-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray Jidka Tarabuunka oo halboowle u ah isu socodka caasimadda, si uu u hubiyo fulinta amarkii ku aaddanaa isu socodka bulshada iyo gaadiidka ee uu faray Laamaha Ammaanka. Waddadan ayaa in ka badan lix sano u xirneyd safaaradda Qatar ee Soomaaliya, oo bartamaha jidka ka dhistay darbi kala gooyey. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in furitaanka waddadan ay muujinayso isku-tashiga iyo wadashaqeynta Laamaha amniga iyo shacabka Caasimadda oo ay ka go’an tahay in ay si qorsheysan ku wajahaan duruufaha amniga, una midoobaan xasilinta Caasimadda. “Bulshada Caasimadda waxa ay nala wadaageen sida ay uga go’an tahay in ay la shaqeeyaan Laamaha amniga oo wakhti kasta u taagan badqabka nafta iyo maalka muwaadiniinta Soomaaliyeed. Qof kasta waxaa waajib Qaran ku ah fashilinta dhagarta ay dadkeenna u soo maleegayaan argagixisadu,” ayuu yiri Rooble. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku bogaadiyey Taliska Booliska Ciidanka Soomaaliyeed iyo Maamulka Gobolka Banaadir hirgelinta qorshahan culeyska lagaga dulqaadayo isu socodka Caasimadda, waxa uuna ku adkeeyey in ay sii dhammeystiraan, korna u qaadaan wadashaqeynta dhanka amniga ee ay la leeyihiin Shacabka. Rooble ayaa uga mahadceliyey ganacsatada iyo qeybaha kale ee bulshada dhabar adeygga ay ku wajaheen durufiihi ka dhashay xirnaanta waddooyinka, isagoo tilmaamay in ay qeyb ka ahayd dadaalladii lagaga hortageyey dhagarta argagixisadu ay u soo maleegayeen shacabka. The post Sawirro: Rooble oo booqday jidkii u xirnaa safaaradda QATAR oo dib loo furayo first appeared on Caasimada Online.
-
ANKARA, Turkey (AP) — Turkish President Recep Tayyip Erdogan challenged the United States to impose sanctions against his country while also launching a second personal attack Sunday on French President Emmanuel Macron. Source: Hiiraan Online
-
Jowhar (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xubnaha guddiga farsamada ee soo xulista baarlamaanka labaad ee HirShabeelle ayaa sheegay in aysan heysan madaxbanaani ay ku gutaan shaqooyinka horyaalla, islamarkaana loo dhiibay liis xildhibaano oo qoran. Xubnaha aan la hadalnay ayaa Caasimada Online u sheegay in inta ugu badan ay diyaarsan yihiin Xildhibaanada cusub ee HirShabeelle, waxaana lagu soo diyaariyay magaalada Muqdisho iyadoo aysan ka war-qabin beelaha iyo xubnaha guddiga farsamada. “Xildhibaanada waa diyaarsan yihiin 80% waxyar oo ay ka taagan doodo ayaa dhiman waxaana lagu soo diyaariyay Muqdisho, annaga ka guddi ahaan door muuqda haba-yaraatee kuma lihin howlaha socda, laakiin magacayna ayaa lagu shaqeestaa qaarkeynna waa la adeegsadaa inta soo hartayna qof la tashato ama howl u dirsato maleh,” ayuu yiri masuul ka tirsan guddigaan oo aan qarinay magaciisa. “Guddiga dhan waxaa ka shaqeysa 3 nin, iyagana uma madaxbanaana shaqada ee wixii loo diro ayey qabtaan, beelaha intooda ugu badan soo xulista door kuma lahan, dhamaan xildhibaanada hal nin ayaa go’aan ka gaara, waana musharax ay dowladda wadato,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay masuulkaan ka tirsan guddiga farsamada ee soo xulista baarlamaanka labaad ee HirShabeelle. Caasimada Online ayaa horey u shaacisay in magaalada Muqdisho lagu diyaariyay xildhibaanada Baarlamanka HirShabeelle ee ka soo gali doono Beesha Xawaadle kadib markii ay beeshaasi diiday soo xulista xubnaha dhankooda ka iman doona. Ilo wareedyo muhiim ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) iyo Cabdifitaax Xasan Afrax, oo labadooda ka soo jeeda beeshaas, sidoo kalane soo noqday guddoomiyaasha gobalka Hiiraan ay qaateen doorka ugu weyn ee soo xulista Xildhibaanada beesha Xawaadle ee HirShabeelle. The post Xog: Liis xildhibaano ah oo qoran oo loo dhiibay gudiga farsamada HirShabeelle first appeared on Caasimada Online.
