Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynihii hore ee Dalka Xasan Dheikh Maxamuud iyo Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya James Swan oo maanta oo Axada kulmay ayaa islasoo qaadey [...] The post Xasan Sheikh iyo James Swan oo ka arinsaday Doorashada Soomaaliya appeared first on . Source
  2. Ra’iisul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inuu soo dhisi doono xukumadda tayo leh oo awood uleh dar dar gelinta howlaha hortabinta leh ee horyaala dowladda . “Waxaan soo dhisi doonaan xukumadda tayo leh oo ka shaqeyn doonto howlaha hortabinta leh ee hortaayala xukumadda si aan ugaarno howlaha waa weyn oo ayn inanga sugayaan shacabka Soomaaliyeed . Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha dalka Mudane Maxamed Xuseen rooble ayaa xusay in uu soo magacaabi doono khabiir sharci oo baaris iyo dabagal ku sameeya tacadiyada jinsiga (kufsiga) ee lagula kaco haweenka iyo caruurta, isagoo kaashanaya hay’adaha caddaaladda dalka. “Waxaan soo magacaabi doonaa khabiir sharci oo gaar ah oo xil weyn iska saara baarista iyo la dagaalanka tacadiyada Jinsiga (Kufsiga) ee lagula kaco haweenka iyo caruurta, si uu ugala shaqeeyo hay’adaha Cadaaladda iyo Garsoorka, waxaanu qaadi doonnaa tallaabo kasta oo ku habboon oo lagula dagaallamo fal- dambiyeedyada noocaas ah. Hadalkaan ayuu Ra’isul wasaare Roobke ka sheegay munaasabad uu maanta xilka kula wareegay. View the full article
  3. Guddiga farsamada soo xulista baarlamaanka 2-aad ee Hirshabeelle ee uu dhawaan magacaabay madaxweyna dowlad goboleedka hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle. Xubnaha guddiga ayaa markiii ay gaareen jowhar waxaa kusoo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka shabeellaha dhexe iyo saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida. Guddoomiye ku xigeenka siyaasada gobalka shabeellaha dhexe Maxamed Cabdi Sheikh Xandow oo ka mid ahaa masuuliyiin soo dhaweeyay ayaa waxa uu sheegay inay ku faraxsanyihiin waxaana sidoo kale uu ugu baaqay in si hufnaan leh ay uga shaqeeyaan arrimaha loo ekmaday ee ah soo xulista barlamaanka 2-aad ee dowlad goboleedka Hirshabeelle. Afhayeenka guddiga Siyaad Maxamed Isaaq ayaa ka mahadceliyay soo dhawenta looga sameeyay waxaana uu sheegay in maalmahan soo socda ay soo saari doonaan jadwalka shaqo ee soo xulista baarlamnaka 2-aad ee Hirshabeelle. Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waree ayaa 29 bishii lasoo dhaafay ee agoosto magacaabay guddigaan farsamada soo xulista barlamaanka labaad ee Hirshabeelle kuwaasi oo ka kooban 11 xubnood.\ Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  4. Saddex ruux ayaa geeriyootay, halka 13 kalena la waayey, kadib markii doon ay la socdeen oo ku sii jeeday dalka Talyaaniga ay ku degtay xeebaha Liibiya, sida ay sheegtay QM. Hay’adda muhaajiriinta ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano IOM ayaa xaqiijisay in 22 ruux oo ka mid ah dadkaasi ay bad-badeen. Dadka dhintay ayaa la sheegay in dhalasho ahaan ay ka soo kala jeedeen dalalka Syria iyo Ghana, iyadoo laga walaacsan yahay in dadka kale ay dhinteen. Labo iyo laabatanka ruux ee ka bad-baaday doonidaasi qalibantay ayaa sidoo kale ka soo jeeda kala wadamada Masar, Bangladesh Iitoobiya, Niger, Somalia, Syria iyo Ghana. Ururka muhaajiriinta ee Qaramada Midoobay ayaa dadka bad-baaday u qaaday xero lagu hayo dadka qaxootiga ah oo ku taala dalka Liibiya. Waa doontii labaad oo waday muhaajiriin ku sii jeeday dalka Talyaaniga oo isla bishan September ku degta xeebaha Liibiya. View the full article
