Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Cabdirisaaq Khaliif Axmed, oo ah Guddoomiye kuxigeenka Xisbiga Waddani, ayaa si balaadhan loogu soo dhaweeyey Magaalada Laascaanood. Boqolaal dadweyne ah oo taageerayaasha Xisbiga Waddani, ayaa soo dhaweyn diiran ku qaabilay Murrashax Cabdirisaaq Khaliif oo u tartamaya Golaha Wakillada. Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo la hadlayey Dadweynaha soo dhaweynta ka qayb galay ayaa sheegay in ay Cabdirisaaq Khaliif u wadaan Guddoomiyaha Wakiillada “Waxaanu idiin wadnaa Guddoomiyaha Soo socda ee Golaha wakiillada Somaliland Cabdirisaaq khaliif” Ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro Source
  2. Bosaso (PP News Desk) — Bari Security Committee yesterday introduced a raft of policies aimed to prevent demonstrations against Puntland State Government. In a statement read out by the Deputy Commander of Bari regional police Major Yusuf Abdi Artan, the regional security committee warned the public against gatherings and demonstrations. The Bari Regional Security Committee members haven’t specified the type of demonstrations they view as subversive. “The security committee of Bari has held a meeting chaired by the regional governor. The meeting was attended by Puntland Maritime Police Force, Presidential Guards, and the Police Force. We discussed ways to strengthen the regional security due rumours about demonstrations. We urge Bosaso people to stop organisers of demonstrations. Public gatherings are not allowed to take place” said Artan. Security measures will remain in place for three days. Two days ago Puntland State Government arrested a Bosaso-based journalist who conducted a vox pop on a policy speech delivered by Puntland President Said Abdullahi Deni on Sunday. “Puntland President supports the right of Mogadishu people to hold demonstrations against the Federal Government of Somalia but denies Somalis in Puntland the right to hold peaceful pro-federal government demonstrations ” said member of Bosaso civil society who asked for anonymity. © Puntland Post, 2021 The post Puntland Bans Public Gatherings and Demonstrations appeared first on Puntland Post.
  3. Baydhabo (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo kaashanaya kuwa maamulka Koonfur Galbeed ayaa howl-gallo ka dhan ah dagaalyahanada Al-Shabaab ka sameeyey gobolka Baay, iyada oo laga helayo faah faahino dheeraad ah. Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa si gaar ah ciidamadu waxa ay uga fuliyeen deegaanka Awdiinle ee gobolkaasi, iyada oo lagu beegsaday xubno ka tirsan Shabaab. Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka ayaa shaaca ka qaaday in howl-gallada lagu soo qabtay in illaa afar xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab. ‘Maleeshiyada la soo qabtay ayaa gaaraya 4-ruux, kuwaas oo dhibaato xooggan ku hayay dadka deegaanka Awdiinle iyo tuulooyinka hoos yimaada,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo lagu daabacay wakaaladda wararka qaranka Soomaaliyeed ee magaceeda loo soo gaabiyo Sonna. Sidoo kale qoraalka ayaa intaasi kusii daray “Ciidanka oo helay xogta maleeshiyadan ayaa ku baxay, kadibna gacanta ku soo dhigay,”. Ciidamada dowladda iyo kuwa daraawiishta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa weli haq-dhaqaaqyo ka wada duleedka magaalada Baydhabo. Al-Shabaab ayaa haatan ku xoogan gobollada Baay iyo Bakool, iyaga oo ka fuliyo weeraro ka dhan ah ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMSIOM.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Su’aallo dheeraad ah & shaki weyn ayaa ka dhashay diyaarad laga leeyahay Maraykanka oo lagu arkay garoon ku yaalla Soomaaliya. Diyaaradda King Air turboprop oo ah nooca ay adeegsadaan qandaraasle-yaasha militariga ayaa la arkay, iyada oo taagan garoon diyaaradeed oo ku yaalla gudaha Soomaaliya, sida ay shaaciyeen boggaga wararka ee Baotintuc iyo Okezone.com. Sidoo kale waxaa la helay caddeymo muujinaya in diyaaraddan oo rakaab aheyd ay wateen qandaraasle-yaal, taas oo muujineyso in Maraykanku uu Soomaaliya ka wada howl-gal qarsoodi ah. Sawirradan iyo muuqaallo kale ayaa waxaa si dhif & naadir ah loo helay, xilligii ciidanka Maraykanka ah ay baxayeen gudaha Soomaaliya 17-kii January ee sanadkan 2021. Su’aalaha taagan, islamarkaana la’is weydiinayo ayaa ah qaabka ay diyaaraddan oo ay sameysay shirkada Beechcraft ay uga howl-gashay gudaha Soomaaliya. Warbaahinta ayaa sidoo kale sheegtay lambarka diiwaan-gelinta madaniga ah ee diyaaradda, N27557 oo si sicad uga muuqata sawirka, looma diiwaangalin wax diyaarad ah oo ay ogtahay maamulka duulista federaalka ee dalka Mareykanka. Si kastaba Mareynkan ka ayaa ka mid ah dalalka ka howl-gallada gudaha Soomaaliya isaga oo qeyb ka ah arrimaha siyaasadda iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
  5. Waxaa maanta lagu wadaa in dhinacyada dowladda federaalka ah iyo musharaxiinta ay ku kulmaan magaalada Muqdisho si xal looga gaaro ismariwaaga. Wararka ayaa sheegaya in dhexdhexaadin ay wadeen odeyaal iyo dad kale ay dhanka dowladda u matali doonaan ra’isul wasaare Maxamed Rooble iyo madaxweynayaasha Galmudug Axmed Qooroor iyo Hirshabelle Cali Guudlaaw iyo musharaxiinta oo dhanka kale ah, waana kulan qado ah oo ka dhcaya Décalé oo ah hotel ku yaala gudaha Airportiga. Ilo xog-ogaal ah oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegaya in ajendayaasha ay wataan mucaaradka ay ka mid yihiin: In Cudurdaar laga bixiyo, lana ciqaabo taliyeyaashii hey’adaha amniga ee weerarkii February 19 In guddi madaxbannaan loo soo saaro baarista wixii dhacay February 19 Iney dibadbaxa la fasaxo Iney mucaaradka iyo bulshada rayidka qeyb ka noqdaan shirka wadatashiga In shirka loo sameeyo korjoogteyaal beesha caalamka In shirka lagu qabto goob ammaan ah, In la dhiso gole fulinta heshiiska In la xalliyo cabashada ka taagan kuraasta waqooyi, oo loo madaxbanneeyo. In ra’isul wasaaraha xil gaarinta uu sii wado hawlaha xilliga kala guurka. Dhanka kale, ilaha xog-ogaal ee la hadlay Goobjoog News waxaa ay sheegayaan in dhanka dowladda ay wataan in dibadbaxa berri dib loo dhigo, oo maalin kale laga dhigo, iyaga in mucaaradka kala shaqeeyaan arrimaha doorashada iyo saxiixa natiijada shirka Baydhabo ee guddiga farsamo ee 15-16-ka February 2021. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo wareysi gaar ah siiyey TV-ga Universal ayaa si adag kaga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo xiisadda adag ee magaalada Muqdisho. Gaas ayaa wareysigan taageero ugu muujiyey xubnaha midowga musharraxiinta mucaaradka, wuxuuna sheegay in laga qaldan yahay, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay dibad-baxa ay abaabulayaan uu ka dhashay rajo xumo laga qabo in ay dhacdo doorasho dimuqraadi ah. “Xaq beey u leeyihiin Musharixiinta iyo dadka kale inay banaanbaxan, dowladdana aad ayay ugu qaldan tahay inay hor-istaagto, banaanbaxa waxaa keenay rajo xumo iyo quus lag muujiyay in doorasho dimuqraadi ah dhacdo,” ayuu yiri Mudane Cabduweli Gaas. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ra’iisul wasaare kasoo noqday dalka ayaa sidoo kale xusay inay muhiim tahay in laga hortego in awood milatari loo adeegsado shacabka. “Dalkan 21-sano oo Diktaatooriyad ah ayuu soo maray waana in la diidaa in shacabka awood milatari lagu caburiyo banaanbaxuna waa Dastuuri,” ayuu sii raaciyey. Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo maalinta beri ah lagu wada in dibad-bax ka dhan ah madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday uu ka dhaco gudaha Muqdisho, kaas oo ay hadda abaabulayaan musharraxiinta, waxaana socda wada-hadallo ku aadan dibad-baxaasi.
