-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Wasiirka Koowaad ee dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble soo dhisidda xukuumad cusub. Farmaajo ayaa xukuumadda ku qeexay “mid tayo leh oo ka shaqeyn karta hirgelinta qorsheyaasha hortabinta u leh shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ugu horreeyaan qabsoomidda doorashada, adkeynta amniga iyo sii ambaqaadidda guulihii dhanka dowladnimada ee sanadihii la soo dhaafay la gaaray.” Madaxweyne Farmaajo oo ku ammaanay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda tashiyadii ballaarnaa ee uu kala yeeshay qeybaha bulshada soo xulista Golaha cusub ee Xukuumadda ayaa kula dardaarmay dhammaan Golaha Wasiirrada in ay noqdaan masuuliyiin ka tarjuma hamiga iyo himalada ay ku qabaan shacabka Soomaaliyeed xilligaan muhiimka u ah dowlad-dhiska iyo horumarka dalka. Madaxweynaha ayaa ka codsaday Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka ansixinta Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble, si loo dardar geliyo howlaha muhiimka ah ee horyaalla Golaha Xukuumadda, loona gaarsiiyo dalka doorasho hufan oo wakhtigeeda ku qabsoonta. Madaxweynaha ayaa Allah uga rajeeyey Golaha Xukuumadda ee la magacaabay in uu u fududeeyo masuuliyadda adag ee hortaalla, kana yeelo Gole si daacadnimo iyo wadaniyad leh ugu adeega shacabka Soomaaliyeed. The post Farmaajo oo R/W ROOBLE ku amaanay hal mid kahor magacaabistii wasiirada first appeared on Caasimada Online.
-
Alle ha u naxariisto, waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyootay fannaanaddii qaranka Saynab Xaaji Cali “Baxsan” oo ka mid aahyd fannaaniinta ugu caansan dalka. Baxsan ayaa ka mid ahayd fannaaniinta dalka aan ka bixin tan iyo bur-burkii dalka, waxaana lagu xasuusataa heesaha guubaabada ah ee ay ku dhiirri-gelin jirtay ciidanka xoogga dalka. Magaalada Muqdisho ayay ku xanuunsanayd dhawaanaahan, iyadoona sannadkii hore mar u aaday dalka Turkiga arrimo caafimaad. Dhanka kale, ra’iisul wasaaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid fannaanadda, waxaana uu ehelkeeda iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geerideeda. “Waxaan qoyskeeda iyo ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida fannaanaddii Qaran Saynab Xaaji Cali (Baxsan). AUN marxuumad Baxsan waxa ay kaalin weyn ka soo qaadatay xornimadii Dalka,dhismaha qarankeenna iyo nooleynta dhaqankeenna. Jannadii Firdows Allaha geeyo samir iyo iimaanna Allaha naga wada siiyo” , ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Qaran News
-
Daraasad Soomaalida ku dartay bulshooyinka caddaanka ah oo hadal heyn abuurtay Baraha Bulshada waxaa maalmihii lasoo dhaafay si weyn loogu hadal hayay warbixin kasoo baxday Jaamacadda California ee dalka Mareykanka – oo ka mid ah xarumaha waxbarasho ee ugu waaweyn caalamka – taasoo bulshada soomaalida ah ku dartay liiska jinsiyadaha caddaanka ah. “Jaamacadda California iyo dhammaan xarumaha waxbarasho ee ka qeyb qaata barnaamijyada samafalka ee ardayda ayaa codsaday in loo soo gudbiyo xog ku saabsan faraca jinsiyadeed ee ardayda dhigata waxbarashada ka sarreysa dugsiyada sare. Hase yeeshee xogta lagu qeexay ardaydaas waxay ka duwan tahay midda taariikhiga ah ee ay heyso Jaamacadda California, sababo la xidhiidha isbadalladii la sameeyay 2010-kii,” ayaa lagu yidhi qoraal ay jaamacadda ku daabacday boggeeda internet-ka. Cilmibaadhistan waxaa la sheegay in lagu eegay lafta ku jirta madaxa dadka, taasoo dib loo tix raacay ilaa qarniyo hore. Shan qeybood ayaa loo kala dhigay liiska