-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, uu diiday inuu soo magacaabo xubnaha afarta ah ee Maamulka Jubaland uga mid noqonayo, guddiyada doorashada iyo xilinta khilaafaad ee doorashada Soomaaliya. Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu Villa Somalia u sheegay in Jubaland aysan ka qeyb qaadan doonin doorashada Soomaaliya ilaa Gedo laga soo saaro ciidanka dowladda Soomaaliya ee halkaasi ku sugan sida ay noo sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan xafiiskiisa. Maamulka Jubaland ayaa diidan in ay dhacdo doorashada Soomaaliya ilaa ay dowladda ciidankeeda kala baxdo Gedo oo ay ku sugnaayeen bilooyinkii la soo dhaafay. Sidoo kale wararka aan helnay ayaa sheegaya in Xildhibaano ka soo jeeda Gobolka Gedo islamarkaana Axmed Madoobe taageersanaa, dagaal siyaasadeed oo weynna la galay Madaxweyne Farmaajo, ay Axmed Madoobe ku dhaliileen inuu soo dhiciyay kuraasta Xildhibaanada beeshiisa ee u halgamay halka kuwii kale Farmaajo qoyskiisa ahaa islamarkaana isaga xigsaday uu dayacay waxeyna arrintaas keentay in Axmed Madoobe adkeeyo fulinta doorashada Soomaaliya. Dhinaca kale, waxaa jira warar sheegaya in Jubaland ay gudbisay xubnaha guddiga balse lagu soo celiyay kadib markii ay dhamaantood ka dhigtay islamarkaana ay ka gudubtay qoondada dumarka oo hore loogu heshiiyay. Lama oga sida uu ka dambeen doono xiriirka sii xumanayo ee Jubaland iyo Dowladda Soomaaliya, kaas oo ku saabsan arrimaha gobalka Gedo. The post Axmed Madobe oo shuruud ku xiray inuu magacaabo xubnaha Jubaland ee guddiyada doorashada first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Bar___Qubanah-29102020.mp3 View the full article
-
Jeddah (Caasimada Online) – Ayada oo maanta weerar lagu dilay saddex qof, oo mid ka mid ah la gowracay, laga fuliyey magaalada Nice ee dalka Faransiiska, ayaa weerar kale lala beegsaday qunsuliyadda France ee magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga. Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP, nin mindi watay ayaa weeraray qunsuliyadda Faransiiska ee Jeddah, wuxuuna halkaas ku dhaawacay mid ka mid ah waardiyeyaasha. AFP waxay sheegtay in dhacdadaas oo maanta ahayd ay xaqiijiyeen saraakiisha Sacuudiga. Dhacdadan waxay imaaneysaa xilli uu weerar kale oo toorrey loo adeegsaday lagu qaaday kaniisad ku taalla magaalada Nice ee dalka Faransiiska, halkaas oo lagu dilay seddax qof, dhowr kalena lagu dhaawacay. Maamulka Faransiiska ayaa weerarkaas ku tilmaamay mid argagixiso. War qoraal ah oo ka soo baxay safaaradda Faransiiska ee Sacuudiga ayaa lagu sheegay: “Qofka weerarka soo qaaday waxa qabtay ciidamada amniga ee Sacuudiga, isla markii uu weerarka bilowday. Waardiyaha dhaawacmay waxaa loo qaaday isbitaal, xaaladdiisana ma xumo”, ayey qoreen AFP iyo Reuters. Booliska Gobolka Makah oo Jeddah ay ka tirsan tahay, waxay sheegeen in qofka la xiray uu u dhashay Sacuudiga, balse ma aysan sheegin dhalashada qofka dhaawacmay, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters. Safaaradda Faransiiska oo ku taalla Riyadh waxay si adag u cambaareysay weerarka, waxayna muwaadiniinteeda Sacuudiga ku sugan u sheegtay in ay “si wayn u feejignaadaan”, AFP ayaa sidaa ku warrantay. Dalka Faransiiska wuxuu wajahayaa car xoog leh oo ka dhalatay sawir-gacmeed laga sameeyay Nabi Maxamed NNKH. The post Qunsuliyadda Faransiiska ee Jeddah oo la weeraray first appeared on Caasimada Online.
