-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Guriceel (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa ka dhawaajiyay in xukuumadiisa aysan aqbali doonin colaad iyo qalalaase ka dhaca deegaanada Galmudug. Madaxweynaha oo qudbad laga siiyay furitaanka Jaamacad laga hirgaliyay magaalada Guriceel ayuu sheegay iney diirada saari doonaan sidii ay uga hortagi lahaayeen wax walba oo ka imaanaya Al-Shabaab. Axmed Qoorqoor wuxuu sidoo kale sheegay in dadka reer Galmudug lagu xanto iney colaad ka jirto deegaanadooda, balse aysan taasi aqbali doonin, waxeyna arintaan kusoo aadeysaa xilli mudooyinkii dambe ay qalalaaso ka dhaceen deeganaadaas. Al-Shabaab ayaa sare u qaaday dhaq-dhaqaaqyada ay ka sameeyaan Galmudug, sidaas darteed maamulka uu hogaamiyo Axmed Qoor-Qoor waxey isha ku hayaan iney taxadar u yeeshaan halista ka imaan karta kooxdaan. Dagaalyahanada Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida waxey ku xoogan yahiin Koonfurta iyo Baramaha Soomaaliya, waxeyna mudooyinkii dambe kordhiyeen hawlgallada ay ka sameeyaan Soomaaliya maadaama lagu sii dhawaanayo wakhtigii doorashooyinka. The post Madaxweynaha Galmudug oo diray fariin ka dhan ah kooxda Al-Shabaab first appeared on Caasimada Online.
-
A Scottish pest control expert is playing a key role in tackling the worst locust swarms seen in East Africa in more than 70 years. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU (Xinhua) -- The Somalia Humanitarian Fund (SHF) has released 9.26 million U.S. dollars to scale up priority life-saving assistance to nearly 300,000 people affected by floods in Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-Subax-16102020.mp3 View the full article
-
Madaxweynaha Dowlad goboleedka galmudug, Axmed Cabdi Kaariye( Qoor Qoor), ayaa sheegay in Maamulkiisu uusan aqbali doonin colaad iyo qalalaase ka dhaca Galmudug. Qoor Qoor, wuxu sheegay in dadka Reer Galmudug lagu xanto, in ay degaannadooda ka jiraan Colaad, balse Madaxda Galmudug ay diyaar u tahay inay ka hortagto waxkasta oo keeni kara Colaadaha. Madaxweyne qoor Qoor, oo hadal ka jeedinayay Munaasabad Jaamacad lagu furayay oo ka dhacday guriceel, ayaa sheegay in Galmudug ay ka hortegi doonto waxkasta oo dib u dhigi kara horumarada Galmudug, sida weerarada ay geystaan Ururka Al-Shabaab. Hadalka Madaxweynaha Galmudug, ayaa kusoo beegmay xilli maalmihii la soo dhaafay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wadeen degaano ku yaalla duleedka Dhuusamareeb PUNTLAND POST The post Madaxweyne Qoor Qoor oo ka hadlay dhaqdhaqaaqyada Al-shabaab ka wado Galmudug appeared first on Puntland Post.
