-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
'We cannot keep children out of school,' says health minister despite COVID-19 gathering speed Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa shaaciyey dukumiinti ay ku qorantahay hantidii uga burburtay weerarkii 17-kii bishii December ee sanadkii 2017-kii ay dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ku qaaday xarunta xisbiga Wadajir. Dukumiintigaas ayaa madaxda dowladda federaalka lala wadaagay toddoba maalin kadib markii uu dhacay weerarkaas 24-kii isla bishaas December 2017-kii, balse Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in weli aysan wax mag dhaw ah ka helin dowladda madaxweyne Farmaajo. Cabdiraxmaan ayaa wareysi uu dhawaan siiyey TV-ga Dalsan waxa uu ku sheegay in weerarkaas ay ku waayeen hanta ku dhaw nus milyan dollar, markii laga reebo khasaarihii nafeed ee ka dhashay. Dukumiintigu waxa uu soo bandhigay magacyada qaar ka mid ah qalabkii ku burburay weerarkii ka dhacay xarunta xisbiga Wadajir, xilli habeen ah seddax sano ka hor, waxaana ka mid ah. Gaari aan xabbadu karin oo jooga $85,000. Apple Mac Computer Galaxy Mobile 3-Suud, 4-Surwaal, 7-Shaati Hugo Boss Perfume [Cadar]. Hard Disk Laptop Surface pro 4 Iphone 6+ Galaxy 9 $35,000 (lacag cadaan ah) British Passport Apple Disktop 2 Ookiyaal Xubnaha hantida ugu badan ay weerarkaas uga burburtay, sida ka muuqata dukumiintigan waxaa ka mid ah, Cabdinaasir Geelle Cilmi oo hadda ka tirsan golaha wasiirrada maamulka Galmudug, kaas oo lacag dhan 172,000 oo dollar oo dhul uu ku gadan rabay ku waayey weerarkaas. Sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxaa uga maqan weerarkaas hanta dhan 85000 oo dollar, sida ku cad dukumiintiga lasoo bandhigay. Shadoor Xaaji Shadoor oo ka mid ah xubnaha xisbiga Wadajir ayaa sida lagu shaaciyey dukumiintigan waxaa isna ka maqan oo weerarkaas uu ku waayey hanta dhan 37,200 oo dollar. Sidoo kale dadka weerarkaas hantida badan ku waayey ee warbixintan lagu soo bandhigay waxaa kamid ah Cabdisalaan Guuleed oo mar Taliye ka soo noqday hey’adda Nabad sugidda Soomaaliya. Waxaa xusid mudan in weerarkaas oo dhacay xilli saqdhexe ah lagu dilay lix qof oo midi haweeney tahay, kuwaas oo dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo lagu eedeeyey inay ‘kabahoodii ku duugtay, meydkoodiina u diiday ehelladoodii’. Hoos ka Daawo warbixin ku saabsan The post Dokumenti ay isdhaafsadeen Xisbiga Wadajir iyo DF oo laga helay xog muhiim ah first appeared on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo marwada Madaxweyne Farmaajo Marwo Seynab Cabdi Macalin ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni. Kulankaas oo ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada waddanka Uganda, ayaa ahaa mid soo dhaweyn ah, kaas oo lagu soo dhoweynayay wafdiga ka socoda Dowladda federaalka Soomaaliya oo lagu wado in uu ka qeyb galo Munaasabad lagu furayo shirkad balaaran oo soo saarta Sokorta. Shirkadan oo ay leedahay Marwo Aamina Xirsi Mooge oo ah Haweeney Soomaliyeed oo ganacsi balaaran ku leh dalalka Barigga Afrika ayaa lagu wadaa in Maalmaha soo aadan laga furo dalkan Uganda. Wafdiga uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ay weheliso Marwo Seynab ayaa qeyb ka ah wafuud ka kala timid caalamka oo furaya Warshadda sokorta. PUNTLAND POST The post Mahdi Guuleed iyo Saynab Macalin oo la kulmay Madaxweynaha Uganda appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa jirta rajo ah in heshiiskii u dambeeyay ee hubka nukliyeerka ee u dhexeeya Mareykanka iyo Ruushka la kordhin karo, ka dib markii Washington ay sheegtay in ay doonayso in ay si dhakhso leh u dhameystirto heshiiska. Heshiiskaan oo la saxiixay sanadkii 2010-kii, ayaa xadidayay tirade madaxyada qaada Nukliyeerka. Balse mustaqbalku wuxuu galay khatar, iyadoo ay jiraan xiisado u dhexeeya labada dal oo ku