  7. Faah faahino dheeraad ayaa waxaa laga helayaa duqeyn gelinkii dambe ee shalay ka dhacday deegaanka buurtra Kuumba oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose. Wararka ayaa sheegaya in duqeyntaasi lagu burburiyey tababar oo Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka buurtra Kuumba oo 12 KM u jira magaalada Jamaale Duqeynta oo warar hordhac ah ay kasoo baxayaan ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan illaa 15 xubnood oo ay ku jiraan saraakiil ka tirsanaa Xarakada Al-Shabaab, sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta 43-aad. Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi kusii daray in meydadka iyo dhaawacyada ka dhashay duqeyntaasi la geeyey degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe. Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi dhanka cirka cirka & khasaaraha rasmiga ah ee kasoo gaaray. View the full article
  8. Jamaame (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada hoose ayaa ku waramayaa in gelinkii dambe ee shalay duqeyn diyaaradeed oo ka dhan ah dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab laga fuliyey qeybo ka mid ah gobolkaasi oo dhaca koonfurta Somalia. Duqeynta oo aheyd mid culus ayaa waxaa lala bartilmaameedsaday xarun lagu tababaro dagaalyahanada kooxdaasi oo ku taalla buurta Kuumba oo 12 KM ujirta Jamaame. Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan qeybtooda 43-aad ayaa shaaca ka qaaday in weerarkaasi lagu dilay ugu yaraan 15 xubnood oo ay ku jiraan saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab oo xilligaas ku sugnaa xerada tababarka ee duqeynta lala eegtay. Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi kusii daray in meydadka iyo dhaawacyada ka dhashay duqeyntaasi la geeyey degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe. Weerarkan dhanka cirka ayaa iska kaashaaday ciidamada Xoogga iyo saaxibadooda caalamka, sida ay shaaciyeen saraakiisha ka warbixiyey howl-galkaasi. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi ay guulaha ka sheegatay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Si kastaba maalmihii u dambeeyey ciidamada huwanta ayaa sare u qaaday howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee koonfurta iyo bartamaha dalka.
  9. Ergada waanta waanta ka dhex waday Midowga Musharaxiinta iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu dambeyn xalay ku guulLeystay dadaaladii ay wadaan inuu is afgarad ka dhasho, iyadoo la isku dhowaaday. Xubin ka tirsan Ergada ayaa xaqiijiyay in maalinta berri kulan qado ah Hotelka Decale ku yeelan doonaan Midowga Musharaxiinta, Raysal Wasaaraha, Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle. Ergada waan waanta ka dhex waday labada dhinac ayaa hordhigay Raysal Wasaaraha saddex qodob oo ay u soo dhiibeen oo kala ahaa:- 1- in la cambaareeyo, raalli gelin laga bixiyo wixii dhacay 19 Febraayo 2- in bannaan baxa la ogolaado 3- in shirarka wadatashiga Qaran laga qeyb geliyo Murashaxiinta Wararka ayaa sheegaya in saddexda qodob laba ka mid ah uu aqbalay Ra’iisul Wasaaraha, inkastoo aan qodobka kale la isku afgaran oo la sheegay inuu yahay mid ku xidhan Madaxweynaha, waxaana qodobka uu yahay kan saddexaad ee ah dalabka Musharaxiinta inay qeyb ka noqdaan Shirka Wadatashiga Qaran. Si kastaba ha ahaatee tallaabadan iyo dadaaladan ayaa waxay dejin kartaa xiisada maalmaha ka jirtay magaalada, iyadoo cabsi badan jirtay oo ahaa in gacan ka hadal uu dhaco Source
