Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo shalay ka qeyb-galay kulan uu yeeshay golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye, ayaa si adag uga hadlay qaabka ay beesha caalamka iyo hay’addaha caalamiga ahba ula tacaamulayaan Somaliland. Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in marnaba aysan aqbaleyn xukuumadiisu in beesha caalamka ay taageeradeeda ama mashaariicda kala duwan ee laga hirgelinayo deegaanada Somaliland ay usoo mariyaan dowladda federaalka, taasi oo ay Somaliland u aragto mid lagu hoos geeyey dowladda federaalka. Waxa kale oo uu sheegay in Somaliland ay tahay dal madax-banaan, isla markaana loo baahan yahay in beesha caalamku ay kala xaajooto arrimaheeda iyo mashaariicda ay ka fulinayso Somaliland. Madaxweynaha ayaa ku hanjabay inay joojinayaan xiriirka wada-shaqeyned ee kala dhaxeeya dalalka beesha caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah, haddii ay ku kacaan wax wiiqaya qaranimada Somaliland. “Anagu kamid ma nihin dowladda Soomaaliya, wixii aad dalkeena tareysaan anaga ayaa nagala tashaneysaan, Ninkii taas aan dooneyn hadduu Hay’ad yahay iyo Dowlad-ba wixiisa ha iska haysto,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi. Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay in xiligan loo baahan in laga wada-shaqeeyo qaranimada Somaliland, isla markaana meel looga soo wada-jeesto waxkasta oo waxyeelaya qaranimada Somaliland. Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya xili dhawaan ay Somaliland joojisay xiriirkii wada-shaqeyneyd ee hay’addaha Qaramada Midoobay, kadib markii ay dowladda federaalka la saxiixatay mashruuc laga fulinayo deegaano ka tirsan Somaliland. The post Muuse Biixi oo u hanjabay beesha caalamka xilli si dadban loo hoos geeyey DF first appeared on Caasimada Online.
  2. Xog ku saabsan bulshada Muslimiinta ee Faransiiska Qaar ka mid ah dalalka Islaamka ee Caalamka ayaa weli wada qaadicidda alaabta uu soo saaro Faransiiska ka dib markii madaxweynaha dalkaas lagu eedeeyay “in uu u gefay Nabi Maxamed” NNKH. Arrintan ayaa ka dhalatay sawir-gacmeed lagu sheegay “Nabi Maxamed NNKH” oo macallim uu tusay ardeydiisa, kaas oo markii dambe lagu bireeyay magaalada Paris ee Faransiiska. Waxay isu soo baxyo ka dheceen qaar ka mid ah dalalka Islaamka, sida Soomaaliya, Bangladesh, Pakistan, Suuriya iyo kuwa kale. Waddanka Faransiiska waxaa ku nool dad malaayiin gaaraya oo Muslimiin ah. Bulshada Muslimiinta Faransiiska Bulshada guud ee dalka faransiiska waxay gaareysaa ku dhowaad 67 milyan. Muslimiinta dalkaas ku nool ayaana lagu qiyaasay illaa 6 milyan oo u dhiganta 9% boqolkiiba oo ka mid ah shacabka guud ee dalkaas, sida lagu ogaaday cilmi baaris la sameeyay sannadkii 2017-kii. Diinta islaamka waa midda labaad ee ugu wayn ee ku xigta Masiixiyadda, sida lagu xusay warbixinno horey loo soo saaray. Meelaha ay dibadbaxyada ugu waaweyn ee looga soo horjeedo Faransiiska ka dhaceen waxaa ka mid ah Bangladesh Bulshada Muslimiinta ee ku nool faransiiska waa kuwa ugu badan galbeedka qaaradda Yurub. Dadkaas badankood, ilaa boqolkiiba 70% waxay asal ahaan ka soo jeedaan Galbeedka Afrika, gaar ahaan dalalkii uu Faransiiska gumeystay ee Aljeeriya, Moroko iyo Tunisiya. Sidoo kale waxaa dhowaanahan ku sii badanayay Muslimiinta ka soo jeeda Bariga