-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dood Cilmiyeed looga hadlayay dhibaaooyinka jinsiga loo geysto dumarka ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho,waxaan doodan ka qeyb galay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya,culumo,aqoonyahano,haween iyo dhalinyaro Daawo Warbixin Ku Saabsan Dood Cilmiyeedka Oo Muqdisho ka dhacday https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/10/whats-uop.mp4 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Beesha Xawaadle oo diidan qaabka loo marayo dhismaha dowlad gobaleedka HirShabeelle ay codsadeen in dib loo soo celiyo qorshe ay madaxweynihii hore ee Soomaaliya ka diideen afar sano ka hor. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa billowgii dhismihii HirShabeelle ka codsaday odayaasha dhaqanka iyo siyaasiinta reer Hiiraan, in ay qaataan caasimadda HirShabeelle, sidoo kalane ay afartii sanaba mar qaataan madaxweynaha, taas oo ka dhigan in afar sano isku haystaan madaxweynaha iyo caasimadda, afarta kalane ay heestaan Madaxweyne ku xigeen iyo caasimadda. Xilligaas beesha Xawaadle way diiday qorshaha Xasan Sheekh waxayna qaadatay madaxweynaha, halka beesha Abgaal la siiyey caasimadda. Balse waxaa hadda soo baxday in taasi ay ku koobneyd kaliya hal muddo xileed, oo aanu macnaheedu ahayn in beesha Abgaal aysan marnaba arkin madaxweyne. Qaar ka mid ah siyaasiinta Xawaadle ayaa sheegay in ay aheyd afar sano ka hor in go’aankaasi qaataan balse ay xoog gelin doonaan hadda in dib loo soo celiyo qorsahaas ka hor inta aan la dhisin maamulka. In caasimadda HirShabeelle loo celiyo Buulo-burte ayaa u baahan in dastuurka maamulka wax ka badal lagu sameeyo, markii la soo dhiso baarlamaanka cusub ee HirShabeelle. “Hadda waxay diyaar u yihiin in ay laba mid qaataan, kuwaas oo kala, ah in Caasimadii loo soo celiyo, iyo in aysan caasimad-na helin madaxweynane sanadkaan helin,” ayuu yiri mid kamid ah odayaasha dhaqanka HirShabeelle oo aan la hadalnay. Ma cadda haddii Villa Somalia oo gadaal ka riixeysa Cali Guudlaawe oo ah musharax madaxweyne oo kasoo jeeda beesha Abgaal, ay ogolaan doonto qorshaha cusub ee beesha Xawaadle. Magaalada Muqdisho waxaa ka socda dedaalo xal loogu raadinayo cabashada ku saabsan dhismaha dowlad gobaleedka HirShabeelle, waxaana la filayaa in dhowaan uu si rasmi ah uga shaqa billawo wasiirka cusub ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya, marka baarlamanka ansixiyo. The post Xog: Beesha Xawaadle oo dooneysa in loo soo celiyo heshiis ay 4 sano kahor ka diideen Xasan Sheekh first appeared on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka magacaaban ee Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray dalka Uganda ayaa xaflad soo dhaweyn ah loogu sameeyey Magaalada Kampala. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka magacaaban ayaa ku boggaadiyey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool, doorka muuqda ee ay kaga jiraan horumarka iyo isdhexgalka bulshada geeska Afrika. Daawo Mahadi Guuleed Oo La Hadlay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Uganda https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/10/guled.mp4 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kaddib markii maalmihii la soo dhaafay ay soo if baxeen warar been abuur ah oo lagu faafiyey baraha bulshada qaar, kuwaas oo la xiriira in qaar ka mid ah bangiyada dalka lagu soo rogi doono cuna qabateyn dhaqaale, ayaa arrintaas waxaa faah faahin dhammaystiran ka bixiyay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, kaas oo soo saaray Warsaxaafadeed uu arrintaas kaga hadlay. Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo ah haayadda u xilsaaran Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya rukhsad bixinta iyo kormeeridda baananka gaarka loo leeyahay ee dalka Soomaaliya ayaa sheegay in aanay jirin wax cunaqabatay amba culays ah oo haysta baananka ganacsi ee gaarka loo leeyahay ka jira dalka. Waa tan Wargelintii ka soo baxay Bangiga dhexe ee Soomaaliya oo u qorneed sida tan:- Bankiga Dhexe ee Soomaaliya isaga oo ka duulaya warar been-abuur ah oo maalmihii u dambeeyay lagu baahiyay Baraha Bushada ee Soomaalida (Social Media), kuwaas oo looga beensheegayo Bankiyada dalka qaarkood, haddaba Bankiga Dhexe wuxuu guud ahaan dadweynaha iyo gaar ahaan macaamiisha bankiyada Soomaaliyeed u caddeynayaa: 1. In Bangiga Dhexe yahay hay’adda u xilsaaran shati-siinta iyo korjoogteynta bankiyada dalka ka shaqeeya oo dhan. 2. In aysan jirin wax dacwad ama eedayn ah oo laga soo gudbiyay bangi ka mid ah Bankiyada dalka. 3. Bankiga Dhexe ee Soomaaliya wuxuu ku boorrinayaa warbaahinta dalka iyo kuwa dibeddaba (gaar ahaan Baraha Bulshada), in ay ka fogaadaan faafinta xog aan xaqiiqaada ku salaysnayn. Wararka ku saabsan bankiyada iyo shirkadaha maaliyadda ee dalka waxaa laga soo xigan karaa ilaha rasmiga ah, sida Bankiga Dhexe ee Somalia. Somalia ayaa sanadihii lasoo dhaafay ku tallaabsatay Horumar dhaqaale iyo mid ganacsi, kaas oo ay Hormuud ka yihiin Bangiyada iyo Shirkadaha waaweyn ee dalka, kuwaas oo shaqo abuur iyo maalgalin ganacsi u sameeyey qeybo badan oo ka mid bulshada Soomaaliyeed, sida ganacsiga yaryar, kan dhexe iyo maalgalin heer shakhsi ah intaba. Daawo Warbixin Ku Saabsan Warka Ka Soo Baxay Bangiga Dhexe https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/10/whatssssss.mp4 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xaflad lagu soo dhoweynayay Musharrax xildhibaan 2021/2025 Marwo Farxiyo Axmed Diini ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho Waxaa kulanka lagu soo dhoweynayay Musharraxa Xildhibaan Farxiya Axmed diini kasoo qeyb galay Suldaano, Cuqaal, Odayyaal, siyaasiyiin, Aqoonyahanno iyo Dhalinyaro Daawo Warbixin Ku Saabsan Musharrax xildhibaan Marwo Farxiyo Axmed Diini https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/10/WHats-upp-sh.mp4 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka aynu ka helayno deegaanno hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa ku warramaya in mnta uu halkaasi ka dhacay dagaal khasaare dhimasho iyo dhaawac leh dhaliyay, waxana kasoo baxaya warar kala duwan oo ku aaddan dagalkaasi. Dagaalka ayaa u dhexeeya laba maleeyshiyo beeleed oo sida la sheegay isku haysta Dhul daaqsimeed, waxaana la sheegayaa in dagaal koodu uu saaka billowday. Wararku waxaa ay sheegayaan in dagaalku uu si gaar ah uga dhacay deegaanka Xajiin Farayar oo u dhexeeya Ilguulle iyo Bilcille oo hoostaga degmada Mataabaan. Inta la xaqiijayay hal qof ayaa ku dhintay oo dhinacyadii dagaalamay ah, waxaana jira dhaawac intaas ka badan oo soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay, waxaaan uu la xariiraa dagaalku sida ay wararku sheegayaan Aanooyin Qabiil. Xaaladda deegaankii lagu dagaalamay ayaa ah mid kacsan, waxaana weli socda hub uruursi ay wadaan dhinacyada saaka dagaalamay, waxaana dadka deegaanku ay soo sheegayaan in xaalad kacsanaan ah ay ka taagan taahay deegaanka Xajiin Farayar oo ah halka dagaalku ka socdo, welina ay isku hor fadhiyaan maleeyshiyaadkii diriray. View the full article
-
