-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee magaalada Beledweyne ayaa lagu soo warramayaa inay saaka joojiyeen dibad-bax ballaaran oo ka socday gudaha magaaladaasi, kaas oo ay dhigayeen boqolaal dadweyne ah oo isku soo baxay. Dibad-baxayaasha oo watay boorar ay ku muujinayaan dareenkooda ayaa waxa ay banaan-baxan uga soo horjeedeen, sida loo wahayo dhismaha maamulka HirShabelle. Wararka ayaa sheegaya in saraakiisha laamaha amniga, gaar ahaan kuwa Booliiska ay kala dareeriyeen dadkii shacabka ahaa ee isugu soo baxay halkaasi. Labo Xidigle Maxamed Qorsheel taliyaha ciidanka Booliiska magaalada Beledweyne ayaa warbaahinta u sheegay inuu dibad-baxaasi ahaa mid sharci darro ah, kana hortageen. Taliyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in ka hor dibad-baxaasi aan lagu soo war-gelin, islmarkaana uu qatar ku ahaa maniga magaalada, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in aysan aqbali doonin in Beledweyne lagu qabto banaan-bax aysan ogeyn hay’adaha ammaanka ee degmadaasi. Si kastaba dhismaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle ayaa waxaa ka taagan is jiid-jiid siyaasadeed iyo khilaafaad u dhexeeya madaxda sare ee maamulkaasi, taas oo caqabad ku ah qabsoomida doorashooyinka maamulkaasi. The post Ciidamada amniga oo joojiyey dibad-bax ka socday Beledweyne + sababta first appeared on Caasimada Online.
-
Kampala (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare ku xigeenka magacaaban ee dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo gaaray dalka Uganda ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha dalkaasi, Mudane Yuweri Museveni. Mahdi Guuleed ayaa waxaa socdaalkan ku wehlinayo Marwada koowaad ee dalka Seynab Cabdi Macalin, iyada oo soo soo dhoweeyn loogu sameeyey madaxtooyada Uganda. Ujeedka wafdigan ay u tageen dalka Uganda ayaa ah ka qeyb-galka munaasabad lagu furay shirkad ballaaran oo soo saarta Sokorta, taas oo ay leedahay haweeney Soomaaliyeed oo ganacsi ballaaran ku leh, qaar ka mid ah dalalka Barigga Afrika. Sidoo kale wafdigan ayaa qeyb ka ah wafuud ka kala timid caalamka oo furaya warshadda Sokorta. Marwo Aamina Xirsi Mooge oo ah haweeney leh shirkadaasi ayaa ka mid ah haweenka Soomaaliyeed oo horumarada ganacsi ka sameeyey guud ahaan Qaaradda Afrika Soomaaliya ayey tani u tahay fursad aad u weyn, iyada oo u suurta-gelineyso inay ka soo muuqato dalalka ay haweenkooda sameeyeen horumarada ganacsi, siiba warshadaha. The post Sawirro: Muxuu ahaa ujeedka kulanka uu Mahadi Guuleed la yeeshay madaxweynaha Uganda? first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Kaddib markii maalmihii la soo dhaafay ay soo if baxeen warar been abuur ah oo lagu faafiyey baraha bulshada qaar, kuwaas oo la xiriira in qaar ka mid ah bangiyada dalka lagu soo rogi doono cuna qabateyn dhaqaale, ayaa arrintaas waxaa faah faahin dhammaystiran ka bixiyay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, kaas oo soo saaray Warsaxaafadeed uu arrintaas kaga hadlay. Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo ah haayadda u xilsaaran Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya rukhsad bixinta iyo kormeeridda baananka gaarka loo leeyahay ee dalka Soomaaliya ayaa sheegay in aanay jirin wax cunaqabatay amba culays ah oo haysta baananka ganacsi ee gaarka loo leeyahay ka jira dalka. Waa tan Wargelintii ka soo baxay Bangiga dhexe ee Soomaaliya oo u qorneed sida tan:- Bankiga Dhexe ee Soomaaliya isaga oo ka duulaya warar been-abuur ah oo maalmihii u dambeeyay lagu baahiyay Baraha Bushada ee Soomaalida (Social Media), kuwaas oo looga beensheegayo Bankiyada dalka qaarkood, haddaba Bankiga Dhexe wuxuu guud ahaan dadweynaha iyo gaar ahaan macaamiisha bankiyada Soomaaliyeed u caddeynayaa: In Bangiga Dhexe yahay hay’adda u xilsaaran shati-siinta iyo korjoogteynta bankiyada dalka ka shaqeeya oo dhan. In aysan jirin wax dacwad ama eedayn ah oo laga soo gudbiyay bangi ka mid ah Bankiyada dalka. Bankiga Dhexe ee Soomaaliya wuxuu ku boorrinayaa warbaahinta dalka iyo kuwa dibeddaba (gaar ahaan Baraha Bulshada), in ay ka fogaadaan faafinta xog aan xaqiiqaada ku salaysnayn. Wararka ku saabsan bankiyada iyo shirkadaha maaliyadda ee dalka waxaa laga soo xigan karaa ilaha rasmiga ah, sida Bankiga Dhexe ee Somalia. Somalia ayaa sanadihii lasoo dhaafay ku tallaabsatay Horumar dhaqaale iyo mid ganacsi, kaas oo ay Hormuud ka yihiin Bangiyada iyo Shirkadaha waaweyn ee dalka, kuwaas oo shaqo abuur iyo maalgalin ganacsi u sameeyey qeybo badan oo ka mid bulshada Soomaaliyeed, sida ganacsiga yaryar, kan dhexe iyo maalgalin heer shakhsi ah intaba. The post Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo beeniyay warar laga faafiyay bangiyada dalka. first appeared on Caasimada Online.
-
Maamulka bangiga dhexe ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray wuxuu kaga hadlay warar been abuur ah oo maalmihii u dambeeyey lagu baahiyey baraha bulshada. Bangiga dhexe ayaa sheegay in wararkaasi ay baahiyeen dad leh dano gaar ah oo beegsanaya qaar ka mid ah bangiyada ku yaalla gudaha dalka. Qoraalkan ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in aysan jirin wax dacwad ah ama eedeyn ah oo laga gudbiyey bangi ka mid ah kuwa ka shaqeeya dalka. Sidoo kale wuxa uu bangiga dhexe ee dalka Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan macaamiisha bangiyada u caddeeyey in wararkaasi la faafiyey ay yihiin kuwa ka fog xaqiiqda, islamarkaana aanu ka soo baxin maamulka bangiga dhexe ee Soomaaliya. Halkan hoose ka aqriso:- View the full article
-
Waxaa magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabelle gaaray inta badan odeyaasha dhaqanka iyo ergada iyada oo la filayo in xulistii bilaabato. Inkasta oo jawdalka iyo qorshihii hore la baalmaray, oo aaney hirgelin hadana waxaa Jowhar ku sugan inta badan Ugaasyada, Wabarada iyo odeyaasha kale ee baarlamaanka 2aad ee Hirshabelle soo xulayey. Dhanka kale, waxaa uu loolan adag ka jiraa madaxweynaha, iyada oo beelaha qaar ay sheeganayaan in jagada madaxweynaha ay iyagu leeyihiin halka 11 beel ay wax ku qeybsatay Hirshabelle. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni) ayaa soo gudbiyey xubnaha Puntland ku metelaya guddiyada doorashooyinka iyo kan xalinta khilafaadka doorashada ee heer federaal. Madaxtooyada Puntland, ayaa si rasmi ah xalay ugu gudbisay dowladda federaalka liiska afar xubnood oo Puntland ku matalaya labadaas guddi. Agaasime ku xigeenka madaxtooyada Puntland Cabdiweli Tima-Cadde iyo Muuse Geelle Faroole oo horay xilal uga soo qabtay maamulkaas ayaa Puntland ku meteli doona Guddiga Doorashooyinka ee Federaal. Sidoo kale Siyaasiga Burhaan Cilmi Filig iyo gabar la-taliye u ah Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni oo lagu magacaabo Yaasmiin ayaa Puntland ku matala Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Federaalka, 20-kii bishan ayey ku ekeyd mudadii lagu balamay ee aheyd in madaxda dowlad goboleedyada ay soo magacaabaan xubnaha ku metelaya guddiyadan, balse dib u dhac aan la shaacin sababtiisa ayaa ku yimid. Puntland ayaa maalin kadib waqtigii lagu balamay soo magacaawday xubneheeda, iyada oo maamullada haray looga fadhiyo inay soo gudbiyaan liiska xubnaha laga rabo. Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhankooda ay soo gudbiyeen xubnaha ku metalaya guddiyada doorashada ee heer federaal maamullada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, halka weli la sugayo dowlad goboleedyada kale ee dhiman ee HirShabelle iyo Galmudug. Soomaaliya oo ku jirto marxalad kala guur ah ayaa isku diyaarineyso doorashada 2020 illa 2021, iyada oo lagu dhaqaaqay xukuumaddii ka shaqeyn laheyd, taas oo uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare Rooble, walow aan weli la horgeyn golaha shacabka. The post PUNTLAND oo soo gudbisay xubnaha ku mataliya gudiyada doorashada heer federaal first appeared on Caasimada Online.
-
Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay dagaal u dhexeeyey ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya uu ka dhacay duleedka Beledxaawo. Iska hor imaadka oo muddo kooban socday, ayaa waxaa la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwam, sida ay sheegeen ilo dadka deegaanka ah. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay is-rasaaseyntaasi oo muddo kooban socotay, lamana oga waxa sababay iska hor imaadkaasi. Sidoo kale ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha labada dhinac oo ku aadan dagaalkaasi. Xaaladda ayaa saaka ah mid degan, balse labada ciidan ayaa lagu soo warramayaa inay dhaq-dhaqaaqyo culus ka wadaan halkaasi. Dhowaan ayey aheyd markii ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Kenya ay isku farasaareen xuduud beenaadka labada dal, siiba duleedka Beledxaawo ee G/Gedo. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa iska hor imaad markale ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya ku dhex-maray xuduud beenaadka labada dal, gaar ahaan duleedka degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo. Dagaalka oo ahaa mid kooban ayaa waxaa la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, isaga oo markii dambe istaagay. Ilo dadka deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in dagaalkaasi la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, balse ma cadda khasaaraha ka dhashay. Sidoo kale illaa iyo hadda si dhab ah looga oga wax sababay is-rasaaseynta labada ciidan oo muddooyinkii dambe dhaq-dhaqaaqyo ka waday xadka Soomaaliya & Kenya. Xaaladda ayaa haatan ah mid degan, welina ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa Kenya. Si kastaba waa markii labaad oo uu iska hor imaad toos ah uu dhex-marayo ciidamada ay dowladdu geysay gobolka Gedo iyo kuwa Kenya ee ku sugan duleedka Beledxaawo. Arrintan ayaa sidoo kale imaaneyso, xilli dhowaan ay Kenya ku hanjabtay inay jawaab kulul ka bixin doonto, haddii uu dagaal uga yimaada dhanka ciidamada Soomaaliya. The post Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya oo markale ku dagaalamay Beledxaawo first appeared on Caasimada Online.