-
Gudiga Doorashooyinka Puntland waxay ku wargalinayaan Dadka doonaya inay ka mid noqdaan Gudiyada Doorashooyinka Heer Degmo in Imtaxaankii la xulayay Xubnaha la qaadi doono Bisha [...] The post Ogaysiis ku socda Dadka u tartamaya kamid noqoshada Gudiga Doorashooyinka Degmooyinka Eyl, Qardho iyo Ufeyn appeared first on . Source
-
Waxa bannaanka u soo baxay sawirro laga qaaday kulan ay Madaxweyne Muuse Biixi, Wasiir Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiir Boos Mire la qaateen Muj. Axmed Mire Maxamed oo muddo dheer ku noolaa dalka dibaddiisa, gaar ahaan waddanka UK, isagoo muddadaas uu maqnaa sidoo kale ka qallinjabiyey Jaamacad ku taal dalka Ingiriiska. Madaxweyne Muuse Biixi, Wasiirka Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo Muj. Axmed Mire Maxamed waxa ay ka mid ahaayeen raggii doorka weyn ku lahaa, isla markaana laf-dhabarta u ahaa halgankii SNM ee dalka Somaliland lagaga xoreeyey Taliskii Millatari ee uu hormuudka u ahaa Maxamed Siyaad Barre. Hasayeeshee, nasiib-darro waxa ay SNM dalka xoraysay iyadoo jiràan xurgufo hoose iyo kala aragti-wannaansho u dhexaysay saraakiishii sare iyo siyaasiyiinta SNM, xurguftaas hoose oo taagan ayaa la isla soo galay gudaha dalka Somaliland, waxayna masuuliyiinta hadda ku kulmay Hargeysa ay ka mid ahàayeen xubnaha ay xurguftàas hoose saamaynta ku yeelatay, aakhirkiina ku kala irdhoobay, halka sidoo kale ay xubnahani ku jireen ragga iskaga soo horjeeday dagàalladii sokeeye ee sida nasiib-darrada ah uga dhacay dalka Somaliland lixdii sanno ee ugu horeeyey dib-u-xorayntii Somaliland. Haddaba, laga soo bilaabo xiliyadaas madoobaa ee ay soo martay Somaliland ilaa maanta oo lagu jiro sannadka 2020, weli may dhicin ama haddii ay jirto aad ayey u yaraayeen in ay si toos ah u kulmaan Muuse Biixi, Maxamed Kaahin iyo Axmed Mire, làakiin haddiiba ay jiraan meelo ay si toos ah ama si aan toos ahayn ugu kulmeen, waxa muuqata in kulankan ay hadda isugu yimaadeen uu yahay mid xambaarsan fariimo kala duwan oo loogu talogalay in si wada-jir ah loogu dirayo bulshada Somaliland, gaar ahaan dhinacyadii dhufayska iskugu jiray xiliyadii madoobaa ama dagaalladii sokeeye ee dalka soo maray. Haddii aynu ku horayno fasiraadda fariinta wada-jirka ah ee ku socota bulshada, waxa ka muuqda sawirkooda, weliba sawirka ay saddexda masuul garbaha isku hayaan ee socodka in sawirrada la qaaday markii uu dhammaaday kulankoodu, iyadoo ay wejiyadooda iyo qaabka socodkooda laga dheehan karayo inay si fiican isku laab-xaadheen, wixii xurgufo ah ee jirayna ay si shakhsi ah uga wada heshiiyeen, maanta laga bilaabana aanay jirin kala weji-dadbasho dambe , waxayna dadka u direen in siyaasiyiin ahaan aanay jirin colaad iyo xumaan dhexdooda taala, dadkana looga baahan yahay in aanay isku colaadinin kala afkaar duwanaanshaha siyaasiyiinta, balse ay ogaadaan inay yihiin dad walaalo ah oo garab iyo gaashaan isku ah. Geesta kale, qaabka ay u soo lebbisteen masuuliyiinta kulanka isku arkay, ayaa iyaduna ah fariin kale oo ay dhinacyo isku dirayaan, iyadoo ay Madaxweyne Muuse Biixi iyo Wasiir Maxamed Kaahin ay ku soo lebbisteen khamiisyo cadcad iyo cumaamado. Haddaba marka la akhriyo daraasadaha laga diyaariyey ee lagu ogaaday midabada lebbiska qofka iyo midabkastaaba fariinta uu dirayo, waxa cilmi-baadhisaha lagu sheegay in qofka xidhan dirayska ama lebbiska caddaanka ah uu dirayo ujeeddo ah in qofka ama cidda uu qaabilayo uu u hayo ama u sito nabadgelyo buuxda, qalbi saafi ah oo ka maydhan nooc kasta oo xumaan iyo colaad ah, sidaa darteen, waxa Madaxweynaha iyo Wasiirku ay si toos ah iyo si dadban ugu direen Muj. Axmed Mirre inay diyaar u yihiin sidii si dhab ah la iskaga bogsiin lahaa wixii xurgufo iyo dhibaatooyin ah ee soo kala dhexmaray labada dhinac, imminka ay diyaar u yihiin in la furo bog cusub oo ah in wixii tegay la iska iloobo, wixii jooga iyo mustaqbalkana looga wada shaqeeyo si nadiif ah, walaalnimo iyo qalbi saafi ah. Wasiirka Ciyaaraha Somaliland Md. Boos Mire oo isna ay walaalo yihiin mujaahid Axmed Mire oo kulanka joogay ayaa isna ku lebbisnaa khamiis cad, waxaannu u muuqday inuu Madaxweynihiisa iyo Wasiir Maxamed Kaahin la wadaago fariinta ah in quluubta la isku nadiifiyo, nabad iyo wanaagna laga wada shaqeeyo. Dhinaca kale, Muj. Axmed Mire waxa uu ku lebbisnaa suudh madaw iyo qoor-gashi (neck tie) midabkiisu yahay casaan, waxayna culimada cilmi-nafsigu ku sifeeyeen masuulka qaabkan u lebbista inuu yahay qof astaan u ah awood xooggan, inuu ku adag yahay waxa uu aamminsan yahay ama mawqifkiisa aan laga furfuri karin (conservative), haddana waa qof diraya fariin ah inuu yahay mid dabacsan, soo dhawaynta diyaar u ah, jecelna inuu iska xakammeeyo waxyaabaha taban (negativity) ee hareerihiisa ka dhacaya. Geesta kale, qoor-gashiga (necktie) midabkiisu casaanka yahay ee uu Muj. Axmed Mire u soo xushay suudhka madawga ah, ayaa isna diraya fariin ah inuu yahay qof leh hammi (ambition) ama hiigsi sare, dhinac walba ka xooggan, ahna qof degen, sidoo kalena ah mid dareenkiisu kacsan yahay (aggressive) oo si qumman ama aan qallooc lahayn u fikiraya, una doodaya. Inkasta oo ay macquul tahay in qaabka ay u soo lebbisteen masuuliyiinta kulmay uu yahay mid si heer sare ah loo qorsheeyey ama loogu talogalay inuu diro fariimahaas aan soo sheegnay, màadaama ay dadka Soomaalida ah lebbiska u qaataan oo qudha qurux iyo asturnaan, wax kale oo ugu dhex qarsoonna aannu jirin, balse waxa cad in kolayba kulankani ku qotomo ujeeddo leh macno weyn. Sida cadna, Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa ay guul siyaasadeed u noqonaysaa kulankan dadweynaha loogu diray farriinta miisaanka culus xambaarsan, halka sidoo kale ay arrintani lib siyaasadeed u noqon karto Muj. Axmed Mire oo u muuqda inuu waqtigan ku soo dhawaanayo sidii dib ugu soo laaban lahaa saaxadda siyaasadda Somaliland oo uu muddo dheer bannaanka ka joogay, waxaanna la sugayaa halka ay arrintani sal dhigato mustaqbalka dhaw Insha Allaah. W/Q Maxamed Cirro Source
