-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xeer ilaaliyaha guud ee dowlad goboleedka Jubbaland Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay Wasiiro, Xildhibaano, iyo Odayaal dhaqameedyo dedaal ku bixinaya sii deynta shaqsi ay matalaan oo ku eedeysan fal dambiyeedyo uu ka mid yahay kufsi. Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa sheegay in aysan ogolaan doonin falalka uu kufsiga ka mid yahay, sidoo kalena dadka lagu helo aysan aqbali doonin in dad siyaasiyiin ah ay damaanad ku sii daayaan. Sidoo kale wuxuu digniin siiyey shaqsiyaadka kufsiga geysta, waxaana uu sheegay in Jubbaland aysan dadkaasi ka hari doonin, isla markaana ay ka qaadi doonaan tallaabo sharciga waafaqsan. Falalka Kufsiga haweenka iyo caruurta ayaa mudooyinkan ku soo badanayey qeybo ka mid ah Soomaaliya, dadka falkaas ku lug leh qaarkood waala qabtay, kuwo kalena gacan laguma dhigin weli, mana cadda sababta ka dambeysa kufsiga sii kordhaya. View the full article
-
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka ka dhashay dagaal ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda maanta ku dhex-maray magaalada Muqdisho. Iska hor imaadka oo u dhexeeyey ciidamo ka kala tirsan talisyada Booliiska iyo Nabad Sugida ayaa ka dhacay xaafadda buundooyinka oo ka tirsan degmada Waabari. Wararka ayaa sheegaya in is-raaseynta oo socotay muddo daqiiqado ah ay markii dambe istaagtay, waxaana goobta tegay saraakiil ka tirsan laamaha amniga Soomaaliya. Inta la xaqiijiyey ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay dagaalkaasi, iyadoona uu ku dhaawacmay mid kale oo ahaa dhinacyadii diriray. Lama oga illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee dhalisay iska hor imaadkaasi sababay khasaaraha dhimashada iyo dhaawacaba leh. Xaaladda ayaa haatan ah mid degan, waxaana si caadi ku soo laabtay dhaq-dhaqaaqa meesha ay wax ka dhaceen. Inta badan ciidamada dowladda ayaa ku dagaalama gudaha caasimadda, waxaana khasaaraha ugu badan uu soo gaaraa dadka rayidka ah ee ku dhaqan M/ Muqdisho. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-Duhur-21102020.mp3 View the full article
-
MOGADISHU (HOL) - Somalia’s head of immigration Mohamed Kofi has survived a bomb attack targeting his car in Mogadishu. Two civilians were killed and his bodyguards injured according to medical sources. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU (HOL) - Somalia’s head of immigration Mohamed Kofi has survived a bomb attack targeting his car in Mogadishu. Two civilians were killed and his bodyguards injured according to medical sources. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa maanta ku daagalamay xaafad ka tirsan magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen ilo wareedyo goobta ku sugnaa. Xaafadda Buundooyinka ee ka tirsan dagmada Waaberi ayey muddo kooban is rasaaseyn ku dhexmartay laba ciidan oo ka tirsan kuwa dowladda, waxaana halkaas ka dhashay khasare dhimasho iyo dhaawac ah. Hal askari ayaa ku dhintay, sidoo kalana mid kale ayaa ku dhaawacmay iska hor-imaadka, mana la helin wax faah-faahin ah oo ku saabsan sababta keentay isku dhaca dagaalka labada ciidan. Dadka deegaanka ayaa Caasimadda Online u sheegay in isku socodka dadka iyo gaadiidka uu hakad galay daqiiqado kooban, balse markii dambe ay wax walba caadi kusoo laabteen. Ciidamada dowladda ayaa marar badan sidan oo kale ugu dagaalmaya Muqdisho, waxaana inta abdan dagaalladooda sababa kala shaki, lacag baad ah oo la isku qabsado ama ayaga oo la kala saftay qoysas isku haysta dhulal. The post Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay xaafad ka tirsan magaalada Muqdisho first appeared on Caasimada Online.