Dhexe. Waxaa kale oo jira dad asalkoodu Faransiis yahay oo qaatay diinta Islaamka, kuwaas oo ku kala nool magaalooyinka waddankaas. Shacabka Muslimiinta ee ugu badan Faransiiska waa Sunniyiin. Tirada dadka salaadaha u aada masaajidda waxay sare u kacday boqolkiiba 23% sannadkii 2008-dii, marka la barbardhigo 1994-tii oo ay ahayd 16 boqolkiiba, sida ay sheegtay hay’ad kormeerka sameysa oo Faransiiska ka howlgasha. Bulshada Muslimiinta ee Faransiiska waxay da’dooda u badan tahay kuwa ka yar 24 sano, sida la rumeysan yahay. Xog sax ah in laga helo way adag tahay, maadaama Faransiiska uu arrimaha diinta iyo jinsiyadda u arkto arrimo shaqsi ah oo gaar u ah qofka. Muslimiintii ugu horreeyay waxay Faransiiska tageen qarniyo ka hor – balse tiradii ugu badnayd waxay halkaas gaareen xilligii gumeysiga uu billowday iyo xilliyadii dagaalladii xoreynta ee 1954 illaa 1962. Magaalooyiinka ay ku nool yihiin Muslimiinta ugu badan waxay kala yihiin Paris, Marseille, Lyon iyo deegaannada ku xeeran. Faransiiska wuxuu ka mid yahay waddamada kala saara arrimaha diinta la xiriira iyo arrimaha dowladda iyo bulshada. Balse waxaa horey loogu eedeeyay in shacabka Muslimiinta ay yihiin kuwa ay sida ba’an u saameysay shaqo la’aanta, ayna ku nool yihiin xaafadaha saboolka ah. Astaamaha diimaha oo laga mamnuucay goobaha bulshada, waxaa ka dhashay dhaleeceyn ballaaran, waxaana loo arkayay in xijaabka dumarka Muslimaadka ah loola jeeday go’aankaas. Hadalka madaxweyne Macron ayaa ka cadheysiiyay dad badan oo Muslimiinta caalamka ah Kaddib markii weerarro argagixiso ka dhaceen Faransiiska sannadihii 2015-kii iyo 2016-kii, arrimaha amniga ayaa ka mid noqday waxyaabaha ugu waaweyn ee ay diiradda saaraan dadka codeeyayaasha ah ee ka qeyb gala doorashada madaxweynaha ee dhaceysa gugan. Waddankan waxaa xasaasi ka ah in la isku dheellitiro muslinnimada iyo argagixisanimada. Guud ahaan Qaaradda Yurub Muslimiinta ku nool waxaa lagu qiyaasaa ku dhowaad 16 milyan. Sidoo kale, Jarmalka oo ku xiga waxaa ku nool illaa 3.3 milyan, Britain-na ilaa 1.6 milyan. Taliyaaniga iyo Netherlands waxaa ku kala nool isku darka ilaa 1 milyan oo Muslimiin ah. Machadka The Brookings Institution, oo wax ka diyaariya Muslimiinta dalalka reer Galbeedka ayaa sheegay in dhibaato ay ka haysato dhinacyada shaqada, guriyeynta iyo waxbarashada. Qaran News
  3. Booliska waddanka Faransiiska, ayaa laga soo xigtay, in qof ku hubeysnaa toorreey uu saddex ruux ku dhex dilay kaniisad ku taalla magaalada Nice ee dalkaasi. Guddoomiyaha degmada Nice, Christian Estrosi, oo si adag weerarkaas uga hadlay, islamarkaana ku tilmaamay mid argagixiso, ayaa sheegay in haweeney ka mid aheyd saddexda ruux la helay iyadoo gowracan. Mr Christian Estrosi, ayaa sidoo kale xusay in weerarka uu ka dhacay gudaha kaniisadda Notre Dame ee magaalada Nice. Ninka weerarka geystay oo aanan weli la ogaan heybtiisa, ayaa la dhigay isbitaal, kaddib marki ay dhaawaceen ciidamo boolis ah, kuwaas oo markiiba gacanta ku dhigay. Weerarkan ayaa ku soo beegmay, xilli ay caro xooggan ka dhalatay hadalkii gefka ahaa ee Madaxweynaha Faransiisku ku tilmaamay Nebi Muxamed NNKH, hadalkaas oo ka caraysiiyay muslimiin badan. PUNTLAND POST The post Weerar Toorrey loo adeegsaday oo ka dhacay gudaha Faransiiska appeared first on Puntland Post.
