Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. PRESS RELEASE Coronavirus – Africa: Decrease in COVID-19 deaths in the African Region BRAZZAVILLE, Congo (Republic of the), October 23, 2020/ — The number of COVID-19 cases in the WHO African Region is now at 1,262,476, with 28,601 deaths. The number of new deaths decreased by 37%, with South Africa reporting 46% of total. For more detailed analysis, read our most recent COVID-19 Situation Report. 10 countries account for 86% (1,080,986) of reported COVID-19 cases in the African Region: South Africa, Ethiopia, Nigeria, Algeria, Ghana, Kenya, Cameroon, Côte d’Ivoire, Madagascar & Zambia. South Africa accounts for 56% of cases. Full report: http://bit.ly/2TfNApZ SOURCE WHO Regional Office for Africa Qaran News
  2. Addis Ababa (Wararka PP) — Ku dhowaad sanad ka hor Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed wuxuu u arkayay in biyoxireenka dib u curashadu yahay waddo siyaasadeed uu u sii mari karo adkeynta ujeeddooyinkiisa siyaasadeed. In biyoxireenka la buuxiyo oo aan Masar loo joojin waa mowqif siyaasiyiintu isku raacsanaayeen ka xor xirxiristii hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Oromada. Kaddib markii Itoobiya ay Maraykanka ka waysay taageero waxay u jeesatay Midowga Afrika oo ay u aragto madal dhexdhexaadin karta Masar iyo Itoobiya. Masar olole siyaasadeed ayay qaadday kuna kasbstay dalal badan oo Afrikaan ah. La mood noqonse wayday: Biyoxireenka Itoobiya muu u noqon Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed sabab uu dadka kaga sii jeediyo siyaasaddiisa jujuubka ku salaysan. Qalalaasaha siyaasadeed oo hadda Itoobiya ka taagaan wuxuu meesha ka saaray mabda’a dhisidda biyoxireenka oo ay qowmiyaduhu ku mideysnaayeen markii hore. Tigray, oo ah gobola TPLF ay ka taliso, wuxuu u diyaargaroobay weerarro kala jaad ah oo kaga iman kara Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed oo dowladdiisu xiriirka u jartay maamulka Tigray. Dhowaan Tigray waxay ku guulaysatay qabashada doorasho xisbiga TPLF uu si aqlabiyad leh ugu guuleystay. Riyada Abiy Ahmed ayaa ah inuu ka faa’iideysto raasumaalka siyaasadeed oo uu Meles Zenawi, Ra’iisal Wasaarihii hore ee Itoobiya, ka tagay markuu billaabay dhisidda biyoxireen saamayn kara biyaha Masar ka hesho webiga Niil. “Waxaa gebi ahaanba meesha ka baxay danayntii siyaasiyiinta mucaaradku siiyeen biyoxireenka. Waxay u arkaan mashruuc uu Abiy Axmed isku naaxinayo siyaasad ahaan” ayuu Puntland Post u sheegay gorfeeye siyaasadeed ku nool Addis Ababa aanse doonaynin in magaciisa la sheego. Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Eritreeya oo wada booqday biyoxireenka. Dowladda Itoobiya waxay qorsheynaysaa qabashada doorasho la mid ah tii xisbigii EPRDF abaabuli jiray. Xisbiga Badhaadhaha (Prosperity), oo Abiy Axmed ku beddelay EPRDF, wuxuu filayaa in uu ku guuleysto doorashada hoggaamiyeyaasha xisbiyada Oromada oo weli xirxiran. Sida doorasho noocaas ah qabsoomi doonto ka qaybgal la’aanta gobolka Tigray waa su’aal ku saabsan sharcinimada doorashada. Caqabadaha Itoobiya ka soo foodsaaray dhisida biyoxireenka waa kuwo sharciyeed. Dal si gaar ah inuu ugu takrifalo kheyraadka la wadaago (global commons) loo oggol yahay ma jiro. Waa sababta Itoobiya ugu adkaysanayo in Midowga Afrika noqdo dhexdhexaadiyaha beddelaya Maraykanka iyo Bangiga Adduunka. Masar waxay ku doodday in biyoxireenka Itoobiya noqon doono waddo halaq-mareen ah iyo in dalal kale ay samaysan doonaan biyoxireenno saameeya biyaha Masar. “Iska dulqaadista taliska Abiy Axmed ayaa qowmiyadaha Itoobiya kala weyn taageerista biyoxireen baal marsan sharciga adduunka” ayuu gorfeeyaha siyaasadeed yiri. © Puntland Post, 2020 The post Biyoxireenka dib-u-curashada oo mideyn la’ qowmiyadaha Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  3. Mogadishu (PP Opinion) — Somalia has entered the election season. The deal on the electoral model paved the way for presidential