Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dalka Masar waxaa ka dhacday dhacdo xanuun badan kadib markii qoys Soomaali ah oo ka kooban 6 qof maydkooda laga helay xaafadda guri ay ka degganaayeen “madinet nasr” oo ku taala caasimadda dalka Masar ee Qaahira. Meydadka qoyska ayaa loo qaaday mid kamid ah isbitaalada dowladda ee ku yaalla caasimadda iyadoo booliska ay markaasi sheegeen in baaritaan lagu sameeynayo sababta ay u dhinteen balse saaka ayay dhaqaatiirta isbitaalka ku dhawaaqeen sababta keentay dhimashada sida uu BBC-da xaqiijiyay mid ka mid ah ehelada qoyska waxa ayna ku sheegeen inay ku neefqabatimeen gaaska cuntada lagu karsado. Qoyska dhintay oo ka koobnaa lix qof ayaa kala ahaa Aabe, gabar iyo wiil uu dhalay, iyo gabdha ninkeeda iyo laba carruur ah oo ay dhashay, waxaana la sheegay in sabtidii maydkooda laga helay guriga ay ka daganaayeen magaalada Qaahira ee dalka Masar. Inkasta oo haatan la ogaaday sababta ka danbaysa dhimashada qoyska balse wali maydkooda waxa uu ku jiraa qaboojiyeyaasha lagu hayo maydadka ee isbitaalka. Mid kamid ah ehelka qoyska oo BBC-da uga warbixiyay dhacdada Xasan Xirsi Xuseen oo kamid ah ehellada qoyskii ku dhintay dalka Masar ayaa BBC-da uga warbixiyay dhacdada waxa uuna sheegay in qoyska ay dhawaan ka kala yimaadeen dalal kala duwan. “Qoyska qaar waxa ay ka yimaadeen Ingiriiska, kuwo kale waxa ay ka yimaadeen Turkiga sidoo kale qaar ayaa ka yimid Soomaaliya” ayuu yiri Xasan. Waxa uu sheegay in walaalkiis uu caafimaad u soo aaday dalka Masar, sidaasna ay isku soo aruursadeen qoyska oo ka koobnaa 3 rag ah, laba caruur ah iyo hooyadood. Xasan Xirsi ayaa sheegay in reerka ay ugu wardanbaysay khamiistii, maalin kadib oo uu xiriir la sameeyay ayay u suurtagali waysay oo ay u shaqayn waayeen taleefanadii iyo khadkii internetka ee reerka. “Markii aan soo wacay Numberkooda lama qabanayo, internetkana waan ka waayay, albaabkii marka aan garaacnay lama furayo, sidaas ayaan ku jabinay albaabka oo aan reerkii oo mayd ah guriga ugu galnay,” ayuu raaciyay Xasan. Xigashada Sawirka,Xasan Xirsi Xuseen Qoraalka sawirka,Xasan Xirsi Xuseen oo kamid ah ehellada qoyskii ku dhintay dalka Masar ayaa BBC-da uga warbixiyay dhacdada Xasan Xirsi Xuseen ayaa sheegay kadib markii ay gudaha u galeen guriga oo ay arkeen maydka dhamaan qoyska ay ka argagaxeen lana xiriireen laamaha amniga si baaritaan loogu sameeyo sababta dhimashada. “Markii aan albaabka jabinay waxaa na soo gaaray shaqaale ka tirsan safaaradda Soomaaliya, dhaqaatiir iyo saraakiil boolis ah” Balse waxa uu tilmaamay in ay arkeen haanta gaaska oo furan taasna ay uga shakiyeen sababta. “Baaritaankii hordhaca ahaa ee xalay waxa ay dhaqaatiirta inoo sheegeen in sababta ay tahay gaas, balse saaka ayay sheegeen in jawaabta ay soo saareen dadkaasna ay u dhinteen neefqabatin ka dhalatay gaaska,” ayuu yiri Xasan Xirsi. Dhanka kale waxa aan la xiriirnay safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar si aan wax uga waydiino dhacdada naxdinta leh ee ka dhacday dalkaas. Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar Ismaaciil Cabdi Xuseen oo BBC-da la hadlay ayaa ka warbixiyay dhacdada naxdinta leh ee qoyska Soomaaliyeed oo iskumar ku dhintay gurigooda waxa uuna yiri: “Safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar waa ay u gurmatay qoyska ku dhintay gurigooda waana musiibo aad looga naxo” ayuu yiri qunsul Ismaaciil. Dhanka kale qunsulka ayaa sheegay in safaaradda ay qoyska ka caawinayeen helista jawaabaha isbitaalka iyo booliiska, ayna ehellada uga tacsiyeynayaan dhimashada naxdinta leh oo ku timid qoyska Soomaaliyeed. Waxaa la filayaa in booliiska ay ehellada ku wareejiyaan meydadka si ay u aastaan. Bbcsomali Qaran News
