-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/02/Bar___Qubanaha-2522021-oo.mp3 View the full article
-
Kulan ay maanta yeesheen Ra’iisul Wasaare Roobe, madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle, Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Midowga Musharaxiinta Muqdisho ayaa laga gaaray is-afgarad. Kulanka ayaa looga hadlay rabshadihii dhawaan ka dhacay Muqdisho, mudaharaadka qorsheysan iyo arrimaha doorashooyinka, waxaana lagaga heshiiyay 5 qodob oo kala ah. 1. Dowladda Federaalka ayaa raaligelin ka bixisay rabshadihii dhacay 19 Febraayo, waxaana la isla gartay in guddi madax bannaan loo saaro sidii wax u dhaceen. 2. Dowladda Federaalka waxay ogolaatay bannaanbax nabdoon oo ay iyadu ammaanka sugto. 3. Dowladda Federaalka iyo Midowga Musharaxiinta ayaa kawada shaqeynaya mudaharaadka nabdoon. 4. Dowladda Federaalka iyo Midowga Musharaxiinta waxay isla garteen in dib loo dhigo mudaharaadka jimcaha beriya qorsheysan. 5. Waxaa la isla gartay in arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka wadahadaladooda la sii wado, si loo gaaro qabashada doorasho xor iyo xalaal ah. PUNTLAND POST The post Akhriso: Heshiiska Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka appeared first on Puntland Post.
-
Kulankii caawa ugusoo gabagaboobay Musharixiinta iyo Qoorqoor iyo Rooble ayaa kusoo dhamaadey is afgarad hordhac ah. Qodobada lagu heshiiyay waxaa kamid ah in Mudaharaadkii labaajiyo, In Gudi loosaaro weerarkii lagu qaadey Mudharixiinta iyo taageerayaashooda 19/2 iyo in Wadahadalka Doorashada lasii wado. Heshiiskaan ayaa u muuqda in Xukuumada Wakhtigeedu dhamaadey ay garowsatay inuusan xaalku ahayn Xukunka oo la faranarooqsado. Heshiiskaan Uu Raysal wasaaruhu la gaaray Murashixiinta ayaa wuxuu soo dhaweynayaa in Musharixiintu ay saameyn ku yeeshaan Wadahadalada Doorashada, tasoo ay mudo dheer raadinayeen, dhanka kalena Beesha Caalamka oo ka dambaysay in kulankaan uu qabsoomo ayaa guul ka gaartay in Miis la isugu yimaado si loo xaliyo Khilaafka hortaagan Doorashada. Puntlandi.com Muqdisho The post Qoorqoor, Rooble iyo Mudharixiinta oo Qodobo ku heshiiyay appeared first on . Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa hadda lasoo gaba-gabeeyey shirkii Hotelka Decale ee magaalada Muqdisho uga socday Ra’iisul wasaare Rooble, Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle iyo golaha midowga musharraxiinta Soomaaliya, waxaana laga soo saaray war-murtiyeed. Afhayeenka xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa warbaahinta u akhriyey lix qodob ay ku heshiiyeen garabka uu hoggaaminayey Ra’iisul wasaare Rooble iyo musharaxiinta mucaaradka ah, kuwaas oo kala ah. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ka xuntahay wixii ka dhacay Magaalada Muqdisho 19-kii Febraayo 2021, waxayna uga tacsiyeyneysaa shacabka Soomaaliyeed iyo Midowaga Murashaxiinta ee waxyeelladu ka soo gaartay, waxaana la isla gartay in Ioo saaro guddi madaxbannaan oo baaritaan ku soo sameeya sidii ay wax u dheceen. Sida uu qabo qodobka 20aad ee Dastuurka KMG ah ee JFS, Qof kasta waxa uu xaq u leeyahay in uu abaabulo, kana qaybgalo bannaabax si xasilooni ah cabasho loogu muujinayo. Sidaas darteed Xukuumada Federaalka Soomaaliya waxay damaanad qaadaysaa in ay ilaalineyso xuquuqdaas dastuuriga ah. Dowladda Federaalka iyo Midowga Musharaxiintu waxa ay ka wada shaqeynayaan sidii Ioo qaban Iahaa bannaanbax si nabadgelyo ah ku dhaca, iyadoo dowladdu ilaalineyso amniga iyo badqabka bulshada Soomaaliyeed. Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Murashaxiintu waxa ay isla garteen in dib Ioo dhigo mudaharaadkii qorsheysnaa maalinta Jimcaha ee ku beegan 26 Febaraayo 2021. Bannaanbaxa dib loo dhigay waxa uu ku dhici doonaa muddo 10 cisho gudohood ah, waxaana loo xil saaray guddi wadajir ah. Waxaa la isku afgartay in arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka wadahadalladooda la sii wado, si loo gaaro qabashada doorasho xor iyo xalaal ah. Hoos ka Daawo khudbadaha oo toos ah