asalka jinsiyadaha, sida ku cad warbixinta jaamacadda. Mareyykanka Madow ama Kuwa Afrika Mareykanka Hindiga ah ama dadka u dhashay Alaska Reer Aasiya Dadka la yiraahdo Pacific Islander ama muwaadiniinta Hawaii Caddaan Liiska Cadaanka waxaa sidoo kale ku jira Jabuuti, Suudaan, Masar iyo dalalka kale ee Carabta. Ma cadda in arrintan ay ku timid si khalad ah iyo in kale. Hase yeeshee waxaa mar qura lagu baraarugay qeexitaanka jinsiyadaha asalka ah ee ay jaamacaddaas daraasadda ka sameysay. Dadka qaar ayaa mowduucan u qaatay maadeysi, iyagoo baraha bulshada ku sheegayay inuu yahay wax lagu qoslo. Shakhsiyaadka uga falceliyay dhinaca internet-ka waxaa ka mid ah Barsaroor Faysal Rooble, oo ah macallin wax ka dhiga jaamacad ku taalla dalka Mareykanka. “Maxay Jaamacada aduunka ugu tanka weyn ee Uiversity of California Soomaalida uga sheegtay in ay bulsho weynta cadaanka ah ka tirsanyihiin? Cajiib!”, ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay Facebook-giisa. Sidoo kale waxaa hab ay ku dheehan tahay shactrio u wajahay Mowliid Xujaale, oo ah wariye ka shaqeeya arrimaha bani’aadannimada. “Jaamacadda California waxay Soomaalida ku qeexday “Caddaan” tanina waxaa loola jeedaa cilmibaadhis seynis ah oo lagu sameeyay kala saaridda asalka dadka. Halaga qariyo Soomaalidii wareersanayd ee ka faani jirtay midabka Madowga!” ayuu soo qoray. Qof ka mid ah dadka Soomaalida ah ee baraha bulshada uga hadlay arrintan ayaa sheegay in mar walba waddanka uu joogo looga aqoonsan yahay qof Afrikaan ah ama madow. “Wax la rumeysan karo ma aha. Waan ogahay inaan Afrikaan madow ahay, waddanka aan ku noolahayna waxaa la igu tiriyaa dadka madow. Liiskan waxaa sameeyay qof aan khibrad aqooneed lahayn oo ku sugan Mareykanka. Sidaas awgeed qofkaas wuxuu google ka raadiyay waddamada Carabta, Soomaalida ayaana kasoo dhex muuqatay, laakiin Carabtu waa dad midab leh sida dadka madow ay midabka u leeyihiin oo kale, mana aha caddaan,” ayuu yidhi. Qof kale oo isla baraha bulshada ku fal celiyay ayaa yidhi: “Ninkii caddaa waa dad raadis marka is balaarin buu wadaa ma is tiri? North Africa iyo carabtii Asia oo dhan baa la cadeeyey wax innaga gaar inoo ah ma aha (Egypt, Sudan, Jbouti, Morocco, Mauritania iyo in kaloo badanba waa la cadeeyey). Yaab!.” Qof uu ra’yigiisu ka duwan yahay sidaas ayaase soo qoray: “Soomaali badan oo ku nool Waqooyiga Ameerika ma aaminsana inay madow yihiin. Marka haddii aannaan ahayn madow waxaan nahay Caddaan, marba haddii uusan jirin wax u dhaxeeya.” Isku dayo aan u sameynay si aan ula xidhiidhno mas’uuliyiinta Jaamacadda, waxna ka weydiinno sida liiskaas loo diyaariyay, ayaa noo suuragali waayay. Qaran News
-
Liiska Wasiirada & Beelahay ka soo jeedaan Beesha Mogadishu Clan (GALMUDUG-HIRSHABEELLE) 1. Wasiirka Arimaha Gudaha General Mukhtar Xusen Afrax – Xawaadle 2. Wasiirka Amniga Gudaha Xasan Xundubey Jimcale – Abgaal 3. Wasiirka Diinta Cumar Cali Roble – Abgaal 4. Wasiirka Boostada Cabdi Sheikh Axmed Roble – Murursade 5. Wasiirka Caafimadka Fowsiya Abiikar Nuur – Gaaljecel 6. Wasiirka Ganacsiga Khalif Cabdi Cumar – Gugundhabe Beesha Digil iyo Mirifle (KOONFUR GALBEED) 1. Wasiirka Gaashandhiga Xasan Xuseen Xaaji – Garre 2. Wasiirka Cadaaladda Cabdulqaadir Maxamed Nuur – Jilible 3. Wasiirka Xanaanada Xoolaha Xuseen Maxamuud Sh Xuseen (Badni) – Dabarre 4. Wasiirka Tamarta Xasan Cabdinuur – Geelidle 5. Wasiirka Haweenka Xanifa Maxamed Ibrahim – Leesaan. Beesha Daarood (Jubbaland-Puntland) 1. Wasiirka Arimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad – Puntlandersteen 2. Wasiirka Qorsheeynta Jamal Maxamed Xasan – East Sanaag Clan 3. Wasiirka Kaluumeysiga Cabdullahi Bidhaan – Sool clan 4. Wasiirka Gaadidka Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar – Ogaaden 5. Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada Duraan Axmed Farax – Leelkase Wasiirada Beesha Shanaad (H/shabeelle & PL) 1. Wasiirka Gargaarka Khadiija Maxamed Diiiriye – Yixir 2. Wasiirka Beeraha Siciid Xuseen Ciid – Carab Saalax 3. Wasiirka Dekedaha Maryan Aweys Jaamac – Jareerweyne 4. Wasiirka Dhalinyarada Xamsa Saciid Xamsa – Barawaani 5. Wasiirka Batroolka Cabdirashid Maxamed Axmed – Banaadiri Wasiirada Beesha Dir 1. Raisul Wasaare Ku Xigeenka Mahdi Maxamed Guuled – Ciidagale 2. Wasiirka Dastuurka Saalax Axmed Jamac – Habar Yoonis 3. Wasiirka Maaliyada Cabdiraxman Ducaale Beyle – Awdal Clan 4. Wasiirka Warfaafinta Cisman Abukar Dubbe – East Burco Clan 5. Wasiirka Howlaha Guud Maxamed Adan Macalim – Gaadsan/Biyamaal Wasiirka Waxbarashada Cabdullahi Abuukar Xaaji – Surre- Dirta Koonfureed Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa wajahaya loolan adag oo doorasho, kaasi oo ku rabo inuu markale ku hanto 4-sanno oo kale, iyada oo lagu xusuusto tallaabooyin go’aanno adag ku dheehan oo uu qaatay mudada uu xafiiska joogo. Go’aanada Trump ayaa waxa si weyn ugu kala qeybsamay dadka Mareykanka, kuwaasi oo qaarkood ay ku taageersan-yihiin, halka qaar kale ay qabaan in dhibaato ku tahay dadka iyo sumcadda dalka Mareykanka. Caqabadda ugu weyn ee xiligan uu wajahayo Trump ayaa ah diidista sharciga degenaanta dalkaas, taasi oo keentay in lamaanayaal ku kala maqan safar ay ku adkaato inay helaan warqad u fasaxeysa inay dib ugu soo laabtan dalka, iyada oo kuwa degana ay u diideyso inay sii joogaan. Haweenka Muslimiinta ah ayaa u arka in xayiraadda Madaxweynaha Mareykanka ay si gaar ah u taabatay, waxa ay ku doodeen in haatan Ragga qaba ay ka maqan yihiin dalkaas, kaliya ay sugayaan natiijada doorashada 3-da November. Pamela iyo Afshin Raghebi waxa ay u dabaaldegi doonaan sanad-guuradoodii 10-aad ee guurkooda bisha Diseembar, balse farxad & murugo xusuustooda waxa ay ku xiran tahay natiijada doorashada Mareykanka ee Bisha November. “Waxa aan u baahanahay gurigiisa, ninkeyga waxaa laga hor istaagay in uu Soo galo Mareykanka muddo labo sano laga joogo, kadib markii loo dhameystiri waayay sharciga joogtada ah ee deganaanshihiisa rasmiga ah” Sidaasi waxaa Wakaaladda APF u sheegtay Haweeneyda lagu magacaabo Pamela iyada oo ilmeyneysa. Go’aanka Madaxweyne Trump waxaa taageertay Maxkamadda sare ee Mareykanka sanadkii 2018-kii, xayiraadda ayaa sameyn taban ku yeelatay muwaadiniinta Lox dal oo Muslimiin ah, inkasta oo markii dambe laga saaray dalka Ciraaq oo askar Ameerikaan ah joogaan. Waxaa wehliya waddamo kale oo colaad dhanka diblumaasiyadda ah kala dhaxeyso Mareykanka, guud ahaan waddamadaas oo laga reebay Ciraaq waxa ay kala yihiin: Iran, Libya, Somalia, Syria, Yemen, Kuuriyada Waqooyi & Venezuela. Baaris la sameeyay waxaa lagu ogaaday in laga soo bilaabo Oktoobar 2019-kii ilaa haatan in ka badan 15,000 oo dad is qaba ah iyo carruur yar yar oo ay isku dhaleen saameyn ku yeelatay xayiradda Madaxweyne Donald Trump. Waxaana lagu wadaa in dadka go’aankaasi uu saameynta weyn ku yeeshay ay ka hiilin doonaan madaxweyne Trump oo dhawaan wajahi doona loolaan doorasho oo adag, taasi oo hoos uga dhigi karta natiijada codadka dhigiisa. The post Donald Trump oo wajahaya cawaaqibka tallaabooyin dhowr ah oo uu qaaday first appeared on Caasimada Online.
