Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. On the occasion of United Nations Day, the UN envoy to Somalia today highlighted the long-running partnership between the world body and the country, and reaffirmed the organization’s support for Somalis now and into the future. Source: Hiiraan Online
  2. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta barqanimadii gaaray gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Taliyaha ayaa markii uu gaaray Dhuusamareeb waxa uu madaxtooyada kulan kula qaatay madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo si weyn ugu soo dhaweeyay xarunta maamulkaasi. Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweyne Qoor-Qoor iyo taliye Xijaar ayaa ka wada-hadlay qorshe dhawaan dib u habeyn loogu sameyn doono ciidamada booliska Soomaaliya ee ka howl-gala deegaanada Galmudug. Sidoo kale waxa kulankaasi looga hadlay sugida amniga ee deegaanada Galmudug, gaar ahaan goobaha loo asteeyay inay ka dhacaan doorashooyinka labada Aqal iyo weliba dar-dar gelinta howl-gallada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab. Taliyaha ciidanka Booliiska ayaa la filayaa inta uu ku sugan yahay xarunta Galmudug inuu soo kormeeri doono xarumaha ciidamada ammaanka ee deegaanada Galmudug iyo goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka ee maamulkaasi. Wuxuuna dhawaan booqan doona taliyuhu xarumaha maamul goboleedyada kale ee dalka, sida Hir-Shabeelle, Galmudug, Puntland iyo Jubbaland, kadib marka uu soo idleeyo safarkiisa Galmudug. Soomaaliya ayaa dhowaan isku diyaarineysa qabsoomida doorashooyinka soo socda ee 2020/2021 oo heshiis looga gaaray magaalada Muqdisho, isla markaana iskugu jirta tan baarlamaanka iyo madaxweynaha. The post 3 qodob oo xasaasi ah oo looga hadlay kulankii dhex maray Qoor-Qoor iyo Xijaar first appeared on Caasimada Online.
  3. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo Axad ah furay Kal-fadhiga 47-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland. Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey furitaanka Kal-fadhiga, ayaa ka hadlay Arrimaha u qabsoomay Xukuumaddiisa mudadii u dhexaysay labada Kal-fadhi ee dhinacyada Amniga, Arrimaha Gudaha Iyo Dumuqraadiyeynta, Arrimaha Siyaasadda, Horumarinta Dhaqaalaha, Arrimaha Bulshada Tayeynta Adeegyada Iyo Horumarinta Kaabayaasha. Furitaanka Kal-fadhiga waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, iyo Ku-xigeenadiisa, Guddoomiye Ku-xigeenka Baarlamaanka Koonfur Galbeed Mudane Maxamed Nuur Macalin, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland, saraakiil Madaxtooyo iyo marti sharaf kale. Hoos ka daawo Muuqaalka iyo Sawirada PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhiga 47-aad ee Baarlamanka Puntland appeared first on Puntland Post.
  4. Washington (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaaliyeed oo ka tirsan golaha Congress-ka Mareykanka ayaa ka hadashay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan doorashooyinka ku soo food leh dhammaadka sanadkan 2020 iyo ka xiga ee 2021-ka. Ilhaan Cumar oo warrameysay BBC-da in rajo wanaagsan ka muujisay doorashada soo socota, iyada oo si gaar ah uga hadashay kaalinta dumar iyo hoggaaminta dalka. Sidoo kale waxa ay ku baaqday in la dhiiro-geliyo gabdhaha Soomaaliyeed ee ku jira siyaasadda, islamarkaana lagu aamino xilalka muhiimka ah ee ay qaban karaan. “Waxaan rajeynayaan in doorashooyinka dhici doona la dhiirageliyo dumarka, in nala aamino iyo in ay wax badan soo dhicin karaan haddii boos la siiyo,” ayay tiri Ilhaan. Sidoo kale waxa ay intaasi ku sii dartay haddii dumarka la siiyo fursad in ay la imaan karaan is-bedal muuqda. “Waxaan u maleynayaan gabdhaheena Mareykanka ee tartamay ee ku guuleystay in aan tusaale u noqon doono dadka jooga Soomaaliya oo ay u fahmaan in marka gabdho la doorto isbedel fiican la helaayo,” ayey sii raacisay Ilhaan Cumar. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan dood adag ay ka taagan tahay qoondada haweenka, waxaana soo baxaya cabasho ay ka tirsanayaan haweenka xubanah ay soo magacaabeen dowlad goboleedyada dalka ee ku metalaya guddiyada doorashooyinka. The post Maxay Ilhaan Cumar ka tiri doorashada Soomaaliya? first appeared on Caasimada Online.
