-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ku xigeenka wakiilka gaarka ah ee xogheyaha guud ee QM Adam Abdelmoula ayaa hambalyo u diray Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee uu dhawaan soo magacaabay Ra’isal wasaare Maxmed Xuseen Rooble Adam Abdelmoula oo sidoo kale ah isu’duwaha xafiiska gargaarka ee Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa twitter-ka waxa uu ku sheegay in filayo in Wasiirka cusub uu kala shaqeeyo ka jawaabidda halisyada guud ee ay Soomaaliya wajaheyso Wuxuu sheegay in si gaar ah xafiiska QM iyo Wasaaradda ay sare u qaadaan iskaashiga xal u helista dhibaatooyinka seddex-geesoodka ah oo ay Soomaaliya wajahayso “Hambalyo Hon. Khadija Mohamed Dirie oo noqotay Wasiirka cusub ee Wasaaradda gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka. Waxaan rajeynayaa in aan sii xoojinno iskaashiga aan xal ugu raadineyno culeysyada seddex geesoodka ee bani’aadannimo ee Soomaaliya, waxaan u xal raadin doonnaa culeysyadaas innaga oo qaadeynta dadaal loo dhan yahay oo xal-waara lagu raadiyo”. Ayuu qoraalkiisa ku yiri Mr. Adam Abdelmoula, Ku xigeenka wakiilka gaarka ah ee xogheyaha guud ee QM Soomaaliya ayaa wajaheysa culeysyo uga imanaya jihooyin seddex ah oo kala ah; ayaxa saxaraha, saameynta COVID19 iyo raadka ay ka tageen fatahaadihi dhawaa. Iskaashiga QM iyo Dowladda Soomaaliya ayaa muhiim u ah in la isku dayo yareynta, kahortagga iyo maareynta halis-wadareedyada Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya ayaa Marwo Khadiija Maxmed Diiriye dhawaan u soo magacaabay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Bar__Qubanaha-22102020.mp3 View the full article
-
Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa galabta magaalada Nairobi ee dalka Kenya markoodii ugu horeysay kulan albaabadu u xiranyihiin ku yeeshay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Ra‘iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre. Shariif iyo Kheyre ayaa baduba ah musharaxiin sanadkan u taagan qabashada xilka madaxweynaha Soomaaliya, waxaana kulankoodii galabta ku wehliyey xubno kale oo u badan xildhibaanno. Kulankaas intiisa badan waxaa looga wada-hadlay arrimo la xiriira xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021-ka. Intii uu socday kulankaas Ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ayaa sida aan xogta ku helnay Sheekh Shariif uga garaabay waxyaabaha uu ka tirsanayo xukuumadiisii, ee dhacay intii uu xilka hayey. Dad ku dhow Shariif ayaa Caasimada Online u sheegay in lama filaan ku noqotay in Kheyre hadda ka garaabay qaladaad dhacay intii uu xilka hayey, balse markaas uu ku dhiiran waayey inuu ka hadlo amaba ka hortago. Labada dhinac ayaa isla soo hadal qaaday dhowr arrimood oo ay ka mid tahay wada-shaqeyn dhow oo dhex marta iyo in si dhow la isaga war-qabo. Sidoo kale xogta aan ka helnay kulanka Sheekh Shariif iyo Xasan Cali Kheyre waxay sheegeysaa in labada masuul ay ku balameen kulamo kale iyo maalmaha soo socda la bilaabo isbaheysi siyaasadeed. Waxaa hadda magaalada Nairobi ka socda iskaashi siyaasadeed kii ugu adkaa oo lagu wajaho doorashada soo socota ee madaxtinimada Soomaaliya. Waxaana ku sugan xubno miisaan culus ku leh siyaasadda dalka. The post Xog: Kulan dhex-maray Shariif iyo Kheyre oo arrin aan la fileyn lagu soo qaaday first appeared on Caasimada Online.
-
Mogadishu (PP News Desk) — More than ten Somali university graduates will be able to study at British universities under the international scholarship programme, Chevening. The deadline for 2021 applications draws near. “This programme gives ambitious women and men in their mid career the opportunity to study for onr year fully-funded at one of Britain’s universities. We hope this will help those selected to develop professionally and to play even a greater role in Somalia’s development” said an officer at British Embassy in Mogadishu. Applicants can access the application form through the Chevening Scholarships website. © Puntland Post, 2020 The post Chevening Scholarship Opportunities for Somali Undergraduates appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Addis Ababa)-Dowladda Itoobiya ayaa markii u horreysay si rasmi ah u shaacisay in ciidammadeeda badda ay dhawaan howl-gali doonaan, xili uu jiro heshiis aan wax badan laga ogeyn oo ay la gashay dowladda Soomaaliya. Jeneral Aadam Maxamed, Taliyaha guud ee Ciidammada Itoobiya oo warbaahinta maxaliga ah la hadlayay ayaa sheegay nay Itoobiya hawl-gelinayso ciidammadeeda Badda iyadoon bad lahayn, isla markaana ay isticmaali doonto kuwa dalalka deriska. Jeneraalku marnaba ma xusin dal gaar ah oo ay ciidamadoodu saldhig ka dhiganayaan, balse waxa la fahamsan yahay in ciidamadaasi ay ka howl-gali doonaan badda Soomaaliya. Dowladda federaalka Itoobiya ayaa dowladda Soomaaliya dhawaan la gashay heshiis ay ku isticmaalayso illaa 4 dekedood, inkasta oo aan si dhab ah loo ogay kuwa ay yihiin Sidoo kale waxa uu taliyuhu ku dhawaaqay inay soo kordhiyeen laba Guuto oo cusub oo uu sheegay inay ka shaqayn doonaan Rabshadaha kala duwan markay dhacaan. Ciidamada badda ee Itoobiya ayaa waxa gacan weyn ka geystay tababarkooda dowladda Faransiiska, oo iyadu u aragta fursad muhiim ah oo uga iibin karto Maraakiibta kala duwan ee ciidamadaasi ku howl-galayaan. Si-kastaba, Ciidamada Itoobiya ay sheegtay inay si rasmi ah u howl-gali doonaan ayaa waxay isticmaali doonaan dekedaha Soomaaliya, iyada oo aan si dhab ah loo ogeyn ujeedka rasmiga ah ee Itoobiya ka leedahay ciidamadaasi. Source
-