  2. Arusha (Caasimada Online) – Shirweynihii 24-aad ee madaxda dowladaha bulshada bariga Afrika (EAC) ayaa Soomaaliya iyo Kenya ku abaalmariyay doorar hoggaamineed oo muhiim ah. Soomaaliya ayaa loo doortay warbixin-sameeyaha (Rapporteur) ee EAC ee sanadka 2024/2025, halka Kenya ay noqotay Guddoomiyaha EAC. Doorashadan ayaa muujinaysa muhiimadda labada dal ee hoggaaminta iyo iskaashiga gobolka. Soomaaliya oo ka qayb-qaadaneysa hoggaaminta EAC Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay qabatay xilka Warbixin-Sameeyaha tan iyo markii ay ku biirtay ururka EAC sanadkii hore. Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo dhaweeyay doorashadan. Sidoo kale wuxuu sheegay inay tahay fursad weyn oo ay Soomaaliya uga faa’iideysan karto doorka caalamiga ah ee ay ka ciyaareyso. Soomaaliya waxay ballan-qaaday inay ka shaqeyn doonto yoolalka EAC ee nabadda, horumarinta dhaqaalaha, iyo isdhexgalka siyaasadeed ee gobolka. Kenya iyo hoggaaminta EAC Kenya, oo loo doortay Guddoomiyaha EAC ee sanadka 2024/2025, ayaa mas’uuliyadda weyn ee hoggaamineed qaadan doonta. Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa ka hadlay baahida loo qabo iskaashi xooggan oo u dhexeeya dalalka xubnaha ka ah EAC, isaga oo xusay inay muhiim tahay in la xoojiyo nabadda iyo horumarka gobolka. Qodobada ugu muhiimsan ee shirka kasoo baxay Shirweynahan 24-aad ee Madaxda Dowladaha Bulshada Bariga Afrika ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Arusha, iyadoo ay ka soo qeyb galeen madaxda dalalka EAC, oo ay ka mid yihiin Kenya, Uganda, Rwanda, Tanzania, Koonfurta Suudaan, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo (DRC), Soomaaliya, iyo wakiil ka socday Burundi. Shirka ayaa diiradda saaray arrimaha nabadda, isdhexgalka, iyo horumarka gobolka, waxaana kasoo baxay qodobo dhowr ah: Luqadaha Rasmiga ah ee EAC: Faransiiska iyo Kiswahili ayaa loo aqoonsaday luqadaha rasmiga ah ee EAC, iyada oo lagu daray Ingiriisiga. Tallaabadan ayaa timid kadib markii is-beddel lagu sameeyay Qodobka 137 ee Heshiiska EAC. Xallinta Dagaalka Bariga DRC: Madaxdu waxay xoogga saareen xallinta dagaalka sii xumaanaya ee Bariga DRC, iyagoo ku baaqay in la joojiyo colaadda isla markaana la mideeyo dadaallada nabadda si loo helo hannaan wadajir ah oo waxtar leh. Awoodsiinta Dhallinyarada iyo Haweenka : Shirka ayaa go’aan ku gaaray in mudnaan gaar ah la siiyo dhallinyarada iyo haweenka, si ay uga qayb qaataan horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga gobolka. Doorashada hoggaanka cusub ee ururka iyo qodobada kasoo baxay shirka ayaa muujinaya himilooyin cusub oo loogu talagalay in lagu xoojiyo iskaashiga iyo nabadda gobolka Bariga Afrika. Dawan
  3. Dowladda Faransiiska ayaa Soomaaliya ka cafisay lacag 145.6 milyan oo doolar ah, munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta safaaradda Faransiiska ee maagaalada Nairobi ayaana waxaa si wadajir ah u saxiixay heshiiska lagu soo gunaanadayay lacagaha deymaha ah ee lagu lahaa dowladda Soomaaliya Safiirka Dowladda Faransiiska ee Kenya iyo Soomaaliya Mr. Arnaud Suquet iyo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige. waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa kulanka Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Mudane Jabriil Ibrahim Cabdulle, waxaana heshiiskaani uu soo maray wada xaajood wajiyo badan lahaa, sidoo kalena daba socda go’aan kii ay gaareen horaantii sanadkan wadamada ku bahoobay Ururka Paris Club ayaa maanta suuro galiyay in Dowladda Soomaaliya si rasmi ah looga saamaxay deyn dhan $145.6 Milyan oo Doolar taas oo Dowladda Faransiiska ay ka tirtirtay buugeeda deymaha. Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay Dowladda iyo shacabka Faransiiska, sida garashada leh ee ay u garab istaageen Dowladda Soomaaliya iyo saamaxaada lacagihii ay ku lahaayeed Dowladda. Dowladda Soomaaliya waxa ay dadaal xooggan ugu jirtaa dhameystirka hannaanka deyn cafinta oo soo gabagaboobay dabayaaqadii 2023-kii, Wasaaradda Maaliyadda XFS oo hormuud u ah wada-xaajoodka shaqsi shaqsiga ah ee dalalka deymaha leh ayaa hada rajo weyn ka qabta gaba gabeynta hannaanka lagu tirtirayo dhammaan deymaha lagu lee yahay Soomaaliya. Source: goobjoog.com