-
Somalia is in a political crisis. For the first time in the country’s recent history, the four-year mandate of Parliament and the executive has expired without the selection Source: Hiiraan Online
-
Kulankii maanta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ku dhexmaray Mucaaradka iyo Xukuumada KMG ayaa waxaa kasoo baxay Qodobo heshiis lagu gaaray. Wadahadal dheer iyo gorgortan Waxay Mucaaradku ogolaadeen inay beri oo Jamce ah ay baajiyaan Mudaharaadka. Gudi ay kamid yihiin Cabdiraxmaan Cabdishakuur , Cumar Finish iyo Musharax Geele ayaa loo saaray inay soo baaraan Dhacdadii 19 Feberaayo, Macada In Qodobadaan uu aqbali doono Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey inkastoo Siyaasiyiin badan ay aaminsan yihiin in Qolada Raysal wasaaraha iyo Farmaajo ay doonayaan uun inay beri baajiyaan Mudaharaadka, Wixii soo kordha kala soco halkaan The post Breaking News— Shirkii Mucaaradka iyo Raysal wasaaraha oo Qodobo kasoo baxeen, Mudaharaadku Beri oo baaqday appeared first on . Source
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/02/Warka-Habeen-252021-0000.mp3 View the full article
-
The UN Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) in Somalia on Thursday expressed concerns of recent clashes in Somalia’s capital Mogadishu. “Political tension in Somalia is likely to affect people’s livelihoods,” the OCHA said in a short statement on Twitter. Humanitarian partners are concerned that armed clashes will aggravate the dire humanitarian situations in the country, the statement added. The UN urged all political parties to ensure the safety of civilians. The current political situation emerges after the Somali president’s constitutional mandate expired on Feb. 8 and opposition presidential candidates called for anti-government protests defying the government’s ban on public gatherings. The opposition presidential candidates led by former President Sharif Sheikh Ahmed demanded the president to resign although the government said there will not be a power vacuum. Experts on current political climate Abdimalik Abdullahi, a political analyst who spoke to Anadolu Agency over the phone, said the ideal situation is exercising maximum restraint and giving change to unconditional talks. “Most importantly, Villa Somalia [the presidential palace] ought to show leadership and reach out to all dissents rather than employing provocative and exclusionary political mechanisms that will only usher in more confusion and division,” Abdullahi said. Opposition groups should also be solution-oriented and not engage in fruitless running battles with the government, he added. Civil society and traditional elders in the Horn of African country have started mediating between the government and the opposition groups who called for fresh anti-government protests over delayed elections on Friday. Recent clashes between the government forces and opposition security guards near the presidential palace last Friday killed at least four people including soldiers, according to security sources. “Political crisis or election deadlocks in Somalia is not something new but what is new in this election cycle is the lack of rational thinking from some of the political leaders. In politics, it is difficult to have concord on every issue but the national interest must be pursued to have a common ground. “It