-
Sidii Wadamada Islaamka uga falceliyeen Hadaladii Gefka & Aflagaadada ahaa ee ka soo yeedhay Emmanuel Macron Dunida Islaamka ayaa waxaa sare uga sii kacaya baaqyo ku aadan in la qaadaco badeecadaha Faransiiska kadib markii madaxweyne Emmanuel Macron uu cambaareeyey “islaamiyiinta”, wacadna ku maray “inaanu ka tanaasuli doonin” sawir gacmeedyada loola jeedo Nebi Muxamed NNKH. Hadallada uu Macron jeediyey Arbacadii ayaa jawaab u ahaa gowraca macallin Faransiis ah Samuel Paty, oo lagu dilay iskuul ku yaalla duleedka Paris kadib markii uu ardaydiisa tusay sawir gacmeed loola jeedo Nebiga NNKH. Diinta Islaamka ma ogola in wax sawir ah lagu muujiyo Nebiga NNKH. Sabtidii, Wasaaradda Arrimaha Dibedda Jordan ayaa cambaareysay “sii socoshada daabacaadda sawir gacmeedyada loola jeedo Nebi Muxamed NNKH ayada oo lagu marmarsiyoonayo xoriadda hadalka,” iyo isku day kasta “oo faquuq iyo marin habaabin ah oo Islaamka la xiriirinaya argagixisada.” Wasaaradda si toos ah uma cambaareyn Macron, hase yeeshee xisbiga Dhaqaaq Islaamiga ah ee Jordan ayaa ugu baaqay madaxweynaha Faransiiska inuu cudurdaar ka bixiyo hadalladiisa, waxaana uu ku booriyey shacabka Jordan inay qaadacaan badeecadaha Faransiiska. Qaadacaadda noocaas ah ayaa goor horeba ka socotay dalalka Kuwait iyo Qatar. Dukaamada ku yaalla Kuwait ayaa la arkay ayaga laga saarayo dhammaan badeecadaha lagu soo sameeyey Faransiiska. Sidoo kale magaalada Doha, shaqaalaha dukaamada ayaa tuurayey dhammaan alaabaha ka yimid dalka Faransiiska. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Sabtidii cambaareeyey Macron, isaga oo sheegay inuu u baahan in “maskaxdiida la baaro.” “Muxuu qof ka dhihi karaa madaxweyne dal oo malaayiin qof oo ka kala tirsan kooxo diimeedyo kala duwan sidan ula dhaqmaya. Marka hore, maskaxdaada soo baar,” ayuu yiri Erdogan. Macron ayaa sidoo kale ka carreysiiyey dunida Islaamka horaantii bishan kadib markii uu yiri “Islaamka waa diin xasarad ay ka taagan tahay dunida oo idil.” Nayef Falah Mubarak Al-Hajraf, oo ah xoghayaha guud ee Golaha Iskaashiga Khaliijlka ayaa hadallada Macron ku qeexay “kuwa mas’uuliyad darro ah, oo sare u qaadi doona isnaceyb dhaqan.” Sidoo kale Jaamacadda Qatar ayaa sheegtay “in kadib xadgudub ula kac ah oo lagu sameeyey diinta Islaamka iyo astaamahaeeda” ay hakin doonto Toddobaadka Dhaqanka Faransiiska ee lagu qaban lahaa Jaamacadda. Qaran News
-
, Dowladda Australia ayaa “cabasho xooggan” u dirtay dhiggeeda Qatar, kadib markii haween dalkaas u dhashay la sheegay in lagu sameeyay baaritaan jirka hoose ah xilli ay raaci rabeen diyaarad u kala gooshaysay Dooxa iyo Sydney. Baaritaanka ayaa sida la sheegay dhacay kadib markii qof shaqaalo ka ah garoonka caalamiga ah ee Xamad uu arkay ilma markaas dhashay oo lagu tuuray suuli ku yaal garoonka. Canuga oo aan weli la aqoonsan ayaa waxaa la wareegtay dowladda Qatar oo xanaanadiisa gacanta ku haysa. Dumarka la baaray si loo ogaado inay canuga dhaleen ayaa waxaa kamid ahaa 13 u dhashay waddanka Australia. Waxaa la geeyay gaari kuwa gurmadka degdega ah oo yaallay dhabaha diyaaradaha, waxaana loo sheegay inay iska siibaan dharka oo dhan ka hor inta aan la baarin xubintooda taranka, sida ay ku warrantay warbaahinta Channel Seven. Haweenkaas ayaan loo sheegin sababta loo baaray, waxaana ay raaceen diyaaradda Qatar Airways oo duulimaadka samaysay 2-dii bishan October. Cabashada Australia Dowladda Australia ayaa dhacdadaas la wadaagtay mas’uuliyiinta Qatar. “Waxaan si rasmi ah mas’uuliyiinta Qatar ugu gudbinay cabashada xooggan ee aan ka qabno dhacdadaas, waxaana na loo xaqiijiyay in xog faahfaahsan oo daahfuran sida ugu dhaqsaha badan na loola wadaagi doono,” ayuu yiri afhayeen u hadlay wasaaradda arimaha dibedda ee dalkaas oo u warramay warbaahinta maxalliga ah. Qatar Airways ayaan weli ka jawaabin codsi ku aaddan inay ka hadasho dhacdadaas. Haweeney u hadashay garoonka caalamiga ah ee Xamad ayaa tiri: “Hawlwadeennada caafimaadka ayaa walaac ka muujiyay badqabka hooyo markaa dhashay, waxaana ay codsadeen in la raadiyo ka hor inta aanay diyaaradda raacin.” Garoonkaas ayaa weli raadinaya xogta iyo heybta haweeneydaas ilmaha ku dhashay suuliga isla markaana uga tagtay, iyadoo canuga yar ay gacanta ku hayaan shaqaalaha caafimaadka iyo kuwa arimaha bulshada. Qaran News
-
Sababta Trump mar walba uu tusaale ugu soo qaato Madaxwaynihii 16-aad ee Marykanka? Trump iyo Biden Hadaladii ay is waydaarsadeen madaxwayne Donald Trump iyo Joe Biden dooddii ugu dambeysay ee dhexmartay ayaa waxaa jiray hal arin oo dadka soo jiidatay. Arrintii sida wayn looga dooday waxay ahayd arrinta cunsuriyadda. Madaxwayne Trump ayaa markii uu arrintan ka hadlayay waxaa uu tusaale u soo qaatay Abraham Lincoln – oo ahaa madaxwaynihii 16-aad ee Mareykanka islamarkana xilligiisii guushii uu ka gaaray dagaalkii sokeeya lagu soo afjaray arrimihii adoonsiga. Balse Mr Biden ayaa isaga oo ka faaideysanaya arrintan waxaa uu si jees-jees iyo maad ah ugu jawaabay Trump, balse madaxwayne Trump arrintan uma arkin wax lagu maadsado. Sidan ayay dooda u dhacday Iyada oo aysan ahayn markii ugu horeeyay oo uu madaxwayne Trump uu arrinta ka hadlo ayaa waxaa uu yiri “Ma jirto cid dadka madowga ah u qabatay inta uu Trump u qabtay marka laga reebo Abraham Lincoln”. Waxaa uu intaa ku daray: “waxaan ahay qofka ugu cunsuriyadda yare e qolkan ku jira.” Mr Biden ayaa ku jawaabay: “‘Abraham Lincoln’ Waxaa halkan nala jooga madaxwaynihii ugu cunsuriyadda badnaa marka la eego taariikhdeena casriga ah”. Waxaa uu Biden intaa ku daray Waxaa uu huriyay cunsuriyad kasta.” Trump: “Waxaa uu xusay Abraham Lincoln, halkey taasi ka timid ?” Biden: “Waxaa tiri waxaan ahay Abraham Lincoln.” Trump: “Maya, maya ,. … ma