-
Taliyaha ciidanka Uganda ee AMISOM Jenaraal Richard Otto ayaa sheegay in uu ku faraxay diyaar ahaanshaha iyo firfircoonida ciidanka AMISOM, isaga oo sheegay in ay sii wadayaan daciifinta ama wiiqidda awooda Al-Shabaab oo gacanta ku haya meela badan oo ka mid ah koofurta iyo bartamaha Soomaaliya. Taliyaha ciidanka Uganda ee AMISOM Jeneraal Richard Otto ayaa hadalkan sheegay xilli socdaal uu ku tegay furimaha hore ee lagula dagaalamayo Xarakada Al-Shabaab oo war ka soo baxay AMISOM lagu sheegay in taliyuhu uu soo gabagabeeyay. Socdaalkan oo ujeedkiisu ahaa u kuurgelidda iyo in la qiimeeyo horumarku ciidanka ka sameeyeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa waxaa Taliyaha ku wehliyay saraakiil sare sare oo ka tirsan howlgalka AMISOM. Taliyaha ayaa si gaar ah u booqday goobaha ay gacanta ku hayaan ciidanka Uganda ee uu xakumo, kuwaas ka howl gala Gobolada Banaadir, ,Shabeelaha Hoose iyo Jubbada dhexe. Taliyaha ayaa la kulmay saraakiisha joogta goobaha ay ka mid yihiin Carbiska, Ceeljaale, Balidoogle iyo magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose. View the full article
-
(SLT-Taiwan)-Dowlada Taiwan ayaa maxkamada soo taageysa nin u dhashay dalka Shiinaha oo loo heysto dilka Soomaali lagu tuhmay inay ahaayeen budhcad-badeed. Dilkan ayaa dhacay sannadkii 2012, xiligaasi oo la sheegay in Markab laga leeyahay Taiwan oo uu kabtan ka ahaa ninkan u dhashay Shiinaha ay rasaas ku fureen afar nin oo Soomaali ah oo watay dooni yar. Kabtankan ayaa la sheegay inuu ku amray illaalada saarnaa Markabkiisa wax-jariifa inay rasaas ku furaan raggaasi Soomaalida ah kadib markii ay burburiyeen doonidii yareyd oo ay wateen afartaa nin ee Soomaalida ah. Xeer ilaalinta Taiwan ayaa sheegtay in xogtan la ogaaday kadib markii filim laga duubay dhacdadan lagu shaaciyey Youtube, filimkan ayaa la sheegay in laga helay telefoonka gacanta ah oo lagaga dhextagay gaadhi Taxi ah. Muuqaalkan ayaa laga maqlayey Kabtanka oo amar ku bixinaya in la dilo Soomaalidaasi oo markaasi badda dul-sabeenayey. Naakhuudahan ayaa qirtay inuu amray dilka isagoo sheegay in raggan Soomaalida ah ay ahaayeen Budhcad-badeed isla markaana uu ka cabsi qabay in ay weerar kale kusoo qaadaan Markabkooda oo xiligaasi ka kaluumeysnayey xeebaha Soomaaliya. Xeer ilaalinta Taiwan ayaa sheegtay in isagoo og raggaasi inayna is difaaci karin uu Kabtankan ku amray illaalada Markabka u saarnaa oo u dhashay dalka Pakistaan inay rasaas badan ku furaan afartaa qof ee u dhashay Soomaaliya. Maraakiibta laga leeyahay dalalka Aasiya ayaa in muddo ah faro-ba’an ku haya xeebaha Soomaaliya, waxayna hore sidan dilal ugu geysteen kaluumeysato Soomaali ah, hase yeeshee inta badan ma dhacdo in maxkamad loo soo taago shisheeyahaasi falalkan ay ka geystaan xeebaha Soomaaliya. Source
-
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump iyo ninka isaga xilka kaga horeeyay ee Barack Obama, ayaa ereyo kul kulul is dhaafsaday, intii ay socdeen isu soo bax dadweyne oo ka kala dhacay gobolada Mareykanka. Mr Obama ayaa Trump ku eedeeyay in uu yahay cunsuri ay ku fogaatay sareynta caddaanka, dhankiisa madaxweyne Trump oo ka hadlayay kulan lagu qabtay gobolka North Carolina, ayaa Barack Obama ku duray in uu isku dayay sidii uu u khaldi lahaa natiijada doorashadii 2016 ka dhacday Mareykanka. 