elections that will take place in February 2021. Adherence to the electoral timetable depends on how Federal Member States cooperate with the Federal Government of Somalia. Last week, Prime Minister Mohamed H. Roble wrote to Federal Member States about the missed deadline to submit names of joint electoral commission members . The statement from the UNSOM issued today seems to have thrown a spanner in the works. UNSOM emphasises “the need to ensure the country’s political space remains open.” Against the underdog: James Swan views Somalia as a democratic country “A vibrant political space is one that permits and encourages the participation of all segments of society – individual citizens, the media, civil society, public institutions, and political parties, among others. A democratic society must allow different viewpoints on political issues to be expressed openly, free from restriction or harassment” the UN Secretary-General’s Special Representative for Somalia, James Swan was quoted as saying. The electoral agreement is based on the 4.5. power-sharing formula. A multiparty system and the divisive power-sharing system are incompatible. The Agreement tasks the Federal Government and Federal Member States with preparing Somalia for elections. Why did Mr James Swan resort to rhetoric that amounts to a call for duplication to accommodate political parties in a country that has not embraced political parties yet? Somalia is not a democratic country. The very 4.5 power-sharing system relegates almost half of Somalis to a lower citizenship status. UNSOM chief’s statement about the Somali political system is disconcerting and patronising. The return to an electoral model that militia-owning Somali clans unveiled twenty years ago in Djibouti reflects a political setback that deepens the suffering of Somali social groups known as Others. The UN statement on Somalia elections should not have sounded as an attempted spin on the political reality in Somalia. Impartiality and level-headed diplomacy prevent political bias in a country slowly recovering from state collapse. © Burhan Mayal, 2020 The post UNSOM Sends a Patronising Message to Somali Stakeholders appeared first on Puntland Post.
  4. Washington (Caasimada Online) – Sudan ayaa maanta ogolaatay inay noqoto dalkii ugu dambeeyey ee Carab ah ee xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah la yeesha Israel, sida uu ku dhowaaqay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump. Imaaraadka Carabta iyo Bahrain ayaa bishii tegtay waxay munaasabad ka dhacday Aqalka Cad heshiis rasmi ah kula saxiixdeen Israel, hase yeeshee xiriirka Sudan ayaa la rumeysan yahay inuu kasii muhiimsan yahay. Trump ayaa ku dhowaaqay heshiiska ay ogolaatay dowladda rayidka ah ee hal sano jirka ah ee Sudan daqiiqado kadib markii uu si rasmi ah dalkaas ugu saaray liiska dalalka taageera argagixisada. Trump ayaa qadka taleefonka kula hadlay hoggaanka Sudan iyo ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu. “Waxaan si deg deg ah u ballaarineynaa garaangarta nabadda adiga oo na hogaaminaya,” ayuu yiri Netanyahu, oo tixraacaya Trump. “Dalal kale oo badan ayaa xigi doona,” ayuu yiri madaxweyne Trump Ayada oo qeyb ka tahay heshiiska looga saaray liiska argagixisada, ayaa Aqalka Cad waxa uu sheegay in dowladda Sudan ay bixisay lacag 335 milyan oo dollar ah oo magdhow ahaan loo siinayo qoysaska dhibanayaashii weerar argagixiso oo lagu qaaday dad Mareykan ah intii uu xukunka hayey madaxweyne Al-Bashiir, xilligaas oo Osama Bin Laden uu joogay Sudan. Ra’iisul Wasaaraha Sudan Abdulla Hamdok ayaa twitter-ka uga mahad-celiyey madaxweyne Trump, isaga oo aan xusin Israel. Israel iyo Sudan ayaa qorsheynaya inay billaabaan furista xiriiro dhaqaale iyo ganacsi, iyo inay soo celiyaan safaaradihii dal walba uu ku lahaa dalk kale. The post DEG DEG: Dal kale oo Carab ah oo ogolaaday inuu xiriir la sameysto Israel first appeared on Caasimada Online.
