Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Dowlad goboleedka Gamudug Axmed Kaariye Qoorqoor ayaa maanta hotagaya golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah isaga oo hordhigi doono xaaladda dalka, shirarka socda, shaqada xukuumadiisa, federaaleynta, amniga, dhaqaalaha iyo arrimo kale. Madaxweyne Axmed Qoorqoor oo ah madaxweynihii 3-aad ee hortaga golahan matala maamul goboleedyada ayaa laga filayaa inuu hoos ugu dago arrimaha shirka ka socda Villa Somalia ee doorashada 2020/2021, halka la kala taagan yahay iyo dhameystirka Dhuusamareeb 3. Madaxweyne Qoorooq ayaa la filayaa in Aqalka sare u sharaxi-doono waxqabadkiisa xukuumadiisa 8-ddii bil ay jirtay sida safarkii dheeraa ee dib u heshiisiinta iyo arrimaha lagu guuleystay. Waxaa kale oo dowladdiisa ay ka shaaqeysay, oo laga filayaa in sharaxaad ka bixiyo dadaallada uu ku bixiyey isu soo dhowaanshiyaha dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada iyo shirarkii kala duwanaa ee lagu galay Dhuusamareeb ee I, II, & III. Madaxweynaha waxaa uu xoogga saari-doonaa arrimaha amniga, caqabadaha heysta Galmudug iyo sida ay bulshada deegaanka ugu go’antahay in wax qabsadaan. Arrimaha kale ee lagu wado inuu ka hadlo waxaa ka mid dekadda Hoybo iyo sida ay wax badan ugu kordhin karto horumarka dhaqaale iyo kobac bulsho. Madaxweyne Axmed Kaariye Qoorooq waxaa laga yaabaa inuu ka hadlo arrimaha federaalka ah, kaalinta aqalka sare ee xoojinta federaalkeynta. Ugu dambeyntii, madaxweyne Axmed Kaariye Qoorqoor waxaa lagu wadaa inuu soo hadal qaado in la xoojiyo wada shaqeynta labada gole ee baarlamaanka federaalka ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey kooxda Al-Shabaab iyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo markale ka dhacay qeybo ka mid ah deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, ka gadaal markii Al-Shabaab ay weerar xoogan ku ekeeyeen saldhig ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin xaafadda Arbacow ee deegaankaasi. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in Al-Shabaab ay marka hore madaafiic ku garaaceen saldhiggaasi, kadibna uu xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyey labada dhinac. Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaas iyo weerarka ka horreeyey uu ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac intaba. Sidoo kale weli ma jiro wax faah faahin ah oo maamulka deegaanka Ceelasha Biyaha iyo saraakiisha AMISOM ay ka bixiyeemn weerarkaasi. Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana goobihii lagu diriray haatan dhaq-dhaqaqyo ka waday ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika. Habeen hore ayey aheyd markii weerar kan la mid ah lagu qaaday isla saldhiggan oo ku yaalla xaafadda Arbacow ee deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Shabeelaha Hoose. The post Dagaal culus oo markale ka dhacay duleedka Muqdisho first appeared on Caasimada Online.