-
Dubai (Caasimada Online) – Kooxda Daacish ayaa markii u horeysay si kulul uga hadashay xiriirka Imaaraadka Carabta iyo Bahrain ay la sameysteen yuhuuda Israel, kaasi oo ay kasoo saartay digniin hor leh. Daacish ayaa ugu horeyntii si weyn u cambaareysay xiriirkaasi, iyadoona ku dhawaaqady aargudasho ka dhan ah oo weeraro looga fulinayo dalka Sacuudiga, oo ay sheegen inuu yahay maskaxda ka dambeysa xiriiradaasi. Abu Hamza al-Quraishi, oo ah Afhayeenka Daacish ayaa muuqaal kooban oo uu baahiyey ku sheegay in xiriirkasta oo lala galo dalkaasi Yuhuuda ah uu ka dhigan yahay qimaayen lagula kacay Islaamka iyo xulafadiisa, sida uu hadalka u dhigay. Wuxuuna dagaal-yahanada kooxdiisa iyo dadka kale ee musliimnta ahba ugu baaqay inay weeraro ka dhan ah reer galbeedka ka fuliyaan boqortooyada Sacuudiga oo la ogyahay inay ku yaalaan labada goobood ee ugu barakeysan Islaamka. Sidoo kale waxa uu ku hanjabay inay beegsan doonaan dhuumaha shidaalka ee Sacuudiga, isagoona soo jeediyay in la isku kaalmeysto sidii dhulka loola simi lahaa dalkaasi. Ugu dambeyntiina waxa uu ka dhawaajiyey in Sacuudigu ay taageeray xiriirka Bahrain iyo Imaaraadka ay la yeeshen Israel, iyaga oo dhawaan hawada dalkaas u furay diyaaradaha Israel ee ku socda dalalka Khaliijka ee deriska la ah. Imaaraadka Carabta iyo Bahrain ayaa xulafo dhow la ah Sacuudiga, iyaga oo u gogol xaadhay heshiis dhab ah oo ay la galaan Israel, inkasta oo aysan si rasmi ah xiriir diblomaasiyeed ula yeelan. Sacuudiga oo isagu la fahamsan yahay inuu hormuud u yahay in xiriir lala sameeyo Israel, ayaa ku doodaya in is-fahamka labadooda dhinac ay dan weyn ugu jirto Falastiiniyiinta, isla markaana loo heli lahaa dal ay leeyihiin, wallow la rumeysan yahay inuu jiro heshiis hoose oo lidi ku ah sheegashadaasi. The post Daacish oo shaacisay sida ay uga jawaabeyso xiriirka Imaaraadka Carabta & Israel first appeared on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha dowadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Ra”iisul Wasaare Rooble soo dhisidda xukuumadda cusub. Madaxweyne Farmaajo ayaa ka codsaday guddoonka iyo xildhibaannada Golaha Shacabka ansixinta xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble, si ayuu yiri loo dardar geliyo howlaha horyaalla golaha xukuumadda, loona gaarsiiyo dalka doorasho hufan oo wakhtigeeda ku qabsoonta. Madaxweyne Farmaajo ayaa xukuumadda cusub kula dardaarmay inay si daacadnimo iyo wadaniyad ku jirto ugu adeegaan shacabka Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo codsi u diray Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.
