Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Warbixin uu shaaciyay sirdoonka Mareykanka ayaa waxaa lagu ogaaday in Amiirka dhaxalsugaha ah ee Sucuudiga, Maxamed bin Salmaan, uu ansixiyay dilka weriyaha qurba-joogga ahaa Jamaal Khaashuqji sanadkii 2018. Warbixinta oo uu shaaciyay maamulka madaxweyne Biden ayaa waxa ay tibaaxaysaa in amiirka uu ansixiyay qorshada in la soo qabto ama la dilo weriyaha uu saldhiggiisu yahay waddanka Mareykanka. Waa markii ugu horraysay oo uu Mareykanka si cad u sheego magaca amiirka dhaxalsugaha ah, kaas oo diiday inuu armay dilka. Khaashuqji ayaa waxaa la dilay xilli uu booqanayay qunsuliyadda Sucuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbuul ee waddanka Turkiga. PUNTLAND POST The post Sirdoonka Maraykanka oo shaaciyay in Maxamed Bin Salman uu amray dilkii Khashoggi appeared first on Puntland Post.
  2. Dowladda Eretariya ayaa sidii caadada u ahayd u beenisay eedeymo ku saabsan in militarigeeda ka dagaallamaya gobolka Tigray ee waqooyiga dalka Itoobiya ay dileen boqollaal qof oo ku sugnaa magaalada Aksum, labo maalmood oo ka tirsanaa bishii November gudahood. Warbixin ay soo saartay hayadda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa lagu sheegay in dil wadareedka la fuliyay 28-kii iyo 29-kii bishii November uu noqon karo fal dambiyeed ka dhan ah bani’aadannimada. Hase yeeshee, Wasiirka Warfaafinta ee Ereratiya, Yemane G Meskel, ayaa eedeyntaas ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona lahayn. Mr Meskel ayaa sheegay in la ogyahay in xeradaas dadka ku jira intooda badan ay yihiin dagaalyahannadii daacadda u ahaa xisbiga TPLF ee cararay kaddib markii lagu eedeeyay in ay xaquuq ba’an ka geysteen magaalada Mai-Kadra, xilligii ugu horreeyay ee uu dagaalka qarxay. Amnesty ayaa sheegtay in warbixinteeda ku saabsan xasuuqa Aksum ay ka diyaarisay wareysiyo ay la yeelatay qaxootiga gobolka Tigray ka tagay ee ku sugan Suudaan, sidoo kalena ay khadka telefoonka ku wareysatay dad badan oo ku sugan magaalada, goob joogna ka ahaa dhacdooyinka. PUNTLAND POST The post Eritrea oo war kasoo saartay xasuuq loo heysto in ay ka geysatay Tigray appeared first on Puntland Post.
  3. Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa ka shaqeynaysa sidii Soomaaliya iyo Kenya isugu keeni laheyd miiska wadahadalka si loo xaliyo dacwada badda ee u dhexeysa labada dal, iyadoo dacwadan ay taallo Maxkamada Cadaaladda Addunka ee ICJ. Wasiirka Arimaha Dibadda Turkiga Mevlüt Çavusoglu ayaa booqasho ku imaan doona Muqdisho iyo Nairobi, horaanta bisha soo socota ee Maarso, isagoo kulamo la qaadan doona Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta. Farmaajo iyo Uhuru ayaa bilihii lasoo dhaafay uusan xiriirkoodu wanaagsaneyn, sidoo kale waxay Soomaaliya u bareertay inay gabi ahaanba jarto cilaa-qaadkii diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeyey Kenya. Sida laga soo xigtay ilo xogogaal Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan waxuu aad u daneynayaa in labada dal ay xal nabadeed ka gaaraan dacwadda badda oo ahayd isha ugu weyn ee khilaafaadka labada dal u dhaxeeya. Turkigu waxuu dhex-dhaxaadintaan uga faa’iideysanayaa xiriirka wanaagsan ee Soomaaliya kala dhaxeeya, sidoo kale Turkigu waxuu Kenya iyo Soomaaliya oo uu ka dhaxeeyo xiriir ganacsi oo balaaran u arkaa laba dal oo door fiican ka cayaari kara saameyntiisa qaaradda, gaar ahaan Geeska Afrika. Maxkamadda ICJ ayaa dhowaan ku gacan seyrtay codsi ay dowladda Kenya markii 4-aad ku dalbatay in dib loogu dhigo dhageysiga dacwadda, waxayna balantu tahay in 15-ka bisha soo socota ee Maarso loo fariisto dhageysiga kama dambeysta ah ee kiiska badda Soomaaliya iyo Kenya. Labada dal ayaa biyaha ay isku heystaan lagu kala saari doonaa sanadkan gudihiisa, waxayna maxkamaddu kiiskan ka gaari doontaa go’aan aan racfaan laheyn. Markii laga soot ago kiiska badda wasiirka arrimaha dibadda Turkiga waxaa ajendihiisa ka mid ah soo celinta xiriirkii xumaaday ee xukuumadaha Muqdisho iyo Nairobi.