  10. Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay bam-gacmeed lagu weeraray fariisin ciidanka amniga ay ku leeyihiin magaaladaasi. Taliya Booliska gobalka Hiiraan G/Sare Isaaq Cali Cabdulle oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in weerarkaasi loo adeegsaday bam-gacmeed uusan geysan wax khasaare ah. Sidoo kale taliyaha ayaa xusay in ciidamada ammaanka ay wadaan howl-gal lagu baadi-goobayo raggii ka dambeeyey weerarkaasi. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa gudaha Beledweyne ka dhacayey falal amaan darri oo isugu jiro weeraro iyo dilal qorsheysan oo qaarkood ay sheegatay Al-Shabaab. View the full article
  11. Over thirty years, Somalia hasn’t achieved the full-fledged nationhood it has aspired to for a very long time. One of the primary impediments being, Source: Hiiraan Online
  12. Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 105 xaalado cusub oo COVID-19 ah 24-kii saac ee la soo dhaafay, 3 qof ayaana u geeriyootay. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir (90) Jubbaland (10) Koonfur Galbeed (2) Hirshabeelle (2) iyo Galmudug (1) qof, 65 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 40-na ay yihiin haween. Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 6,549 waxaa bogsootay 3,783 Ruux. guud ahaan 218 ruux oo kale ayaa u geeriyootay. Marwo Fowziya Abiikar Nuur waxay ku celisay markale inay muhiim tahay qaadashada talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maadaama uu markale soo labo kacleeyay halista cudurka COVID-19. View the full article
  13. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/02/Warka-Subax-2522021.mp3 View the full article
  14. Dowladda Hoose ee degmada Garoowe ayaa shalay si rasmiya u daah-furtay Qandaraaska mashruuc lagu dhisayo afar waddo oo Laami ah, kuwaas oo laga hirgelinayo Caasimadda Garoowe. Mashruucan Garoowe looga dhisayo Laamiyada cusub, waxa maal-gelinaya World Bank, waxaana fulin doonta Shirkaddii ku guulaysata Tartanka Qandaraaska ay furtay Dowladda Hoose. Duqa Caasimadda Garoowe Axmed Siciid Muuse, oo hadal kooban ka jeediyay Furitaanka Qandaraaska, ayaa sheegay in loo geli doono tartan ku dhisan caddaalad, kaas oo aan cidna si gaar ah loogu naas-nuujin doonin. Sidoo kale, wuxu sheegay in cid kasta oo ku qanci wayda natiijada ka soo baxda tartanka Qandaraaskan ay fursad u siin doonaan in ay soo gudbiso wixi cabasho ah, si baaritaan loogu sameeyo. PUNTLAND POST The post Dowlada Hoose ee Garoowe oo furtay Qandaraaska mashruuc lagu dhisayo afar laami oo cusub appeared first on Puntland Post.
  15. Dowladda Hoose ee degmada Garoowe ayaa shalay si rasmiya u daah-furtay Qandaraaska mashruuc lagu dhisayo afar waddo oo Laami ah, kuwaas oo laga hirgelinayo Caasimadda Garoowe. Mashruucan Garoowe looga dhisayo Laamiyada cusub, waxa maal-gelinaya World Bank, waxaana fulin doonta Shirkaddii ku guulaysata Tartanka Qandaraaska ay furtay Dowladda Hoose. Duqa Caasimadda Garoowe Axmed Siciid Muuse, oo hadal kooban ka jeediyay Furitaanka Qandaraaska, ayaa sheegay in loo geli doono tartan ku dhisan caddaalad, kaas oo aan cidna si gaar ah loogu naas-nuujin doonin. Sidoo kale, wuxu sheegay in cid kasta oo ku qanci wayda natiijada ka soo baxda tartanka Qandaraaskan ay fursad u siin doonaan in ay soo gudbiso wixi cabasho ah, si baaritaan loogu sameeyo. PUNTLAND POST The post Dowlada Hoose ee Garoowe oo furtay Qandaraaska mashruuc lagu dhisayo afar laami oo cusub appeared first on Puntland Post.