-
Raisal Wasaaraha Dawlada Federaalka Somaaliyeed Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa ku dhawaaqay, isla markaana Warbaahinta u soo bandhigay Golaha Cusub ee xukumadiisa, kuwaas oo [...] The post Faalo : – Ma isku shaandheyn baa,mise waa Xukuumad Second Hand ah mise waa mid beegsi Beeleed ah iyo xubno laysu qariyey appeared first on . Source
-
1,000 askari oo ka tirsan Ciidanka Difaaca Kenya (KDF) ayaa qaadanaya tababar dagaal, oo ay bixinayaan saraakiil ka socda dowladda Ingiriiska, ka hor intaan loo soo dirin Soomaaliya bisha Janaayo 2021. Askartan ayaa loo tababarayaa xeeladaha dagaalada dhuumaaleysiga ah oo ay adeegsadaan Al Shabaab, si loogu diyaariyo ka mid noqoshada Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM. Dowladda Ingiriiska ayaa u ballanqaday in ay Kenya u tababarayso ciidamo leh, Waxyaabaha la barayo waxaa kamid ah, baaritaanka waxyaabaha qarxa, la tacaalida maxaabiista Alshabab ee isisoo dhiiba iyo falalka isqarxinta. Tababbarkan uu militariga Ingiriiska siinayo ciidamada Kenya wuxuu ka dhashay iskaashi istiraatiiji ah oo ay ku kala saxiixdeen Xoghayaha Difaaca Kenya Monicah Juma iyo dhiggeeda UK Ben Wallace bishii Sebtember ee 2019. PUNTLAND POST The post Ingiriiska oo Ciidamo cusub u tababaraya Kenya appeared first on Puntland Post.
-
Xiisadda dibloomaasiyadeed ee mudada dheer u dhexaysa Shiinaha iyoTaiwan ayaa Sababay in diblomaasiyiintooda uu gacan qaad ku dhexmaro dalka Fiji. Taiwan ayaa ku doodeysa in laba sarkaal oo ka tirsan safaaradda Shiinaha iyaga oo aan la casuumiin ay kasoo qaybgaleen munaasabad loogu dabaaldegayay maalinta Qaranka ee Taiwan horaantii bishaan. Labada dhinacba waxay sheegayaan in saraakiishooda ay ku dhaawacmeen gacan-qaadka, waxayna ka codsadeen booliska Fiji inay dhacdaasi baaritaan ku sameyaan. Shiinaha wuxuu u arkaa Taiwan gobal dhulweynaha shiinaha kamid ah laakiin hogaamiyaasha Taiwan waxay ku doodayaan in ay yihiin dal madaxbanaan. Xiriirka ka dhexeeya labadooda wa mid aad u xun waxaana jirta hanjabaad joogto ah oo la isu dirayo, oo rabshadana ay ka dhalan karaan taas oo u horseedi karto in Mareykanka oo xulafo la ah Taiwan in uu lug ku yeesho. PUNTLAND POST The post Xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhexaysa Shiinaha iyo Taiwan oo sii kululaatay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa goor-dhow ku dhowaaqay Golaha Wasiirada Cusub ee xukuumaddiisa, ee muddada laga sugayey. Liiska wasiirada ayaa waxaa ku jira xubno cusub, halka qaar ka mid ah wasiiradii hore ee xukuumadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre dib loo soo celiyey, waxaana meesha ka baxay wasiir miisaan culus ku lahaa xukuumaddii hore Magacyada Wasiirada 1 – Mandi Maxamed Guuleed (Khadar), Ra’iisul Wasaare Ku -Xigeen 2 – Cabdulkadir Mohamed Nur (Jaamac), Wasaarrada Cadaaladda 3 – Cumar Cali Rooble, Wasaarrada Arimaha Diinta iyo Owqaafta 4 – Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasaarrada Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka 5 – Gen. Mukhtar Xusseen Afrax, Wasaarrada arrimaha gudaha, federaalka iyo Dib -u heshiisiinta 6 – C/Raxmaan Ducaale Bayle, Wassaaradda Maaliyada 7 – Xassan Xusseen Xaaji, Wasaarrada Gaashaandhigga 8 – Xassan Xundubey Jimcale, Wasaarrada Amniga Guddaha 9 – Axmed Ciise Cawad Wasaarrada Arrimaha Dib iyo Iskaashiga Caalamiga ah 10 – Cabdullahi Abuukar Xaaji, Wasaarrada Waxbarshada iyo Taclinta Sare 11 – Maryan Aweys Jaamac, Wasaarrada Dekedaha iyo Gaadiidka Badda 12 – Jamaal Maxamed Xassan, Wasaarrada Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta 13 – Saalax Axmed Jaamac, Wasaarrada Arrimaha Dastuurka 14 – Maxamed Cabdullahi Salaad (Oomaar), Wasaarrada Gaadiidka Cirka iyo Dhulka 15 – Khaliif Cabdi Cumar, Wasaarrada Ganacsiga iyo Warshadaha 16 – Saciid Xusseen Ciid, Wasaarrada Beeraha iyo Waraabka 17 – Cusman Abukar Dubbe, Wasaarrada Warfaafinta iyo Dalxiiska 18 – Cabdi Sheekh Axmed Rooble, Wasaarrada Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyada 19 – Xanifa Mohamed Ibrahim, Wasaarrada Haweenka iyo Xuquuqul -insaanka 20 – Cabdullaahi Bidhaan Warsame, Wasaarrada Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda 21 – Cabdirashiid Maxamed Axmed, Wasaarrada Batroolka iyo Macdanta 22 – Xusseen Maxamud Sheekh Xusseen (Badni), Wasaarrada Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa 23 – Fowsiya Abiikar Nur, Wasaarrada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada 24 – Xassan Cabdi Nur, Wasaarrada Tamarta iyo Biyaha 25 – Duraan Axmed Faarax, Wasaarrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada 26 – Maxamed Adan Mocalim (Somali), Wasaarrada Hawlaha Guud, Guriyeenta iyo Dib -udhiska 27 – Xamze Saciid Xamze Wasaarrada Dhalinyarada iyo Isboortiga Magacyada Wasiiru Dowlayaasha 1 – Xassan Macalin Khaliif, Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada 2 – Cabdixakiim Xasan Ashkir, Wasiiru Dowlaha Ra’iisul Wasaraha 3 – Yusuf Xusseen Axmed Gamadiid, Wasiiru Dawlaha Cadalada 4 – Maxamud Macalim Yahye, Wasiiru dawlaha Diinta iyo Awqaafta 5 – Maxamud Xayir Ibrahim, Wasiiru Dawlaha Maaliyadda 6 – Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maya, Wasiiru Dawlaha Ganacsiga iyo Warshadaha 7 – Maxamed Cali Xagaa, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga 8 – Adan Abdinasir Maxamed, Wasiiru Dawlaha Arrimaha Gudaha 9 – Shukri Maxamud Afrah, Wasiiru Dawlaha Tamarta iyo Biyaha 10 – C/llahi Bile Nuur, Wasiiru dawlaha Boostada iyo Isgaarsiinta 11 – C/raxman Kulmiye Xirsi, Wasiiru dawlaha Gaadiidka Cirka iyo Dhulka 12 – C/raxman Maxamed Jaabiri, Wasiiru dawlaha Waxbarashada iyo Tacliinta Sare 13 – Farxan Ali Axmedl Wasiiru Dowlaha Amniga Guddaha 14 – Abdalla Xaaji Alil Wasiiru dawlaha Qorsheynta 15 – Maxamed Xaaji Ibrahim Calil Wasiiru dawlaha Dhalinyarada iyo Isboortiga 16 – Balal Maxamed Osmanl Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibadda 17 – Cabdi Axmed Qasiml Wasiiru Dawlaha Shaqada iyo Arrimalia Bulshada Magacyada wasiir ku-xigeenada 1 – Cabdicasiis Maxamed Maxamud (Qambe), Wasaarrada Caddaaladda 2 – Maxamed Sheekh Adan Hurale, Wasaarrada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta 3 – Isaaq Maxamed Maxamuud (Abow), Wassaarad Arimaha Gudaha iyo Federalka 4 – Fahmo Axmed Nur, Wasaarrada Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaha 5 – Sahra Haji Husseen Ali, Wasaarrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada 6 – Axmed Xusseen Macalim (Gurey), Wasaarrada Caafimaadka 7 – C/llahi Sheekh Cali “Qaloocow”, Wasaarrada Maaliyada 8 – Cabdiraxman Yusuf Alcadaala, Wasaarrada Warfaafinta iyo Dalxiiska 9 – Abdifatax Qasim Maxamud, Wasaarrada Gaashaandhigga 10 – Abdirisaq Dahir Mohamoud, Wasaarrada Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa 11 – Nuuriya Adan Ciise, Wasaarrada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare 12 – Cabdirashiid Maxamud Xasan, Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka 13 – Xiis Xassan Adan, Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha 14 – Dahir Cabdi Cabdullahi (Dr Go,) Wasaarrada Tamarta iyo Biyaha 15 – Xirsi Aadan Rooble, Wasaarrada Gaadiidka Cirka iyo Dhulka 16 – Cadil Sheegow Sagaar, Wasaaradda Amniga Guddaha 17 – C/raxman Iidaan Yoonis, Wasaarrada Boostada iyo Isgaarsiinta 18 – Xaamud Cali Xasan, Wasaarrada Beeraha 19 – Axmed Cumar Islow, Wasaarrada Dhalinyarada iyo Isboortiga 20 – Lutfi Sharif Maxamed Cumar, Wasaarada Arrimaha Dastuur 21 – Cabdinasir Xusseen Geedi, Wasaarrada Hawlaha Guud iyo Dib u Dhiska 22 – Maxamud Abdullahi Siraji, Wasaarrada Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga 23 – C/llahi Cumar Abshirow, Wasaarrada Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda 24 – Cali Mohamed Sheikh (Bagadi), Wasaarrada Ganacsiga 25 – Amiin Ahmed Sheikh, Wasaarrada Macdanta iyo Badroolka 26 – Mahad Mohamed Xassan, Wasaarrada Dekedaha iyo Gaadiidka Badda The post R/W Rooble oo magacaabay golahiisa wasiirada cusub (Aqriso liiska oo dhameystiran) first appeared on Caasimada Online.
