-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wafdi uu hogaaminayo Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya S/gaas.Cabdi Xasan (Xijaar) ayaa goor dhaw gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug waxaana xafiiskiisa ku soo dhaweeyay madaxwaynaha Galmudud Axmed Cabdi Kaariye. Taliye Xijaar ayaa safarka ujeedkiisu waxa uu ahaa kormeerka xaruumaha ciidanka Booliiska, waxaana uu booqan doonaa dhaaman xaruumaha ciidanka Booliiska ay ku leeyahiin maamulka Galmudug. S/Gaas Cabdi Xasan (Xijaar) ayaa dhawaanahaan waday dadaallo lagu hormarinayo ciidanka Booliiska waxa uuna booqanayay xaruumaha ciidanka Booliiska ee gobollada dalka. View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa soo saaray qoraal deg-deg ah oo uu go’aan kama dambeys ah uga gaarayo safarka la sheegay in Ra’iisal wasaare kuxigeenkii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cumar Carte Qaalib uu ku tagayo magaalada Hargeysa. Madaxweynaha ayaa qoraalka uu soo saaray ku sheegay inuu aqbalay codsi uu usoo gudbiyay Maxamed Cumar Carte Qaalib, oo ka tirsanaa xildhibaanada federaalka Soomaaliya, ka hor inta uusan dhawaan ka tagin xilkaasi. Qoraalka madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay inuu tixgeliyay codsi afar maalin ka hor ay usoo gudbiyeen odayaasha dhaqanka ee beesha uu kasoo jeedo Qaalib, kuwaasi oo ay ku dalbanayaan inuu iman karo deeganada Somaliland. “Markii uu arkay qoraalka talo bixinta ee Xeer ilaaliyaha Soomaaliland, Qoraalka wasaaradda Arrimaha Gudaha soomaaliland iyo Codsiga cafiska ah ee Odayaasha Dhaqanka soo gaasriiyeen 21-kii Bishaan in uu cafis u fidiyay Siyaasiga Maxamed Cumar Carte Qaalb,” ayaa lagu yiri qoraalka Biixi. Muuse Biixi ayaa cafiska uu u fidiyay Maxamed Cumar Carte Qaalib ku saleyay kadib markii sida la sheegay uu dib uga laabtay fikirkii hore ee Midnimada Soomaaliya, maadama ay Somaliland ku doodo inay tahay dal madax-banaan. Dhinaca kale, Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa goordhoweyd kasoo degay madaarka magaalada Hargeysa ee Cigaal, sida ay saraakiil ka tirsan madaarku u xaqiijiyeen Caasimada Online. Maxamed ayaa lagu soo waramayaa inuu iska casilay golihii uu ka midka ahaa, kadib markii xukuumadda Somaliland ay shuruud uga dhigtay si uu ugu soo safro magaalada Hargeysa. Wuxuuna cafiskaasi madaxweynuhu ku saleeyay kadib markii uu dib uga laabtay fikirkii hore ee Midnimada Soomaaliya, maadama ay Somaliland ku doodo inay tahay dal madax-banaan. The post MUUSE BIIXI oo go'aan ka gaaray codsi cafis oo uga yimid Maxamed Cumar Carte first appeared on Caasimada Online.
-
Hoggaanka xisbiga KULMIYE, waxa uu maanta (25/10/2020) si rasmi ah u baahiyey Liiska rasmiga ah ee Xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE ee ka soo baxay Shirweynihii 4aad ee Xisbiga, kadib markii hubin iyo xaqiijin lagu sameeyey liiskii hore loo baahiyey. Liiskan oo ka kooban xubnaha Golaha Dhexe ee ka yimaada Gobollada dalka, maayarrada iyo xildhibaannada xilka iyo doorashada kaga mid noqday Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE, waxa rasmi ahaan u saxeexay Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee xisbiga Mudane, Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere). Haddaba, liiskan oo dhammaytiran waa kan halkan hoose ku lifaaqan. Qaran News
-
