyinka, kaalinta dowlad goboleedyada iyo qodobo kale oo xasaasi ah. Madaxda maamullada Jubbaland iyo Puntland ayaa dhankooda miiska soo saaray qodobada ay diidan yihiin ee shirka Dhuusamareeb 3, si xal mideysan looga gaaro. Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah mid cakiran, waxaana isha loogu wada-hayaa shirka Muqdisho iyo waxa ka soo baxa oo saldhig u noqon doono doorashooyinka. View the full article
  23. (SLT-Tuko-raq)-Koox uu hoggaamiyo Korneyl Faysal Falaalug oo la magac baxday dib u xoreynta (SSC) ayaa weerar culus ku qaaday saldhigga ciidammada Somaliland ay ku leeyihiin gobolka Sool. Ciidamada Falaalug ayaa weerar ku qaaday saldhigaasi oo ku yaalla deegaanka Xagarrey oo ka tirsan degmada Tukuraq ee gobolkaasi, kaasi oo ay ku suganaayen ciidamo badan oo ka tirsan kuwa qaranka Somaliland. Weerarkaasi ayaa waxa iska caabin xooggan kala hortagay ciidammadii ku sugnaa saldhigaasi, taasi oo keentay in iska hor imaad saacado kooban ah uu dhex-maro ciidammada Somaliland iyo kuwa jabhada Falaalug. Dagaalkaasi ayaa waxa ka dhashay khasaaro labada dhinac ah, sida ay dad deegaanka ah u sheegeen, inkasta oo ilaa hadda si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha dhabta ah. Illaa iyo hadda majiro wax war ah oo kasoo baxay xukuumadda Somaliland iyo laamaha amniga ee gobolka oo ku aadan dagaalkaasi. Mana aha markii u horeysay ee Jabhadda la magac baxday dib u xoraynta SSC ee uu hoggaamiyo Korneyl Faysal Falaalug ay weerar ku qaadan saldhigyada ciidammad qaranka Somaliland, iyada oo marar hore oo dhowr ah ay sidan oo kale u weerareen. Source
  24. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Warka-Duhur-1492020.mp3 View the full article