  5. Madaxweynaha Xilkiisu sii dhamaanayo ee Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay Gudoyadii Doorashada Ee laga sugayay, wuxuuna Madaxweynuhu magacaabay Afar Xubnood oo kala ah. Gudiga [...] The post Madaxweyne Waare waa ka diyaar Gudiga Doorashada Federaalka, Akhriso Magacyada appeared first on . Source
  6. Iyada oo weli gobolka Gedo ay ka taagan tahay xiisad u dhexeyso dowladda federaalka iyo Jubbaland ayaa waxaa haatan soo baxaya inay heshiis qarsoodi ah gaareen labada dhinac. Wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya iyo hoggaamiyaha Jubbaland ay ku heshiiyeen in ciidamadu ay si wadajir ah uga shaqeeyaan xasilinta amniga gobolkaasi. Wasiiru dowlaha amniga maamulka Jubbaland, Maxamed Cabdi Kaliil oo Shabelle la hadlay ayaa sheegay in la xalliyey khilaafkii in muddo ah u dhexeeyey dowladda & Jubbaland. Kaliil ayaa shaaca ka qaaday in lagu heshiiyey in ciidamada Xoogga iyo kuwa Jubbaland ay iskala shaqeeyan amniga iyo xaslinta gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo horey madaxweyne Axmed Madoobe u yimid M/Muqdisho oo uu uga qeyb-galay shirkii wada-tashiga ee doorashada 2020/21. View the full article
  7. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dhismaha baarlamaanka 2aad ee Hirshabelle iyada oo khilaaf uu ka jiro burbur keeni kara, dadka qaarna ku sheegayaan fawdo siyaasadeed. Iyada oo magaalada Jowhar ay weli ka soconayaan dadaallada dhismaha iyo soo xulista xildhibannada Baarlmaanka labaad ee Hirshabeelle ayaa waxaa halkaasi tagay qaar ka tirsan odeyaasha beelaha, ergada iyo xataa dad doonaya iney xildhibaanno u tartamaan. Marka laga soo tago shaqada socota waxaa jiro caqabado dhowr ah, kuwaas oo ku hor gudbad in la soo dhiso baarlamaan ay u wada dhan yihiin lada gobo lee Hirshabeelle ee Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe. Waxgaradka beesha Xawaadle ee ku sugan magalada Baladweyne oo hoggaaminaayo ugaaskooda ayaa sheegay in waxa ka socda magaalada Jowhar ee lagu dhisayo Hirshabeelle aysan shaqo ku lahyn, beeshaas oo dooneysa madaxweynnimada ayaa qaadhacday hawlaha socda. Dhanka kale, wararka ka imaanaya Jowhar ayaa sheegaya in sidoo kale uu jiro khilaaf u dhaxeeya maamulka sare sida madaxweyne Maxamed Waare iyo ku xigeekiisa Cali Guudlaawe, midka hore waxaa uu doonayaa in dhismaha looga dambeeyo halka Guudlaawe oo tartame madaxweyne ah uu doonayo inuu saameyn ku yeesho baarlamaanka iyo nidaamka cusub ee loo dhisayo Hirshabelle. Labada nin, waxyaabaha ay isku diidan yihiin waxaa ka mid ah xulista xildhibaannada, oo sida ay sheegayaan dad ku sugan Jowhar, Cali Guudlaawe Xuseen ayaa dadaal badan waxaa uu gelinayaa sidii ay u soo laaban lahaayeen xildhibaannadii hore ee Hirshabeelle, kuwaas oo intooda badan olog la ahaa Cali Guudlaawe, madaxweyne Waare oo sugan Xamar uu arrimo kale wado. Inkasta oo baarlamaanka lagu wado in lagu dhawaaqo maalamaha soo socda ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in dowladda federaalka ah ay damacsan tahay iney farageliso arrimaha dhismaha baarlamaanka 2aad. Wasaaradda arrimaha gudaha ee DF oo weli ka maqan hawlaha socda ayaa la sheegayaa in laga yaabo in wafdi ka socda ay tagaan magaalada Baladweyn si ay Xawaadle uga dhaadhiciyaan ku soo biirista dhismaha Hirshabelle. Dad badan ayaa ka shaki qabo faragelin ay dowladda federaalka ah ku sameyso nidaam u dhisidda Hirshabelle, taasi oo ciwaan u noqon doonta sida ay Villa Somalia ka yeeli doonto doorashada guud ee dalka 2020/2021. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. (SLT-Ceerigaabo)-Wararka laga helayo gobolka Sanaag ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay dagaalyahanada kooxda Al-Shaab ay gudaha u galeen deegaano hoos-yimaada degmada Laas-Qoray ee gobolkaasi. Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegaya in deegaanadaasi ay ku arkeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay halkaasi. Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay la waregeen deegaanada kala ah Midhici, Masha-caleed, Xabaasha Aw-Cali iyo Markeet, kuwaas ku yaalla duleedka Laas-Qoray. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in deegaanadaasi ay howl-gallo ka sameeyeen, gaar ahaan halka loo yaqaano Gurya-Samo oo u dhexeeya degmooyinka Badhan iyo Laas-Qoray ee gobolka Sanaag. Xaaladda ayaa haatan u kacsan, iyadoona dadka deegaanka ay cabsi xooggan ka muujinayaan in dagaal culus uu ka qaraxo halkaasi. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay Xukuumadda Somaliland iyo maamulka gobolka Sanaag. Lama oga u jeedka ka dambeeye in Al-Shabaab ay u wareegaan gobolka Sanaag oo fadhiisimo ku leeyihiin ciidammada qaranka Somaliland. Al-Shabaab oo weli ku xooggan qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya, balse waa markii ugu horraysay ee la sheego inay soo galeen deegaano ka mid ah Somaliland. Somalilandtoday, Ceerigaabo Source
  9. Waxaa goordhow magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland ka furmay kalfadhiga 47aad ee baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland. Munaasabadda furitaanka ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweyne Siciid Cabdillaahi Deni, wasiirro, xildhibaanno iyo xubno ka socda maamul goboleedka Koonfur Galbeed. Madaxweyne Deni ayaa si rasmi ah u furay isaga oo ku dhiirigeliye in shaqo fiican ka qabtaan, lana shaqeeyaan xukuumadda. Waxaana maantaa aad loo adkeeyey ammaanka magaalada Garowe, waxaana inta badan xiran waddooyinka waa weyn ee magaalada, iyo soo gala ama ka baxo runta uu ka qabsoomayo kalfadhiga 47-aad ee Baarlamaanka Puntland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka, Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) oo ka hadleysay magacaabista xubnaha dowlad goboleedyada ku metalaya guddiyada doorashooyinka ayaa eedeyn culus u jeedisay qaar ka mid ah maamula goboleedyada. Xaliimo Yarey oo qoraal kooban soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayaa dhaliil xoogan u jeedisay dowlad goboleedyada qaar ee soo magacaabay xubnaha ku metalaya guddiga doorashooyinka iyo kan xalinta khilaafaadka ee heer federaal & heer dowlad goboleed. Qoraalkeeda ayey ku sheegtay in maamullada Galmudug, Jubbaland, iyo Koonfur Galbeed ysan wax dumar ah ku soo darin xubnihii ay soo magacaabeen. Sidoo kale waxa ay boggaadisay dowlad goboleedka Puntland oo hal xubin oo haween ah ku soo dartay liiska xubnaha ay ku dhowaaqday. Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ayaa sheegtay in arrintan ay tahay wax laga xumaado, sidoo kalena xad-gudub ku ah mabaadi’da heshiiska hoggaamiyeyaasha. Waxa kale oo ay ka dalbaday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya inuu wax ka qabto arrintaasi, si haweenku ay door ugu yeeshaan doorashada soo socota ee 2020/2021. “Mudane Ra’iisul wasaare, waa wax laga xumaado, marka laga reebo Puntland, inta kale ee madaxda FM-ku ka reebtay haweenka guddiga doorashada. Tani waxay xadgudub ku tahay mabaadi’da heshiiska hoggaamiyeyaasha,” ayey tiri Xaliima Yarey. Dhanka kale HirShabelle oo saacadihii u dambeeyey ku dhowaaqday liiska xubnaha ku metalaya guddiyadaas ayaa ku soo daray hal xubin oo gabar ah, sidaasina waxa ay HirShabelle ku noqotay maamulkii labaad ee ku soo dara haween liiska xubnaha metelaada guddiga doorashoyinka iyo kan xallinta khilaafaadka ee doorashada 2020 illaa 2021ka. Si kastaba waxaa la filayaa saacadaha soo socda in ra’iisul wasaaraha dalka uu wareegto ku soo saaro magacyada xubnaha guddiyada ka shaqeynaya doorashada Soomaaliya. The post Xaliimo Yarey oo hal arrin ku dhaliishay madaxda maamul goboleedyada ka jira dalka first appeared on Caasimada Online.
  11. Maleeshiyada Al-shabaab oo hub fudud ku hubeysan ayaa la wareegay Tuulada Guryasamo oo ka tirsan Gobolka Sanaag. Shacabka Deegaanka ayaa sheegay in Kontameeye ku hubeysan [...] The post Breaking News— Maleeshiyada Al-Shabaab oo Gudaha usoo galay Deegaano ka tirsan Sanaag appeared first on . Source
  12. Dalka India ayaa sheegay iney wadaan dadaallo lagu si deynayo ilaa 33 u dhashay dalkaasi oo ay sheegeen in afduub loogu heysto gudaha Soomaaliya. Ragga oo ahaa xamaalatada dhismaha ayaa la sheegayaa in in 25 ka mid ah ay kasoo jeedaan Uttar Pradesh, 10 bil oo ay shaqada wadeen intooda badan lacag ma helin. Qoraalka ayaa lagu sheegay in bilihii hore si fiican loola dhaqmay, laakin gadaal ay xaaladda ka xumaatay, oo aan 8 bil wax lacag lama siin. EAM Jaishankar oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi oo arrintan uga hadlay Twetterkiisa ayaa qoray “ Wasaaradda arrimaha dibadda iyo diblomaasiyiinteenna Nairobi ayaa wado dadaallo lagu soo deynayo, dibna loogu soo celinayo 33 Indian ah oo lagu heysto Muqdisho. Safaaradda India ee Kenya waxaa ay xaalad adag kala kulantay dowladda Soomaaliya, waxaan xiriir la wadnaa safaaradda Soomaaliya ee India, waxaan rajeyneynaa in xal dhow la gaari doono. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, Genaral Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa barqanimadii maanta gaaray gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Xijaar iyo wafdigiisa ayaa waxaa halkaasi si weyn ugu soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug iyo saraakiisha ciidamada Dhuusamareeb. Sidoo kale ujeedka socdaalka taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa ah sidii ula socon lahaa dhaq-dhaqaaqyada ciidamada dowladda ee deegaanada maamulka Galmudug, gaar ahaan howl-gallada lagu xaqiijinayo amniga Dhuusamareeb oo dhowaan martigelineyso doorashada xildhibaanada labada aqal ee laga soo doorto magaaladaasi. Taliyaha ciidanka Booliiska ayaa sidoo kale kormeeri doono xarumaha ciidamada ammaanka ee deegaanada Galmudug, isaga oo saraakiisha kala hadli