is about time for a strong statesmanship, Somalia can’t bear another gridlock,” Thabit Mohamed, former mayor of Mogadishu and the leader of the political party Awoodda Shacabka — the People’s Power Party — told Anadolu Agency over the phone. UN and government seek over $1B Somali government and the UN earlier this month sought $1.09 billion to assist Somali people in need of humanitarian assistance this year. The federal government of Somalia and the OCHA launched the 2021 Humanitarian Response Plan, which aims to assist 4 million people out of the 5.9 million in need of assistance including IDPs (internally displaced persons), host communities, refugees, and returnees, to access life-saving assistance, basic services, and livelihood support. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xogo hor dhac ayaa laga helayaa shirka gaarka ah Hotelka Decale oo ku dhex yaalla garoonka Aadan Cadde uga socda Ra’iisul wasaare Rooble, Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle iyo inta badan xubnaha musharraxiinta mucaaradka ee Soomaaliya. Ilo xog ogaal ah oo aad ugu dhow shirka ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in xukuumadda Rooble ay miiska soo saartay dalab ah in musharaxiintu dib u dhigaan banaanbaxa ay iclaamiyeen Jimcaha berri ah ee 26-ka February. Sida aan xogta ku helnay Ra’iisul wasaaraha ayaa dalabkiisa u sababeeyey in loo baahanyahay fursad la siiyo hey’adaha ammaanka, si loogu diyaar garoobo sugida amniga oo banaanbaxaas loogu qaban lahaa si nabdoon. Sidoo kale xogta aan ka helnay shirka socda waxay intaas ku dareysaa in xukuumadda Rooble ay cadeysay inay guddi baaritaan u saareyso wixii dhacay 19-kii Febraayo, kana xuntahay dhibaatadii dhacday oo ay ka tacsiyadeyso dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay. Shirkaan oo ah mid xasaasi ah ayaa galabta ka furmay gudaha garoonka Aadan Cadde, welina waa uu socdaa, waxaana dadka aan ka soo muuqan ka mid ah ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo xubno ka ah midowga musharaxiinta la shiraya Rooble, lamana oga sababta ay uga baaqdeen. Markii la soo gaba-gabeeyo shirkan oo ah mid aad indhaha loogu wada hayo ayaa laga soo saari doonaa go’aano kala cadeynaya in berri uu dhici doono banaanbixii ay iclaamiyeen musharaxiintu oo dowladdu diiday iyo in kale.
-
At a joint press conference today, Reporters Without Borders (RSF) and a partner organization, the National Union of Somali Journalists (NUSOJ), condemned the decline in press freedom in Puntland, a semi-autonomous region in northeastern Somalia, and called for the release of a journalists imprisoned there. Freelance reporter Kilwe Adan Farah is still being held in the main prison in Garowe, Puntland’s capital, nearly two months after the Puntland police arrested him and Farah Mohamed Khalif, another freelancer known as “Yemen,” on 27 December. According to NUSOJ’s information, they were arrested in connection with the publication of photos of protests against the accelerating inflation in Puntland. Khalif has since been freed but Kilwe is still detained without being formally charged with any crime. His situation is all the more worrying because he was held incommunicado for the first month without anyone being able to find out what had happened to him. Puntland’s journalists think his detention is meant to send a message to those who might dare to cover demonstrations and protests against the local authorities. On 22 February, Ahmed Botan Arab, a freelancer was also arrested by the Puntland police in the city of Bossasso after posting video interviews of local residents commenting on a speech about the political situation in Somalia that Puntland