  4. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa warbixin ka dhageystay mas’uuliyiita u xilsaaran diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka oo ku dhawaad laba bilood ka socda Magaalada Muqdisho. Xubnaha hormuudka u ah NTP ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyey marxaladihii kala duwanaa ee diyaarinta Qorshuhu soo mareen iyo halka ay hadda soo gaartay ugu dambeyn, iyagoo lala wadaagay xogta hor u dhaca ah ee ka soo baxday iyo dadaalka iyo maskaxda la galiyey diyaarinta Qorshaha. Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa guddiga iyo dhammaan howl wadeenada gacanta ku haya diyaarinta Qorshaha uga mahad celiyay shaqada culus ee ay soo qabteen waxaana uu ballan qaaday in uu qorshahaani noqon doono midka ay ku shaqeyn doonaan wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda. Source: goobjoog.com
  5. Munaasabad kooban oo maanta lagu qabtay xarunta safaaradda Faransiiska ee maagaalada Nairobi ayaa waxaa si wadajir ah u saxiixay heshiiska lagu cafinayay lacagaha deymaha ah ee lagu lahaa dowladda Soomaaliya Safiirka Faransiiska u qaabilsan Kenya iyo Soomaaliya Mr. Arnaud Suquet iyo Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige. Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in heshiiskani uu soo maray wada xaajood wajiyo badan, sidoo kalena daba socda go’aan kii ay gaareen horraantii sannadkan wadamada ku bahoobay Ururka Paris Club islamarkaana uu maanta suuro galiyay in dowladda Soomaaliya si rasmi ah looga saamaxay deyn dhan $145.6 Milyan oo Doolar, taas oo dowladda Faransiiska ay ka tirtirtay buugeeda deymaha. “Dowladda Soomaaliya waxa ay dadaal xooggan ugu jirtaa dhameystirka hannaanka deyn cafinta oo soo gabagaboobay dabayaaqadii 2023-kii, Wasaaradda Maaliyadda XFS oo hormuud u ah wada-xaajoodka shaqsi shaqsiga ah ee dalalka deymaha leh ayaa hada rajo weyn ka qabta gaba gabeynta hannaanka lagu tirtirayo dhammaan deymaha lagu lee yahay Soomaaliya” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka. Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay dowladda Faransiiska, sida garashada leh ee ay u garab istaageen Dowladda Soomaaliya iyo saamaxaada lacagihii ay ku lahaayeed Dowladda. PUNTLAND POST The post Dowladda Faransiiska oo si rasmi ah Soomaaliya uga cafisay lacag dhan 145.6 Million oo dollar appeared first on Puntland Post.
  6. Mogadishu (HOL) — Somali Independent National Electoral and Boundaries Commission elected Abdikarim Ahmed Hassan as its chairman and Sadik Abshir Garad as deputy chairman during a committee vote in Mogadishu on Monday. Source: Hiiraan Online
  7. President Sharif: “It is illegal to issue an arrest warrant against the President of a Federal Member State and send troops to Jubaland. Such a decision can result in civil war.” Mogadishu (PP News Desk) — The former President of the Federal Republic of Somalia and the chairman of Himilo Qaran, a political party, Sharif Sheikh Ahmed, denounced the arrest warrant issued by Banadir Regional Court against the President of Jubaland State, Ahmed Mohamed Islam. “It is illegal to issue an arrest warrant against the President of a Federal Member State and send troops to Jubaland. Such a decision can result in civil war,” said Sharif, who held a press conference at his headquarters in Mogadishu on Saturday. The former President defended the electoral autonomy of Jubaland State and congratulated the incumbent Jubaland president for winning the presidential election held in Kismaayo last week. President Sharif congratulated Jubaland President for winning the presidential election held in Kismaayo last week. Sharif called for a transparent investigation into the case of Hassan Abdi Ismail, a Federal MP from Jubaland, who has been accused of assaulting a police officer on the premises of the Lower House. Several ministers and MPs visited the police officer in hospital, in what one politician described “as an attempt to politicise the incident at the parliament headquarters in