-
Beled-xaawo (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraya walaaca ay qabaan shacabka ku nool degmooyinka gobalka Gedo, gaar ahaan degmada Ceel-waaq kadib markii ay kordheen xiisadda u dhaxeysa ciidamada dowladda iyo kuwa Jubaland. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa labadii maalmood ee tegay ciidamo geysay degmooyinka Doolow iyo agagaarka Ceel-waaq, waxaana la sheegayaa in ay ku wajahan yihiin degmada Ceel-waaq oo ah degmada kaliya oo ay hadda joogaan ciidamo ka amar qaata maamulka Jubaland. “DF waxay soo daad gureysay ciidamo kale halkii ay aheyd in kuwa jooga ay qaado wixii ay ka faa’ido annaga yeysan waxba naga siinin,” ayuu yiri Xildhibaan Bashiir Faaqid oo ka tirsan xubnaha baarlamaanka Jubaland ee ka soo jeeda Gedo. “Annaga waan diyaarsanahay cidna uma aaba yeeleyno waxaan diyaar u nahay inaa difaacno gobalka Gedo wixii dagaal ama dhibaato ahna mas’uuliyaddeeda Farmaajo ayaa qaadaya,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan Bashiir Faaqid oo ka tirsan baarlamaanka Jubaland. Dhinaca kale, xiisadda ka taagan gobalka Gedo waxaa laga cabsi qabaa in ay sabab u noqoto bur bur ku yimaada heshiiskii doorashada Soomaaliya ee dhamaadka bishii la soo dhaafay lagu gaaray Villa Somalia. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Jubaland ay wado wadatashi ku aadan sidii ay ka yeeli laheyd heshiiskaas maadaama wali taagan tahay doodii gobalka Gedo islamarkaana aysan muuqan saan saan ay dowladda federaalka kula baxeyso ciidanka ka jooga Gedo. The post Gedo oo dagaal cusub qarka u saaran iyo DF oo ciidan u dirtay degmada kaliya ee ku hartay gacanta Jubaland first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalbaday in lasii wado taageerada militari ee Mareykanka uu siiyo Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka digay in saaxiibtinimada Mareykanka iyo Soomaaliya, loogu guuleysan karaa sii wadista iskaashiga amni ee ka dhaxeeya labada dal. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhowaan la-taliyayaashiisa sare u sheegay inuu doonayo in ciidamada Mareykanka laga soo saaro Soomaaliya, sida ay ilo xog-ogaal ah u sheegeen warbaahinta Bloomberg. Mareykanka ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga 700 oo askari, kuwaas oo badankood ah ciidamo gaar ah oo gacan ka geysta tababarka ciidamada Soomaaliya. Dhammaan ciidamadan ama badankood ayaa waxaa la diray intii uu Trump xukunka hayey. Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiia twitter-ka ayuu madaxweyne Farmaajo ku yiri “Taageerada militari ee Mareykanka uu siiyo Soomaaliya waxay noo ogolaatay inaan si wax ku ool ah ula dagaalanno Al-Shabaab, oo aan sugno Geeska Afrika.” “Guul laga gaaro safarkan, saaxiibtinimada Mareykanka iyo Soomaaliya, waxaa loogu guuleysan karaa sii wadista iskaashiga amni, iyo taageerada awood dhisidda,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya. Kasoo saarista ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa Trump u ogolaaneysa inuu ka dhabeeyo mid ka mid ah ballan-qaadyadii u u ku galay ololaha doorashada oo ahayd, inuu ciidamada Mareykanka ee dagaallada kala duwan u jooga caalamka uu kusoo celin doona dalkooda. Damaca madaxweynaha ee ah inuu Soomaaliya kasoo saaro ciidamada, ayaa si kastaba noqday mid aan sahlaneyn, ayada oo saraakiisha ay ka digeen inay tani horseedi karto inay soo baxaan dal-daloolo ay buuxiyaan Al-Shabaab. “Haddii ciidamada Mareykanka ay kasoo baxaan Soomaaliya, waxaa sii daciifi doono xakameynta amniga Soomaaliya ee markii horeba ku adkeyd dowladda federaalka,” waxaa sidaas yiri Colin Thomas Jensen, oo la-taliye sare oo siyaasadda Africa u ahaa safiirkii hore ee Mareykanka ee QM Samantha Power. The post FARMAAJO oo Mareykanka uga digay inay lumin karaan saaxiibtinimada Soomaaliya first appeared on Caasimada Online.