  3. MOGADISHU (HOL) - Two armed men in military uniform Friday sodomised a young boy in a displaced person’s camp in Mogadishu the same day a 19-year-old girl was gangraped and thrown off a high-rise building for death. Source: Hiiraan Online
  4. Naadiga Dowladda Hoose ee Muqdisho City Club ayaa safar u ah magaalada Garowe ee maamulka Puntland waxayna halkaas ku yeelan doonaan kulamo saaxiibtinimo ay u qorsheeyeen Xiriirka Kubbadda Cagta Puntland,Muqdisho City waa kooxda haysata horyaalka Somalia Premier League 2019-2020. Muqdisho City Club waa kooxdii labaad oo ka dhisan Muqdisho oo is dhaxgalka bulsho u aaday deegaanada Puntland waxaana horay sanadii 2005 sidan oo kale samaysay naadiga Elman Sports Club. “Waan ku faraxsanahay imaantinka kooxda Muqdisho City Club,waxaan rajayaynaa in ay aad ugu helidoonaan safarkooda is dhaxgalka waa talaabo horomar u ah isboortiga dalka” waxaa sidaas Goobjoog Sports u sheegay Mustaf Cabdiraxmaan Majacase oo ah xoghayaha Xiriirka Kubbadda Cagta Puntland. Xidigaha Muqdisho City Club waxa ay ciyaar xiiso badan la dheelidoonaan naadiga Horseed oo ka mid ah kooxaha ugu waaweyn ee Puntland waxaana talabadaan loo arkaa mid guul u ah labada dhinac. “Way mahadsanyihiin Xiriirka iyo madaxda naadiga Horseed ee Puntland sida wanaagsan ee ay noo casuumeen waxayna tani noo noqonaysaa wada shaqeyn iyo isku soo dhawaasha labada dhinac ah” waxaa sidaas Goobjoog Sports u sheegay Cabdiqaadir Xaaji Dacar oo ah la taliyaha maamulka isboortiga Gobolka Banaadir kana tirsan madaxda kooxda Dowladda hoose ee Muqdisho City Club. Daawo Xoghayaha Xiriirka Kubbadda Cagta Puntland Oo Faah Faahiyay Safarka MCC https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/09/whats-upp.mp4 Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  5. A fundraising ad for US president Donald Trump’s re-election campaign reportedly used a stock photo featuring Russian fighter jets and weapons as part of a call for viewers to “support our troops”. Source: Hiiraan Online
  6. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleeban Yuusuf Koore, ayaa xaqiijiyay in laga helay cudurka Corona Virus. Sidoo kale qaar ka tirsan Ilaaladiisa ayaa laga helay cudurka COVID 19. Magaalada Laascaanood ayuu ku sugan yahay wasiirku oo safar shaqo u joogay maalmahan. Source
  7. Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo ay waxyeelo kala duwan ka soo gaartay dad shacab ah oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Bakool ee koonfurta dalka Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ay la kacday mooto saddex lugoolay oo ay saarnaayeen sideed wadaad oo u socday Quraan Saar. Ugu yaraan lix wadaad ayaa ku dhintay qaraxaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen labo kale, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in wadaadada oo labo ka mid ah ay walaalo ahaayeen ay ka baxeen degmada Xudur, islamarkaana ay ku socdeen guri lagu casuumay inay qur’aan ka akhriyaan, balse wuxuu qarax ku haleelay wadada dheer ee xiriirsa magaalooyinka Ceel Barde iyo Quracjoome. Waxaa sidoo kale la filayaa in meydadka lixda qof saacadaha soo socda lagu aaso tuulada Banjinaay oo 15 KM u jirta magaalada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo saraakiisha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku aadan qaraxaasi. Si kastaba ha’ahatee ma’ahan markii ugu horreysay oo uu qarax haleelo gaadiid ay la socdeen dad shacab ah, waxaana horey loo soo wariyey dhacdooyin tan la mid ah oo ka dhacay meelo badan oo ka mid ah Somalia, sida wadada xiriirisa Muqdisho & Afgooye. The post Wadaado u socday quraan saar oo qarax lagu dilay iyo wararkii ugu dambeeyey first appeared on Caasimada Online.