Mogadishu”. Hassan opposed the Federal Government of Somalia’s “hostility towards Jubaland” and the total control of the bicameral legislature by Villa Somalia, the presidency in Mogadishu. The Federal Government of Somalia sent contingents of troops to Ras Kambooni in Jubaland to overthrow Jubaland President Ahmed Mohamed Islam, who rejected the unilateral move by Villa Somalia to hold a “one person, one vote” elections without political consensus across Somalia. Sharif Ahmed called for a consensus on the presidential elections for 2026 © Puntland Post, 2024 The post Former Somalia President Denounces Arrest Warrant Against Jubaland President appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin aan caadi ahayn iyo hadal heyn xooggan ayaa ka dhalatay tallaabo uu xalay qaaday madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kadib markii uu Marwo Hani Cabdi Gaas u magacaabay in ay la-taliye uga noqoto Arrimaha Dhallinyarada iyo Cayaaraha. Marwo Hani Cabdi Gaas oo khibrad, aqoon iyo xirfad durugsan u leh arrimaha dhallinyarada ayaa muddo dheer ka soo shaqeysay hay’ado caalami ah iyo kuwo maxali ah. Sidoo kale Hani ayaa u xil saaran in dhallinyarada Soomaaliyeed ku matashay fagaareyaal kala duwan. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku adkeeyey Lataliyaha Arrimaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Marwo Hani Cabdi Gaas in ay khibraddeeda dhanka horumarinta bulshada ay uga faa’iideyso dhallinyarada Soomaaliya oo maanta u taagan difaaca iyo horumarka dalkooda. Haddaba sidee looga falceliyay tallaabada uu qaaday madaxweyne Xasan Sheekh? Cabdulqaadir Xasan Duuliye “Biil ayaan u qoray maad iska dhahdid?. Intaas ayaa kaaga fudud intaad shacabka beenta u sheegi lahayd”. Cabdirsaaq Xaashi ayaa isaguna yiri “Waa gabar da’ yar waxaan leenahay allaha xilka hakuugu asturo”. Daahir Dalabey “Qaab kasta oo dhaqaale lagu cuni karo waaloo raadiyey!! Dalka ayax ayaa ku habsaday!!”. Hanad Cabdisalaan “Mushaar iska qaado aa la dhahaa alaabtan la-taliye aan la tirsan oo tiro badan muxuu magacabay Xasan Seekh?”. Axmed Cabdirisaaq “Runtii waa gabar yar oo da’yar xilka laguu idmaday alle hakuugu asturo.”. Cabdifitaax Cali Diiriye ” Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo kuxegeenkiisu maxay qabanayaan?
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo xuduudaha ayaa maanta qaaday tallaabo kale, waxayna iska dhex doorteen guddoon cusub oo ku hogaamin doono shaqooyinka loo igmaday. Xubnaha guddigan oo ka kooban illaa 18 xubnood ayaa dhawaaan waxaa meel-mariyay labada gole ee baarlamaanka, iyaga oo maanta doortay guddoomiye iyo ku xigeen cusub. Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka ayaa waxaa loo doortay Cabdikariin Axmed Xasan, waxaan gacan taag ugu codeeyey 17 xubnood, wuxuuna sidaas ku noqday gudoomiyaha guddiga. Sidoo kale Saadaq Abshir Garaad ayaa isna loo doortay gudoomiye ku xigeenka guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka iyo sohdimaha Gudoomiye Cabdikariin Axmed oo goobta ka hadlay ayaa u mahadceliyay xubnaha doortay, wuxuuna ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono in doorashooyinku noqdaan kuwa hufan. “Gabar iyo Wiil walba oo Soomaaliyeed waxaan gurigooda ugu geynaynaa sanduuqa codeynta waxaan ballan qaadeynaa Soomaaliya inay ka gudubto doorashadii 4.5 iyo middii dadbaneyd oo aan wada ognahay dhibaatada ay leedahay”ayuu yiri Cabdikariin Axmed. Guddigan oo uu isla maanta Xasan Sheekh kusoo saaray xeer madaxweyne ayaa ka shaqeyn doono maamulidda doorashooyinka heerarka kala duwan ee dalk iyo in ay hirgeliyaan doorashooyin qof iyo cod ah oo hufan, inkastoo ay taagan tahay dood xoogan oo ay weli qabaan xubnaha mucaaradka. Soomaaliya ayaa haatan u diyaar garoobeyso doorashooyin, waxaana qorshe la xiriira qof iyo cod la yimid madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyada oo dhinaca kale ay ka biyo diidan yihiin maamullada Puntland, Jubbaland iyo sidoo kale siyaasiyiinta mucaaradka ah.