saabsan xakameynta hubka iyo arrimo kale. Bayaan ka soo baxay dowladda Ruushka Talaadadii, ayaa lagu sheegay in Ruusku uu soo jeedinayo in la kordhiyo heshiiska, kaas oo wakhtigiisu ku egyahay bisha Febaraayo ee sanadka soo soo socda. Waaxda arrimaha dibedda ee Mareykanka ayaa soo dhaweysay dalabkan cusub, iyadoo sheegtay inay ku qanacsan tahay rabitaanka Ruushka ee ah in uu horumar ka sameeyo arrinta xakameynta hubka nukliyeerka. PUNTLAND POST The post Maraykanka iyo Ruushka oo kordhinaya Heshiis Nukliyeer oo ay hore u gaareen appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii ay doorashada ka dhacday iyo ka hor abaabulkeedaba maamul gobaleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug, waxaa aad loo hadal hayay in labadaas maamul hogaamiyaashooda ay yihiin shaqsiyaad meesha la geestay oo ku xiran Villa Somalia. Warar soo baxayay todobaadyadii la soo dhaafay ayaa sheegay in si toos ah u kala go’ay xiriirkii gaarka ahaa ee u dhexeeyay Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaasha kala Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor iyo Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen. Labadaan Madaxweyne oo si toos ah u fulin jiray rabitaanka Villa Somalia ayaa hada ku xirtay maamul gobaleedyada Jubaland iyo Puntland, waxeyna aragti mid ah ka qaateen fulinta heshiiskii doorashada Soomaaliya ee lagu gaaray Muqdisho. Ilo-wareedyo muhiim ah, ayaa noo sheegay in dhinacyadaan ay isla qabaan go’aan mid ah oo ay ka siman yihiin dhamaan maamul gobaleedyada dalka, kaas oo ah in marka hore Villa Somalia fuliso heshiisyo hoose oo aan dadweynaha loo soo bandhigin oo ay ku gareen Muqdisho, waxaana heshiisyada ka mid ah arrinta gobalka Gedo iyo kuwa kale. Qoor-Qoor, Lafta-gareen iyo Waare, waxay ahaayeen garbaha dowladda federaalka Soomaaliya waxaana kulan kasta lagu tirin jiray in ay jiraan dhinaca dowladda, hase yeeshee kulankii dhowaan ka dhacay Muqdisho ayey xiriir toos ah ula sameeyeen maamulada Jubaland iyo Puntland, waana sababta ay ilaa hadda usoo magacaabi la’yihiin xubnihii ku matali lahaa guddiga doorashada Soomaaliya. The post Xog: Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo gaabiyey xiriirkii gaarka ahaa ee DF Somalia first appeared on Caasimada Online.
-
Dawlada Qatar oo Qalabkeeda ka daadgureynaysa Dhismahay Muqdisho ka deganeyd Muddo sanado ah kadib ah dowladda Qatar ayaa ka guureysa dhismo ay kiro ku daganeyd oo ku yaalla inta u dhaxeysa KM4 iyo Cabdiqaasim ee magaalada Muqdisho. Dhismahaan oo uu ku go’naa dhagxaan iyo albaab ganjeel ah, oo waddada lagu gooyey, ayaa saameyn weyn sanado badan ku lahaa isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha, waxaana sidoo kale ay si weyn hoos ugu dhigeen quruxdii wadadaas oo ka mid aheyd goobaha ugu quruxda badan Muqdisho. Ilo wareedyo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Warbaahinta u sheegay in Qatar laga dalbaday in ay gurigaan ka guurto si loo furo wadada oo dadweynaha muhiim ah, waxeyna dagtay guri kale oo ku yaalla magaalada Muqdisho. “Arintaan muddo dheer ayey soo socotay, waxayna ka qeyb ka tahay olalaha lagu furayo waddooyinka magaalada, waana amar ka soo baxay madaxda sare,” ayuu yidhi sarkaal ka tirsan booliska Soomaaliya. Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa la arkayay Qatar oo gaadiid uga qaadaneysa qalab badan oo ay ku shaqeyn jireen shaqaalaha. Sidoo kale ciidamo halkaasi deganaa ayaa intooda ugu badan laga qaaday iyadoo dhamaan agabyadaas iyo ciidankaba loo wareejiyay xarunta cusub oo ay ka degtay Muqdisho. Qaran News
-
