-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Askari ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa maanta ka bad-baaday shirqool dil oo ay u maleegayeen dabley hubeysan, xili uu ku jiray Maqaayad. Askariga oo xiligaasi ku sugnaa Maqaayad ku taala xaafada Jamhuuriya ee degmadda Kaaraan, ayaa lasoo sheegaya inuu ku baraarugay halista uu dhexda u galay, isagoona dilay mid kamid ah raggii u diyaariyey shirqoolka. Ninka la dilay oo ay wehlinayeen labo qof oo kale oo ku hubeysnaa bastoolado, ayaa rabay inay khaarajiyeen Askarigan oo xiligaasi ka cunteynayay maqaayada. Wararka ayaa intaasi waxay kusii darayaan in labadii qof ee kale ay goobta ka baxsadeen, kadib markuu Askarigu toogtay Ninkii kale ee la socday. Waxaa goobtaasi baaris ka bilaabay ciidamo ka tirsan booliska oo isla markiiba gaaray, iyagoona howl-galo lagu baadi-goobayo labadii ruux ee kale ka bilaabay xaafadaha kala duwan ee degmada Kaaraan. Askarta ka howl-gasha magaalada Muqdisho ayaa badanaa halis ugu jira beegsiga, iyada oo inta badan falalkaasi qorsheysan ay mas’uuliyadiisa sheegato kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab. The post Askari Muqdisho uga bad-baaday shirqool halis ah - Muxuu kadib sameeyey? first appeared on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir guddoomiyay kulankii ugu horeeyey ee ay yeeshaan xubnaha golaha Wasiirada ee maanta la dhaariyay. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa shaqooyinka horyaala Golaha Wasiirrada iyo xoojinta wada shaqaynta dhexdooda ah, si loogu guuleysto ka miro dhalinta qorshaha xukumadda ee ku salaysan ku u adeeggidda bulshadda iyo sareysta sharciga . Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay Golaha Xukuumadda in si dhaqso ah ay shaqooyinkooda u guda galaan, xilalkana ula wareegaan, si looga faa’iideysto waqtiga haray, loona fuliyo qodobadii ku jiray barnaamijka Xukuumadda ee baarlamaanku ansixiyey. “Waxaa Alle mahadii ah inaan yeelanay kulankii ugu horeeyey kadib markii maanta la dhaariyay golaha cusub, waxaana idinka rajeynayaa inaad xilalka si deg deg ah ula wareegtaan, si looga faa’iideysto waqtiga haray”.ayuu yiri R/W Maxamed Xuseen. Halkan hoose ka aqriso:- View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacii badalay magacii xukuumaddiisa oo ahaa “Xukuumadda Kala-Guurka,” maadaama ay kusoo aaday xilli kala guur ah. Golaha Shacabka ayaa maanta ansixiyay xukuumadda cusub ee ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, wuxuuna hadal jeedintiisii barnaamijka xukuumadiisa isticmaalay magac cusub oo uu u bixiyey xukuumadda oo ah “Xukuumadda Isla-Guur”. “Waxaan idiin soo gudbinayaa Barnaamijka xukuumadda oo aan aaminsanahay iney ka turjumeyso marxaladda dalka marayo ee waqtiga isla-guurka,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Lama oga ujeedada ka dambeysa isticmaalka eraygaas, walow ay dadka siyaasadda ka faallooda ku fasireen in ra’iisul wasaaraha ula jeedo inuu ku muujiyo midnimo oo ah in dalku isku meel u socdo. Xukuumadda ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxaa looga fadhiyaa muddada yar ee u hartay iney ku qabtaan hawlaha horyaalla oo ay ugu weyn tahay arrimaha doorashada. Xukuumaddan ayaa wax go’aano ah ku lahayn doorashada dalka ka dhaceysa iyo habka loo fulinayo, maadaama ay taas heshiis ka gaareen madaxweynaha iyo madax goboleedyada, waxaana laga doonayaa kaliya inay dhaqan-geliso heshiiskaas. The post R/W Rooble oo magaca ka beddelay xukuumaddiisa una bixiyey mid cusub first appeared on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir guddoomiyay kulankii ugu horeeyey ee ay yeeshaan xubnaha golaha Wasiirada ee maanta la dhaariyay. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa shaqooyinka horyaala Golaha Wasiirrada iyo xoojinta wada shaqaynta dhexdooda ah, si loogu guuleysto ka miro dhalinta qorshaha xukumadda ee ku salaysan ku u adeeggidda bulshadda iyo sareysta sharciga . Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay Golaha Xukuumadda in si dhaqso ah ay shaqooyinkooda u guda galaan, xilalkana ula wareegaan, si looga faa’iideysto waqtiga haray, loona fuliyo qodobadii ku jiray barnaamijka Xukuumadda ee baarlamaanku ansixiyey. “Waxaa Alle mahadii ah inaan yeelanay kulankii ugu horeeyey kadib markii maanta la dhaariyay golaha cusub, waxaana idinka rajeynayaa inaad xilalka si deg deg ah ula wareegtaan, si looga faa’iideysto waqtiga haray”.ayuu yiri Raysal Wasare Maxamed Xuseen. Daawo Wasiirka Ku Xigeenka Warfaafinta Soomaaliya oo faah faahiyay kulankii Golaha https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/10/wasiir-ku-xigeenka-warfaafinta-.mp4 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ethiopia on Saturday denounced “belligerent threats” over the huge dam it has nearly completed on the Blue Nile River, a day after U.S. President Donald Trump said downstream Egypt will “blow up” the project it has called an existential threat. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaya eedeo la xiriira caddaalad darro lagu sameeyey kursiga ay beesha Awbakar Gaabane ee Harti-Abgaal ku leedahay baarlamanka maamulka HirShabeelle, oo dhismihiisa uu hadda socdo. Kursiga ayaa waxaa hadda ku fadhiya xildhibaan kasoo jeeda jufada Cali Yacquub oo ka mid ah afarta jufo ee beesha Awbakar Gaabane, ayada oo saddexda kale ay yihiin; Xasan Yacquub, Axmed Yacquub iyo Khajafweyn. Sida ay tahay nidaamka wax qeybsiga jufooyinka, ee ah in la wareejiyo kuraasta, waxaa qorshuhu ahaa in kursigan aysan kusoo laaban beesha Cali Yacquub maadaama ay ku fadhiyeen afar sano, sidaas darteedna la siiyo saddexda beel ee kale midkood. Jufada Xasan Yacquub, waxay ku fadhisaa kursiga xildhibaanka federaalka oo uu haysto wasiirkii hore ee amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale. Waxay sidoo kale Jufadan haysataa agaasimaha guud ee wasaaradda dekedaha oo uu kasoo jeedo Dhagaxtuur. Sidaas darteed, waxay ahayd in Imaamka Mudulood, Imaam Maxamed Yuusuf oo isna kasoo jeeda jufada Xasan Yacquub, uu kursigan siiyo Axmed Yacquub ama Khajafweyn midood, hase yeeshee waxaa lagu warramay inuu go’aamiyey in lagu celiyo beesha Cali Yacquub. Odayaal ka tirsan Axmed Yacquub iyo Khajafweyn, oo lasoo xiriiray Caasimada Online, ayaa sababta sidan loo sameeyey ku sheegay inay tahay in jufada Cali Yacquub aysan Xasan Yacquub ku qabsan kursiga xildhibaanka federaalka, oo loo tartamayo dhowaan. Waxay sidoo kale sheegeen in arrintan uu ku lug leeyahay wasiir Ducaale. Odayaasha ayaa nasiib-darro ku tilmaamay in Imaamka uu caddaalad fali waayo beeshii uu kasoo jeeday, waxayna is-weydiiyeen sida uu ugu caddaalad fali karo Mudulood, haddiiba uu sidan ku dhex sameeyey beeshiisa. Caasimada Online oo isku dayday inay la xiriirto Imaamka iyo Ducaale, si ay wax uga weydiiso arritan uma suurta-gelin. The post Eedo musuq-maasuq iyo caddaalad darro oo hareeyey kursiga beesha Awbakar Gaabane first appeared on Caasimada Online.