  4. Hay’adda Bisha Cas ee Dalka Turkiga ayaa agab caafimaad ugu yaboohday Wasaarada Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Bayaan ka soo baxay Safaarada Turkiga ee Magaalada Muqdisho, ayaa lagu sheegay in Hay’adda Bisha Cas ay 10 mashiin oo ah kuwa neefta siiya bukaanada ugu deeqday Wasaarada Caafimaadka. Qaraalka Safaarada ayaa sidoo kale lagu xusay in mashiinadan ay ka qeyb qaadan doonaan dadaallada Dowladda Soomaaliya kula dagaalameyso Cudurka COVID-19. Waxaa ay sheegeen in agabkan caafimaad uu kaalin muhiim ah ka qaadan doono caawinta bukaanada la xanuunsan cudurka COVID-19. Deeqdan caafimaad ayaa imaaneyso iyadoo Cudurka COVID-19 uu u muuqda mid soo laba kacleeyay, islamarkaana ay korortay tirada dadka uu soo ridanayo. Saraakiisha Caafimaadka ayaa rumaysan in Soomaaliya ay hadda wajahayso mowjaddii labaad ee cudurka COVID-19, waxaana ay sheegeen in loo baahan yahay in dadka si weyn looga wacyigeliyo khatarta cudurka. Ugu dambeyn, Qoraallo siyaabo kala duwan uga soo baxa Madaxda ugu sareysa Dalka iyo Wasaarada Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa inta badan looga dalbadaa Shacabka Soomaaliyeed in ay raacaan tallooyinka caafimaad, si loo xakameeyo faafitaanka cudurka COVID-19. View the full article
  5. Washington (Caasimada Online) – Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa war ka soo saaray wadahadal qadka telefonka ku dhex-maray markii ugu horreysay wadaxweynayaasha Mareykanka iyo Kenya, Joe Biden iyo Uhuru Kenyatta. Madaxweynaha Maraykanka, Joe Biden ayaa shalay telefoon kula xariiray madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta. Sida lagu sheegay war saxaafadeed kooban oo ka soo baxay Aqalka Cad ee Mareykanka. Warkan waxaa lagu sheegay in madaxweyne Biden uu kala hadlay dhiggiisa Kenya Mr. Uhuru muhiimadda uu leeyahay xiriirka Maraykanka iyo Kenya. Biden ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay sida ay Mareykanka uga go’an tahay inuu sii wado in Kenya uu kala shaqeeyo nabadda iyo amniga gobolka. Wadashaqeynta uu Biden u balan qaaday madaxweynaha Kenya waxaa qeyb ka ah ‘taageeridda mowqifkooda’ marka la joogo fadhiyada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo Kenya ay hadda xubin ka tahay. Sida war-saxaafadeedka lagu sheegay, madaxweyne Biden ayaa bogaadiyey kaalinta hogaamineed ee Kenya ay uga jirto gobolka Geeska Afrika ee dhinacyada la dagaalanka argagixisada, kobcina dhaqaalaha, wax ka qabashada isbeddelka cimillada, iyo horumarka la joogteyn karo ee dhan kasta. War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Biden iyo Uhuru sidoo kale ka wadahadleen xaaladda bani’aadiminimo ee sii xumaanaysa ee gobolka Tigray ee dalka Ethiopia iyo baahida loo qabo in joojiyo nafta baxaysa, lana hubiyo galaan-galka howlaha bani’aadaminimo ee gobolka. Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale ka wadahadlay baahida loo qabo in iskaashi laga yeesho arrimaha kale ee la xiriira xasilloonida gobolka Geeska, sida lagu sheegay war-saxaafadeedkan uu baahiyey Aqalka Cad ee Mareykanka.
  6. Allaha u naxariistee Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble ayaa maanta lagu aasay qabuuraha Daaro Ugaas oo ku yaala duleedka deegaanka Halgan oo ka tirsan degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku aasan yihiin 19 Ugaas oo Ugaas Xasan ka horeysay. Aaska Marxuumka ayaa waxaa ka qeyb galay salaadiin ka kala tagtay gobolada dalka iyo qeybaha bulshada Beladweyne, waxaana salaadda Janaasanada lagula tukaday marxuumka Garonka Laqanyo, iyadoo ay ka qeyb galeen Wasiiro, Xilibaanno ka tirsan labada aqal ee dowladda iyo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle. Qeybaha bulshada ee ka qeyb galay aaska Marxuum Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa Alle uga baryay in uu ka waraabiyo jannadii Fardowsa ahayd. View the full article
  7. By Max Bearak Feb. 26, 2021 at 11:44 a.m. EST NAIROBI — In a late-night meeting Thursday, Somalia’s prime minister persuaded opposition leaders to postpone their plan for mass anti-government protests and apologized for violence last Friday targeting candidates running in an election that was meant to take place this month but has been delayed indefinitely. Somalia is now in a protracted constitutional crisis, with opposition leaders claiming that President Mohamed Abdullahi Mohamed — commonly known by his nickname “Farmajo” — has overstayed his mandate. Tensions spiked last Friday, leading to exchanges of gunfire on the streets of the capital, Mogadishu, and heightening fears that the election dispute could spiral into civil conflict. Thursday’s meeting did not yield a new date for the election, and Farmajo, who has become an increasingly controversial figure, was not directly involved in the agreement. Clashes in Mogadishu throw Somalia’s political crisis into dangerous new phase While Somalia’s Western backers heralded the deal as a step in the right direction, security officials said the potential for conflict remains high. Security forces are under increasing pressure to take sides amid deepening political “As long as there’s no political agreement, we’re in a phase where we have no idea what will happen regarding how the different armed forces will react if there is sudden violence,” said Jihan Abdullahi Hassan, a former senior adviser to Somalia’s defense minister. Somalia has an array of military units, some of which are professionalized, federally controlled and trained by foreign advisers, while others are more closely aligned with regional governments that have been at odds with the administration in Mogadishu over how elections should be held. Efforts to bring all