Muxuu yahay “akoon bangi ee Trump uu ku leeyahay Shiinaha”? Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu akoon ka furtay bangi ku yaalla Shiinaha wuxuuna sanado badan ku raad joogay in mashruucyo ganacsi uu ka fuliyo gudaha dalkaas, sida uu ku warramay wargeyska the New York Times. Akoonka uu ka furtay bangi ku yaalla Shiinaha waxaa maamushaa shirkadda caalamiga ah ee Trump u qaabilsan ganacsiga Hoteellada, wuxuuna bixiyay canshuurta Shiinaha intii u dhexeeysay 2013-kii iyo 2015-kii. Sababta loo furay akoonkaas ayaa ah “In sahan lagu soo sameeyo heshiisyada ganacsi ee lala galayo hoteellada ku yaalla qaaradda Aasiya” sida laga soo xigtay afahayeen u hadlay Trump. Madaxweyne Trump wuxuu si weyn u dhaleeceen jiray shirkadaha laga leeyahay Mareykanka ee howlaha ganacsiga ka sameeya gudaha Shiinaha, arrintaas oo horseeday in Shiinaha iyo Mareykanka uu ka dhex qarxo dagaal ganacsi. Wargeyska New York Times ayaa shaaca ka qaaday arrintani kaddib markii uu helay diiwaan muujinaya canshuurta uu bixiyay Trump iyo midda ay bixisay shirkaddiisa. Wargeyska ayaa horey u sheegay in madaxwayne Donald Trump uu bixiyay oo kaliya ah $750 doolar oo ah canshuurta dakhliga ah ee Mareykanka, muddadi u dhexeeysay 2016-kii iyo 2017-kii. Akoonkan uu ku leeyahay Shiinaha waxaa laga bixiyay $188,561 oo doolar oo canshuurta gudaha dalkaas ah. Trump wuxuu si weyn u dhaleeceen jiray ninka uu loolanka kala dhexeeyo Joe Biden, gaar ahaan siyaasaddiisa ku aadan Shiinaha, xilli lagu wado in 3-da bisha Nofembar ay doorashada ka dhacdo Mareykanka. Maamulka Trump wuxuu weerar afka ah ku qaaday wiilka Biden ee Hunter taas oo ku aadan in heshiisyo uu la galay Shiinaha. Joe Biden wuxuu sameeyay canshuur celin, warbixinnada dhanka dhaqaalaha ee ku saabsan Biden waxay muujinayaan in wax heshiis ganacsi ah uusan la gelin Shiinaha. ‘Xafiis aan shaqeynin’ Alan Garten oo ah qareen u doodayay ha’yadda Trump ayaa ku tilmaamay warbixinta New York Times mid “Hadallo aan waxbo ka jirin oo la isla dhexmarayo” isla markaana ay baahisay “waxyaabo aan dhabta ka turjumeyn”. Wuxuu u sheegay wargeyska in shirkadda caalamiga ah ee maamusha Hoteellada Trump “ay akoon ka furatay bangi ku yaalla Shiinaha, waxayna xafiisyo ku laheyd Mareykanka si ay u bixiso canshuurta gudaha”. “Ma jirin wax heshiis ah oo lala galay ama lacago lagala baxay, mana jirin wax ganacsi ah oo la sameeyay, tan iyo sannadkii 2015-kii xafiiska ma aanay shaqeyn,” ayuu yiri Alan Garten. “Inkasta uu akoonka furnaa, haddana weligii looma adeegsan arrimo kale”. Majallada New York Times waxay sidoo kale ku warrantay in Trump uu akoonno bangi ku leeyahay dalalka shisheeye sida Shiinaha, Britain iyo Ireland. ‘Waa in aan soo afjarnaa in aan ku tiirsanaano Shiinaha’ Bishii Agoosto, Madaxweyne Trump wuxuu ku hanjabay in shatiyada uu kala laaban doono shirkad kasta oo sii wada wadashaqeynta Shiinaha. Khudbad uu jeediyay Trump, wuxuu wacad ku maray in uu sameyn doono 10 malyan oo shaqo muddo 10 bilood gudahood wuxuuna yiri: “Waxaan soo afjari doonnaa in aan ku tiirsanaanno Shiinaha”. Wargeyska New York Times wuxuu sidoo kale faahfaahin ka bixiyay tallaabooyinka Trump uu ku doonayo in fursado uu uga helo Shiinaha, waxay arrintaas u horseeday in sannadkii 2012-kii uu xafiis ka furto magaalada Shanghai. Diiwaanka dhanka canshuurta ee uu helay wargeyska wuxuu muujinayaa in uu maalgeliyay ugu yaraan $192,000 oo doolar oo uu geliyay shan shirkadood oo yaryar si sanado badan uu mashruucyo ganacsi uga raadsado Shiinaha. Qaran News
-
Ardey lacag la siiyay si ‘loo aqoonsado’ macalinkii Faransiiska ee la dilay Dacwad oogaha wuxuu sheegay in ardeyda ay ninka weerarka soo qaaday tusiyeen macalinka Labo ardey ah oo ku sugan Faransiiska ayaa lacag la siiyay si ninkii weerarka geystay ay uga caawiyaan in uu aqoonsado wajiga macalin Samuel Paty, kaas oo dhawaan lagu gowracay dalkaas kaddib markii ardeydiisa uu tusay sawir gacmeed laga sameeyay Nebi Maxamed N.N.K.H.H, sida ay sheegayaan dacwad oogayaasha. Abdullakh Anzorov, oo ah ninkii dilka geystay ayaa weerarka kaddib waxaa toogtay booliska. Dacwad oogayaasha waaxy maanta sheegeen in Abdullakh