-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
A suicide bomber has blown himself up near a busy shopping mall and a police station in Somalia’s capital Mogadishu. There was no immediate confirmation of casualties in the aftermath of the explosion on Tuesday. “A man blew himself up between the Mogadishu Mall and the Hamar Weyne District Police Station in Mogadishu,” said Ismail Mukhtar Oronjo, spokesman for the Information Ministry. “He exploded while security forces were chasing him after the police identified him as a suspect before the bomb went off.” Eyewitness who spoke to AA over the phone said that they saw at least two people wounded. Hamar Weyne is a major commercial district in Mogadishu and the second-busiest market in the capital. No group has yet claimed responsibility for the attack, but militant group al Shabaab, affiliated with al Qaeda, has claimed responsibility for recent attacks in the Horn of African country. The latest attacks comes three weeks after an al Shabaab-claimed suicide and gun attack had killed at least nine people at the Hotel Afrik in Somalia’s capital Mogadishu. View the full article
-
Dowladda Mareykanka ayaa soo dhoweysay shir dhowaan guddiga farsamada arrimaha doorashooyinka ay ku yeesheen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Ku simaha Danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Richard Mills ayaa sheegay in xukuumadda Madaxweyne Joe Biden in ay aaminsan tahay tallooyinkii ka soo baxay shirkii dhowana ka dhacay gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed. Sidoo kale wuxuu sheegay in talooyinkii ka soo baxay shirkaasi uu yihiin kuwa xal u noqon kara jahwareerka ka taagan arimaha doorashooyinka ee 2021-ka, isagaoo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay madaxda dowladda dhexe & kuwa maamul goboleedyada inay dhagan geliyaan talooyinkii shirkii guddiga farsamada arimahaee doorashooyinka. Si kastaba, ku sime Richard Mills ayaa shaaca ka qaaday in dowladdaMareykanka aysan marnaba aqbli doonin in la qabto doorasho aan loo dhameyn. View the full article
-
Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan iyo Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa kulan ugasocdas Kismasyo. Masuuliyiinta ayaa kawada hadlayo qaabka loosii wadi Karo wada xaajoodka Doorashada iyo sida ay Dalka uga dhici karto Doorasho. Madaxweyne Axmed Madoobe horay ayuu iga dayriyey in kulano laka qaato Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey ineysan wax natiijo ah keeneyn. Puntlandi.com Kismaayo The post James Swan oo Kismaayo kula kulmay Madoobe appeared first on . Source
-
Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee xisbiga KULMIYE Mudane, Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti diblumaasiyiin iyo madax sar-sare ah oo ka socda dalalka iyo ururrada kala shaqeeya Somaliland arrimaha horumarka iyo dimuqraadiyadda oo ay ka mid yihiin; UK, Germany, Sweden, Denmark, EU, UN iyo AU, kuwaas oo booqasho ku yimi dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Kulanka oo qodobada ugu badan lagu lafa-guray arrimaha la xidhiidha doorashooyinka is-barkan ee Golaha Wakiillada iyo Deegaannada dalka Somaliland ee qabashadeedu u muddaysan tahay 31-ka bisha May ee sannadkan 2021, waxay weftiga ka socday beesha caalamku si weyn ugu ammaaneen Xukuumadda Somaliland, axsaabta Qaranka iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka sida wanaagsan ee ay u hirgeliyeen diiwaangelinta codbixiyayaasha oo dhaqaalihii ku baxay ay bixisay dawladda Somaliland, taas oo ku dhammaatay si nabadgalyo ah. Guddoomiye-ku-xigeenka KULMIYE waxa uu u sheegay weftiga in xisbi ahaan iyo Xukuumad ahaanba ay diyaar ka yihiin wax kastoo la xidhiidha qabashada doorashooyinka