13 maalmood oo keliya, ayaa ka harsan codbixinta Madaxtinimada Mareykanka ee sadexda bisha November, gobolo tiro yar ayaana ah kuwa go’aaminaya natiijada doorashada November. Madaxweyne Donald Trump, ayaa sheegay in ololihiisa uu aad u sareeyo, halka ninka ay loolamayaan ee Joe Biden uu ku tilmaamay mid ololihiisu liito. Mr. Biden ayaa isu diyaarinaya doodda caawa uu la yeelan doona madaxweynaha Mareykanka, dhinaca kale,Trump waxaa uu xoogga saareyaa sidii u qasban lahaa codadka dadweynaha gobolada muhiimka ah ee Mareykanka. PUNTLAND POST The post Trump iyo Obama oo is dhaafsaday hadalo kulul oo la xiriira Ololaha Doorashada Maraykanka appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Washington)-Agaasimaha sirdoonka qaranka ee Mareykanka John Ratcliffe ayaa Arbacadii sheegay in dowladaha Russia iyo Iran ay labadaba isku dayeen inay soo faragaliyaan doorashada madaxtinimo ee Mareyakanka ee 2020ka. Ratcliffe Ratcliffe oo ka hadlayay shir jaraa’id oo si deg deg ah loo soo abaabulay, ayaa sheegay in Mareyaknka uu lacago dul saari doono waddan kasta oo shisheeye oo soo faragaliya doorashada Mareaykanka ee 2020-ka, iyadoo uu shirka jaraa’id ku wehliyay agaasimaha hay’adda FBI-da Chris Wray. “Waxaan xaqiijinnay in qaar kamid ah macluumadka diiwaangalinta cod bixiyeyaasha ay heleen Iran iyo si qaas ah Russia,” ayuu yidhi Ratcliffe intii lagu guda jiray shirka jaraa’id, Wuxuu sheegay inay arkeen Email-lo ay dirtay Iran oo loogu talagalay in lagu khalkhalgaliyo codbixiyeyaasha, kicin bulsho iyo in lagu dhaawaco madaxweyne Donald Trump. Hadalka madaxa Sirdoonka ee Mareykanka ayaa imaanaya iyadoo doorashada madaxtimo ee Mareayknka ay ka hadhsan tahay laba toddobaad oo kaliya, jilayaasha shisheeyahana ay raadinayan habab ay kusoo faragaliyaan doorashada si natiijada ay waddaeeda uga weeciyaan. Source
-
Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Axmed Xasan Iimaan ayaa shir gudoomiyay kulanka Degmooyinka Gobolka Banaadir oo ah mid todobaadla ah, kaas oo looga hadlayay horumarinta Caasimadda. Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha amniga, Nadaafadda iyo horumarinta caasimadda. Iyadoo ay ka qeyb galeen Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, qaar ka mid ah Agaasimeyaasha Gobolka iyo xubno kale. Shirka oo ah mid todobaadle ah ayaa la isku afgartay in la dar dargeliyo bilic soo celinta caasimadda iyo xoojinta amniga. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
(SLT-Ankara)-Turkiga ayaa xidhay nin lagu eedeeyey inuu u basaasayay Imaaraadka Carabta, waxaa sidaas weriyey taleefishinka dowladda ee TRT World. Ahmed al-Astal, oo ah 45 jir Falastiini ah oo kasoo jeeda Gaza, ayaa haystay baasaboorka dalka Jordan markii loo kaxeeyey xabsi ku yaalla Turkiga. Qoyska Astal ee Gaza ayaa 25-kii September baraha bulshada soo dhigay bayaan ay ku sheegeen in 4 maalmood ka hor xilligaas lagu afduubtay Turkiga. Qoyska Astal waxay sheegeen inuu ahaa suxufi in ka badan 10 sanno ka shaqeynayey Imaaraadka Carabta ka hor inta aanu u guurin Turkiga, halkaasi oo uu kula shaqeeyey dhawr warbaahin oo ay ku jirto wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu. Bayaan labaad oo ay soo saareen salaasadii, ayey qosyak Astal waxay Turkiga ku eedeeyeen inay si aan wanaagsaneyn ula tacaaleen arrintan. Qoyska ayaa ku booriyey madaxweynaha Falastiin Mahmud Abbas inuu soo faro-geliyo arrintan, ayaga oo sheegay in xaaskiisa iyo laba gabdhood oo uu dhalay ay kaligood ku yihiin Turkiga. Taleefishinka TRT World ayaa ilo-wareedyo Turkish ah kasoo xigtay in Astal uu Imaaraadka Carabta u jaajuusayey ururka Ikhwanul Muslimiin ee Turkiga, sidoo kalena uu waday dhaq-dhaqaaqyo kale tan iyo markii uu dalka usoo guuray 2013. Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay inuu ururinayey macluumaadka arrimaha gudaha Turkiga. Source
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-Subax-22102020.mp3 View the full article
