Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-Duhur-24102020.mp3 View the full article
  2. Maxaa laga Filan karaa Maxsuulka Kasoo Baxaya Safarkii Dhawaa Ee Madaxweyne Biixi iyo Shirkii 4aad Ee Xisbiga Kulmiye Hadii Madaxweyne Biixi, Gudagaley Geedi Siyaasadeed oo Cusub islamarkaana, ku aadan Natiijada kasoo Baxdey Shirkii Xisbiga Kulmiye iyo Socdaalkiisii dhawaa ee Gobolada Awdal, Gabiley,Saaxil,Togdheer iyo Daad-Madheedh sida Loo Saadaalinayo Waxa Maalmihii u Dambeeyay Dadka Siyaasada iyo Wajiyada Cusub ee Maalmahan muuqdey hadalhayaan Waxa loo Badinayaa in uu Xiligan Qorsheystay Isbadel uu Ku Sameynayo Golihiisa Xukuumada oo laga Dheehday dhaqdhaqaaqyadii u Dambeeyay Sida xoguhu u badan yihiin Waxaa dhegta loo Wada taagayaa in uu Isbadel ku Samaynayo Golihiisa Xukuumada kuna soo Kordhinayo Wasaarado Cusub iyo Wasiiradooda oo hada isku Raran Sidoo Kalena, Meesha ka Saarayo Xubno kamid ah Raga hada ugu Cadcad Golihiisa Xukuumada. Hadalhaynta ugu badan ayaa, la Filayaa in uu Marka hore Damacsan yahey isku Shaandheyn, uu Ku Samayanyo Golaha Xukuumada oo ay ugu horeyso kala Saarida Hogaanka Xisbiga Kulmiye iyo Golaha Xukuumada, marka laga Reebo isaga oo ah Gudoomiyaha Xisbiga Waxa uu Xisbiga u Celinayaa, Raga Hogaanka Kamidka ah ee hada kujira Golaha Xukuumada Sida Wasiirka Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo ah Kuxigeenka Koowaad ee Gudoomiyaha Xisbiga, iyo Wasiirka Ganacsiga oo isna ah Gudoomiye Kuxigeenka Afaraad ee Xisbiga si ay Wehel ugu Noqdaan Labada Kuxigeen ee 2aad iyo 3aad oo Golaha Xukuumada Banaanka ka jooga, Waana Sababta uu uga joojiyay In uu Kusoo daro Hogaanka Xisbiga Wasiirka Warfaafinta Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo loo hadalhayay Gudoomiye/Kuxigeenka Sadexaad. Waxa kale oo kale oo Xogaha Saadaashu si aad ah u hadalhayaan, in uu Xusbiyahandii Hore uga Tirsanaa Xukuumadii hore kala soo hadhayo Rag Door ah Sida Cali Mareexaan oo la Filayo in uu kusoo daro Golihiisa Wasiirada iyo Waliba Rag dalka Magac weyn ku leh oo uu Kasoo Qaadanayo Gobolka Awdal Khusuusan Beesha uu kasoo jeedo Wasiir Saajin, umalayn Maayo Dadka lahadalhayo in uu kujiro Gudoomiyaha Jaamacada Camuud Saleebaan Axmed Guuleed, Waxa kale oo Loo badinayaa in uu Xukuumadiisa kusoo kordhinayo Xilal Cusub oo ah Wasiiru-Dawlayaal iyo Wasiir Kuxigeeno. Wasaaradaha la filayo in uu Dib ukala qaadi doono Madaxweyne Biixi ayaa lagu wadaa Wasaarada Xanaanada Xoolaha, iyo Wasaaaradii Kaluumaysiga, iyo Waliba Wasaarada Ganacsiga Warshadaha iyo Dalxiiska iyo Wasaarado kale. Majirto Cid la tuhunsan yahey, oo hadii ay dhacdo In uu Golihiisa Xukuumada Banaanka ka dhigo, ka deyrin Karta qorshayaasha Cusub ee uu Kusoo kordhiyo Xukuumada iyadoo Dhawaana lq Filayo in uu Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye u Samayanyo Hogaan Cusub oo kala ah Gudoomiyaha Golaha Dhexe, Gudoomiye/Kuxigeenka iyo Xoghayaha. Faallo: Suxufi Cabdiraxmaan Hiiraan Source
  3. Siyaasiga caanka ah ee Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa Sabtida maanta soo gaadhay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. Siyaasigan ka soo jeeda Somaliland oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya waxa uu hore u ahaa ra’isal wasaare ku xigeenka Soomaaliya. Xogo wargeyska Geeska Afrika helay ayaa sheegaya in Maxamed Cumar Carte ka tanaasulay mawqifkiisa ku saabsan midnimada Somaliland iyo Soomaaliya islamarkaana raacayo qaddiyadda Gooni isu taagga Somaliland. Socdaalkiisan ayaa ku soo beegmaya iyada Cumar Carte Qaalib oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaalida ugu magaca weyn uu ku xanuunsanayo magaalada Hargeysa. Bulshada Somaliland ayaa si weyn baraha bulshada ugu hadal hayay saacadihii la soo dhaafay imaanshaha Maxamed Cumar Carte oo aanay xukuumadda Somaliland wax war ah ka soo saarin. Source
