-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ayaa sheegay in Alle ha u naxariistee in Dr. Cali Khaliif Galaydh uu Geeridiisa ka hor uu aad uga walaacsanaa inaan Madaxda Somaliland diyaar u ahayn inay ka dhabeeyaan oo ay fuliyaan heshiiskii uu Maamulkiisii Khaatumo la galeen Madaxweynihii hore ee JSL Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo Geerida Cali Khaliif ka qoray Qormo dheer wuxuu ku sheegay inuu ahaa Aqoon, Siyaasi iyo Waxgarad ka baxay Ummadda Soomaaliyeed, isagoo sheegay in markii ugu horraysay ee ay ku kulmeen ahayd 1971-kii, markaas oo ay ku kulmeen Magaalada London ee dalka Ingiriiska. Prof. Samatar wuxuu sheegay in Cali Khaliif oo ay aad isku dhex galeen sannadkii 2017-kii ay yeesheen shirar iyo kulamo badan. Wuxuu intaa ku daray in Labadooduba (Samatar iyo Galaydh) ay ugu yaraan laba Munaasibadood kula kulmeen Madaxweyne Biixi dabaqayaadii sannadkii 2017-kii, taas oo ay saddexdooduba iskula garteen in Dr. Cali Khaliif uu soo diyaariyo qodobbada ugu muhiimsanaa heshiiska ay Khaatumo la gashay Madaxweyne Siilaanyo. “Markii ugu dambaysay ee aan la hadlay Dr. Galaydh waxay ahayd 5 Maalmood ka hor Geeridiisii lama filaanka ahayd ee Jigjiga, markaas wuxuu si cad oo walaac uu qabay la socdo iigu sheegay in hoggaanka Somaliland aanay dareen soo jeeda u hayn oo wakhti lumis iyo Gaabis wadeen, taasi waxay dhashay inaan wax weyn la fulin illaa hadda sida uu sheegay..” ayuu Prof. Samatar ku yidhi Qormadiisa uu ku qoray Afka Ingiriisiga. Wuxuu sheegay Samatar inuu Cali Khaliif Galaydh u sheegay inay wax weyn ku soo arkeen socdaalkoodii ay ku mareen Gobollada kala duwan ee Somaliland oo ay dhallinyarada ugu jeediyeen khudbado kala duwan. Qoraalkan oo lagu baahiyey Shabakadda Somaliland chronicle wxuuu Prof. Samatar ku sheegay in Bulshada Khaatumo looga baahan yahay inay soo xulaan shakhsi bisil, maskax furan, aqoonyahan ah oo buuxiya kaalintii Dr. Galaydh oo hoggaamiya sidii loo fulin lahaa heshiiskii uu Galaydh la galay Somaliland. Wuxuu sheegay Samatar Maqnaanshaha Bulshada Sool ka maqan yihiin Somaliland ay hoos u dhigi doonto guul kasta oo ay Somaliland gaadhay “Marka la eego hoggaanka hadda iyo ka mustaqbalka ee Somaliland wakhtigu waa ku sii gabaabsi, sidaasi darteed waxa muhiim ah inay firfircooni ku gedaamaan wada-hadallada oo dib loo kiciyo, oo fulinta heshiiskii loo dhaqaajiyo sida ugu wanaagsan. Waxa Daruuri ah in markan wax laga qabto waxyaabaha ay doonayaan Bulshada Sool oo la sharfo oo la karaameeyo muwaadin Qadarin ballaadhin leh (Cali Khaliif Galaydh). Runta dhayda ka caddaatay soddonkii sanadood ee u dambeeyay waxay tahay in guulaha la majeertay ee Somaliland gaadhay ay weligeed hoos u dhigi maqnaanshaha Bulshada Gobolka Sool oo intiisa badani ay weli maqan yihiin..” Source
-
Dadka khaayinul-waddanniyiinta ah ama ku dhaca dambiga ah khiyaamo qaran, si isku mid ah ayuu dal kasta oo calaamka ah ula dagaalamaa ama loola dhaqmaa, waxaannu dal walba shuruucdiisa ku qeexaa waxa uu ka yeelayo dadka muwaadiniintiisa ah ee ku kaca ama sameeya fal lagu khiyaamaynayo qarannimada dalkooda, dadweynaha dalalkuna si isku mid ah ayey aragti midaysan uga yeeshaan qofka khaayinul-waddanniga ah ama lagu caddeeyo dambi ah inuu qarankiisa u soo raacay dal kale oo ay cadaw yihiin ama dagaal dhinacyo kala duwan ah ka dhexeeyo. Haddaba, dalka Jamhuuriyadda Somaliland waa waddan madaxbannaan oo si gaar ah uga baxay midawgii uu la galay Soomaaliya sannadkii 1960-kii, halka Soomaaliyana ay ilaa maanta ku doodayso ama sheeganayso in dalka Somaliland yahay gobol ka mid ah Soomaaliya, waxayna doodaasi ku muujisan tahay dastuurka iyo shuruucda kale ee Soomaaliya ku dhaqanto, siyaasiyiinta iyo madaxda xilalka ka haya Maamulka Muqdisho iyaguna mabda’ ahaan way ugu dhaqmaan ama waxay fuliyaan doodaha ah in Somaliland ka mid tahay Soomaaliya. Marka ay sidaa tahay, waxa sida qoraxda u cad in siyaasiyiinta ama shaqsiyaadka sheegta inay asal ahaan ka soo jeedaan Somaliland ee xilalka u doonta ama ka tirsan golayaasha maamulka Soomaaliya ay yihiin qaar qaatay mabaadii’da ah in Somaliland tahay gobol ka tisan Soomaaliya, waxayna ku shaqeeyaan mawif ah in aanay Somaliland ahayn waddan madaxbannaan oo ka madaxbannaan Soomaaliya, iyagoo sidaa ku noqda siyaasiyiin khiyaameeyey dalka ay u dhasheen ee Somaliland, waxayna si toos ah ugu biiraan liiska dambiilayaasha qaran ee ay mamnuuca ka tahay inay yimaadaan ama cagaha soo dhigaan taako ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Somaliland. Haddaba, waxa aan baraha bulshada, gaar ahaan Facebook-ga ku arkayey doodo ku taagan in khaayinul-waddaniga magaciisu yahay Maxamed Cumar