-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Waxa aan xalay nabadqab ku gaadhay aniga iyo wefdi aan hoggaaminayo caasimadda Gobolka Togdheer ee Burco, sida oo kale waxa aan kormeer iyo indho indheyn ku tagnay qeybo ka mid ah goobaha ganacsi ee dhawaan Burco laga higeliyey. pic.twitter.com/IjffdKuj4Z — Cabdiraxmaan Cirro (@CirroSL) February 25, 2021 Qaran News
-
Baraha bulshada oo aad loogu qaada-dhigaayo Haweenka Sucuudiga oo loo ogolaaday ku biirista Ciidanka Militeriga+Shuruudaha lagu xidhay Ciidamada Sucuudiga Wasaaradda Gaashandhigga ee Sucuudiga ayaa shaaca ka qaadday in haweenka dalkaas ay ku biiri karaan militeriga, tallaabadaas oo hadal heyn ka dhalisay baraha bulshada. Sida laga soo xigtay wargeyska dowladda, wasaaradda gaashaandhigga waxay shaacisay taariikhda la qaabilayo haweenka iyo ragga doonaya inay kusoo biiraan militeriga Sucuudiga. #Saudiwomen can now apply for enlistment in the Kingdom’s armed forces through a unified admission portal for men and women https://t.co/bYDsms3D1x#saudiwomenempowerment pic.twitter.com/LmRlFxkkSZ — Arab News (@arabnews) February 20, 2021 Qeybaha kala duwan ee ciidamada ay ku biiri karaan haweenka Ciidamada lugta Ciidamada cirka Ciidamada badda Ciidamada boqortooyada u qaabilsan gantaallada Ciidamada militeriga u qaabilsan arrimaha caafimaadka Shuruuradaha laga doonayo iney buuxiyaan dumarka ku biirayo militeriga Sucuudiga Waa in haweeneyda ay tahay muwaadin u dhashay Sucuudiga. Waa in dhaqan wanaagsan ay leedahay oo aanay wax dambi ah gelin. Waa in caafimaadkeedu uu wanaagsan yahay. Wa in aysan ahayn marwo uu dhaxda qof aan Sucuudiga u dhalan. Ka shaqeynta horumarka haweenka Go’aanka kasoo baxaay Sucuudiga ayaa waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay dad badan. عاجل ورسمياً فتح باب التسجيل للمرأة السعودية للأنضمام للجيش السعودي مشينا يابنات pic.twitter.com/MYgsLALH5F — Alanoud G20 (بنت الوطن) (@AlrougiG20) February 22, 2021 Dadka qaar waxay sheegayaan in go’aanka ay dan ugu jirto haweenka maadama uu horumarkooda ka shaqeynayo. Haween badan oo ku sugan Sucuudiga ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay ku biiraan militeriga. رسميًا: أصبحت المرأة السعودية الآن قادرة على الانضمام إلى الجيش. pic.twitter.com/LlcStLBDKw — Screen Mix (@ScreenMix) February 22, 2021 Halka dadka qaar ee isticmaala barta Twitter-ka ay ku tilmaameen dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan “in uu u ololeynayo xuquuqda haweenka” Ibraahim Al Muniif oo kamid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa sheegay in arrinta ku saabsan in haweenka ay ku biiraan militeriga aysan ku cusbeyn Sucuudiga iyo taariikhda Islaamka. عمل المرأة في الجيش أمر غير مستنكر الا في الفكر الصحوي! أما في.. *التاريخ الاسلامي: الصحابيات (ام عمارة و رفيدة الاسلمية) شاركن في المعارك وحملن السلاح *التاريخ السعودي: البطلة (غالية البقمية) حملت السلاح وقاتلت وهزمت جيوش الترك لا يستنكر عمل النساء في الجيش الا جاهل او متخلف pic.twitter.com/wOzbq0KMJ5 — Ebrahim AlMunif (@altamimi14) February 22, 2021 Halka qaarkood ay sheegayaan “in difaacidda dhulka hooyo uu waajib ka saaran yahay qof kasta” Dhaxal sugaha Sucuudiga, Maxamed Bin Salmaan ayaa meesha ka saaray dhowr xayiraad oo haweenka dalkaasi saarnaa, arrimaha ugu weyn ee uu ku tallaabsaday waxaa kamid in haweenka Sucuudiga loo ogolaado inay baabuurta kaxeyn karaan. Sannadkii 2016-kii, waxaa uu shaaca ka qaaday qorsheyaal uu isbaddallo dhaqaale uga hirgelinayo dalkaas hiigsiga sannadka 2030-ka, kaas oo uga golleeyahay in haweenka boqolkiiba 30 ay ka qeyb qaataan barnaamijyada horumarka ee Sacuudi Carabiya. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda Soomaaliya ay ciidan badan ku daadisay magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafadaha ku dhow dhow Villa Somalia. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in guryaha ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya la dejiyay dhalinyaro u daacad ah Madaxweyne Farmaajo, oo dharcad ah kuwaas oo ujeedooyin dhowr ah laga leeyahay. Ciidankan oo sidoo kale la geeyey qeybo kale oo magaalada ka mid ah ayaa lagu warramayaa in ay ka hortagi doonaan banaanbaxyada la filayo in todobaadkaan lagu qabto magaalada Muqdisho, oo ay suurta-gal tahay in mar kale ay rabshado hareeyaan. Banaanbaxa ayaa qorshuhu yahay inuu 26-ka bishan Febraayo oo ah Jimcaha uu ka dhaco agagaarka taallada Daljirka Dahsoon, oo aad ugu dhow xarunta madaxtooyada Soomaaliya. Dowladda ayaa horey ciidamo militari u gaysay taallada, hase yeeshee kuwan dharka cad ayaa lagu warramaya inay sii xoojin doonaan kuwaas. Waxaa sidoo kale la sheegay inu diyaarsan in ay dowladda difaacaan haddii uu dagaal dhaco, oo ay xaaladda faraha ka baxdo. Dhallinyaradaan ayaa la siiyay hub waxaana loo kireeyay guryo ku hareereysan madaxtooyada, waxaana la siiyay amar ah in aysan hubkooda banaanka usoo bixin ilaa laga amro. “Haddii dagaal dhaco oo la soo weeraro ayey howgali doonaan waana ciidan dadka ku cusub qalabkoodana loo dhameestiray, guryaha ay daganyihiin lacagtooda waa laga bixinayaa waayo iyaga maba awoodaan,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada amniga Soomaaliya.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Cudurka Safmarka ah ee Covid-19 ayaa si weyn ugu baahaya magaalada Muqdisho, waxaana isa soo taraya dadka u dhiminaya iyo kuwa qaadaya ee la xanuunsan. Qaar ka mid ah shaqsiyaadka caanka oo ay ku jiraan mas’uuliyiinta dowladda ayaa la sheegay in ay la jiifaan cudurkaan, waxaana laga deyrinayaa xaaladda caafimaad ee qaar ka mid ah dadka uu haayo. Mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda Soomaaliya ee uu cudurka soo ritay ayaa isugu jira Xildhibaano, wasiir, iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Qaranka waxaana dadkaasi kamid ah Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo ku sugan dalka Burund, Xildhibaan Cabdullaahi Gaafow Maxamuud oo ka tirsan Golaha Shacabka ee BFS, Sen Muna Cumar Xasan oo ka tirsan Aqalka Sare ee BFS, Bashiir Maxamed Jaamac, taliyihii hore ee ciidanka Asluubta hadana ah Maareeyaha wakaalada Dhismaha Qaranka, taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Xijaar, taliyaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada Col Maxamed Aadan Koofi, taliyihii hore ee ciidanka Xoogga dalka