Wasiirka magacaaban ee maaliyadda xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirahmaan Ducaale Beyle ayaa maanta kormeer ku tagay Dekedda Magaalada muqdisho oo ah ISHA ugu weyn dhaqaalaha Soomaaliya. Wasiirka iyo masuuliyiinta maamulka Dekedda ayaa iska xog wareystay sida ay shaqada u socoto iyo dar-dar galinta u adeegidda ganacsatada Soomaaliyeed. Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdirahmaan Beyle ayaa sheegay in muhiimadda kormeerkiisa in uu yahay in la dar dar galiyo howlaha dowladdu u qabato ganacsatada iyo bulshada Soomaaliyeed. Wasiir Cabdiramaan Ducaale Beyle ayaa hadalkiisa sii raaciyay in ay dowladdu ay ka go’antahay sare u qaadidda dakhliga dalka, iyada oo loo adeegayo Ummadda Soomaaliyeed har iyo habeen. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta Xorriyaddiisa helay Weriye Cabdullaahi Kulmiye Cadow, oo muddo ka shan maalmood ah ku xirnaa xabsiga Godka Jilacow, oo ay maamushu hay’adda NISA. Weriye Cabdullaahi Kulmiye Cadow ayaa loo xiray wareysi uu la yeeshay ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo isagana la xiray markii uu horudhaca wareysigiisa ka baxay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho. Caasimada Online ayaa ogaatay in wadahadal dhaxmaray maamulka ugu sarreeyo Idaacadda Kulmiye iyo saraakiil ka tirsan kuwa ammaanka lagu guuleystay in la sii daayo weriayaha oo muddo si sharci darro ah u xirnaa. Xogta ay heshay Caasimada Online waxay intaas ku dareysaa in Taliyaha booliska gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan uu gelinkii dambe ee shalay tegay xarunta Idaacadda Kulmiye, waxayna halkaas iska raaceen guddoomiyaha Radio Kulmiye Abwaan Guure. Taliye Saadaq ayaa kulansiiyey Abwaan Guure iyo taliyaha NISA Fahad Yaasiin, waxayna dood dheer kadib isku raaceen in maamulka Kulmiye ay wareysigii Xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo dhameystiran ku wareejiyaan NISA, sidaasna lagu sii daayo Weriyaha. In Taliyaha Booliska gobolka Banaadir Saadaq Cumar uu tago Idaacadda ayaa timid kadib markii ay KNN bareheeda bulshada ku shaacisay mar kale inay baahi doonto wareysiga Ganacsade Xaaji Abuukar ee dartiis Weriyaha loo xiray oo dhameystiran. Cabdullaahi Kulmiye Caddow, oo in ka badan 20 sano ku jira shaqada Saxaafadda, ayaa Aabe iyo Hooyo u ahaa caruur 8 ah oo ay hooyadood geeriyootay, waxaana habeen saqdi dhexe loogu galay gurigiisa oo ku yaalla magaalada Muqdisho. Sanadihii ugu dambeeyay weriyaasha iyo warbaahinta Soomaalida, ayaa aad uga cabanaya caburin iyo caga jugleen ay kala kulmayaan ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo madaxda sare ee dalka. The post Xog: Yaa fududeeyay in lasii daayo Cabdullaahi Kulmiye? first appeared on Caasimada Online.
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil argagax leh oo maanta ka dhacay degmada Galdogob oo ka tirsan gobolka Mudug. Dilka oo loo geystay marxuumad Naciimo Cabdullahi Aadan ayaa waxaa fuliyey walaasheed ka weyn oo lagu magacaabo Faadumo Cabdullahi Aadan, sida ay sheegeen ilo dadka deegaanka ah. Faaduma ayaa la sheegay in walaasheed ka yar Naciimo ay ka soo waday iskuulka, kadibna ay la tegtay meel cidlo ah oo ay markii dambe si arxan darro ah ugu dishay. Wararka ayaa sheegaya in Faadumo ay dilkaas u adeegsatay Toorey ama Mindi, iyada oo uga dhuftay illaa 10 meel, sida ay ku warrameen qaar ka mid ah dadka deegaanka. Allaha u naxariistee marxuumad Naciimo Cabdullahi Aadan oo iyadaa garaab ah la soo qaaday ayaa markii dambe u geeriyootay dhaawac ahaan. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Faaduma Cabdullahi ay walaasheed u dishay sabab yaab leh, taas oo lagu sheegay in gabdhaha eedadood oo degan dalka Mareykanka ay qoyska reerka u soo bandhigtay inay u wadeyso mid ka mid ah gabdhaha, balse laga rabo inay mid soo doortaan qofka la wadayo, iyadoona ay qoysku isku raacay in la wado marxuumad Naciimo, taas oo keentay inay ka carooto Faadumo, sidaasina ay ku dishay walaasheed. Dhacdadan oo si weyn looga hadal hayo degmada Galdogob ayaa wal-wal iyo murugo ku reebtay ehellada reerka iyo dhammaan dadka deegaanka, gaar ahaan kuwa dariska la’ah. Soomaaliya ayaa muddooyinkii la soo dhaafay waxaa ku soo badanayey dhacdooyin murugo iyo mahadho reebay, kuwaas oo ugu ku ah dadka Soomaaliyeed. The post Mudug: Gabar walaasheed ka yar u dishay sabab la xiriirta leen dibedda ah first appeared on Caasimada Online.