-
The United States strongly backed efforts to disrupt the illegal financing methods used by Somalia’s al-Shabab extremist group, which according to U.N. experts raised more than the $21 million it spent last year on fighters, weapons and intelligence. U.S. Ambassador Kelly Craft told the Security Council on Wednesday the Trump administration is committed to partnering with other countries and using U.N. sanctions to counter al-Shabab’s “financing of terrorism” and the threat from homemade bombs the group is making. The United States also remains focused on limiting the ability of al-Shabab to conduct attacks against civilians, she said. The Security Council was focusing on the panel of experts whose latest report stresses the continuing impact of al-Shabab’s operations not only in Somalia but in neighboring Kenya. “The threat posed by al-Shabab to peace, security and stability in Somalia goes beyond the impact of the group’s conventional military action and asymmetric warfare to include sophisticated extortion and `taxation’ systems, child recruitment practices and an effective propaganda machine,” the report said. Al-Qaida-linked al-Shabab remains the most active and resilient extremist group in Africa, controlling parts of southern and central Somalia and often targeting checkpoints and other high-profile areas in the capital, Mogadishu. It has fired several mortars this year at the heavily defended international airport, where the U.S. Embassy and other missions are located. The panel said al-Shabab lost territory as a result of military operations by the Somali National Army and the joint U.N.-African Union peacekeeping force and the increased intensity of airstrikes “by international actors,” including the United States. But since last December, it said the group was able to carry out three large-scale complex attacks, including on a U.S.-Kenyan military base in January and Mogadishu’s Elite Hotel in August. The experts stressed that military operations against al-Shabab “must be accompanied by non-military efforts to degrade the group’s capacity and combat its propaganda.” The panel of experts focused on one al-Shabab “taxation” checkpoint in Lower Juba, the group’s extortion of businesses in Kismayo, and two bank accounts associated with the group’s collection of taxes on imports into the port in Mogadishu, and “zakat” — an annual religious obligation. Its investigation found that al-Shabab generated approximately $13 million in these four case studies alone. It assessed that the group remains “in a strong financial position and is generating a significant budgetary surplus, some of which is invested in property purchases and businesses in Mogadishu.” The experts’ report said the Somali government has taken steps to strengthen the country’s financial sector to combat terrorism financing through legislation and oversight, and the private sector has also implemented measures to protect its systems. The government, supported by the U.N. Office on Drugs and Crime and the panel, is developing a disruption plan for al-Shabab finances that builds on current reforms and requires engagement from across government, the private sector and the international community, the report said. Belgium’s U.N. Ambassador Philippe Kridelka, who chairs the Security Council committee monitoring an arms embargo and other sanctions against Somalia, reported on the panel’s work Wednesday, emphasizing its financial analysis of al-Shabab’s revenue and insights from the U.N. Office on Drugs and Crime into the trafficking of improvised explosive device components. In their 2019 report, the experts said al-Shabab was manufacturing its own explosives, and in the latest report they said IEDs continue to be its “primary weapon of choice.” The panel said an analysis by the U.S. Federal Bureau of Investigation confirmed that al-Shabab was using nitroglycerine as an explosive, potassium nitrate as an oxidizer, and charcoal as fuel in some explosives — and it said the group was using a variety of switches to trigger explosions. Craft, the U.S. ambassador, said: “Addressing the ongoing al-Shabaab threat requires close cooperation between the federal government of Somalia, the Somali private sector, and international partners in order to disrupt their sources of financing.” “We are encouraged to learn this cooperation has been gaining momentum,” she said. Craft also urged council members to renew the U.N. sanctions next month, including a ban on IED components. Germany’s U.N. Ambassador Christoph Heusgen welcomed the panel’s improved cooperation, saying it is needed to tackle “the continuing challenge that al-Shabab poses to the stability and security of the country.” Therefore, he said, “it is very important that the sanctions regime will be continued to really prevent al-Shabab to do what they try to do.” Russia’s Deputy U.N. Ambassador Anna Evstigneeva said Moscow considers sanctions, including the restrictions on IED components, an important instrument to assist the Somali government in establishing peace and security. But she stressed that sanctions “should under no circumstances be an impediment” to the Somali National Army in the fight against al-Shabab. View the full article