  4. (SLT-Muqdisho)-Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa codka kalsoonida siiyay xukuumadda cusub ee Ra’iisul Wasaare Rooble. Dhammaan xildhibaanada fadhiyay kulanka ayaa waxaa ay Haa yidhaahdeen codkana siiyeen golaha wasiirrada cusub. Xildhibaanada fadhiyay kulanka oo gaadhayay 188 xildhibaan ayaa codkooda siiyay golaha wasiirada. Golaha cusub ee wasiirada ayaa waxaa isla markiiba goobta ku dhaariyay guddoomiyaha Maxkamadda Sare. Ra’iisal Wasaaraha ayaa tilmaamay in xubnahan golaha Wasiirada ee cusub oo ku soo xushay karti, aqoon, iyo inuu hubiyay inay u adeegi karaan shacabka sida ugu wanaagsan. Source
  5. (SLT-Washington)-Machadka Heritage Foundation ayaa sheegay in Musharaxa xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden uu qorsheynayo in markii loo doorto xilka Madaxweynaha Mareykanka uu dalka Soomaaliya ka qaadi doono xayiraada ka saaran socdaalka Mareykanka. Warbixinta uu daabacay Machadka Heritage ayaa lagu sheegay in Joe Biden uu doonayo inuu Soomaaliya ka saaro Liiska dalal uu hore Madaxweyne Donald Trump ugu soo rogay xayiraad dhanka socdaalka, isagoo ku eedeeyay dalalkaas inay ku badan yihiin ururo Argagixiso oo xidhiidh la leh Al-Qaacida. Musharaxa xisbiga Dimuqraadiga ayaa tilmaamay in haddii la doorto uu gudbin doono soo jeedin ku aadan qorshe muwaadinimada Mareykanka ku helayaan 11 milyan oo muhaajiriinta sharciga aan heysan. Sidoo kale Machadka Heritage ayaa xusay in Joe Biden uu qorsheynayo in meesha uu ka saaro isku dayga Madaxweyne Trump uu ku doonayo inuu ku baabi’iyo barnaamijka waalidiinta ay Carruurtooda ku heysanyaan markii ay galaan gudaha Mareykanka. 2017-kii ayay aheyd markii Trump uu soo saaray Go’aan muwaadiniinta dalal ay ku jiro Soomaaliya lagaga mamnuucay socdaalka Mareykanka, xili uu ku eedeeyay in dalalkaas ay ku xooggan yihiin ururo gacansaar la leh Al-Qaacida, waxaana dalalkaas kamid ah Soomaaliya, Iiraan, Yemen iyo Ciraaq. Si kastaba Doorashada ka dhaceysa dalka Mareykanka ayaa waxaa lagu wadaa inay bilaabato bisha soo socota ee November saddexdeeda, waxaana Doorashada ku loolamaya Musharaxiin dhowr ah uu ku jiro Madaxweyne Donald Trump. Source
  6. Mudanayaasha Golaha shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo Sabti ah cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Golaha cusub ee Xukuumadda uu soo magacaabay Ra’iisul wasaare Rooble. Kulanka oo ay xaadir ku ahaayeen 188 mudane, ayaa dhammaantood waxay cod buuxa ku ansixiyeen Xukuumadda cusub iyo Barnaamijkeeda, islamarkaana ma jirin cid diidday iyo cid ka aamustay midna. Ansixinta ka hor, Ra’ iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa Golaha u akhriyay Khudbad la xiriirta Barnaamijka Xukuumadda cusub oo uu diiradda ku saaray Sugida Aamniga,Caddaalada,kobcinta dhaqaalaha,xakameynta Covid-19,ilaalinta xuquuqul insaanka iyo qabsoomida doorashooyinka 2020-2021. Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa isla goobta ku dhaariyay xubnaha golaha wasiirrada cusub ee baarlamaanku uu meel mariyay. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Soomaaliya oo ansixiyay Golaha Xukuumadda cusub appeared first on Puntland Post.