isku-sidkan, isla markaana mudnaantooda koowaad tahay in doorasho xor iyo xalaal ahi si amni ah uga dhacdo dalka Somaliland waqtiga loo muddeeyey, taas oo wax kastoo carqalad ku noqonayaana ay axsaab ahaan iyo dawlad ahaanba si wadajir ah uga soo horjeedaan. Waxa kaloo Mudane Axmed Cabdi-dheere ku wargeliyey xubnaha weftiga kulanka la qaatay in xisbiga KULMIYE uu gacan buuxda siinayo murrashaxiinta haweenka iyo beelaha la hayb-sooco ah ee iska soo sharraxa xisbiga, iyadoo horeba xisbiga iyo Xukuumaddiisu ay dadaalo badan uga galeen sidii kor loogu qaadi lahaa ka qaybgalka talada dalka ee labadan qaybood ee bulshada ka tirsan. Dhankooda weftigani waxay ballanqaadeen in ay diyaar la yihiin wixii taageero ah ee ay dalalkooda iyo ururrada ay ka socdaan ka gaysanayaan doorashooyinka Somaliland. Gebogabadii, Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee Xisbiga KULMIYE Mudane, Axmed Cabdi-dheere oo ay kulankaas ku wehelinayeen Xoghayaha Guud ee xisbiga Mudane, Ibraahim Axmed Raabbi iyo Siyaasiga Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka tirsan Guddiga Fulinta ee xisbiga, waxa uu shirkaasi ku dhammaaday is-afgarad buuxa. ALLAA MAHAD LEH Mudane, Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni Af-hayeenka Xisbiga KULMIYE Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa shaaciyey in maalinkii sideedaad uu ku karaantiilan yahay dalka Burundi, kadib markii laga helay cudurka Coronavirus. Wasiir Maxamed Cabdirisaaq oo la hadlay telefishinka dowladda ayaa sheegay in cudurku uu aad ugu faafay Soomaaliya, isla markaana uu ka soo qaaday Xamar, isla markaana laga helay markii uu tegay dalka Burundi. “Cudurka Covid Soomaaliya aad ayuu ugu faafay aniga hadda waxaan ku suganahay dalka Burundi oo aan u imaaday shir, hadda maalinkii 8-aad waxaan ku jiraa karaantiil sababtoo ah waxaan Xamar ka soo qaaday cudurka Corona, shirna cid lama yeelan oo intaas waxaan ku xiranahay meel, daawo ayaa ii socota,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya. Wasiirka ayaa ku celceliyey in cudurku aad ugu faafay gudaha dalka, isla markaana uu garanayo dad badan oo u dhintay iyo kuwo hadda la il daran. Isagoo u muuqday inuu ka faa’iideysanayo fursadan ayuu sheegay inaysan macquul aheyn in hadda Muqdisho lagu dhigo banaanbax iyo isku imaatinno kale toona. “Caqli ma keeneynin in la yiraahdo dibadbax hala isugu soo baxo, shirarkii golaha wasiirrada iyo isku imaatinadii oo dhan ayaa hadda la joojiyey, shirka ugu muhiimsan oo dad saas u badan aysan joogeyn waa kan madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, sidaas darteed si loo dhowro nabad geliyada dadweynaha dowladda waxay mas’uuliyad ka saaran tahay in laga digtoonaado isku soo baxyada,” ayuu yiri wasiir Maxamed Cabdirisaaq. Hoos ka Daawo
-
Mogadishu (HOL) - The UN Special Representative for Somalia, James Swan, travelled to Kismayo on Tuesday to meet with Jubaland President Ahmed Madobe in an attempt to break the political deadlock, just a day after meeting with President Farmajo and briefing the UN Security Council. Source: Hiiraan Online
-
993 Murrashax Oo U Tartamaya Doorashada Goleyaasha Deegaanka Iyo Wakiillada 96 maalmood ayaa ka hadhsan maalinta ay Komishanka doorashooyinka u asteeyeen in ay Somaliland ka qabsoonto doorashada Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka oo markii u horreysay hal mar la wada qabanayo. Doorashadan oo qaban qaabadeeda iyo u diyaargarowgeedu si weyn uga socdo guud ahaan Somaliland, ayaa waxa maalmihii u dambasay socday in ay Xisbiyadu soo bandhigaan Murrashaxiinta Xisbiyadooda uga tartami doona 23 Degmo doorasho oo ay Somaliland ka kooban tahay, oo la filayo in la geeyo Sanaaduuqda codbixinta. Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in Murrashaxiintu bilaabaan buuxinta Shuruudaha Xeerka Guud ee Doorashooyinka ee 91/2020 waajibiyey, kuwaas oo ay ka mid yihiin bixinta lacagta Deebaajiga ah, shahaadooyinkooda waxbarasho oo iyaga maanta si rasmi ah loo bilaabayo hubintooda iyo weliba in ay murrashaxiintu la yimaadaan Waraaqadaha dembi la’aanta iyo ta caafimaadka.Doorashadan ayaa wax aka qayb galaya 993 murrashax oo ka tirsan Saddexda Xisbi Qaran,kuwaas oo ka sharaxan 23 Degmo oo hoos yimaada Lixda Gobol ee Somaliland. Aqoonyahan Yaasiin Calase, oo lafo gur kooban ku sameeyey tirade Murrashaxiinta Degmooyinka dalka iyo weliba dhaqaalaha laga qaadayo oo ku dhow laba Milyan oo dollarka Mareykanka ah, ayaa waxa uu qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook-ga, waxa uu ku yidhi: “23 Degmo doorasho ee dalka waxa ka sharaxa 747 xubnood oo u tartamaya 249 kursi oo golayaasha deeganka ee 23 degmo. Sidoo kale lixda gobol ee dalka waxa u sharaxan kuraasta golaha wakiiladda 246 xildhibaan oo u tartamaya ku guulaysashadda 82 kursi ee wakiiladda. Iyaga oo ka sharaxan saddexda xisbi qaran.” Murrashaxiintan, tiradoodu gaadhayso 993 Murrashax ayaa waxa Xeerka Doorashooyinku ku waajibiyey in ay bixiyaan lacag cashuur ah, oo kala duwan marka la eego Murrashaxa Golaha Wakiillada iyo ka u sharaxan Golaha Deegaanka. Murrashaxa Golaha Wakiillada ayaa shubaya lacag gaadhaysa 40,000, 000, oo lacagta Somaliland ah, halka Murrashax Golaha Deegaanka ee u tartamaya degmada A ah, uu bixinayo lacag gaadhaysa15,000,000, halka ka Degmada B ahna shubayo 7, 000, 000 iyo Murrashax Degmada C ah oo bixinaya, isaguna 4,000, 000. Lacagtan guud ahaan laga shubayo Murrashaxiinta tartamaya ee saddexda Xisbi ee Xeerku jideeyey, ayaa gaadhaysa 1, 936, 245, 29 oo dollarka Mareykanka ah. Shaxdan Hoos ku qoran oo ah isugu geynta cashuurta laga qaadayo murrashaxiinta Goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada, ayaa waxa diyaariyey Yaasiin Calase. Source
-
Ciidamada liibiya oo 150 tahriibe oo lagu hayey xero qarsoodiya ka badbaadiyey Magafe Ciidamada Amaanka Liibaya, oo weerar qorshaysan ku qaaday xabsi qarsoodi ah oo ku yaala koonfur-bari dalkaaasi liibiya ayaa ku guuleystay in badbaadiyaan 156 ruux oo ay 15-ka mid ah yihiin haween . Hawlgalkan oo ka dhacay magaalada Kufra ayaa dhacay dhawr cisho ka hor oo ku beegan 16-kii Febraayo 2021, kadib markii mid ka mid ah tahribyaasha uu xabsiga ka baxsaday Uisbuucii lasoo dhaafay, iyadoo loo wareejinayo goob kale oo la doonayay in lagu xidho . Muhaajiriinta la soo badbaadiyay oo u kala dhashay dalalka Soomaaliya, Eriteriya iyo Suudaan waxaana la dejiyay goobo amaan ah waxaana la siiyay raashin, dhar iyo bustayaal. Qaran News
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilan Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka dagay magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad goboleedka Jubbaland. Xubno ka tirsan xukuumadda Axmed Madoobe ayaa wafdigaan beesha caalamka ka socda kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Kismaayo iyadoo loo galbiyay madaxtooyada dowlad goboleedka Jubbaland. Safarka James Swan oo horay loo sii ogaa ayaa lagu sheegay inuu kulan la qaadan doono madaxweynaha dowlad goboledka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), wuxuuna kala hadli doonaa arrimaha ka taagan khilaafka doorashada. Beesha caalamka ayaa dooneysa in xal dhaqso ah laga gaaro arrimaha ku hareereysan doorashada ee wali la isku mari la’yahay, waxeyna dooneysaa iney shir isugu keento dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah si heshiis looga gaaro doorashada dalka. Axmed Madoobe isagoo la safan Saciid Deni oo maamula Puntland waxey iska diideen iney kasoo qeyb galaan shir uu ku dhawaaqay sii hayaha madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, maadaama ay kadib shaqaaqadii ka dhacday Muqdisho walaac ka muujiyeen xaaladda dalka iyo sida la isugu halleyn karo ammaanka. Labada madaxweyne ee Jubbaland iyo Puntland waxey ku doodeen in lagu qabto shirka meel amnigeeda la isku halleyn karo, sidoo kalana la helo in beesha caalamka ay damaanad qaadi karto fulinta wax walba oo lagu heshiiyo. Kulanka James Swan iyo Axmed Madoobe ayaa socda, waxaana isha lagu wada hayaa waxyaabaha kasoo bixi doona oo ay labada dhinacba ka hadli doonaan.