-
In Dearborn, a suburb of Detroit where one-third of residents identify as Arab-American or are of Arab descent, Muslim voters lean decidedly towards the Democrats. And while Joe Biden wasn’t the first choice for many here, widespread opposition to President Donald Trump is bringing voters into his camp. Source: Hiiraan Online
-
Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeyay ciidamada Kenya iyo Al-Shabaab uu ka dhacay duleedka degmada Dhoobley ee gobolkaasi. Dagaalka ayaa uu si gaar ah uga dhacay degaanka Taabta oo hoostaga degmada Dhoobleey Gobolka Jubbada Hoose, sida laga soo xigtay goobjoogayaal Dagaalka ayaa yimid kaddib markii sida la tilmaamay ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen saldhiga Ciidamada Kenya ee degaanka Taabta inkastoo aan xog sugan laga helin khasaaraha ka dhashay. PUNTLAND POST The post Dagaal ka dhacay Jubada Hoose appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa shalay magaalada Muqdisho ku qabtay gaari iyo kooxdii saarneyd oo qof dumar ah ka afduubtay degmada Xamar Jajab ee gobalka Banaadir. Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in ciidamada Booliska ee degmada Dharkeynley ay qabteen gaariga oo nuuca raaxada ah, islamarkaana ay saarnaayeen 3 nin. Gaariga ayaa shalay aroortii hore gabar ka afduubtay degmada Xamar Jajab ee gobalka Banaadir. “Gaarigan waxa uu xoog ku jiiray Kontarool ciidan kadib booliska ayaa gaari kale ku ceyrsaday waxaana markii dambe lagu qabtay Dharkeynley, waxaana gudaha gaariga ku jirtay gabar lugaha, gacmaha iyo afkaba ka xiran, hadda waxaan gaariga iyo dadkii saarnaa ku wareejinay CID halka gabadhiina ku wareejinay qoyskeeda,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka Muqdisho. Gabadha la afduubtay oo xubna ka mid ah qoyskeeda aan la hadalnay ayaa sheegay in ay shalay aroortii hore iyadoo adeeg doonatay laga qabtay agagaarka Suuqa Beerta, gaar ahaan meel u dhaw xarunta ciidamada cirka ee Afisyooni, waxaana lagu ritay gaarigii ay kooxda wadatay. “Gabadha maro cad oo qoyan ayaa afka loo saaray waana dagaashay ilaa maradii ay dhacdo kadib iyadoo xoogaa miir la’ ayey wateen balse Allah ayaa booliska daba dhigay,” ayey tiri qof katirsan haweenka degmada Xamar Jajab. Muqdisho waxaa maalmihii la soo dhaafay aad looga cabanayaa afduubka dumarka iyo carruurta lamana oga sida xal loogu heli karo. Waalidiin badan ayaa wajahaya xaalad cabsi ah oo ku saabsan afduubka kusoo kordhaya magaalada Muqdisho. The post Gabar shalay laga afduubtay MUQDISHO iyo kooxdii gaysatay oo lasoo qabtay first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka digay cawaaqib xukumada ka dhalan karta magacaabis la’aanta xukuumadda federaalka ee laga sugayo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Madaxweyne Xasan Sheekh oo wareysi siiyey TV-ga Saab, ayaa sheegay in xukuumadda ra’iisul wasaare Rooble aysan hanaanka doorashooyinka waxna ku kordhi karin, waxna ka dhimi karin, balse ay muhiim u tahay Waxa uu sheegay in doorka uga aaddan uu yahay fududeyn oo kaliya, “Hadii wax la qaldayo, wax badan waa la haleyn karaa, laakiin doorka hadda u furan xukuumadda, waa inay fududeeyaan dhismaha wasasradaha ay khuseydo howshaan, si ay uga shaqeeyaan sidii ay doorashadu u dhici laheyd” ayuu yiri Xasan Sheekh. Madaxweynihii hore Xasan Sheekh oo is dul taagay howlaha muhiimka ah ee looga baahanyahay xukuumadda cusub ayaa yiri, “In la dhiso xukuumad cusub waa sax, balse wasaaradaha qaar kood oo shaqo ku leh howsha socota, dhismahooda waa in la fudeeyo, si doorashadu dhib la’aan ugu dhacdo, oo dadka xasaasiyaadkooda loo ilaalyo, amniga loo sugo, dhaqaalaha ku baxayana loo fududeyn lahaa, laakiin heshiiska doorashadu waa mid siyaasadeed oo la sharciyeeyay, isla markaana meel yaalla.” Waxa uu sheegay in ka mucaarad ahaan ay mar hore u diyaar-garoobeen doorashada dalka, isla markaana ayba jeclaan lahaayeen in waqtiga loo qabtay ka hor la qabto. “Markii la eego mucaaradka diyaar garowgiisa, annagu afartii sano ee lasoo dhaafay wax kaleba kama aanaa shaqeyneyn, waxaan u diyaar garownay doorasho weyn oo qof iyo cod ah inay dalka ka dhacdo, balse hadii loo noqonayo tii 2016-kii, waaba ka fududahay taan fileynay inay dhici doonto, marka wararka dhahaya mucaaradku diyaar uma ahan doorasho, waxba kama jiraan” ayuu yiri madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud. Hoos ka Daawo The post Daawo: Xasan Sheekh oo jeediyey digniin la xiriirta golaha wasiirada cusub first appeared on Caasimada Online.