-
Asmara (PP) — Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa diyaarad u soo dirtay madaxweynaha Eritreeta Isaias Afwerki ka hor intuusan booqasho dhowr maalmood qaadatay ku tagin Itoobiya toddobaadkii hore. Madaxweyne Afwerki oo ka soo degay diyaaraddii Imaaraadku u soo diray. Sida uu qoray warsidaha Indian Ocean Newsletter, ma aha markii kowaad oo Imaaraadku diyaarad u soo diray Afwerki. Imaaraadku wuxuu saldhig ciidan badeed ku leeyahay dekedda Casab. Eritreeya waxay ka mid tahay dalal ku bahoobay isbahaysi Badda Cas ku saabsan oo dhowr dal Carbeed ka mid yihiin. Dhowaan Seyoum Mesfin, Wasiirkii Arrimmaha Dibedda ee Itoobiya, ayaa sheegay in burburkii Madasha Sanca (Sana’a Forum) ay tahay dhibaato weyn. Itoobiya waxay xiriir adag la lahayd Yemen oo sagaashamaadkii jasiirad ay leedahay ay Eritreeya weerar kula wareegtay. Jasiiradda waxaa loo celiyay Yemen waanwaan dheer kaddib. Dadka reer Eritreeya ayaa aad uga walaacsan taageerada Imaaraadka oo ay u arkaan mid xididdada u sii adkaynaysa keli-taliska 27 jirsaday ee Afwerke. Afwerki ayaa noqday madaxweynaha Eritreeya sanadkii 1993ki kala go’ii Itoobiya iyo Eritreeya kaddib. Warkii Warsidaha Badweynta Hindiya uu ka qoray iskaashiga duullimaadyada © Puntland Post, 2020 The post Imaaraadka oo Afwerki ka Caawiya Duullimaadyada appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa la filayaa inay saacadaha soo socdo ay si rasmi ah ugu dhowaaqdo liiska xubnaha guddiga farsamada ee ka shaqeynaya doorashada soo socota ee 2020 illaa 2021-ka. Dhismaha guddigan oo ay min labo xubnood ku leeyihiin dowlad goboleedyada ka jira dalka ayaa lagu waday in la soo dhowaaqo illaa 10-kii bishan oo shalay ku beegneyd, balse ma suura-gelin ballantaasi oo lagu cadeeyey habraacii doorashada ee la soo saaray. La-taliyaha arrimaha doorashooyinka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo lagu magacaabo, Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhagey) oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ah ee BBC-da ayaa xusay in maanta lasoo gaba-gabeynayo guddiga, kadibna lagu dhowaaqayo. Cumar Dhagey ayaa shaaciyey in maamul goboleedyada qaar ay soo gudbiyeen liiska xubnaha ku metalaya guddiga farsamada iyo xalinta khilaafaadka doorashada 2020/2021, isaga oo si gaar ah u carab baabay maamullada kala ah Koonfur Galbeed iyo Jubbaland. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in maanta la sugayo maamullada kale ee Puntland, Galmudug iyo Hir-Shabelle. “Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed & Jubbaland ayaa soo gudbiyay xubnaha Guddiyada ah ee laga sugayay si ay ugu shaqeeyaan arrimaha Doorashada iyada oo la raacayo shuruudaha ku xusan qofka kamid noqonaya xubnaha Guddiga” ayuu yiri la-taliyaha arrimaha doorashooyinka xafiiska ra’iisul wasaare Rooble, Cumar Dhagey. La-taliyaha ayaa dhanka kale soo hadal qaaday waxa sababay dib u dhaca ku yimid ku dhowaaqista guddiga oo shalay ku beegneyd, wuxuuna la xiriiriyey shuruudaha laga doonayo qofka ka mid noqonaya xubnaha ka shaqeynaya doorashada soo socda. Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey “Dib u dhaca kooban ma saameynayo Doorashada Dalka, waa howlo farsamo, maadaama habraaca ku xusan shuruudaha doorashada la raacayo, aan ka warsugno oo yaan saadaal xun ka bixin in waqtiga doorashadu dib uga dhaceyso xiliga lagu heshiiyay, balse rajo wanaagsan aynu muujino, waana aaminsanahay taas,” Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo todobaddii bishan uu warqad xusuusin ah ra’iisul wasaare Rooble u diray dhammaan madaxda dowlad goboleedyada dalka, taas oo ku aadaneyd dhismaha guddigan iyo dardar-gelinta howlaha doorashada ee 2020/2021. The post Guddiga doorashada 2021 oo lagu dhowaaqayo iyo wararkii ugu dambeeyey first appeared on Caasimada Online.
-