  7. Kadib markii lagu guulaystay dadaal maalmahaan la isugu keenayay Baarlamaanka si Cod loogu qaado Golaha Wasiirada Cusub ayaa waxaa maanta Villa Hargeysa ka dhacay Cod [...] The post Golaha Wasiirada DF oo la ansixiyey appeared first on . Source
  8. Waxaa goordhow la ansixiyey xukuumadda ra’isul wasaare Maxamed Rooble kadib markii la horgeeyey golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah. Codeyn ka dhacday goobta waxaa xukuumadda ogolaaday 188 xildhibaan, oo ahaa xildhibaannadii maanta yuimid oo dhan. Xukuumadda ayaa la filayaa iney ka shaqeyso doorashada, amniga iyo arrimo kale oo muhiim ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Dowladaha Carabta ayaa iska ilaaway cadaawadii kala dhexaysay Isreal kadib markii Wadanka Isreal uu noqdey Awooda ugu xoog badan Bariga Dhexe. Dalalka Emaraatka, Sacuudiga iyo [...] The post Wadamada Carabta oo saf ugu jira Isreal, Sudan oo iyana la heshiisay appeared first on . Source
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta shaaciyey inay howl-gal qrosheysan ku dileen Sarkaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kaasi oo ay sheegen inuu u qaabilsanaa Maaliyada. Ciidamada DANAB ayaa howl-galkaasi lagu dilay sarkaalkaasi ka fuliyey inta u dhaxeysa Balcad iyo Afgooye, sida ay baahisay warbaahinta dowladdu. Sarkaalkan oo magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan Cabdalla (Abuu Ayman) ayaa uruka Al-Shabaab u qaabilsan soo ururinta waxay ugu yeeran Zakawaatka ama Maaliyada ee gobolada Shabeellooyinka. Sidoo kale ciidamada ayaa howl-galkaasi ku dilay 5 kale oo ka tirsan ururka Al-Shabaab, kuwaasi oo aan la shaacin magacyadooda iyo shaqooyinka ay u qaabilsanaayeen xarakada, balse xiligaasi ku wada sugnaa hal goob. Waxayna howl-galkaasi ciidamadu ku bur-buriyeen xarumo ay Shabaabku lacagaha Zakawaadka kaga qaadi jireen shacabka, iyagoona soo bixiyey miinooyin dagaalyahanada xarakadaasi ay ku aaseen waddooyin muhiim ah oo ay maraan dadweynuhu “Horjoogaha lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Cabadalla (Abuu Ayman) ayaa lacagaha baadda ah ka qaadi jiray dadka shacabka, si ay ugu adeegsadaan dhibaataynta shacabka oo ay ugu horayso qaraxyada ay la beegsadaan goobaha ay ku badan-yihiin rayidka” ayuu yiri Sarkaal ka tirsan ciidamada Danab oo la hadlay warbaahinta dowladda. Ciidamada DANAB ayaa muddooyinkii dambe dar-dar xoogan galiyay howl-galada ka dhanka ah ururka Al-Shabaab oo dagaal adag kula jira, iyagoona dhawaan duleedka Afgooye ku dilay Sarkaal ka tirsanaa kooxdaasi. The post Sarkaalkii AL-SHABAAB u qaabilsanaa maaliyadda oo howl-gal lagu dilay first appeared on Caasimada Online.