  10. Guddiga Doorashooyinka iyo Xuduudaha Qaranka ee dhowaan ay ansixiyeen golayaasha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay shir muhiim ah, kaas oo lagu dooranayay hoggaanka guddiga. Doorashada oo ahayd mid gacan taag ah, ayaa Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka loogu doortay Cabdikariin Axmed Xasan, halka Guddoomiye ku-xigeenka guddiga loo doortay Saadiq Abshir Garaad, oo horay uga mid ahaa baarlamaanka Puntland. Doorashadan ayaa timid xilli muhiim ah, iyadoo la rajeynayo in guddigu kaalin weyn ka qaato dhismaha hannaanka doorashooyinka dalka, dib-u-habaynta xuduudaha, iyo hormarinta geeddi-socodka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya. Cabdikariin Axmed Xasan ayaa loo arkaa hoggaamiye karti leh oo khibrad u leh maamulka iyo qorsheynta, halka Saadiq Abshir Garaad uu leeyahay waayo-aragnimo siyaasadeed oo ka timid waayihiisii baarlamaanka Puntland. Labadan mas’uul ayaa la filayaa inay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha dowladda si ay u fuliyaan waajibaadka guddiga. Mas’uuliyiintan cusub ayaa balan qaaday inay xoogga saari doonaan sidii loo hirgelin lahaa doorashooyin xor iyo xalaal ah, islamarkaana loo xallin lahaa caqabadaha ka jira xuduudaha dalka. Guddiga cusub ayaa wajahaya hawlo adag oo ku saabsan hannaanka doorashada 2026 iyo arrimaha xuduudaha, kuwaas oo door muhiim ah ku leh mustaqbalka siyaasadda Soomaaliya. Source: goobjoog.com
  11. Balcad (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn xoogan oo xalay saq-dhexe diyaarado dagaal ay ka fuliyeen duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, taas oo lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab. Duqeynta oo ahayd bartilmaameed ayaa si gaar ah uga dhacday inta u dhexeyso deegaanka Xawaadley iyo degmada Balcad, halkaas oo uu dhiwaan ka dhacay weerar ay Al-Shabaab kusoo qaadeen ciidamada dowladda, kaas oo dhaliyay khasaare kala duwan. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in duqeynta lala eegtay saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi, waxaana gaaray maleeshiyada khasaare culus. Xogta ayaa sidoo kale sheegeysa in la burburiyay saldhigyo iyo xarumo muhiim ah oo ay kooxda ku lahayd aagga ay duqeynta ka dhacday, iyada oo uu sii dheer yahay khasaare kale oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Illaa iyo hadda na jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya oo ku aadan duqeyntaasi iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay. Xawaadley oo ay horay uga baxeen ciidamada ATMIS ayaa waxaa maalmahan culeys soo saaray kooxda Al-Shabaab oo weeraro ku haysay saldhigyada ciidamada dowladda. Si kastaba, xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
  12. Waxaa maanta lagu wadaa in ay magaalada Muqdisho ka qabsoonto doorashada guddoonka cusub ee guddiga doorashooyinka dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu dhawaan ansixiyay Baarlamaanka Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed oo hadal kooban siiyay warbaahinta ayaa sheegay in xubnaha guddiga doorashooyinka oo ka kooban 18 xubnood ay maanta dooranayaan guddoon cusub kadib markii uu dhawaan ansixiyay Baarlamaanka dalka. Xildhibaan Mahdi Guuleed ayaa sidoo kale tilmaamay in doorashada guddoonka cusub kadib uu guddiga si toos ah u bilaabayo hawlaha diyaarinta doorashooyinka qof iyo cod ee dowladda Federaalka Soomaaliya doonayso in ay hirgeliso. “Gudoonka guddiga doorashooyinka ayaa maanta la qabanayaa, si shaqadooda qabashada doorasho qof iyo cod ah ay u bilaabato” ayuu yiri Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed oo ka tirsan Aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Guddiga doorashooyinka dowladda Federaalka Soomaaliya oo maanta dooranaya guddoon cusub appeared first on Puntland Post.
  13. Mogadishu (HOL) — Hiiraan region Governor Muse Salad Wehliye, alongside Hirshabelle State Minister of Justice Mahad Beyle and Somali armed forces officers, successfully mediated an end to inter-clan fighting on the volatile border between the Hiiraan and Middle Shabelle regions. Source: Hiiraan Online