doono xoojinta amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka ee maamulkaasi. Waxa kale oo uu taliyuhu la kulmi doonaa madaxda sare ee Galmudug iyo qeybaha kala duwan e bulshada, wuxuuna la yeelan doono is-xog wareysi muhiim ah. Xijaar ayaa sidoo kale la filayaa inuu booqdo xarumaha ee maamul goboleedyada kale ee dalka, sida HirShabelle, Galmudug, Puntland iyo Jubbaland. Soomaaliya ayaa dhowaan isku diraaineyso qabsoomida doorashooyinka soo socda ee 2020/2021 oo isugu jirta tan baarlamaanka iyo madaxweynaha. The post Sawirro: Muxuu yahay ujeedka safarka uu taliye Xijaar ku gaaray magaalada Dhuusamareeb? first appeared on Caasimada Online.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay dagaalyahanada kooxda Al-Shaab ay gudaha u galeen deegaano hoos-yimaada degmada Laas-Qoray ee gobolkaasi. Ilo dadka deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegeen in deegaanadaasi ay ku arkeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay halkaasi. Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay la waregeen deegaanada kala ah Mirici, Masha-caleed, Xabaasha Aw-Cali iyo Markeet, kuwaas ku yaalla duleedka Laas-Qoray. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in deegaanadaasi ay howl-gallo ka sameeyeen, gaar ahaan halka loo yaqaano Gurya-Samo oo u dhexeeya degmooyinka Badhan iyo Laas-Qoray ee gobolka Sanaag. Xaaladda ayaa haatan u kacsan, iyadoona dadka deegaanka ay cabsi xoogan ka muujinayaan in dagaal culus uu ka qaraxo halkaasi. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay madaxda maamullada Somaliland iyo Puntland oo in muddo ah isku haya gacanta ku heynta gobolka Sanaag. Lama oga u jeedka ka dambeeye in Al-Shabaab ay u wareegaan waqooyiga Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Sanaag oo fariisimo ku leeyihiin ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland oo marar badan ku dagaalamay gobolkaasi. Al-Shabaab oo weli ku xoogan qeybo ka mid ah dalka ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah iyo qaraxyo ka fulisay gudaha Soomaaliya. The post Al-Shabaab oo markii ugu horreysay maanta lagu arkay deegaano ka tirsan SANAAG first appeared on Caasimada Online.
  15. Wararka ka imaanaya Gobolka Sanaag, ayaa sheegaya in kooxda Al-shabaab ay la wareegtay Degaanka lagu magacaabo Gurya-samo oo ku yaalla duleedka Degmada Laasqoray ee Gobolkaasi. Koox hubaysan oo tiradooda lagu qiyaasay ilaa 50 dagaallame, islamarkaana ka tirsan Al-shabaab, ayaa gelinkii dambe ee Shalay la wareegay Degaanka Gurya-samo, halkaas oo ay ka samaysteen dhufaysyo ciidan. Kooxda Al-shabaab ayaa Degaanka ka samaysay waxay ku tilmaantay hawlgal ciidan, kaas oo ka dhan ah dadka Shacabka ah ee hubaysan, waxaana la xaqiijiyay in ay xireen dad kala duwan. Al-shabaab ayaa haatan u muuqda kuwa xoogga saaraya dhinaca Gobolka Sanaag, kadib markii ay culays kala kulmeen hawlgallada Ciidamada Difaaca Puntland ka wadaan Buuraleyda Gobolka Bari. Degaanka Al-shabaab la wareegtay ee Gurya-samo, waa dhul istiraatiiji ah, oo ka tirsan Buuraleyda Calmadow, kaas oo marin u ah Degmada Laasqoray ee Gobolka Sanaag. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo la wareegtay duleedka Laasqoray appeared first on Puntland Post.
