Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgallo ciidamada dowladda iyo kuwa HirShabelle ay xalay ka sameeyeen gudaha magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe. Howlgallada oo ahaa kuwa qoesheysan ayaa waxaa laga fuliyey xaafadaha Hanti wadaag, Horseed, Buula Sheekh & Kulmis. Ujeedka baaritaanadan ayaa waxaa lagu sheegay kuwa lagu xaqiijinayo ammaanka magaaladaasi oo ay dhowaan ka dhaceyso doorashada HirShabelle. Ciidamada ayaa howlgalladooda si xoogan uga sameeyey xaafadda Hanti wadaag oo ay ku yaallaan xarunta madaxtooyada iyo xafiisyada maamulka. Jowhar ayaa waxaa haatan ku sii qul qulaya ergooyinka doorashada, iyada oo mashquul badan laga dareemayo gudaha magaaladaasi. View the full article
  2. Wasiirka wasaaradda amniga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ka hor hadlayey golaha wasiirada maamulkaasi ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay ka hortageen gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa. Wasiirka ayaa sheegay in gaarigaasi la doonayey in la soo galiyo gudaha magaalada Baydhabo, balse wuxuu tilmaamay in ciidamada ammaanka ay ku fashiliyeen duleeed magaaladaasi. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamada daraawiishta Koonfur Galbeed ay ku guuleysteen inay miinooyin ka soo saaraan wadada xiriirisa degmada Baydhabo iyo deegaanka Buulagaduud ee gobolla Baay. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta ay kordhiyeen dhaq dhaqaaqyada milatari ee ay ka wadaan gobollada Shabeelaha Hoose, Baay & Bakool. View the full article
  3. Earlier this week, Dr Ali Khalif Galaydh passed away in Jijiga, Ethiopia. For many Somalis, he was a methodical statesman, a brilliant orator, and a champion of Somali nationalism. For myself, Milgo, Waleed, and Aisha, he was Aabo. Growing up in Upstate New York, I knew very little about Aabo’s work as a troublesome five-year-old. I simply wanted Aabo to entertain me instead of discussing siyaasada. One evening, CNN highlighted Somali children starving throughout Somalia in the aftermath of the Civil War. I could not believe children who looked like me were fearing for their lives. In that unforgettable moment, Aabo passionately explained he was busy with siyaasada to help create better opportunities for all Somalis. Source: Hiiraan Online
  4. Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoo,r ayaa gudbiyay xubnaha Galmudug ku matalaya guddiga doorashooyinka iyo guddiga xallinta Khilaafaadka ee heer Federaal. Cabdicasiis Cabdiraxmaan Yuusuf iyo Liibaan Axmed Xasan, ayuu madaxweyne Qoor Qoor u xushay labada xubnood ee guddiga doorashooyinka Soomaaliya ku matalaya Galmudug. Sidoo kale, Garaad Yuusuf Maxamuud iyo Mustaf Macallin Cali Salaad, ayuu ku qoray xubnaha Galmudug ku matalaya guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka heer Federaal. Dowlad goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed, Jubaland iyo Puntland, ayaa haatan gudbiyay xubnaha ku matalaya guddiyada doorashooyinka iyo xallinta khilaafaadka heer Federaal, waxaana harsan Hirshabeelle oo keliya. PUNTLAND POST The post Galmudug oo gudbisay xubnaha ku matalaya guddiyada doorashooyinka iyo xallinta Khilaafaadka appeared first on Puntland Post.
  5. Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa gudbiyay Xubnaha Galmudg ku matalaya Guddiga doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka. Xubnaha uu Madaxweyne Qoor Qoor gudbiyay oo afar ah ayaa waxaa magacyadooda ay kala yihiin:- 1-Garaad Yuusuf Maxamuud-Xubin Gudigga Xalinta khilaafaadka. 2-Mustaf Macalin Cali Salaad-Xubin Gudigga Xalinta khilaafaadka. 3-Cabdicasiis Cabdiraxmaan Yuusuf-Xubin Gudigga Doorashooyinka. 4-Liibaan Axmed Xassan-Xubin Gudigga Doorashooyinka. Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Ra’iisul Wasaare Rooble uu wareegto kusoo saaro Xubnaha guddiyada doorashooyinka & xalinta khilaafaadka, waxaana ilaa iyo hadda gudbiyay Xubnaha matalaya Dowlad Goboleedyada, Koonfur Galbeed, Jubbaland, Puntland & Galmudug, waxaana kaliya harsan Maamulka Hir-Shabeelle oo doorashooyin u diyaar garoobaya. View the full article
  6. MINNEAPOLIS (WCCO) — A Maple Grove man is finally home after enduring one of the longest hospital stays in the state. Fifty-year-old Chris Hirte has battled the virus since March 28, 2020, a total of 208 days. Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo dadka ku dhow ayaa ka cabsi qaba beegsi kaga yimaada Villa Somalia oo dacwado iyo ceebeyn ah, kaasi oo lala beegsado Kheyre, sida ay ogaatay Caasimada Online. Xubno ku dhow Kheyre ayaa Caasimada Online u sheegay inay ka war-hayaan inuu jiro qorshe la doonayo in Xafiiska Hanti-dhowraha Qaranka, xeer ilaalinta iyo maxkamadaha ay baaritaan iyo dacwado ku furaan Xasan Cali Kheyre. Sidoo kale, nabaddoon Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah odayaasha beesha Murusade, oo la hadlay idaacadda Kulmiye ee Muqdisho, ayaa sheegay inuu jiro wel-wel xooggan oo arrintaas ku saabsan oo ay qabaan. Cabsida jirta ayaa waxaa ka mid ah in Kheyre lagu eedeeyo musuq-maasuq iyo ku takri fal awoodeed, kuwaasi oo dhacay mudadii uu Kheyre xafiiska joogay. “Waan maqalnay inay isku dayeen arrintaan, wax qarsanna maaha banaanka ayey taallaa,” ayuu yiri Nabaddoon Xaad. Waxa uu sidoo kale sheegay in arrintan ay qeyb ka tahay ololaha doorashooyinka, balse uu ku rajo weynyahay in shacabka Soomaaliyeed ay dareemi doonaan ujeedka laga leeyahay kiis kasta oo lagu furo Kheyre. “Waxaan u jeedineynaa hay’adda dowladda, sida hay’adda garsoorka inaysan ka qeyb-galin ololaha doorashada, oo qof uu olole ku galo inuu qof kale sumcaddiisa galin ayaan u sheegeynaa, waxaan sidoo kale u sheegeynaa hanti-dhowrka guud inaan loo marin in qof la dhaawaco, oo aan lagu qasbin ayaan u sheegeynaa,” ayuu yiri Xaas. Xaad ayaa sidoo kale in waxa hadda socda ay yihiin qabiil beegsi iyo shaqsi beegsi, taasi oo uu sheegay inay ka digayaan, haddii la joojin waayana ay mas’uuliyadda qaadeyso cidda ku lugta leh. Caasimada Online oo xiriir la sameysay Villa Somalia waxay xubno ka tirsan u sheegeen inaysan jirin wax lug leh oo ay ku leeyihiin cabsida jirta, islamarkaana hay’adaha garsoorka iyo hanti-dhowrka ay yihiin kuwa madax-banaan. The post Xog: Cabsi la xiriirta kiis la sheegay in DF Somalia ay la damacsan tahay Kheyre first appeared on Caasimada Online.
  8. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-subax-23102020.mp3 View the full article
  9. Minneapolis (HOL) - At least twenty more Minnesotans have died from complications related to COVID-19 the State health ministry announced on Tuesday, bringing the total number of deaths to 2,301 in Minnesota. Source: Hiiraan Online
  10. Mozambican jihadists launched a raid on Tanzania last week, killing an unknown number of people, in a daring cross-border attack which comes after an intensifying campaign at home. Source: Hiiraan Online
  11. STATE HOUSE, ENTEBBE - President Yoweri Museveni on Wednesday held a meeting with the First Lady of the Federal Republic of Somalia, Saynab Abdi Moallim, at State House Entebbe. Source: Hiiraan Online
  12. When Ahlaam Abdulwali, then a junior at Minnetonka High School, saw the video of a police officer kneeling on the neck of George Floyd, she was shocked and deeply upset. Source: Hiiraan Online
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Weriye Cabdullahi Kulmiye Cadow oo shantii maalmood ee u dambeysay NISA u xirnaa ayaa markii markii lasii daayey kadib, waxa uu faahfaahin ka bixiyey qaabkii loo soo qabtay iyo cidda soo xirtay. Weriyaha ayaa sheegay in xilli saq dhexe ah ay guriga ku soo jebiyeen rag dhar cad ah oo bastoolado ku buheysnaa, kana tirsan NISA iyo kuwo milateri ah oo ka socday xafiiska raiisul wasaaraha cusub Maxamed Xuseen Rooble. “Arrinta ugu daran waxay tahay in xilli saqdhexe ah guriga la igu soo jebshay, kadibna ay gudaha ii soo galeen rag hubeysan oo bastoolado ku hubeysan iyo kuwo milateri ah oo ka socday xafiiska ra’iisil wasaare Rooble,” ayuu yiri Weriye Cabdullahi Kulmiye. Waxa uu sheegay inta aysan guriga jebin inay soo gargaraaceen, markii uu la hadlayna ay u sheegeen in banaanka ay ku sugayaan weriyeyaal kale, balse uu ka diiday. “Mar kale ayey igu yiraahdeen baaritaan guud ayaa socda ee albaabka fur, waxaan ku iri waa xilli dhexe, wixii baaritaan ah subixii hanoo ahaadeen, gurigeyguna waxa uu ku yaalla meel aan ka fogeyn madaxtooyada, kadib guriga waa soo jebiyeen, markii aan arkay inay hubeysanyihiin, waan raacay anigoo diidaaya in buuq dhaco, maadaama caruur iyo hooyo ay jiifeen, xilli dhexana ay aheyd,” ayuu hadalkiisa ku sii daray. Arrinta la yaabka leh ayaa ah in ciidamada xilligaas guriga ku jebiyey Weriyaha ay ka mid ahaayeen ilaalada ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Maxamed Xuseen Rooble, sida uu sheegay Cabdullahi Kulmiye, taasi oo horey aan loo ogeyn. Ra’iisul wasaare Rooble, ayaa haddii sax tahay eedeynta Cabdullaahi Kulmiye, waxay la macno tahay in durba uu ku dhaqaaqay mid ka mid ah ficillada sharci-darrada ah ee mar kasta lagu eedeeyo dowladda. Magacaabistiisii kadib, Rooble ayaa lagu hanweynaa in siyaasadda dalka uu si degan u maareeyo xilligan kala guurka ah, oo kamid ah marxaladaha ugu adag ee dalka soo wajaha, afartii sanaba mar. Hadii ciidamo ka tirsan ilaalada xafiiska ra’iisul wasaare Rooble ay xilligaas sifo aan sharci aheyn Weriyaha ugala baxeen hoygiisa, taasi waxay cabsi ku abuureysaa siyaasiyiinta iyo shakhsiyaadka kale ee xukuumadda Rooble ka aragtida duwan, kuwaas oo ay macquul tahay in loo awood sheegto, iyadoo laga faa’iideysanayo waqtigan kala guur ah ee dalku galay. Cabdullaahi Kulmiye Caddow, oo in ka badan 20 sano ku jira shaqada Saxaafadda, ayaa Aabe iyo Hooyo u ahaa caruur 8 ah oo ay hooyadood geeriyootay, waxaana habeen saqdi dhexe loogu galay gurigiisa oo ku yaalla magaalada Muqdisho. Hoos ka Daawo wareysiga The post Daawo: R/Wasaare ROOBLE oo durba lagu eedeeyey awood sheegasho ciidan first appeared on Caasimada Online.