-
Kaddib markii maalmihii la soo dhaafay ay soo if baxeen warar been abuur ah oo lagu faafiyey baraha bulshada qaar, kuwaas oo la xiriira in qaar ka mid ah bangiyada dalka lagu soo rogi doono cuna qabateyn dhaqaale, ayaa arrintaas waxaa faah faahin dhammaystiran ka bixiyay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, kaas oo soo saaray Warsaxaafadeed uu arrintaas kaga hadlay. Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo ah haayadda u xilsaaran Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya rukhsad bixinta iyo kormeeridda baananka gaarka loo leeyahay ee dalka Soomaaliya ayaa sheegay in aanay jirin wax cunaqabatay amba culays ah oo haysta baananka ganacsi ee gaarka loo leeyahay ka jira dalka. Waa tan Wargelintii ka soo baxay Bangiga dhexe ee Soomaaliya oo u qorneed sida tan:- Bankiga Dhexe ee Soomaaliya isaga oo ka duulaya warar been-abuur ah oo maalmihii u dambeeyay lagu baahiyay Baraha Bushada ee Soomaalida (Social Media), kuwaas oo looga beensheegayo Bankiyada dalka qaarkood, haddaba Bankiga Dhexe wuxuu guud ahaan dadweynaha iyo gaar ahaan macaamiisha bankiyada Soomaaliyeed u caddeynayaa. In Bangiga Dhexe yahay hay’adda u xilsaaran shati-siinta iyo korjoogteynta bankiyada dalka ka shaqeeya oo dhan. In aysan jirin wax dacwad ama eedayn ah oo laga soo gudbiyay bangi ka mid ah Bankiyada dalka. Bankiga Dhexe ee Soomaaliya wuxuu ku boorrinayaa warbaahinta dalka iyo kuwa dibeddaba (gaar ahaan Baraha Bulshada), in ay ka fogaadaan faafinta xog aan xaqiiqaada ku salaysnayn. Wararka ku saabsan bankiyada iyo shirkadaha maaliyadda ee dalka waxaa laga soo xigan karaa ilaha rasmiga ah, sida Bankiga Dhexe ee Somalia. PUNTLAND POST The post Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo beeniyay warar been abuur ah oo laga faafiyay Bankiyada dalka appeared first on Puntland Post.
-
Qeybta 3-aad ee duubabka dhaqanka Hirshabeelle kana qeyb-qaadanaya soo xulista Baarlamaanka 2-aad Hirshabeelle ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle. Odoyaasha dhaqanka waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Masuuliyiin ka tirsan maamulka gobalka Shabeellaha Dhexe, Guddiga farsamo soo xulistq Baarlamaanka iyo siyaasiin. Guddoomiye ku xigeenka gobalka shabeellaha dhexe Maxamed Cabdi Sheikh Xaandow iyo guddoomiyaha guudiga farsamo soo xulista Baarlaamnka 2-aad ee Hirshabeelle Cismaan Maxamed Muqtaar Baarey ayaa waxay sheegeen in farxad wey ay utahay soo dhaweynta guddiga isla markaana kaalinweyn ay ka qaadandoonaan soo dhaweynta wafuuda imaaneysa magaalada jowhar. Duubabka jowhar lagu soo dhawey maanta oo dhankooda hadlay ayaa waxay sheegeen in Hirshabeellada 2-aad ay dhisayaan maamlmaha soosocda iyagoona ku baaqay in laga wada qeyb qaato dadaalada lagu doonayo inay doorashada si xalaal ah ay uga dhacdo jowhar. View the full article
-
Xubnaha Cusub ee Golaha Deegaanka Gaalkacyo oo la dhaariyay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