Carte uu iman karo Somaliland, gaar ahaan Caasimadda Hargeysa, si uu u soo booqdo Aabbihii Cumar Carte Qaalib oo xaalad caafimaad u jiifa cusbitaal ku yaal Hargeysa. Ninkan magaciisu yahay Maxamed Cumar Carte waxa uu soo noqday Ra’iisal-wasaare-ku-xigeenka Soomaaliya intii u dhexaysay 27 January 2015 ilaa 29 March 2017, isagoo xilkaas ku wareejiyey Khaayinul-waddaniga kale ee magaciisu yahay Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo xilkaas haya ilaa maanta, sidaa darteen waxa dambi ah inuu si dhib yar ku yimaado dalka uu dambiga ka galay ee Somaliland, waxaanna waajib ah in dadka muwaadiniinta ah ay si isku mid ah u cabbiraan dareenkooda ay kaga soo horjeedaan in qof Khaayinul-waddani ah uu iska yimaado dalka Jamhuuriyadda Somaliland, arrin fiicanna maaha in dano gaar ah iyo xammaasad qabyaaladeed ay innaga leexiyaan dagaalka ka dhanka ah khaayinul-waddaniyiinta xilalka siyaasadeed ka haya ama ka soo qabtay Soomaaliya oo ah dal cadaw u ah madaxbannaanida iyo jiritaanka qarannimada Somaliland. Waxa kaloo waajib ah in dadweynaha muwaadiniinta ah ay soo diyaariyaan codsi ama dalab (petition) ah in Golayaasha sbarci-dejintu ay curiyaan ama sameeyaan sharci lagula dagaalamo dadka khiyaameeya qaranka Somaliland, sharcigaas oo fasaxaya jn xukun adag oo maxkamadeed lagu rido qof kasta oo Somaliland ka soo jeeda oo xil siyaaadeed ka qabta Soomaaliya, iyagoo maqanne ahna dacwadooda loo gudbiyo bahda garsoorka Somaliland, kadibna lagu rido ciqaab ah inay maraan xabsi muddo dheer ah, sharcigaas oo sidoo kale fasaxaya in qofka khaayinul-waddaniga ciqaabtaas lagu fuliyo marka u horaysa ee uu soo galo gacanta Somaliland, xiitaa haddii la qabto isagoo xil u haya Soomaaliya oo soo galay gudaha Somaliland ama socod ku maraya madaarrada Somaliland (transit) waa in xabsi la dhigo, laguna fuliyo xukunka Maxkamaduhu ku rideen, sidoo kale qofka xilka ka qabta Soomaaliya waa in sharcigaas lagu qeexo inuu xabsi sannado ah galo xiitaa haddii uu xilkaas iska casilo ama cafis soo qorto si uu u yimaado Somaliland, halka sidoo kale sharcigaas lagu xuso in qofkaasi noqdo masuul aan weligii wax xil ah ka qaban karin Somaliland, xuquuq siyaasadeedna aannu ku yeelan karin Dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Faallo: Maxamed Cumar Cabdi (Cirro), Hargeysa, Somaliland. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa qoraal uu soo saaray ugu digay ra’iisul wasaare Rooble, una sheegay in xukuumaddiisa ay faraha kala baxdo arrimaha xildhibaanada waqooyi. Maareeya ayaa marka hore qoraalka ku shaaciyey in shalay kulan looga tashanayey arrimaha doorashada kuraasta gobollada waqooyi ay isugu yimaadeen siyaasiyiinta reer Somaliland. “Galabta waxaan ka qaybgalay kulan Gudoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdilaahi kula tashanayey Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiin hore, daneeyayaal siyaasadeed oo cusub iyo qaar ka mid ah madax-dhaqameedka ka soojeeda Somaliland, tashigaas oo la xidhiidhay xulista Gudiyada Doorashooyinka ee Somaliland,” ayuu yiri Maareeye. Qoraalka wasiir Maareeye ayaa intaas ku saray, “Mudadii kulanku socday qaar ka mid ah dadkii wadatashiga joogay ayaa sheegay in ay arkeen Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble iyo xoghaymo ka socda Xafiisyada Madaxda Qaranka oo kala socda oo mid waliba liis wato oo leeyahay waxaan qorayaa Gudiyadii doorashooyinka Somaliland.” “Shirku wuxuu ka codsaday Ra’iisul Wasaare Rooble in aanay xukuumadiisu u maleyn in doorashada Somaliland tahay kooto baylah ah oo ay iyadu maamusho, waa in ay isu aragtaa Xukuumadii Qaranka oo doorashada Somaliland u jirta in ay u jiraan tan Maamul-Goboleedyada kale ee ay ka sugayso in ay soo gudbiyaan xubnahooda,” ayuu Maareeye ku yiri war-saxaafadeedkan. Waxa uu sheegay intii shirku socday in la isla gartay, maadaama la qaatay habraacii doorashooyinka ee 2016-kii ee guddoomiye Jawaari u xilsaarnaa in uu magacaabo gudiyada doorashooyinka ee kuraasta Somaliland. In hadda loo baahanyahay qof qaata mid lamid ah doorkii guddoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. “Maanta waxaa shaqadaas iska leh Gudoomiye Cabdi Xaashi oo booskiisii ku jira, ugu sareeya, uguna da’weyn Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta ka soojeeda Somaliland.” Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa qoraalkiisa ku soo gabagabeeyey, “Gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa dadkii dejiyey oo u sheegay in ay taladooda xor u noqon doonaan oo uu u-tegi doono Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, liis aanay ka tashan oo isagu gudbiyey mooyee, mid kalena aanu socon doonin.” The post MAAREEYE oo eedeyn iyo digniin u jeediyey ROOBLE first appeared on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha wadanka Poland Andrzej Duda ayaa noqonaya hogaamiyihii ugu danbeeyey ee uu haleelo cudurka Covid 19, xilli cudurkan uu toddobaadkii lasoo dhaafay kusoo laba-kacleeyey dalalka Midowga Yurub. Madaxweyne Duda ayaa la sheegay in baadhitaan lagu sameeyey jamcihii shalay laga helay cudurka Covid 19, waxaa sidaa lagu shaaciyay warbaahinta dowlada shalay Sabtidii. Cudurkan ayaa hore ugu dhacay qaar kamid ah Madaxda Caalamka oo ay kamid yihiin Madaxweynaha Maraykanka, Raysalwasaaraha UK iyo Madaxweynaha Brazil. Duda oo ah 48 jir ayaa hadda ku jira karantiil, balse xaaladiisa caafimaad ayaa la sheegay inay degan tahay. Dalka Poland ayaa kamid ah wadamada Yurub ee cudurka Covid19 maalmihii lasoo dhaafay si xawli ah ugu sii faafayey. Source
-
Wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya Gedu Andargachew, ayaa xafiiskiisa ugu yeedhay safiirka Mareykanka ee itobiya Mike Raynor si uu sharaxaad uga bixiyo hadalkii Trump ee ahaa in Masar ay burburin karto biya-xidheen ay Itoobiya ka dhisayso wabiga Nile. Mr Gedu ayaa hoosta ka xariiqay inay marin-habaabin tahay wararka sheegaya in biya-xidheenka uu hakinayo qulqulka biyaha wabiga Nile. Bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa sidoo kale waxaa wax aan la aqbali Karin ku tilmaamay in madaxwayne Mareykan ah oo xil haya uu huriyo colaad dhexmarta Masar iyo Itoobiya. Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya ayaa dhanka kale u sheegay safiirka Mareykanka in Itoobiya aysan waligeed ka baqin hanjabaad ka dhan ah madaxbanaanideeda, islamarkaana ay diyaar u yihiin inay sii wadaan wadaxaajoodka ay gadh-wadeenka ka yihiin midowga Afrika. Mar sii horreysay ria’sul wasxaaraha dalka Itoobiya ayaa sheegay in dalkiisa aanu u dulqaadan doonin daandaansi ama gardaro noocey doonto ha ahaa ka dib markii madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in Masar ay burburin karto biya-xidheenka ay Itoobiya ka dhistay wabiga Nile. Mr Abiy Ahmed si toos ah ugama jawaabin hadalka Trump, balse waxaa muujiyay shaki ah waxa ku kalifay Mr Trump hadalka uu sheegay. Dr. Abiy ayaa wacad ku maray in Itoobiya ay dhammeystiri doonto Biya-xidheenka. “Itoobiya isma dhiibi doonto gardara noocey doonto ha ahaatee,” ayuu yidhi Abiy Ahmed. “Itoobiya waligeed jilbaha uma dhigan oo ma adeecin cadowgeeda, balse waxay xushmeysaa saaxibadeed, ma sameynayno maanta mustaqbalkana ma sameyn doono.” Hanjabaad kasta oo arrintan ku saabsan waa “mid aan loo meel dayin, oo aan natiijo ka soo baxeyn islamarkana jabinaysa shuruucda caalamiga ah”. ayuu intaa ku daray Source
-
US President Donald Trump predicted that Egypt would “blow up” a mega-dam that Ethiopia is building on the Nile. Neighboring countries have criticized plans for the Grand Ethiopian Renaissance Dam. Source: Hiiraan Online
-
Rep. Ilhan Omar presses her supporters to get off the sidelines and take part in 2020 election. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hadal-heyn badan ayaa ka dhalatay ‘commenti ama aragti’ uu madaxweynihii hore ee Hir-Shabeelle Cali Cabdullahi Cosoble ka dhiibtay Post uu soo qoray Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo deegaan ahaan Hiiraan ay ka soo wada jeedaan, kaas oo u muuqday su’aal. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sawir ay kula jiraan ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe waxa uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga, waxuuna ku soo dul qoray, “HirShabelle State waay dhismeeysaa, si Nabad ah, xasilnoon, Baarlamaan cusub guddoomiye cusub, madaxweyne cusub.” Intaas kadib waxaa qeybta commentiga ama aragti dhiibashada su’aal u dhigneyd sidan ku soo weydiiyey Cali Cosoble Madaxweynihii hore ee Hir-Shabeelle, “Waxaan maqlay kursigaagii in Jubbaland la geeyey ee maxaa ka jira?” Sida muuqata Daahir Amiin Jeesow iyo Cali Cabdullahi Cosoble waxay ku kala aragti duwanyihiin habka ay hadda ku socoto doorashada HirShabeelle, balse waa isku deegaan doorasho oo gobolka Hiiraan ayey kasoo wada jeedaan. Cali Cosoble oo ka dhashay beesha Xawaadle waxa uu ku mabda’ yahay waxgaradka beeshiisa oo qabta in kursiga madaxweynaha Hir-Shabeelle aan lagula tartami karin Xawaadle, Hasa yeeshee Daahir Jeesow oo ka soo jeeda beesha Gaaljecel ayaa u muuqda inuu qabo in kursigaas laga dhigo tartan furan, sida ay qabaan inta badan siyaasiyiinta beelaha kale ee HirShabeelle. Waxaa la is weydiinayaa sababta Cali Cosoble uu su’aasha deegaan doorashada kursigiisa ku saabsan u weydiiyey Daahir Jeesow, balse taas ayaa u muuqata ‘kajin ama