Anzorov uu labada ardey siiyay 355 doolar si ay uga caawiyaan in uu aqoonsado wajiga macalinka ka hor inta uusan weerarka qaadin. Ninkii dilka geystay wuxuu ardeyda ka dhaadhiciyay “In uu doonayay in uu muuqaal ka duubo macalinka si uu raalli gelin uga bixiyo sawir gacmeedka laga sameeyay nebi Maxamed ee uu ardeyda tusay” sida uu sheegay dacwad oogaha qaabilsan dambiyada la xiriira argagixisada Jean-François Ricard. Wuxuu intaas ku daray in labada ardey lagu tuhmayo in ninka ay tuseen macalin Paty isla markaana uu in ka badan labo saacadood kula qaatay afaafka hore ee iskuulka ilaa inta uu kasoo baxayay macalinka. Labadan ardey ayaa waxay kamid yihiin 7 qof oo ay saraakiisha Faransiiska ku raad joogeen kaddib weerarka. Olole naceyb oo ka socday Online-ka Dacwad oogaha wuxuu sheegay inay jireen olole ku saleysan naceyb oo ka socday Online-ka kaas oo ka dhan ah Mr Paty. Waxaana ololahan lagu eedeeyay in uu garwadeen ka ahaa aabaha dhalay mid kamid ah ardeyda uu wax u dhigayay macalinka, warbaahinta Faransiiska ayaa ninka magaciisu ku sheegtay Brahim C, kaas oo la sheegay in uu soo saaray fatwo ka dhan ah macalinka. Arbacadii, dacwad oogaha wuxuu sheegay in Braham C ay qaab farriin ah ku wada xiriireen ninkii dilay macalinka ka hor inta aanu weeerarka dhicin, ninka ayaa wajahayaa dacwad. Samuel Paty, waxaa loo diray hanjabaado ka hor intii aan la dilin Booliska waxa ay Isniintii qaadeen howlgallo xiriir ah oo ay ku bartilmaameedsanayaan shabakadaha Islaamiyiinta, iyadoo 40 guri la baaray. Talaadadii, madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in hay’adda Sheekh Yaasiin Collective – oo ah koox Islaami ah oo loogu magac daray ninkii sameeyay ururka Falastiiniyiinta ee Xamaas – shatiga shaqo lagala laaban doono maadaama “ay toos ugu lug laheyd” dilka. Wuxuu sheegay in xayiraaddan ay tahay mid lagu caawinayo bulshada Muslimiinta Faransiiska, iyo Yurub-ba, si aanay galaangal ugu yeelan xagjirnimo. Hogaamiyaha kooxdaas ayaa ka mid ah 16 qof oo boolisku uu qabtay kaddib dilkii Jimcihii. Lix qof oo ka mid ah dadkii la xiray ayaa haatan la sii daayay, kaddib markii su’aalo la waydiiyay, dadkaas oo uu ka mid ahaa ninka wax dilay awoowihiis, waalidiintiisa iyo walaalkii oo 17 sano jir ah. Afar arday oo iskuullay ah ayaa la rumaysan yahay in weli la hayo. Maxaa Samuel Paty loo bartilmaameedsaday? Isniintii, dacwad oogaha waaxda argagixisa la dagaalanka, Jean-François Ricard, ayaa sheegay in Mr Paty lagu qaaday hanjabaado tan iyo markii uu kartuunnada lagu tilmamay Nebi Muxamed N.N.K.H uu tusiyay ardayda intii uu socday cashar dhinaca xoriyadda hadalka ah, waa horraantii bishan Oktoobar. Macallimka dhigi jiray Taariikhda iyo Juquraafiga, wuxuu ardayda Muslimiinta ah kula taliyay inay qolka isaga baxaan haddii ay u malaynayaan in dambi laga galayo. Mr Ricard ayaa sheegay in ninka macallinka dilay uu iskuulka tegay galabkii Jimcaha uuna ardayda waydiiyay inay u tilmaamaan macallinka. Kaddib waxa uu dabagalay Paty oo gurigiisa u lugaynayay, mindi ayuuna ku weerraray. Qaran News
-
Turkey ayaa xirtay nin lagu eedeeyey inuu u jaajuusayey Imaaraadka Carabta, waxaa sidaas weriyey taleefishinka dowladda ee TRT World. Ahmed al-Astal, oo ah 45 jir Falastiini ah oo kasoo jeeda Gaza, ayaa haystay baasaboorka dalka Jordan markii loo kaxeeyey xabsi ku yaalla Turkiga. Qoyska Astal ee Gaza ayaa 25-kii September baraha bulshada soo dhigay bayaan ay ku sheegeen in 4 maalmood ka hor xilligaas lagu afduubtay Turkiga. Taleefishinka TRT World ayaa ilo-wareedyo Turkish ah kasoo xigtay in Astal uu Imaaraadka Carabta u jaajuusayey ururka Ikhwanul Muslimiin ee Turkiga, sidoo kalena uu waday dhaq-dhaqaaqyo kale tan iyo markii uu dalka usoo guuray 2013. PUNTLAND POST The post Turkiga oo xiray nin lagu eedeeyey inuu u jaajuusayey Imaaraadka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Muddo