Xuseen Macalim Maxamuud oo ah madaxa machadka Hiraal ee daraasaadka amniga oo todobaadkan qeyb ka ahaa martida barnaamijka MADASHA ee Goobjoog News ayaa ku dheeraaday amniga iyo doorashada. Mudane Xuseen ayaa sheegay in sanadkan ay soo kordheen 5 magaalo oo dheeri ah iyo mid konton ergo isaga oo intaasi raaciyey “ 2016-kii modelka heshiiska waxaa qeyb ka ahaa qaabka amniga loo wajahayo oo heshiis laga gaaray, hadda heshiiska arrintaas oo hoos uguma dhaadhicin, marka ma heshiis soo socdo oo dowladda iyo dowlad goboleedyada ka wada hadli doonaanaa, maxaa la iska maleeyey, maadaama ay waayo aragnimo hore jiro in sidii loo qaban doono”. Dhanka kale, madaxa Hiraal Xuseen Macalin ayaa kala qeybiyey ciladaha jira isaga oo yiri “Marxalad waa hawsha inta ay socoto iyo sida loo ilaalinaayo habsami u socoshada hawlaha, qeybtaas waa qeyb farsamadeeda la yaqaano, oo horay loo galay, gobol walba hawshiisa waa qabsan karaa, laakin waxaa jira qeyb kale oo amniga ah ergada amnigooda badcal doorashada, waa in qorshaha lagu daro, oo laga hadlo sida ugu qurxan ee dadkaas ineysan dacawga fursad u helin, sadadkii hore waxyaabihii la gafay ayey ka mid aheyd oo waad la socotaa in 2017, 2018 iyo 2019-kii in ergada la lalaayey ama qaar isdhiibay oo Shabaab cafis weydiistay, marka arrintaas halaga hortago”. Barnaamijka MADASHA waa todobaadle xoogga saara arrimaha siyaasadda iyo doorashada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda magaalada Hargeysa ayaa xukuntay in la musaafuriyo wiil caan ka ah baraha bulshada oo muddo ku dhaw laba bilood ah, halkaas ugu xirnaa sabab la xiriirta muuqaal uu duubay. Maxkamadda waxey maanta bilaal ku riday xukun ah in muddo 48-saac ah uu uga baxo deegaanada Somaliland, waxaana laga soo musaafurin doonaa magaalada Hargeysa iyadoo lagu celin doono magaalada Muqdisho. Bilaal Bulshaawi wuxuu ku eedeysnaa inuu u gafay Somaliland kadib markii uu maqaaxi ku taala magaalada Hargeysa ka dalbaday shaax lagu sameeyay midabka calanka Soomaaliya. Dhawaan ayey aheyd markii gabar ka tirsan bulshada Somaliland ay maamulka Somaliland ka codsatay in lasii daayo iyadoo la joogo xaflad ay lagu abaalmarinayay Axmed Maxamed Xasan (Axmed Dheere) oo ahaa duuliyihii sanadkii 1988 iska diiday inuu duqeeyo gobollada waqooyi ee Soomaliya. Codsigaas kadib ayuu wasiirka arrimaha gudaha maamulka Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ballan qaaday in lasii deyn doono wiilka xiran, waxaana maanta lagu maxkamadeeyay magaalada Hargeysa. Bilaal Bulshaawi waxaa saacadaha soo socda la filayaa in lagu soo celiyo magaalada Muqdisho oo ay ehelkiisa ku nool yahiin. The post Maxkamadda Hargeysa oo xukun ku riday Bilal Bulshawi first appeared on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha oo khudbad muhiim ah ka jeediyey furitaanka kal-fadhiga ayaa beyaamiyey in Xukuumaddu guulo muhiim ah ka gaartay Amniga, Arrimaha Gudaha Iyo Dumuqraadiyeynta, Arrimaha Siyaasadda, Horumarinta Dhaqaalaha, Arrimaha Bulshada Tayeynta Adeegyada Iyo Horumarinta Kaabayaasha. Furitaanka Kal-fadhiga waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, iyo Ku-xigeenadiisa, Guddoomiye Ku-xigeenka Baarlamaanka Koonfur Galbeed Mudane Maxamed Nuur Macalin, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland, saraakiil Madaxtooyo iyo marti sharaf kale. Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe ku qaabilay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed Mudane Maxamed Nuur Maxamed Macalin iyo wafdi uu hoggoominayo. Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl iyo labada guddoomiye ku-xigeen iyo xubno ka mid ah wafdiga ka socda guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Daawo Warbixin Ku Saabsan Furitaanka Kal-fadhiga 47-aad Ee Golaha Wakiillada Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Warar goor dhow naga soo gaaray xaafadda Xoosh degmada Dharkiinley ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in halkaasi is-rasaaseyn kooban ay ku dhex-martay ciidanka Booliiska Soomaaliya iyo Nin la sheegay in uu ka tirsan yahay Xarakada Al-Shabaab. Ninka la tilmaamay in uu ka tirsan yahay Al-Shabaab ayaa ugu horreyn weeraray askarta, hase’ahaate iska cabin ay sameeyeen waxaa halkaasi ka dhashay Khasaare kala duwan. Sida ay innoo sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Dharkenley waxaa halkaasi ku dhawaacmay 3-askari oo ka mid ahaa kuwa la weeraray iyo ninkii Shabaabka ah. Sidoo kale maamulka degmada ayaa waxa uu xaqiijiyey in haatan gacanta lagu hayo ninkii weerarka geystay. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida weeraro iyp dilal qorsheysan oo qaarkood ay sheegatay Al-Shabaab. View the full article