jees-jees’ sababtoo ah Daahir Amiin Jeesow dagaal dhanka afka ah ayuu ku qaaday hoggaanka Jubbaland, intii uu jiray khilaafkii kala dhexeeyey dowladda dhexe. Xildhibaan Daahir Jeesow ayaa si gaar ah madaxweynaha Jubbaland hadallo dhaleeceyn ah warbaahinta ugu mari jiray, isagoo markii uu yimid Muqdisho dowladda Farmaajo kula taliyey inay xirto oo dib uusan ugu laaban Jubbaland. Waxyaabaha ugu badan ee Xildhibaan Daahir uu ku dhiliilo Axmed Madoobe waxaa ka mid ah, xiriirka wanaagsan ee kala dhaxeeya dowladda Kenya, iyo xoreyn la’aanta deegaanada ay Jubbaland ka joogaan Al-Shabaab. The post Xildhibaan Jeesow iyo Cali Cosoble oo qoraallo isku weydaarsaday Facebook first appeared on Caasimada Online.
-
1970-kii waxaa Aduunka katagay Hogaamiyihii weynaa ee Masar .Jamaal Cabdinaasir Xuseen Al-suldaan. oo ahaa ninka hogaamiya Caalamka Carabta. Awooda banaanatay (فراغ السلطة) Waxaa tartan ugallay Sadaam Xuseen iyo Qadaafi . oo labaduba Xukunka Wadamadooda qabsaday waqtiyo isku dhow Qadaafi wuxuu xukunka qabsaday 1969 halka Sadaam isna qabsaday Xukunka Ciraaq 1979 isagoo Inqilaab dhiig ku daadan Xukunka kaga qabsaday Axmed Xasan Al-bakar .oo ahaa nin soo gacan qabtay Sadaam Balse markii danbe Sadaam Xuseen .isku rogay xabsi gurina udiray . 1980 waxaa qarxay dagaalkii Udhaxeeyey Ciraaq iyo Iran . dagaalka ayaa salka ku hayey in Kacaanka Iran oo uu hogaaminayo Ayatullah Khumayni . ku fido Shiicada Ciraaq. Dagaalka Liibiya waxay la safatay Iran iyadoo ku taageertay dhaqaallo ahaan Siyaasad ahaan Iyo Mallatariba . Liibiya waxay hubka Sida Gantaallaha Iskodka kasoo iibin jirtay Bariga Yurub kadibna usii gud-bin jirtay Daraf Sadexaad oo ah Jamhuuriyada Islaamiga ee Iran .Hada ku darsoo Gantaalahan waxaa lagu duqaynayaa Magaalooyinka Ciraaq oo ah dalka Bariga ugu xigga Dunida Carabta . intaas oo kaliya kuma koobnaan Qadaafi ee wuxuu taageero iyo saanadba ufidiyey Mucaaradka Kurdiyiinta ee Waqooyiga Ciraaq sida Jalaal Talabani iyo Mascuud Al-barzani oo booqashooyin ku Tagi jiray Magaalada Tripoli ee Caasimada Liibiya . Sanadkii 1978 ilaa 1987 waxaa socday dagaalkii udhaxeeyey Jaad iyo Liibiya .dagaalka oo Liibiya ku rabtay in Mandaqada Qidaac Ows .oo ay leedahay Jaad Lagu soodaro Liibiya .maadama goobtan lagu tuhmayey inay ku jirto Macdanta Uranium. dagaalka Liibiya iyo Jaad .dhexmaray oo Liibiyaanka lagu jabiyey Sadaam Xuseen .wuxuu Wadanka Jaad ku taageeray dhaqaale iyo Hub isagoo saraakiil tababarayaal Ciraaqiyiin ah udiray Jaad. Caqliyada kaligii talisnimo ee udhaxaysay labada Nin ee Qadaafi iyo Sadaam ayaan ahayn mid usaamaxaysay inay Heshiiyaan . Tusaalle Liibiya waxay lahayd shiidaal Ciraaq iyana waxay lahayd .shiidaal mid kastaaba wuxuu doonayey in lacagta kasoo xaroota shiidalka wax .ku xukumo Qadaafi wuxuu ahaa nin wax .badan Akhriya sida kutubta Taariikhda falsafada iyo sugaanta .halka Sadaam Xuseen .ahaa nin aan wax .akhriyin . 2006-dii markii la daldalay Sadaam Xuseen . Qadaafi waxaa ku dhacay sas iyo baqdin uu ka qabay in loodillo sidii Sadaam .maruu Urrurka Jaamacada shir ku yeeshay Suuriya wuxuu Qadaafi ku khudbadeeyey in Hogaamiye kasta oo Carbeed ay sugayso Wadadii Sadaam Xuseen .la mariyey . Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa Jimcihii waxay degmada Dayniille ku dileen laba xidigle Xuseen Sheekh Muxumad (Xuseen Sandheere) oo ahaa sarkaal howlgal ah oo qaraabo dhaw ay yihiin Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik oo ku dhawaad muddo laba bilood ah u xiran arrimo siyaasadeed. Xuseen Sheekh Muxumad (Xuseen Sandheere) ayaa Arbacadii dhaweyd waxuu Muqdisho uga qeyb galay kulan odayaasha dhaqanka Mogadishu Clan ay ku dalbanayeen in si shuruud la’aan ah loo sii daayo Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik. Ismaaciil Cabdi Maalik Maalin oo in ka yar sanad taliye ka ahaa guudata 16-aad ee Danab ayaa la reesteeyay kadib markii uu xafiiska baneeyay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre? Inkasta oo aan la ogeyn cidda sida rasmiga ah uga dambeysa dilka Xuseen Sheekh Muxumad (Xuseen Sandheere), haddana dadka ehelka la ah waxay sheegeen inay ka shaki qabaan in dilkiisa ay ka dambeeyeen dad doonaya inay aamusiyaan dadka qeybta ka qaadanaya dadaallada lagu doonayo in Gaashaanle Ismaaciil uu xorriyadiisa dib u helo. Nabadoona Maxamed Xaad, oo ay isku beel yihiin Gaashaanle Ismaaciil, ayaa dhowaa si adag ugu digay madaxda sarre ee dowladda federaalka Soomaaliya isaga oo shaaciyay inay jiraan xubno ka tirsan dowladda oo shirqool u maleegaya Ismaaciil. Nabadoonka ayaa sheegay inay soo gaartay in la rabo in Ismaaciil loo wareejiyo xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku xiran yihiin dagaalyahano ka tirsan ururka Al-Shabaab, isla markaana la rabo inay ku dhex dilaan xabsiga, sida uu hadalka u dhigay. Wuxuu ku dhaartay in tallaabo ay ka shallaayi doonaan ay ka qaadayaan xubnaha abaabulaya shirqoolka lagu khaarajinayo Ismaaciil Maalin. The post Maxaa ka dhaxeeya dilkii Xuseen Dheere iyo xariga G/lle Ismaaciil Cabdi Maalik? first appeared on Caasimada Online.