  8. Garissa Governor Ali Korane has been charged with corruption at the Milimani Law Courts on Tuesday morning. Source: Hiiraan Online
  9. Haayada horumarinta wax soo saarka Afrika (African agricultural development group) ayaa Somaliland ka fulinaysa mashruuc horumarinta beeraha ah. Shirkadan oo laga leeyahay dalka China ayaa mashruuc horumarinta wax soo saarka ah ka fulinaysa banka Wajaale ee gobolka Gabiley. Iyadoo la qorsheeyay in ay wejiga hore tijaabo ahaan wax ka beerayaan dhul baaxadiisu dhan tahay 2000 hegter. Waxaanay shaqaale ahaan u qaadanayaan 200 qof oo shaqaale ah. Sida uu sheegay wasiirka beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, kadib kormeer wefti uu hogaaminayaa ay ku tegeen banka Wajaale. Waxaana wasiir Seed, kormeerkaasi ku wehelinayay badhasaabka gobolka Gabiley C/kariin Aadan Xaaji Diiriye, iyo masuuliyiin ka socday haayadda Africa agricultural development group. Halkan ka DAAWO Warkaasi Source
  10. Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta oo Talaada ah hortagaya Golaha aqalka sare ee Barlamaanka Soomaaliya. Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa ku war-geliyay Senatorada in kulanka maanta uu mihiim yahay, islamarkaana uu ka soo qeyb-geli doono Madaxweynaha Galmudug. Madaxweyne Qoor qoor ayaa xubnaha aqalka sare la wadaagi doona xaaladaha Galmudug , safaro uu ku kala tagay magaalooyinka Jabuut , iyo Nairobi Waxa sidoo kale Madaxweynaha Galmudug khudbadiisa uu ku soo hadal qaadi doona hadallada- Dowladda iyo Dowlad goboleedyada ee looga hadlayo arrimaha doorashooyinka dalka Hore aqalka sare waxa u tagay oo khudbad ka jeediyay Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Jubbaland Saciid Cabdulllaahi Deni iyo Axmed Madoobe , waxa uu noqonayaa Madaxweynihii seddaxaad oo hortaga Golaha aqalka sare ee Barlamaanka Soomaaliya Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. (SLT-Hargeysa)-Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa si cadho leh uga jawaabtay hadal dhawaan jeediyay guddoomiye Faysal Cali Waraabe. Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa qoraal kooban oo ay hadalkaasi kaga fal-celinayso ku baahisay barteeda twitterka waxa ay ku tidhi sida tan: “Waxaa layaab leh in Faisal C. Waraabe uu mar walba ku celceliyo Fawzia waxay igala tashatay samaynta Jaamacadda Hargeisa oo uu waliba yidhaahdo, bud-dhigaan ahaa. Waxba kama jiraan markii u horaysay uu yimid wuxuu kasoo qayb galay qalin-jabintii koobaad. Kaydkii waa yaallaa.” Source
  12. Wararka ka imaanaya Magaalada Xuddur ee Xarunta Gobolka Bakool, ayaa ku warramaya in lix ruux ay ku geeriyoodeen, laba kalena ku dhaawacmeen qarax miino oo ka dhacay Duleedka Degmadaasi. Miinada ayaa sida la xaqiijiyay ku qaraxday Mooto saddex lugooley ah, oo ay saarnaayeen 8 qof oo shacab ah, taas oo maraysay waddo dhanka waqooyi ka xigta Magaalada Xuddur. 8-da qof oo dhammaantood ahaa wadaado Qur’aan akhris u socday, ayaa lix kamid ah ku geeriyootay Qaraxa, halka laba kalena ku dhaawacantay, sida laga soo xigtay Mas’uuliyiinta Degaanka. Dadkii ku geeriyooday Qaraxaas, ayaa Saaka lagu aasay Tuulada Banjinaay oo qiyaastii 15KM dhanka waqooyi ka xigta Xuddur, halka dhaawacana loo qaaday Xarumaha Caafimaadka Xuddur. PUNTLAND POST The post Xuddur: Wadaado Qur’aan akhris u socday oo Qarax ku dhintay appeared first on Puntland Post.