  11. Maamul Gobolka Banaadir ayaa tababaraha kooxda Gobolka Banaadir ee ka qeyb galaysa tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir u magacaabay ciyaaryahankii hore Xulka Qaranka Soomaaliya Daadir Amiin Cali oo iminka ah Guddoomiyaha isboortiga degmada Xamar Jajab,sidoo kalane ah tababaraha naadiga Geeska Afrika. Xasuusin:-Aqriso Macallin Daadir oo Muqdisho kula guulaystay Horyaalka Daadir Amiin “Taariikh Wanaagsan Ayay Ii Tahay Hanashada Horyaalka ” Daadir Amiin ayaa sameeyay taariikh wanaagsan,isagoo kooxda Geeska Afrika u soo saaray horyaalka Soomaaliya,sidoo kale naadiga Muqdisho City Club kula guulaystay horyaalka Soomaaliya. Sidoo kale Daadir oo Geeska U Qaaday horyaalka 2aad ee Soomaaliya Daadir Amiin “Waan Ku Faraxsanahay Hanashada Horyaalka Heerka Koowaad Ee Soomaaliya ” “Waan ku faraxsanahay xilkan waa shaqo adag oo u baahan in laga gaaro guul,waxaan u mahad celinaynaa maamulka isboortiga Gobolka oo xilka igu aaminay,waxaana rajayn doonaa in aan gaarno guulo waaweyn waqtiga dhaw” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Macallin Daadir Amiin Cali. Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  12. Waxaa Maanta Garoonka Kubada Cagta ee Eng. Yariisow Stadium ka furmay Tartanka Kubada Cagta ee Degmooyinka Gobolka Banaadir 2020, kaasi oo sanadkaan markii ugu horeysay ay ka qeyb-galayaan Naadi ka socda Degmada Balcad. Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Axmed Xasan Iimaan iyo Wasiirka Magacaaban ee Dhalinyarada iyo Isboortiga Xamsa Maxamed Xamsa ayaa si wadajir ah u furay, iyadoona ay ku wehliyeen Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Basma Caamir Axmed iyo Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud Eng. Cumar Cali Cabdi. Guddoomiyaha Isboortiga Gobolka Banaadir, Guddoomiye Kuxigeenka Xiriirka Kubada Cagta, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, Agaasimeyaal kantirsan Dowlada Hoose ee Xamar Cayaartoy hore, Marti Sharaf iyo Qeybaha kala gedisan ee Bulshada ayaa Garoonka ku sugnaa, Waxaana Halkaasi Astaanka Calanka ku tumay Ciidanka Daambeeda Booliska Soomaaliyeed. Wasiirka Ciyaaraha iyo dhalinyarada Dowladda mudane Xamse Saciid Xamse iyo madaxda Gobolka Banaadir ayaa kooxaha ka qeyb-galaya Tartanka u rajeeyay in ay Cayaar wanaag soo bandhigaan inta uu socdo Tartanka Kubada Cagta ee Degmooyinka Gobolka Banaadir 2020. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya toogasho xalay magaalada Muqdisho loogu geystay nin da’ ah oo ka mid ahaa dadka deegaanka ee ku nool degmada Dayniile. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Xuseen Sheekh Muxumad (Sandheere), sida ay inoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Wararka ayaa sheegaya in kooxo ku hubeysanaa bistoolado ay ku toogteen xaafadda Kurdamac oo ka tirsan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xilliga la dilay Xuseen Sandheere uu Weysa-qaadanayey, islamarkaana uu ku sugnaa Garaash uu ku leeyahay degmadaasi. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale gaaray meedha ay waxa ka dhaceen, kuwaas oo sameeyey baaritaano kooban. Ilo wareedyo ayaa dhanka kale sheegay inuu marxkuumka ka mid ahaa ciidamada milatariga Soomaaliyeed, balse ma jiro weli wax hadal ah oo ay saraaakiisha laamaha amniga iyo maamulka degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ka bixiyeen falkaasi. Muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa gudaha magaalada Muqdisho ka dhacayey falal liddi ku ah amniga oo u badan dilal qorsheysan iyo qaraxyo. The post Kooxo hubeysan oo xalay XUSEEN Sandheere ku dilay magaalada Muqdisho first appeared on Caasimada Online.