President Said Abdullahi Deni had given the day before. Speaking on condition of anonymity for fear of reprisals, a Bossasso-based journalist told NUSOJ that the authorities initially threatened Arab in an attempt to dissuade him from posting the interviews on his YouTube channel, and then arrested him after the video sent viral. Accused of “spreading misinformation’, he was eventually released yesterday on 24 February. “Puntland’s journalists are courageous professionals who do their duty to report the news in a very hostile environment that includes intimidation, threats and even imprisonment,” NUSOJ secretary general Omar Faruk Osman said. “Puntland must reverse this repressive trend and allow journalists to work without reprisals, censorship or any other form of restriction.” “Puntland’s authorities cannot publicly claim to be actively helping to democratize Somalia while at the same time carrying out completely arbitrary arrests of journalists which, on the contrary, help to undermine the current electoral process,” said Arnaud Froger, the head of RSF’s Africa desk. “The release of the detained journalist is an essential condition for holding credible elections. We also urge the Somali federal authorities to do everything possible to ensure that these repeated arrests of journalists are brought to an end, as they pledged to do.” Somalia is currently in the throes of a major political crisis that prevented parliamentary and presidential elections from being held in December 2020 and January 2021, as initially envisaged. During an unprecedented visit to Somalia by RSF last October, RSF and NUSOJ met with Somali President Mohamed Farmaajo and Prime Minister Mohamed Hussein Roble, and asked them to take concrete measures to improve the very hostile environment for the Somali media. The prime minister undertook to implement a moratorium on arrests of journalists Somalia is ranked 163rd out of 180 countries in RSF’s 2020 World Press Freedom Index. View the full article
-
Qoorqoor, Rooble, Mahad Salaad, Cc, Shariif, Geele, Xasan Sheikh iyo Cabdi qaybdiid ayaa shir uga socdaa Garoonka Diyaaradaha meel u dhow. Sida Puntlandi.com Xogta ku hayaan waxaa Shirka ka maqan oo diiday inuu kasoo qaybgalo Xasan Cali Kheyre oo saluugsan in lala shiro xiligaan Xukuumada Wakhtigeedu dhamaadey. Kulanku si habsimi ah ayuu u socdaa waxaana laga filayaa inay kasoo baxaan Qodobo horay loogu sii socdo si Dalka ay uga dhacdo Doorasho nabad iyo Cadaalad ah. Puntlandi.com Muqdisho The post Xasan Cali Kheyre oo diiday ka qaybgalka Shirka u socda Siyaasiyiinta Beesha Mogadishu Clan appeared first on . Source
-
Guddoomiyaha Forensic science-ka Puntland Dowladda Puntland ayaa maanta si rasmiya u shaacisay Natiijada ka soo baxday baaritaan ku saabsan Hidda-sidaha DNA (Deoxyribonucleic acid), oo lagu sameeyay nin da’diisu tahay 63-sano jir, kaas oo laba Qoys ku muransanaayeen. Shaacinta Natiijada ka hor, ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland Maxamed Xareed Faarax ayaa labada Qoys u bandhigay in ay aqbali doonaan Natiijada soo baxda, taas oo ay ballan-qaadeen. Guddoomiyaha hay’adda Forensic science-ka dowladda Puntland Cabdirashiid Maxamed Shire oo gacanta ku hayay baaritaanka, ayaa shaaciyay labada Qoys midka uu la hiddo noqday ninka lagu muransanaa. Labada Qoys midkood, oo uu wakiil ka-ahaa Cabdirisaaq Siciid Ismaaciil, ayuu la hidde nodqay ninkii lagu muransanaa, kadib markii la mariyay baaritaanka cilmiyaysan Forensic-ga. Qoyska labaad, oo iyagana uu wakiil ka-ahaa Cali Axmed Aaden, islamarkaana sheeganayay ninkan magaciisa la qariyay, ayay isku hidde-noqon waayeen, sida ka soo baxday Natiijada. PUNTLAND POST The post Garoowe: 63 sano jir laba Qoys isku haysteen oo midkood loo xukumay appeared first on Puntland Post.