Warbixin ay soo saartay hey’adda Isku dubaridka Arimaha Gargaarka Qaramada Midoobay ee OCHA ayaa lagu sheegay in afartii billood ee ugu dambeysay ay fatahaadaha iyo daadadka jira ay sal kiciyeen dad gaaraya illaa sadex boqol afartan iyo koow kun siddeed boqol siddeetan iyo afar ruux 341,884, guud ahaan Soomaaliya . Hey’adda, ayaa sheegtay in Soomaaliya ay wajaheyso raashsiin yari ba’an 2.1 malyuun oo qof illaa bisha December ee sanadkan ayaa xaalku sii murgi doonaa haddii Wabigu mar kale fataho. Hey’adda FAO waxay sheegtay in cabirka biyaha Wabiga Shaeelle ee dhax mara magaalada Beledweyne uu iminka gaaray 7.5m waxaana ay ka digtay fatahaad hor leh. Gobolada hodanka ku ah wax soo saarka beeraha ee uu maro Wabiga Shabeelle ayaa ka mid ah meela saameynta xoogga leh ay fatahaaduhu ku yeesheen. Gobalka Shabeelaha hoose waxaa ku barakacay oo fatahaaddu saameysay 180,133 qof laga soo billaabo bishii July ee sanadka sida lagu sheegay warbixinta OCHA. Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa isaguna waxaa fatahaadda Wabiga ku barakacay 131,422. Waxaa sidoo kale burburay dhul beereed baaxad leh gaar ahaan magaalooyinka Afgooye, Balcad, Jowhar iyo Mahaddaay. Gobolka Hiiraan waxaa ku sal kacay fatahaada Wabiga 28,000 waxaana jirta cabsi laga qabo Wabiga gaar ahaan magaalada Beledweyne oo uu Wabigu leeyahay meelo jilicsan oo uu ka fatahi karo. Fatahaadaha iyo daadadka waa halista ugu weyn ee xilligaan Dadka Soomaaliya ay wajahayaan,marka laga yimaado Ayaxa iyo Covid-19. View the full article
-
XILLIGII GIRIIGA IYO ROOMAANKA. Dagal-baarayaasha iyo taariikhyahannada xaddaaradihii hore midkoodna hashiis kuma aha halka rasmigaa ee ay yihiin labada dhul ee ay nu qaybtii hore ku soo xusnay ee Melahu iyo Punt. Sababta ismaandhaafka keentay ayaana ah inaan qoraaladii qadiimka ahaa lagu xusin dariiqii loo maray dhulkaan iyo halka ay dhacaan ba. Inkasta oo taariikhyahanno badani qabaan in dhulka Punt uu yahay dhulka soomaalida, haddana waxaa jira kuwa kale oo aan sidaas aamminsanayn. Laakiin taas baddalkeeda, waxaa si waadix ah oo aan shaki ku jirin dhulka soomaalida loo xusay wixii ka dambeeyey kolkii ay Giriigu qabsadeen dhulkii faraaciinta qarnigii afraad dhalashadii Nabi ciise ka hor. In kasta oo faylasuufkii gabyaaga ahaa Homer uu boqollaal sano ka hor qabsashada Griiggga uu dhulka soomaalida tilmaan ka bixiyey, haddana markii ugu horaysay ee dhulka soomaalidu ka dhex muuqdo caalamkii la yaqaanay ayaa ahyad xilligii taariikhyahankii waynaa ee Herodetus oo noolaa qarnigii 5aad Ciise ka hor. Maabka Herodutes waxaa ka muuqda in xilligaas dhulka soomaalida loo yaqaanay dhulka Macrobians. Mar kale ayaa dhulka soomaalidu ka soo muuqday maababkii qadiimka ahaa ee Giriiggii hore, marakan dhulka soomaalida waxaa loo diiwaan galiyey dhulkii qorfaha “Cinimon Land” (eeg khariiradda juquraafiyahankii waynaa ee Eratosthenes oo noolaa qarnigii saddexaad Ciise ka hor). Ragga kale ee Giriigga ahaa ee xilliyadaas dhulka soomaalida maray ama ka hadlay waxaa ka mid ahaa Agatharchides, Strabo iyo Ptolemy oo si waadix ah magaalooyinka xeebaha waqoiyi iyo waqooyi bari u xusay. Sida uu qabo George Hourani oo ah qoraaga buugga Arab seafaring, aqoontii ay reer yurub u lahaayeen xeebaha bariga Africa waxa ay si wanaagsan kor ugu kacday markii ay Romanku gacan ku hayntii Masar ay Giriigga kala wareegeen. Hourani waxa uu yiri: “aqoontaani waxa ay meesha ugu saraysa gaartay xilligii ay talinayeen boqoradii Romanka ee Trajan, Hadrian iyo Antonines, sannadihii u dhaxeeyey 98-192 A.D. Waa xilliga uu badmareenkii waynaa ee Ptolemy uu maray xeebaha Afrikada bari”. Waxaase xogtii ugu wanaagsanayd oo ku saabsan dhulka soomaalida iyo xeebaha bariga Afrika ba soo gudbiyey, ganacsade Roman ahaa, oo socdaal ku maray xeebahaas bilawgii qarnigii koobaad. Ganacsadahaan waxa uu xogtiisa ku soo