-
Faah faahinod dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar ay Al-Shabaab ay ku qaadeen qeybo ka mid ah degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay. Weerarka oo ku billowday qaraxyo ayaa waxaa lagu ekeeyey saldhig ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin halkaasi. Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegay in weerarka kadib uu dagaal toos ah dhex-maray labada dhinac, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Qoraal ka soo baxay Al-Shabaab, islamarkaana lagu baahiyey baraha Internet-ka ayaa waxaa lagu sheegay inay weerarkaasi ay ku dileen sarkaal lagu magacaabi jiray, Cali Mad Yerow, sida ay hadalka u dhigeen. Sidoo kale waxa ay intaasi inay dhaawaceen sarkaal kale oo ay magaciisa ku sheegeen Xasan Eyloow iyo saddex askari oo kale. Dhanka kale ma jiro weli wax faah faahin ah oo saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay ka bixiyeen dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey. Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo milatari laga dareemayaa gudaha demada Qansaxdheere iyo deegaanada hoos yimaada ee gobolka Baay. View the full article
-
Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo maanta furay kal-fadhiga 47-aad ee golaha wakiiladda Puntland ayaa waxa uu ka hadlay arrimo badan oo la xariira marxalada siyaasadeed ee dalka, tan maamulkiisa iyo arrimaha doorashooyinka dalka. Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay heshiiska sanadkii 2017-kii dhexmaray maamulka Puntland iyo shirkadda Dp World oo gacanta ku heysa dekadda magaalada Boosaaso. Madaxweynaha ayaa sheegay in weli uusan fulin heshiiskaas, islamarkaana xukuumaddiisu ay wax ka qaban doonto arrimaha dekadda Boosaaso. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ay si weyn ula socdeen xaaladaha ka jira dekadda, islamarkaana ay haatan Puntland wada-hadal kula jirto shirkadda DP World, si loo xaliyo dhaliilaha ka jiro dhinaca shirkadda. Ugu dambeyn madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa carabka ku dhuftay inay ka jawaabi doonaan cabashada ka soo yeertay shacabka iyo ganacsatada ee ku aadan dekadda Boosaaso, xilli ganacsatada qaarkood ay sheegeen in ay dhibaato ku qabaan dekaddaas oo ay carro badan buux-dhaafisay halka ay maraan doomaha iyo maraakiibta. View the full article
-
Wafdi uu hogaaminayo Taliyaha Booliiska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb, waxaa Garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ku soo dhoweeyay saraakiisha ciidamada Booliiska ee ka howlgala maamulka Galmudug . Taliyaha ayaa salaan ka qaatay ciidamada Booliiska ah ee halkaasi ku sugnaa kana qaybqaadanayey soo dhowaynta taliyaha iyo wafdigiisa. Taliyaha ayaa waxa uu kulan la qaadan doonaa madaxwaynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor). Booqashada Taliyaha Booliiska Soomaaliya ayaa waxay qayb ka tahay Kormeerka rugaha ciidamada Booliiska Siyo xaqiijinta amniga magaalooyinka dhawaan lagu qaban doono doorashooyinka dalka. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukuno kala duwan ku ridday rag loo heysto weerarkii lagu qaaday xabsiga dhexe ee Xamar oo dhacay 10-kii bishii August ee 2020-ka. Maxkamadda ayaa waxaa la horgeeyey illaa 11 eedeysane oo isugu jiro ciidamada Asluubta, xunkusanayaal iyo gar-sugayaal lala xariiryey weerarkaasi oo loo adeegsaday bambooyinka nooca gacanta laga tuuro iyo bistoolada ay heleen qaar ka mid ah maxaabiista ku jirta gudaha xabsigaasi ee ku eedeysnaa falalka argagixisanimo. Hey’adaha Baarista ciidamada amniga iyo guddi ay u saartay baaridda dhacdadaasi xukummadda ayaa ugu dambeyn waxa ku wareejiyeen gungaarka dhacdada xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida oo awood u leh dhaqaajinta gal-dacwadeedkaas. Mubaarak Ibraahiim Iidle oo horay ugu xukunaa 10 sano oo xabsi ciidan ah ayaa ahaa gacanta hore weerarka, waxa uuna nolosha u aqoonsaday Maxamed Yusuf Toxow iyo Muqtaar Cabdullaahi Muuse, sidaas ayuuna kaga baxsaday dhabarka dambe ee xabsiga. Sidoo kale Maxamuud Nuur Isaaq (Forex) oo isagu ka mid ah ahaa dadkii loo xiray lacagaha Online ka ah ee ay Soomaali badan ka gaartay khasaaraha waxa uu ahaa qofka sida gaarka ah maxaabiista kaga iibiya Qudaarta, laakiin mid ka mid ah raggii qorsheeyay weerarka uu soo dhex marsiistay hubkiisa. Kadib heerar kala duwan oo maxkamadeed iyo baaritaanno muddo dheer qaatay maanta ayey Maxamadda go’aan ka soo saartay, waxaana lagu kala xukumay eedeysanayaasha:- 1-Mubaarak Ibraahiim Iidle waxaa lagu xukumay Dil-toogasha ah isaga oo Maqan 2-Cabdullaahi Macalim Xuseen, 3-Maxamed Daahir Maxamed 4-cabdi Jire Yusuf waxaa lagu wada xukumay Min 5-sano oo xabsi Ciidan ah iyo ka saaridda Ciidamada Asluubta oo ay ka wada tirsanaayeen. 5-Cali Barre Cali Maxamed oo ka tirsan Asluubta ayaa isna lagu xukumay 3-sano oo xabsi Ciidan ah. 6- Maxamuud Nuur Isaaq (Forex) ayaa lagu xukumay 5-sano oo Xabsi Ciidan ah. 7-Maxamed Nuur Maadeey 8-Maxamed Maxamuud Mataan 9-Cumar Xasan Abtidoon iyo 10-Isaaq Geedi Ibraahim oo iyana kawada tirsanaa Asluubta ayaa lagu xukumay min 6-bil oo xabsi ciidan ah, halka 11- Cabdi Axmed Maxamuud oo Asluuta ahaa ay Maxkamaddu dambi ku weyday, sida uu nala wadaagay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. Dhanka kale xukunsanayaasha ayaa haatan haysta fursad ay ku dalban karaan Rafcaan muddo ku siman 30-cisho xukunka kadib. Sagaal ka mid eedeysanayaasha ayaa ahaa ciidamada Asluubta ee shaqada lahaa si guud iyo si gaar ah maalintaas ay mashaqada ka dhacday Xabsiga Dhexe, waxaana loo xukumay in ay ka gaabiyeen howshooda hadba heerka xukunka ay u arkeen Garsoorayaasha ay saareen, halka Maxamuud Forex oo isaga lahaa Agab wax lagu qariyay loo xukumay in uu adeegay Shabaabka qorsheeyay weerarka ee baxsadka ah Mubaarik iyo raggii kala qayb galay oo intii howlgalka socday y toogteen ciidamada amniga. View the full article
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Gudigii ay dhawaan Dowlad Gobaleedka Jubaland u xil-saartay in ay baaritaan ku sameeyaan dhacdo 22-kii bishii hore ka dhacay Deegaanka Yadho ee Degmada Ceel-waaq ee Gobalka Gedo, halkaasi oo ciidamada Kenya ay shacab ku dileen qaarna ku afduubteen, ayaa soo saaray natiijada baaritaankooda. Gudigga ayaa soo bandhiggida natiijada baaritaankooda ku shaaciyay in tirada guud ee dadka la waayay ay ahaayeen sideed qof, hal qof uu geeriyooday ay ku guuleysteen in ay dib ula midoobaan qoysaskooda halka afar kalana ay wadaan dadaalkii lagu soo deyn lahaa iyagoona sheegay in ay wada hadal kula jiraan dawladda Kenya dhawaana ay soo sii deyn doonaan. Gudigga ayaa Magaalada Ceel-waaq ee Gobalka Gedo kulan kula yeeshay Siyaasiyiinta, waxgaradka, Haweenka iyo dhalinyarada ku nool Degmadaasi oo in badana sugayay waxyaabaha ka soo bixi doona baaritaankii ay gudigu wadeen. Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dawlad Gobaleedka Jubbaland Cabaas Ibraahim Gurey oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in dadka 4 ka mid ah laga qabtay agagaarka koontiga Wajeer. “Afarta kale ee maqan iyagana waan ku daba jirna Dowlada Kenya waxa no socda wada hadal,” ayuu yiri Taliye Cabadaas. Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Amnigga Dawlad Gobaleedka Jubbaland Maxamed Cabdi Kaliil oo hoggaaminayay gudigga loo xilsaaray dhacdadaan in ay baaritaan ku sameeyaan ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed ay la wadaagayaan waxyaabihii uga qabsoomay baaritaankii ay wadeen. Kaliil ayaa sheegay in ay wajigii koowaad ku guuleysteen sii daysmada sedex ruux, qofkii geeriyoodayna ay keeni doonaan diyadiisa halka afarta kale ee dhimmana dadaal ugu jiraan sidii iyaguna loo soo deyn lahaa “Dadaal dheer oo ay gashay Dowlad Gobaleedka Jubbaland waxa hada u suurta gashay in dadki maqna laso dayay wajigii kowaad hal qofna uu dhintay islamarkaana aan keeni doono diyadiisii,” ayu yiri Wasiiru Dowlaha Amniga, The post JUBALAND oo shaacisay natiijada baaritaankii ay ku sameysay dhacdadii Ceel-waaq ee ciidamada Kenya first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-Duhur-25102020.mp3 View the full article
-
Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Aadan (Shaacir) oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya horayna ugu mid ahaa xidigihii hore Soomaaliya ayaa u hambaleeyey Wasiirka Ciyaaraha iyo dhallinyarada Soomaaliya mudane Xamza Saciid Xamza,isagoo sheegay in Wasiir Xamze uu yahay shaqsi aqoon iyo qibrada wanaagsan u leh guud ahaan ciyaaraha dalka. “Wasiir Xamsa Saciid Xamsa waa nin aqoonyahan,sidoo kale heer sare ayuu ka gaaray isboortiga dalka,waxaan u rajaynaynaa in uu wax badan ku soo kordhiyo Wasaarada Ciyaaraha Soomaaliya ” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Aadan (Shaacir) Tan iyo markii 19-0ctober 2020 Wasiirka Ciyaaraha iyo dhalinyarada loo magacaabay Xamza Saciid Xamza waxaa soo baxayay soo dhaweynta loo muujinayay Mr.Hamza,waxaana bahda isboortiga dalka ay guul u arjeeyeen mudane Xamza Saciid Xamza iyo saaxiibada Wasaarada Ciyaaraha iyo dhalinyarada Dalka. “Si weyn ayay bahda ciyaaraha Soomaaliya u soo dhaweeyeen Mudane Xamza,taasna waxa ay muujinaysaa in uu yahay qofkii ku haboonaa ee loo magacaami lahaaa Wasaarada,maadama uu yahay laacib u soo dheelay Xulka Qaranka Soomaaliya,kooxda Bada iyo Degmada Xamar Jajab” ayuu hadalkiisa raaciyay Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Aadan (Shaacir) Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Lee Kun-hee Lee Kun-hee, gudoomiyihii shirkadda ugu weyn South Korea, ee Samsung Group, ayaa dhintey isagoo 78 jir ah. Mr Lee wuxuu gacan ka gaystay inuu kobciyo meherad yar ee ganacsi ee aabihiis uu lahaa taasi oo noqotay awood dhaqaale leh, waxa uu xoogga saaray caymiska iyo rarka. Intii uu noolaa, shirkadda Samsung sidoo kale wuxay ka mid noqday shirkadaha tiknoolajiyada adduunka ugu waaweyn. Wuxuu ahaa qofka ugu taajirsan Kuuriyada Koofureed, sida ay qortay Forbes, hantidiisana waxay oo ku dhowday $ 21bn (£ 16bn). Samsung waxay sheegtay in Mr Lee uu dhintay Axadii isaga oo ay qoyskiisa dhinac joogeen, laakiin ma aysan sheegin sababta rasmiga ah ee dhimashada. Sannadkii 2014-kii ayuu wadna xanuun dartii uu wiilkiisa ugu wareejiyay maamulka shirkadda. “Dhamaanteen Samsung hadii aan nahay waan qadarin doonaa xusuustiisa waana ku faraxsanahay shaqadii aan la wadaagnay,” ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay shirkadda. Mr Lee wuxuu ahaa wiilkii saddexaad ee Lee Byung-chul, oo aasaasay Samsung Group sanadkii 1938. Wuxuu ku biiray shirkada qoyska 1968 wuxuuna la wareegay xilka gudoomiyenimo 1987 kadib dhimashadii aabihiis. Waqtigaas, Samsung waxaa loo arkayay iney tahay shirkad soo saarta alaab tayadeedu hosseeyso hase yeeshee yahay intii uu hoggaaminayey ayuu dib-u-habeyn xooggan ku sameeyay shirkadda taasi oo meesha kasaartay fikrkii laga