-
The United Nations in Somalia strongly condemns the murder of two humanitarian workers, who were reportedly killed yesterday in the capital, Mogadishu, by suspected Al-Shabaab terrorists. The two Somali humanitarian workers were involved with an ongoing polio vaccination campaign, organized by the UN Children’s Fund (UNICEF), the World Health Organization (WHO) and the Federal Ministry of Health. “These workers were civilians providing critical health services to vulnerable children in Mogadishu. The United Nations strongly condemns this reprehensible act and emphasizes that in conflict situations all parties must respect and protect civilians,” said the UN Secretary-General’s Special Representative for Somalia, James Swan. The United Nations in Somalia calls on the authorities to conduct a comprehensive investigation into the killings, and extends its deepest condolences to the families of the victims. “The deaths of these two health workers are a gross violation of International Humanitarian Law. As humanitarians, they were on the frontline trying to contain a polio outbreak. It is abhorrent they were killed while trying to help others,” said the Humanitarian Coordinator for Somalia, Adam Abdelmoula. “I urge all parties to protect humanitarian workers, including by upholding the humanitarian principles of humanity, impartiality, neutrality and independence, so that we can eradicate preventable diseases like polio in Somalia,” the Humanitarian Coordinator added. This killing comes at a time when 23 children have been infected with polio in Somalia. In the country’s south and central regions, humanitarian workers having been working without pause to reach 1.65 million children with oral polio vaccines, including nearly half a million children in Mogadishu. Security remains a major constraint to humanitarian operations in Somalia. Since January 2020, 191 incidents against humanitarian operations have been recorded in which 13 humanitarian workers were killed, 12 injured, 24 abducted and 14 detained or temporarily arrested. View the full article
-
(SLT-Jiddah)-Nin mindi watay ayaa weeraray qunsuliyadda Faransiiska ee Jiddah, wuxuuna halkaas ku dhaawacay mid ka mid ah waardiyeyaasha. Wakaalada wararka ee AFP ayaa sheegtay in dhacdadaas oo maanta ahayd ay xaqiijiyeen saraakiisha Sacuudiga. Daalka Faransiiska wuxuu wajahayaa cadho xoog leh oo ka dhalatay sawir-gacmeed laga sameeyay Nabi Maxamed. Dhacdadan waxay imaaneysaa xilli uu weerar kale oo toorrey loo adeegsaday lagu qaaday kaniisad ku taalla magaalada Nice ee dalka Faransiiska, halkaas oo lagu dilay seddax qof, dhowr kalena lagu dhaawacay. Maamulka Faransiiska ayaa weerarkaas ku tilmaamay mid argagixiso. War qoraal ah oo ka soo baxay safaaradda Faransiiska ee Sacuudiga ayaa lagu sheegay: “Qofka weerarka soo qaaday waxa qabtay ciidamada amniga ee Sacuudiga, isla markii uu weerarka bilowday. Waardiyaha dhaawacmay waxaa loo qaaday isbitaal, xaaladdiisana ma xumo”, ayey qoreen AFP iyo Reuters. Booliska Gobolka Makah oo Jiddah ay ka tirsan tahay, waxay sheegeen in qofka la xiray uu u dhashay Sacuudiga, balse ma aysan sheegin dhalashada qofka dhaawacmay, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters. Safaaradda Faransiiska oo ku taalla Riyadh waxay si adag u cambaareysay weerarka, waxayna muwaadiniinteeda Sacuudiga ku sugan u sheegtay in ay si wayn u feejignaadaan. Source
-
Somalia on Thursday condemned French President Emmanuel Macron for blasphemous remarks against Islam and Prophet Muhammad. “The Federal Government of Somalia regrets the violation of the faith, sanctity, and theology of the Muslim people, and our Prophet Muhammad, peace and blessings be upon him,” the Somali Presidency said in a statement. “Any act that harms the feelings of Muslims serves the interests of extremist groups, and such acts should be avoided as they create social hatred among people of different nations and religions,” it added. Somalia urged the world leaders to carefully consider statements that violate the sentiments of Muslims by distinguishing between freedom of expression and violation of religious sanctity. On Wednesday, hundreds of people in the Somali capital Mogadishu protested against the French president’s controversial remarks. Several Somalis also took to social media to denounce Macron’s comments and call for boycotting French goods in protest against Macron’s controversial plans to crack down on “Islamist separatism”, and continue publishing blasphemous cartoons of the Prophet Muhammad. Tensions escalated with the murder of a French teacher who showed caricatures of the Prophet to elementary school students. Macron paid tribute to the teacher, saying: “France would not give up our cartoons.” Pakistan, Turkey, and Iran are among the countries condemning France for the caricatures and Macron’s response. View the full article
-
Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu meel mariyey ku talagalka Miisaaniyad sanaddeedka Dowladda ee 2021 oo ay qeyb ka tahay qarashka doorashada iyo sharci ahaanta dhammaan go’aammadii ay gaareen golihii Wasiirrada Xukuumaddii xil gaarsiinta. Miisaaniyadda guud ee sanadka 2021 ayaa dhan $671.8 million oo u qeybsan saddex qeybood oo kala ah ,Dakhliga Gudaha 260.1 million iyo Kabka Miisaaniyadda oo noqonaysa 170.9 million, halka ay mashaariicdu yihiin 240.8 million. Miisaaniyadda ayaa diiradda saareysa fulinta qorshaha qaranka, waxaana loo qoondeeyey dhanka horumarinta qaddar dhan 38 million, lacagtaas ayaa lagu bixin doonaa arrimo la xiriira. Caafimaadka Waxbarashada Ka hortagga fatahaadaha Cadaaladda iyo garsoorka Dib u dhiska waddooyinka Dastuurka Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la isku raacay sharci ahaanta dhammaan go’aammadii ay gaareen golihii Wasiirrada Xukuumaddii xil gaarsiinta, kuwaas oo isugu jiray xeerar , siyaasado iyo heshiisyadii ay galeen. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Jowhar (Caasimada Online) – Waxa maalmihii u dambeeyay khilaaf xoogan ka jiray Dhismaha maamulka HirShabeelle, kaasi oo ka dhashay isbedel deg-deg ah oo la rabo in lagu sameeyo hogaanka sarre ee maamulkaasi, taasi oo saameyn weyn ku yeelaneysa xilalkii ay beeluhu ku lahaayeen maamulka. Guuxa khilaafkaasi oo ka taagna Jowhar ayaa Siyaasiyiinta qaar soo warinayaan in la damiyay, halka kuwa kale ay ku doodayaan midaasi badalkeeda, taasi oo jahwareer cusub u horseedaysa dhismaha HirShabeelle. Yuusuf Axmed Hagar (Daba-geed), guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan, ayaa hadda isku dayaya inuu daboolo xiisadda dhismaha maamulkaas ka taagan, isaga oo sheegay inaanu jirin wax khilaaf ah Waxa uu yiri inuusan jirin khilaaf hor istaagaya dhismaha maamulka, xili dhawaan lagu dhawaaqay liiska xildhibaanada baarlamaanka 2-aad ee maamulkaasi. Daba-geed ayaa warbaahinta u sheegay in xiligan uusan jirin khilaaf, isla markaana dhawaan si toos ah loo gudo geli doono doorashada guddoonka baarlamaanka iyo tan madaxweynahaba. Wuxuu carabka ku adkeeyay in xildhibaanada cusub la dhaarinayo, xili uu jiro guux iyo cabasho ay qabaan beelaha qaar, halka ay soo xulistooda ay dibad joog ka aheyd dowladda federaalku. Si kastaba, Daba-geed iyo siyaasiyiin ku aragti ah ayaa qaba in dhismaha maamulka HirShabeelle uu u socdo si habsami leh, halka siyaasiyiin kale ay qabaan in si aan habooneyn wax loo maamulay, iyada oo ay soo baxeyso cabashada beelaha qaar oo xaalad cakiran galineysa dhismaha maamulkaasi. Hoos ka dhageyso codka Dabageed https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/10/Cod-Daba-geed.mp3The post Yuusuf Dabageed oo si kale u dhigay xiisadda HirShabeelle first appeared on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay 8-da xubnood ee Guddiga heer dowlad goboleed ee Doorashada Dadban Guddigan oo saddex xubnood haween yihiin ayaa ka shaqeyn doona doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee ka dhacaysa Jowhar iyo Baladweyne oo wadartoodq guud tahay 38 kursi. Guddiga uu Waare magacaabay waxaa wehelin doona 3 xubnood oo ka iman doona federaalka, sida ku cad bayaankii ay ku heshiiyeen dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada. Bayaankii ay ku heshiiyeen dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada waxaa ku caddaa in guddiyada labada heer ee doorashada la magacaabo inta u dhaxaysa 10-ka ilaa 20-ka October, base wakhtigaas ayaa la soo dhaafay. Ma jirto cid weli ka hadashay dib u dhaca ku yimid jadwalka doorashada Soomaaliya ee 2020/2021. Hoos ka akhriso Guddiga Doorashada Dadban ee Hirshabeelle PUNTLAND POST The post Hirshabeelle oo magacowday Guddiga heer dowlad goboleed ee Doorashada Dadban appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-Habeen-29102020-ok.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa lagu meel mariyey ku talagalka Miisaaniyad sanaddeedka Dowladda ee 2021 oo ay qeyb ka tahay qarashka doorashada iyo sharci ahaanta dhammaan go’aammadii ay gaareen golihii Wasiirrada Xukuumaddii xil gaarsiinta. Miisaaniyadda guud ee sanadka 2021 ayaa dhan $671.8 million oo u qeybsan saddex qeybood oo kala ah, Dakhliga Gudaha 260.1 million iyo Kabka Miisaaniyadda oo noqonaysa 170.9 million, halka ay mashaariicdu yihiin 240.8 million. Miisaaniyadda ayaa diiradda saareysa fulinta qorshaha qaranka, waxaana loo qoondeeyey dhanka horumarinta qaddar dhan 38 million, lacagtaas ayaa lagu bixin doonaa arrimo la xiriira. Miisaaniyadda ayaa diiradda saareysa fulinta qorshaha qaranka, waxaana loo qoondeeyey dhanka horumarinta qaddar dhan 38 million, lacagtaas ayaa lagu bixin doonaa arrimo la xiriira. 1. Caafimaadka 2. Waxbarashada 3. Ka hortagga fatahaadaha 4. Cadaaladda iyo garsoorka 5. Dib u dhiska waddooyinka 6. Dastuurka Caasimada Online ayaa ogaatay in qeyb badan oo ka mid ah lacagtaas lagu fulin doono doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan ee isugu jira xildhibaanada Aqalka Sare, Golaha Shacabka iyo xilka madaxweynaha. Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la isku raacay sharci ahaanta dhammaan go’aammadii ay gaareen golihii Wasiirrada Xukuumaddii xil gaarsiinta, kuwaas oo isugu jiray xeerar, siyaasado iyo heshiisyadii ay galeen. Hoos ka daaawo muuqaalka shirka The post Daawo: Golaha wasiirada oo ansixiyey miisaaniyadii ugu badneyd oo ku dhow bilyan first appeared on Caasimada Online.