-
Boqolaal maxaabiis ah ayaa lagu sii deyn doonaa isdhaafsiga maxaabiista ee ugu weyn ee dhexmara dhinacyada ku dagaalamaya Yemen tan iyo markii uu dagaalka sokeeye qarxay sanadkii 2015. In ka badan 600 oo ka mid ah fallaagada Xuutiyiinta iyo 400 maxbuus oo ka tirsan dowladda ayaa la filayaa in lasii daayo labada maalmood ee soo socota. Isweydaarsiga maxaabiista ayaa la xaqiijiyay intii lagu jiray wadaxaajoodka ay Qaramada Midoobey kormeeraysay ee Switzerland bishii Sebtember. Maxaabiista ayaa lagu soo daabulaa diyaarado. Guddiga Caalamiga ee Laanqeyrta Cas (ICRC), oo dusha kala socda isdhaafsiga maxaabiista, ayaa sheegay in shan ka mid ah diyaaradahoodu ay ka kaceen caasimadda Sanca iyo magaalooyinka Abha iyo Seiyoun subaxnimadii Khamiista. Dhamaadkii 2018, fallaagada Xuutiyiinta ee Iiraan taageerto iyo dowladda la aqoonsan yahay oo ay taageerayaan xulafada uu Sacuudigu hoggaamiyo, waxay ku heshiiyeen in la siidaayo guud ahaan 15,000 oo maxaabiis ah, laakiin heshiiskaas weli lama dhaqan gelin. Wadahadallada nabadeed waxaa lagu qabtay magaalada Stockholm. PUNTLAND POST The post Dowladda Yemen iyo Xuutiyiinta oo is dhaafsanaya maxaabiis badan appeared first on Puntland Post.
-
Turkiga oo awooddiisa milatari si lama filaan ah u hormariyay+Qalab uu ka helay UK Dowladda Turkiga ayey u suuragashay inay qaab kale ku hesho diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn ee duqeymaha fuliya, kuwaasoo uu horay Mareykanka uga mamnuucay inuu ka iibiyo. Qaabka ay Ankara ku sameysatay diyaaradahan ayaa ah mid lama filaan ah kaddib markii ay ka faa’iideysteen tiknoolojiyad lagu farsameeyay waddanka UK, taasoo ujeeddo kale laga lahaa. Gantaallo markii ugu horreysay lagu hindisay Ingiriiska ayaa Turkiga u sahlay inay sare u qaadaan awooddooda dhinaca tiknoolojiyadda, iyadoo hadda khubarada ay ka digayaan khatarta ka dhalan karta arrintaas. Caawinaaddaas muhiimka ah oo ka timid warshad hubka lagu sameeyo oo ku taalla magaalada Brigton ayaa horseedday in Turkiga uu noqdo waddanka Labaad ee ugu weyn adduunka dhinaca adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, sida uu shaaciyay wargeyska The Guardian. Ankara waxay sidoo kale iskeed ugu biirtay waddamo uu Mareykanka siiyay diyaaradaha noocaas ah oo loogu talagalay “dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada”. Diyaaradahan uusan duuliyaha saarneyd – oo Turkiga uu ku magacaabay Bayraktar TB2 – waxaa ilaa hadda loo adeegsaday howlgallo waaweyn oo ka dhan ah kooxaha ay Kurdiyiinta hoggaamiyaan ee ku sugan Suuriya. Howlgalladaas mid ka mid ah waxaa ku dhintay 449 ruux. Dowladda Azerbaijan, ayaa Turkiga ka iibsatay diyaaradaha loo yaqaanno UAV, waxaana la tuhunsan yahay inay u adeegsatay dagaalka ay kula jirto Armenia ee ka dhacay gobolka lagu muransan yahay ee Nagorno-Karabakh. Hase yeeshee inta uusan dagaalkaas dhicin ka hor, Turkiga ayaa si rasmi ah ugu soo biiray suuqa milatariga ee lagu iibiyo diyaarada drones-ka, kaasoo ay horay ugu jireen dalal faro ku tiris ah. Dadka falanqeeya arrimaha milatariga ayaa sheegaya in Turkiga uu si deg deg ah sare ugu qaaday awooddiisa. Daniel Gettinger, oo ah khabiir ka faallooda arrimaha milatariga ayaa BBC-da u sheegay “in Turkiga uu helay tiknoolojiyad uu waxyaabo badan ku farsameyn karo, haddana uu soo cidhiidhsaday suuqa kala iibsiga saanadda milatariga”. Shiinaha ayaa ah waddanka labaad ee soo saara diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn Qoraaga wargeyska Haberturk, sidoo kalena falanqeeya arrimaha duulista hawada, Güntay Lightning, ayaa yidhi: “Turkiga wuxuu kasoo kabanayaa dib u dhacii sannadaha badan uu uga habsaamay suuqa kala iibsiga diyaaradaha.” Güntay ayaa intaas ku daray in Turkiga uu sanadkii 1940-kii iyo wixii ka horreeyay xubin muhiim ah ka ahaa suuqaasi, maadaama uu soo saari jiray diyaarado, laakiin sannado badan uu xoogga saarayay sidii uu ku gaadhi lahaa tiknoolojiyadda wax soo saarka diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn. Maamulka madaxweyne Racep Tayyib Erdogan ayaa hadda la kulmaya dhaleeceyn badan oo ku aaddan in weerarrada uu diyaaradaha drones-ka u adeegsado ay galaaftaan nolosha dad badan oo rayid ah. Qaran News