  16. Dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay isku ballaariyey deegaanno ka tirsan gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in markii ugu horreysay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab lagu arkay deegaano hoos yimaad gobolkaas oo ay kala maamulaaan Somaliland iyo Puntland. Deegaanada ay la wareegeen Al-Shabaab waxaa ka mid ah Mirici, Masha-caleed, Xabaasha Aw-Cali iyo Markeet, kuwaas ku yaalla duleedka degmada Laas-Qoray ee gobolka Sanaag. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalyahanada Al-Shabaab ay dhaqaaqyo culus ka bilaabeen halkaasi, sida ay inoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah. Howl-galka ugu ballaaran ayaa ka dhacay, halka loo yaqaano Gurya-Samo oo u dhexeeya degmooyinka Badhan iyo Laas-Qoray ee gobolka Sanaag. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland ee ku sugan gobolkaas oo dhaca waqooyiga Soomaaliya. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan in dagaallo ay ka qarxaan deegaanadaasi. View the full article
  17. Jowhar (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka HirShabelle ayaa noqotay maamulkii u dambeeyey ee ku dhowaaqa liiska xubnaha ku metalaya guddiyada doorashada iyo xalinta khilaafaadka heer Federaal & heer dowlad goboleed ee dalka. Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare oo soo saaray wareegto ayaa ku magacaabay illaa afar xubnood oo HirShabelle ku metalaya doorashada soo socota ee 2020/2021-ka. Cabdinaasir Maxamed Guuleed iyo Maxamed Maxamuud Caddow ayaa HirShabelle ku metalaya guddiga doorashooyinka ee heer federaal. Sidoo lale Farxiyo Maxamed Guuleed iyo Liibaan Cusmaan Nuur ayuu Waare u xushay inay HirShabelle ku metalaan guddiga xalinta khilaafaadka ee heer federaal. HirShabelle ayaa sidaas ku noqtay maamul goboleedkii u dambeeyey ee ku dhowaaqa liiska xubnaha ku metalaya guddiyada ka shaqeynaya doorashada soo socota ee 20/21. Maamullada Koonfur Galbeed, Jubbaland, Puntland iyo Galmudug ayaa horey u shaaciyey liiska xubnaha ku metalaya guddiyadaasi. Saacadaha soo socdo ayaa sidoo kale la filayaa in ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble uu soo saaro wareegto uu ku shaacinayo labadaasi guddi oo ay ku mideysan yihiin dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada. Si kastaba, Soomaaliya ayaa isku diyaarineyso doorashada baarlamaanka iyo tan madaxweynaha, iyada oo shalay la ansixiyey xukuumaddii hirgelin laheyd doorashooyinkaasi. The post Maamulkii goboleedkii u dambeeyey oo shaaciyey xubnaha ku metalaya guddiyada doorashooyinka first appeared on Caasimada Online.