-
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax is-miidaamin ah oo barqanimadii ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho. Guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Banaadir, Cali Yare oo qoraal soo saaray ayaa faah faahim dheeraad ah ka bixiyey, sida ay wax u dhaceen. Ugu horey Cali Yare ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay ka shakiyeen ninka qaraxa waday, kadibna uu cararay, isaga oo iska tuuray suunka, kaas ku qarxay meel cidlo ah. “Nin wata suunka qarxa oo doonayay inuu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed ayay ciidamadu ka shakiyeen, iyaga ceyrsanaya ayuu tuuray suunka qaraxa, ka dibna meel cidlo ah ayuu ku qarxay suunkii,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Banaadir. Cali Yare ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in qaraxan uu ku dhaawacmay hal sarkaal oo ka tirsan ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Booliiska Soomaliya. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in gacanta lagu dhigay qof laga shakinsanyahay oo ay qabteen ciidamada ammaanka qaraxa, kadib. “Hal sarkaal ayaa ku dhaawacmay. Qof laga shakinsanyahay ayaa gacanta lagu hayaa.Aad ayaan ugu Mahadnaqeynaa ciidanka Amniga,” ayuu sii raaciyey. Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa gudaha magaalada Muqdisho ka dhacayey falal ammaan dari oo isugu jiro dilal & qaraxyo kuwaas oo geystay khasaare kala duwan. View the full article
-
Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay weerarada ay fuliyaan dagaalyahanada Ururka Al-Shabaab oo u muuqda kuwa kordhay muddooyinkii lasoo dhaafay. Danjiraha Qaramada Midoobay ee Somaaliya, James Swan ayaa u sheegay Golaha Amaanka ee in dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab ay kordhiyeen weerarada ay ka geystaan magaalada Muqdisho iyo sidoo kal qeybo kale oo ka mid dalka James Swan ayaa sidoo kal xusay in Al-Shabaab ay weeraradooda u adeegsadaan qaraxyo, kuwaasi oo intooda badan lagu beegsado goobaha ay isugu yimaadaan dadweynaha. Ugu dambeyn Danjiraha Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday in Al-Shabaab ay khatar ku yihiin amniga guud ahaan Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/02/Warka-Duhur-2322021.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka warfaafinta xukuumadda xilka sii heysa ee Soomaaliya Prof. Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in jimcahii lasoo dhaafgay la isku dayay in dalka Afgabim lagu qabsado. Wasiirka wuxuu sheegay in ciidamada amniga ay ka hortageen isku daygaas, balse la damacsanaa in dalka la qabsado, iyadoo jimcadii lasoo dhaafay ay dowladda hor istaagtay banaabax nabadeed oo ay ku baaqeen midowga musharaxiinta. “19-kii bishaan waxaa Muqdisho ka dhacay isku day Afgambi, ciidamo hubeysan ayaa yimid meel u dhaw Villa Somalia waxeyna dhaheen dalka dowlad kama jirto, madaxweyne ma jiro, waxaase Alle mahadiis ah in laga hortagay isku daygaas” ayuu yiri Dubbe. Hadalka wasiirka wuxuu kusoo aadayaa xilli midowga musharaxiinta ay mar kale ku baaqeen in 26-ka February oo ku aadan jimcaha ay qaban qabaabinayaan banaabax nabadeed maadaama midkii hore ay dowladda hor istaagtay. Sidoo kale sii hayaha wasiirka warfaafinta wuxuu sheegay in marnaba dowladda aysan ogolaan doonin in la isku yimaado, fursadda kaliya oo ay qof walba heysatana ay tahay iney TV-yada kasoo muuqdaan, taasoo muujineysa in mar kale dowladda ay diidi doonto banaanbax ka dhaca Muqdisho. Mareykanka ayaa ku cel-celiyay in dowladaha aan laga yeeli doonin iney xuquuqul insaanka ku tuntaan iyagoo marmarsiyo ka dhiganaya xanuunka Covid19, hadana dowladda wali waxey ku adkeysaneysaa amarkeedii ahaa inaan la isku imaan karin. 