Janaraal Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe, taliyihii ciidanka Badda Soomaaliya Admiraal Maadeey Nuureey Sheekh Furow iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya. Inta ugu badan masuuliyiintaan ayaa jiifa Isbitaalka Martiina marka laga reebo Col. Koofi oo dhowaan ka bogsaday iyo wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya oo ku go’doonsan Burund, halka qaar kale oo ka mid ah dadkaan ay guryahooda la jiifaan xanuunkaan. Magaalada Muqdisho ayaa si weyn looga dareemayaa saameynta cudurka Covid-19, waxaana u dhintay dad badan oo magac ku dhax leh Bulshada Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ku jiraan fanaaniin, odayaal dhaqan iyo culimo.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/02/Bar___Qubanaha-2422021-ok.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xogo hor dhac ah ayaa laga helayaa waan-waanta laga dhexwado golaha midowga musharaxiinta iyo ra’iisul wasaare Rooble oo xukuumadiisu si cad u diiday banaanbaxyo uu iclaamiyey goluhu. Ilo ku dhow dhow xubnaha Ergada waan-waanta ka dhex wada Ra’iisul Wasaaraha iyo Murashaxiinta Mucaaradka ayaa sheegaya inay rajo wanaagsan ka qabaan dadaaladooda oo aysan weli ka quusan u kala dab qaadidida labada dhinac. Musharaxiinta ayaa soo gudbiyay seddax qodob oo ay shuruud uga dhigeen kulan uu la yeesho Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle. Qodobadan ay musharaxiintu ku xireen la kulanka madaxdaas ayaa kala ah: 1- in la cambaareeyo, raalli gelin laga bixiyo wixii dhacay 19 Febraayo. 2- in bannaan baxa la ogolaado. 3- in shirarka wadatashiga Qaran laga qeyb geliyo Murashaxiinta. Sida ay sheegayaan xogaha aan heleyno waxaa la rumeysan yahay in dhanka Ra’iisul Wasaaraha ay wax ka dhowyihiin, balse culeys laga soo saarayo dhanka xafiiska Madaxweyne Farmaajo. Madaxtooyadu waxay Rooble uga duwantahay siiqada loo dhigay, qodobada qaar ee Musharaxiintu soo gudbiyeen. Golaha midowga musharaxiinta Soomaaliya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa mar kale ku celiyey in banaanbaxa ay dhigayaan Jimcaha soo socda, iyagoo sharci darro aysan aqbali doonin ku tilmaamay go’aankii ay shalay xukuumadda xil-gaarsiintu ku sheegtay in wax banaanbax ah aan Muqdisho lagu qaban karin.
-
Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga Puntland Cabdulqaadir Xaange ayaa sheegay in Wasaarada Qorsheynta ee Dowlada Federaalku ay ka been sheegtay ayna Been tahay inay wax lug ah ku leedahay Mashruuca Dhismaha Wadada Gaalkacyo Garowe qayb kamid ah. Wasiirku wuxuu sheegay in Mashruucaan bilow ilaa hada ay gacanta ku heysay Puntland, ayna iyagu Bilow ilaa hada keensadeen Mashruuca Wax shaqo ahna aysan ku lahayn Dowlada Dhexe, Wasiirku wuxuu sheegay in Mashruucaan ay Dadaal dheer u gashay Puntland sidii dib loogusoo celin lahaa, Xukuumadii Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Mashruucaan la hakiyay kadib markii looga shakiyay dib isdaba maryayn, Laakiin Dadaal dheer oo ay Xukuumada Puntland u gashay kadib waa lasoo celiyey, Intii howshaas socotayna wax saameyn ah kuma lahayn Dowlada Dhexe. Wasiirku waxayay sheegay inuu aad ula yaabay sheegashada ay