-
Waxaa laguwadaa in uu Adis Ababa ka furmo kulan u dhexeeya Puntland iyo Itoobiya Kulankasoo looga wada hadli doono Xiriirka labada dhinac. Madaxweynaha Dowlada Puntland [...] The post Puntland iyo Itoobiya oo kulan u bilaabanayo appeared first on . Source
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa lagu wadaa in uu maalmaha soo socda safar ugu baxo magaalada Adddis Ababa ee xarunta waddanka Ethiopia. Madaxweyne Deni, oo maalinta berriya furi doona Kal-fadhiga 47-aad ee Baarlamanka Puntland, ayaa sida qorshaysan Golaha u jeedin doona khudbad ku saabsan Arrimaha Xukuumaddiisa u qabsoomay mudadii u dhexaysay labada kal-fadhi ( 30 July-25 October 2020). Sidoo kale, Madaxweyne Deni, ayaa la filaya in uu todobaadkan gudihiisa u baxo safarkiisa Ethiopia, kaas oo la xiriira Arrimaha Horumarinta Ganacsiga, sida ay xaqiijiyeen dad lagu kalsoonyahay. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo u baxaya Safar dibadda ah appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta isbadal ku sameeyay taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed. Madaxweynaha wuxuu isbadal ku sameeyay laba jago oo ah taliye ku-xigeenka taliska xoogga dalka iyo taliska ciidanka lugta. Farmaajo wuxuu taliye ku xigeenka ciidanka xoogga dalka u magacaabay Jeneraal Cabaas Amiin Cali, sidoo kale,a Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayuu u magacaabay taliyaha ciidanka dhulka, halka Col. Xuseen Xoos loo magacaabay taliye ku xigeenka ciidanka dhulka. Xaflad lagu qabtay wasaaradda gaashaandhigga ayey maanta xilalka kula wareegeen saraakiisha la magacaabay iyadoo aan la shaacin magacaabistooda. Dowladda dhexe waxey mudooyinkii ugu dambeeyay mashquul ku noqotay isbadalka saraakiisha ciidanka xoogga dalka, ayada oo mucaaradka ay arintaan dhaliil xoog leh kasoo jeediyeen. Dadka saluugsan siyaasadda dowladda dhexe waxey aaminsan yahiin in isbedelada joogtada ah ay cuuryaaminayaan shaqada ciidaka xoogga dalka, oo dagaal ba’an kula jira dagaalyahanada Al-Shabaab. The post Madaxweyne Farmaajo oo isbedel ku sameeyay taliska ciidanka xoogga dalka first appeared on Caasimada Online.
-
WAREEGTO MADAXWEYNE: 24 /10/2020 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-565/102020 iyo JSL/XM/WM/222-566/102020 uu Xilka qaadis, bedel iyo Magacaabid ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta xukuumaddiisa. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne UJEEDDO: XIL KA-QAADIS Ku: Sahal Maxamed Jaamac; Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Mudane, Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad u haysay Qaranka. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka. UJEEDDO: MAGACAABID Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan: 1. Maxamed Cabdi Maxamuud Samatar Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka. 2. Maxamed Xasan Dirir Maxamuud Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha . 3. Axmed Cabdi Ismaaciil Caqli Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka. 4. Mubaarak Cabdillaahi Ibraahin Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaan-dhiga. 5. Maxamed Geeddi Caynaanshe Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda. 6. Xamse Suldaan Aadan Faarax Agaasimaha Guud ee Hay’adda Dhawrista Tayada ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha JSL. <img class=”j1lvzwm4″ src=”data:;base64, ” width=”18″ height=”18″ /> <img class=”j1lvzwm4″ src=”data:;base64, ” width=”18″ height=”18″ /> <img class=”j1lvzwm4″ src=”data:;base64, ” width=”18″ height=”18″ /> 255Abdisalan M Ismail, Mohamed Abdirahman and 253 others 150 Comments 106 Shares Like Comment Share Qaran News
-
The council of ministers appointed by PM Mohamed Hussein Roble last week has been sworn after parliament endorsement on Saturday following a session in Mogadishu. According to the house speaker Mohamed Mursal, all 188 MPs present at the sitting have voted to approve the new cabinet which is made up of 27 members. The three-month-mandate new Somali cabinet consists of a Deputy PM, 26 ministers, 17 state ministers, and 26 deputy ministers. View the full article