27 xubnood ee golaha deegaanka dagmada galkacyo ayaa maanta loo dhaariyay xilka loo doortay iyadoo ay goob joog ka ahaayeen wasiiru dowlaha wasaarada arimaha gudaha galmudug Axmed xasan cali iyo wasiirka wasaaradaasi Cabdi Maxamed Jaamac oo iyagu la dar daarmay xubnaha la dhaarshay Wasiiru dowlaha wasaarada Axmed xasan Cali iyo wasiirka wasaarada arimaha gudaha Cabdi Maxamed Jaamac ayaa la dar daarmay xubnaha golaha deegaanka ee maanta la dhaarshay Dhinaca kalana xubnaha golaha deegaanka ayaa maanta waxaa magaalada galkacyo uga furmay tababar aqoon kordhin ah oo la xariira qaabka doorashada taas oo ay fulinayaan Masuuliyiin ka socatay hay’ada Eisa oo ka mid ah hay’adihii doorka ku lahaa dhismaha golaha deegaanka dagmada Galkacyo ee Galmudug isla markaana ah hay’ad ka shaqeysa arimaha dimuquraadiyada iyo doorashooyinka Qaarada afrika Cabdullaahi Cabdoow oo ka socday hay’:adda Eisa ayaana ugu horeyn ka warbixiyay tababarka iyo waxa uu ku saabsan yahay isagoona xusay in lagu baranayo qaabka doorashada labada maalmood ee uu socdo View the full article -
Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta Hir-shabeelle ayaa sheegaya in magaaladaasi ay inta badan gaareen odayaasha dhaqanka iyo ergadii soo xulayay xildhibaanada baarlamaanka maamulkaasi. Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxa magaalada Jowhar kuwada sugan inta badan ugaasyada iyo odayaasha kale ee qeybta ka ah soo xulista baarlamaanka 2-aad ee Hir-shabeelle, xili gebi ahaanba uu shaqeyn waayey jadwalka iyo qorshihii hore ee doorashadaasi. Doorashada baarlamaanka Hir-shabeelle ayaa maalmihii u dambeeyay waxa ka taagna buuq badan, iyada oo beelaha qaar ay dood ka keenen in jagada madaxweynaha maamulkaasi ay iyagu leeyihiin. Waxaa si weyn isku soo taraya loolanka loogu jiro doorashadaasi, xili ay dhawaan xubno kamid ah guddiga farsamada ee soo xulista baarlamaanka labaad ee Hir-shabeelle ay sheegeen in uu dhaqan geli waayay jadwalkii ay soo saareen, kaas oo ku saabsanaa doorashada maamulkaasi. Saraakiil ka tirsan guddigan oo xiligaasi la hadlay Caasimada Online ayaa u sheegay inay dhaqaaqi la’dahay shaqada guddiga, islamarkaana ay ku hor gudban yihiin caqabado waa weyn oo curyaamiyay shaqooyinka horyaala. Guddigaan ayaa sheegay in culeyska ugu weyn ee heesta uu yahay cabashada Beesha Xawaadle, kuwaas oo aan ilaa hadda xal loo helin, islamarkaana aysan odayaashooda dhaqanka wali soo gaarin Jowhar si ay uga mid noqdaan duubabka dhaqanka ee soo xulaya baarlamaanka. “Culeyska ugu weyn waxaan kala kulmeynaa beesha Xawaadle, wax badan ayaa rabnaa inaa xeerino waana sababta uu u dhaqan geli waayay jadwalkii aan soo saarnay todobaadyo ka hor,” ayuu yiri mid kamid xubnaha guddiga oo la hadlay Caasimada Online. Si-kastaba, waxa socda dhaq-dhaqaaqyadii u dambeeyay ee doorashada baarlamaanka labaad ee maamulka Hir-shabeelle, inkasta oo uusan jirin heshiis laga mideysan-yahay oo ku aadan doorashadaasi. The post Odayaasha dhaqanka iyo ergadii ugu badnaa oo gaaray Jowhar iyo wararkii u dambeeyay first appeared on Caasimada Online.