“All of these bulls will have ak-47 bullets in them,” says Leon Lamprecht. From his porch the manager of Zakouma National Park, in southern Chad, has quite a view. A dozen or so elephants slosh around in muddy puddles. These days they are safe. But between 2002 and 2010 some 4,000 elephants, 95% of Zakouma’s population, were slaughtered for their ivory by poachers from Sudan. At that point Chad took a step that other African countries are increasingly following. It handed management of the park to an ngo. Since African Parks took over, the elephant population has begun to rise. In 2011 just one calf was born; in 2018, 127 were. The revival is emblematic of broader success that public-private partnerships (ppps) are having in conserving some of the most precious parts of the planet. In the wake of covid-19 it is a model that may become more attractive to African governments that are short of the cash needed to protect animals and also desperate for the tourists who come to see them. Sixty years ago, when decolonisation was sweeping the continent, the un counted 3,773 “protected areas” in Africa and its surrounding waters. By 1990 the figure was 6,075; today it is 8,468. Some 14% of the continent’s land has been categorised as protected, according to the World Database on Protected Areas (see map). The protected designation belies reality, however. Most such areas are managed by cash-strapped government wildlife authorities. They struggle to deal with myriad pressures on the environment, such as land grabs, illegal poaching and climate change. “[W]ith few localised exceptions, African conservation was in crisis even before covid-19 hit,” notes Peter Lindsey, a Zimbabwean conservationist and co-author of a recent article in the journal Nature Ecology & Evolution. Most “protected areas” are “paper parks”, argues Peter Fearnhead, the chief executive of African Parks. In theory their demarcation denotes stewardship; in practice there is often very little care. Since its founding in 2000 the ngo has grown to manage 19 parks in 11 countries. It is the largest of an expanding number of ppp operators across the continent. The African Parks model relies on “three ms”, explains Mr Fearnhead: a clear mandate from a government (which keeps ownership of the area but hands over the running to the ngo); sound management; and money from donors such as the eu. Zakouma is African Parks’ flagship operation. When it took over its management the priority was security. The national park was caught up in Chad’s civil conflicts in the 2000s, when rebel groups, some backed by Sudan, took on government forces. Janjaweed militias, notorious for mass murder and rape in Darfur, took advantage of the vacuum to slaughter Zakouma’s elephants and launch attacks on nearby villages. The approach to security is a blend of low and high tech. It relies on residents of surrounding areas to alert it to poachers. Local intelligence is then combined with satellite tracking of the elephants. This helps anti-poaching rangers to know where to go. Winning the support of people on the edge of the park has been crucial. Locals are happy to help report sightings of the Janjaweed, since they fear being robbed or murdered by them. African Parks also negotiates with nomads to ensure their caravans of camels do not go through the park. Securing the park has helped its ecosystem. Wedged between the Sahara desert to the north and rainforest to the south, Zakouma is a haven for birds as well as mammals. The park is a dream for twitchers, explains a South African guest, pointing out a red-throated bee-eater and an Abyssinian roller. Such sights, as well as elephants, lions and Kordofan giraffes, were attracting ever more tourists before covid-19 hit. In 2019 Zakouma made more than $1m from visitors, mostly from rich guests staying at the private Camp Nomade. (During a visit your correspondent bumped into another flamboyant species, Evgeny Lebedev, the owner of the London Evening Standard, and his erstwhile editor, George Osborne, who were staying at the camp.) The tourism business helps make Zakouma the largest taxpayer in that region of the country. African Parks’ work in Zakouma is encouraging other governments to ask for its help. In May it signed an agreement with the Central African Republic, a country in which militias hold sway over vast tracts of countryside, to expand its footprint in the Chinko wildlife refuge, which could become the single largest protected wilderness in Africa. In July African Parks announced it would extend its operations in northern Benin, ensuring it has a role in trying to prevent the spillover of violence from Burkina Faso and Niger. In October it agreed to manage Rwanda’s Nyungwe National Park for 20 years. Some governments are understandably wary about relinquishing control of their natural assets. But that may change as the impact of the pandemic squeezes budgets. The imf reckons that sub-Saharan Africa’s gdp will contract by 3.2% in 2020—with a knock-on effect on tax revenues. Covid-19 has brought other challenges to protected areas. Urban lockdowns have forced people to return home to farms and villages, adding to environmental pressures. Millions of tourism jobs, often in areas with little other industry, are at risk. And in many countries tourist fees help cover the budgets of wildlife agencies; 88% of Uganda’s, for example. It is therefore probable that more African governments will form partnerships with private bodies to protect ecosystems, bring in donor cash and help protected areas raise revenue of their own, through tourism and other ventures. It is a tricky task. But so too was reviving Zakouma’s elephant population. Source: The Economist The post Elephants’ graveyard no more appeared first on Puntland Post.