  16. Wararka ka imaanaya degmada Jamaame ee Gobolka Jubada Hoose, ayaa sheegaya in halkaas shalay laga maqlay duqayn xooggan, kadib markii diyaarad dagaal beegsatay xarun ay Al-shabaab leeyihiin. Duqaynta oo dhacday gelinkii dambe ee shalay, ayaa lala beegsaday xarun ciidan oo Al-shabaab ku leeyihiin tuulada Buurta Kuumba oo qiyaastii 12km u jirta degmada Jamaame, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan. Warar hordhac ah ayaa xaqiijinaya, in duqaynta lagu burburiyay xaruntii la beegsaday oo Al-shabaab ku tababaran jireen malayshiyaadkooda, islamarkaana lagu dilay in ka badan 15 dagaallame oo kooxdaas ah. Duqaynta waxa fuliyay diyaaradaha dagaalka Maraykanka oo kaashanaya ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, inkastoo aysan weli Maraykanku ka hadlin. PUNTLAND POST The post Duqayn xooggan oo Al-shabaab lagula beegsaday Jamaame appeared first on Puntland Post.
  17. When the coronavirus ripped through Lewiston last summer, Abdulkerim Said and other health workers went door to door to recruit members of the city’s immigrant community to get tested for the virus. Within a few hours, they had more than 100. Source: Hiiraan Online
  18. Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo xubno ka tirsan Midowga Murashixiinta Muqdisho, ayaa lagu wadaa in ay kulan gaar ah Muqdisho ku yeeshaan maanta oo Khamiis ah. Kulanka waxaa sidoo kale ku casuman Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Madaxweynaha, Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe. Wararku waxay sheegayaan, in Ra’iisul wasaare Rooble iyo Midowga Murashixiintu ay ka wada-hadli doonaan xal u heliidda xiisadda siyaasadeed ee ka aloosan Muqdisho, gaar ahaanna bannaanbaxyada laga cabsi qabo Jimcaha berri ah. Midowga Murashixiinta ayaa dalbanaya Qodoba ay kamid yihiin in xukuumaddu raalli-gelin ka bixiso wixi dhacay Jimcihii hore iyo sidoo kale in door laga siiyo Shirarka ku saabsan Arrimaha Doorashada dalka. Kulanka labada dhinac, oo aad isha loogu hayo ayaan weli faahfaahin badan laga helin Arrimaha hoose oo looga hadlayo. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Rooble oo maanta kulan gaar ah la yeelanaya Midowga Murashixiinta Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  19. Suspect, dual citizen of Germany, Italy, learned to have operated in Kenya, security source says Source: Hiiraan Online
  20. EDMONTON -- The Edmonton Police Service is investigating after a young Black Somali woman wearing a hijab was threatened by a man at the Century Park LRT Station on Feb. 17. Source: Hiiraan Online
  21. JEDDAH: Saleh Hamad Al-Suhaibani, Saudi Arabia’s permanent representative to the Organization of Islamic Cooperation (OIC), met with his Somali counterpart Dr. Abdur Razzaq Sead Abdi on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  22. Sirdoonka Maraykanka oo shaacinaya Xogta Dilkii Suxufi Jamal Khashoggi Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa lagu wadaa maanta oo Arbaca ah inuu xiriir dhanka Telefonka ah la sameeyo Boqorka Sacuudiga Salmaan, xili la filayo in dhawaan sirdoonka Maraykanka shaaciyo xogtii ay ka hayeen qaabkuu u dhacay dilkii Jamal Khashoggi. Suxufi Jamal Khashoggi oo la shaqeyn