-
Al Shabaab has turned into a shadow state and the Somali government, the United Nations and the international community need to reorient their focus. Somalia has been the paragon of retrograde politics, terrorism, and misery for three decades. The international community, its foot soldiers, and Somali political clients have fed rudderless strategies that reproduce the calamity. Such behaviour is in contrast with the Somali people’s steadfast tenacity to weather the storm. Somalis have refused to be broken and have established enterprises that are the envy of others. The late economic Nobel Laureate, Theodore Schultz, noted in his famous book “Transforming traditional agriculture,” that peasants will turn sand into gold if given an inch. Not unlike the proverbial peasant, Somali entrepreneurs have produced admirable enterprises despite towering odds: they boast the most successful native-owned telecommunication enterprises in Africa. A phalanx of three forces appear dead set to blocking the remarkable contributions entrepreneurs can make to Somalia’s reemergence from decades of misery: the international community and the African Union, the parasitic local political class, and Al Shabaab. The entanglements of these forces block every conceivable opportunity for local enterprises to gain a secure and legitimate working environment that is in sync with a legitimate international order. Between the devil and the deep blue sea The African Union and its backers, like the UN, have failed to secure Mogadishu and other major population centres from the menace of Al Shabaab. Their formulaic military strategy has failed to defeat the terrorist’s nimble strategy of combing guerrilla tactics and the silent but efficient administration of communal affairs even in areas controlled by the government. Where the African Union has put troops on the ground in partnership with poorly trained Somali forces, Al Shabaab simply retreats from the area but its network of operators remain inside the ‘liberated” areas to intimidate the population. Thus, two worlds exist in the same territory: a formal but ineffective presence of AU forces; and the invisible, elusive, but very real terrorists who control a lot of the population. The Somali government mimics the strategy of the AU and has been unsuccessful in providing security for the population of the capital, Mogadishu. The regime’s inability to secure Mogadishu for the past two decades has enabled Al Shabaab to make any demands on the population. Al Shabaab is not only a terrorist organisation, but it is also an effective administrative system that ‘gets the job done’. Here are three examples that demonstrate the terrorist’s deep and effective reach. First, a friend of mine bought a house for his ageing mother in the heart of Mogadishu. Al Shabaab agents informed the mother of the price she paid for the house, and the tax she would need to pay them. Alarmed, the mother relayed the message to her son. The son complained to his friends in government, but they told him that the safest bet is to pay. Fearful that the house might be destroyed or his mother might be hurt, the son paid the “tax.” Second, Al Shabaab’s effective administrative strategy has deeply penetrated government institutions. It is able to know the exact details and values of commercial imports coming to the port of Mogadishu as it has access to the bill of lading of each container once a shipment of goods arrives at the port. Al Shabaab’s agents contact the owners of the consignment and instruct them to pay import duties. Owners of the shipment pay the “tax,” lest their commodities be destroyed or their lives put in danger. The regime in Mogadishu knows about this extortion but has failed to deal with it. Third, Al Shabaab has put a credible system of ‘justices’ in place to adjudicate conflicts and disputes. Government courts are so corrupt the public avoids them as they are known to serve the highest bidder. Individuals who are aggrieved then appeal to Al Shabaab for justice. Agents of the terrorists call the accused