  5. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen daacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-habeen-23102020-ok.mp3 View the full article
  6. Baydhaba (Caasimada Online) – Waxaa muddo ka badan laba bilood aad loo wiiqay awoodihii uu Xukuumada Koonfur Galbeed ku dhax-lahaa wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha Koonfur Galbeed Cali Dhuux Maxamed, kaas oo la sheegay in kadib markii cadaadis la saaray uu dalka ka baxay. Wasiir Cali Dhuux, waxay qaraabo dhow ahaayeen Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxa uu sidoo kale ahaa saaxiib dhow oo xiriir la-leh Xafiiskii Kheyre, hase yeeshee waxaa cadaadis shaqo la saaray markii uu kalsoonida waayay Ra’iisul Wasaare Kheyre. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in wasiirka uu dalka ka maqan yahay, waxaana shaqadiisa sii wada ku-xigeenkiisa iyo agaasimaha guud iyadoo aaney jirin wax wadatashi ah oo shaqada lagala yeesho. Sidoo kale wararka aan helnay ayaa sheegaya in wasiirka markii uu dareemay cadaadiska saaran uu qaatay fasax dheer maadaama shaqadiisa toos ula wareegay wasiir ku xigeenka. Dhinaca kale xubno ka tirsan Xukuumada Koonfur Galbeed ayaa sheegay in wasiir Cali Dhuux uu go’doon Covid-19 ah ku noqday London. Cali Dhuux Maxamed, waxa uu ka tirsanaa wasiirada ka soo jeeda beelaha Mogadishu Clan eek u jira maamulka Koonfur Galbeed. Waxa uu sidoo kale qeyb ka ahaa shaqsiyaadka ugu saameynta badan xukuumadda Lafta-gareen markii uu xafiiska joogay Kheyre, hase yeeshee waxa uu hadda qeyb ka noqoyay dadka cadaadiska badan wajahaya kadib kalsooni kala noqoshadii Xasan Cali Kheyre. The post Xog: Lafta-gareen oo wiiqay awoodda wasiir aad ugu dhowaa Xasan Cali Kheyre first appeared on Caasimada Online.