  4. MOGADISHU (HOL) - The UN in Somalia has condemned the murder of two aid workers who were involved in polio vaccination campaign in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  5. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku suagan dalka Masar ayaa warbixin la xiriirta xaaladda dalka iyo midda gobolka waxaa uu ka jeediyey xarunta taariikhiga ah ee daraasadda Istiraatiijiyadda iyo Siyaasadda ee Al-Ahram. Hadal-jeedinta madaxweyne Xasan Sheekh ayaa diiradda saaratay arrimo badan oo ay ka mid ahaayeen ahmiyadda Soomaaliya ee jiquraafi iyo mid siyaasadeed iyo micnaha ay ku fadhiso xeebta Soomaaliya oo ah midda isku xirta Afrika iyo Carabta iyo weliba sida carabta ay ula noolaan karto dariskeeda. “Nabad iyo xasilooni kama dhalan karto gobolka iyada oo aaney xasilin Soomaaliya” waxaa sidaasi khudbadiisa ku bilaabay madaxweyne Xasan. Dhanka kale, waxaa uu madaxweyne Xasan Sheekh ka hadlay sidii loo abuuri lahaa iskaashi iyo isdhexgal gobolka ah oo ku dheehan ixtiraam “Waa in la joojiyaa kooxeysiga, taasina waxaa ay ku iman kartaa in la helo dano siman oo dhammaan qeybaha gobolka ah”. “Waa in la xoojiyo xiriirka istaraatiiji iyo midka taariikhiga ah ee dalalka Carabta iyada oo aan la lumen xiriirka fiican ee dalalka kale ee dariska ah, lana dhowro danaha ka dhaxeeya” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey. Booqshada Xasan ee Qaahira oo laba maalmood ku koobnayd ayaa la filayaa inuu galabta soo gabo gabeeyo isaga oo ku siijeeda dalka Tanzaniya oo ay qoyskiisu deggan yihiin. Source: goobjoog.com
  6. Paris (Caasimada Online) – Magaalada Nice ee koonfurta dalka Faransiiska ayaa waxa goordhoweyd ka dhacay weerar uu fuliyay nin muslim ah oo ku hubeysnaa mindi, kaasi oo sababay dil iyo dhaawac. Wararka hordhaca ah ee kasoo baxaya weerarkaasi, ayaa sheegaya in lagu dilay ugu yaraan saddex qof, halka kuwo kalena lagu dhaawacay, sida ay wakaalada wararka AFP kasoo xigatay laamaha ammaanka. Weerarka ayaa ka dhacay agagaarka Kaniisadda loo yaqaano “Our Lady” oo ku taal bartamaha magaalada Nice. Weerarkan oo lagu tilmaamay mid argagixiso ayaa waxa la gowracay saddexda qof midkood, halka mid kamid ah uu u geeriyooday dhaawac culus oo kasoo gaaray weerarkaasi. Christian Estrosi oo ah duqa magaalada Nice oo ka warbixiyey weerarkaasi ayaa carabka ku adkeeyay in xogtii ugu horreysay ay muujisay in weerarka uu ahaa mid argagixiso, isla markaana gacanta lagu soo dhigay shaqsigii ka dambeeyay. Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa duqa magaalada ayaa iyaduna sheegtay in eedaysanaha loo qabtay falkaas uu ku celcelinayay “Allahu Akbar”, xitaa ka dib markii ay soo xireen booliiska, isaga oo dhaawac ah. Xaalada guud ee magaalada Nice ayaa xiligan degan, kadib markii ay howl-galo amniga lagu sugayo ay ka bilaabeen ciidamada amaanku, iyada oo xeer ilaalintuna ku dhawaaqday furitaanka baaritaankaasi. Faransiiska ayaa wajahay xaalad cakiran, kadib markii uu hogaamiyaha u sareeya dalkaasi Emmanuel Macron uu ku dhawaaqay hadalo uu ku aflagaadeynayo diinta suuban iyo nebigeena NNKH, midaasi oo si weyn uga careysiisay umadda islaamka. Shacabka Faransiiska oo muslimiin badan ay ku jiraan ayaa sidoo kale ka carrooday hadalka Macron, waxaana laga cabsi qabaa weeraro kale inay ka dhacaan. The post Weerar dad lagu gowracay oo ka dhacay France kadib gefkii loo gaystay Nebiga NNKH first appeared on Caasimada Online.