  13. NAIROBI —The African continent has the most rapid rates of urbanization in the world. Because of this, cities are the largest and fastest growing agricultural markets in Africa, with between $200 billion to $250 billion per year in food sales. More than 80% of those sales come from suppliers on the continent, according to a new report. A worker pours sunflower seeds into an extraction machine in Dodoma, Tanzania. Photo by: Mitchell Maher / International Food Policy Institute / CC BY-NC-ND This has created both opportunities and challenges for farmers, particularly those running small farms. The “Africa Agriculture Status Report 2020,” launched at the opening of the African Green Revolution Forum virtual summit on Tuesday, highlights five areas where policymakers and partners can improve farmer access to these urban markets. “There are some pressures put on smallholder farmers — they need some help to navigate this transition,” said Steven Haggblade, professor of international development at Michigan State University and technical lead on the report, during its launch. Functioning wholesale food markets Urban wholesale food markets are the “beating heart” of the whole system, Haggblade said. These are big sites in cities, typically warehouses, where truckers and farmers bring in supplies of food in bulk. Millions of farmers reach millions of people across the continent through this funnel, he said. This is the access point at which about 80% of all food reaches urban areas, according to the report. And it’s also how smallholder farmers access urban markets. “If these wholesale systems are clogged up, overrun, or poorly run, then the whole system functions poorly,” Haggblade said. While small and medium enterprises play a key role in connecting smallholder farmers to markets where their products can be sold, the funding and policy environment across the continent hinders their success. With the rapid speed of urbanization, these wholesale markets have often exceeded their capacity, creating the single biggest blockage in the food system. Because of this, smallholder farms stand to be excluded, even as business is booming. For instance, supermarkets will use these wholesale markets if they work well, but if not, they set up alternative supply sourcing systems that typically exclude smallholder farmers, Haggblade said. “If you want small farmers to have access to urban markets, you need efficient market structures and good management systems,” he said. New governance Traditionally, agriculture ministries govern food and agriculture policy. But as countries urbanize, city planners, mayors, district councils, trader organizations, and public health professionals hold more power in crafting agriculture policy, keeping markets functioning, and overseeing food processing and safety systems, according to the report. “The mayor is suddenly — with no agricultural training, and not much of a technical staff — he or she manages the single most vital component of the whole food system,” Haggblade said. This could include making sure that truckers don’t spend half a day stuck in traffic and that the drainage systems in the wholesale markets are sloped properly so there isn’t stagnating water that can ruin food products and breed disease. Currently, there is a “patchwork” of different agencies, often poorly resourced, intervening in urban agriculture and markets, according to the report. “Improved governance models, therefore, will require expanded resources and more effective coordination among public and private sector governing entities,” the report notes. The supply chains, which run from rural producers to urban markets, are often long and cross many jurisdictions, which creates another set of challenges. “If you have inconsistent policies, or inconsistent infrastructure, or protocols of any kind — that poses problems,” Haggblade said. “Governance needs to cut across administrative boundaries.” Food safety Africa already has the highest per capita rate of food-borne illness in the world. With urbanization, there is a growth in demand for perishable food, such as dairy, poultry, meat, fish, and produce. While these are high-value products, offering opportunities to farmers to raise their incomes, they are also potentially dangerous to consumers, according to the report. Top concerns include poor animal husbandry and butchering practices, aflatoxins, and other fungal diseases in maize and groundnuts, as well as bacterial disease in uncooked foods. The overuse of pesticides is also a key issue. As the food system changes, the safety burden grows but many of the people responsible for monitoring this are under-resourced and over-stretched, Haggblade said. Blockages in intra-African trade Border posts and checkpoint costs inflate the expenses involved with moving food into cities, according to the report. For example, livestock exports from Burkina Faso pass through 50 checkpoints in between the Sahelian herding zones and markets in Accra, Ghana. Foreign exporters, such as those from Europe or Brazil, in contrast, can ship their food directly to African port cities with no checkpoints, putting local producers at a disadvantage. “In order to really allow the continent to feed the cities efficiently, we need to have some reforms to facilitate these intra-regional trade flows,” Haggblade said. Urban food prices are growing faster than domestic supply, Haggblade said, which is a signal that domestic suppliers aren’t able to meet the full demand. But there is room to examine opportunities for import substitutions, he said. Wheat, for example, the top commodity import into Africa, is not ideally grown on the continent, because a freeze is needed during the growing season of hard varieties of winter wheat. But other frequently imported crops, such as the inputs for vegetable oil, as well as sugar and rice, are grown locally, and more could be done to stimulate local production and sales. Agricultural research There is also a need to increase research across the continent. While in the past, most research was focused on food staples, agricultural research focused on perishable products is now needed. This would include research that is focused on identifying “productive, disease-tolerant species of animals and plants adapted to local environmental conditions,” according to the report. “If African farmers are going to be competitive, they need improved indigenous varieties that will allow them to compete cost-effectively,” Haggblade said. Source: Devex The post Five ways urbanization is changing agriculture in Africa appeared first on Puntland Post.