  5. Guddiga joogtada golaha shacabka ee barlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda sidaxaad ee kalfadhiga 8-aad ku yeeshay xaruunta guddiyada iyo guddonka golaha shacabka barlamaanka Soomaaliya. Kulanka waa guddoomiyanayay guddoomiyaha golaha shacabka ee barlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Iyada uu goob job ka ahaan ku xigeenka kowaad ee golaha Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudeey. Xubnaha guddiga ayaa kulankooda maanta waxa ay uga hadleen shuruucda taala golaha shacabka iyo sidii loo kala horumarin laha ama mudnaanta loo kala siin laha maalmaha la kala gelinayo shuruucda golaha hor yaala. sidokale kulanka ayaa looga hadlay sidii shaqada baarlamanka loo kordhin laha isla markaana inta waqtiga baarlamanka ka harsan loo dardar gelin laha tayada waxbarashada dalka . Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  6. Dowladda Kenya ayaa ka hadashay iska hor imaad shalay ciidamadeeda iyo kuwa dowladda Soomaaliya ku dhex maray xadka ay wadaagaan labada wadan. Iska hor imaadkaasi ayaa ka dhashay, kadib markii ciidamada Kenya ay rasaas ku fureen dadweyne dhigayey dibad-bax iyaga looga soo horjeedo. Sidoo kale rasaastaasi kadib waxaa jawaab ka bixiyey ciidamada malatariga Soomaaliya oo xabado ku furay dhinaca Kenya. Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Kenya oo warramayey wakaalada wararka ee AFP ayaa xaqiijiyey in ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya ay rasaas is-weydaarsadeen. Waxa kale oo intaasi ku daray in xabadaha ay fureen kadib markii dad banaan-baxayaal ah ay ku soo dhawaadeen xadka Kenya, iyadoo aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay iska hor imaadka halkaasi ka dhacay. Dadka dhigayey dibad-baxa ayaa waxaa ciidamada Kenya ay ku eedeeyeen in ay dileen saddex ruux oo shacab ahaa, islamarkaana ka mid ahaa dadka deegaanka. Xiisada u dhaxeysa labada dal ayaa cirka isku shareertay, iyadoo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee ay Kenya ku eedeysay in faro-gelin ku hayso dalkeeda. View the full article
  7. Baku (Caasimada Online) – Armenia iyo Azerbaijan ayaa isku diyaarinaya dagaal weyn kadib markii iska horimaad culus uu ka dhex qarxay milatariga Azerbaijan iyo koox gooni u goosato reer Armenia ah, kaasi oo horseeday khasaare nafeed oo shacab iyo militari ah oo soo gaaray labada dhinac. Waa isku dhacii ugu xumaa ee tan iyo 2016 dhex mara Azerbaijan iyo Armenia oo uu uu ka dhaxeyeo muran dhuleed salka ku haya gobolka Nagorny Karabakh. Gobolka Nagorny Karabakh waxa uu caalamka u aqoonsan yahay inuu ka tirsan yahay Azerbaijan, hase yeeshee waxaa degan dad Armenian ah oo doonaya inay goostaan, waxaana taageera Armenia. Khudbad uu shacabka uga jeediyey taleefishinka ayaa madaxweynaha Azerbaijan Ilham Aliyev waxa uu wacad ku maray inuu guul ka gaari doono ciidamada Armenia. “Qadiyaddeena waa mid cadaalad ah waana guuleysan doonnaa,” ayuu yiri isaga oo adeegsanaya oraah caan ah oo laga soo xigtay kaligii taliyihii Midowga Soviet Joseph Stalin, oo uu jeediyey bilowdii dagaalkii labaad ee adduunka. “Ciidamada Azarbaijain waxay u dagaalamayaan dhulkooda,” ayuu yiri. Armenia iyo gobolka gooni u goosadka ah ee Nagorny Karabakh ayaa labadaba soo rogay xukun militari waxayna amreen in ciidamada ay diyaar garoobaan. “U diyaar garooba inaad difaacdaan dhulkeena barakeysan,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Armenia Nikol Pashinyan oo qoraal soo