  7. The Inter-Governmental Authority on Development (Igad) has expressed concern over the potential environmental disaster posed to the Red Sea by the FSO Safer, an aging oil tanker moored off the western coast of Yemen. Source: Hiiraan Online
  8. The first container ship of the Djibouti Shipping Company, which will exclusively operate between Turkey, Djibouti and Somalia, was launched during a ceremony on Friday. Source: Hiiraan Online
  9. Hargeisa, Somaliland (HOL) - Somaliland opposition party leader Abdirahman Irro has tested positive for the COVID19 disease adding to an increasing number of senior political leaders who have contracted the disease in Somalia. Source: Hiiraan Online
  10. Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Cabdiraxmaan Ciro ayaa laga helay cudurka safmarka ah ee Coronavirus/Covid-19, kadib baaritaan lagu sameeyay, sida uu ku sheegay qoraal uu baahiyey. Guddoomiyaha ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay in laga helay cudurkaasi, isla markaana uu gali doono 7-cisho oo karantiil ah. Wuxuuna sheegay in xaaladiisa caafimaad ay wanaagsan tahay, balse uu qaadan doono tallooyinka dhakhtarka ee keli-jooga. “Waxa la iga helay COVID-19 baaris kadib, waxaan gali doonaa toddoba maalmood oo is karantiil ah. Mana lihi hadda wax calaamado oo halis ah” ayuu yiri. Wuxuuna intaas kusii daray Guddoomiyuhu “Caafimaadkeygu wuu wanaagsan yahay, waxaana uga mahad-naqayaa Allah, Alxamdulilah calaa-kuli-xaal”. Ciro ayaa muddooyinkii dambe safaro kala duwan ku marayey wadamada qaarada Yurub, isagoona kulamo kala duwan la qaatay jaaliyadaha reer Somaliland ee dalalkaasi. Sidoo kale waxa uu xiligaasi guddoomiyuhu kulamo la qaatay deeq bixiyeyaasha caalamka ee Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka, inkasta oo si dhab ah loo ogeyn in xiligaasi uu hayey cudurku. Cudurka safmarka ah ee Coronavirus ayaa u muuqda mid markale kusoo labo-kacleeyay dunida, xili billooyin ka hor loo badinayay inuu dunida maca-salaameynayo. The post Cabdiraxmaan Ciro oo laga helay Covid-19 iyo wararkii ugu dambeeyey xaaladiisa caafimaad first appeared on Caasimada Online.
  11. I have tested positive for COVID-19,i will undergo 7 days self-quarantine. I have no complications and in good health at the moment. I'm grateful to Allah in all situations. pic.twitter.com/PjRgsjcsAj — Cabdiraxmaan Cirro (@CirroSL) October 23, 2020 Qaran News
  12. War-saxaafadeed kasoo baxay UNSOM ayaa ku baaqay in la xaqiijiyo in saaxadda siyaasadeed ee dalka ay ahaato mid furan, oo oggolaanaysa in la muujiyo codadka iyo aragtiyada kala duwan taasoo qayb ka ah geeddi-socodka dimuqraadiyadda. Si taas loo gaaro, waa in la ilaaliyo xorriyadda hadalka, ra’yiga, iyo isu imaatinka/ururka. “Saaxad siyaasadeed oo firfircoon waa midda ogolaanaysa isla markaana dhiirigelinaya ka qaybgalka dhammaan qaybaha bulshada – shaqsiyaadka muwaadiniinta ah, warbaahinta, bulshada rayidka ah, hay’adaha dowliga ah, iyo xisbiyada siyaasadeed, iyo kuwa kaleba. Bulsho dimuqraadi ah waa inay ogolaato in si furan loo muujiyo aragtiyada kala duwan ee arrimaha siyaasadda, iyadoo xor ka ah xayiraad ama dhibaateyn,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan. “Soomaaliya waxay horumar ka sameysay dib-u-habeynta maamulka dowladnimada sannadihii la soo dhaafay, haddana waa lama huraan in la sii ballaariyo saaxada siyaasadeed iyadoo dalku u diyaar garoobayo doorashooyin. Waxay si gaar ah muhiim u tahay in la maqlo codadka kooxaha taariikh ahaan la haybsooco,” ayuu raaciyay Swan. Waxa uu sheegay in dimuqraadiyaddu ay ka wayn tahay qabashada doorashooyinka, ayna ka dhigan tahay xaqiijinta in saaxadda siyaasadeed ee dalka ay oggolaanayso in dhammaan dadka ay ka qaybgalaan nolosha guud/dowladda. “Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay garowsan tahay in xorriyatul qowlka, fikirka, iyo isu imaatinku ay yihiin qiyamta udub dhexaadka u ah dimoqraadiyadda ee lagu xeeriyay Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha iyo Dastuurka Ku Meelgaarka Soomaaliya,” ayuu yiri. “Qaramada Midoobay waxay diyaar u tahay inay la shaqeyso Mas’uuliyiinta/hay’adaha iyo bulshada rayidka Soomaaliyeed si loo ilaaliyo loona ballaariyo saaxadda siyaasadda ee Soomaaliya.” View the full article