armed forces under federal control have succeeded in streamlining payrolls, instituting codes of conduct and restructuring military leadership, but they have not erased underlying divisions within them, Hassan said. “It’s a predicament,” she said. “The forces are not nationally integrated yet — they are close, but they are not there yet. We cannot allow them to slide back into political or clan rivalries.” In Mogadishu, the mood Thursday was tense. The city was choked with traffic as roads were closed ahead of the planned protests, and residents stocked up on essentials, fearing that the next day’s protests would be met with bullets. Earlier this week, the president of one of Somalia’s regions, Puntland, recounted in a widely viewed speech how Farmajo had boasted to him about having enough armed forces behind him to stay in power as long as he wanted. While a new Constitution introduced in 2012 set out guidelines for the creation of a constitutional court that would adjudicate disputes between Somalia’s member states as well as potential presidential impeachment proceedings, neither Farmajo nor his predecessor took the necessary procedural steps to create the court. Some within the security establishment have begun to speak out about what they perceive as Farmajo’s inclination to use various branches of the security forces to quell any opposition to him. “No opposition has said, you have to shoot the president. But on the president’s side, we have been asked to act strongly against the opposition,” said an aide to Somalia’s police commissioner, who spoke on the condition of anonymity because he was not authorized to speak to the media. A former top army commander, Mohamed Ali Barise, was more blunt in his assessment. “Farmajo sees the armed forces and intelligence services and even police as a personal instrument to achieve his own ends,” he said. “Since he came to power, he has been trying to install like-minded officers, even his extended family and clan members, in higher-ranking positions. Our hopes are with wise officers who will refuse — but no doubt they will be chased away, fired, isolated, may even risk their life to do that.” A current official in the special forces unit widely considered Somalia’s most effective, known as Danab, which is trained by U.S. Special Operations forces, said its top commander had been asked by Farmajo to relocate some of its troops to Mogadishu ahead of last Friday’s protests, but the request was turned down. The official requested that his name and rank be withheld to enable him to speak frankly about a politically sensitive issue. As U.S. forces leave, Somalia’s elite fighting unit fears becoming a political pawn Other special forces units, known as Gorgor and Haramaad, both trained by the Turkish military, were deployed last Friday in Mogadishu, he said. Last month, the U.S. military completed the withdrawal of about 700 personnel who had been based in Somalia largely as part of a training mission but who occasionally participated in ground raids on suspected targets belonging to al-Shabab, an al-Qaeda-affiliated militancy that controls much of rural southern Somalia and has contributed to the country’s persistent instability. The political crisis would only distract the country’s security apparatus from its efforts against al-Shabab, analysts said, potentially creating an environment in which the group could operate more freely and regain territory it lost to the government over the past decade. If a political agreement remains elusive, “the unity of effort in the war on terror will be lost, and we will continue to witness the strengthening of al-Shabab,” said Mohamed Mubarak, executive director at the Hiraal Institute, a Somali think tank. The post The Washington Post : – Somalia’s politicians strike a last-minute deal, but fears of conflict remain high appeared first on . Source
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa Hotelka Jaziira ee magaalada Muqdisho kulamo kula qaatay golaha midowga musharixinta Soomaliya, fadhigooda ugu weyn uu yahay halkaas iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah. Ilo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in xubnaha uu kulankaas la leeshay Rooble ay ku jiraan ra’iisul wasaarihii ka horeeyey Xasan Cali Kheyre iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan, kuwaas oo ka maqnaa goobtii xalay lagu kala saxiixday heshiiska. Kulankii dhex-maray golaha midowga musharaxiinta iyo ra’iisul wasaare Rooble oo ahaa mid ay albaabadu u xiranaayeen ayaan laga helin xogo faahfaahsan, maadaama ay saxaafaddu dibad-joog ka aheyd. Qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska R/wasaare Rooble ayaa lagu yiri, “Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Hoteelka Jazeera ee magaalada Muqdisho waqti kula qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada oo uu ka dhageystay aragtiyo ku aaddan xaaladda dalka.” Inkastoo aan qoraalkan lagu shaacin kulanka Rooble iyo musharaxiinta hadana wararka aan helnay waxay tilmaamayaan in ra’iisul wasaaruhu markii uu la kulmay musharaxiinta kadib uu qaabilay qeybaha bulshada rayidka ah, kuwaas oo la wadaagay aragtiyahooda ku aadan marxaladda kala guurka ah ee dalku ku jiro. Sidoo kale kulanka oo aan horay loo sii shaacin ayaa ku soo aadaya iyadoo xalay ay Hotelka Decale ay heshiis ka kooban lix qodob ku kala saxiixdeen Rooble iyo midowga musharaxiinta. Sida ku cad heshiiskii xalay raali gelintii Rooble kadib, waxaa ku xusan in xukuumaddu ay mucaaradka kala shaqeyneyso sidii banaanbaxooda ay ugu dhigan lahayeen si nabad ah, iyadoo ammaanka ay sugayaan ciidamada dowladda.