  14. Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay kulan ku leeyihiin xaruntooda Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho. Ajendaha kulanka ayaa waxaa uu yahay in xildhibaannada ay cod u qaadaan xukuumadda cusub ee uu soo dhisay ra’iisalwasaare Maxamed Xuseen Rooble. Wasiirrada cusub ayaa maalmihii tagay waxaa ay kulamo gaar gaar ah la lahaayeen xildhibaannada iyagoo kala hadlayey sidii xildhibaannada ay kalsooni u siin lahaayeen wasiirrada cusub. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Afar wiil oo arday ahaa ayaa shalay oo Jamce ahayd miino ku dishay degaanka Bangeelle oo hoostaga degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Afarta arday ayaa sida la sheegay waxaa ku qarxay gumuc ay garaaceen, oo sababay inay isku mar nafwaayaan afarta wiil. Afarta wiil ayaa lagu kala magacaabi jiray Cabdullaahi Shugri Maxamed, dhiganayay fasalka 6aad, Axmed Wali Qorane Nuur dhiganayay fasalka 4aad, Sharmaarke Cabdiqaadir Nuur Cabdalle dhiganayay faslka 4aad iyo Kaamil Daroor Maxamed Cali oo dhiganayay fasalka 3aad. Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee maamulka Galmudug ayaa ka tacsiyeysay geerida ardaydan. Miinooyin iyo gumucyo ka karay jabhadihii iyo dagaaladii sokeeye ayaa caruur badan ku dilay kuwana ku naafeeyay Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Afar caruur ah oo miino ku dishay Galgaduud appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo maanta ka hor hadlayey golaha shacabka oo meel-mariyey golihiisa wasiirada cusub ayaa shaaciyey barnaamijka xukuumaddiisa oo heysata wax ka yar afar bilood. Ugu horreyn ra’iisul wasaaraha ayaa uga mahadceliyey xildhibaanada baarlamaanka, meel-marinta golihiisa wasiirada ee uu ku dhowaaqay todobaadkii la soo dhaafay. Rooble ayaa sheegay inuu marka hore xooga saari doono dardar-gelinta howlaha doorashooyinka 2020/2021 iyo sidoo kale sugida ammaanka guud ee dalka. Doorashooyinka ayuu tilmaamay inay saldhig u noqon doonaan qodobadii ka soo baxay shirarkii Dhuusamabeeb & heshiiskii Muqdisho ay sii amba-qaadi doonto xukuumadiisa. Sidoo kale wuxuu shaaciyey inay xukuumaddu ka shaqeyn doonto arrimaha dhab u heshiisiinta, xakameynta cudurka Covid-19, horumarinta cadaaladda, dowlad wanaaga, la-dagaalanka musuq-maasuqa, kobcinta dhaqaalahaiyo kor dhinta adega bulshada. Ra’iisul wasaaraha oo hadalkiisa sii wata ayaa inuu xooga saari doono ka shaqeynta arrimaha xuquuqul-insaanka, gaar ahaan ka hortagga tacadiyada dumarka & caruurta. Si kastaba, Soomaaliya ayaa isku diyaarineyso doorashada soo socota oo isugu jirta tan baarlamaanka iyo madaxweynaha oo ay ku loolami doonaan musharraxiin fara badan. The post R/W Rooble oo shaaciyey barnaamijka xukuumadiisa first appeared on Caasimada Online.