  13. Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Waddani ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa facebook ku sheegay in maanta laga helay xannuunka Coronavirus. Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in uu galayo karaantiilka muddada xanuunka uu jirka qofka laga helo ku jirayo, inkasta oo uusan soo bandhigin haddii uu dareemayo xannuun iyo sababta keentay in laga baaro cudurka laga helay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in muddada 7-da cishe ah ee uu galayo karaankiilka (Dad ka fogaanta) in uu daryeelayo isla markaana uu la soconayo Xaaladdiisa Caafimaad. Somaliland waxaa ka diiwaangashay kiisas kala duwan, inkasta oo la qaaday dhammaan Xayiraadii bilooyin kahor lagu soo rogay ee la sheegay in looga fogaanayo faafitaanka xanuunka Covid-19. View the full article
  14. Roob geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka da ay magaalada baxdo ee gobolka galguduud. Roobka deyrta ayaa maalmahaan ka da’ayay qeybo ka mid ah gobolka galgaduud waxaana xalay roob xooggan oo ka da’ay magaalada baxdo ee hoos timaada cadaado ku dhinay gabar yar halka ruux kale oo dhawaac kasoo gaaray kadib markii uu hoygii ay ka degenaayeen u uku dumay. Ruuxa dhaawaca uu soo gaaray oo ah gabar kale ayaa lagu dabiibaa Cisbitalka magaalada baxdo ee gobolka galguduud sida uu warbaahinta qaranka usheegay mid kamid ah dadkii goobjooga ahaa. View the full article
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska QM ee Soomaaliya ee UNSOM ayaa mar kale maanta baaq kasoo saaray doorashooyinka la filayo inay dhowaan ka dhacaan Soomaaliya. War-saxaafadeed kasoo baxay UNSOM ayaa ku baaqay in la xaqiijiyo in saaxadda siyaasadeed ee dalka ay ahaato mid furan, oo oggolaanaysa in la muujiyo codadka iyo aragtiyada kala duwan taasoo qayb ka ah geeddi-socodka dimuqraadiyadda. Si taas loo gaaro, waa in la ilaaliyo xorriyadda hadalka, ra’yiga, iyo isu imaatinka/ururka. “Saaxad siyaasadeed oo firfircoon waa midda ogolaanaysa isla markaana dhiirigelinaya ka qaybgalka dhammaan qaybaha bulshada – shaqsiyaadka muwaadiniinta ah, warbaahinta, bulshada rayidka ah, hay’adaha dowliga ah, iyo xisbiyada siyaasadeed, iyo kuwa kaleba. Bulsho dimuqraadi ah waa inay ogolaato in si furan loo muujiyo aragtiyada kala duwan ee arrimaha siyaasadda, iyadoo xor ka ah xayiraad ama dhibaateyn,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan. “Soomaaliya waxay horumar ka sameysay dib-u-habeynta maamulka dowladnimada sannadihii la soo dhaafay, haddana waa lama huraan in la sii ballaariyo saaxada siyaasadeed iyadoo dalku u diyaar garoobayo doorashooyin. Waxay si gaar ah muhiim u tahay in la maqlo codadka kooxaha taariikh ahaan la haybsooco,” ayuu raaciyay Swan. Waxa uu sheegay in dimuqraadiyaddu ay ka wayn tahay qabashada doorashooyinka, ayna ka dhigan tahay xaqiijinta in saaxadda siyaasadeed ee dalka ay oggolaanayso in dhammaan dadka ay ka qaybgalaan nolosha guud/dowladda. “Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay garowsan tahay in xorriyatul qowlka, fikirka, iyo isu imaatinku ay yihiin qiyamta udub dhexaadka u ah dimoqraadiyadda ee lagu xeeriyay Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha iyo Dastuurka Ku Meelgaarka Soomaaliya,” ayuu yiri. “Qaramada Midoobay waxay diyaar u tahay inay la shaqeyso Mas’uuliyiinta/hay’adaha iyo bulshada rayidka Soomaaliyeed si loo ilaaliyo loona ballaariyo saaxadda siyaasadda ee Soomaaliya.” The post QM oo war cusub kasoo saartay doorashooyinka Soomaaliya first appeared on Caasimada Online.