  14. (SLT-Badhan)-Maamulka gobolleedka Puntland ayaa ka hor yimid mashruuc biya galin ah oo laga hirgalin lahaa Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag. Biya galinta ayaa waxaa wadday xukuumadda Somaliland, waxaana ay doonayeen in ay biyo-gelin iyo ceel riig ah ka howl galiso degmada Badhan, balse waxaa arrintaas ka hor yimid Maamulka gobolleedka Puntland. Maamulka Degmada ayaa sheegay in sababta ay u joojisay mashaariicdaasi ay tahay in ayna waafaqsanayn sharciga degmada, sidoo kale waxa Puntalnd ay joojisay Mashruuc kale oo Somaliland ay ka wadday deegaanka Qorof oo hostaga isla Badhan, waxaana mashruucaasi uu ahaa biyo galin ah. Puntland ayaa faro-gelin xagga dhulka ah ku haysa Somaliland, gaar ahaan degmooyin ka tirsan Gobollada Sool iyo Sanaag, waxaana tiro dhowr jeer ah ka dhacay degaanadaas dagaalo uu dhiig badani ku daatay. Xukuumadda Somaliland, maamulk gobolka Sanaag iyo kan degmada Badhan wali kama hadlin tallaabadan ay Puntland ku hor-istaagtay hirgelinta mashaariicdan. Source
  15. (SLT-Tehran)-Dowladda Iiraan ayaa soo saartay digniin adag oo ku socoto Baxreyn iyo Iimaaraadka, kadib markii ay ku dhawaaqeen xidhiidh toos ah oo ay la yeelanayaan yuhuuda Israa’iil. Wasaaradda arrimaha dibedda ee Iiraan ayaa ugu horreyntii si weyn u cambaareysay xidhiidhka Baxreyn ay la yeelaneyso Israa’iil, taasi oo lagu tilmaamay sharaf dhac weyn oo diiwaanka u galeysa hoggaanka Baxreyn. Iiraan ayaa ku hanjabtay in Imaaraadka iyo Baxreyn ay qaadi doonaan mas’uuliyada cawaaqib xumada ka dhalata xidhiidhkaasi iyo weliba saameynta amni ee ka dhalan karta, gaar ahaan mida Khaliijka. Sidoo kale madaxweynaha Iiraan, Xasan Ruuxaani ayaa ka dhawaajiyey inay gobolka ka socdaan shirqoolo ay iska kaashanayaa maleegistooda Mareykanka iyo Isra’iil, taasi oo ayna marnaba aqbali doonin xukuumadoodu. Wuxuuna carabka ku adkeeyay in xukuumadoodu ay u taagan tahay ka midho-dhalinta xasiloonida gobolka iyo weliba xaqiijinta amnigiisa, waa sida uu hadalka u dhigaye. Ruuxaani ayaa hoosta ka xariiqay in cadaadiska Mareykanka ee ku aadan xidhiidhka Isra’iil uu gobolka u horseedi doono daan-daansi badheedh ah iyo xasilooni-darro ay yuhuudu ku abuurto ammaanka guud. Hadalkan kulul ayaa imanaya xili ay soo baxeyso in Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu uu safar ugu ambabaxayo Washington si uu uga qeyb galo xaflada saxeexa heshiisyadii ay la galeen Imaaraadka iyo Baxreyn. Source