dhigay facebook. Hoggaamiyaha gobolka Karabakh Araik Harutyunyan ayaa sheegay inuu soo rogay xukun militari, uuna amray in qof kasta oo caafimaad qaba uu isu diyaarinayo adeeg militari. Armenia ayaa goor sii horreysay sheegtay in Azerbaijani ay soo weerareen deegaano ay degan yihiin shacab, ayna ku dileen haween iyo carruur. Wasaaradda gaashaandhigga Azerbaijan ayaa sheegtay inay billowday ‘weerar ka hortagis ah oo ay isaga caabineyso dhaq-dhaqaaqyada dagaal ee Armenia, kuna xaqiijineyso bad-baadada shacabka.” Turkiga oo xulufo la ah Azerbaijan ayaa ku eedeeyey Armenia inay dagaalka billaabeen, wuxuuna wacad ku maray inuu taageero buuxda siinayoBaku. “Waxaan si xooggan u cambaareeneynaa weerarka Armenia ay ku qaaday Azerbaijan,” waxaa sidaas yiri Ibrahim Kalin, oo ah afhayeenka madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan. “Armenia waxa ay jebisay xabad-joojinta ayada oo weerartay goobo ay ku nool yihiin dad shacab ah,” ayuu yiri. “Azerbaijan waxay xuquuqda ay u leedahay inay is-difacado u adeegsan doontaa inay bad-baadiso shacabkeeda iyo sharafteeda dhuleed. Inta hanaankan uu socdana, taageerada Turkey ee Azerbaijan waa mid adag, haddii Azerbaijan ay naga dooneyso taageero waan taageri doonnaa,” waxaa sida isna bayaan uu soo saaray ku yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga Hami Aksoy. The post Dagaal ka dhex-qarxay laba dal oo deris la ah Turkey iyo Ankara oo wacad ku martay inay galeyso first appeared on Caasimada Online.
  8. Waxaa maalintii saddexaad gobolka Gedo ka socdo dibad-baxyo looga soo horjeedo ciidamada dalka Kenya oo ay dhigayaan shacabka ku dhaqan gobolkaasi. Dibad-baxyada oo ah kuwa ballaaran ayaa waxa ay ka socdaan dhammaan degmooyinka gobolka Gedo oo dhaca koonfurta Soomaaliya. Dadka dhigaya dibad-baxyada ayaa ku qeylinaya erayo ka dhan ah ciidamada Kenya oo dhowaan tacadiyo ka geystay duleedka degmada Ceelwaaq. Sidoo kale waxa ay dalbanayaan dibad-baxayaashu in gabi ahaan ciidamadaasi laga saaro dalka oo dhan. Dhowaan ayey aheyd markii ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howl-galka AMISOM ay saddex ruux ka wateen degmada Ceelwaaq, kuwaas oo ay toogasho ku dileen waxaana falkaasi ka dhashay caro dadweyne iyo dibad-baxyo ka socda degmooyinka gobolkaasi. View the full article
  9. Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xilka kala wareegay Mahdi Maxamed Guuleed oo si ku meelgaar ah u siihayay xilkaas. Munaasad kooban oo ka dhacday Muqdisho ayuu ra’iisul wasaare Rooble xilka kula wareegay, waxaana munaasabadaas ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda federaalka Soomaaliya. Sida sharciga ah ra’iisul wasaaraha cusub waxay ahayd inuu xilka kala wareego ra’iisul wasaarihii la riday Xasan Cali Khayre oo horey xilkaas loogu dhaariyay. Warqad uu shalay Xasan Cali Kheyre u diray ra’iisul wasaaraha cusub Maxamed Xuseen Rooble, ayuu ku sheegay inuu diyaar u yahay inuu wareejiyo xilka xafiiska ra’iisul wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale Kheyre wuxuu warqadda ku sheegay inuu diyaar u yahay inuu xilwareejin ku sameeyo muddo asbuuc gudihiis ah, si looga fogaado dib u dhac ku yimaadda dadaallada loogu jiro horumarinta dalka. Madaxweyne Farmaajo ayaa maalintii la riday Xasan Cali Kheyre si deg deg Mahdi Maxamed Guuleed oo ahaa ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumaddii la riday ugu magacaabay ku sime. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Rooble oo xilka la wareegay appeared first on Puntland Post.