  7. Dowladda Mareykanka, ayaa sheegtaay in ay si weyn u taageerayso dadaalada lagu carqaladeynayo hababka dhaqaale iyo maalgalinta ay adeegsato kooxda Al-Shabaab. Hadaladaan ayaa yimid ka dib markii khabiirro ka tirsan Qaramada Midoobay ay sheegeen in Kooxdaasi sanadkii hore ay soo ururiyeen lacago ka badan $ 21 milyan oo ay ku bixiyeen dagaalada, hubka iyo sirdoon . Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay Kelly Craft, ayaa Arbacadii u sheegtay Golaha Amniga in maamulka Trump ay ka go’an tahay in ay la shaqeeyaan dalalka kale,isla markaana ay adeegsadaan cunaqabateynta Qaramada Midoobay si looga hortago maalgelinta Al-Shabaab. Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa lagu waramay in ay diiradda saarayaan warbixinadii ugu dambeeyay ee ay soo gudbiyeen guddiga khubarada iyo sida wax looga qaban karo saameynta dagaalada Al-shabab ee aan ku ekayn Soomaaliya,balse u gudbay dalalka deriska ah . PUNTLAND POST The post Maraykanka oo ka shaqaynaya Xayiraadda ilaha dhaqaale ee Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  8. Arbacadii la soo dhaafay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa lagu sameeyay isku aadka isreebreebka AFCON U20 iyo AFCON U17 ee CECAFA. Ciyaaraha isreebreebka AFCON U-20 waxaa lagu qaban doonaa Tansaaniya 22ka Nofeembar ilaa 6da Diseembar, halka isreebreebka U-17 uu ka dhici doono Rwanda laga bilaabo 13ka Diseembar-28ka Diseembar, sida ay sheegeen guddiga CECAFA. Tartanka 17-jirada AFCON waxaa ka qeyb galaya ilaa sagaal dal oo kala ah Ereteriya,Koonfurt Sudan,Ruwanda,Uganda,Itoobiya,Kenya,Sudan,Jabuuti iyo Tansaaniya. Sagaalkaas dal waxaa loo kala qeybiyay ilaa sadex group oo kala ah Group A waxaa ku jira Ruwanda,Ererteriya iyo Koonfurta Sudan. Group B waxaa ku jira Uganda,Itoobiya iyo Kenya,halka Group C ay ka soo muuqdeyn dalalka kala ah Jabuuti,Sudan iyo Tansaaniya. Soomaaliya ayaa ciyaari doonta 20 jirada oo 11 dal ay ku tartami doonaan,Soomaaliya waxaa lagu soo daray guruubka A oo ay ku jiraan Tanzania, Rwanda iyo Djibouti, halka Burundi, Eritrea, Koonfurta Sudan iyo Uganda ay ku jiraan guruubka B,halka Ethiopia lagu soo daray guruubka C oo ay la jiraan Kenya iyo Sudan. Sida laga soo xigtay CECAFA, jadwalka labada dhacdo oo dhameystiran oo leh taariikhaha iyo waqtiyada dhamaan kulamada ayaa la soo saari doonaa isla marka uu xaqiijiyo xiriirka kubbadda cagta Afrika W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  9. A Kenyan National has been sentenced to death by a Somali Military court over links to a terror group. Source: Hiiraan Online
  10. Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ciidamada Booliiska Galmudug iyo kuwa Xoogga dalka, gaar ahaan qeybta 21-aad ay howl-gallo ballaaran ka wadaan degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolkaasi. Howl-gallada oo ah kuwa qorsheysan ayaa waxaa lagu xaqiijinayaa amniga magaaladaasi oo uu habeen hore ka dhacay weerar lagu dilay dad shacab ah. Sidoo kale waxaa maanta Caabudwaaq qaaray wafdi isugu jira xildhibaano & wasiiro, kuwaas oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Galmudug. Wafdigan ayaa la filayaa in ay ka qeyb-qaataan dadaallada lagu sugayo amniga, laguna xasilinayo degmadaasi. Galmudug ayaa horey bandow ugu soo rogtay magaalada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud, si looga hortago falalka ammaan darri ee ka dhaca halkaasi. View the full article