  16. (SLT-Addis Ababa)-Dawladda Itoobiya ayaa shalay soo bandhigtay lacago cusub oo dhawaan dalkaasi laga hirgalinayo. Lacagtan ayaa ka kooban 10 birr, 50 birr iyo 100 birr, sidoo kale waxaa markii u horreysay lagu soo daray lacagta Itoobiya 200 birr oo hal warqad ah. Itoobiya ayaa sheegtay in lacagtan cusub ay wax katari doonto lacagaha foojariga ah ee aan sharciga ahayn iyo ganacsiga sharci-darrada ah. Lacagta Itoobiya ee haatan loo yaqaano Birr ayaa dhawr jeer is badal lagu sameeyo, inta la xasuusan yahay wakhtigii Xayle selaase lacagta Itoobiya waxaa loogu yeedhi jiray Ethiopian Dollar, kaddib ayaa loo bixiyay Birr. Wakhtigii Malas zenawi ayaa haddana labadalay, waxaana laga saaray khariidada dalka Eritariya oo lasocotay khariidada guud ee dalka Itoobiya ee lacagta ku sawirnaan jirtay, sidoo kalena midabka ayaa wax laga badalay. Imika iyo haatan lacagta Itoobiya wax badan ayaa laga badalay, iyadoo sidoo kale lagusoo kordhiyay lacagta 200 birr oo hal warqad ah oo aan hore u jirin. lacagtan ayaa la filayaa inay dalkaasi ku baahdo maalmaha soo socda, iyadoo lacagaha waawayn loo qabtay in muddo 1 bil ah lagu badalo, iyadoo si guudna badalku u socon doono muddo 3 bilood ah. Source
  17. (SLT-Khartoum)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khadka taleefanka kula xidhiidhay raysal wasaaraha dalka Suudaan Cabdalla Xamduuk, iyagoo ka wada hadlay xaaladaha labada wadan, gaar ahaan fatahaadaha Suudaan. Madaxweyne Farmaajo ayaa uga tacsiyeeyay shacabka iyo dowladda Suudaan khasaaraha ka dhashay fataahadaha ku dhuftay dalkaas kuwaas oo sababay khasaare naf iyo maalba leh. Raysal wasaare Cabdalla Xamdook ayaa uga mahadceliyey madaxweyne Farmaajo sida uu ula qaybsaday dhibaatadooda, isagoo sheegay in muwaadiniinta Suudaan ee ku dhaqan Soomaaliya laga dhaafay kharashaadka deganaanshaha iyo wixii ganaaxyo ah ee la xidhiidha. Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday dhammaan ganacsatada iyo shacabka Soomaaliya in ay gurmad deg deg ah u fidiyaan walaalahooda dalka Suudan. Source
  18. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka Milateriga Soomaaliya Generaal Odowaa Yuusuf Raage. Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Lafta-gareen uu Warbixin ku saabsan Amniga iyo Guulaha laga gaaray Ciribtirka Al-shabaab ka dhegaystay Taliyaha, islamarkaana Gen. Odowaa uu sheegay in Alshabaab qasaaro iyo jab xoogan loogu geystay howlgaladii ka socday qeybo kamid ah Gobolada Koonfur Galbeed. Taliye Odowaa ayaa sidoo kale Kulanka ka sheegay, in ay sii socon doonaan Hawlgallada ka dhanka ah Al-shabaab, isagoo xusay in dhowaan ay bilaabi doonan Furida wadooyinka iyo xoreynta Goobaha ay Al-shabaab kaga harsan yihiin Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Madaxweyne Lafta-gareen, ayaa isna bogaadiyey Howlgalada ay wadaan Ciidanka Milateriga Soomaaliya ee lagu si feynayo Al-shabaab, kuwaas oo ka socda Koonfur Galbeed, waxaana uu Xusay in Maamulkiisa ay ka go’antahay La-dagaallanka Argagixisada. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Lafta-gareen oo Muqdisho kula kulmay Gen. Odowaa appeared first on Puntland Post.