jiray Jaraa’idka Washington Post ayaa bishii Oktoober 2018 lagu dilay Qunusliyada Sacuudiga ku leeyahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Dilkan oo ay fuliyeen saraakiil ka tirsan Sirdoonka iyo militariga Sacuudiga, ayaa la rumeysan yahay inuu amarkiisa bixiyey Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salman. Sirdoonka Maraykanka CIA ayaa horey u hayey xog badan oo la xariirta qaabka dilkan u dhacay hase yeeshee lama shaacin maadaama xiligaasi uu xukunka hayey Madaxweynihii hore Donald Trump oo xiriir dhaw la lahaa Maxamed Bin Salmaan. Trump ayaa marar dhawr ah asxaabtiisa si hoose ugu sheegay in uu xiligaasi badbaadiyey Maxamed Bin Salmaan. Xiriirka Joe Biden la sameenayo Boqorka Sacuudiga Salmaan ayaa ah kii ugu horeeyey oo labada dhinac dhexmara tan iyo intuu xilka qabtay Madaxweynaha cusub ee Maraykanka, waxaana la sheegay in xiligan lagu soo beegay kahor intaan la shaacin warbixinta laga sugayo Sirdoonka Maraykanka. Joe Biden ayaa intuu ololaha doorashada ku jiray balanqaaday inuu ka shaqeyn doono in xogta Maraykanka ka hayo dilkii Khashoggi la shaaciyo oo aan shacabka laga qarin. Qaran News
  23. Puntland oo 5 Cisho u qabatay qaar ka mida shaqaalaha Qaramada Midoobay Puntland ayaa muddo shan cisho ah u qabtay 14 ka tirsan shaqaalaha xafiiska Qaramada Midoobey ku leedahay magaalada Garoowe. Shaqaalahan oo dhamaantood Soomaali ah ayaa lagu eedeeyey inay iska bixin waayeen canshuur ku waajibtay, iyadoo shanta cisho ee loo qabtay la doonayo iney ku bixiyaan canshuurta waxayna magacyadooda kala yihiin. 1-Xamdi Cabdiraxmaan Cali oo u shaqeysa UNDP 2-Axmed Xasan Maxamed oo u Shaqeeya UNDP 3- Cabdinaasir Maxamed Xasan oo u Shaqeeya UNDP 4-Maxamed Maxamuud Gees oo u Shaqeeya FOA 5-Naciimo Saciid Faarax oo u Shaqeysa UNDP 6- Cali Cabdullaahi Cali Faarax oo u Shaqeeya UNDP 7- Abshir Yaasiin Saalax oo u Shaqeeya FAO 8-Seytuun Cartan Awaare oo u Shaqeeysa UNDP 9-Cawil Cabdinuur Yuusuf oo u Shaqeeya UNDP 10-Cabduqaadir Maxamed Muuse Beeldaaje oo u Shaqeeya FAO 11-Muqtaar Maxamed Jaamac oo u Shaqeeya WFP 12-Maxamed Maxamuud Xasan oo u Shaqeeya FAO 13-Maxamed Cali Ibrahim oo u Shaqeeya FAO 14-Barqad Shire Yuusuf FAO Xeer-ilaaliye ku-xigeenka Puntland Maxamed Xareed Faarax ayaa sheegay in hadii mudadaas loo qabtay cashuurta ku bixin waayaan shaqaalahaasi ay ka joojin doonaan in ay ka shaqeeyaan Puntland, xabsina dhigi doonto. Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in 14 galdacwadeed laga soo gudbiyay Shaqaalaha Qaramada Midoobay taasoo ku aadan in ay diideen bixinta Canshuurta ku waajibtay. Qaran News
  24. Milateriga Soomaaliya oo ay weheliyaan ciidamada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa hawlgal qorshaysan ku qabtay xubno ka tirsan Al-shabaab sida laga soo xigtay saraakiil ciidan. Hawlgalkaas oo laga fuliyay tuulooyin hoostaga degaanka Awdiinle ee Gobolka Baaya waxa lagu qabtay afar xubnood oo Al-shabaab ah balse lama soo werin khasaare dhashay. Saraakiisha ayaa soo bandhigay sawirada shakhsiyaadka lagu qabtay Hawlgalkaas inkastoo aysan weli magacyadooda shaacin. PUNTLAND POST The post Milateriga Soomaaliya oo soo bandhigay xubno ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.