  10. Munaasabad uu xilka kula wareegay Ra’isul wasaaraha cusub ee xukummadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka dhacday aqalka madaxtooyada jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya waxaana uu kala wareegay sii hayihii xilka ra’isul wasaaraha dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Qadar). Munaasabada waxaa goob joog ka ahaa guddoomiye ku Xigeenka 1-aad ee Golaha shacabka barlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiwali Ibaraahim Sheekh Muudey iyo xubno ka tirsan guddiga qaban qaabada diyaarinta xaflada xil wareejinta. Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 17 bishaan u magacaabay xilka ra’isul wasaaraha dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble kaddib markii 25 bishii agoosto ay golaha shacab ay kalsoonida kala laabteen xukumadda hore ee uu hogaaminayay ra’isulwasaarihii hore ee dalka xasan Cali Kheyre. Halkan hoose ka daawo sawirrada:– View the full article
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo ka qeyb-galayey dood cilmiyeed ku saabsan doorashooyinka 2020/2021 ayaa lagu eedeeyey inuu dafiray jiritaanka gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya, kadib markii uu ka jawaabi waayey su’aal la weydiiyey oo aheyd halka ay ka dhacayso doorashada xildhibaannada heer federaal ee ka imaanaya gobolladaasi. Madaxweyne Farmaajo ayaa qiray in su’aashaasi ay tahay mid adag, kadib markii ay weydiisay gabar ka mid ah ka qeyb-galayaasha dooda. Xildhibaan Cali Cabdiwaaxid oo ka mid ah golaha wakiilada maamulka Puntland oo ka fal-celiyey hadalkaasi ayaa sheegay in uu Madaxweyne Farmaajo u gefay dadka degan Sool iyo Sanaag, islamarkaana uu hadalkaas ku raalli-gelinayey dad iyaga la mid ah. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Madaxweynaha Soomaaliya uu dafiray jiritaanka gobolladaas oo ay ku nool dad badan oo Soomaaliyeed. “Farmaajo waxa uu dafiray jiritaanka dadka u dhashay gobollada Sool iyo Sanaag, isaga oo raalli-gelinaya dad la mid ah dadka gobolladaas degan” ayuu yiri xildhibaanku . Dadka qaar ayaa rumeysan in madaxweynaha uu doortay inaanu su’aashaas ka jawabain, si hadalkiisa aanu usii dhalin xanaf badan, maadaama dowladda ay hadda wada-hadallo meel wanaagsan maraya kula jirto Somaliland. Waxaa sidoo kale jirta in xildhibaanada Sool iyo Sanaag doorashadooda qaarna ay ka dhaceyso Puntland, qaarna laga yaabo inay ka dhacdo Muqdisho, taasi oo heshiiska doorashada lagu sheegay, sidaas darteedna jawaabta madaxweynaha aysan soo kordhineyn wax aan ahayn inay xiisad un abuurto. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo horey heshiiska looga gaaray doorashooyinka loogu shaaciyey in doorashada xildhibaanada ka imaanaya gobollada waqooyi ama Somaliland ay ka dhaceyso gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. The post Maxay ahayd su'aashii uu Farmaajo doortay in aanu ka jawaabin ee dadka Sool iyo Sanaag ka carreysiisay? first appeared on Caasimada Online.