  14. Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa ku hanjabay in uu canshuur 100% ah uu ku soo rogi doono sagaalka waddan oo ku midoobay urrurka BRICS, haddii ay soo saaraan lacag la tartami karta doolarka Mareykanka. Waddamada quwadaha dunida ugu waaweyn ee Shiinaha iyo Ruushka ayaa qeyb ka ah isbaheysiga Brics, waxaana sidoo kale wehliya dalalka Brazil, India, Koonfur Afrika, Iran, Masar, Itobiya iyo Imaaraadka Carabta. Qoraal uu soo dhigay bartiisa X ee hore loo oran jiray Twitter, ayuu ku sheegay in fikradda wadamada BRICS ee ku mideysan magacaas ee isku dayaya inay ka guuraan lacagta doolarka ay wajihi doonaan canshuur 100%. Intii lagu guda jiray doorashadii Mareykanka, Trump wuxuu u ololeeyay dhaqangelinta canshuur guud oo wax ka tari doona dhaqaalaha Mareykanka. Hadalkan ugu dambeeya ee Trump ee ka dhanka ah Brics, ayaa ku soo aadaya iyadoo lagu wado inuu xafiiska la wareegi doona 20-ka bisha January 2025-ka. Dalalka Brics waxay 45% ka yihiin bulshada caalamka. Marka la isku geeyo, dhaqaalaha dalalka xubnaha ka ah wuxuu u dhigmaa in ka badan $28.5tn (£22tn). Taasi waa qiyaastii 28% dhaqaalaha caalamka. Source
  15. Madaxweynaha xilka kasii dagaya ee Mareykanka Joe Biden ayaa xalay sheegay in uu cafis u fidiyay wiilkiisa Hunter Biden, kaas oo wajahayay fal danbiyeedyo kala duwan. Eedaha iyo fal danbiyeedyada loo heysto ina Biden ayaa waxaa ka mid ah, in uu been ka sheegay baaritaanka lagu hibiyo dadka raba in ay hub iib sadaan, in uu heystay hub sharci darro ah, iyo isaga oo qirtay fal danbiyeed la xiriira canshuurta dowladda federaalka. Bayaan kasoo baxay Aqalka Cad ayuu Biden ku yiri, “Maanta waxaan saxiixay cafis aan u fidiyay wiilkeyga Hunter. Maalinti aan xafiiska imid, waxaan dhahay, ma faragelin doono go’aannada Waaxda Caddaaladda, hadalkeygi marna ma aanan baddalin, xitaa aniga oo arkaya wiilkeyga si gaar ah loo soocday, isla markaana loo maxkamadeynayo si aan caddaalad aheyn.” Aqalka Cad ayaa dhowr jeer oo hore ku celceliyay, in Biden uusan cafis u fidineyn wiilkiisa ama uusan dhimi doonin sannadaha ay maxkamadi ku xakunto. Wiilkiisa Hunter, oo kasoo kabanaya daroogo uu qabatimiay, ayaa bartilmaameed u noqday siyaasiyiinta Jamhuuriga, gaar ahaan madaxweynaha la doortay, Donald Trump. Hunter Biden ayaa wajahaya Arbacada xakun ku saabsan eedo hub sharci darro ah, iyo jawaabo been ah oo uu siiyay hey’adaha danbibaarista. Bishii September, wuxuu qirtay inuu galay danbi ;a xoriira in uusan bixin canshuur heer federal ah oo gaareysa $1.4 milyan oo dollar. 16-ka December ayaa la filayay in uu wajaho xakunka maxkamadda. Biden ayaa ka jareeyay shacabka Mareykanka in ay fahmi doonaan sababta uu aabe iyo madaxweyne uu u cafiyay wiil uu isagu dhalay. Dastuurka Mareykanka ayaa u ogol madaxweynaha in uu cafin karo muwaadiniinta maxkamadaha wajahaya iyo kuwa ay maxkamad xakuntay intaba. Source
  16. Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa 6 Ruux oo isku Qoys ah oo ku Geeriyooday dalka Masar kadib markii ay ku qabintimeen Gaaska guryaha ee la adeegsado xilliyada qaboobaha oo isagoo furan ay ka seexdeen sida ay warbaahinta u sheegeen ehelada dadkaan musiibadu ku dhacday. Xasan Xirsi Xuseen oo la ehel ah dadkaan ayaa u sheegay TVga Universal in dadkaan xogtoodi ay waayeen wixii ka dambeeyay galinkii dambe Jimcihii, waxaana kadib uu sheegay inay bilaabeen inay safaarada Soomaaliya ee Qaahira la xidhiidhaan kadibna sidii lagu jabiyay albaabka Guriga ay deganaayeen. Waxa uu xusay xubno kamid ah qoyskaan inay dhowaan kasoo laabteen dalka Turkiga halka kuwa kalana ay ka tageen Soomaaliya, hadda waxa uu shaaca ka qaaday in lagu xareeyay talaagad oo ay saraakiisha caafimaadka Masar ay baarayaan. Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Dalka Masar Ismaaciil Cabdi Xuseen oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in laamaha amaanka Masar ay baaritaan ku wadaan dhacdadii ay ku geeriyoodeen 6da qof ee Soomaaliyeed oo isku qoys ka ahaa. Qunsulka waxa uu sheegay in qoyskan ay ahaayeen kuwa muddo 5 cisho uun deganaa Qaahira una yimid arrimo Caafimaad, waxaana uu xusay in saraakiisha Masaarida ay kala cadeenayaan hadii dadkaan waxay u dhinteen kaliya uu ku egyahay Gaaska ama hadii ay jiraan wax kale oo dheeri ah Source