-
Gurceel (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya xogta rasmiga ah ee gabar 16-sano jir ah oo shalay gelinkii hore la waayey, taas oo maanta lagu qabtay degmada Gurceel ee gobolka Galgaduud. Gabadha oo lagu magacaabo Hibo Maxamed Xasan ayey reerkeeda oo degan xaafadda 5-ta Geed ee degmada Howlwadaag waxa ay waayeen shalay subax. Ciidamada ammaanka degmada Gurceel ayaa maanta bar kontorol oo laga soo galo magaalada ku qabtay gaari ay saarneyd Hibo, waxaana la geeyey saldhigga, iyada iyo dhamaan dadkii rakaabka ahaa ee Muqdisho ay iska raaceen, halkaas ayaana lagu wareystay. Taliyaha booliiska degmada Gurceel Dhamme Cusmaan Cali Hudeey oo caawa warbaahinta la hadlay ayaa cadeeyey in Hibo Maxamed Xasan oo maanta ciidamada ammaanku ay ka reebeen gaari ay la socotay aan lasoo afduuban, balse iskeed ay u soo aaday xubno ehelkeeda ka tirsan oo Gurceel dagan. Hibo oo hadashay waxa ay sheegtay in iskeed ay u raacday gaariga, iyadoo aan ogeysiin reerkeeda, taas oo keentay shaki ku dhashay ehelladeeda oo ahaa in la afduubtay gabadha. “Gaariga waxaa saarnaa dad rakaab ah oo aan la socon Gabadha, balse gaarkooda u socday magaalada, damiin ayaa lagu soo galaa Guriceel, markii la weydiiyay waa diiday in ay sheegato damiin, dood dheer kadib, waan xirnay kadib ayey waalidkeed noo sheegtay markaa wacnay waalidku waxey noo sheegeen in ay tahay gabadhii la weysanaa ee shalay laga afduubtay Muqdisho,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan booliska Guriceel oo Caasimada Online la hadlay. Sarkaalka nala hadlay ayaa intaas ku daray, “Maya, afduub ma aheyn markaa arkeynay, qof kaligiis is wada oo baxsad ah ayey aheyd qof ay u afduuban tahay oo ay la socotayna ma arkin.” Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa aad looga cabanayey afduub iyo xatooyada loo geysanayo caruurta iyo dumarka, waxaana qoysaska degan la soo deristay cabsi xoog leh oo xatooyadaas ay ka qabaan. The post 'Afduubkii' la sheegay ee Hibo Maxamed oo noqday mid been ah iyo xog cusub oo shaaca laga qadaay first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Bar__Qubanaha-19102020.mp3 View the full article
-
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku dhawaaqay Golaha Wasiirada Cusub ee xukuumaddiisa, ee muddada laga sugayey. Liiska wasiirada ayaa waxaa ku jira xubno cusub, halka qaar ka mid ah wasiiradii hore ee xukuumadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre dib loo soo celiyey, Hoos Ka Aqriso Magacyada Wasiirada la magacaabay. View the full article
-
Hargeisa ( PP News Desk) — Policies of the President of Somaliland Muse Bihi Abdi have come under fire from the leader of the main Somaliland opposition party, Waddani, Mr Hersi Haji Ali. In a press conference held at the party’s headquarters in Hargeisa, Hersi faulted president Bihi for “deteriorating economic conditions in Somaliland”. “President Bihi’ policies resulted in fewer flights to Somaliland and lesser revenues. The Somaliland government had signed an agreement with a company with an unenviable reputation” said Hersi. Hersi (left) said three thousand small businesses in Somaliland had folded due to President Bihi’s economic policies. Hersi criticised the incumbent government for discontinuing FlyDubai and Air Arabia flights to Somaliland. “The aviation industry links us with the world. Policies of the government affected the economy. Three thousand small businesses have folded, according to a research” said Hersi. Somaliland political parties are preparing for parliamentary elections to take place next year. Waddani blamed the ruling party for blocking the representation quota for Somaliland women. © Puntland Post, 2020 The post Waddani Leader Criticises Somaliland President For ‘Economic Woes’ appeared first on Puntland Post.