  9. Mogadishu (HOL) - Puntland and Jubbaland today welcomed the agreement reached on Thursday in Mogadishu between the Federal Government of Somalia and the Council of Presidential Candidates. Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (Caasimada Online)-Cambaareyn culus ayey dowladdu kala kulantay burburin ay ciidamada booliska Soomaaliya xilligii dambe oo xalay ah ay kula kaceen dhismaha dugsiga Hooyga Xamar, oo ku yaalla meel u dhaw madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasin ee degmada Hodan. Siyaasiyiinta ka fal-celisay tallaabadaas waxaa ka mid ah Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Guuleed oo hadda u musharaxan madaxweynaha Soomaaliya iyo Xildhibaan Cabdiraxman Odawaa. Ugu horeyn Cabdiraxman Odawaa oo nasiib darro ku tilmaamay wixii dhacay ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in ragga dhulka boobaya dhulkaas ay yihiin ganacsato gacan saar la leh madaxweyne Farmaajo, kuwaas oo uu sheegay inay aad u taageerayaan dib u soo doorashadiisa. “Dhulka la burburiyay waxaa lahaa Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya, waxa ay ka soo saartay warqad ay uga soo horjeeddo burburinta hantida wasaaradda. Dhulka waxaa loo burburiyay ganacsato ay madaxweynaha xilkiisu dhammaaday Farmaajo gacan saar leeyihin kana qayb ah dib u doorashadiisa. Waxaan ku baaqayaa in loo hogaansamo codsiga wasaaradda, lagana celiyo dhulka dadka boobaya,” ayuu yiri Cabdiraxman Odawaa. Caasimada Online ma xaqiiji karto in dadka ka dambeeya burburinta dhulkaas ay gacan saar la leeyihiin madaxweyne Farmaajo. Dhanka kale Cabdikariin Guuleed oo isna qoraal ka soo saaray arrintan ayaa cambaareyn kadib wixii dhacay ku tilmaamay mid madaxda dowladda ee waqtigu ka dhamaaday ay maanta dalka ku sagootinayaan burburinta goobihii lagu dhisaayay mustaqbalka jiilka Soomaaliyeed. “Burburinta iyo barakacinta goob waxbarasho ma’ahan talaabo sahlan oo lagu deg degi karo, inagoo og baahida waxbarasho ee ka jirta dalkeena. Iskuullaadku waxey kabbaan dowladnimada, xasiloonida iyo horumarka bulshada. Waa ayaan daro weyn in dowladdu muddo xilleedkeedii kusoo afmeerto burburinta goobihii lagu dhisaayay mustaqbalka dalka, waxeyna muujineysa fahamkooda gaaban ee ku aadan ahmiyadda ay waxbarashadu u leedahay ummad kasoo kabaneysa burbur iyo colaad. Dowladdu waxey heysatay fursado badan oo ay xal ku keeni kartay, iyadoo aan la isticmaalin dhaqankaan foosha xun,” ayuu yiri Cabdikariin Guuleed. Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo maanta warbaahinta kula hadlay gudaha dugsiga la burburiyey ee Hoyga Xamar ayaa raali gelin ka bixiyey wixii dhacay, isagoo sheegay in sarakiishii, ciidankii burburiyey dugsiga iyo cid kasta oo ku lug laheyd falkaas ay ku ciqaabi doonaan. “Aad iyo aad ayaa idinkaga raali gelinayaa wixii xalay dhacay, ma aheyn siyaasadda xafiisyada dowladda iyo tan boliiska toona, saraakiishii iyo ciidamadii howshaan fuliyey tallaabo sharci ah ayaa laga qaadayaa, waad maqli doontaan illaa berri subax tallabadaas, hadii Alle idmo,” ayuu yiri Taliye Xijaar. Abaaro 4:00 am ee xalay ayey ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya oo watay gaadiid dagaal iyo cagaf-cagaf waxay burburin ku bilaabeen dhismaha dugsiga Hooyga Xamar, xilligaas waxaa jiiftay caruur aad u badan oo wax ku barata halkaas, waxuuna dugsigan ka mid yahay dugsiyada ugu waaweyn dalka. Sharciyan dhulka uu ku yaallo dugsigan waxaa isla leh wasaaradda waxbarashada, taas oo sida ku cad dukumintiyo la soo bandhigay, kol hore u ogolaatay dugsiga Hooyga Xamar inuu sii deganaado dhismahan. 16-kii bishan Febraayo warqad ka soo baxday wasaaradda waxbarashada oo loo diray hey’adaha garsoorka dalka ayaa lagu amray joojinta boobka dhulkaas oo wasaaraddu ay cadeysay inay ku ogtahay dugsigan. Dhulkaan waxaa mudo dheer dadaal ugu jiray inay si hoose u iibsadaan ganacsato reer Muqdisho ah, kuwaas oo sida aan xogta ku helnay isku deyey inay ka faa’iideystaan inta aan lagu wareejin gacanta dowladda. Hoos ka eeg warqadii u dambeysay ee wasaarrada waxbarashadu ay ka soo saartay dhulkaas.