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo Golaha Shacabka horgeeyey xubnaha cusub iyo Qorshaha Golaha Xukuumadda ayaa xusay in barnaamijka Xukuumaddu ay saldhig u yihiin arrimaha hortabinta u leh dalka oo ay ugu horrayso qabsoomidda doorashooyinka, adkeynta amniga, horumarinta caddaaaladda, dowlad-wanaagga, kordhinta adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay wadajir ugala shaqeynayso Dowladaha Xubnaha ka ah DF iyo shacabka Soomaaliyeed suggida aminga xilliga Doorashadda, Iyadoo laga amba-qaadayo go’aanadii ka soo baxay shirarkii Samareeb iyo midkii ka danbeeyey ee Golaha Wadatashiga Qaranku ay ku heshiiyeen Muqdisho, 17kii Sebtember 2020, laguna qeexayay qaabka doorashooyinka, ergooyinka, deegaan doorashada, qoondada haweenka iyo in ay doorashooyinku ay ku dhacaan waqtigooda. “Xukuumadda oo kaashaneysa Dowladaha Xubnaha ka Ah DF, waxay dardar-gelinaysaa dadaallada dhammaystirka dib-u-eegista Qorshaha Amniga ee xilligan muhiimka ah. Waxa aan shaki ku jirin in fulinta qorshahan uu siin-doono shacabka, hay’adaha dowladda iyo ciidamada amnigu fursad ay si wadajir ah u sugayaan xasilloonida iyo nabadda dalka”. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa uga mahadceliyey Golaha Shacabka ansixinta Xukuumadda iyo barnaamijkeeda, si ay u gutaan shaqooyinka adag ee laga sugayo, isagoo tilmaamay in Xukuumaddiisu ay mudnaan gaar ah siin doonto wax ka qabashada xadgudubyada ka dhanka ah qeybaha bulshada ee nugul. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Rooble oo uga mahadceliyey Xildhibaannada ansixinta Golaha iyo Qorshaha Xukuumadda appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Sabti ah Isbedel ku sameeyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Milateriga Soomaaliya. Digreeto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Farmaajo, ayaa waxa xilka Taliye ku-xigeenka Ciidanka Milateriga loogu magacaabay in uu noqdo Jeneraal Cabaas Amiin Cali oo hore u ahaa Taliyaha Ciidanka Dhulka. Madaxweyne Farmaajo, ayaa sidoo kale Taliyaha Ciidanka Dhulka u magacaabay Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi, halka Taliye ku-xigeenka Ciidanka Dhulka loo magacaabay Col. Xuseen Xoosh. Taliyeyaasha Cusub ee uu magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa maanta si rasmi ah xilalka loogu kala wareejiyay, kadib Munaasabad lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo isbeddel ku sameeyay Taliyaal ka tirsan Milateriga Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
New Delhi (Caasimadda Online) – Dowladda Hindiya ayaa ka hadashay muwaadiniinta la sheegay in looga heysto magaalada Muqdisho, waxeyna sheegeen iney ka shaqeyn doonaan sidii loo sii deyn lahaa. 33 muwaadiniin ah oo u dhashay dalkaas ayaa lagu warramay inay afduub ku haysato shirkad Soomaaliyeed oo fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Wasiirka arrimaha dibadda Hindiya Subrahmanyam Jaishankar ayaa sheegay iney wadaan dadaalo ay ugu gar-gaarayaan shaqaalaha reer Hindiya, kuwaas oo la sheegay iney dhibaato ku heyso gudaha Soomaaliya. Wasiirka wuxuu boggiisa twitter-ka ku qoray in safaaradda ay ku leeyahiin Nairobi iyo wasaaradiisa ay ka shaqeyn doonaan sidii dib wadankooda loogu soo celin lahaa 33 muwaadin oo ku xayiran Muqdisho. Rajesh Mani oo u dhaq-dhaqaaqa arrimaha bulshada ayaa sheegay in 33-ka qof oo ahaa shaqaale, islamarkaana 25 ka mid ah ay kasoo jeedaan gobolka Uttar Pradesh, ay shirkad Soomaali ah ku haysato Muqdisho muddo sideed bilood ah. Sida uu sheegay Mani, dadkan ayaa shirkadda Soomaalida ah ku biiray 10 bilood ka hor, markii ay ka heleen qandaras shaqo. Waxa uu yiri in labadii bil ee ugu horrreysay loola dhaqmay si wanaagsan, hase yeeshee sideeddii bilood ee dambe aan la siin mushaharkooda. Markii ay dalbadeen mushaharkooda ayuu sheegay in laga qaatay baasabooradooda, loogu hanjabay in la toogan doono, laguna qasbay inay shaqeeyaan. Waxa uu intaas ku daray inay