  16. Ethiopian currency notes advertised outside a United Bank branch in Addis Ababa. Ethiopia’s effort to stamp out counterfeiting by introducing new currency notes is pulling people who’ve never had a bank account into the financial system. At least 1.3 million previously unbanked Ethiopians have handed in their two-decade-old banknotes over the past month since the demonetization process was started, Prime Minister Abiy Ahmed told lawmakers on Monday. In exchange, they were given a bank account from which they can draw the new notes. The regulator is trying to deter cash hoarding that enables corruption and illegal trading to thrive, and escapes the tax net. Only 35% of Ethiopian adults held a bank account in 2017, lagging peers such as neighboring Kenya, where the ratio is 82%, according to the World Bank. Over the past year, the number of accounts in the country has increased 31% to 50.7 million, the Prime Minister said. The Horn of Africa nation of 100 million people is following a process that flopped in India. There steps in 2016 to ban high-denomination currency notes to try weed out cash gained through illegal means backfired as economic growth slowed and millions of daily wage earners lost their livelihoods. While Kenya’s demonetization process that started last year went smoothly, the equivalent of about $68 million was not returned, according to the central bank. South Sudan is also contemplating demonetization to curb illicit financial flows. The rush of applications forced the nation’s biggest commercial lender to assign more tellers to only handle money changing at its main branch next to its headquarters in the capital, Addis Ababa. The Commercial Bank of Ethiopia branch gained at least 1,000 customers over the last four weeks, while many others deposited cash in accounts that had been dormant. “On the first day of the new currency notes, you wouldn’t believe what happened here — everybody came,” said Nebyou Birhanu, who heads digital services at CBE. “The money is coming into the bank.” For Ethiopia, the initiative has added 37 billion birr ($991 million) to the 990 billion birr of deposits that were in the country’s 19 banks at the end of March. The central bank estimates there was 92 billion birr of unbanked cash in Ethiopia in July 2019. “We expect more people, in the rural and urban areas, to open bank accounts,” National Bank of Ethiopia Governor Yinager Dessie told state television last week. The central bank is preparing to allow non-financial institutions to offer mobile-money services, opening up banking to local phone companies. To ward off that threat, Commercial Bank of Ethiopia updated its banking app to allow customers to get credit, pay utility bills and transfer cash more easily, said Nebyou. Dawit Belay, a 36-year-old car importer, said he supported the drive. He spoke as he withdrew cash at United Bank SC’s Gandhi Branch in central Addis Ababa, where tellers were tending to the steady flow of customers. “About the new currency, I feel like it’s very safe,” he said. “It’s good for the whole community, as everything comes inside the system. We’re not going to use as much cash anymore.” Source: Bloomberg The post Currency Revamp Spurs Rush for New Bank Accounts in Ethiopia appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye ayaa si rasmiya usoo gudbiyay Xubnaha maamulkiisa Galmudug ku matalaya guddiga doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka ee dhawaan lagu heshiiyey. Qoor-qoor ayaa gudbiyey afar xubnood oo qeyb ka noqonaya guddigaasi, kuwaasi oo dhawaan si rasmi ah u howl-gali doona, maadama heshiis kama dambeys ah laga gaaray khilaafkii doorashada dalka. Dhawaan ayaa la filayaa in ra’iisul wasaare Rooble uu wareegto kusoo saaro xubnaha guddiyada doorashooyinka & xalinta khilaafaadka, kuwaasi oo ay soo wada xuleen dowladda federaalka iyo maamul goboleedyadu. Waxaana ilaa iyo hadda gudbiyay xubnaha guddiga doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka ee matalaya maamulada dalka; Koonfur Galbeed, Jubbaland, Puntland & Galmudug. Waxa kaliya oo aan weli soo gudbin xubnaha guddigaasi maamulka Hir-Shabeelle, oo isagu wajahaya jahwareer siyaasadeed oo ka dhashay doorashooyinka maamulkaasi. Hoos ka aqriso magacyada xubnaha uu gudbiyey Qoor-Qoor 1. Garaad Yuusuf Maxamuud: Xubin Gudigga Xalinta khilaafaadka. 2. Mustaf Macalin Cali Salaad: Xubin Gudigga Xalinta khilaafaadka. 3. Cabdicasiis Cabdiraxmaan: Xubin Gudigga Doorashooyinka. 4. Liibaan Axmed Xassan: Xubin Gudigga Doorashooyinka. The post Aqriso Magacyada: Xubnaha GALMUDUG ku matalaya guddiyada doorashada first appeared on Caasimada Online.