sanado ah kadib ah dowladda Qatar ayaa ka guureysa dhismo ay kiro ku daganeyd oo ku yaalla inta u dhaxeysa KM4 iyo Cabdiqaasim ee magaalada Muqdisho. Dhismahaan oo ku go’naa dhagxaan iyo albaab ganjeel ah, oo waddada lagu gooyey, ayaa saameen weyn sanado badan ku lahaa isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha, waxaana sidoo kale ay si weyn hoos ugu dhigeen quruxdii wadadaas oo ka mid aheyd goobaha ugu quruxda badan Muqdisho. Ilo wareedyo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in Qatar laga dalbaday in ay gurigaan ka guurto si loo furo wadada oo dadweynaha muhiim ah, waxeyna dagtay guri kale oo ku yaalla magaalada Muqdisho. “Arintaan muddo dheer ayey soo socotay, waxayna ka qeyb ka tahay olalaha lagu furayo waddooyinka magaalada, waana amar ka soo baxay madaxda sare,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan booliska Soomaaliya. Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa la arkayay Qatar oo gaadiid uga qaadaneysa qalab badan oo ay ku shaqeen jireen shaqaalaha. Sidoo kale ciidamo halkaasi daganaa ayaa intooda ugu badan laga qaaday iyadoo dhamaan agabyadaas iyo ciidankaba loo wareejiyay xarunta cusub oo ay ka dagtay Muqdisho. The post Xog: Qatar oo qalabkeeda ka raraneysa dhismihii ay ka daganeyd Muqdisho first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah ayaa bartamihii iyo dhamaadkii bishii 9-aad ee sanadkaan waxay Muqdisho ku gaareen heshiis siyaasadeed ku saabsan doorashada Soomaaliya iyo nuuca ay noqon doonto, waxaana ogolaaday Baarlamaanka Soomaaliya. Heshiiskaas maalmo kadib, waxay sidoo kale dhinacyadu soo saareen jadwal doorashada lagu gaarayo iyo qaabka loo soo magacabayo guddiyada doorashada ee dowlad gobaleedyada iyo dowladda dhexe. Sida ku cadeed heshiiskii dambe, waxay aheyd in guddiyada la soo magacaabo inta u dhaxeysa 10-ka ilaa 20-ka Bishaan, ilaa hadana ma suurta gelin arrintaas, inkastoo warar qaar ay sheegayaan in Puntland ay gudbisay xubnaheeda. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo arrintaan ka hadlay ayaa maalmo ka hor soo saaray xasuusin ku socoto maamul gobaleedyada isagoo ku mudeeyay in ugu dambeyn ku soo dirsadaan xubnaha matalaya 20-ka bisha oo Talaadadii ku beegneyd. Dhamaan arrimahaan ayaa muujinaya inuu fashilmay heshiiskii ay dhinacyadu galeen una baahan yahay in la badbaadiyo. Dad badan ayaa muujinaya walaac badan oo ku saabsan qal qal xoog leh oo ka jira doorashada Soomaaliya. Haddaba, yaa qaadanaya masuuliyadda fashil kasta oo ku yimaada heshiiska doorashada Soomaaliya? Dr. Ibraahim Cali, oo ka mid ah aqoonyahaanada magaalada Muqdisho islamarkaana bartay cilmiga siyaasadda, ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay qaadan doonto mas’uuliyada ugu weyn ee fashil kasta oo dhaca. “Fashil kasta oo dalka ka dhaco waxaa leh dowladda, kan doorashadana waa midda ugu weyn oo ay qaadan doonto, sababtoo ah waxaa jira wax badan oo si hoose loogu heshiiyay oo ka dhaqan geli la’ dhinaca dowladda, waxayna arrintaas sababtay in maamul gobaleedyada caga-jiidaan,” ayuu yiri Dr Ibraahim Cali. “Maamul gobaleedyada qeyb waa ka yihiin fashilka balse waa looga badan yahay maxaa yeelay, dowladda ayaa leh hoggaanka dalka, ayadaana laga rabaa oofinta ballamaha, aniga waxaan qabaa labada dhinacaba waa leeyihin masuuliyada balse dowladda ayaa leh tan ugu weyn,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Dr. Ibraahim. Wali ma jirto ilaa hadda cid kale oo arintaan ka hadashay islamarkaana ka tirsan dowladda Soomaaliya, maamul gobaleedyada iyo xisbiyada Mucaaradka ah. Heshiiska doorashada Soomaaliya ayaa dhigayay in si rasmi ah doorashada Soomaaliya u bilaabato 1-da bisha November ee sanadkaan mana muuqato rajada arrintaas. The post Yaa qaadaya mas'uuliyada fashil ku yimaada heshiiska doorashada Soomaaliya? first appeared on Caasimada Online.