  14. Military cooperation has become a key element of the United Arab Emirates’ (UAE) foreign policy in the aftermath of the 2011 protests. After the uprisings, the UAE joined Saudi-led counter-revolution efforts across the region, but Abu Dhabi did not limit its foreign policy to reactive and traditional foreign aid. Rather, it has pursued an ambitious, proactive, military-driven stance in the region. Source: Hiiraan Online
  15. Activist Rajesh Mani said when the labourers demanded their salary, the company made them hostage inside the factory campus, took their passports and threatened to shoot them. Source: Hiiraan Online
  16. Taipei (Caasimada Online) – Xukuumada Taiwan ayaa dacwad xasaasi ah ku oogtay Kabtan u dhashay dalka Shiinaha, kaasi oo sideed sanno ka hor amray toogashada afar qof oo looga shakiyay burcad badeednimo, isla markaana ahaa Soomaali. Kiiska dhacdadan ayaa waxa banaanka keenay muuqaalo 2014-kii laga helay Telefoon looga dhex tagay Taksi dadweyne, kaasi oo muujinayey ragga la dilay oo dul sabeynaya biyaha Badweynta Hindiya ee ka baxsan xeebaha Soomaaliya. Sidoo kale waxa muuqaalkaasi laga arki karayey qaar ka mid ah raggaasi oo xajisanaya qashin, kadib markii 40 xabadood oo rasaas ah lagu soo ridayay, iyada oo la maqli karayey Nin amar ku bixinaya toogashadaasi oo lagu sheegay inuu yahay kabtanka, sida uu baahiyay wargeyska Independent. Wang Fengyu, oo ah Kabtanka loo haysto dhacdadan ayaa lasoo warinayaa inuu qirtay inuu amar ku bixiyay ilaaladiisa inay toogtaan raggaasi, maadama uu ku dooday inay soo weerareen Toogashada ka hor burcad badeedda la sheegay ayaa toogtay doonida kalluumeysi ee Kabtanka iyo seddex kale, sida laga soo warinayo kabtanka. Waxaana muddo sideed sanno kadib ah ay ciidamada Taiwan gacanta kusoo dhigeen kabtanka ku eedeysan kiiskan, xili markabkiisa uu ku xirtay dekedda Kaohsiung ee Taiwan. Wang wuxuu wajahi doona haddii dambi lagu helo ku dhawaad xabsi 10-sano ah ama ka badan, iyada oo lagu taliyay in xukunka intaas looga khafiifiyo, maadama lasoo warinayo in burcad badeedku ay ugu horeyntii weerareen. Arrintan ayaa hay’addaha xuquuqdu ku tilmaameen sharci darada badda ka jirta, maadama muddo 8-sanno ah aysan cadaalad helin shaqsiyaadkaasi la toogtay, iyada oo falanqeeyayaasha qaarkoodna ku macneeyen inuu kiiskan dib usoo nooleystiisu qeyb ka yahay xiisada Taiwan iyo Shiinaha. The post Nin Shiinees ah oo amray dilka 4 qof oo Soomaali ah oo sanado kadib la qabtay first appeared on Caasimada Online.