  18. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-Duhur-23102020.mp3 View the full article
  19. Raysal wasaare Rooble wuxuu soo magacaabay Golihiisa Wasiirada oo ka kooban todobaataneeye Xubnood, kuwasoo haysta ilaa bisha Feberaayo 2021 inay adeegaan. Inay xafiisyadooda la wareegaan [...] The post Golaha Wasiirada Cusub oo loo waysan yahay Kooramka Baarlamaanka si Cod ka kalsoonida loogu qaado, maxay tahay sababtu appeared first on . Source
  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaanada golaha shacabka ayaa berito oo sabti ah xaruntooda Villa Hargeysa ku yeelan doona kulan xasaasi ah. Taariikhdu waxey berito ku beegan tahay 24-ka Oktoobar, waxaana ajandaha golaha shacabka uu noqon doonaa iney cod u qaadaan xukuumadda uu dhawaan soo dhisay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Ilo wareedyo u warramay Caasimadda Online ayaa sheegay in qaar ka mid ah golaha cusub ee wasiirada ay kulamo gaar-gaar ah la yeelanayeen qaar ka tirsan xildhibaanada golaha shacabka, waxaana la fahamsan yahay iney weydiisanayeen codka kalsoonida. Wakhtiga xil heynta dowladda ayaa gabaabsi ah, golaha wasiirada ee cusub ma heystaan wakhti ku filan, balse waxaa laga sugayaa sida ay marxaladdaan kala guurka dalka uga samata-bixiyaan. 19-kii bishaan ayey aheyd markii ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu soo doortay golahiisa wasiirada oo ka waji duwan xukuumadii la riday dhamaadkii July, waxaana la sugi doonaa kulanka golaha shacabka iyo natiijada ay helaan golaha wasiirada cusub. The post Goorma ayaa codka kalsoonida loo qaadayaa Golaha cusub ee Wasiirada? first appeared on Caasimada Online.