-
Madaxtooyada dowladda Puntland, ayaa si rasmiya u gudbisay liiska afar xubnood oo Puntland ku matalaya Guddiga Doorashooyinka heer Federaal iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka. Labada xubnood ee Puntland ku matala Guddiga Doorashooyinka Federaalka, ayaa loo magacaabay Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada Cabdiweli Tima-cadde iyo Muuse Geelle Faroole oo horay xilal uga soo qabtay Puntland. Sidoo kale, labada xubnood oo Puntland ku matala Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Federaalka, ayaa Puntland u magacowday Siyaasi Burhaan Cilmi Filig iyo gabar La-taliye u ah Madaxweyne Deni oo lagu magacaabo Yaasmiin. PUNTLAND POST The post Puntland oo gudbisay xubnaha ku matala Guddiyada Doorashooyinka Federaalka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Bar__Qubnaha-21102020-ok.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha iyo waxgaradka beelaha Mogadishu Clan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa xarigga Taliyihii hore ee ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik waxay ku macneeyeen mid qabiileysan. Odayaashii ka soo qeyb galay kulankaas ayaa mid mid ula hadlay warbaahinta, sidoo kale gaba-gabadii kulankaas ayaa laga soo saaray war-murtiyeed. Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo kulanka ka hadlay ayaa xarigga sarkaalkaas ku tilmaamay ku takrifal awoodeed iyo mid la siyaasadeeyey. “Ciidanka waxaa sharci u ah in 48-saac xabsiga lagu haayo, wixii intaas ka dambeeyana qofku haduu dembi leeyahay waxaa loo gudbiyaa maxkamadaha, hadii uusan dembi laheyna sidaas ayuu xornimadiisa ku hantaa, intaba lama yeelin laba bilood ayuu xiranyahay sarkaalkaas, taasina waa ku takrifal, waana arrin la siyaasadeeyey,” ayuu yiri Nabadoon Xaad. Nabadoonka ayaa sheegay in siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqanka beesha ay u tageen madaxweyne Farmaajo in ka badan afar jeer, iyagoo ka dalbanaya in sarkaalka xabsiga laga sii daayo, balse taasi ma aysan suurta gelin. “Hadii dowladdu ka maarantay aqoontiisii iyo kartidiisa qabiil ahaan ha lagu sii daayo, qabiil, qabiil kale dulmi kara ma jiree,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaashii kulankaas ka hadlay. Nabadoon kale ayaa yiri, “Waxaan leenahay madaxweyne Farmaajo saan kuugu dhisnay nooguma hambeyn, waan ku soo dhaweynay, wax kastaan kuu tarnay, arrinteenu maanta codsi maaha, waxaan ku leenahay si sharuud la’aan ah Gaashaanle Ismaaciil ku soo dey, waxuu Soomaali u taray waa la wada ogyahay, balse xarigiisa waxan u aragnaa Xasan Cali Kheyre ayaan sharci darro meesha uga saaree, isna ii joogi mayo.” Hoos ka Daawo shirka jaraa’id oo dhameystiran The post Beesha Mogadishu Clan oo farriin culus u dirtay madaxweyne Farmaajo - "Qabiil, qabiil kale dulmi kara ma jiro" first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha iyo waxgaradka beelaha Mogadishu Clan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa xarigga Taliyihii hore ee ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik waxay ku macneeyeen mid qabiileysan. Odayaashii ka soo qeyb galay kulankaas ayaa mid mid ula hadlay warbaahinta, sidoo kale gaba-gabadii kulankaas ayaa laga soo saaray war-murtiyeed. Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo kulanka ka hadlay ayaa xarigga sarkaalkaas ku tilmaamay ku takrifal awoodeed iyo mid la siyaasadeeyey. “Ciidanka waxaa sharci u ah in 48-saac xabsiga lagu haayo, wixii intaas ka dambeeyana qofku haduu dembi leeyahay waxaa loo gudbiyaa maxkamadaha, hadii uusan dembi laheyna sidaas ayuu xornimadiisa ku hantaa, intaba lama yeelin laba bilood ayuu xiranyahay sarkaalkaas, taasina waa ku takrifal, waana arrin la siyaasadeeyey,” ayuu yiri Nabadoon Xaad. Nabadoonka ayaa sheegay in siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqanka beesha ay u tageen madaxweyne Farmaajo in ka badan afar jeer, iyagoo ka dalbanaya in sarkaalka xabsiga laga sii daayo, balse taasi ma aysan suurta gelin. “Hadii dowladdu ka maarantay aqoontiisii iyo kartidiisa qabiil ahaan ha lagu sii daayo, qabiil, qabiil kale dulmi kara ma jiree,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaashii kulankaas ka hadlay. Nabadoon kale ayaa yiri, “Waxaan leenahay madaxweyne Farmaajo saan kuugu dhisnay nooguma hambeyn, waan ku soo dhaweynay, wax kastaan kuu tarnay, arrinteenu maanta codsi maaha, waxaan ku leenahay si sharuud la’aan ah Gaashaanle Ismaaciil ku soo dey, waxuu Soomaali u taray waa la wada ogyahay, balse xarigiisa waxan u aragnaa Xasan Cali Kheyre ayaan sharci darro meesha uga saaree, isna ii joogi mayo.” Hoos ka Daawo shirka jaraa’id oo dhameystiran The post Beesha Mogadishu Clan oo farriin culus u dirtay madaxweyne Farmaajo - "Qabiil, qabiil kale dulmi kara ma jiro" first appeared on Caasimada Online.