-
Faransiiska oo u yeedhay safiirkiisii u fadhiyey Dalka Turkiga+Sababta Macron ayaa aad u amaanay macallinka loo dilay aflagaadeynta Islaamka Faransiiska ayaa wadatashi ugu yeeray safiirkiisa u fadhiya Turkiga, kadib markii uu Madaxweyne Rajab Tayib Erdogan hadallo xanaf leh ku weerarray dhiggiisa Emmanuel Macron. Erdogan oo la hadlayay xubno ka tirsan xisbigiisa AK party ayaa sheegay in Macron uu u baahan yahay baaritaan dhanka maskaxda ah, kadib markii uu hogaamiyaha Faransiiska sheegay inuu gacan bir ah ku qabanayo Islaamiyiinta xagjirka ah ee waddankiisa. Madaxweyne Macron oo ka falcelinayay dilka nin macallin taariikhda ahaa oo qoorta laga jaray kadib markii uu soo bandhigay sawir uu ku tilmaamay Nebi Maxamed NNKH, ayaa wacad ku maray in dalkiisa uusan joojin doonin sawirrada noocaasi ah. Mas’uul u hadlay Faransiiska ayaa sheegay in Erdogan uu “u dhaqmay si aan la aqbali karin oo xushmad darra ah.” Labada hogaamiye ee dalalkoodu ay ka wada tirsan yihiin gaashaanbuurta NATO ayaa mudooyinkii dambe isku hayay arimo ay kamid yihiin colaadaha Suuriya, Liibiya iyo Nagorno- Karabakh. Balse hadalka Erdogan ayaa ahaa mid si toos ah uu ugu weerarray shakhsiyadda Macron. Madaxweyne Erdogan ayaa ka carooday in qaar kamid ah dhismayaasha dowladaha hoose ee Faransiiska lagu soo bandhigay sawir gacmeedkii macallinka loo dilay, xilli xus loo samaynayay Arbacadii. Erdogan ayaa sheegay in Macron uu u baahan yahay baaritaan maskaxda ah. Waxa uu sidoo kale dhaliilay hadal uu Macron jeediyay ka hor dilkaasi oo ahaa in “Diinta Islaamka ay dhibaato xooggan wajahayso caalamka oo dhan.” Muslimiinta Faransa ayaa ah kuwa ugu badan Yurub, isla markaana gaaraya 10% tirada shacabka dalkaas. Qaar kamid ah Muslimiintaas ayaa ku eedeeyay Macron inuu geeska gelinayo diintooda, hadalladiisana ay qiil siin karaan kuwa Islaamka neceb. Xiisadda labada waddan ayaa meel adag gaartay, waxaana Turkiga uu taageeray in la qaadaco alaabaha Faransiiska lagu sameeyo, arintaasi oo ka billaabatay qeybo kamid ah Bariga Dhexe. Qaran News
-
Xiisadda ka dhalatay hadalkii Trump ee biya xidheenka Itoobiya oo cirka isku sii shareertay Wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya iyo safiirka Mareykanka u fadhiya Addis Ababa Dowladda Itoobiya ayaa ka dalbatay Mareykankaay inay sharaxaad ka bixiyaan hadal ka soo yeeray madaxwayne Donld Trump. Qoraal ay soo saartay wasarada arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa lagu sheegay in wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ay u yeertay safiirka Mareykanka u fadhiya magaalada Addis Abab. Wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya Gedu Andargachew, ayaa xafiiskiisa ugu yeeray safiirka Mareykanka ee itobiya Mike Raynor si uu sharaxaad uga bixiyo hadalkii Trump ee ahaa in Masar ay burburin karto biya-xireen ay Itoobiya ka dhisayso wabiga Nile. Mr Gedu ayaa hoosta ka xariiqay inay marin-habaabin tahay wararka sheegaya in biya-xireenka uu hakinayo qulqulka biyaha wabiga Nile. Bayaanka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa sidoo kale waxaa wax aan la aqbali Karin ku tilmaamay in madaxwayne Mareykan ah oo xil haya uu huriyo colaad dhexmarta Masar iyo Itoobiya. Wasiirka arrimaha dibadda ee dalak Itoobiya ayaa dhanka kale u sheegay safiirka Mareykanka in Itoobiya aysan waligeed ka baqin hanjabaad ka dhan ah madaxbanaanideeda, islamarakna ay diyaar u yihiin inay sii wadaan wadaxaajoodka ay gar-wadeenak ka yihiin midowga Afrika. Mar sii horreysay ria’sul wasxaaraha dalka Itoobiya ayaa sheegay in dalkiisa ” uusan u dulqaadan doonin daandaansi ama gardaro noocey doonto ha ahaa ” ka dib markii madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in Masar ay burburin karto biya-xireenka ay Itoobiya ka dhistay wabiga Nile. Mr Abiy Ahmed si toos ah ugama jawaabin hadalka Trump, balse waxaa muuki shaki ah waxa ku kalifay Mr Trump hadalka uu sheegay. Dr Abiy ayaa wacad ku maray in Itoobiya ay dhameystiri doonto Biya-xireenka. “Itoobiya isma dhiibi doonto gardara noocey doonto ha ahaatee,” ayuu yiri. “Itoobiya waligeed jilbaha uma dhigan oo ma adeecin cadowgeeda, balse waxay xushmeysaa saaxibadeed, ma sameynayno maanta mustaqbalkana ma sameyn doono.” Hanjabaad kasta oo arrintan ku saabsan waa “mid