  11. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/02/Warka-Habeen-2622021.mp3 View the full article
  12. (SLT-Ceerigaabo)-Ciidamada millatariga Somaliland ee nabad ilaalinta u joogey deegaanka Dararweyne ee gobolka Sanaag, ayaa kasoo baxay fadhiisinnadii ay ku sugnaayeen, iyagoo dul degay magaalada Ceel-Afweyn. Ciidankan oo gadoodsan ayaa degay labada Kontarool ee magaalada Ceel-Afweyn. Taliska Milatariga Somaliland ee gobolka Sanaag ayaa isku dayay inay ciidanka ku qanciyaan inay ku noqdaan fadhiisinkoodii hore, balse way diideen. Sababta ciidanku u gadoodeen ayaa la sheegay in ay tahay xuquuqo ka maqan oo ay tirsanayaan. Maalmihii lasoo dhaafey waxaa isa soo taraayay wararka sheegaya in ciidanka Millatariga Somaliland ay gadoodsan yihiin, gaar ahaan kuwa ku sugan deegaannada Bariga Somaliland, sida kuwa jooga Tukaraq. Source
  13. Ciidamada qaranka Somaliland marna laga yeeli kari maayo in ay ku kacaan shoobaro keeni kara inay seddex shayba waxyeelaan, kuwaasi oo kala ah:- * Sumcada qaranka ay dhiigooda u hibeeyeen. * Xabad ay ku ridaan ama qori ay ku fiiqaan saraakiishooda. * Iyo inay dhexdooda is rasaaseeyaan. Hogaanka ciidanka qaranka isna ka yeeli mayno in uu dayaco naftood hurayaasha fadhiya dhufaysyada cadowga lagu horjoogo ama nabada dhexdeena ah lagu xoojinaayo, waxana haddii uu xilkaa gabo looga fadhiyaa Taliyaha guud ( Commander in chief). Qaranka ahna, madaxweynaha Somaliland, mudan Muuse Biixi Cabdi inuu degdeg wax uga qabto. Somaliland waxyaabaha sy.ku dhaanto deriskeeda waxa ugu horeeyay ciidan qaran oo kala danbeyn leh. Waxa qoray Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) Source
  14. (SLT-Istanbul)-Dowlada Turkiga ayaa ka shaqeynaysa sidii Soomaaliya iyo Kenya la isugu keeni lahaa miiska wada hadalka si loo xalliyo dacwada badda ee u dhexeysa labada dal, iyadoo dacwadan ay taallo Maxkamada Caalamiga ee Cadaaladda. Wasiirka Arimaha Dibada Mevlüt Çavusoglu uu booqan doono Kenya iyo Soomaaliya horaanta bisha soo socota halkaas oo la filayo inuu kula kulmo Madaxweyne Maxamed Farmaajo iyo Uhurro Kenyatta oo labaduba bilihii lasoo dhaafay xidhiidhkoodu aanu wanaagsanayn. Sida laga soo xigtay ilo xogogaal Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan wuxuu aad u daneynayaa in labada dal ay xal nabadeed ka gaaraan dacwadda badda oo ahayd isha ugu weyn ee khilaafaadka labada dal u dhexeeya. Ankara waxay u aragtaa inay ka faa’iideysaneyso xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya maadaama ay ganacsi kala dhexeyso labada dal waxayna u aragtaa inay yihiin aasaas ay ku xoojin karto saameyntooda kaliya mandiqadda Bariga iyo Geeska Afrika laakiin guud ahaan qaaradda. Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ayaa tuurtay codsigii Kenya ee bishii hore markii afaraad oo dib loo dhigo kiiska waxayna xukuntay inay dib u bilaabato 15-ka March Waxaa la filayaa inay soo gabagabeyso kiiska sannadkan oo ay soo saarto xukun kaas oo ah mid qasab ah oo aan rafcaan laga qaadan karin. Xidhiidhkii xumaa ee ka dhexeeyay Muqdisho iyo Nairobi toddobaadyadii la soo dhaafay oo arkay burburka xidhiidhka diblomaasiyadeed ayaa sidoo kale qeyb ka noqon doona ajendaha Çavusoglu ee gobolka. Labada dal waxaa ka dhaxeeyay xiriir aan wanaagsaneyn labadii sano ee la soo dhaafay taasoo ugu dambeysay burburkii xiriirkii bishii November ee la soo dhaafay. Soomaaliya waxay eriday safiirkii Kenya ee Soomaaliya Lucas Tumbo bishii Nofeembar waxayna laashay dhammaan shaqaalaha diblomaasiyadayda bartamihii Diseembar sababo la xiriira waxa maamulka Farmaajo ku sheegay faragelinta joogtada ah ee arrimaha gudaha dalkiisa. Madaxweyne Recep Tayyib Erdogan oo saameyn weyn ku yeeshay howlaha dib u dhiska Soomaaliya gaar ahaan dib u dhiska dhaqaalaha dalka iyo militariga ayaa isku dayay inuu ka dhex muuqdo quwadaha reer galbeedka oo ay ka mid yihiin Mareykanka, Midowga Yurub iyo UK oo iyagu gacan weyn ku hayey Geeska Afrika. Source
  15. Warar lagu kalsoon yahay oo Puntlandi.com hayaan, waxaa xilalka laga qaadayaa Taliyayaal Ciidan oo uu ugu horeeyo Fahad Yaasiin oo ah Taliyaha Mabadsugida NISA. Xogtu waxay sheegaysaa in Fahad Yaasiin lagu khasbayo inuu iska casilo Xilkaas, waxaa na Si kumeel gaar ah usii haynaya Ku xigeenkiisa ilaa Doorashadu ka dhacayso. Mucaaradka oo ay u horeeyaan Xasan Sheikh iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa Ku raacay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni soo jeedintiisii ahayd in lala xisaabtamo Taliyayaasha Ciidamada, Xilal kooxdaana loo dhiibo Dad la isku jøhalayn karo oo aan Siyaasada faraha kula jirin. Wararka hada Puntlandi.com soo gaaraya waxay sheegayaan in maalmaha soo socda isbadal lagu samayn doono Hogaamiyayaasha Ciidamada Dowlada Federaalka. Puntlandi.com Muqdisho The post Breaking News—Fahad Yaasiin oo laga qaadayo NISA, iyo Saraakiil kale oo xilalka laga qadayo appeared first on . Source