-
Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu meel mariyey ku talagalka Miisaaniyad sanaddeedka Dowladda ee 2021 oo ay qeyb ka tahay qarashka doorashada iyo sharci ahaanta dhammaan go’aammadii ay gaareen golihii Wasiirrada Xukuumaddii xil gaarsiinta. Miisaaniyadda guud ee sanadka 2021 ayaa dhan $671.8 million oo u qeybsan saddex qeybood oo kala ah ,Dakhliga Gudaha 260.1 million iyo Kabka Miisaaniyadda oo noqonaysa 170.9 million, halka ay mashaariicdu yihiin 240.8 million. Miisaaniyadda ayaa diiradda saareysa fulinta qorshaha qaranka, waxaana loo qoondeeyey dhanka horumarinta qaddar dhan 38 million, lacagtaas ayaa lagu bixin doonaa arrimo la xiriira. 1. Caafimaadka 2. Waxbarashada 3. Ka hortagga fatahaadaha 4. Cadaaladda iyo garsoorka 5. Dib u dhiska waddooyinka 6. Dastuurka Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la isku raacay sharci ahaanta dhammaan go’aammadii ay gaareen golihii Wasiirrada Xukuumaddii xil gaarsiinta, kuwaas oo isugu jiray xeerar , siyaasado iyo heshiisyadii ay galeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ankara (Caasimada Online) – Wargeyska Faransiiska ee Charlie Hebdo ayaa baahiyey sawir gacmeed ‘laga yaq-yaqsiyoodo’ oo uu ka sameeyay madaxweynaha Turkiga, Reccep Tayyip Erdogan, xili ay sii xoogeysatay xiisada labada dal. Erdogan ayaa si caro leh uga fal-celiyay sawirkaasi aflagaadada ah ee wargeyska Faransiiska uu ka baahiyey, iyada oo xafiiskiisuna uu wacad ku maray inuu ka qaadi doono tallaabo adag oo sharci ah iyo mid diblomaasiyadeedba. Sawir gacmeedkan aflagaadada ah ayaa muujinaya qof loola jeedo madaxweyne Erdogan oo kursi ku fadhiya isaga oo xiran nigis, gacantana ku haysta koob qamri ah, halka uu marada ka qaadayo haween xijaaban. Xukuumadda Ankara ayaa waxay u yeertay diblomaasiga labaad ee u sareeya Faransiiska ee ku sugan dalkeeda, maadama uu maqan yahay safiirka dowladaasi oo dhawaan looga yeeray Paris, sida uu baahiyey Taleefishinka NTV ee Turkiga. Wuxuuna ugu dambeyntiina Erdogan sheegay inuusan arkin sawir gacmeedka ay ka sameeyeen Charlie Hebdo, midaasi uu ku tilmaamay inuusan rabin in uu qiimo ugu yeelo wargeys aan anshax laheyn. Sawir gacmeedka Charlie Hebdo ayaa yimid un maalmo kadib markii madaxweyne Erdogan uu ku baaqay in la qaadaco badeecadaha Faransiiska, kadib markii madaxweynaha dalkaasi, Emmanuel Macron uu u gefay diinta Islaamka iyo Nebi Muxamed NNKH. Si kastaba, xiisada ka dhalatay hadalada qalafsan ee uu madaxweyne Macron ugu gafayo diinta suuban iyo Nebi Muxamed NNKH ayaa kasii dartay, maadama ay si weyn uga caroodeen umadda islaamku. The post Erdogan oo wacad ku maray tallaabo kadib markii Charlie Hebdo ay ku dhaqaaqeen fal laga yaq-yaqsiyoodo first appeared on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz ayaa adkeeyey xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeya labada dal. Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in shacabka Soomaaliyeed aysan marna ilaawi doonin abaalka Turkiga, ugana mahad-celinayaan taageerada iyo waxqabadka muuqda ee suurageliyey in waddankeena uu tallaabo horey u qaado, isagoo xusay in Xukuumaddiisu ay sii adkeyn doonto xiriirka walaaltinimo ee labada dal ka dhexeeya. Eng. Rooble ayaa sheegay in xiligan muhiimka ah ay jiraan dad badan oo Soomaaliyeed oo u baahan in laga caawiyo arrimaha banii’aadamnimada, isagoo uga mahadceliyey taageerada dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo Gargaarka. “Xiriirka aan la wadaagno Turkiga waa mid ahmiyad gaar ah u leh bulshada Soomaaliyeed iyo sidii ay dib ugu soo kaban lahayd.Waxaan uga mahad celineynaa Dowladda Turkiga iyo shacabkeeda garab istaaggii ay inoo muujiyeen xiliyadii adkaa ee nasoo maray iyo mashaariicyadii ay ka fuliyeen dalkeenna welina u taagan yihiin garab istaaggeena”. Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mehmet Yilmaz ayaa dhankiisa balan qaaday in ay sii wadi doonaan garab istaaggooda dadka Soomaaliyeed, isagoo xusay ahmiyadda ay leedahay in la sii dardargeliyo taageerada aan shuruuddu ku xirnayn ee dalkiisu siiyo Soomaaliya. Gobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa dhagax-dhigay dib-u-dhiska guriga Hooyooyinka ee loogu magac daray fannaanadii Qaran ee Seynab Xaaji Cali Baxsan oo door weyn ka qaadatay wacyigelinta bulshada, xoojinta dareenka wadaniyadeed, dhaqanka, afka iyo suugaanta Soomaaliyeed. Dhismaha xarunta Hooyo Baxsan ayaa lagu dhisi doonaa barnaamijka isxilqaan ee horay loogu dhisay goobaha danta guud ee burburay dagaallada, intii ay dadka Soomaaliyeed sugi lahaayeen in dalkooda u dhisaan gacmo shisheeye. Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ayaa tilmaamay in fannaanadii qaran ee Seynab Xaaji Cali Baxsan ay kamid ahayd haldoorkii Soomaaliyeed ee kaalinta wanaagsan ka soo qaatay difaaca iyo horumarka dalka, dowladda Soomaaliyana ay mudnaan gaar ah siineyso halgamayaasha bulshada. “Dib-u-dhiska Guriga Hooyooyinka ee loogu magac daray fannaanadii qaran ee Seynab Xaaji Cali Baxsan, waxuu kamid yahay xarumaha lagu dhisayo barnaamijka guuleystay ee isxilqaan oo ku yimid hal abuurkii Madaxweynaha, waxaana dadka Soomaaliyeed xasuusinayaa gacmahood in ay ku dhistaan dalkooda, intii ay sugi lahaayeen shisheeye”. Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Gargaar, Taliyaha Ciidanka Asluubta, Xildhibaanno ka tirsan labada aqal, Guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshada Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Haweenka Qaranka, Maareeyaha Wakaallada dhismaha Qaranka, Maareeyaha Tiyaatarka, Ehellada fannaanadii qaran ee Seynab Xaaji Cali Baxsan iyo marti Sharaf kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
PRESS RELEASE Coronavirus – Kenya: Total COVID-19 recoveries in Kenya stand at 35,258 NAIROBI, Kenya, October 29, 2020/ — 426 patients have recovered from the disease, 312 from the Home-Based Care Program, while 114 have been discharged from various hospitals. Total recoveries now stand at 35,258. Sadly, 16 patients have succumbed to the disease bringing the fatality to 950. Distributed by APO Group on behalf of Ministry of Health, Kenya. SOURCE Ministry of Health, Kenya Multimedia content Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka caafimaadka Soomaaliya Fowziyo Abiikar Nuur ayaa sheegtay in faragelin xoog leh ay shaqada wasaaradda ku hayaan siyaasiyiin ka tirsan dowladda federaalka oo u badan xildhibaano iyo wasiirro. Waxay sheegtay in qof walba oo masuul ah uu doonayo in wasaaraddu si bilaash ah ay ugu qabato howl kasta oo caafimaad oo uu doonayo, taas oo sida ay sheegtay meesha ka saartay adeegii wasaaraddu ay sii laheyd dadka danta yar. “Wasiir ayaa kuu imaanaya adeegii caafimaad ee Turkiga na siiyay ayuu inta Aabihiis VIP-da isbitaalka Erdogan geeyo, ayuu ku leeyahay kharashka ibsitaalka bilaash iiga dhiga. Marka maxaan danyarta siinaa?” ayey tiri wasiir Fowziya Abiikar. Sidoo kale wasiirada caafimaadka waxay sheegtay in xilliga doorashooyinka marka la gaaro ay xildhibaanada qaar ku dhahaan “noo fur bakhaarka Daawada si aan ugu qaadno deegaankeena.” “Wasiirka loogu necebyahay ayaan ahay hadda, waxaa ii imaanaya xildhibaano, waliba waa marka doorashadu soo dhowdahay, qof kasta inuu daawo qaado oo isku soo sawiro ayuu rabaa, waxaan ku dhahaa, adigaa sharaxane, hadaad deegaankaagii daawo geyneyso, maad suuqa Bakaaraha ka gadatid, adigaa sharaxane ma anigaa sharaxan, mise wasaaraddaa sharaxan?” ayey tiri Fowziya Abiikar. Waxay sheegtay in lagu dacweeyey Xasan Cali Kheyre xilligii uu ra’iisul wasaaraha ahaa, “Waxuu i yiri maxay tahay dacwadaan badan, waxaan ugu jawaabay hadaa rabto inaan howl qabto ha dhageysan dadkaas ee aniga I dhageyso, hadaad iyaga dhageysato aniga waan iska baxayaa. Marka xoogeygaan meeshaan ku joogaa asxaan kuma joogo” ayey hadalkeeda ku soo gabagabeysay wasiirka caafimaadka Soomaaliya. Wasiir Fowziya Abiikar ayaa ka mid aheyd wasiirradii la shaqeyn jiray xukuumadii dhacday Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, waxaana hadda mar kale loo magacaabay isla wasaaradda caafimaadka oo haatan ay wasiir ka tahay. Hoos ka Daawo The post Daawo: Wasiir Fowziya oo cabasho ka ah siyaasiyiin iyo wasiiro caqabad ku noqday first appeared on Caasimada Online.