sheeganayaan, ayna Been tahay sheegashadaas. Wasarada Qorsheynta Dowlada Federaalka ayaa maalmahaan Baahinaysay inay Puntland ka fulinayaan Mashruuca Dhismaha wada Isku xirta Garowe iyo Gaalkacyo. Waxaa jira Siyaasiyiin Reer Puntland ah oo Qayb ka ah buunbuuninta Been abuurkaan kuwasoo baajiyay in Dowlada Dhexe ay fulinayso Mashruucaan, Puntlandi.com Garowe The post Wasiirka Qorsheynta Puntland oo cadeeyay in DF ay sheegatay Mashruuc aysan waxba kala socon appeared first on . Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Baaritaan ay sameysay Caasimada Online ayaa ku ogaanay tirada ciidanka Gorgor ee ka tirsan Milateriga Soomaaliya, kuwaas oo maalmihii ugu dambeeyay ay ka qeyla dhaamiyeen madaxda badan oo ka tirsan maamulada dalka iyo kuwa mucaaradka ah. Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa habeenkii Axadda magaalada Garowe ka sheegay in aysan Xamar tagi karin sababtana waxa uu ku sheegay in ay ku adag tahay in Al-Shabaab iska ilaaliyaan iyo in ay iska ilaaliyaan Gor Gor. Sidoo kale tirada ciidanka Gorgor ayuu sheegay in ay badan yihiin balse waxa uu ka gaabsaday in uu shaaciyo tirada isagoo sabab uga dhigay in uusan cabsi gelineen dadka shacabka ah. Caasimada Online oo la hadashay madax ka tirsan Gorgor iyo taliska wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegay in ciidankaan ay u dhaxeeyaan kun iyo shan boqol ilaa laba kun oo Askari. Sidoo kale saraakiisha aan la hadalnay ayaa sheegay in ciidankaan ay ka mid yihiin ciidamada ugu qalabka iyo tayada wanaagsan. Waxay heestaan hubka culus iyo mid fudud oo casri ah, gaadiidka gaashaaman oo qaarkood rasaasta karin iyo tababar casri ah waxaana soo tababartay islamarkaana qalabaysay dowladda Turkiga. Ciidanka Gorgor ayaa ilaa hada geestay saddex weerar oo kii ugu dambeeyay ka dhacay 19-kii bishaan magaalada Muqdisho, weerarkaas oo lagu qaaday madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
-
Deeqaha Caalamku uu siiyo Soomaaliya wali si Xaq ah looma qaybiyo waxaana Masuuliyad iska leh Wasaarada ay markaas Deeqda soo gaarto, waana Cadaalad xumada ugu weyn oo wali jirta. Dowlada Hindiya waxay hada ku deeqdey ku dhowaad 70 Bus io Soomaaliya loogu deeqay, Laakiin waxaa xaqiiq ah in deeqdaas aysan wada gaarayn Deegaanada Dalku ka kooban yahay. Hadii Xaq loo qaybiyo Deeqaha Dalka soo gaara oo Magaca Doomaaliya ku yimaada, waxaa soo noqon lahaa aaminaadii lagu qabay Xukuumada Dhexe, Hadii Matalan Deeqdaan loo qaybiyo Dalka oo idil wuxuu Maamul walbaa helayaa ku dhowaad. Puntland 10, Soomaaliland 10, Galmudug 10, Hirshabele 10 Koonfurgalbeef 10, Jubbaland 10 , Muqdisho 12 . The post Hindiya oo Ku deeqdey 72 Bas, Ma Soomaaliya loogu deeqay mise… appeared first on . Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraallo ay soo saareen isbitaalka Madiina iyo Taliska booliska Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey sababta keentay dhimashada Allaha u naxariistee Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Warqadahaan waxaa lagu xaqiijiyey in Ugaasku uusan u geeriyoon cudurka Coronavirus oo markii hore la sheegay inuu sababsaday. Sida lagu sheegay qoraalkan, baaritaanadii la sameeyey waxaa lagu xaqiijiyey in Ugaas Xasan uu u geeriyooday Wadne xanuun. Dhakhaatiirta caafimaadka iyo laanta baarista dembiya ee booliska Soomaaliya ayaa geerida Ugaaska kadib bilaabay baaritaano, si loo ogaado sababta keentay dhimashada. Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ahaa Ugaaska beesha Xawaadle ayaa xalay fiidkii hore ku geeriyooday Hotel uu ka deganaa magaalada Muqdisho. Ugaaska oo fadhigiisa ugu weyn uu ahaa magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, ayaa mudooyinkii dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho, oo ugu dambeyn uu xalay ku geeriyooday. Meydkiisa ayaa la sheegay in berri loo qaadayo gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaanka Halgan oo lagu aasayo, halkaas oo ay degaan qoyska reer Ugaas ee beesha Xawaadle.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/02/Wrka-Habeen-2422021.mp3 View the full article
-
Booliska Dalka Turkiga ayaa sheegay in howlgallo laga sameeyay Magaalada Ankara lagu soo qabtay shaqsi lagu tuhmay in uu ka tirsan yahay Ururka Al Shabaab oo dagaal kula jirta Dowladda Federaalka Soomaaliya. Shaqsigan la tuhmay oo heysta dhalashada Dalalka Jarmalka iyo Talyaaniga ayaa lagu qabtay howlgallo ay si wadajir ah u sameeyeen Booliska iyo Sirdoonka Dalka Turkiga. Wakaalada Wararka ee Anadolu oo soo xiganeysa Saraakiil Amni ayaa baahisay in magaca tuhmanaha lagu soo koobay A.B. inkastoo Booliska lagu wargeliyay soo qabashada ninkan lala xiriirinayo Ururka Al Shabaab. Saraakiisha Amaanka ayaa sidoo kale xusay in ninkan uu ka soo howlgalay Dalka Kenya oo weeraro dhowr ah ay ka fuliyeen Ururka Al Shabaab. Booliska iyo Sirdoonka Turkiga ayaa baaritaano ku bilaabay shaqsiga lagu qabay Magaalada Ankara. Hay’addaha Amaanka Turkiga ayaa aaminsan in eedeysanaha uu qeyb ka ahaa weeraro dhiig ku daatay oo Al Shabaab ay ka geysteen gudaha Dalka Kenya. View the full article
-
Somalia on Wednesday confirmed 198 new positive Covid-19 cases, bringing the total number of confirmed cases in the country to 6,444. 3 more people were reported to have recovered from the disease, hence the total number of recoveries is now at 3,781. Unfortunately, seven people have succumbed to coronavirus in the country, the total number of fatalities now being 215. This comes days after Somalia on Monday closed all schools and universities for two weeks due to a surge in COVID-19 infections in the Horn of Africa nation. Somalia is yet to begin innoculating its people but is set to receive 1.2 million doses of the Oxford AstraZeneca vaccine this February, according to the World Health Organization (WHO). View the full article
-
Garoowe (Caasimadda Online) – Dowlad Goboleedka Puntland ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay sababihii keenay inay shuruudo adag ku xirto ka qeyb galka Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya. Wasiirka Warfaanta Puntland, Cabdullaahi Cali Xirsi Timacade ayaa ugu horeyn sheegay in maamulka Puntland ay diyaar u tahay inay dalka ka dhacdo doorasho xalaal ah oo ay isla ogol yihiin dhammaan Maamul Goboleedyada, Dowladda Dhexe iyo Saamileyda