gudbiyey buugga la yiraahdo The Periplus of The Erythraen Sea. Inkasta oo ganacsadahaani uusan dadkii dhulkaas daggaanaa si wanaagsan uga hadlin, haddana waxa uu si waafiya u soo gudbiyay ganacsigii xoogga lahaa ee ka socday marsooyinkii uu booqday. Ganacsaduhu waxa uu sheegay in dhulka loo yaqaanay dhulkii “Barberia ama Barbarkii cirifka fog” uu ka bilaabanayay marsada Avalites oo loo badinayo in ay tahay Saylac, kuna dhammaanayey Apone oo Xaafuun ah. Ganacsaduhu, waxa uu tirinayaa marsooyinkii ganacsiga xoogga lihi ka socday ee baddaas ku teedsanaa, sida: Avalites oo Saylac ah, Mala’o oo Barbara ah, Munda oo Xiid ah, Mosyllon oo Boosaaso ah, Cape Elephas oo Caluula ah, Tabia ama Marsadii Xawaashka (The Spice Port) oo sida ay xuseen Lionel Casson iyo Huntingford oo ka mida ragga buuggaan sharaxay ah tuulada Damo, iyo ugu dambayntii marsadii caanka ahayd ee Apone oo aan iyada muran ka taagnayn in ay Xaafuun tahay. Ganacsaduhu marka laga tago Xaafuun, illaa laga gaarayo dhulka Tanzania maanta loo yaqaan, waxa uu ku tilmaamay dhulkii Azania. Marsada ugu horaysa ee uu tilmaamayna waa Sarapion oo uu sheegay in ay koonfur Xaafuun uga beegantahay. Charles Gullian, qoraaga ‘buugga the Document’ waxa uu qabaa in marsadaani ay Warshiikh tahay. “Niokon ayaa ku xigta” ayuu yiri ganacsaduhu, oo isla Gullian u badinayo in ay Muqdisho tahay, isaga oo aan meeshana ka saarayn Dhanaane iyo Marka na. Waxaa muuqata in dhulka ay soomaalidu maanta daggantahay uu labo dhul u kala qaysanaa xilligaas, taas oo aynu gadaalna ka arki doonno marka aynu soo tabinayno wixii taariikhyahannadii carabeed ay ka qoreen dhulkaan. Dadkii dagganaa dhulka Barbarka oo ah magaca rasmiga ah oo ay carabtu soomaalida xilliyadii dhexe u taqaanay, ayuu ku sheegay in aysan lahayn nidaam dawladeed oo dhexe, laakiin taas baddalkeeda ay marsa waliba lahayd oday-dhaqameedyo talada iyagu gacanta ku haya. Halka dhulkii uu Azania ku sheegay oo ay koonfurta Soomaaliya na ka midka ahayd, ay hoos tagi jireen boqorkii Carabta. Wuxuu yiri: “Boqorka waxaa wakiil ka ahaa oo canshuurta dhulkaan uga qaadi jirey ganacsato carbeed oo ka imaan jirey marsada Muza, ganacsatadaasi waxa ay aqoon iyo xiriirba la lahaayeen dadkii dhulka dagganaa oo ay afkooda ku hadli jireen kana guursan jireen” Marsada Muza waa Makhada maanta ee Yaman. La soco qaybta 4aad. Mohamed Ahmed Elmi The post Taariikhda Qadiimka ah ee Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed – Qabtii 3aad appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay in Somaliland ay dhowaan sii deyneyso Bilaal Bulshaawi oo ah wiil dhalinyaro ah oo ka soo jeeda Xamar, kuna xiran magaalada Hargeysa. Kaahin ayaa shaaciyey in ka wasiir ahaan uu sida ugu dhaqsiyaha badan uga howl-galo arrinta wiilkaasi oo muddo ku dhow labo bil u xiran maamulka Somaliland. Wasiirka ayaa hadalkan sheegay xaflad soo dhoweyn ah oo Hargeysa loogu sameeyey Duuliye Axmed M Xasan (Axmed Dheere) oo xilligii dowladdii dhexe ee milatariga ‘iska diiday; in diyaarad uu duuliye ka ahaa duqeyso magaalada Hargeysa ee Somaliland. Sidoo kale waxaa ballan qaadka wasiirka arrimaha gudaha Somaliland si ballaaran u soo dhoweeyey ehelladiisa iyo sidoo kale inta badan dhalinyarada Soomaaliyeed, maadaam Bilaal Bulshaawi uu caan ka ah barta sida weyn loogu xiriiro ee Tiktok. Bilaal ayaa waxaa loo xiray arrimo la xiriira Calanka Soomaaliya, kadib markii isaga oo jooga magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland uu bulshada la wadaagay koob Shaax ah oo lagu dhex sawiray Calanka Soomaaliya. Somaliland ayaa si weyn loogu dhaliilay xarigga wiilkaasi dhalinyarada ah, iyada oo hay’addaha dambi baaristuna ay dalbadeen in xabiga lagu sii haayo Bilaal Bulshaawi. The post Somaliland oo shaacisay inay sii deyneyso Bilaal Bulshaawi first appeared on Caasimada Online.