oran waxaan ahay Abraham Lincoln’. Waxaan iri , ‘tan iyo Abraham Lincoln ma jirto cid u qabatay dadka madowga ah wixii aan aniga u qabtay ‘.” Mr Trump yaa ka dib weerar ku qaaday Mr Biden isaga oo su’aal galiyay doorka uu ku leeyahay cunsuriyadda. . Waxaa uu tusaale u soo qaatay hindisa sharciyeedkii sanaddii 1994 ee dambiyada ee uu Mr Biden qoridiisa gacan ka geystay islamarkana ay sharcigaasi dadka madowga u aaneeyaan in uu sabab u ahaa xarig iyo dhibaato badan oo loo geystay madowga Mareykanka . Hdalada ay labada musharax is waydaarsadeen ayaa waxaa uu dooda ka dhex dhaliyay dhaliyay baraha bulshada. Madaxwayne Trump ayaa isaga horey tusaale ugu soo qaatay Abraham Lincoln isaga oo sheegay in maamulkiisii u hormariyay waxbarshada iyo shaqada dadka madowga ah . Dadka wax falanqeeya ayaa sidoo kale ka hadlay sheegashada Trump, iyaga oo sheegay in ay jiraan madaxwaynayaal wax badan ka qabtay arrimaha xuquuqda madaniga ah. Waxay tusaale u soo qaateen Lyndon B Johnson, oo xiligii uu madaxwaynaha ahaa loo codeeyay xuquuqda codeynta iyo sharcigii xuquuqda guriyaynta ee la ansixiyay 1960-yadii. Toddobaadkii aanu soo dhaafnay , Mr Trump ayaa waxaa uu sidoo kale isbarbar dhig ku sameeyay madaxwaynihi 16-aad isaga oo sheegay in sida xun ee ay saxaafadda ula dhaqantay aysan jirin madaxwayne loola dhaqmay xitaa Lincoln. “Abraham Lincoln waxaa loola dhaqmay si xun, laakiin lolama dhaqmin sida xun ee aniga la iila dhaqmay,” ayuu yiri Mr Trump. Madaxwayne Lincoln ayaa markii uu ku guuleystay dagaalkii sokeeye 1861-65. Waxaa uu sanaddii 1863 amray in la siidaayo dadkii madowga ahaa ee Mareykanka lagu adoonsanayay. Maalmo uun ka dib markii uu is dhiibay Janaraal Robert E Lee 1865, Lincoln ayaa la dilay isaga oo ku sugan Tiyaatar ku yaalla Washinton, waxaana dilkiisa geystay John Wilkes Booth. Qaran News
-
Qof kasta oo Soomaali ah waa uu ka warhayaa in doorasho ay dalka ka dhici doonto, hase yeeshe su’aasha taagan ayaa ah doorashadu waqtigeedii maku qabsoomi doontaa? Wali guddi lama dhisin, Ra’iisulwasaaraha waxa uu qoray warqad uu dowlad goboleedyada dalka uga codsanayo in ay soo gudbiyaan xubnihii guddiga doorashooyinka uga mid noqon lahaa ee horey loogu heshiiyay taas oo ay u muuqato in dib u dhac ku keeni doonto jadwalkii horey loo qorsheeyey. Hadda waxaa meesha ka muuqda in doorashada aan raali laga wada ahayn haba ugu darnaadee madaxweynaha kursiga ku fadhiya ee doonaya in dib loo soo doorto. Caqabadda haysata ayaa ah in sida caadada ah madaxweyne horey loo doortay dib uusan u soo laaban. Tani waxaa sabab u ah in ballan qaadyada ay qaadaan aysan fulin, si gaar ah ballan la galka shaqsiyaadka marka ay doonayaan in ay kursiga ku fariistaan iyo weliba tan guud oo aysan sidii ay ugu ballan dhigeen uga soo dhallaalin. Madaxwayne Farmaajana kumaba sii jiro! Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu abuurtay collaad aad u badan, sida dowlad goboleedyada, shaqsiyaad saamayn ku leh siyaasada Soomaaliya iyo hogaamiyayaasha Mucaaradka oo aysan jirin mid uu xiriir dhow la leeyahay. Wada shaqeyn la’aantan ayaa isku horgoyneysa hankiisa la xiriira in marlabaad dib loo doorto, iyadoo ay suuragal tahay in uu helo doorashada soo socota codad aad u yar maadama uu yahay shaqsi aanan ballanta ku wanaagsaneyn. Taasina waxa ay muujinaysaa sida uu bannaanka u dhigay dadkii u halgamay markii uu musharraxa ahaa, kuwaas oo hadda u garab ah musharixiin kale oo ka soo horjeeda Mr. Farmaajo. Maamul goboleedyada iyo Dowrkooda Doorashada Maamul goboleedyada ayaa saamayn weyn ku leh doorashada la filayo in ay dhacdo sanadka soo socda. Waxaa macquul ah in kuraas xildhibaano badan ay ku fadhiyaan maanta aan dib loogu celin isla shaqsiyaadkaas, taasi oo sababteedu tahay in dowlad goboleedyada qaar aysan xiriir wanaagsan la lahayn xildhibaanada ku matala labada aqal ee Baarlamaanka. Tusaale ahaan, Dowlad Goboleedka Galmudug oo aan ognahay in doorashadii ka dhacday 2016-kii lagu soo saaray xildhibaanno badan si musuq ah oo kacdoonkii ka dhashay uu aakhirkii galaaftay Cabdikariim Guleedkii berigaas Galmudug xukumayay. Haddaba, madaxweyne Qoorqoor-ka Galmudug maanta jooga waa muhiim in uu cashir ka barto taariikhda iyo wixii horey u soo dhacay, waa haddii uu dan ka leeyahay ku dhex jirka siyaasada Soomaaliya. Sidoo kale, waa in ay cibro qaadasho ugu noqotaa kuwii horey qaabka musuqa ah xildhibaano looga dhigay in maanta ay dadkoodii sanka ka haystaan. Marka laga tago Guuleed-kii Galmudug, waxaa iyana kursi boobkii ay sameeyeen sababsaday Gaas-kii Puntland, Shariif Xasan-kii Koofur-Galbeed, & Cosoble-hii Hirshabele. Nabsigii dabeysha ayaa ku dhacay iyagoo laga yaabo maanta in ay ka shalaaynayaan musuqii shalay ay gacmahooda ku fuliyeen. Haddaba, Mudane Qoorqoor, ku waana qaado wixii shalay raggaas galaaftay oo noqo luquntii labada garab u dhaxaysay oo caddaalad samee. Caddaaladda ayaa shaqsiga u horseeda hormar. Fadlan qofna ha xumayn, hana ugu hiillin xaqdaro. Taladu Qoorqoorka Galmudug oo keliya ma ahan ee waxay waano u noqon kartaa Dani-ga Puntland, Lafta-gareenka Koofur-Galbeed, Axmed Madoobaha Jubbaland iyo Madaxweynaha soo socda ee Hirshabelle. Caadiyadan Siyaasadda Soomaaliya ayaa ah in ninka kursiga ku fadhiya uu qarash badan ku bixiyo sidii uu u soo saari lahaa shaqsi ay u badan tahay inuusan isaga dooran berrito. Tusaale waxaa kugu filan kuwii shalay qarashka badan ku bixiyay shaqsiyaad ay ku soo saareen si musuq ah in ay markii danbe ka waayeen codadkoosa oo ay ugu shubeen musharaxiin kale. Dowrka Dhallinyarada Kaalinta dhalinyarada ee doorashada sanadka soo socda waxa uu noqonaya mid muuqda. Dhallinyaro badan ayaa horey ugu fashilmay siyaasadda kuwaas oo ku idlaystay muddo xileedkoodii hor istaaga xafiisyada oo laga siiyo wax yar oo sandareero ah. Laaluushkaas kooban ayaa ka hor istaagaya in ay ka fekeraan hormarinta dhallinyarada dalkeenna oo lagu qiyaaso 75% in ay ka yihiin bulshada. Haddaba, dhallinyarada Soomaaliyeed ee maanta fursadda haysta lagana yaabo in ay ku soo baxaan kuraasta baarlamanka soo socda, waxaan kula talinayaa in ay dalka iyo dadka u dooraan shaqsi u turi doona waxna u tari kara, islamarkaana ka shaqeyn kara hormarinta iyo kobcinta dhallinyarada. Mohamed Ali Axmed – Waxaad kala xiriiri kartaa, email: canshuur1@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Talo ku socota Madaxda D/Goboleedyada - Hasha kuu godlan lama gowraco first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Bar___Qubanaha-25102020.mp3 View the full article