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Beesha Habar-gidir ayaa dhawaan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ka bilowday diiwaan-gelinta dadweynaha ku abtirsada beeshaasi, kuwaasi oo ku kala sugan gobolada dalka Soomaaliya. Diiwaan-gelintan oo gashay toddobaadkii 2-aad, ayaa waxa la diiwaan-geliyay dad badan, halka ay shaqadaasi si maalinle ah uga socoto xafiis ka furan magaaladaasi, iyada oo dhawaan loo sii gudbin doono magaalooyinka dalka. Howl-wadeenada xafiiska Gaalkacyo oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in fikirkan uu yahay mid lagu mideysan yahay, isla markaana ujeedkiisu uu yahay sidii xog ururin dhab ah loogu sameyn lahaa dadka beesha Habar-gidir. “Fikirkaan waxa la waday in muddo ah oo sidii loo qaban lahaa tiro koob guud oo loo sameeyo umadaan Habar-gidir, intii aan la gudo galin barnaamijkan waxa la sameeyay wacyi-galin badan oo dadkuna hadda iyaga nala wada howsha,” ayuu yiri Baashe, oo kamid ah howl-wadeenada xafiiska diiwaan-gelinta Habar-gidir ee Mudug. Sidoo kale waxa dhawaan xafiis kale oo shaqada diiwaan-gelinta u qabanaya Beesha Habar-gidir laga furay Cadaado, iyada oo uu horkacayo Guddoomiyaha golaha hogaaminta Habar-gidir, Prof Shirwac. Tallaabadan oo dadweynaha beeshu ay si weyn usoo dhaweeyen, ayaa noqoneyso mid laga dhaxlo in la helo tirakoob dhab ah oo ku aadan dadka beesha, taasi oo haddii si kale loo dhigana qeyb weyn ka qaadan karta isku xirnaanta guud ee beeshaasi. The post Beesha HABAR-GIDIR oo billowday diiwaan-gelinta dadkeeda iyo ujeedka first appeared on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigii heer qaran ee uu hoggaaminayey oo maalmahan safar shaqo ku marayey qaar kamid ah gobollada dalka, ayaa saaka kasoo ambabaxay magaalada Oodweyne ee xarunta gobolka Daad-madheedh, waxana si ballaadhan loogu soo dhaweeyey degmooyin iyo magaalooyin kala duwan oo ka tirsan gobollada Daad-madheedh iyo Maroodi-jeex. Ugu horrayn madaxweynaha iyo weftigiisu waxa ay safarkooda saaka ka bilaabeen kormeer shaqo oo ay ku tageen dugsiga hoyga ah ee Xaaxi oo katirsan gobolka Daad-madheedh, waxana uu madaxweynuhu u kuurgalay xaaladda Ardayda dugsigaas wax ka barata, isaga oo warbixin ka dhegaystay maamulka sare ee dugsigaas. Magaalada Balli-sugulle, ayaa sidoo kale madaxweynaha iyo weftigiisa ay boqollaal shacab ahi kusoo dhaweeyeen, waxana uu madaxweynuhu halkaas ku haaneeday haleello irmaan oo uu shacabka hortiisa ku lisay, isaga oo uga sii gudbay dhinaca degmada Hara-sheekh oo ay shacabkeeda oo ay hormuud u yihiin maamulka degmada, madax-dhaqameed iyo siyaasiyiini madaxweynaha iyo weftigiisa soo dhaweyn miisaan leh ugu sameeyeen, isaga oo halkaas warbixinno kaga dhegaystay qaar kamid ah waayeelka iyo waxgaradka degmada Hara-sheekh. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo goob fagaare ah kala hadlay bulshada reer Hara-sheekh ee soo dhaweysay, ayaa hoosta ka xarriiqay in xukuumadda uu hoggaamiyaa qorshaheeda safka hore kaga dartay in la horumariyo baahiyaha Aas-aasiga ah ee degmada Hara-sheekh, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Hara-sheekh in MCH casri ah laga dhiso wasaaradda caafimaadka qorshaheeda sannadkan dhammaanaya way ku jirtaa, haddii ay la raageenna Insha Allah way iman doonaan oo way bilaabi doonaan, waayo waa qorshe hore u yaallay.” Deegaannada Balli-Axmed iyo Shaarub ayaa sidoo kale madaxweynaha iyo weftigiisa lagu soo dhaweeyey, waxana bulshada deegaannadaas ku dhaqan ka muuqatay dareen waddaniyadeed iyo taageero dhinaca waxqabadka ah oo ay la garab joogaan xukuumadda. Degmada Bandar-wanaag oo katirsan gobolka Maroodi-jeex, ayey madaxweynaha iyo weftigiisu soo dhaweyn baaxad leh kala kulmeen, waxana shacabkii madaxweynaha soo dhaweynayey hormuud u ahaa maamulka gobolka Maroodi-jeex, hoggaanka golaha degaanka caasimadda, madaxda dhaqanka, xildhibaannada iyo qaar kamid ah ganacsatada waaweyn ee deegaannadaas kasoo jeedda, iyada oo madaxweynaha iyo weftigiisa loo gelbiyey madal loo asteeyey in weftigu shacabka kala hadlo. Madaxda degmada Bandar-wanaag iyo xubno kamid ah ganacsatada waaweyn ee deegaan oo hadallo kooban ka jeediyey madasha madaxweynaha iyo weftigiisa lagu soo dhaweynayey ka hadlay, ayaa ka xog-warramay xaaladda guud ee degmada iyo baahiyaha haysta bulshada deegaannadaas