-
51 sano ayaa ka soo wareegatay inqilaabkii aan dhiigga ku daadan ee October 21, 1969-kii, Siyaad Barre iyo ciidamo ka amar qaata ayaa dalka xoog ku qabsaday maalmo kadib markii la dilay madaxweynihii dalka Cabdirashid Cali Sharma’arke, xukunkan oo socday 21 sano, waxaa isna lagu soo afjaray afgambi kale oo ay horkacayeen jabhado xaq u dirir ah. Afgambigaas uu hor kacayey Maxamed Siyaad Barre ee taariikhda galay waxaa ku dhaqaaqay 25 nin oo isku magacaabay Golaha sare ee Kacaanka ama (Supreme Revolutionary Council). Alahu Naxariistee Cali Verdura oo ka tirsanaa 13-kii SYL, isla markaana aan ka qornay Taariikho badan ayaa ii sheegay in loo yeeray Leegada habeenkii Kacdoonka dhacayey, waxaa lagu wargaliyay in dalka uu ka dhacayo Kacdoon aan dhiig ku daadan, loona baahan yahay in ay taageeraan towradda, iskana iloobaan Xisbiga SYL iyo dhamaan wixii dalka ka dhacay 9-kii sano ee SYL talada heysay. Cali Berdura waxaa uu yiri”Haa, waxaa jirtay in ay noo yeereen Maxamed Siyaad, Kulmiye, Gabayre iyo Caynanshe, waxay noo sheegeen in dalka ka dhacayo Inqilaab aan dhiig ku daadan oo dalka ay isbedel ka samaynayaan… aniga meel cidla ah ayaan ka istaagay waxaa u sheegay in taariiqda xusi doonto khiyaanada ay wadaan…waxaa igu xanaaqay Gabayre oo gacantooda ku sababsaday markii dambe….Siyaad Barre waa i xiray xitaa lacag uu ii balan qaaday aniga ayaa diiday, kacaan diid ayaan ahaa…wax xil inaan qabto walgeey ma jeclayn, daacadnimo ayaan intaan kusoo gaaray adeer”. Dhank Raadiyaha iyo fanka si aad ayey uga faa’ideysteen saraakiishii dalka Inqilaabka ka dhigtay, sida uu Barnaamijka Taariikhda dalkeena u sheegay Axmed Naaji Sacad. Axmed Naaji ayaa nooga sheekeeyay wixii dhacay habeenkii dalka Kacaanka ka curtay ee October 21, 1969-kii, Waxaa uu sheegay in uu xiligaas uu isaga gacanta ku hayey 4 fure oo ka tirsan Istuudiyaasha Radio Muqdishu sida 1-baad, 2-baad, 3-xaad iyo 4-raad, habeenkaas in uu Kacaan dhalanaayo kama warqabin ayuu intaa raaciyay, waxaa xusid mudan in xiligaas aanu dalka ka jirin wax Telefishin ah. Axmed Naaji, Waxaa uu sheegay in marka hore Kacaanka uu la wareegay Radiyaha ama Radio Muqdishu kadibna Baarlamaanka oo la dhihi jiray xiligaas Dipitaalayaal. Axmed Naaji 3:00 Habeenimo ama 9-saac ayaa habeenka lagu soo garaacay guriga, Waxaana loo waday dhanka Idaacadda, inta uu wada sii socday, Saraakiishii wadday iyo kuwa wadada jooga waxay la isku afgaranaayey waa Qurac, Qansax iyo erayo kale oo la mid ah. Markii la geeyay Idaacadda Axmed Naaji waxaa uu halkaas ugu tagay Fanaaniintii dalka intooda badan oo iyagan hurdo loo diiday sida Daleys iyo Cali Suglle, halkaas ayaa loogu sheegay dhamaantood in Kacaan dhashay, loona baahan yahay in ay dadka wacyi galiyaan. Fanaaniinta ayaa halkaas ku qoray Heestii ugu horeysay ee Kacaanka lagu ayidaayo oo Miraheeda ay Sameeyeen Cali Sugulle iyo Axmed Naaji, waxaa miraheeda ka mid ahaa”Ocotober waa duruur hilaacday, Soomaalida u da’day oo ay ku diirsadeen, Xoogibaa dadaaloo Xukunkii dalka heystee, anagana waan ku raacnay, Hambalyadii….heestaah oo ay xifdinayeen ilaa 6-da subaxnimo xiligaas oo Idaacadda soo gali jirtay, waxaa kaloo uu noo sheegay in Habeenkaas xitaa lasoo afduubay wadaadkii Quraanka ku furi jiray Idaacadda ee Sheekh Maxamed halka Wariye lagu magacaabo Cabdullahi uu warka ku furay Idaacadda subaxdaas. Idaacadda halkii laga dhihi jiray”Halkani waa Radio Muqdishu Codka Jamhuuriyadda, Waxaa lagu badalay halkani waa Radio Muqdishu Codka Umadda Soomaaliyeed”. Waxyaabaha la faray Wariyaasha waxaa ka mid ahaa in maalintaas aanay shaqaalaha dowladda shaqo usoo bixi Karin, Waxaa kaloo Idaacadda laga sheegay in Police aanu socon Karin wadada oo Ciidanka Militariga kaliya socon karaan, waxaa kaloo heesihii Kacaanka ee laxanka uu lahaa Naaji ka mid ahaa’Waaga Baryay Bilicsan Arooryo baxsan Maalin Boqran”. Khudbaddii ugu horeysay ee Siyaad Baree ee Idaacadda ka jeediyo waxaa uu uga hadlay dhowr arin sida in hantida qaranka la lunsaday, in Cashuurihii jeebka lagu shubtay, waxaa uu sheegay in Musuqa uu hareeyay dhamaan madaxda dowladda. Jaalle Siyaad waxaa uu shacabka u sheegay in dalka uu qarka u saarnaa in uu