-
Garowe (PP News Desk) — President Said Abdullahi Deni today opened the 47th session of Puntland Parliament and briefed MPs about his recent visit to Mogadishu, the agreement on the electoral model and talks with DP World executives in the United Arab Emirates. “We are working hard to find an amicable solution to the Bosaso Port agreement complications with DP World without putting Puntland relations with UAE at risk” said President Deni. President Deni said his administration was honouring an agreement signed by his predecessor and endorsed by Puntland Parliament. “We are looking into criticisms against DP World regarding management of Bosaso Port” he added. President Deni: Puntland seeks an amicable solution to Bosaso Port concession complications without jeopardising our relations with UAE. In 2017 Puntland State granted DP World a thirty-year concession to manage and develop “a multi-purpose port project at Bosasso in the Puntland State of Somalia.” When the agreement was signed DP World was a publicly traded company on Nasdaq Dubai. In February 2020 DP World was delisted and returned to private ownership. A contract law expert told Puntland Post that the change in ownership structure of the company will have an impact of DP World’s contractual obligations. “Puntland State was influenced partly by the company’s previous status as a publicly traded company. When a company delists investors raise questions about its management and viability” says London-based law of contracts lecturer. “ The move to take DP World private comes as the emirate struggles to steer itself out of a five-year economic slowdown triggered by the 2014 collapse in oil prices and growing geopolitical turmoil” reported Financial Times. © Puntland Post, 2020 The post Puntland President Promises Amicable Solution to Stalled Development of Bosaso Port appeared first on Puntland Post.
-
Ceelwaaq (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Gedo ugu magacaaban dowladda federaalka Cismaan Nuux Xaaji Macalimow ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ugu hanjabay maamulka Jubbaland ugu magacaaban degmada Ceelwaaq oo uu ku tilmaamay “hoos-joogayaa daba-dhilif u ah Kenya”. Sidoo kale guddoomiye Macalimow ayaa shacabka ku nool degmada Ceelwaaq oo ah halka degmo ee Jubbaland ay ka maamusho gobolka Gedo, waxa uu ku amaanay dowlad jaceyl, isagoo u balan qaaday in mar dhow ay gaari doonaan isaga iyo saraakiisha milateriga Soomaaliya, sida uu ku shaaciyey qoraalkan. “Waxaan shacabka wadaniyiinta ah ee Ceelwaaq uga mahad-celinayaa adkaysigooda, dhiiranaantooda iyo dowlad jacaylkooda, waxaan marnaba ilaawi karin sida geesinimada leh ee ay u garab istaageen maamulkooda,” ayuu yiri. Qoraalka Macalimow ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan si rasmi ah ugu ballanqaadaynaa in xilli aan fogeen laga ridi doono heer-yada gumaystaha, Maamulka Gobolka Iyo saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed-na ay soo gaari doonaan degmada Ceelwaaq haddii Rabbi Idmo.” Sidoo kale waxa uu sheegay inuu digniin u dirayo masuuliyiinta Jubbaland ee maamusha degmada Ceelwaaq, kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwo ka ganacsada dhiigga dadkooda, sidoo kale waxa uu ugu baaqay inay ku soo biiraan dowladda. “Waxaa digniin culus u dirayaa hoos-joogayaasha daba-dhilifka u ah Kenya, kuwaasi oo caadaystay ka ganacsiga dhiiga shacabka Gedo in ay ka waan-toobaan ficillada uurku-taalada ah ee ay shaqada ka dhigteen, waxaana ugu baaqayaa in ay isku soo dhiibaan Dowladooda oo ay ka faa’iidaystaan fursadaan, haddii kale waxay la kulmi doonaan jawaab u qalanta dambiyada ay Qarankooda ka galeen,” ayuu ku yiri qoraalkan oo bartiisa Facebook-ga uu ku shaaciyey guddoomiye Macalimow. Dhanka kale guddoomiyaha Gedo ee dowladda federaalka waxa uu ku sheegay qoraalkan in xiriiro ay la sameyeen mas’uuliyiinta dowladda Kenya u qaabilsan xaduudda kadib ay ku guuleysteen in ciidanka Kenya dib usoo celiyaan qaar ka mid ah dadkii shacabka ahaa ay ka afduubteen degaanka Yado 23-kii bishii hore September. Sidoo kale waxa uu balan qaaday guddoomiye Cismaan Nuux Xaaji Macalimow in maamulka gobolka Gedo uu gobolkaas u ballanqaadayo in aan halkaas looga hari doonin “taxanihii gabood-falladii isugu jiray dilka xariga, af-duubka, barakacinta, Iyo burburinta naf iyo maal wixii loo gaystay shacabkeena, waana arrin lagala xisaabtami doono dowladda Kenya iyo cid kasta oo qayb ka ahayd Insha Allaah” ayuu qoraalkiisa ku yiri. Xogta ay ka heshay Caasimada Online sii deynta seddaxdaas qof ee bishii hore laga afduubtay degaanka Yado waxay sheegeysaa in ciidamada Kenya ay ku wareejiyeen guddigii Jubbaland ay u magacaawday shaqaaqooyinkii ay ciidamada Kenya ka geysteen deegaanada hoos taga Ceelwaaq, kuwaas oo haatan ku sugan halkaas. The post DF oo shaacisay inay ku wajahan tahay magaalo uu haysto Axmed Madoobe first appeared on Caasimada Online.