-
WADDANI Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Laascaanood +SAWIRRO
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Wefdi Balaadhan oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Cirro oo ay wehelinayaan Guddoomiye Kuxigeenka 1aad Mudane Cabdirisaaq Khaliif, Hoggaamiyaha Xisbiga Mudane Xirsi, Guddoomiye Kuxigeenka 2aad Mudane Saleebaan Ducaale, Afhayeenk Xisbiga, Xubno ka tirsan Hoggaanka Xisbiga & Xoghayayaasha ayaa waxa ay gaadheen Magaalada Laasacaanood ee Xarunta Gobolka Sool. Guddoomiyaha iyo wefdigiisu wax ay soo dhaweyn balaadhan kala kulmeen qeybaha kala duwan ee Bulshada deggan ee Gobolka Sool guud ahaan, iyo gaar ahaan deegaanada hoos taga ee kala ah Gumeys, Yagoori, Tuulo samakaab, Adhicaddeeye iyo Canjiid. Guddoomiyaha & wefdigiisu waxa ay galbinayeen Guddoomiye Kuxigeenka 1aad Mudane Khaliif oo ah Musharraxa Golaha Wakiilada ee Gobolka Sool isla markaana Xisbiga WADDANI u qoondeeyey in uu u tartamo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ee Jamhuuriydda Somaliland. Source -
waxaa goordhaw magaalada Muqdisho kulan u dhaxeeya Ra’iisul wasaare Rooble iyo xubnaha midawga musharixiinta. Kulankan oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka iyo khilaafaadka taagay ayaa waxa uu ka dhacaya Hotel Decale . Rooble ayaa waxa ku wehlinaya kuanka Madaxweeynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed. Source: goobjoog.com
-
Somalia's political and security situation is ominous after former president Mohamed Abdullahi Farmajo - whose mandate ended 15 days ago - ordered a midnight military assault against former presidents Sheikh Sharif Sheikh Ahmed and Hassan Sheikh Mohamud and former parliament speaker Sharif Hassan Sheikh Adam. The former presidents were sleeping at Ma'ida Hotel when they came under fire. The next day, Kheire led protestors at the Daljirka Dahson monument, where a peaceful demonstration on the morning of February 19 led to clashes with security forces. The sound of heavy gunfire terrified the entire Mogadishu population. Source: Hiiraan Online
-
Waxaa Wadahadal u socdaa Midowga amusharixiinta Iyo Raysal waaaare Rooble kulankaasoo looga xaajoonayo Arimo dhowra. wixii kasoo baxa kala soco Puntlanfi.com The post Kulankii Mudharixiinta iyo Raysal wasaare Rioble oo socda appeared first on . Source
-
Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa laalay wareegto uu horay u soo saaray maamulkii Trump taasi oo lagu hor istaagay dad badan oo kamid ah codsadayaasha kaararka cagaaran in ay soo galaan Mareykanka. Bayaankaan oo maalinimadii Arbacada ka soo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Joe Biden uu soo saaray amar fulin ah oo joojinaya xayiraadaasi saarnaa dadka soo galaya Mareykanka,gaar ahaan qoysaska kala maqan iyo kuwa magangalyo doonka ah. Joe Biden markii uu qabtay talada xafiiska 20-kii Janaayo, wuxuu laalay dhowr siyaasadood oo ka dhan ah soogalootiga sida dadka magangalyo-doonka ah iyo mamnuucid lagu sameeyay dalal badan oo muslim ah Marka loo eego dadaalada dhinaca socdaalka ah ee uu wado Mr.Biden iyo dad gaaraya11 milyan oo qof oo aan laheyn sharciga Mareykanka,waxaa suurtagal ah in uu la kulmo iska caabin adag oo ay kala horyimaadaan Jamhuuriyiinta Koongaraska. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Mareykanka oo laalay xayiraado saarnaa dhinaca socdaalka appeared first on Puntland Post.
-