aaminsanaa shirkadda. Mr Lee wuxuu caan ku noqday inuu shaqaalaha u sheego 1993: “Aan wax walba badalno marka laga reebo xaasaskeena iyo caruurteena.” Shirkaddu waxay markaas gubtay dhammaan keydkeedii taleefanka gacanta, oo ka koobnaa 150,000 taleefannada gacanta. Mr Lee marar dhif ah ayuu lahadlayay warbaahinta wuxuuna caan ku ahaa inuu dib uxasuusashada, taasi oo uu ku muteystay naaneysta ah “boqorkii xusuusta”. Shirkadda Samsung ayaa ah shirkadda ugu weyn South Korea chaebols oo ah shirkado ay leeyihiin qoysaskiisa oo ah qoyka ugu maalqabeensan Kuufriyada Koofureed. Shirkadaha Chaebols ee qoyska Lee ayaa gacan ka gaystay sare u kaca dhaqaale ee Kuuriyada Koofureed ka dib Dagaalkii Labaad ee Adduunka inkastoo muddo dheer lagu eedeynayay arrimo siyaasadeed. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukuno kala duwan ku ridday rag loo heysto weerarkii lagu qaaday xabsiga dhexe ee Xamar, kaas oo dhacay 10-kii bishii August ee 2020-ka. Maxkamadda ayaa waxaa la horgeeyey illaa 11 eedeysane oo isugu jiro ciidamada Asluubta, xunkusanayaal iyo gar-sugayaal lala xariiryey weerarkaasi oo loo adeegsaday bambooyinka nooca gacanta laga tuuro iyo bistoolada ay heleen qaar ka mid ah maxaabiista ku jirta gudaha xabsigaasi ee ku eedeysnaa falalka argagixisanimo. Hey’adaha Baarista ciidamada amniga iyo guddi ay u saartay baaridda dhacdadaasi xukummadda ayaa ugu dambeyn waxa ku wareejiyeen gungaarka dhacdada xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida oo awood u leh dhaqaajinta gal-dacwadeedkaas. Mubaarak Ibraahiim Iidle oo horay ugu xukunaa 10 sano oo xabsi ciidan ah ayaa ahaa gacanta hore weerarka, waxa uuna nolosha u aqoonsaday Maxamed Yusuf Toxow iyo Muqtaar Cabdullaahi Muuse, sidaas ayuuna kaga baxsaday dhabarka dambe ee xabsiga. Sidoo kale Maxamuud Nuur Isaaq (Forex) oo isagu ka mid ah ahaa dadkii loo xiray lacagaha Online ka ah ee ay Soomaali badan ka gaartay khasaaraha waxa uu ahaa qofka sida gaarka ah maxaabiista kaga iibiya Qudaarta, laakiin mid ka mid ah raggii qorsheeyay weerarka uu soo dhex marsiistay hubkiisa. Kadib heerar kala duwan oo maxkamadeed iyo baaritaanno muddo dheer qaatay maanta ayey Maxamadda go’aan ka soo saartay, waxaana lagu kala xukumay eedeysanayaasha:- 1-Mubaarak Ibraahiim Iidle waxaa lagu xukumay Dil-toogasha ah isaga oo Maqan 2-Cabdullaahi Macalim Xuseen, 3-Maxamed Daahir Maxamed 4-cabdi Jire Yusuf waxaa lagu wada xukumay Min 5-sano oo xabsi Ciidan ah iyo ka saaridda Ciidamada Asluubta oo ay ka wada tirsanaayeen. 5-Cali Barre Cali Maxamed oo ka tirsan Asluubta ayaa isna lagu xukumay 3-sano oo xabsi Ciidan ah. 6- Maxamuud Nuur Isaaq (Forex) ayaa lagu xukumay 5-sano oo Xabsi Ciidan ah. 7-Maxamed Nuur Maadeey 8-Maxamed Maxamuud Mataan 9-Cumar Xasan Abtidoon iyo 10-Isaaq Geedi Ibraahim oo iyana kawada tirsanaa Asluubta ayaa lagu xukumay min 6-bil oo xabsi ciidan ah, halka 11- Cabdi Axmed Maxamuud oo Asluuta ahaa ay Maxkamaddu dambi ku weyday, sida uu nala wadaagay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. Dhanka kale xukunsanayaasha ayaa haatan haysta fursad ay ku dalban karaan Rafcaan muddo ku siman 30-cisho xukunka kadib. Sagaal ka mid eedeysanayaasha ayaa ahaa ciidamada Asluubta ee shaqada lahaa si guud iyo si gaar ah maalintaas ay mashaqada ka dhacday Xabsiga Dhexe, waxaana loo xukumay in ay ka gaabiyeen howshooda hadba heerka xukunka ay u arkeen Garsoorayaasha ay saareen, halka Maxamuud Forex oo isaga lahaa Agab wax lagu qariyay loo xukumay in uu adeegay Shabaabka qorsheeyay weerarka ee baxsadka ah Mubaarik iyo raggii kala qayb galay oo intii howlgalka socday y toogteen ciidamada amniga. The post Maxkamadda ciidamada oo xukun adag ku ridday raggii fuliyey weerarkii xabsiga dhexe first appeared on Caasimada Online.