  17. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka magacaaban Mahdi Maxamed Guuleedka *Khadar” iyo Marwada Koowaad ee Dalkeena Marwo Zaynab Macallin ayaa Madaxweynaha Uganda Yuweri Musaveni kala qeyb galay daah furka Warshadda Sokorta oo ay dalkaasi ka hirgelisay Gabar Soomaaliyeed oo ka mid ah ganacsatada dalka Uganda. “Aniga iyo Marwada koowaad ee dalka Marwo Zaynab Macallin ayaa Madaxweynaha Uganda Yuweri Musaveni kala qeyb galnay furitaanka Warshadda Sokorta soo saarta ee Atiak Sugar Factory oo ay dalkaas ka hirgalisay Aamino Xirsi Mooge oo ah gabadh Soomaaliyeed oo ganacsato ah”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka magacaaban ee Mahdi Maxamed Guuleed Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xusay in dowladda Soomaaliya ay garab taagantahay ganacsatada Soomaaliyeed meelkasta oo ay dunida ka joogaan. “Dowladda Soomaaliyeed way garab taagantahay, wayna ku faaneysaa guulaha dadka Soomaaliyeed ee ganacsiga, siyaasadda iyo dhinacyada kale ee nolosha, gudaha dalka iyo dibaddiisaba”.ayuu yiri Mudane Mahdi Maxamed Guuleedka “Khadar”. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  18. Ciidanka Kumaandooska Danab ee xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanno hoostaga degmooyinka Balcad iyo Afgooye oo ka kala tirsan gobollada Shabeellaha dhexe iyo Shabeellaha Hoose, waxa y ku khaarijiyeen 6 ka tirsanaa Al-Shabaab oo uu ku jiro sarkaalkii u qaabilsanaa maaliyadda gobollada Shabeellooyinka. Sarkaalka oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Cabadalla (Abuu Ayman) ayaa saraakiisha ciidanka dowladda waxay sheegeen in la dilay inta uu socday howlgalka. Sidoo kale waxa ay saraakiisha intaasi ku dareen inay burburiyeen goobo ay sheegeen inay Al-Shabaab ku qaadi jireen lacago iyo xarumo kale. Ugu dambeyn saraakiisha u hadashay ciidamada Xoogga dalka ayaa tilmaamay inay soo saarin miinooyin lagu aasay waddooyin ay si aad ah u isticmaalaan dadka shacabka ah. Maalmihii u dambeeyey ciidamada huwanta ayaa xoojiyey howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article
  19. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Masar ay ku hanjabtay burburinta biyo-xireenka isla markaana haddii ay sidaa sameyso aan loo raacan Karin. Arrintan ayuu ka yiri wada hadal khadka telefanka ah oo dhexmaray madaxweynaha Mareykanka iyo ra’isul wasaaraha Suudaan Cabadalla Xamduuk. Trump ayaa ka codsaday Suudaan iney dhexgasho labada dal kadib markii uu burburay heshiiskii ay garwadeenka ka ahaayeen, waxaa uuna intaa ku daray “5 sano markii la is mari waayey, Ayaan heshiis keenay, laakin waxaa uu ka hirgeli waayey dhanka Itoobiya, iyada oo biyo-xireenka ku sameeyey webiga Nile, waan ka jarnay gargaar aan siin laheyn, ….haddii Masar ay burburiso biyo-xireenka cidna uma qabsaneyso”. Dhanka kale, Donald Trump waxaa uu sheegay in Suudaan iyo Israel ay soo ceshteen xiriir dhaqaale taasi oo ka dhigan iney uu caadi usoo noqonayo xiriirka labada dal, ma sheegin xilliga la furayo safaaradaha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Ciidanka Kumaandooska Danab ee dowladda Soomaaliya ayaa hawlgal qorshaysan ku dilay lix xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo uu ku jiro horjooge sare. Hawlgalka ayaa laga fuliyay degaanno hoosyimaada degmooyinka Balcad iyo Afgooye oo ka kala tirsan Shabeellada dhexe iyo Shabeellada Hoose, sida ay sheegeen Saraakiisha Danab. Saraakiishu waxay xaqiijiyeen, in Hawlgalka lagu dilay horjoogihii Al-shabaab u qaabilsanaa Maaliyadda Gobollada