ku dhaqan, kuwaas oo ay ugu weyn tahay baahida loo qabo in talo midaysan laga yeesho waddada Oodweyne-Burco oo ah mid wax badan ka taraysa isu socodka gobollada bariga iyo galbeedka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo la hadlay shacabka reer Bandar-wanaag, ayaa ka mahadnaqay soo dhaweynta heerkeedu sarreeyo ee lagu qaabilay, waxana uu caddeeyey inay xukuumad ahaan diyaar u yihiin in wax laga qabto baahiyaha lama huraanka ah ee degmada ka jira, waxana uu shacabka iyo ganacsatadaba ugu baaqay inay xil iska saaraan ka qayb-qaadashada baahiyaha bulsho ee halkaas ka jira oo aan dawladda oo kaliya lagu hallaynin. Intaas kaddib, madaxweynaha iyo xubnaha weftiga heer qaran ee uu hoggaaminayo waxa hadhimo-sharafeed loogu sameeyey duleedka waqooyi-bari ee magaalada Bandar-wanaag, waxana ay isla galabta kusoo laabteen caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa, iyaga oo dhammaystay safar shaqo oo shan maalmood qaatay, kaas oo ay kusoo mareen qaar kamid ah gobollada dalka. Wa-bilaahi Tawfiiq Source
-
Beledweyne (HOL) - Federal Police in Hiiraan have ordered residents inside after several protests by locals in recent days against the perceived lack of representation in the ongoing election negotiations in Jowhar. Source: Hiiraan Online
-
Addis-Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa markii u horeysay si rasmi ah u shaacisay in ciidamadeeda badda ay dhawaan howl-gali doonaan, xili uu jiro heshiis aan wax badan laga ogeyn oo ay la gashay dowladda Soomaaliya. Jeneral Aadam Maxamed, Taliyaha guud ee Ciidammada Itoobiya oo warbaahinta maxaliga ah la hadlayay ayaa sheegay nay Itoobiya hawl-gelinayso ciidammadeeda Badda iyadoon bad lahayn, isla markaana ay isticmaali doonto kuwa dalalka deriska. Jeneraalku marnaba ma xusin dal gaar ah oo ay ciidamadoodu saldhig ka dhiganayaan, balse waxa la fahamsan yahay in ciidamadaasi ay ka howl-gali doonaan badda Soomaaliya. Dowladda federaalka Itoobiya ayaa dowladda Soomaaliya dhawaan la gashay heshiis ay ku isticmaalayso illaa 4 dekedood, inkasta oo aan si dhab ah loo ogay kuwa ay yihiin. Sidoo kale waxa uu taliyuhu ku dhawaaqay inay soo kordhiyeen laba Guuto oo cusub oo uu sheegay inay ka shaqayn doonaan Rabshadaha kala duwan markay dhacaan. Ciidamada badda ee Itoobiya ayaa waxa gacan weyn ka geystay tababarkooda dowladda Faransiiska, oo iyadu u aragta fursad muhiim ah oo uga iibin karto Maraakiibta kala duwan ee ciidamadaasi ku howl-galayaan. Si-kastaba, Ciidamada Itoobiya ay sheegtay inay si rasmi ah u howl-gali doonaan ayaa waxay isticmaali doonaan dekedaha Soomaaliya, iyada oo aan si dhab ah loo ogeyn ujeedka rasmiga ah ee Itoobiya ka leedahay ciidamadaasi. The post Itoobiya oo howl-galineysa ciidamadeeda badda iyo war lama filaan ah oo ay soo saartay first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen daacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-Habeen-22102020.mp3 View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Xukumadda madaxweyne Biixi ayaa si dhaw ula socota dhaqdhaqaaqa siyaasiyiin ku sii qulqulaya magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta kuwaas oo ay u muuqato in ay arrimo siyaasadeed halkaasi u joogaan. Madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo, wakiilka Somaliland ee dalka Kenya Baashe Cawil iyo Boqor Buurmadow ayaa fadhiisin ka dhigtay magaalada Dubai. Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo siyaasiga Maxamed Aadan Qabyotire ayaa socdaal wada jir ah todobaadkan ku gaadhay magaalada Dubai waxaana isla shalay kooxdan siyaasiyiinta ah ku biiray musharraxa madaxweyne ku xigeen ee xisbiga UCID Prof Abyan. Warar kale ayaa sheegaya in siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi iyo siyaasiyiin kale dhawaan ku biiri doonan siyaasiyiinta halkaasi isugu tagay. Waxa jira xogo ku saabsan in madaxda xisbiga UCID iyo siyaasiyiinta xisbiga Kulmiye ka tirsan ee aan ka qayb galin shirweynihii laguna darin liiska golaha dhexe wada hadal uga furmo magaalada Dubai si la isula eego arrimaha mustaqbalka ee xisbiga UCID. Inkasta oo madaxweyne ku xigeen Cabdiraxmaan Saylici ku sugan yahay dalka Imaaraadka haddana waxa jira warar ku saabsan in xukuumadda madaxweyne Biixi indhaha ku hayso siyaasiyiinta isugu tagay magaalada Dubai. Source
-