to come to “Tora Tora” (the fictitious location of their court) to face justice. The accused has two choices: comply with the order or flee the country. The vast majority obey the order and receive a quick and effective ‘court’ decision and action. In contrast, justices in government courts take an extremely long time and always rule in favour of the powerful. Tora Tora has a reputation for not accepting bribes. Terrorising the victims The world is oblivious to much of what is happening. On October 12, the New York Times reported that local banks and financial institutions enabled Al Shabaab to move its money through their system. Senior officials quoted in the Somali government and the Central Bank ignored the perilous environments that local companies operate within. The NYT failed to report how the government and the international community missed opportunities to establish the necessary infrastructure to secure the financial system. There were two ways this could have been accomplished. First, the government could have issued a national identity card whose veracity is beyond reproach. A secure national identity card would have significantly reduced fraud and criminality in the financial sector. Second, Mogadishu is so insecure that Al Shabaab can kill anyone at will who disobeys its direct orders. Securing Mogadishu would have eliminated a major source of income for the terrorists and emboldened the population. On October 15, the UN Security Council is scheduled to discuss its most recent report on the matter. Tragically, the report blames the victims of Al Shabaab’s terror, the Somali entrepreneurs, for collaborating with the terrorists. By contrast, the report exonerates the international community and the Somali government who have failed to build strategic public goods; secure the capital city where enterprises would feel safe from criminal extortion and danger; and establish a national ID to weed out the criminals. These two steps would have gone a long way to contain Al Shabaab’s activities. In a nutshell, the Somali government harasses and imprisons citizens who pay Al Shabaab’s extortion money. Similarly, the UN and the international community impose sanctions and penalties on those suspected of collaborating with Al Shabaab. However, neither of these authorities have created a secure environment for citizens to feel free from Al Shabaab’s tyranny. Finally, Al Shabaab kills and ruthlessly punishes citizens who fail to heed its agenda. Such an environment makes most Somalis feel trapped which compels them to please three heartless tyrannies. TRT Qaran News
-
Ankara (Caasimada Online) – Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa Arbacadii beeniyey wararka sheegaya in Turkey ay dagaal-yahanno Syrian ah u dirtay Azerbaijan, si ay uga taageeraan dagaalka ay kula jirto gooni u goosatada ay taageerto Armenia ee gooblka Nagorno-Karabakh. “Kuwa nagu sheegaya inaan Mujaahidiin ka yimid Syria u dirnay halkaas, annagu ma lihin ajande noocaas ah,” ayuu Erdogan ku yiri khudbad laga sii daayey taleefishinka. Bishan horraanteedii, madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa Ankara ku eedeeyey inay jihaadiyiin Syrian ah gaysay gobolka, isaga oo sheegay in Turkey ay ka gudubtay “diilin cas”. Erodgan ayaa Arbacadii yiri “Waxay leeyihiin Mujaahidiin ka yimid Syria ayaad u dirteen Azerbaijan. Mujaahdiinta waa inay dalkooda ka shaqeeyaan, halkaas ma aadi lahayn.” Armenia iyo Azerbaijan oo ah laba dal oo horey uga tirsanaa Midowga Soviet ayaa sanado badan waxaa ka dhaxeeya dagaal la xiriira gacan ku haynta gobolka Nagorno-Karabakh, oo ay degan yihiin dad Armenian ah, balse ka tirsan Azerbaijan. Dagaalkii ugu dambeeyey oo qarxay 27-kii September ayaa weli socda, kadib markii ay fashilantay xabad-joojin la gaaray Sabtidii, oo daqiiqado kooban un dhaqan-gashay. AFP + VOA The post Madaxweyne Erdogan oo si kulul u beeniyey warar uu faafiyey Emmanuel Macron first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Bar___Qubanaha-15102020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta dowladda ayaa baahisay in saraakiisha milateriga Soomaaliya ay sheegteen in dagaalkii gabaldhicii shalay ka dhacay duleedka degmada Afgooye ay ku dileen in ka badan 50 dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab. Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan ciidanka kumaandooska Danab ee xoogga dalka ayaa werisay in dagaal shalay ka dhacay tuulada Bulullow oo hoos tagta Afgooye lagu dilay in ka badan 50 dagaalame oo Al-Shabaab ahaa. Sidoo kale waxaa lagu sheegay warkan in xubnaha lagu dilay dagaalkaas uu ku jiray madaxii howlgallada Al-Shabaab ee gobolka Shabeellada Dhexe, kaas oo ay magaciisa ku sheegeen Cismaan Ciil Fiidow. Major Maxamed Cali oo ah sarkaal ka tirsan Militariga Soomaaliya ayaa maanta wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay weerarkii xalay ka dhacay duleedka degmada Afgooye oo lagu dilay 13 askari. “Waxaan dilnay afar mintidiin ah, waxaana ceyrsanay Al-Shabaab. Kadib inta badan ciidankii waa ay soo laabteen waxaana halkaas uga soo tagnay dhowr iyo labaatan askari. Kadibna fiidkii ayey Al-Shabaab soo weerareen ciidankii aan kasoo tagnay waxayna dileen 13 askari,” ayuu yiri Major Maxamed Cali. Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas, iyo dhimashada ciidan ka badan kan ay dowladdu qiratay. “Waxaan dilnay 24 askari, intii kasoo hartayna waa ay baxsadeen,” waxaa sidaas yiri Cabdicasiis Abu Muscab oo ah afhayeenka howl-gallada ee Al-Shabaab, oo sidoo kale la hadlay Reuters. Ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegay in ciidanku ay ku jireen rondo ay ka sameynayeen nawaaxiga tuulada Bullalow markii weerarka lagu soo qaaday. Gaashaanle Dhexe Cabdalle Cali Mire oo watay ciidanka uu weerarkaas qabsaday ayaa ka mid ah xubnaha milateriga Soomaaliya looga dilay duleedka Afgooye. The post Madaxii Al-Shabaab ee Sh/Dhexe iyo 50 dagaalame 'oo dagaal lagu dilay' first appeared on Caasimada Online.
-
DAKAR (Reuters) - Guineans head to the polls on Sunday in a tense election in which octogenarian President Alpha Conde is seeking to extend his rule into a third term. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa digniin u diray siyaasiyiin uu sheegay inay ku howlanyihiin sameynta duubab iyo nabadoono, si ay xildhibaano ugu soo doortaan. Waxa uu sheegay in dalku uu doorasho ku jiro, isla markaana ay jiraan duubab iyo nabadoono soo jireen ah oo aan siyaasad ku imaan. “Mudullood Hiraab duubab soo jireen ah oo aan sidii xilal siyaasadeen loogu dhiibin, loona magacaabin ayaa xukuma, kuwaas oo ay horseed u yihiin Imaam Maxamed Yuusuf iyo garbihiisa, marka cidda ku riyooneysa kuwo kale inta sameysataan, oo ergooyin u qortaan, xildhibaano ha idiin soo doorteen, Iimaanka Allaha geliyo ayaan leenahay” ayuu yiri. Cali Maxamed Geedi ayaa sheegay in dadku ay hadda barteen ninka wax u gala, kaasna ay soo dooran doonaan. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Cali Maxamed Geedi uu sanadkan qorsheynayo inuu tartamo xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Waxaana muuqata in korsiga uu doonayo Cali Geedi uu ka mid yahay kuraasta golaha shacabka ee ugu loolanka adag sanadkan, waxaana haatan ku fadhiya Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble. Hoos ka Daawo Cali Geedi The post Cali Geedi oo digniin culus u diray siyaasiyiin la filayo inay ku loolamaan kursi xildhibaanimo first appeared on Caasimada Online.
-
Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Jaamac Faarax Xassan, ayaa xilka qaadis ku sameeyay Agaasimihii Isbitaalka guud ee caasimadda Garoowe Drs. Xabiibo Nuux Ismaaciil. Wasiirka ayaa xilkaasi u magacaabay Hodon Cali Shire, waxaana uu Agaasimihii hore ku amray in ay xilka wareejiso Sabtida todobaadka soo socda. Drs Xabiibo, ayaa xilka haysay mudda sannad iyo shan bilood ah, kadib markii loo magacaabay 22-kii May 2019, waxaana lagu xasuustaa in ay isbeddel muuqda oo dhanka horumarinta ah ku samaysay Isbitaalka. Sidoo kale, mudadii ay xilka haysay waxa meesha ka baxay musuq maasuq badan oo lagu samayn jiray lacagta ay hay’aduhu ku taageeraan isbitaalka Garoowe. PUNTLAND POST The post Agaasime cusub oo loo magacaabay Isbitaalka Garoowe appeared first on Puntland Post.