  16. Dhamaan hawlwadeenada iyo maamulka guud ee shabakada Qarannews waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhamaan reer Maxamed Cabdi Dheere meel kasta oo ay dunida ka joogaanba gudo iyo dibadba, anaga oo ka tacsiyadaynayna geerida naxdinta lahayd ee ku timid hooyadood marxuumad Xaawa Xasan Moxamed (Xaawa Xasan Gadhweyne) oo ku geeriyootay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland halkaasi oo maanta oo ay ahay 26/2/21, oo Jimce ah lagu aasay. Waxa aanu si gaar ah u tacsiyadaynaynaa Dr Yaasiin Mohamed Abdi, oo ay marxuumadu ahayd hooyadii Waxa aanu Ilahay uga baryaynaa in uu marxuumada uu janadii Fardawsa ka waraabiyo dhamaanteena uu samir iyo iimaan uu inaga siiyo. Aamiiin Qaran News
  17. Muqdisho (Caasimada Online)-Golaha Ammanka ee Qaramada Midoobey ayaa u codeeyay in howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM loo cusbooneysiiyo waqtiga, taas oo ka dhigay in ciidanka AMISOM ay sii joogeyso Soomaaliya sanado kale. Ciidankan nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM ayaa markii ugu horeysay dalka la keenay sanadkii 2007-dii. Sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay dowladda Ingiriiska dhammaan xubnaha Golaha Ammanka ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyey in waqtiga loo kordhiyo howlgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya. “Howlgalka Midowga Afrika ee UN-ku igmaday ee ku sugan Soomaaliya waxuu ka shaqeynayaa sidii loo dhisi lahaa awoodda ay Soomaaliya u leedahay nabadeeda iyo horumarkeeda,”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay QM. Waqtiga ay sharciga u heysteen inay sii joogaan Soomaaliya ayaa ku ekaa 28-ka bishan Febraayo, waxaana loogu hordhiyey hal sano. Ciidanka AMISOM ee hadda ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa gaaraya ku dhowaad 20,000 oo askari, waxayna ka kala socdaan dalalka Jabuuti, Kenya, Itoobiya, Uganda iyo Burundi. Sidoo kale ciidanka AMISOM waxaa qeyb ka ah boolis ka socda lix dal oo kala ah Zambia, Uganda, Ghana, Kenya, Nigeria iyo Sierra Leone dhamaan dalalkan oo ku yaalla qaaradda Afrika waxay ciidankan ugu deeqeen Soomaaliya, si nabad loogu soo dabaalo. AMISOM waxay taageero siisaa ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, waxayna koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ka howlgeleysay tan iyo 19-kii bishii Janaayo ee sanadkii 2007-dii. Waxaa xusid mudan in marar badan sidaan oo kale waqtiga ay sii joogayaan Soomaaliya loogu kordhiyey AMISOM, sababtuna waa in ciidanka xoogga Soomaaliya uusan u diyaarsaneyn inuu la wareego ammaanka dalka.
  18. Shalay waxay Mucaaradku ay heshiis la galeen Raysal wasaaraha KMG , Hrdhiidkaasoo fure u ah waxayaabihii ay tabanayeen Mucaaradka, Puntland iyo Jubbaland. Hadaba Dhankooda waxaa soo dhaweeyey Heshiiska Puntland iyo Jubbaland iyagoo dheegay inay rajaynayaan in Heshiisku uu fure u noqdo wadadaan u xaaro qaabkii Dalka Doorasho Xor ah oo nabadgalyo leh ay uga dhici lahayd. Waxay kaloo kula taliyeen Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey inuu qaybtiisa ka qaato isagoo ka fogaanaya waxwalba oo dib u dhac keeni kara. Labada Maamul waxay aad usoo dhaweeyeen Kaalinta uu qaatay Raysal wasaaruhu waxayna u mahad celiyeen Dadkii isku taxalujiyay Is afgaradkaan inuu dhaco uuna ku dhamaado Guul. Puntlandi.com Garowe The post Puntland iyo Jubbaland oo soo dhaweyey Heshiiskii shalay, Madaxweynihii horena ugu baaqay inuu appeared first on . Source
  19. Madaxweynaha jamhuuriyada federaalka soomalia ayaa kasoo jawaabay dhacdo ciidamo katirsan booliska soomaaliya ay ku bur buriyeen qeybta dhismaha xanaanada caruurta dugsiga hoyga xamar ee magaalada Muqdisho. Madaxweynaha ayaa usoo wakiishay taliyaha booliska soomaaliyeed inuu wax ka qabto dhacdada lagu beegsaday Hoyga Xamar oo ku yaala agagaarka madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim degmada Hodon ee gobolka Banaadir xubno kasocda daladda FPENS maamulka gobolka kan degmada Hodon oo kusoo baxay dhibaatada loo geystay dugsiga Hoyga Xamar ayaa ku tilmaamay wax laga xumado. taliyaha ciidamada booliska soomaaliyeed jeneraal Maxamed Xasan Xjaar oo tagay dugsiga Hoyga Xamar ayaa tilmaamay in wax laga qaban doono askartii katirsaneed booliska ee burburinta kula kacay dugsiga Hoyga Xamar isagoo sheegay in aan loo soo marin habraac sax ah. maamulaha dugsiyada hoyga xamar ustaad Shaacir ayaa ka mahad celiyay sida dowlada Federaalka Soomalia ay uga jawaabtay weerarkii gardarada ahaa ee lagu soo qaaday dhismaha dugsiga oo ah mid danguud ah. gudoomiyaha Cabdiraxmaan Dhageey ayaa soo dhaweeyay fal celinta Madaxweynaha iyo rai’isul wasaaraha iyo sidoo kale taliyaha booliska weerarkii lala beegsaday dugsiga hooyga xamar. View the full article