Waxaa fiidnimadii Isniinta lagu dhawaaqay xukuumaddii ra’isul wasaaraha cusub ee Maxamed Rooble, isbadal badan oo xagga beelaha ma dhicin marka la eego nidaamka wax qeybsiga 4.5. Daawo Warbixin Ku Saabsan Is Badalka Xukuumada Soomaaliya https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/10/WHats-2.mp4 Sidoo Kale Halkan Ka Aqriso Xogtaas Oo Dhameystiran Warbixin: Farmaajo, Ma Ciribtiray Xulafadii Xasan Kheyre ee Golaha Wasiirrada? Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
“Sababta Fly Dubai Iyo Air Arabiya Loo Xidhay Waa In Diyaaradda Itoobiya Ee Ay Wakiilka Ka Yihiin Qoyska Madaxweyne Biixi Inay Macaashto.” (SLT-Hargeysa) Afhayeenka Beelaha West Burco Clan Jiif Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir ayaa waxa lagu xumaaddo ku tilmaamay inuu Madaxweyne Biixi uu ku gacansaydho ergadii toddobaadkii hore la kulantay ee ka socotey beesha Bariga Burco, kuwaas oo kale hadlayey inuu xayiraada ka qaado Diyaaraddaha Fly Dubai iyo Air Arabia. Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu yahay mid ugu danaynaya shirkada qoyskiisu ay Wakiilka ka yihiin ee Itoobiya Airline, taas oo hadda ku keli yeysatay suuqa duulimaadyada caalamiga ah ee Somaliland, isla markaana laba jibaartay qiimaha kale duwan ee lagu raaci jiray iyada cahdigii ay shaqayn jireen diyaaradahaas Fly Dubai iyo air Arabia Jiif Caaqil Rashiid Jaambiir oo wareysi gaar ah siinayey Telefishanka Sahan Tv ayaa haddaladiisa waxa kamid ahaa kuwan :-“Horta arrintaa labada shirkadood ee Fly dubai iyo Air Arabia waa shirkaddo caalamiya oo aduunka ku xidhi jiray dalkeena, runtiina faa’iido fara badani ayaa ku jirtay,dhinaca kale ganacsi ayey abuurayeen oo shaqaale baddan iyo dhaq-dhaqaaq badan oo dhinaca Ganacsiga ah ayey qayb ka ahayeen.”Ayuu yidhi Dhanka kalena Afhayeen Caaqil Jaambiir,ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi ay ergo ahaan ugu tageen laba Suldaan,kuwaas oo kale hadlayey inuu xayiraada ka qaado diyaaradahaas,balse aanu ka aqabalin dalabkoodii “Waxa in la xuso muddan arrintaas waxa ka ergeeyey oo Madaxweynaha ugu tegay laba Suldaan oo kamid ah Salaadiinta Wadanka kuwa ugu muddan Somaliland ayaa uga ergeeyey arrintaas in Madaxweynuhu uu fasaxo ,Madaxweynuhu wuxuu u sheegay inuu arrintaas Golaha Wasiiradda uu horgeyn doono, iyadoo annigu aan qabo inay arrin maamul tahay oo inuu diido iyo inuu aqbalo ay isaga ku xidhnayd, haddana wuxuu sheegay inuu Golaha horgeyn doona , waxaa jira birrimageydo dadka noocaas ah ee acyaantaas ah in lagu soo celiyo ama ergadooda lagu aqbali waayo may ahayn,ergada raggaas culus ee aan tilmaamay Inuu Madaxweynuhu aqbalaa ayey ahayd.” Waxaanu intaas ku sii daray Jiif Caaqil Rashiid Jaambiir “Waxaynu ka wada dheragsanay oo muran madoona in Madaxweynuhu wuxuu doonayo ay Golaha Wasiiraddu ansixiyaan,wuxuu Madaxweynuhu rabbo Golahaas qof diidi karaa kuma jirro,wuxuu Madaxweynuhu diidan yahay qof yeeli karaa kuma jiro,waxa muuqata oo rasmi ah inuu Madaxweynuhu arrintaas uu diidanaa isaguna uu ka shaqeeyey Golaha Wasiiraddana uu ugu dhigay sidan inay ku diidaan.” Ayuu yidhi Ugu Dambeyn Jiif Caaqil Rashiid Jaambiir ayaa sheegay inuu Madaxweynuhu yahay mid u danaynay qoyskiisa oo Wakiil ka ah diyaaradda Itoobiya Airline “Waddankeena waxa iman jiray saddex diyaaraddood oo caalami ah, Fly Dubai Air Arabia muddadaa aad sheegaysana saddex-duba wey shaqaynayeen,saddex-da diyaaraddood waxay ahayaan qaar caalami ah oo aduunyada oo dhan inagu xidhay, waxa ka uray saddex-da diyaaradood laba kamid ah oo ah kuwa hadda haddalku ka taagan yahay shacbiga reer Somaliland qaar kamid ah ayaa Wakiilo ka ahaa, diyaaradda Itoobiya Airline waxa sidaynu ognahay Wakiil ka ah inanka uu abtiga u yahay Madaxweynuhu ee Walaashii dhashay markaa dano dhaqaale ayaa ku jira , arrinta diyaaraddahaa loo xidhaya waxa weeye waa in ay diyaaraddaa qoyska Madaxweynuhu uu Wakiilka ka yahay inay shaqayso oo ay faa’iidada qaadato ,arrintaas waxay i xasuusinaysaa haddalkii Maxamuud Xaashi ee ahaa inuu qoys Qani noqdo waxa ka mihiimsan inuu Qaranku qani noqdo.”Ayuu yidhi Caaqil Jaambiir. Source
-