  17. Nin Soomaaliya oo hoggaaminaya isbedelka cusub ee lagu sameynayo Kenya Yusuf Xaaji oo ka hadlay munaasabad lagu soo bandhigay mashruuca BBI Dalka Kenya waxaa shaley laga dhawaaqay qorshe la isugu soo dhaweynayo shacabka, kaas in muddo ah laga dhuursugayay. Waa barnaamij soo jeedineysaa in isbaddallo dhowr ah lagu sameeyo hanaanka siyaasadeed. Madaxwaynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, iyo ra’iisul wasaarihii hore Raila Odinga ayaa warbixintaas lagu wareejiyay. Waa qorshe loogu yeeray Dhisidda Hanaan isu fura shacabka ee BBI. Isbedelkan waxaa hoggaaminaya Maxamed Yusuf Xaaji (oo dadka badankooda ay ugu yeeraan Yusuf Xaaji), oo ah sanetarka laga soo doortay Garissa, kaas oo siyaasadda iyo hoggaanka Kenya ka mid ahaa muddo aad u dheer. Warbixintan waxaan ku eegeynaa qofka uu yahay Yusuf Xaaji iyo kaalintiisa hoggaanka sare ee dalkaas. Waxaa sidoo kale goobta warbixinta loogu magacdaray dhisidda hannaan mideeya Kenya (BBI). Goobta warbixinta lagu soo bandhigay waxaa goobjoog ka ahaa Rai’sul wasaarihii hore Kenya, Raila Odinga oo ah siyaasiga ugu sarreeya ee u ololeynaya isbedelkan. Uhuru Kenyatta waxaa uu ku tilmaamay isbadalka lagu sameynayo dastuurka in uu yahay mid mideynaya shacabka Kenya. Madaxweyne ku xigeenka Kenya ayaan ka qeybgalin soo bandhigidda warbixinta isbedelka, kaas oo si wayn uga soo horjeeda in wax isbedel ah lagu sameeyo dastuurkii 2010-kii. Isbedellada la filayo: Waxyaabaha ku jira warbixinta BBI waxaa ka mid ah in isbadal lagu sameeyo nidaamka xukunka dalka. Waxaa la soo dooran doonaa madaxwayne awood u leh in uu magacaaabo ama shaqada ka ceyriyo rai’isul wasaare. Qoraalka warbixinta BBI oo loo gudbiyay madaxweynaha iyo hoggaamiyaha mucaaradka kenya Waxyaabaha la soo jeediyay waxaa ka mid ah in Kenya ay yeelato rai’sul wasaare iyo labo ku xigeen. Waxaa sidoo kale ka mid ah in la sameeyo xafiiska hogaamiyaha rasmiga ah ee mucaaradka. Qodobadda kale ee ku jira waxaa ka mid ah in la kordhiyo lacagaha la siinayo dowlad goboleedyada oo imika ah 15% dakhliga dalka lana gaarsiiyo ilaa 34% boqolkiiba. Maxamed Yusuf Xaaji wuxuu guddoomiye ka ahaa guddiga diyaariyay warbixinta. Waa siyaasi caan ka ah Kenya, marna ahaa wasiirkii Gaashaandhigga Kenya, xilligii militariga dalkaas ay Soomaaliya galayeen, 2011-kii. Waa kuma Yuusuf Xaaji Magaciisa oo saddexan waa Maxamed Yusuf Xaaji wuxuu sannadkii 1940-kii ku dhashay gobolka Waqooyi Bari ee Soomaalida ay degto ee Kenya, gaar ahaan Garissa. Waxa uu dhalay illaa 9 carruur ah. Waxaa caruurtiisa ka mid ah Nuuradiin Yusuf Xaaji oo imika ah dacwad oogaha guud ee Kenya, kaas oo lagu garanayo in uu dacwado ku oogo siyaasiyiin caan ah oo qaarkood ay hayaan xilal sare oo lagu eedeeyay musuqmaasuq. Waqtigii uu siyaasadda ku soo biiray Yuusuf Xaaji waxaa uu ka mid yahay siyaasiyiinta Soomaalida ee muddada dheer maamulka dowladda iyo siyaasadda Kenya ku soo jiray. Uhuru iyo Raila ayaa barnaamijka riixaya sidii loo meel marin lahaa. Yusuf Xaaji (oo gadaal ka taagan) waa hoggaamiyaha BBI. Waxaa uu sannadkii 1960-kii, shaqdiisa ka soo bilaabay gudoomiya degmo jagadaasi oo muddo dheer soo hayay. Sidoo kale, muddadii u dhexeysay 1970-kii illaa 1998, wuxuu ahaa barasaabkii gobolka Rift Valley. Waxaana lagu tilmaamaa in uu yahay qof markasta u dhow maamulka xilka haya iyo madaxtooyada. Sidoo kale, wuxuu mar noqday barasaabka gobolka Xeebta ee Kenya oo xaruntiisu tahay magaalada Mombasa. Maxamed Yusuf Xaaji ayaa soo qabtay xilal badan oo dhanka wasaaradaha ah. Sannadkii 1998 wuxuu si magacaabid ah uga mid noqday baarlamaanka kenya. Sidoo kale, wuxuu mar noqday wasiir ku xigeen, wuxuuna aad ugu dhowaa madaxweynihii hore ee Kenya Daniel Arab Moi. Sannadkii 2002-dii, ayuu u tartamay kursiga baarlamaanka ee deegaanka Ijaara oo ka tirsan Garisa, wuuna ku guuleystay. Markii labaad ee loo doortay waxay ahayd sannadkii 2007-dii. 8 bishii January 2008, Yuusuf Xaaaji, waxaa loo magacaabay wasiirka Gaashaadhiga Kenya, wuxuuna xilkaas hayay illaa tan iyo 2013-kii. Muddadii uu xilkaas hayay, waxay ahayd xilligii ay Kenya ciidamadeeda u gudbeen gudaha Soomaaliya si ay halkaasi ugula dagaalamaan ururka Al-Shabab. 