aan loo meel dayin, oo aan natiijo ka soo baxeyn islamarkana jabinaysa shuruucda caalamiga ah”. Ayuu intaa ku daray. Trump Hadalka rai’sul wasaaraha Abey Axmed ayaa ka dambeeyay ka dib markii madaxweynaha waddanka Mareykanka, Donald Trump, uu sheegay hadal guux badan ka kicyay gudaha waddanka Itoobiya. Trump ayaa tilmaamay in Masar ay burburin karto biyo-xireenka wayn ee ay Itoobiya ka dhinac dhisayso Webiga Nile. Trump ayaa hadalkaasi ka sheegay shir dhinaca taleefanka ah oo ay heshiiska diblumaasiyadeed ku gaarayeen dalalka Suudaan iyo Israa’iil, markaas oo ay khadka ku jireen madaxda labadaasi dal. Madaxweyne Trump ayaa weriyayaasha Aqalka Cad waxa uu ugu sheegay “Waa xaalad aad u halis badan sababtoo ah Masar sidaas ugama samri karto arrinta.” “Ugu dambayntii biyo-xireenkaas way burburin doonaan. Waan iri kor ayaanan u leeyahay – biyo-xireenkaas way burburin doonaan. Waana inay wax sameeyaan,” ayuu sii raaciyay Trump. Madaxweyne Trump intaas kuma uusan ekaan ee waxa kale oo uu tilmaamay in Masar ay arrintaasi ka seexatay: “Waa hore in uusan bilaaban ayey aheyd inay joojiyaan,” ayuu yiri. Dhanak kale ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaasi, Hailemariam Dessalegn, ayaa si caro leh arrintaas uga falceliyay. Dessalegn ayaa farriin uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay in hadalka Trump uu u sheegay ra’iisul wasaaraha Suudaan uu yahay mid aan loo meel dayin. Biyo xireenka itoobiya Waxa uu intaasi ku daray inuu ka daray inuu ka xun yahay inuu yiraahdo hasayeeshee ay dhabta tahay in ninkaasi [Trump] uusan ogayn waxa uu ku hadlayo. Reckless conversation of the President of US with Sudanese PM. Sorry to say but the man doesn't have a clue on what he is talking about. Ethiopia and Ethiopians will never be threatened by such irresponsible statement. History will teach every one.@AbiyAhmedAli @SudanPMHamdok — Hailemariam Dessalegn (@HMDessalegn) October 24, 2020 Dowladda iyo dadka Itoobiyaba waligood laguma handadin bayaan aanay mas’uuliyad ku dheehnayn oo noocaasi oo kale Horraantii bishii Sibteembar ayey aheyd markii dowladda Mareykanka ay ku dhawaaqday inay dhaqaalaha gargaarka ah ka jari doonto Itoobiya, arrin salka ku haysa biyo-xireenka ballaaran ee uu dalkaas ka dhinac dhisayo Webiga Nile. Arrintaas ayaa waxaa sabab u ahaa tallaabada ay Itoobiya ku buuxinayso biyo-xireenkan wayn ka hor inta aanay wax heshiis ah la gaarin dalalka Masar iyo Suudaan. Dowladda Masar ayaa muddo dheer waxa ay ka soo horjeedday in webiga Nile laga dhinac dhiso waxkasta oo yarayn kara biyaha ay hesho. Itoobiya ayaa iyana sheegaysa inay biyo-xireenkan u doonayso inay hesho koronto la isku halayn karo. Markii si buuxdo loo howlgaliyo biyo-xireenkaas, waxa uu noqon doonaa biyo-xireenka ugu wayn ee Afrika ee koronto lagu dhaliyo, iyadoo ay koronto heli doonaan 65 milyan oo qof oo Itoobiyaan ah. Masar, Suudan iyo Itoobiya ayaa muddo sanado ah waxa ay lahaayeen wadahadallo ay doonayeen inay uga heshiiyaan qaabka iyo habka ugu habboon ee si nabad ah xal looga gaari karo ammaanka biyaha Webiga Nile. Qaran News
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Bar___Qubanaha-24102020.mp3 View the full article
-
Turkish President Recep Tayyip Erdogan blasted France and Europe on Saturday over what he saw as "rising Islamophobia," just days after French President Emmanuel Macron dedicated a high-level ceremony to Samuel Paty, a teacher who was killed for showing students caricatures of Prophet Muhammad. Source: Hiiraan Online
-
Garoowe (Faallooyinka PP) — Dhaliilo badan ayaa loo soo jeediyay garsoorka Puntland. Dhowaan qoys reer Puntland ah ayaa maxkamadda racfaanka Nugaal ku eedeeyey inay kiis fal dambiyeed ku salaysnaa kala soo noqotay Maxkamadda Sare una beddeshay kiis rayid (madani). Haweeneyda cabashada soo marisay warbaahinta waxay sheegtay in Guddoomiyaha maxkamadda racfaanka Nugaal uu u eexday gabar burburisay hanti kaddibna sheegatay dhul “si sharci ah loo kala iibsaday”. Maxkamadda racfaanku, sida haweeneydu sheegtay, waxay dhulka la isku ‘haysto’ u xukuntay nin aan markii hore kiiska ku jirin. Ma aha eedeyn garsoorka Puntland uu indhaha ka laali karo. Dheelliga ku yimid garsoorka Puntland muddo ayuu soo jiitamayay. Kiiskii ku saabsanaa dilkii Hodan Shanlayste wuxuu bannaanka soo dhigay, sida waaxda dambaarista Puntland ay sheegtay, in tuhmaneyaashii laga qaaday tijaabo dheecaan ah (DNA test) 11 bilood kaddib markii Hodan la dilay. Garsoorka Puntland kama maarmo dib-u-habayn iyo dib-u-cusboonaysiin. Waa nasiibdarro in garsoorka Puntland uu tirtiro magacii uu ku helay kiiskii Caasho Ilyaas, gabartii kufsi wadareed iyo