burburo, dhaqaale iyo Siyaasad ahaan kaliya ma ahee xitaa in ay dalka kusoo food lahaa dhibaato taariikheed iyo mid qaran, arintan ay ku dhalisay in dalka ay Inqilaab ka sameeyaan, isagoo intaa ku daray in aan laga aamusi Karin in Madaxweynihii dalka uu dilo Askari yar iyadoo halkaas ay joogaa madaxdii dalka sida Gudoomiyaha baarlamaanka, isagoo balan qaaday in ay ka hortagayaan nin jecleysiga, Musuqa iyo Qabyaaladda. Golaha Kacaanka waxaa uu laalay Dastuurka dalka, waxaa uu kala diray dhamaan hay’adihii dastuuriga ahaa ee dalka, Sida xukuumaddii, Baarlamaankii, Garsoorkii, xitaa waxaa uu dalka ka mamnuucay siyaasadihii iyagoo dhamaam awoodihii gacanta u galiyay Madaxweynaha dalka. Jaalle Maxamed Siyaad waxaa uu nonqday Afhayeenka iyo hogaamiyaha Kacaanka isagoo Xogheyayaal ka dhigtay dadkii afgabiga ay isla wadeen sida Jamaca Cali Qorshel, Maxamed Ceynaashe, Xuseen Kulmiye Afrax, Ibrahim Megag Samatar, Maxamud Cabdi Caraale, Salaad Gabeyre iyo rag kale. Dadkii iska diiday Kacaanka, waxaa loo bixiyay”Kacaan diid” taas oo dadka ku dhalisay cabsi badan, waayo qofkii lagu tuhmo Kacaan diid, Waxaa lagula kici jiray falal xun oo xariga ugu roon yahay. Culimda diinta, Waxaa ay ku jireen cabsi aad u badan, xitaa Macalimiinta Quraanka, sida aan ku arki doono qeybaha dame ee barnaamijak Taariikhda Dalkeena. Maxaa Lagu Xasuustaa Maxamed Siyaad: Maamulkii Maxamed Siyaad Barre, Waxaa uu ku guuleystay qorista afka Soomaaliga, taas oo in muddo ah lagu taamayey, qorista fata Soomaaliga waxaa ay ka dhigtay dadka kuwoo wax qora halka dalka uu yeeshay far iyo taariikh qoran. Ololihii Hor-umarinta reer Miyiga ee la dagaalanka Umminimada, waa tilaabo kale uu Siyaad Barre iyo maamulkiisa ku guuleysteen in Macaliinta xiliga fasaxa loo diro miyiga si dadka wax u baraan, waxaa kaloo laga faa’ideystay ardayda, Fanaaniinta iyo cid kasta oo aqoon leh. September 1970-kii, Waxaa uu soo saaray xeerka 54-raad kasoo oo dhigiisu ahaa in qofka la iska xero karo sabab la’aan iyadoo aan wax maxkamad ah lasoo taagin, waxaa xiligaas aad looga cabsan jiray hay’adda sirdoonka ee NSS-ta. 1974: Soomaaliya waxaa ay ku biirtay ururka Jaamacadda sanadkii 1974-tii, isla sanadkaan Waxaa uu Madaxweyne Barre uu noqday Madaxweynaha Midowga Afrika. 1975-tii, Waxaa uu Maxamed Siyaad soo saaray xeerka qoyska kaas uu ku simay dhaxalka raga iyo haweenka, isagoo laayey culimadii ka hor timid. Golihii sare ee Kacaanka, Waxaa 1976-dii isku badalay Xisbiga Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed, iyagoo isku dayey in ay is waafijiyaan Diinta dalka oo Islaam aheyd iyo aragtidan Shuuciyadda iyo hantiwadaaga. Bishii July 1977-dii, Waxaa uu dagaal dhex maray dalkeena iyo Xabishida, Waxaa lagu dagaalayey waa dhulka haatan loo yaqaano Kilinka Shanaad, inta aan la gaarin September 1977-kii, Ciidamada qalabka ee dalkeena waxaa ay gacanta ku dhigeen 90% dhulkaas maanta loogu yeero Ogaadeeniya ilaa markii dambe ay xabishida usoo hiiliyeen Ruushka iyo Cuba, Soomaaliyana halkaas ku jabtay. Maxamed iyo Nidaamkiisii dagaalkii 77 kadib, Waxaa xiriir la bilaabeen Mareykanka oo dagaal qabow uu kala dhaxeeyay Ruushka, si dalka uu garab u helo. 1978-dii, Waxaa dalka ka dhacay Inqilaab fashilmay, Inqilaabkaas waxaa fuliyay rag uu jiray Madaxeynihii hore ee Soomaaliya Cabdulhi Yusuf, markii uu fashilmay Yusuf waxaa uu galay Kenya isagoo aasaasay Xisbi Mucaarid ah. Bishii May 1988, Waxaa ay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya xasuus ka geysteen magaalada Hargeisa, taas oo keentay in dad badan ku dhintaan, ilaa iyo hadda waxaa taagan dhibaatadii maalintaas, dowladda Soomaaliya ilaa iyo hadda kama bixin raali galin iyo Magdhaw toona. 1991: Ugu dambeyn jabhado uu horkacayo Gen. Maxamed Faarax Caydiid ayaa caasimadda ka qabsaday January 26, 1991-dii, Siyaad Barre waxaa uu magan-galyo siyaasadeed ka helay dalka Nigeria halkaas uu ku geeriyooday 1995-tii. Maxamed Siyaad waxaa uu dalka ku qabsaday afgabi isna 21 sano kadib ayaa la afgambiyey, waxaana soo baxday in xoogga dalka laga fogeeyo xukunka, oo ay ku ekaadaan hawlaha loo igmaday. W/Q: Abdi Aziz Gurbiye, Source: goobjoog.com
-