-
GUNDHIG Bulsho walba oo meel ku nool waxaa ka dhexeeya dano ay bulshadaasi u simantahay. Sidoo kale, waxaa si gaar-gaar ah loo kala shinsadaa dano qofeed ama kooxeed oo ka sokeeya danta guud. Si danta guud bulshada loogu qabto, waxaa loo xil-saaraa dad bulshada ka mid ah oo loogu doortay tilmaamo ku habboon buuxinta baahiyaha guud. Haqab-tirka danta guud waxaa tusaale u ah samaynta hay’ado guud ama dowlad dadka u dhexaysa. Ujeedka ugu weyn oo awood sharciyadeed loo siiyo qeyb bulshada ka mid ah (SHAQAALE DOWLADEED) waa in la il-tiro baahiyaha bulshada. Si isla xisaabtan loo helo, waxaa dowlad walba ka koobantahay laamo siman, iskaba isna dheelli-tira oo adeeggoodu is-dhammaystiro. Qormadani waxay daarantahay in aan ku iftiiminno kaalinta Xildhibaannada iyo matelaaddooda bulshada. Soomaaliya waxaa ka jira hab dowladeed oo federal ah kaas oo heer qaran iyo heer maamul-goboleed u qeybsan. Xildhibaan walba oo heer qaran jooga waxa uu si guud u matalaa shacabka Soomaaliyeed oo idil, isla markaasna wuxuu si gaar ah ugu qareemaa gaarsiinta adeegga dowladda ee deegaankii sida gaarka ah looga soo doortay. Matalaadda Xildhibaanka ee gobolkiisa ama qabiilkiisa macneheedu ma ahan in uu sad-bursi u raadiyo beeshiisa ee waa in uu si guud ugu qareemaa ummadda Soomaaliyeed isla markaasna gobolkiisa uga war hayo xogta gaarsiinta adeegyada kala duwan ee dowladda. Si looga gudbo marxaladda hadda lagu jiro ee dowladnimadu taag darantahay, waxaa lagama maarmaan ah in la helo gole shacab (BAARLAMAAN) oo lagusoo xulay kaalinta ay ka qaadan karaan in waddankaan laga gudbiyo marxaladda qabiilaysiga isla markaasna dowladnimo casri ah u gaarsiin karaan waddanka. Waxaa muhiim ah in aan bidhaaminno in haddii dowladda Soomaaliya sidaan usii taag darnaato aan cidna caano badan ka dhamayn (qabiil iyo qof toona). Haddiise lagu tartamo in bulshada loo dooro dadka ugu habboon ee dowladnimada cagaha u dhigi kara, waxay u badantahay in loo gudbo marxalad ka habboon midda maanta ka jirta waddanka. Sida saxda ahi waxaa weeye in Baarlamaanku yahay hay’adda ugu muhiimsan ee hay’adaha dowladda maaddaama ay doortaan isla markaasna ansixiyaan madaxda hay’adda fulinta, qorshayaasha shaqo ee degsan, raacidda dastuurka iyo jebintiisa. Haddaba qof walba oo xilkaas soo raadsanaya waa in uu marka koowaadba naftiisa qiimeeyaa kana eegaa tilmaamaha soo socda: Alle ka cabsi: Bulshada Soomaaliyeed waa wada Muslim, sidaas darteed qofkii xil guud qabanaya waa in uu si dhab ah u raaco waddada sharciga ah ee uu ku ilaalin karo naftiisa iyo danaha shacabka uu adeegaha u yahay. Aqoon: Cilmigu waa arrinta ugu muhiimsan oo laga eegi karo ruuxa doonaya inuu dowladnimada wax ka dhiso. Waloow aysan shardi buuxa u ahayn in uu guulaysanayo qofku, misana in uu aqoon leeyahay waxay fure u tahay in uu miisaan saari karo dowladnimada ka jirta adduunka iyadoo lagu beegayo duruufaha Soomaaliya ka jira. Ruux aan awood u lahayn in uu cilmi ahaan wax usoo kordhiyo misana aan guddi farsamo ku biiri karin ama aqoon ahaan u sixi karin siyaasadaha qaranka ama xataa xeer dejinta aan kusoo biirin karin habraac, wuxuu ka dhiganyahay qof habeen guuraynaya meesha uu u socdana aan garanayn. Aqoontu waxay u fududayn kartaa ruuxa xildhibaanka noqonaya in uu si togan uga qeyb qaato geedi socodka dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya higsanayso. Khibrad shaqo dowladeed: Qofka ka shaqeeya xarumaha gaarka ah ama khibrad shaqo oo dheer aan u lahayn dowladnimada waxaa ku adag in uu muddo kooban ku fahmo galaangalka iyo xisaabaha dowladda. Sidaas darteed waxaa muhiim ah in la qiimeeyo ruux isku darsaday aqoontii horay aan usoo sheegnay iyo khibraddii shaqada dowladnimo oo isku dhafan si marxaladdaas looga gudbo. Dad badan oo u beretamaya matalaadda bulshada ay kasoo jeedaan, waxay ogyihiin in aysan ku habboonayn qabashada shaqada ay u ordayaan misana dano gaar ah dartood ayay waqti iyo dadaalba ugu bixiyaan in ay ku guulaystaan, misana muddada ay baarlamaanka joogaanna culays ayay ku yihiin horumarka dowladnimada maaddaama aysan wax la taaban karo soo kordhin ciddii booska ku habboonaydna dhaafiyeen. OGOOW OO MEEL HORUMAR KA JIRO AYAA HUNGURI LAGA RAADSAN KARAA EE MEEL HABACSANI DHISME IYO HURITAAN AYAY U BAAHANTAHAY. Daacadnimo: Ruuxa doonaya in uu xildhibaan noqdo, waa in uu ogyahay inuu daacad ka noqonayo u adeegidda ummadda uu matalayo kuna xisaabtamaa booskaasu in uusan ahayn wax dan gaar ah “shakhsiyadeed” lagu fushado ee uu yahay wax weyn oo ALLAAH kala xisaabtamayo ummadda uu xilka u qaadayna si siman oo niyad furnaan ku dheehantahay ugu adeego. Haddaba, waxaan booskaas geyin ruux walba oo ujeedkiisa koowaad yahay in uu dan gaar ah ka raadiyo ama shaqaale laaluush ah ku bixiyo sidii uu dadka kale uga marooqsan lahaa. Hufnaan: Xildhibaanku waa in uu ilaaliyo hufnaanta booska uu joogo kana dagaallamo wax walba oo jabinaya xeerka bulshada u yaal iyo nadiifnimada danta ummadda. Haddiise ujeedka koowaad ee xildhibaanku yahay in uu ka sameeyo dhaqaale aan sharci ahayn, waxaa khasaare weyn ugu sugantahay isaga iyo ummadda uu matalayaba waxayna u badantahay in uu aqbalo laaluush ama xadgudub guud oo lagu sameeyo sharciga dalka. Turid bulsho: Waxyaalaha lagu garto