-
Bosaso (PP News Desk) — Al-shabaab forces yesterday captured a village on the outskirts of Las Khorey district in Sanaag. About 50 Al-shabaab fighters arrived at Guryasamo, a village under the jurisdiction of the coastal district. The commander of Al-shabaab militias said they were conducting a security operation at the village and reportedly arrested several locals. Al-shabaab fighters (a file photo) Al-shabaab militias searched houses and instructed locals not to carry weapons to ensure the group is the sole authority with coercive power. Al-shabaab is tactically retreating into Sanaag districts after sustained attacks from Puntland State forces made it hard for the proscribed group to plan and launch attacks from the Bari region. Gurysamo is a strategic village located near Cal Madow mountain range. © Puntland Post, 2020 The post Al-shabaab Captures a Village Near Las Khorey appeared first on Puntland Post.
-
Paris (Caasimada Online) – Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa maanta wada-tashi deg-deg ah ugu yeeray safiirka u fadhiya Turkiga, xili ay kasii dareyso xiisada ka dhaxeysa madaxda sarre ee labada dal. Tallaabadan ayaa daba socota weerarkii afka ahaa ee uu madaxweyne Erdogan dhawaan ku qaaday dhigiisa Macron, kaasi oo uu tilmaamay ‘shaqsi maskaxda ka jiran’. Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in Macron uu u baahan yahay baaritaan dhanka maskaxda ah, kadib markii uu hogaamiyaha Paris uu sheegay inuu gacan bir ah ku qabanayo wax uu ugu yeeray ‘Islaamka xagjirka ah’ ee ku sugan wadankiisa. Sidoo kale Macron oo isaguna ka fal-celinayey dilka nin macallin taariikhda ahaa oo la gowracay, kadib markii uu soo bandhigay sawir uu ku tilmaamay Nebi Maxamed NNKH, ayaa wacad ku maray in dalkiisa uusan marnaba joojin doonin sawirrada noocaasi ah. Madaxda labadan dal ee ka tirsan gaashaanbuurta NATO ayaa mudooyinkii dambe waxa ka dhex aloosneyd xiisad ka dhalatay ismari-waaga labada dhinac ee colaadaha Suuriya, Liibiya iyo Nagorno- Karabakhay. Xiisada labada dhinac ayaa horseeday in hogaamiyeyaasha dalalkaasi ay weerar kulul oo afka ah isku qaadan, taasi oo uga sii dareysa un muranka ka dhex aloosan. Waxayna hadda mareysa xiisadda labada waddan meeshii u sarreysay, iyada oo Turkiga uu taageeray in la qaadaco alaabaha Faransiiska lagu sameeyo ee loo soo dhoofiyay, midaasi oo ka billaabatay qeybo kamid ah Bariga Dhexe. The post Xiisada Erdogan iyo Macron oo kasii dartay iyo tallaabo uu qaaday Macron first appeared on Caasimada Online.
-
Xiriirka Kubbadda Cagta Adduunka ee FIFa ayaa hambalyo u soo diray Wasiirka Ciyaaraha iyo dhalinyarada Soomaaliya mudane Xamsa Saciid Xamsa oo xiligan loo magacaabay 19-October 2020. Warqada ka soo baxday FIFa ayaa lagu yiri waan u hambalyaynaa Wasiir Xamza oo ah shaqskii ugu horeeyay ee u soo ciyaara Xulka Qaranka Soomaaliya ee loo magaacaabo ha’yada ugu soo saraysa isboortiga dalka ee Wasaarada Ciyaaraha ,waxaan u rajaynayaa guul iyo horomar wanaagsan,sidoo kale waxaan ugu baaqaynaa in bahda ciyaaraha Soomaaliya ay si dhaw u la shaqeeyaan. Magacaabista Wasiir Xamza waxa ay abuurtay kalsooni badan,iyadoo bahda ciyaaraha Soomaaliya ay guul iyo horomar u rajeeyeen Wasiir Xamsa Saciid Xamsa iyo shaqaalaha Wasaarada Ciyaaraha dalka. Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay kalfadhiga 47-aad ee baarlamaanka maamulkaasi, isaga oo ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabaneysa, sida amaniga, safaradiisii ugu dambeeyey, doorashada iyo xaaladda dekedda Boosaaso. Ugu horreyn Deni ayaa xildhibaanada baarlamaanka Puntland warbixin ka siiyey safaradiisii ugu dambeeyey iyo socdaallo uu ku tegay deegaanada maamulkaasi. Siciid Deni ayaa sidoo kale khudbadiisa uga hadlay waxyaabihii u qabsoomay xukuumaddiisa bilihii u dambeeyey, wuxuuna sheegay inay horumaro badan ka gaareen dhinacyada amniga, arrimaha