  11. Mareykanka ayaa sheegay inuu wado qorshe xoogan oo uu kala dagaalamaya dhaqaalaha Xarakada Al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya. Warbixin ka soo baxday QM ayaa lagu sheegay in ay korortay lacagaha ay u adeegsadaan dagaallada, iyadoo sanadkii hore ay ku bixiyeen in badan 21 milyan oo dollar, taas oo Al-Shabaab ay u adeegsadeen sirdoonka iyo dagaallada ay ka geeystaan gudaha Soomaaliya. Safiirka Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa golaha ammaanka u sheegay in tallaabo laga qaadi doono wadamo la sheegay in Al-Shabaab ay maaliyadda u soo marto. Mareykanka ayaa waxaa ay isku dayayaan in ay wiiqaan awooda Al-Shabaab, si ay u yaraato waxyeelada gaarta shacabka, iyadoo sidoo kale culeyska uu ka yaraanayo wadanka Kenya oo Al-Shabaab ay ka geystaan weeraro hubeysan. Warbixinta ka soo baxday Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab oo xiriir la leh ururka Al-Qaacidda ay yihiin kuwa ugu halista badan ee ka dagaalama qaaradda Afrika Mareykanka ayaa xusay in haddii Al-Shabaab lagala dagaalamo dhinaca dhaqaalaha ay yaraando doonto weerarada loo adeegsado qaraxyada ee ay ka fuliyaan Soomaaliya. View the full article
  12. War qoraal ah oo ka soo baxay hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ayaa waxaa lagu faah faahiyey howl-gal ciidamada dowladda ay xalay ka sameeyeen M/ Muqdisho. Howl-galka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa laga fuliyey xaafadda Oodweyne oo ka tirsan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir., sida ay sheegtay hay’adda NISA. Sidoo kale qoraalkan ayaa waxaa lagu shaaciyey in howl-galkaasi lagu soo qabtay hub iyo raggii watay, kuwaas oo la sheegay inay ka tirsan yihiin dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab. “Ha’yaddaha amniga caasimadu ayaa waxay goor kasta diyaar u yihiin inay ka hor-tagaan, iskuna dhigaan dhibaato kasta oo loo soo maleego shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Caasimadda.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. NISA ayaa sidoo kale u mahadcelisay dadka shacabka ah ee laamaha ammmaanka la soo wadaagay xogtaasi, iyada oo shaacisay inay muhiim tahay in laga wada-shaqeeyo amniga. “Waxaan mar walba u mahadcelineynaa shacabkii nagu garab siiyey helida xoggaha xaasaasiga ah ee lagu badbaadinayey shacabka Soomaaliyeed.” ayaa markale lagu yiri qoraalka. Ciidamada ammaanka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliiska ayaa maalmihii la soo dhaafay kordhiyey howl-gallada ay ka wadaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho oo dhowaan isku diyaarineyso marti gelinta doorashada soo socota ee 2020 illaa 2021-ka. View the full article