  12. Gedo region administration strongly condemns the indiscriminate and destructive attacks carried out by the Kenyan Defence Force in parts of Gedo region. On 23rd of September, the Kenyan army attacked Yado village near Elwak district killing one civilian and taking hostage four other local residents to unknown location. On Saturday the 24th of September, the KDF again waged another illegal attack against the local people in the border cities of Elwak and Beled-Hawo districts of Gedo region. During the attack, the Kenyan army took hostage for three more local residents in Kurtun village near Elwak town, they also destroyed the main telecommunication tower in the area. The same day the Kenyan army conducted large scale cross border military operation targeting civilians that were peacefully demonstrating to express their grievances. The regional administration urgently calls the Kenyan government to halt the recurring military intrusions that causing the loss of both civilian lives and the destruction of vital telecommunication infrastructure. Since, this will only benefit violence extremist elements to use this unfortunate events as means of recruitment and exploitation of civilian grievances. The regional administration also calls the Somali Federal Government to immediately intervene the situation by using all means available to stop the KDF atrocities against innocent civilians and the destruction of the already scarce telecommunications infrastructure vital for the livelihood of the local residents in the region. Likewise, the regional administrations appeals concerned human rights international organizations to investigate the level of the inhuman atrocities committed by the Kenyan Army in the region. Finally, the regional administrations requests the local community to withhold their grievances and refrain from any action that might deteriorate the already boiling situation on the ground. END Osman Nur Haji Gedo Region Governor The post Press Release: Gedo Region Administration strongly condemns KDF cross border attacks appeared first on Puntland Post.
  13. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xarunta guud ee xisbiga KULMIYE u tegay is-diiwaangelinta qaadashada kaadhka ka qaybgalka shirweynaha Afraad ee xisbul-xaakimka KULMIYE oo horraanta bisha tobnaad ee soo socota qorshaysan. Madaxweynaha, ayaa maray nidaamka loo qorsheeyey in la mariyo cidkasta oo ka qaybgelaysa shirweynaha xisbiga, waxana halkaas kusoo dhaweeyey xubnaha guddida qaban-qaabada shirweynaha Afraad oo hawlahoodii shaqo ku dhex jira, iyada oo xubno kale oo isugu jira hoggaanka xisbiga iyo golaha wasiirraduna oo ay kamid yihiin guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi-dheere, wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed iyo Agaasimaha guud ee madaxtooyada Mudane Maxamed Cali Bile ay isla maanta mareen nidaamka ay ku helayaan kaadhka ka qaybgalka shirweynaha. Shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE, ayaa ayey qaban-qaabadiisu meel fiican maraysaa, waxana gebogebo ku dhaw is diiwaangelinta ergooyinka gobollada iyo degmooyinka dalka ka imanaya ee shirweynaha qaybta ka noqonaya. Source