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo wefti uu hoggaaminayo oo socdaal ku joogay maal-mihii u dambeeyey Magaalo Madax-da Gobolka Tog-dheer ee Burco,haseyeeshee socdaalkaas Madaxweynaha waxa hadheeyey arrimo kale duwan oo ugub ku ah socdaalkiisan,iyadoo arrinta ugu weyni ay tahay xafiiltanka iyo xintanka u dhaxeeya Wasiiradda Beelaha bariga iyo Galbeedka Burco,kuwaas oo uu loollan adagi ku dhexmaray Magaalada Burco iyadoo ay kooxiba kooxda kale ay doonayso inay Madaxweyanaha uga dhawaato,arrintaas oo noqotay mid si weyn loo haddal hayo. Wasiiradda ka soo kele jeeda deegaanada Bariga iyo Galbeedka Burco ayaa waxa kale Hoggaaminaya Wasiir Siciid Sulub Iyo Wasiirka Macdanta Jaamac iyo Guddoomiye Xinif,waxaana la sheegay inay shirar hoose oo ay si gaar gaar ah ula yeesheen labada beelood ay arrimo aan haboonayn ku tirabeen, iyadoo la sheegay in kooxda Wasiir Sulub ay u sheegeen Beeshooda inay Madaxweynaha ay soo dhaweeyaan, isla markaana ay ka faa’iidaystaan jaaniska madaama oo uu usoo jan-jeedho dhankooda, halka ay kooxda Wasiir Jaamac iyo Xinif ay beeshooda u sheegeen in aanay Madaxweynaha ay doorteen aanay kale wareegin Beesha Galbeedka Burco ee ay la yimadaan waxay ku kasban lahayeen qalbigiisa. Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir, ayaa eedo kulul u jeediyey Wasiiradaas waxaanu ku tilmaamay kuwo Bulshada Somaliland kala qooqobaya, isla markaana qabyaalad iyo cudur kala dhex-dhigaya shacabka Walaalaha ah ee reer Burco, Waxaanu isagoo arrimahaasi ka hadlaya uu sheegay in Wasiir Sulub iyo Kooxdiisu ay ku ololeynayeen sidan:- “Siciid Sulub iyo kooxdiisu waxay ku ololleynayeen oo ay kula hadlayeen kula xidhiidhayeen dadka degaanka Burco qaar kamid ah waxay ku ololeynayeen Madaxweynaha Soo dhaweeya maanta innaga ayey inoo jan-jeedhaaye Dowlada aynu ka faa’iidaysano, iyagoo u tusinaya qolo hore oo ay u jan-jeedhay inay ka soo jan-jeedhsamayso .”ayuu yidhi Dhanka kalena Jiif Caaqil Rashiid ayaa sheegay inay iyana Kooxda Wasiiradda Bariga Burco ka soo jeeda ay ku ololeynayeen sidan:- “Dhinaca kalene koox Maayarka Burco iyo Xinif ay hoggaaminayaan waxay ku ololleynayeen Madaxweynihii aynu dooranay qolada Galbeed inaga xigtaa yaanay inagala wareegin ee aynu soo dhaweyno.”Ayuu yidhi Waxaanu intaas ku sii daray “Waxa halkaa ka muuqda noocii olollaha doorashada ee dadka lagu kale qaybinayey ee cunfiga lagu abuurayey ayaad moodaysay in safarka Madaxweynaha oo shaqadiisii iyo kormeerkiis caadiga ay ahayd, in dadka lagu abaabulayey maragna uma baahna waa wax caddaan ah oo ay ku ololeynayeen .”Ayuu yidhi Source
-
Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa gaaray magaalada Nairobi, halkaasi oo uu ka billaabi doono olole doorasho, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online. Shariif Sheekh Axmed ayaa kasoo tegay dalka Imaaraadka Carabta, oo uu muddo ku sugnaa, halkaasi oo ay degan yihiin qoyskiisa. Safarka Shariif ee Nairobi ayaa noqonaya markii ugu horreysay muddo ka badan laba bilood oo uu dib ugu soo laabto saaxada siyaasadda dalka, isaga oo ka gaabsaday intii uu socday loolankii heshiiska doorashada ee u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka ah iyo madax goboleedyada. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in muddadaas uu Shariif ku maqnaa wax loogu yeeray “xeelad siyaasadeed” oo ay qeyb ka ahayd inuu yareeyo ka hadalkiisa siyaasadda dalka, si aan loogu arag qof mar kasta ka daba qeylinya dowladda oo hadalkiisa macno beelay, taas beddelkeedna uu doonayey in ficillada dowladda looga jawaabo kaliya qoraallada Madasha Xisbiyada Qaran. Xog kale ayaa sidoo kale sheegeysa inuusan dooneyn in lagu sawirro qaar ka mid ah mucaaradka dowladda oo dalka dib ugu soo laabtay, kuwaasi oo magac wanaagsan aan ku dhex lahayn bulshada. Dadka ku dhow dhow waxay sidoo kale ku tilmaameen maqnaashihiisa xeelad siyaasadeed oo uu doonayo inuu si dardar ah kusoo galo qlolaha doorashada oo hadda waqtigiisa la gaaray, maadaama heshiis laga gaaray waqtiga iyo nooca doorashada. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa Nairobi kula kulmi doona ganacsato, wakiilada caalamka qaarkood, xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale. Waxaa sidoo kale la filayaa inuu dhowaan safarro ku tago gobolada dalka, si uu culeys ugu yeelo ololihiisa doorashada madaxweynaha 2021, isaga oo taageero ka raadinaya maamul goboleedyada. The post Sheekh Shariif oo gaaray Nairobi kadib bilo uu ku maqnaa 'xeelad siyaasadeed' first appeared on Caasimada Online.