Kulan gaar ah ayaa haatan magaalada Muqdisho uga furmay Midowga Musharrixiinta, madaxda Galmudug, Hirshabelle iyo Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Ajandaha shirka ayaa la xiriira xaaladda Siyaasadeed ee dalka iyo rabshadaha ka dhashay Doorashada waqtigeeda kadib dhacday iyo sidii dalka looga badbaadin lahaa inuu lugaha la galo qalalaase siyaasadeed. Wararka sheegayaan in uusan shirka ka qeyb galin Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, lamana oga sababta ka dambeysa inuu ka baaqsado shirka. Sidoo kale waxaa shirkan goobjoog ah madaxweynayaashii hore, Shariif Sheikh Axmed iyo Xasan Sheikh Maxamuud. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa shirkan horay ugu baaqay, isagoo sheegay inuu la farriisanayo cid kaste oo dowladda wax ka tabanaysa. Waxa kale oo lagu wadaa in looga arrinsado sidii doorashada degdeg loogu qaban lahaa iyo in cabashada musharrixiinta la tixgaliyo. Qabsoomida shirkan ayaa kusoo aadaya xilli maalinta berrito ay mucaaradku u ballansan yihiin mudaharaad, iyadoo dowladduna ay ku jirto sidii ay uga hortagi lahayd. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Saddex-da Xisbi Qaran ee Somaliland, KULMIYE ,UCID iyo WADDANI oo muddooyinkii ugu dambeeyey ku hawlanaa qabashada arraajida iyo aqbalaada Musharraxiin u tartamaya doorashooyinka isku sidkan ee Golayaasha Degaanka iyo Wakiillada ee u muddaysan inay dalka ka qabsoomaan bisha may 31,2021-ka, ayaa hadda la sheegay inay soo gebogebeeyeen saddex-da Xisbiba,isla markaana ay dhammaan liisaskii Musharraxiinta Xisbiyaddu ay ku soo xeroodeen xarumaha guud ee saddex-daa Xisbi ay ku leeyihiin Magaalada Caasimadda ah ee Hargeysa. Saddex –Xisbi Qaran ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI ayaa la sheegay inay si rasmi ah u soo gunaanadeen hawlihii qabashada arajida musharraxiinta iyo aqbalaadooda, waxaana la sheegay inay saddex-da Xisbi gobollada qaar ay ka qateen tiradii loo cayimay tu ka baddan,waxaanay hadda gudda gellayaan kala hufka iyo kala haaddinta musharraxiinta,waxaana la fillayaa in horaanta bisha March ee fooda inagu soo haysay inay saddex-da Xisbi si rasmi ah u shaacin doonnaan liisaska musharraxiintooda,isla markaana ay u guddibin doonnaan Guddida doorashooyinka Qaranka. Dhanka kale Xoggo hoose oo Foore ka hellay xalay illo wareedyo rasmi ah ayaa noo xaqiijiyay in saddex-da Xisbi Qaran ay isku jaagidhayaan,isla markaana uu mid-ba mida kale doonnayo inuu oggaado musharraxiinta rasmiga ah ee uu badka keenayo. Geesta kale Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa isboorooyin kale duwan oo ay ku ugaadhsanayso u dhigatay Musharraxiinta Xisbiyadda Mucaaradka ka tartamaya qaarkood kuwooda ay u arragto inay halis ku yihiin musharraxiinta Xisbiga KULMIYE,isla markaana haddii ay guulaystaan ay u arragto inay mucaaradad addag ku keeni karraan mustaqbalka Xukuumadda Biixi. Isbaarooyinka ay Xukuumadda u dhigatay ayaa waxa kamid ah xeer illaalinta,taas oo hadda qaar kamid ah musharraxiinta labada Xisbi u diiday inay siiso warqadaha dabi la’aanta iyo Komishanka Tacliinta sarre oo ah isbaaradda labaad ee wixii dhaafa xafiiska xeer illaalinta loogu tallogalay inay soo reebto. Dhinaca kale, hawsha hadda ay guda galayaan saddexda Xisbi ayaa waxa ugu horeeya oo ay kala rabeeyaan musharaxiin isku jufo hoose ah oo ay soo kala reebi kari waayeen Deegaamaddii ay kasoo jeedeen kuwaasi oo sida lanoo xaqiijiyay ay qaar qaraabo dhaw oo ilmaadeer ah ay yihiiin, taasi oo Xisiga caqabad Culus ku ah ka go’aan gaadhisteedu, islamarkaana keeni karta buuq iyo qaylo iyo waliba ismaan dhaaf adag oo gudaha Xisbiga ka dhex istaadhmi doona. Musharaxiin badan ayaa Shalay illaa doraad Guclo orod ugu jira sidii ay u buuxin lahaayeen shuruudaha horyaala taasi oo ay ugu culus tahay dhinaca CV-ga aqoontu, waxaanay qaar ka mid ahi durba tageen Xafiiska Imtixaanaadka halkaasi oo kuwa aana Shahaadada waxbarashada haysan ay gaynayeen cudur daaro la eegi doono go’aanka ay ka qaataan Masuuliyiinta Xafiiska Imtixanaadka Qaranku. Source