Siyaasadda. Wasiirka oo wareysi siiyey Idaacadda VOA ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in Beesha Caalamka ay kasoo qeyb gasho kulamada looga hadlayo doorashooyinka Soomaaliya si damaanad qaad loogu helo qodobada lagu heshiiyo iyo sidii loo fullin lahaa. Madaxda Dowladda Dhexe ee Soomaaliya ayuu wasiirka ku eedeeyey inay dhowr jeer ku fashilmeyn fulinta qodobadii lagu heshiiyey taasna ay sabab u noqotay in Puntland ay soo bandhigto shuruudahaan gaar ahaan in beesha Caalamka ay goobjoog ka noqoto. Wasiir Timacadda oo wax laga waydiiyey sababta keentay in Puntland ay dalbato in taliyaasha Ciidamada la badalo ayuu sheegay inay taas sabab u tahay maadaama ay taliyaasha qeyb ka noqdeyn ololaha dib usoo doorashada madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo sida uu hadalka u dhigay. Hadalka Wasiir Timacadde ayaa imaanayo kadib markii Maamulka Puntland uu Xalay soo saaray illaa 8 shuruud oo aadan ka qeybgalka shirka la filayo in looga hadlo arrimaha doorashooyinka. Halkaan hoose ka akhriso shuruudihii ay Puntlan soo saartay Xalay: Puntland oo 8 shuruud oo aad u adag ku xirtay ka qeyb galka shirka doorashada
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha midowga musharaxiinta Soomaaliya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay go’aankii ay xukuumadda xil-gaarsiintu ka soo saartay banaanbax ka dhaca magaalada Muqdisho. Afhayeenka midowga musharaxiinta Daahir Maxamuud Geelle oo ka hadlay shirka jaraa’id ee golaha ayaa sheegay inay ku adkeysanayaan qabashada banaanbaxa ay iclaamiyeen maalinka Jimcaha ah ee soo socota, isagoo ku gacan sareyray go’aankii shalay ka soo baxay xukuumadda. “In nala qasbo ma aqbali karno, waxaan go’aansanay inaan difaacano xuquuqdeena dastuuriga ah, waxaan rabnaa in laga waantoobo isbaarada naloo dhigtay, bulshada Soomaaliyeed waxaan leenahay ka soo qeyb gala mudaharaadkaas Jimcaha, waan ognahay culeys ayuu leeyahay, laakiin hadii aan iska dhaafno waa ‘gumoobeysaan’ dowladda federaalka waxay ku tumaneysaa qodobo dastuuri ah, waa inaan dhahno kuma tuma kartaan,” ayuu yiri Daahir Geelle. Waxuu sheegay in hadafkoodu uu yahay inay Farmaajo ka quusiyaan damaciisa oo sida uu sheegay ah mid ku tumasho dastuur ah. Sidoo kale Daahir Geelle waxuu sheegay in maanta ay shir gaar ah ka yeesheen xaaladda cakiran ee dalka, isla markaana ay wax yaabo badan isla odoraseen. “Maalin dhaweed markii aan mudaharaadka aan sameynay isbaaro ayaa naloo dhigtay, taas oo lagu hagar daameeyey xuquuqdeena, isbaaro iyo argagixiso looma hoggaansamo, waxaan go’aasaanay inaan ku adkeysano difaaca xuquuqdeena sharciga ah, sidaas darteed maalinta Jimcaha ah waxaan dhigeynaa mudaharaad dastuuri ah,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Daahir Geelle. Wasiirka amniga Soomaaliya Xasan Xundubey oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xukuumaddu go’aamisay in aan la qaban karin wax isku imaatin ama banaanbax ah, sababo la xariira ka hor tagga faafitaanka cudurka Coronavirus oo aad ugu soo laba kacleeyey Soomaaliya, balse go’aankaas waxaa si cad u diidan musharaxiinta oo Muqdisho ka abaabulaya banaanbaxyo hor leh.