  17. Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya HirShabellee ayaa sheegaya in maanta xaalad deganaasho ah laga dareemayo deegaannada dhaca xadka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo indhowaanahan ay ku dagaalamayeen laba maleeshiyo beeleed. Xiisaddan oo saameyn ku yeelatay deegaanka ayaa waxaa ku baxay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka HirShabelle oo uu horkacayo gudoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye oo dadaallo nabadeed oo dheeraad ah ka bilaabay halkaasi. Qoraal kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha aya waxaa looga hadla colaadddan iyo halka marayaan dadaallada uu sameeyay maamulka gobolka. Wehliye ayaa shaaca ka qaaday in nabaddu ay lama huraan tahay, isla markaana ay ku dadaalayaan sidii heshiis loo kala dhex dhigi lahaa labada beelood. “In nabad loo helo waa lama huraan dadka walaalaha ah ee colaadu u dhaxeyso, Nabadu waa wax bir aysan goyn karin biyane meyri karin waa in la helo dhab u heshiisin buuxdo si loo gaaro taasina maamulka Iyo saraakisha Ciidamada Qalabka Sida waa iney ku bixiyaan dadaal dheeraad ah wax kasto sidii loo heli lahaa Nabad iyo wadajirka dadka Walaalaha ah” ayuu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska maamulka gobolka Hiiraan. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in ka go’an tahay xal u helista dagaal beeleedyada kusoo laablaabtay deegaanada ku yaala xadka gobolada Hiiraan iyo Shabeelleha dhexe, kuwaas oo saameyn ballaaran ku yeeshay nolosha dadka deegaanka ee ku dhaqan halkaasi. “Maamulka Gobolka Hiiraan waxuu xaqiijinayaa Dadaalada dhab-u-hishiisinta si loo baajiyo Dhiiga Walaalaha soomaaliyeed si aay wadajir ugu midoobaan kooxda khawariijta ah ee isku dirayo beelaha walaalaha loogana baaqsado dagaal Beeleed dambe oo aan laheen natiijo” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka maamulka gobolka Hiiraan. Deegaannada HirShabelle ayaa waxaa marar badan kusoo laa laabta dagaal beeleedyada oo la dagay hormarkii labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
  18. Madaxweynaha xilka kasii dagaya ee Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in uu cafis u fidiyay wiilkiisa Hunter Biden, kaas oo wajahayay fal danbiyeedyo kala duwan. Eedaha iyo fal danbiyeedyada loo heysto ina Biden ayaa waxaa ka mid ah, in uu been ka sheegay baaritaanka lagu hubiyo dadka raba in ay hub iib sadaan, in uu heystay hub sharci darro ah, iyo isaga oo qirtay fal danbiyeed la xiriira canshuurta dowladda federaalka. Bayaan kasoo baxay Aqalka Cad ayuu Biden ku yiri, “Maanta waxaan saxiixay cafis aan u fidiyay wiilkeyga Hunter. Maalinti aan xafiiska imid, waxaan dhahay, ma faragelin doono go’aannada Waaxda Caddaaladda, hadalkeygi marna ma aanan baddalin, xitaa aniga oo arkaya wiilkeyga si gaar ah loo soocday, isla markaana loo maxkamadeynayo si aan caddaalad aheyn.” Aqalka Cad ayaa dhowr jeer oo hore ku celceliyay, in Biden uusan cafis u fidineyn wiilkiisa ama uusan dhimi doonin sannadaha ay maxkamadi ku xakunto. Wiilkiisa Hunter, oo kasoo kabanaya daroogo uu qabatimiay, ayaa bartilmaameed u noqday siyaasiyiinta Jamhuuriga, gaar ahaan madaxweynaha la doortay, Donald Trump. Source: goobjoog.com
  19. Washington (Caasimada Online) — Madaxweynaha xilka kasii dagaya ee Mareykanka Joe Biden ayaa xalay sheegay in uu cafis u fidiyay wiilkiisa Hunter Biden, kaas oo wajahayay fal danbiyeedyo kala duwan. Eedaha iyo fal danbiyeedyada loo heysto ina Biden ayaa waxaa ka mid ah, in uu been ka sheegay baaritaanka lagu hibiyo dadka raba in ay hub iib sadaan, in uu heystay hub sharci darro ah, iyo isaga oo qirtay fal danbiyeed la xiriira canshuurta dowladda federaalka. Bayaan kasoo baxay Aqalka Cad ayuu Biden ku yiri, “Maanta waxaan saxiixay cafis aan u fidiyay wiilkeyga Hunter. Maalinti aan xafiiska imid, waxaan dhahay, ma faragelin doono go’aannada Waaxda Caddaaladda, hadalkeygi marna ma aanan baddalin, xitaa aniga oo arkaya wiilkeyga si gaar ah loo soocday, isla markaana loo maxkamadeynayo si aan caddaalad aheyn.” Aqalka Cad ayaa dhowr jeer oo hore ku celceliyay, in Biden uusan cafis u fidineyn wiilkiisa ama uusan dhimi doonin sannadaha ay maxkamadi ku xakunto. Wiilkiisa Hunter, oo kasoo kabanaya daroogo uu qabatimiay, ayaa bartilmaameed u noqday siyaasiyiinta Jamhuuriga, gaar ahaan madaxweynaha la doortay, Donald Trump. Hunter Biden ayaa wajahaya Arbacada xakun ku saabsan eedo hub sharci darro ah, iyo jawaabo been ah oo uu siiyay hey’adaha danbibaarista. Bishii September, wuxuu qirtay inuu galay danbi ;a xoriira in uusan bixin canshuur heer federal ah oo gaareysa $1.4 milyan oo dollar. 16-ka December ayaa la filayay in uu wajaho xakunka maxkamadda. Biden ayaa ka jareeyay shacabka Mareykanka in ay fahmi doonaan sababta uu aabe iyo madaxweyne uu u cafiyay wiil uu isagu dhalay. Dastuurka Mareykanka ayaa u ogol madaxweynaha in uu cafin karo muwaadiniinta maxkamadaha wajahaya iyo kuwa ay maxkamad xakuntay intaba. Isha: VOa