8 bishii Janaayo 2012 ayaa Yusuf xaaji loo magacaabay sii hayaha xilka wasiirka amniga gudaha dalka Kenya, ka dib markii uu shil diyaaradeed ku geeriyooday wasiirkii amniga George Saitoti. Doorashadii Kenya ee 2013-kii, ayuu noqday Yusuf Xaaji sanatarkii ugu horeeyay ee laga soo doortay Gaarisa, wuxuuna markale ku guuleystay isla kursigaas, sannadkii 2017-kii. Yusuf Xaaji iyo Raila Odinga Maxamed Yusuf Xaaji, wuxuu hadda yahay Gudoomiya golaha loo xilsaaray in ay soo diyaariyaan qorsha wax looga badalayo dastuurka Kenya. Waxaa qorshahaasi lagu magacaabaa BBI waana mashruuc isbadal ballaaran loogu sameynayo dastuurkii ay dadka Kenya u codeeyeen 2010. Sidoo kale waa lataliye sare oo ka tirsan madaxtooyada Kenya. BBI “Soomaalida wuxuu u leeyahay qasaare” Ibedelka waxaa ka mid ah in Kenya ay yeelato Madaxweyne, Ra’iiusul Wasaare iyo labadiisa ku xigeen iyo hogaamiyaha mucaaradka oo noqoneya qofka looga guuleysto doorashada. Madaxweynaha marka la soo doorto wuxuu soo magacaabi doonaa, Ku-xigeenkiisa iyo Ra’iisul Wasaaraha. Bilow Aadan Keeroow oo ah sanatarkii hore ee Mandeera ayaa BBC-da u sheegay in gobolka Soomaalida ay dani ugu jirto waxyaabaha qaar ee ku xusan mashruuca sida lacagaha loo qonddeeyo gobollada oo sare loo qaadayo. “Faa’idada waxaa ka mid ah in lacagaha la siiyo dowlad goboleedyada sare loo qaaday boqolkiiba 35% oo ah wixii dhakhli ah oo dowladda dhexe soo gala in la siiyo maamul goboleedyada”. Wuxuu sidoo kale sheegay in saami qeybsiga ku saabsan tirada codadka ee uu gobolka kasta heysto in saameyn weyn ay u horseedi doonto gobolka soomaalida maadama arrintaas horey loo salugsanaa. “Laakiin waxaad moodda in hannaanka baarlamaanka, gaar ahaan Soomaalida, uu khasaare u horseedi doono, sababta oo ah, waxay soo jeedinayaan nidaam cusub oo xildhibaanada la soo dooran doono lagu saleyn doono tirada bulshada ee ku nool deegaan kasta, si wax loogu qeybsado tirada codadka ee uu deegaan walbo heysto”. “Haddii nidaamkaas uu hirgalo waxaad mooddaa in gobolka Waqooy Bari ay khasaare u horseedi doonto, maxaa yeelay xildhibaano badan ayay heli doonaan gobollada kale ee bulshadoodu badan tahay,” ayuu yiri Bilow Keeroow. Qaran News
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Suldaan Cabdicasiis Beyle oo ka tirsan odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee ka soo jeedo gobalka Gedo, sidoo kalane ah Suldaanka Beesha Mareexaan, ayaa ka hadlay musuq maasuq uu sheegay in lagu sameeyay xubnihii ay ku lahaayeen Golaha Wasiirada Soomaaliya. Suldaan Beyle ayaa warbaahinta magaalada Muqdisho u sheegay in laba xubnood oo ay Mareexaan ku lahaayeen Golaha Wasiirada Soomaaliya laga soo xulay jufada uu ka soo jeedo madaxweynaha, taasina ay tahay caddaalad darro. Axmed Xuseen Aadan, oo loo yaqaano Dr. Gurey, islamarkaana u dhashay jufada reer Garaad ee Mareexaan ayaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka Caafimaadka Soomaaliya, halka Balal Maxamed Cusmaan, oo ah Mareexaan Reer Diini loo magacaabay wasiiru-dowlaha wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliya. Arrintaan ayaa ka dhigan in Beesha Mariixaan oo ka kooban jufooyin kala duwan xubnaha wasiirada ah laga soo xulay jufada Madaxweynaha oo kaliya, taas oo ka hor imaaneysa nidaamka awood qeybsiga beelaha iyo dhaqanka soo jireenka ah ee u gaarka beesha gudaheeda, sida uu sheegay Suldaanka. “In dhammaan xubnaha beesha Mareexaan laga soo xulo jufada madaxweyne Farmaajo sax ma ahan mana ogolaan doono,” ayuu yiri Suldaan Beyle oo la hadlay warbaahinta gudaha. Hoos ka dhageyso codka Suldaanka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/10/SULDAAN-BEYLE-.mp3 The post Jufo ka tirsan Mareexaan oo ka hor-timid habkii loo qeybiyey golaha wasiirada first appeared on Caasimada Online.