Waxaa uu dib u dhac ku yimid hirgelinta nidaamka doorasho ee lagu heshiiyey sanadkan 2020/2021 kadib markii lagu guuldareystay magacaabista guddiga doorashada xilligii loogu talo-galay. Sida ku qorneyd lifaqa 2-aad ee jadwalka doorashada ee lagu heshiiyey, 10-20-ka October 2020 waxaa ay aheyd in lasoo magacaabo guddiga doorashada. Halka wixii maanta ka dambeeya 21-31 la rabay in lagu jiro tababarka iyo dhismaha guddiga doorashada oo ka kooban heer federaal iyo heer dowlad goboleed. Dib u dhacan oo aan la ogeyn sababtiisa ayaa waxaa uu horseedi karaa dhaqan gelin la’aanta jawdwalkiisa lagu heshiiyey ee doorashada 2020/2021. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Taliska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa guullo ka sheegtay howl-gal ay ciidamada milatariga Soomaaliya ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Baay. Howl-galka oo ahaa mid qorsheysan ayaa si gaar ah uga dhacay duleedka degmada Diinsoor, gaar ahaan goob ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab. Wararka ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyey labada dhinac, kaas oo geystay khasaare kala duwan. Saraakii ka tirsan ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay in howl-galkaasi ay ku dileen illaa 19 xubnood oo ka tirsanaa, sidoo kalena ay nolosha ku qabteen labo kale. Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay in gubeen labo baabuur oo ay lahaayeen dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab. Xaaladda haatana kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo culus laga dareemayaa deegaano iyo tuulooyin hoos-yimaada degmada Diinsoor oo ka tirsan gobolka Baay. View the full article
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa faah faahin guud ka bixiyey howl-gal saacadihii la soo dhaafay ciidamada milatariga ay ka fuliyeen duleedka degmada Diinsoor oo ka tirsan gobolka Baay ee koonfurta Somalia. Howl-galka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu dilay ku dhowaad 20 xubnood oo ka tirsanaa dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab, sida uu shaaciyey taliska Xoogga. General Odowaa Yuusuf Raage taliyaha ciidamada Xoogga dalka oo ka warbixiyey howl-galladaasi wuxuu sheegay in lagu khaariyey illaa 19 dagaalame oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sidoo kalena nolosha lagu qabtay labo kale, sida uu hadalka u dhigay. Odowaa ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in ciidamadu ay gubeen labo gaari oo ay lahaayeen dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in howl-galladu ay sii socon doonaan, tan iyo inta laga saaro dagaalyahanada Al-Shabaab deegaanada ay maamulaan. Ma jiro dhanka kale wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howl-galkaasi ay guulaha ka sheegatay dowladda Soomaaliya. Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ayaa sare u qaaday howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gudaha dalka. The post Ciidanka Xoogga dalka oo howl-gal ku dilay 19 ka tirsanaa Al-Shabaab first appeared on Caasimada Online.
-
Oktoobar tirsiimo ahaan waa bisha 10aad ee 12sanadka miilaadiga ee 12bilood ka kooban. Waa maalin ka duwan maalmaha xoriyadda ee la wayneeyo, waa maalin waynaynteedu xilli bilaabatay xillina dhamaatey. Ciidamadii dalka ayaa maalintaas 21ka Oktoobar awooddii dalka la wareegay, waxay laaleen dastuurkii aftida dadweyne lagu ansaxiyay 20kii July 1961. waxayna 21ka oktoobar maamuus dhaaftey maalin kasta oo dalka lagu waynayn jiray. Waxay heshay ammaan iyo wax walba oo ayada loo hibeeyay. Abwanadaii fanka ayaa soo saaray Okoobareey adaa lahaa. Gudigii kacaankaa hogamiyayna waxay ka dhigeen halyeeyo go’aanka ay gaaraan aan soo laabad lahayn. Gudigaa Hogaamiyihiisiina waxaa lagu sharfay aabaha ummadda, guulwade iyo siraadka Afrika oo ah shakhsiiyad dhis halkii ugu danbeysay. Dadbadan ayaa xasuusta fantasiyihii maalintan 21ka Oktoobar loo samayn jiray sanad walba, xoogaga bulshada iyo ciidamada Qalabka sida waxay maalmo diyaarin jireen sidii maalintaa loo soo bandhigi lahaa awoodii kacaanka, ayagoo bandhig cir iyo dhul is watey ku soo bandhigi jirey fagaaraha tarabuunka loo yaqaan ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale ayaa dalka meel walba 21oktoobar ka tilmaaneed, xuska loo sameeyana shaqalaha ay ku heli jireen maalmo fasax ah. Kacaanka askarta sameeyeen ee oktoobar ka fadiley bilihii kale waxa uu dalka ku soo rogay nidaamnkii hantiwadaaga ee uu kaga dayday dalalkii bariga ee Midowgii Soofiyeeti horkacayay, waxaana tacliintii laga bartay hantiwadaaga laga soo miinguuriyay falsafadihii Karal Markis, Angeles iyo Lenin. Waxaana intaa dabadeed la dabadhigay Maxamed Siyaad Aabihii garashada geyiga Soomaliyeed. Dad badan oo kacaankaa markuu burburay ka dib dhashey lana kulmay dawlad la’aantii dhacdey ayaa u heysta 21kii oktoobar maalin qaran oo hadda aan la maamusin oo la iska iloobay, waxay arkaan oo kaliya xasuusta mereegta internet-ka dhextaal oo ka hartay dawladii iyadu iskalakicisay iyadana isdumisey. Ma jirto sharaxaad kufilan oo dhalinyarada aan soo gaarin xuskaa 21Oktoobar laga siiyay dawladaa burburtay iyo iyadu sidii ay tii ka horeysay u afganbidey Maalin ay ku beegneed 15 bisha Otoobar, waa lix maalin ka hor 21oktoobar 1969kii waxaa laas-caanood lagu diley madaxweynihii dawladii rayidka ahayd Cabdirashiid Cali Sharma’arke. Intii baroordiiqdii socotayna waxay kooxdii kacaanka la wareegeen xukunkii dhexe ee dawadnimadii Soomaaliya ayagoo xiray dhamaan madaxdii rayidka ahaa, hantidoodiina la wareegay. Maalintaa ayay bilaabatey xuska 21ka oktoobar waxayna hadana qiimaynteedii waysay 21 sanno ka dib, markaa oo Jabhado ay cayrsadeen, waxay taa muujisay inay ahayn maalin qaran ee ay ahayd maalin gaar u ahayd saraakiishii dhaliyay kacankii hantiwadageeyay dalka oo dhan W/Q: Aweys Axmed Nuur. Afeef: Qormadan waxaa leh qoraaga ku saxiixan. Source: goobjoog.com
-
Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin, ayaa sheegay inuu ka howlgalayo sidii Somaliland u sii dayn lahayd wiil dhalinyaro oo lagu magacaabo Bilaal Bulshaawi, oo muddo ku dhow laba bilood ku xidhan Hargeysa. Wasiirka arrimaha gudaha ayaa hadalkaan ka sheegay kulan lagusoo dhoweynayay Duuliye Axmed M Xasan “Axmed Dheere” oo xilligii dowladdii Siyaad Barre iska diiday in diyaarad uu duuliye ka ahaa duqeeyo Hargeysa. Bilaal Bulshaawi oo caan ka ah barta Tiktok, ayaa loo xidhay kadib markii isagoo Hargeysa ku sugan uu bulshada la wadaagay calanka Soomaaliya oo lagu dhex sawiray koob Shaah ah. Hay’addaha dambi baadhista Somaliland, ayaa codsaday in xabsiga lagusii hayo Bilaal, kadib markii maxkamada lasoo taagay dhawaan. Qoyskiisa ayaa maalmo ka hor ka codsaday madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi in wiilkooda xoriyadiisa loosoo celiyo. Source
-
Shir looga hadlayay sidii loo tayeyn lahaa loona tababari lahaa xubnaha ciidanka booliska Soomaaliyeed ee ka shaqeeya qeybta dembi baarista(C.I.D) ayaa lagu qabyay magaalada Muqdisho.sida ay SONNA ka soo xigatay taliska booliska Soomaaliyeed. Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, oo ay la socdaan Saraakiil sar sare oo Ciidanka ah, ayaa maanta kulan kula qaatay Madaxda Sare ee Hay’ada UNODC oo QM u qaabilsan ka hortagga dembiyada Saldhigga Booliiska Airport-ka Caalamiga ah ee Muqdisho (AAIA) Kulanka ayaa looga hadlay qorshaha tayeeynta iyo Tababarada Xubnaha Ciidanka ee Baarista Dembiyada, iyada oo la’is dhaafsaday qorshaha mustaqbalka dhow. Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay wada dadaalo ku aadan howlaha lagu tayeynayo adeegyada booliska ee bulshada ay u qabanayaan,iyadoo dhawaan dib u habeyn lagu sameeyay howlihii adeegyada C.I.D ay ka helaan bulshada Soomaaliyeed. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland Maxamed Kaahin ayaa guddoonsiiyey Duuliye Axmed Maxamed Xasan (Axmed Dheere) bilad sharaf loogu abaal gudayo kaalintii uu ka qaatay badbaadinta shacabka reer Hargeysa. Duuliye Axmed Maxamed Xasan (Axmed Dheere) ayaa wuxuu ka mid ahaa duuliyayaashii dawladii millatariga ahayd ee Siyaad Barre, Waxaana lagu amar lagu siiyey in uu soo rusheeyo magaalada Hargeysa. 13kii bishii July ee 1988 ayaa Duuliye Axmed Dheere oo watay dayaaradda dagaalka ee nooceedu ahaa MIG-17 go’aanna ku gaadhay in uu dayaaradiisa ku dajiyo xeebta Jabuuti, Halkan hoose ka DAAWO Source