  20. Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Hargeysa ku geeriyooday qoraagii weynaa ee Maxamed Cabdullaali Riiraash oo sidoo kale ahaa suugaanyahan dhaqanka iyo taariikhda Soomaalida muddo dheer aruurinayay. Maxamed Cabdullaahi Riiraash wuxuu kamid ahaa macallimiintii qaranka ee ka baxay kulliyadda Lafoole, wuxuu ahaa qoraa arrimaha Soomaalida iyo taariikhda geeska Afrika wax badan ka qoray, sidoo kale wuxuu kamid ahaa Abwaanadii ka qeyb-galay silsiladdii Siinley. Maxamed Cabdilaahi Riiraash waxa uu ka mid ahaa dadka fara ku tiriska ah ee waxbarashada iyo dhaqanka Soomalida hormariyay, waxaana lagu xasuustaa barnaamijyadii uu TV-ga Jabuuti ka qaban jirey ee kala ahaa Tixmaal, Sirta erayga, iyo dhaqanka iyo suugaanta. waxa uu sanadkii 1945-tii ku dhashay deegaanka Jameecada oo hoostaga magaalada Gabiley, isaga oo waxbarashadiisa ku qaatay dugsiyada Shiikh iyo Camuud, marki danbena wuxuu ku biiray kulliyaddii Lafoole isaga oo muddo dheer ku shaqeynayay macalinimo. Dugsi ku yaalla magaalada Baydhabo aya kamid ahaa meelihii uu macallinka ka ahaan jirey sida uu ku sheegay wareysi uu bixiyay intuu noolaa, sidoo kale wuxuu mar noqday madixii Manaahiijta Soomaaliyeed Intaas ka dib wuxuu ku biiray jaamacadda ku taalla dalka Ingiriiska, halkaas oo uu ka diyaariyay shahaadada Master-ka oo uu ku qaatay taariikhda Soomaalida iyo Sooyaalka Geeska Afrika, wuxuuna intii uu Ingiriiska joogay BBC-da ka baahin jirey barnaamijyo uu kamid ahaa taariikhda Halgamaa Axmed Gurey. Dhammaadkii 80-tameeyadii wuxuu u wareegay dalka Jabuuti, wuxuuna ka shaqo billaabay TV-ga dowladda, asagoo qaban jirey barnaamijyadii caanka ahaa ee dhaqanka, Tixmaal, iyo Sirta erayga, kuwaas oo lagu marti-qaadi jirey Abwaanada iyo Aqoonyahannada waaweyn. Barnaamijyadaas waxaa lagu wareystay Abwaanadii waaweynaa ee Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi”, maxamed Xaashi “Gaarriye”, Cabdilqaadir Xirsi yamyam, Cabdi qays, Miicaad miigane, Ibraahim Gadhle iyo Suugaanyahanno kale. Allaha unaxariistee Maxamed Cabdullaahi Riiraash ayaa qoray buugaag badan oo uu kamid yahay buugga Fatuuxul Xabasha oo ku saabsan taariikhdii iyo halgankii Axmed Gurey, buugga birma-gaydada, iyo kuwo kale. Sidoo kale Riiraash waxa uu curiyay aragtida miisaanka Maansada Soomaalida, oo markii dambe noqatay laan kamid ah qeybaha muhiim u ah barashada suugaanta, ayadoo asaga Abwaan gaarriye ay ugu horreeyeen aqoonyahannadii hal-abuuray aragtidaas. Abwaan Riiraash wuxuu kamid ahaa raggii silsiladdii Siinley uga qeyb-galay maansooyinkii ugu miisaanka cuslaa sida uu sheegay Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi”, waxaana geeridiisa lagu tilmaamay Ileys ka damay geyiga Soomaaliga. Source: goobjoog.com
  21. Mogadishu (HOL) — Eritrean President Isaias Afwerki has dismissed allegations that a recent trilateral agreement between Eritrea, Somalia, and Egypt forms an "axis" against Ethiopia, calling the claims baseless propaganda designed to fuel regional mistrust. Source: Hiiraan Online
  22. The Kenyan government has issued a flood alert following heavy rains affecting several parts of the country. Source: Hiiraan Online
  23. Mogadishu (HOL) — Former Somali intelligence chief Fahad Yasin has delivered a blistering critique of the country's opposition, accusing its leaders of focusing on obstruction. Source: Hiiraan Online
  24. Liverpool moved nine points clear at the top of the Premier League on Sunday after a 2-0 win at home to Manchester City, who slips to fifth in the table after suffering four consecutive league defeats for the first time since 2008. Source: Hiiraan Online