  20. United Nations Economic Commission for Africa (ECA) PRESS RELEASE UN forum unveils the wonders of artificial intelligence and other Science, Technology and Innovations for Africa The African Artificial Intelligence Research Centre is being designed to improve the current landscape of Artificial Intelligence research in Congo and in Africa BRAZZAVILLE, Congo (Republic of the), February 26, 2021/ — Africa could expand its economy by a staggering $1.5 trillion dollars, by capturing just 10% of the speedily growing artificial intelligence (AI) market, set to reach $15.7 trillion by 2030. Vera Songwe, UN Under-Secretary-General and Executive Secretary of the Economic Commission for Africa (ECA), made the argument Thursday. She was addressing several ministers and other participants at the third Africa Regional Science, Technology and Innovation Forum (ARSTI2021), through the Director of the Technology, Climate Change and Natural Resource Development Division of ECA, Jean Paul Adam. “AI growth can help in creating additional high value and decent jobs, diminish poverty, increase the productivity of firms, preserve the environment and foster better living conditions,” she added. “Research has shown that AI has the potential to solve some of the most pressing challenges facing Africa and drive sustainable development in agriculture, health, infrastructure, financial and public services and climate change,” Songwe maintained. ECA’s Executive Secretary said the Republic of Congo, which is hosting the Forum in situ in Brazzaville and online, finds itself in a special subregion, blessed with natural capital, such as huge forests. However, these forests have been disproportionately depleted, in comparison to those of other parts of the world, partly due to climate change. Artificial intelligence, she argued, could enhance already existing technologies which have been used to tackle COVID-19, to solve such climate change problems. The imminent creation of an African Artificial Intelligence Research Centre in Brazzaville, Congo, with support from ECA, could give momentum to this new movement in Africa. Léon Juste Ibombo, Congo’s Minister of Posts, Telecommunications and Digital Economy, praised ECA for its background work towards establishing the Centre, which, he said, “demonstrates Africa is innovative and uninhibited.” The Centre is being designed to improve the current landscape of Artificial Intelligence research in Congo and in Africa in general, to orient the use of AI to foster economic and social development, while promoting close collaboration between academia and the industrial sector in AI and robotics across Africa. According to Shamila Nair-Bedouelle, UNESCO’s Assistant Director-General for Natural Sciences, it is such investments and strong partnerships for capacity building in science, technology and innovation which would accelerate the implementation of the Sustainable Development Goals (SDGs) in Africa. “Innovation cannot be decreed; it is planned and designed!” enthused Arlette Soudan-Nonault, Minister of Tourism and Environment of the Congo. “Africa therefore has no excuse to be absent from the big rendezvous of innovation, which defines the 21st century,” she warned, adding that university dons, economists and, industrialists must come together to lead today’s leaners into this exciting world. In such a world, “the STI that we teach will determine what our continent will become,” echoed – Amon Murwira, Minister of Higher and Tertiary Education, Innovation, Science and Technology Development, Zimbabwe. “Our industry must emerge from our classrooms and laboratories,” supported by the correct educational system design and framework which no longer teaches students about “where they get things but how to make things,” he insisted, as he cited his country’s ‘Education 5.0’ philosophy. The philosophy is sequenced on (i) teaching, (ii) research, (iii) community outreach, (iv) innovation and (v) industrialisation. It is therefore up to Africa to take up this challenge of rapidly improving investments and attention to STIs, hinged upon its endowments in nature and biodiversity – “our surest guarantee” – said Parfait Aimé Coussoud Mavoungou, Minister of Scientific Research and Technological Innovation of Congo, and incoming Chair of the Forum. ARSTI2021 features several debates and breakout sessions to follow-up and review of progress made since the first two sessions of 2109 and 2020. It has also featured an innovation bootcamp for young Africans, both in person in Brazzaville and connecting from across the continent and affording them an opportunity to develop projects using skills they have learnt in relation to robotics and AI, as well as access to 3D printing technologies. By the time the Forum rounds off on Friday, it would have identified potential mechanisms and measures that African countries could deploy to leverage STIs for achieving the Sustainable Development Goals and the Aspirations of Agenda 2063. Distributed by APO Group on behalf of United Nations Economic Commission for Africa (ECA). View multimedia content SOURCE United Nations Economic Commission for Africa (ECA) Qaran News