  19. Ku xigeenka wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Adam Abdelmoula ayaa hambalyo u diray wasiirka cusub ee Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya Khadija Maxamed Diiriye. Abdelmoula oo sidoo kale ah isu-duwaha xafiiska gargaarka ee Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa twitter-ka waxa uu ku sheegay in uu filayo in Wasiirka cusub uu kala shaqeeyo ka jawaabidda halisaha guud ee ay Soomaaliya wajaheyso. Wuxuu sheegay in si gaar ah xafiiska QM iyo Wasaaradda ay sare u qaadayaan iskaashiga xal u helista dhibaatooyinka seddex-geesoodka ah oo ay Soomaaliya wajahayso “Hambalyo Hon. Khadija Mohamed Dirie oo noqotay Wasiirka cusub ee Wasaaradda gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka. Waxaan rajeynayaa in aan sii xoojinno iskaashiga aan xal ugu raadineyno culeysyada seddex geesoodka ee bani’aadannimo ee Soomaaliya” ayuu yiri Abdelmoula PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobay oo soo dhoweysay magacaabista Wasiirka cusub ee Gargaarka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Mid kamid ah Shirkadaha bixiya adeegga Korontada ayaa muddo saacado ah Korantada ka jartay xarunta dowladda Hoose ee Xamar, kadib markii la siin waayay lacag kumanaan kun oo dollar ah oo lagu soo dalacay gobalka Banaadir. Caasimada Online ayaa ogaatay in gelinkii dambe 20-kii bishaan ilaa galabkii 21-kii ay koronto la’aan aheyd Xarunta Maamulka Gobalka Banaadir, waxaana lagu guuleystay in la soo daayo Maqribkii Arbacadii. Wararka aan helnay ayaa sheegaya in lacago badan oo is gaaray lagu yeeshay dowladda hoose ee Xamar, islamarkaana ay ka caga-jiideen bixinta lacagta, taas oo sababtay in adeegii Korontada laga jarto. “Muddo lama bixin lacagta waxeyna gashay isku tuur tuur iyo caga-jiid badan, sababtaas ayaa keentay in aan jarno muddo kooban laakiin markii dambe waa laga heshiiyay,” ayuu yiri mid ka mid ah masuuliyiinta shirkadda jaratay Korontada. Dhinaca kale, saraakiil ka tirsan maamulka gobalka Banaadir ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in muddo saacado ah laga jartay Korontada waxeyna arrintaas gobalka ka dhax-abuurtay buuq badan. “Muddo kooban ayaa la jartay korontada waana sax, waxaa daahday lacag bixinta waana ogtahay xarunta dhismo ayaa ka socdo aadna looguma shaqeeyo,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan maamulka gobalka Banaadir oo la hadlay Caasimada Online. Hore ayaa aqalka dowladda Hoose ee Xamar looga jartay biyaha muddo Isbuuc ah, waxaana xarunta gobalka laga soo sheegaya maamul xumo xoog leh oo ka jirta xafiisyada iyo shaqada guud. Arrintan ayaa imaneysa ayada oo uu dalka ka maqan yahay duqa Muqdisho Cumar Filish oo arrimo caafimaad u jooga Turkiga. The post Xarunta Gobalka Banaadir oo korantadii laga jartay (Xog) first appeared on Caasimada Online.
  21. Dooddii xalay Musharaxiinta ku tartami doonta doorashada madaxtinimada Mareykanka ee loo balansanyahay in ay dhacdo 3-da bisha November ee sannadkaan, ee kala ah madaxweynaha hadda talada haya Donald Trump iyo madaxweyne ku xigeenki hore ee Mareykanka Joe Biden, ayaa xalay dooddoodii ugu danbeysay ku yeeshay magaalada Nashville ee gobolka Tennessee. Dooddi xalay oo dhacday xilli ay doorashada madaxtinimada ka harsantahay 12 maalin oo kaliyah, ayay Trump iyo Biden aad ugu doodeen mawaadiic ay ka mid ahaayeen dhaqaalaha, isirka, isbaddalka cimmillada, ceymiska caafimaadka iyo socdaalka, hase yeeshee waxaa aad doodda u hareeyay uguna weynaa, mowduuca coronavirus. Xanuunkan oo Mareykanka ka dilay in ka badan 221 kun oo qof, ayuu madaxweyne Trump ku adkeystayin maamulkiisa uu si wanaagsan u maareynayo dagaalka ka dhanka ah cudurka Covid-19, muddo todobaadyo ah gudahoodna ay ku soo saari doonaan tallaalka xanuunkan. Laakin Biden ayaa aad ugu weeraray Trump in maamulkiisa uu mas’uul ka yahay dhimashada tirada badan ee uu xanuunkani ku sababay Mareykanka. Isaga oo yiri “Qof walba oo mas’uul ka ah dhimashadaas faraha badan, waa inuusan sii ahaan madaxweynaha waddanka Mareykanka.” Xigasho: VOA Somali PUNTLAND POST The post Trump iyo Biden oo yeeshay dooddi ugu danbeysay appeared first on Puntland Post.