  14. Yuhuudda Masar ayaa laga mamnuucay u dabbaaldegidda munaasabadda……. Sawir muujinaya Yuhuud dabbaaldegeysa Maxkamad ku taalla dalka Masar ayaa xukun kama dambeys ah ka soo saartay mamnuucidda dabbaaldegga dhalasho ee wadaadka Yuhuudda ee “Abu-Xasira”, oo sannad walba lagu qabto mid ka mid ah tuulo ku taalla dalka ee Masar. Maxkamaddu waxay amar ku bixisay in qabrigii uu ku aasnaa wadaadka Yuhuudda ee Abu-Xasiirah in laga saaro liiska waxyaabaha qadiimiga ah ee Islaamka iyo Qibdiyiinta ee dalka Masar, waxayna maxkamaddu diidday codsiga ay Yuhuudda u soo gudbisay ee ahaa in meydkiisa loo wareejiyo Israa’iil. Xukunki kan ka horreeyey waxaa lix sana ka hor soo saartay Maxkamadda Alexandria. Maamulka sare ayaa diidday racfaanki loo soo gudbiyay iyada oo dowladda Masar ay codsatay in xukunki hore ee maxkamadda Alexanderia uu u noqdo mid kama dambeys ah. Maxkamadda Alexanderiya ayaa 2014-kii soo saartay go’aan ay ku mamnuuceyso macbadka Abu Xasiira iyo qabuuraha Yuhuudda ee ku hareereysan oo ku yaalla tuulada Demetioh ee gobolka Buxeyriya, oo horay uga mid ahaa liiska waxyaabaha qadiimiga ah ee Islaamka iyo Qibdiyiinta ku nool dalka Masar ay leeyihiin isla-markaana go’aanka maxkamadda la gaarsiiyo Hay’adda Waxbarashada, Saayniska iyo Dhaqanka ee Qaramada Midoobay (UNESCO) lagana hortago dabbaaldegga dhalashada Abu-Xasiira ee ay Yahuudda sanadwalba u dabbaaldegto. Maxkamaddu waxaa kale oo ay xukuntay inaan la oggolaan in naxashka ama lafaha Yuhuudda hore ee ku aasan dalka Masar inaan Israa’iil loo wareejinin isla-markaana si dhab ah loo aqoonsado Quddus iney tahay dhul dulmi lagu haysto lagana fogaado dowladda dulmiga caadeysatay ee Israa’iilna in loo aqoonsado dal madax bannaan. Macbadyada diineed Garyaqaan maxkamadda go’aanka gaartay ka mid ah ayaa gudbiyey dacwad ah in la joojiyo dabbaaldegga dhaalshada Yuhuudda ay dhigtaan ee Abu-Xasiira, iyada oo Yuhuudda dabbaaldeggaas horay looga oggolaaday iney ku qabsadaan Tuulada Damitouh, waxaase go’aankan dambe keenay marki ay dadka Yahuudda ee munaasabaddaasi u dabbaaldega ay tiradooda badatay. Dadka ku nool tuulada ay Yuhuudda dabbaaldeggaas ku qabsadaan ee Damitouh waxay arrintaasi u arkeen mid ka horimanayo anshaxa guud ee bulshada halkaasi ku nool. Garyaqaan ayaa gudbiyay dacwad si loo joojiyo dabaaldegga dhalashada Abu-Xasira, oo Yuhuudda loo oggolaaday inay ku qabsadaan tuulada Damitouh, ka dib markii ay sii kordheen tirada dadka u dabaaldegaya, iyo cibaadooyinka ay dadka tuulada deggan u arkeen inay ka soo horjeedaan anshaxa guud iyo diimaha ay dadka kale aaminsan yihiin. Abu-Xasiira waa kumaa? Abu-Xasiira wuxuu ahaa wadaad Yuhuud ah oo hoggaamiyeyaashooda ruuxiga ka mid ah waxaana magaciisa la odhan jiray Yacquub bin Mascuud wuxuu ka soo jeedaa dalka Morocco oo uu ku noolaa qarniga sagaalaad iyo tobanaad. Qoyska Abu-Xasiira uu ka dhashay oo ahaa mid aad u badan waxay u kala haajireen waddama kala duwan oo ay ka mid yihiin Masar iyo dalal kale. Qaar ka mid ahna waxay ku nagaadeen ilaa iyo haddaba isirkooda uu ku dambeeya dalka Morocco, iyada oo dadka aminsan diinta Yuhuudda ay qoyskaasi u arkaan kuwa ‘barakeysan’. Dabbaaldegga dhalashada Abu-Xasiira waxay soo billaabatay 1907-dii iyada oo sanad walba ay Yuhuuddu xusto inta u dhaxeysa 26-ka December ilaa iyo 2-da Jannaayo iyaga oo xuskana ku qabsado macbad ay Yuhuuddu leeyihiin oo ku yaalla tuulada Demitouh oo gobolka Buxeyriya ka tirsan ee dalkaasi Masar. Boqollaal Yuhuud ah oo ka kala yimaadda dalalka Morocco, Faransiiska