  13. Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa war ka soo saaray dilka shaqaale ka tirsanaa qeybta talaalka Qaramada Midoobay oo lagu dilay magaalada Muqdisho. Warsaxaafadeedkan ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaasi ay fuliyeen rag loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab. Halkan hoose ka aqriso: Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa dilka laba ka mid ah shaqaalaha samafalka, oo la sheegay inay magaalo madaxda Muqdisho ku dileen dad looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab. Labada shaqaale samafal ee Soomaaliyeed waxay ku shaqeynayeen ololaha socday ee tallaalka cudurka dabaysha, ee ay soo qabanqaabiyeen Sanduuqa Carruurta ee Qaramada Midoobay (UNICEF), Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) iyo Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Federaalka. “Shaqaalahani waxay ahaayeen dad rayid ah oo adeegyo caafimaad oo muhiim ah siinayay carruurta nugul ee magaalada Muqdisho. Qaramada Midoobay waxay si adag u cambaareyneysaa falkan foosha xun waxayna ku nuuxnuuxsanaysaa in dhinacyada oo dhan ee xaaladaha colaadda ay waajib tahay inay ixtiraamaan oo ay ilaaliyaan dadka rayidka ah,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan. Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay ugu baaqeysaa mas’uuliyiinta/hay’adaha inay baaritaan buuxa ku sameeyaan dilalka, waxayna tacsi tiiraanyo leh u diraysa qoysaska dhibbanayaasha. “Dhimashada labadan shaqaale caafimaad waxay xadgudub weyn ku tahay Sharciga Caalamiga ee Bani’aadanimada. Iyagoo ahaa shaqaale bini’aadanimo, waxay ku sugnaayeen jiidda hore iyagoo isku dayaya inay xakameeyaan cudurka dabaysha. Waa wax laga xumaado in la dilo iyagoo isku dayaya inay caawiyaan dad kale,” ayuu yiri Isuduwaha Arrimaha Bini’aadanimada ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Adam Abdelmoula. “Waxaan dhammaan dhinacyada ku boorinayaa inay ilaaliyaan shaqaalaha samafalka, taasoo ay ka mid tahay inay dhowraan mabaadi’da samafalka ee bani’aadanimada, eex la’aanta, dhexdhexaadnimada iyo madax-bannaanida, si aan Soomaaliya uga cirib-tirno cudurrada laga hortegi karo sida cudurka dabaysha oo kale,” ayuu ku sii daray Isku-duwaha Howlaha Bani’aadanimada. Dilkan ayaa ku soo beegmaya xilli uu cudurka dabayshu ku dhacay 23 carruur ah eek u nool Soomaaliya. Gobollada koonfurta iyo bartamaha dalka, shaqaalaha bani’aadanimada waxay u shaqeynayeen si hakad la’aan ah si ay tallaalka afka ee cudurka dabaysha u gaarsiiyaan 1.65 milyan oo carruur ah, oo ay ku jiraan ku dhowaad nus milyan carruur ah oo ku nool magaalada Muqdisho. Amniga ayaa wali caqabad weyn ku ah howlaha samafalka ee ka socda Soomaaliya. Tan iyo bishii Janaayo 2020, 191 dhacdo oo ka dhan ah howlaha samafalka ayaa la diiwaangeliyay oo 13 shaqaale samafal lagu dilay, 12 lagu dhaawacay, 24 lagu afduubay iyo 14 lagu xiray ama si ku meel gaar ah loo xiray. View the full article
  14. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-Duhur-29102020-ok.mp3 View the full article
  15. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo iminka ku sugan Magaalada Qaahira ayaa lagu casumay inuu ka lhudbeeyi Xarunta Cilmi Baarista iyo Siyaada ee [...] The post Madaxweynihii hore Xasan Sheikh oo Lagu casumay Xarunta Cilmi Baarista Masar appeared first on . Source
  16. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa Qasriga madaxtooyadda ku qaabilay Axmed Mire Maxamed , oo ka mid ahaa udub-dhaxaadkii Ururkii SNM. Kulanka oo Saacado qaatay waxa madaxweynaha ku wehelinayay Wasiirka Arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiirka dhalinyaradda iyo ciyaaraha Boos Mirre Maxamed. Source