  21. Mudanayaasha Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa Sabtida berriya Codka kalsoonida u qaadi doona Xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Qoraal kooban oo lagu daabacay bogga Facebook-ga ee Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaaliya, ayaa si rasmiya loogu shaaciyay in Ajandaha Fadhiga Baarlamanka ee Sabtida berriya, uu yahay Kalsooni-siinta Xukuumadda cusub. “Beri oo Sabti ah Tar 24 Oct, waxaa jira Kulan weynihii Golaha Shacabka BJFS Agendaha Waa; uCodeynta Kalsooni Siinta Xubnaha Golaha Wasiiradda Magacaaban iyo Barnaamijka Xukuumadda” ayaa lagu yiri Qoraalka. R’iisul wasaare Rooble, ayaa 19-kii bishan October soo magacaabay Golihiisa wasiirada cusub, kuwaas oo u badan Xukuumaddii hore ee Xasan Cali Khayre. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Soomaaliya oo Sabtida berriya Codka Kalsoonida u qaadaya Xukuumadda cusub appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (Caasimadda Online) – Muwaadiniin u dhashay wadanka Hindiya oo u shaqeynayay mid ka mid ah shirkadaha fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho ayey lasoo daristay xaalad adag. Warbaahinta wadanka Hindiya waxey tabinayaan in 30 muwaadin oo u dhashay dalkooda ay horaantii sanadkaan heshiis la galeen shirkad laga leeyahay Soomaaliya, balse aysan helin xuquuqdooda. Live Hindustani oo ka mid ah warbaahinta ugu caansan dalkaas ayaa warinaya in ehelada dadkaan ay faafiyeen muuqaalo iyo sawiro ka turjumaya xaaladda adag oo ay dadkaan ku sugan yahiin. Warbixinada la baahiyay waxey sheegayaan in muwaadiniintaan laga qaatay baasabooradii ay wateen, sidoo kalana ay mushaar qaateen kaliya laba bilood. Hay’ada xuquuql insaanka dalka Hindiya iyo Safaaradda Hindiya ee magaalada Nairobi ayaa sameeyay dadaalo ay ku baadi goobeen iney dadkaas xoriyadooda dib usoo helaan, waxaana la rajeynayaa iney dhawaan heli doonaan. Warbaahinta madaxa banaan badi ma hesho xogaha dhabta ah ee ku saabsan arrimahaan oo kale, maadaama ay dowladda si gaar ah u daboosho kiisaskaan. The post Shaqaale Hindiya kasoo jeeda oo afduub ahaan loogu heysto Muqdisho first appeared on Caasimada Online.
  23. Kabul (Caasimadda Online) – Sida ay warbaahinta u sheegeen dadka deegaanka, in ka badan 10 qofood oo rayid ah ayaa ku dhimatay duqeymo cirka ah oo lala beegsaday dugsi qur’aan ku yaala gobolka Takhar. Wararka la helayo waxey sheegayaan in tuulada Hazara Qurluq ee ku taala gobolka Takhar ee waqooyiga Afganistaan ay ku dhinteen 11 caruur ah iyo macalinkooda, waxeyna kusoo aadeysaa xilli dowladda dalkaasi ay sheegtay iney deegaankaas ku dileen 12 dagaalyahan oo ka tiorsan Taliban. Dagaalyahanada Taliban ayaa dilay ugu yaraan 30 ka mid ah ciidamada dowladda kadib weerar gaadmo ah oo ay ku qaadeen goibolka Takhar, wuxuuna weerarkaasi ahaa aargoosi. Cabdul Awal waa imaam masjid ku yaala deegaankaas, isagoo dhaawac ah ayuu BBC-da u sheegay in halkaasi ay joogeen isaga iyo caruur oo kaliya wakhtiga ay duqeynta dhacday, waxaana sidoo kale la sheegayaa in 14 qofood kale ay ku dhaawacmeen duqeyntii dhacday arbacadii. Afhayeen u hadlay maamulka magaalada ay dhibaatada ka dhacday oo lagu magacaabo Maxammad Jawaad Xejri ayaa warbaahinta u sheegay in weerarka lagu laayay caruur, halka dhaqaatiirta isbitaalada ay xaqiijiyeen iney dhaawacyada ugu badan yahiin caruur. Wasaaradda Gaashaandhigga Afganistaan ma rumeysna in caruur lagu laayay weerarka, sidaas darteed waxey sameysay guddi baaris ku sameeya wixii dhacay, iyadoo saraakiisha dowladda ee howshaan ku lug leh ay gabi ahaanba beeniyeen iney caruur ku laayeen, iyagoo qiray iney dileen dagaalyahano ka tirsan Taliban. The post Dad rayid ah oo ku dhintay duqeymo cirka ah oo lala beegsaday Dugsi Qur’aan first appeared on Caasimada Online.