qofka daacadda u ah hirgelinta danta guud waxaa ugu horreeya in qofku karti u leeyahay in uu dantiisa gaarka ah u huro danta guud ee bulshada u dhexaysa, sidoo kale waa in qofka xilka haya ama raadinaya damiirkiisu ku hago u turidda bulshada uu adeegaha u yahay ama u noqon doono. XULASHADA XILDHIBAANKA Xilliyada ay soo wajahantahay doorashada dowladda dhexe ee Soomaaliya, waxaa loo beretamaa xulashada xubnaha baarlamaanka (iyadoo ilaa hadda ku salaysan habka awood qeybsiga beelaha ee 4.5). Sida saxda ahi waxay ahayd in bulshadu doorato isla markaasna sharciyaddu gacanta dadweynaha ku jirto si loo kala saaro dadka u tartamaya matalaadda bulshada, hase ahaatee waxaa hadda lagu saleeyay in 101 qof doortaan xildhibaan walba oo aqalka shacabka ah taas oo laga yaabo in ay dhaanto marxalado tagay. Haddaba, ergada kala saaraysa baratamayaasha xilka waa in ay qudhoodu yihiin dad danaynaya danta guud ee bulshada oo xuli kara ruuxa ugu habboon booska. Haddii aynu ka eegno dhanka qabiilka, sida saxda ahi waxaa weeye in beel kasta oo soomaaliyeed usoo dirsato dadka ugu tayada fiican si matalaaddoodu magac ugu soo jiiddo beesha isla markaasna dantii guud iyo geeddi socodkii dowladnimada ay qeyb lixaad leh uga qaataan. Nasiib darro marar badan waxaa dhacda in calafku raaco ruuxa ugu laalaada inta xilkaas xildhibaanimada hollisay maaddaama dano kale iyo saameeyayaal baban ay ku gadaamanyihiin xulashada xildhibaanada. Waxaa si weyn u muuqda xusul duub baahsan oo dad kala duwani ku doonayaan in ay helaan xubinta beeshooda. Waloow guushu badanaa ku xirantahay calaf xagga rabbi jira, misana waxaa marar badan soo baxa in dad isku beel ah ku kala dhintaan raadinta xilkaas. Waxyaalaha bulshada ku baahsan waxaa ka mid ah in qof la dacaayadeeyo ama xataa sharaftiisa ama qofnimadiisa la duro iyadoo qof kale loo ololaynayo. Sidoo kale waxaa dhacda in utuhun beeleed ka dhalato taageeridda qof ama mucaaradidda qof kale iyadoo dadka wax taageeraya ama wax mucaaradaya aysan ka eegayn danta bulshada ee xigaalaysi ama qof jeclaysi ay ku salaynayaan. Kollay iyada oo xubin walba uu ku guulaysan doono ruuxa calafkiisu yahay, waxaa habboon in aysan aloosmin colaad iyo utuhun dad ehel ah dhexdooda ka dhalata. Musuq baahsan ayaa la sheegaa in uu dhaco xilliyada xulista xubnaha baarlamaanka. Halbeegga badanaa bulshadu is weydiiso marka ruux usoo istaago, xilkaan asalkiisaba loogu talogalay in dadweynaha lagu matalo, waxaa weeye HEBEL lacag uu ergada siiyo ama olole ku galo ma haystaa?. Asalka wixii sharci darro lagu bilaabo waxay u badantahay in ay hagardaamo iyo dibindaabyayn danaha bulshada ku dambeeyaan si guudna ummadda Soomaaliyeed iyo dowladnimadeena curyaamiyaan. TALOOYIN Si looga qeyb qaato hirgelinta dowladnimo casri ah oo shacabka Soomaaliyeed danihiisa ku filan waa in la helo matalaadda ugu habboon ee xubnaha baarlamaanka. Masuuliyaddaasina waxay saarantahay guud ahaan shacabka gaar ahaanna inta ku lug leh xulista xildhibaanka. Bulshada: Qeybaha kala duwan ee bulshadu waxay codkooda ku gaarsiin karaa cid walba oo ku lug leh soo xulidda xildhibaanka beeshooda sidaas darteed waa in loo qareemo in matalaadda bulshada loo xulo cid lagu kalsoonyahay in ay waxtar u leedahay ummadda Soomaaliyeed isla markaasna beeshu ku faani karto mustaqbalka. Waxaa dhici karta in kursigaas ay u tartamaan dad aan ku habboonayn markaas oo kale waa in la isku dayo in la raadiyo cid kale oo beeshaas ku abtirsata oo loo filayo in ay geydo kursiga. Sida marar badan dhacda, waa in aan qof jeclaysi iyo xulufaysi loogu ololayn qof aan mudnayn xilka. Masuuliyiinta Dhaqanka: Maadaama beelaha Soomaaliyeed leeyihiin oday dhaqameed kala maddeeya qeybtanka beesha, waa in ay ilaahay uga cabsadaan cidda ay u astaynayaan ergada xuli doonta xildhibaanka. Dadka indheer garadka ah ee mudan in ay miisaanka adeegga bulshada ku began beratamayaasha waa in loo doorto ergada. Ergada xulista xildhibaanada: Wax qabadka Xildhibaanka iyo wax yeeladiisuba waxay saamaynayaan ummadda Soomaaliyeed, sidoo kalena waxaykusoo laabanayaan bulshada laga doortay. Sidaas awgeed waa in ergada kala saarista tartamayaashu si eex la’aan iyo laaluush la’aan ah u doortaan ruuxa ugu mugga weyn. Waxaa ilaahay hortiis lagula xisaabtami doonaa qof walba oo eexiya lacag laaluush ah ama qabyaalad ama kooxaysi oo ruux uu aaminsanyahay in lagaga habbonyahay u codeeya. Sidoo kale, marka laga yimaado ciqaabta dambe ee aakhirada, qof walba oo ergada ka mid ahi wuxuu guranayaa miraha go’aankiisa inta adduunka la joogo oo haddii uu ruux laga habboonyahay u codeeyo dantiisa ayuu beeciyay hadimmana wuxuu geliyay mustaqbalkiisa iyo ehelkiisaba. Dowladaha/maamullada: Gobollada kala duwan ee Soomaaliya waxaa ka taliya dowlado masuul ka ah dhammaan bulshada ku nool deegaannadaas. Masuuliyiinta dowladda oo qeyb weyn ka qaadan kara xulashada xildhibaanada ayaa iyagana waxaa saran masuuliyad weyn. Tartamayaasha: qof walba waxaa masuuliyad ka saarantahay in uu naftiisa xakameeyo oo uusan bulshada danaheeda ku xadgudbin ama aakhiradiisa iyo adduunkiisaba uusan qunsur gelin. Qofkii dareensan in xilka uu raadinayo cid ka mudani joogto ama u tartamayso, waa in uu isagu is xisaabiyo oo uusan musuq iyo laaluush ku