  22. Seynab Xaaji Cali Baxsan waxay sannadkii 1935-kii ku dhalatay deegaanka Baabuli ee dhulkii Soomaaliyeed ee loo yaqaannay Hawdka, oo hadda loo garanayo Deegaanka Soomaalida Itoobiya. Guduudo Carwo oo ahayd gabadhii u horreysay ee idaacad ka heesta ayey isku sannad dhasheen , markii dambena ay saaxibbo noqdeen waxayna magaalada Addis Abab ku kulmeen 1952. Dad ka qayb-galay aaska Baxsan, oo ay ehelkeeda iyo qaar bahda fanka ka mida ku jiraan, waxa ay saluugeen sagootintii loo sameeyay meydka marxuumadda, waxaana dowladda iyo dadka Soomaaliyeed ee ay lixdanka sano dartood u soo halgamaysa lagu dhaliilay in aanay Baxsan guddoonsiin maamuskii ay mudnayd oo ahaa in aas ballaaran loo sameeyo. Mar la weydiiyay sida qiimihii dadku isu hayeen uu isu badalay, way qososhay waxayna tiri: “Fan iska daa, qof qofka kale qiimeynayaa maba jiro. Anigu ma arag, qof qiimeynaya qof kale”. Sannadkii 2016-kii, wareysi ay siisay weriye Cumar Seerbiya waxay ku tiri: “Qiimo ma arag! dadku wuu is wada jeclaa, waa la is wada qiimeyn jiray. Darajo lahow ama ha lahaanin. Waa la isa soo dhoweyn jiray. Hadda labadii istaqaanaba way kala jeedaan. Cudur baa ku dhacay Soomaaliyee, caafimaad Alle ha siiyo!” Magaceedu waa Saynab Xaaji Cali Siigaale. Si la mida ah gabdhihii Soomaaliyeed ee xilligeeda fanka soo galay ayay u lahayd koofaar magaceeda ku sidkan oo ahayd Baxsan. Magaca Baxsan waxa u bixisay Shamis Abuukar, Guduudo Carwo. Saaxiibtinimada ka dhaxaysay awgeed, Baxsan sannadkasta booqan jirtay Guduudo oo dhawr iyo labaatan sanno ku xanuusnayd Hargeysa. Xilli uu fanka miyuusigga watay ee Soomaalidu uu soo shaac-baxayay, dhif iyo dhaqan aanay dadku la qabsan ahaydna in ay gabdhuhu heesaan, ayey Baxsan ku soo biirtay heesaha. Xilligaas waxay haweenka ka baqi jireen in faquuq ay la kulmaan. Waxay ahayd wakhti inta badan heesaha cod ahaan loo duubi jiray oo muuqaallada la daawado aanan aad loo aqoonin. Dumarkii heesay waxaa Baxsan ka horeeyay Guduudo Carwo iyo Khadiijo Cabdullaahi Dalays, waxaana la qiyaasayaa in gabadhii seddaxaad ee heesta ay ahayd. Waxa ay Saynab Xaaji Cali Siigaale hanaqaadkeediiba ku indhafuratay dhulkii ay ku noolayd oo uu gummeystihii Ingiriisku ku daray boqortooyadii Xabashida. Guuxa xornimadoonku waxa uu beryahaas si xooggan u gilgilayay dhammaan dhulalkii Soomaaliyeed ee uu gummeystuhu kala qaybsaday. Si gaar ah, deegaannadii ay u bidhaamaysay rajada madaxbannaanida ayaa noqday meelaha ay soo tiigsadaan qaar badan oo ka mida dhallinyaradii deegaannada kale joogtay ee hiyikacday, una hammuunqabtay in ay mar uun arkaan dal iyo dowlad ay ku abtirsadaan. Saynab-baxsan ayaa ka mid ahayd jiilalkii berigaas ka soo tallaabay diillintii xuduudda ee lagu kala dhantaallay dhulka Soomaaliyeed, iyada oo soo gaartay goballada Waqooyi ee uu Ingiriisku ka talinayay. Markii ay dhalatay dowladdii Soomaaliyeed ee ay ku midoobeen labadii gobal ee Waqooyi iyo Koofur, waxa ay Saynab ka mid noqotay ciidamadii Xoogga Dalka. Soo-ifbaxa iyo saanqaadka fankeeduna waxa uu intiisa badan xiriir la lahaa ciidamada. Ruwaayaddii ugu horreysay ee ay Baxsan ka qaybgasho waxaa lagu magacaabi jiray Alla Aamin Ma Iisho, waxaana curiyay abwaan Axmed Saleebaan Bidde. Hees ay caan ku ahayd oo ruwaayaddaas ku jirtayna waxaa erayadeeda ka mid ahaa: Dhowr gu’yaal baad guud dabnayd e Yaad gaboobine guursa baan laa Guri samaysaan talo ku goostee Sow tan gees kale iila guurtay Sida la ii galay, garawsan maayee Geeri doortaye, maant aan go’o Dhacdooyinka ay keydadka taariikheed ee ummadda Soomaalida ku gashay Baxsan waxaa ka mid ah, ka-qaybgalkeedii dagaalkii ugu horreeyay ee dhex mara Itoobiya iyo dowladdii Soomaalida, sannadkii 1964, markaas oo ay askartii Soomaaliyeed ee jiidda dagaalka jilbaha ku aastay tamar iyo taagba ka helayeen codkeedii macaanaa oo ay ku qaadeysay heeso ay ku guubaabinaysay kuna geessinimo-gelinaysay askartii dagaallamaysay. Heesaha caanka ah ee illaa iyo maanta wax u dhigma oo ciidan Soomaaliyeed lagu dhiirrigeliyo aanan la helin waxaa ka mid ahaa heesta uu miraheeda curiyay abwaan Cismaan Aadan Askari ee dhahaysa: Xudduudkan gadaaman Ee gaalku sameystay Inaan ka gudbaayo Waan garanaayay Geesiyaashii guntaayow Geyshkaygow guuleysta Guulaysta guuleysta Guul lagu reeyo guuleysta Waxaa Baxsan lagu xasuustaa in ay ka mid ahayd geesiyaashii ay dowladdii Soomaalidu billadaha ku guuddoonsisay kaalintii ay ka qaateen dagaalkii ugu horreeyay ee Soomaaliya ay la gashay Itoobiya. Waxaana xusid mudan in billadaha ay heshay ay noqdeen qayb ka mida dhaxalkii xusuuseed ee ay ka reebatay