  21. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo qoraallo isku eg ka soo saaray heshiiskii ay xalay Muqdisho ku gaareen golaha midowga musharaxiinta iyo xukuumadda xil-gaarsiinta ayaa soo dhaweeyey tallaabadaas, iyagoo xukuumadda ugu baaqay inay dhameystirto wax ka qabashada caqabadaha kale ee ku xeeran qabsoomidda shir wadatashi ah. Puntland ayaa dowladda federaalka ku amaantay inay garawsatay mas’uuliyadda wixii ka dhacay Jimcihii hore, isla markaana ay ogolaatay in lagu sameeyo baaritaan madax-banaan. “Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa heshiishka ay wada gareen Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Murashaxiinta xalay oo tariikhdu ahayd 25 Feb 2021, sidoo kalena waxay soo dhawaynaysaa in DFS ay garawsatay masuuliyadda wixii ka dhacay Mogadishu, 19kii Feb, ayna ogolaatay in baaritaan madax banaan lagu sameeyo,” ayey tiri Puntland. Qoraalka Puntland ayaa intaas ku sii daray, “Dowladda Puntland waxay ka rajaynaysaa Dowladda Federaalka ah dhameystirka wax ka qabashada caqabadaha kale ee ku xeeran qabashada shir wadatashi ah oo loo dhan yahay oo lagu dhameystirayo arrimaha muranku ka jiray, si ay u abuuranto jawi qabsoomidda doorasho ku dhacda si nabad ah, wadar ogol ah, waafaqsanna heshiiskii 17 September, habraacyadii lagu heshiiyey iyo Dastuurka ku meel gaar ka ah.” Dhanka kale Jubbaland oo aan ka qoraal duwaneyn Pubtland ayaa ugu horeyn tiri, “Dowladda Jubaland waxay soo dhaweynaysaa heshiishka dhex maray Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Murashaxiinta ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.” Sidoo kale Jubbaland ayaa qoraalkan ku sheegtay in dowladda federaalka ay ka rajeyneyso inay wax ka bedesho hanaanka ay ula dhaqmayso musharaxiinta mucaaradka, isla markaana loo baahan yahay in ay la imaato xal la xiriira caqabadaha kale ee ku xeeran qabashada shir wadatashi ah oo loo dhanyahay. Shirakaas oo lagu dhameystirayo “Arrimaha muranku ka jiray si ay u abuuranto jawi qabsoomidda doorasho ku dhacda si nabad ah oo wadar ogol ah taas oo waafaqsan heshiiskii 17 September habraacyadii lagu heshiiyey iyo Dhuruucda dalka.” Ugu dambeyntii qoraalka ka soo baxay madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu yiri, “Jubaland waxaay ugu baaqaysa Dowlada Federaalka ah inay garowsato in saamileeyda Siyaasada iyo musharaxiinta ay xaq u leeyahiin ka qeyb galka daadalada socda ee la xiriira go’aan ka gaarista hanaanka Doorashada.” Shir gelinkii dambe ee shalay ka furmay Hotelka Decale ee magaalada Muqdisho ayaa xalay lagu kala saxiixday lix qodob oo heshiis looga gaaray rabshadihii Muqdisho ka dhacay 19-kii bishan iyo banaanbaxyadii ay dowladdu diiday, mucaaradkuna doonayeen inay qabtaan maanta. Shirkaas waxuu u dhaxeeyay Ra’iisul wasaare Rooble, Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabelle iyo duqa Muqdisho oo dhinac ah iyo golaha midowga musharraxiinta Soomaaliya, waxaana guddi ka kooban lix xubnood oo kala metelaya labada dhinac loo saaray baaritaanka wixii dhacay Jimcihii hore. Sidoo kale Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa qoraal maanta ka soo baxay xafiiskiisa ku soo dhaweeyey heshiiskii ay xalay kala saxiixdeen madaxda mucaaradka iyo ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta.
  22. Jubaland ayaa soo dhawaysay heshiishka dhexmaray Dowladda Federaalka ah iyo Midowga Murashaxiinta ee ka dhacay magaalada Muqdisho. Jubaland waxay ka dalbatay Dowladda Federaalka in ay wax ka badasho qaabka ay ula dhaqanto musharaxiinta iyo in ay qabato shir wadatashi ah oo loo dhan yahay oo waafaqsan heshiiskii 17 September 2020. Qoraal ka soo baxay madaxyooyada Jubaland ayaa lagu yiri “Jubaland waxay ka rajaynaysaa Dowladda Federaalka ah inay wax ka badasho qaabka ay ula dhaqmayso musharaxiinta mucaaradka iyadoo loo baahan yahay in ay la imaato xal la xiriira caqabadaha kale ee ku xeeran qabashada shir wadatashi ah oo loo dhan yahay oo lagu dhameystirayo arrimaha muranku ka jiray si ay u abuuranto jawi qabsoomidda doorasho ku dhacda si nabad ah oo wadar ogol ah taas oo waafaqsan heshiiskii 17 September habraacyadii lagu heshiiyey iyo Dhuruucda dalka”. Jubaland ayaa ugu baaqday Dowlada Federaalka in ay garowsato in saamileeyda siyaasada iyo musharaxiinta ay xaq u leeyahiin ka qeyb galka daadalada socda ee la xiriira go’aan ka gaarista hanaanka doorashada. “Jubaland waxay ugu baaqaysa Dowlada Federaalka ah in ay garowsato in saamileeyda siyaasada iyo musharaxiinta ay xaq u leeyahiin ka qeyb galka daadalada socda ee la xiriira go’aan ka gaarista hanaanka doorashada” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka Jubaland. PUNTLAND POST The post Jubaland maxay ka tiri heshiiskii Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka? appeared first on Puntland Post.
  23. Mogadishu (HOL) - Somalia's Police Commissioner, Major General Abdi Hassan Mohamed Hijaar, has called the destruction of a shelter school by government forces in Mogadishu's city centre "illegal." Source: Hiiraan Online