-
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu dambayn doonaysa in ay meel mariso qorshe ay muddoba ku taamaysay oo ah sidii gabi ahaanba deeqaha ka yimaad beesha caalamka iyo maamulka dhaqaale ay iyada u soo maraan dhammaanba wixii la isku odhan jiray Soomaaliya oo Somaliland ku jirto waxaana arrintaasi si weyn ugala shaqaynaya muddona ku hawlanaa Qaramada Midoobay iyo Ururka Midawga Yurub. Qorshe ay muddo ka soo shaqaynaysay wasaaradda Qorshaynta Qaranka Soomaaliya ayaa toddobaadkan la soo gunaanaday kadib markii daneeyayaasha Arrimaha Soomaaliya iyo dawladaha deeqaha Bixiyaa Soomaaliya la saxeexdeen heshiis qeexaya in dawladda Federaalka ah ee Muqdisho fadhidaa masuul ka tahay dhammaanba deeqaha iyo lacagaha loogu talo galay Soomaalida, taasi oo Somaliland n aka mid tahay. Iyada oo ka faa’iidaysanaysa Aqoonsiga ay haysato dawladda Soomaaliya waxa ay muddoba ku soo hawanayd sidii ay mar uun u meel marin lahayd qorshe meesha lagaga saarayo hannaankii markii hore beesha caalamku ula tacaamuli jirtay Soomaalida, taasi oo ahayd in mashaariicda deeqaha ah loo qaybin jiray saddex waaxood marka mashruuca guud ahaan lagu soo qaado magaca Soomaaliya. Saddexdaasi waaxood oo kala ahaa Somaliland, Puntland iyo South Center (Koonfurta iyo Badhtamaha), taasi oo maanta baddalkeeda dhammaanba guddoomidda deeqda, mashruuca saxeexdiisa iyo maamulkiisaba farta laga saarayo dawladda Soomaaliya oo ay wakil uga yihiin Wasaaradaha Qorshaynta iyo Maaliyaddu. Mashaariicdana lagu salayn doono maamul Goboleedyada ay dawladdaasi ka kooban tahay, Somaliland loola dhaqmi doono sidii maamul Goboleed oo marka mashruuca lacagtiisa lasoo daayo qaybteeda la siin doono. Inkasta oo aanu ahayn qorshe imika hir galaya balse ahaa mid muddoba laga soo shaqaynayay waxa xukuumadda Muqdisho ku taageeraya qaramada Midoobay iyo Midawga Yurub. Toddobaadkan horraantiisii ayay xukuumadda Madaxweyne biixi arrintan qoraal ka soo saartay iyada oo sheegtay in aanay hawshaasi qayb ka ahayn. Fadhi aan caadi ahayn oo golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland yeesheen Sabtidii Toddobaadkan waxa uu goluhu dood iyo falan-qayn ka yeeshay heshiis ay wada gaadheen Soomaaliya iyo wakiilka UN-ka James Swan 15-kii October 2020, oo ku saabsanaa nidaamka wada shaqaynta (Un sustainable development cooperation framework UNCF), kaas oo ay xukuumadda Madaxweyne Biixi ku tilmaantay mid meel ka dhac ku yahay qarannimada Somaliland, faro-gelinna ku yahay arrimaha gudaha Somaliland. Lama oga tallaabada ay xukuumaddu ka qaadan doonto xaaladdan balse waxa biyo kama dhibcaan ah in beesha caalamku aanay wakhtigan diyaar u ahayn in ay Somaliland kala gorgortamaan waxa ay tabayso iyada oo ay muuqato in uu yahay qorshe dalalka deeqaha bixiyaa ku gaadheen sidaasi balse waxaan la ogayn halka ay Somaliland qaddiyaddan ku tiirin doonto. Source
-
Xigmad uu reebay madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Mandela ayaa ahayd” Forgive, but never forget their names”, oo nuxur ahaan noqonaysa, in cadowgii dhibta kuu geystay aad saamixi karto, hasayeeshee aanad magacyadood iloobin. Waxa nasiib wanaag ah inuu maalmahan Hargaysa uu ku sugan yahay mudane Axmed Maxamed Maxamuud ‘Axmed dheere’, oo damiirkiisu siin waayey inuu xasuuqo dad maati ah oo qaxayey ama goobo ay ku qaxeen ku sugnaa. Axmed Dheer wuxuu go’aansaday oo uu doorbiday inuu la fakado diyaaraddii uu waday oo ahayd Miig 17, uu 13 Juulay 1988 uu si geesinimo leh ugu dejiyo xeebta Jabuuti. Go’aankaa uu qaatay Axmed dheer wuxuu noqday mid taariikhda shicibka Soomaalilaan baal dahab ah kaga suntan. Waxaanu adduunka u caddeeyey in xasuuqdii shicibka Hargaysa lagu hayey uu ka markhaati kacay. Abaalkaasi uu shicibka Hargaysa gashaday Axmed Dheere waa kaa sannad kasta oo uu Hargaysa yimaado casuumado iyo soo dhaweyn aan kala go’ lahayn uu kala kulmo shicibkii uu ka badbaadiyey gantaalihii ay siday diyaaradii loo dhiibay ee soo laa lagu yidhi. Madaxdii duuliyeyaasha amraysay ee Hargaysa u soo wareegay waxa ay kala ahaayeen: Khaliif Ciise Yuusuf (Majeerteen) taliyihii ciidanka cirka Ballidoogle. Faarax Siciid (Majeerteen) taliyihii ciidanka cirka Hargaysa. Maxamed