-
Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ee mucaaradka ayaa mar kale ku adkeystay inay qabanayaan bannaan baxa maalinta jimcaha ka dhacaya taalada Daljirka Daahsoon ,iyagoo ka digay in Dowladda ay hor istaagto bannaanbaxo mucaaradka. “Isbaarakasto oo naloo dhigo Bannaanbaxa nabadeed nagama hor istaagi doonto Villa Somalia” ayuu warbaahinta u sheegay Daahir Geelle oo ah Afhayeenka Mucaaradka,sidoo kalane ah musharrax xilka Madaxweyne Soomaaliya 2021 Dhinaca kale Kudlada Musharraxiinta Dhex-dhexaadka xilka Madaxweyne Soomaaliya ayaa iyagana ku baaqay in shacabka Magaalada Muqdisho ay ka qayb-galaan bannaanbaxa Jimcaha ka dhacay Muqdisho,waxaan sidaas wabaahinta u sheegay Guddoomiyaha Kudlada Musharraxiinta Dhex-dhexaadka xilka Madaxweyne mduane DR.Cumar Cabdiqaadir Axmed Fiqi Sidoo kale bulshada,aqoonyahanka iyo siyaasiinta mucaaradka ayaa Wal-walka ka qaba qabsoomida “doorashada 2021’’,waxaan taas badalkeeda madaxweynihii waqtigiisa dhamaaday ay ugu baaqeyn in uu arrimaha doorashada soo dhigo miiska wada-hdalka. Daawo Warbixin Soo Koobasan Wal-walka Dooorashada Dalka Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Int’l partners urge Somali leaders to end electoral impasse
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Somalia’s international partners call on all signatories of the 17 September agreement to come together urgently to finalize implementation of the electoral model, building on the work of the Technical Committee which met in Baidoa on 15-16 February. Federal and Member State leaders should also maintain open lines of communication with other Somali political leaders and civil society to ensure the elections have the broadest possible support and electoral bodies act with independence from political interests. International partners are concerned about the violent events which occurred in Mogadishu on 19 February. We call on all parties to maintain calm and exercise restraint to allow political dialogue to advance. It is now more urgent than ever for Somalia’s political leaders to place the national interest first and work together to hold elections that are broadly supported as soon as possible to move the country forward. International partners are actively supporting Somalis to achieve this outcome. View the full article -
A delegation of police officers from the African Union Mission in Somalia (AMISOM) on Monday visited Beletweyne, in the HirShabelle State of Somalia, to assess the on-going training and mentoring of the police in the region. Led by AMISOM Police Commissioner, Assistant Inspector General of Police (AIGP), Augustine Magnus Kailie, they expressed satisfaction with the level of collaboration between the AU police in the region and the civilian and military components of the mission in advancing their mandate. AMISOM Police has Individual Police Officers (IPOs) and a platoon of Formed Police Unit (FPU), working in Beletweyne to help improve the capacity of the Police in HirShabelle State through training, mentoring and operational support. AIGP Kailie reminded the AU police officers deployed in the region of the importance of the upcoming Parliamentary and Presidential elections in Somalia. He said as a member of the National Election Security Task Force, the highest security agency tasked with securing the elections, AMISOM will play an important role in securing the elections. “Our task is to secure the elections by supporting SPF and the military to provide security for the conduct of free, fair and credible elections in Somalia,” he said. He emphasised that the Somali Police Force (SPF) will take the lead in securing the elections while AMISOM police will only provide support. While in Beletweyne, AU Police Commissioner, and members of the Senior Leadership Team were briefed on the security situation in the region in a meeting with officials from the police, military and civilian components of AMISOM. The Police Team Leader for Beletweyne, Assistant Superintendent of Police (ASP), Joshua Chilekwa, said the visit was important to boosting the morale of officers on the ground and evaluation on progress of work. View the full article
-