waayaheedii faneed iyo midkeedii halgan ee nus qarniga ka badan soo taxnaa, kaas oo illaa ay ka geeriyootay ahaa mid aan laga waayin hareeraheeda iyo halkii ay ku noolayd. Heesihii kale ee gobannimodoonka la xiriiray oo ay Baxsan ku caan-baxday waxaa ka mid ahaa tan ay dad badan u yaqaanaan Sabaalo, oo ay iyada iyo Cali Diiriye (Cali-gaab) wada qaadi jireen, Alle ha u naxariisto e. Heestaas oo uu erayadeeda sameeyay Alle ha u naxariistee Maxamuud Cabdillaahi Ciise Singub waxaa ka mid ahaa: Dantu seeto weeyoo Ninna kama siqaayoo Sababtaa ma dhaaftide Waan ku soo salaamiyo Sidee tahayda guudnimo Cudur kaama saartee Silic laguma waaroo Sahaydaad habeenkii Lagu siin ma waydide Waa saaddambiyo shalay Sareedada adduunyadu Saacad kala wareegtee Saaddiyo ishaartii La I siiyay xalay baan Suurtoobin weliyee Si’ ay noqon Allaa oge Samir aan lahaano Kaalintii faneed ee Baxsan, in kasta oo ay ahayd mid ballaaran oo baaxad weyn, haddana riwaayadihii caanka ahayd ee ay ka qaybgashay waxaa ugu caansanaa; Alle Aamin Ma Iisho oo uu Axmed Saleebaan Bidde allifay; Waraf iyo Shimbiro War Isuma Hayaan oo uu Cismaan Aadan Askari curiyay; Gar cadaawo iyo Caashaq oo uu Yuusuf Aadan Allaale curiyay iyo ruwaayaddii mar dambe filmika loo beddelay ee Cilmi iyo Caado oo uu Yuusuf Aadan Allaale allifay. Saynab Xaaji Cali waxa ay tixgelin gaar ah ku lahayd fanka qaybtiisa waddaniga oo aad loogu yaqaannay. Sida ay ku xustay wareysi barta Youtube-ka ku jira oo 2016 uu Xamar kula yeeshay weriye Cumar Seerbiya, qaadista heesaha waddaniyadda waxa ay ahayd mid ay Baxsan iyadu si gaar ah u jeclayd una dooratay. Waxaase jira heeso dhowr ah oo jacayl ah oo ay ku caan ahayd, sida heeska ‘Cirradiyo Jacaylka’ oo uu erayadiida sameeyay abwaan Maxamuud Cabdullahi Ciise Singub, taas oo ay sheegtay in ay iyadu ka codsatay abwaanka mar ay la tacaalaysay jacayl da’ weyni ku halleelay. Heesaha kale ee ay Baxsan qaadday oo kuwa aan kor ku soo xusnay aan ahayn waxaan ka mida: 1. Wax saar ama [Nin weyn waa og yahay wedkii dilayo] oo ay isla qaadaan Maxamed Yuusuf Cabdi (ahun) kuna jirtay ruwaayaddii Alle Aamin Ma Iisho ee uu curiyay Axmed Saleebaan Bidde 2. Toogo [waa tabaala adduun e, rabbi hay nala tiirsho] oo uu sidoo kale la qaado Maxamed Yuusuf Cabdi isla ruwaayadda horena ku jirtay 3. Dorraato miyaad illowday, oo uu la qaado Axmed Cali Cigaal, kuna jirtay riwaayaddii Dhedo Roob noqon wayday oo uu Cabdullaahi Diiriye Sooraan allifay 4. Kaftankuna inoo furan oo uu isla Cigaal la qaado kuna jirtay isla ruwaayadda Dhedo Roob Noqon weyday 5. Kibirka Waa lagu duma oo ay Cigaal wada qaadaan kuna jirtay isla ruwaayadda hore 6. Diiday Ha I Maqashiin oo ay wada qaadaan Xasan Aadan Samatar, kuna jirtay ruwaayaddii Gar Cadaawe iyo Caashaq oo uu allifay abwaan Yuusuf Aadan Allaale 7. Ma heshiin karayn, oo ay wada qaadaan isla Xasan Aadan Samatar, kuna jirtay isla ruwaayadda hore ee abwaan Yuusuf Allaale 6. Eebbow Mahaddaa (Niya udug leh. Sida ubaxa. Alleylehe helnee. Eebbow mahaddaa) iyo heeso kale Ilaahay ha u naxariisto e, Saynab Xaaji Cali Baxsan oo dadka fanyaqaanka ah ay aaminsan yihiin inay ka mid ahayd gabdihii ugu horreeyay ee ku soo biira fan-masraxeedka Soomaalida, ayaa Talaadii, 20-ka Oktoober 2020, lagu aasay magaalada Muqdisho oo ay maalin ka hor ku dhimatay. Waxaana ay geerideedu ifka ka gelbisay mid ka mida hooballadii ugu da’da weynaa ee ifka ku sii dambeeyay, xilli ay inta badan hooballadii waaweynaa ee fanka Soomaalidu ay dunida isaga carraabeen. Sidoo kale, geerida Baxsan waxa ay kordhisay tirada fannaaniintii hore ee sannadkaan gudihiisa geeriyooday, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Maxamuud Ismaaciil Xudeydi, Cabdi Tahaliil Warsame, Cumar Cabdule Shoolli iyo Daa’uud Cali Masxaf. La yaabkuse waxa uu yahay in Baxsan, iyada oo nool ay saluugtay qiimo-tirka ay la kulmaan dadka waxgalka ah ee Soomaaliya. Maxamed Cabdullaahi Dhaaleey – Waa qoraa ku sugan Britain. The post Seynab Baxsan: 'Qiimo ma arag' - Calool-xumadii ay la god gashay hoboladeenii first appeared on Caasimada Online.
  23. ADDIS ABABA (Reuters) - Ethiopia can jail people for up to two years if they deliberately violate restrictions aimed at curbing the spread of COVID-19, the attorney general’s office said, amid concern that citizens are becoming lax after a state of emergency was lifted. Source: Hiiraan Online