-
An investigation into a racist attack on three black women has been reopened by the Metropolitan Police. Source: Hiiraan Online
-
Agaasimaha sirdoonka Qaranka ee Mareykanka John Ratcliffe ayaa Arbacadii sheegay in dowladaha Russia iyo Iran ay labadaba isku dayeen inay soo faragaliyaan doorashada madaxtinimo ee Mareyakanka ee 2020ka. Ratcliffe Ratcliffe oo ka hadlayay shir ja;aa’id oo si deg deg ah loo soo abaabulay, ayaa sheegay in Mareyaknka uu lacago dul saari doono waddan kasta oo shihseeye oo soo faragaliya doorashada Mareaykanka ee 2020-ka, iyadoo uu shirka jaraa’id ku wehliyay agaasimaha hay’adda FBI-da Chris Wray. “Waxaan xaqiijinnay in qaar kamid ah macluumadka diiwaangalinta cod bixiyeyaasha ay heleen Iran iyo si qaas ah Russia,” ayuu yiri Ratcliffe intii lagu guda jiray shirka jaraa’id, Wuxuu sheegay inay arkeen Email-lo ay dirtay Iran oo loogu talagalay in lagu qalqalgaliyo codbixiyeyaasha, kicin bulsho iyo in lagu dhaawaco madaxweyne Donald Trump. Hadalka Agaasimaha Sirdoonka ee Mareykanka, ayaa imaanaya iyadoo doorashada madaxtimo ee Maraykanka ay ka harsan tahay laba todobaad oo kaliya, jilayaasha shisheeyahana ay raadinayan habab ay kusoo faragaliyaan doorashada si natiijada ay wadada uga weeciyaan. PUNTLAND POST The post Russia iyo Iran oo isku dayay faragalinta doorashada Mareykanka appeared first on Puntland Post.
-
Somaliland MoFA Diaspora Directorate Applauds Commemoration of WW I & WW II Combatants of the Somalis Battalion in France The Diaspora Engagement Directorate under the Ministry of Foreign Affairs & International Cooperation of the Republic of Somaliland sends congratulation to the Somalis Battalions Association and generally to the Somaliland Diaspora Community in France and vastly appreciates celebrating memorial of the WW I & WW II Combatants of Somaliland origin for the second time on the Saturday, Oct 17, 2020 in Paris. On behalf of my name, and the name of the Somaliland Diaspora worldwide, I am so happy to express my sincere gratitude to the dedicated activists of the Somalis Battalions Association as well as the Somaliland Community in France for their nationalistic efforts on the momentous historic occasion of commemorating the Somaliland national combatants who fought for France in the 1st and the 2nd World Wars. Over 2.000 young men a large majority of them as origin of the British Somaliland determinedly fought alongside the French Troops in the World War I in which 400 fighters of them lost their lives at the battle ground whose bodies are currently buried with official notes in different places in France within 1916-1918 whilst 1,200 of them were wounded. Unlike other Africans compellingly engaged, Somalis Battalion (Bataillon Somalie) was recruited with their own accord and free will by the French Colonial Administration in Djibouti. According to evidences and history records, fighting against the Nazi in different places, they did not only demonstrate exceptional bravery but as well proved highly disciplined heroism for which they deserved to be among the most rewarded army unit with the second rank war medals after the war. Likewise, over 500 Somalilanders entered for Second World War on the side of the French liberation as well and 36 men of the later were killed currently buried at one place. This is in reality factual history of the people of Somaliland and which should ever be remembered and honored. Compliant with the records and on hand evidences, all those soldiers of the Somalis Battalion who died in the battle though recruited in France