  18. Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta 11 qof ku ridday xukunno kala duwan, kadib weerarkii ka dhacay xabsiga dhexe Muqdisho 10-kii August ee sannadkan. Maxkamadda ayaa saddex ka tirsan ciidamada asluubta ku xukuntay min 5 sano oo xarig ah, halka mid afraad lagu xukumay addex sano oo xarig ah, iyadoo afar kalena lagu xukumay min 6 bilood oo xarig ah. Dhammaan askartan waxaa lagu helay habacsanaan iyo gudasho la’aan shaqadooda. Maxamuud Nuur Isaaq oo ganacsi ka dhexfurtay xabsiga ayaa maxkamddu ku heshay in ganacsigiisa loo adeegsaday in hub lasoo geliyo xabsiga. Maxamuud Nuur Isaaq oo markiisii hore ku xukunnaa lix bilood isgoo loo xiray lacagaha Forex ayaa haatan lagu xukumay 5 sano oo xarig ah. Sidoo kale maxkamaddu waxay dil toogasho ah ku xukuntay Mukhtaar Ibraahim Iidle oo ahaa maxbuus ka tirsan Al-Shabaab oo ku xukunnaa toban sano kaasi oo ka baxsaday xabsiga, isla markaana dilay xubin ka tirsan ciidanka asluubta iyo bajaajle markii uu baxsanayey. Waxaa maxkamaddu Mukhtaar Ibraahim Iidle ku xukuntay dil toogasho ah isagoo maqan. Maxkkamaddu waxay sheegtay in shaqsiyaadka la xukumay uu racfaan u furan yahay. Halkan ka akhriso warbixinta oo dhan PUNTLAND POST The post 11 qof oo loo xukumay weerarkii Xabsiga Dhexe ee Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  19. Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay xubnaha maamulkaas ku matalaya guddiyada doorashada iyo xalinta khilaafaadka Heer Federaal & Heer Dowlad Goboleed. Xubnaha Madaxweyne Waare gudbiyay oo afar ah ayaa waxaa ay kala yihiin, Cabdi Naasir Maxamed Guuleed & Maxamed Maxamuud Caddo woo HirShabeelle ku matalaya guddiga hirgelinta doorashada dadbadan, Farxiyo Xasan Cusmaan & Liibaan Cismaan Nuur oo ku matalaya guddiga xalinta khilaafaadka. Halkan hoose ka aqriso:- View the full article
  20. Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay xubnaha Hirshabeelle ku mataya guddiga doorashooyinka Federaalka iyo guddiga xallinta Khilaafaadka doorashooyinka. Xubnaha guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal ku mataya dowlad goboleedka Hirshabeelle, ayuu madaxweyne Waare u magacaabay Cabdinaasir Maxamed Guuleed iyo Maxamed Maxamuud Caddow. Sidoo kale, xubnaha Hirshabeelle ku mataya guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka heer Federaal, ayuu Mr Waare u magacaabay Farxiyo Xassan Cismaan iyo Liibaan Cusmaan Nuur. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Waare oo magacaabay Xubnaha Hirshabeelle ku matalaya guddiga doorashooyinka appeared first on Puntland Post.
  21. Madaxwaynaha Turkiga Racep Dayip Erdogan oo la hadlayay xubno ka tirsan xisbigiisa AK party ayaa sheegay in madaxwaynaha faransiiska Macron uu u baahan yahay baaritaan dhanka maskaxda ah, kadib markii uu hogaamiyaha Faransiiska sheegay inuu gacan bir ah ku qabanayo Islaamiyiinta xagjirka ah ee wadankiisa, dhanka kale Madaxwaynaha Faransiiska Macron oo ka carooday hadalkaasi Ordagan ayaa wadatashi ugu yeeray safiirkiisa u fadhiya Turkiga. Madaxweyne Macron oo ka falcelinayay dilka nin macallin ahaa oo qoorta laga jaray kadib markii uu soo bandhigay sawir uu ku suurad xumaynayay Nebi Maxamed NNKH, ayaa ku adkaystay in dalkiisa uusan joojin doonin sawirrada noocaasi ah. Labadaan madaxwayne oo dalalkoodu ay ka tirsan yihiin gaashaanbuurta NATO ayaa isku haya arimo ay ka mid yihiin dagaalada Suuriya, Liibiya iyo Nagorno- Karabakh. Balse hadalka Erdogan ayaa ahaa mid si toos ah uu ugu weerarray shakhsiyadda Macron. Madaxweyne Erdogan ayaa ka carooday in qaar ka mid ah dhismayaasha dowladaha hoose ee Faransiiska lagu soo bandhigay sawir gacmeedkii macallinka loo dilay, xilli xus loo samaynayay Arbacadii. Waxa uu sidoo kale dhaliilay hadal uu Macron jeediyay ka hor dilkaasi oo ahaa in “Diinta Islaamka ay dhibaato ku tahay caalamka oo dhan.” Muslimiinta Faransa ayaa ah kuwa ugu badan Yurub, qiyaas ahaanna waa 10% tirada shacabka dalkaas. Qaar kamid ah Muslimiintaas ayaa ku eedeeyay Macron inuu cadaawad u hayo diintooda Xiisadda labada waddan ayaa meel adag gaartay, waxaana Turkiga uu taageeray in la qaadaco alaabaha Faransiiska lagu sameeyo, arintaasi oo ka billaabatay qeybo ka mid ah Bariga Dhexe. PUNTLAND POST The post Faransiiska oo wadatashi ugu yeertay Safiirkiisa dalka Turkiga appeared first on Puntland Post.