17-kii bishaan ayey dowladda shir jaraa’id ku sheegtay inaan la isku imaan karin, maadaama uu si weyn u faafay xanuunka Covid19, sidaas darteed wali go’aankeeda ayey ku taagan tahay.
-
(SLT-Addis Ababa)-Illaa 15 askari oo ka mid ah ciidammada Itoobiya ugu jira howlgalka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee ku sugan Suudaanta Koonfureed, oo asal ahaan kasoo jeeda gobolka Tigray, ayaa Isniintii diiday in ay dib ugu laabtaan waddankooda, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka AFP oo soo xiganeysay afhayeenka Qaramada Midoobay, Stéphane Dujarric. Guuto ka kooban 169 askari oo reer Itoobiya ah ayuu qorshaha yahay in laga baddalo ciidanka nabad ilaalinta, lagana saaro Suudaanta Koonfureed. askarta ayaa si wareegto ah loo baddalaa muddo kaddib. “Waxaan isku dayeynaa inaan helno xogta faahfaahinta ah, laakiin waxaan ogahay in qiyaastii 15 askari oo ka mid ah guutada ay diideen in ay diyaaradda ka raacaan garoonka Juba… Waxay codsadeen in ay joogaan,” ayuu yidhi Dujarric oo shir jaraa’id qabtay. Dagaal ayaa gobolka Tigray ka qarxay horaantii bishii November ee sannadkii 2020-kii kaddib markii xoogagga xisbiga TPLF ay gacanta ku dhigeen saldhigyo millatari oo ay gobolkaas ku leeyihiin ciidammada federaalka Itoobiya, waxayna arrintaas daba socotay khilaafkii soo kala dhex galay iyaga iyo dowladda uu hoggaamiyo Raysal Wasaare Abiy Axmed. Kumannaan qof ayaa lagu soo warramay in lagu dilay qalalaasahaas, halka qiyaastii laba milyan oo qofna ay ku barakaceen. Source
-
Qoraal Ka Soo Baxay Daadir Amiin Cali oo ahaa tababarihii kooxda kubbadda cagta Geeska Afrika ayuu ku shaaciyay in gabi ahaan uu ka tagay kooxdii uu maamulayay,isagoo u suuri geliyay in aan keeno horyaalka Somalia Premier League, sidoo kalane mudo ka dib u qaaday horyaalka heerka labaad ee Soomaaliya. “Maanta Oo Ay Taariikhdu Tahay 23-02-2021 Waxaan Joojiyay Xilkii Maclinimo Ee Aan Uhaayay Kooxda Geeska Afrika, Oo Aan Runti Waqti Quruxbadan Lasoo Qaatay, Sababo Aniga Ii Gaar Ah , Waxaan Urajaynayaa Guulal Fara Badan Iyo Xiliyo Fiican Insha alh, Waxaan Aad Ugu Mahadcelinyaa Dhamaan Maamulka Ciyaartoyda Iyo Taagerayasha Sida Quruxda Badan Aan Uwada Shaqeenay Intii Aan Isla Joognay Mahadsanidiin” ayuu bartiisa bulshada ku soo daabacay Macallin Daadir Amiin. Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan Daadir Amiin Daadir Amiin “Waan Ku Faraxsanahay Hanashada Horyaalka Heerka Koowaad Ee Soomaaliya ” W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qaraxa is-miidaamin ahaa oo barqanimadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho. Qaraxa oo jugtiisa si xoogan looga maqlay qeybo ka mid ah caasimada ayaa waxaa uu fuliyey ruux isku xiray walxaha qarxa, wuxuuna ka dhacay saldhigga degmadaasi. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu dhacay, xilli is-miidaamiyaha ay ceyrsanayeen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya. Guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Banaadir, Cali Yare Cali oo war qoraal soo saaray ayaa faah faahin ka bixiyey sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay in ciidanka ammaanka ay ka shakiyeen ninka qaraxa fuliyey, kadibna uu cararay, isaga oo iska tuuray suunka oo goor dambe ku qarxay meel cidlo ah, sida uu hadalka u dhigay. “Nin wata suunka qarxa oo doonayay inuu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed ayay ciidamadu ka shakiyeen, iyaga ceyrsanaya ayuu tuuray suunka qaraxa, ka dibna meel cidlo ah ayuu ku qarxay suunkii,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka. Cali Yare ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in qaraxan uu ku dhaawacmay hal sarkaal oo ka tirsan ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Booliiska Soomaliya. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in gacanta lagu dhigay qof laga shakinsan yahay oo ay qabteen ciidamada ammaanka qaraxa, kadib. “Hal sarkaal ayaa ku dhaawacmay. Qof laga shakinsanyahay ayaa gacanta lagu hayaa.Aad ayaan ugu Mahadnaqeynaa ciidanka Amniga,” ayuu sii raaciyey. Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa gudaha magaalada Muqdisho ka dhacayey falal ammaan dari oo isugu jiro dilal & qaraxyo kuwaas oo geystay khasaare kala duwan.
-
Faahfaahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaanna degmada Xamarweyne. Wararku waxay sheegayaan, in nin wata suunka qarxa oo doonayay in uu qarax ismiidaamin ah fuliyo, ay Booliisku ka shakiyeen, kadibna cayrsadeen. Qofka doonayay in uu ismiidaamiyo, ayaa la xaqiijiyay in uu Suunka Qarax tuuray kadib markii uu arkay in uusan ka fakan Karin Booliiska. Suunka oo meel cidlo ah ku qaraxay, islamarkaana lama soo werin wax khasaare ah oo ka dhashay. Sidoo kale, waxa gacanta lagu dhigay qofka laga shakisanyahay ee sitay suunka Qarxa, kaas oo haatan baaritaan ku socdo. PUNTLAND POST The post Booliiska Muqdisho oo fashiliyay Qarax ismiidaamin ah appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiyaha Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka ee Mucaaridka UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Madax kale oo Xisbiga ka tirsan’ayaa hada Xafiiska xarunta dhexe ee UCID uu Hargeysa ku leeyahay ku qaabilay isla markaana Shir gaar ah kula qaadanaya Madax ka socota Waddamadda Beesha Caalamka ah gaar ahaan Qunsuliyaddaha 8 Safaaraddood oo Waddamadda reer Galbeedka ee Daneeyayaasha Arimaha Doorashooyinka iyo Dumquraadiyadda Somaliland ka taageera oo Hargeysa u yimid arimaha Diyaar garoowga Doorashooyinka Soo socda inay Xukuumadda Somaliland iyo Axsaabta qaranka kala Xaajoodaan in wixii qabyo ah la dhamaystiro gaar ahaan waxa kulankani daaran yahay arimaha Saamiga Doorashooyinka ee Beelaha la Haybsoco iyo Kootadda Haweenka ee Doorashooyinka. Wufuuddan 8da Safaaraddood ee Waddamadda Beesha Caalamka ee Somaliland Arimaha doorashooyinka Iyo Dumquraadiyadda ka taageera ee Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe uu Xafiiskiisa Saaka ku qaabilay kulana shiraayo’ ayaa kala ah’ Safiiradda Waddamo ay ka mid yihiin UK , Germany, Sweden, Denmark, EU, UN, AU. Waxaana Shirkani Madaxda Beesha Caalamka iyo Hoggamiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo ay whwliyaan Hogaanka sare ee Xisbiga UCID, Qaar ka mid ah musharaxiinta Xisbiga iyo Garabka Haweenka ee Xisbiga UCID uu ka socda Xarunta dhexe ee UCID Hargeysa ku leeyahay. Source
-
Qar uu fuliyay Qof naftoihalige ah ayaa goordhowayd ka dhacay Xaafada Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho, ilaa hada khasaaraha rasmiga ah lama oga. Ciidamada Amaanka ayaa xiray goobta Qaruxu ka dhacay, lamana oga cida loola danlahaa Qaraxa, waxaase ku dhowaa goobta uu qaruxu ka dhacay Saldhig Boolis. wixii Faahfaahin ah kala soco halkaan Puntlandi.com Muqdisho The post Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Xamarweyne appeared first on . Source
-