ku dhex nool yihiin warshad ay leedahay shirkadda. Lama shaacin magaca shirkadda dadkan ay u afduuban yihiin, iyo sababta loo haysto midna. Dowladda Soomaaliya ayaan wali wax war ah kasoo saarin arrinka iyadoo sidoo kale shirkadda lagu eedeeyay gabood-falkaan aysan sidoo kale afkeeda u kala furin wararka ay baahinayaan warbaahinta. The post Maxaa kusoo kordhay 33-ka qof oo Hindida ah ee shirkad 'ay ku haysato' Muqdisho? first appeared on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh oo ka hadlay ansixitan xubnaha cusub iyo Qorshaha Golaha Xukuumadda ayaa sheegay in kukuumadaan cusub looga fadhiyaa qabsoomidda doorasho waqtigeeda ku dhacda. Daawo Hadal Jeedintii Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo Golaha Shacabka horgeeyey xubnaha cusub iyo Qorshaha Golaha Xukuumadda ayaa xusay in barnaamijka Xukuumaddu ay saldhig u yihiin arrimaha hortabinta u leh dalka oo ay ugu horreyso qabsoomidda doorashooyinka, adkeynta amniga, horumarinta caddaaaladda, dowlad-wanaagga, kordhinta adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay wadajir ugala shaqeynayso Dowladaha Xubnaha ka ah DF iyo shacabka Soomaaliyeed suggida aminga xilliga Doorashadda, Iyadoo laga amba-qaadayo go’aanadii ka soo baxay shirarkii Samareeb iyo midkii ka danbeeyey ee Golaha Wadatashiga Qaranku ay ku heshiiyeen Muqdisho, 17kii Sebtember 2020, laguna qeexayay qaabka doorashooyinka, ergooyinka, deegaan doorashada, qoondada haweenka iyo in ay doorashooyinku ay ku dhacaan waqtigooda. “Xukuumadda oo kaashaneysa Dowladaha Xubnaha ka Ah DF, waxay dardar-gelinaysaa dadaallada dhammaystirka dib-u-eegista Qorshaha Amniga ee xilligan muhiimka ah. Waxa aan shaki ku jirin in fulinta qorshahan uu siin-doono shacabka, hay’adaha dowladda iyo ciidamada amnigu fursad ay si wadajir ah u sugayaan xasilloonida iyo nabadda dalka”. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa uga mahadceliyey Golaha Shacabka ansixinta Xukuumadda iyo barnaamijkeeda, si ay u gutaan shaqooyinka adag ee laga sugayo, isagoo tilmaamay in Xukuumaddiisu ay mudnaan gaar ah siin doonto wax ka qabashada xadgudubyada ka dhanka ah qeybaha bulshada ee nugul. Daawo Hadal Jeedintii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiir Ciyaaraha iyo dhalinyarada Soomaaliya mudane Xamza Saciid Xamza oo ka hadlay furitaanka tartanka kubbadda cagta degmooyinka Gobolka Banaadir 2020 ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu ka qeyb galo tartanka degmooyinka,isagoo guul iyo horomar u rajeeyay kooxaha iyo ciyaaryahanadaka qeyb galaya tartanka degmooyinka 2020. Daawo Hadal Jeedintii Wasiir Xamza ee Furitaanka Tartanka Degmooyinka 2020 https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/10/hamza.mp4 Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-565/102020 iyo JSL/XM/WM/222-566/102020 uu Xilka qaadis, bedel iyo Magacaabid ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta xukuumaddiisa. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne UJEEDDO: XIL KA-QAADIS Ku: Sahal Maxamed Jaamac; Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Mudane, Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad u haysay Qaranka. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka. UJEEDDO: MAGACAABID Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan: Maxamed Cabdi Maxamuud Samatar Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka. Maxamed Xasan Dirir Maxamuud Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha . Axmed Cabdi Ismaaciil Caqli Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka. Mubaarak Cabdillaahi Ibraahin Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaan-dhiga. Maxamed Geeddi Caynaanshe Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda. Xamse Suldaan Aadan Faarax Agaasimaha Guud ee Hay’adda Dhawrista Tayada ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha JSL. Source
-