-
Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ciidamada nabad-sugida Soomaaliya ay Beled-Xaawo ku xir-xireen ganacsato la sheegay inay u tageen dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab oo weli ku sugan gobolkaasi. Ganacsatada la xir-xiray ayaa waxaa lagu eedeeyey inay Al-Shabaab ugu tageen deegaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo, halkaasi oo looga yeeray. Nabadoon Idiris Maxamed Axmed oo u warramay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyey xariga lagula kacay odayaashaasi, wuxuuna hoosta ka xariiqay in haatan xiisad ka dhalatay arrintaasi ay ka taagan tahay Beled-Xaawo. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in hadda ay socdaan dadaallo lagu qaboojinayo xiisadaasi, islamarkaana lagu sii deynayo odayaasha la xiray. Ma’ahan markii ugu horreysay oo ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay xiraan ganacsato u tegay Xarakada Al-Shabaab, waxaana arrintan marar badan ka digay saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan koonfurta iyo bratamaha Soomaaliya View the full article
-
MOGADISHU (HOL) - Puntland has announced its list of members to the Federal Elections Committee in line with agreements reached by the country’s leadership last month. Source: Hiiraan Online
-
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka magacaaban, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo Marwada kowaad ee Dalka Marwo Seynab Cabdi Macalin ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Dalka Uganda Yuweri Museveni, kulankaas oo ka dhacay Madaxtooyada Qaranka Uganda ayaa ahaa mid soo dhaweyn ah oo lagu soo dhaweynayay wafdigan ka socoda Dowladda federaalka Soomaaliya, kaas oo lagu wado inuu ka qeyb galo Munaasabada lagu fura shirkad balaaran oo soo saarta sokorta. Shirkadan oo ay leedahay Marwo Aamina Xirsi Mooge oo ah Haweeney Soomaliyeed oo ganacsi balaaran ku leh dalalka Barigga Afrika ayaa lagu wadaa in Maalmaha soo aadan laga furo dalkan Uganda. Wafdigan uu horkacaya Ra’iisul Wasaare ku xigeenka jamhuuriyada Faderalka Soomaliya Mahad Maxamed Guuleed (Khadar) iyo Marwada kowaad ee dalka Marwo Seynab ayaa qeyb ka ah wafuud ka kala timid caalamka oo furaya Warshadda sokorta. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-Duhur-22102020.mp3 View the full article
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada nabad sugida Soomaaliya ee ka howl-gala Beledxaawo ayaa lagu soo warramayaa inay xabsiga dhigeen ganacsato la sheegay inay u tageen dagaalyahanada dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab ee ku sugan gobolka Gedo. Wararka ayaa sheegaya in ganacsatadaasi ay Al-Shabaab ugu tageen deegaanka Ceel-Cadde, islamarkaana ay kula soo shireen, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah. Mid ka mid ah waxgaradka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in marka ku soo laabteen Beledxaawo la xiray ganacsatadaasi. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay Al-Shabaab u aadeen ganacsatado gaadiid uu sheegay in laga heysto, si ay dib ugu soo ceshtaan. Xiisad ka dhalatay xariga ganacsatada ayaa haatan ka taagan magaalada Beledxaawo, waxaana sidoo kale socda dadaalo ay wadaan waxgarada deegaanka. Weli ma jiro wax faah faahin ah oo ay laamaha ammaanku ka bixiyeen xarigga lagula dhaqaaqay ganacsatadaas oo caan ka ah gobolka Gedo. Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan ka digtay in loo cadaalad doonto Al-Shabaab ama lala macaamilo, iyada oo ay jiraan dad horey loogu xiray inay u tageen Al-Shabaab. The post Ciidamada nabad sugida oo ganacsato ku xir-xray Beledxaawo iyo sababta first appeared on Caasimada Online.
-
Ganacsiyada yaryar waxey Soomaaliya ka sameeyaan shaqo-abuur farabadan, waxeyna kaalin weyn uga jiraan kobcinta iyo kor-u-qaadista dhaqaalaha dalka, iyada taasi laga ambaqaadayo ayaa manta waxaan Goobjoog FM ku casuunay qaar ka mid ah ganacsarada yaryar ee qeybta ka ah mashruuca “the next economy”. Barnaamijkaan gaarka oo aan ku eegeynay ganacsiyada yaryar iyo saameyntooda dhaqaale ee shaqo- abuur waxaa ka qeybgalay dooddda todobaadkan 1. Cabdiraxmaan Saabir – Like and Share Co 2. Maxamed Cali Aadan – Premier Bank 3. Maxamuud Cali Abshir – shirkadda xayeysiinta ee Deero 4. Nasra Cilmi Cabdi – Xarunta tababarada iyo xirfadaha ee Somali National Hadaba halkan ka dhageyso barnaamijka oo dhameystiran Source: goobjoog.com