Shabeelooyinka Cabdiraxmaan Cabdalla Abu-ayman iyo xubno kale oo weheliyay. Sidoo kale, waxay sheegeen in hawlgalka lagu burburiyay xarumo Al-shabaab lacagta kaga qaadi jirtay dadka shacabka ah ee ku nool degaannadaas. PUNTLAND POST The post DANAB oo sheegtay in ay dileen horjooge sare iyo xubno kale oo ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  21. KAMPALA (HOL) - A joint sugar factory venture between Somali entrepreneur Amina Moghe Hersi and Ugandan government has opened its doors following the official opening of the factory by President Yoweri Museveni. Source: Hiiraan Online
  22. Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa Maanta oo sabti ah lagu wadaa in ay kulan aan caadi aheyn ah ku yeeshaan Xaruntooda Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho. Ajendaha kulanka ee Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay u codeynta Golaha Wasiirada Cusub ee uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble, kuwaasi oo isugu jira xubno Cusub iyo kuwo horey uga tirsanaa Xukuumaddii Xasan Cali Kheyre. Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa goor sii horreeysay loo diray fariimo wargelin ah oo ku aadan inuu jiro kulanka Golaha Shacabka, isla markaana laga doonayo inay kasoo qeyb galaan, si loo ansixiyo Golaha Wasiirada oo laga sugayo shaqooyin farabadan. Maalmihii lasoo dhaafay Golaha Wasiirada magacaaban ee Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kulamo la qaadanayay qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka, iyagoona ka dalbanayay inay codka kalsoonida ah siiyaan, lana shaqeeyaan. PUNTLAND POST The post Golaha Shacabka oo Maanta Codka Kalsoonida u qaadaya Xukuumadda cusub appeared first on Puntland Post.
  23. Mogadishu (HOL) - Somalia's intelligence agency released a Somalia journalist on Thursday after being detained for five days by the spy agency for interviewing with a Mogadishu businessman who espoused favourable views for the Al-Qaeda linked Al-Shabaab. Source: Hiiraan Online
  24. Siyaasi Cali guray ayaa ka hadlay sababta Dalka Somaliland inuu yimaado loogu ogolaan karo Ra’iisal-wasaare-xigeenkii hore ee Somalia Maxamed Cumar Carte Ahna xildhibaan katirsan baarlamaanka somaliya oo la sheegay in uu Cafis soo waydiistay xukuumada Somaliland. Siyaasi Cali Guray ayaa sheegay in sababta loogu ogolaaday ay tahay Aabihii Cumar Carte oo aad ugu xanuunsanaya hargaysa islamarkaana ay tahay ogolaashihiisu mid Bini-aadamnimo. Siyaasi cali guray ayaa qoraal uu arintan kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan; Sababta loogu ogolaaday Maxamed Cumar Carte Hargeysa waxan filayaa in ay tahay odaygii aabihii ahaa oo loogu qaylo diray oo loo sheegay in aanay kana bixin kuna jirin. Taasi ma siyaasad bay noqonaysaa mise sabab bini aadminimo? Kee baase mudan siyaasadda iyo bini aadminimada. Kolay aniga xagayga waxa mudan bini aadminimada balse way jiri karaan dad ay siyaasaddu kala mudan tahay dadninada iyo xataa malaha diinta islaamka. Iyagana waa garashadooda. Xataa dhinaca diinta in loo diido in aabihii oo sakaraad ah dul yimaado iyo in loo ogolaado waxa sax ah in loo ogolaado; dadnimo ahaan, diin ahaan iyo dhaqan ahaanba. Balse qofka intaaba aan midna xeerinayn badda ha ku dhacdo haduu doonayo. Waxa uu sheegi karo ayaaba iska yare. Hadda kuma jiraan kuwa aan sheegayo caruurta dhalatay 90s-kii ee aan iyagu wax badan ogayn ee siyaasaddu ay sida xagarka ku go’an tahay. Kuwaa iyagu dembi ma laha wax lagula yaabi karaana maba jirto aniga xagayga Source