dil la iskugu daray. Sida muuqata garsoorka Puntland wuxuu qaaday waddo halis ku ah kalsoonida dadku ku qabo dowladda Puntland. Haddii garsoorka Puntland noqdo aalad lagu adeegto ama wax laga tabcado waxaa lagama-maarmaan noqonaysa in dadku u noqdo xeerarkii ay ku kala bixi jireen. Taas macnaheedu waa in dadku garnaqsi u arki doonaan marin ka habboon hey’adaha garsoorka Puntland. Danaha iska hor imanaya (garsoore iyo qof dacwad qeyb ka ah oo wax isu ah, tusaale ahaan) ayaa wiiqa tayada adeegyada hey’adaha garsoorka Puntland. Garsoorka Puntland wuxuu u baahan yahay dib-u-eegis. Weli muu dhaafsiisna heerkii uu ku billowday oo ku salaysan maamul beelo tol ah wada samaysteen. Garsoorka Soomaaliya wuxuu ku dhisnaa u adeegista dad hayb qaran wadaaga xitaa markii dalka ay ka talinaysay dowlad ciidammadu hoggaaminayeen. Haddii garsoorka Puntland sii ahaado mid aan u baahnayn dib-u-eegis ama dib u cusboonaysiin, waxa gebi ahaanba idlaan doonta kalsoonida dadku ku qabaan hey’adaha dowladda Puntland. © Puntland Post, 2020 The post Garsoorka Puntland dib-u-eegis ayuu u baahan yahay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen daacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Waarka-Habeen-24102020.mp3 View the full article
-
Photo by Rory Turnbull / EyeEm / Getty Images. Fifty years ago, University of California professor Garrett Hardin penned an influential essay in the journal Science. Hardin saw all humans as selfish herders: we worry that our neighbors’ cattle will graze the best grass. So, we send more of our cows out to consume that grass first. We take it first, before someone else steals our share. This creates a vicious cycle of environmental degradation that Hardin described as the “tragedy of the commons.” It’s hard to overstate Hardin’s impact on modern environmentalism. His views are taught across ecology, economics, political science and environmental studies. His essay remains an academic blockbuster, with almost 40,000 citations. It still gets republished in prominent environmental anthologies. But here are some inconvenient truths: Hardin was a racist, eugenicist, nativist and Islamophobe. He is listed by the Southern Poverty Law Center as a known white nationalist. His writings and political activism helped inspire the anti-immigrant hatred spilling across America today. And he promoted an idea he called “lifeboat ethics”: since global resources are finite, Hardin believed the rich should throw poor people overboard to keep their boat above water. To create a just and vibrant climate future, we need to instead cast Hardin and his flawed metaphor overboard. People who revisit Hardin’s original essay are in for a surprise. Its six pages are filled with fear-mongering. Subheadings proclaim that “freedom to breed is intolerable.” It opines at length about the benefits if “children of improvident parents starve to death.” A few paragraphs later Hardin writes: “If we love the truth we must openly deny the validity of the Universal Declaration of Human Rights.” And on and on. Hardin practically calls for a fascist state to snuff out unwanted gene pools. Or build a wall to keep immigrants out. Hardin was a virulent nativist whose ideas inspired some of today’s ugliest anti-immigrant sentiment. He believed that only racially homogenous societies could survive. He was also involved with the Federation for American Immigration Reform (FAIR), a hate group that now cheers President Trump’s racist policies. Today, American neo-Nazis cite Hardin’s theories to justify racial violence. These were not mere words on paper. Hardin lobbied Congress against sending food aid to poor nations, because he believed their populations were threatening Earth’s “carrying capacity.” Of course, plenty of flawed people have left behind noble ideas. That Hardin’s tragedy was advanced as part of a white nationalist project should not automatically condemn its merits. But the facts are not on Hardin’s side. For one, he got the history of the commons wrong. As Susan Cox pointed out, early pastures were well regulated by local institutions. They were not free-for-all grazing sites where people took and took at the expense of everyone else. Many global commons have been similarly sustained through community institutions. This striking finding was the life’s work of Elinor Ostrom, who won the 2009 Nobel Prize in Economics (technically called the Sveriges Riksbank Prize in Economic Sciences in Memory of Alfred Nobel). Using the tools of science—rather than the tools of hatred—Ostrom showed the diversity of institutions humans have created to manage our