The United Nations, African Union and European Union urged the Somali government and opposition on Monday to quickly agree on a date for elections, warning that the delay is fueling violence and impacting the impoverished Horn of Africa nation’s development and security. Acting U.S. ambassador Richard Mills echoed their appeal to swiftly resolve the political impasse, saying last week’s political violence on the streets of the capital Mogadishu over the failure to hold elections “is the latest indication that if not resolved soon, Somalia risks regressing deeper into instability.” At least five soldiers were killed and more than a dozen people, mostly civilians, were wounded in last Friday’s violent protests over the country’s delayed election. The chaos occurred hours after Somalia’s government and opposition leaders said gunfire erupted overnight near the presidential palace. President Mohamed Abdullahi Mohamed is under pressure as the Feb. 8 election date came and went without resolution of issues related to how the vote should be conducted in the Horn of Africa nation. Some Somalis are demanding that the president step down. The unrest is ripe for exploitation by the Somalia-based al-Shabab extremist group, which has threatened to attack the polls. James Swan, the U.S. special envoy for Somalia, told the U.N. Security Council that “al-Shabab continues to pose the primary threat to the security of the country … and the beginning of 2021 has seen a new peak in the number of attacks,” including using improvised explosive devices carried by vehicles and people targeting government officials and key figures in Somali society. “This is a tense moment in Somalia, as both rhetoric and actions are escalating,” he said. “We are seeing increased brinkmanship, pressure tactics, and tests of strength that can only heighten risks.” Rita Laranjinha, managing director of the European Union’s External Action Service, warned that the failure to reach agreement on how to conduct elections “is a risk for Somalia, and if not addressed urgently will become a risk to regional security.” Francisco Caetano Madeira, head of the African Union Mission in Somalia, called for “restraint from acts that can escalate tension and lead to further violence.” The U.N., AU, EU, and other council members urged Somalia’s feuding parties to respect the Sept. 17, 2020 agreement by the federal government and leaders of the country’s states on holding elections. The AU’s Madeira stressed that elections are “an absolute necessity” to renew and reaffirm “peoples’ trust and confidence in their leaders.” Somalia’s leaders should return to the negotiating table “guided by constructiveness, compromise and consensus,” he said. The EU’s Laranjinha warned that “if Somalia’s leaders fail to come to political arrangements, al-Shabab and other spoilers will benefit” and “the gains made to move Somalia to debt relief also risk being squandered.” “Time is therefore now for us, together, to reinforce our commitment towards a more comprehensive political and stabilization approach,” she said. “Only this can be a meaningful basis for allowing space for Somalia to lead its security post-2021 and for the African Union, the neighbors and partners to continue providing support.” American envoy Mills said the Biden administration believes a technical committee’s recommendations on Feb. 16 provide “a clear framework for resolving the impasse” and should be implemented “as a matter of urgency.” “Let me be clear: partial, parallel, or alternative election processes, including prolonged interim governing arrangements, would only further increase prospects for instability and be a major setback for Somalia,” Mills warned. U.N. envoy Swan said he remains convinced that the Sept. 17, 2020 agreement offers the best option to proceed quickly to an electoral process for selecting members of parliament, senators and the president. “This would minimize further delays in Somalia’s four-year transition cycle, ensure that the chosen national leaders have a clear mandate and are widely accepted, and allow the country to turn its attention from the current political competition to other vital national priorities in the interest of its people,” he said. Swan stressed that the humanitarian situation in Somalia “remains dire,” with an estimated 5.9 million people needing aid, up from 5.2 million last year. View the full article
-
Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Puntland Xeer ilaalinta dowladda Puntland ayaa shaacisay magacyada 14 qof oo ka tirsan Shaqaalaha hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay, kuwaas oo bixin waayay canshuurta ku waajibtay. Ku xigeenka xeer Ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland Maxamed Xareed Faarax, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Garoowe, ayaa sheegay in xabsiga loo taxaabi doono shaqaalaha magacyadooda la shaaciyay, haddii aysan bixin Canshuurta ku waajibtay. Xeer Ilaaliye ku xigeenka Puntland ayaa shaqaalahaas u qabtay mudda shan maalmood ah, in ay ku bixiyaan Canshuurta laga bilaabo Khamiista berri ah, haddii kalena dhammaantood xabsiga loo dhaadhicin doono. Hoos ka daawo Muuqaalka PUNTLAND POST The post Puntland oo shaacisay magacyada shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay oo bixin waayay Canshuurta appeared first on Puntland Post.