  22. Madaxweynaha maamulka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ‘Qoorqoor’ ayaa soo dhaweeyay doorashada Guddoonka Degmada Gaalkacyo. Qoor Qoor ayaa soo dhaweeyay doorashooyinkii Golaha deegaanka iyo Guddoonka Degmada Gaalkacyo oo maalmihii danbe si isdaba joog ah uga dhacay Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug. “Reer Gaalkacyo waa ku mahad yihiin sida hufnaanta, daahfurnaanta iyo dimoqraadiyadda leh oo ay uga qeyb qaateen dhismaha golaha deegaanka & doorashada guddoonka degmada. Waxaan rajeynayaa in degmooyinka kale ku dayan doonan Gaalkacyo” ayuu yiri Madaxweyne Md. Qoorqoor. Madaxweynaha ayaa hambalyo u diray guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka Degmada Gaalkacyo oo ku guuleystay doorashadii maanta oo u dhacday si xor iyo xalaal ah. Madaxweynaha ayaa ku ammaanay wasaaradda Arrimaha Gudaha, federaalka iyo Dib uheshiisiinta oo suura gelisay dhismaha golaha deegaanka iyo doorashada guddoonka Galkacyo. Dhinaca kale madaxweynaha ayaa ku dhiirogeliyay wasaaradda in ay dardar-geliso dhismaha golayaasha deegaanka dhamaan degmooyinka Galmudug ee dhiman.. View the full article
  23. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-Subax-25102020.mp3 View the full article
  24. Waxa saaka oo Axad ah lagu wadaa in uu Xarunta Baarlamanka Puntland ee Caasimadda Garoowe ka furmo Kal-fadhiga 47-aad ee Golaha Wakiilada Puntland. Munaasabadda Furitaanka Kal-fadhiga Baarlamanka, waxa ka qayb-galaya Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan, xubno ka tirsan Golayaasha kala duwan ee Puntland, xildhibaanno ka socda Baarlamanka Koonfur Galbeed iyo marti sharaf kale. Madaxweyne Deni, oo furi doona Kal-fadhiga ayaa sida qorshaysan ka jeedin doona Khudbad dhinacyo badan, oo uu kaga warbixinayo Arrimaha Puntland iyo guud ahaan Siyaasadda Soomaaliya, gaar haanna Arrimaha Doorashada 2020/2021. Sidoo kale, waxa lagu wadaa in Madaxweyne Deni uu ka warbixiyo safarkiisi ugu dambeeyay ee dibadda, kaas oo uusan wixii uga qabsoomay la wadaagin Shacabka. PUNTLAND POST The post Kal-fadhiga 47-aad ee Baarlamanka Puntland oo maanta furmaya appeared first on Puntland Post.
  25. Hundreds of people shut down city streets Saturday as the Justice for Abdirahman Coalition delivered its demands for local action following a police officer’s acquittal on charges laid in connection with a Somali-Canadian man’s death after a violent arrest in 2016. Source: Hiiraan Online