-
(SLT-Laascaanood)-Qaar ka mid ah Shacabka ku dhaqan Magaaladda Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ee Somaliland ayaa muuqaal ay iska duubeen oo ay ku baahiyeen baraha bulshada Iyo Mareegaha Wararka, waxa ay taageero u muujiyeen Madaxweynaha Dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya iyagoo ugu baaqay Farmaajo inuu mar kale ku soo laabto Madaxtinimadda Dalkaasi. Lama garanayo ujeedada ka dambaysa ee ay dadkani iskugu yimaadeen iyo cidda soo abaabushay toona,balse waxa muuqata inaanay ka faa’iidaysteen foojignaan la’aanta hay’adda amniga gobolkaasi kuwaasi oo ka indha la’ shirqoolada noocan oo kale ah ee loo maleegayo Qaranimadda Somaliland ee laga dhigayo in dadka ku dhaqan carradda Somaliland ay taageersan yihiin Madaxweynaha Wakhtigiisu dhamaaday ee Soomaaliya. Waxa ka mid ah hadaladii ay jeediyeen “Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo waanu ku jecelnay waanu ku garab taaganay sawirkaaga sidaas ayaanu u sidanaa,annagana haddii aanu nahay Sool Sanaag iyo Cayn waanu ku sugaynaa,rajadda keliya ee aanu leenahay waa in aad soo noqoto, halkaas ayaan kugu sugaynaa waanu ku taageersanay,cadowkaagana alle dhabarka haka jebiyo ku guddaha ku jira iyo mid dambada ka yimiba,imaraadka iyo Kiiniya illaahay iyo ciidankeena iyo codkaaga ayaa inagaga filan”. Waanu ku taageersanay haddii aanu nahay Sool Sanaag iyo Cayn gaar ahaana magaalada Laascanood afar sanno ayaad xilka haysee afartan sanno oo kale noo hay, ciidamada Qaranka Somaliyana waanu hambalyeynaynaa.” “Waxaan la hadlayaa Modoobe iyo Demiye iyo nimankan sheegtay inay yihiin saamilay siyaasadeed,saamilay siyaasadeed wax la yidhaah maba jirto,markii aad Madaxweynayaasha ahaydeen labada nin ee Madaxweynayaasha sheegtayoow markii aad ahaydeen Madaxweynayaasha wax sumcad ah oo aad lahaydeen iyo waxaad dalka kusoo kordhiseen ma jirto,haddana marka aad arragteen iftiinka Somaali u soo baxay iyo ninka shaqaynaya ee Hawadii Somaaliya soo celiyey ee ciidamada dhisaya, ninka cadowga cadaadinaya, ninka sumcadii ummadda somaaliyeed oo celiyey eek or u qaaday , markaas ayaad masayrteen masayr ayaa idin haya,waxa aad isleedihiin haddii uu soo baxo mar dambe ciddi idinla haddli mayso ,shacabka Somaaliyeed idin marabo oo wax-ba idinku fali maayo , labadan kale damiye iyo madoobe labaduba waa xadhig waa la iska qabanayaa oo somaali ayaa iska qabanaysa.” “Gobolka Sool dadku ma seexdaan caruur wayeel iyo cid kastaa sidaas ayey ugu haddaaqayaan Madaxweyne Farmaajo,waanu soo dhaweynaynaa Madaxweyne guulayso illaahay cadowga hakaa qabt, halkan waa Magaalada Laascanood waxaan ka taageeraynaa Madaxwene Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo Dowladdayada calanka leh, Farmaajo sida loo taageersan yahay hadda ayaa gobolka Sool Salaado Sunne ah loo Tukadaa, Farmaajo waa Madaxweyne illaahay inoo soo diray waa mar la arrag waa wax illaahay inoo soo diray,waanu taageersanay”. “Annigu waxaan ahay 70 jir waxaan joogaa gobolka Sool ilaa Dowladdii Maxamed Siyaad Barre waan joogay maan arrag maanta ka horn in sidaas loo rabo oo loo jecel yahay nimanka leh waxaan nahay mucaarad maaha ee waa kooxo beelaadyo, kooxo beeleedyo haddii ay yihiin waxay ka cararayaan Maxkamad, mid waa kii badda Somaaliyeed iibsatay, midna waa kii iibsaday shanta boqol ee gabdhood ee Somaaliyeed inta kalena wey kula socotaa wey wadda iibsadeen, Axmed Madoobe iyo demiye waa la qaqabanayaa Maxkamad ayey ka cararayaan iyana,waxaan leeyahay Farmaajow Noolow weligaana hay .” ayuu sheegay mid kamid ah odayaasha Laascanood Source