iyo Israa’iil ayaa qabriga Abu-Xasiira u arko goob ay u soo xajiyaan oo sanad kasta halkaasi yimaadda. Maxkamad ku taalla dalka Masar ayaa 2001-dii dabbaaldeggaasi mamnuucday, hase yeeshee mas’uuliyiinta dowladda Masar waxay marki dambe oggolaadeen in dabbaaldeggaasi sanadki mar la qabto wixi ka dambeeyey 2010-kii. Wixi ka dambeeyey kacaanki 2011-kina ma jirin wax barnaamijyo ah ama booqashooyin qabri ama dabbaaldegyo ah oo halkaasi ka dhacay maadaamaa shacabka deggan goobaha dabbaaldegyada sanadlaha lagu qabanayey ay diideen. Waqtigaasina, Masar waxay Israa’iil ku wargalisay dhibaatada ay leedahay qabashada dabaaldegga, “iyadoo la tixgelinayo duruufaha dalka Masar xilligaasi uu marayey.” Go’aankan maxkamadda Masar ayaa imanaya toddobaadyo un kadib markii la kala saxeexday laba heshiis oo dib looga soo celinayo xidhiidhka u dhexeeya Imaaraadka Carabta, Baxrayn iyo Israa’iil, halka ay wararku intaasi ku darayaan inay suurtagal tahay in xiriirka ka dhaxeeyo Suudaan iyo Israa’iil-na uu caadi ku soo noqdo. Qaran News
  15. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Warka-Duhur-2792020.mp3 View the full article
  16. (SLT-Hargeysa)-Golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta Ansixiyay Xeerka Doorashooyinka Somaliland balse waxa ay xeerka ka saareen Qoondadii (kootadii)Haweenka iyo Beelaha la hayb-sooco. Sidoo kale waxa ay diideen qodobka Xildhibaanada Isxanbaarka oo qaar ka mid ah deegaamada bariga Somaliland xildhibaano kaga soo bixi jireen. Wakiillada ayaa Qodob qodob u ansixiyay Xeerka Doorashooyinka. Source
  17. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo xalay markii ugu horreysay ka hadlay madasha Raas oo ay shacabka su’aalo ku weydiinayeen ayaa u gefay saxafiyiinta Soomaaliyeed isaga oo caddeyn la’aan qaarkood aqoon darri ku sheegay, qaarna iney la shaqeeyaan Al-shabaab, arrintaas oo bahda saxaafaddu ku sheegeen mid khatar gelineysa amniga saxafiyiinta Soomaaliyeed. Farmaajo oo hadlayey ayaa yiri “Waxaa jira dad saxafiyiin u eg balse aanan aheyn suxufi, waxaa laga yaabaa ineysan aqoonteeda laheyn iyo khibradeedii, qaladaad badan oo caadi aheyn ayey iska galayaan ama waxaa laga yaabaa qaarba iney meelo kale ku xiran yihiin oo ay Shabaab ka mid tahay, oo ay shaqo ku jiraan, oo ay ka shaqeynayaan sidii dhibaato iyo khalkhal u abuuri lahaayeen”. Haddaba, Xogheyaha guud ee ururka suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS Cabdalla Axmed Muumin oo arrinkaas kala hadlay Goobjoog News ayaa waxaa uu sheegay in warkani yahay halis isaga oo yiri ” Hadalka Madaxweyne Farmaajo wuxuu ahaa hanjabaad toos ah oo uu u diray warfidiyeenka Soomaaliyeed oo awalba khatar amni oo weyn ay heysatay. Waxaan u aragnaa halis aan la dhayalsan karin. Mr. Muumin oo sii hadlaya “Muddaddii ay jirtay Dowladda Madaxweyne Farmaajo ee ka billaabatay February 2017 illaa maanta waxaa dalka lagu dilay 10 suxufi, waxaa la dhaawacay ku dhowaad 10 kale. waxaa la xiray in ka badan 100 weriye dalkoo dhan. Sannadkii 2019 oo kaliya waxaa dalka ka qaxday 12 suxufi sababo la xiriira handadaad dil iyo xarig ay la kulmeen”. Xogheyaha guud ee ururka suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS ayaa sheegay in Farmaajo baryi jiray saxaafadda 2016-kii “Saxafiyiinta Soomaaliyeed wuxuu Madaxweynuhu ku eedeeyay inay khaladaad badan galaan, taasoo micneheedu yahay