shared environment. Of course, humans can deplete finite resources. This often happens when we lack appropriate institutions to manage them. But let’s not credit Hardin for that common insight. Hardin wasn’t making an informed scientific case. Instead, he was using concerns about environmental scarcity to justify racial discrimination. We must reject his pernicious ideas on both scientific and moral grounds. Environmental sustainability cannot exist without environmental justice. Are we really prepared to follow Hardin and say there are only so many lead pipes we can replace? Only so many bodies that should be protected from cancer-causing pollutants? Only so many children whose futures matter? This is particularly important when we deal with climate change. Despite what Hardin might have said, the climate crisis is not a tragedy of the commons. The culprit is not our individual impulses to consume fossil fuels to the ruin of all. And the solution is not to let small islands in Chesapeake Bay or whole countries in the Pacific sink into the past, without a seat on our planetary lifeboat. Instead, rejecting Hardin’s diagnosis requires us to name the true culprit for the climate crisis we now face. Thirty years ago, a different future was available. Gradual climate policies could have slowly steered our economy towards gently declining carbon pollution levels. The costs to most Americans would have been imperceptible. But that future was stolen from us. It was stolen by powerful, carbon-polluting interests who blocked policy reforms at every turn to preserve their short-term profits. They locked each of us into an economy where fossil fuel consumption continues to be a necessity, not a choice. This is what makes attacks on individual behavior so counterproductive. Yes, it’s great to drive an electric vehicle (if you can afford it) and purchase solar panels (if powerful utilities in your state haven’t conspired to make renewable energy more expensive). But the point is that interest groups have structured the choices available to us today. Individuals don’t have the agency to steer our economic ship from the passenger deck. As Harvard historian Naomi Oreskes reminds us, “[abolitionists] wore clothes made of cotton picked by slaves. But that did not make them hypocrites … it just meant that they were also part of the slave economy, and they knew it. That is why they acted to change the system, not just their clothes.” Or as Representative Alexandria Ocasio Cortez tweeted: “Living in the world as it is isn’t an argument against working towards a better future.” The truth is that two-thirds of all the carbon pollution ever released into the atmosphere can be traced to the activities of just ninety companies. These corporations’ efforts to successfully thwart climate action are the real tragedy. We are left with very little time. We need political leaders to pilot our economy through a period of rapid economic transformation, on a grand scale unseen since the Second World War. And to get there, we are going to have make sure our leaders listen to us, not—as my colleagues and I show in our research—fossil fuel companies. Hope requires us to start from an unconditional commitment to one another, as passengers aboard a common lifeboat being rattled by heavy winds. The climate movement needs more people on this lifeboat, not fewer. We must make room for every human if we are going to build the political power necessary to face down the looming oil tankers and coal barges that send heavy waves in our direction. This is a commitment at the heart of proposals like the Green New Deal. Fifty years on, let’s stop the mindless invocation of Hardin. Let’s stop saying that we are all to blame because we all overuse shared resources. Let’s stop championing policies that privilege environmental protection for some human beings at the expense of others. And let’s replace Hardin’s flawed metaphor with an inclusive vision for humanity—one based on democratic governance and cooperation in this time of darkness. Instead of writing a tragedy, we must offer hope for every single human on Earth. Only then will the public rise up to silence the powerful carbon polluters trying to steal our future. Matto Mildenberger is assistant professor of environmental politics at the University of California, Santa Barbara, where Garrett Hardin worked until 1978. The views expressed are those of the author(s) and are not necessarily those of Scientific American. Source: Scientific American The post The Tragedy of the ‘Tragedy of the Commons’ appeared first on Puntland Post.