raadin helitaanka booska. Maaddaama miraha dowladnimo taabba gasha ay guranayaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed, waa in ruux walba u turo bulshada iyo danta guud si uu isaga iyo ehelkiisuba uga faa’iidaan natiijada togan ee ka dhalan karta matalaadda shacabka. Xildhibaanka guulaystay: (b) Marka koowaad waa in uu ogaado ruux walba oo ku guulaysta kursiga matalaadda shacabka (xildhibaanimada) in calafka iyo qaddarta rabbi uu ku helay kursiga sidaas darteed (t) muddadii tartanka lagu jiray ciddii wax dhex mareen uusan raadraacin isla markaasna ogaado kuwii la tartamayay iyo kuwii ka ololaynayayba in uu isagu ku matalo heer qaran. (j) Xildhibaan walba oo kursiga beeshiisa hela waa inuu ogaado inuu rajo u yahay bulshada Soomaaliyeed guud ahaan isla markaasna u uku shaqeeyo rabitaanka shacabka oo uusan koox gaar ah ama reer gaar ah sadbursi u raadin. (x) Xilliga doorashada iyo muddada ka dambaysa oo shaqada joogtada ah lagu jiro waa in xildhibaanku ilaaliyo joogtayna daacadnimada iyo u turidda bulshada Soomaaliyeed. (kh) waxaa kale oo muhiim ah in xildhibaanku u dhexeeyo bulshada ee uusan u adeegin koox ama qabiil gaar ah. Qore: Ismail Abdullahi Elmi The post Mudnaanta Matalaadda Bulsho – Maqaal appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Nin ku hubeysnaa bastoolad ayaa galabta weerar ku qaaday ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya oo ku sugnaa xaafadda Xoosh, degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir. Ninkaas oo la aaminsanyahay inuu ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa sida la sheegay weerar toos ah ku qaaday ciidamada, waxuuna ka dhaacay illaa seddax askari. Israsaaseyn kooban kadib, waxaa ciidamada u suurta gashay inay dhaawac ku qabtaan ninkii fuliyey weerarkaas, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya. Ninkii ku hubeysnaa bastooladda ee dhaawaca u geystay askartaas ayaa hadda ku jira gacanta laamaha ammaanka, isagoo dhaawac ah. Illaa hadad lama cadeyn sababta ka dambeysay weerarka uu fuliyey ninkaas iyo inuu ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab oo inta badan dilal ka geysta magaalada Muqdisho. Sabtidii shalay ayey aheyd markii rag ku hubeysan bastoolado ay isku dayeen inay dilaan askari ka tirsanaa booliska ka howlgala degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir. Hasa yeeshee askariga oo ka war helay damaca ragaas ayaa kala hor maray rasaasta, waxuuna halkaas ku dilay mid ka mid seddax nin oo la aaminsanyahay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab, halka labadii kale ay goobta ka baxsadeen. The post Nin weerar iyo dagaal ka fuliyey gudaha Muqdisho oo nolosha lagu qabtay first appeared on Caasimada Online.
-
Sheekh Cabdiraxmaan dheere oo ka mid ah culumada magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Nin cadaan ah oo lagu magacaabo Tim Crow Oo Ahaa Sarkaal qayb [...] The post Daawo: – Sheekh Cabdiraxmaan dheere oo sheegay in Hargeysa laga masaafuriyey Nin cadaan ah oo Fisqi ka waday magaalada appeared first on . Source
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen daacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-Hebeen-25102020.mp3 View the full article
-
Paris (Caasimada Online) – Dunida Islaamka ayaa waxaa sare uga sii kacaya baaqyo ku aadan in la qaadaco badeecadaha Faransiiska kadib markii madaxweyne Emmanuel Macron uu cambaareeyey “islaamiyiinta”, wacadna ku maray “inaanu ka tanaasuli doonin” sawir gacmeedyada loola jeedo Nebi Muxamed NNKH. Hadallada uu Macron jeediyey Arbacadii ayaa jawaab u ahaa gowraca macallin Faransiis ah Samuel Paty, oo lagu dilay iskuul ku yaalla duleedka Paris kadib markii uu ardaydiisa tusay sawir gacmeed loola jeedo Nebiga NNKH. Diinta Islaamka ma ogola in wax sawir ah lagu muujiyo Nebiga NNKH. Sabtidii, Wasaaradda Arrimaha Dibedda Jordan ayaa cambaareysay “sii socoshada daabacaadda sawir gacmeedyada loola jeedo Nebi Muxamed NNKH ayada oo lagu marmarsiyoonayo xoriadda hadalka,” iyo isku day kasta “oo faquuq iyo marin habaabin ah oo Islaamka la xiriirinaya argagixisada.” Wasaaradda si toos ah uma cambaareyn Macron, hase yeeshee xisbiga Dhaqaaq Islaamiga ah ee Jordan ayaa ugu baaqay madaxweynaha Faransiiska inuu cudurdaar ka bixiyo hadalladiisa, waxaana uu ku booriyey shacabka Jordan inay qaadacaan badeecadaha Faransiiska. Qaadacaadda noocaas ah ayaa goor horeba ka socotay dalalka Kuwait iyo Qatar. Dukaamada ku yaalla Kuwait ayaa la arkay ayaga laga saarayo dhammaan badeecadaha lagu soo sameeyey Faransiiska. Sidoo kale magaalada Doha, shaqaalaha dukaamada ayaa tuurayey dhammaan alaabaha ka yimid dalka Faransiiska. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Sabtidii cambaareeyey Macron, isaga oo sheegay inuu u baahan in “maskaxdiida la baaro.” “Muxuu qof ka dhihi karaa madaxweyne dal oo malaayiin qof oo ka kala tirsan kooxo diimeedyo kala duwan sidan ula dhaqmaya. Marka hore, maskaxdaada soo baar,” ayuu yiri Erdogan. Macron ayaa sidoo kale ka carreysiiyey dunida Islaamka horaantii bishan kadib markii uu yiri “Islaamka waa diin xasarad ay ka taagan tahay dunida oo idil.” Nayef Falah Mubarak Al-Hajraf, oo ah xoghayaha guud ee Golaha Iskaashiga Khaliijlka ayaa hadallada Macron ku qeexay “kuwa mas’uuliyad darro ah, oo sare u qaadi doona isnaceyb dhaqan.” Sidoo kale Jaamacadda Qatar ayaa sheegtay “in kadib xadgudub ula kac ah oo lagu sameeyey diinta Islaamka iyo astaamahaeeda” ay hakin doonto Toddobaadka Dhaqanka Faransiiska ee lagu qaban lahaa Jaamacadda. AFP + VOA The post Carro ka dhalatay hadal uu Macron ugu gefay Islaamka iyo Nebi Muxamed NNKH first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa ogaatay in maamulka gobalka Banaadir uu billaabay qoditaanka Ceel-Biyood u gaar ah dowladda Hoose ee Xamar, kadib markii dhowaan xarunta gobalka laga goostay biyihii. Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in qodista Ceel-kaan ay ka socoto Masaajidka Arbaca Rukun, oo ah meel u dhow xarunta gobalka waana Ceel Riig ah. “Meel wanaagsan ayuu marayaa qodista ceelka waxaana isu xil saaray guddoomiyaha gobalka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, iyadoo aysan xil weyn iska saarin kuwii ka horreeyay,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan maamulka gobalka Banaadir oo aan la hadalnay. “Bishii ugu yaraan 20 kun ayaa lagu soo dalacaa gobalka, bilooyinka qaar waa is gaartaa, mararka qaarna maamullada ayaa isbadala waxaana dhib badan la kulma qolada ceelka, waxaan rabnaa in dhibkaas iyo qarashkaas badan laga baxo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay sarkaalka aan la hadalnay ee ka tirsan maamulka gobalka Banaadir. Ceel-biyoodkaan ay qodoneyso dowladda Hoose ee Xamar ayaa ku soo aadayo iyadoo todobaadyadii la soo dhaafay gobalka laga jartay biyaha iyo korontada. Wararka aan helnay ayaa sheegaya in lacago badan oo is gaaray lagu yeeshay dowladda hoose ee Xamar, islamarkaana ay ka caga-jiideen bixinta lacagta, taas oo sababtay in adeegii Korontada laga jarto. Lama oga maamulka gobalka go’aanka uu sidoo kale ka qaadan doono dhibaatooyinka ay ku qabaan korontada oo shirkadda bixisa ay ku soo dalacdo lacago badan oo kumanaan kun oo dollar ah bil kasta. The post Maamulka G/Banaadir oo qaaday tallaabo jawaab u ah biyaha oo laga jartay first appeared on Caasimada Online.
-
The second round of polio immunization campaign is set to begin in Somalia on Sunday, targeting 1.65 million children aged under five years, with oral polio vaccine in the south and central regions, the UN said on Saturday. The four-day campaign will seek to end the currently ongoing outbreak of polio, which has already infected 23 children, the ministry of health, the World Health Organization (WHO), and UNICEF said in a joint statement issued in Mogadishu. Fawziya Abikar Nur, acting minister of health, said that the first round of this vaccination campaign demonstrated that Somali health workers can be counted on to deliver vital immunization services safely during the COVID-19 pandemic. “Using masks, sanitizer, hand washing and physical distancing measures, vaccinators and teams of social mobilizers safely met with families, answered parents’ questions and vaccinated children. Round one was a great success, and we have high expectations for round two,” said Nur. The two UN agencies and the ministry of health confirmed that 8,951 well-trained health teams will conduct the final round of a two-round house-to-house polio campaign in the central and south regions of the country, from Oct. 25-28. According to WHO, polio health teams have joined the fight against COVID-19 in Somalia since January, providing support in tracing, tracking and following up with suspected and confirmed cases. It said although health workers were forced to pause regular health services to attend to the COVID-19 pandemic, last month, Somalia took bold steps to resume regular health activities, by conducting immunization campaigns to stop the spread of a rare strain of poliovirus. WHO said some of the main challenges Somalia faces include reaching vulnerable children who are difficult to access due to security and other logistical challenges, and assuring caregivers that polio vaccines are safe for newborns. “Thanks to the strides we have made so far, we would like to believe we are in the final stretch in the polio eradication journey now,” said Mamunur Malik, WHO Representative for Somalia. View the full article
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa manta soo gudbiyey xubnaha maamulkaas ku matalaya guddiyada doorashada heer federal ee 2020-2021 oo laga sugayey iney soo gudbiyaan. Madaxweynaha xubnaha uu soo magacaabay ayaa ka kooban afar xubnood, kuwaas oo Hishabeelle matali doona , waxaana ay kala yihiin Cabdinaasir Maxamed Guulee iyo Maxamed Maxamuud Cadow oo matalaayo guddiga hirghelinta doorashada dadban ee 2020-2021. Sidoo kale Madaxweyne Waare ayaa Farxiyo Xasan Cismaan iyo Liibaan Cismaan Nuur ayaa u magacaabay in Hirshabeelle ay ku matalaan guddiga xalinta khilaafaadka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada. Qoraal kasoo baxay madaxweynaha ayaa lagu sheegay in xubnahaan la magacaabay ay ka dambeysay heshiiskii dhowaan lagu gaaray magaalada Muqdisho, kaas oo u dhaxeeyey dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada laguna jaangooyey nuuca doorasho ee dalku uu aadayo 2020-2021-ka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