Impending Disastrous Dictatorship in Somalia Under Watch of International Community The international community guards and finances the government of Somalia on regular basis. It spends billions of dollars on Somalia with the purpose of impeding Al-Shabab takeover of the country and keeping peace, stability and democratic process in order to enable the country to be independent for its own affairs in the future. It is also the responsibility of the international community to oversee free and fair elections and peaceful transfer of power on time to prevent dictatorship that could disrupt the gained peace and stability of the country. The international community bears the responsibility of any rise of dictatorship in Somalia under its watch. The international community is solely responsible for the current election impasse and political crisis in Somalia because it is one of its major duties to make sure that former president of Somalia, Mohamed Abdullahi Farmajo, holds fair and free election on time with peaceful transfer of power. Mr. Farmajo is not independent president to endanger the electoral process of the country and to develop personal whim for brutal dictatorship as long as he is guarded and financed by the international community. The former president of Somalia, Mohamed Abdullahi Farmajo, is suspect of murder for ordering his security forces to attack and murder two previous presidents of Somalia, Sharif Sheikh Ahmed and Hassan Sheikh Mohamoud on the evening of February 18, 2021. He also ordered his security forces to open fire on peaceful rally held on February 19, 2021 in Mogadishu killing innocent civilians and inflicting injuries on others including three presidential candidates, Abdirahman Abdishakur, Hassan Ali Khare, Abdikareem Hussein Guled and parliamentary member Mahad Salad. All these candidates and killed civilians belong to the dominant clan in Mogadishu, Mogadishu Clan Clan. The population of Mogadishu is about 3-4 millions and 85-90% of it is Mogadishu Clan. The other tribes living in the capital are fleeing the city these days for fear of their lives. What the former president, Mr. Farmajo, did on February 18-19, 2021 was a coup to subdue Mogadishu Clan for his dictatorship. He turned the weapons given to the country to defeat Al-Shabab against the civilian population of Mogadishu. Al-Shabab is much stronger since Farmajo came to power. Instead of fighting them, he saved the weapons for dictatorship. These attempted murders and murders happened under the watchful eyes of the international Community and still Mr. Farmajo (former president of Somalia) is in the office without having any mandate but eager to commit more crimes in the presence of international community. It is clear that the representatives of the United Nations and members of the international community let Somalia down. The international community bears the responsibility if unstoppable civil wars erupt in Mogadishu as they fail to use AMISOM forces to protect Mogadishu civilian population. If the international community want peace, stability and democratic elections on time for Somalia, why do they still keep former president of Somalia, Mr. Farmajo, in office after being out-of-mandate since February 8, 2021 and also after being murder suspect of committing crimes against innocent people? The international community in Mogadishu also knows well that he was blocking democratic presidential elections for almost three years for having dictatorship in mind and was ignored. There is some suspicion in Mogadishu that UN Ambassador, James Swan, and US Ambassador Donald Yamamoto are close friends to former president of Somalia, Mohamed Abdullahi Farmajo, and he still in the office with their pleasure but there is no evidence. Because former president of Somalia, Mr. Farmajo, is suspect of crimes, he loses all rights