in ciddii aan isaga ama maamulkiisa amaanin inuu u yaqaano dad aan aqoon lahayn. Waa nasii darro saxaafaddii uu Farmaajo u adeegsanayey ol’olihiisa doorashada sannadkii 2016 ee uu maalin kasta telefoon ku wici jiray ee uu dhihi jiray i wareysta inuu maanta ku tilmaamay kuwo khaladaad aan caadi ahayn gala!. Xogheyaha guud SJS Cabdalla Muumin, waxaa uu ugu dambeyntii sheegay in Farmaajo ka been sheegay xeerka saxafadda isaga oo yiri “Madaxweynuhu wuxuu kaloo sameeyay marin-habaabin. Wuxuu sheegay in xeerkii ugu horreeyay ee saxaafadeed ee Madaxweynuhu saxiixo uu isagu saxiixay taasoo aan sax ahayn. Xeerka hadda uu Madaxweynuhu sheegayo waa kii Wax-Ka-Beddelka Xeerka Warbaahinta ee Madaxweynihii hore Xasan Sheekh uu saxiixay bishii 9kii Jannaayo 2016. Dowladda Farmaajo waxay markale soo celisay xeerkii oo sidiisii hore kasii liita oo ka xun. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. MOGADISHU (HOL) - Mohamed Hussein Roble has officially taken charge as new Prime Minister following a handover ceremony Sunday. Source: Hiiraan Online
  19. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta si rasmi ah xilka ugula wareegay munaasabad ka qabsoontay Xafiiska R/Wasaaraha, kadib markii 23-kii bishan ay codka kalsoonida siiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka. Sii hayihii xilka Ra’iisul Wasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guleed ayaa ka warbixiyey shaqooyinkii muhiimka ahaa ee ay soo qabteen golihii wasiirada, isagoo u rajeeyey R/wasaaraha cusub in rabbi ku guuleeyo masuuliyadda adag ee u adeeggidda shacabka iyo Qaranka Soomaaliyeed. “Horumarro badan ayaa laga gaaray Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibadda, sugidda amniga, caddaaladda , waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha, dib-u-heshiisiinta, dib-u-eegista dastuurka, hagaajinta nidaamka diiwaangelinta shaqaalaha rayidka iyo ciidamada qalabka sida,” ayuu yiri Mahdi Guuleed. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku ammaanay Ku-simihii Ra’iisul Wasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guuleed iyo xubnaha Golaha Wasiirada ee xilka sii haya, hawlihii adkaa, ee ay soo qabteen muddadii saddexda sano iyo barka ahayd ee la soo dhaafay. Isagoo uga mahadceliyey Golaha Shacabka kalsoonidii ay siiyeen. Ra’iisul Wasaaraha ayaa muujiyey arrimaha mudnaanta iyo hor-tebinta u leh Xukuumaddiisa oo ay ugu muhiimsan yihiin arrimaha Amniga, Doorashooyinka, Horumarinta Dhaqaalaha, Caddaaladda iyo Adeegga Bulshada. Sidoo kale, R/Wasaaraha ayaa xusay in uu soo magacaabi doono khabiir sharci oo baaris iyo dabagal ku sameeya tacadiyada jinsiga (kufsiga) ee lagula kaco haweenka iyo caruurta, isagoo kaashanaya hay’adaha caddaaladda dalka. “Waxaan soo magacaabi doonaa khabiir sharci oo gaar ah oo xil weyn iska saara baarista iyo la dagaalanka tacadiyada Jinsiga (Kufsiga) ee lagula kaco haweenka iyo caruurta, si uu ugala shaqeeyo hay’adaha Cadaaladda iyo Garsoorka, waxaanu qaadi doonnaa tallaabo kasta oo ku habboon oo lagula dagaallamo fal- dambiyeedyada noocaas ah”. Golaha Shacabka ayaa cod aqbalabiyad leh ku ansixiyay Maxamed Xuseen Rooble kadib markii loo magacaabay inuu bilaha haray ku dhiso xukuumad dalka ka saarta marxaladda kala guurka. The post Sawirro: R/W Rooble oo si rasmi ah xilka ula wareegay first appeared on Caasimada Online.