-
Wasiir Ciyaaraha & Dhalinyarada Soomaaliya Xamsa Saciid Xamsa oo 28-October 2020 la wareegay xilka wasaarada horayna u ahaa Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay jagadan loo magacaabay,isagoo dhinaca kale shaqaalihii wasaarada Gargaarka ugu mahad celiyay kaalinta ay ka qaateen mudadii uu joogay Wasaarada Gargargarka Soomaaliya. “Maanta farxad weyn ayay ii tahay in aan ku soo laabto hooygaygii aan ka ahaa ciyaartooyda iyo Wasaarada Ciyaaraha iyo dhalinyarada dalka,wasaaradan waa wasaarada ciyaalka xaafada iyo tan reer magaalka” ayuu munaasabadii xil wareejinta ka sheegay Wasiirka Ciyaaraha iyo dhalinyarada Soomaaliya Xamsa Saciid Xamsa. Hadal Jeentii Wasiir Xamsa Markii Uu La Wareegay Wasaarada Ciyaaraha https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/10/Hamsa.mp4 W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Kulan Khusuusiya ayaa Qasriga Madaxtooyada ku dhexmaray Madaxweyne Muuse Biixi oo ay ku wehelinayeen Wasiiradiisa Arimaha Gudaha Max’ed Kaahin & Wasiirka Ciyaaraha Boos Mirre oo isku Dhinaca & Mujaahid Axmed Mirre Maxamed oo isna Dhinaca. Kulanka oo Saacado qaatay ayaan la ogeyn Waxyaabaha laga wadahadlay Qaran News
-
Sheekh caan ka ah Geyiga Somalida oo Salaadii Subax ee Saaka Tujiyey Muslimiintii ku Tukanaysay Masaajidka weyn ee “Aaya Soofiya”-Turki Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi ayaa saakay salaadda subax ka tujiyay masaajidka caanka ah ee Aaya Soofiya, ee ku yaalla magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Kaddib 86 sano oo uu madxaf ahaa, dhismaha Aaya Soofiya ayaa markii ugu horreysay bishii July ee sanadkan waxaa laga dhigay masjid, waxaana lagu tukaday salaadda Jimcaha, iyadoo ay halkaas isugu tageen dad aad u badan oo Muslimiinta Turkiga ah. Dhismahan waxaa masaajid ka dhigtay dowladdii cismaaniyiin kaddib markii ay masiixiyiintii haystay halkaas ka qabsadeen sannadkii 1453-dii. Sheekh Maxamed Idris ayaa bartiisa Facebook soo dhigay muuqaalka Sheekh Cabdirashiid oo masaajidka ka tujinaya salaadda: Sooyaalka Aayaa Soofiya oo kooban Aayaa Soofiya waxa uu ahaa dhisme kaniisadeed oo uu dhisay imbiraadoorkii Baysantayn-ka, Justinian sannadkii 537. Waxa la rumaysanyahay in uu ahaa dhismiha kaniisadeed ee ugu wayn dunida. Sannadkii 1453 ayaa ay Cismaaniyiintii jabiyeen boqortooyadii Baysantayn-ka oo ay gacanta ku dhigeen cah-digii Suldaan Maxamed-kii labaad. Waxaanu Suldaanku markii la qabsaday magaaladaa ku oogay salaadii Jimce oo jamaaha ah dhismaha Aaya Soofia. Isla markiiba Cismaaniyiintu waxay dhismaha u bedeleen masaajid, waxaanay ku dareen dhismaha afar minnaaradood oo dhaadheer, waxaana sawirradii masiixiiintu ku qurxiyeen lagu deday sharraxaad dahab ah oo lagu dhigay aayado Quraan ah iyo qoraallo kale oo qurux badan oo Af-Carabi ah. Qarniyo badan oo uu astaan u ahaa imbiraadooriyaddii Islaamka ee Cismaaniyiinta ka dib, waxa markii Turkigu isku rogay jamhuuriyadda Cilmaaniga ah laga dhigay dhismaha goob matxaf ah. Aayaa Soofiya haatan waa goobta ugu caansan dalka Turkiga oo waxa sannadkiiba u daawasho taga in ka badan 3.7 milyan oo qof oo dalxiiseyaal ah. Qaran News