  17. Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar ayaa khudbad taariikhi ah ka jeediyey xarunta daraasada istiraatiijiyadda iyo siyaasadda ee Al-Ahram. Xasan Sheekh ayaa laba maalmood ku sugnaa magaalada Qaahir, halkaasi oo uu tegay kadib casuumad uu ka helay machadka Al-Ahram. Hadal-jeedinta Xasan Sheekh ayaa ku saabsaneyd kaalinta Soomaaliya ee siyaasadda fog ee geeska Afrika, iyo sida ay Soomaaliya muhiim ugu tahay gobolka oo dhan, isaga oo isku xiray xasilloonida Soomaaliya iyo tan gobolka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay muhiim u tahay isku xirto wadamada gobolka, islamarkaana loo baahan yahay in laga wada-shaqeeyo xasiloonideeda. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in is-dhexgalka iyo iskaashiga geeska Afrika aan la xaqiijin karin, iyada oo aan la helin iskaashi siman oo dhex mara dowladaha geeska “Taariikhdu waxay na bareysaa sida aysan suurtagal u ahayn in aan helno xasilloonida gobolka innaga oo aan heynin xasilloonida Soomaaliya, sidoo kalena dhammaan fikradaha isdhexgelka iyo iskaashiga geeska Afrikana lama xaqiijin karo iyada oo aan la helin iskaashi siman oo dhex mara dowladaha geeska,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud. Xasan Sheekh oo ku dheeraaday muhiimmadda ay xasilloonida Soomaaliya u leedahay waddamada geeska ayaa xusay muhiimmadda ay leedahay mideynta dadaallada looga adkaanayo argagixisada, oo aan loo arkin cadow ay Soomaaliya leedahay oo kaliya. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa booqashadan ku wehlinayo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan Mahad Salaad iyo Faarax Sheekh Cabdiqaadir oo labaduba ka mid ah saaxibadiisa siyaasadeed. Booqshada Xasan ee Qaahira oo laba maalmood ku koobnayd ayaa la filayaa inuu galabta soo gabo gabeeyo isaga oo ku siijeeda dalka Tanzaniya oo ay qoyskiisu deggan yihiin. The post Ujeedka safarka XASAN Sheekh ee Qaahira + Sawirro first appeared on Caasimada Online.
  18. Weerar toorrey loo adeegsaday oo ka dhacay Faransiiska Saddex qof ayaa ku dhintay weerar toorrey loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Nice, ee dalka Faransiiska. Duqa magaalada Nice Christian Estrosi ayaa sheegay in hal qof loo xiray weerarkan oo goor dhow dhacay. Wasiirka arrimaha gudaha dalkaas Gérald Darmanin ayaa ka codsaday dadka inay ka fogaadaan goobta oo ku taalla bartamaha magaalada Riviera ee dalkaasi Faransiiska. Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Faransiiska, haweeney iyo nin ayaa ku dhintay weerarka, qof looga shakiyay inuu weerarka fuliyay ayaana la xiray 10 daqiiqo kaddib. Booliiska ayaa sheegay in mid ka mid ah haweenka ku dhintay la gowracay. Duqa magaalada Nice ayaa weriyeyaasha u sheegay in eedeysanaha “uu ku celcelinayay” ‘Allahu Akbar’. Daqiiqad aamusnaan ah ayay galeen dadkii ku sugnaa shirka barlamaanka dalkaas, oo uu Ra`iisul Wasaaraha Faransiiska Jean Castex uu ka jeedinayay khudbad. Nice waxay xuddun u ahayd weerarradii ugu ba`naa ee sanadihii la soo dhaafay ka dhacay Faransiiska, iyadoo 14-kii July sanadkii 2016 nin 31 sano jir ah oo u dhashay dalka Tunisia uu gaari xamuul ah dardarsiiyay dad ku sugnaa goob ay xaflad ka dhacaysay, taas oo ay ku dhinteen 86 qof. Qaran News