-
Halkani ka daawo wararkii caawa iyo caalamka oo xiiso badan
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Qaran News -
Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal caawa ciidamo ka tirsan Nisa iyo maleeshiyaad ku dhexmaray magaalada Cadado ee gobolka Galduud, waxaana lasoo sheegayaa khasaare ka dhashay israsaaseyntooda. Sida Goobjoog News uu u xaqiijiyey qof ku sugan Cadaado dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamo maleeshiyo beeleed ah ay weerareen fariisin ay ciidamada Nisa ku la haayeen, waxaana jira deganaan aan cago ku taagneyn. , Inta la xaqiijiyey labo qof oo mid kamid uu yahay maleeshiyadii dagaalka soo qaaday iyo qof shacab ah ayaa ku dhaawacmay, waxaana jira is aruursi ay wadaan labada dhinac sida ay sheegayaan wararka wararkii ugu dambeeyey, ka Lasoco Goobjoog Newswixii kasoo kordha Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka Hir-Shabeelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook-ga waxa uu shaaciyey inuu xog ka helay qorshe doorashada soo socota ee dalka lala damacsanyahay beelaha Mogadishu Clan. Cosoble ayaa sheegay inuu xan ku helay in beesha uu ka dhashay ee Xawaadle la doonayo in loo sharaxo guddoomiyaha baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya, qorshahaas oo hadii uu guuleysto meesha ka saareya in Mogadishu Clan u tartamo kursiga madaxweynaha dalka. “Waxaa meelaha la wadaa nuxnux ah inuu Xawaadle baarlamaanka soo socda isu sharraxo oo lagu taageeri doono Guddoomiyaha BFS, taasoo looga gol leeyahay in Mogadishu Clan laga reebo inuu noqdo madaxweynaha Soomaaliya,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cali Cabdullahi Cosoble. Qoraalkiisa ayaa intaas ku sii daray, “Kuwa saa u fikiraya waxaan leeyahay Xawaadle kuma shaqeeyo munaafaqad mana dhaawici doono dhaqan siyaasadeedka ka jira Soomaaliya. Xawaadle wuxuu ka mid yahay beelaha waaweyn ee Soomaaliyeed lagumana adeegan karo.” Cali Cosoble oo fariin u diray xubnaha in loo adeegsado fulinta qorshahaas ay macquulka tahay waxa uu yiri, “Xildhibaan doonka Xawaadle ee looga shakiyo iney sidaa ka suurta gashana Xawaadle kursi ma soo siin doonaan. Riwaayadaha iyo riyooyinka raqiiska ah ha la iska ilaawo intaan lagu hungoobin.” The post Maxaa ka jira in beesha Xawaadle loo wado guddoomiyaha BF, si Mogadishu Clan loo dhaafiyo xilka madaxweynaha? first appeared on Caasimada Online.
-
Mogadishu (PP Features) — Lessons from large-scale corruption at the Somali Federal Health Ministry remains unheeded to this day several months after the successful trial of senior ministry officers who masterminded the corruption. That is the message of a report broadcast yesterday on VOA Somali Service. The Investigations File presented by Harun Maruf highlights loopholes that made large-scale corruption at the Health Ministry undetected for several years. The sentencing of the former Health Ministry Director General and two departmental directors on the basis of evidence gathered from presimises in Waaberi district raises more questions about the role of former Ministers in overseeing direct funds from UN agencies. VOA Somali Service’s The Investigations File left many questions unasked. Harun Maruf reports that United Nations Population Fund, Unicef and World Vision had channelled money through the Health Ministry accounts with private banks instead of the Central Bank — the government coffers. The UN organisations interact with lead government agencies when there is an agreement in place to release funds to a given organisation. The three senior Health Ministry officials rented a building in Waaberi district, where paperwork for misappropriating funds was processed. The trio illegally used the name of an existing company to embezzle funds. The VOA Somali Service reporter put a rather convoluted question to an employee of the company in question: “When did you realise that money was withdrawn from the Health Ministry’s account in your company’s name?” This is an incriminating question for a company whose corporate identity had been cloned by government officials to commit fraud. “The right question should have been ‘when did you realise that senior Health Ministry officials falsely claimed that your company had invoiced the Health Ministry for services?’” a Mogadishu-based lawyer told Puntland Post. Was Minister Fowsiyo Abukar aware of funds from Unicef, UN Population Fund and World Vision? Some people believe that similar government organisations have accounts with private banks in Mogadishu. Funds from UN organisations and their foreign implementing partners are perfunctorily audited. Those organisations leave core auditing tasks to the Somali Federal Government whose Auditor General’s report carries reliability. “If organisations tasked with overseeing funds from donor organisations are unaware of funds, corrupt officials will take advantage of the situation ” Mohamed Mohamud Ali, the Auditor General said. Detectives interviewed neither the Health Ministers nor Deputy Minister. At the illegal premises in Waaberi investigators found stamps, invoice books, letterheads that the convicted officials used to steal funds earmarked for malaria prevention and mother and child health projects in Somalia. There may be other Federal Government organisations that receive direct funds from UN agencies. It is not clear whether the Auditor General’s Office and the Somali Central Bank were aware of funds from the two UN organisations and World Vision. © Puntland Post, 2020 The post The Unlearned Lessons of the Somali Health Ministry Corruption appeared first on Puntland Post.