of holding talks or being candidate in coming elections. He should accept all the terms that the international community dictates to him as ordinary citizens and caretaker government should be formed as soon as possible with the help of international Community to prepare the country for democratic elections without his participation and influence. Former president of Somalia, Mr. Farmajo, is committed dictator and should be under watch and surveillance by the international community. Recommendations Having seen the precarious situation in Mogadishu and the high probability of civil wars eruptions, the followings are recommended to prevent impending disastrous dictatorship in Somalia The United Nations and International Community need to form caretaker government as soon as possible inviting regional administrators, Union of Opposition Parties, Traditional leaders and civil society sector to preempt any imminent civil wars in the country To put all security and armed forces of the country under the supervision of AMISOM to prevent abuse of power and to make the population of Mogadishu feel safe until new president is elected Since former president of Somalia, Mohamed Abdullahi Farmajo, is murder suspect, he should not be allowed to participate in any talks or become election candidate What happened in Mogadishu warrants serious investigation to find out why former president of Somalia, Mr. Farmajo, is still in the office without mandate and why the crimes were committed. Ibrahim Hassan Gagale Qaran News
-
A huge explosion was heard at a Somali police station in Mogadishu on Tuesday morning. Eyewitnesses say a bomber detonated his explosives strapped in his waist at Hamarweyne district police station. Details of the casualties remained unclear. View the full article
-
Wararka naga soo gaaraya degmada Xamar Weyne ayaa sheegaya in goordhaw uu saldhigga degmada uu ka dhacay qarax xoogaan . Qaraxana ayaa inta badan laga maqlay dhawaqiisa degmooyinka Gobalka banaadir waxaana wararku ay sheegayaan in uu yahay qof watay jaakad laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa . Ciidamada dowladda ayaa la sheegay in ay ku daba jireen shaqsiga is qaraxiyay , taas oo keentay in uu khasaaraha yaaraado , sida ay illa ka agdhaw goobta uu qaraxa ka dhacay ay inoo sheegeen . Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa ka dhacay degmada Xamar weeyne. Wixii ku soo kordha warkan kala soco GoobJoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb: Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa warbaahinta Dowladda uga warramay Kulankii gaarka ahaa ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ay uga hadleen xaaladda Soomaaliya. Wasiirka wuxuu sheegay in shirka si gaar ah diirada loogu saaray arrimaha Doorashada iyo bini-adanimada Soomaaliya, isagoo jeediyay warbixin dhinacyo badan taabaneysaty. Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa xoojiyay in ay muhiim tahay hirgelinta heshiiskii 17-kii September, taas oo horseedeysa in la gaaro doorasho loo dhan yahay. “ Arrinkan markii ugu horeysay ma ahan meelo kala duwan baan kaga soo hadalnay heshkiiskii 17-kii September waa heshiis taagan una baahan in la fuliyo,” ayuu yiri Wasiir Cabdirisaaq. Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan oo ka hadlay shirka ayaa sheegay in heshiiskii la gaaray 17-kii Sebtember u yahay kan ugu habboon ee lagaga bixi karo dib u dhaca dooarshada, iyo xaqijinta in hoggaamiyayaasha Soomaaliya ay idan cad u haystaan wajaibaadkooda isla markaana loogu soo noqon lahaa in mudnaanta la siiyo ajandayaasha Qaranka. Waxa uu shegya inay ku dadaalayaan sidii ay labada mamaul ee Jubaland iyo Puntland ugu soo biiri ahaayeen wadahadallada. View the full article