  19. Magaalada Godey oo ka tirsan Gobolka Soomaalida Itoobiya isla markaasna ah Magaalo taariikh ku leh Dagaalkii 1977 ayaa waxaa booqasho ku tagay maanta Raysal wasaaraha [...] The post Raysal wasaaraha Itooboya oo booqdey Godey appeared first on . Source
  20. Laacibka Xulka Qaranka Soomaaliya Yoonis Cabdirisaaq Faarax ayaa gaaray magaalada Stockholm ee dalka Sweden,waxaan si weyn halkaa ugu soo dhaweyay qaar ka mid ah bahda isboortiga iyo laacibiintii Xulka Qaranka Soomaaliya. Yoonis Faarax oo ka mid ahaa xidigihii kaalinta wanaagsan ka qaatay guulihii Xulka Qaranka Soomaaliya ee is reeb reebka ciyaaraha koobka aduunka ayaa ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee ka dheela Wadamada Yurub,waxaana xidigan dhalay xidigihii hore kooxaha Madbcada Qaranka iyo Horseed Cabdirisaaq Faarax Garooje. “Way mahadsanyihiin reer Sweden waxay ii muujiyeen jecel iyo saaxiibtinimo waxaan ugu mahad celinaynaa sida diiran ay ii soo dhaweeyeen” ayuu Goobjoog Sports u sheegay laacib Yoonis Cabdirisaaq Faarax. Xidigaha soo dhaweynta Yoonis Faarax ka qey galay waxaa ka mid ahaa goolhayihii hore Xulka Qaranka Soomaaliya iyo kooxaha Jeenyo iyo Heegan Mustaf Nakuuja,Jowhar Xaaji iyo xidigo kale oo ka dheelay heerarka kala duwan ee Wadanka Sweden “Sharaf ayay inoo aheyd in aan Sweden ku soo dhawayno laacibka ka tirsan xidigaha tayada wanaagsan ee dalkeena,waxaana garab taaganahay saaxiibkeena iyo xidigaha kale ee difaacaya cakankeena iyo sharafteena” waxaa sidaas Goobjoog Sports ugu waramay Jowhar Xaajo oo ah shaqsi si weyn loo qadariyo horomarinta ciyaaraha Sweden. Si kastaba bahda ciyaaraha Soomaaliya ayaa si weyn caalamka iyo gudha dalka ugu soo dhaweeya ciyaartooyda hore,kuwii dhexe iyo kuwa iminka dheela waxayna falanqeyaasha ciyaaraha arimahan oo kale u arkaan isku xirnaan wanaagsan. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka ayaa faah faahin ka bixisay howlgal qorsheysan oo xalay ciidamada ammaanka Soomaaliya ay ka sameeyeen xaafadda Oodweyne oo ka tirsan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir. Howl-galkan ayey NISA shaacisay in lagu soo qabtay hub farada badan iyo raggii watay, kadib markii ciidamada ay gudaha u galeen guri ku yaalla xaafaddaasi. Qoraal kooban oo ka soo baxay NISA ayaa waxaa lagu sheegay in ragga la soo qabtay ay ka tirsan yihiina Al-Shabaab, islamarkaana ay u qaabilsanaayeen dilalka Muqdisho. “Ha’yaddaha Amniga Caasimadu ayaa waxay goor kasta diyaar u yihiin inay ka hor-tagaan, iskuna dhigaan dhibaato kasta oo loo soo maleego Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Caasimadda.” ayaa lagu yiri warka qoraalka ee kasoo baxay hay’adda NISA. Sidoo kale hay’adda NISA ayaa u mahacad-celisay dadka shacanka ah ee kala shaqeeyey ciidamada amniga in la soo qabto hubkaasi. “Waxaan mar walba u mahad celineynaa shacabkii nagu garab siiyey helida xoggaha xaasaasiga ah ee lagu badbaadinayey Shacabka Soomaaliyeed,’ ayaa sii raacisay NISA.\ Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa kordhiyey howl-gallada lagu xaqiijinayo amniga magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya oo dhowaan marti-gelin doonto doorashooyinka soo socota ee 2020 illaa 2021-ka. The post NISA oo hub iyo raggii watay kusoo bandhigtay Muqdisho first appeared on Caasimada Online.