-
Chief Executive Officer of the Africa Finance Corporation (AFC); Admassu Tadesse, President & Chief Executive Officer of the Eastern and Southern African Trade and Development Bank (TDB), and Alain Ebobissé, Chief Executive Officer Africa50, for the hour long session, which was moderated by Edward Burrier, Executive Vice President of Strategy at the DFC. The panelists highlighted the importance of project development and a supply of bankable projects as being key for private sector investors. This requires an active approach in investing capital into the early stages of project preparation and accepting the risk, which has been one of the most important deterrents to attracting foreign investment into Africa. Most of the participating institutions offer a wide variety of financial instruments and products to help de-risk such investments. In Rwanda, Samaila Zubairu spoke of the AFC’s Kigali Innovation City (KIC) technology hub project, which is already changing the narrative about Africans only consuming technology rather than being developers. “It’s risky business, but extremely impactful,” Zubairu said. His comments were echoed by Admassu Tadesse, who said the “blended” returns of dividends and the development impact of some of these projects made any risks worthwhile. For Alain Ebobissé, Africa 50’s unique niche which is focused on solving Africa’s infrastructure gap through a strong emphasis on both the project development and project financing of infrastructure projects, ensures a healthy supply of bankable projects through the mainstreaming of project preparation activities. “We develop very close relationships with our government shareholders and as a result project implementation is speeded up – especially in the context of the COVID-19 pandemic”. The Acting Senior Vice President, Swazi Tshabalala spoke about how the African Development Bank’s High 5 priorities represent a significant investment opportunity for US investors in a variety of projects spanning several sectors such as energy, agriculture and food security, regional integration and private sector. More significantly, in the context of the current pandemic, enhancing Africa’s health infrastructure, water and sanitation is key. Tshabalala noted that following the signing of a Memorandum of Understanding in 2019 with DFC, the two institutions are currently collaborating on energy projects in Senegal and Madagascar. “We see that as the beginning of our stronger engagement and partnership,” she said. The Bank’s Africa Investment Forum is playing an important role in helping to channel critical capital flows to the continent by targeting the multi-trillion-dollar global institutional investor base. Tshabalala also highlighted the growing partnership on the Africa Investment Forum with the other institutions represented on the panel and their collective efforts to bring bankable projects to private sector investors. Asked about how the Bank balances its sovereign lending against private sector needs, Tshabalala said sovereign lending was crucial, “especially in the development of basic infrastructure that is a pre-requisite for development.” This also includes the provision of concessional financing to transition countries through the African Development Fund. The Bank also engages in enhanced policy dialogue and provides knowledge products which enable governments to create the right environment for private sector investment. “We have over the years been increasing our direct investment in the private sector which has grown to become a significant component of our overall lending portfolio,” Tshabalala said. In an earlier panel discussion that opened the day’s proceedings, African Heads of State shared their insights on opportunities for trade and investment, with moderation and remarks provided by the DFC’s CEO Adam Boehler. The panel included President Macky Sall of Senegal, President of Mozambique Filipe Nyusi, and the President of Niger, who was represented by his Chief of Staff. Qaran News
-
Urur ay ku mideysan yihiin haweenka Soomaaliya, dal iyo dibad, islamarkaana isagu jira siyaasiyiin, Xildhibaanno, Senataro, ganacsato, aqoonyahanno, iyo ururada bulshadda rayidka ayaa soo saarey war qoraal ah oo ay ku baaqayaan in la ilaaliyo qoondada iyo ka qeybgalka haweenka ee doorashooyinka 2020-2021. Waxay warqad u direen Madaxweynaha dalka, gudoonka labada aqal ee BFS, odayaasha dhaqanka, xafiiska QM ee Soomaaliya iyo dhamaan safaaradaha beesha caalamka eek u yaalla Muqdisho. Bayaaanka ayaa lagu sheegay in haweenka Soomaaliyeed ay kaalin mug leh ka qaateen badbaadinta dalka iyo dadka intii lagu guda jiray dagaalka sokeeye, sidaas darteed ay mudan yihiin in door muuqda ku yeeshaan dowladda, islamarkaana la ilaaiyo qoondada 30%, ee baarlamaanka, sida ku xusan qodobka 5aad ee heshiiska doorashooyinka ay 17-kii bishii lasoo dhaafay ay Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda maamullada ku gaareen Muqdisho. Ururka Hear Women [Dhageyso haweenka] oo fadhigiisu yahay UK ayaa ka codsaday hogaanka dalka iyo odayaasha dhaqanka inay taageeraan, islamarkaanka xaqiijiyaan qoondada haweenka ee doorashooyinka soo socda ee Somalia. Beesha caalamka ayaa marar badan ku baaqday in la ilaaliyo kaalinta haweenka ee dowladnimada Soomaaliya, iyadoo shirar badan oo calami ah laga yeeshay sidii loo soo afjari lahaa dhamaan noocyada faquuqa ee lagu sameeyo haweenka, taasoo wadada kaliya ee looga gudbi karo tahay in la ilaaliyo matelaadda haweenka ee baarlamaanka. Baaqan ayaa lagu soo beegay xili 4 bilood ka harsan tahay doorashadda, waxayna saxiixiyaasha qoraalkan ay ugu baaqeen hogaanka dalka oo Madaxweynaha ugu horeeyo in qoondada 30% la ilaaliyo. View the full article