  19. Garissa Governor Ali Korane will spend Monday night in police custody pending his arraignment over allegations of graft. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Justin Amash oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa ayaa ku eedeeyey madaxweyne Donlad Trump inuu duqeymo badan oo dhanka cirka ah ka fuliyey Soomaaliya, kuwaasi oo dad badan lagu laayey. Justin Amash ayaa ku doodaya in madaxweyne Trump uu jabiyay rikoore uu awoodi waayey madaxweynihii hore ee Mareykanka, Barack Obama. Tan iyo markii uu xilka qabtay Donald Trump ayaa waxa sarre u kacay duqeymaha uu Mareykanka ka fuliyo gudaha Soomaaliya, kuwaasi oo lagu bartilmaamedsado argagixisada, sida lagu sheego warbixino ka soo baxa duqeymahaasi. Sanadkii hore ee 2019-ka ayaa waxa uu Mareykanku ka fuliyaya gudaha Soomaaliya duqeymo badan, kuwaasi oo Justin aamisan yahay inay ka heer sareeyaan kuwii sideedii sanno ee Barack Obama. Sida ay muujinayaan tirakoobka duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ay ka geystaan Soomaaliya ayaa waxa cel-celis ahaan ka badan duqeymihii 2019-ka. Mareykanka ayaa 2019-kii gudaha Soomaaliya ka fuliyay duqeymo dhan 63, taasi oo ka dhigeysa tiradii ugu badneyd ee duqeymaha uu Mareykanku tan iyo sanadii 2011-kii. “Madaxweynaha dagaal-diidka ah ee Donald Trump ayaa bilaabay duqeymo ka badan kuwa cirka iyo kuwa aan duuliyaha laheyn ee Soomaaliya sanadkii ugu dambeeyay marka loo eego inta uu Barack Obama fuliyay dhamaan sideedii sano,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka. Ilhaan Cumar oo kamid ah Xildhibaannada Kongareska Mareykanka ayaa iyaduna ka fal-celisay hadalka Justin, iyada oo gebi ahaanba ka hor-timid erey bixintiisa uu ugu yeeray Trump ee ‘Dagaal-diid’. Ilhaan oo qoraal kooban uga fal-celisay qoraalka Justina ayaa tiri “Trump ma aha dagaal-diid, kaliya wuxuu ku dheel-dheela khudbadiisa”. Dhowrkii sanno ee u dambeeyay waxa marba marka kasii dambeysa sarre u kacayey duqeymaha uu Mareykanku ka fuliyo gudaha Soomaaliya, tan iyo markii uu xilka la wareegay Donald Trump. Mareykanka ayaa muddooyinkii dambe galaan-gal xoogan kulahaa arrimaha Soomaaliya, xili lagu tirinayo inuu yahay ‘gacan siiyaha u weyn’ ee dowladda federaalka Soomaaliya, marka loo eego dhanka amniga iyo arrimaha deeq bixinta. The post Justin Amash: Trump wuxuu Soomaaliya ku sameeyey wax aan la aqbali karo first appeared on Caasimada Online.
  21. TPS provides hundreds of thousands the right to live and work in the US, based on events in their home countries. Source: Hiiraan Online
  22. MOORHEAD, Minn. — Eleven workers of a Moorhead food preparation business say they were fired after approaching management about being overworked and underpaid, and now they've made accusations of religious discrimination. Source: Hiiraan Online
  23. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor Qoor ayaa la filaya in uu Maanta oo Talaado ah warbixin u jeediyo Golaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya. Madaxweyne Qoor Qoor wuxuu Khudbaddiisa Aqalka Sare kaga warbixin doonaa Xaaladda Galmudug, Marxaladda kala guurka ah ee Siyaasadda Soomaaliya iyo Arrimaha Doorashada soo socota. Sidoo kale Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ayaa la filayaa in ay su’aalo ka weydiiyaan Arrimaha uu kaga hadli doono Khudbaddiisa. Golaha Aqalka Sare waxaa horay Khudbado uga jeediyay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland Axmed Madoobe iyo Siciid Deni kuwaas oo ka warbixiyay Arrimaha Labada Maamul iyo sidoo kale Xaaladda Siyaasadeed ee Dalka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Qoor Qoor oo Maanta hortegaya Golaha Aqalka Sare appeared first on Puntland Post.
  24. The Cambridge Tab speaks to filmmakers Awa Farah and Alice Aedy about their latest documentary Somalinimo Source: Hiiraan Online