Aadan Dirir (Mareexaan) taliyihii ciidankii cirka Berbera. Magacyada Duuliyeyaashii Hargaysa Duqeeyey = Yuusuf Maxamuud Maxamed (Majeerteen)..Duuliye Miig 17 = Mursal Xaaji Axmed ‘Muufo’ ( Abgaal)…Duuliye Miig 19 = Maxamed Xasan Raage (Xawaadle)….Duuliye Miig 19 = Xuseen Aadan Ibraahin (Gadabuursi)…Duuliye Miig 19 = Axmed Gurxan Hoore ( Ogaadeen)…….Duuliye Miig 19 = Maxamed Axmed Xaayow (Abgaal)……Duuliye Miig 19 = Xirsi Maxamed Faarax (Mareexaan)……Duuliye Miig 19 = Axmed Maxamed Maxamuud ( Mareexaan)….Duuliye CESNA = Suufi Jeylaani Maxamed (Barawaani)…..Duuliye CESNA = Faarax Xaaji Salaad (Majeerteen)….Duuliye CESNA = Yuusuf Juseeb ( Majeerteen)….Duuliye CESNA = Xasan Yare (Ogaadeen)….Duuliye CESNA = Maxamuud Xaaji Warsame (Sool clan)….Duuliye Hunter = Maxamed Khaliif Isaaq (Raxanweyn)……….Duuliye Hunter Intii ku dhimatay intii ay duqeynta wadeen ee gantaal Eebbe ku dhacay oo cillad farsamo darteed u dhacday waxa ay kala ahaayeen: = Maxamed Xasan Raage (Xawaadle)…….Duuliye Miig 19 = Xuseen Aadan Ibraahin (Gadabuursi)…Duuliye Miig 19 = Axmed Gurxan Hoori (Ogaadeen)…Duuliye Miig 19 = Maxamed Axmed Xaayow (Abgaal)….Duuliye Miig 19 = Maxamed Khaliif Isaaq (Raxanweyn)…Duuliye Miig 19 Cali Cabdi Coomay Suxufi, qoraa ah. Hargaysa, Soomaalilaan Calicoomay@gmail.com Tixraac: C/qadir Aroma……. Sababihii Burburka Soomaaliya (2005), bogagga 259-261. Source
-
LONDON (HOL) - Somalis In Tech are organizing a hackathon to address the growing health pandemic known as COVID-19. Source: Hiiraan Online
-
Dowlada jarmalka ayaa ugu deeqday hay’adda UNICEF lacag loogu talo galay in wax lagaga qabto horumarinta caafimaadka iyo la dagaalanka Covid-19 maamul goboleedka Puntland ee soomaaliya. Lacagtan oo gaareysa 7.2 malyuun oo euro ayaa waxaa ku deeqay wasaarada horumarinta iyo iskaashiga dhaqaalaha ee dalka jarmalka. UNICEF ayaa iyada oo kaashaneysa puntland waxay ka shaqeenayaan in ay daboolaan baahiyaha caafimaadka oo aanay hakin xaaladaha karoonaha dadkuna helaan adeega caafimaad ee aas aasiga ah. Dowlada jarmalka iyada oo kaashaneysa baanka maalgalinta jarmalka waxay qeyb weyn ka qaadatay xoojinta adeegyada caafimaad ee Puntland taas oo ay ku bixisay aduun gaaraya 23 malyuun oo euro . UNCIEF waxa ay tilmaantay in lacagta cusub ee jarmalka ku deeqay lagu bixin doona taageerada isbitaalada iyo goobaha caafimaad ee gobolada Nugaal iyo Mudug. Sidoo kale waxaa ahmiyad la siin doona oo qarashkan lagu bixin doonaa taageerida hooyada iyo dhalaanka ,talaalka caruurta iyo daaweynta cudurada guud ee deegaanka ka jira . Kaalmada caafimaad waxaa ka faa’iideysan doona dad gaaraya hal malyuun kuwaas oo 250,000 ay yihiin caruur ka yar shan sano. Jesper moller oo ah madax UNICEF ee soomaaliya ayaa dowlada jarmalka uga Mahad celiyay kaalmada iyo taageerada joogtada ah oo ay siiso xafiiska UNICEF ee soomaaliya . Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka magacaaban, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo Marwada kowaad ee Dalka Marwo Seynab Cabdi Macalin ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Dalka Uganda Yuweri Museveni, kulankaas oo ka dhacay Madaxtooyada Qaranka Uganda ayaa ahaa mid soo dhaweyn ah oo lagu soo dhaweynayay wafdigan ka socoda Dowladda federaalka Soomaaliya, kaas oo lagu wado inuu ka qeyb galo Munaasabada lagu fura shirkad balaaran oo soo saarta sokorta. Shirkadan oo ay leedahay Marwo Aamina Xirsi Mooge oo ah Haweeney Soomaliyeed oo ganacsi balaaran ku leh dalalka Barigga Afrika ayaa lagu wadaa in Maalmaha soo aadan laga furo dalkan Uganda. Wafdigan uu horkacaya Ra’iisul Wasaare ku xigeenka jamhuuriyada Faderalka Soomaliya Mahad Maxamed Guuleed (Khadar) iyo Marwada kowaad ee dalka Marwo Seynab ayaa qeyb ka ah wafuud ka kala timid caalamka oo furaya Warshadda sokorta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kulan looga hadlayay arrimaha Doorashooyinka ayaa lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb waxaana ka qeyb galay mas’uuliyeen ka socotay Galmudug Urarada bulshada rayidka iyo Daawo Warbixin Ku Saabsan Kulankii Doorashooyinka https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/10/dh.mp4 Goobjoog News Source: goobjoog.com