-
After a month-long consultation and brainstorming, Somali PM Mohamed Hussein Rooble has unveiled a 27-member cabinet, reinstating many members in the past government. Only 4 female ministers appeared on the cabinet, which also saw the Ministers of finance, foreign affairs to retain their posts. The new government awaits the green light from parliament to take office. View the full article
-
Khadija oo joogtay halka Goodax iyo Maareeye xagsan waayeen
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Wasiiradii hore ee Ciyaaraha Khadija Maxamed waxaa loo Wareejiyey Wasaarada maareynta Masiibooyinka halka Saaxiibadeed qaarkood ay xagsan waayeen kuraastooda. Wasiirkii Waxbarashada Goodax Bare iyo Wasiirkii [...] The post Khadija oo joogtay halka Goodax iyo Maareeye xagsan waayeen appeared first on . Source -
Ra,iisalwasaare Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa goordhow oo caawa waxaa uu ku dhawaaqay golaha wasiirrada cusub, kuwaas oo ka la shaqeyn doona. Wasiirrada la magacaabay ayaa waxaa ku jiro tiro yar oo cusub , halka in badan dib loo soo celiyey wasiirraadii la soo shaqeeyey Xasan Cali Kheyre. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxmed Xuseen Rooble ayaa goordhaweyd magacaabay golahiisa wasiirada oo ka kooban 1 Ra’iisul wasaare ku xigeenk, 26 wasiir, 26 wasiir ku xigeen iyo sidoo kale 17 wasiiru dowlayaal. Xubnaha la magacaabay waxaa ku jira wasiiro ka tirsanaa xukuumadii hore iyo siyaasiyiin kale oo cusub. 1- Mahdi Axmed Guuleed Ra’iisul Wasaare ku xigeen. 2. Cabdiqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Cadaalada. 3- Cumar Cali Rooble, Wasiirka iyo Diinnta iyo Awqaafta. 4. Khadiifo Maxamed Diiriye, Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta. 5. Mukhataar Xuseen Afrax, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib U Heshiisiinta. 6. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Maaliyadda. 7. Xasan Xuseen Xaaji, Wasiirka Gaashaandhiga. 8. Xasan Xundubey Jimcaale, Wasiirka Amiga Gudaha 9. Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arimaha Dibadda. 10. Cabdullaahi Abuukar Xaaji, Wasiirka Waxbarshada iyo Tacliinta Sare. 11. Maryan Aweys Jaamac, Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda. 12. Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta. 13. Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Dastuurka 14. Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar, Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka. 15. Khaliif Cabdi Cumar, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha. 16. Saciid Xuseen Ciid, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka. 17. Cismaan Abuukar Duble, Wasiirka Warfaafinta. 18. Cabdi Sheekh Axmed Rooble, Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada. 19. Xaniifa Maxamed Ibraahim, Wasiirka Haweenka. 20. Cabdullaahi Bidhaan Warsame, Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda. 21. Cabdirashiid Maxamed Axmed, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta. 22. Xuseen Maxamuud Sh. Xuseen, Wasiirka Xanaanada Xoolaha 23. Fowsiyo Abiikar Nuur, Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada. 24. Xuseen Cabdi Nuur, Wasiirka Tamarta iyo Biyaha. 25. Duraan Axmed Faara, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada. 26. Maxamed Aadan Macallin, Wasiirka Howlaha Guud, Guryeenta iyo Dib U Dhiska. 27. Xamse Siciid Xamse, Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga. PUNTLAND POST The post Akhriso magacyada: Wasiirada cusub ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