by the French Colonial Administration; they were citizens of the British Somaliland and left from all the regions of the current Republic of Somaliland. As shown in the Death Certificates of the late Somalis Battalion Soldiers, during the recruitment, they wrote their birth places as Herer, Hargeisa Burao, Borama, Berbera, Xeeb Berbera, Bari, Guban, Bulahar, Oogo, Hawd, Gaaroodi, Dar Ceel Biir, Geed Adari, Aware, Dari, Agagaalle, Harirad, Badar, Buurdhaab Selel, Marmar/Zeila, Sheikh, Jifada, Baladh, Adalle, Hobyo (Italian Somaliland), Jigjiga (Abyssinia), and the names of so many settlements mainly under the districts and regions of Somaliland plus few others registered as locations under the Italian Somaliland and Abyssinia (Source: Somalis Battalions Association). As the Death Certificates, indicate, among the 1st Somalis Battalion were 25 Somalis from Abyssinia, 200 Yemenis, and 70 Comorians while the rest of 1,400 plus soldiers were young and middle-aged men from Somaliland in the early twentieth century. We shall collaborate with the Somalis Battalions Association to publish the whole List of the Names of the 436 soldiers died and buried in France. Finally, I am so thankful to the founders of the Somalis Battalions Association commemorating memorial of our beloved fellow citizens who lost their lives as combatants fighting against the Nazi in support of France in the World War I and World War II for the second time to mark this crucial occasion and specially to Mr. Ibrahim Yusuf Guled for this patriotic endeavor in relation to the remarkable milestone of the history of Somalilanders. “The fact is that if you neglect your history, other people will claim and boast of your noteworthy deeds in the past! Saad Mohamed Abdi Director of the Diaspora Department Ministry of Foreign Affairs & International Cooperation Hargeisa, Republic of Somaliland Qaran News
-
Over the past five decades, the Horn of Africa has seen a continuous stream of both natural and man-made shocks. Combined with poor governance of land and other natural resources, as well as long-term economic and demographic trends, these shocks alongside conflict have challenged even the most resilient dryland livelihood systems. Source: Hiiraan Online
-
Cadaado (Caasimada Online) – Faah-fahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal khasaare dhaliyay oo xalay ka dhacay afaafka hore ee xarunta madaxtooyada ee magaalada Cadaado. Iska hor-imaadka oo ahaa mid kooban ayaa dhex maray ciidanka Nabad Sugidda iyo ciidan maleyshiyo beeled ah oo hubeysan, kuwaasi oo weerar kusoo qaaday ciidanka Nabad Sugidda Soomaaliya ee ku sugan Cadaado, Xog aan helnay ayaa sheegeysa in laba qof ay ku dhaawacmeen dagaalka, oo mid ka mid ahi uu yahay shacab, halka qofka kale uu ka tirsanaa dhinacyada dagaaalmay. waxaana wararku ay intaas ku darayaan in laga yaabo in khasaaruhu uu intaa ka badan yahay. Wali mas’uuliyiinta Nabad Sugiddu kama hadlin iska hor-imaadka, sidoo kalena ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Cadaado oo ku aaddan dagaalka. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in hadda magaaladu ay daggan tahay, oo aysan jirin wax dagaal ah oo ka socda, waxaana dadka degaanka ay soo sheegayaan in xaaladdu ay sidii hore kusoo laabatay. Ma cadda waxa sababay in Ciidanka u abaabulan hab beeleedka ay weeraraan Ciidanka Nabad Sugidda, waxaana ilaa iyo hadda aan lahayn saababta rasmiga ah ee ka dambeysay in iska hor-imaadkaasi uu dhaco. The post Xog ku saabsan DAGAAL xalay ka dhacay albaabka madaxtooyada Cadaado first appeared on Caasimada Online.