dib u heshiisiinta & xoojinta iskaashiga maamullada dalka. Intii uu hadal jeedinta waday madaxweynaha wuxuu soo hadal qaaday heshiiskii ay wada-gaareen Puntland iyo Galmudug, wuxuuna shaaciyey inay ku heshiiyeen inay iska kaashadaan ka hortagga dagaal beeleedyada iyo colaadaha ka jira gobolka Mudug iyo sidoo kale wax ka qabashada dadka ka ganacsada waxyaabaha maanka bedala. Sidoo kale wuuxuu ku faanay madaxweyne Siciid Deni in ciidamada ammaanka ay kordhiyeen dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah kooxaha argagixisada, islamarkaana ay fuliyeen howl-gallo lagu dilay xubno ka tirsan kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab. Waxa kale oo uu carabka ku dhuftay in Puntland ay qorsheyneyso hir-gelinta sagaal dhig oo laga furayo magaalooyinka waa weyn ee maamulkaasi. Dhanka kale madaxweynaha dowlad goboleedka Puntlad ayaa ka hadlay xaaladda dekedda Boosaaso, wuxuuna sheegay inay ka billowday Qad Kunteenar oo bishii hal mar imaanayo dekeddaasi, wuxuuna shaaciyey inay qeyb tahay horumarinta dekedda Boosaaso. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in la ballariyey baaxada loogu tala-galay wax soo dajinta dekeddaasi . Isaga oo sidoo kale ka hadlayey heshiiska shirkadda Dp World lala galay 2017-kii iyo dhaliilaha loo jeedinayo ayuu sheegay inay haatan u socdaan wada-hadallo xal looga gaarayo dhibaatooyinka ka jira dekedda Boosaaso iyo walaaca ay qabaan reer Puntland. “Dp World waxaa noo socda wada-hadallo, waxaan rabnaa in aan dekedda Boosaaso ka gaarno xal aan saameyn ku yeelan xiriirka Imaaraadka Carabta iyo Puntland, dadku ha nagu kalsoonaadaan,” ayuu yiri madaxwene Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni). Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inuu meel gabo-gaba ah marayo dhismaha dekedda Garacad, wuxuuna tilmaamay in la ballaariyey, dhismaheeduna uu haatan mayaro meel wanaagsan. The post Siciid Deni oo si adag uga hadlay arrinta dekedda Boosaaso & heshiiska DP World first appeared on Caasimada Online.
-
(SLT-Burco)-Maxkamadda Gobolka Togdheer ee Somaliland ayaa waxaa saaka la horgeeyay Nin lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay fal iskugu jiray kufsi iyo dil oo Magaalada Burco loogu geystay Haweeneyd kamid aheyd dadka deegaanka. Maxkamadda ayaa bilowday dhageysiga Kiiska eedeysanaha oo loo heysto in fal kufsi iyo dil uu u geystay Haweeney lagu magacaabi jiray Ugbaad Cali Dhaban-loox, kaasi oo ay gacanta ku dhigeen laamaha amniga Burco. Markii lasoo Gaba-gabeeyo kiiska eedeysaha ayaa waxaa la filayaa in Maxkamadda Togdheer ay Go’aan rasmi ah ka gaadho kiiska Ninkaas, waxaana Madaxweynaha Somaliland uu hore u sheegay in si deg-deg ah loo fulin doono xukunka Maxkamadda. Allaha u naxariistee Ugbaad Cali Dhaban-loox ayaa aheyd Hooyo saddex Carruur ah dhashay, waxaana la sheegay in ninka eedeysanahay uu u geystay fal iskugu jiray kufsi iyo dil, sida ay sheegeen Ehelada Marxuumada. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ayaa goor-dhawayd go’aan ka soo saartay eedaymo loo haystay Bilaal Bulshaawi oo ah wiil dhalinyaro ah oo ka soo jeeda Soomaaliya. Maxkamadu waxa ay ku xukuntay in 24 saacadood gudahood dalka lagaga tarxiilo oo la mustaafuriyo. Bilaal bulshaawi oo aan qareen u ahaa saaka ayay Maxkamaddu dacwadiisu ku dhawaaqday. Waxaanay Maxkamadda Gobolka Hargeysa qaraarisay in mudo 48 saacadood dalka lagaga saaro oo la mastaafuriyo. Garyaqaan Jamaal Xuseen Mandeela ayaa qoraalka ku baahiyay bartiisa Facebook. Qoyska Bilaal Bulshawi ayaa hore waxa ay uga codsadeen Maamulka Somaliland in la sii daayo wiilkooda. Bilaal bulshaawi oo loo yaqaanno madaxweynaha Tiktok ayaa bishii la soo dhaafay lagu xiray Hargeysa. Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa hore u sheegay inuu aqbalay codsiyada ah in la sii daayo Bilaal Bulshaawi, oo caan ka ah barta Tiktok. Source