Wasaaradda caafimaadka maamulka Somaliland ayaa war ka soo sartey kisas hor-leh oo maanta laga diiwaan-galiyey magalooyinka qaar ee maamulkaasi. Cumar Cali Cabdullaahi oo ah wasiirka caafimaadka Somaliland ayaa waxa uu sheegay in COVID-19 uu yahay mid halis ah, uuna markale kusoo laba kacleeyay maamulkaasi. Jabuuti ayuu sheegay wasiirka caafimaadka Somaliland inay qaaday tallaabooyin hor-leh oo lagu xakameynayo isu socodka bulshada, si looga hortago faafitaanka cudurka Coronavirus. Ugu dambeyn wasiirka caafimaadka Somaliland ayaa sheegay in maamulka Gobolka Awdal ay ku wareejiyeen gaari nooca gurmadka deg-dega ah iyo agabyo kale. Somaliland ayaa ka mid ah meelaha uu sida daran u sameeyey cudurka safmareenka ah ee Covid-19 oo weli fara ba’an ku hayo qaar ka mid ah wadamada caalamka. View the full article
-
Wakiilka Ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna madaxa howl-galka nabad ilaalinta AMISOM Ambassador Francisco Madeira ayaa ballan qaaday in Soomaaliya ay si weyn ugu caawin doonaan amniga doorashooyinka baarlamaanka iyo midka madaxweynaha ee dalka. Madeira ayaa xusay in Midowga Afrika ay tababaro gaar ah siiyeen ciidamada amniga ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, si ay qeyb weyn ay ugu qaataan sugida amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka soo socda 2020 illaa 2021-ka. “Sida uu yahay qorshaha inoo degsan waxaa ciidamadeena Booliiska ay koontarooli doonaan dhammaan deegaanada ay gacanta ku hayaan iyagoo taageero gaar ah siinaya ciidamada Booliiska Soomaaliya, kuwa milateriga, daraawiishta iyo hay’addaha kale ee ammaanka” ayuu yiri ergeyga Ururka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya. Sidoo kale Francisco Madeira ayaa intaasi ku daray in ciidamadooda ay si gaar ah u sugi doonaan amniga wafuuda ka qeyb galeysa doorashooyinka oo ay ku jiraan odayaasha dhaqanka, si aysan u bartilmaameedsan Al-Shabaab. Soomaaliya ayaa lagu wadaa in bilaha soo socda ay ka dhacaan doorashooyinka 2020/2021, iyada oo uu jiro diyaar garow xoogan oo ay ku jiraan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya si la xaqiijiyo amniga guud ee dalka. View the full article
-
Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay SL/XM/XKQ/222/1-565/102020 iyo SL/XM/WM/222-566/102020 uu Xilka qaadis, bedel iyo Magacaabid ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta xukuumaddiisa. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne UJEEDDO: XIL KA-QAADIS Ku: Sahal Maxamed Jaamac; Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Mudane, Sida aad la socoto, xilka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad u haysay. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka. UJEEDDO: MAGACAABID Markaan Arkay: Dastuurka Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; arkaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan: 1- Maxamed Cabdi Maxamuud Samatar Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka. 2- Maxamed Xasan Dirir Maxamuud Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha . 3- Axmed Cabdi Ismaaciil Caqli Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta. 4- Mubaarak Cabdillaahi Ibraahin Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaan-dhiga. 5-Maxamed Geeddi Caynaanshe Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda. 6- Xamse Suldaan Aadan Faarax Agaasimaha Guud ee Hay’adda Dhawrista Tayada View the full article
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo golaha Shacabka horgeeyay xubnaha cusub iyo qorshaha golaha Xukuumadda ayaa xusay in barnaamijka Xukuumaddu ay saldhig u yihiin arrimaha hortabinta u leh dalka oo ay ugu horreyso qabsoomidda doorashooyinka, adkaynta amniga, horumarinta caddaaaladda, dowlad-wanaagga, kordhinta adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay wadajir ugala shaqaynayso dowladaha xubnaha ka ah DF iyo shacabka Soomaaliyeed suggidda aminga xilliga doorashadda, iyadoo laga amba-qaadayo go’aannadii ka soo baxay shirarkii Samareeb iyo midkii ka danbeeyey ee Golaha Wadatashiga Qaranka ay ku heshiiyeen Muqdisho, 17kii Sebtember 2020, laguna qeexayay qaabka doorashooyinka, ergooyinka, deegaan doorashada, qoondada haweenka iyo in ay doorashooyinku ay ku dhacaan waqtigooda. “Xukuumadda oo kaashanaysa dowladaha xubnaha ka Ah DF, waxay dardar-gelinaysaa dadaallada dhammaystirka dib-u-eegista qorshaha Amniga ee xilligan muhiimka ah. Waxa aan shaki ku jirin in fulinta qorshahaan uu siin-doono shacabka, hay’adaha dowladda iyo ciidamada amniga fursad ay si wadajir ah u sugayaan xasilloonida iyo nabadda dalka”ayuu yiri ra’iisalwasaare Rooble. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya wuxuu uga mahadceliyay golaha shacabiga ansixinta xukuumadda iyo barnaamijkeeda, si ay u gutaan shaqooyinka adag ee laga sugayo, wuxuuna cadeeyay in xukuumaddiisa ay mudnaan gaar ah siin doonto wax ka qabashada xadgudubyada ka dhanka ah qaybaha bulshada ee nugul. View the full article
-
MOGADISHU (HOL) - Somali parliament Saturday endorsed the newly appointed cabinet which comprises of both new minister and those from the previous government. Source: Hiiraan Online
-
Kulanka golaha shacabka baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo goordhow furmay ayaa waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha golaha mudane, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan. Kulanka oo ay goobjoog ahaayeen 188 xildhibaan ujeedkiisuna ahaa kalsooni siinta golaha wasiirrada cusub oo dhawaan uu soo magacaabay ra’iisul wasaaraha xukuumadda mudane, Maxamed Xuseen Rooble iyo barnaamijka xukuumadda ayaa waxaa khudbd ka horjeediyay golaha ra’iisul wasaaraha cusub isagoo ka hor akhriyay barnaamijka xukuumadda oo ay kamid yihiin sugida amniga,caddaaladd,kobcinta dhaqaalaha,xakameynta Covid-19,ilaalinta xuquuqul insaanka iyo qabsoomida doorashooyinka 2020-2021. Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa xildhibaannada golaha shacabka ka codsaday in ay codka kalsoonida siiyaan golaha wasiirrada uu soo magacaabay si ay u dardar geliyaan howlaha horyaalla. Xildhibaannada oo codka kalsoonida u qaaday xukuumadda cusub ayaa waxaa oggolaatay 188,wax ka aamusay iyo wax diidayna majiraan sida uu sheegay guddoomiyaha golaha mudane Maxamed Mursal. Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa isla goobta ku dhaariyay xubnaha golaha wasiirrada cusub ee baarlamaanku uu meel mariyay. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Musharraxa xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden ayaa qorsheynaya in uu dalka Soomaaliya ka saaro liiska madow ee uu horay ugu daray madaxweynaha wadanka Mareykanka ee hadda haya talada dalkaasi, Donald Trump. Machadka Heritage Foundation oo warbixin cusub soo saaray ayaa tilmaamay in marka loo doorto xilka madaxweynaha kadib uu Biden doonayo in dalal badan oo ay ugu horreyso Soomaaliya uu ka qaado xayiraada socdaalka Mareynkanka ee lagu soo rogay. Heritage ayaa warbixintiisa ku sheegay in musharrax Joe Biden qorshihiisa ugu ballaaran uu yahay sidii meesha looga saari lahaa xayiraada dhanka socdaalka Mareykanka ka saaran wadamada kala ah Soomaaliya, Ciraaq, Iiraan, Liibiya iyo Yemen. Lixdaasi dal ayaa waxaa horey culeys u saaray madaxweyne Donald Trump, isaga oo Mareykanka ka mamnuucay muwaadiniintaasi dalalkaasi, wuxuuna shaaciyey inay ku badan yihiin waxa loogu yeero argagixisada. Warbixinta ka soo baxday Machadka Heritage Foundation ayaa waxaa lagu shaaciyey haddii Biden la doorto uu sidoo kale gudbin doono soo jeedin ku aadan qorshe muwaadinimada Mareykanka ku helayaan 11 milyan oo muhaajiriinta aan sharciga heysan. Musharraxa xisbiga Dimuqraadiga ayaa sidoo kale doonaya inuu gabi ahaan meesha ka saaro qorshaha uu Trump ku doonayo inuu ku baabi’iyo barnaamijka waalidiinta ay caruurtooda ku heysanyaan, markii ay galaan gudaha wadanka Mareykanka. Si kastaba Mareykanka ayaa isku diyaarinaya doorashada madaxtinimo ee dalkaasi oo hal todobaad kadib loo dareeri doono, taas oo ay ku loolami doonaan Musharrax Joe Biden iyo madaxweynaha hadda talada haya Donald Trump oo yeeshay doodo adag oo foolka fool ah. The post Joe Biden oo Soomaaliya ka saaraya liiska madow first appeared on Caasimada Online.
